26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Maxamed Bin Salmaan oo sameeyey ballan-qaadkii ugu cuslaa kadib la-hadalka Trump

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ugu hambalyeeyay Donald Trump ku soo laabashadiisa Aqalka Cad, isaga oo taleefon ay ku wada-hadleen Khamiista maanta ah ku ballan-qaaday in Boqortooyada ay ballaarin doonto maalgashiga iyo ganacsiga ay la leedahay Mareykanka.

Hogaamiyaha aan rasmiga aheyn ee Sacuudi Carabiya ayaa hambalyo ka timid aabihiis, Boqor Salmaan u gudbiyey Trump, intii lagu jiray wada-hadalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Dhaxal sugaha ayaa intaas ku daray in boqortooyadu “ay ballaarin doonto maal-gashigeeda iyo ganacsigeeda Maraykanka, oo ay gaarsiin doonto ilaa 600 bilyan oo dollar muddo afar sano ah, lagana yaabo intaas ka badan”.

Dhinaca kale, wada-hadallo taleefoon oo isna uu la yeeshay dhaxal-sugaha, ayaa xoghayaha cusub ee Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio wuxuu kala hadlay arrimaha Suuriya, Lubnaan, Gaza iyo “khatarta ka imaaneysa Iran iyo kuwa raacsan”, sida lagu sheegay bayaan.

“Waxay sidoo kale ka wada hadleen faa’iidooyinka iskaashiga dhaqaale ee Maraykanka iyo Sucuudiga iyo fursadaha ay ku kobcin karaan dhaqaalahooda dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay AI,” ayuu yiri afhayeenka Rubio.

Intii lagu jiray maamulkiisii ugu horreeyay, Trump wuxuu si firfircoon ula macaamilay Sacuudi Carabiya, oo muddo dheer Washington u aheyd saaxiib tamar iyo ammaan.

Booqashadii ugu horeysay ee uu dibadda ku tago sanadkii 2017-kii waxa ay aheyd caasimadda Sacuudiga ee Riyaad, halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn ballaaran oo ay ka mid tahay qoob-ka-ciyaarka seefta iyo duulista diyaaradaha dagaalka.

Xiriirka ayaa markii dambe qaboobay iyadoo Amiir Maxamed uu ku eedeeyey Trump inuu ku guuldarreystay inuu si degdeg ah uga jawaabo ka dib markii 2019-kii weerar si weyn loogu eedeeyay Iran uu kala bar ka dhigay wax soo saarkii saliidda ceeriin ee Boqortooyada.

Riyaad iyo kooxda Trump si kastaba ha ahaatee waxay isku dayeen inay xoojiyaan xiriirka ka dib markii uu ka tagay Aqalka Cad, gaar ahaan iyada oo loo marayo maalgashi iyo heshiisyo dhismo oo lala galay shirkadda gaarka uu u leeyahay ee Trump Organization.

Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddogga u yahay Trump, ayaa sidoo kale difaacay in uu Sacuudiga ka helay maalgashi uu ku sameeyey shirkaddiisa gaarka ah, taasoo lagu sheegay 2 bilyan oo dollar.

Laakin xiriirka maamulkii Biden ayaa si weyn u soo hagaagay, waxayna labada dhinac isku dayeen in ay ka wada xaajoodaan waxa loogu yeero heshiis weyn kaas oo Sacuudigu uu ku aqoonsanayo Israa’iil si uu ugu beddasho heshiis difaac ah oo uu la galo Mareykanka iyo in laga caawiyo barnaamijka Nukliyeerka rayidka.

Heshiiskaas ayaa hakad galay ka dib markii Xamaas ay weerartay Israa’iil October 7, 2023, taasi oo horseeday dagaalka ka qarxay Marinka Gaza.

Muxuu Elon Musk ka yiri salaantii hadal-haynta badan ka dhalisay caleemo saarkii Trump

Washington (Caasimada Online) – Bilyaneerka Mareykanka ee Elon Musk ayaa cambaareeyay cabashadii ka timid salaantii halka gacan ee uu adeegsaday intii uu khudbadda ka jeedinaayay dabbaal-daggii caleema saarka madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump.

Intii lagu jiray xaflada ayaa Isniintii wuxuu u mahad naqay dadkii halkaasi isugu yimid asagoo uga mahadcelinaayay “guusha doorashada laga gaaray”.

Kahor intii uusan gacantiisa midig saarin halka wadnahiisu ku aaddan yahay asagoo sidaa hawada ugu taagay gacanta hortiisa – meel asaga toos ugu aaddan, intaasi kadibna sare ayuu u kacay, wuxuuna uguna celiyay falkaasi uu sameeyay dadka gadaashiisa fadhiyay iyana.

Dadka qaarkii ayaa ka shakiyay in barta X, oo uu isagu leeyahay ay tixraac u tahay salaantaasi Nazi-ga, laakiin maamulka X ma uusan ansixinin.

Isaga oo ka jawaabaya, Musk ayaa soo dhigay X: “Si daacadnimo ah haddii loo hadlo, ayagu waxay u baahan yihiin tabo xunxun oo intaasi dhaama. Dhihitaanka in ‘qof waliba yahay Hitler’ in ay tahay fikrad aad loo isticmaalay oo macnaheedii iyo saamaynteedii ku dhow yihiin inay lumaan.”

“Qalbigeyga ayaa adinka idinla jira. Waad mahadsan tihiin, mustaqbalka ilbaxnimada waa la dammaanad qaaday,” 53 sano jirka ayaa sidaasi sheegay kadib markii uu ku ishaaray salaanta labaad hal gacan.

Waxaa jirtay falcelin degdeg ah oo carqalad leh oo lagu soo gudbiyay baraha bulshada, ayadoo uu la jiray khilaaf ku saabsan ujeedooyinka Musk uu arrinkaasi ka lahaa.

“Taariikhyahanka faashiistaha ayaa halkan jooga,” sidaasi waxaa tiri Ruth Ben-Ghiat, oo ah barafasoor dhanka taariikhda qaabilsan oo ka tirsan jaamacada New York University. “Waxay ahayd salaan Nazi iyo salaan gardarro miiran ah.”

Laakiin dhaqdhaqaaqa Liddiga ku ah Sumcad Dilista, kaasi oo ah urur loo aasaasay inuu la dagaallamo Yuhuud Nacaybka, asagu waa ku khilaafay.

“Waxay u muuqataa in Elon Musk uu sameeyay ishaaro yaab leh waqti farxadeed, ee maahan salaam Nazi,” wuxuu uruku sidaasi ku qoray X.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa tebisay in Andrea Stroppa, oo Musk u ah taageere ahna xiriiriye ay leedahay Raisul Wasaaraha Talyaaniga ee garabka midigta fog ee Giorgia Meloni, uu soo dhigay muuqaal fiidiyoow ah oo ku saabsan Musk uuna soo qoray: “Waxaa soo laabatay Boqortooyadii Roman-ka, ayadoo ku bilaabanaysa salaanta Roman-ka”.

Salaanta Roman-ka waxaa aad ugu dhex isticmaalay Talyaaniga xisbigii faashiistaha ee Benito Mussolini ka hor intii uusan u qaadanin Adolf Hitler gudaha Jarmalka.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa tebisay in Stroppa uu mar dambe tiray qoraalkiisii. Wuxuu mar dambe soo dhajiyay “ishaarada, taasi oo dadka qaarkii ay ku khaldeen salaan Nazi, balse un ah Elon, oo qaba cudurka asaasaqa ee autism, asagoo dareenkiisa cabbirayay oo lahaa: Waxaan rabaa inaan ku siiyo qalbigeyga.”

“Taasi sida saxda ah waa waxa uu sheegay, maadaama Elon uu neceb yahay xagjiriinta!”

Ishaarada ayaa timid ayadoo jiheynta siyaasadeed ee Musk ay si isa sii tareysa ugu guurtay dhanka midig. Wuxuu dhawaan soo saaray bayaanno uu ku taageerayo xisbiga garabka midigta fog ee Jarmalka iyo Xisbiga Isbaddal-doonka ee ka dhanka ah hijrada ama socdaalka ee dalkaasi Ingiriiska.

Mar uu ka soo muuqday shirka sannadlaha ah ee madasha dhaqaalaha dunida ee Davos, Hoggaamiyaha Jarmalka ee Chancellor Olaf Scholz ayaa waxaa la weydiiyay wax ku saabsan ishaarada Musk ee salaanta Nazi-ga ee laga mamnuucay Jarmalka.

“Waxaanu leenahay xorriyatul qowl gudaha Yurub iyo gudaha Jarmalkaba,” Scholz ayaa sidaasi sheegay.

“Waxa aanaan anagu aqbalin in tani tahay taageero loo muujinayo meeqaamyada midigta fog. Waxaan doonayaa inaan arrinkaa ku soo celiyo mar kale.”

Musk wuxuu noqday mid ka mid ah dadka xulufada la ah ee ay isku dhow yihiin Trump, waxaana loo isticmaalay inuu wax ka hoggaamiyo waxa madaxweynuhu ugu yeeray “Waaxda Waxtarka Dawladda.”

Isha: BBC

Puntland oo eedeyn yaab leh u jeedisay dowladda Xasan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Iyada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe ayaa waxaa haatan maamulka fadhigiisu yahay Garoowe eedeyn culus oo yaableh u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Hadal uu maanta jeediyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa waxa uu ku weeraray dowladda federaalka, isaga oo ku eedeeyay inay caqabad ku tahay daryeelidda dhaawacyada ciidamada Puntland ee dagaalka kula jiro kooxda Daacish.

Ilyaas Lugatoor ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dowladda dhexe aanay weli wax taageero ah siinin Puntland, ayna  ku fashilantay kaalmada dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay ka maamul ahaan iyagu tashan doonaan , isla-markaana wax taageero ah aanay waydiisan doonin xukuumadda Soomaaliya.

“Dawladda Federaalka annagu ka codsan mayno taageero, wayna ku fashilantay inay gacan siiso dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish. Dhaawacii u dambeeyay ee la qaadi lahaa ayay hor istaagtay ogolaanshihiisa,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askartii ugu dambeeyay ee ku dhaawacmay dagaalka kooxda Daacish loo qaaday dhanka dalka Ethiopia, kaddib markii dowladda dalkaasi ay ka caawisay Puntland in ciidamada dhaawacyada culus qaba halkaasi lagu soo daaweeyo.

Dagaalka Puntand iyo Daacish ayaa sii xoogeysanaya, waxaana maanta ugu dambeysay ay kooxda ciidamada maamulkaasi ku weerartay diyaarad ay kasoo buuxisay walxaha qarxa, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal askari, halka ay ku dhaawacmeen illaa saddex kale.

Daacish oo diyaarad siday qaraxyo ku weerartay ciidanka Puntland + Khasaaraha

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta kooxda Daacish ay diyaarad qarax siday ku weerartay ciidamada Puntland ee haatan howlgallada xoreynta ka wada aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Janno Jiifta, oo kamid ah meelaha laga xoreeyay kooxda Daacish.

Diyaaradda oo ahayd nooca Drone-ka ayaa waxaa lagu soo xiray, waxaana lagu beegsaday ciidamada difaaca ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Ugu yaraa 1 askari ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah

Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemaya buuraha oo ay isku hayaan labada dhinac.

Saraakiil u hadashay ciidanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howlgalkooda, ujeedkoodana uu yahay in dhulkaasi laga sifeeyo argagixisada.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in tan iyo markii uu bilowday dagaalka ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan saldhigyo muhiim ah oo kooxda ku lahayd deegaanka Janno Jiifta ee gobolka Bari.

Weerarkan diyaaradda loo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, xilli dhowaan Puntland ay shaacisay inay burburisau  diyaarado Drones ah oo ay adeegsanayeen xubnaha kooxda Daacish ee ay kula dagaalameyso dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Sawirrada diyaaradahaas oo ay hiray baahisay Puntland ayaa waxa ay noocooda ku sheegtay inay yihiin kuwa wax basaasa, ayna kooxda u adeegsaneysay ciidamada howlgalka wada, waa sida maanta dhacday, kadib qaraxyada ay kusoo xireen diyaaradda.

Si kastaba, Puntland ayaa qaaday guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Bari, halkaas oo qorshuhu yahay in laga xoreeyo.

Golaha wasiirada oo muddada u cusbooneysiiyay guddiga…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda guddiga maamulka hay’adda naafada qaranka.

Golaha Wasiirrada ayaa guddigan u igmay inay sii wadaan howlaha illaa 4 sano ee soo socoto, taas oo xil-hayntooda ku eeg tahay 2029-ka.

Afar sano kahor ayey aheyd markii golaha wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen guddiga sare ee maamulka hay’adda qaran ee naafada Soomaaliyeed, markaasi oo uu ra’iisul wasaare ahaa Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka golaha oo uu guddoominayey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu ansixiyey siyaasadda dhijitaalka ah ee loo dhanyahay iyo istaraatiijiyadda nidaamka dowladda ee danabaysan.

Intii uu socday shirka waxa kale oo golaha lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka, kormeerka ra’iisul wasaare ku-xigeenka ee wasaaraddaha iyo hey’addaha dalka.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta dhaqaalaha dalka iyo isbeddelka sare u kac ee ku yimid, taas oo uu bogaadiyay golaha.

CIRRO oo maanta qaaday tallaabo si weyn loo sugayay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa maanta magacaabey xilal si weyn loo sugayay tan iyo markii uu yimid Qasriga Madaxtooyadda ee looga taliyo Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa magacaabay Taliyeyaasha cusub ee ciidanka milateriga iyo kan booliska kadib markii uu ka qaaday saraakiishii hore oo intii ay is-hayeen xukuumaddii hore ku kacay falal halis geliyay nolosha madaxweynaha haatan tallada jooga.

Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka (milateriga) ayaa wuxuu madaxweynaha u magacaabay Sarreeye Guuto, Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug oo kamid saraakiisha da’da yar ee ciidanka.

Sidoo kale waxaa Taliyaha ciidanka booliska Somaliland loo magacaabay Sarreeye Guuto, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Allaale oo loo yaqaano Cabdi Dheere.

Madaxweynaha Cirro ayaa taliyeyaashi hore ee ciidanka milateriga iyo booliska, Nuux Ismaaciil Taani iyo Maxamed Aadan Saqadhi u magacaabay la-taliyayaal.

Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 23/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-0047/012025 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska .

Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabis

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey: Muhiimadda ay Ciidammada kala duwan ee Qaranku u leeyihiin, Madax-bannaanida Qaranka, Difaaca, Ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gudaha, Badbaadinta iyo illaalinta nafta iyo hantida bulshada, Dhawridda Xorriyaadka aasaasiga ah iyo Fulinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan ku qancay: Aqoontooda, Kartidooda, naf-hurnimadooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo, isla markaana ay hanan karaan waajibaadka & mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey laga bilaabo taariikhda maanta;

1. In Sarreeye Guuto, Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Sarreeye Guuto, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Allaale (Cabdi Dheere) uu ahaado, Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Sarreeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Sarreeye Gaas, Maxamed Aadan Saqadhi, uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay wafdi sare oo ay Soomaaliya u dirtay Jigjiga

Jijiga (Caasimada Online) – Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay wafdi heer wasiir ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya u dirtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo Wasiir ku xigeenka Batroolka iyo Macdanta Cabdiwahaab Cumar, waxaana lagu soo dhaweeyay gudaha magaalada Jigjiga oo lagu qabanayaa munaasabad lagu xusayo Xeerka Bulshada Ciisaha oo dhowaan helay aqoonsi caalami ah.

Waa Xeer u gaar ah Beesha Ciise ee Dir, Ciisaha ayaa dega dalka Jabuuti, waxaana ka dhashay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale Beesha Ciise ayaa degta qeybo badan oo kamid ah gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Haddaba sidee looga falceliyay safarka wafdigan ka dagay magaalada Jigjiga?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay socdaalkan, maadaama mas’uuliyiin heer federaal ah ay ka dageen dhul Soomaaliyeed oo haatan ay haysato Itoobiya, inta badan shacabka ayaa dhaliilay arrintan, waxayna qaarkood su’aallo ka keeneen in aan meesha laga soo muujin Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maxamed Cali “2014 Xasan Sheekh baa ka degay Jigjiga iyada oo Madaxwayne Soomaaliyeed oo dhulkaas la haysto cag dhigay uusan horay u jirin”.

Saciid Maxamed “DDS miyaan noqonay aaway Calankii Jamhuuriyadda Somaaliya?

Akhyaar Axmed “Dawlad deegaanka Soomaali galbeed wax la dhahaa ma jiree magaca noo saxa”.

Cabdiweli Nuur “Waayahee aaway calankeenni war wuxu metalaad xumaa, wallee kani Soomaali ma metaleyn ee kaligiis ayuu iska socday”.

Cabdiraxmaan Hadhaawe “Jigjiga waxa lagu xusaya maalintii dowlad deegaanka Soomaali galbeed, qoralku waa idinka khaldanyahay”.

Cabdullahi Cabdi Hagar “Calan soow ma lihin dhibkaan bal eega ceebaa dhacday”

Amar lagu soo xirayo Bashaar Al-Asad oo la soo saaray

Paris (Caasimada Online) – Laba garsoore oo Faransiis ah oo baaritaanno sameeya ayaa soo saaray warqad lagu soo xirayo madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-Asad, iyadoo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dambiyo dagaal.

Tallaabadan ayaa ah tii labaad oo nooceeda ah oo ay qaadaan waaxda garsoorka Faransiiska, sida uu sheegay ilo wareed.

Asad, oo xilka laga tuuray dabayaaqadii sanadkii hore kadib duulaan degdeg ah oo ay qaadeen xoogag Islaamiyiin ah, ayaa lagu eedeeyay warqadda lagu soo xirayo inuu ahaa “taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida” xilligii duqeyn ka dhacday magaalada Daraa ee Suuriya sanadkii 2017 taasoo lagu dilay qof rayid ah, sida uu sheegay ilo wareed ku dhow kiiska oo codsaday inaan la magacaabin.

Amarkan ayaa la soo saaray iyadoo qayb ka ah baaritaan lagu sameynayo kiiska Salah Abou Nabout, oo ahaa 59 jir haysta dhalashada Faransiiska iyo Suuriya isla markaana ahaa macallin hore oo Faransiis ah, kaasoo la dilay 7-dii Juun 2017 kadib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada Suuriya ay duqeeyeen gurigiisa.

Garsoorka Faransiiska ayaa aaminsan in Asad uu amray isla markaana bixiyay agabkii loo adeegsaday weerarkan, sida laga soo xigtay ilo wareedka.

Lix sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa horey loogu soo oogay warqado lagu soo xirayo oo Faransiis ah oo ku saabsan kiiska baaritaanka oo billowday 2018.

“Kiiskan wuxuu ka dhigan yahay guusha halgan dheer oo loogu jiro caddaaladda, kaasoo aniga iyo qoyskeyguba aan rumaysnayn tan iyo bilowgii,” ayuu yiri Omar Abou Nabout, oo ah wiilka marxuumka, oo bayaan soo saaray.

Wuxuu rajo ka muujiyay in “maxkamadeyn ay dhici doonto isla markaana dembiilayaasha la qaban doono oo la xukumi doono, meel kasta oo ay joogaan”.

Xasaanaddii oo luntay

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa bishii November 2023 soo saaray warqaddii ugu horreysay ee lagu soo xirayo Asad oo ku saabsan weeraro kiimiko ah oo dhacay 2013 halkaasoo in ka badan kun qof, sida laga soo xigtay sirdoonka Mareykanka, lagu dilay gaaska sarin.

In kasta oo ay u arkeen in ka qaybgalka Asad ee weeraradan uu yahay “mid dhici kara”, dacwad oogayaasha guud ayaa sanadkii hore racfaan ka qaatay warqadda lagu soo xirayo iyagoo ku sababeeyay in Asad uu lahaan lahaa xasaanad maadaama uu yahay madaxweyne.

Si kastaba ha ahaatee, xilka qaadista ayaa hadda bedeshay xaaladdiisa iyo xasaanaddii suurtagalka ahayd. Asad iyo qoyskiisa ayaa u qaxay Ruushka kadib markii uu xilka ka degay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ruushka.

Guud ahaan, nidaamka garsoorka ee Faransiiska ayaa soo saaray 14 warqadood oo lagu soo xirayo mas’uuliyiinta Suuriya, sida laga soo xigtay tirakoobka AFP.

Tan iyo markii ay billowday 2011 iyadoo si arxan darro ah loo caburinayo dibadbaxyada ka dhanka ah Asad, dagaalka Suuriya ayaa dilay in ka badan nus milyan oo qof wuxuuna burburiyay dhaqaalaha dalka.

Tobanaan kun oo qof ayaa lagu xiray laguna jirdilay xabsiyada dalka, halka Asad lagu eedeeyay inuu hub kiimiko ah, oo ay ku jiraan gaaska sarin ee la mamnuucay, u adeegsaday dadkiisa.

Jimcihii, dacwad oogaha guud ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah Karim Khan ayaa la kulmay hogaamiyaha maamulka cusub ee Suuriya Axmed Al-Sharaa.

Booqashadaas ayaa dhalisay rajo ah in caddaalad iyo isla xisaabtan laga helo xadgudubyada la galay intii uu Asad xukunka hayay.

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabab oo dagaal lagu dilay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo xalay ka dhacay gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu dagaal xoogleh ka dhacay aagga deegaanka Ceelgaras oo u dhexeeyo degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac.

Saraakiil u hadashay ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay inay ka war heleen goob ay isku uursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayna ku sugnaayeen horjoogayaal, kadibna ay sidaasi ku weerareen, waxayna tilmaameen inay xogta ka heleen dadka shacabka ah oo ay dhibaato ku hayeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay goobta ku dileen saraakiil sar sare iyo maleeshiyaadkii la socday, kuwaas oo tilmaameen inay u qaabilsanaayeen dhanka miisaaniyadda iyo lacag uruurinta.

Ma shaacin saraakiishu tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka ay ku beegsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugnaa aagga deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaal rogaal celis ah ay soo qaadeen Al-Shabaab, kadibna ay afduubteen ganacsato deegaanka ku sugnaa oo la sheegay inay horay u kaxeyseen.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda sare ee maamulka Galmudug oo ku aadan howlgalkaasi iyo ganacsatada la sheegay in Al-Shabaab ku afduubteen halkaasi.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Duulimaadyada Soomaaliya oo weli xayiran iyo sababta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa weli xayiran duulimaadyada Soomaaliya kadib markii shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya ay si buuxda u hakiyeen dhammaan duullimaadyadii gudaha iyo dibadda laga bilaabo Arbacadii shalay, Janaayo 22, 2025, taasi oo sababtay in boqolaal rakaab ah oo u socdaalayay Muqdisho ay xayirmaan.

Hakintan ayaa timid kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay dowladda federaalka iyo shirkadaha diyaaradaha, kaasoo ku saabsan koror canshuureed oo lagu soo rogay duulista hawada.

War-saxaafadeed uu soo saaray Ururka Shirkadaha Duullimaadyada Soomaaliyeed, oo matalaya ku dhawaad 20 shirkadood oo diyaaradeed, ayaa lagu shaaciyay hakinta duullimaadyada, iyadoo sababaha ugu waaweyn ee go’aankan adag loo qaatay lagu sheegay khilaafaad aan xal loo helin oo kala dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya (SCAA).

“Laga bilaabo Arbacada, Janaayo 22, 2025, Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed waxay si buuxda u hakiyeen dhammaan duullimaadyadii gudaha iyo kuwa caalamiga ah illaa xal waara laga gaarayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Go’aankan wuxuu saameyn ku yeeshay safarrada gudaha iyo kuwa caalamiga ah labadaba, isagoo carqaladeeyay adeegyadii ay heli jireen kumanaan rakaab ah. Iyadoo ka jawaabeysa shaacintan, Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed u gaar ah, iyadoo beenisay sheegashooyinka ah in carqaladeynta duullimaadyada ay sabab u tahay kororka canshuuraha.

Waxay ka digtay faafinta waxa ay ugu yeertay “warar been abuur ah” waxayna bixisay faahfaahin ku saabsan sababta diyaaradaha loo joojiyay, iyadoo sheegtay in dhowr diyaaradood la joojiyay kadib markii baaritaanno lagu ogaaday cillado dayactir.

“Hay’adda Duulista Hawada waxay baaritaanno ku sameysay diyaaradaha gudaha waxaana ay ogaatay arrimo khatar gelin kara badqabka rakaabka. Diyaaradahan ma duuli karaan illaa dayactirka lagu sameeyo si waafaqsan sharciga,” ayay tiri hay’adda duulista.

Walaac ku saabsan howlgallada

Hay’adda duulista waxay sidoo kale walaac ka muujisay hab-dhaqannada howlgallada ee qaybta duulista hawada Soomaaliyeed. Waxay tilmaamtay arrimo ay ka mid yihiin maamulka adeegga rakaabka oo liita iyo ku tiirsanaanta shirkado kale oo diyaaradeed si ay u buuxiyaan waddooyinka duulimaadka sababo la xiriira dib u dhacyada dayactirka ama diyaarado howlgala oo aan jirin.

“Shirkado diyaaradeed oo qaar ayaa ka howlgala caasimadda iyagoo aan lahayn diyaarado, waxayna rakaabka u qabtaan duullimaadyo ay leeyihiin shirkado kale, taasoo carqaladeysay adeeggii loo qaban lahaa gobollada qaar,” ayay tiri hay’adda.

Marka la eego caqabadahan, maamulka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde wuxuu faray Favori, shirkadda gaarka loo leeyahay ee maamusha garoonka, inay diido in shirkadaha diyaaradaha ee aan lahayn diyaarado howlgala oo ku sugan garoonka ay helaan miiska adeegga (counter).

Hakinta duullimaadyada ayaa durba sababtay carqalad weyn oo soo wajahday rakaabka.

Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi, qiyaastii 200 oo rakaab ah oo lagu waday inay u duulaan Muqdisho ayaa ku xayirmay aroortii hore ee Arbacada.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay joojisay saddex duullimaad oo loogu talagalay inay qaadaan rakaabkan.

Sidoo kale, Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa baajiyay dhowr duullimaad oo gudaha ah oo loo qorsheeyay inay ka baxaan. Baajinta ayaa ku qasabtay rakaab badan, kuwaas oo sugayay inay u safraan gobollo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah, inay sameystaan qorshe kale ama dib u dhigtaan safarkooda.

Ma cadda haddii duulimaadyada ay maanta dib u billaabi doonaan iyo haddii kale.

 

Warbixin naxdin leh: 71,000 qof oo ku dhintay Soomaaliya 2022-2024 + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin naxdin leh oo ay soo saareen Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ee Soomaaliya, UNICEF iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa lagu qiyaasay in 71,100 qof ay u dhinteen intii u dhaxaysay Janaayo 2022 iyo Juun 2024 taasoo ka dhalatay abaaraha daran ee ku dhuftay qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya sanadkii 2022.

Warbixintan oo loogu magac daray “Aragti ilaa Ficil: Warbixin ku Saabsan Qaababka Dhimashada ee Soomaaliya”, ayaa sidoo kale lagu xusay in qiyaastii 40 boqolkiiba dhimashadan lagu qiyaasay inay ka dhex dhacday carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano. Abaartu waxay saamaysay 7.9 milyan oo qof – ku dhawaad kala bar dadweynaha dalka – waxayna dalka gaarsiisay qarka macaluul.

Sida lagu sheegay daraasaddan, dhimashada ugu badan waxay ka dhacday gobollada koonfurta-bartamaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan Banaadir, Bay, iyo Shabeellaha Hoose. Si kastaba ha ahaatee, inkastoo heerarka amni-darro cunto ay aad u sarreeyeen, haddana gobollada waqooyi-bari waxaa ka dhacay dhimasho aad u yar.

Iyadoo ay jireen dadaallo wadajir ah oo ay sameeyeen dowladda Soomaaliya iyo bahwadaagteeda gargaarka bani’aadamnimada, ayaa si dirqi ah looga hortagay macaluul, laakiin dalka waxaa soo gaaray khasaare nafeed oo aad u badan.

“Wasaaradeyda ahaan, waxaan diiradda saareynaa abuurista nidaam caafimaad oo xooggan oo adag kaasoo saldhig u ah bulsho caafimaad qabta oo horumarsan. Ujeeddada ugu weyn ee nidaamkan ayaa ah in si isku-dhafan loo gaarsiiyo adeegyada caafimaadka iyo nafaqada, heerka ugu hooseeya ee silsiladda adeeg-bixinta caafimaadka, si mudnaanta koowaad loo siiyo carruurta iyo haweenka nugul,” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka, Cali Xaaji Aadan Abuubakar, intii lagu guda jiray daah-furka warbixinta oo ka dhacday Muqdisho.

Daraasaddan waxaa soo saaray UNICEF iyo WHO, waxaana fuliyay Iskuulka Nadaafadda iyo Caafimaadka Kuleylaha ee London, Imperial College London, iyo Jaamacadda SIMAD ee Soomaaliya, iyadoo lagu cusbooneysiiyay warbixintii ugu horreysay ee la daabacay bishii Maarso 2023 taasoo lagu qiyaasay in 43,000 oo dhimasho dheeraad ah ay sabab u ahayd abaartii 2022.

“Natiijooyinka daraasaddan waxay muujinayaan saameynta qotoda dheer ee abaartii 2022-2024 ay ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed. Iyadoo in ka badan 70,000 oo qof ay dhinteen, oo u badnaa carruur, tani waa xasuusin cad oo ku saabsan baahida degdegga ah ee taageero joogto ah iyo dadaallada dhismaha adkeysiga ee Soomaaliya,” ayay tiri Wakiilka WHO ee Soomaaliya, Dr. Renee van De Weerdt Renhilde.

Ka-hortagga xaaladaha deg degga ah ee caafimaadka

Waxay intaa ku dartay in natiijooyinka daraasaddu ay hoosta ka xarriiqayaan muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamka ka-hortagga, diyaar-garowga, u-diyaar ahaanshaha iyo adkeysiga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka ee Soomaaliya si wax ku ool ah looga jawaabo xaaladaha degdegga ah loona siiyo daryeel joogto ah dadka u baahan.

“WHO waxay sii waddaa inay la shaqeyso dowladda Soomaaliya iyo bahwadaagteeda si loo xaqiijiyo in bulshooyinka aan kaliya laga ilaalin xilliyada dhibaatooyinka balse sidoo kale loo xoojiyo si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinka mustaqbalka,” ayay xaqiijisay.

Daraasaddu waxay bixineysaa falanqeyn dib-u-eegis ah oo ku saabsan saameynta abaartu ku yeelatay dhimashada dadweynaha guud ahaan Soomaaliya, taasi oo u adeegta xasuusin ku saabsan saameynta ba’an ee isbeddelka cimiladu ku leeyahay qoysaska nugul ee dalka.

Dhanka kale, dalku wuxuu weli la daalaa-dhacayaa dhibaatooyinka soo noqnoqda ee ka dhasha dhacdooyinka cimilada sida abaaraha iyo fatahaadaha, sidoo kale isku dhacyada, amni-darrada, iyo cudurrada faafa ee sii kordhinaya baahiyaha bani’aadamnimo.

Khubarada ayaa saadaaliyay in amni-darrada cunto ee daran ay weli baahsan tahay, iyadoo 4.4 milyan oo qof la saadaalinayo inay la kulmaan heerar macaluuleed iyo 1.6 milyan oo carruur ah la filayo inay la ildaran yihiin nafaqo-darro daran sanadkan, taasoo gelinaysa khatar sare oo dhimasho iyo dib-u-dhac korriin joogto ah.

“Maadaama kheyraadka looga jawaabayo baahiyaha bani’aadamnimo ay noqdeen kuwo xaddidan, dowladda iyo bahwadaagteeda waa inay sii wadaan sahaminta maalgashi cusub si loo ballaariyo gaaritaanka adeegyada isku-dhafan ee nolosha lagu badbaadinayo, oo ay ku jiraan caafimaadka, nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka. Iyadoo la tixgelinayo dabeecadda soo noqnoqoshada ee dhibaatooyinka cimilada, waa inaan sidoo kale kordhinnaa maalgashiga adkeysiga bulshada ee dhibaatooyinka mustaqbalka, ficilka ka hortagga ah iyo ka hortagga cudurrada faafa,” ayay tiri Wakiilka UNICEF Wafaa Saeed intii ay socotay munaasabadda oo sidoo kale uu ka soo qeyb galay Mudane George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Isuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay Qaahira + Ujeedka

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo duulay dalka Switzerland ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Sida aan shalay ku sheegnay xog ay heshay Caasimada Online MadaxweyneXasan Sheekh ayaa martiqaad ka helay dhiggiisa dalka Masar, Cabdulfataax Al-Siisi oo ay kulamo xasaasi ah ku yeelan doonaan gudaha magaalada caasimada ah ee Qaahira.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doono xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Xasan iyo Al-Siisii ay wadahadalladooda diiradda ku saari doonaan arrimo la xiriira howlgalka ciidanka AUSSOM oo Masaarida door ka qaadanayso, heshiiskii iskaashiga amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Waxaa kale oo ay xoogga saari doonaan horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaan siinayaan kor u qaadidda fursadaha is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi martiqaadka diirran iyo sida ay dowladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu salka ku hayo walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah, iyo danaha guud ee labada shacab” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Masar ayaa dhowaan gaaray is faham hoos loogu dhigayo xiisaddii Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy la galay horraantii sanadkii hore maamulka Somaliland.

Si kastaba, ujeedka ugu wayn ee dowladda Masar ayaa in haatan ah ay si toos ah ugada gasho qorshaha ay ku xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya.

Falanqeeyayaasha ayaa dhankooda sheegaya in joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso gudaha Soomaaliya inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Dowladda Masar ayaa haatan la filayaa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyso cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowday sanadkan cusub.

 

DF oo Jigjiga u dirtay wafdi wasiirro ah – Muxuu yahay qorshaha culus ee safarkan?

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi wasiirro ah u dirtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al/Cadaala iyo Wasiir ku xigeenka Batroolka iyo Macdanta Cabdiwahaab Cumar ayaa hoggaaminaya wagdiga gaaray magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida Itoobiya.

Halkaas waxaa lagu qabanayaa munaasabado lagu xusayo Xeerka Bulshada Ciisaha oo dhowaan helay aqoonsi caalami ah.

Waa Xeer u gaar ah Beesha Ciise ee Dir, Ciisaha ayaa dega dalka Jabuuti, waxaana ka dhashay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale Beesha Ciise ayaa degta qeybo badan oo kamid ah gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Xeerka Beesha Ciise waxaa si wadajir ah u aqoonsaday dawladaha Soomaaliya, Ethiopia iyo Jabuuti.

Sidoo kale Xeerka Bulshada Ciise waxaa aqoonsatay Hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobey, wuxuuna kamid noqday xeerarka laga tixgeliyo qeybo kamid ah caalamka.

Munaasabado lagu waynaynayo Xeerkaan oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin ka kala socda dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Ethiopia ayaa lagu qabanayaa magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhaba ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Somalia: Finance minister tightens grip on oil sector

MOGADISHU, Somalia – The Federal Government of Somalia has announced issuing and approving a new Petroleum Fiscal Regime Regulation, effective immediately. The decree (Ref: MOF/OM/0008/2025), signed by the Minister of Finance, H.E. Bihi Iman Egeh, was dated January 18, 2025.

The new regulation focuses specifically on the fiscal framework governing petroleum activities within the country. The Ministry of Finance stated that the regulation is intended to promote fiscal responsibility, improve transparency, and drive sustainable economic growth in Somalia’s emerging petroleum sector.

The Ministry highlighted the need for comprehensive regulations to complement the existing Extractive Industries Fiscal Regime Law of 2023, recognizing their importance in effectively implementing laws duly passed by Parliament.

The regulation issuance is also based on powers granted to the Minister of Finance under Article 6 of the Revenue Administration Law 2019.

Potential power shift

While the Ministry of Finance frames the regulation as a necessary step for good governance, particularly as the country attempts to develop its oil and gas resources and attract further investment, the direct control over petroleum fiscal matters being asserted by the Ministry of Finance has raised questions.

By placing the fiscal regulations of the petroleum sector under the Finance Ministry’s authority, the move shows diminished confidence in the Ministry of Petroleum’s ability to manage this aspect of the industry.

Furthermore, it effectively reduces the scope of authority held by the Minister of Petroleum regarding the financial aspects of their domain.

This comes at a time when Somalia is actively engaging in significant deals with foreign entities, such as the recent agreements with Turkey and Coastline Exploration, further emphasizing the critical role of the petroleum sector in the nation’s economic future.

According to the decree, the Petroleum Fiscal Regime Regulation has been made publicly available on the Ministry of Finance’s official website. Each page of the regulation bears the Minister’s initials for authentication.

Recent petroleum deals 

The issuance of these new regulations follows a period of heightened activity in Somalia’s petroleum sector. In February 2023, Somalia signed a landmark production-sharing agreement with Coastline Exploration, a US-based company, for seven offshore oil blocks.

Adding another layer to the sector’s development, Somalia signed a significant agreement with Turkey in early 2024. This agreement encompasses oil exploration in Somalia’s sea and land and also includes provisions for potential Turkish involvement in other aspects of the petroleum industry, including refining and infrastructure development.

The deal with Turkey, a close ally of Somalia, is a strategic move to diversify partnerships and accelerate the development of the country’s petroleum resources.

History of Somalia’s petroleum sector

Somalia is considered a frontier market in the oil and gas industry. While the country is believed to possess significant offshore hydrocarbon reserves, exploration and production have been hampered for decades by political instability, security concerns, and a lack of a comprehensive legal and regulatory framework.

Exploration activities in Somalia began in the 1950s, but discoveries were limited. Interest was renewed in the early 2010s, and some companies like Shell and Exxon Mobil had exploration blocks. They all declared force majeure due to insecurity.

The Ministry of Finance has not provided further details on the specific provisions within the new regulation. However, its issuance signals the Somali government’s commitment to establishing a robust regulatory environment for its petroleum industry, albeit one that potentially shifts the balance of power between ministries as the country navigates the complexities of developing its petroleum resources and managing new deals with foreign investors.

Fahad Yaasiin: Maamul ahaan iyo damiir ahaan Xasanka hadda jooga ayaa wanaagsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay “Labo su’aal iyo labo jawaab” oo ku socda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Fahad ayaa su’aashiisa ka dhigay “Maxay ku kala duwan yihiin Xasan Sheekhii (2012/2017) iyo Xasan Sheekha (2022/2026)?”

Intaas kadib Fahad wuxuu cabiray fikirkiisa wuxuuna su’aashiisa uga jawaabay, “Kan runta ah ee saxda ah maamul ahaan iyo damiir ahaan Xasanka haddeer jooga ayaa wanaagsan.”

Wuxuu sababeeyey aragtidiisa wuxuuna yiri, “Xasankii hore waxaa qarinayey saaxiibo, cabsi iyo faham yari dowlanimo uu la noolaa.”

Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa su’aal geliyey sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga aamusay dagaalka ay Puntland la gashay Daacish.?

Fahad oo cabiray aragtidiisa ku aadan su’aashaas ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu Puntland u arko maamul aan saameyn badan ku laheyn dalka.

“Madaxweynuhu wuxuu u arkaa Puntland meel ka fog maskax ahaan iyo masaafo ahaan, sidaas darteed dhib iyo dheef midna ma dareemo waxa ka dhacaya Puntland,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.

Mareykanka oo joojiyey socdaalka qaxootiga ee dalkiisa + Sababta

0

Washington (Caasimada Online) –Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa joojisay socdaalka qaxootiga ee dalka Mareykanka, waxayna hakisay dhammaan howlihii socday ee qaxootiga, sida ku cad warqad ay heshay warbaahinta Mareykanka ee CBS.

“Dhammaan safarradii horey loo qorsheeyay ee qaxootiga ee Mareykanka waa la baajiyay, mana jiri doono ballan cusub oo socdaal,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Lama cayimin inta ay socon doonto hakinta ay ku dhawaaqday dowladda Mareykanka.

Qoraalka oo soo jeedinaya in hakintaasi ay si deg deg ah u dhaqan gasho ayaa daba socda amar fulineed oo uu saxiixay madaxweyne Donald Trump.

Amarka Trump ayaa ahaa in la joojiyo qaabilaada qaxootiga u socdaalaya Maraykanka laga bilaabo 27-ka bishaan Janaayo.

Amarka ayaa dhigaya in Maraykanku “ay lahayn awood uu ku qaato tiro badan oo muhaajiriin ah, gaar ahaan qaxootiga”.

Xeerku waxa uu joojinayaa USRAP ilaa galitaanka dheeraadka ah ee qaxootiga Maraykanka ‘waxaana la waafajinayaa danaha Maraykanka.’

Trump ayaa sidoo kale tarxiil u qorsheeyey dadkii tahriibka ku galay Mareykanka, kuwaas oo ay ku jiraan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo tahriib dheer kadib derbiga ka booday.

DF oo sheegtay inay deg-deg ugu baahan tahay lacag ka badan $1 bilyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in lama huraan tahay in deg-deg la helo lacag dhan 1.42 bilyan oo dollar, si wax looga qabto xaaladda abaareed ee dalka oo haatan kasii dartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa arrintan uga dhowaaqwday shirka daah-furka qorshaha ka jawaabista baahida bini’aadannimo ee Soomaaliya ee sanadka 2025, kaasi oo ay wada-jir u guddoomiyeen guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka (SODMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay George Conway.

Shirkaan oo diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ayaa lagu xusay in dad gaaraya 5.98 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, taasoo lama huraan ka dhigeysa in la helo lacag dhan 1.42 bilyan oo dollar si loo gaaro dad ku dhow 4.57 milyan oo ruux oo abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen.

Shirka waxaa kasoo qayb galay madax ka socota hay’adaha caalamiga ah, qaar kamid ah wasiirrada dowlad goboleedyada iyo dallada ururrada NGO-yada ee Soomaaliya, si loo helo jawaab-celin isku-dhafan iyo u gurmashada dadka nugul ee haweenka, carruurta, waayeelka, naafada iyo dadka la heeb sooco ugu horreeyaan.

Horey, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday xaalad deg-deg ah, kadib markii ay kasii dartay marxalada abaareed ee dalka, uuna baaqday xilli roobaadkii dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.

Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ahm halka 3.2 million oo dadkaas nugul kamid ah ay wajahayaan xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen, sida uu shaaciyay guddoomiyaha SODMA.

Dadkan ayaa weli u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.42 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.

Nin ka tegay Mareykanka oo weerar culus ka fuliyey Israel

Tel Aviv (Caasimada Online) – Qof ajnabi ah ayaa Talaadadii shan qof ku tooreeyey magaalada Tel Aviv ka hor inta aan la toogan oo la dilin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil.

Mindiyeynta ayaa ka dhacday goob mashquul badan oo ah meel lagu caweeyo oo ku taal caasimadda ganacsiga ee Israa’iil.

“Argagixiye mindi wata ayaa bilaabay inuu dadka ku tooreeyo waddada Nahalat Binyamin, isagoo dhaawacay afar rayid ah,” ka hor inta uusan dhaawicin qofkii shanaad oo meel u dhow joogay, sida booliisku sheegeen.

Booliisku waxay sheegeen in qofka weerarka fuliyey uu ahaa 28-jir ajnabi ah oo ay toogteen ciidamada ammaanku. Sawir-qaadaha AFP ayaa arkay meydka nin ah oo yaalla waddada.

Warbaahinta gudaha Israel ayaa weriyey ninka weerarka fuliyey uu u dhashay Morocco balse uu haystay sharciga deganaanshaha Mareykanka ee Green Card. Waxaa magaciisa lagu sheegay Abdelaziz Kaddi.

Isbitaalka Ichilov ee Tel Aviv ayaa sheegay in ay qaabileen saddex dhibane oo tooreey lagu weeraray, oo uu ku jiro mid “xaaladdiisu aad u liidato oo dhaawac mindi ah ka soo gaaray qoorta” kaas oo qalliin lagu sameeyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Moshe Arbel ayaa sheegay in tuhmanaha lagu waraystay markii uu soo gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Ben Gurion ee Tel Aviv loona oggolaaday inuu dalka soo galo.

Wuxuu ku cadaadiyay madaxa hay’adda ammaanka gudaha ee Shin Bet, Ronen Bar, inuu “baaro dhacdadan halista ah oo uu casharro ka barto sida ugu dhakhsaha badan”.

Shin Bet ayaa sheegtay in ninkan la waraystay lana marsiiyay “baaritaanno dheeraad ah”.

“Waxaa la go’aamiyay in aysan jirin xog caddaynaysa sababo looga hortagi karo inuu u soo galo Israa’iil sababo amni awgood,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka hay’adda, iyadoo intaa ku dartay inay arrintan baari doonto.

Iyadoo aan sheegan mas’uuliyadda, kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku ammaantay weerarka, iyagoo ku tilmaamay “hawlgal tooreey ah oo geesinimo leh” oo muujinaya in iska caabinta Israa’iil ay “sii kordhayso”.

Waa weerarkii labaad ee tooreey ah ee ka dhaca Tel Aviv muddo afar maalmood gudahood ah, ka dib markii weeraryahan kale uu si xun u dhaawacay qof Sabtidii ka hor inta uusan toogan qof rayid ah oo hubeysnaa.

QATAR oo mashruuc muhiim ah ka fulinaysa G/Banaadir + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee xarunta keydka daawada ee gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose Xamar.

Mashruucan oo ay fulintiisa door weyn ku leedahay hay’adda Qatar Charity ayaa awaxay iska kaashan doonan maamulka gobolka Banaadir, waxaana dhagax dhiga goobjoog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir.

Aggaasimaha waaxda caafimaadka ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar Cabdiraxmaan Axmed Maxamud oo dhagax dhiga mashruucan ka mahad-celiyay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay hirgalinta dhismaha keydka Daawada.

Madaxa mashaariicda hey’adda Qatar Charity Cabdicasiis Jaasim ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin taageerada barnaamijyada lagu horumarinayo dib u dhiska magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay fulinta mashaariic wax tar u leh bulshada gobolka Banaadir iyo in caasimadda ay la tartanto magaalooyinka dhigeeda ah.

Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna ka fulisa dalka mashaariicyo kala duwan, iyada oo sidoo kale ka qayb qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.

Trump oo hanjabaad culus u direy M/Yurub iyo Shiinaha – Maxaa soo kordhay?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu qorsheynayo inuu canshuur dul dhigo Midowga Yurub, oo ku eedeeyey in ganacsi aan caddaalad aheyn uu kala dhaxeeyo Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay ka doodaysay canshuur ciqaab oo dhan 10% oo la saaro alaabaha laga keeno Shiinaha, sababtuna tahay in daroogada fentanyl oo ka timaada Shiinaha loo soo gudbiyo Mareykanka iyada oo lasoo mariyo waddamada Mexico iyo Canada.

Trump ayaa hanjabaadaha cusub ee canshuuraha ku dhowaaqay mar uu Talaadadii ka hadlayay Aqalka Cad, maalin kaddib markii uu xafiiska la wareegay, isagoo aan isla markiiba fulin ballanqaadyadii uu ololaha doorashada ku galay ee ahaa inuu canshuurro soo rogi doono.

Hadalladii ugu dambeeyay ee Trump ayaa hoosta ka xariiqay rabitaankiisa mudada dheer ee ah in la ballaariyo canshuuraha, iyadoo 1-da Febraayo loo qabtay waqti kama dambeys ah si loo soo rogo canshuur 25% ah oo saameyn doonta Canada iyo Mexico, iyo sidoo kale Shiinaha iyo Midowga Yurub.

Trump ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo waddamada kale ay leeyihiin faa’iidooyin ganacsi oo xad-dhaaf ah oo ka dhan ah Mareykanka.

“Midowga Yurub aad iyo aad buu inoo xumeeyaa,” ayuu yiri isagoo ku celinaya hadallo uu Isniintii sheegay. “Markaa waa inay canshuuro wajahaan. Waa habka kaliya … oo aad caddaalad ku heli karto.”

Trump ayaa Isniintii sheegay inuu ka fakarayo inuu canshuur dul dhigo Canada iyo Mexico haddii aysan tallaabo ka qaadin xakameynta tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogada fentanyl, oo ay ku jiraan kiimikooyinka laga soo gudbiyo Shiinaha, ee soo gala Mareykanka.

Trump ayaa horey ugu hanjabay inuu 10% canshuur dul dhigi doono alaabaha laga keeno Shiinaha, balse wuxuu qorshahan dib ugu dhigay illaa waqtiga kama dambaysta ah ee 1-da Febraayo.

China ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadallada Mareykanka si loo “maareeyo khilaafaadka si habboon loona ballaariyo iskaashiga wadajirka ah ee faa’iidada leh.”

Waxay sidoo kale sheegtay inay dooneyso inay horumariso xiriir xasilloon oo waara oo ay la leedahay Mareykanka, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Mar walba waxaan rumeysanahay in aan guuleyste laga noqon karin dagaal ganacsi ama canshuur. Shiinaha had iyo jeer wuxuu si adag u ilaalin doonaa danta qarankiisa,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, Mao Ning, oo la hadlayay warbaahinta Arbacada maanta ah.

La-taliyaha ganacsiga ee Aqalka Cad, Peter Navarro, ayaa Talaadadii u sheegay CNBC in hanjabaadda canshuurta ee Trump ee ku wajahan Canada iyo Mexico ay tahay cadaadis lagu saarayo labada waddan si ay u joojiyaan tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogooyinka khatarta ah ee ka soo gudbaya xuduudaha Mareykanka.

Reuters