27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

TPLF: Ma jirto cid na hor-istaagi karta xitaa roobka, waxaan gaari doonaa Addis

Addis Ababa (Caasimada Online) – Afahayeenka fallaagada TPLFee la dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay kusii siqayaan jiha kasta isla markaana aysan jirin cid hor istaagi karta xitaa roobka.

“Ciidamadeena waxay kusii siqayaan jiha kasta, ma jirto cid na hor joogsan karto xitaa roobka” ayuu yiri Getachew Reda farriin uu soo dhigay Twitter-ka.

Waxaana Itoobiya ka socdaa abaabul ka dhan ah TPLF xilli uu dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas.

Qaramada Midoobey waxay ku baaqday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray.

Waxa ay arrintan daba socotaa digniin dhawaan soo baxday oo ah in 400 oo kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay wajahayaan xaalad macluul ah oo halis ah, kaddib muddo 9 bilood ah uu dagaal halkaasi ka socday.

Su’aasha lais weydinaya waxay tahay goormaa xal nabadeed loo heli doonaa dagaalka Tigray?

Muddo 9 bilood ah ayaa laga jooga tan iyo markii ay dagaallada ka bilowdeen gobolkaas.

Dagaalka wuxuu ku bilowday markii dowladda ay qaaday howlgal ay ku tilmaantay dib usoo celinta kala dambeynta kaas oo isu baddalay dagaal xooggan oo lala galay fallaagada TPLF.

Labada dhinaca guulo ayay sheegayaan xilli ay u muuqato in dagaalka uu sii baahayo.

“Dagaalyahanada TPLF waxay sheegeen inay gaari doonaan Addis Ababa halka dowladda ay sheegtay inay ciribtiri doonto TPLF” ayuu yiri weriyaha BBC ee Addis Ababa Kalkidan Yibeltal.

Waxaa jirtaa cabsi ah in dagaalka uu ku baaho gobollada kale ee deriska ah.

Itoobiya waxaa haatan ka socdaa abaabul iyo ciidan urursi ay wadaan maamulada kaas oo ka dhan ah TPLF.

“Waxaan hadda aragnaa abaabulka ciidan ay wadaan maamulada, TPLF waxay horraan sheegtay in weeraro ay ku qaadeen gobollada Amxaarada iyo Canfarta” ayuu yiri Yibeltal.

Daawo: Suldaanka beesha Mareexaan oo ka digay qorshe uu QOOR QOOR fulin rabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Bayle Cumar Daad, oo ah Suldaanka beesha Mareexaan oo Madaxwayne Farmaajo uu ka dhashay, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu u kala eexday beeshiisa, isagoo fariin u diray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoor Qoor.

Suldaanka ayaa Qoor Qoor uga digay inuu fuliyo rabitaanka Farmaajo inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, waxuuna shaaciyey in Farmaajo uu gadaal ka riixayo qorshe doorashada looga reebayo gabar u sharaxan Senator.

“Gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire waxay u sharaxan tahay Senator, waxaa la rabaa in laga reebo tartanka doorashada, xildhibaanada Mareexaan waxaa Galmudug laga soo doortaa kuwa metelaya jufooyinka kala ah Wagardhac iyo Raada-miir, afartii sano ee la soo dhaafay kursiga Senatorka waxaa ku fadhiyey Raada-miir, maanta Wagardhac ayaa iska leh, Farmaajo waxa uu yiri Raada-miir ayaa hadana leh kursiga, gabadhaasna waxa uu amray in laga reebo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Galmudug,” ayuu yiri Suldaan Bayle.

Suldaanka beesha Mareexaan ayaa Madaxweyne Qoor Qoor uga digay inuu godob ka galo jufada Wagardhac ee beesha Mareexaan oo doorashada uu ka reebo gabadhaas.

“Qoor Qoorow dadku waa Soomaali, waana 4.5 beeshaada Saleebaan ee Habargidir iyo beesha Wagardhac ee Mareexaan waa dagaaleen, waana heshiiyeen ee maanta adigu kiis haka gelin Wagardhac oo doorashada ha ka reebin gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire oo ah musharax Senator, liiska ma soo geleyso oo qori mayo oo Farmaajaa sidaas igu yiri hadaa dhahdo waa godob,” ayuu yiri Suldaan Beyle Suldaanka beesha Mareexaan.

Sidoo kale waxa uu uga digay in beeshiisa uu u soo jiido godob noocaas ah, “Qoor Qoorow Madaxweynaa tahay, anigaan Suldaan Beyle ah ayaa ku soo doortay ee Farmaajo kuma soo dooran, anagaa madaxweyne noo tahay ee godob hana gelin, gabadhaas hadey rabto doorashada yeysan ku guuleysan ee adigu liiska ku soo dar,” ayuu yiri Suldaanka beesha Mareexaan Suldaan Bayle Cumar Daad.

Xildhibaan shaaciyey in loo adeegsaday sirdoonka dalka Itoobiya – Yaa ka dambeeya?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka mid ah xildhibaanada Somaliland ee ka soo baxay gobolka Sool, kana tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa eedeyn culus u jeediyey xukuumadda maamulkaasi ee Muuse Biixi Cabdi.

Mustafe ayaa shaaca ka qaaday in isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ay xukuumadda Somaliland ‘u adeegsatay’ sirdoonka Itoobiya, si loo xiro.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shan nin oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya ay ka qabteen maqaayad ku taalla Addis Ababa, isla-markaana saldhiggii uu dhowaa ay geeyeen.

“Shalay aniga oo fadhiya kafateeriya Gaarisa la yidhaa ayay 5 nin oo katirsan sirdoonka Itoobiya ii yimadeen, waxay igu yidhaahdeen soo kac, waxan ku idhi waaran maad wadataan, waxay igu yidhaahdeen mayee saldhiga ayaanu kuugu sheegi waxanu kaa rabno” ayuu yiri xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay ahaayeen ciidan lasoo adeegsday, heybtoodana la garanayo, isla-markaana uu ku jiray nin reer Jigjiga ah.

“Ciidan sirdoon ah oo lagu shaqaysanayo ayay ahaayeen, haybtoodiina waala garanaya oo nin reer Jigjiga ah ayaa ku jiray, saldhiga ayay i geeyeen suunkii iyo kabihiina way iga saareen, mobiladiina way iga qaadeen, kii Soomaaliga aha baa igu yidhi dollar ayaad waddanka soo galise danbigaaga iska qiro” ayuu markale yiri Xildhibaan Mustafe Axmed.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dood dheer, kadib raggii ka socday sirdoonka dalka Itoobiya ay shaaciyeen in arrintan ay ka dambeyso Somaliland, isla-markaana ay u soo martay dhinaca safaaradda wadanka Itoobiya, sida uu xildhibaanka hadalka u dhigay.

“Markii lala hadlay waxa soo baxday in ay ahayeen niman halkan laga waday, ninkii Soomaaliga aha ayaa la hadlay sirdoonka Itoobiya waxayna ku yidhaahdeen ninkaa anagu mahaysane dowladiisa ayaa haysata, wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa safaarada usoo martay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Xildhibaan Mustafe Axmed.

Si kastaba weli ma jirto wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedeynta ka timid Xildhibaankan, waxaana ka dhashay hadal heyn xoogan, maadaama Mustafe Axmed Cabdulalahi uu ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye, isla-markaana laga soo doortay Sool.

Daawo: Jeesow oo xog cusub ka bixiyey kiiska IKRAAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ka hadlay kiiska gabadhii la waayey ee Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in gabadhaas aysan weli ku heynin nolol iyo geeri, sidoo kale xildhibaanka ayaa soo dhaweeyey guddiga loo xil saaray baaritaanka kiiska Ikraan.

Xildhibaan Daahir Jeesow oo golaha shacabka ku metela beesha ay ka dhalatay Ikraan Tahliil ayaa sheegay in baadi goobka gabadhaas aysan marna ka fariisan, isagoo codsi hor leh u diray shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa shaaciyey in la qabtay nin soo wacay reerka gabadha, kaas oo sheegay in gabadhii uu meel ku ogyahay, balse markii lasoo qabtay oo la baaray uu noqday nin doonayey inuu been abuur madax furasho ku qaato.

“Saakay waxaan tegay saldhigga Xamarweyne, nin ku xiran ayaa la I tusay, kaas oo lasoo xariiray ehellada gabadha maqan, waxuu u sheegay inuu yahay askari, oo gabadhii uu meel ku ogyahay, laakiin ninka markii la baaray askari waa noqon waayey, waxuuna raadinaayey in lacag la siiyo oo tuugnimadaas oo kaliya ayuu damacsanaa,” ayuu yiri Daahir Jeesow.

Waxa uu sheegay in wararka aan la hubin ay ka fogaanayaan, isla markaana ay kalsooni ku qabi doonaan baaritaanka guddiga uu kiiskaas u magacaabay Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweynayaa guddiga loo magacaabay baaritaanka kiiska gabadhaas, waxaan ka codsanaa in kiiskaas ay si hufan u baaraan, arrinta Ikraan xanuun badan ayey nagu heysaa, nolol iyo geeri ilaa hada mid kuma heyno, saxna ma ahan in ilaa hadda hey’adaha amniga ay meel ku soo sheegi waayaan gabadhaas, taas wax aan sugeynay maaha, ee waa in ehelka gabadhaas ay cadaalad helaan,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Ikraan Tahliil Faarax waxaa la waayey 26-kii bishii hore ee Juun, xilligaas oo gaari laga leeyahay taliska NISA ay ka raacday banaanka hore ee xarunta Habar-Khadiijo, halkaas waayihii dambe ay ka howlgeleysay, eedeynta ugu badan waxaa loo jeedinayaa saraakiisha ugu sareysa NISA, balse illaa hadda xog saxan lagama gelin halka la geeyey Ikraan, nolosheeda ama geerideeda, toona.

Hoos ka daawo Xil Daahir Jeesow

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka SOOMAALIDA iyo Cafarta + Tirada dhimashada

0

 Garba Ciise (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo markale kasoo cusboonaaday magaalada  Garba Ciise iyo sidoo kale deegaanada ku xeeran, waxaana xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ku dhintay ugu yaraan 40 qof, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Xiisada dagaalka ayaa weli ka taagan aagga magaalada Garba Ciise oo ku taalla waddada dheer ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti.

Dagaalladan ayaa sii xoogeystay, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ay weerar ku qaadeen Soomaalida, waxaana la xasuuqay boqlaal qof oo xoolo dhaqato ah.

Maamulka dowlad deegaanka oo dhankiisa si adag uga hadlay xasuuqa Somaalida lagu hayo ayaa wacad ku maray inuu difaaci doono shacabka, kana hortegi doono Canfarta.

Sidoo kale waxaa haatan socda dhaq-dhaqaaqyo labada dhinac ah, iyadoo laga cabsi qabo inay markale dib qarxaan dagaallada u dhexeeya labada dhinac, uuna kordho khasaaraha.

Dhinaca kale dibad-baxyo loo soo horjeedo xasuuqa ay maleeshiyaadka Canafrta ku hayaan dadka Xoolo dhaqatada Soomaalida ah ayaa maanta ka dhacay deegaano ka tiirsan dowlad deegaanka Somaliida dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ka qeyb-galeen boqolaal ruux.

Dibad-baxyada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ka kala dhaceenmagaalooyinka Jigjiga iyo Qabri-Dahar ee dowlad degaanka Soomaalida.

Si kastaba, dagaallada dhex-maraya qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta ee Itoobiya ayaa ah kuwa soo noq-noqday, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo u badan dad rayid ah.

Israel oo ka baxday heshiikii ay la gashay Imaraadka iyo xiriirkooda oo halis ku jira

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Ilaalinta Deegaanka Israel Tamar Zandberg ayaa joojiyey fulinta heshiis weyn oo dhoofinta shidaalka ah, oo u dhaxeeya Israel iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo halis gelin karta heshiiska curdunka ah ee labada dal. 

Heshiiskan oo yimid markii labada dal ay yeesheen xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah sanadkii tegay ayaa dhigayey in shidaalka Imaaraadka Carabta Markab lagu keeno dekedda Eilat ee Israel, kadibna dhuun shidaal halkaas ay ka qaado oo ay geyso Yurub,  ayada oo la marinayo dekedda Ashkelon. 

Hase yeeshee, heshiiska ayaa waxaa si aad ah uga horyimid kooxaha u dhaqaaqa ilaalinta deegaanka Israel, oo ku dooday in dhuuntan shidaalka ay waxyeello xooggan gaarsiin karto xeebaha Eilat. 

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa ka digay in ka bixitaanka heshiiska uu keeni karo inuu go’o xiriirka labada dal. 

Saraakiisha Imaaraadka Carabta oo la hadlay wargeyska Israel Hayom ayaa sheegay in markii heshiiska la saxiixay sanadkii tegay la sameeyey dhammaan tijaabooyinka lagama maarmaanka ah ee dhanka deegaanka.

“Ka bixitaanka heshiiska wuxuu hoggaamin karaa in xiriiradii diblomaasi iyo kuwii ganacsi ee Imaaraadka Carabta iyo Israel ay meesha ka baxaan,” ayey ka digeen saraakiisha Imaaraadka. 

Saraakiisha Israel ayaa hadda isku dayaya inay Imaaraadka Carabta u sharxaan in dowladda cusub ee la wareegtay Israel ee beddeshay xukuumaddii Netanyahu ay u badan tahay waqti dheeri ah, oo ay xaaladda ku darasto. 

“Waa arrin halis ah sababtoo ah heshiiska waxaa ka baxay hal dhinac, oo ah Israel. Waxaan filaa in Imaaraadka ay fahasan yihiin in tani ay tahay dowlad cusub oo siyaasad gaar ah leh,” waxaa sidaas yiri Yoram Meital oo ah taariikhyahan Israeli ah.

Heshiiska ayaa haddii la fuliyo waxaa dakhli ballaayin dollar ah uu sanadkii kasoo geli ahaa labada dal.

Dagaal dib uga dhex-qarxay Azerbaijan iyo Armenia iyo wararkii ugu dambeeyey

Yerevan (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Armenia ayaa Maanta sheegtay in seddex ka mid ah ciidamadooda la dilay, laba kalena laga dhaawacay kadib iska hor imaadyo ay la galeen ciidamada Azerbaijani oo ka dhacay xadka ay wadaagaan labada dal ee hore uga tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeeti.

Sidoo kale Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa sheegtay in laba ka mid ah shaqaalaheeda la dhaawacay Arbacadii Maanta.

Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu bilaabay dagaalada. Azerbaijan waxay sheegtay in ciidamada Armenia ay rasaas ku fureen fariisimahooda ee ku yaala qaybta Kalbajar ee xadka. Milatariga Armenia ayaa sheegay in shaqaalahooda ay weerareen ciidamada Azerbaijan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Armenia waxay soo saartay bayaan ay ku sheegayso in “dhinaca Azerbaijan ay si ula kac ah u billawday xiisadda dagaalka,” Wasaaradda arrimaha dibedda ee Azerbaijan ayaa iyana dhankeeda sheegtay “mas’uuliyadda ka sii darista xaaladda iyo daandaansiga kale ee ku aadan soohdinta Armenia iyo Azerbaijaan waxaa gebi ahaanba leh hoggaanka militariga-siyaasadeed ee Armenia.”

Xiisadaha ka taagan xadka labadaan dalka ayaa soo taagneyd tan iyo bishii May, markaas oo Armenia ay ka mudaaharaaday wax ay ku tilmaamtay duulaanka ciidamada Azerbaijan ee dhulkeeda. Azerbaijan waxay ku adkaysatay in askarteeda la geeyay meesha ay u aragto inay tahay dhulkeeda oo ka tirsan meelaha xadka aan weli la calaamadin.

Ka dib isku dhacyadii Maanta, Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Azerbaijan waxay ku boorisay Armenia “inay joojiso daandaansiga milatari oo ay bilowdo wada xaajoodka ku saabsan xadeynta xuduudaha labada dowladood.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Armenia waxay wacad ku martay inay “u adeegsan doonto dhammaan qalabkeeda siyaasadeed iyo midkeeda militari si waafaqsan sharciga caalamiga ah” iyadoo ka jawaabeysa “adeegsiga Militari ee Azerbaijan ee ka dhanka ah midnimada dhuleed ee Armenia.”

In ka badan 6,000 oo qof ayaa la diley dayrtii la soo dhaafey kadib Lix toddobaad oo lagu dagaalamayey Nagorno-Karabakh, oo ku taal Azerbaijan dhexdeeda laakiin gacanta ugu jirtay xoogagga qowmiyadaha Armenia oo ay taageerayaan Ciidamada Dowladda Armenia.

Dagaalkaas ayaa wuxuu istaagay markii ay labada dhinac gaareyn heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka ahayd Ruushka oo bishii Nofeembar u oggolaaday Azerbaijan inay dib ula soo wareegto gacan ku haynta qaybo badan oo ka mid ah Nagorno-Karabakh iyo aagagga ku xeeran, oo ay gooni u goosadyadu taageerayeen Armenia ay gacanta ku hayeen in ka badan 25 sano.

Xog: Dowladda oo sii deysay fanaankii sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay iyo xubno ka mid ah bahda fanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay xorriyadiisa dib usiisay Abshir Gaarane Axmed oo bishii Janaayo ee sanadkii hore warbaahinta ka sheegay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab. 

Abshir Gaarane oo sidoo kale ka tirsanaa Kooxda Fanka ee maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka soo muuqday isagoo sheegaya inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2013-kii, islamarkaana uu qaabilsanaa aruurinta arrimaha dhaqaalaha ama canshuuraha, waxa uuna markaaa u xirnaa hay’adda NISA. 

Abshir Gaarane ayaa lagu arkay Muqdisho toddobaadyo ka hor balse waxaa la sheegay in muddo bilooyin ah uu banaan joog yahay, sidoo kale waxaa jira tuhun laga qabo in lagu daray ciidamada ilaalada shacabka ee dharcadka ah isagoo ka baxay bahdii fanka. 

Dad xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in wiilkaan, oo ay isku beel yihiin madaxweyne Farmaajo, in sii deysamadiisa uu wax ka ogaa Madaxweynaha kadib markii ay dhowr jeer u tageen odoyaal ku beel ah oo ka socday qoyska Gaarane. 

Abshir Gaarane Axmed ayaa xarigiisa kadib la waayay warkiisa iyadoo ay xusid mudantahay in aanan la geynin Maxkamad si loo baaro amaba loo hubiyo waxyaabaha uu sheegtay iyo eedaha loo jeediyay. 

Ma cadda illaa iyo hadda sida ay ku timid sii deyntiisa, wuxuuna ka mid yahay kiisad sidan oo kale ay dad ay dowladdu xirtay, haddana kadib la iska sii daayey ayada oo aan dacwado lagu soo oogin.

Dowladda Mareykanka oo ku dhowaaqday boqolaal milyan oo la siinayo Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday ku dhowaad 200 milyan oo dollar oo ah kaalmo dheeraad ah oo loogu talo-galay shacabka Soomaaliya, oo muddo wajahayey dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunno yari, rabshado iyo daadad iyo abaaro soo noqnoqday. 

Kaalmadan oo ah 199 milyan oo dheeri ah oo oo lasoo marinayo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID iyo Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa tirada guud ee kaamlmada uu sanadkan Mareykanka ugu talo-galay shacabka Soomaaliya ka dhigeysaa 408 milyan oo dollar. 

War-saxafaadeed uu soo saaray afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu caawin doono ku dhowaad lix milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani’adannimo.

Dadkan ayaa waxaa ku jira saddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo qiyaastii 500,000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

“Maal-gelintan cusub waxay kaalmo cunno iyo nafaqo deg deg ah, biyo nadiif ah oo ay cabaan, nadaafad, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad siin doontaa shacab wajahaya caqabado ka dhashay dagaallo iyo xaalad deegaan oo sii xumaaneysa,” ayuu yiri Ned Price. 

Price ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay dalka deeqda ugu weyn siiya Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee gobolka ku sugan.

Afhayeeenka ayaa intaas ku daray in Mareykanka uu weli ka walaacsan yahay baahida bani’aadannimo ee sii kordheysa, wuxuuna deeq bixiyayaasha caalamka ku booriyey inay ku tabarucaan jawaabaha caalamiga ah ee laga bixinayo iyo taageerada lagu badbaadinayo nolosha.

Maamulkii ugu horreeyey oo bilaabay diiwaan-gelinta musharraxiinta Aqalka Sare

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba qabashada doorashada Aqalka Sare, kadib markii shalay madaxweynaha Jubbaland uu soo saaray musharraxiinta u tartameysa afar ka mid ah sideeda kursi ee maamulkaasi.

Jubbaland ayaa sidoo kale maanta oo ay ku beegan tahay 28-ka July billowday diiwaan-gelinta xubnaha musharraxiinta, waxaana haatan ku howlan guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee maamulkaas oo garab ka helaya kan doorashada ee heer federaal.

Sidoo kale Jubbaland ayaa shaacisay in doorashada Aqalka Sare ay dhaceyso beri isla-markaana lasoo dooran xubnihii ugu horreeyey ee Senatorada cusub, waxaana qorshuhu yahay in lasoo doorto illaa 4 Senator oo ka mid ah xubnaha ka imaanaya Jubbaland.

Dhanka kale waxaa Kismaayo maanta ku wajahan wafdi uu hoggaaminayo Cabdullaahi Abyan Nuur oo ah guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Guddigan ayaa Kismaayo u tegaya ka qeyb-galka doorashada Aqalka Sare ee beri ka dhaceyso halkaasi, si ay goob joog u noqdaan doorashada Senetarada cusub.

Jubbaland oo mar ka mid ah aheyd muumallada sida weyn uga soo horjeeday dowladda dhexe, isla-markaana diidanaa hannaanka u wajaheyso doorashada ayaa hadda hoggamineyso maamullada kale, si loo qabto doorashada xildhibaanada labada Aqal.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad doorasho, kadib markii heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho is jiid-jiidkii siyaasadeed ee muddada ka taagnaa doorashada.

Dad kasoo jeeda Somaliland oo afduub loogu geystay Sool

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay dad shacab ah ka afdtuubteen deegaanka Carrooley, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka la afduubtay oo aan tiradooda la shaacin ayaa waxaa la sheegay inay kasoo jeedaan Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Berbera ee maamulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la afduubanayey dadkaasi ay ka soo baxeen beeraha Xalin oo ku yaalla agagaarka degmada Taleex ee gobolka Sool.

Sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay dableyda hubeysan ee afduubka geysatay ayaa ‘waxa ay ku heyb-yihiin’ nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur oo mudo bil ah Somaliland ugu xiran Bebera, kadib markii uu warbaahinta ka dhaliilay maamulkaasi.

Waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaas, kuwaas oo ay wadaan ciidamada ammaanka, si loo baadi goobo kooxihii afduubka u geystay dadkaasi shacabka.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland ee ku aadan dhacdadaasi.

Xiisad ka dhalatay afduubka dadkaasi kasoo jeeda Somaliland ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay haatan ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Sool.

Daawo: Xasan Daahir oo la saftay Ilhaan Cumar, weerar culusna ku qaaday FIQI

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska soo duubay waxa uu uga hadlay baaqii Ilhaan Cumar ee ahaa in la hubiyo duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, si looga badbaadiyo dadka rayidka ah iyo jawaabtii hadalka Ilhaan uu ka bixiyey wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Xasan Daahir ayaa aad u dhaliilay jawaabtii wasiir Fiqi, isagoo yiri, “Waxaan la yaabay jawaabtii uu Fiqi ka bixiyey hadalkii ay gabadhaas Mareykanka joogta ku dalbatay in aan dadka la layn, war inaad hadalkaas wanaagsan ka hor imaato ma aheyn, qof ciil qaba oo cadawgiisa raadsanaaya ayaa dadkeena baabi’iyey.”

Waxa uu ku canaantay in isagoo careysan oo cadawgiisa raadsanaaya uu gabadhii danyarta u doodeysay uu hadalkeedii xumaan u fasiray, “Nin walaalkaa ah oo diin kula wadaaga, wadankana kula leh ayaad cadaw u raadsatay, gabadhiina waxay leedahay war dadka yaan la wada baabi’in, iyadoo kula qabta in nimankaas lala diriro, laakiin waxa gabadhu ilaalineyso inaad fahmi weyso waa cadaab, ‘Illaahow Fiqi oo kale hanagu badin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Daahir Aweys.

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facbook-ga 24-kii bishaan waxa uu u jawaabay Senator Ilhaan Cumar, taas oo si adag uga hadashay duqeyntii Mareykanka uu ka fuliyey gobolka Mudug, isla-markaana dalbatay in baaris dhab ah  lagu sameeyo, haddii ay jiraan waxyeelo soo gaartay dad raydi ah.

“Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed. Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin,” ayuu yiri Fiqi.

Jawaabtii Wasiir Fiqi ee ku socatay Ilhaan Cumar ayaa intaas ku sii dartay, “Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Somalia sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday! Dumaashi dagaalka nala soo gal.”

Hoos ka daawo Xasan Daahir

Xog: Jacfar oo xoog kusoo deestay maleeshiyo ay ka qabteen ciidamada booliska

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa shalay isku dayay in uu xoog ku soo furto 11 nin oo ay habeen hore soo bandhigeen ciidamada booliska Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsanaa maleeshiyaad ka amarqaata guddoomiye Jacfar iyo Sarkaal lagu magacaabo Xasan Jaamici. 

Caasimada Online ayaa ogaatay in dood habeenkii oo dhan ka dhax taagneyd booliska, guddoomiye Jacfar iyo Xasan Jaamici oo Milateri ah inuu soo farogeliyay ra’iisul wasaare Rooble kadibna la amray in la sii daayo 11-kii nin iyo hubkooda. 

Maleeshiyaadka la soo bandhigay ayaa ahaa kuwii ciidamada dowladda kula dagaalamay Ex-Controol Afgooye ee Muqdisho, dagaalkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof. Sidoo kale Maleeshiyaadka ayaa intii lagu howlanaa soo qabashadooda waxaa ka dhintay laba qof. 

Rooble ayaa Guddoomiye Jacfar ku amray in uu ka samro labada qof ee ka dhintay balse si deg deg ah loogu soo celiyo hubkooda iyo dhallinyaradii kale sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah. 

Afhayeenka cusub ee booliska Soomaaliya ayaa habeen hore fiidkii hore u sheegay Warbaahinta in la soo qabtay koox burcad ah oo weerartay ciidamada ammiga ee ku sugnaa Ex-controol Muqdisho.

Afhayeenka ayaa xilligaas sheegay in booliska ay ku guuleystay inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo.

Maxaa ka jira warqadda la sheegay in danjire Baale uu ka qoray wiilka Injineer Yariisow?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) ayaa si adag u beeniyay inuu qoray warqad lagu daabacay baraha bulshada oo canaan iyo digniin loogu jeediyay Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ah Xoghayaha koowaad ee Ergada Joogtada ee Qaramada Midoobay.

Qoraalka uu beeniyay Danjire Baale oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ayaa waxaa ku qornaa “hadalo gef ku ah” shaqada iyo shaqsiyada Wiilkii uu dhalay marxuum Yariisoow, ayada oo lagu sheegay in Maxamed uu ka hor-yimid jiheynta Baale.

“Dabeecadaada waxay si taban u waxyeeleysay waxqabadka shaqsiyadaada iyo wada-shaqeynta kooxeed mudadii koobneyd ee joogtay howl-galka, waxaan ka niyad jabay howshaada, waxaad caadi ahaan dhaqankaaga iska indho tirtaa tilmaamahayga,” ayaa lagu yiri qoraalka uu beeniyay Danjire Baale.

Danjiraha ayaa iska fogeeyay waraaqda loogu gefay Maxamed Cabdiraxmaan Cumar, isagoona sheegay in laga been abuurtay saxiixa ku yaala waraaqdaas oo toddobaadyadii u dambeeyay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada.

“Warqadaan waxaa ku arkay Social Media, saxiixa ku yaala meesha ma dhihi karo waa keyga, dad baa sameeyay, wuxuu u eegyahay saxiix meesha lagu dhajiyey oo lasoo gooyay, waana beeninayaa warqadaan,” ayuu yiri.

“Xiriirkeena (Maxamed Cabdiraxmaan Cumar) aad ayuu u fiican yahay, waa wada-shaqeynayna, waana nin caqli badan, markaa waxaa rajeynayaa in uu noqdo Diblumaasi fiican.”

Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ah Wiilka duqii hore ee Muqdisho ee la khaarajiyey marxuum Eng. Yariisoow AUN, ayaa waxa jagada uu hadda hayo loo magacaabay 4 November 2019-kii.

Norway miyaa madaxweyne Farmaajo taallo uga dhiseysa garoonka Stadium Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal hayn xooggan ayaa ka dhalatay qoraal uu barta twitter-ka soo dhigay Wakiilka Hay’adda Taageerada Caalamiga ee Norway ee NIS u qaabilsan Soomaaliya Qaasim Gaaboow Ducaale oo lagu sheegau inay taallo u dhisayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka oo markii dambe laga saaray Twitter-ka ayuu wakiilka ku sheegay in taalladda madaxweyne Farmaajo laga dul dhisi doono dusha sare ee qeybta shakhsiyaadka muhiimka ah (VIP) ee Stadium Muqdisho.

“Waa madaxweynaha Jamhuuriyada. Hada weliba Taala ayaan uga dhiseynaa meesha VIP-da korkeeda – seriously (Waa iga dhab),” ayuu yiri Qaasim Gaaboow.

Saraakiil ka tirsan hay’adda NIS oo mar dambe la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qoraalka uu ahaa mid kaftan ah oo aan loogu talo-gelin, islamarkaana aysan jirin taallo ay Norway ay dhiseyso.

Sidoo kale, safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter-ka ku sheegtay inay been tahay in Norway ay taallo u dhiseyso madaxweyne Farmaajo.

Hay’adda NIS oo Soomaaliya mashaariic badan ka fulisay waxay maamushaa deeqo inta badan ka yimaada dowladda Norway iyo qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub oo deeqaha ay Soomaaliya ku bixinayaan soo mariya.

Muwaadiniin badan ayaa horey baraha bulshada kaga falceliyay adeegsiga kooxda olelaha madaxweyne Farmaajo ee shaashadda Stadium Muqdisho oo si joogta ah loogu soo bandhigo sawirkiisa oo weyn xilliyada ay socdaan ciyaaraha. Dayactirka garoonkan waxaa gacan ka geystay hay’adda NIS.

“Shaashadda garoonka Stadium Mogadishu ee loogu talo galay in saacadda iyo natiijada ciyaarta lagala socdo ayaa mararka qaar la soo saaraa Sawirka Farmaajo” ayuu Twitter-ka ku soo qoray Cabdullaahi Axmed oo ku lifaaqay sawir arrinkan muujinaya.

M/Yurub oo lacagta ka jaray ciidanka Kenya ee Somalia kadib qiyaameyn yaab leh

0

Nairobi (Caasimada Online) – Midowga Yurub (EU) iyo la-hawlgalayaashooda Caalamiga ah ayaa in ka badan kala bar dhimay dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamada Kenya ee Soomaaliya u jooga la dagaalanak argagixisada Al-Shabaab.

Dhimista dhaqaalaha uu ku sameeyay Midowga Yurub ayaa waxaa loo sababeynaa qiyaano ay sameysay dowladda Kenya, oo qaar kamid ah ciidamadeeda si qarsoodi ah ugala baxday Soomaaliya, balse weli lacag uga qaadaneysa Midowga Yurub.

Waaxda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa kal hore meel ku sheegi weysay in ka badan 23 milyan oo dollar oo uu dalkaas ka helay Midowga Yurub, si loogu maal-geliyo ciidamadiisa qeybta ka ah la dagaalka Al-Shabaab, sida ay daabacday warbaahinta Kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa shalay baarlaamanka u sheegtay in howl-galka Midowga Afrika ay ka heshay 4.5 bilyan oo lacagta Shilingka Kenya ah, mudadii 12-ka billood, marka loo eego bartilmaameedkii hore ee ahaa SH8.5 bilyan.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Keyna oo ayaguna dhankooda baaris ku sameeyay sababta ka dambeysa dhimista dhaqaalihii ay ciidamadooda ka heli jireen beesha caalamka, ayaa sheegay inay tahay ka bixitaanka ciidamadooda qeybo kamid ah Soomaaliya.

“Lacagta la helay waxay ku saleysneyd tirada ciidamada dhabta ah ee la keenay Soomaaliya. Bishii Luulyo, 2018, tirada ciidamada ayaa markii dambe la dhimay.”

Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa bishii hore laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan 45 milyan oo dollar.

Arrintan ayaa si rasmi ah u dhaqan-gashay sanad maaliyadeedka cusub ee bilowgii bishaan July, maadaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo in ay ka baxaan Soomaaliya taas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jabuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Guddi ka kooban saddex dhinac oo loo magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan bil lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA, sida ay sheegeen qoyskeeda ayaa maanta waxay dowladda u magacowday Guddi khubaro ah oo baara kiiska maqnaashaheeda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa saddex Sarkaal oo ka kala tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta, Booliska iyo Nabad-sugida u magacaabay baarista kiiska Ikraan Tahliil.

Xeer Ilaaliyahay ayaa sidoo kale faray Taliska NISA iyo cidkasta oo ay quseyso arrintaas inay si dhow ula shaqeeyaan Saraakiisha loo magacaabay kiiskeeda, si loogu xaqiijiyo cadaalada.

Magacaabista guddiga baaraya kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa uu imaanaya kadib markii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta uu aqbalay furashada Gal-dacwadeed ay kal hore gudbiyeen ehelka Ikraan oo muddo ka badan bil la la’yahay.

Arrinta Ikraan ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayey, maadama ay aheyd Sarkaal muhiim ah oo ka tirsan NISA, islamarkaana ay ku maqan tahay gacantooda, sida ay warbaahinta u sheegen eheladeedu.

Axmed Madobe oo shaaciyey musharaxiinta Aqalka Sare + Xilliga doorashadu dhaceyso

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ku socda Guddoomiyeyaasha guddiga heer federaal iyo dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa lagu shaaciyey liiska musharaxiinta qeyb kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Jubaland laga soo dooranayo.

Nuqul kamid ah waraaqdaas oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe ku gudbiyey Liiska Musharaxiinta 4 Kursi, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 9 xubnood, iyo sida ay u tartami doonaan, waxayna kala yihiin:

1- Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac.
2- Xalimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cismaan
3- Ilyaas Badal Gaboose, Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaarke Maxamed Cabdi
4- Ibraahim Yacquub Ismaaciil iyo Iftin Xasan Iimaan.

Kuraasta 4-ta ah ee uu maanta gudbiyey madaxweynaha Jubbaland ayaa waxay kamid yihiin 8 Kursi oo ay Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare, waxaana weli dhiman liiska musharaxiinta 4 kursi oo kale.

Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii u horeeyay ee gudbiya qeyb kamid ah Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, xili uu maanta Guddiga maamulka doorashada heer dowlad-goboleed ee Jubbaland uu soo saaray Jadwal cusub.

Guddiga ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka bisha July u dejiyay in lagu shaaciyo magacyada Musharaxiinta iyo Jadwalka, midaasi oo ku eeg in 6:00pm ka hor lagu soo wada gudbiyo liiska musharaxiinta.

Sidoo kale waxa uu guddiga Jadwalka cusub ee uu maanta soo saaray ku sheegay in diiwaan-gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka Khidmooyinka ay bilaaban doonaan maalinta berri ah oo taariikhdu tahay 28-ka bisha July.

Sida uu dhigayo Jadwalka ay maanta soo saareen Guddiga maamulka doorashada heer dowlad-goboleed ee Jubbaland in hadal Jeedinta Musharaxiinta iyo Doorashadooda ay qabsoomi doonto maalinta Khamiista ah.

400 oo SHACAB Soomaali ah oo lagu xasuuqay Ethiopia iyo dagaal culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta oo maanta dib uga qarxay dalka Itoobiya, kadib markii maamulka Cafarta ay xasuuqeen dad gaaraya 400 oo qof oo Soomaali ah.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa haatan wuxuu ka socdaa duleedka magaalada Garba Ciise oo ku taalla wadada dheer ee isku xirta wadamada Itoobiya iyo Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyo xoolo dhaqato Soomaali ah iyo sidoo kale maleeshiyaad ka soo jeedo dhanka deegaanka Canfarta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dhawaaqa rasaasta si xoogan looga maqalayo magaalada & agagaarkeeda, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa sidoo kale daba socda mid kale oo todobaadkii hore ka dhacay aagga haatan lagu dirirayo, waxaana ku dhintay Soomaali fara badan.

Wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Rooble Maxamuud oo u warramay VOA ayaa shaaciyey in qiyaastii 350 illaa 400 oo qof la dilay, isla-markaana magaalada ay la wareegeen Canfarta, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka gudaha ku jira ee aan la xiriirnay waxay innoo sheegeen dad illaa 350 qof illaa 400 u dhexeeyo in lagu dilay halkaasi,” ayuu yiri Maxamed Rooble Maxamuud oo ah wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Si kastaba dagaalka labada dhinac ee haatan dib u bilowday ayaa kusoo aadaya, xilli shalay maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya uu shaaciyey inuu difaaci doono dadka Soomaalida ah ee deggan aagga magaalada Garba Ciise iyo deegaannada kale ee ku dhow.

Iran oo gacanta ku dhigtay hawl-wadeenno ka tirsan sirdoonka Mossad iyo hub

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in ciidamadeeda amniga ay xireen shabakad u shaqeyneysay Israel, islamarkaana ay qabatay keyd hub ah oo la doonayey in loo adeegsado xasillooni darro ka dhalatay biyo la’aan oo dalkaas ka jirta, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda.

Iran ayaa inta badan cadowgeeda dibedda sida Israel, Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ku eedeysa inay qalalaase ka abuurayaan dalka, ayaga oo hurinaya dibad-baxyo iyo rabshado.

Warka maanta kasoo baxay dowladda ayaa yimid ayada oo ku dhowaad laba toddobaad ay dalka ka socdaan dibad-baxyo looga cabanayo biyo yari, oo badankeed ka jirta koonfurta galbeed ee Iran, kuwaas oo isku rogay siyaasad kuna faafay qeybo kale.

Mas’uuliyiinta ayaa ku eedeeyey mucaarad hubeysan inay huriyeen isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ay rasaas ku fureen dibad-baxayaasha.

“Howlwadeeno ka tirsan Mossad ayaa doonayey inay qalabkan u isticmaalaan dibad-baxyada magaalooyinka iyo dilal,” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda Sirdoonka, oo ay soo xigatay warbahainta dowladda, isaga oo ula jeeda hay’adda sirdoonka Israel.

Hubka la qabtay ayaa waxaa ku jira bistoolado, bam gacmeedyo, qoryo iyo rasaas, sida uu sheegay sarkaalka oo aan la magacaabin, oo intaas ku daray “Qaar ka mid ah kuwan waxaa loo adeegsaday in lagu huriyo isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada.”

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Israel.

REUTERS + VOA