26.9 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Xogta wada-hadal dhex-maray Xasan, Farmaajo iyo Madasha Samatabixinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay wada-hadal deg-deg ah oo khadka taleefoonka ah la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Wada-hadalkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira tallaabada Israel oo shalay ku dhawaaqday in aaqoonsatay Somaliland.

Madaaxweyne Xasan Sheekh ayaa xubnaha uu la xiriiray si gaar ah ugala hadlay sidii loo qaadan lahaa mowqif mideysan oo qaran kuna aadan go’aanka qaraar ee kasoo baxay Israel, maadaama uu  halis ku yahay midnimada dalka.

Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow wada-hadalka dhacay ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu sidoo kale xubnaha mucaaradka ku casuumay xarunta Madaxtooyada, si ay u yeeshaan wada-hadallo toos ah oo ku aadan xaaladda soo korotay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan jawaab laga sugayo xubnaha Samatabixinta oo maanta go’aan ka gaari doono dalabka uga yimid Xasan Sheekh, waxayna u badan tahay inay aqbalaan soo jeedinta Madaxweynaha.

Sidoo kale, waxaa jiri doono dood adag oo ku saabsan ajendaha kulanka, gaar ahaan in la kala hormariyo arrimaha qaran iyo qodobkii rasmiga ahaa ee loogu yeeray, si ay go’aan mideysan uga qaataan aqoonsiga Israel ee Somaliland.

Dowladda Federaalka oo xalay jawaab rasmi ah soo saartay ayaa go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland ku tilmaamtay inuu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.

Mucaaradka ayaa dhankooda tallaabada ay qaadday Israel ku sheegay mid meel ka dhac wayn ku ah madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kale kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga QM iyo xeerarka aasaasiga ah ee Ururka Midowga Afrika.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si cad oo aan leex-leexad lahayn u diidan tahay tallaabada ay maamulka Israa’iil ku aqoonsadeen maamulka Somaliland. Tallaabada noocaan oo kale ah waxay meel ka dhac weyn ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxayna xad gudubka bareer ah ku tahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha.

Cirro oo tallaabo kale qaaday kadib aqoonsiga ay ka heleen Israel

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro), ayaa xalay kulan deg-deg ah la qaatay Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeennadii hore, Shir-guddoonka labada Gole Qaran, hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran, Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray aqoosniga ay Somaliland ka heshay Israel, kaas oo shalay dhacay, kadib heshiis ay gaareen labada dhinac.

Ugu horreyn Madaxweyne Cirro ayaa si faahfaahsan uga xog-warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray geeddi-socodka ictiraafka Somaliland, iyo dadaalladii diblomaasiyadeed ee horseeday in Israel ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in ictiraafkan yahay mid midho-dhal u ah halgankii dheeraa ee Qaranka Somaliland, isla markaana u baahan midnimo Qaran, talo-wadaag iyo masuuliyad wadajir ah si fursaddan taariikhiga ah loo xoojiyo loona arko guul wayn oo u soo hoyatay dadka iyo dalka JSL.

Dhankooda kulanka waxa iyaguna hadallo kala duwan madasha ka jeediyey Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland oo dhammaantood Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeeyay ka miro dhalinta aqoonsiga Somaliland, waxana ay ku baaqeen in Xukuumadda la isbar-bar taago, lana muujiyo midnimo Qaran, sidoo kalena Bulshada JSL la wacyigeliyo laguna baraarujiyo in ay ku fara adaygaan guusha taariikhiga ah ee mar kale u soo hoyatay Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka oo ku soo dhammaaday is-afgarad guud iyo taageero Qaran ayaa waxaa xigay shir kale oo aan caadi ahayn oo Madaxweynaha Somaliland isugu yeeray Golaha Wasiirrada, kaasi oo si gaar ah loogu lafo guray arrimaha la xiriira aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland.

Fadhigan ayaa waxa lagu qiimeeyay marxaladda cusub ee taariikhiga ah ee uu dalku galay, dejinta istiraatiijiyad Qaran oo ku wajahan Amniga, ka faa’iidaysiga fursadaha la socda aqoonsiga, xoojinta Hay’adaha Dawliga ah, iyo dar-dargelinta xagga diblomaasiyadda, iyo fursadaha dhaqaale ee ka dhalanaya aqoonsiga, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen golaha.

Ugu dameyn Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada ku adkeeyey in arrintani tahay masuuliyad Qaran oo u baahan in lagu qaabilo midnimo, isku-duubni iyo wada-shaqayn buuxda, isla markaana ay Xukuumaddu si midaysan ugu hawlgasho ilaalinta danaha Qaranka & xaqiijinta himilooyinka Somaliland.

Mucaaradka oo war culus kasoo saaray aqoonsiga Israel ee Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay tallaabada ay qaaday Israel, kuna aqoonsatay Somaliland.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabada Israel ay meel ka dhac ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kalena ay kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Ururka Midowga Afrika.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si cad oo aan leex-leexad lahayn u diidan tahay tallaabada ay maamulka Israa’iil ku aqoonsadeen maamulka Somaliland. Tallaabada noocaan oo kale ah waxay meel ka dhac weyn ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxayna xad gudubka bareer ah ku tahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha.

Sidoo kale, waxaa mucaaradka uu si weyn uga horyimid qorshaha la doonayo in shacabka Falastiin loogu soo raro dhul Soomaaliyeed, iyag oo tilmaamay in tallaabadaasi ay tahay mid aan la aqbali karin, kana soo horjeedaan.

“Shacabka Soomaaliyeed marna ma aqbali doonaan in shacabka Falastiin la duudsiiyo xaqooda oo dib loo dejiyo dhul Soomaaliyeed, halkii loo celin lahaa xuquuqda sharciga ah ee dalkooda hooyo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo ay Madasha Samatabixinta farriin cad u dirtay beesha caalamka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo ay ka dalbatay in ay garab istaag buuxa u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay ka dhiidhiyaan xadgudubka Israel.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxey ugu baaqaysaa Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Qaramada Midoobay in ay garab istaagaan dawlada iyo shacabka Soomaaliya kana hortagaan fal kasta oo xadgudub ku ah midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka ay soo saartay Madasha Samatabixinta.

Hadalkan waxaa ka horreeyay jawaab rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliyeed ka bixisay aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, iyada oo tilmaamtay inuu yahay mid sharci-darro ah, oo aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.

Dowladda ayaa sidoo kale ku adkaysatay in Soomaaliya ay weli ka go’an tahay ilaalinta nabadda gobolka, xasilloonida caalamka, iyo ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah, isla markaana aysan oggolaan doonin tallaabo kasta oo dhaawacaysa jiritaanka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. 

Xogta booqashadii Cirro ee Israa’iil iyo waxa Somaliland ay ku beddelatay aqoonsiga

0

Tel Aviv (Caasimada Online) — Israa’iil ayaa shalay noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada gobolka Somaliland, waxaana hadda soo baxay xog dheeri ah oo ku saabsan go’aankan. 

Tallaabadan ayaa warbaahinta Israa’iil ay sheegtay inay salka ku hayso qorshe ay Israa’iil ku raadineysay dalal ay dejiso Falastiiniyiinta ay dooneyso inay ka rarto Gaza, iyo dano istiraatiijiyadeed oo la xiriira duqeynta Yemen. 

Heshiiska aqoonsiga waxaa 26-kii December wada saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), sida lagu xaqiijiyay bayaanno rasmi ah.

Telefishinka Channel 12 ee Israa’iil ayaa shaaciyay in Madaxweyne Cirro uu bishii Oktoobar safar qarsoodi ah ku tegay Israa’iil, halkaas oo uu kula kulmay Netanyahu, Madaxa Sirdoonka Mossad David Barnea, iyo Wasiirka Gaashaandhigga Israel Katz, xilligaas oo xiriirka labada dhinac uu sii xoogeysanayay. 

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in xiriirku uu dardar ku socday xilli Israa’iil ay baadi-goobaysay dalal ay u rarato dadka reer Gaza intii uu socday dagaalku, inkastoo dadaalkaas uu markii dambe fashilmay kaddib cadaadis caalami ah oo ka dhashay fikradda ah in dadkaas la barakiciyo.

Dhinaca kale, wargeyska Times of Israel ayaa weriyay in ujeedka ugu weyn ee Israa’iil ay tahay in ay hesho marin ay u adeegsato la socodka iyo duqeynta kooxda Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iiraan.

Wargeyska ayaa ku dooday in marin loo helo hawada iyo dhulka Somaliland ay Israa’iil siinayso fursad istiraatiiji ah maadaama ay ku taallo meel u dhow Gacanka Cadan.

Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay in Israa’iil ay Somaliland kala shaqeyn doonto arrimaha dhaqaalaha, beeraha iyo horumarinta bulshada, isagoo casuumaad u fidiyay Madaxweyne Cirro. Wasiir Sa’ar ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay furan doonaan safaarado, ayna is dhaafsan doonaan danjireyaal.

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ayaa sheegtay inay hiigsaneyso inay ku biirto “Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaankii uu Mareykanku garwadeenka ka ahaa ee dalal Carbeed ay ku caadiyeeyeen xiriirka Israa’iil.

Aqoonsigan ayaa dhaliyay cambaareyn degdeg ah oo ka timid dalalka gobolka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay tallaabadaas mid lagu xadgudbay madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, Turkiga iyo Jabuuti ay si wadajir ah u diideen tallaabada Israa’iil. Sidoo kale, wargeyska The Guardian ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil loo arko mid halis ku ah amniga gobolka, marka la eego muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland.

Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland la kulmay diidmo xooggan oo caalami ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga waxa ay ugu yeertay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wajahday diidmo ballaaran oo ka timid dalal iyo ururro goboleed iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo ku tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana jebinaysa mabaa’diida aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah.

Midowga Afrika (AU) ayaa si degdeg ah u diiday go’aankaas, isagoo xusay in uu si toos ah uga hor imanayo mabda’a ururka ee ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in AU-du ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana digay in wax ka beddelidda xuduudaha ay abuuri karto tusaale halis ah oo khalkhal gelin kara qaaradda.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isna cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyadoo Xoghayaha Guud ee ururka, Axmed Aboul Gheit, uu ku tilmaamay aqoonsiga Somaliland “tallaabo kicin ah oo aan la aqbali karin”.

War-saxaafadeed ka soo baxay Qaahira ayuu ku sheegay in arrintani ay tahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida dal Carbeed iyo Afrikaan ah, isla markaana ay sii hurin karto qalalaase goboleed.

Turkiga, oo ka mid ah saaxiibada istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, ayaa si cad u diiday go’aanka Israa’iil. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu yahay faragelin toos ah oo lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana uu halis gelinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Ankara ayaa mar kale xaqiijisay in ay garab taagan tahay midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Masar ayaa iyaduna si xooggan uga hortimid tallaabadaas, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabdulcaati, uu wada-hadallo degdeg ah la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Turkiga iyo Jabuuti.

Mas’uuliyiintaasi ayaa isku raacay in gebi ahaanba la diido tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa qaranimada Soomaaliya, isla markaana la adkeeyay in ilaalinta xuduudaha dalalka ay tahay tiir aasaasi u ah nidaamka caalamiga ah.

Jabuuti, oo xubin firfircoon ka ah IGAD iyo Midowga Afrika, ayaa iyaduna taageertay mowqifka Soomaaliya, iyadoo ku adkaysatay in midnimada dhuleed ee Soomaaliya aysan ahayn arrin laga gorgortami karo. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Jabuuti ay door ka qaadatay dadaallada lagu doonayo in lagu mideeyo mowqifka gobolka.

Diidmadan ballaaran ayaa muujinaysa in tallaabada Israa’iil aysan helin wax aqbalaad ah oo heer gobol ama mid caalami ah, isla markaana ay sii xoojisay taageerada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka haysato hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka dariska ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in mowqifyadan ay caddeynayaan in beesha caalamku ay weli ku taagan tahay mabda’a ah in xuduudaha dalalka lagu ilaaliyo sharciga caalamiga ah, ayna jirto garab istaag cad oo loo muujiyay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Trump oo diiday aqoonsiga Somaliland kadib markii..

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay jariiradda The New York Times in uusan diyaar u aheyn in uu aqoonsado Somaliland, kadib markii Israa’iil ay shalay ku dhawaaqday in Maamulka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya uu yahay dal ay u aqoonsadeen si buuxda.

Dhanka kale wargeyska ka soo baxa Israa’iil ee times of israel ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay inuusan raaci doonin go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, balse uu “daraasayn doono” arrintaas.

“Ma jiraa qof si dhab ah u og waxa Somaliland tahay?” ayuu Trump ku yiri wargeyska caanka ah ee New York Post.

Tallaabada Israa’|l waxaa dhanka kale ka horymid Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka, Midowga Afrika, Turkiga, Shiinaha iyo waddamo badan.

Dowladda Soomaaliya oo qudheeda aan aqoonsaneyn Israa’iil ayaa xalay tallabadaasi ka hortimid,.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in aysan jirin cid dibadda ah oo sharci u leh inay wax ka beddesho xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo ku adkaysatay in wax kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo midnimada qaranka ay yihiin kuwo aan lahayn wax saameyn sharci ama mid siyaasadeed.

Si kastaba, ha’ahaatee warka kasoo baxay Trump ayaa hoos u dhigaya culeyskii aqoonsigii shalay la siiyay Somaliland iyo saameyntii suuragalka aheyd in uu ku yeesho amniga Gobolka Geeska, sida ay ku doodeen dowladaha iyo ururrada diiday aqoonsiga oo ku micneeyay mid liddi ku ah qaanuunka caalamiga ah & xeerarka diblumaasiyadda.

Soomaaliya oo jawaab rasmi ah ka soo saartay aqoonsiga Israa’iil ee gobolka Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay in go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in aysan jirin cid dibadda ah oo sharci u leh inay wax ka beddesho xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo ku adkaysatay in wax kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo midnimada qaranka ay yihiin kuwo aan lahayn wax saameyn sharci ama mid siyaasadeed.

Dhinaca ammaanka, Soomaaliya ayaa ka digtay in go’aankan uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu furi karo albaab lagu soo geliyo khilaafaad iyo colaado ka imanaya Bariga Dhexe. Dowladda ayaa si gaar ah u muujisay walaac ku aaddan suurta-galnimada in la sameeyo saldhigyo militari ama iskaashi amni oo ajnabi ah, kuwaas oo dalka gelin kara dagaallo wakiilnimo.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sidoo kale tilmaamay in kala-daadsanaanta siyaasadeed ee gobolka ay abuuri karto fursado ay ka faa’iideystaan kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo mar walba ka faa’iideysta firaaqyada amni iyo khilaafaadka siyaasadeed.

Dhanka diblomaasiyadda, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci, diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee suuragalka ah, si ay u difaacdo madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo qaranimada dalka.

Waxa kale oo ay ku celisay in ay si dhow ula shaqayn doonto hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa goboleed, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo IGAD.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale si cad u muujiyay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan arrinta Falastiin, iyadoo mar kale xaqiijisay taageeradeeda joogtada ah ee xaqa shacabka Falastiin u leeyihiin aaya-ka-tashiga, kana soo horjeesatay gumeysi, barakicin qasab ah iyo isbeddel demografiyadeed oo lagu sameeyo dhul la haysto.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, feejignaan iyo wacyi qaran, iyadoo xustay in difaaca qaranimada iyo midnimada dalka uu yahay mas’uuliyad wadareed.

Dowladda ayaa ku adkaysatay in Soomaaliya ay weli ka go’an tahay ilaalinta nabadda gobolka, xasilloonida caalamka, iyo ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah, isla markaana aysan oggolaan doonin tallaabo kasta oo dhaawacaysa jiritaanka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. 

XASAN oo deg-deg ula xiriiray hogaamiyeyaasha AFRIKA – Muxuu kala hadlay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ahna hoggaamiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xadgudubka sharci-darrada ah ee Ra’iisul Wasaaraha Yuhuuddu uu kula kacay madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo halis ku ah xasilloonida iyo amniga Gobolka, kana soo horjeedda xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.

Hoggaamiyeyaasha Gobolka ee uu Madaxweynaha la hadlay ayaa si adag oo mideysan u caddeeyey garab-istaaggooda buuxa ee gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo adkeeyey in aqoonsi kasta oo ka dhan ah dhul ka tirsan dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay uu yahay xadgudub cad oo ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’a Midowga Afrika ee midnimada dhuleed iyo qawaaniinta hagaya xiriirka dowladaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sii wada wada-tashiyada oo uu la yeelanayo Madaxda Caalamka, si loo xoojiyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ee ku aaddan dhammaan dariiqyada sharciga, diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed ee caalamiga ah, ee difaaca midnimada iyo madax-bannaanida iyo qarannimada.

Xalay wuxuu sidoo kale la hadlay xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta iyo Madaxweyne Farmaajo, isaga oo si gaar ah ugala hadlay sidii loo qaadan lahaa mowqif mideysan oo qaran kuna aadan go’aanka qaraar ee kasoo baxay Israel, maadaama uu  halis ku yahay midnimada dalka.

Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow wada-hadalka dhacay ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu sidoo kale xubnaha mucaaradka ku casuumay xarunta Madaxtooyada, si ay u yeeshaan wada-hadallo toos ah oo ku aadan xaaladda soo korortay.

Falcelin xooggan iyo diidmo adag ayaa ka dhalatay go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland, kaas oo shalay ay ku dhawaaqeen labada dhinac oo wada saxiixay heshiis muddo dheer usoo socday.

Shiinaha oo jawaab ka bixiyay aqoonsiga Israel ee Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa jawaab deg-deg ah kasoo saartay tallaabada ay qaaday Israel oo aqoonsatay Somaliland, kadib heshiis muddo dheer soo socday oo shalay ay dhaqan-geliyeen labada dhinac.

Safiirka Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho, Wang Yu ayaa sheegay in aan marna lagu xadgudbi karin midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya, wuxuuna taageero buuxdo u muujiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Danjire Wang Yu oo wada-hadal khadka telefoonka ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Dhaay, ayaa xoojiyay taageerada uu Shiinaha u hayo madax bannaanida iyo midnimada qaranka Soomaaliya.

Shiinaha ayaa weligiis diidanaa ictiraafka Somaliland, wuxuuna kula jiray dagaal diblumaasiyadeed oo adag, maadaama ay xukuumadda Hargeysa xiriir  la leedahay Taiwan oo uu Shiinaha u diidan yahay madax banaani gooni ah.

Waxaa sidoo kale arrintan meel adag iska taagay dowlado kale oo waa wayn oo uu ugu horreeyo Turkiga oo ka mid ah saaxiibada istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, isaga oo si cad u diiday go’aanka Israa’iil. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu yahay faragelin toos ah oo lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana uu halis gelinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Masar ayaa iyaduna si xooggan uga hortimid tallaabadaas, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabdulcaati, uu wada-hadallo degdeg ah la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Turkiga iyo Jabuuti.

Mas’uuliyiintaasi ayaa isku raacay in gebi ahaanba la diido tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa qaranimada Soomaaliya, isla markaana la adkeeyay in ilaalinta xuduudaha dalalka ay tahay tiir aasaasi u ah nidaamka caalamiga ah.

Diidmadan ballaaran ayaa muujinaysa in tallaabada Israa’iil aysan helin wax aqbalaad ah oo heer gobol ama mid caalami ah, isla markaana ay sii xoojisay taageerada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka haysato hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka dariska ah.

Maxaa laga laga filan karaa BF kadib tallaabadii Israel?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in go’aan xasaasi ah uu ka qaato aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, kaas oo dhaliyay hadal-heyn xooggan iyo diidmo heer caalami ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta hadal kooban ka jeediyay Baarlamaanka ayaa sheegay in jawaab ay ka bixin doonaan aqoonsiga Israel ee Somaliland oo xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka oo kooram la’aan noqday ayaa xusay in Baarlamaanka labadiisa gole uu mowqif cad ka qaadan doono aqoonsiga Israel ee Somaliland, isla markaana uu la tashi soo sameyn doono, si uu shacabka Soomaaliyeed ula yimaado wax ay ku qancaan.

“Maanta arrinta dib ayaan u dhiganeynaa kooramkana waa soo buuxsaneynaa labada aqalna isku mowqif ayay ka noqonayaan, waxaan rabnaa wax ummadda Soomaaliyeed u cuntama inay noo soo baxaan” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Xildhibaan Caasho Koos oo iyana si adag uga hadashay arrinta aqoonsiga ayaa farriin culus u dirtay Somaliland iyo xukuumaddeeda.

“Nin taleefan ku hadlay wax ma bixin karo, hal gantaal oo Yemen laga soo tuuro ayaa ku filan Somaliland” ayay tiri Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeedda Awdal.

Xukuumadda Soomaaliya oo xalay jawaab rasmi ah soo saartay ayaa caddeysay mowqifkeeda, waxaana  go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland ku tilmaamtay inuu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.

Mucaaradka ayaa dhankooda tallaabada ay qaadday Israel ku sheegay mid meel ka dhac wayn ku ah madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kale kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga QM iyo xeerarka aasaasiga ah ee Ururka Midowga Afrika.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si cad oo aan leex-leexad lahayn u diidan tahay tallaabada ay maamulka Israa’iil ku aqoonsadeen maamulka Somaliland. Tallaabada noocaan oo kale ah waxay meel ka dhac weyn ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxayna xad gudubka bareer ah ku tahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha.

Waxaa sidoo kale arrintan meel adag iska taagay dalal iyo ururro goboleed iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo ku tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana jebinaysa mabaa’diida aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah.

Muxuu Farmaajo ka yiri aqoonsiga Israel ee Somaliland?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Farmaajo ayaa xad-gudub ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inay siisay Somaliland, oo caalamka u aqoonsanaa maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Sharciga caalamiga ah wuxuu Israa’iil ku waajibinaya in ay ixtiraamto gobonimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. In la aqoonsado qayb ka mid ah Soomaaliya waa xadgudub weyn,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, isagoo shacabka ku booriyay inay u istaagaan difaaca midnimadooda iyo qarannimadooda.

“Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Dadkeenu waxay si adag uga midaysan yihiin difaaca qaranimadooda,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay Madaxweyne hore Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa galinkii dambe ee maanta si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac.

Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.

Dhawaaqa Netanyahu, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday olole looga hortagayo tallaabadan, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu khadka telefoonka kula hadlay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Turkiga, Masar iyo Jabuuti.

Saddexdan dal ayaa Soomaaliya u xaqiijiyay in ay taageersan yihiin “Soomaali hal ah”, iyagoo si adag uga horyimid aqoonsiga ay heshay Somaliland.

Wasiiradda ayaa sidoo kale waxay adkeeyeen in jebinta midnimada dalalka ay khatar ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka, iyagoo si adag u muujiyay diidmadooda ku aadan qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin.

Madaxweyne Cirro oo shaaciyay dalal kale oo aqoonsanaya Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in dalal kale ay ku dhawaaqi doonaan aqoonsiga Somaliland, si lamid ah Israa’iil oo maanta si rasmi ah u aqoonsatay.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in maanta ay maalin weyn u tahay reer Somaliland, oo in ka badan 30 sano raadinayay aqoonsi. “Waa dharaar bog dahab ah ku yeelan doonta taariikhda qarankeenna,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaa rumowday riyadii aqoonsiga Somaliland aynu 34 sano halganka ugu jirnay. Wixii weyna ee shacabku sugayay ayaa maanta yimid. Dowladda Israa’iil ayaa go’an geesinimo leh qaadatay oo si rasmi ah dunida ugu sheegtay inay si buuxda u aqoonsatay qaranimada, jiritaanka, iyo madax-banaanida Somaliland.”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa galinkii dambe ee maanta si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac.

Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.

Dowladda Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv. Balse haatan Somaliland oo ku dooda inay ka go’day Soomaaliya ayaa sheegtay inay xiriir toos ah la bilowday Israa’iil.

Aqoonsiga Israel: Fursad mise khatar hor leh oo Somaliland wajahayso?

“Adeer Yahuud baa na aqoonsatay!” sidaas ayay dad badan oo Somaliland ah ku hadlayeen markii ay maqleen in Israa’iil ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland December 26, 2025.

Waa guul taariikhi u ah oo muddo 34 sano ah sugaayeen laakiin ma guul saafi ah baa? Mise waa damac qarsoon oo Israa’iil ku leedahay Somaliland?

Somaliland ayaa tan iyo 1991 kii ku dhibtoonaysay aqoonsi caalami ah. Waxay leedahay nidaam dimoqraadi ah, nabad iyo xasillooni, doorashooyin xalaal ah, laakiin beesha caalamka ayaa ku adkaysatay midnimada Soomaaliya.

Hadda, Israa’iil ayaa jabiyay xuduudaas, iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Gideon Sa’ar ay saxeexeen heshiis aqoonsi oo buuxa, oo ay ku jiraan safaarado iyo ergooyin. Netanyahu wuxuu ku tilmaamay “mid la mid ah Abraham Accords”

Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirro) ayaa u mahadceliyay Netanyahu “go’aanka taariikhiga ah”. Laakiin damaca Israa’iil ma aha mid bilaash ah.

Sannadihii u dambeeyay, waxaa soo baxayay warar sheegaya in Israa’iil ay doonayso laba arrimood oo waaweyn Somaliland: midda koowaad, inay ku wareejiso qaxootiga Falastiiniyiinta ee Gaza, si ay u yareyso cadaadiska gudaha ah ee khilaafka Falastiin.

Wararkaas ayaa soo baxay bishii March 2025, markii Mareykanka iyo Israa’iil ay la xiriireen Somaliland, Soomaaliya iyo Suudaan si ay uga hadlaan qaxootiga Gaza. Inkastoo Somaliland ay beenisay, haddana warbaahinta caalamka sida Al Jazeera iyo AP ayaa sheegtay in heshiisyadaas ay ku xiran yihiin aqoonsiga.

Tani waxay noqon kartaa mid khatar ah, maadaama ay keeni karto xiisado bulsheed iyo mid siyaasadeed gudaha Somaliland, iyadoo dadka degaanku aanu aqbali karin qaxooti cusub oo leh dhibaatooyin siyaasadeed.

Midda labaad, Israa’iil waxay doonaysaa inay furto saldhig ciidan, gaar ahaan Berbera, si ay u xoojiso joogitaankeeda Badda Cas iyo la dagaalanka Xuutiyiinta Yemen.

Meesha Somaliland ayaa istiraatiiji ah, waxay u dhowdahay Yemen oo ka yar 400 km, waxayna ilaalisaa marinka Bab al-Mandab. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta uu dhexdhexaadinayo, isagoo maalgelinaya saldhiggaas.

Tani waxay Israa’iil u sahli kartaa weerarro degdeg ah oo ka dhan ah dalalka Islaamka, laakiin Somaliland waxay noqon kartaa bartilmaameed cusub oo argagixiso.

Siyaasad ahaan, aqoonsiga Israa’iil wuxuu keeni karaa caqabado waaweyn. Bulshada Muslimka ee adduunka, gaar ahaan dalalka Carabta iyo OIC, ayaa Israa’iil u arka cadow sababtoo ah Falastiin.

Tani waxay reebi kartaa Somaliland taageerooyinkii ay ka heli lahayd dalalka Muslimka ah. Soomaaliya ayaa sii xoogeyn doonta cadaadiskeeda, iyadoo ku doodaysa in tani tahay shirqool kala qaybin ah.

Amni ahaan, khatartu way ka sii weyn tahay: Al-Shabaab iyo kooxaha kale ayaa laga yaabaa inay Somaliland u arkaan “xulafo Israa’iil”, oo ay weeraraan, taas oo khalkhal galin karta nabaddii 30-ka sano ahayd.

Dadka Somaliland waa inay ka digtoonaadaan damaca Israa’iil. Aqoonsiga waa muhiim, laakiin ma aha inuu yimaado qiimo sare oo amni iyo siyaasad ah.

Waa inau raadiyaan aqoonsi ballaaran oo ka yimid beesha caalamka oo dhan, ee aan ku xirneyn dano gaar ah oo Israa’iil. Haddii kale, guushan taariikhiga ah waxay isu beddeli kartaa masiibo cusub.

W/Q: Mohamed Dahir Hassan

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

DF oo bilowday olole cusub iyo 3 dal oo ka horyimid aqoonsiga Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday olole ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada kasoo cusboonaday aqoonsiga Somaliland.

Ololahan ayaa imanaya xilli xeero iyo fandhaal kala dhaceyn, ayna Israa’iil si rasmi ugu dhawaaqday inay dal madax-banaan u aqoonsatay Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka telefoonka kula hadlay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Turkiga, Masar iyo Jabuuti.

Saddexdan dal ayaa Soomaaliya u xaqiijiyay in ay taageersan yihiin “Soomaali hal ah”, iyagoo si adag uga horyimid aqoonsiga ay heshay Somaliland.

Wasiiradda ayaa sidoo kale waxay adkeeyeen in jebinta midnimada dalalka ay khatar ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka.

Waxayna si adag u muujiyeen diidmadooda ku aadan qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin, taas oo qeyb ka ah heshiiska Somaliland iyo Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horeysay si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac.

Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.

Dowladda Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv.

R/W Xamza oo golaha wasiirrada iskugu yeeray kadib aqoonsiga Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa shir degdeg ah iskugu yeeray Golaha Wasiirrada, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shirkan ayaa looga hadlaya arrinta kasoo korortay aqoonsi raadinta Somaliland, kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dal madax-banaan u aqoonsatay Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horeysay si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac.

Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, oo dhankiisa xaqiijiyay go’aankan, ayaa sheegay inuu la hadlay Madaxweyne Cirro, ayna isla garteen in maanta ay tahay “maalin weyn” oo u soo hoyatay labada dhinac.

Wuxuu intaas ku daray inay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan aqoonsiga iyo aasaaska xiriir diblomaasiyadeed oo dhameystiran.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv. Waxaana la filayaa inay xukuumadda Soomaaliya si adag uga hortimaado dhawaaqa kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israel.

Israel oo SOMALILAND u aqoonsatay “dal madax-banaan”

0

Tel Aviv (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa maanta oo ah 26-ka December 2025 si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac.

Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, oo dhankiisa xaqiijiyay go’aankan, ayaa sheegay inuu la hadlay Madaxweyne Cirro, ayna isla garteen in maanta ay tahay “maalin weyn” oo u soo hoyatay labada dhinac. Wuxuu intaas ku daray inay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan aqoonsiga iyo aasaaska xiriir diblomaasiyadeed oo dhameystiran.

“Xiriirkan wuxuu ka dhigan yahay is-dhaafsiga safiirro iyo furashada safaarado,” ayuu yiri Sa’ar, isagoo raaciyay inuu faray wasaaraddiisa inay si degdeg ah u billowdo meel-marinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Xafiiska Netanyahu ayaa intaas ku daray in Israa’iil ay qorsheynayso inay ballaariso iskaashiga ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada beeraha, caafimaadka, teknoolajiyadda iyo dhaqaalaha. Netanyahu ayaa sidoo kale casuumaad rasmi ah u fidiyay Madaxweyne Cirro si uu booqasho ugu tago Israa’iil, iyadoo hoggaamiyaha Somaliland uu uga mahadceliyay waxa Israa’iil ku tilmaantay “bayaan taariikhi ah.”

Dhanka kale, Madaxtooyada Somaliland ayaa soo saartay war-murtiyeed ay ku faahfaahineyso kulan dhanka maqalka iyo muuqaalka ah, oo dhexmaray Madaxweyne Cirro iyo Netanyahu, kaas oo lagu gaaray is-afgarad siyaasadeed, mid diblomaasiyadeed iyo mid istiraatiijiyadeed.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in labada dhinac ay isku raaceen in la furo waji cusub oo xiriir ah oo isugu jira iskaashiga amniga, dhaqaalaha, iyo tiknoolajiyadda.

Go’aankan ayaa taabanaya arrin xasaasi ah oo siyaasadeed oo ka taagan Geeska Afrika. Somaliland ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991-kii, iyadoo leh hay’ado dowladeed oo shaqeynaya tobannaankii sano ee la soo dhaafay, balse ma haysan aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diiddan madax-bannaanida Somaliland, iyadoo u aragta gobol ka mid ah dhulkeeda.

Haddii heshiiskan loo fuliyo sida ay saraakiisha Israa’iil sheegeen, aqoonsigan iyo xiriirka diblomaasiyadeed wuxuu si weyn u xoojin karaa maqaamka Somaliland ee caalamka, isagoo dhinaca kale cadaadis saaraya sida dalalka gobolka iyo kuwa caalamiga ah ay u wajahaan muranka dhuleed ee u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho.

Saacid oo maanta bilaabay safaro uu ku tegayo magaalooyin dalka + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo haatan ah murashax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Saacid iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi, iyadoo uu kulamo kala duwan la qaadan doono mas’uuliyiinta iyo bulshada kala duwan ee magaalada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saacid ayaa maalmo kadib Caabudwaaq uga sii gudbi doona magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Inta uu ku sugan yahay degmooyinkan, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa la tashiyo iyo xogwareysi la yeelan doonna bulshada gobolka oo xilligan wajahaya duruufa adag oo ay abaaraha kamid yihiin.

Saacid ayaa haysta taageero siyaasadeed oo xooggan, kadib markii dhawaan hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala socday ururro, xisbiyo iyo madallo kala duwan oo dalka caan ka ah ay ku dhawaaqeen isbaheysi siyaasadeed oo lagu dhisayo.

Hoggaamiyeyaashan ku midoobay isbaheysigan ayaa la baxay xisbiga “Midowga Haybad Qaran.” Hoggaamiyeyaashan ayaa waxaa ka mid ah shakhsiyaad saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka, oo ay kamid yihiin:

  • Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
  • Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed
  • Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed
  • Mudane Cabdi Aadan Hoosoow
  • Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)
  • Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre
  • Mudane Ducaale Aadam Maxamed
  • Mudane Faarax Calı Shıre
  • Mudane Taabid Cabdi Maxamed
  • Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Isbaheysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa durba sheegaya in rajada Saacid ee ah inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya ay durba, sare u kacday marka la eego isbaheysiga siyaasadeed ee qeybta ka yahay.

Saacid, oo ah siyaasi rug caddaa ah, deggan, isla markaana leh heer aaminaad sare, ayaa dad badan u arkaan in uu noqon karo qofka ka soo dhex-baxa loolanka siyaasadeed ee buuqa badan ee Soomaaliya, uuna yahay mid ay dhinacyo badan ku qanci karaan.

Madaxweyne Cirro oo shir deg deg ah iskugu yeeray wasiirrada xilli Mareykanka uu…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kulan degdeg ah iskugu yeeray golihiisa wasiirrada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan aan caadiga ahayn ayaa Madaxtooyada Somaliland ka qabsoomaya makhribnimada maanta oo Jimce ah.

Kulankan degdegga ah ayaa imanaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay warbaahinta qaar tabinayeen dhambaallo aqoonsi oo Somaliland uga iman kara Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.

Inkasta oo wararkaasi la isla dhexmarayo, haddana ma jirto wax faahfaahin rasmi ah oo ilaa hadda laga bixiyay arrintaas.

Sidoo kale, kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Hargeysa ay goordhoweyd soo gaareen wafdi ka socda Dowladda Mareykanka.

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Cirro, wafdiga Mareykanka ayaa kulamo la qaadan doona mas’uulliyiinta xukuumadda Somaliland.

Waxaa kale oo la sheegay in wafdigan ay socdaal ku tegi doonaan magaalada Berbera, oo ah goob muhiim ah isla markaana si weyn u daneynayo Mareykanka.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga oo ku dhintay qarax miino oo lagula eegtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarkaalkan, oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdullaahi, kana mid ahaa saraakiisha da’da yar, laguna yaqaanay Sandhiiqo, ayay miinadu ku haleeshay deegaanka Nambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo hoos yimaadda dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa askarta tababarka ku soo qaadatay xerada TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in markii miinadu haleeshay sarkaalkan uu soo gaaray dhaawac culus, kaas oo sababay in uu u geeriyoodo waqti kooban gudaheed, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyay ka mid ahaa hawlgallada lagu sugayo amniga waddada muhiimka ah ee isku xirta Afgooye iyo Marka, isaga oo la shaqeynayay ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa deegaanka iyo askarta Midowga Afrika ee AUSSOM, si loo adkeeyo amniga.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo la xiriira qaraxa uu sarkaalku ku dhintay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli socda hawlgallo ay ciidamada dowladda ka wadaan deegaannada ku dhow aagga Nambar 50, halkaas oo miinadu ku haleeshay sarkaalkan da’da yar.

Doorashadii Muqdisho oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhufatay laba dhinac

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Codbixintii Muqdisho ee Khamiistii, ma ahayn oo kaliya mid lagu dooranayay gole deegaan; waxay ahayd dharbaaxo lagu burburiyay sheeko-xariir tobanaan sano soo jirtay oo ku dhisnayd “waxba ma suurtagalayaan.”

Diiwaangelinta in ka badan 500,000 oo qof iyo doorashada ka dhacday 16 degmo, waxay muujisay wax ka weyn doorasho gole deegaan. Dowladda Federaalku waxay fashilisay laba kooxood: Al-Shabaab oo dadka cabsi ku haysta, iyo siyaasiyiinta aaminsan in talada dalka aysan socon karin la’aantood.

Guusha ugu weyn waa tan farsamada iyo amniga. Muddo badan waxaa la lahaa doorasho qof iyo cod ah ma dhici karto amni xumo darteed. Al-Shabaab way hanjabeen. Dowladda waxay xirtay waddooyinka magaalada, waxayna soo saartay 10,000 oo askari. Al-Shabaab way awoodi waayeen inay joojiyaan doorashada. In maalintaas ay nabad ku dhacday waa guul weyn oo dowladda u soo hoyatay.

Guushaan dhanka amniga ah waxay dhibaato ku noqotay mucaaradka. Isbaheysiga “Golaha Mustaqbla Soomaaliya” way qaadaceen doorashada, iyagoo ku tilmaamay mid uu watay Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxay aaminsanaayeen inaan waxba socon karin haddii aysan “madaxda waaweyn” heshiis ku ahayn.

Laakiin Khamiistii warkoodii been ayuu noqday. Dadka safafka dhaadheer ku jiray waxay caddeeyeen inay rabaan inay codkooda dhiibtaan, ayna ka daaleen nidaamka qabiilka. Markii mucaaradku diideen tartanka, doorashadii waxba kama dhimin; kaliya iyagaa saaxadda ka baxay. Diidmadoodu waxay dadka tustay in nidaamka 4.5 uu yahay mid madaxda dantooda ku ilaashadaan, ee uusan ahayn caddaalad.

Arrintani waxay saameyn weyn ku leedahay doorashada guud ee 2026. Mucaaradku waxay Kismaayo ka sheegeen inay sameynayaan “maamul barbar-socod ah” haddii aan heshiis la gaarin Janaayo 2026. Laakiin hanjabaadaas macno ma samaynayso marka la arko sanduuqa codbixinta oo shaqeynaya. Dooddii ahayd “doorasho toos ah ma dhici karto” way dhimatay. Dooddii kale ee ahayd “waa khatar badan tahay” iyana meesha ayay ka baxday.

Soomaaliya hadda marxalad cusub ayay gashay. Waxa ka dhacay Banaadir lagama noqon karo. Inkastoo weli ay jiraan caqabado, haddana dowladdu waxay tustay inay doorasho qaban karto xitaa xilli dagaal jiro. Hadda su’aasha taagani waxay tahay: Mucaaradku ma aqbali doonaan xaqiiqadan cusub, mise way diidi doonaan? Hadda, shacabku way hadleen, farriinta ay u direen madaxdana waa caddahay: Tareenka soo raaca ama gadaal u hara.