25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Saameynta ka dhalan karta khilaafka Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa labadii cisho ee u dambeysey qoraalo isku jawaabaya is-weydaarsadey xafiiska madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraaladan ayaa ku soo beegmey xili ay magaalada Muqdisho booqasho ku imaaneysey Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, waxayna salka ku hayaan haddii xukuumadda ay heshiis gali karto xilliyada doorashada iyo haddii kale.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa ku amray hay’adaha dowladda inaysan gelin wax heshiisyo ah, hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in awoodaha fulinta ay leedahay xukuumadda.

Haddaba saameyn intee le’eg ayey qoraaladan iska soo horjeeda ku yeelan karaan wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo arrimaha doorashada?

Ridwaan Xirsi Maxamed oo kamid ah Musharaxiinta mucaaridka oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sharci darro ku tilmaamay wareegtada kasoo baxday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo uu ku wiiqayo awooda xukuumadda.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uu markale faraha lasoo galay arrimo sharci darro ah, islamarkaana uu ku doonayo inuu ku ciriirsado awood uusan xaq u laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka hore sidii 2016-kii uu yeelay madaxweyne Xasan Maxamuud wey aheyd in uu soo saaro qoraal waqtigii uu sharciyada haystay lagu hakinayo arrimaha masiiriga ee dalka aysan faro-gelin hay’adda fulinta laakiin taasi ma dhicin,” ayuu yiri Ridwaan Xirsi.

“Maanta in madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu mar labaad soo fara-geliyo, waxay noola muuqata inuu doonayo in uu ciriirsaday arrimo aan awoodisa aheyn oo xaq u laheyn.”

Si kastaba, maalamaha soo socda ayaa laga dhursugayaa sida uu usii socda xiriirka labada xafiis ee Farmaajo iyo Rooble, midaasi oo keeni karta dib u dhac ku yimaada hanaanka doorashada oo hadda ka bilowday dalka.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Itoobiya iyo go’aan kasoo baxay Oromada

Addis Ababa (Caasimada Online) – Maamulka Oramada ayaa war ka soo saaray xaalada dagaalada TPLF ee ka socda deegano ka tirsan gobalkada Oramada.

Shemelis Abdisa, oo ah madaxweynaha Oromia ayaa sheegay in aysan fiirsan doonin colaadda dadkiisa ay ku haayan xoogagga Tigrayga.

Shemlis ayaa sidoo kale xusay in ay dhawaan qaadi doonaan dagaalka ka dhan ah Jabhadda dib u soo laba kacleysay ee TPLF.

“TPLF ma u ogolaan doonno in ay sii waddo xadgudubyada ay ku heyso dadkeena,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Oromia.

Abdisa ayaa hadalkaan ka sheegay isku soo bax balaaran oo shalay galinkii dambe ka dhacay Meskel, halkaas oo ay shacabka Oromia ku sheegen in ay ka banaanbaxayaan dagaalka socda.

Madaxweynaha Oromia ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Kooxda argagaxisada ah ee TPLF waxa ay toogasho ku dishay dhallinyaradii dalka,waxa ay sidoo kale boobeen hantidii dadka”.

Dagaalka TPLF iyo xukuumadda Abiy ayaa soo laba kacleyay bishii May kadib markii ay jabhadda dib ula wareegtay caasimadda Tigray ee Make’lle.

Farmaajo iyo Rooble: Yuu dastuurka la jiraa, muxuuse ka leeyahay awoodahooda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka dhex-qarxay dagaal siyaasadeed ku saabsan cidda leh awoodda fulinta iyo heshiis gelista xukuumadda.

Labada mas’uul ayaa isku haya heshiis ganacsi oo dib loogu furayo qaadkii Soomaaliya uga iman jiray Kenya, oo Rooble uu doonayo inuu saxiixo, iyo Farmaajo oo kasoo horjeeda maadaama qoyskiisa uu xiran yahay qaadka laga keeno Ethiopia.

Hase yeeshee, marka meel la iska dhigo wareegtooyinka ay soo saareen labadooda iyo ujeedka mid walba, yuu awoodda arrinta la isku hayo siinayaa dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya?

Muxuu cuskanayaa Farmaajo?

Wargeetadii uu 7-dii bishan kasoo baxday Farmaajo waxaa lagu yiriMadaxweynaha oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.”

Si kastaba, Farmaajo ma uusan shaacin qodobka dastuuriga ah ee uu u cuskanayo tallaabada uu qaaday iyo halka uu dastuurka uga qoran yahay

Waxaan eegnay qodobka 90-aad ee dastuurka oo qeexaya “Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka,” mana jirto meel xitaa ay kaga qoran tahay in madaxweynaha ay waajib ka saaran tahay ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna. 

Waxaa intaas dheer, haddii xitaa dastuurka uu ku jiri lahaa qodob Farmaajo awood u siinaya “ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna,” Rooble ma wuxuu sameynayaa wax madax-banaanida dalka wax u dhimaya mase bixinayaa hanti-qaran?

Muxuu cuskanayaa Rooble?

Wareegtadii xafiiska Rooble kasoo baxday 8-dii bishan, wuxuu dastuurka kaga xusay laba goor, labada goorna wuxuu cuskaday laba qodob oo kala ah; qodobka 97-aad iyo kan 103-aad.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.”

Qodobka 97-aad- ee dastuurka ayaa u dhigan sidan:-  

Farqada 1-aad: Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh Golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman. 

Farqada 2-aad: Golaha Wasiirradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiirro, Wasiirro-Dawlayaal iyo Wasiirro-ku-Xigeenno.

Qodobka 103-aad ee dastuurka oo sidoo kale Rooble uu cuskaday ayaa waxa aku qoran sidan: 

Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.”

Gunaanadka 

Doodda Farmaajo iyo Rooble waxay u dhaceysaa; Farmaajo oo doonaya inuu digreeto wax ku maamulo, iyo Rooble oo adeegsanaya sharciyad iyo qodobo dastuuri ah oo aan dood la gelin karin.

Waxaa intaas dheer, in madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa uu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021, inta laga dooranayana madaxweyne cusub, ay talada dalka leeyihiin ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda xil-gaarsiinta. 

Sawirro: Kenya oo safaarad cusub ka furatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Soomalaiya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhisme cusub oo safaaradeed oo ay dowladda Kenya ka furatay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka ee dhismaha safaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, una badan wasaaradda arrimaha dibadda, safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya iyo xubnaha wafdiga ee Raychelle Omamo ku wehlinaya safarkeeda Muqdisho.

Furista safaaradda cusub ee ay haatan Kenya ka furatay Soomaaliya ayaa timid, kadib wada-hadallo ay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi la yeelatay ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli haatan uu weji cusub yeeshay xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu horay dhaawac culus usoo gaaray, kadib markii ay labada dowladood oo daris ah ay kala rarteen 2 safaaradood.

Kenya ayaa sidoo kale isku dayeyso inay si dhow ula shaqeyso Rooble oo shalay casuumad uu u fudiyey Uhuru Kenyatta ka guddoomay wasiir Raychelle Omamo, waxaana rajo weyn laga qabaa inuu mar dhow dib u billowdo xiriirkii tooska ahaa ee labada iyo ganacsiga.

Dhinaca kale isku soo dhawaashaha Ra’iisul wasaaraha iyo Kenya ayaa xiisad xoogan ka dhex-dhaliyey Rooble iyo Farmaajo, waxaana kadib soo baxay khilaaf dhexdooda ah.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya galeyso doorasho, waxaana sidoo kale halkiisii ah kiiska badda ee horyaalla ICJ.

Muxuu ahaa ujeedka kulankii CC SHAKUUR iyo ROOBLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa faah faahin ka bixiyey kulankii gaarka ahaa ee uu xalay la yeeshay ra’iisul wasaare Rooble.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka billowday iyo xaaladda guud ee dalka, sida uu shaaciyey CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kulanka lagu soo hadal-qaaday dhiiro-gelinta dedaallada socda iyo tallaabada uu qaaday Rooble ee ka dhanka ah wareegtadii Farmaajo.

“Waxaan kulan la qaatay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan iska warsanay arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka” ayuu ku yiri.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ku aadan kulanka uu Rooble la yeeshay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, uuna soo baxay khilaaf u dhexeeyo xukuumadda iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday.

Is aragga labada mas’uul ayaa sidoo kale ku soo beegmay, xilli shalay Muqdisho ay soo gaartay wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo wada-hadallo la yeelatay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay ka wada-hadleen xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Si kastaba dadka falan-qeeya siyaasadda ayaa siyaabo kala duwan aragtiyo uga bixiyey kulankan oo ku soo aaday, xilli xiisad siyaasadeed ee ka qaraxday Villa Soomaaliya, waxaana musharraxiinta mucaaradka ay dhankooda taageero weyn u muujiyeen Rooble.

Midowga musharraxiinta oo war kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee ku aadan khilaafka haatan ka dhex qarxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday.

Ugu horreyn golaha ayaa taageero u muujiyey xukuumadda uu hoggaamiyo Rooble, iyaga soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday ee uu kaga horyimid wareegtadii Farmaajo.

Musharrax Ridwaan Xirsi Maxamed oo faah faahin ka bixiyey kulankaasi ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu ahaa is xog wareysi ku aadan xaaladaha soo kordhay iyo khilaafka siyaasadeed ee haatan kasoo cusboonaaday Villa Soomaaliya, xilli lagu jiro doorashooyin.

Ridwaan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in saacadaha soo socda ay soo saari doonaan war-murtiyeed ku aadan khilaafka soo shaac-baxay, ayna taageerayaan dadaallada Rooble.

“Golaha midowga musharraxiinta ayaa kulan ka yeeshay xaaladda dalka gaar ahaan khilaafka ka dhex jira Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & ra’iisul Wasaaraha, warmurtiyeed dhammeystiran ayaan ka soo saari doonnaa, balse waxa aan Rooble ku taageernay go’aanka uu qaatay” ayuu yiri Ridwaan Xirsi oo ka mid ah musharraxiinta.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in sababta bannaanka kentay khilaafkan sii xoogeysanayey ay tahay wada-hadallada billowday ee xiriirka dalka Kenya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay yeelatay weji cusub, waxaana arrintan laga yaabaa inay saameyn ku yeelato hannaanka doorashooyinka dalka oo uu haatan garwadeen ka yahay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen.

Maxaa xiga tallaabada uu qaaday ROOBLE ee uu kaga horyimid qorshaha Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay jawaab rasmi ah ka bixiyey dagaal siyaasadeed ka dhex-qarxay isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dagaalkan ayaa soo shaac baxay kadib markii Farmaajo uu soo saaray wareegto u muuqata in lagu beegsaday Rooble oo lagu sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Farmaajo ugu jawaabay una sheegay in awoodaha fulinta dalka ay leedahay xukuumadda, ayna la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye.

Rooble ayaa sheegay in isaga cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ay leeyihiin golaha Wasiirrada, ayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, ay tahay hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

Maxaa xiga tallaabada uu qaaday Rooble?

Arbushaadda iyo daan-daansiga siyaasadeed ee Farmaajo iyo jawaabta Rooble ayaa waxaa xigi doona waxa dhaca Talaadada, marka uu ra’iisul wasaaraha Rooble tago dalka Kenya, halkaasi oo uu kula kulmi doono Uhuru Kenyatta.

Waxaa la dhowrayaa tallaabada uu qaadi doono Rooble. Haddii uu ra’iisul wasaaraha saxiixo heshiiska ganacsi ee Kenya, dibna u fasaxo qaadka Kenya, waxay ka dhignaan doonta in isaga iyo Farmaajo ay kala tageen, islamarkaana ra’iisul wasaaraha uu muujiyey in Farmaajo muddo xileedkiisu dhacay, oo talada iyo go’aanada xukuumadda ay isaga ka fulaan.

Si kastaba, haddii Rooble uu safarkaas kasoo noqdo isaga oo aan dib u fasaxin qaadka Kenya, ama aan heshiis soo gelin, waxay tusmeyn doontaa in talada iyo awoodda xukuumadda ay gacanta ugu jirto Farmaajo, oo Rooble uu weli yahay maahsanihii lagu sheegi jiray.

Haddii Rooble uu qaadka dib u fasaxo, waxay sidoo kale ka dhignaan doontaa in Farmaajo si rasmi ah uu siyaasad ahaan u dhintay, waxayna wareegtadii uu soo saaray isugu rogi doontaa mid ka mid ah gefefkii siyaasadeed ee ugu weynaa ee uu galo. 

Dhinaca kale, dagaalkan siyaasadeed ayaa waxaa aad u daawanaya musharaxiinta mucaaradka, oo eegaya sida Rooble u falceliyo.

Haddii Rooble uu fasaxo qaadka Kenya, una bareero dagaalka Farmaajo, waxay kaga faa’iideysan karaan inay kusii dhowaadaan ra’iisul wasaaraha oo gacanta ku haya maamulka doorashada, taasi oo wiiqi karta rajada dib u doorasho ee Farmaajo.

Sawirro: Ciidamo dheeraad ah oo la geeyey duleedka Dhuusamareeb + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga la geeyey duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay haatan fariisimo cusub ka sameysteen deegaanka Ceeldheere oo hoos-yimaada magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadan loogu talagalay inay sugaan amniga waddada xariirisa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ay inta badan weeraro gaadmo ah ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo kormeer ugu tegay ciidamadaas ayaa kula dardaarmay inay gutaan waajibaadka loo igmaday ee ah sugida amniga.

Dhankiisa xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta Galmudug Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse oo khudbad u jeediyey ciidamada ayaa kula dardaarmay inay muujiyaan feejignaan ku aadan weerarada Al-Shabaab.

Keyse ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarigii sameeyo amar diido ama ku xad-gudbo dadka shacabka ah.

“Cudurka ugu daran ee jiritaanka ciidan waa amardiida ciidanka ka dhex jirta, waxa aad u dhisan tihiin hab ciidan oo waxaa la idinka keennay gobollo kala duwan, taliye ayaad leediyihiin ilaa taliye unug waana sharci diidanka ku dhisan yahay, Askarigii ka baxa xeendaabkaas ee amar-diido sameeyo ama xadgduba waaala ciqaabaa” ayuu yiri Keyse.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si xoogan uga socdo howl-gallo ballaaran, kuwaas oo xoogooda haatan laga dareemayo koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba dhaq-dhaqaaqa cusub ee haatan ka billowday duleedka Dhuusamareeb ayaa kusoo aadaya, xilli magaaladaas ay dhowaan ka dhacdo doorashada Golaha Aqalka Sare.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare ee Galmudug iyo wafdi tegay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi ka socda guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, kuwaas oo dadaallo ku aadan doorashada ka bilaabaya gudaha magaaladaasi.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayo guddoomiye ku xigeenka guddiga xalinta khilaafaadka ee  doorashooyinka Maxamed Ibraahim Barre, waxaana marka ay tageen Dhuusamareeb garoonka Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Ujeedka wafdigan safarka ku tegay Dhuusamareeb ayaa ah ka qeyb-galka doorashada Aqalka Sare ee dhowaan ka dhaceysa gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka oo gaaraya illaa 7 xubnood ay kulamo ka bilaabi doonaan caasimada Galmudug, iyaga oo marka hore wada-tashiyo la yeelan doono guddiga doorashada iyo mas’uuliyiinta sar sare ee maamulkaasi.

Guddigan loo saaray xalinta khilaafaadka doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa howshiisu waxa ay tahay la socodka doorashada iyo xalinta muranada ka imaan kara kuraasta qaar.

Galmudug ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dmabeeyey ee doorashada Aqalka Sare, waxaana la filayaa in Qoor Qoor uu shaaciyo liiska xubnaha u sharraxan Golahaasi.

Jubbaland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeya ee bilaaba doorashada dalka, waxaana ku xigay Koonfur Galbeed, kadib markii Senataro cusub lagu doortay Kismaayo iyo Baydhabo.

Doorashada Soomaaliya ayaa marxalada kala duwan iyo khilaafaadyo kala heerar ah soo martay, hayeeshee ugu dambeyn waxaa heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

Sidee aqoonyahannada u fasireen dagaalka ka dhex-qarxay Farmaajo iyo Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ee soo shaac baxay kadib markii labada mas’uul ay isugu jawaabeen qoraallo lasoo mariyey warbaahinta. 

Prof. Maxamed Xaaji ingiriis oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in khilaafkaan uu sabab u yahay Dastuurka ku meel gaarka ah oo mugdi galinaya awoodaha madaxda sare.

“Khilaafkaan waxaa keenya dastuurkii oo u qoran si mugdi ku jiro oo madaxweynihii iyo ra’iisal wasaarihii awoodoodii aan si cad u kala xadeynin, oo madaxweynihii muxuu awood leeyahay ra’iisal wasaarihii muxuu awood leeyahay,” ayuu yiri Prof. Maxamed Xaaji ingiriis.

Sidoo kale, Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegay in hadalkii ka soo baxay madaxweyne Farmaajo iyo kan ka soo baxay ra’iisal wasaare Rooble uu muujinayo khilaaf labadooda u dhaxeeye hase yeeshee wuxuu intaa ku daray in haddiiba uu jiro khilaaf heerkaan ah ay tahay in baarlmaanku soo soo fara geliyo.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay xiliga khilaafkaani uu soo shaac baxayo oo ah wakhti dalku marayo meel xasaasi ah oo doorasho loo jiheysanyahay.

“Haddii ra’iisal wasaaruhu ka soo daba hadlay madaxweynaha waxay tusinaysaa khilaaf dowladda dhexdeeda ah ra’iisal wasaaraha uu fulintii ah iyo madaxweynaha oo ah madaxweynihii qaranka,” ayuu yiri Daahir Qoriyow.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wareegtada Farmaajo ayaa la doonayey in looga hortago heshiis ganacsi oo la filayo in ra’iisul wasaare Rooble uu la saxiixdo dowladda Kenya.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Rooble uu doonayo inuu dib u fasaxo qaadka Kenya ee la keeni jiray Soomaaliya, oo ay horey u xayirtay xukuumadda, si qaadka dalka Ethiopia loogu furo ganacsato ehel la ah madaxweynaha.

Rooble ayaa waxaa bilihii tegay cadaadis xooggan saarayey ganacsatadii horey u keeni jiray qaadka oo ka codsaday in ganacsiga qaadka laga dhigo mid xor ah, oo aan qoys gaar ah u xirneyn, taasi oo sida la sheegay uu Rooble aqbalay.

Xog: Kalane oo boorsooyin lacag ah ka dejiyay Baydhaba 

Baydhaba (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdullaahi Aadan Kulane oo ka tirsan saraakiisha hay’adda NISA ee aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay Baydhaba, oo ay ka bilaabatay doorashada baarlamaanka. 

Kulane oo dhowaan uu xilkii madaxa shaqaalaha ee NISA ka qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa taliyaha NISA Fahad Yaasiin wuxuu u magacaabay kaaliyaha dhanka siyaasadda iyo amniga ee hay’addaasi

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Kulane uu todobaadkii tegay uu boorsooyin lacag ah geeyay Baydhaba, kuwaasi lagu soo saaray shan kursi oo kamid ah Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. 

Sidoo kale, waxaa la filayaa in sii joogo Baydhaba ilaa uu ka shaqeeyo soo saaritaanka xildhibaano taabacsan Madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo arrintaas kala shaqeyn doona madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen, oo ka mid ah taabiciyiinta Farmaajo.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in uu qeyb ka yahay shaqsiyaadka go’aanka ka gaaraya Xildhibaanada lasoo saarayo iyo sidoo kale in uu lacago ku taageeri doono Murashaxiinta ay wadato Villa Somalia, taasi oo uu uga wakil yahay Farmaajo.

Kulane Jiis oo saaxiib iyo ehalba la ah Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in sidoo kale uu tagi doono magaalooyinka Jowhar iyo Dhuusamareeb, si uu uga shaqeeyo soo saaridda xubno taabacsan Madaxweyne Farmaajo.

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo COVID-19 u geeriyooday

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa saaka ku geeriyooday Allaha u naxariistee wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud & gaadiidka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Marxuum Asad Xuseen Xaashi.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka oo xanuunsanaa saddexdii maalimood ee la soo dhaafay uu u geeriyooday cudurka saf-marka ah Covid-19 oo soo kacleeyey markii 3-aad.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxa ka tacsiyeeyey madaxda sare ee Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, waxaana qoraal kasoo baxay xafiiskiisa dhambaal tacsi ah loogu diray ehellada wasiirka geeriyooday & guud ahaan reer Puntland.

“Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay Marxuum Asad Xuseen uu ahaa mas’uul soo qabtay xilal ka duwan, isla-markaana u soo shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa.

“Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” ayuu sii raaciyey Deni.

Xanuunka Covid-19 oo haatan kusii baahaya dalka ayaa waxaa soo baxaya warbixino ka imaanaya bahda caafimaadka oo la xiriira kororka cudurka ee guud ahaan dalka.

PUNTLAND oo taageertay hogaaminta Rooble ee dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa taageero loogu muujiyey Ra’iisul wasaare Rooble oo galabta ka soo jawaabay dikreetadii uu xalay soo saaray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, taas oo hoos loogu dhigaayey awooda fulineed ee xukuumadda Rooble.

Puntland waxay ku bogaadisay ra’iisul wasaaraha maareynta siyaasadda dalka xilligaan xasaasiga ah iyo dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka.

“Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble. hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka. Dowladda Puntland waxay markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Puntland.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare ayaa galabta shaaciyey in isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran uu ka hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha gudaha iyo kuwa dibadda, isagoo ilaalinaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta, kuwaas oo ay nagala dhaxeyso xiriirro dibliomaasiyadeed, amni, ganacsi, waxbarasho, ama marti galiya qaxooti iyo dad kale Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh, kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaankii uu Rooble uga jawaabay dikreetadii Farmaajo.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa caawa xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday mucaaradka oo uu hoggaaminayey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna wada qaateen shir mudo saacado ah socday.

Qoraal kooban oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka soo saaray shirkii uu la yeeshay Ra’iisul wsaare Rooble waxa uu ku yiri, “Waxaan kulan la qaatay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan iska warsanay arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka.”

Video: Beelaha Hawiye oo ka shiray dagaal siyaasadeedka MUQDISHO ka socda ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka beelaha Hawiye ayaa maanta shir gaar ah ka yeeshay dagaalka siyaasadeed ee siyaasiyiinta reer waqooyiga ee ku sugan Muqdisho, kuwaas oo u kala jabay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankaas oo laga soo saaray baaq ku aadan arrintaan waxaa hadal ka jeediyey guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, isagoo sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi lagu dulminayo Muqdisho, taasna ay bahdil ku tahay Soomaali oo dhan.

“Hadaan nahay odayaasha Hawiye, waxaan maanta ka hadalnay waxa nagala gudboon cabashada iyo qeylo dhaanta ka soo yeertay qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobollada waqooyi, si gaar ah guddoomiye Cabdi Xaashi, sida aan maqleynay odaygu markii xaaladdu ku xumaatay arrinta waxa uu u soo bandhigay umadda Soomaaliyeed inay garsoor ka noqdaan, meesha qeyladu ka yeereyso anagaa ka odayaal ah, kamana aamusi doono arrintaas,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoonka ayaa sheegay inay dirayaan laba fariimood oo ku kala socda dadka reer waqooyiga ah ee ku sugan Muqdisho iyo Ra’iisul wasaare Rooble, waxayna kala yihiin labadaas fariin:

1 – “Dadka reer waqooyiga waxaan leenahay Cabdi Xaashi maaha waxa lala dagaalayo ee waa awoodiina, waxaa la yiri Maska madaxa ayaa laga dilaa, tani waa fariin la idinku bahdilayo, sida Soomaalida kale ay xaq ugu leedahay inay is doortaan, ayaad idinkuna xaq ugu leedihiin, odagii idinkugu sareeyey ee la doortay in la bahdilo ma ahan wax aan fiirsa karno, sida aad u kala qeybsan tihiina dhamaantiin ayey idinku tahay dhibaato, aniga aragtideyda waxa lagu sameeyey kooxda Cabdi Xaashi, kama duwana diyaaradii lagu duqeeyey Hargeysa, waxayna sii fogeyneysaa midnimada umadda Soomaaliyeed, reer waqooyina ku gaar maaha ee Soomaali oo dhan ayey taabanee,” ayuu yiri.

2 – “Fariinta labaad waxaan u dirayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaan leenahay ra’iisul wasaarow anagoo odayaashaadii ah, waxaan kaa codsaneynaa in arrintaas aad dib u eegis ku sameyso, arrintaan saameyn xun ayey nagu yeelan doontaa, waan ognahay meesha mushkiladdu ka jirto, waxaan balan qaadnay inaan kula shaqeyneyno, cabashada reer waqooyiga waa nadhibeysaa, awoodii wax looga qaban lahaana adigaa noo haya, hada dalkena laba dhib ayuu qabaa oo kala ah qadiyadda Somaliland iyo Shabaab, hadii doorashadu sidaan ku meel marto, dhib kale ayaa imaan doona,” ayuu yiri guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

Hoos ka daawo

Maxay mucaaradka uga gaabsadeen taageeradii iyo garab istaagii Cabdi Xaashi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, Golaha Badbaadinta Qaranka iyo Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ku keli yeelay dagaalka uu Villa Somalia kula jiro guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi. 

Cabdi Xaashi oo garab weyn ka heystay dhinacyadaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay si keli ah ula daala dhacayay xiisada u dhaxeysa isaga iyo Mahdi Guuleed oo ay gadaal ka taagan tahay Villa Somalia. Ma cadda sababta rasmiga ah, hase yeeshee waxaa muuqata in ay uga baxeen dagaalkii wadajirka ahaa ee ka dhanka ahaa Qorshaha Villa Somalia. 

Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxay ahaayeen garbihii ugu muhiimsanaa ee uu ku duuli jiray Cabdi Xaashi oo culeys ka tan badan kala kulmaya Villa Somalia. Dhamaan mas’uuliyiinta aan soo sheegnay ayaa hadda meesha ka baxay, mana cadda sababta rasmiga ee keentay. 

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa qaba in mucaaradka ay aaminsanyihiin in aysan waxba ka qaban karin arrimaha taagan, sidaas darteed ay door bideen in aysan ka hor imaanin talaab kasta si aan cadaawad kale loogu qaadin, ama aysan Rooble ugu sii riixin dhanka Villa Somalia.

Xubnaha mucaaradka ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashadii ka dhacday Baydhabo ee Aqalka Sare oo laga reebay xubno xisbiyadooda ka tirsanaa, iyagoo sidoo kale ka aamusay doorashadii shalay ka dhacday Teendhada Afisyooni, taasoo ka dhigan in ay gaabsadeen mas’uuliyiinta mucaaradka ah. 

Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya inay kala durqeen Mahdi Guuleed iyo Villa Somalia, sidaas darteedna ay yaraatay walaaca ay mucaaradka ka qabeen Mahdi Guuleed, taasi oo horseeday inaysan dhex-galin xiisadda siyaasiyiinta gobollada waqooyi.

Lama oga talaabada uu qaadi doono Guddoomiye Cabdi Xaashi oo habeen hore u gar dhigtay shacabka Soomaaliyeed kadib markii uu wax ka waayay madaxda qaranka, isagoo si aad ah u eeday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble. 

R/Wasaare Rooble oo jawaab culus kasoo saaray amarkii Farmaajo “Awoodaha fulinta waxaa leh xukuumadda”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah xiisadda siyaasadeed ee ka dhex-qaraxday isaga madaxweyne Farmaajo iyo wareegtadii xalay kasoo baxday madaxweynaha. Hoos ka aqriso qoraalka Rooble 

War Murtiyeed Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka

Sida ay lawada socdaan bulshada Soomaaliyeed, Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisu waxa ay xilka fulinta ee Dalka la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye.

Ra’iisul Wasaarahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixiyay sidii dalka looga badbaadin lahaa marxaladaas adag, wuxuuna u hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha Gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la ilaalinayo danaha Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu waxeey ku guulaysteen toban bilood ka dib in uu muuqdo isbadal wayn oo ku yimid muuqaalka qaranka ee gudaha iyo dibadda, taas oo keentay in maanta dalka ay ka bilawdeen Doorashooyin nabdoon oo dhinacyadii kala fogaaday wada aqbalsanyihin, isla markaana si tartiib tartiib ah uu usoo noqonayo Cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah, Ururada iyo Dawladaha kale ee danuhu inagala dhaxeeyaan.

Tilaabooyinka xalinta mushkuladda gudaha ee uu qaaday Ra’iisul wasaaruhu waxaa ka mid ah hagaajinta wadashaqaynta Dawladda dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, furista masraxa siyaasadda, si Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee leh hanka loogu diyaariyo jawi xasiloon oo ay aamini karaan, dhisidda kalsoonida Bulshada ee hanaanka Doorashooyinka iyo wadashaqaynta saaxiibada beesha Caalamka ee na garab taagan.

Si la mid ah arrimaha Diblomaasiyadda. Ra’iisul Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo socdaal ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta kuwaas oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaasiyadeed, amni, ganacsi, waxbarasho, ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in wada xaajoodyada lagu hagajinayo xiriirka dibadeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa dhawraya Madaxbanaanida iyo Siyaadda Qaranka Soomaaliyeed oo waajib dastuuri ah uu ka saaranyahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumddiisa, dhanka kalana xeerinaya Danaha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhimista nooc kasta oo ah nacayb iyo colaad laga maarmi karo.

Dedaalada kor ku xusan waxa ay marayaan meel wanaagsan oo u baahan in horay loosii wado iyada oo yoolku uu yahay in R/Wasaaruhu gaarsiiyo kuna wareejiya Xukuumadda dhalan doonto, Soomaaliya xasilooni, nabad ah oo xiriir wangaagsan la leh dariskeeda iyo dunida inteeda kale.

Hadaba, iyada oo ay socdaan shaqooyinkaas wanaagsan ayay soo muuqatay baahida loo qabo jihaynta qaabka xil gudasho ee hay’adaha Dawladda marxaladda soo socota, sidaas awgeed,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah.

Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Ra’isul Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Dawladda.

Hadaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha.

Dagaal ka dhex-qarxay ciidamada Ethiopia ee Gedo oo u kala baxay Amxaara iyo Tigray iyo askar ku dhinatay

0

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay is rasaaseyn ku dhex martay ciidamo kawada tirsan kuwa Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM.

Inta la xaqiijiyey laba askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa ku dhimatay is rasaaseynta dhex martay Ciidamada Itoobiya taasoo socotay dhowr daqiiqo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, is-rasaaseynta ayaa ka dhalatay khilaaf soo kala dhex galay askarta Itoobiya ee AMISOM, wuxuuna khilaafka salka ku hayaa colaadda ka jirto dalkaas oo u dhaxeysa Tigrey iyo ciidamada Dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Labada askar ee is dishay ayaa kasoo kala jeeda qowmiyadaha Tigray iyo Amxaaro oo hadda colaad u dhaxeyso, waxa ayna labadan askari ka wada howlgalayeen saldhig ku yaala gudaha magaalada Baardheere.

Ciidamo badan oo kala qowmiyad ah ayaa ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana xiisadaha colaada ee ka jirta gudaha Itoobiya ay saameyn weyn ku yeelatay ammaanka dalkaas.

Ethiopia ayaa ka digtay Jimcihii inay howlgelin doonto “dhammaan awoodaheeda difaac” kadib markii ciidamada Tigray-ga ay ku siqeen gobollada deriska la ah.

Dowladda “waxaa lagu qasbayaa inay is abaabusho oo ay daad-gureyso dhammaan awoodaheeda qaran haddii nabadda iyo xaaladda bani’aadaminimo halis la geliyo,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku tiri wasaaradda arrimaha dibdda.

“Ficillada koox aan mas’uul aheyn ayaa tijaabinaya dulqaadka dowladda federaalka, waxayna ku qasbayaan inay beddesho xaaladda difaac ee loo qaatay sababo la xiriira xabad-joojin bani’aadaminimo oo hal dhinac ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Xizbullah iyo Israel + Nasrallah oo war soo saaray

Beirut (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan Sheekh Hassan Nasrallah ayaa Sabtidii sheegay in kooxdiisa ay dooratay inay duqeymaha Israel uga jawaato gantaallo lagu tuuray dhul banaan, balse ay ficilladooda kasii dari karaan mustaqbalka.

Lama soo werin wax duqeymaha oo dhacay Sabtidii, mana jiraan illaa hadda khasaare ka dhashay weerarada labada dhinac.

Jimcihii, Xizbullah ayaa gantaallo ku tuurtay dhanka ciidamada Israel, taasi oo dhalisay in Israel ay iyana weerarto Koonfurta Lubnaan. Labada dhinac ayaa gantaalladooda la beegsaday dhul banaan, taasi oo muujisay inaysan dooneyn inay xaaladda kasii daraan.

Khudbad uu jeediyey oo lagu maamuusayey dhammaadka dagaalkii 2006 ay la galeen Israel, ayaa Nasrallah wuxuu ku sheegay in duqeymaha Israel ay yihiin “halis cusub” oo aan la arkin 15-kii sano ee tegay.

Wuxuu sheegay in kooxda ay dooneysay inay muujiso in duqeyn kasta oo Israel ay fuliso looga jawaabayo “habka ugu habboon iyo qeyb qeyb.”

“Waxaan shalay dooranay dhul banaan oo ah aagga Beeraha Shebaa, si aan farriin u dirno, iyo inaan tallaabo qaadno, balse marka dambe waxaan qaadi karnaa tallaabo kasii daran,” ayuu yiri Nasrallah.

Gantaallada ay is-weydaarsanayaan labada dhinac ayaa billowday Arbacadii markii gantaallo laga soo tuuray Lubnaan ay ku dhaceen Israel, ayada oo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda. Weerarkaas, oo Xizbullah aysan ka hadlin, ayaa keenay in Israel ay jawaabto.

Xiisadda gobolka ayaa kacsaneyd wixii ka dambeeyey weerar lagu qaaday markab ay maamusho shirkad Israeli ah oo marayey meel u dhow xeebaha Cumaan, kaasi oo lagu eedeeyey Iran. Iran way beenisay inay ku lug laheyd weerarka.

Reuters + VOA

ROOBLE oo mowqif kasoo saaray kiiska badda kadib kulankii Raychelle Omamo + Safar uu ku tegayo Nairobi

0

Muqdisho (Caasimada online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta xafiiskii ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo ayaa shaaciyey in Kiiska badda uu yahay arrin lama taabtan ah.

Qoraal kasoo baxaya xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble marnaba uusan ka tallaabsan doonin go’aanka laga sugayo maxkamadda caalamiga ee caddaalada, islamarkaaana uu ku adkeysanayo in murankaas aan laga geli karin wax wada-hadal ah.

“Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada,” ayaa lagy yiri qoraalka xafiiska Rooble.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in Rooble iyo Omamo ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, si uu booqasho ugu tego caasimada dalkaas ee Nairobi.

Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida; diblomaasiyadda, amniga iyo arrimaha dhaqaalaha. Waxaa dhawaana meesha laga saaray mad-madow soo dhex-galay xiriirkooda.

Arrintaan ayaa imaneysa xili ay saacadihii u dambeeyay soo baxayeen warar maran-habaabin ah oo la xiriira in Ra’iisul wasaaraha uu wada-hadal ka geli doono kiiska badda, kaasi oo ay Kenya si bareer ah ku sheeganeyso qeybo kamid ah baddeena. Wararkaas ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan kooxda xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Maxaa looga dan lahaa wareegtadii FARMAAJO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa waxaa lagu shaaciyey amar ah in aysan geli karin hay’adaha dowladda heshiisyo siyaasaddeed, mid amni iyo kuwa dhaqaale, inta lagu guda jiro xilliga kala guur ah, isla-markaana laga qabanayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Prof Huseen Warsame oo ah bare Jaamacadeed oo ku sugan magaalada Calgary ee dalka Canad ayaa fasiraad ka bixiyey wareegtada uu soo saaray madaxweynaha oo ku soo aaday xilli xasaasi ah, wuxuuna shaaciyey inay tahay mid muhiim ah oo ku soo aaday xilligeeda.

Aqoonyahankan ayaa xusay in adduunyada inteeda ay ka jirto arrintan oo kale, isla-markaana la qaado tallaabooyinkan, marka la gaaro waqtiga doorashada.

“Anigu waxaan isleeyahay cid loola jeedaa oo gaar ah in aanay jirin, laakiin waxaa muhiim aheyd koleyba mar haddii kala guur la joogo een dad badan oo xilal haya oo soo noqoneyn-baa jira, kana baqanaya inay doorashada waayaan, marka aduunyada oo dhanba waa iska sidaas, ” ayuu yiri Prof Huseen Warsame oo ah bare Jaamacadeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey in tallaabada uu qaaday madaxweynaha uu sharciga u ogol-yahay, maadaama uu yahay cidda ugu sarreysa ee maamulka dowladda.

“Qodobka 18-aad ee dastuurka wuxuu madaxweynuhu awood u siinayaa in isagu yahay cidda ugu sarreysa ee dowladda ha noqoto fulin ama ha noqoto sharci dajin ama garsoor,” ayuu raaciyey.

Prof Huseen Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay jiri karaan farsamooyin kale oo madaxweynaha ku kalifay amarkan, balse si guud marka loo eego ay warqaddani ku soo aaday xilli loo baahnaa, isla-markaana ay dowladdu ku kalifeyso inay dadajiso doorashada.

“Anigu waxaan is leeyahay warqadan waqti yare loo baahnaa ayey soo baxday oo tartarsiin doonto dowladdu, si aanay mashruucyada uga xirmin ayna deg deg isaga dhammeyso arrimaha doorashooyinka ee daba jiitamay-baan anigu isleeyahay,” ayuu markale yiri.

Si kastaba direegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee xayiyaaradda lagu saaray hay’adaha dowladda ayaa timid, kadib markii uu soo shaac baxay safarka wafdiga ka socda dalka Kenya ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.