26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xogta khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay SSC-Khaatumo

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii dambe soo baxayay khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, kaasi oo salka ku haya dhismaha guddiga dastuurka ee maamulkan ku-meel-gaarka ah.

Dhawaan, xubno ka mid ah baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka SSC-Khaatumo in uu ku xadgudbay axdiga xeer-hoosaadka baarlamaanka, islamarkaana uu is hortaag ku sameeyay soo jeedinta dhismaha guddiga dastuurka.

Xildhibaannada ayaa markaas sidoo kale waxay sheegeen in guddoonka ku kacay xadgudub aan loo meel dayin, kuna tuntay axdiga ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, kaas oo qoraya in laga hadlo arrimaha hortebinta u leh masiirka maamulka cusub.

“Guddoonka waxaan u gudbinay mooshin aan ku dalbanayno in xeerka dhismaha guddiga dastuurka golaha la horkeeno, isla markaana laga doodo, lana meel mariyo. Sidoo kale, guddoonka waxa uu xiray fadhigii golaha, iyada oo horyaalaan ansixinta hantidhowrka guud iyo akhrinta xeerka shaqaalaha rayidka ah, xildhibaannaduna ay diyaar u ahaayeen,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen xildhibaannada.

Jaamac Yaasiin Warsame, oo ah guddoomiyaha baarlamaanka SSC-Khaatumo, ayaa isagoo iska difaacaya eedeymaha xildhibaannada wuxuu sheegay in soo jeedinta xildhibaannada loo gudbinayo hay’adaha ay khusayso si ay uga soo talo bixiyaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in soo jeedin kasta oo aan ku caddayn axdiga SSC-Khaatumo, una baahan in la hubiyo sharcinimadeeda, uu u gudbinayo hay’adaha ay khusayso, si buu yiri “ay uga soo talo bixiyaan muddo aan ka badnayn saddex maalin shaqo.”

“Waxaan ku wargelinaynaa xildhibaannada soo jeedinta soo gudbiyay in hindise-sharciyeedka dhisidda guddiga dastuurka SSC-Khaatumo uusan ku caddayn axdiga SSC-Khaatumo, diidmo iyo oggolaansho midna, waxaana u gudbinaynaa hay’adaha ku shaqada leh, si ay uga soo talo bixiyaan sharcinimada iyo sharci-la’aanta mooshinkan,” ayuu yiri guddoomiye Jaamac.

Khilaafkan ayaa imaanaya, hoggaamiyaha SSC-Khaatumo uu dhammaadka sanadkii tegay ku dhowaaqay in ay lagama maarmaan tahay in SSC ay ka baxdo ku-meel-gaarnimada, lana magacaabi doono guddi diyaariya dastuur loo dhan yahay oo uu yeelan doono maamulka, kuwaas oo gebogabayn doono bartamaha sanadkan aan ku jirno ee 2025-ka.

12 qof oo ajaaniib ah oo ay afduubteen koox Soomaali ah oo la soo furtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka badda Midowga Yurub ee Bariga Dhexe ayaa gacan ka gaystay in la sii daayo doon kalluumaysi oo Yemeni ah oo ay qabsadeen burcad-badeed Soomaali ah iyo 12 qof oo la-haystayaal ah, xeebaha Geeska Afrika, sida ay sheegeen masuuliyiinta.

Ciidanka badda ee EUNAVFOR Atalanta ayaa Khamiistii sheegay in dhacdadaasi weli baaritaan ku socoto, iyagoo xaqiijiyay in 12-ka shaqaale ee saarnaa doonta ay badqabaan oo aan wax dhaawac ah soo gaarin.

Weerarka, oo toddobaadkii hore dhacay, ayaa lagu beegsaday doon dhaqameed (dhow) oo caadi ahaan ka shaqeysa biyaha Bariga Dhexe, meel u dhow magaalada Eyl ee Soomaaliya.

“Joogitaanka degdegga ah ee ciidamada Atalanta, gaar ahaan helikobterka, ayaa ahaa mid fure u noqday xoreynta doonta kalluumaysiga,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay EUNAVFOR.

“Shaqaalaha doonta ayaa xaqiijiyay in burcad-badeedda la tuhunsan yahay ay ka tageen doonta kaddib markii ay ka xadeen alaabo shaqsiyeed iyo laba doon yar.”

Burcad-badeednimada ka dhacda xeebaha Soomaaliya ayaa gaartay heerkeedii ugu sarreeyay sanadkii 2011, markaas oo la diiwaangeliyay 237 weerar. Xilligaas, burcad-badeedda Soomaalida ayaa dhaqaalaha caalamka gaarsiiyey khasaare dhan qiyaastii $7 bilyan, iyadoo $160 milyan oo kamid ah lacagtaas loo bixiyay madax-furasho, sida ay sheegtay kooxda la socota arrimaha badaha ee Oceans Beyond Piracy.

Khatarta burcad-badeednimada ayaa hoos u dhacday markii ay bateen ilaalada badda ee caalamiga ah, dowlad dhexe oo xoogaysatay oo ka dhalatay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, iyo dadaallo kale oo lagu xakameeyay weerarradaas.

Si kastaba ha ahaatee, weerarrada burcad-badeedda Soomaalida ayaa dib u soo kordhay sanadkii la soo dhaafay, taas oo qayb ahaan ay sabab u tahay xasillooni darrada ka dhalatay weerarrada fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan marinka Badda Cas, kuwaas oo salka ku haya dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza.

Sanadka 2024, waxaa la diiwaangeliyay toddobo weerar oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee La Socodka Maraakiibta (International Maritime Bureau).

Sweden oo xukun adag ku riday nin lagu helay inuu Soomaaliya…

Stockholm (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Sweden ayaa Jimcaha maanta ah xukun saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub.

Ninkan 22 jirka ah ayaa lagu helay dambi ah “ka qaybgalka urur argagixiso,” maalgelinta argagixisada, iyo saddex mar oo uu u safray dalal shisheeye ujeeddooyin argagixiso darteed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda.

Maxkamaddu waxay caddeysay in dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ay la xiriireen Daacish, safarraduna ay dhammaantood ahaayeen Soomaaliya.

Waxaa lagu riday saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah.

Kiiskan ayaa ah kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo “ka qaybgalka urur argagixiso” tan iyo markii baarlamaanka Sweden uu ansixiyay sharcigan sannadkii 2023.

Sweden ayaa xoojineysay shuruucda la dagaallanka argagixisada tan iyo 2017, kadib markii qof u dhashay Uzbekistan oo daacad u ahaa Daacish uu gaari ku jiiray dad marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Stockholm, halkaas oo ay ku dhinteen shan qof.

Si kastaba ha ahaatee, sharciga mamnuucaya ka mid noqoshada kooxaha argagixisada ayaa loo baahday in marka hore la beddelo dastuurka Sweden, maadaama uu ka hor imaanayay xorriyadda ururaysiga ee dalkaas.

Ansixinta sharcigan ayaa sidoo kale kusoo aaday xilli Turkiga uu hakad geliyay dadaalladii Sweden ay ku dooneysay inay ku biirto NATO, iyadoo Ankara ay ku adkeysanaysay in Sweden ay tallaabo adag ka qaaddo kooxaha xagjirka ah.

Kadib duullaankii Ruushka uu ku qaaday Ukraine, Sweden waxay soo afjartay laba qarni oo ay ka fogaaneysay isbahaysiyada ciidan, waxayna codsatay inay ku biirto NATO bishii May 2022 – ugu dambeyntiina waxay si rasmi ah xubin uga noqotay Maarso 2024.

Itoobiya oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah TPLF

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa Khamiistii shaaciyay in ay hakiyeen xubinimada xisbiga hore u talin jiray ee Tigrayga (TPLF) sababo la xiriira jebinta heshiis siyaasadeed oo la gaaray labo sano ka dib dagaalkii dhiigga badnaa ee Tigray.

Xisbiga TPLF, oo intii uu socday dagaalkii 2020-2022 lagu daray liiska kooxaha argagixisada, ayaa dib loogu aqoonsaday xisbi siyaasadeed kadib markii colaaddaasi dhammaatay.

Heshiiskii 2024 ayaa farayay in TPLF ay qabato doorasho rasmi ah oo hoggaan cusub lagu soo doorto kahor 10-ka Febraayo ee sanadkan.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa bayaan ay ku daabaceen barta X ku sheegay in xisbigu ku guuldareystay fulinta shuruuddaas, taasoo jebin cad ku ah heshiiskii la gaaray.

“Xisbiga waxaa laga mamnuucay in uu qabto wax hawlo siyaasadeed ah muddo saddex bilood ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Diiwaangelinta xisbiga waa la tirtiri doonaa haddii uusan muddadaas gudaheed qaadin tallaabooyin saxitaan ah,” ayaa lagu daray.

Getachew Reda, oo ka mid ah hoggaanka sare ee TPLF, ayaan ka jawaabin codsi AFP ay uga dalbatay jawaab.

Xisbiga TPLF ayaa Itoobiya xukumayay ku dhawaad 30 sano ilaa uu talada la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo aan ka soo jeedin qowmiyadda Tigray, sanadkii 2018.

La wareegidda Abiy ayaa hurisay xiisado sii kordhay oo 2020-kii isu beddelay dagaal labo sano socday oo dhex maray dowladda iyo xoogagga Tigrayga, dagaalkaas oo lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 600,000 oo qof.

Xiisado cusub ayaa hadda ka dhex curtay TPLF, gaar ahaan u dhexeeya Getachew, oo hoggaaminayay maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray ee ay soo magacowday Addis Ababa dagaalka kadib, iyo Debretsion Gebremichael, hoggaamiyihii muddada dheer soo maamulayay xisbiga.

Hay’adda ACLED, oo ah urur aan dawli ahayn oo dabagasha khasaaraha colaadaha caalamka, ayaa toddobaadyo ka hor ka digtay in xiisadahan ay halis ugu jiraan in ay isku beddelaan rabshado hor leh.

Imaaraatka oo Somaliland ugu yeeray ‘Dal iyo Jamhuuriyad’

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Jamhuuriyad ugu yeertay maamulka Somaliland, xilli Abu Dhabi ay sii waddo xadgudubyada ay ku heyso madax-bannaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Imaaraadka oo horey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ugu casuumay Shirka Dowladaha Adduunka ee halkaas ka socda, ayada oo la siiyay darajada madaxweyne dal, ayaa haddana maanta wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka ee WAM waxay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dhowr maalmood ka hor, markii shirka uu furmay, qaar ka mid ah dadka ayaa u arkay in laga yaabo in qoraalka uu ahaa qalad farsamo, balse waxaa hadda caddaatay in Imaaraadku qaadayo tallaabooyin ku talogal ah.

Wareysiga uu Cirro siiyay WAM, oo ay baahisay wakaaladda, ayaa si soo noqnoqosho leh ugu sheegay Somaliland “Dal.”

Cabdiraxmaan Cirro, oo wareysigaas uga mahadceliyay Imaaraadka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Somaliland, ayaa muujiyay rajadiisa ku aaddan xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhaqaalaha iyo horumarka.

Wuxuu ammaanay doorka muhiimka ah ee maalgashiyada Imaaraadka, gaar ahaan kuwa Shirkadda DP World, oo xoojiyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo ka dhigay Dekedda Berbera xarun istiraatiiji ah oo isku xirta Somaliland iyo dalalka deriska la ah.

Wuxuu sharxay in maalgashiga DP World ee Dekedda Berbera aanu ku koobnayn horumarinteeda oo keliya, balse uu ku fiday dhismaha Aagga Xorta ah ee Berbera iyo Waddada Ganacsiga Berbera, taasoo xoojisay xiriirka dhaqaale ee Somaliland iyo Itoobiya, kana dhigtay Berbera goob soo jiidata maalgashi.

“Maalgashigan wuxuu xoojiyay kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna kalsooni dheeraad ah siiyay xasilloonida Somaliland iyo soo jiidashada ganacsiga, taasoo dhiirigelisay shirkado iyo maalgashadeyaal badan inay yimaadaan dalka,” ayuu yiri.

Isaga oo ka hadlayay isbitaallada ay maalgelisay Imaaraadka ee Berbera iyo Burco, ayuu xusay in adeegyada caafimaadka Somaliland ay la daalaa dhacayaan dhaqaale xumo, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhismaha isbitaalladan ay si weyn u horumarin doonto adeegyada caafimaadka ee bulshada.

Markii la waydiiyay fursadaha maalgashiga Imaaraadka ee Somaliland, Cirro wuxuu sheegay in ay jiraan waaxyo badan oo leh awood sare, gaar ahaan xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland, maadaama ay Somaliland leedahay 40 ilaa 50 milyan oo neef, ayna sannad walba dhoofiso ilaa 4 milyan oo ido ah xilliga Xajka.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay noqon karto bakhaar cuntadeed oo ay ku tiirsan karaan dalalka Gacanka Carabta, gaar ahaan dhinaca dhoofinta hilibka.

Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay leedahay goobo dalxiis oo gaar ah, sida 150km oo xeebaha dabiiciga ah ah, ayna Dubai u jirto labo saacadood oo kaliya, taasoo ka dhigaysa meel ku habboon maalgashiga sector-ka dalxiiska iyo martigelinta.

Taliye Asad oo ku dhowaaqay arrin la xiriirta hannaanka doorasho ee muranka dhaliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa markii u horreysay ku dhowaaqay inay u diyaar garobeen doorashooyinka qof iyo codka ah.

Hanaankan doorasho ee taliska ciidanka booliska uu sheegay inuu diyaar ugu yahay si buuxda ayaa ah mid si weyn loogu muransan yahay, iyadoo weli ay ku adkeysaneyso dowladda federaalka inay dalka ka qabsoomeyso doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaridka u arkaan mid aan cadaali aheyn, lagana leeyahay ujeedooyin kale.

Taliye Asad Diyaano ayaa hadalkan ka sheegay in shir kulanka todobaadlaha ah ee hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa-banaan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, kaasi oo xalay ka qabsoomay xarunta taliska, uuna guddoomiyey taliyaha.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amaanka guud ee dalka iyo ka hortagga falalka amniga lidka ku ah ee kooxaha argagixisada gaysato, maadama ciidamadu u diyaarsan yihiin in doorka uga aaddan ka qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ka qabsoomaya dhawaan.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale saraakiisha faray inay ka feejignaadaan ciidamadu dhagarta Khawaariijtu shacabka u maleegayaan.

Ugu dambeyntiina waxa uu taliyuhu ka codsaday shacabka inay laamaha ammaanka ku wergeliyaan meelkasta oo ay joogaan cidda ay ka shakiyaan, si markabiiba looga howl-galo, loogana qabto umadda.

Si kastaba, hanaanka doorasho ee qof iyo cod oo si weyn gadaal uga riixeyso Villa Somalia ayaa loo arkaa mid aan xilligaan la jaanqaadi karin wadci dalka, oo qeybo kamid ah ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa su’aal la geliyay heerka hufnaantiisa, maadaama illaa hadda uu la dhacsan yahay dhinac gaar ah.

Xilliga Israel qorsheysay inay weerarto nukliyeerka IRAN oo la ogaaday – Xog sirdoon

Washington (Caasimada Online) – Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay in Israel ay u badan tahay inay bartamaha sanadkan weerar ku qaaddo barnaamijka nukliyeerka ee Iran, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Washington Post Arbacadii, ayada oo soo xiganeysa dhowr warbixin sirdoon.

Weerarkaas ayaa dib u dhigi doona horumarka barnaamijka nukliyeerka Iran muddo toddobaadyo ama bilo ah, balse wuxuu sare u qaadi doonaa xiisadaha gobolka, isaga oo halis gelinaya in colaad ballaaran ay qaraxdo, sida ay tilmaameen warbixinnada sirdoonka ee dhammaadkii xukuumaddii Biden iyo bilowgii maamulkii Trump, sida uu qoray wargeyska.

Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo. Wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Israel, CIA, Hay’adda Sirdoonka Difaaca iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ay diideen inay ka hadlaan arrintan.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Brian Hughes, ayaa u sheegay Washington Post in Madaxweyne Donald Trump uusan oggolaan doonin in Iran hesho hub nukliyeer ah.

“Inkastoo uu doorbidayo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka taariikhiga ah ee Mareykanka kala dhexeeya xukuumadda Iran, haddana ma sugi doonno haddii Iran aysan diyaar u ahayn inay wadaxaajood sameyso, gaar ahaan waqti dhow,” ayuu Hughes u sheegay Washington Post.

Warbixinta ugu dhammaystiran ee sirdoonka ayaa la soo saaray horraantii Janaayo, waxaana diyaariyay waaxda sirdoonka ee Taliska Guud iyo Hay’adda Sirdoonka Difaaca, ayey tiri Washington Post.

Warbixintaasi waxay ka digtay in Israel ay u badan tahay inay isku daydo weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka Iran ee Fordow iyo Natanz.

Saraakiil Mareykan ah oo xogogaal u ah sirdoonka, kuwaas oo hadda shaqeeya iyo kuwo horey u soo shaqeeyay, ayaa u sheegay Washington Post in Israel ay rumeysan tahay in duqeyntii ay bishii October ku qaadday Iran ay wiiqday difaacyada cirka ee dalkaas, taasoo ka dhigtay mid u nugul weerar kale oo xiga, sida uu qoray wargeysku, inkastoo aan la magacaabin saraakiishaas.

Iran iyo Israel ayaa sanadkii hore dhowr jeer is-weeraray, iyaga oo isku aargudanaya, xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayeen, gaar ahaan dagaalka Israel ka waddo Gaza.

Warbixinnada sirdoonka ayaa saadaaliyay labo ikhtiyaar oo weerar ah, kuwaas oo midkoodna uu Mareykanka ku lug leeyahay, gaar ahaan taageero dhinaca sirdoonka ah iyo buuxinta shidaalka diyaaradaha, sida lagu yiri warbixinta Washington Post.

Madaxweyne Trump ayaa wareysi uu Isniintii siiyay Fox News ku sheegay inuu doorbidayo heshiis uu la gaaro Iran si looga hortago inay hesho hub nukliyeer ah, isaga oo intaa ku daray inuu aaminsan yahay in Iran ay doorbidayso heshiis halkii ay dagaal geli lahayd.

“Qof walba wuxuu aaminsan yahay in Israel, oo naga helaysa taageero ama oggolaansho, ay si ba’an u duqeyn doonto. Laakiin anigu waxaan doorbidayaa in taas aanay dhicin,” ayuu Trump yiri.

Mareykanka, intii uu xilka hayay Madaxweyne Barack Obama, iyo xulafadiisa Yurub ayaa heshiis la galay Iran si loo hakiyo barnaamijkeeda nukliyeerka, balse Trump, oo ay ku dhiirrigelisay dowladda Israel, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskaas taariikhiga ah, isaga oo dib u soo rogay cunaqabateynta Iran sanadkii 2018.

Tan iyo markaas, Iran ayaa dib u bilowday barnaamijkeedii nukliyeerka, iyada oo sare u qaadday heerka uruurinta uranium-ka, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA).

Iran, Britain, France iyo Germany ayaa bishii Janaayo kulan ku yeeshay Geneva si ay ugu raad raacaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii nukliyeerka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, oo la hadlay TV-ga dowladda Iran.

Ujeedka wafdiga DF ee ku sugan Addis-Ababa + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS, Dr. Cali Xaajii Aadam ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga qeyb-galay madasha sanadlaha ah ee wasiirada caafimaadka Afrika.

Shirkan oo qayb ka ah shir madaxeedka Afrika, ayaa wasiirka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay in ka badan 30 wasiir caafimaad oo ka qeyb-galaya barnaamijkan.

Madashan oo ah mid sanadle ah ayaa waxay u oggolaanaysaa wasiirada caafimaadka dalalka Afrika inay isugu yimaadaan si ay diiradda u saaraan horumarinta caafimaadka qaaradda.

Sanadkan ayaa waxaa xoogga la saaraya adkaynta nidaamka caafimaadka, iyadoo laga faa’iideysanayo ballanqaadyada siyaasadeed. Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimada ay hoggaaminta caafimaadka u leedahay bulshada Afrika.

Intii lagu guda jiray kulanka, wasiirka ayaa kulamo doceed la qaatay qaar ka mid ah wasiirada caafimaadka Afrika ee ka qeyb-galay madasha iyo madaxda hay’adda Africa CDC, oo kulankan sanadlaha ah qabanaya.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay horgeynta ajandayaasha horumarinta caafimaadka Soomaaliya goobaha looga arrinsanayo caafimaadka adduunka.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii uu wasiirka caafimaadka Soomaaliya uu Geneva uga qeyb-galay shirka golaha fulinta ee hay’adda caafimaadka adduunka, halkaasi oo uu kulamo doceedyo kala duwan oo diiradda lagu saarayey horumarinta iyo hagaajinta caafimaadka kula qaatay madaxda iyo dalalka kasoo qeyb-galey shirka.







Muxuu Trump ka yiri dib u soo celinta dhulka Ruushka uu ka qabsaday Ukraine?

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Arbacadii uu kulan dhanka teleefoonka la yeeshay Vladimir Putin. Wicitaanka oo muddo “dheer qaatay” ayaa la sheegay inuu ahaa mid wax ku ool ah” kaas oo madaxdu ay ku heshiiyeen in ay bilaabaan wada xaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu Trump ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha Ruushka ay “ku heshiiyeen in ay si degdeg ah u bilaabaan wada xaajoodyada” uuna midba midka kale ku casuumo inuu booqdo caasimaddooda.

Ka dib, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay inuu kala hadlay Trump “nabad waarta oo la isku halayn karo”.

Baaqyada dhinacyada is haya ayaa yimid iyadoo Trump iyo xoghayihiisa gaashaandhigga ay labaduba sheegeen inaysan u badneyn in Ukraine ay ku biirto Nato, taasoo niyad jab weyn ku noqon doonta Kyiv.

Zelensky wuxuu sheegay inuu la kulmi doono madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio inta lagu guda jiro shir-madaxeedka difaaca Ukraine ee ka dhacaya Munich Jimcaha.

Trump ayaa baraha bulshada ku soo qoray: “Waxaa la joogaa waqtigii la joojin lahaa dagaalkan qosolka leh, oo aan loo baahnayn inuu dhaco sababana dhimasho iyo burbur. Ilaah ha barakeeyo dadka Ruushka iyo Ukraine!”

Ma uusan cayimin wakhti uu kulan fool ka fool ah la yeelanayo Putin, balse markii dambe waxa uu saxafiyiinta kula hadlay Aqalka Cad: “Waxaan ku kulmi doonnaa Sacuudiga”, ayuu u sheegay.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu taageeray fikradda Trump ee ah in la gaaray waqtigii la wada shaqeyn lahaa.

Wadahadalka taleefoonka ee dhexmaray Putin iyo Trump ayaa qaatay ku dhawaad saacad iyo bar, iyadoo madaxweynaha Ruushka uu u fidiyay casuumaad uu ku tagayo Moscow, ayuu yiri Peskov.

Trump ayaa sidoo kale weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad in aysan u badneyn in Ukraine ay ku soo laabato xudduudaheeda ka hor 2014-kii, balse, isaga oo ka jawaabaya su’aal ay BBC-da weydiisay, wuxuu yiri “dhulkaas qaar ayaa soo laaban doona”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku raacay Xoghayihiisa Difaaca Pete Hegseth, oo ka sheegay shir madaxeedka Nato horaantii Arbacada in aysan suurtagal ahayn in Ukraine ay ku biirto xulafada militariga.

“Waxaan u maleynayaa inay taasi run tahay,” ayuu yiri Trump.

Dowladda UK ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay Ukraine ka siiso difaaca Ruushka, iyadoo Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Angela Rayner ay u sheegtay ITV in taageerada London ee Kyiv ay tahay mid “ku taagan”.

Isagoo qiimaynaya niyadda dadka caasimadda Ukraine, weriyaha BBC-da James Waterhouse waxa uu sheegay in hadalka Hegseth uu dhaawac ku noqon doono Kyiv.

Iyadoo muddo dheer la ogaa in maamulka cusub ee Maraykanku aanu u damqanayn Ukraine marka loo eego kii ka horreeyay, weriyahayagu wuxuu ku daray, hadal kasta oo Hegseth wuxuu u badan yahay inuu ka farxin doono Moscow oo keliya.

Waxaa jiray diidmo ka mid ahaanshaha Nato, aragti ah in Ukraine aysan ku guuleysan karin.

Zelensky waxa uu ku celceliyay in aan “wax wada hadal ah la yeelan karin Ukraine la’aanteed” – laakiin wadahadalka taleefoonka Trump iyo Putin ayaa dhacay isaga oo maqan.

Hogaamiyaha Ukraine ayaa intaa ku daray: “Waxaan ku heshiinay inaan sii wadno xiriir dheeri ah oo aan qorsheyno shirarka soo socda.”

Baaqa u dhexeeya madaxda Maraykanka iyo Ukraine ayaa qaatay saacad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian oo la daabacay Talaadadii, Zelensky waxa uu soo jeediyay in dhulka uu Ruushka haysto ee Ukraine lagu beddelo dhulka Ukraine ay haysto ee gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, taasoo qayb ka ah heshiis nabadeed.

Afhayeenka Putin Peskov ayaa sheegay in tani ay tahay “wax aan macquul ahayn”.

“Ruushka waligiis kama hadlin, mana ka hadli doono beddelka dhulkiisa, ciidamada Ukraine waa laga saarayaa dhulkan.”

Iskahorimaadku wuxuu qarxay dagaal dhan walba ah markii Ruushku soo galay Ukraine ku dhawaad saddex sano ka hor.

Isku daygii Moscow ay ku dooneysay in ay kula wareegto caasimadda Kyiv waa la fashiliyay, balse ciidamada Ruushka ayaa qabsaday ku dhawaad shan meelood meel dhulka Ukraine ee bariga iyo koonfurta, waxaana ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen dalkaasi.

Ukraine ayaa ku aargudatay madaafiic iyo duqeymo diyaaradeed, iyadoo sidoo kale weerar dhanka dhulka ah ku qaaday gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka.

Khasaaraha saxda ah waa ay adag tahay in la helo sababo la xiriira sirta labada dowladood ee Ruushka iyo Ukraine, laakiin waxaa lagu qiyaasaa in boqolaal kun oo qof oo u badan askar la dilay ama la dhaawacay, malaayiin rayid ah oo reer Ukraine ahna ay ka qaxeen guryahoodii.

Isha: BBC

Ciidanka DF oo howlgal kusoo furtay gaadiid iyo shacab u xayirnaa Al-Shabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay howl-gal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan oo ay fuliyeen ururada 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October waxaa si gaar ah looga fuliyay tuulada Gumeysidiid oo kooxdu ku laheyd bar-koontarool, islamarkaana ay ku xayirnayeen gaadiid iyo shacab badan.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay fasaxaan gaadiidkii iyo dadka shacabka ahaa ee ku xayirnaa halkaasi, iyagoo bur-buriyay dhamaan barihii koontarool ee kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, kuwaasi oo lacago looga qaadan jirey, laguna dhibaateyn jirey, sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysay howl-galka.

Gaashaanle sare Nuur Maxamed Gaabow, oo ah Taliyaha Guutada 14-ka October ee ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada cagta mariyeen dhamaan isbaarooyinkii ay kooxda dhigatay halkaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay ku dhibaateyn jirtay gaadiidka iyo dadka masaafurka ah.

“Ma aqbaleyno inay Khawaarijta dulsaar kusii ahaadaan oo ay sii dhibaateeyaan bulshadeenna iyo qarannimadeenna, waxaan markasta diyaar u nahay inaan uga daba tagno goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan,” ayuu yiri Taliye Nuur Gaabow oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxa uu yiri “Intuu howl-galka socday waxay Libaaxyada Qarankeenna ee xoogga dalka sii daayeen gaadiid iyo shacab ay Khawaarijta ku xayireen tuulada Gumeysidiid.”

Taliye Gaabow ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howl-gallada looga hortagayo dhibaatooyinka kooxda ku hayaan gaadiidka iyo shacabka ku safra waddooyinka Shabeellaha Hoose.

Kooxda Al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa dhul ballaaran ayaa leh baro-kaantarool oo lagu baaro gaadiidka, islamarkaana looga qaato lacago baad ah oo ku sheegaan dhul maris ah.

Isbaheysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ee Suuriya laga rabo la shaqeyntiisa?

0

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku boorriyay dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya in ay la shaqeyso isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxaha xagjirka ah ee gobolkaasi, isagoo martigeliyay shir khamiistii looga hadlayay mustaqbalka dalkan ku yaalla Bariga Dhexe.

Hadalka Macron ayaa imaanaya iyadoo hubaal la’aan ay ka jirto ka ballan qaadka Mareykanka ee gobolka. Shir Khamiistii ka dhacay magaalada Paris oo u dhexeeya dalalka Yurub iyo Carabta ayaa ahaa kii saddexaad ee looga hadlayo arrimaha Suuriya tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii cadaadiska ku dhisneyd ee Bashaar Al-Asad bishii December, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda KMG ah ee Suuriya, Asaad al-Shibani.

“Suuriya waa in ay si cad u sii waddaa dagaalka ka dhanka ah dhammaan ururada argagixisada ah ee fidinaya fowdada,” ayuu yidhi Macron. “Haddii Suuriya ay go’aansato in kaalin iskaashi ah la sameyso” isbahaysiga caalamiga ah, Faransiisku waa uu taageeri doonaa tallaabadaasi, ayuu hadalkiisa raaciyay.

Shirka Paris ee Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday dalalka ka qeybgalaya shirka ayaa ujeedkiisu ahaa in la isku duba rido dadaallada lagu taageerayo isbedel nabadeed, iyadoo xukuumadda cusub ee Dimishiq ay hoosta ka xarriiqday in ay dooneyso in ay hagaajiso xiriirka reer Galbeedka.

Macron waxa kale oo uu ugu baaqay dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya in ay ciidamada uu Mareykanku taageero ee ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta Suuriya ee SDF “in ay si buuxda uga qeybgeliso” marxaladda kala guurka ah ee Suuriya, isaga oo ugu yeeray in ay yihiin “xulafo qaali ah”.

“Waxaan filayaa in mas’uuliyadda idinka saaran maanta ay tahay isku dhafka iyo sidoo kale in aad u oggolaataan ciidamadan in ay idinku soo biiraan,” ayuu yiri.

Khamiistii, qabanqaabiyeyaasha shir ka dhacaya Dimishiq si loo jaangooyo mustaqbalka siyaasadeed ee waddanka ayaa sheegay in wadahadalladaasi ay ka qeyb gali doonaan dhammaan qaybaha bulshada Suuriya marka laga reebo maamulka Kurdiyiinta ee waqooyiga bari iyo kuwa daacadda u ah Assad.

Inta badan jabhadihii hore ee kacdoonka waday ayaa ku heshiiyey inay kala diraan askartooda ayna ku biiraan ciidamada cusub ee Suuriya iyo laamaha ammaanka, balse SDF-ta ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta ayaa ilaa hadda diidan in ay sidaas oo kale sameeyso.

Xoogagga SDF ayaa isku dhacyo kula jira kooxaha uu Turkiga taageero ee waqooyiga Suuriya, waxayna Kurdiyiinta ka walaacsan yihiin in ay lumiyaan guulo siyaasadeed iyo kuwo dhaqan oo ay gaareen tan iyo markii ay go’aansadeen in ay waqooyi bari maamulkooda ka dhistaan intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaas.

Waxaa socda wadahadal u dhaxeeya SDF iyo dowladda Dimishiq.

Gargaar dheeraad ah ayaa muhiim u ah si loo gaaro dib u dhis nabadeed inta lagu jiro kala-guurka ka dib Assad. Dalku waxa uu u baahan yahay in uu dib u dhiso guryaha, korontada, biyaha iyo kaabayaasha gaadiidka ka dib ku dhawaad 14 sano oo dagaal ah. Qaramada Midoobay ayaa 2017-kii ku qiyaastay in ay ku kici doonto ugu yaraan 250 bilyan oo doolar, halka khubarada qaar ay hadda sheegayaan in tirada ay gaari karto ugu yaraan $400 bilyan.

Iyadoo ay jiraan qaybo yar oo wax soo saar sameeya iyo shaqaalaha dowladda oo qaata mushahar u dhigma ilaa $20 bishii, Suuriya waxa ay noqotay mid ku tiirsan lacagaha xawaaladaha lagu diro iyo gargaarka bini’aadantinimo. Laakiin qulqulka gargaarka ayaa hoos u dhacay ka dib markii maamulka Trump uu bishii hore joojiyay kaalmada dibadda ee Mareykanku uu bixiyo.

AP + VOA

Xamaas oo war cusub soo saartay xilli laga cabsi qabo inuu burburo heshiiska Israel

Gaza (Caasimada Online) – Xamas ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto saddex qof oo Israa’iili ah sida qorshuhu ahaa, taasoo xal u horseedi karta muran weyn oo hareeyay xabbad-joojinta ka jirta Marinka Gaza.

Xamas ayaa hore ugu hanjabtay in ay dib u dhigi doonto sii daynta maxaabiista, iyada oo ku eedeysay Israa’iil in ay ku guuldareysatay fulinta ballanqaadyadeeda, oo ay ka mid yihiin oggolaanshaha gelitaanka teendhooyin iyo hoy, iyo sidoo kale jebinta qodobbada xabbad-joojinta.

Israa’iil, oo taageero ka helaysa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay dib u billaabi doonto howlgalladeeda militari haddii aan la sii deynin maxaabiista.

Ma jirin wax jawaab ah oo degdeg ah oo ka soo baxay Israa’iil kadib warka Xamas, hase yeeshee tallaabadan ayaa u muuqata mid oggolaanaysa in xabbad-joojintu sii socoto waqtigan xaadirka ah, inkastoo mustaqbalka heshiiska nabadeed uu weli mugdi ku jiro.

Xamas ayaa sheegtay in wafdigeedu wadahadallo la yeeshay mas’uuliyiinta Masar ee Qaahira, isla markaana ay xiriir la sameeyeen Ra’iisul Wasaaraha Qatar si loo keeno Gaza teendhooyin dheeraad ah, sahay caafimaad, shidaal iyo qalab culus oo lagu nadiifiyo burburka — arrintaas oo ahayd dalabkooda ugu weyn maalmihii la soo dhaafay.

Bayaan ay soo saartay, Xamas waxay sheegtay in dhex-dhexaadiyeyaashu ay ballanqaadeen in “dhammaan caqabadaha la qaadi doono.”

Daqiiqado kadib, afhayeenka Xamas, Cabdul Laahiif al-Qanuu, ayaa khadka taleefanka ugu xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Associated Press in saddexda maxbuus la sii deyn doono Sabtida.

Telefishinka qaranka Masar ee Qahera TV, oo si dhow ula shaqeeya hay’adaha ammaanka dalkaasi, ayaa ku warramay in Masar iyo Qatar ay ku guuleysteen xallinta khilaafka.

Labada dal ee Carbeed ayaa door muhiim ah ka qaatay dhex-dhexaadinta Xamas, iyagoo fududeeyay heshiiska xabbad-joojinta oo dhaqan galay Janaayo, kadib 15 bilood oo dagaal ah.

Heshiiska xabbad-joojinta ayaa si kastaba wajahaya caqabado culus toddobaadyada soo socda.

Wajiga koowaad ayaa dhammaan doona horraanta bisha Maarso, lamana gaarin weli wadahadallo qoto dheer oo ku saabsan wejiga labaad, kaasoo Xamas ay ku sii deyn doonto tobannaan maxaabiis ah, iyada oo Israa’iil laga doonayo in ay soo afjarto dagaalka.

Isha: VOA

UAE refers Somaliland as republic, sparking rift with Somalia

ABU DHABI, UAE – The United Arab Emirates has ignited diplomatic tensions with Somalia by referring to Somaliland as a “republic,” challenging Somalia’s sovereignty over the self-declared autonomous region.

The UAE’s state news agency WAM addressed Abdirahman Irro as the “President of the Republic of Somaliland” during the World Governments Summit in Abu Dhabi.

While some initially speculated that the term was a clerical error, WAM’s consistent use of “Republic of Somaliland” suggests a deliberate shift in diplomatic posture.

Somaliland, a region in northern Somalia, declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of Siad Barre’s regime. Despite operating with its government, military, and currency, Somaliland remains unrecognized by the international community.

Its stability and democratic processes have drawn interest from foreign investors, particularly the UAE.

The UAE has been expanding its influence in the Horn of Africa, investing in strategic ports and infrastructure to secure trade routes along the Red Sea. DP World’s involvement in Berbera Port has been a cornerstone of this strategy, enhancing maritime trade between the Gulf, Africa, and beyond.

Growing UAE-Somaliland relations

In an interview with WAM, President Irro expressed deep appreciation for the UAE’s sustained support, particularly in economic development.

He highlighted DP World’s strategic investment in Berbera Port, transforming it into a key trade hub linking Somaliland with Ethiopia and other parts of the Horn of Africa.

“The DP World investment has enhanced Berbera’s infrastructure, expanded the Berbera Free Zone, and bolstered our economic ties with Ethiopia, attracting further international investment,” Irro said.

He also acknowledged the UAE’s funding of hospitals in Berbera and Burao, underscoring the healthcare sector’s financial struggles and the significance of these facilities in improving medical services for Somaliland’s population.

Somaliland’s economic strengths are rooted in its livestock industry, with up to 50 million animals and around 4 million exported annually during Hajj. The region’s proximity to the Gulf makes it an attractive trade partner, particularly for food exports.

Additionally, Somaliland’s unspoiled coastline, stretching 150 kilometers along the Gulf of Aden, offers significant potential for tourism development. Its proximity to Dubai, just a two-hour flight away, adds to its allure for investors.

Geopolitical ramifications

The UAE’s move to refer to Somaliland as a republic directly challenges Somalia’s territorial integrity. Somalia has consistently maintained that Somaliland is part of its territory despite Somaliland’s declaration of independence in 1991, which remains unrecognized internationally.

The Somali government has vehemently opposed any actions that undermine its sovereignty.

Ethiopia’s recent memorandum of understanding with Somaliland, granting port access in exchange for potential recognition, has further strained Somalia’s diplomatic relations with its neighbors.

Some view the UAE’s growing regional footprint as a strategic maneuver to counter rival influences, particularly from Turkey and Qatar.

As the UAE deepens its involvement in the Horn of Africa, this diplomatic gesture could reshape regional alliances and economic partnerships, further complicating a volatile geopolitical landscape.

US considers prolonged military stay in Somalia

WASHINGTON – The United States is considering extending the deployment of its Africa Command (AFRICOM) forces in Somalia as part of its ongoing counterterrorism efforts against al-Shabaab and Islamic State-linked militants, according to Defense Secretary Pete Hegseth.

Speaking at a press conference on Tuesday, Hegseth emphasized the importance of maintaining US military presence in Africa despite previous plans under President Donald Trump to reduce troop deployments abroad.

“Africa is the front line in the fight against jihadist extremism,” Hegseth said. “We will not allow terrorist groups to establish safe havens, particularly those that could threaten the United States.”

Currently, approximately 500 US troops are stationed in Somalia, providing support to local forces in their battle against al-Shabaab and Islamic State affiliates. These groups have been responsible for numerous attacks on Somali security forces and civilians.

Strategic importance Somalia

The Horn of Africa has long been a focal point for US counterterrorism operations due to its proximity to the Middle East and the persistent threat posed by militant groups. Al-Shabaab, an al-Qaeda affiliate, has conducted deadly attacks across Somalia and neighboring countries, while Islamic State factions have established footholds in remote regions.

Hegseth underscored the necessity of continued US military engagement: “I will consult with commanders on the ground to ensure that we deploy forces where they are most needed, but our objective remains long-term and effective counterterrorism operations.”

Earlier this month, a US airstrike in the Golis Mountains region targeted Ahmed Maeleninine, a senior Islamic State recruiter in Somalia, according to AFRICOM officials. Maeleninine was believed responsible for recruiting fighters and coordinating attacks in the region.

AFRICOM has intensified its aerial operations in Somalia over the past year, including strikes that killed numerous al-Shabaab militants. US forces also provide aerial reconnaissance to assist Somali National Army operations.

Shifting US military strategy

The Biden administration’s approach to military engagements abroad has evolved from the Trump-era doctrine that sought to minimize overseas deployments. Hegseth warned against interpreting the administration’s strategic reassessments as a sign of retreat.

“It would be a mistake to assume that the US is pulling back,” he said. “We need to be deliberate, strategic, and assertive in preventing conflicts from escalating.”

The decision to extend AFRICOM’s presence underscores Washington’s commitment to curbing terrorism in East Africa, where instability continues to pose a significant threat to regional and global security.

Al-Shabaab has waged an insurgency in Somalia since 2006, aiming to establish an Islamic state governed by Sharia law. The group has targeted military and civilian infrastructure, including high-profile attacks in Mogadishu.

Islamic State factions, though smaller, have gained ground in northern Somalia, particularly in the Golis Mountains, leveraging the region’s rugged terrain for operational cover.

The US has been involved in counterterrorism operations in Somalia for over a decade, partnering with the Somali government and African Union forces to dismantle militant networks.

Analysts suggest an extended US military presence could bolster Somalia’s counterterrorism capabilities. However, it may also draw criticism from those wary of prolonged foreign interventions.

Xogta sida lagu joojiyey showgii muranka ka abuuray Muqdisho ee Haboon Nuura

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa caawa laga joojiyey bandhig-faneed ay qaban rabtay fannaanadda Haboon Nuura, oo maalmo ka hor ka timid magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Bandhig-faneedkan ay qaban rabtay fannaanaddan ayaa muran badan ka abuuray magaalada Muqdisho, waxaana dadka reer Muqdisho u kala qeybsameen labo dhinac:

  1. Qeyb diidan in bandhigga Haboon Nuura lagu qabto magaalada Muqdisho.
  2. Qeyb taageersan in bandhiggaas lagu qabto Muqdisho, iyagoo aaminsan in gabadhan aan ciil la dareensiin.

Haddaba, maxay reer Muqdisho u dhibtay fannaanadda Haboon Nuura, maxaase sababay muranka hareeyey baraha bulshada?

Fannaanaddan waxay hore uga mid ahayd koox fanaaniin ah oo reer Hargeysa ah, kuwaas oo xilligii ay Soomaaliya ka difaaceysay badda Itoobiya qaaday hees ay nacayb ugu muujinayeen reer Muqdisho.

Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xiligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya.

Haboon Nuura, oo saddex maalmood ka hor timid Muqdisho, ayaa markii ay garoonka diyaaradaha kasoo degtay diiday in ay gacanta ku qabsato Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo uu qof kamid ah soo dhaweyntii u dhiibayay.

Sidoo kale, guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, ayaa ku goodisay in gabadhan aysan jirin cid hor istaagi karta bandhiggeeda.

Waxaa kale oo la sheegay in Haboon Nuura ay diiday in ay iska duubto muuqaal ay ku cadeyneyso in ay reer Muqdisho u geftay, kuna raali-gelinayso doorkeedii heestii aflagaadada loo arkay, xilli ay dadka Soomaaliyeed iska difaacayeen cadowga Itoobiya.

Arrimahaas oo is biirsaday ayaa sabab u noqday in caawa la baajiyo bandhiggii ay Haboon Nuura ku qaban lahayd Hotel Elate ee xeebta Liido, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin cidda bixisay amarka lagu joojiyey, haddana waxaa la sheegay in hay’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay joojiyeen bandhiggii caawa la qaban lahaa.

Wararkii ugu dambeeyey weerarka Munich iyo ninka fuliyey dhalashadiisa + Sawirro

Munich (Caasimada Online) – Booliska ayaa xabsiga dhigay qaxooti Afghaan ah oo lagu tuhunsan yahay weerar baabuur lagu jiiray dad, kaas oo 28 qof dhaawac u geystay, oo qaarkood ay xaaladdoodu daran tahay, magaalada Munich ee koonfurta Jarmalka Khamiistii.

Falkan wuxuu yimid xilli magaalada Munich lagu qabanayo shir amni oo sare iyo xilli dood adag oo ku saabsan soo-galootiga ay ka taagan tahay dalka kahor doorashada 23-ka Febraayo.

Baabuurka Mini Cooper-ka ah ayaa ku dhacay bannaanbax ay qabanayeen xubno ka tirsan ururka shaqaalaha, wuxuuna sababay dhaawacyo iyo burbur hantiyeed.

Booliska goobta joogay ayaa rasaas ku furay baabuurka burburay waxayna xireen wadaha, oo ahaa 24-jir Afghaan ah, laguna sheegay magaciisa Farhad N., sida ay warbaahinta Jarmalku sheegtay.

Ra’iisul Wasaare Olaf Scholz ayaa cambaareeyay weerarkan “xun” wuxuuna ballan qaaday cawaaqib adag.

“Waa caddahay: qofka weerarkan geystay wax naxariis ah ma filan karo, waa in la ciqaabaa oo dalka laga saaraa,” ayuu Scholz u sheegay saxafiyiinta.

Kabaha, muraayadaha iyo gaari carruureed ayaa goobta lagu arkay, taas oo dadka xasuusinaysa weerarkii baabuur ee dilaaga ahaa ee bishii December ka dhacay suuqa Kirismaska ee Magdeburg.

‘Waxay u egtahay mid kas ah’ 

Alexa Graef, oo goob-joog ahayd, ayaa sheegtay inay “naxdin” ku noqotay markii ay aragtay baabuurka oo dadkii jiiraya, “waxay u muuqatay mid si kas ah loo sameeyay.”

“Waxaan rajaynayaa inaan mar kale arkin wax sidan oo kale ah,” ayay tiri Graef, oo xafiiskeedu ka soo horjeeday isgoyska uu shilku ka dhacay.

Booliisku waxay baarayeen baabuurka caddaan-creamy ah oo la isticmaalay, iyagoo eeyaha wax uriyo ku wareejiyay Mini-ga.

Ninka 24-jirka ah ee Afghaanka ah, oo ku noolaa Munich, ayaa goobta lagu xiray, sida ay booliisku sheegeen.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay hayaan “calaamado muujinaya in weerarku salka ku hayo fikir xagjir ah,” waxaana baaritaanka la wareegay xafiiska dacwad-oogaha gobolka.

Wargeyska Der Spiegel, oo soo xiganaya ilo amni, ayaa sheegay in la rumeysan yahay inuu internet-ka ku faafiyay waxyaabo la xiriira Islaamiyiinta kahor weerarka.

Afhayeen u hadlay adeegga dab-demiska ayaa AFP u sheegay in dhowr ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin “dhaawacyo halis gelinaya nolosha.” Carruur ayaa sidoo kale ku jiray dhibbanayaasha, sida ay warbaahinta maxalliga ahi sheegtay.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Jarmalka yimid sanadkii 2016, xilligii ay Yurub ku qulqulayeen qaxootiga badan. Codsigiisa magangalyada ayaa la diiday, hase yeeshee lama qorsheynin in la masaafuriyo.

Madaxweynaha Bavaria, Markus Soeder, ayaa ku tilmaamay weerarka “xanuun badan” isagoo sheegay “waxay u muuqataa weerar.”

“Tani ma ahan dhacdadii ugu horreysay… waa inaan muujinaa go’aan adag in wax ka beddel lagu sameeyo Jarmalka,” ayuu yiri Soeder, oo xisbigiisa CSU uu xulafo la yahay CDU-da raacsan midig.

Doodda sii kululaatay

Xulafada CDU/CSU, oo sahannadu muujinayaan inay ku guuleysan doonaan doorashada usbuuc ka dib dhaceysa, ayaa ku baaqay in la adkeeyo xeerarka soo-galootiga kaddib weerarradii ugu dambeeyay.

Xukuumadda Scholz, oo cadaadis kala kulmeysay arrintan xitaa kahor iclaaminta doorashada, ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay ku adkeyneyso sharciyada magangalyada iyo dedejinta masaafurinta, oo ay ku jirto Afghanistan.

Scholz ayaa Khamiistii sheegay in dib u celinta “adagtahay in la abaabulo,” balse dowladda ay “ku guda jirto habka dib u celinta kiisas kale… si joogto ah.”

Weerarkan ayaa yimid xilli doodda ku saabsan amniga iyo soo-galootiga ay xoogeysatay kaddib dhacdooyin la mid ah, oo ay ugu dambeysay weerar mindi bishii hore oo laba qof lagu dilay magaalada Aschaffenburg, oo uu ku jiray wiil 2-jir ah.

Kadib weerarkaas, booliisku waxay xireen nin 28-jir ah oo Afghaan ah, oo la sheegay inuu lahaa taariikh caafimaad oo dhimirka la xiriirta.

Bishii December, lix qof ayaa ku dhimatay kaddib markii baabuur lagu jiiray suuqa Kirismaska ee Magdeburg, waxaana la dhaawacay boqolaal qof. Nin Sacuudiyaan ah ayaa la xiray, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Nancy Faeser ay sheegtay inuu sidoo kale lahaa xanuun dhimir.

Weerarka Khamiista ayaa dhacay xilli Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance uu yimid Munich si uu uga qeybgalo Shirka Amniga ee sannadlaha ah, oo Jimcaha bilaabanaya.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale u safraya Munich si uu kulan muhiim ah ula yeesho wakiillada Mareykanka oo looga hadlayo suuragalnimada in dagaalka Ruushka lagu soo afjaro.

Daawo: Muxuu Xasan ku soo arkay xarumaha SHIDAALKA ee maanta uu booqday?

0

Baku (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Azerbaijan ayaa booqday xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, kuwaas oo iskugu jira xarumaha tamarta, difaaca, iyo horumarinta adeegyada dowliga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Xarunta BP Sangachal Terminal oo ka mid ah xarumaha ugu weyn ee caalamka ee qaabilsan soo saarista shidaalka iyo habeynta gaaska dabiiciga ah.

Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimaha shidaalka iyo tamarta.

Intii booqashada uu ku jiray Madaxweynuhu, waxa uu warbixin ka dhageystay khubarada farsamada oo la wadaagay sida ay xaruntu uga shaqeyso amniga tamarta ee gobolka iyo suuqyada caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in booqashadan ay fursad weyn u ahayd is-dhaafsi khibradeed, maadaama Soomaaliya ay haatan waddo sahanno lagu baarayo shidaalka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo sannadkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqday xarunta Ciidanka Kumaandooska Qaranka Azerbaijan, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov.

Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigay qalab casri ah oo ciidan oo lagu sameeyay gudaha dalka Azerbaijan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Xarunta Adeegyada Casriga ah ee ASAN, isagoo ku bogaadiyey dowladda Azerbaijan hannaanka horumarsan ee casriyeynta adeegyada dadweynaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan karto khibraddan, si loo horumariyo addeegyada dowliga ah ee danabeysan (E-Governance).

Hoos ka daawo

Kaalinta ay Soomaaliya ka gashay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Transparency International ayaa shaacisay warbixinteeda sanadlaha ah ee 2024, taas oo lagu cabbirayo heerka musuqmaasuqa dalalka dunida.

Soomaaliya ayaa mar kale ka mid noqotay dalka labaad ee ugu musuq-maasuq badan caalamka, taasoo muujinaysa in ay weli tahay dalka ugu musuqa badan caalamka. Waxaa Soomaaliya ka liita oo kaliya South Sudan.

Warbixinta ayaa lagu falanqeeyey 180 dal, iyadoo la adeegsanayo cabbiro caalami ah oo lagu qiimeeyo heerka musuqmaasuqa. Dalalka ugu hooseeya liiskan waxaa lagu tilmaamay kuwo uu musuqu si daran u saameeyay, taasoo caqabad weyn ku ah koboca dhaqaalaha, maamul wanaagga, iyo horumarka bulshada.

Soomaaliya, oo sanadihii ugu dambeeyay safka hore kaga jirtay dalalka ugu musuqa badan, ayaa mar kale la xaqiijiyey in musuq-maasuqu yahay caqabad weyn oo dib u dhigtay horumarka dalka, waxayna gashay kaalinta 179, waxaana ka hoos maray kaliya South Sudan oo gashay 180.

Warbixintu waxay sidoo kale shaacisay in tobanka dal ee ugu musuqa yar ay yihiin kuwa Yurub iyo Scandinavian-ka. Denmark, oo kaalinta koowaad ku jirtay sanado badan, ayaa weli hoggaanka u haysa dalalka ugu musuqa yar iyadoo heshay 90 dhibcood, waxaana ku xiga Finland (88 dhibcood) iyo Singapore (84 dhibcood).

Musuq-maasuqa iyo saamaynta Isbeddelka cimilada

Transparency International waxay xustay in musuq-maasuqa ka jira dalalka Saxaraha ka hooseeya uu caqabad weyn ku yahay dadaallada wax looga qabanayo isbeddelka cimilada. Gobolka Afrika ayaa aad ugu baahan maalgelin si wax looga qabto saameynta isbeddelka cimilada, balse musuqmaasuqu wuxuu keenaa in lacagaha loogu talagalay arrimahaas la lunsado ama loo weeciyo meelo kale.

Warbixintu waxay si gaar ah u xustay dalalka sida weyn ay cimiladu u saameysay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Soomaaliya (9 dhibcood), Equatorial Guinea (13 dhibcood), Eritrea (13 dhibcood), iyo Suudaanta Koofureed (8 dhibcood).

Soomaaliya, oo muddo ka badan 30 sano ay colaaduhu aafeeyeen, ayaa sidoo kale la daalaa-dhacaysa saameynta isbeddelka cimilada, taasoo si gaar ah u wiiqday dhaqaalaha beeraha.

Dalalka bobolka iyo meelayntooda

Warbixinta Transparency International ayaa sidoo kale soo bandhigtay qiimeynta dalalka kale ee gobolka. Kenya ayaa heshay 32 dhibcood, taasoo ka dhigtay dalka 121-aad ee liiska, halka Jabuuti ay heshay 31 dhibcood oo ay ku gashay kaalinta 127-aad. Suudaan, oo weli ay colaado ka jiraan, ayaa kaalinta 170-aad gashay iyadoo heshay 15 dhibcood, halka Eritrea ay heshay 13 dhibcood oo ay kaga jirto kaalinta 173aad.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dalalka Afrika ee aan musuq-maasuqooda aad u xumayn waxaa ka mid ah Seychelles (18aad – 72 dhibcood), Cape Verde (35aad – 62 dhibcood), Botswana (43aad – 57 dhibcood), iyo Mauritius (51aad – 56 dhibcood).

Soomaaliya ayaa weli ku jirta liiska dalalka ugu musuqa badan, iyadoo ay hoos uga sii dhaceen dhibcihii hore. Musuqmaasuqa baahsan ee dalka ayaa caqabad weyn ku ah horumarka, amniga, iyo dadaallada dib-u-dhiska. Transparency International waxay xustay in colaadaha sokeeye, dowlad-darrada, iyo la’aanta isla-xisaabtanka ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee Soomaaliya u horseeday heerkaan hoose.

Warbixintu waxay xustay in lix ka mid ah dalalka ugu musuqa badan caalamka ay ku yaallaan Afrika, kuwaas oo kala ah Soomaaliya, Suudaanta Koofureed, Libya, Eritrea, Equatorial Guinea, iyo Suudaan.

Soomaaliya waxaa ka hooseeya oo keliya Suudaanta Koofureed, taasoo muujinaysa sida ay musuqmaasuqa iyo colaadaha sokeeye isugu biireen si ay dib u dhac weyn ugu keenaan waddamadaas.

Soomaaliya iyo dalalka la midka ah waxay u baahan yihiin isbeddel qoto dheer oo lagu xakameeyo musuqmaasuqa, lana sameeyo nidaam hufan oo horseedi kara maamul-wanaag iyo horumar waara.

Guddiga doorashooyinka oo baaritaan ku bilaabay arrin xasaasi ah oo ay sameysay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyay inay cabasho ka soo gaartay qaar ka mid ah ururrada siyaasadda, taasi oo walaac xooggan uu ka muujiyay guddiga.

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in guddiga uu baaris ku bilaabay arrintaan, islamarkaana ay xiriir la sameeyeen hay’adaha ay quseyso si loo gaaro natiijo.

“Guddiga waxa uu walaac xooggan ka muujinayaa cabasho kasoo gaartay ururrada siyaasadda, kuwaasi oo lagu carqaladeeyay kulan ay lahaayeen sida lagu baahiyay muuqaallo laga daawaday baraha bulshada iyo warbaahinta,” ayaa lagu yiri bayaanka guddiga doorashooyinka qaranka.

Guddiga ayaa caddeeyay in ururrada siyaasada ay xor u yihiin in ay qabsadaan kulamada ay uga arrinsanayaan doorashooyinka.

“Guddiga wuxuu u taagan yahay ilaalinta, hirgelinta iyo ku dhaqanka dastuurka JFS iyo xeerarka doorashooyinka qaranka, kuwaas oo damaanad qaadaya in ururrada siyaasadda ay qabsan karaan kulamo iyo wada-tashiyo si xor ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Warka guddiga doorashooyinka ayaa imaanaya xili maalmo ka hor ciidamo ka tirsan nabad-sugida ay is hortaag ku sameeyeen kulan ay Muqdisho ku lahaayeen xisbiyada mucaaradka.

Kulankaasi ayaa waxaa ku sugnaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo siyaasi Cabdullaahi, kuwaasi xiligaasi sheegay in laga hor istaagay kulamada ay qabsan lahaayeen.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli ay mucaaradka kalsooni darro ka muujiyeen hanaanka doorasho ee gadaal ka riixeyso dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo si adag uga horyimaadeen madaxdii hore ee dalka.

Jamhuuriyiinta oo xoojiyey ololaha ay rabaan in lagu masaafuriyo Ilhaan Cumar

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo laga soo doorto Texas, kaasi oo toddobaadkii hore ku baaqay in la masaafuriyo Ilhaan Cumar, ayaa haatan sii xoojiyay dadaalkiisa, isagoo taageerayaashiisa ku dhiirrigelinaya inay saxiixaan codsi arrintaas la xiriira.

Ololaha Brandon Gill ayaa diray fariin dhaqaale ururin ah oo cinwaankeedu yahay “Codsi: Masaafuri Ilhaan Cumar.” Fariintaasi waxay xustay in “waxay aheyd in aan marna ogolaan inay dalkeenna soo gasho,” iyadoo loola jeedo Ilhaan Cumar oo ah Somali-American.

“Saxiix codsigeyga, aan dib ugu celinno Soomaaliya, halka ay asal ahaan ka timid,” ayaa lagu yiri qoraalka codsiga, sida ay werisay warbaahinta Axios.

Fariinta sidoo kale waxay Cumar ku eedeysay inay “gacan ka geysaneyso duullaan ballaaran oo lagu hayo dalkeenna,” iyadoo lagu doodayo in “bulsho caadi ah arrintaas ugu yeeri lahayd khiyaano qaran.”

Gill wuxuu u muuqday inuu ka jawaabayay muuqaal ay Ilhaan kula hadashay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, iyada oo u sheegtay in aysan “waajib ku ahayn inay ka jawaabaan su’aalaha ay waydiinayaan saraakiisha ciidanka wax masaafuriya ee ICE.” Waxay sidoo kale ugu baaqday inay “bartaan sharciyada oo ay is diyaariyaan.”

Ilhaan Cumar waxay si adag uga falcelisay weerarka, iyadoo bayaan ay soo saartay ku tilmaantay “wax laga yaqyaqsoodo in xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay si cad ugu dhiirradaan inay adeegsadaan hadallo cunsuriyad iyo xagjirnimo leh.”

“Isku dayga Rep. Gill ee ah inuu sumcad ku kasbado hanjabaadda masaafurinta muwaadin Mareykan ah oo sharciyeysan, kaliya maxaa yeelay uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo, waa tallaabo toos uga timid buugga aragtida xagjirka ah ee Donald Trump,” ayey tiri Ilhaan.

Waxay xustay in iyada oo qaxooti ah ay Mareykanka timid xilligii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya sanadkii 1995, ayna muwaadin Mareykan ah noqotay shan sano kadib.

Xiisadda ayaa billaabatay toddobaadkii hore, kadib markii Gill uu bartiisa X kusoo qoray: “Mareykanka wuxuu noqon lahaa meel sidan ka wanaagsan haddii @IlhanMN dib loogu celiyo Soomaaliya.”

Qoraalkaas waxaa la socday muuqaal lagu eedeeyay Ilhaan Cumar inay qaban-qaabinayso aqoon-is-weydaarsi lagu barayo Soomaalida sida ay uga fogaadaan in la masaafuriyo. Elon Musk ayaa isna wadaagay muuqaalkaas, isagoo ku doodaya in Cumar ay “jebisay sharciga,” taasoo keentay in xildhibaanaddu si toos ah uga falceliso.

Ilhaan Cumar ayaa arrintaas uga jawaabtay iyadoo ku tilmaantay “wax laga xishoodo sida fudud ee dadkan loo marin-habaabiyo,” waxayna intaas ku dartay in “eeda joogtada ah ee lagu hayo ay fadeexeynayso kuwa weerarka wada.”

“Waxaa talo iga ah: baaritaan sameeya oo ha rumaysan wax walba oo nacasnimo cunsuriyadeed ah. Anigu meelna ma aadayo,” ayey ku soo gaba-gabaysay.