25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

FAYSAL CALI WARAABE oo war yaab leh kasoo saaray doorashada Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa si adag kaga hadlay arrimo ku aadan doorashada Soomaaliya, gaar ahaan, tan hoggaanka guddiga gobollada waqooyi ee maanta ka dhaceysa Muqdisho.

Feysal Cali Waare ayaa waali ku tilmaamay dadka leh doorashadii Somaliland ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa ka dhaceysa magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax aan suurtagal aheyn ay tahay in Xamar lagu dhiso guddi ‘metalaya’ Somaliland.

“Maanta Xamar waxa ka socda doorashadii Somaliland ee aqalka sare iyo aqalka hoose, in ay dadku waalanyihiin ayaan idiin sheegayaa, bal dadkan caga badnaanteenu inoo gaysay 1960 waa cagliga maanta ku leh gudidii doorashooyinka Somaliland ayaa la samaynayaa bisha todobadeeda” ayuu yiri gudoomiyaga xusbiga mucaaradka Somaliland ee UCID.

Dhinaca kale Feysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in Somaliland, gaar ahaan golaha wakiilada inay wax ka qabtaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee ololaha ka wada magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay inay ku qaraabanayaan magaca Somaliland.

“Ilaa shirkii Carta ee 2000 ayay bilaabeen in ay qaar ina sheegtaan oo magaceena heshiisyo ku galaan, waxan baarlamaanka cusub leeyahay 75% sharciyada in ay dowladu soo saarto weeyaan oo baarlamaankuna ka eego, dowladu waxba soo saari wayde howshaasi idinka ayay idin haysataa” ayuu markale yiri guddoomiye Feysal Cali Waraabe.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan la filayo in gudaha Muqdisho ay ka dhacdo doorashada hoggaanka guddiga gobollada waqooyi, waxaana haatan socda dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu soo afjarayo khilaafka xoogan ee u dhexeeya labada garab ee guddiga.

DF oo si weyn uga hortimid qorshaha Midowga Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hortimid qorshaha uu Ururka Midowga Afrika ku dhimmayo ciidanka AMISOM ee ka how-gala dalka, xilli uu weli socda dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka hadlayey warbixintii Midowga Afrika ayaa tilmaamay inay tahay mid xaqiiqda ka fog, isla-markaana khuburada sameeyey aysan wax wada-tashi ah kala sameyn dowladda federaalka ah.

“Warbixinta iyo xulashooyinka ma aha ikhtiyaarro wanaagsan xilligan. Khubarada sameeyay qiimeynta si ku filan uma la tashan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,”ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in dowladda Soomaaliya ay todobaadkii hore la wadaagtay mowqifkeeda Midowga Afrika, iyada oo laga fakirayo mas’uuliyada amniga.

Maxamed Cabdirisaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay doonayaan in ciidamada AMISOM ay qaataan doorkooda, iyaga oo taageeraya kuwa Xoogga dalka, isla-markaana looga baahan-yahay inay ka qeyb-qaataan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, isla-markaana dowladda ay u diyaar garoobeyso doorashada Soomaaliya oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

AMISOM ayaa tan iyo 2007-dii ka howl-galeysa Soomaaliya, waxaana ciidamadeeda ay joogaan magaalooyin kala duwan oo ku yaalla gudaha dalka.

Xog: Ujeedka socdaal ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya ku imaneyso Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo ayaa lagu wadaa inay booqasho rasmi ah ku timaada Muqdisho maalinta Axadda, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Omamo ayaa la filayaa inay wada-hadallo ku aadan xiriirka labada dal la yeelato madaxda dowladda federaalka, kuwaasi oo si gaar ah diiradda loogu saari doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia, oo Caasimada Online u xaqiijiyey imaanshaha Raychelle Omamo, ayaa sheegay in waxyaabaha looga hadli doono kulanka ay ka mid yihiin isu socodka shacabka labada dal, xiriirka ganacsi, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan dib loo soo celiyo.

Kenya ayaa si gaar ah isugu dayeyso in dowladda Soomaaliya ay ka dhaadhiciso inay dib u fasaxdo qaadka dalkaas ka iman jiray oo muddo hakad ku jira.

Sida aan xogta ku helnay, kulankan ayaan wax shaqo ah ku laheyn arrimaha badda, iyo dhex-dhexaadin la sheegay in Midowga Afrika uu isku dayi doono inuu ka dhex-sameeyo labada dal, sida ay werisay warbaahinta qaar.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in dawladda Soomaaliya diiday dhex-dhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in dhex-dhaxaadinta dhanka xuduuda ah ee Midowga Afrika uu soo jeediyey ay salka ku heyso arrinta badda, balse mowqifka Soomaaliya uu yahay in lagu dhaqmo go’aanka ay ka soo saari doonto Maxkamadda ICJ oo qaaday dacwadda badda.

“Arrinta xuduudaha ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya waxay salka ku heysaa arrinta badda, kiiska badana waxa uu yaallaa maxkamad, umana furna Midowga Afrika iyo cid kale toona, Soomaaliyana ma aqbaleyso, ilaa sanadkaan gudihiisana waxaan maxkamadda ka sugeynaa jawaab rasmi ah,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Mowqifka dowladda Soomaaliya ayaa weli sidaas ah, mana jiro wax iska beddelay.

Ethiopia oo ku dhowaaqday inay dhammaan ciidamada qaranka dagaal gelineyso

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa ka digtay Jimcihii inay howlgelin doonto “dhammaan awoodaheeda difaac” kadib markii ciidamada Tigray-ga ay ku siqeen gobollada deriska la ah.

Dowladda “waxaa lagu qasbayaa inay is abaabusho oo ay daad-gureyso dhammaan awoodaheeda qaran haddii nabadda iyo xaaladda bani’aadaminimo halis la geliyo,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku tiri wasaaradda arrimaha dibdda.

“Ficillada koox aan mas’uul aheyn ayaa tijaabinaya dulqaadka dowladda federaalka, waxayna ku qasbayaan inay beddesho xaaladda difaac ee loo qaatay sababo la xiriira xabad-joojin bani’aadaminimo oo hal dhinac ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Goor sii horeysay oo maalintii Jimcaha aheyd, afhayeenka Jabhadda TPLF ee Tigray-ga Getachew Reda ayaa ku gacan seeray baaqyo ku saabsan inay ka baxaan gobollada Afar iyo Amhara.

Hadalladiisa ayaa yimid maalin kadib markii ciidamada ay qabsadeen magaalada Lalibela, oo ah dhaxal caalami ah oo ay aqoonsan tahay hay’adda UNESCO, oo ku taalla gobolka Amhara. 

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa bishii June ku dhowaaqay xabad-joojin hal dhinac ah kadib markii ciidamada Tigrayga ay dib u qabsadeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray. 

Saraakiisha ugu sarreysa Mareykanka ayaa ugu baaqay TPLF inay ka baxeen gobollada ku yaalla bariga iyo koonfurta Tigray, waxayna ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay joojiyaan dagaalka ayna taa beddelkeed diiradda saaraan wax ka qabashada “musiibada” bani’aadaminimo ee Tigray.

Mareykanka oo Cali Dheere iyo C/Qaadir Ikrima ku daray liiska argagixisada caalamka

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa laba hoggaamiye oo sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dartay liiska argagixisada caalamka, laga billaabo August 6, 2021.

Labada hoggaamiye ayaa kala ah Sheekh Cali Maxamed Raage oo loo yaqaan Cali Dheere iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo loo yaqaan Ikrima, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xoghayaha Arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

“Cali Maxamed Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, waa afhayeenka iyo hoggaamniye sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Wuxuu Mukhtaar Roobow ka beddelay xilka afhayeenka bishii May 2009. Cali Dheere wuxuu ku lug lahaa qorsheynta weerar lala beegsaday goobo ka tirsan Kenya iyo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka Blinken.

“Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo loo yaqaan Ikrima, waa fududeeyaha iyo qorsheeyaha howlgallada. Cabdulqaadir waa hoggaamiye sare iyo madaxa howlgallada iyo saadka. Wuxuu sidoo kala hagay weeraro ay horey u qorsheeyeen Al-Shabaab.”

Blinken ayaa sheegay in laga billaabo maanta ay qasab tahay in la xanibo dhammaan hantida iyo danaha shaqsiyaadkan, laguna soo wargeliyo Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka.

Waxaa taas sii dheer, in qof kasta oo la macaamila shaqsiyaadkan isna lagu dari doono liiska argagixisada caalamiga, sida uu sheegay Blinken.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale ka digay in hay’ad kasta oo maaliyadeed oo shisheeye oo shaqsiyaadkan u fududeysa gudbinta lacago ama siisa adeeg lacageed ay waihi doonto cunaqabateynta Mareykanka. 

Blinken ayaa sheegay in Mareykanka ay go’an tahay carqaladeynta hababka maaliyadda Kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada, si loo xadido awoodda ay u leeyihiin fulinta weeraro ka dhan ah shacabka.  

Rooble oo billaabay wada-hadallo xal loogu raadinayo khilaafka gudiga Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu soo warramayaa inuu bilaabay dadaallo xal loogu raadinayo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada garab ee guddiga gobollada waqooyi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dadaallo ay ka socdaan xafiiska ra’iisul wasaaraha, si xal waara looga gaaro is jiid-jiidka u dhexeeysa xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta labada Aqal ee ka imaaneysa Somaliland, kuwaas oo ay soo kala magacaabeen ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kasloonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu doonayo in arrinta si hoose loo dhammeeyo, isla-markaana labada garab ee is haya ay kala qaataan labada xil ee ugu sarreeya, sid guddoomiye iyo sidoo kale ku xigeen.

Wada-hadallada haatan billowday ayaa kusoo aadaya, xilli maanta oo ay tahay 7 August ay ku beegan tahay waqtigii loo asteeyey qabashada doorashada hoggaanka guddiga Somaliland.

Afarta xubnood ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa dhanka kale wacad ku maray in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada, iyagoo soo bandhigay shuruudo  ay tahay in la fuliyo.

Rooble ayaa horey uga noqday doorashadii dhacday ee hoggaanka guddigan, kadib markii ay cabasho ka keeneen xubnaha garabka Cabdi Xaashi ee guddiga ku jira, kuwaas oo weli iyagu ku doodayo in aan xal loo helin tabashadooda ku aadan hoggaanka guddigaasi.

Sii socoshada khilaafkan ayaa uga sii daraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, maadaama haatan la bilaabay doorashada Aqalka Sare.

Wasiirka haweenka oo farriin u dirtay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo ka hadleysay arrimaha doorashooyinka ayaa farriin u dirtay hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed ee dalka.

Xaniifa ayaa ka dalbatay madaxda maamul goboleedyada inay ilaaliyaan heshiiskii laga gaaray qabsoomida arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan qoondada haweenka ee 30%.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaady in loo baahan yahay in saddexdii musharrax ay hal musharrax haween noqoto, si ay kuraasta qaar ugu sameeyeen xubnaha haweenka ah.

Wasiirka haweenka ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, maadaama laba gabdhood ay kusoo baxeen doorashada Aqalka Sare ee Baydhabo.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa haatan ku bixinaya inay si weyn uga soo dhex muuqdaan xildhibaanada soo socda ee baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horey guddi gaar ah u xilsaaray ilaalinta qoondada haweenka, waxaana guddoomiye u ah guddoomiyaha ururka haweenka Batuulo Gabale.

Si kastaba doorashooyinka ayaa haatan si rasmi ah u billowday, waxaana Senatoradii ugu horreeyey lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ee Jubaland iyo K/Galbeed.

Warbixin: Yaa ka dambeeya kufsiga sare u kacay ee ka dhaca gudaha Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey ayaa warbixin ka soo saartay sare u kac lagu qiimeeyey 80% oo ku yimid tacaddiyada loo geysto dumarka Soomaaliya, kuwaas oo wajaha kufsi iyo gaboodfallo kale. Sida ay warbixintu xustana tirada kiisaaska la diiwaan geliyey oo aad u badan waxay abuurtay ‘qeylo dhaan weyn’.

Laba wakiil oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa arrintan ku qeexay “mid argagax leh” kadib markii xoghayaha guud loo gudbiyay laba warbixin oo dhawaan laga sameeyay gudaha Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh isku dhacyada Soomaaliya inay sida ugu dhakhsiyaha badan u joojiyaan tacaddiyadan,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha carruurta iyo isku dhacyada hubeysan, Virginia Gamba iyo wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan tacaddiyada kufsiga ee ka dhaca meelaha ay colaaduhu ka jiraan, Pramila Patten.

Labada warbixin ee ay soo diyaariyeen wakiillada ayaa lagu diiwaan galiyay in sanadkii 2020-kii gudihiisa 400 oo qof oo rayid ah, oo u badan gabdho, ay dhibaneyaal u noqdeen tacaddiyo isugu jira kufsi iyo xad gudubyo kale oo la xiriira jimsiga, waxayna tiradaasi muujisay in uu jiro sare u kac dhan 80% marka la barbardhigo sanadkii 2019-kii.

In ka badan 100 kiis oo tacaddiyada kufsiga ah waxay Qaramada Midoobay xaqiijisay afarkii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2021-ka. Dadka falalkaas geysta waxay inta badan ka faa’iideystaan gabdhaha nugul ee ku jira xeryaha barakacayaasha, iyagoo bartilmaameedsada marka ay xeryaha kasoo baxaan si ay u doontaan shaqooyin laga raadsado nolol maalmeedka, sida lagu xusay warbixinta.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sare u kaca ‘naxdinta leh’ ee tacaddiyada jinsiga ay sabab u tahay xaaladda amni darro ee ka jira Soomaaliya.

“Tani waxay kusoo aaday xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ku qotoma hardanka loogu jiro doorashada, isku dhacyada beelaha ee salka ku haya murannada dhulka iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab, taas oo uu sidoo kale sii xoojiyay cudurka Covid-19,”ayaa lagu yiri warbixintan ay soo saartay QM.

Kiisaska kufsiga ee ay ku lug leeyihiin Al-Shabaab ayaa labo jibaar noqday, sida lagu ogaaday warbixinta lasoo diyaariyay. “Taasi waxay muujineysaa in kooxda Islaamiga ah ay sii waddo tacaddiyada dhanka jinsiga ah ee la xiriira guurka khasabka ah ee ka dhaca deegaannada ay ka arrimiyaan. Xad-gudubyada ay geystaan maleyshiyo beeleedyada ayaa sidoo kale gaaray ku dhawaad saddex laab sanadkii lasoo dhaafay gudihiisa. Waxaa falalkaas loo adeegsaday hubka fudud,”ayaa lagu yiri bayaanka Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyntii sida ay shaaca ka qaaday warbixintaan, inta badan tacadiyada la diiwaan geliyey lama yaqaanno dadkii geystay, arrintaasina waxay meesha ka saareysaa in la ciqaabo dambiileyaasha, sida ay shegetay Qaramada Midoobey.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada hoggaanka guddiga gobollada waqooyi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada hoggaanka guddiga maamulaya doorashada xildhibaanada labada Aqal ee ka imaanaya gobollada waqooyi ama Somaliland.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan socota, wuxaana guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal uu soo saaray ogeysiis ku aadan qabashada doorashada hoggaanka guddiga gobollada waqooyi oo haatan labo garab u kala noqday.

Xubnaha guddiga ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf aad u xoogan, waxaana afarta xubnood ee uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare ay shaaciyeen in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada maanta dhaceysa, illaa inay guddoonka u codeyaan sideed xubnood oo doorashada aysan ka qeyb gelin xubnaha uu Rooble soo magacaabay iyo in wadahadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira doorashada ka hor.

Xaaladda ayaa aad usii cakirmeysa, waxaana marba marka ka dambeysa kasii daraya khilaafka u dhexeeya labada dhinac ee ku aadan sida loo wajahaypo doorashada guddiga.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse saacadaha soo socda ayaa la kala ogaan doonaa inuu dhacayo is-bedal & in la guda-galo doorashada hogaanka gudiga Somaliland.

Sidoo kale arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu uga noqday doorashadii hore ee hoggaanka guddigan, kadib markii ay cabasho xoogan ka keeneen garabka Cabdi Xaashi oo weli iyagu ku doodayo in aan xal loo helin tabashadooda.

Si kastaba khilaafkan ayaa uga sii daraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, maadaama haatan la bilaabay doorashada Aqalka Sare.

Xubno ka mid ah guddiga gobollada waqooyi oo qaadacay doorashada berri

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Garab ka mid ah Guddiga doorashada Somaliland ayaa diiday inay berri ka qeyb galaan doorasho uu iclaamiyey xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, taas oo loo qorsheeyey inay ka dhacdo Teendhada Afisyooni.

Doorashadaan ayaa la doonayaa in loo qabto xubnaha guddiga oo gaaraya 11-qof, si hoggaankooda ay isaga dhex-doortaan, balse laba garab ayuu u kala jabay guddigu.

Xubnaha diidan inay ka qeyb galaan doorashada la qorsheeyey in berri lagu qabto Afisyooni ayaa ah afartii uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo hoggaaminaya mid ka mid ah labada garab oo ay u kala jabeen siyaasiyiinta reer waqooyi.

Afarta xubnood ee guddigaas uu ku leeyahay garabka Cabdi Xaashi ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galkooda doorashada berri, waxayna shaaciyeen in doorashadaas ay qeyb uga noqon karaan laba qodob midkood.

1 – Inay guddoonka u codeyaan 8-xubnood oo doorashada aysan ka qeyb gelin xubnaha uu Rooble soo magacaabay.

2 – Iyo in wadahadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira doorashada ka hor.

Qoraal war-gelin ah oo galabta uu baahiyey guddiga doorashooyinka qaranka ee heer federaal ayaa lagu adkeeyey balankii ahaa in Sabtiga berri ee 7-da Agoosto la qaban doono doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada kuraasta baalamaanka federaalka ee gobollada waqooyi.

“Doorashada Guddoonka Guddiga Maamulka doorashadda kuraasta labada aqal ee Somaliland waxa lagu qabanayaa Teendhada Afisiyoone , Sabti 10:00 Am, oo ku beegan 7-Aug-2021. Waxa lagu casuumayaa Saxaafada, Hay’adaha Dawladda, Ururada Bulshada Rayidka, Gudiyada Doorashada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal.

Fariinta guddiga doorashada heer federaal ayaa muujineysa in xukuumadda Rooble ay ku adkeysaneyso in berri la qabto doorashada guddoonka guddiga doorashada Somaliland, iyadoo aan xal laga gaarin tabashada cirka isku shareertay ee hanaanka loo marayo doorashadaas ay ka qabaan siyaasiyiinta reer waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye  Cabdi Xaashi.

Guddiga doorashada heer federaal oo ku adkeystay qabashada doorashada uu muranku ka taagan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal war-gelin ah oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka qaranka ee heer federaal ayaa mar kale lagu shaaciyey in Sabtiga berri ee 7-da Agoosto la qaban doono doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada kuraasta baalamaanka federaalka ee gobollada waqooyi.

Doorashada waxaa lagu casuumay dhanacyo ay ka mid yihiin warbaahinta iyo daneeyayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya. Sida ku cad qoraalka guddiga, doorashadu waxay bilaaban doontaa 11:00 AM – barqonimo, waxayna ka dhici doontaa teendhada Afisyooni.

“Doorashada Guddoonka Guddiga Maamulka doorashadda kuraasta labada aqal ee Somaliland waxa lagu qabanayaa Teendhada Afisiyoone , Sabti 10:00 Am, oo ku beegan 7-Aug-2021. Waxa lagu casuumayaa Saxaafada, Hay’adaha Dawladda, Ururada Bulshada Rayidka, Gudiyada Doorashada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal.

Fariintaan ayaa muujineysa in xukuumadda Rooble ay ku adkeysaneyso in berri la qabto doorashada guddoonka guddiga doorashada Somaliland, iyadoo aan xal laga gaarin tabashada cirka isku shareertay ee hanaanka loo marayo doorashadaas ay ka qabaan siyaasiyiinta reer waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye  Cabdi Xaashi.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa mar kale shaaciyey in aysan marnaba ka qeyb-gali doonin doorashada guddoonka guddiga Somaliland, ee uu go’aamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

Maareeye oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in Rooble uu ka baxay xayndaabkii dhex-dhexaadnimada, isla markaana uu u xaglinayo dhanka Ra’iisul wasaare ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed oo uu gacanta u geliyay saddexdii xubnood ee guddigaas ee isagu uu soo magacaabay.

“Ra’iisul wasaaraha wax dhex-dhexaad ah ma magacaabin saddexda xubnood ee ka imaanaya dhanka xukuumadda, kuli wuxuu ii siiyey team-kii kale ee Ra’iisul wasaare ku-xigeenkiisa,” ayuu yiri Maareeye oo kamid ah siyaasiyiinta garabka Cabdi Xaashi.

Maareeye ayaa Ra’iisul wasaaraha u soo jeediyay in sidii uu ballan-qaaday uu dhex-dhexaad ka noqdo khilaafka kala dhaxeeya Mahdi Guuleed, uuna qabto doorasho degan oo heshiis lagu yahay, oo uusan gacan siin dhinac gaar ah.

Garabka CABDI XAASHI oo hal shuruud ku xiray ka qeyb-galka doorashada Sabtida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa markale shaaciyey inaysan marnaba ka qeyb-gali doonin doorashada guddoonka guddiga Somaliland, ee uu go’aamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

Maareeye oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in Rooble uu ka baxay xayndaabkii dhex-dhexaadnimada, islamarkaana uu u xaglinayo dhanka Ra’iisul wasaare ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed oo uu gacanta u geliyay Saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Ra’iisul wasaaraha wax dhex-dhexaad ah ma magacaabin (Saddexda xubnood ee ka imaanaya dhanka xukuumadda) oo kuli wuxuu ii siiyey team-kii kale oo ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenkiisa,” ayuu yiri Maareeye oo kamid ah garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in doorashada Sabtida loo ballansan-yahay ee guddiga Somaliland aysan ka qeyb-gali doonin haddii aan wax laga bedelin sida ay u socdaan, islamarkaana ay meesha ka saaran 3 xubnood ee loogu xagliyey garabka Mahdi Guuleed.

“Anagu marnaba kama qeyb-galeyno doorasho ay galayaan 11, wixii lagu heshiiyeyna ma aha, wax ay bulshada kuraastan iska lehna ay qabto ma aha. Markaa wax qariib ah maaha in 8 xubnood is doorato oo waa wax sharci ah.”

Maareeye ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Ra’iisul wasaaraha usoo jeediyay in sidii uu ballan-qaaday uu dhex-dhexaad ka noqdo khilaafka kala dhaxeeya Mahdi Guuleed, uuna qabto doorasho degan oo heshiis lagu yahay, oo uusan gacan siin dhinac gaar ah.

Hadalka Maareeye ayaa imanaya xili uu garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka Somaliland uu qaadacay ka qeyb-galka doorashada guddoonka guddigaas oo la mudeeyay inay qabsoomto maalinta berri ah.

Muxuu Dr. Baadiyow ka yiri khilaafka Cabdi Xaashi iyo DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib go’aankii uu ka gaaray Ra’iisul wasaare Rooble.

Dr Baadiyow ayaa ugu horeyntii ka digay in looga sii daro khilaafka ka dhex jira hogaanka labada garab ee guddiga, islamarkaana laga daayo deg-degta, sida uu hadalka u dhigay.

“Gudoomiye Cabdi Xaashi waa astaanta wadan-jaceylka iyo midnimada. Wa oday ku caanbaxay dhawridda sharciga. Waa in la qadariyo, lana ixtiraamo. Khilaafka jira waa la xallin karaa ee degdegta waa in laga daayo. Taariikhdu yeey naga xumaan oo damacu na indha tirin. Tawfiiq Ilaahow,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in la qadariyo tabashada Cabdi Xaashi oo uu ku sifeeyay shaqsiga ku caanbaxay dhawrida sharciga, asaga oo garabka kalena uga digay in damacu indho tiro.

Khilaafka u dhaxeeya Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa curyaamiyey shaqadii guddiga doorashooyinka, oo u kala jabay labo garab oo ay kala hogaaminayaan, kuwaasi oo mid walba uu doortay guddoon u gaar ah.

Waxaa xusid mudan in khilaafka guddiga Somaliland uu dab kusii shiday go’aanka uu qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo dhigaya in maalinta Sabtida ah uu guddiga doorto guddoon cusub, si hore loogu sii wado howlaha doorashada, waxaana doorashadaas ka maqnaan doona garabka Cabdi Xaashi oo qaadacay.

“Waxaa Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxgaradka Soomaaliyeed iyo daneenayaasha doorashada 2021-ka la socodsiinaynaa inay muuqato in Ra’iisul Wasaaruhu ka baxay heshiisyadii la gaadhey iyo wada-hadalladii socdey. Waxaan si cad u sheegaynaa in aanan qayb ka noqon karin go’aan hal dhinac ah loogu daneynayo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay garabka Cabdi Xaashi

GUUDLAAWE oo dhexda ka galay khilaaf adag oo la xiriira FARMAAJO iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhexda u galay khilaaf siyaasadeed doorasho iyo mid maamul, kadib markii uu qaatay go’aamo iska soo horjeeda oo uu ku qanciyo dhinacyada ku hirdamaya siyaasadda dalka.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa lagu soo waramaya in uu qaatay go’aan ah inuu wada qanciyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Musharixiinta Mucaaradka oo dhinac ah.

Sidoo kale waxaa madaxweyne Guudlaawe u dheer khilaafka doorashada mid ka taagan gudaha maamulkiisa, oo ay si weyn uga soo horjeedan qaar kamid ah Beelaha dega deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle ayaa la rumeysan yahay in uu muddo badan ahaa garabka Farmaajo, inkasta oo markii dambe uu ka horyimid muddo kororsigii doorashada, waxaana loo sababeynaya in khilaafka uu dhexda ugu jiro ay hormuud u tahay go’aan qaadasho la’aanta iyo in uusan u madax banaaneyn awoodiisa.

Guudlaawe iyo Musharaxiinta mucaaridka ayaa dhowr jeer la kala dhex-galay, kadib markii uu soo magacaabay guddiga doorashooyinka ee maamulkaas, kuwaasi oo inta badan ay si toos ah uga soo galeen xafiiska Farmaajo, taasi oo ay ka biyo diideen musharaxiinta, hase yeeshe uu madaxdii hore ee dalka uu ku qanciyey inay ku kalsoonaadan oo asaga meesha u joogo.

Go’aan qaadasho la’aanta Guudlaawe ka sakow waxaa weli taagan xaaladii ka dhalatay Doorashadiisa iyo gadoodka Beesha Gobolka Hiiraan u badan oo keenay inuu tegi waayo magaalada Beledweyne oo uu doonayey inuu isku caleemo saaro, markii loo cimaamaday xilka.

Inta badan madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa xiligan xarun u noqotay magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin muddo dheer, iyadoo aan in muddo ah ku laaban degaanada ay maamulaan oo xaalado adag heystaan iyo mid maamul la’aan.

Sidoo kale ma cadda sida doorashada uga dhici doonto magaalada Beledweyne, iyadoo uu taagan tahay khilaafka Cali Guudlaawe iyo Beesha Gobolka Hiiraan u badan, mana jiro wax dadaal ah oo uu u galay sidii arrintan wax looga qaban lahaa mudaddii 10-ka bilood ahaa ee uu ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle.

Waxa kale oo soo baxaya inuu olole ugu jiro inaysan doorasho ka dhicin Beledweyne, shuruudna uga dhigay inuu isago tago marka hore, sida uu shaaciyey ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Si kasktaba, tan iyo intii uu HirShabeelle madaxweynaha ka noqday Guudlaawe wuxuu maamulkaasi galay xaalad hubanti la’aan ah iyo mugdi siyaasadeed oo hareeyay mustaqbalka iyo wada-jirka maamulkaas, sida la fahamsan yahayna waxa uu ku fashilmay inuu maamulkaasi hore u wado ama isku dayo xal u helida caqabadaha hortaagan.

Qorshaha ku hoos qarsoon kulanka Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada ay ku yeelanayaan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay Muqdisho ku yeeshaan kulan looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyey dalka iyo doorashooyinka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka wada-hadli doono qodob ku saabsan in la yareeyo tirade ergada soo dooraneysa mudaneyaasha Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka.

Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa inay suurtagal ah tahay in madaxda isla falanqeyso in hal degaan doorasho lagu soo koobo goobaha codeynta. Labadan qodob waxay kamid ahaayeen ajandaha shirarkii ka qabsoomay Muqdisho.

In doorashada lagu qabto laba magaalo ayaa wajaheysa caqabado farsamo, kuwa amni iyo mid dhaqaale iyo xiisado u dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo beelaha dega magaalooyinka la qorsheynayo in doorashada ay ka dhacdo.

Illaaa saddex magaalo oo ka mid ah deegaan doorashada ayey adag tahay in doorasho laga qabto, waxayna kala yihiin Beledweyne, Garbahaarey iyo Baraawe.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabeelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaan maamulladooda laga taageersaneyn Gedo iyo Hiiraan, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda, taasi oo adkeyneysa inay doorasho ku qabtaan Gabahaarey iyo Beledweyne.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan deegaano ku dhow magaalada Baraawe, waxaana magaalada ku sugan ciidamo aan badneyn oo isugu jira Soomaali iyo Amisom, oo ay adkaan doonto inay Shabaabka iska caabiyaan haddii weerar culus uu kaga yimaado, taasi oo adkeyneysa in maamulka Koonfur Galbeed uu doorasho ku qabto magaalada.

Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo oo weli awood ku leh siyaasadda dalka ayaan marnaba aqbali doonin in hal magaalo lagu soo koobo doorashada, taasi oo meesha ka saareysa doorashada Garbahaarey, oo uu aad isugu haleynayo 16-ka kursi ee halkaas yaalla.

Heshiiskii ay kala saxiixdeen madaxda Soomaalida 27-dii May, 2021 ayaa xeerinayey in eragada soo xuleysa mudaneyaasha ay noqoto 101 iyo in maamul kasta laba magaalo lagus oo xulo sharci-dejiyeyaasha xeer-dejinta 11-aad.

Si kastaba ha ahaatee, haddii isbedelkan uu yimaado waxay ka dhignaan doontaa in mar kale lagu laabanayo doorashadii qabsoontey 2016-kii, waxaana labadaan qodob ay yihiin farqiga kaliya ee coddeyntan kaga duwanaan lahayd.

TIGRAY-ga oo gacanta ku dhigay magaalo taariikh weyn u leh maamulka Amxaarada

Lalibela (Caasimada Online) – Fallaagada ka dagaalanta gobolka Tigray ee waqooyiga waddanka Itoobiya ayaa waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Lalibela, halkaas oo ah magaalo ay Unecso u aqoonsan tahay inay ku yaallaan goobo taariikhi ah oo caalami ah, kuna taal gobolka midkaas dariska la ah ee Amxaarada.

Lalibela, ayaa waxaa ku yaal kaniisado qarnigii 13-aad laga dhisay buuro la qoray, halkaas oo ah meel barakaysan oo ay leeyihiin malaayiin kirishtaan ah.

Dadka magaaladaas ku nool ayaa ka qaxayay ruqaansiga fallaagada, waxaa sidaasi BBCda u sheegay saraakiil maxalli ah. Kumannaan qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay Nofeembartii la soo dhaafay.

Dagaalka ayaa haatan ku fidaya gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo xad la leh gobolka Tigray. Malaayiin qof ayaa sidoo kale guryahoodii ka barakacay.

Ciidammada fallaagada Tigray iyo milateriga Itoobiya iyo xulafadiisa ayaa waxaa lagu eedeeyay inay galeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaalba.

Maayir ku xigeenka magaalada Lalibela, Mandefro Tadesse, ayaa BBCda u sheegay in magaalada ay gacan ku haynteeda la wareegeen fallaagada Tigray.

Waxa uu sheegay in aanay wax rasaas ah halkaas ka dhicin, hasayeeshee dadka magaaladu ay halkaas isaga baxsanayeen, uuna ka walaacsan yahay badqabka kaniisadaha taariikhiga ah.

Waxaa halkaas ku yaal 11 kaniisadood oo laga sameeyay buuro la qoray kuwaas oo la dhisay intii u dhaxaysay qarnigii 12-aad iyo midkii 13-aad. Waxaa loo dhisay inay badel u noqdaan xajka loo aado Dhulka Barakaysan, dhulkaas oo waagaas ahaa mid aanan la gaari karayn.

“Halkani waa dhaxal caalami ah, waxaana qasab ah inaan ka shaqayno inaan xaqiijinno in hantidaasi aan dhawro,” ayuu yiri Mr Mandefro.

Dagaalka sii fidaya ayaa waxa uu yimid kaddib markii bishii Juun ay dhul ballaaran qabsadeen fallaagada Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray (TPLF), oo ay ku jirto inay la wareegeen gacan ku haynta magaalo madaxda gobolka Mekelle kaddib markii ciidammada dowladda Itoobiya ay halkaas isaga baxeen ayna dowladdu ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac.

TPLF ayaa maamuli jirtay gobolka Tigray illaa ay Nofeembartii la soo dhaafay awooddii ay ka tuureen ciidammada federaalka. Waxa ay dowladda Itoobiya ku astaysay inay yihiin urur argagixiso. Sikastaba xaalku ha ahaadee, fallaagada ayaa sheegtay in ay yihiin dowladda sharciga ah ee gobolka Tigray.

Bilowgii todobaadkanna janaraal ka tirsan fallaagada ayaa waxa uu BBCda u sheegay in ujeedka ururka ay tahay in ciidammada dowladda federaalka lagu qasbo inay xayiraadda ka qaadaan gobolka oo ay ogolaato in xal siyaasadeed lagu dhammeeyo dhibaatada.

Dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay inay jirto wax xayiraad ah, dhanka kalana waxa ay meesha ka saartay wax wadahadal ah.

Sikastaba xaalku ha ahaadee gulufka TPLF ay ku waddo Amxaarada iyo Canfarta ayaa waxaa dhaleeceeyay caalamka, iyadoo Qaramada Midoobay iyo Mareykankaba ay todobaadkan ku baaqeen in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan dagaalka.

Cabsi ka jirta Dhuusomareeb oo ay gaareen ciidan xoogan oo ay wataan siyaasiyiin

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Iyadoo Magaalada Dhuusamareeb lagu qabanayo Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya qaybtood ayaa waxaa magaaladaasi gaaraya siyaasiyiinta deegaanka ka soo jeedda, ee daneynaysa ka mid noqoshada Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Magaalada ayaa marti-gelinaysa maleeshiyaad aad u hubeysan, oo ay kala wataan siyaasiyiinta, taasoo keentay in walaac dhanka amniga ahi laga muujiyo.

Sidoo kale magaalada ayaa waxaa ka soconayo kulamo la xiriira Doorashada Labada Gole ee Baarlamaanka. Kulamadan ayaa waxaa qayb ka ah kulamo uu Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ka wado magaaladaasi.

Siyaasiyiinta ku sugan magaaladaaasi, ee ay siyaasadda ku kala aragtida duwan yihiin Madaxweynaha ayaa isha ku haya liiska musharaxiinta Aqalka Sare, ee dhawaan la fillayo inuu Madaxweynuhu soo gudbiyo.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya soo bandhigidda Xubnaha Galmudug ku metelaya Aqalka Sare inay tahay imtixaan siyaasadeed horyaala Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaan ku deg-deggi doonin gudbinta liiska musharaxiinta ee ku tartamaysa sideedda kursi ee Galmudug ku leedahay Aqalka Sare, isla-markaana uu arrintaasi wadatashi badan ka samayn doono.

Guddiga Amniga Doorashada Labada Aqal ee Galmudug ayaa soo saaray awaamiir lagu adkeynayo amniga labada goobood ee lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanada ee Dhuusamareeb iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Taliyaha Booliska Galmudug, G/sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in guddigu uu mamnuucay dhammaan hubka iyo gaadiidka dagaal ee lagu dhex haysto magaalooyinka deegaanka doorashada ee Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

“Ma jiri karto wax hub ah oo magaalooyinka aan kor ku soo sheegnay lagu dhex wadan karo, oo aan ka ahayn hub fasax looga haysto laamaha amniga,” ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Ma jiri karo askari ama ciidan oo magaalooyinka dhex lugeyn kara, oo aan ka ahayn ciidanka loo xilsaaray suggida amniga guud, gaar ahaan magaalooyinka.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa la mamnuucay gebi ahaanba in garoomada diyaaradaha Galmudug si guud, gaar ahaan magaalooyinka ay doorashadu ka dhaceyso, sida Caasimadda Galmudug iyo Gaalkacyo laga soo dejiyo ama la soo geliyo hub iyo gaadiid dagaal, oo aan fasax loo haysan.”

Khaliif Cabdulle ayaa xusay in laamaha ammaanka ay tallaabo ka qaadi doonaan, cid kasta oo ku xadgudubta buu yiri awaamiirta aan bixinay.

“Hay’adaha amnigu waxay tallaabo ku haboon ka qaadi doonaan cid kasta oo ku xadgudubta awaamiirta aan bixinay,” ayuu yiri Khaliif Cabdulle.

Si kastaba ha-ahaatee Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal ayaa siyaasiyiinta ugu laab qaboojiyay inaanay jirin cid awood u leh inay duudsiiso xaqa ay u leeyihiin in la doorto amaba ay wax doortaan.

Wararkii ugu dambeeyey cadaadiska saaran QOOR QOOR iyo liiska laga sugayo

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa weli la xarbinaya go’aan ka gaarista liiska musharaxiinta Aqalka Sare oo laga sugayo inuu soo saaro.

Qoor Qoor ayaa weli go’aan ka gaari la’ qaar ka mid ah kuraasta beelaha iyo cidda uu u sharxayo, taasi oo dib u dhigeysa inuu liiska shaaciyo, waxaana cadaadiska ugu xooggan uu ka saaran yahay laba ka mid ah kuraasta.

Labadaas kursi ayaa waxaa ku fadhiya laba Senator oo aad ugu dhow Qoor Qoor oo kala ah; Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, oo kasoo jeeda beesha Murusade iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kasoo jeeda beesha Sacad Habar-Gidir.

Labadan Senator ayaa aad ugu dhow oo saaxiib la ah Qoor Qoor, hase yeeshee waxaa sanadkan kuraastooda u sharaxan oo doonaya siyaasiyiin kale oo magac iyo miisaan ku leh beelahooda.

Kursiga Dhagdheer ayaa waxaa u sharaxan Sheekh Yuusuf Cali Caynte, halka kursiga Qeybdiid uu doonayo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Go’aanka ugu fudud ee Qoor Qoor uu qaadan karo ayaa ah inuu dhammaan kuraasta ka dhigo kuwa furan oo ay isku sharci karaan ciddii doonta, hase yeeshee Dhagdheer iyo Qeybdiid, oo saaxiibo la ah, ayaan dooneyn inay wajahaan tartan adag oo ay kursiga ku weyn karaan.

Laba kursi oo kale oo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus, oo laga cabsi qabay inay Qoor Qoor ku adkaato go’aan ka gaaristooda ayaa culeyskoodu ka degay. 

Mid ka mid ah kursigaas ayaa waxaa ku fadhiya Senatorr Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo kasoo jeeda beesha Duduble, hase yeeshee go’aansaday inuu sanadkan isku sharxo golaha shacabka.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku fadhiya Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, hase yeeshee waxaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo beesha go’aansadeen in loo wareejiyo jufo hoosaad beesha ka mid ah oo tirsaneysa cadaalad darro.

Qoor Qoor ayaa mar ay ahaataba ku qasban inuu hoggaamiyenimo muujiyo oo uu go’aan qaato, sababtoo ah kuma sii dheganaan karo liiska. 

Xog: Mucaaradka cabsi ka qaba in rajada doorashada Farmaajo ay aad u sarreyso

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo kala duwan oo aan ka helnay dhinaca mucaaradka ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay cabsi weyn ka qabaan in markale la doorto Madaxweyne Farmaajo, marka la eego qaabka ay wax u socdaan. 

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in Midowga Murashaxiinta ay qabaan dareen weyn oo ah in xildhibaanada cusub ee lasoo dooranayo ay badankood noqon doonaa kuwa taageersan Farmaajo, taasi oo sidii ay ku dhici laheyd ay Villa Somalia aad uga shaqeyneyso.

Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa diyaarsaday shaqsiyaad badan oo daacad u ah oo kamid noqonaya baarlamaanka cusub, si ay ugu doortaan Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Cabsida ay qabaan mucaaradka ayaa sii korartay kadib shanti xubnood ee Aqalka Sare ee Isniintii lagu doortay magaalada Baydhaba, kuwaasi oo xaqiijiyey sida madaxweyne Lafta-gareen ay go’an tahay inuu soo saaro xildhibaano taageersan Farmaajo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo dooranayaa xildhibaanada ugu badan ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo marka la isku geeyo golaha shacabka iyo Aqalka Sare gaaraya 77.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu yeesho inta ugu badan xildhibaanada Koonfur Galbeed, oo ay usii dheer yihiin kuwa Dir, beelaha Banaadiriga iyo kuwa beeshiisa. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu faro-geliyo kuwa Galmudug iyo HirShabelle.

Qaar kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha kuwooda ugu saameynta badan ayaa la sheegay in ay isku afgarteen in musharax kasta uu ilaaliyo kursiga beeshiisa, si aysan ugu gacan gelin Farmaajo.

Sidoo kale murashaxiinta ayaa sidoo kale ku heshiiyay in ugu yaraan ay Xildhibaano fiican ku yeeshaan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya, si loo dhimo rajada Farmaajo.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay qayb ka tahay in marka hore ay xoogga saaraan sidii ay baarlamaanka xubno iyo guddoonkaba u yeelan lahaayeen, si haddii uu markale guuleysto Farmaajo ay mooshin uga keenaan ama ay saaraan cadaadis baarlamaan. 

Rajada mucaaradka ayaa ah inay xoogga saaraan in Farmaajo uusan wax saameyn ah ku yeelan xildhibaanada ka imanaya Galmudug iyo HirShabelle, maadaama aysan wax welwel ah ka qabin dhanka Jubaland iyo Puntland.

Si kastaba, Haddii Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay la mid noqdaan Lafta-gareen ama ku dhowaadaan, waxay kasii dhignaan doontaa niyadjab weyn oo dhanka mucaaradka ah.

Xeendaabka siyaasadda dalka ayaa waxaa ka jira dareen xoog leh oo ay qabaan dadka dorsa arrimaha siyaasadda, kaasoo ah in Farmaajo uu wado soo saarashada Xildhibaano markale doorta.

Dedaalkaan waxaa hore u soo sameeyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo sidii la filayay aysan wax u dhicin 2017-kii, oo Xasan Sheeekh laga adkaaday.

GALMUDUG oo shaacisay qorshaheeda deegaannada laga saaray AL-SHABAAB

0

Camaara (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa uu diyaariyay qorshe Deegaannada Al-Shabaab ay ka qabsadeen loogu sameynayo maamullo ku shaqeeya & helista adeegyada aasaasiga ah.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana hoostagta Degmada Xarardheere ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen xaqiijinta amniga, haatanna ay magaalada tahay mid nabdoon oo Nabadgelydeeda la isku haleyn karo.

Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa xusay in magaalada Camaara laga hirgelin doona Saldhig boolis, xarumo caafimaad iyo Waxbarasho iyo waxyaabaha kale ee ay bulshada u baahantahay, maadaama Al-Shabaab ay kalhore baabi’iyeen goobihii bulshada loogu adeegi jiray.

Ciidamada Militariga ah ee Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta Galmudug ayuu shaaciyay in ay kusii soconayaan howlgallada ka socda deegaannada ay joogaan Al-Shabaab sidaas awgeed ciidanka amniga lagu wareejinayo magaalooyinka ay qabsadaan.

Galmudug ayaa ku hanjabtay in ay gacanta ku dhigeyso Magaalo Xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidanka uu jiheysanayo Degmadaas.

Howlgalka ka socda Gobolka Mudug oo socda dhowr todobaad waxaa ka qaybgala diyaaradaha duulliye la’aanta Mareykanka oo saddex fuliyay duqeymo ay la eegteen deegaannada ay isaga baxeen Al-Shabaab oo markii dambe ay galeen Ciidanka DFS & Daraawiishta Galmudug.