25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Daawo: Sheekh Shariif oo shaaciyey arrin loo diiday, runtana u sheegay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay waxyaabaha ay isku hayaan xukuumadda, isagoo cadeeyey in dadka Soomaaliyeed aan xoog iyo cagajugleyn lagu maamuli karin.

“Ninka raba qori inuu dadka ku qabsado waxaan leeyahay qori dadkii wadaa iska dhigay ee iska dhig qoryahana waa lagaa badiyaa oo guri kasta ayey yaalaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed uu maamuli karo siyaasi aan xigto aqoon oo qofkii qaldan, xitaa carruurtiisa.

“Madaxdeena waan aqoonsanahay, laakiin qalad kuma taageereyno, waxaan ugu sheegeynaa kor iyo hoos qaladkiisa, wax kale ma jiraan, anigu waxaan aaminsanahay in la soo gaaray xiligii umadda Soomaaliyeed ay Tashan laheyd,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa dowladda ku eedeeyey in ay diiday in lagu shiro hoteellada, isagoo sheegay in guri ay ku shirayaan, balse aysan jirin cid dhihi karta “Maxaa ugu shirteen gurigaan.”

“Xitaa waxaa noo muuqata in guryaha la isaga daba imaanayo, laakiin meeshaan meel aan ka noqon karno maaha, gurigeena korkiisa inaan ku shirno kama carari doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Hadalkaan ayuu Sheekh Shariif ka sheegay goob u uku shiriyey maanta xubno kamid ah taageerayaashiisa, isagoo dowladda ugu baaqay in ay joojiso xoogga ay wax ku xalineyso oo talada dhexda soo dhigto, ogolaatana in laga saxo wixii ka qaldan.

Kulankaan uu Sheekh Shariif qabtay ayaa ku soo aaday iyadoo maalmo ka hor ciidamada ammaanka ay Muqdisho ka joojiyeen kulan ay qabsadeen xubno mucaarad ah, waxaana hoteellada Muqdisho laga mamnuucay in lagu qabto kulamo looga soo hor jeedo dowladda.

Hoos ka daawo

Xog: Amiir oo amar yaab leh faray guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa amar yaba leh, oo dadka qaar u arkeen mid halis ah ku soo rogay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka.

Amiir ayaa farriin rasmi ah u diray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, isagoo ku wargeliyay qabanqaabada banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish.

Banaanbaxa ayaa lagu wadaa inuu dhaco maalinta Isniinta, 17-ka Febraayo 2025, saacaddu marka ay tahay 8:00 subaxnimo, waxaana la qorsheeyay in lagu qabto Barxadda Taalada Daljirka Dahsoon, haddii aanay ka hor wax is-beddelin.

Amarka Amiir

Sida ku cad qoraal uu guddoomiyuhu u diray guddoomiyeyaasha degmooyinka, oo ay heshay Caasimada Online tirada ka qeybgalayaasha ee laga filayo degmooyinka gobolka ayaa loo kala saaray laba qeybood:

Degmooyinka waaweyn sida Wadajir, Kaxda, Dharkeynley, Deyniile, Howlwadaag, Hodon, Yaaqshiid, Warta Nabadda, Kaaraan, iyo Heliwaa, waxaa mid kasta laga rabaa inay soo hogaamiyaan 500 qof.

Degmooyinka yar-yar sida Shingaani, Xamarweyne, Cabdicasiis, Bondhere, Waaberi, Xamar Jajab, Shibis, Garasbaaley, Daarusalaam, iyo Guulwade, waxaa mid kasta laga rabaa inay keenaan 300 qof.

Arrintan ayaa waxaa culeys weyn ku tilmaamay guddoomiyeyaasha, maadaama ay adag tahay in ay soo ururiyaan tiro dad ah oo intaas la eg, sida ay yiraahdeen, si gaar ahna, marka la eego in shacabka ay ka baqayaan ka qeyb-galka dibad-baxyada ka dhanka ah argagixisada.

Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha ayaa sheegay in aysan u hoggaansami doonin amarkan, mana cadda in dibad-baxa uu qabsoomi doono iyo in kale.

Guddoomiye Amiir ayaa tan iyo markii la magacaabay horraantii December, wuxuu waqti badan ku bixiyey dhacdooyin u muuqda in uu sare ugu qaadayo muuqaalkiisa, isaga oo booqashooyin badan ku tegay meelaha dadka isugu yimaadaan ee Muqdisho, ama qabtay xaflado loo sameeyey dad caan ah. Balse shacabka caasimadda ayaa weli sugaya in wax laga qabto dhibaatooyinka nololeed ee ay wajahayaan, si gaar ahna nadaafadda, lacago joogto ah oo lagu soo rogo, iyo amniga.

Xasan Sheekh oo war ka soo saaray kursiga muhiimka ah ee uu guushiisa ka shaqeeyey

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo maanta loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu wax badan ka qabto arrimaha muhiimka ah ee horyaalla, asagoo sidoo kale bogaadiyay shaqadii uu soo qabtay Guddoomiyihii hore ee Midowga Afrika Muuse Faki Maxamed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka Meertada 38-aad ee shirka Madaxda Dowladaha iyo Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kaalin weyn ka qaatay guusha Maxamuud Cali Yuusuf, isaga oo dadaal iyo olole xooggan ku garab istaagay.

Diblomaasiyiin yar ayaa leh waayo-aragnimo la mid ah tan Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, kaas oo Sabtida maanta ah loo doortay inuu hoggaamiyo guddiga fulinta Midowga Afrika.

Maxamuud ayaa helay taageerada loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka oo ku shiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, taas oo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka ka ah qaaradda oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.

Diblomaasiga 59-jirka ah ayaa loo arkayay mid fursado yar leh marka la barbardhigo siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay amaaneen ololihiisa xasilloon ee uu ku doonayay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, si uu hoggaanka ugu qabto ururka Midowga Afrika.

Siyaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti, oo ka mid ah dalalka ugu dadka yar qaaradda, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah.

Warbixin: Sida cajiibka ah ee Maxamuud Cali Yuusuf uga adkaaday Raila Odinga

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Diblomaasiyiin yar ayaa leh waayo-aragnimo la mid ah tan Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, kaas oo Sabtida manta ah loo doortay inuu hoggaamiyo guddiga fulinta Midowga Afrika.

Maxamuud ayaa helay taageerada loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka oo ku shiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka ka ah qaaradda oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.

Diblomaasiga 59-jirka ah ayaa loo arkayay mid fursado yar leh marka la barbardhigo siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay amaaneen ololihiisa xasilloon ee uu ku doonayay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, si uu hoggaanka ugu qabto ururka Midowga Afrika.

Siyaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti, oo ka mid ah dalalka ugu dadka yar qaaradda, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah.

‘Dhibaato dhanka maamul wanaagga ah’

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in qaar ka mid ah dalalka Afrika ay la daalaa dhacayaan “dhibaato dhanka maamul wanaagga ah,” gaar ahaan kuwa ay dhawaan ka dhaceen afgambi.

“Qaaradda waxaa haatan ka taagan caqabado badan,” ayuu u sheegay AFP bishii December.

Wuxuu xusay in haddii uu qabto xilka guddoomiyaha guddiga, “nabadda iyo amniga” ay noqon doonaan mudnaanta koowaad ee shaqadiisa.

Waxa uu la tacaali doonaa colaadaha ba’an ee ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo Suudaan, iyo sidoo kale dhimista baaxadda leh ee gargaarka horumarineed ee uu amray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dadka qaaradda ayaa si weyn uga walaacay go’aanka lagu dhimay maalgelinta hay’adda USAID, iyada oo khubaradu ka digayaan in tani ay dhibaato weyn ku keeni doonto dadaallada bani’aadantinimo ee Afrika.

Maxamuud ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga hadlo Trump, isagoo u sheegay AFP bishii December – kahor inta uusan xilka la wareegin madaxweynaha Mareykanka – in siyaasaddiisa loo qiimeyn doono “si caddaalad ah oo aan eex lahayn.”

The danger of reversing course and prospects for the future of Somalia

Following the fall of its central authority in 1991, the civil war that followed, and the ongoing reconstruction efforts, the nation has been struggling. A variety of internal and external political forces influence the process of establishing democracy, which is still challenging. 

There are methods for Somalia to move toward a more stable and democratic system of government in the face of major obstacles. Stress that finding answers requires an awareness of the nation’s political division and outside influences. Clan politics have been prevalent in Somalia in recent years, causing significant political fragmentation: Examine how Somalia’s political system is still dominated by clan-based politics, which results in power dynamics that are fragmented and characterized by clan competition for influence. Clannism hinders the development of a genuine national identity in addition to having an impact on political representation. The creation of federal member states also took a different approach, with each state aiming to further its own interests, which frequently function independently of the federal government. These states have different political views, and sometimes their interests seem to have conflict with the federal government’s interests. These consist of electoral models, the constitutional review process, and other national goals. 

Additionally, external forces have contributed to Somalia’s political change in both positive and occasionally negative ways. Even though they have sent peacekeeping troops and vital humanitarian and development support, their engagement hasn’t always matched Somalia’s internal demands. More significantly, foreign involvement occasionally calls into doubt Somalia’s national pride and sovereignty; it also occasionally makes the country dependent on outside assistance and calls into question how to strike a balance between external aid and sovereignty. Conflicting geopolitical goals, such as securing maritime trade routes or combating terrorism, may influence international actors’ approaches to Somalia’s political issues. That must emphasize the need for Somalia to fortify its institutions, particularly the public service sector, judiciary, and electoral authorities, to achieve a smooth transition to democracy.

Supporting autonomous organizations capable of conducting fair and transparent elections is essential to the nation’s democratic destiny and recognizing the need for more inclusive governance that lessens the influence of clan-based politics and includes the opinions of all.

An Appeal for Harmony and Compromise: The national interest must take precedence over personal or clan-based power battles for Somalia’s political actors at this crucial time. To achieve a political agreement that goes beyond factionalism, it is imperative that the government, regional leaders, traditional elders, and civil society organizations have meaningful conversations.The nation’s progress toward peace and prosperity has been halted by the division brought about by conflicting political interests as well as the enduring links to clans.To ensure that all societal segments, regardless of clan or region, are represented and have a say in determining the destiny of the country, a strong, participatory political system is essential. All Somalis must feel that they have a stake in the political, economic, and social advancement of their nation, but this is especially true for young people and marginalized groups. Increased national cohesion and a lower chance of alienation, which might result in instability, will result from their active involvement in decision-making.

The federalism debate is one of Somalia’s most urgent problems: Tensions between the federal government and the regional governments have arisen because of political fragmentation, even though regional states have given a considerable amount of autonomy. Somalia needs to decide if a federal model, which gives regions freedom, is still the best way to run its government or if a less centralized or unified system would bring the country together better and reduce disagreements.

The ultimate objective should be to establish a system that recognizes regional variety while guaranteeig a powerful, cohesive national government capable of upholding principles, preserving law and order, and promoting national prosperity. Somalia’s political success depends on striking a balance between unity and autonomy, which is not an effortless undertaking. Somalia requires a political structure that upholds democracy and good governance while allowing various areas to prosper within the framework of a single country. Building trust and having a common vision of what Somalia may become—a peaceful, prosperous democracy with equal rights and opportunities for all citizens—will be necessary or this.

Path Ahead: Political leaders must show a sincere commitment to the country’s future, put aside conflicting interests, and cooperate for the common good if Somalia’s democratic transition is to be successful. Compromise is not enough. Reforming the constitution, establishing reliable institutions, and guaranteeing responsible leadership are all necessary to achieve this. By helping Somalia with these initiatives, providing technical support, and making sure that aid is used to create long-lasting institutions rather than perpetuating dependency, the international community may also contribute positively. 

Even if the path ahead may be difficult, Somalia has a clear chance of to change its direction. The future of the nation rests on its capacity to create a government that works for all its citizens, promotes inclusivity, and reaches consensus. Compromise, dialogue, and togetherness will be crucial to this endeavor. 

Dr. Mohamed Omar Bincof
Asst. Prof. of Political Science and International Relations at Somali National University
[email protected]

Hanti-dhowre Guutaale oo soo jawaabay kadib tallaabadii Maxkamadda gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowaraha Guud ee Qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si deg deg ah uga jawaabay tallaabadi ay maanta qaaday Maxkamadda Gobolka Banaadir oo isaga ku eedeysay dambiyo culus.

Maxkamadda oo goor sii horreysay soo saartay warqad ayaa u yeertay Hanti-dhowraha, waxayna ku eedeysay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan Maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha Maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

“Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, kuna eedeysan qod. 254, 257 iyo 267 XCS, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Haddii aan ku horimaan wayso Maxkamadda mudada ay kuu qabatay waxay Maxkamaddu qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan”.

Axmed Ciise Guutaale oo soo jawaabay ayaa isaguna eedo culus u jeediyay Maxkamadaha dalka oo ay xittaa ku jirto Maxkamadda Sare, wuxuuna tilmaamay in gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu is-hortaag ku sameeyey baarista u hoggaansanaanta sharciga, gaar ahaan warbixinta sanadlaha ah ee xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Sidoo wuxuu ku eedeeyay in Maxkamaddu ku kacday ku takrifal awoodeed, maamul xumo iyo hoggaansanaan la’aanta sharciga, ayna sameysay dayacaad shaqo.

Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale xusay in 2023-kii uu fal-dambiyeed lunsi hanti dadweyne ah iyo musuq maaliyadeed uu ka dhacay Maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Maxkamadda degmada Waabari ay sanadkii 2024-kii furatay koonto ka baxsan qasanadda mideysan ee dowlada, taas soo lagu qabtay lacag dhan 21,922.26, kana baxsan dakhlida adeegga kasoo xarooda.

Maxay Somaliland ka tiri tallaabadii Imaaraadka uu qaaday ee ka careysiisay DF?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si faahfaahsan uga hadashay booqashadii uu dhowaan madaxweynaha maamulkaasi, Cabdiraxmaan Cirro, ku tegay dalka Imaaraadka Carabta.

Somaliland ayaa si weyn oo mug leh ugu mahadcelisay dowladda Imaaraadka, oo ay tilmaantay in soo dhoweyn diirran ay u samaysay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Waxa ay intaa ku dartay in arrintani ka tarjumayso sida ay Somaliland diblomaasiyad ahaan qayb uga tahay madalaha caalamka, iyo sida ay uga go’an tahay inay iskaashi la sameyso beesha caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sidoo kale xustay in natiijo wanaagsan laga soo hooyay socdaalkaasi, isla markaana la gaaray guulo la taaban karo.

“Si loo xaqiijiyo in natiijooyin la taaban karo ay ka soo baxaan kulamadaasi, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland waxa ay samaynaysaa koox dabagal ku samaysa, oo isku xidha wasaaradaha ay khuseeyaan arrimahaasi, isla markaana sameeya istaraatiijiyad la raaco,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Mahadcelintan ayaa timid kadib markii dowladda Imaaraadka Isu Tegga Carabta ay ‘Dal ama Jamhuuriyad’ ugu yeertay maamulka Somaliland, iyadoo weli Abu Dhabi ay sii waddo xadgudubyada ay ku hayso madax-bannaanida iyo qarannimada dhuleed ee Soomaaliya.

Imaaraadka, oo horey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ugu casuumay Shirka Dowladaha Adduunka ee halkaas ka socda, isaga oo la siiyay darajada madaxweyne dal, ayaa haddana wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka ee WAM waxay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay si weyn ugu mahadnaqday dowladda Imaaraadka Carabta soo dhaweynta ay u muujisay madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, intii uu booqashada rasmiga ah ku joogay dalkaasi.

Warsaxaafadeedkan, oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro uu ka qayb galay Shirka Dowladaha Adduunka, isaga oo madaxda caalamka, maalgashadayaasha, iyo siyaasiyiinta jaangooya kala qayb galay horumarinta ajandayaasha diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Somaliland.

Wadahadallada uu madaxda adduunka la yeeshay Madaxweyne Cirro ayaa iftiimiyay doorka istaraatiijiyadeed ee Somaliland iyo xidhiidhka ay la leedahay Imaaraadka Carabta, oo ah dal saaxiib ganacsi la ah Somaliland isla markaana kaalin weyn ka qaata ammaanka Geeska Afrika.

War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Cirro intii uu booqashada ku joogay dalka Imaaraadka Carabta uu kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta Imaaraadka, madaxda xarunta ganacsiga, Bangiga Dhexe ee Imaaraadka, iyo madaxda sare ee DP World, oo uu kala hadlay sidii loo kobcin lahaa ganacsiga, maalgashiga, iyo iskaashiga dhaqaale.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu waraysiyo kala duwan la yeeshay warbaahinta waaweyn ee caalamka, taasoo sii xoojisay himilada Somaliland ee dhinaca aqoonsi raadinta iyo kobcinta dhaqaalaha.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in soo dhawaynta diirran ee ay Dubai u samaysay madaxweynaha ay ka tarjumayso sida ay Somaliland diblomaasiyad ahaan qayb uga tahay madalaha caalamka, iyo inay ka go’an tahay inay iskaashi la samayso caalamka.

“Si loo xaqiijiyo in natiijooyin la taaban karo ay ka soo baxaan kulamadaasi, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland waxa ay samaynaysaa koox dabagal ku samaysa, oo isku xidha wasaaradaha ay khuseeyaan arrimahaasi, isla markaana sameeya istaraatiijiyad la raaco,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu soo gabagabeeyay: “Xukuumadda Somaliland waxa ka go’an kobcinta maalgashiga, xoojinta xidhiidhka labada dal, iyo horumarinta kobaca dhaqaale ee mustaqbalka fog. Waxaanu Madaxweyne Cirro iyo weftigiisa ku bogaadinaynaa sida ay uga qayb-gelayaan masraxa caalamiga ah, waxaana aanu mar kale xaqiijinaynaa dedaalka aanu ugu jirno sidii Somaliland ku heli lahayd maqaam caalami ah.”

Mas’uul ka tirsan DF oo lacag ka dhacay xujey Soomaaliyeed oo u baxsaday dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan adeegga xajka ee sanadkan.

Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan koox tuugo ah oo ka dhex faa’iideysanaya wasaaradda iyo xujeyda, wuxuuna tilmaamay in sanadkii lasoo dhaafay ay arkeen dad adeegsanayo magaca wasaaradda, isla markaana lacago ka qaatay xujey badan oo Soomaaliyeed.

“Waxaan aragnay sanadkii hore kooxo tuugo ah oo raba inay magaca wasaaradda isticmaalaan ku qarabaanayo oo dadkii dhahayo Viso iib ah ayaan haynaa wasaaradda ayaana nahay” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya.

Roobow ayaa xusay in mid kamid ah dadkaasi dhacay xujeyda uu ku jiray mas’uu ka tirsanaa wasaaradda oo uu tilmaamay inuu dhacay 42 kun oo dollar, kadibna uu aaday Mareykanka.

”Nin wasaaraddan ka tirsanaa shaqadaas cid u dirsatayna aan la arag baa dad ay is yaqaaneen inta uu u tegay ku yiri fiisooyin la iibinayo ayaan hayaa ee keena lacag, isaga oo ka aruursaday 42 kun oo dollar kadibna wuxuu u galay Mareykanka” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli kiiskaasi uu taagan yahay, ninkaasina ay dacwad ka geeyeen maxkamad, isla markaana ay ku daba joogto dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo hadalkiisa sii wat ayaa digniin culus u diray dadka xujeyda ka qaadaya lacagaha ka baxsan jaangoynta adeegga xajka, wuxuuna shaaca ka qaaday in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan, si loola xisaabtamo.

“Taas oo kale hadda ma jirto Viso ay leedahay dowladda oo la iibinayo haba yaraatee ma jirto mana dhaceyso, waxaan rabnaa dadkaas tuugada ah in aysan idin sirin” ayuu yiri.

NISA oo soo bandhigtay horjeege la qabtay + Daawo

0

Luuq (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa maanta soo bandhigtay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo usoo gacan-galay taliska NISA ee degmada Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa hay’addu waxa ay magaciisa ku sheegtay Abuukar Aadan Buulle, kaas oo laga qaaday wareysi ay baahisay warbaahinta dowladda.

Abuukar ayaa sheegay in Al-Shabaab uu ku biiray sanadkii 2015-kii, kadib markii ay ku tashkiiliyeen qaar kamid ah saaxibadiisa oo weli ka tirsan maleeshiyaadka kooxda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu tababar ku qaaday tuulada Wargaduudo, uuna ka qayb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu wareysiga ku sheegay in uu soo noqday taliyihii amniga ee deegaanka Ceel Cadde, balse kadib loo bedalay qaybta waxa ay Al-Shabaab ugu yeeraan Fursaanta.

“Tababarka waxaa kusoo qaaday meel la yiraahdo Wargaduudo, kadib Ceel Cadde ayaa ka shaqeynayay muddo 3 sanno ah, sidoo kale waxaa muddo soo joogay taliyaha amniga ee Ceel Cadde” ayuu ku yiri wareysiga laga qaaday Horjooge Abuukar Aadan Buulle.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in uu isagu go’aansaday inuu isaga soo baxo Al-Shabaab, wuxuuna farriin u diray saaxibadiisii kale oo uu ugu baaqay inay ka faa’ideystaan cafiska ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u fudisay xubnaha isa soo dhiibaya.

Maalmihii u dmabeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhayay, waxaana sababta lagu sheegay culeyska ay wajaheyso kooxda oo ay dagaal culus ku qaaday dowladda dhexe oo kaashaneysa saaxibada caalamiga ah.

Hanti-dhowraha Qaranka oo loo haysto dambi culus, loogana yeeray maxkamad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u yeertay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale oo loo haysto dambi culus, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Cali Maxamuud.

Eedda loo soo jeediyay Guutaale ayaa ka timid Xeer-ilaalinta Qaranka, waxaana loo haystaa inuu ku xad-gudbay madax-banaanida garsoorka dalka, sida lagu caddeeyay bayaanka.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa lagu amray inuu maxkamadda hortago maalinta berri ah, taariikhduna ay tahay 16/02/2025, si wax looga waydiiyo eedeymaha loo haysto.

“Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, kuna eedeysan qod. 254, 257 iyo 267 XCS, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Haddii aan ku horimaan wayso Maxkamadda mudada ay kuu qabatay waxay Maxkamaddu qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan”.

Go’aankan ayaa durbo dhaliyay hadal-heyn xooggan, wuxuuna bannaanka usoo saaray khilaaf cusub oo ka dhexeeya Hanti-dhowrka Qaranka iyo bahda garsoorka dalka.

Horay labada xafiis ayaa u qaaday tallaabooyin isla xisaabtan ah oo lagu soo xiray mas’uuliyiin dowladeed oo qaarkood lagu helay musuq-maasuq, laakiin hadda waxa ay ka dhex-tafatay saddexda xafiis ee kala ah, Hanto-dhowrka, Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda.

Maamulka Laftagareen oo si weyn loogu bogaadiyay tallaabadii uu qaaday

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay qaaday arrin aad loogu riyaaqay, kadib markii ay tiirka cadaaladda geysay rag dilal ka gaystay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Maxkamadda gobolka ayaa Arbacadii iyo Khamiistii lasoo dhaafay toogasho ku fulisay saddex nin oo lagu helay dilal ay horay u geysteen, waxaana lagu qisaasay fagaare loogu yeeray dadweynaha reer Baydhaba.

Ragga la toogtay waxaa ka mid ahaa Mukhtaar Maxamed Nuur iyo Nuur Maxamed Xasan oo horay dil iyo kufsi ugu gaystay marxuumad Luul Cabdiladiif Macallin, falkaas oo argagax wayn ku abuuray bulshada deegaanka.

Sidoo kale waxaa isna qisaas lagu fuliyay gacan ku dhiigle Isxaaq Aadan Ibraahim oo horey u dilay Aadan Maxamed Aadan.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa si weyn loogu taageeray maamulka Laftagareen, waxaana wasaaradda diinta iyo awqaafta Koonfur Galbeed oo warsaxaafadeed soo saartayay sheegtay inay inay taageersan tahay xukunnada qisaasta ah ee lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaasha.

Hoos ka akhriso qoraalka;-

WAR-SAXAAFADEED: BOGAADIN GO’AANADA CADAALADDA EE DOWLADDA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay si buuxda u taageereysaa xukunkii Qisaasta ahaa ee lagu Fuliyey Gacan ku dhiiglayaashii geestay Dilka Bareerka ahaa.

Wasaaradda waxa ay si dhow ula socatay Xukunka Lagu Fuliyey gacan ku dhiiglayaasha geystay Falalka arxan darrada ah ee kafog Dhaqanka Islaamka, xeerarka iyo Dhaqanka Soomaalida u degsan.

Wasaaradda waxay si buuxda ugarab istaageysaa Xukunkii Cadaaladda Ahaa ee lagu Fuliyey gacan ku dhiiglayaashii geestay Falalka arxan darada ah.

Dhammaan Bulshada ku dhaqan Deegaanada Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan ku boorineyna in ay si buuxda ugarab istaagaan dadaalada Dowladda koonfur Galbeed ay wado kuwaas ay ku xaqiijineyso Amniga iyo Cadaaladda.

Ilaahay asagoo ka hadlaaya in ay Qisaasta ay Nolal tahay Quraankiisa waxa uu ku leeyahay:

{وَلَكُمْ فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَا أُولِي الْأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ} الآية:179

Dowladnimada Ha guuleysato

Kenya oo ku dhowaaqday go’aan saameyn weyn ku yeelanaya qaadka Miirooga

0

Niarobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta ku dhowaaqday go’aan culus oo la xiriira Soomaaliya, gaar ahaan qaadka Miirooga ee maalin walbo usoo dhoofiso dalka.

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay laba jibaartay qiimaha la’iibiyo qaadka Miirooga oo suuqiisa ugu wayn uu yahay Soomaaliya, maadaama diyaaradaha u badan loo soo duubulo.

Sababta ugu wayn ee loo kordhiyay qiimaha qaadka ayaa waxaa lagu sheegay in haatan dib u qiimeyn lagu sameeyay Miirooga, sida ay sheegtay wasaaradda beeraha ee Kenya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dhowaan la gaaray heshiiskan cusub, isla markaana uu dhaqan-galayo sida uu ugu dhaqsiyaha badan.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in go’aankan uu dhaqan-galay isla maanta, waxaana faa’iidada ugu badan heleyso dowladda Kenya oo qaadkeeda keento dalka.

“Qiimayaashan waxay dhaqan-galayaan isla markiiba,” taas oo ka dhigan in qiimaha cusub uu dhaqan-galayo laga bilaabo maanta” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay uu hakad ku jiray qaadka laga keeno Kenya, kaas oo si weyn looga dareemay suuqyada lagu iibiyo Muqdisho, waxaana go’aanka hadda soo baxay uu sii kordhayaa saameynta qaadka ee Soomaaliya.

Dagaalka ITOOBIYA oo sii xoogeystay iyo jab culus oo la gaarsiiyey ciidanka dowladda

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dagaal xoogan ayaa laga soo sheegay buuraha Ambassel ee Wollo Koonfur ee gobolka Amxaarada ee Itoobiya. Colaadda oo ku baahday deegaano kala duwan ayaa keentay in Ciidanka Difaaca Itoobiya ay cutubyo gaashaaman u diraan goobo badan oo ka tirsan aaggaas.

Dagaalladan oo socda muddo laba maalmood ah ayaa la sheegay in xoogagga Fano ay guulo militari oo waaweyn ka gaareen, iyadoo ilo-wareedyo ay soo wariyeen in cutubyo hub culus oo dowladda ah la burburiyay, inkastoo aan weli la xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha labada dhinac.

Horumarkan ayaa muujinaya in xoogagga Fano ay dib u soo ceshadeen awooddooda, kadib bilooyin badan oo dagaalku ku koobnaa Wollo Waqooyi.

Ilaa iyo hadda, dowladda Itoobiya wax war rasmi ah kama aysan soo saarin xaaladdan.

Ilo-wareedyo u warramay warbaahinta Borkena ee Itoobiya ayaa sheegay in gaadiidka u kala goosha Dessie iyo Wogel Tena uu joogsaday. Inkastoo xoogagga Fano aysan soo rogin xayiraado rasmi ah, haddana shirkadaha gaadiidka ayaa hakiyay adeegyadoodii sababo la xiriira amniga.

Dagaallo kale ayaa laga soo sheegay koonfurta Kombolcha iyo Worebabo, halkaasoo la sheegay in ciidanka dowladda ay khasaare xooggan soo gaartay.

Deegaanka Wollo Koonfur, gaar ahaan Amhara Saynet, ciidanka dowladda ma aysan sugin gacan-ku-haynta goobahaas, halka xoogagga Fano ay sheegeen inay la wareegeen magaalada Bokeksa.

Gojjam gudaheeda, dagaallo ayaa ka dhacay agagaarka Dima Giorgis, iyadoo warbaahinta Ethio News ay sheegtay in Fano ay guulo ka gaareen dagaalka, taasoo keentay in dowladda ay ciidamo dheeraad ah u dirto goobaha dagaalka.

Warbixinno kale ayaa tilmaamaya in ciidanka dowladda ay adeegsatay madaafiic culus oo lagu bartilmaameedsaday goobaha rayidka ah, isla markaana ay dhac u geysteen guryaha shacabka.

Waqooyiga Gondar, dagaalladu waxay sii socdaan iyadoo ciidanka dowladda ay isku dayayaan mar kale inay sugaan marinka xuduudka Itoobiya iyo Suudaan — howlgal weli caqabado adag ay kala kulmayaan.

Xoogagga Fano ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan 80 boqolkiiba gobolka Amxaarada.

Todobaadkan, maamulka gobolka Amxaarada ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guul-darreysteen ururinta 50 bilyan oo birr oo cashuur ah, sababo la xiriira colaadda ka taagan gobolka.

Warshaddii qaraxyada ee Daacish oo la burburiyay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay aagga buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday xubnaha kooxda Daacish, si looga saaro deegaannadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta oo ahayd mid si aad ah loo soo qorsheeyay lagu beegsaday Warshad qaraxyada ay ku farsameyn jirtay kooxda Daacish, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland.

Qoraalka oo uu saaray Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan lagu  burburiyay Warshadda qaraxyada oo sidoo kale sameyn jirtay biraha gawaaerida ay adeegsato kooxda.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu xaqiijiyay  in la dilay dhammaan xubnihii argagixsada ahaa ee ku sugnaa goobta la duqeeyay oo ahayd bartilmaameed muhiim ah.

“Duqeynta caawa ee hawlgalka oo laga fuliyey deegaanka Sheebaab-Calmiskaad, waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in ujeedkeeda uu yahay inay ka hortagto firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, si aysan hoos ugu soo dagin buuraha hoostooda oo ay haatan ku dagaalamayaan labada dhinac.

Si kastaba. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Daacish, iyadoo barbar socdaan duqeymo ay fulinayaan qaar kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, waxaana kamid ah Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.

Cirro oo war ka soo saaray qorshaha la rabo in reer Gaza loogu soo raro Somaliland

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dowladdiisu wadahadallo la yeelatay Mareykanka oo ku saabsan dib-u-dejinta qaxootiga Falastiiniyiinta ee Gaza, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la soo bandhigin wax codsi rasmi ah.

Wareysi uu siiyay Sky News Arabia, Cirro wuxuu ku sheegay in Somaliland aan loo tixgelinayn meel dib-u-dejin loogu sameeyo Falastiiniyiinta laga barakiciyay Gaza, kaddib hadallo uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku saabsanaa dejinta qaxootiga dalal kale.

“Somaliland waxay aad u qiimeysaa iskaashigeeda dhaqaale, milatari iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Mareykanka, balse arrintan na lagama soo hadal-qaadin. Wax kasta oo miisaankaan leh waxay u baahan yihiin wada-hadal qoto dheer,” ayuu yiri Cirro.

Cirro wuxuu mar kale caddeeyay taageerada Somaliland ee xuquuqda Falastiiniyiinta, wuxuuna ku baaqay xal diblomaasiyadeed oo waafaqsan mowqifka guud ee Carabta.

Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay xiriir dhow la leedahay dalal badan oo Carbeed, isla markaana ay ka go’an tahay in ay door wax-ku-ool ah ka qaadato arrimaha gobolka.

Hadalka Cirro ayaa yimid xilli sii kordhayaan wararka la xiriira hadalladii Donald Trump oo soo jeediyay in Falastiiniyiinta Gaza loo raro dalal kale. Warbaahinta Israa’iil ayaa soo wariyay in Somaliland iyo Puntland ay ka mid yihiin meelaha la tixgelinayo, hase yeeshee, ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ka yimid Washington ama Hargeysa.

Hadalka Cirro ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo gobolka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo cakiran.

Cirro oo dhawaan ka qeybgalay Shirweynaha Dowladaha Adduunka ee Dubai, ayaa mar kale xaqiijiyay in maamulkiisu diiradda saarayo horumarinta dhaqaale, xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed ee Somaliland, xilli Gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalad aan degganeyn.

Qorshaha Trump ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay inta badan dalalka Carabta.

Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee Masar iyo Boqor Abdullah II ee Urdun ayaa ku celceliyay diidmada ay ka qabaan in Falastiiniyiinta si khasab ah loo raro, iyaga oo carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee dib u dhiska Gaza iyada oo dadka reer Gaza ay ku sii negaanayaan dhulkooda.

Shabaab oo jab culus lagu gaarsiisay weerar ay kusoo qaadeen degmada…

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Qoryooley, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo xoogganaa ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin bannaanka magaalada, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare culus.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyay goobta, kadib markii ay jilibka u dhigteen ciidanka ku sugnaa saldhigga lagu dagaalamay oo la sheegay in ka feejignaayeen weerarka kooxda.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegaya inay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna ka dileen tobaneeyo ka mid ahaa xubnaha weerarka soo qaaday, ayna meesha uga carareen qaar kamid ah meydadka xubnaha looga laayay dagaalka maanta.

Sidoo kale saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, balse ay dib u celiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee ay guusha ka sheegatay dowladda dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada halkaasi.

Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobollada ay weli ka socdaan howlgallada xoreynta ah, waxaana badanaa ku dagaalamayaa ciidamada huwanta iyo Khawaarijta Al-Shabaab.

Imaaraadka oo hadal yaab leh ka yiri qorshaha Trump ee barakicinta Reer Gaza

Washington (Caasimada Online) – Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Washington, Yousef al-Otaiba, ayaa taageeray qorshaha muranka badan dhaliyay ee Madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka, kaas oo ku talinaya in Falastiiniyiinta laga raro Marinka Gaza, isaga oo sheegay inuusan arag “ikhtiyaar kale.”

Hadalladan, oo uu ka jeediyay Shirweynaha Dowladda Adduunka ee Dubai Arbacadii, ayaa yimid xilli iska caabin xooggan oo caalami ah iyo mid goboleedba loo muujiyay qorshahaas, kaas oo lagu tilmaamay isir sifeyn.

Intii lagu guda jiray shirka, al-Otaiba ayaa la weydiiyay haddii Abu Dhabi ay la jaanqaadi karto maamulka Trump marka ay noqoto arrinta Gaza.

“Waan isku dayi doonnaa,” ayuu ku jawaabay, isaga oo qiray in Mareykanku si adag u wajahayo qalalaasaha Gaza.

“Laakiin ugu dambeyn, dhammaanteen xal-baaris ayaan ku jirnaa, welina ma naqaan halka ay wax ku dambayn doonaan,” ayuu yiri diblumaasiga.

Markii la weydiiyay haddii Imaaraadku ka shaqeynayo qorshe kale oo ka duwan kan Trump, al-Otaiba wuxuu ku jawaabay: “Ma arko wax kale oo lagu beddeli karo waxa la soo jeediyay. Haddii ay jiraan dad soo jeedin kara mid kale, diyaar baan u nahay inaan ka wada hadalno, balse weli lama soo bandhigin.”

Hadalladan ayaa yimid iyadoo Masar ay Talaadadii ku dhawaaqday qorshe lagu dhisayo Gaza iyada oo aan la barakicin dadkeeda.

Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee Masar iyo Boqor Abdullah II ee Urdun ayaa ku celceliyay diidmada ay ka qabaan in Falastiiniyiinta si khasab ah loo raro, iyaga oo carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee dib u dhiska Gaza iyada oo dadka reer Gaza ay ku sii negaanayaan dhulkooda.

Arbacadii, Madaxweynaha Imaaraadka, Maxamed bin Zayed, ayaa telefoon ka helay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, kaas oo uu uga hadlay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo “nabad cadaalad ah oo Bariga Dhexe laga gaaro” iyada oo lagu saleynayo xalka laba dal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee WAM.

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa weli ku sii haysa Gaza xannibaad adag oo socotay 18 sano, iyada oo xaddidaysa sahayda cuntada, biyaha iyo daawooyinka. Ku dhowaad 2 milyan oo ka mid ah 2.3 milyan oo qof oo reer Gaza ah ayaa hadda gudaha ku barakacay, taas oo ka dhalatay dagaalka.

Qorshaha Trump ee barakicinta ayaa yimid xilli ay jirto xabbad-joojin iyo is-weydaarsi maxaabiis oo dhaqan galay 19-kii Janaayo.

Xabbad-joojinta ayaa u muuqata mid sii wiiqmeysay maalmihii u dambeeyay, iyadoo Israa’iil ku hanjabtay inay dib u bilaabi doonto dagaalka, halka Xamaas ay hore u sheegtay inay dib u dhigi doonto sii deynta la haystayaasha haddii Israa’iil aysan fulin dhammaan shuruudaha heshiiska.

In kasta oo xabbad-joojintu si ku-meel-gaar ah u hakisay duqeymihii Israa’iil, haddana in ka badan 61,709 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo Oktoobar 2023, halka in ka badan 14,000 oo kale lagu tuhunsan yahay inay ku hoos jiraan burburka, lagana cabsi qabo inay dhinteen.

Imaaraadka ayaa xoojiyay xiriirka uu la leeyahay Israa’iil 2020-kii, iyada oo la saxiixday Heshiiskii Abraham, kaas oo ay si weyn u cambaareeyeen Falastiiniyiinta iyo shacbiga Carabta. Tan iyo xilligaas, Imaaraadku wuxuu xiriir dhow la lahaa Israa’iil inkasta oo dagaalka Gaza uu socdo.

Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo lasoo qabtay maanta iyo kuwa kale oo la dilay

0

Dhoobley (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay howlgal culus si wadajir ah uga sameeyeen aagga degmada Dhoobley ee gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Lafo-gari oo hoostaga degmada Dhoobley, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada ah.

War kooban oo kasoo baxay dowladda dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda, isla markaana loo gaystay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in nolosha lagu soo qabtay sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay Macallin Maxamed, oo ahaa horjoogaha maxkamad beenaad ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka.

“Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay bartilmaameedsadaan xubno sare oo ka tirsan kooxaha Khawaarijta ah. Waxaana lagu khaarajiyey afar xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyaadka khawaarijta, halka gacanta lagu dhigay dhagar-qabe Macallin Maxamed, oo ahaa horjooge maxkamad beenaad ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale weli sii wada howlallada ay ka wadaan aagga degmada Dhoobley, waxaana ujeedka uu yahay in dagaalyahannada Al-Shabaab laga saaro dhulkaasi.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fulisaa weeraro ay ku qaado fariisimaha ciidamada ee ku yaaalla labadaasi gobol.

Xogta kulan xasaasi ah oo Xasan la yeeshay Abiy – Maxaa ka socda Addis Ababa?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meeratada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed, kulankaas ayaa ka dhacay Madaxtoyada Itoobiya ee Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, sida ay baahisay Villa Somalia.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Labada masuul ayaa hoosta ka xariiqay in la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.

Midowga Afrika ayaa la filayaa in Sabtiga berri iyo Axadda ay qabtaan doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ururka, ayadoo guddiga fulinta uu doortay xubnaha qabanaya doorashada, kuwaas oo Arbacadii iyo Khamiistii ay doorashadoodu ka dhacday Addis Ababa.

“Golaha loo dhan yahay ee madaxda qaaradda ayaa dooranaya oo magacaabaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka marka ay fadhiga yeeshaan 15-16 Febraayo 2025,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midowga Afrika.

Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar.

Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, balse dalalka qaaradda oo dhan ma wada codey doonaan ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta.

Dalalka aan codey doonin waa lix dal, waxayna kala yihiin: Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye oo ka socda.

Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco.

Maxaa galabta ka dhacay Stadium Muqdisho iyadoo xalay la joojiyey Showgii Haboon Nuura?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ciyaareed lagu soo dhaweeyey YouTuber-ka caanka ah ee Asad Xaajiyow ayaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, Asad ayaa heysta ‘Billada Adkeyga’ oo Madaxweynaha Soomaaliya uu siiyey.

Dhallinyarada ugu badan ee ku nool Caasimadda Muqdisho ayaa halkaas isugu tegay galabta, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulan weynihii galabta lagu qabtay Stadium Muqdisho.

Kulan ciyaareedkaan waxaa soo abaabulay wasiirka dhallinyarada iyo cayaataha XFS Maxamed Barre oo kulanka kasoo qeyb galay, sidoo kale waxaa joogay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Hay’adaha Ammanka ayaa kaalin cajiib ah qaatay maanta, iyadoo kulankaasi uu ku soo dhamaaday si nabad ah, taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa galabta ku sugnaa Stadium Muqdisho.

Dhallinyaro iyo masuuliyiin is abaabulay oo goor hore soo bilaabay shaqadaan ayaa qabtay kulanka lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow, kaasi oo dhallinyarada lagu balamiyey Jimcihii maanta.

Asad Xaajiyow oo qeybaha dambe ee jirkiisa ay ka naafeeyeen Al-Shabaab oo ku weeraray magaalada Marka ayaa dhowaan ka yimid dalka Malaysia, halkaas oo 12 sano uu ku sugnaa, kuna noqday Youtuber caan ah.

Bandhiggaan lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow ayaa ku soo aaday iyadoo xalay Muqdisho laga baajiyey Bandhig-faneed muran badan abuuray oo loo qaban rabay Fanaanadda Haboon Nuura oo ka timid magaalada Hargeysa, taasi oo loo dakaneeyey heestii ay wax ka qaaday ee “Malin Cadow Xamar ka daran.”

Kulankii galabta lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow ee lagu qabtay Stadium Muqdisho wuxuu diray dhowr farriimood oo muhiim ah, kalsooni badan oo dhanka amniga ah oo reer Muqdisho ku cusub ayaa jirtay, taas oo mar kasta lagu amaano ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Is-jaceyl bulsho oo aan caadi aheyn ayaa jiray, dadkii soo buux dhaafiyey fagaaraha Stadium Muqdisho waxay taageero, dhiirigelin iyo garab istaag buuxa u muujiyeen dhibane Asad Xaajiyow, oo dowladda Soomaaliya ay horay ugu aartay, kadib markii la dilay raggii weeraray.

Sidoo kale, kulankii Stadium Muqdisho wuxuu muujiyey in reer Muqdisho ay isku xiran yihiin, maadaama wax caqabad ah uusan la kulmin kulankaas, iyadoo xalay la joojiyey Showgii Haboon Nuura oo iyadu diiday in reer Muqdisho ay ka raali geliso doorkii ay ku laheed heestii ay dhibsadeen ee lagu karbaashay xilli umadda Soomaaliyeed ay dalka ka difaacanayeen cadowga Itoobiya.