25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Maxaa looga dan lahaa wareegtadii FARMAAJO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa waxaa lagu shaaciyey amar ah in aysan geli karin hay’adaha dowladda heshiisyo siyaasaddeed, mid amni iyo kuwa dhaqaale, inta lagu guda jiro xilliga kala guur ah, isla-markaana laga qabanayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Prof Huseen Warsame oo ah bare Jaamacadeed oo ku sugan magaalada Calgary ee dalka Canad ayaa fasiraad ka bixiyey wareegtada uu soo saaray madaxweynaha oo ku soo aaday xilli xasaasi ah, wuxuuna shaaciyey inay tahay mid muhiim ah oo ku soo aaday xilligeeda.

Aqoonyahankan ayaa xusay in adduunyada inteeda ay ka jirto arrintan oo kale, isla-markaana la qaado tallaabooyinkan, marka la gaaro waqtiga doorashada.

“Anigu waxaan isleeyahay cid loola jeedaa oo gaar ah in aanay jirin, laakiin waxaa muhiim aheyd koleyba mar haddii kala guur la joogo een dad badan oo xilal haya oo soo noqoneyn-baa jira, kana baqanaya inay doorashada waayaan, marka aduunyada oo dhanba waa iska sidaas, ” ayuu yiri Prof Huseen Warsame oo ah bare Jaamacadeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey in tallaabada uu qaaday madaxweynaha uu sharciga u ogol-yahay, maadaama uu yahay cidda ugu sarreysa ee maamulka dowladda.

“Qodobka 18-aad ee dastuurka wuxuu madaxweynuhu awood u siinayaa in isagu yahay cidda ugu sarreysa ee dowladda ha noqoto fulin ama ha noqoto sharci dajin ama garsoor,” ayuu raaciyey.

Prof Huseen Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay jiri karaan farsamooyin kale oo madaxweynaha ku kalifay amarkan, balse si guud marka loo eego ay warqaddani ku soo aaday xilli loo baahnaa, isla-markaana ay dowladdu ku kalifeyso inay dadajiso doorashada.

“Anigu waxaan is leeyahay warqadan waqti yare loo baahnaa ayey soo baxday oo tartarsiin doonto dowladdu, si aanay mashruucyada uga xirmin ayna deg deg isaga dhammeyso arrimaha doorashooyinka ee daba jiitamay-baan anigu isleeyahay,” ayuu markale yiri.

Si kastaba direegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee xayiyaaradda lagu saaray hay’adaha dowladda ayaa timid, kadib markii uu soo shaac baxay safarka wafdiga ka socda dalka Kenya ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Faransiiska oo Soomaaliya soo gaarsiiyey deeq tallaalka AstraZeneca ah + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Faransiiska ayaa ugu deeqday Soomaaliya 108,000 oo darsin oo tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca, si loo xoojiyo barnaamijka tallaal ee dalka. Deeqdu waxa ay soo gaadhay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde maanta 08 agoosto 2021.  

Daawadan waxa kala wareegtay COVAX global initiative, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. COVAX waxa ay la shaqaysaa dawladaha iyo warshadaha si loo hubiyo in tallaalka COVID-19 adduunka oo dhan laga heli karo, dalalka dakhliga sarreeya iyo kuwa dakhliga hooseeyana wada heli karaan. COVAX waxa wada hoggaamiya Isbahaysiga Coalition for Epidemic Preparedness Innovations (CEPI), Gavi oo ah Xulafada Tallaalka iyo Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO). 

108,000 ee darsin waxa ay dardargalinayaan dadaallada tallaalka Soomaaliya oo bilaabmay badhtamihii Maarso 2021, markii uu dalka soo gaadhay tallaalkii ugu horreeyay ee COVAX keento oo dhannaa 300,000 oo darsin oo tallaalka AstraZeneca ee COVID-19 ka ah. Soomaaliya waxa ay qorshaynaysaa in ay u tallaasho shacabkeeda ugu yaraan 20% dhawr qaabood oo kala horreeya. Ugu horraynta waxa awoodda la saarayaa shaqaalaha jiidda hore iyo dadka ugu nugul oo ay ku jiraan dadka da’da ah.  

Barbara Nel, Madaxa Afrika ee AstraZeneca ayaa tidhi: “In 108,000 oo darsin oo ah tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca soo gaadhaan Muqdisho waxa ay war lagu farxo u tahay shacabka Soomaaliya”  

“Dhammaan shaqo wadaagta Isbahaysiga Tallaalku wakhtiga oo dhan waxa ay ka shaqaynayaan sidii ay u hubin lahaayeen in tallaalka COVID-19 gaadho inta ay suurtagal tahay dalalka Afrika. Maanta in uu Soomaaliya soo gaadhay waxa ay muujinaysaa qiimaha wadashaqaynta xukuumadaha, warshadlayda iyo dhinacyada kalaba u leedahay in laga jawaabo baahida dagdagga ah ee qaaradeennan ka jirta”  

“AstraZeneca aniga oo u hadlaya, waxa aan jecelahay in aan uga mahadceliyo Wasiirka Caafimaadka Fawsiya Abiikar Nuur, dawladda Faransiiska iyo shaqo wadaagtayada Xulafada COVAX, Ururka Caafimaadka Aduunka, Gavi, CEPI iyo UNICEF suuragalinta hawshan.” 

“Tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca qiyaastii 90% ayuu ka yahay COVAX inta ay bixisay taariikhdan maanta, iyada oo ah in ka badan 80 milyan oo darsin oo la gaadhsiiyay 127 dal, oo ay ku jiraan in ka badan 38 dal oo Afrikaan ah.”  

“AstraZeneca waxa ka go’an in ay tallaalka u fidiso sida ugu balladhan iyo si sinnaan ah aduunka, oo aan macaash lahayn inta safmarku jiro. Tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca wuxu caawiyay badbaadinta tobannaan kun oo nafood iyo ka hortagga in kumannaan kale dhakhtar jiifsadaan tan iyo bilawgii sannadkan”  

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay cabashadii shacabka Muqdisho (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabay cabasho ka timid shacabka ku dhaqan Muqdisho, waxayna sameeyeen howl-gal ka dhan ah dadka isticmaala maandooriyaha iyo kuwa ka ganacsada.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga sameeyey inta badan gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay tiro dad ah oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomalaiyeed, Zakiyo Xuseen Axmed oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka warbixisay baaritaanadaasi, waxaana ay shaacisay inay uga jawaabayeen cabasho ka timid dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha caasimada.

“Taliska Boliiska G/Banadir iyo Maamulka G/Banadir oo is kaashanaaya kana jawaabaya cabasho ka timid bulshada ayaa howlgalo ka fuliyay dhamman degmooyinka G/Banadir howlgalkaas oo lagu soo qabtay dadka mandooriyaadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada,” ayey tiri.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Howlgaladaan waxeey ka jawaabayaan cabashooyinka ay bulshada ku soo gudbiyeen Madasha Ila Wadaag, Qadka 991 iyo cinwaanada bulshada ay si toos ah oogala xiriir karaan Ciidanka Boliiska, “.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howl-gallada iyo baaritaanada ka socda Muqdisho, si loo xaqiijiyo amniga caasimada.

Howl-galkan ayaa wuxuu ku soo aadaya, xilli ay degmooyinka gobolka Banaadir ku soo badanayeen dhalinyarada isticmaasha waxyaabaha maanka dooriya, waxaana si aad ah baraha bulshada loogu wadaagayey muuqaallo laga soo duubay qaar ka mid ah dadkaasi.

Muxuu qorsheynayey Osama Bin Laden kahor inta aan la dilin? – Xog cusub oo la helay

Washington (Caasimada Online) – Osama Bin Laden waxa uu markii la dilayey qorsheynayey inuu khaarajiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, waxaa sidaas shaaca ka qaaday buug cusub.

“Markii ay soo dhowaatay sanad-guuradii tobonaad ee weerarkii 9/11, Bin Laden waxa uu aad u daneynayey inuu munaasabaddaas ku xuso weerar kale oo weyn,” ayuu Peter Bergen, oo fallanqeeya amniga qaranka Mareykanka ku qoray buuggiisa “Soo Bixiddii iyo Dhiciddii Osama bin Laden”, oo nuqul ka mid ah lagu daabacay wargeyska Wall Street Journal. 

“Waxa uu ku-xigeenadiisa u sheegay inuu doonayey ‘howlgal wax ku ool ah, oo sameyntiisa ay ka weyn tahay weerarkii 9/11,’” ayuu Bergen ku qoray buuggiisa oo badanaa saldhig looga dhigay dukementiyo laga soo helay guriga Bin Laden markii la dilay. 

“Waxa uu sheegay in dilitaanka madaxweyne Barack Obama ay aheyd ahmiyad weyn, hase yeeshee wuxuu sidoo kale isha ku hayey Jeneral David Petraeus oo xilligaas ahaa taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan,” ayuu qoray Bergen.  

“Bin Laden wuxuu kooxdiisa u sheegay inaysan isku mashquulin in la dilo madaxweyne ku-xigeenkii xilligaas Joe biden, oo uu u arkay ‘nin gebi-ahaanba aan u diyaarsaneyn’ jagada madaxweynaha. 

Bergen ma sheegin sababta Jihaadiyiinta ay sidaas ugu arkeen Biden, oo toban sano kadib geeridii Bin Laden noqday madaxweynaha Mareykanka.

Biden ayaa lagu warramay inuu kasoo horjeeday howlgalkii lagu dilay Bin Laden oo ay fuliyeen cutubka Seal Team Six ee ciidamada Marines-ka Mareykanka, sababtoo ah ma hubneyn in guriga la weeraray uu ku jiray Bin Laden 

Damaca Osama Bin Laden ee warar kale oo weyn ayaa salka ku hayey inuu dareemay in dunida ay hilmaamtay, sida buugga lagu qoray. 

“Waxay u muuqatay in taariikhda ay dhinac martay,” ayuu qoray Bergen. 

Osama ayaa sidoo kale ka war hayey in kooxaha xulufada la ah Al-Qacida ay dileeen kumanaan qof oo Muslimiin ah oo aan waxba galabsan, taasi oo wiiqday farriinta kooxda ee ah inay ku jiraan Jihaad ay ku difaacayaan Muslimiinta oo dhan

Bin Laden wuxuu sidoo kale ka fakaray in magaca kooxda la beddelo lagana dhigo mid dabacsan, sida lagu qoray buugga Bergen. 

Qorshihii Bin Laden ayaan hirgelin, waxaana la dilay 2-dii May 2011, markii ciidamada Mareykanka ay ku weerareen gurigiisa oo ku yaallay magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan. 

Xog: Maxay yihiin ciidamada doorashada diidan ee isku urursanaya duleedka Jowhar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maaxweynaha Maamulka HirShabeelle
Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed yaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dib ugu laabtaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu amray in si deg deg ah loo soo gaba-gabeeyo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Socdaalka labadaan mas’uul ayaa sidoo kale ku qotoma xal u helida ciidamo la sheegay in ay diidan yihiin doorashada qaar kamid ah kuraasta xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo isku urursanaya duleedka magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle.

Maleeshiyaadka isku urursanaya duleedka Jowhar ayaa mid ka mid ah waxay ka soo jeedaan beel kamid ah beelaha daga degmada Cadale, kuwaas oo dood ka qaba kursiga uu ku fadhiyo wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Maaxmed Abuukar Islow Ducaale, halka kuwa kalane lagu sheegay in ay yihiin Maleeshiyo Macawiisleey ah oo dhowaan weerartay Jowhar, weerarkaas oo ay ku dhinteen kaaliyaal katirsan xafiiska Guudlaawe.

Yuusuf Dabageed waxaa Jowhar ugu dambeysay maalmo kadib markii la doortay bishii November ee sanadkii hore, waxa uuna mudadaas sanadka ku dhow uu joogay Beladweyne, taasoo maamulka u ekeysiiyay labada madaxweyne mid kasta uu gobalkiisa ka arrimyo maadaama Cali Guudlaawe uu tagi waayay Hiiraan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo markii hore xal u la’aa tabashada mid kamid ah beelaha daga gobalka Hiiraan ayaa u muuqda in markale uu wajahaya culeys amni iyo kuwa siyaasadeed oo kaga furmaya Jowhar, kuwaas oo aan la ogeyn saameynta ay ku yeelan karaan doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Guudlaawe waxaa safarkiisa sidoo kale ku wehlin doono guddiga SEIT ee maamulaya doorashada baarlamaanka ee degaanada HirShabeelle, kuwaasoo muddooyinkan ku sugnaa Muqdisho, waxaana la sheegay in qaarkood ay uga sii gudbi doonaan Beladweyne oo sidoo kale ay ka dhici doonto qeyb ka mid ah doorashada Baarlamaanka Soomaaliya. 

Xog: Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cali Ciid oo isku haya kursi ka tirsan Aqalka Sare

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf xooggan oo salka ku hayo kursi ka mid ah Aqalka Sare.

Kursiga ayaa ah midka uu hadda Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo laga soo doortay magaalada Caabudwaaq oo ay degto beesha Mareexaan, waxaana loolanka ku saabsan yahay musharaxiinta loo soo sharxayo kursigaas.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa la sheegay inuu doonayo in kursigaas lagala tashado, halka Qoor Qoor uu doonayo in kursiga uu u qoro qof ay wadato madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah Cali Ciid uu u doonayo in kursigaas ay sanadkaan qaadato jufada uu ka yahay Mareexaan, waxuuna u rabaa gabar ay walaalo yihiin oo la yiraahdo Fardowsa.

Ma cadda, cidda ay Villa Somalia la rabto kursigaas, hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in labada dhinac ay ka siman yihiin in jufada hadda ku fadhisa laga wareejiyo, lana siiyo jufada Cali Ciid, balse waxa la isku hayo ay tahay qofka la siinayo.

Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ah Senatorka afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga, ayaa wararku ay sheegayaan in Villa Somalia ay dooneyso in loo wareejiyo Golaha Shacabka. 

Qoor Qoor ayaa awood buuxda u leh cidda uu kusoo darayo liiska musharaxiinta mana cadda waxa uu sameyn doono Cali Ciid haddii Qoor Qoor ku gacan seero rabitaankiisa. 

Amarka FARMAAJO xalay kasoo baxay ma waxaa lagu beegsanayaa R/W Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay amar xalay kasoo baxay madaxweyne Farmaajo oo lagu sheegay in hay’adaha dowladda, oo ay ku jirto xukuumadda, laga reebay inay galaan wax heshiisyo ah xilliga doorashada. 

Waxaa xeerka Farmaajo si gaar ah loogu sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.”

Waxaa durba soo baxay warar sheegaya in amarkan lagu beegsanayo ra’iisul wasaare Maxamed Xasan Rooble, si looga hortago heshiis ganacsi oo uu la geli rabo dowladda Kenya, si xiriirka labada dal loo hagaajiyo, marka uu Talaadada u safro Nairobi. 

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo saaray qoraal uu fasiraad kaga bixinayo dikreetada Farmaajo, isagoo ku macneeyey mid loogu dan lahaa Ra’iisul wasaare Rooble.

Mahad Salaad oo qoraal ka soo saaray arrintaan waxa uu sheegay in Farmaajo shalay uu soo abaabulay warar been abuur ah oo laga faafiyey Rooble, balse markii ay taasi u socon weysay uu afka furtay, sida uu hadalka u dhigay.

“Duqa haloo sheego qaylodhaantiisa iyo propagandada uu faafinayo ee boor isku qariska ah in aysan waxaba u dhibi karin safarka beri ay ku imaanayso magaalada Muqdisho Wasiirada Arimaha Dibeda Kenya, safarkaas oo qayb ka ah dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble wado ee lagu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal. Isaguna caawa siyaasada dalka uu marti uga yahay Ra’iisul Wasaare Rooble,” ayuu Mahad Salaad qoraalkiisa ku yiri.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Rooble uu doonayo inuu dib u fasaxo qaadka Kenya oo ay horey u xayirtay xukuumadda, si qaadka dalka Ethiopia loogu furo ganacsato ehel la ah madaxweynaha iyo kuwa kale.

Rooble ayaa waxaa bilihii tegay cadaadis xooggan saarayey ganacsatadii horey u keeni jiray qaadka oo ka codsaday in ganacsiga qaadka laga dhigo mid xor ah, oo aan dad gaar ah u xirneyn, taasi oo sida la sheegay uu Rooble aqbalay.

Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in wareegtada uu soo saaray madaxweyne Farmaajo ee xadidaadda awoodaha hey’adaha Dowladdda ay ka dalbanayeen musharaxiinta mucaaradka, tan iyo markii uu muddo xileedkiisu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021. 

Sidaas darteed, waxaa is-weydiin mudan maxaa kusoo beegay hadda iyo kahor safarka Rooble uu Talaadada ku tegayo Nairobi? 

R/W ROOBLE oo si rasmi ah uga leexday waddadii dhax-dhaxaadnimada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii shalay ka dhacday Muqdisho ee xubnaha guddoonka guddiga maamulaya doorashada gobalada Waqooyi ayaa daaha ka qaaday in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka leexday jidkii dhax-dhaxaadnimada doorashada Soomaaliya. 

Rooble ayaa ku guul dareystay in uu wax ka qabto dooda guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahaa astaantii Midnimada Waqooyi iyo Koonfur, waxaana la aaminsan yahay in Rooble ay ku adeegteen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. 

Rooble kaliya kuma ekaan go’aankiisii ahaa in guddiga is doorto, ee sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay natiijadii kasoo baxday is doorashadii guddiga ee shalay ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Xeyndaabka Xalane. 

Guddiga SEIT ee gobalada Waqooyi ayaa ka kooban 11 Xubnood, afar iyo afar waxaa kala keenay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, halka saddexda xubnood ee soo hartay ay magacaawday Xukuumada, waxaana la aaminsanyahay in rabitaanka Mahdi Guuleed ay ku yimaadeen, taasoo meesha ka saareysa dhax-dhaxaadnimadii Rooble. 

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay talooyin badan oo uu ka muuqdo tanaasul iyo dabacsanaan, hase yeeshee waxaa muuqda in dhinaca Villa Somalia ay cadaadis badan saartay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo shalay qaatay go’aan aad u qaraar oo dhaawac ku ah wixii laga filayay Maxamed Xuseen Rooble. 

Loolankii Cabdi Xaashi ayaa u muuqda inuu halkaas kusoo xirmay, mana cadda halka u uku dambeyn doono mustaqbalkiisa siyaasadeed. Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay maamulka doorashada xildhibaanada waqooyi.

Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay duleeda Kismaayo

0

Ksimaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib weerar ay xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Baarsanguuni oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay, isla-markaana dhawaqa rasaasta laga maqlayey meelo fog-fog oo deegaanka ah.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, waxaana ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraal illaa 8 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in askarta la dilay uu ku jiro sarkaal sare oo ay magaciisa ku sheegtay Yuusuf Aadan, kaas oo ka mid ah saraakiisha ka howl-gala halkaasi.

Qoraalka ka soo baxaya Al-Shabaab ayaa intaasi ku sii daraya in sidoo kale dagaalkan ‘ay ku furteen’ illaa 5 qoray oo nooca AK47 ah.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobihii lagu dagaallamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay deegaanka Baarsanguuni.

Si kastaba Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

CIRRO oo soo saaray digniin ku socota golaha wakiilada

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa soo saaray digniin ku socota xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland, kuwaas oo dhowaan doortay guddoon cusub.

Cirro ayaa sheegay in golahan looga baahan yahay in uusan ku milmin awood ahaan xukuumadda, isla-markaana looga fadhoyo inay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii waya ayaa ugu baaqay labada dhinac in mid weliba uu guto waajibaadka saaran, si loo gaaro horumarka ay haatan hiigsaneyso Somaliland.

“Baarlamaanku waa hay’ad ka mid ah saddexda waaxood waxa loo sameeyay waa in mid weliba gaarkeeda ay wax u qabato oo ay isla xisaabtamaan balse looma sameyn in ay isku milmaan,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saddexda waaxood ee Sharci dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ay ka dhexeyso wada-shaqeyn, balse loo baahan yahay in hay’ad kasta lagu cadaadiyo wax -qabadkeeda, si loo helo daah-furnaan ku yimaada isla xisaabtan dhab ah.

Sharci dejinta, fulinta & Garsoorka waa saddex waaxood oo wadashaqeyn ka dhaxeysa oo kala madaxbannaan si Dowladda loo xakameeyo, taas micnaheedu ma aha in lugaha looga dhegayo balse waa in lagu cadaadiyaa waxqabad,” ayuu markale yiri gudoomiyaha Wadani.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo aadaya, xilli dhowaan doorashadii guddoonka golaha wakiilada maamulka Somaliland ay kusoo baxeen xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID oo la wareegay hoggaanka golaha, gaar ahaan guddoomiyaha iyo sidoo kale labadiisa ku xigeen.

Wasiirka arrimaha dibadda KENYA oo timid Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda dalka Kenya, isla-markaana ay hoggaamineyso wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Raychelle Omamo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Raychelle Omamo iyo wafdigeeda ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay wada-hadallo gaar ah la yeelan doonto dhiggeeda Soomaaliya, sidoo kalena waxay la kulmi doontaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Inta badan wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, si meesha looga saaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dhinac.

Sidoo kale ilo wareedyo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa innoo xaqiijiyey in wada-hadalladan waxyaabaha looga hadli doono ay sidoo kale ka mid yihiin isu socodka shacabka labada dal, xiriirka ganacsi iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan dib loo soo celiyey.

Sida aan xogta ku helnay kulamadan ayaan wax shaqo ah ku laheyn arrimaha badda iyo dhex-dhexaadin la sheegay in Midowga Afrika uu isku dayi doono inuu ka dhex-sameeyo labada dal ee dariska ah Soomaaliya iyo Kenya, si loo dhammeeyo khilaafka ka dhexeeya.

Socdaalka wafdigan sare ee ka socda Kenya, isla-markaana soo gaaray Muqdisho ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya ku jiro marxalad doorasho.

Farmaajo oo xayiraad kusoo rogay hay’adaha DF xilliga doorashada (Shan qodob)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray dikreeto lagu shaaciyey in isagoo gudanaya ‘waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madax-bannaanida dalkeenna’ uu  xeer Madaxweyne ku joojiyay in hey’adaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweynaha oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalkeenna uu la galayo dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbadan:

1- Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

2- Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.

3- Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.

4- Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda 19kii Jannaayo 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay ilaaliyaan sharafka, qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.

DHAMMAAD

JENERAAL BIIXI oo isku day lagu dili lahaa ka badbaaday

0

Qeycad (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanka Hareeridheere oo dhaca koonfurta gobolka Mudug waxay sheegayaan in qarax miino lagula eegtay kolonyo gadiid ah oo uu la socday Taliyaha ciidanka dhulka ee militriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Deegaanka Hareeridheere ayaa dhawaan laga saaray Al-Shabaab, waxayna kolonyada la qarxiyey ee Taliyuhu la socday ay ku sii jeedeen deegaanka Qeycad oo isna dhawaan laga saaray kooxda.

Inta la xaqiijiyey hal askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka ugu yaraan shan kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Sida ay baahisay warbaahinta taageerta ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa galabta lala eegtay kolonyada Jeneraal Biixi.

Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya oo ku sugan Qeycad ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in kolonyada lala eegtay qaraxaas uu la socday Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, balse uu ka badbaaday.

Taliyaha ayaa mudooyinkii dambe deegaanadaas ka waday kormeero uu xaqijinayo amniga goobihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Deegaanada ay u kala gooshayeen gaadiidka la qarxiyey ee Qeycad iyo Hareeridheere ayaa dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartama Soomaaliya, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo ka dhacay looga saaray kooxda Al-Shabaab.

Daawo: JEESOW oo digniin culus u diray FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa safarka ay Muqdisho ku imaaneyso Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo ku sheegay inay tahay wax aad looga xumaado maadaama uu sheegay in dalka uu ku jiro xaalad doorasho.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga digayo safarka ay Raychelle Omamo ku imaaneyso Muqdisho isagoo taas sabab uga dhigay in safarkeeda uu halis ku yahay madax banaanida Soomaaliya.

Jeesow ayaa sheegay in safarka Raychelle Omamo ay Muqdisho ku imaaneyso ay ka dhallan karto Faragelin lagu sameeyo doorashada Soomaaliya iyo in dib loo soo celiyo ganacsigi qaadkii ka imaan jiray Kenya.

Sidoo kale, Jeesow ayaa sheegay in safarka Raychelle Omamo uu kuso aadayo xilli la sugayo jawaabta dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, ayna macquul tahay in wasiirka ay wado heshiis arrintaan ku saabsan.

” Madaxweyne Farmaajo waqti badan ayaad kusoo fara adeegtay dacwadda Badda, fadlan ha isku dayin inaad heshiis hoose la gasho Kenya waa sharaf dhac aad dalkeena u keeneysid, waxaana kaa rajeenayaa inaad iska ilaaliso heshiisyadaas qarsoon” ayuu yiri Jeesow.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo ayaa lagu wadaa inay booqasho rasmi ah ku timaada Muqdisho maalinta Axadda, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Omamo ayaa la filayaa inay wada-hadallo ku aadan xiriirka labada dal la yeelato madaxda dowladda federaalka, kuwaasi oo si gaar ah diiradda loogu saari doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia, oo Caasimada Online u xaqiijiyey imaanshaha Raychelle Omamo, ayaa sheegay in waxyaabaha looga hadli doono kulanka ay ka mid yihiin isu socodka shacabka labada dal, xiriirka ganacsi, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan dib loo soo celiyo.

Kenya ayaa si gaar ah isugu dayeyso in dowladda Soomaaliya ay ka dhaadhiciso inay dib u fasaxdo qaadka dalkaas ka iman jiray oo muddo hakad ku jira.

Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga gobollada waqooyi oo guddoomiye doortay

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Afar xubnood oo ka mid ah guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ayaa maanta doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku-xigeen ka dib markii maanta guddiga doorashooyinka garabka Ra’iisul wasaare ku xigeenka ay doorteen guddoon cusub.

Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga maamulaya xulista kuraasta gobolada waqooyi ayaa mar kale gudoomiye u doortey Suleyman Caydiid Cismaan, halka ay ku xigeenkana u xusheen Cabdishakuur Abiib Hayir.

Talaabadan waxay u muuqataa mid ay uga jawaabayaan coddeynta Sabtida maanta ah ka dhacdey Teendhada Afasiyooni ee xukuumada xil-gaarsiinta iyo guddiga doorashooyinka heer federaal ay garwadeenka ka wada ahaayeen.

Khadar Xiriir Xuseen ayaa loo xushay guddoomiyaha guddiga ee garabka Mahdi Guuleed, halka Najiib Xuseen Samatar uu kusoo baxay ku xigeenka kadib markii uu ka adkaadey Amaal, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka heer federaal.

Qodobka ugu culus ee dhinacyada isku hayaan ayaa kala ah: Cabdi Xaashi oo doonaya in doorashada guddoonka lagu galo heshiis, iyo dhinaca kale oo ka faa’iideysanaya tirada badan ee xubnaha guddiga ka haysto.

Dhinaca Cabdi Xaashi ayaa kaliya guddiga ka ah afar xubnood. Wallow Guuleed qudhiisa uu haysto afar xubnood, haddana waxaa u wehliya saddex kale oo Rooble soo magacaabay kuwaasoo u jaranjeera dhinaca Mahdi.

Waa doorashadii labaad oo maanta ka dhacda Muqdisho, Rooble uu si buuxda taageeray garabka Mahdi Guuleed.

Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii afaraad abaal-marisay 1000 macaamiil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa Toddobaadkii 4-aad abaalmarisay ku dhawaad 1,000 qof oo macaamiisheeda ka mid ah,  kuwaas oo ku guuleystay hadiyado qaali ah.

Macaamiisha la abaalmariyay ayaa kala jooga guud ahaan gobollada dalka , gaar ahaan degmooyin ay ka mid yihiin Waaberi, Luuq, Tuulo-barwaaqo, Kaxda, Kuntuwaareey, Hiliwaa, Qansax-dheere iyo Af-madow. Waxaana todobaadkan oo ahaa kii 4-aad ee abaalmarinada Somtel lagu guuleystay hadiyado ay ka mid yihiin Bajaajyo, Laptops, Qasaalado, Firinjeero, TV-screens, Ipads, Dahab iyo agabyo kale oo muhiim ah.

Munaasabada macaamiisha lagu abaalmarinayay todobaadkan waxaa goob-joog ka ahaa mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Cali Sheekh Cabdullahi (Afgooye), Xildhibaano ka socdal dowlad gobaleedka HirShabeelle, Mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobalka Banaadir iyo maamulka shirkadda Somtel.

Mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa si wadajir ah abaalmarinada u gudoonsiiyey dadka ku guuleystay hadiyadaha ay todobaadkan bixisay Somtel, halku dhigguna waxa uu ahaa “Ku Shubo oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood.”

Jamaad oo ah gabadhii labaad ee joogta Gobalka Banaadir, kuna guuleystay Bajaaj ayaa markii la gudoonsiiyey abaalmarintaas kadib waxay tiri, “Aniga marna ma filaneynin hadiyad caynkaan ah inaan ku guuleystay, waxay igu noqotay la yaaab markii la i soo wacay shirkaduna ii xaqiijisay Inan Bajaaj ku guuleystay, waxaan ku shubtay $1 oo Internet iyo ku hal aan u isticmaalay waa Alle Mahadiis, hadii ay Somtel i abaalmarisay.”

Waxaa Sidoo kale todobaadkaan Bajaaj ku guuleystay Ibraahim Macalin Niishow  oo ku nool degmada Luuq ee Gobalka Gedo.

“Waan ku faraxsanahay in Somtel Bajaaj I gudoonsiiso xaqiiqdii baahi farabadan ayaan u qabay mana filey in Somtel ay igudoonsiineyso. Somtel waxa ay dabooshay baahideyd gaark ah iyo mida qoyskeyga, intaba Alle  haka abaalmariyo shirkadda dadweynaha Somtel Somalia,” ayuu yiri Ibraahim Macalin Niishow.

Sidoo kale Yusra Cali Adan oo ku guuleysatay 10g oo Dahab ah ayaa aad ugu mahad-celisay shirkadda isgaarsiinta Somtel, “Waxaan ku faraxsanahay in Somtel I abaalmariso, anigoo  aan ku shubasho fara-badan aan sameyn waa nasiib xaqiiqdii waan sii labalaabi doonaa siticmaalkeyga adeegyada Somtel,” ayey tiri Yusra.

Ugu dambeyntii  Cabdullahi Muuse Maxamed  oo ku guuleystay Mobile Samsung ah ayey shirkaddu todobaadkaan gudoonsiisay Mobile casriga ah, waxuuna yiri, “Waxaan ku fikirayay inan iibsado Mobile cusub lacagteyda wey ii baaqatay waxaan rajeynayaa inaan baahiyaha kale uga faa’ideysto Lacagta aan horay ugu talagalay inaan Mobile ku iibsado.”

Hadiyadaha ay shirkaddu todobaadka 4-aad macaamiisha ku abaalmarisay waxaa qeyb ka ah Qasaalad, Fridge, eDahab Cash, Ipads iyo hadiyado kale qaali ah.

Hadiyadaha Gaadiidka Bajaajka ay Somtel bixisay todobaadkan 4aad ayaa waxay shaqo abuur u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo qoysaska danyar ah, kuwaas oo u baahan garab iyo hiilo uga timaada ganacsatada Soomaaliyeed.

Shirkadda Somtel waxay noqotay Shirkadii ganacsi ee ugu horeysay oo 10,000 oo hadiyadood dib ugu celisay macaamiisheeda, kuwaas oo Todobaad kasta maalinta Jimcaha ay shirkaddu si toos ah u abaalmariso guuleystayaasha todobaadkaas.

Todobaadka soo socdo, gaar ahaan maalinta Jimcaha ah ee 13-08-2021 ayaa lagu wadaa in Somtel ay gaari Hyundai oo qiimihiisu yahay ku dhawaad $40,000 ay ku abaalmariso mid ka mid ah guuleystayaasheeda, sida ay shaaciyeen maamulka Shirkadda isgaarsiinta Somtel.

Muxuu Cabdikariim Guuleed ka yiri doorashadii ka dhacday Afisyooni ee guddiga S/Lnd?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, ahna musharax madaxweynaha Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa soo dhoweeyey doorashadii maanta ka dhacday Afisyoone ee guddoomiye ay ku doorteen garab ka mid ah guddiga doorashada xildhibaanada Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale amaanay dadaallada ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ku aadan xal u helidda khilaafka hareeyey siyaasiyiinta Somaliland ee ku aaddan guddigan.

“Shaki kuma jiro in doorashadu ay u baahneyd isla ogol iyo isku tanaasul waxaana cad in dadaal badan lagu bixiyey sidii doorashada gobalada waqooyi ee Somaliland ay u noqon laheyd mid dheelitiran,” ayuu yiri Cabdikariim Guuleed. 

“Waxaana hubaal ah in Raisu Wasaare Rooble uu waqti iyo juhdi dheer galiyey ka miro dhalinta arinkaas. Haddaba waxaan soo dhaweynayaa tilaabada horay loo qaaday. Anigoo soo jeedinaya in waxii dhameystir iyo dib u saxid u baahanna howsha lagu dhex saxo,” ayuu yiri.

Doorashadaas, oo ay qaadaceen garabka guddiga ee taageersan guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa waxaa taageeray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaan u hambalyeynayaa xubnaha Guddoonka Guddiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee maanta la doortay. Waxaan ku boorrinayaa xubnaha guddoonka la doortay in ay dardargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

Rooble oo qoraal deg deg ah kasoo saaray doorashadii maanta ka dhacday Afisyooni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo deg deg ah u diray Guddoonka garab kamid ah Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT oo maanta isku doortay Muqdisho.

Qoraal daqiiqado kadib kasoo baxay Xafiiska Rooble kadib doorasho khilaaf hareeyay oo uu isagu amray ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dardar galiyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu sii wadi doono waanwaantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland oo ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isulwasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Ra’iisal wasaaruhu aqoonsaday Guddi hal dhinac ah, isla markaana qeyb ka noqday labadii Garab ee siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi, halkii uu dhexdhexaad ka noqon lahaa.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee  maanta oo Sabti ah is doortay.  Ra’isul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka  iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

Garabka Mahdi Guuleed ee guddiga doorashada gobolada Waqooyi oo hogaan doortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee dalka garabka uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa doortay guddoon ka dib doorasho ka dhacday xerada Afisyooni.

Waxaa Guddoomiyaha guddiga loo doortay  Khadar xariir Xuseen, iyada oo aysan goobta soo xaadirin Afartii Xubnood ee Gudoomiye ee uu soo magacaabay Gudoomiye Cabdi Xaashi.

Doorashada ka dhacday xerada Afisyooni ayaa waxaa amarkeeda lahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Goobta ay doorashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa wasiiro iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhanka kale, garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu wadaa in dhankooda ay doortaan guddoon Saacaddaha soo socda taasoo sii dheereyneyso khilaafka u dhaxeeyo guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku eedeeyay ra’iisul wasaare Rooble inuusan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka siyaasiyinta gobolada Waqooyi.

“Ra’iisul Wasaarahu haduu u dhinac raaco sideen u garowsan karaa Ra’iisul Wasaaraha cadaalad sameynaya, ma u arki karo, Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaan rabnaa cadaalad.”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Guddiga doorashada gobollada waqooyi ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda kalana uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

FAYSAL CALI WARAABE oo war yaab leh kasoo saaray doorashada Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa si adag kaga hadlay arrimo ku aadan doorashada Soomaaliya, gaar ahaan, tan hoggaanka guddiga gobollada waqooyi ee maanta ka dhaceysa Muqdisho.

Feysal Cali Waare ayaa waali ku tilmaamay dadka leh doorashadii Somaliland ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa ka dhaceysa magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax aan suurtagal aheyn ay tahay in Xamar lagu dhiso guddi ‘metalaya’ Somaliland.

“Maanta Xamar waxa ka socda doorashadii Somaliland ee aqalka sare iyo aqalka hoose, in ay dadku waalanyihiin ayaan idiin sheegayaa, bal dadkan caga badnaanteenu inoo gaysay 1960 waa cagliga maanta ku leh gudidii doorashooyinka Somaliland ayaa la samaynayaa bisha todobadeeda” ayuu yiri gudoomiyaga xusbiga mucaaradka Somaliland ee UCID.

Dhinaca kale Feysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in Somaliland, gaar ahaan golaha wakiilada inay wax ka qabtaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee ololaha ka wada magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay inay ku qaraabanayaan magaca Somaliland.

“Ilaa shirkii Carta ee 2000 ayay bilaabeen in ay qaar ina sheegtaan oo magaceena heshiisyo ku galaan, waxan baarlamaanka cusub leeyahay 75% sharciyada in ay dowladu soo saarto weeyaan oo baarlamaankuna ka eego, dowladu waxba soo saari wayde howshaasi idinka ayay idin haysataa” ayuu markale yiri guddoomiye Feysal Cali Waraabe.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan la filayo in gudaha Muqdisho ay ka dhacdo doorashada hoggaanka guddiga gobollada waqooyi, waxaana haatan socda dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu soo afjarayo khilaafka xoogan ee u dhexeeya labada garab ee guddiga.