25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Waa kuma Ilyaas Gaboose, Senator-ka u guuleystay kooxda is-beddal-doonka?

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee la doortay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid.

Ilyaas waxaa uu sidoo kale noqonayaa xubin ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah Nabad iyo Nolol.

Haddaba, waa kuma Goboose?

Ilyaas Badal Gaboose , waa shakhsi aad ugu dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,  oo in muddo ah waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha iyo gacantiisa mudig.

Waxaa uu Kismaayo ku dhashay 1963-dii, hoose dhexe waxaa uu ku bartay Kismaayo halka sare uu ku dhameeyey Xamar ilaa jaamacad ku dhigtay deeq waxbarasho.

Shaqo ahaan, dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ay ka dhigtay guddoomiya Jubada hoose, waxaa uuna muddadii dambe ahaa ganacsade iyo nin weyn galangal ugu leh arrimaha siyaasadda Jubbaland iyo la taliyaha madaxweyne Madoobe.

Mar uu maanta la hadlay baaralamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo wax ka badalka nolosha iyo soo celinta qarannimada, in reer Jubbalabd dib u heshiisiin loo furo, keenista xuquuqaha ka maqan xildhibaannada Jubbaland iyo arrimaha amniga.

Waxaa sidoo kale baxay, oo markii 2-aad Senatornimo ku guuleystay Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah nabad iyo nolol iyo madaxweyne Farmaajo.

Waa kuma Fartaag?

Senator  Cabdullahi Fartaag oo sidoo kale Jubaland matalayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay, kana tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah, waxaa ahaa dadkii ugu cadcadaa ee mucaardka ku ahaa Farmaajo isaga oo xataa May 10, 2020-kii loo diiday inuu u safro Kismaayo.

Haddalada Senatorka waxaa ka mid ahaa” Madaxweynaha Iyo kooxdiisa iyaga ayaa isku soo koobay talada dalka.”

Senator Fartaag ayaa sidoo kale ka mid ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan sheikh Maxamuud, isagoo sidoo kale ah xubin fir fircoon oo ka tirsan isbadal doonka 2021.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye

Qoys degganaa magaalada Ceelwaaq oo gurigooda lagu qarxiyey + Khasaaraha

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac intaba.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay guri ku yaalla gudaha magaaladaasi, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay dad isku qoys ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhimatay Hooyada reerka, sidoo kalena ay dhaawacmeen wiil ay dhashay iyo sidoo kale Seygeeda.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qaraxaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray dadkaasi shacabka ah, islamarkaana ahaa isku qoys.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuw ammaanka oo gurmad u fidiyey qoyska ay waxyeelada kasoo gaartay miinada kula qarxday gurigooda.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee ka howl-gala degmada Ceelwaaq.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana sidoo kale dadka ay dhaawacyada soo gaareen la geeyey goobaha caafimaadka ee magaaladaasi.

Ceelwaaq ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo inta badan howl-gallo ballaaran ka sameeya gudaha degmadaas oo dhacda koonfurta dalka.

Aqriso Magacyada: Farmaajo oo dallacsiiyey 174 sarkaal balse ka reebay ciidankii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weli wada ka aargudashada saraakiishii hoggaamineysay ciidankii ka horyimid damaciisii muddo kororsiga, kuwaas oo gudaha u soo galay caasimadda.

Caasimada Online ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo uu dhawaan soo saaray dikreeto uu ku dalacsiiyey 174-sarkaal oo ka tirsan militeriga Soomaaliya, kuwaas oo sida la sheegay ah intii ku qanacsaneed in Farmaajo mudada kororsado.

Hase yeeshee waxaa liiskaan laga dhowray oo aan la dalacsiin dhammaan saraakiishii ciidanka xoogga dalka ee ka soo muuqatay halgankii loogu magac daray ‘Badbaado Qaran’ kaas oo looga hor tegay mudo kororsi laba sano ahaa oo qaar ka mid ah xildhibaanadii waqtigu ka dhamaaday ay 12-kii bishii Abriil u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

Dalacsiintani waxay u muuqataa in Farmaajo uu uga aar gudanayo saraakiishii awooda ciidan uga hor timid mudo kororsigiisa.

Caasimada Online ayaa heshay warqad shan bog ah oo ka soo baxday xafiiska Farmaajo, taas oo ay ku qoran yihiin magacyada 174 sarkaal oo la dalacsiiyey, waxaana dikreetadaan lagu faray Taliyaha Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage in dalacsiintaan lagu abaalmariyey saraakiisha liiskaan ku xusan uu dhaqan geliyo.

Tallaabadaan waxay burisay heshiiskii ay horay u gaareen saraakiishii iyo siyaasiyiintii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo dhigayey in ciidanka aan loo kala eexan oo aan laga aar gudan ciidanka iyo saraakiisha Badbaado Qaran ee ka hor yimid damacii Farmaajo ee mudo kororsiga.

Ciidanka ay hoggaamiyaan saraakiisha laga reebay dalacsiintaan waa kuwa Al-Shabaab kula dagaalama gobollada ku hareereysan caasimadda Muqdisho ee Shabeellooyinka.

Hoos ka eeg liiska 174-ka sarkaal ee Farmaajo dalacsiiyey

Muxuu yahay khilaafka la xiriira Soomaaliya ee ka dhex qarxay dowlada Mareykanka?

Washington (Caasimada Online) – Sharci-dejiyayaasha ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga iyo maamulka Biden ayaa waxaa ka dhex-qarxay khilaaf salka ku haya Soomaaliya, iyo sharciyadda uu maamulka weerar uga fulin karo Soomaaliya.

Xubnahan, oo aad uga horyimid duqeymihii ugu dambeeyey ee uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, ayaa ku dooday in ficillada maamulka Biden ay wiiqayaan ballan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa inuu beddeli doono ruqsadaha dagaalka ee waqtigoodu dhacay. 

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka, oo Soomaaliya ku beegsata kooxda Al-Qacida bah-wadaagta la ah ee Al-Shabaab, ayaa weerarkii ugu dambeeyey ugu cudur daaratay adeegsiga ruqsadda AUMF oo lasoo saaray 2001-dii, taasi oo lagu weerari karo kooxaha ka dambeeyey weerarkii Mareykanka lagu qaaday September 11, 2001.

Dimoqraadiga oo mar kasta ku dooda in ruqsadda 2001 aan lagu dabaqi karin weeraro dhacaya 20 sano kadib, ayaa sheegay in maamulka Biden uusan haysan ogolaansho uu ku weeraro Soomaaliya. 

“Waxa kooxda Biden ay sameynayaan ayaa la mid ah wixii aan ku aragnay saddexdii maamul ee ka horreeyey, hase yeeshee, aniga ahaan ilama waafaqsana ujeedooyinka Congress-ka,” waxaa sidaas yiri Senator Ben Cardin oo laga soo doorto gobolka Maryland, sidoo kalena xubin ka ah guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka. 

“Waxay ila tahay in madaxweyne Biden ay tahay inuu soo codsado ruqsad cusub oo uu ku adeegsado awood militari, islamarkaana uu aqoonsado ruqasadda 2001 ay tahay in la baabi’iyo,” ayuu ku daray.

Senator Tim Kaine oo laga soo doorto gobolka Virginia, oo Aqalka Cad kala shaqeynayey in la beddelo ruqsadda 2001 ee AUMF, lana soo saaro mid la jaanqaadi karta halista argagixiso ee xilliga, ayaa maamulka Biden ku booriyey inuu Congress-ka si deg deg ah ugu wargeliyo “ujeedooyinkiisa ka hortagga argagixisada iyo halisaha iminka.”

“Ma helin wax akhbaaraad ah oo soo jeedinaya in weeraradan ay lagama maarmaan u yihiin badbaadinta shaqaalaha Mareykanka, waxaana jeclaan lahaa inaan fahmo, haddii aysan sidaas jirin, waxa loo fulinayo,” ayuu yiri Kane.

Senator Chris Murphy oo isna laga soo doorto gobolka Connecticut ayaa yiri “Haddii aad weerareyso Soomaaliya, u imow congress-ka, oo hel ogolaansho. Haddii aad dooneyso inaad ku lug yeelato dagaallada Soomaaliya ee shanta sano ee soo socda, noo imow oo noo sharax sababta ay lagama maarmaan u tahay, oo naga hel ogolaansho.”

“Tani waa tusaale qaldan oo halis ah oo uu dejinayo maamulka,” ayuu yiri Murphy oo sidoo kale xubin ka ah guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka.   

Maamulka Biden ayaa Jimcihii lasoo dhaafay Soomaaliya ka fuliyey weerarkii labaad ee toddobaad gudihiisa ah kadib lix bilood oo uusan wax weerar ah ka fulin dalka. Labada weerar ayaa waxaa ansixiyey Jeneral Stephen Townsend, oo ah madaxda taliska ciidamada AFRICOM.

Dhinaca kale, xubnaha Jamhuuriga ayaa taageeray oo bogaadiyey duqeymaha uu fuliyey maamulka Biden. Jamhuuriga ayaa mar kasta u ololeeya in la ballaariyo awoodaha dagaalka ee madaxweynaha. 

“Uma maleynayo in madaxweynaha uu baahan yahay sharci uu meel-mariyo Congress-ka si uu beegsado argagixiso halis kusoo rogeysa Mareykanka, meesha ay doonaan dunida ha ka joogaan’e,” waxaa sidaas yiri Senator Marco Rubio oo laga soo doorto Florida, ahna guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka. 

KENYA oo war lama filaan ah kasoo saartay ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda dalka Kenya ayaa war cusub ka soo saartay ciidamadeeda ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ee jooga ee Soomaaliya, maadaama la gaaray xilligii bixitaankooda ee ay horay u shaacisay Qaramada Midoobay.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca wadanka Kenya Gen. Robert Kibochi oo wareysi siiyey Telefishinka dalkaasi ee KBC ayaa shaaca ka qaaday in haatan ciidamadooda aysan ka bixi doonin gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay sii caawinayaan Ciidamada Xoogga dalka.

Kibochi ayaa sababta ku sheegay in weli Soomaaliya ay ka jirto xasilooni darro, ayna sii wadayaan ciidamadooda howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intii ay ka howl-galayeen Soomaaliya ciidamada Kenya ay guullo waa weyn gaareen, isla-markaana haddii ay ka baxayaan ay khasaarayaan guulihii ay horey u gaareen, sida uu hadalka u dhigay taliyaha guud ee ciidamada wadanka Kenya.

“Waxaan guulo ku gaarnay howlgalkeena Soomaaliya kama bixi karno in xaalladu deggan tahay maahane hadii kale guulihii aan gaarnay waa ay khasaarayaan” ayuu yiri taliyuhu.

Dhinaca kale wuxuu hadalkan kusoo aadayaa, iyada oo Ururka Midowga Yurub (EU) iyo la-howl-galayaashooda caalamiga ah ay in ka badan kala bar dhimeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamada Kenya ee Soomaaliya u jooga la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.

Dhimista dhaqaalaha uu ku sameeyay Midowga Yurub ayaa waxaa loo sababeeyey qiyaano ay sameysay dowladda Kenya oo la sheegay qaar kamid ah ciidamadeeda ay si qarsoodi ah ugala baxdaygudaha  Soomaaliya, balse weli lacag uga qaadaneysa Ururka Midowga Yurub.

Si kastaba Golaha ammnka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii March ee 2020-kii, meel-mariyay qaraar ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM uga baxayaan Soomaaliya bisha Decembar 2021, iyaga oo shaaciyey in amniga ay la wareegayaan ciidanka Xoogga dalka.

Xog: Axmed Madoobe oo Macalimuu ka bixiyay lacag looga haystay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa guddoomiyihii gobolka Gedo Cusman Nuur Xaaji oo caan ku ah magaca Macalimuu ka bixiyey lacag in lagu yeesho ay mas’uul ka aheyd intii uu ku sugnaa Muqdisho. 

Macalimuu ayaa horaantii toddobaadkan ka baxay magaalada Muqdisho kadib toddoba bil oo u uku xanibnaa, isaga oo sheegay inay NISA u diiday inuu ka dhoofo garoonka Aadan Cadde.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in hoteel ay dejisay dowladda Soomaaliya uu guddoomiye Macalimuu ku sheegtay lacag ku dhow 30 kun, kadibna ay diiday Villa Somalia in ay lacagtaas ka bixiso Macalimuu oo mar ay saaxiibo ahaayeen. 

Sida aan xogta ku helnay, Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa codsi u dirsaday Axmed Madoobe isagoo ka raali geliyay weerarkii uu ku qaaday maamulkiisa Gedo iyo hadallo uu ku duray, waxa uuna u ballan qaaday in uu gacantiisa soo gelin doono doorashada Garbahaareey. 

Macalimuu ayaa Axmed Madoobe ka codsaday in uu ka bixiyo lacagtaas islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii uu Muqdisho kaga bixi lahaa. Maamulka hoteelkii daganaa guddoomiye Macalimuu ayaa dhankooda qiimo dhimis weyn u sameeyay guddoomiyaha maadaama ay muddo sugayeen lacagtooda. 

Villa Somalia ayaa diiday bixinta lacagta hoteelka oo ay markii hore ay iyadu dejisay balse kadib ay  khilaafeen Macalimuu 

Cusmaan Nuur Xaaji ayaa gobalka Gedo ka sheegay in soo bixitaankiisa uu door weyn ku lahaa Madaxweyne Axmed Madoobe wixii markaas ka dambeeyana uu maamulka Gedo hoos tagi doono Maamulka Jubaland, isagoo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Farmaajo. 

Suldaanka Mareexaan oo Hawiye u diray farriin la xiriita madaxweynaha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Bayle Cumar Daad, oo ah Suldaanka beesha Mareexaan oo Madaxwayne Farmaajo uu ka dhashay, ayaa eedeyn badan kadib Farmaajo kula taliyey inuu isaga tago dalkaan iyo dadkaan uu godobta ka galay, oo mar dambe uusan isku soo sharaxin xilka.

Suldaan Beyle ayaa sidoo kale fariin u diray beelaha Hawiye, isagoo ka dalbaday inay la yimaadaan nin fiican oo madaxweyne Soomaaliyeed u qalma, waxuuna balan qaaday in beelaha Daarood ay Hawiye u gudi doonaan abaalkii ay u galeen markii ay la soo dhaweeyeen Farmaajo.

Suldaanka ayaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku eedeeyey in afartii sano ee xukunka uu joogay uu dhammaan umadda Soomaaliyeed la galay dagaal aan dhamaad laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Si gaar ah Suldaan Beyle waxa uu soo tiriyey magacyada 8-sarkaal oo Farmaajo ay isku heyb yihiin, kuwaas oo uu sheegay in shir qool si yaabo kala duwan loogu dhigay, kadib mudo ay la shaqeeyeen nidaamka Farmaajo.

“Farmaajow wax badan ayaan kula hadlay, waan kula tali jiray waana kula shaqeyn jiray, laakiin meel aan wax lagaala qaban karin ayey maanta mareysaa, umadda Soomaaliyeed waxaad la gashay dagaal aan dhamaad laheyn, ni dagaal ooge ahna cidna madax kama dhigan karto, waxaad kala dishay beeshii aad ka dhalatay ee Mareexaan, waxaad si gaar ah ugu hiilisaa Jufadaada, intii kalena dagaal ayaad ku heysaa, 8-Korneyl oo mid mid aan kuugu soo tirinayo ayaa amarkaaga lagu dilay,” ayuu Suldaanka Mareexaan Suldaan Bayle Cumar.

Sidoo kale Suldaankaan waxa uu kul cel-celiyey in Farmaajo uusan madaxweynaha Soomaaliya noqon karin, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii meesha looga wareejin lahaa.

“Farmaajow weli kaas abri maayee waxaan ku leeyahay inta aysan lacagtu kaa dhamaan, oo doorasho aadan isku soo taagin lacagtaada badbaadso, cid ku dooraneysa malahan, fadlan lacagtaada qaado isaga bax Soomaliya, umadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaan waxaa u baahanahay madaxweyne runlow ah, Farmaajo mid maaha Jufadiisa ayaa ka cabaadeysa,” ayuu yiri Suldaan Beyle.

Suldaanka oo si gaar ah fariin ugu diray beesha Hawiye ayaa yiri, “Beesha Hawiye oo hormuudka Soomaaliya ah oo Muqdisho noo fadhisa waxaan idin leenahay Farmaajo teg, ee adinka waxaan idinka rabnaa inaad keentaan nin u qalma madaxweyne, oo abaalkii aad shalay noo gasheen markii aad nala soo dhaweyseen Farmaajo aan idiin gudno, oo aan idinla soo dhaweyno oo aan la shaqeyno.”

Hoos ka Daawo

DF Soomaaliya oo shaacisay inay howlgal culus ku dishay 30 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal qorsheysan oo saaka ciidamada milatariga ay ka fuliyeen duleedka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha dalka.

Qoraal ka soo baxay taliska Ciidamada Xoogga dalka oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkan oo ka dhacay Ceelbacad lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyey.

Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in howl-galka ay qaadeen ciidamada lagu dilay ugu yaraan 30 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale taliska ayaa tilmaamay in howl-galkaasi oo ahaa mid ballaaran ay ka qeyb-qaateen shacabka deegaanka, taas oo keentay ‘jabka xoogan’ ee la gaarsiiyey Shabaab.

Ciidanka XDS iyo shacabka ku dhaqan Degmada Buulabarde oo iskaashanaya ayaa waxay weerar ku qaaden kooxda Nabad diidka Alshabab oo ku sugnaa degaanka Ceelbacad oo dhanka bari kaga beegan degmada Buulabarde, Ciidanka ayaa halkaas ku dilay 30 dagaalyahan,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa agagaarka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab ee ku aadan howl-galkaas ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyey sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare ee maanta ka dhaceysa Kismayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeyey ee ku aadan doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, taas oo saacadaha soo socda ka dhaceyso magaaladaasi.

Xildhibaanada Jubbaland, xubnaha guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo heer federaal ayaa ku sii qul-qulaya goobta ay ka dhaceyso doorashada Senetarada cusub.

Illaa sagaal xubnood ayaa ku tartamaya doorashadan, kuwaas oo u sharraxan afar kursi oo ka mid seddeeda Senator ee Aqalka Sare ka soo galaya dhinaca maamulka Jubbaland.

Musharraxiinta sagaalka ah oo ay mid ka mid ah tahay Haweeney ayaa sidoo kale khudbadahooda maanta u jeedin doono golaha wakiilada Jubbaland, kadibna waxaa bilaabaneysa codeyta doorashada, si loo soo xulo Senatorada cusub ee Jubbaland.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana magaalada iyo koonaheeda ku sugan ciidamada ammaanka oo wada howl-gallo amniga lagu xaqiijinayo.

Jubbaland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maamullada kale ee ka jira dalka ayaa sidoo kale looga fadhiyaa inay dadajiyaan qabashada doorashada, maadaama uu jiro dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada ee Aqalka Sare

Si kastaba, doorashada Soomaaliya ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana ugu dambeyn heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Sanatorkii ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee 2021 oo lagu doortay Kismaayo + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, waxaana doorashada goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartmaya illaa sagaal musharrax oo mid ka mid ah ay tahay gabar, kuwaas oo ku loolamaya afar ka mid ah sideeda Senator ee ay Jubbaland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa musharixiintii horey loo shaaciyey uusan ka qeyb gelin tartanka doorashada ka dhacday Kismaayo.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey in musharrax Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 cod, halka Iyaas Bedal Gabboose uu helay 55 cod, waxaana sidaas uu ku noqday Senatorkii 1-aad ee loo doortay Aqalka Sare.

Ilyaas Bedal Gabboose ayaa horey u soo noqday guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Sidoo kale waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada saddexda kursi ee kale, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Doorashadan waxaa goobjoog ah guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal iyo sidoo kale kan xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Jubbaland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska hanti-dhowrka oo lacagta ka dhimay maamulka gobolka Banaadir + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranka ayaa wasiirka maaliyadda Soomaaliya lagu faray inuu hakiyo lacagta boqolleyda ah ee la siiyo hey’ado ka mid yihiin, Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Bangiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, halka la faray inuu dhimo lacagta ay boqoleyda ah ee wasaaraddu siiso Bangiga Dhexe ee dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

“Sida aad la socoto miisaaniyadda Soomaaliya waxan ay isugu jirtaa deeq dibedda ka timaada iyo dakhliga gudaha oo soo kobcaya, balse aan weli gaarin heer la isku haleyn karo inuu daboolo ama looga maarmo deeqaha dibedda. lyadoo la tixgelinaayo beekhaaminta  miisaaniyadda dowladda, lana hubinaayo in inta yar ee ku jirta gacanta dowladda loo isticmaalo adeegyada muhiimka u ah nolosha muwaadinka iyo kobcinta awoodda dowladnimada, ayaa waxaan kugu wargelinayaan in laga billaabo 1-da Agoosto, 2021. La hakiyo bixinta lacagta boqolleyda  ah ee la siiyo.”

1 – Bangiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya.
2 – Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Sidoo kale warqadaan ka soo baxday xafiiska hantidhowraha guud ee dowladda ayaa wasaaradda maaliyadda looga dalbaday inay dhinto bixinta lacagta boqoleyda ah ee la siiyo Bangiga Dhexe maamulka gobolka Banaadir, waxaana loo kala qorsheeyey.

1 – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in laga dhigo lacagta la siiyo boqolkiiba  hal barkiis (0.5%)
2 – Maamulka Gobolka Banaadir in laga dhigo lacagta la siiyo boqolkiiba  Toban (10%).

“Arrintaan ayaa dib u qiimeyn lagu sameyn doona, iyadoo talo ay kasoo saari doonaan hey’adaha dowladda Soomaaliye eek u shaqada leh. Sidaas darteed waxaan ka rajeynayaa wasaaradda maaliyadda in arrinkaan la dhaqan geliyo, lana fuliyo,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska hantidhowraha oo ku socday wasiirka maaliyadda.

Guddoomiyaha baarlamanka HirShabelle oo is-hortaagay doorashada kadib markii DF ay diiday baasabooro

Jowhar (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo kala duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa hakiyay magacaabida xubnaha guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sababta uu Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan u hakiyay soo magacaabidda guddigaas ayaa la sheegayaa inay la xiriirto baasaboorka Diblomaasiga oo loo diiday xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle.

Sida aan xogta ku heleyno guddoomiyaha oo ka xarooday tallaabadaas ayaa uga jawaabay tallaabadaan uu ku diidan yahay inuu soo magacaabo guddiga doorashada xubnaha Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay HirShabeelle.

Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka ayaa weli laga sugayaa inay soo magacaabaan guddiyo xildhibaano ah oo qaban doona doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Horay waxaa guddiyadaan u soo magacaabay guddoomiyeyaasha baarlamaanada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Waxaana lagu wadaa in doorashada Aqalka Sare uu berri bilaabo dowlad goboleedka Jubbaland.

Xog: Fartaag iyo Iftiin Xasan Baasto oo lala tartansiinayo darawal gaari iyo seedi

Kismaayo (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Jubaland uu Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftiin Xasan Baasto u madax baneeyay inay keensadaan xubno la tartama oo ay ku kalsoon yihiin. 

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Senator Fartaag uu keensaday darwalkii gaarigiisa, halka Senator Iftiin Xasan Baasto uu keensaday wiil la dhashay xaaskiisa, kaas oo uu Senator-ka u diray waxbarasho dibadda ah. 

Maxamed Cumar Geedi oo ka tirsanaa Golihii Wasiirada ee dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haddana ku sugan Kismaayo islamarkaana kamid ah dadkii doonayay in ay la tartamaan Iftiin Xasan Baasto ayaa xaqiijiyay in uu keensaday seedigiis. 

“Iftiin Baasto waxaa la tartamaya seedigiisa Yacquub Ibraahim Ismaaciil, oo la dhashay xaaskiisa Khadiijo Ibraahim Ismaaciil, waana cadaalad darro weyn,” ayuu u sheegay warbaahinta Muqdisho. 

Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaa Caasimada Online u sheegay in Senator Fartaag uu isagana keensaday darwalkii u waday gaarigiisa. 

Labadaan masuul ayaa safka hore kaga jiray shaqsiyaadkii Axmed Madoobe ku garab siiyay dagaalkii adkaa uu la galay madaxweyne Farmaajo, waxaana xusid mudan in Fartaag ay isku beel yihiin madaxweynaha.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kaga duwan midda golaha shacabka in madax goboleeedyada ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda musharax noqoneysa. 

Daawo: “Wiilkeena saldhiga Howlwadaag lagu dhex dilay, kabahiisa ayaana lagu aasay”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada marxuum Cabdishakuur Muxiyadiin Iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wiilkooda lagu dhex dilay saldhiga Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, kadibna laga qaatay hantidiisi gaarka aheyd.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay in markii hore uu Taliyaha saldhiga Howl-wadaag uu xabsiga dhigay Cabdishakuur Iimaan, markii dambena uu ku dhex dilay, ayada oo macal kabihiisi lala aasay, sida ay sheegen.

“Wiil shaqeysanaya oo Bajaaj wata inta lasoo qabto oo meel amni ah la keeno oo ku dhinto, anaga oo Xamar buuxna haddana la qaado oo duugo wax la aqbali karo maaha. Hay’addaha uu khuseeyo waxaa ka codsaneyna in arrinkaas gacan bir ah ku qabtaan,” ayuu yiri mid kamid ah Ehellada marxuumka ee la hadlay warbaahinta.

“Waxaa codsaneyna in cadaalad uu helo (Cabdishakuur), waxaa ka rabaa dhamaan hay’addaha ay khuseyso oo uu ugu sareeyo Taliye Xijaar in cadaalad la imarsiiyo, waan idinka sugaa, waxaan idinka rabnaa in cadaalada iisoo de-dejisaan ama dhahdaan wax cadaalad ah idinma hayno.”

Sidoo kale waxay sheegen in Cabdishakuur si sharci daro ah ay usoo qabteen ciidan ka tirsan saldhiga Howl-wadaag, xili uu ku shaqeysanayay Bajaajtiisa, islamarkaana lagu dhex dilay saldhigaas, ayada oo mas’uuliyada dilkaas dusha u saaray saraakiisha sare ee saldhiga Howl-wadaag.

Caasimada Online, si madax-banaan uma xaqiijin karto qaabka uu u dhacay dilka Cabdishakuur iyo cida ka dambeysay, marka laga imaado xogta ay bixiyeen ehellada marxuumka.

Hoos ka daawo muuqaalka

ROOBLE oo kulan deg deg ah la qaatay guddigii ka hor-yimid liiska Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Guddiga uu dhawaan u magacaabay u ololeynta iyo xaqiinta qoondada haweenka ee 30% oo ka horyimid liiska xubnaha musharaxiinta Golaha Aqalka Sarre ee uu shalay shaaciyey Axmed Madoobe.

Kulanka oo u qabsoomay habka fogaan aragga ayaa waxaa looga hadlay saluugii guddoomiyaha guddigaas ay ka muujisay tirada haweenka ah ee ku jirtay 9 xubnood ee uu shaaciyay maamulka Jubbaland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horeyntii Guddiga ku bogaadiyey howsha loo igmada ee xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, midaasi oo qeyb ka heyd heshiiskii doorashada ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa intii uu socday kulankaas waxa uu faray Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha BFS inay si dhow ula shaqeeyaan madaxda dowlad goboleedyada, si meesha looga saaro dhalleeceyn xiligan ka timaada doorashaa boobsiiska ah ee Goleyaasha labada aqalka, oo maamulkii u horeeyay uu qabanayo doorashada Aqalka Sare.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha ku dardaarmay xubnaha guddiga inay wada-shaqeyn dhow la yeeshan Guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo bulshada rayidka.

Kulanka uu Rooble la yeeshay Guddigaan ayaa imanaya saacado un kadib markii uu Guddoomiyaha guddiga ay saluug ka muujisay in hal gabar oo kaliya ay kasoo dhex-muuqato musharaxiinta u tartamaya afarta kursi ee uu maamulka Jubbaland shaaciyey musharaxiintooda.

“Hadda waxaa saluugeynaa soo saarista musharraxiinta waayo waxaan aragnay sideed musharraxiin oo lasoo saaray oo hal gabar oo kaliya ay ku jirto. Waxba kama qabno in hal gabar ay kasoo baxdo afarta kursi, afarta kalena ay hal gabar kasoo baxdo,” ayey tiri Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Si kastaba, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka dalka, ayada oo cabasho kasta lagu xalinayo is-faham, wuxuuna walaacan imaanaya xilli haatan la guda-galayo doorashada Aqalka Sare, taasi oo ugu horeyn lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Koox xanibtay waddada isku xirta Jabuuti iyo Addis-Ababa

Adds-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Ethiopia Mustafa Muhumed Omer ayaa maanta sheegay in la xanibay waddo muhiim ah iyo qad tareen ganacsi oo halbowle ah, oo isku xira magaalada Addis Ababa iyo dekedda magaalada Jabuuti, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Reuters.

Waddadan ayaa ah midda la mariyo inta badan badeecadaha la gaarsiiyo 110-ka milyan ee qof ee ku nool dalka Ethiopia. Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto xanibaadda la sheegay in lagu sameeyey waddada.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo mas’uuliyiinta Jabuuti ayaan sidoo kale wax jawaab deg eg ah laga helin.

Madaxweyne Mustafa Muhumed Omer ayaa sheegay in waddada iyo qadka tareenka ay xanibeen koox dhallinyaro ah oo ka dibad-baxaya weerar dhacay Sabtidii.

Dowladdiisa ayaa sheegtay Talaaddii in maleeshiyo ka tirsan gobolka deriska la ah ee Cafarta ay weerareen magaalo ay degan yihiin Soomaali, oo ay bililiqeysteen, xilli uu dib usoo cusboonaday muran xuduudeed ka dhaxeeya labada dhinac.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan furno qadka tareen iyo waddada maanta,” ayuu madaxweyne Mustafa u sheegay Reuters oo uu farriin qoraal u diray. “Waxaan wada-xaajood kula jirnaa dhallinyarada iyo dadka,” ayuu ku daray.

REUTERS + VOA

FAHAD YAASIIN oo aqbalay xil ka-qaadistii Cabdullaahi Kulane, nin kalena ku bedalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa magacaabay madaxa shaqaalaha ee hay’adda NISA, kadib markii uu madaxii hore xil ka qaadis ku sameeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Fahad Yaasiin ayaa madaxda cusub ee shaqaalaha NISA u magacaabay Cabaas Yacquub oo bedalaya Cabdullaahi Kulane oo dhowaan xilkaasi uu ka qaaday ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Cabaas ah ayaa ah sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka, wuxuuna ahaa madaxa maamulka, maaliyadda iyo tiknoolijiyadda ee NISA.

Sida ogaatay Caasimada Online magacaabistan ayaa timid, kadib kulan gaar ah oo dhex-maray Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo, iyaga oo ka tashaday tallaabadii Rooble, kadibna  isku afgartay in la magacaabo ma’suul cusub ee bedala Cabdullaahi Kulane.

Cabaas ayaa sidoo kale ah ninka loo badinayo inuu noqon doono ku simaha agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, marka uu xilka banneeyo Fahad Yaasiin ‘oo la rumeysan yahay’ inuu doonan doono kursi xildhibaanimo afarta sano ee soo socoto.

Xilka qaadista lagu sameeyey mas’uulkaasi iyo taliyaha nabad sugida ee garoonka Aadan Cadde ayaa daba socotay xanibaad la saaray mas’uuliyiin ka socotay gobolka Gedo, taas oo sidoo kale ka hortimid amarkii socdaalka garoomada ee uu horey u soo saaray Rooble.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isagu ah mas’uulka ugu sarreeya maamulka doorashada ayaa tallaabadan lagu boggaadiyey, waxaana sidoo kale soo dhoweeyey musharraxiinta mucaaradka.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana la guda-galayo doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo lagu horreyn doono soo xilista xildhibaanada cusub.

Guddigii uu magacaabay Rooble oo ka horyimid liiska musharraxiinta JUBALAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga uu dhowaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay u ololeynta  iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, ahna guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliya, Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa ka hadashay liiska xubnaha musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee Jubbaland.

Batuulo ayaa ka hortimid sideeda xubnood ee uu shalay soo saaray Axmed Madoobe, waxayna sheegtay inay saluug ka muujinayaan in hal gabar oo kaliya ay kasoo dhex-muuqato musharraxiinta u tartamaya afarta kursi ee la shaaciyey musharraxiintooda.

“Hadda waxaa saluugeynaa soo saarista musharraxiinta waayo waxaan aragnay sideed musharraxiin oo lasoo saaray oo hal gabar oo kaliya ay ku jirto,” ayey tiri Marwo Batuulo.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Waxba kama qabno in hal gabar ay kasoo baxdo afarta kursi, afarta kalena ay hal gabar kasoo baxdo,”.

Ugu dambeyn waxay ugu baaqday madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inuu dib ugu laabo liiskaas, isla-markaana uu kusoo daro gabar kale, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30% ee horey heshiiska looga gaaray.

“In kursiga Xaliimo laga reebo ninka la tartamaya ee lagu bedalo gabar kale ayaan codsaneynaa,” ayey markale tiri Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

Guddigan ee uu maalmo ka hor magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla-markaana ay soo dhoweysay Qaramada Midoobay ayaa ujeedka loo aas aasay wuxuu yahay inuu ka shaqeeyo ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, si maamul goboleedyada cadaadis loogu saaro inay xubnaha soo saaraan ay ku jiraan kuwo haween ah.

Waalaca soo wajahay guddigan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan la guda-galo doorashada Aqalka Sare, waxaana ugu horreyn lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

TPLF: Ma jirto cid na hor-istaagi karta xitaa roobka, waxaan gaari doonaa Addis

Addis Ababa (Caasimada Online) – Afahayeenka fallaagada TPLFee la dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay kusii siqayaan jiha kasta isla markaana aysan jirin cid hor istaagi karta xitaa roobka.

“Ciidamadeena waxay kusii siqayaan jiha kasta, ma jirto cid na hor joogsan karto xitaa roobka” ayuu yiri Getachew Reda farriin uu soo dhigay Twitter-ka.

Waxaana Itoobiya ka socdaa abaabul ka dhan ah TPLF xilli uu dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas.

Qaramada Midoobey waxay ku baaqday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray.

Waxa ay arrintan daba socotaa digniin dhawaan soo baxday oo ah in 400 oo kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay wajahayaan xaalad macluul ah oo halis ah, kaddib muddo 9 bilood ah uu dagaal halkaasi ka socday.

Su’aasha lais weydinaya waxay tahay goormaa xal nabadeed loo heli doonaa dagaalka Tigray?

Muddo 9 bilood ah ayaa laga jooga tan iyo markii ay dagaallada ka bilowdeen gobolkaas.

Dagaalka wuxuu ku bilowday markii dowladda ay qaaday howlgal ay ku tilmaantay dib usoo celinta kala dambeynta kaas oo isu baddalay dagaal xooggan oo lala galay fallaagada TPLF.

Labada dhinaca guulo ayay sheegayaan xilli ay u muuqato in dagaalka uu sii baahayo.

“Dagaalyahanada TPLF waxay sheegeen inay gaari doonaan Addis Ababa halka dowladda ay sheegtay inay ciribtiri doonto TPLF” ayuu yiri weriyaha BBC ee Addis Ababa Kalkidan Yibeltal.

Waxaa jirtaa cabsi ah in dagaalka uu ku baaho gobollada kale ee deriska ah.

Itoobiya waxaa haatan ka socdaa abaabul iyo ciidan urursi ay wadaan maamulada kaas oo ka dhan ah TPLF.

“Waxaan hadda aragnaa abaabulka ciidan ay wadaan maamulada, TPLF waxay horraan sheegtay in weeraro ay ku qaadeen gobollada Amxaarada iyo Canfarta” ayuu yiri Yibeltal.

Daawo: Suldaanka beesha Mareexaan oo ka digay qorshe uu QOOR QOOR fulin rabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Bayle Cumar Daad, oo ah Suldaanka beesha Mareexaan oo Madaxwayne Farmaajo uu ka dhashay, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu u kala eexday beeshiisa, isagoo fariin u diray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoor Qoor.

Suldaanka ayaa Qoor Qoor uga digay inuu fuliyo rabitaanka Farmaajo inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, waxuuna shaaciyey in Farmaajo uu gadaal ka riixayo qorshe doorashada looga reebayo gabar u sharaxan Senator.

“Gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire waxay u sharaxan tahay Senator, waxaa la rabaa in laga reebo tartanka doorashada, xildhibaanada Mareexaan waxaa Galmudug laga soo doortaa kuwa metelaya jufooyinka kala ah Wagardhac iyo Raada-miir, afartii sano ee la soo dhaafay kursiga Senatorka waxaa ku fadhiyey Raada-miir, maanta Wagardhac ayaa iska leh, Farmaajo waxa uu yiri Raada-miir ayaa hadana leh kursiga, gabadhaasna waxa uu amray in laga reebo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Galmudug,” ayuu yiri Suldaan Bayle.

Suldaanka beesha Mareexaan ayaa Madaxweyne Qoor Qoor uga digay inuu godob ka galo jufada Wagardhac ee beesha Mareexaan oo doorashada uu ka reebo gabadhaas.

“Qoor Qoorow dadku waa Soomaali, waana 4.5 beeshaada Saleebaan ee Habargidir iyo beesha Wagardhac ee Mareexaan waa dagaaleen, waana heshiiyeen ee maanta adigu kiis haka gelin Wagardhac oo doorashada ha ka reebin gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire oo ah musharax Senator, liiska ma soo geleyso oo qori mayo oo Farmaajaa sidaas igu yiri hadaa dhahdo waa godob,” ayuu yiri Suldaan Beyle Suldaanka beesha Mareexaan.

Sidoo kale waxa uu uga digay in beeshiisa uu u soo jiido godob noocaas ah, “Qoor Qoorow Madaxweynaa tahay, anigaan Suldaan Beyle ah ayaa ku soo doortay ee Farmaajo kuma soo dooran, anagaa madaxweyne noo tahay ee godob hana gelin, gabadhaas hadey rabto doorashada yeysan ku guuleysan ee adigu liiska ku soo dar,” ayuu yiri Suldaanka beesha Mareexaan Suldaan Bayle Cumar Daad.