25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Daawo: Musharax JABRIIL IBRAAHIM oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah murashaxiinta ugu tunka weyn doorashada 2021 ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay siyaasiyiin, dhalinyaro, bulsharada rayidka ah iyo haweenka magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimayay waxaa shacabka Gobolka Banaadir ay safnaayeen aafafka hore ee waddada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Murashax Jabril oo saxaafadda kula hadlay Hotel Royal Palace ayaa sheegay in uu maalmaha soo socdo si rasmi ah ugu dhawaaqi doono in uu yahay murashax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Jabril Cabdulle ayaa ku nuux nuuxsaday in loo turo shacabka Soomaaliyeed isagoo dowladda iyo  mucaaradkaba ka codsaday in la yareeyo hadallada xanafta leh ee keeni kara in colaad sokeeye dib loogu noqdo.

Wuxuu ballan qaaday in uu awoodda dowlanimo ku soo celin doono shacabka haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweyne, uuna dalka gaarsiin doono inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Jabril Cabdulle oo ka mid ah murashaxiinta dhalinyarada ah ee isku soo taagaya xilka sare ee Madaxweyne, ayaa aqoon durugsan u leh dib u heshiisiinta iyo dowlad wanaagga, wuxuuna la soo shaqeeyay dhammaan dowladahii ku meel gaarka ahaa tan iyo sanadkii 2004.

Jabril oo madax ka soo noqday hay’adda CRD ayaa lagu xusuustaa dib u heshiisiintii uu ka sameeyay gobolada dalka intii aay jirtay burburkii dowladnimo, waana aasaasihii ururada bulshada ee ka jira dalka.

Ruushka oo soo saaray war ku saabsan Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa markii u horeysay ka hadashay wada-hadaladii fashilmay ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, xili uu dalka ka taagan yahay khilaaf la xiriira doorashooyinka.

Qoraal kasoo baxay ergada Ruushka ee u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ugu horeyntii waxa lagu bogaadiyey horumarka ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gaadhay doorashooyinka soo socda, iyada oo kaashaneysa maamul goboleedyada.

Waxa kale oo qoraalkaasi lagu sheegay inay muhiim tahay dib u bilaabista wada-hadalo dhex-mara dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay ka madax-banaan jamhuuriyada.

Ruushka ayaa sheegay inuu rajenayo in si deg deg ah u bilowdo wada-hadaladaasi dowladda Farmaajo oo xiligan uu kasii dhamaanayo muddo xileedkeedu, isla markaana ay dib usoo celiso xiriirkii wanaagsana ee kala dhaxeeyay maamulka Jubbaland.

“Waxaan bogaadinaynaa horumarka Wada-hadalka siyaasasdeed ee u dheexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedyada ee laga gaadhay diyaarinta Doorashooyinka”.

Sidoo kale waxa lagu yiri “Waxaanu dowladda (Soomaaliya) si dhakhsi ah uga rajeynaynaa inay dib u bilowdo Wada-hadalladii Somaliland iyo inay xiriir caadiya la samaysayo Jubbaland”.

Qoraalkan ayaa imanaya xili ay Soomaaliya wajahayso doorashooyin ay ka taagan yihiin muran badan, isla markaana dowladda talada haysa ay xiisado siyaasadeed kala dhaxeeyaan qaar kamid ah maamulada dalka.

Muxuu yahay dalabka musharaxiinta mucaaradka ee ku aadan gobolka Gedo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta mucaaridka ee u tartamaya xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota oo maalmihii u dambeeyay ku shirayay magaalada Muqdisho ayaa baaq deg-deg ah kasoo saaray xaalada gobolka Gedo, oo muddooyinkii dambe ay ku muransanaayeen dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Musharaxiinta ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku dalbaday in dowladda federaalka ay la laabato maamulka sharci darada ee ay geysay gobolka Gedo, sida ay hadalka u dhigeen.

War-murtiyeedkaasi ayey musharaxiintu ku fareen dowladda inay si deg-deg ah ugala baxdo gobolkaasi ciidamadeeda ay geysay, xili ay weli taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhex aloosan maamulka Jubbaland iyo madaxda sarre ee dalka.

Waxa kale oo ay soo jeediyeen in maamulka gobolkaasi loo dabo fadhiisto maamulka Jubbaland, isla markaana dib loogu wareejiyo.

Waxay arrintaasi ku macneeyen mid sarre u qaadeysa in deegaanada gobolka Gedo ay ka qabsoomto doorashooyinka, maadama uu gacan ku haynteeda la wareegayo maamulka Jubbaland.

“Waa in dowladda federaalka ay si deg-deg ah ugala soo laabato Maamulka Sharci darrada iyo Ciidamada ay geysay gobolka Gedo si loo ilaaliyo midnimada Jubbaland maamulkana dib ula wareego degaanka si ay ugu fududaato qabashada doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka Musharaxiinta.

Arrintan ayaa imaneysa iyada oo aan weli xal kama dambeysa ah laga gaarin xiisada labada dhinac ee gobolka Gedo, iyada oo la rumeysan yahay in shirkii Muqdisho ee doorashooyinka looga hadlay arrintaasi, oo ugu dambeyntii kusoo dhamaatay natiijo la’aan.

Somaliland: Siyaasiyiin iyo ganacsato kufsi lagu helay oo si qarsoodi loo sii daayey

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka Somaliland Maxamuud Baaruud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin iyo ganacsato lagu helay inay geysteen kufsi, kuwaas oo la iska sii daayey.

Waxa uu sheegay in dadkaas xabsiyada looga siidaayo in uusan ku dhicin xukun maxkamadeed, halka dadka danta yar ee aan laheyn cid u dooda loo maxakamdeeyo dembiyada ay galeen, sida uu sheegay guddoomiye Maxamuud Baaruud.

Hadalkan ayuu ka jeediyey munaasabad lagu xusayey tacadiyada haweenka iyo dadka nogul oo ka dhacday magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in siideynta dadka ladan ay ka qeyb qaataan wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda.

“Waayahan waxaa soo batay dumarka inta la kufsado hadana la dilayo, waxaa kaloo badan dadka tujaarta ah iyo kuwo madax ah oo lagu helay inay ku kaceen dembiyadaas, iyagoo maxkamad xukumin in la sii daayey, marka maxkamadeheenu waxay xukumaan dadka jilicsan, bal u fiirsada dadka xabsiyada ku jira, waa kuwii jilicsanaa ee aan qareenka qabsa karin” ayuu yiri Maxamuud Baaruud.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Ninkii ladan ee qareen qabsa kara dembi laguma qaado, waxaad arkeysaa xildhibaano iyo wasiirro ka daba ordaya, cid walba waxay daba carareysaa qofkaas ladan, waa la sii daayaa dembina laguma qaado.”

Sidoo kale guddoomiye Maxamuud Baaruud ayaa baarlamaanka Somaliland ka dalbaday inay soo saaraan xeer adag oo looga hor tago kufsiga iyo dilka lagula kaco haweenka oo ku soo batay deegaanada Somaliland.

Hoos ka Daawo

Dowladaha Faransiiska iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $306m

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis cusub oo ku saabsan deyn cafinta la saxiixatay xukuumada Paris, sida uu sheegay wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Beyle oo heshiiskan u saxiixay xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Safiirka Dowladda France ee Kenya iyo Soomaaliya, Aline Ménager ay la saxiixdeen heshiis deyn cafin ah, kaasi oo qeyb ka ah go’aankii wadamada Paris Club ee la gaaray March 2020.

Deynta cusub ee laga cafiyay Soomaaliya ayaa dhan Saddex boqol iyo lix milyan (306-Million), sida uu sheegay Wasiirka maaliyada Soomaaliya.

“Waxaa maanta inoo suuragashay in aan si wada jir ah u saxiixno heshiis Deyn cafin ah, aniga iyo Safiirka Dowladda France ee Kenya iyo Soomaaliya Aline Ménager” ayuu yiri Wasiir Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Soomaaliya waxaa sharaf u ah in si rasmi ah looga cafiyay lacag dhan SADEX BOQOL & LIX MILYAN ($306-Million), Heshiis kaan ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee ay gaareen March 2020”.

Ugu dambeyntiina waxa uu heshiiskan deyn cafinta ku tilmaamay mid ah guul taariikhgiya oo ay gaartay dowladda Soomaaliya, isla markaana qeyb ka noqonaya dadaaladii deyn cafinta iyo dib u habeynta maaliyada dalka.

Canada: Maxkamad xukun culus ka khafiifisay nin dad ku laayay Masaajid

0

Quebec (Caasimadda Online) – Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa xukunkii ay kal hore ku rideen ka khafiifiyay nin dad ku laayay masaajid ku yaalla magaalada Quebec sanadkii 2017.

Alexandre Bissonnette oo 31-jir ah ayaa geystay fal arxan darro ah, waxeyna maxkamadda laba jeer ku xukuntay xabsi daa’in.

Ninkaan wuxuu weerar ka geystay Quebec Islamic Cultural Centre, isagoo rasaas ku furay dad halkaas ku cibaadeysanayay 6 qofood ayaa weerarkaas ku dhintay halka 5 qofood ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Si kastaba maxkamadda sare ee magaalada Quebec ayaa dib uga noqotay xukunkii ay kal hore ku riday, wuxuuna haatan xabsiga ku qaadanayaa kaliya 25-sanadood halka markii hore uu ku qaadan lahaa 40-sanadood.

Waan ka qoomameynayaa waxa aan sameeyay. Ma ihi argagixiso, mana necbi Islaamka” ayuu maxbuuska u sheegay garsooraha maxkamadda.

Muslimiinta ku nool Quebec ayaa ka xumaaday go’aanka maxkamadda, waxeyna sheegeen iney ka niyad jabsan yahiin xukunka maxkamadda racfaanka.

Ugu dambeyntiina Maxkamadda ugu sareysa Quebec ayaa waxey xukunkii hore ku tilmaantay mid “arxan darro ah oo aan caadi ahayn”.

Murashax miisaan culus, Jabriil Cabdulle, oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabrill Ibrahim Abdulle oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Jabril Ibrahim Abdulle oo aad looga yaqaan gobolada dalka ayaa markii uu Muqdisho yimaado la filayaa inuu si rasmi ah kaga dhawaaqo hamigiisa Murashaxnimo maalmaha soo socda.

Qabanqaabada soo dhaweyntiisa ayaa Muqdisho si wayn looga dareemayay maalmahii lasoo dhaafay, iyadoo la arkayay dhalinyaro, haween iyo siyaasiyiin isku diyaarinaya iney ka qeyb galaan soo dhaweyntiisa.

Jabril Ibrahim Cabdulle waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho 1969-kii, isagoo isla magaaladan ku dhameystay waxbarashada ilaa dugsiga sare. 1990-1995, ayuu Cilmiga Sociology iyo Public Administration shahaadada koowaad ka qaatay Carleton University, oo ku taalla magaalada Ottawa ee dalka Canada. Wuxuu shahaadiisa heerka labaad ka qaatay isla Jaamacaddaas isagoo ku taqasusay cilmiga siyaasadda (Political Science).

Mudane Jabril waxaa uu hadda madax ka ahaa hay’adda Centre for Research and Dialogue (CRD), oo uu maamulayey muddo ka badan 20 sano, hey’addan oo ay wada aasaaseen isaga iyo Allaha u naxariistee Dr. Cabdiqadir Yaxye.

Murashaxan cusub waxaa kaloo uu ka soo shaqeeyay wasaaradda cadaallada Canada, Dowladda Sweden, Unicef iyo hay’ado kale.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka gobolka Tigray

0

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa iska sii fogeyneysa in dambi looga dhigo hawlgal militari oo la filayo iney ku qaado caasimadda Tigray ee Mekelle sida uu warbaahinta u sheegay wasiir ka tirsan xukuumadda.

Bikila Hurisa wuxuu idaacadda BBC-da u sheegay in hawlgalka lagu qaadayo gobolkaas lagu bartilmaameesanayo hogaamiyayaal khiyaanay qarankooda, waxeyna doonayaan iney soo afjaraan gabi ahaanba hawlgalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ugu baaqay shacabka gobolkaas iney guyahooda iska joogaan, isla markaana ay ciidamada kala hadleen sidii ay shacabka ku nool deeganaadaas dhibaatada uga ilaalin lahaayeen.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay iney bilaabi doonaa wajigii ugu dambeeyay hawlgalka ay ku qaadayaan gobolka Tigray, inkastoo aysan saxaafadda banaanka wali ogaanin inuu bilowday iyo inuusan bilaaban.

Hay’adaha caalamka waxey ka digeen weerar lagu qaado caasimadda gobolkaas ee Mekelle, waxeyna aaminsan yahiin in dadka rayidka ah ay waxyeello badan kasoo gaari karto dagaalka.

Sidoo kale waxey ka digeen tacadiyo ka dhaca gobolkaas kuwaas oo ka hor imaanaya xeerarka caalamiga ah.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay wadada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal goobta ka dhow ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qaraxa lala beegsaday  Gelato Divino, oo ah goob maqaaxi oo laga cunteeyo, kana soo horjeedo Sahal Terminal, oo u dhow garoonka Aadan cadde.

Xog horudhac ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in qaraxa loo maleynayo inuu fuliyey qof soo xirtay jaakad waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, kaasi oo gudaha u galay maqaaxida kadib is-qarxiyey.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, inkasta oo weli aysan caddeyn tirada rasmiga ah.

Faah-faahin naga filo dhowaan Insha Allah.

Daawo: Axmed Daaci oo u digay Xasan iyo Shariif, farriinna u diray FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) ayaa fariin u diray madaxweyne Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, isagoo si gaar ah ugu digay Madaxweyne Farmaajo.

Axmed Daaci ayaa sheegay in ragga hadda siyaasadda isku haya kuwooda ugu cad cad ay bulshadu wada taqaano wax qabadkooda, mar dambena aan lagu hungoobi doonin.

“Madaxweyne dalka markii laguu dhiibay halkii uu joogay hadda horay ayuu uga dhaqaaqay kuma dhaheyno, laakiin laba qodob ayaan kuu heynaa, waana in aad mushaarkooda siiso shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, balse wax ka daranaa yimid oo Shabaab ayaad mushaar siisaa,” ayuu yiri Axmed Daaci.

Isaga oo sii hadlaayey ayuu yiri, “Madaxweyne nama aadan xoreyn ee xoolihii aad naga qaaday ayaad noo qeybisay anaga iyo Al-Shabaab, marka nin laba mushaar bixiya ayaad tahay, Al-Shabaab kuma dhiira karin markii hore inay canshuuraan dekedda, garoonka iyo ganacsiga kale ee dalka, marka wax dambe oo aad nagu sasabato kuuma yaaliine xabad yaanaa kaa dhaxlin.”

Dhanka kale Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh ayuu ka dalbaday in mucaaradka ay hoggaamiyaan aysan eed ka imaan, “Mucaaradku haduu dhibaato keeno adinkaa la idiin heystaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa ugu baaqay labadaas masuul in kursiga sidii looga sugaayey ay u sugaan oo dalka aysan u hor seedin dagaal, “Dooda yaan la joojin, laakiin dalkan waxaa ka xaaraam ah xabadu inay dhacdo, Shabaab ayaa horay noogu wadaye xabad kale yaan la bilaabin,” ayuu yiri guddoomiye Axmed Daaci.

Waxuu intaas ku sii daray, “Farmaajow ha is dhihin xabad laguugu ridi mayo ee is dhagooley, ninyahow ka deg kursigaas hadii waqtigaagu kuu dhamaado.”

Hoos ka Daawo

Qodobka ugu cawaaqibka weyn ee ku jira go’aanadii musharaxiintii mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa maanta shirkoodii ka socday magaalada Muqdisho soo afmeeray, iyagoona kasoo saaray war-murtiyeed dheer oo ka kooban 18-qodob.

Shirkaasi oo qaatay muddo ku siman lix cisho ayaa waxa looga hadlayay arrimaha ammaanka iyo sida loo wajahayo doorashada dalka oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, oo muddooyinkii dambe uu ka taagna khilaaf hor leh.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka ayaa waxa ku jiray qodob aad u xasaasi ah, kaasi oo sheegaya in Golaha ay ku midooben musharaxiinta mucaaridku uu qabsan doono doorasho ka gadisan midkii hore ay ugu heshiiyeen madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Musharaxiinta ayaa ku hanjabay inay qabsan doonaan doorasho ay ku sheegen ‘mid dalka lagu bad-baadinayo’, haddii ay dowladda federaalka ah ay qaado tallaabo lagu taabo-gelinayo doorasho aan heshiis lagu aheyn.

Waxa kale oo ay ka dhawaajiyeen in qabashada doorashadaasi ay ka kaashan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dowlad goboleedyada dalka, sida lagu sheegay war-murtiyeedkii maanta.

Doorashada ay sheegen in madaxda mucaaridku ay qabanayaan ayey ugu yeeren mid dalka lagu bad-baadinayo, isla markaana looga baaqsanayo firaaq awoodeed iyo mid dastuuri.

“Haddii Dowladda Federaalka ah ay qaaddo tallaabo lagu taabbagelinayo doorasho aan heshiis lagu ahayn, wuxuu Goluhu caddaynayaa in isaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlad goboleedyada uu ka shaqeynayo hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan u dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah” ayaa lagu yiri qoddobka 18-aad ee war-murtiyeedka musharaxiinta.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay madaxda mucaaridka si weyn uga biyo diideen xubnaha guddiyada cusub ee doorashooyinka, kuwaasi oo ay ku eedeyeen inay ka kala yimaadeen taageerayaasha Farmaajo ee Villa Somalia iyo hay’addda nabad sugida NISA.

Dagaal culus oo ka dhacay garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha ee muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Aksum ee waqooyiga Itoobiya ayaa isku bedelay goob dagaal, kadib markii ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka iyo maamulka Tigrayga.

Millateriga dowladda Itoobiya ayaa gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta garoonkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo taabacsan millateriga Itoobiya, taasi oo keentay in ciidamada Tigrayga ay weerar ka geystaan garoonkaas.

Xoogaga gaarka ah ee Tigrayga ayaa weerar aan kala joogsi laheyn ku hayay dhowrkii maalmood ee u dambeeyay garoonkaasi, iyagoo bur-bur xoog leh gaarsiiyay dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa baahisay sawiro u muuqda garoonka magaalada Aksum, kaasi oo uu ka muuqdo bur-bur xoogan, isla markaana laga dheehan karayo dhufeysyo laga sameeyay gudaha garoonka.

Sidoo kale dowladda ayaa hore u baahisay inay gacanta ku dhigtay garoonkaasi, inkasta oo uu hoggaamiyaha Tigray, Debretsion Gebremichael oo 19-kii bishan la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters uu sheegay inay gacantooda ku jirto magaalada Aksum oo ku yaalo garoonku.

Debretsion ayaa si cad u kala sheegin in garoonka uu ku jiro gacantooda iyo in kale, midaasi oo sarre u qaadeysa sheegashada dowladda federaalka Itoobiya oo soo bandhigtay sawirada bur-burka.

Si kastaba, waxa xiligan adag in warbaahinta madax-banaan ay xaqiijiso sheegashada labada dhinac, maadama ay weli go’antahay isgaarsiinta gobolka oo uu ka socdo dagaal xoogan.

Mahad Salaad oo jawaab kulul ka bixiyey DILKII uu guddoomiye Cumar Filish ugu hanjabay mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka fal-celiyey hadalkii maanta ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish, waxuuna u soo jeediyey in aysan soo adeegsay madaxweyne Farmaajo iyo agaasime Fahad.

Cumar Filish ayaa maanta ku baaqay in la dilo mucaaradka, isaga oo usoo daliishaday laba aayad oo ku jira suurta Al-Axzaab oo kala ah:-

لَّئِن لَّمْ يَنتَهِ الْمُنَافِقُونَ وَالَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَالْمُرْجِفُونَ فِي الْمَدِينَةِ لَنُغْرِيَنَّكَ بِهِمْ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَا إِلَّا قَلِيلًا (60) مَلْعُونِينَ أَيْنَمَا ثُقِفُوا أُخِذُوا وَقُتِّلُوا تَقْتِيلًا

“Cumar Finish wuxuu yiri musharaxiinta meeshii lagu arko halagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Qoraalka Mahad ayaa intaas ku sii daray, “Hadii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi.”

Cumar Filish ayaa kulan lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo waxa uu eedeyn kulul u jeediyay Midowga Musharaxiinta oo maanta soo saaray war-murtiyeed ay ku dalbanayaan in la kala diro guddiga doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xariira doorashada.

“Maanta in nalagu handado Hawiye ayaan ahay qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? dhinaca kale fiiriya Ra’iisul Wasaare Rooble Hawiye maaha miyaa? anigu gudoomiyaha gobolkaan ahay, gobolkaan mas’uuliyadiisa amni anigay i saaran tahay, Hawiye maahi miyaa? mise duurkaan ka imid” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Video: Filish oo ku baaqay in la dilo mucaaradka, una soo daliishaday aayado qur’aan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud  Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah duqa caasimada, ayaa si adag uga hadlay shirka Musharaxiinta iyo dhaq-dhaqaaqyada ay maalmihii u dambeeyen ka wadeen Muqdisho.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in aan marnaba lagu cabsi gelin karin qalalaase iyo falal ka dhan ah amniga, xili uu maanta hadal ka jeedinayay munaasibad lagu sheegay in looga tashanayo aayaha beelweynta Hawiye, oo ay soo abaabuleen Hawiyaha ku xiran dowladda.

Waxa kale oo uu sheegay in aysan aheyn wax la aqbali karo ‘in loogu cago jugleeyo in Hawiye uu qori soo qaadan doono’, isagoona xusay inaysan sax aheyn midaas, maadama uu ku dooday in shaqsiyaad uu kamid yahay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo beeshaasi ka soo jeeda uu ka tirsan yahay dowladda Farmaajo.

“Guddoomiyihii gobolka ahay, mas’uuliyada amaankuna aniga ayey isaaran tahay, anuu Hawiye sow ma ihi, ma duurka kamid?. Kuma dhacaan inay xasilooni daro abuuran ee kuwo soo diray ayey u muujinayaan inay shaqeeyen,” ayuu yiri Filish.

Guddoomiyaha oo u muuqda mid si weyn uga carooday dhaq-dhaqaaqyada mucaaridka iyo siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin ka wadaan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaridka laga soo dirtay dalal shisheeye, isla markaana ay fulinayaan qorshayaal lasoo waariday.

Filish ayaa sidoo kale sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan hadey isku dayaan inay xasilooni daro amni abuuraan, isagoona ku baaqay in la dilo mucaaradka, wuxuuna dilkooda qiil uga dhigtay Aayado qur’aan ah oo jira Suratul Axzab.

Aayadahaas ayaa ah:

لَّئِن لَّمْ يَنتَهِ الْمُنَافِقُونَ وَالَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَالْمُرْجِفُونَ فِي الْمَدِينَةِ لَنُغْرِيَنَّكَ بِهِمْ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَا إِلَّا قَلِيلًا (60) مَلْعُونِينَ أَيْنَمَا ثُقِفُوا أُخِذُوا وَقُتِّلُوا تَقْتِيلًا

Hadalka Filish ayaa waxaa durba ka dhashay dhalleeceyn xoogan ayada oo baraha bulshada aad looga dhaliilay inuu ku baaqo dil.

Hoos ka daawo Cumar Filish

Sawirro: Sheekh Shariif oo sheegay sirta ka dambeysa safarkiisa BAYDHABA

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda ah guddoomiyaha midowga Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa lagu wadaa inay maalmo ku sugnaan doonan magaalada Baydhabo, iyaga oo ka bilaabi doona arrimo la xiriira doorashada iyo ololaheeda, maadama ay muddo kooban inaga xigto qabsoomida doorashooyinka.

Shariifka ayaa xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed kulan kula qaatay madaxweynaha maamulkaas, C/cassis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Wafdigan ayaa inta ay ku sugan yihiin Baydhabo, waxay kulano la qaadan doonaan mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlad goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo kala hadli doona xaaladda dalka iyo marxaladda kala guurka ah ee Doorashooyinka.

Sheekh Shariif oo hadal kooban ka jeediyay munaasibada soo dhaweyntiisa ayaa sheegay inuu dalku galayo marxalad cusub, isla markaana ay muhiim tahay in la sameeyo wada-tashi dhinac kasta ah, kaasi oo uu sheegay inay maanta u joogan Baydhabo.

Waxa kale oo uu sheegay inuu safarkooda la xiriiro xogogaal u noqoshada xaalada deegaanada maamulkaasi iyo sidii ay dowlad goboleedyadu u qaadan lahaayeen mowqif adag oo ku aadan hanaanka doorashada oo uu socdo diyaar garowgeedu.

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in xiligan loo baahan yahay in waxkasta lagu dhameeyo jawi nabadeed, iyada oo laga baaqsanayo tafaraaruq, isla markaana loo marayo wada-tashi iyo talo wadaag.

Safarka Shariif ee Baydhabo ayaa imanay xili ay maanta musharaxiinta mucaaridku ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii dambe ay ka muujiyeen walaac xoogan.

Si kastaba, Mucaaridka oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif ayaa u muuqda mid xulufeysi cusub la sameysanaya madaxda maamulada dalka, kaasi oo uu qeyb ka yahay safarka uu maanta uga degay caasimada kumeel gaadhka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Hoos ka daawo sawirrada soo dhoweynta iyo kulamada Shariif ee Baydhaba

Geelle oo shaaciyey cabsi uu ka qabo baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sarre u qaaday walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay xildhibaano ku yeelato goleyaasha cusub ee baarlamaanka, taasi oo awood buuxda u siineysa inay si dad-ban u maamusho dalka.

Waxa kale oo uu sheegay in Al-Shabaab ay xiligan awood u leeyihiin inay gataan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada, xili dhawaan lasoo wariyay inay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab ergada soo xulaneysa xildhibaanada.

“Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada,” ayuu wareysigan ku yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in taxadar weyn la muujiyo, islamarkaana la garab istaago dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ismaaciil Cumar Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in saameynta kooxda Al- Shabaab ay sii fiday sanadihii dambe, islamarkaana ay canshuur ka qaado ganacsatada, sidoo kalena ay xeryaha qaxootiga ka qorato dhalinyarada shaqo la’aanta ah.

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in Al-Shabaab ay ku howlan yihiin dagaal gelinta dhalinyarada ay hayso shaqo la’aanta, iyaga oo ku indho sarcaadaya lacag, taasi oo kasoo gasha canshuurta xad dhaaf ah ee ay ka qaadan ganacsatada dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey looga digay in la soo doorto xildhibaano Al-Shabaab oo ka mid noqdo baarlamaanka 11-aad ee dalka, maadaama ay horey ugu yeereen qaar ka mid ergadii soo xushay xubnaha baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Sababta ay musharaxiinta mucaaradka u doonayaan is-casilaadda Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa maanta shirkoodii ka socday magaalada Muqdisho soo gaba-gabeeyay, iyagoona kasoo saaray war-murtiyeed dheer oo ka kooban 18-qodob, kaasi oo looga hadlay go’aanka maamulka doorashooyinka, ammaanka doorashooyinka iyo arrimo guud oo taagan.

War-murtiyeedka shirkaasi ayaa waxa eedeymo hor leh loogu jeediyay taliyaha hay’adda nabad sugida, Fahad Yaasiin, kaasi oo lagu sheegay inuu yahay ‘madaxa ololaha dib u doorashada madaxweyne Farmaajo’.

Golaha musharaxiinta ayaa iyaga oo soo xiganaya qodobka 127-aad ee Dastuurka KMG ah dalbaday in xilka hay’adda NISA uu iska casilo, maadama uu kamid yahay shaqsiyaadka ugu tunka weyn ee gadaal ka wada ololaha Farmaajo, sida ay hadalka u dhigeen.

Is-casilaada Fahad ayey ku tilmaamen mid dib usoo celin karta dhex-dhexaadnimadii hay’adda NISA, oo ay sheegen inay xiligan meesha ka baxday.

Waxa kale oo ay musharaxiintu dalbadeen in gebi ahaanba laga fogeeyo sugida amaanka doorashooyinka hay’adda NISA, iyaga oo ku soo koobay inay ka shaqeeyan booliska Soomaaliya iyo AMISOM.

“Iyada oo la cuskanaayo mabaadi’da ku xusan dhamaan faqrooyinka qodobka 127aad ee Dastuurka KMG ah uu taliyaha Hay’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka Hay’adda NISA, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo sugo dhex dhexaadnimada Hay’adda NISA”ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Musharaxiinta ayaa walaac xoogan ka qaba isku milanka Villa Somalia iyo Hay’adda NISA, iyaga oo dhawaana sheegay in guddiyada doorashooyinka ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan hay’addaasi, hase yeeshe ay beenisay dowladdu.

Daawo: Sheekh Shariif oo su’aal oo cajiib ah weydiiyey madaxweyne FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayey xirtaanka shirka musharraxiinta ayaa farriin ku aadan doorashada u diray madaxweyne Farmaajo.

Sheekh Shariif ayaa ka dalbday madaxweynaha Soomaaliya inuu ka shaqeeyo sidii ay dalkan uga dhici laheyd doorasho, si la mid ah sanadihii 2016-kii iyo 2012-kii.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday walaaca ay qabaan ka musharraxiin ahaan, isaga oo ka dalbaday madaxweynaha inuu dhexda u soo dhigo doorashada.

Shiikha ayaa intaasi ku daray inay madaxweynaha cafinayaan, haddii uu fuliyo codsigaasi ku aadan doorashada, si ay noqoto mid loo galo tartan furan.

“Waxaan ku weydiineynaa madaxweynow wax ku dhibo miyaad aragtay.? Tabeelle miyaa laguu diiday, madaxweyne waxaan ku leenahay doorashada dhexda noo soo dhig,”. ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Madaxweynaha wuxuu naga haleeyey waan ka cafineynaa.”

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli uu weli walaac ka taagan yahay doorashada Somalia, gaar ahaan guddiyadeed oo ay isku khilaafsan yihiin dowladda dhexe iyo mucaaradka.

Aqriso: Qodobo xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii musharraxiinta mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib shirar qaatay lix cisho oo ay yeesheen musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa maanta la soo xiray, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed saddex bog ah oo ka kooban 18 qodob.

Warsaxaafadeedka ayaa si gaar ah looga hadlay ammaanka iyo sida loo wajahayo doorashada oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Musharraxiinta ayaa ku hanjabay inay qabanayaan doorasho kale, haddii ay dowladda ku adkeysato in aan wax laga baddalin hanaanka doorashada ee hadda socda.

“Haddii dowladda federaalka ah ay qaaddo tallaabo lagu taabbagelinayo doorasho aan heshiis lagu ahayn, wuxuu Goluhu caddaynayaa in isaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlad goboleedyada uu ka shaqeynayo hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan u dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka maanta kasoo baxay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay si adag uga hadleen ammaanka doorashada, iyaga oo dalbaday in kaliya sugida ammaanka loo daayo ciiidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Midowga musharraxiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda federaalka ay dib u soo celiso ciidamada ay dowladda dhexe horey u geysay gobolka Gedo ee Koonfurta dalka.

Go’aanada ka soo baxay shirkan oo loo kala qaaday 1-go’aanka maamulka doorashooyinka,  2-go’aanka ammaanka doorashooyinka & 3-go’aanno guud ayaa waxaa ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee ku jira war-murtiyeedka:

1 – In la kala diro guddiyada doorashooyinka heer federaal & heer dowlad goboleed, laguna soo magacaabo wada-tashi ay yeeshaan, madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

2 – In guddoomiyaha aqalka sare uu sharciyad buuxdo u helo in uu soo magacaabo guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee hagaya doorashada ildhibaannada labada aqal ee gobolada qaqooyi, laguna qabto doorashada xerada ciidanka cirka ee Afisooni, iyada oo ay goobjoog ka noqonayaan wakiilo ka socda musharixiinta, beesha caalamka, booliska Soomaaliyeed & kan AMISOM.

3 – In magacaabista guddiyada doorashada xubnaha xildhibannada beelaha Baaadiriga loo madax banaaneeyo odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelahaas, laguna qabto doorashada xerada ciidamada cirka ee Afisooni, goobjoogna ka noqdaan  wakiilo ka socda musharixiinta, ceesha caalamka, cooliska Soomaaliyeed & kan AMISOM..

4 – In dowladda federaalka ay si deg-deg ah uga la soo laabato maamulka sharci darrada iyo ciidamada ay geysay gobolka Gedo, si loo ilaaliyo midnimada Jubbaland, maamulkana dib ula wareego deegaanka, si ay ugu fududaato qabashada doorashada.

5 – In Xulista ergada ay iska kaashadaan adayasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee beesha kursiga leh dowrka dowlad goboleedkana ku ekaado diiwaan-gelinta, sida uu dhigayo heshiiskii siyaasadeed ee golaha wadatashiga Qaranka ee uu baarlamaanka wax ka bedelista ku sameeyay.

6 – In dowlad goboleedyada aysan guda-gelin qabashada doorasho aan lagu waafaqsaneyn, una sinaadaan musharixiinta taageerayaashoodana aysan u gaar yeelin musharax gaar ah.

7 – In  loo howl-gallo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30 % ah

8 – In la helo kor joogto ka socda, urrurada bulshada rayidka, qareenada, musharixiinta maadaxweyna, beesha caalamka, si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka dalka.

9 – In guddoonka & xubnaha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ay qaataan  kaalintooda ku aadan ilaalinta ku dhaqan dastuurka KMG ah & dhamaan shucruucda kale ee dalka gaar ahaan qodobada quseeyo doorashooyinka qaranka.

Sidoo kale musharixiinta ayaa soo saaray go’aano ku aadan ammaanka doorashooyinka.

1 – In Madaxda dowladda ay ka saaraan dhammaan ciidamada Qalabka sida ku lug yeelashada howlaha doorashooyinka, sida uu dhigayo qodobka 127aad ee dastuurka.

2 – In iyada oo la cuskanaayo mabaadi’da ku xusan dhammaan faqrooyinka qodobka 127-aad ee dastuurka KMG ah uu taliyaha hay’adda nabad-sugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka hay’addaas, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo sugo dhex dhexaadnimada hay’adda NISA.

3 – In amniga doorashooyinka sugaan kaliya Booliska Soomaaliya & kan AMISOM laga fogeeyo Millateriga iyo Nabadsugida.

4 – In uu joojiyo madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanayo ku tagrifalka dhaqaalaha dalka iyo in uu adeegsqado hantida dalka, xafiisyada dowladda, ciidanka & shaqaalaha ka tirsan dowladda ku daneysiga ololihiisa doorashoyinka.

Sarkaal ka tirsanaa CIA-da oo lagu dilay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, ayaa dhowr maalmood kahor lagu dilay Soomaaliya, sida ay saraakiil Mareykan ah u sheegeen wargeyska New York Times.

Sarkaalka ayaa ka tirsan qeybta ciidamada sida militariga u tababaran ee CIA-da, wuxuuna horey uga tirsanaan jiray ciidamada xulka ah ee Mareykanka ee loo yaqaan SEAL Team 6.

Aqoonsiga sarkaalkan ayaa ah mid la qariyey, welina ma hubnaa xaaladda lagu dilay. Ma cadda haddii uu ku dhintay howl-gal ka hortag aragagixiso ama inuu ahaa dhibanaha weerar ka yimid cadowga, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Si kastaba, CNN ayaa sheegay in sarkaalka uu marka hore ku dhaawacmay howlgal, kadibna uu geeriyooday dhowr maalmood kadib, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

CIA-da waa ay diiday inay wax faallo ah ka bixiso arrintan.

Dhimashada sarkaalkan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Trump uu diyaariyey amar ciidamada Mareykanka ee gaaraya 700 looga soo saarayo Soomaaliya, kahor inta uusan xafiiska ka tegin.

Gudaha CIA-da, Soomaaliya waxaa looga arkaa dal halis badan. Qaar ka mid ah saraakiisha sare ee sirdoonka ayaa muddo dood ka qabay in howl-galka ka hortagga argagixisada ee Soomaaliya uu mudan yahay in loo halis geliyo nolosha saraakiisha CIA-da.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ayaa rumeysan in Al-Shabaab ay tahay kooxda halista ugu xooggan ku haysa danaha Mareykanka ee gobolka iyo meelo ka baxsan, islamarkaana haddii aan laga hortagi ay halisteeda sii ballaaran karto, oo ay noqon karto mid caalami ah sida kooxda Daacish.

CIA-da ayaa Soomaaliya ka fulisa howlgallo qarsoodi ah, oo badankood lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka ee duqeymaha la beegsada haggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab.