27.2 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Somaliland oo si weyn ugu dabaal-degtay aqoonsiga Israa’iil + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland iyo shacabkeeda ayaa maanta si weyn ugu dabaal-degay aqoonsiga ay ka heleen Israa’iil oo Jimcihii ku dhawaaqday in dal madax banaan ay u aqoonsatay Somaliland.

Munaasabadda dabaal-degga aqoonsiga Somaliland oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo isagoo sida calanka Somaliland salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee maamulkaasi.

Sidoo kale, waxaa magaalooyinka waa wayn ee Somaliland maanta lagu qabtay dibad-baxyo ay ka qayb-galeen shacabka iyo mas’uuliyiinta deegaanka, looguna dabaal-dagayay aqoonsiga  Israa’iil ay ka heshay Somaliland.

Dibad-baxyada ayaa ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Hargeysa iyo Burco, waxaana ka qayb-galay boqolaal shacab ah oo ku faraxsanaa aqoonsiga Israa’iil.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo fagaare kula hadlay shacabka aya si weyn ugu mahadceliyay, wuxuuna sidoo kale ugu hambalyeeyay ‘guusha ictiraafka’ ee ay muddada dheer raadinayeen.

“Waxaan doonayaa dadkeenna iyo dunidana inaan u sheego imaanshiyaha iyo aqoonsiga Israel inaanu ahayn mid fidno abuuraya inaanu ahayn mid colaad keenaya, Soomaali kale dhibaato uma gaysanyo, Carab dhibaato uma gaysanayo halkaana waa nabad” ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale, Khadar Xuseen Cabdi aya farriin u diray dowladda federaalka, wuxuuna ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha Somaliland, gaar ahaan aqoonsigooda.

“Soomaaliya maanta hal fariin ayaan doonayaa inaan halkan uga diro walaalayaalow wax badan oo xun ayaa sameyseen 30 sanadood ayaa xaqoodii hortaagneedeen wax kasta oo cunaqabateyn ah ayaa ku sameyseen war maanta fakara oo taariikh cusub fura” ayuu mar kae yiri Wasiirku

Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay ingo’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

BF oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray qaraar culus oo ka dhan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo ay horay u diiday Dowladda ederaalka Soomaaliya.

Mudanayaasha labada aqal ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey qaraarka oo ku saabsan diidmada iyo ka hortaga xadgudubka Israa’iil ee madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Laba Xildhibaan ayaa diiday 168 waa ogolaadeen, sidaas daraadeed qaraarka waa ansax,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada.

Sidoo kale, guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay kulankan oo uu ka qayb-galay Madaxweynaha ayaa si weyn uga dhiidhiyay tallaabada uu qaaday Ra’iisul wasaare Netanyahu, oo isagu ku dhawaaqa aqoonsiga Somaliland.

“Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo caalamka dembiile ka ah inuu dalkeena iyo dadkeena kusoo xadgudbo wax aan aqbali karno ma aha” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowladaha iyo ururrada caalamiga ah ee kasoo horjeestay go’aanka Israa’iil, isla markaana taageerada u muujiyay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan u mahadcelineyna caalamka intiisii arrintan ka xumaatay oo Somalia garab istaagga u muujisay, kana gilgilatay dulmigaas” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, ha’ahaatee, falcelin xooggan iyo diidmo adag ayaa ka dhalatay go’aanka ay Israel ku aqoonsatay maamulka Somaliland, waxaana ka horyimid ururro caalami ah iyo Dalal waa wayn oo saaxib la ah Soomaaliya.

Senator Dubbe oo is-casilay kuna jees-jeesay XAMAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka tirsanaa Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is-casilay, sababo la xiriira aqoonsiga ay Somaliland ka heshay xukuumadda Israa’iil.

Dubbe oo qoraal soo saaray ayaa ku xaqiijiyay is-casilaaddiisa, wuxuuna si jees jees ah ku sheegay inuu ka laabtay qaddiyada midnimada ee uu halkan u joogay.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray inuu ku laabanayo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, oo uu hadda ka socdo dabaal-degga aqoonsiga Israa’iil.

“Saddex sanadood baan Baarlamaanka iyo dariiqyada Xamar la’ taagnaa war dadka Reer Somaliland dhibta ka daaya! Kursigaagii miyaad ka samirtay baa la iigu jawaabi jirey! Kursiga in uu ka mihiimsan yahay damiirku ayaan maanta u sheegay Xamar ragga xukuma. Aniga oo kursigii fadhiya ayaanan maanta iska casilay sidii ay adeeraday hore u sameeyeen 1980. War nimanyahow kala quusanaye qoomamo la’aada” ayuu ku yiri is-casilaaddiisa.

Dubbe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka, wuxuuna horay usoo noqday Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, xilligii Madaxweyne Farmaajo, waxaana go’aankiisa si wayn uga falceliyay dadweynaha.

Abshir Cali Caad: “Siyaasiyiinta kasoo jeeda waqooyi, gaar ahaana beesha dhexe gabigood kuma jiro mid aaminsan in Somalia midowdo”.

Maxamed Daahir Cabdi: “Awalba calooshiis u shaqaysto lee uu ahaa hadda meesha lacag badan looga sheegay oo uu aaday”.

Mowliid Bayow: “Ragan markii horaba shaqo tag bay aheyn midkoodana daacad kama aheyn raadinta midnimada.

Si kastaba, ha’ahaatee waxaa horay sidaan oo kale Hargeysa ugu laabtay mas’uuliyiin ka tegay Xamar, waxaana ugu dambeeyay wasiirkii hore ee maaliyadda, Cabdiraxmaan Bayle oo hadda la shaqeeya Madaxweyne Cirro.

Xasan oo BF la wadaagay laba arrin oo aysan u ogolaan doonin Israa’iil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul kaga hadlay aqoonsiga sharci darrada ah ee ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland, isaga oo sheegay in waxa uu sameeyay Ra’iisul wasaare Netanyahu aysan horay usoo marin Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa marka kale ku celiyay mowqifka dowladda federaalka ay ku diiday aqoonsigaas, wuxuuna tilmaamay in marnaba aysan u ogolaan doonin in la qaybiyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toos Barlamaanka ula wadaagay laba arrimood oo aysan dowladda Soomaaliyeed ka ogolaan doonin Yahuuda, wuxuuna midda koowaad ku sheegay in aysan aqbali doonin saldhigyo milatari oo ay ka duusho ka dhisato Gobollada Waqooyi oo ay hadda u aqoosatay dal madax bannaan.

“Soomaaliya ma ogolo in dhulkeeda loo adeegsado saldhigyo looga duulo dalal kale, waxayna diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato xasiloonida gobolka iyo caalamka guud ahaan”. ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.

Midda labaad waxa uu ku sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in shacabka Falastiin si qasab loogu soo raro dhulkaasi, iyaga oo lagala wareegayo dhulkooda.

“Soomaaliya ma aqbali doonto in shacabka Falastiin si qasab ah looga soo guuriyo dhulkooda ay xaqa u leeyihiin, qasabna loo geeyo meel kale oo ka baxsan dhulkooda, ha noqoto Soomaaliya ama meel kale”. ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay u istaagi doonaan tallaabo kasta oo ay ku difaacayaan madax banaanidooda, si looga hortago xadgudubka Israa’iil.

“Soomaaliya waxaa ka go’an inay qaado tallaabo kasto oo diblumaasiyadeed iyo qaanuun oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madax banaanideeda midnimadeeda iyo xuduudaheeda ee uu caalamka aqoonsan yahay” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray saaxibada caalamka, isaga oo ugu baaqay in Soomaaliya ay ku garab istaagaan difaaca qaranimadeeda.

“Waxaan ugu baaqeynaa dalalka aan saaxibada nahay iyo guud ahaan hay’adaha dowliga ah ee caalamka in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka ku garab istaagaan dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay isaga difaaceyso dulmiga, xadgudubka qaawan ee uu Netanyahu kula kacay Soomaaliya iyo shacabkeeda” ayuu khudbaddiisa kusoo gabagabaeeyay.

Mowqifka Midowga Yurub ee aqoonsiga Israel ee Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Midowga Yurub ayaa Sabtidii dib u xaqiijiyay taageerada uu u hayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay gobolka Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.  

Qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ixtiraamka “midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed” ee Soomaaliya ay lagama maarmaan u yihiin nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyagoo tixraacaya Dastuurka Soomaaliya iyo axdiyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. 

Midowga Yurub ayaa sidoo kale dhiirrigeliyay “wadahadal micno leh” oo dhexmara Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xalliyo “khilaafaadka muddada dheer soo jiray.”

Aqoonsiga Israa’iil ee 26-kii Disembar — oo noqday kii ugu horreeyay ee uu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay — ayaa dhaliyay cambaareyn degdeg ah oo uga timid Soomaaliya, taas oo tallaabadaas ku tilmaantay sharci-darro iyo waxba kama jiraan, waxayna wacad ku martay inay kula dagaallami doonto waddooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci ah.

Falcelinta arrintan ayaa si degdeg ah ugu fiday ururada gobolka iyo caasimadaha muhiimka ah. Midowga Afrika ayaa si cad u diiday aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, isagoo ka digay in tani ay noqon karto raad cusub oo xasillooni darro gelin kara nidaamka xuduudaha qaaradda.

Falcelinta Carabta iyo Khaliijka ayaa iyana noqotay mid adag. Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa. Si xooggan u diiday go’aanka Israa’iil, iyagoo ku biiray dhinacyada kale ee gobolka ee taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Bayaanka Midowga Yurub ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso inay maqaam sare ku yeelato Qaramada Midoobay horraanta bisha Janaayo, marka ay la wareegto madaxtinimada wareegta ee Golaha Ammaanka muddo bil ah.

Doorkan ayaa Muqdisho siinaya awood dhanka hab-raaca ah oo ay ku saameyn karto ajendayaasha iyo kulamada Golaha, xilli muranka Somaliland uu u wareegayo masraxa caalamiga ah.

Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, isla markaana samaysatay hay’ado dowladeed iyo ciidamo u gaar ah, ayaa muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah, balse waxay ku jirtay xaalad hubanti la’aan ah dhanka diblomaasiyadda.

Go’aanka Israa’iil ayaa Hargeysa looga dabaal-degay inuu yahay guul weyn oo waddada u furi karta sharciyad ballaaran iyo maalgashi shisheeye, inkastoo iska-caabbinta gobolka ay weli xooggan tahay.

Falcelin xooggan oo ka dhalatay fashilka kulankii Xasan iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay fashil ku yimid kulan gaar ah oo xalay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta ku dhex-maray Villa Soomaaliya, kaas oo kusoo dhammaaday isfaham la’aan, kaddib markii Madaxweynuhu diiday in wax siyaasadda arrimaha gudaha ah laga hadlo.

Kulankan oo daba socday go’aankii ay Israa’iil ku sheegtay Jimcihii inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, arrintaas oo diidmo iyo carro xooggan ka abuurtay caalamka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya siyaasiyiinta uu la kulmay u sheegay in qodobadii ay Kismaayo ka soo saareen ay jawaabtiisa helayaan ka hor 20-ka Janaayo 2026, sida ay dalbadeen. Hase yeeshee, wuxuu adkeeyay in arrimaha soo kordhay si gooni ah garab loogu istaago, oo meel la dhigo siyaasadda gudaha, maadaama halis ay soo wajahday dalka.

Intaas kadib xubnaha Madasha ayaa taas diiday, waxayna Madaxweynaha u soo jeediyeen in la gaaro heshiis siyaasadda gudaha ah, oo dalka uu u furo “baal cusub” oo lagaga baxo dhammaan galalka lagu kala aragti duwanaa ee kala qaybiyay dalka.

Waxay u soo jeediyeen inuu si rasmi ah uga laabto wax-ka-beddelladii uu ku sameeyay dastuurka, ka laabto doorashada ay ku tilmaameen “hal dhinac ah”, kuna dhawaaqo shir qaran oo loo dhan yahay.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa ku adkaystay go’aamadiisii hore, wuxuuna sheegay in aan siyaasad lagala hadli karin kulanka, isla markaana aan la joogin xaalad siyaasadeed oo dood loo furo, taasoo keentay in aan waxba la isku raacin.

Haddaba sidee looga falceliyay fashilka ku yimid kulanka Xasan iyo mucaaradka?

Axmed Cumar: “Si kaste oo siyaasada loogu kala duwanyahay qaranimada markay timaado hala midaysnaado”.

Zakariye Gantaal: “Fadhiga loogu yeeray marna ma daarneyn arintay lasoo fadhiisteen waana ku ceeb walaahi, Xisaabta dhexdeena waxaa ka culus mida Yahuuda”.

Cabdikariin Bulshaawi: “Sawir iyo hadal lama rabee ficil qaran baa lagaa rabaa”.

Saciid Xadaari: “Dalka waxaa halkaa kala geeyay waa siyaasadda xun ee jid iyo jiho la’aanta ah ee ka jirta koonfurta”.

Yuusuf Nasiib: “Madaxwaynow kuwii shalay qaaqliyaal ku tilmaamaysey bal cawa siday muhiim u yihiin fiiri. Dalkaan isku duubni iyo tashi halagu wado”.

 

Xamza oo kashifay qorshe halis ah oo ay Israa’iil ka damacsan tahay Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Al-Jasiira ayaa mar kale si adag kaga hadlay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kaas oo ay horay u diiday dowladda dhexe.

Xamza ayaa wareysigan ku shaaciyay qorshe halis ah oo ay Israa’iil ka damacsan tahay heshiiska ay la gashay Somaliland ee soo dadajiyay aqoonsiga, wuxuuna sheegay ujeedkeeda ugu wayn uu yahay in ay saldhigyo ku yeelato Geeska Afrika, si ay u maamusho dhaq-dhaqaaqa Badda iyo marin biyoodka Baabul Mandab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Netanyahu iyo xukuumaddiisa ay doonayaan inay isku ballaariyaan dhulka istaraatiijiga ah ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya, balse tilaabadaas aysan marnaba aqbali doonin Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in si wadajir ah looga hortago damaca indho la’aanta ah ee Israa’iil, isaga oo tilmaamay inuu khatar wayn ku yahay gobolka oo dhan, loona baahan yahay in si mideysan looga hortago qorshaha ay damacsan tahay Tel Aviv.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa horay u caddeysay mowqifkeeda, waxaana ay si rasmi ah u sheegtay in go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.

Dowladda Federaalka ayaa intaas kusii dartay in aysan jirin cid dibadda ah oo sharci u leh inay wax ka beddesho xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo ku adkaysatay in wax kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo midnimada qaranka ay yihiin kuwo aan lahayn wax saameyn sharci ama mid siyaasadeed.yaa si rasmi ah u sheegtay in go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Si kastaba, ha’ahaatee, falcelin xooggan iyo diidmo adag ayaa ka dhalatay go’aanka ay Israel ku aqoonsatay maamulka Somaliland, waxaana ka horyimid ururro caalami ah iyo Dalal waa wayn oo saaxib la ah Soomaaliya.

Dalab ka yimid mucaaradka oo fashiliyey kulankii ay Xasan la yeesheen ee midnimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xalay Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta ayaa ku dhammaaday isfaham la’aan, kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh diiday in wax siyaasadda arrimaha gudaha ah laga hadlo.

Kulankan waxaa isugu yeeray madaxweynaha kaddib go’aankii ay Israa’iil ku sheegtay Jimcihii inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, arrintaas oo diidmo iyo carro xooggan ka abuurtay caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasiyiinta uu la kulmay u sheegay in qodobadii ay Kismaayo ka soo saareen ay jawaabtiisa helayaan ka hor 20-ka Janaayo 2026, sida ay dalbadeen. Hase yeeshee, wuxuu adkeeyay in arrimaha soo kordhay si gooni ah garab loogu istaago, oo meel la dhigo siyaasadda gudaha, maadaama halis ay soo wajahday dalka.

Hase yeeshee, xubnaha Madasha ayaa taas diiday, waxayna Madaxweynaha u soo jeediyeen in la gaaro heshiis siyaasadda gudaha ah, oo dalka uu u furo “baal cusub” oo lagaga baxo dhammaan galalka lagu kala aragti duwanaa ee kala qaybiyay dalka.

Waxay u soo jeediyeen inuu si rasmi ah uga laabto wax-ka-beddelladii uu ku sameeyay dastuurka, ka laabto doorashada ay ku tilmaameen “hal dhinac ah”, kuna dhawaaqo shir qaran oo loo dhan yahay.

Madaxweynaha ayaa ku adkaystay go’aamadiisii hore, wuxuuna sheegay in aan siyaasad lagala hadli karin kulanka, isla markaana aan la joogin xaalad siyaasadeed oo dood loo furo, taasoo keentay in aan waxba la isku raacin.

Aqoonsiga Israa’iil ee 26-kii Disembar — oo noqday kii ugu horreeyay ee uu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay — ayaa dhaliyay cambaareyn degdeg ah oo uga timid Soomaaliya, taas oo tallaabadaas ku tilmaantay sharci-darro iyo waxba kama jiraan. Soomaaliya waxay wacad ku martay inay aqoonsigaas kula dagaallami doonto waddooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci ah.

Falcelinta arrintan ayaa si degdeg ah ugu fiday ururrada gobolka iyo caasimadaha muhiimka ah. Midowga Afrika ayaa si cad u diiday aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, isagoo ka digay in tani ay noqon karto raad cusub oo xasillooni-darro gelin kara nidaamka xuduudaha qaaradda.

Falcelinta Carabta iyo Khaliijka ayaa iyana noqotay mid adag. Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa si xooggan u diiday go’aanka Israa’iil, iyagoo ku biiray dhinacyada kale ee gobolka ee taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, isla markaana samaysatay hay’ado dowladeed iyo ciidamo u gaar ah, ayaa muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah. Hase yeeshee, waxay ku jirtay xaalad hubanti la’aan ah dhanka diblomaasiyadda.

Go’aanka Israa’iil ayaa Hargeysa looga dabaal-degay inuu yahay guul weyn oo waddada u furi karta sharciyad ballaaran iyo maalgashi shisheeye, inkastoo iska-caabbinta gobolka ay weli xooggan tahay.

Golaha Ammaanka QM oo kulan deg deg ah ka yeelanaya aqoonsiga Israel ee Somaliland

0

New York (Caasimada Online) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta Isniinta yeelanaya kulan degdeg ah, kaddib go’aankii Israa’iil ay ugu aqoonsatay gobolka Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda diblomaasiyadeed ay cirka isku shareertay, maalmo un ka hor inta aysan Soomaaliya si rasmi ah ula wareegin madaxtinimada wareegta ee Golaha. 

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa Sabtidii xaqiijiyay qabsoomidda kulanka, isagoo sheegay in diiradda lagu saari doono cawaaqibka siyaasadeed ee tallaabadan, taas oo dhelisay cambaareyn kulul oo uga timid Muqdisho iyo quwadaha gobolka ee muhiimka ah.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu yeelan doonaa kulan degdeg ah Isniinta, kaddib aqoonsigii Israa’iil ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu Danon ku soo qoray bartiisa X.

“Kama gaban doonno doodaha siyaasadeed. Israa’iil waxay sii wadi doontaa inay u dhaqanto si mas’uuliyad iyo taxadar leh, si loo xoojiyo iskaashiga aan la leenahay saaxiibada gacan ka geysta xasilloonida gobolka.”

Kulankan degdegga ah ayaa khilaafka si toos ah u hor dhigaya hay’adda ugu sarreysa diblomaasiyadda adduunka, halkaas oo la filayo in Soomaaliya ay si adag uga hortagto tallaabada Israa’iil, isla markaana ay dalbato in dib loo xaqiijiyo qaraarada soo jireenka ah ee Qaramada Midoobay ee dhowraya midnimada dhuleed ee dalalka.

Waqti xasaasi ah 

Xilliga kulankani kusoo beegmay ayaa ah mid xasaasi ah. 1-da Janaayo 2026, Soomaaliya ayaa la wareegi doonta madaxtinimada wareegta ee Golaha Ammaanka muddo bil ah.

Doorkan ayaa Muqdisho siinaya awood dhanka hab-raaca ah oo ay ku maamusho kulamada, ajendayaasha, iyo bayaannada, taas oo u sahlaysa inay arrintan ka dhigto mid safka hore kaga jirta doodaha caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu yahay “waxba kama jiraan” (null and void), iyadoo ku adkeysaneysa in gobolkaasi uu yahay qayb aan ka go’i karin dalka Soomaaliya. 

Saraakiisha Muqdisho ayaa ku doodaya in tallaabadani ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah, isla markaana ay halis gelineyso xasilloonida Geeska Afrika iyo marinka muhiimka ah ee Badda Cas.

Dhowr dal oo Carbeed iyo Afrikaan ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku celceliyay mowqifkaas, iyagoo ka digay in aqoonsiga gobollada gooni-u-goosadka ah uu khatar ku yahay nidaamka sharci ee xuduudaha Afrika ee gumeysiga kaddib.

Doodda soo socota ayaa la filayaa inay banaanka soo dhigto kala-aragti duwanaansho ka dhex jirta Golaha. Halka dalalka Reer Galbeedku ay inta badan xoogga saaraan xiriirrada ku dhisan danaha, wakiillada Afrika iyo Carabta ayaa u badan inay ku adkeystaan ilaalinta xuduudaha dhaxalka ah si looga hortago in qaaradda ay ka dillaacaan mowjado gooni-goosad ah.

Soomaaliya, kulankan degdegga ah wuxuu u yahay caqabad iyo fursad istiraatiiji ah labadaba. Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in Muqdisho ay u badan tahay inay riixdo bayaan mideysan oo lagu xaqiijinayo madax-bannaanideeda, iyadoo ka faa’iideysanaysa madaxtinimadeeda dhow si ay u hesho taageero caalami ah.

Inkastoo aan la ogeyn in kulanku uu kasoo bixi doono qaraar rasmi ah, haddana fadhigani wuxuu iftiiminayaa sida aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu si degdeg ah isaga beddelay heshiis laba geesood ah, una noqday imtixaan dhab ah oo la hor dhigay diblomaasiyadda caalamiga ah ee heerka ugu sarreeya.

DF oo guul wan ka gaartay howlgalka Seefta Qarsoon

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah-faahiyay howgal culus oo todobaad qaatay, kaas oo laga fuliyay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Marka.

Howlgalkan oo loog magac daray ‘Seefta Qarsoon’ ayaa waxaa si wadajir ah u qaaday Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa NISA oo isku furay deegaanno muhiim ah isku xira labada magaalo, isla markaana dhaca xeebta.

Ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay deegaano ay kamid yihiin Galsaliimow, Ceel-saliini, Galka-Jimcooy, Diira-fuul, Jabadi-Eeri, Ismagurey, Xalambe, Garas iyo Gawan.

Sidoo kae waxa ay gudaha u galeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dhanaane oo uu hadda ka scodo howlgal amni xaqiijin ah, sida lagu sheegay bayaanka.

Waxaa kale oo ciidamada looga mahadceliyay doorkoodii sugidda amniga doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Guulahan is-daba-joogga ah waxay caddeyn u yihiin adkaysiga, feejignaanta, iyo naf-hurnimada Ciidamada Qaranka, iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran:-

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa guulo muhiim ah ka gaaray howlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Nabad-sugidda Qaranka (NISA), ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay howlgalka “Seefta qorsoon”, kaas oo socday muddo toddobaad ah, lana fuliyay deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Marka.

Intii uu howlgalka socday, waxaa laga xoreeyay maleeshiyaadka cadowga ah deegaanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

Galsaliimow, Ceel-saliini, Galka-Jimcooy, Diira-fuul, Jabadi-Eeri, Ismagurey, Xalambe, Garas, iyo Gawan.

Sidoo kale, Ciidamada Qaranka ayaa si buuxda u galay magaalada istiraatiijiga ah ee Dhanaane, halka ay marayaan wejigii ugu dambeeyay ee sugidda amniga magaalada Gandarshe, oo ay haatan wax ka yar 500 mitir u jiraan.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa Ciidamada Qalabka Sida doorkii mugga lahaa ee ay ka qaateen xaqiijinta amniga doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday magaalada Muqdisho 25-kii Diseembar 2025, taas oo si nabad ah ku qabsoontay markii ugu horreysay muddo ku dhow 60 sano.

Guulahan is-daba-joogga ah waxay caddeyn u yihiin adkaysiga, feejignaanta, iyo naf-hurnimada Ciidamada Qaranka, iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalku waxay mar kale xaqiijinaysaa in dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka argagixisada uusan istaagi doonin illaa laga xaqiijiyo amni buuxa iyo xasillooni waarta guud ahaan dalka.

Donald Trump oo shaaciyey mowqifkiisa kadib aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

0

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan si degdeg ah u raaci doonin tallaabada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku aqoonsaday maamulka Somaliland.

Trump oo u warramayay wargeyska New York Post Sabtidii, ayaa caddeeyay inuu u baahan yahay “inuu darso” qorshaha Israa’iil ee ku wajahan arrintan. 

Jimcihii, Netanyahu iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa kala saxiixday bayaan wadajir ah, kaas oo Israa’iil ka dhigaya dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo aqoonsada gobolka Somaliland.

Inkastoo Netanyahu uu sheegay in heshiiskan uu waafaqsan yahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords)—kuwaas oo uu hindisay Madaxweyne Trump—isla markaana uu u ballanqaaday Madaxweyne Cirro inuu Trump u gudbin doono rabitaanka iyo u-heellanaanta Somaliland ee ku biirista heshiisyadaas, haddana New York Post ayaa werisay in Trump uu mudnaanta koowaad siinayo wadahadallada xabbad-joojinta Gaza marka uu la kulmo Netanyahu. 

Isagoo beeninaya in Mareykanku uu qorshe degdeg ah u leeyahay inuu raaco wadada Tel-Aviv ee aqoonsiga, Trump ayaa is-weydiiyay: “Qof dhab u garanaya waxa ay tahay Somaliland ma jiraa?”

Trump ayaa horey u muujiyay inuu ka fiirsanayo arrinta Somaliland, isagoo bishii Agoosto yiri: “Hadda waan eegeynaa arrintaas. Waa su’aal fiican, run ahaantii. Waana mid cakiran sidaad la socotaan. Laakiin hadda waan ka shaqeyneynaa—Somaliland.”

Go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland ayaa la kulmay dhaleeceyn xooggan oo uga timid dalal dhowr ah, oo ay ka mid yihiin Masar, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya.

Dhinaca kale, Hawlgalka Falastiin ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Israa’iil ay dooneyso in ay Somaliland u rarto shacabka Gaza ee la barakicinayo, wuxuuna yiri “Dowladda Falastiin waxay xaqiijineysaa diidmadeeda buuxda ee qorshayaasha Israa’iil ee barakicinta qasabka ah ee dadkeenna.”

Bishii Maarso, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa u sheegay idaacadda dadweynaha Israa’iil ee Kan: “Diyaar ayaan u nahay inaan ka wadahadalno arrin kasta, laakiin ma dooneyno inaan ka hadalno waxyaabo aan weli la isla soo qaadin. Dhammaan dalalka daneynaya inay nagala hadlaan arrimo gaar ah waa inay marka hore nala sameystaan xiriir shaqo oo ay safaarado ka furtaan Somaliland.”

Sacuudi Carabiya iyo Qatar oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo Imaaraadka oo…

0

Riyadh (Caasimada Online) — Dowladaha Qatar iyo Sacuudi Carabiya ayaa soo saaray diidmo xooggan oo ay kaga soo horjeedaan tallaabada ay Israa’iil si rasmi ah ugu aqoonsatay gobolka Somaliland, iyagoo ka digay in go’aankani uu horseedayo “raad khatar ah” oo halis gelinaya midnimada qaranka Soomaaliya. 

Cambaareynta degdegga ah ee Sabtidii ka timid Dooxa iyo Riyaad ayaa ku biirtay mowjadaha sii kordhaya ee carada gobolka, taas oo go’doominaysa guusha diblomaasiyadeed ee Somaliland 24 saac uun kaddib markii lagu dhawaaqay.

Hase yeeshee, iyadoo labada awoodood ee waaweyn ee Khaliijka ay garab istaageen Muqdisho, haddana ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in heshiiska ay si hoose u soo agaasintay dowladda ay dariska yihiin ee Imaaraadka Carabta.

Qoraal luuqad adag ku qornaa oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa tallaabada Israa’iil ku tilmaamay “xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay sharciga caalamiga ah” iyo weerar toos ah oo lagu qaaday “midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Federaalka Soomaaliya.”

Dooxa waxay si cad u diidday isku-day kasta oo lagu “dhisayo maamullo barbar-socod ah,” taas oo tixraac u ah raadinta sharciyad ee Somaliland ay wadday tobannaanka sano.

Sacuudi Carabiya ayaa iyaduna tallaabo taas la mid ah qaaday, iyadoo cambaareysay ku dhawaaqista Israa’iil oo ay ku tilmaamtay mid sii xoojinaysa “tallaabooyinka gooni-goosadka ah ee dhinac kaliya socda.”

Riyaad waxay xaqiijisay “taageerada buuxda ee ay u hayso hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya,” waxayna ka digtay in haddii la baal-maro dowladda federaalka ay taasi sii hurin doonto xasillooni darrada Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla markiiba soo dhaweysay bayaannadaas, iyadoo u aragta xaqiijin ah in aqoonsiga Israa’iil uusan haysan sharciyad gobolka ah.

Muqdisho waxay tallaabada ku tilmaantay “waxba kama jiraan”, iyadoo saraakiil sar-sare ay ka digeen in arrintani ay khatar u tahay in loolanka Bariga Dhexe loo soo raro Badda Cas. Mawqifka Soomaaliya ayaa la jaanqaadaya qaanuunka Midowga Afrika oo diidaya in xuduudaha wax laga beddelo si hal dhinac ah. 

Inkastoo Israa’iil ay aqoonsiga ku tilmaantay guul taariikhi ah oo soo afjaraysa go’doonkii 34-ka sano ee Somaliland, haddana Imaaraadka Carabta—oo saameyn weyn ku leh labada dhinac—ayaa si weyn uga aamusay arrintan.

Diblomaasiyiinta gobolka ayaa sheegaya in Abu Dhabi ay kaalin dhexe ka ciyaartay fududeynta heshiiskaan daaha gadaashiisa.

Imaaraadku wuxuu maalgashi culus ku sameeyay dekedda Berbera ee Somaliland, wuxuuna Hargeysa u arkaa saaxiib istiraatiiji ah.

Ilo wareedyo ayaa ku tilmaamay aqoonsigan mid qayb ka ah dadaal ballaaran oo Israa’iil loogu soo rarayo marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandeb.

Dalalka Carabta, diidmada wadajirka ah ee Qatar iyo Sacuudiga waxay calaamad u tahay khad cas oo istiraatiiji ah. Riyaad iyo Dooxa waxay u arkaan in Israa’iil oo saldhigato marinkan inay tahay khatar toos ah oo ku wajahan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaadaya tallaabo muhiim ah – Maxaa dhacaya berri?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in berri oo Axad ah uu hortago Baarlamaanka labadiisa aqal, isaga oo u jeedin doono khudbad xasaasi ah.

Farriin guud oo loo diray dhammaan Xildhibaanda ayaa waxaa lagu wargeliyay inuu berri jiro kulan aan caadi ahayn oo uu kasoo qayb-geli doono Madaxweynaha, kaas oo looga hadli doono xaaladda soo korortay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah khudbaddiisa uga hadli doono aqoonsiga Israel ee Somaliland, si midnimo iyo wadajir loogu wajaho tallaabada Israel.

“Xildhibaanada sharafta leh, berri oo Axad ah taariikhduna tahay 28.12.2025, waxaa jira kulan wadajir ah labada aqal oo aan caadi ahayn” ayaa lagu yiri yiri farriinta loo diray Xildhibaannada Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ajendaha; warbixinta Madaxweynaha ee ku aadan xaaladda dalka. Waxaa laga codsanayaa Xildhibaanada sharafta leh inay waqtiga ilaaliyaan”.

Kulankii maanta ee Baarlamaanka ayaa loo baajiyay aqoonsiga Somaliland, waxaana guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in jawaab ay ka bixin doonaan xadgudubka Israel ee ka dhanka ah qaranimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Baarlamaanka labadiisa gole uu mowqif cad ka qaadan doono aqoonsiga Israel ee Somaliland, isla markaana uu la tashi soo sameyn doono, si uu shacabka Soomaaliyeed ula yimaado wax ay ku qancaan.

“Maanta arrinta dib ayaan u dhiganeynaa kooramkana waa soo buuxsaneynaa labada aqalna isku mowqif ayay ka noqonayaan, waxaan rabnaa wax ummadda Soomaaliyeed u cuntama inay noo soo baxaan” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Xildhibaan Caasho Koos oo iyana si adag uga hadashay arrinta aqoonsiga ayaa farriin culus u dirtay Somaliland iyo xukuumaddeeda.

“Nin taleefan ku hadlay wax ma bixin karo, hal gantaal oo Yemen laga soo tuuro ayaa ku filan Somaliland” ayay tiri Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeedda Awdal.

Xukuumadda Soomaaliya oo xalay jawaab rasmi ah soo saartay ayaa caddeysay mowqifkeeda, waxaana  go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland ku tilmaamtay inuu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.

Qatar, Saudi Arabia reject Israel recognition of Somaliland region

0

Riyadh (Somalia Today) — Qatar and Saudi Arabia have issued stinging rejections of Israel’s move to formally recognise the Somaliland region, warning the decision sets a “dangerous precedent” that threatens the unity of the Somali state.

The swift condemnations from Doha and Riyadh on Saturday joined a growing chorus of regional anger, isolating Israel’s diplomatic breakthrough in the Horn of Africa just 24 hours after it was announced.

Yet, while the Gulf’s two heavyweight powers rallied behind Mogadishu, diplomatic sources suggest the deal was quietly orchestrated by their mutual neighbor, the United Arab Emirates (UAE), which has remained notably silent.

Coordinated Gulf rejection

In a sharply worded statement, Qatar’s Ministry of Foreign Affairs called the Israeli move a “flagrant violation of international law” and a direct assault on the “territorial integrity of the sisterly Federal Republic of Somalia.”

Doha explicitly rejected any attempt to “impose parallel entities,” a reference to Somaliland’s decades-long quest for legitimacy, which Mogadishu views as secessionist.

The Ministry added that Israel would be better off recognizing the “State of Palestine” rather than “undermining international legitimacy” in Africa.

Saudi Arabia followed suit, with its Foreign Ministry condemning the announcement as an entrenchment of “unilateral secessionist measures.”

Riyadh affirmed its “full support for the legitimate institutions of the Somali state” and warned that bypassing the federal government in Mogadishu would only deepen instability in the Horn of Africa.

Somalia’s federal government immediately welcomed the Gulf statements, presenting them as confirmation that Israel’s recognition remains isolated and lacks regional legitimacy.

Mogadishu described the move as “null and void,” insisting Somaliland remains an integral and inseparable part of the Somali state.

Senior officials warned that the recognition risks importing volatile Middle Eastern rivalries into the Horn of Africa and the Red Sea corridor, a strategic zone that has become increasingly militarised amid wars in Gaza and Yemen.

Somalia’s position aligns closely with African Union doctrine, which has consistently upheld the principle that borders inherited at independence should not be altered unilaterally.

The AU reiterated that Somaliland remains part of Somalia, warning that recognition of breakaway regions risks encouraging secessionist movements elsewhere on the continent.

Israel and Somaliland

Israel announced its decision after contacts with Somaliland’s leadership, presenting the recognition as the establishment of formal diplomatic relations and a foundation for cooperation in areas such as development, agriculture, and technology.

For Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 and has maintained its own government, security forces, and elections, Israel’s move represents the first recognition by a UN member state after more than three decades of diplomatic isolation.

Officials in Hargeisa framed the recognition as a breakthrough that could open the door to wider international acceptance, foreign investment, and formal state-to-state agreements that have long been out of reach.

“We have waited 34 years for this door to open,” a senior Somaliland official told Somalia Today. “We will not close it because others are uncomfortable with our sovereignty.”

Yet the forceful response from Qatar, Saudi Arabia, and other regional actors highlights the limits of that breakthrough and the diplomatic headwinds Somaliland still faces.

The UAE’s quiet role

Notably absent from the wave of official reactions has been the United Arab Emirates, a key Gulf actor with deep political, economic, and security ties across the Horn of Africa.

Abu Dhabi has issued no public statement either endorsing or rejecting Israel’s recognition, despite its close relations with both Israel and Somaliland.

Regional diplomats and officials, however, say the UAE played a quiet but central role in facilitating the recognition, acting behind the scenes to connect the parties and smooth the path toward the announcement.

Those sources describe months of discreet coordination, even as the UAE avoided public ownership of the decision amid mounting regional opposition.

Abu Dhabi has invested heavily in Somaliland in recent years, including port and infrastructure projects at Berbera port, while also maintaining close strategic ties with Israel following their normalisation agreement in 2020.

The UAE’s silence reflects a delicate balancing act: leveraging influence without triggering a public rift with Arab partners who remain firmly aligned with Somalia’s territorial claims.

Connecting Israel to this architecture serves a dual purpose for Abu Dhabi, strengthening the anti-Houthi security alliance in the Bab el-Mandeb strait while pulling Somaliland further into the orbit of the Abraham Accords.

Broader regional stakes

The growing backlash underscores wider fears that recognising Somaliland could weaken an already fragile international order built on state sovereignty, particularly in Africa, where borders remain sensitive and contested.

For Somalia, the immediate challenge is to keep the dispute anchored in diplomatic and multilateral forums and to prevent it from escalating into a broader security contest along its northern coastline.

For Arab states, the coordinated rejection by Qatar and Saudi Arabia signals an effort to project unity on Somalia’s territorial integrity while drawing a strategic red line around the Bab al-Mandab corridor.
Riyadh and Doha view an Israeli foothold on this critical maritime choke point as a direct threat to Arab strategic depth, elevating the issue far beyond a local border dispute.
With the Red Sea already militarised by wars in Gaza and Yemen, Gulf capitals are closing ranks to prevent a shift in influence that could permanently destabilize the Horn of Africa.
Whether Israel’s recognition remains a symbolic outlier or evolves into a broader diplomatic shift will depend on how many states are willing to defy regional consensus — and how Somalia and its allies respond in the months ahead.

Dalal waa wayn oo kusoo biiray diidmada aqoonsiga Israa’iil ee Somailand

0

Dooxa (Caasimda Online) – Dalal waa wayn iyo ururrada caalamiga ah ee kasoo horjeeda go’aanka ay Israel ku aqoontay Somaliland ayaa sii kordhiyay iyaga oo si isku mid ah u muujiyay diidmo adag oo ka dhan ah Israel, waxayna dhinaca kale taageero u muujiyeen madax bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Qatar oo bayaan soo saartay ayaa si adag u muujisay diidmadeeda ku aaddan isku day aqoonsi oo u dhexeeya maamulada gumeysiga Israel iyo maamulka Somaliland. Qatar waxay carrabka ku adkaysay in tallaabadani tahay mid khatar ah oo abuuraysa tusaale xun, isla markaana ah ficil hal-dhinac ah oo si cad uga hor imanaya mabaadi’da sharciga caalamiga ah, kuna xadgudbaya madax-bannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale, Pakistan ayaa dhankeeda si cad uga soo horjeesatay aqoonsiga Israel ee Somaliland,waxayna arrintan ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa iyana caddeysay garab-istaagga Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israel ku tilmaamtay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Ciraaq, oo hadda guddoomiyaha Jaamacadda Carabta, ayaa dhankeeda sheegtay in tallaabadan ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dhankeeda Jamhuuriyadda Yemen ayaa si cad u diidday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiriir ama aqoonsi u dhexeeya Israel iyo maamulka Somaliland.

Dowladda Kuwait ayaa mar kale caddeysay taageerada buuxda ee ay u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si adag u diidday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado gobol ka mid ah dhulka Soomaaliya. Kuwait waxay arrintaas ku tilmaantay mid ka hor imaneysa sharciga caalamiga ah, isla markaana adkaysay garab-istaagga ay la taagan tahay dowladda iyo hay’adaha sharciga ah ee Soomaaliya.

Boqortooyada Urdun iyaduna waxa ay xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee midnimada iyo amniga Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay mid ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay.

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa horay iyaguna si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay faragelin aan la aqbali karin oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, waxayna ku baaqeen in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, lana ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Al-Shabaab oo hanjabaad culus kasoo saartay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda argagixisada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay aqoonsiga ay Israel siisay maamulka Somaliland, kaas oo la kulmay diidmo xooggan.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo soo duubay khudbad socotay 9:26 daqiiqo ayaa sheegay in kooxda ay si weyn uga soo horjeedo heshiiska dhex-maray Somaliland iyo Israel, gaar ahaan aqoonsiga shalay lagu dhawaaqay.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in marnaba aysan aqbali doonin in Israel ay qabasato dhulkaas, isaga oo ku hanjabay inay ka dagaalami doonaan.

“Haddii aan nahay Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin waxaan kasoo horjeednaa oo diideynaa damacaas ay Yahuudu ka leedahay maamulka riddada ah ee ka jira Waqooyi Galbeed. Ma aqbaleyno in qaybo ka mid ah dhulkaas qaadato ama ay isticmaasho, waana ka dagaalameynaa,” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay soo dhaweystaan Israel oo uu sheegay ‘in laga nacay’ caalamka intiisa badan.

“Waxaa dulinimo heerkii ugu xumaa ah in Netanyahu oo adduunka oo dhan laga soo nacay inay maanta dad Soomaaliyeed ku faraxsan yihiin inuu u sheegay inuu aqoonsaday” ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Dheere.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Taarkiihda ma dhicin waddan ay Yahuudi wax tartay ama wanaagsan ay u horseeday, taas beddalkeedna qolo walaba oo faraha ay lasoo galaan waxay u horseedaan hoog iyo halaag.”

Si kastaba, ha’ahaatee, falcelin xooggan iyo diidmo adag ayaa ka dhalatay go’aanka ay Israel ku aqoonsatay maamulka Somaliland, waxaana ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale saaxibadeeda caalamka.

From war to the ballot: Somalia’s democratic dawn

0

Just before dawn in Mogadishu, I stood quietly and watched something I once believed I would never see in my lifetime. Long, orderly lines of Somali citizens, women and men, young and old, waited patiently to cast their ballots in the city’s first local council elections by universal suffrage in more than fifty years.

The moment was overwhelming. I felt a tightness in my chest and, for a brief second, I nearly shed a tear.

I am in my forties, and this was the first time I participated in a direct national vote. That fact alone speaks volumes about Somalia’s history, and about how far we have come.

My personal journey is inseparable from my country’s story. I grew up during the civil war, when violence, displacement, and the collapse of public institutions defined daily life. Education was uncertain, security was fragile, and hope often felt like a luxury. Yet like many Somalis, I held onto a belief that our nation could rise again. That belief carried me through hardship and into public service, where I now have the honor of helping rebuild Somalia’s healthcare system.

For my generation, voting was once unimaginable. Decisions about our lives were made through force, clan negotiations, or external interventions. To see citizens peacefully exercising their constitutional right, standing in line with dignity and patience, is nothing short of historic. It is proof that Somalia is turning a page.

The local council elections in Mogadishu were not just a political event; they were a statement. President Hassan Sheikh Mohamud rightly called on residents of the Benadir region to participate peacefully and responsibly, reminding us that democratic participation is both a right and a responsibility. The response was inspiring. Across all 16 districts of the capital, from Karaan to Kahda, Shangani to Deyniile, people showed up early and in large numbers. They showed faith in the process and belief in the future.

What struck me most was the calm. For someone who grew up amid checkpoints, explosions, and fear, the peaceful atmosphere was powerful. Somalia today is not the Somalia of my childhood. Terror threats have significantly declined. Investment is returning — from international partners and from Somalis in the diaspora. Economic activity is growing. In Mogadishu, it is now common to see cafés, shops, and small businesses run not only by Somalis but also by neighbours, including Kenyans, who are seeking opportunity here. A decade ago, this would have been unthinkable.

As Director General at the Ministry of Health, I see progress every day in another essential pillar of statehood: healthcare. Maternal and Child mortality is declining. Immunization coverage is expanding. Treatment for Tuberclosis, malaria other preventable infectious diseases is improving and Medical facilities infrastructures is reviving too. These gains are modest and fragile, but they are real. They reflect a state that is slowly regaining the trust of its people. He who knew where we came from, will recognise the progress.

Democracy, peace, and development are deeply connected. Without accountable governance, health systems fail. Without stability, services cannot reach those who need them most. The ballot box, therefore, is not separate from the clinic or the hospital, it is part of the same foundation.

The long lines of voters I witnessed were more than a sign of political participation. They were a symbol of resilience. After decades of conflict, Somalis are choosing their future peacefully, with dignity and patience.

This vote is not the end of our journey. It is a beginning. But for the first time in many years, that beginning feels real, and within our grasp.

Guled Abdijalil is the Director General, Ministry of Health, Federal Republic of Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo joojiyay shirkii Dhuusamareeb + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray amar lagu joojiyay shirkii madasha aragti wadaaga Heritage ee lagu la filayay in berri uu ka furmo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo mas’uuliyiin badan ay tageen.

Xasan Sheekh ayaa dalbaday in dib loo dhigo shirkaas, sababo la xiriira xaaladda soo korortay ee ka dhalatay aqoonsiga Israel ay siisay Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan deg-deg ah isugu yeeray madaxda dowladda, kuwo dowlad goboleedyada iyo madaxdii hore, si looga tashado arrinta midnimada dalka, jawaab mideysana looga bixiyo go’aanka Israel.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shir gaar ah isugu yeeray xildhibaannada labada gole, isaga oo kala arrinsanaya aqoonsiga Somaliland oo noqday halis soo korortay.

Dhaq-dhaqaaqa gudaha waxaa sii dheer dadaallo diblumaasiyadeed oo uu Madaxweynuhu galay, wuxuuna toos ula xiriiray madaxda gobolka oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ahna hoggaamiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Waxaa kale oo uu la hadlay amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim binu Xamad, isaga oo la wadaagay mowqifka joogtada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qorsheyaasha halista ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya, waxa uuna xusay booska istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu, kaas oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Gobolka.

Si kastaba, ha’ahaatee, falcelin xooggan iyo diidmo adag ayaa ka dhalatay go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland, kaas oo shalay ay ku dhawaaqeen labada dhinac oo saxiixay heshiis muddo dheer usoo socday.

Somaliland oo xabsiga dhigtay culimo diiday aqoonsiga Israel

0

Hargeysa Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgal sameeyay ayaa maanta soo xiray culimo iyo shaqsiyaad kale oo ka horyimid aqoonsiga Israel oo shalay ku dhawaaqday in ay dal u aqoonsatay Somaliland.

Booliska oo ka duulayo arrintaas ayaa soo xiray rag culimo ah oo ka digay in aan lagu deg-degin ictiraafka ay Israel ku dhawaaqday oo si weyn looga dabaal dagay Somaliland.

“Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa caawa gacanta ku soo dhigay shakhsiyaad ku eedaysan in ay si cad uga soo horjeesteen aqoonsiga, midnimada iyo jiritaanka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu Booliska sheegay in uu beegsan doono cid kasta oo ay u arkaan inay wax u dhimayaan qaranimada Somaliland, sida lagu cadeeyay warsaaxafadeedka, isaga oo shacabka ugu baaqay inay kasoo horjeestaan dadka diidan horumarkooda.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu adkaynaya in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku hawlan falal wax u dhimaya midnimada, nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland. Sidoo kale, shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa in ay si mideysan uga soo horjeestaan shakhsiyaadka noocaas ah, isla markaana la soo wadaagaan Ciidanka Booliska JSL” ayaa mar kale yiri qoraalka.

Dhinaca kale, wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo isna qoraal kooan soo saaray ayaa si weyn u difaacay heshiiska ay la galeen Israel ee soo dadajiyay aqoonsiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan diin kula heshiin, balse uu heshiiskoodu quseeyo arrimaha siyaasadda oo kaliya.

“Israel Diin kulamaanan heshiin ee siyaasad baan ku heshiinay” ayuu yiri wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.

Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.

Si kastaba, Aqoonsiga Israel ay siisay Somaliland ayaa durbaba la kulmay diidmo xooggan oo caalami ah, waxaana si cad uga soo horjeestay dalal iyo ururro goboleed iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo ku tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana jebinaysa mabaa’diida aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah.

Xogta wada-hadal dhex-maray Xasan, Farmaajo iyo Madasha Samatabixinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay wada-hadal deg-deg ah oo khadka taleefoonka ah la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Wada-hadalkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira tallaabada Israel oo shalay ku dhawaaqday in aaqoonsatay Somaliland.

Madaaxweyne Xasan Sheekh ayaa xubnaha uu la xiriiray si gaar ah ugala hadlay sidii loo qaadan lahaa mowqif mideysan oo qaran kuna aadan go’aanka qaraar ee kasoo baxay Israel, maadaama uu  halis ku yahay midnimada dalka.

Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow wada-hadalka dhacay ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu sidoo kale xubnaha mucaaradka ku casuumay xarunta Madaxtooyada, si ay u yeeshaan wada-hadallo toos ah oo ku aadan xaaladda soo korotay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan jawaab laga sugayo xubnaha Samatabixinta oo maanta go’aan ka gaari doono dalabka uga yimid Xasan Sheekh, waxayna u badan tahay inay aqbalaan soo jeedinta Madaxweynaha.

Sidoo kale, waxaa jiri doono dood adag oo ku saabsan ajendaha kulanka, gaar ahaan in la kala hormariyo arrimaha qaran iyo qodobkii rasmiga ahaa ee loogu yeeray, si ay go’aan mideysan uga qaataan aqoonsiga Israel ee Somaliland.

Dowladda Federaalka oo xalay jawaab rasmi ah soo saartay ayaa go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland ku tilmaamtay inuu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.

Mucaaradka ayaa dhankooda tallaabada ay qaadday Israel ku sheegay mid meel ka dhac wayn ku ah madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kale kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga QM iyo xeerarka aasaasiga ah ee Ururka Midowga Afrika.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si cad oo aan leex-leexad lahayn u diidan tahay tallaabada ay maamulka Israa’iil ku aqoonsadeen maamulka Somaliland. Tallaabada noocaan oo kale ah waxay meel ka dhac weyn ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxayna xad gudubka bareer ah ku tahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha.