25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Isbahaysi ka dhan ah Deni oo looga dhawaaqay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiin kasoo horjeeda Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garowe si rasmi ah uga dhawaaqay dhismaha Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland.

Golahan cusub ayaa waxaa guddoomiye loogu doortay Guuleed Saalax Barre, oo ah siyaasi si weyn u dhaliilsan hab-maamulka xilligan ka jira Puntland.

Golahan ayaa ujeeddadiisu tahay inuu wax ka qabto xaaladaha adag ee Puntland ka taagan, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Xubnaha golaha ayaa ku baaqay in la abuuro hannaan dimuqraadiyadeed oo dhab ah, si looga fogaado is-mariwaaga siyaasadeed ee laga cabsi qabo inuu saameyn taban ku yeesho maamulka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha, Guuleed Saalax Barre, ayaa muujiyay in ay diyaar u yihiin inay si toos ah uga hadlaan wax kasta oo ka khaldan nidaamka dowladnimo ee Puntland, isla markaana ay yihiin kuwo u taagan sixidda iyo hagaajinta khaladaadka jira. Wuxuu si adag u dhaliilay maamulka Deni, isagoo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay diyaar u ahaanshaha isbeddel iyo isla xisaabtan dhab ah.

Guuleed Saalax wuxuu sheegay in cabburin iyo cadaadis lagu hayo muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta aan taageersanayn maamulka, taasoo uu ku tilmaamay nasiib darro iyo tallaabo ka hor imaanaysa xorriyadda hadalka iyo siyaasadda. Wuxuu sidoo kale ka digay in caga juglayn joogto ah lagu hayo dadka aragtida ka duwan madaxda sare ee Puntland.

Goluhu wuxuu si cad u taageeray midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in wixii wax ka beddel ah oo lagu sameynayo dastuurka Puntland lagu saleeyo wadatashi qaran oo ay ka qayb galaan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada iyo siyaasadda.

Ku dhawaaqidda Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa imanaysa xilli ay jiraan xisbiyo mucaarad ah oo ka jira Puntland, balse lagu eedeeyo in ay ku milmeen maamulka Deni. Qaar kamid ah madaxda xisbiyadaas ayaa haatan xilal ka haya dowladda, taasoo shaki galisay dhab ahaanshaha mucaaradnimadooda.

Daawo: Jeyte oo xaalad quus ah ku soo arkay HirShabelle, una qeyliyey Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda Cali Jeyte ayaa bixiyey wareysi cusub oo arrinta HirShabeelle uu kaga hadlay, isagoo farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh, kana dacwooday Cali Guudlaawe.

Cali Jeyte ayaa sheegay in shalay uu tegay gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana uu soo arkay xaalad uu ka yaabay oo u baahan in deg deg looga jawaabo, wuxuuna ku taliyey in. Cali Guudlaawe laga hor wareejiuyo dadkaas.

“Tuulooyin ka tirsan Sh/Dhexe ayaan shalay tegay, waxaan moodayey in reer Hiiraan oo kaliya ay baaba’dan yihiin, laakiin waxaan soo arkay in dhibaatadu wada heysato reer HirShabeelle, sababtuna waa hoggaan xumo, fadlan Madaxweyne Xasan Sheekhow talaabo deg deg ah qaad oo labadaas gobol labo guddoomiye u magacow, hadii Cali Guudlaawe aadan ka hor wareeji karin,” ayuu yiri Jeyte.

Wuxuu sheegay in waqtigii madaxda fadhiidka ah ee HirShabeelle uu dhamaaday oo maanta kadib loo baahan yahay in go’aan dhiiran la qaato, si loo badbaadiyo dadka reer HirShabeelle.

“Musiibo ayaan ku soo arkay Sh/Dhexe, gobolka Hiiraana horay ayuu u ba’ay, Madaxweynow dadkii waa dhiig baxayaan ee fadhiga ka kac, xiligaan xabad adag ayaa Hiiraan ka socota, Guudlaawe iyo Dabageedna waa iska baashaalayaan waxba kama oga musiibada taagan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Cali Jeyte ayaa sheegay in beeshiisa Xawaadle ay ku soo gartay dagaalka Al-Shabaab, “Madaxweynow Hiiraan oo aan ka soo wadajeedno ayuu dagaalku maanta ka socdaa, beesha Xawaadle oo kaliya ayaa dagaalameysa maanta, hadana golaha amniga qaranka wax metelaad ah kuma lihin, madaxweynow culeysaad badan ayaa ku saaran, laakiin cadaalad ayaan kaa rabnaa,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale Cali Jeyte wuxuu sheegay in Wasiir Fiqi la siiyey xog qaldan oo ah in ninkii Shabaabka ahaa ee Nuunuule ay duqeymo ku dileen diyaarado dagaal, balse xogta dhabta ah ay tahay in macawiisleyda beesha Xawaadle ay dishay.

“Saaxiibkey Wasiirka Gaashaandhigga waan u cudur daarayaa xog qaldan ayaa laga siiyey cidda dishay Khawaarijkii Nuunuule ahaa, laakiin isagu furinta ma tegin, waxaana sabab u ah shirarka amniga looga hadlayo cid nagu metesha ma jirto, war Madaxweynow faldan fagaarayaasha nagu soo dar,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Hoos ka daawo

Fiqi iyo Jaamac oo weerar ugu jawaabay mucaaradka saluugsan shirka Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka oo maanta saluug ka muujiyay shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan siyaasiyiinta mucaaadka ayaa gogosha Madaxweynaha shuruud uga dhigeen ka qeyb-galkiisa in uu noqdo mid xal looga gaaro khilaafka ka taagan dalka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaki wayn ka muujiyay shirka uu qabanayo Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inuu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, ee uusan aheyn mid lagu raadinayo xalka xaaladda taagan, sida lagu yiri bayaanka mucaaradka.

Intaas kadib waxaa bayaanka ka fal-celiyay Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Dekadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebook ku weeraray mucaaradka, oo ay ku tilmaameen “kuwa xambaarsan ajende shisheeye.”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa mucaaradka ku eedeeyay kuwa fulinaya ajende shisheeye, isagoo yiri “Mar waxay leeyihiin madaxweynihii albaabada ayuu naga xirtay oo cidna la hadli maayo, markii gogol wadahadal loo fidiyayna waa diidan yihiin.”

Waxa uu intaas kusii daray: “Dalka dibadiisa ayay ku wada ciideen, oo Midkoodna dalka kuma ciidin halkaas ayayna warsaxaafadeed ka soo saarayaan!. Xafiisyada ajnabiga waa isku ciriirinayaan, waana ku hor cabaadayaan marka madaxdii dalku ay casuuntana waa ka madax adaygayaan.”

Sidoo kale wuxuu mucaaradka ku tilmaamay kuwa u baahaj samatabixin, halkii ayaga ay wax samatabixin lahaayeen, “Haddana dalka ayaan samatabixinaynaa ayay leeyihiin!! Waa niman ayaga in la samatabixiyo u baahan!.”

Dhankiisa, Wasiirka Dekadaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa isna weerar ku qaaday mucaaradka, oo uu sheegay in aan la aqoon waxa ay doonayaan iyo waxa ay diidayaan toona.

“Horeyna aadi meyno, halkaana joogi meyno ahaa warka mucaaradka, horey waxaan u sheegey ajanduhu ajende Soomaali inuusan ahayn,” ayuu Wasiir Jaamac ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray: “Dalka horumarkiisa Maxadweyne ayaa u dooran. Qof iyo Cod ayaa awood leh.”

Si kastaba, Labadan Wasiir ayaa badanaa baraha bulshada ka difaaca qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee hanaanka doorasho ee lagu muransan yahay, iyagoo mucaaradkana ku qaada weeraro, una jeediya eedeymo aysan la socon caddeymo.

Faah-faahinta DAGAAL ka dhex-qarxay ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal kooban oo dhex-maray ciidamo kala taabacsan maamullada dariska ah ee Puntland iyo SSC-Khaatumo, kaas oo xalay ka dhacay gudaha degmada Shaxda ee gobolka Karkaar.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii uu degmadaas tegay wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Cabdinuur, waxaana kadib ciidamo la socday ay isku dhaceen kuwa kale oo taabacsan maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Is rasaaseynta ayaa ka dhacday gudaha magaalada, waxaana dadka deegaanka ay soo wariyeen in aanu jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay iska horimaadka.

Cabdifataax Cabdinuur ayaa degmada Shaxda u tegay la kulanka odayaasha dhaqanka, waxaase arrintaas ka dhashay gacan ka hadal, maadaama dagaal kooban uu xalay dhex-maray maamullada Puntland iyo SSC-Khaatumo oo isku hayo gacan ku haynta degmadaasi.

Xaalada ayaa weli aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada maamul oo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaata halkaasi.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay in dhowaan Puntland ciidamo dheeraad ah ay gaysay goobta, halka kuwa kale oo taabacsan SSC ay iyaguna soo galeen magaaladaasi kuwaas oo ka timid dhinaca Taleex, waxayna taasi keentay inay isku dhacaan labada ciidan.

“Waxaan helnay xog sugan oo muujinaysa in kooxo maleeshiyaad hubeysan oo sheegtay inay kasoo jeedaan deegaanka Taleex ay si dhuumaleysi ah kusoo galeen degmada Shaxda ee Gobolka Karkaar” ayaa lagu yiri qoraal horay uga kasoo baxay maamulka Puntland.

Demmada la’isku hayso ee Shaxda ayaa ku taalla xadka gobolka Sool, waxaana horay u sheegan jirtay Somaliland oo iyana maamusha qaybo kamid ah gobolkaas.

Si kastaba, Puntland iyo SSC ayaa haatan si weyn isku haya, waxaana ka dhex taagan xiisad culus oo sii laba kacleeysay, kadib aqoonsigii ay dowladda dhexe siisay Khaatumo

Mucaaradka oo shuruud adag ku xiray shirka Xasan Sheekh kadib shaki soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan siyaasiyiinta mucaaadka ayaa soo saartay bayaan culus oo ay uga hadashay xaaladda dalka, gaar ahaan qorshaha muranka badan dhaliyay ee ay waddo Villa Somalia.

Mucaaradka ayaa warsaxaafadeedka ay soo saareen waxa ay uga horyimaadeen kulamada uu qabanayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee loo ballansan yahay, iyaga oo shuruud adag ku xigay ka qayb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaki wayn ka muujiyay shirka uu qabanayo Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inuu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, laakiin waxa ay taasi beddalkeeda dalbadeen in shirka uu noqdo mid xal looga gaaro khilaafka ka taagan dalka.

“Madashu waxa ay u aragtaa kulmada uu Madaxweynuhu qabanaayo 15-ka iyo 22-ka bishaan inay yihiin kuwa oo uu taageero ugu raadinaayo jidkii uu horay ugu joogay ee sababay khilaafka iyo kala aaminbaxa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka mucaaradka.

Sidoo kale, Madasha ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay dhaawaceyso niyad wanaagii ay markii hore kusoo dhaweysay gogosha uu dhigay Madaxweynaha, ayna niyad-jabineyso shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ee rajada ka qabay gogosha taalla.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale farriin culus u dirtay Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ka dabatay inuu qabto wada xaajood dhab ah oo lagu wajahayo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay intaas kusii dartay in Madashu ay u taagan tahay sidii loo ilaalin ahaa midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, looguna gudbi laaha xaaladda taagan

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay mar walba u taagan tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka mucaaradka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan Villa Somalia ay waddo qaban qaabadii ugu dambeysay gogosha uu dhigay Madaxweynaha, iyada oo kulamo gaar gaar ah lasii bilaabay kuwaas oo uu Xasan Sheekh la qaatay ururadii is diiwaan-geliyay iyo bulshada rayidka ah.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad adag, waxaana taaan khilaaf culus oo u dhexeeya dowladda fedeeraalka, qaar kamid maamul goboleedyada dalka iyo xubnaha mucaaradka.

Khaby Lame oo lagu xiray lagana soo masaafuriyey Mareykanka kadib markii…

Las Vegas (Caasimada Online) – Wakiillada waaxda socdaalka Mareykanka ayaa qabtay Khaby Lame – qofka ugu taageerada badan TikTok caalamka – kadib markii uu muddo dhaaf ku noqday dal-ku-galkiisii, sida ay saraakiisha sheegeen Sabtidii, waxaana loo oggolaaday inuu si iskiis ah uga baxo dalka.

“Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ayaa xirtay Seringe Khabane Lame, 25 jir ah, oo ah muwaadin Talyaani ah, Juun 6, garoonka caalamiga ah ee Harry Reid ee magaalada Las Vegas, Nevada, isagoo lagu eedeeyay inuu jebiyay shuruucda socdaalka,” ayay hay’addu ku sheegtay war qoraal ah oo ay u dirtay AFP.

Lame ayaa galay Mareykanka 30-kii Abriil, balse wuxuu ku nagaaday waqti ka badan intii uu dal-ku-galkiisu u oggolaanayay, sida lagu sheegay bayaanka oo tilmaamay in la xiray Jimcihii balse isla maalintaas la sii daayay.

Lame, oo safiir samafal u ah UNICEF, sidoo kalena leh in ka badan 162 milyan oo taageerayaal ah barta bulshada ee TikTok, “wuxuu haatan ka dhoofay Mareykanka.”

Lame illaa hadda ugama uusan hadlin arrintan si shaacsan

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fuliyay ballanqaadyadii ol’olihiisa ee ahaa adkeynta xakameynta socdaalka iyo bilaabista olole ballaaran oo masaafurin ah – arrimo qaarkood ay maxkamadaha dalkaasi diideen ama hakad geliyeen.

Lame ayaa hadda ah qofka ugu taageerada badan TikTok, isagoo leh 162.2 milyan oo raacsan. Wuxuu caan ku noqday muuqaallo aamusan oo gaaban oo uu kaga faaloodo casharro adag iyo tabaha aan waxtar badan lahayn ee lagu arko internet-ka.

Muuqaalladiisa waxaa lagu yaqaanaa calaamadda uu kusoo afmeero – isagoo labadiisa gacmood kala furan kor u jeedinaya, wejigiisuna muujinayo gacan-haad garasho leh iyo dhoolla-caddayn, isaga oo bixinaya xalal sahlan oo toos ah.

Fikradda muuqaalladiisa ayaa kusoo dhacday intii uu ku sugnaa deegaanka guryaha bulshada ee qoyskiisu deggenaa ee Chivasso, meel u dhow magaalada Turin, kadib markii uu waayay shaqadiisii makaanik ee warshadda bishii Maarso 2020.

Muuqaaladiisa si degdeg ah ayay u faafeen, waxaana lagu qiyaasay inuu kasbaday illaa $16.5 milyan oo doolar intii u dhaxeysay Juun 2022 iyo Sebtembar 2023, taasoo ka timid heshiisyo xayeysiin iyo suuq-geyn oo uu la galay shirkado waaweyn, sida lagu sheegay warbixin ay qortay Forbes.

Shabaabkii ugu badnaa oo isugu tegay Aadan Yabaal

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka socdaan gobolka kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Macawiisleyda iyo Al-Shabaab.

Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan laga dareemayaa xadka labada gobol, iyada oo sidoo kale Al-Shabaabkii ugu badnaa ay isugu tageen aagga degmada Yabaal, sida uu shaaciyay Maxamed Cabdi Macow oo ah guddoomiyaha degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Macow ayaa sheegay in ay ka war qabaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab iyo abaabulka ay ka wadaan degmada Aadan Yabaal, waxaase uu tilmaamay inay ka jareen waddada, sida uu hadalka u dhigay

“Shabaab Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe waxa uu u haayay ma leh dhammaantood Aadan Yabaal ayay isugu keeneen, halkaas ayayna ku socdeen waddadii ayaana ka jarnay” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay soo geli waayeen Hiiraan, haddana ujeedkooda uu yahay inay xoogga soo saaraan gobolkaas, si ay uga taqalusaan Macawiisleyda beesha Xawaadle ee difaaca adag uga jira xadka labada gobol.

“Waxaa lagu fasiri karaa in Hiiraan ay madaxa geli waayeen ayna horta dhammaantood go’aan ah qaateen inay ka taqalusaan ciddaan maahinee inayna meel kale qabsan karin, taasina uma suuragelyso haddii uu Ilaahey yiraahdo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Khawaarijta waan iska celineynaa wax isxaan ah uma sameyneyno, waana baabi’ineynaa”.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay mar kale dagaal qaraar uu ka dhacay aagga Ceelhareeri, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey halkaasi, waxaana kadib la gaarsiiyay khasaare culus.

Dagaalka ka socda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sii xoogeysanaya, waxaana labada dhinac ay weli sii wadaan dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ciidan oo iska soo horjeedo, taas oo uga sii dareysa xaaladda kacsan ee haatan laga dareemayo deegaannada HirShabeelle.

Daawo: Xaadoole oo sheegay in uusan rabin kursi dambe oo xildhibaan hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanimada uu ku soo lugo’ay, isla markaana uusan hadda kadib kursi xildhibaan raadsa doonin.

Xaadoole wyaa sheegay in cid ka amar qaadaneysa xildhibaanka aysan jirin, isla markaana uu rabi lahaa inuu u taliyo dad ka amar qaata oo wax bedeli kara.

Isagoo shacab badan la hadlaayey maanta ayuu yiri, “Aniga ha i dooranina hadda kadib, xildhibaan dambe ma rabo, xildhibaanimo wax aan madax-xanuun aheyn kama helin.”

Xaadoole ayaa sheegay in dhaqaale badan uusan ku heysan kursigaan, “aniga waxaan rabaa inaan go’aan qaada karo oo wax qaban karo subaxdii markii aan sariirteyda ka soo kaco maxaan qabanaa? War xildhibaanimadu shaqo fiican maaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Xildhibaan Xaadoole ayaa sheegay in wasiirrada lasoo magacaabay xitaa ay yasaan xildhibaanada oo aysan waqti siinin, taas oo bahdil ku ah, sida auu hadalkiisa u dhigay.

“Xildhibaan waxaan ku soo qaba karay waan ku qabtay, hadda kadibna ma rabo, waxaan u soo jeesanaa dagaalka, Kabakutukade dadkeena ma gumeysa karo, waan iska dhicineynaa, waana geleynaa dagaalka, iska fadhi meyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Xaadoole.

Xildhibaanka ayaa aad uga hadlay dhibaatooyin ay Al-Shabaab ku hayaan dadkiisa reer Shabeellaha Dhexe, “dagaalka hala galo ciidan naguma yaree,” ayuu yiri isagoo xisaabinaya sida beelaha Abgaal ay u kala degan yihiin.

Halkaan ka daawo

Xog: Somaliland iyo Itoobiya ‘oo dib u billaabaya’ wada-hadallada heshiiskii BADDA

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ayaa la filayaa inuu dhowaan safar rasmi ah ku tago magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan heer sare ah kula yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in kulankaas diiradda lagu saari doonaa heshiiskii muranka dhaliyay ee Badda (MoU) ee la saxiixay 1-dii Janaayo 2024, balse aan illaa iyo hadda la dhaqan gelin.

Ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu doonayo “wadahadal toos ah” oo uu la yeesho Ra’iisul Wasaare Abiy si ay uga arrinsadaan heshiiskaasi, kaasoo la saxiixay xilligii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiska MoU-ga, oo ay hore u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, wuxuu Itoobiya siinayaa kiro 50 sano oo ah qaybo ka mid ah xeebta Somaliland ee ku taal Gacanka Cadmeed, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland — tallaabo ay si adag uga hor timid dowladda federaalka Soomaaliya.

“La’aanta aqoonsi buuxa oo caalami ah, madaxweynuhu ma aqbali doono wax ka hooseeya,” ayuu yiri la-taliye madaxweynaha ka tirsan oo codsaday in aan la magacaabin. “Wuxuu doonayaa in arrimaha la kala caddeeyo oo uu si toos ah ula hadlo hoggaanka Itoobiya kahor inta uusan tallaabo dambe qaadin.”

Heshiiska MoU-da oo aan wali dhaqan gelin, ayaa noqday udub-dhexaadka dadaallada diblomaasiyadeed ee Cirro tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Bishii hore, intii uu ku sugnaa safar rasmi ah oo uu ku tagay dalka Jabuuti, Madaxweyne Cirro waxa uu wadahadallo la yeeshay diblomaasiyiin Itoobiyaan ah oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka Safiirka Itoobiya ee Jabuuti, Kebede Abera Ido.

Wadahadalladooda waxa ay diiradda saareen arrimaha amniga gobolka, marin-biyoodka Badda Cas, xoojinta ganacsiga, iyo fursadaha maalgashi ee labada dhinac.

“Waxa uu madaxweynuhu la falanqeeyay safiirrada horumarinta dhaqaalaha gobolka, fursadaha maalgashi, fududeynta ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha, iyo kordhinta gargaarka bani’aadannimo,” ayuu yiri Xuseen Aadan Cige, afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, war-saxaafadeed uu soo saaray bishii May.

Ku-xigeenka safiirka Itoobiya, Kebede, ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Itoobiya ay xiisaynayso xoojinta iskaashiga ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo amniga.

Itoobiya oo aan lahayn marin badeed ayaa muddo dheer raadineysay waddooyin kale oo badeed si ay u horumariso awooddeeda dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha.

Madaxweyne Cirro, oo xoojinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, ayaa sidoo kale toddobaadkii hore kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye magaalada Nairobi. Kulankaas ayuu mar kale ku adkeeyay baaqii Somaliland ee ahaa in la helo aqoonsi caalami ah.

“Ma nihin dad u yimid Nairobi si ay u baryaan,” ayuu Cirro u sheegay ka qaybgalayaashii kulanka. “Ma raadinayno deeq; waxaan halkaan u nimid inaan dhisno iskaashi dhab ah oo aan la yeelanno dowlado, maalgashadayaal, iyo hay’ado fahamsan qiimaha ay leedahay faa’iido wadaag.”

Dadka Somaliland badankood waxay weli rajo weyn ka qabaan in wada-shaqaynta Itoobiya ay horseedi karto aqoonsi caalami ah — himilo Somaliland ay ku taamaysay tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda 1991.

Somaliland oo shaaca ka qaaday waqtiga shidaal qodista ay bilaabeyso

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay goorta rasmiga ah ee ay bilaabeyso shidaal qodista deegaannadeeda, kadib muddo ay soo waday sahmin lagu xaqiijiyay in Somaliland uu ku jiro shidaal.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Injineer Axmed Jaamac Barre oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta St.Vincent Times ayaa sheegay in shidaal qodista ay bilaabi doonaan horraanta sanadka soo socda ee 2026-ka, ayna sameyn doonaan laba shirkadood oo caalami ah, kuwaas oo kala ah Genel Energy (UK) iyo RAK Gas (UAE).

Injineer Axmed Jaamac ayaa sidoo kale tilmaamay in rajo wayn ay ka qabaan in Somaliland ay ku guuleysato shidaal qodisteeda, isla markaana sahanka la sameeyay uu muujinayo in Somaliland uu ku jiro shidaal ay ka faa’iideysan karto, kulana baayac tami karto caalamka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan lasoo dhammeeyay daraasado farsamo oo ballaaran, oo ay ku jiraan sahanno casri ah oo muujinaya fursado badan oo saliid iyo gaas ah oo ay leedahay Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in la xoojiyay nidaamka sharciyada batroolka, heshiiska qaabka wadaagga wax-soo-saarka (PSA) iyo siyaasadaha taageeraya howlgallada shiidaalka.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay haatan diyaar u tahay maalgashi caalami ah iyo inay la macaamisho aduun weynaha.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa hadda wadda qorshe kale oo dib loogu sii amba qaadayo heshiiskii Itoobiya ee muranka dhaliyay ee la saxiixaay 1-dii Janaayo 2024, balse aan illaa iyo hadda la dhaqan gelin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro uu qorsheynayo inuu u safro magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan heer sare ah kula yeelan doono Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, si uu ugala hadlo heshiiska badda.

Heshiiska MoU-ga, oo ay hore u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, wuxuu Itoobiya siinayaa kiro 50 sano oo ah qaybo ka mid ah xeebta Somaliland ee ku taal Gacanka Cadmeed, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland — tallaabo ay si adag uga hor timid dowladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland, Ethiopia to hold talks on controversial MoU

HARGEISA, Somalia — Somaliland President Abdirahman Abdillahi Irro is preparing to travel to Addis Ababa for high-level talks with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, aiming to revive a stalled agreement over access to the Red Sea that has drawn regional controversy and diplomatic tensions.

According to sources within Somaliland’s presidential office, Irro is seeking a direct meeting with Abiy to clarify Ethiopia’s position on a memorandum of understanding (MoU) signed on January 1, 2024.

The deal, which has not yet been implemented, offers Ethiopia a 50-year lease on parts of Somaliland’s coastline along the Gulf of Aden in exchange for formal recognition of Somaliland’s independence.

“The president will not accept anything less than full international recognition,” said a senior adviser to Irro, speaking on condition of anonymity. “He wants a frank conversation with Prime Minister Abiy before taking any further steps.”

Deal at the center of diplomatic strain

The MoU, signed under former president Muse Bihi Abdi, has faced strong opposition from the Somali federal government, which insists Somaliland remains an integral part of its territory. Mogadishu has condemned the agreement as a violation of Somalia’s sovereignty and has called on the international community to reject it.

The pact has become the focal point of President Irro’s foreign policy since he assumed office in January. His administration has adopted a more measured diplomatic approach, contrasting with his predecessor’s unilateral engagement with Addis Ababa.

During a visit to Djibouti last month, Irro held preliminary discussions with Ethiopian officials, including Kebede Abera Ido, Ethiopia’s deputy ambassador to Djibouti. Talks focused on regional security, Red Sea maritime routes, and expanding trade and investment ties between the two sides.

Landlocked Ethiopia has long sought alternative access to the sea to diversify its trade routes, which currently rely almost entirely on Djibouti. The deal with Somaliland would offer Ethiopia direct access to the Gulf of Aden—a crucial maritime corridor linking the Red Sea to global shipping lanes.

Kebede confirmed Ethiopia’s interest in deepening ties with Somaliland, particularly in the areas of commerce and security.

“Ethiopia views cooperation with Somaliland as a strategic priority,” he reportedly told Somaliland officials during the meeting in Djibouti.

Somaliland Presidential Spokesman Hussein Adan Igeh added that discussions also covered regional economic integration, infrastructure development, and humanitarian coordination.

“The president emphasized investment opportunities, trade facilitation, and infrastructure partnerships,” Igeh said in a May press release.

Somaliland’s quest for recognition

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of the Siad Barre regime, but no country has formally recognized its statehood. Leaders in Hargeisa see potential Ethiopian recognition as a breakthrough that could open the door to broader international acceptance.

Public sentiment in Somaliland remains hopeful that stronger ties with Addis Ababa will advance this goal. However, the agreement has alarmed regional bodies, including the African Union and the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), which have warned of potential instability.

Irro, seeking to strengthen Somaliland’s international profile, also visited Nairobi last week, where he met with Western diplomats and foreign representatives. There, he reiterated Somaliland’s message that it is not seeking handouts but meaningful partnerships.

“We didn’t come to Nairobi to beg,” Irro told participants. “We are not looking for donations—we came to build genuine cooperation with governments, investors, and institutions that understand the value of mutual benefit.”

While Somaliland pushes forward, Somalia continues to assert its legal authority over the entire Somali territory. The federal government has repeatedly called the Ethiopia-Somaliland MoU illegitimate and warned that any implementation would escalate regional tensions.

“Any bilateral deal involving Somali territory without federal consent will only inflame tensions,” said a Somali diplomatic source in Mogadishu.

 

Soomaaliya oo wajahaysa cawaaqibka isku tuur-tuurka Mareykanka iyo YURUB

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku adkaysaneysa in dalalka Afrika iyo Yurub ay si dhab ah uga qeyb qaataan maalgelinta Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), halkii culayskaas si gaar ah loo saari lahaa Mareykanka.

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael Langley, oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay arrintaas intii uu socday Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Afrika 2025 oo uu si wadajir ah ula shir guddoomiyay dowladda Kenya, ayaa sheegay in dalalka Afrika ay tahay inay qaataan mas’uuliyadda amniga gobolladooda, isagoo xusay muhiimadda “la wadaagista culayska.”

“Maaddaama khayraadka caalamka dib loo miisaamayo, waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan saaxiibada caalamka — oo ay Afrika ku jirto — ay si dhab ah u qaataan masuuliyadda amniga gobolka iyo kan qaaradda,” ayuu yiri Langley.

“Waan ogahay in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay dadaal ugu jiraan xallinta caqabadaha jira, balse aniga oo ka hadlaya dhinaca amniga iyo hawlgalka, waxaan jeclaan lahayn in la xaqiijiyo xasilooni waarta oo Soomaaliya ka dhalata. Mareykanku wuxuu taageeraa dhismaha awoodda amni ee Soomaaliya, aniguna halkaas ayaan ka shaqeeyaa.”

“Waxaan ku dadaaleynaa in la hirgeliyo mas’uuliyad la wadaago oo ay qeyb ka yihiin dhammaan saaxiibada si Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay u gaaraan himilooyinkooda amni,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Diidmada Congress-ka Mareykanka

Senator Jim Risch (R-Idaho), guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka, ayaa isna ka hadlay arrinta maalgelinta AUSSOM, isagoo sheegay in Mareykanku uusan diidin taageerada howlgalka AU, balse uu doonayo in saaxiibadiisu ay qeyb libaax ka qaataan.

“…Kaliya waxaan ku adkeyneynaa in Yurub iyo Afrika ay ka soo dhalaalaan waajibaadkooda. Qaababka maalgelinta sida Qaraarka UNSCR 2719 (2023) ee Golaha Ammaanka waxay dadka kale ka siinayaan fursad ay kaga baxsadaan kharashaadka, iyagoo culayska dusha ka saaray shacabka Mareykanka, QM ay ka weecato eedeymaha fashilkeeda,” ayuu yiri Talaadadii.

Risch wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uusan ka harayn taageerada uu siiyo Danab — cutub khaas ah oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu Mareykanku tababaray.

“Taageeradii Danab waxay bilaabatay in ay jaranto 2024, kaddib markii hoggaamiyeyaashoodu lunsadeen raashiinkii ciidanka, dowladda Soomaaliyana aysan wax tallaabo ah qaadin. Ma ahan in canshuur bixiyeyaasha Mareykanku ay sii maalgelinayaan musuq-maasuqa. Danab ayaa mas’uul ka ah fashilkaas,” ayuu yiri.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa muddo dheer cadaadinayay in la helo maalgelin rasmi ah oo loo maro qoondada Qaramada Midoobay si loo taageero AUSSOM. Qaraarka Golaha Ammaanka ee 2719 (2023) ayaa oggolaanaya in UN-ku si kiiska-kiis ah u maalgeliyo howlgalka AU ilaa 75% oo ah qarashaadka, iyadoo loo marayo qoondada dhaqaalaha ee UN-ka.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Kenya, William Ruto, ayaa bishii Oktoobar ee la soo dhaafay dalbaday in la kordhiyo taageerada amniga, kahor wareejinta mas’uuliyadda AUSSOM ee billaabatay Janaayo. Waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in AUSSOM si buuxda loo maalgeliyo, iyagoo ku baaqay in la sahmiyo dhammaan ilaha suurtagalka ah ee maalgelinta.

Bishii Abriil, shir degdeg ah oo ay yeesheen madaxda dalalka ciidamada keena, oo ka dhacay Entebbe, Uganda, ayaa lagu muujiyay walaac weyn oo ku saabsan yaraanta maalgelinta AUSSOM, waxaana lagu boorriyey hirgelinta qaraarka UNSC 2719.

Taageerada la marsiinayo qoondada Qaramada Midoobay waxay daboolaysaa dhammaan kharashaadka howlgalka AU — oo ay ku jiraan kharashaadka iyo magdhawga ciidamada iyo booliiska — iyadoo la raacayo heshiisyada u dhexeeya dalalka tabaruca, AU, iyo UN.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanku wuxuu hor istaagayaa maalgelintaas. Gen. Langley ayaa sheegay in shirkii ACHOD uu fursad u noqday “in si daacad ah looga hadlo arrinta culays la wadaaga.”

In kasta oo uu xusay in AU iyo UN ay isku dayayaan xallinta caqabadaha, haddana wuxuu qiray in “dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira AUSSOM ay si gaar ah u muujinayaan caqabadaha ay Soomaaliya ka hortimid.”

“Anigu faah-faahintaas toos uma gelayo, balse waxaan rabaa in la ogaado in haddii la xalliyo arrimahaas, ay fure u noqon karto sii socoshada howlgallada ay wadaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah al-Shabaab. Waan ogahay in Mareykanku uu weli la shaqeynayo daneeyeyaasha gudaha, saaxiibada, iyo dalalka dariska ah si loo xoojiyo iskaashiga lagula tacaalayo cadowgan halista ah,” ayuu yiri.

Qaraarka xanibaadda maal-gelinta 

Bishii May 2-deedii, Senator Jim Risch, Ted Cruz (R-Texas), iyo Rick Scott (R-Florida), ayaa soo bandhigay hindise sharciyeed la yiraahdo Xeerka Xannibaadda Maalgelinta AUSSOM 2025, ujeeddadiisuna tahay “in lagu ilaaliyo lacagta canshuur bixiyeyaasha Mareykanka la lana xisaabtamo AU iyo UN.”

Senator Risch ayaa sheegay in ay jiraan isku dayo ay waddamada Yurub ku doonayaan in ay kaga baxsadaan waajibaadkooda dhaqaale ee AUSSOM iyagoo adeegsanaya nidaam cusub oo caddaalad darro ah, culayskuna si gaar ah ugu dhacayo Mareykanka.

“Arrintaasi lama ogolaan karo. Hindisahan sharciyeed wuxuu xannibayaa ka qaybqaadashada Mareykanka ee maalgelinta AUSSOM, ilaa ay AU iyo UN muujiyaan in ay si mas’uuliyad leh u maareynayaan lacagaha jira, kana hortagaan in Mareykanku si joogto ah u maalgeliyo nidaam musuq ah oo aan hufneyn,” ayuu yiri Risch.

Senator Cruz wuxuu sheegay in xeerka uu difaacayo lacagta shacabka Mareykanka, isla markaana uu ka hortagayo in laga faa’iideysto si aan u adeegayn danaha amniga qaran ee Mareykanka.

Senator Scott isaguna wuxuu ku raacay, isagoo sheegay in Mareykanku uusan ogolaan doonin in lacago canshuur laga lunsado, halka ay saaxiibadiisu ka baaqsadaan bixinta qaybtooda — “gaar ahaan marka howlgalka aan laheyn hufnaan ama daahfurnaan.”

Senatorrada waxay intaas ku dareen in AU aysan weli buuxin shuruudihii ay Mareykanku codsadeen, taasoo muujineysa in aan la tixgalin lacagta canshuur bixiyeyaasha Mareykanka.

Doodda is-eedeynta ah waxay imaaneysaa xilli al-Shabaab ay sii wadaan weerarro joogto ah oo ka dhacaya qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo ciidamadii shisheeye ay dalka ka baxayaan.

Cali Jeyte oo beeniyey sheegasho ay sameysay DF + Arrinta muranka dhalisay

Beledweyne (Caasimada Online) – Ergayga Madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha ciidamada difaaca deegaanka ee macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamka ay duqeyn ku dileen Horjoogihii ugu halista badnaa Al-Shabaab ee deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule) oo shalay la xaqiijiyey geeridiisa.

Cali Jeyte ayaa sheegay in ciidamada deegaanka ee gobolka Hiiraan ay ninkaas ku dileen weerar dhabagal ah oo ka dhacay aagga deegaanka Ceelhareeri oo hoos taga degmada Moqokori.

Sidoo kale, Cali Jeyte ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dafirto doorka dagaalka Macawiisleeyda iyo dilka ay u geysteen horjoogahii Al-shabaab ee gobolada Hiiraan, Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe.

“Horjooge Nuunaale iyo horjooge kale waxa dilay ciidanka Macawiisleeyda weerar jidkal ku sameeyay, cid kale ma dilin, mana ahan in la xaqiro doorkooda, iyagoo maalin walba dhiig u daadinaya difaaca dalka, waa nasiib daro weyn,” ayuu yiri.

Me. Jeyte ayaa sidoo kale xusay in Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay hayaan howshii looga baahna Soomaalida oo dhan, balse ay muuqato in guushii ay gaareen lasii xaqiraayo, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Soomaaliweyn waxaan leeyahay waad nagu fiirsateen dagaalka, Macawiisleyda Hiiraan waxay hayaan talaabadii laga rabay Soomaaliweyn oo dhan, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed yaan nalagu fiirsan cadawga, hadii nalagu sii fiirsadana wax walba way dhamaan doonaan, waxaana qormeysa taariikh,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Hadalka Cali Jeyte ayaa burinaya warkii Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi oo shalay sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada caalamka ay duqeyn ku dishay Nuur Cabdi Rooble Nuunuule.

Telefishinka Dowladda ayaa soo bandhigay muuqaalka gantaalkii lagu dhuftay Nuunuule iyo maleeshiyaadkii la dhintay, kaas oo haleelay bartilmaameed sax ah oo khasaare culus u geystay Al-Shabaab, sida lagu cadeeyey warbixinta.

Ciidamada DANAB oo laayey horjoogayaal Al-Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware oo 4 KM dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawl-galkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay kooxdu adeegsanayeen, oo ay kamid yihiin; lix qori oo nooca PKM ah, labo RPG iyo 17 AK-47, waxaana halkaas lagu burburiyey dhagartii ay abaabulayeen kooxdaas.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa had iyo goor ka go’an ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga guud ee dalka, iyada oo kaashaneysa Ciidanka Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Geesiyaasha xoogga iyo kuw deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howl-gallo culus qaaday, iyadoo Hiiraan jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, waxaana weli sii soconayo halganka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Inta ay socdeen howl-galladan waxaa lagu dilay horjoogayaal sar sare oo uu kamid yahay Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo sidoo kale ahaa nin halis badan oo ka qayb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle.

Ninkan ayaa qayb weyn ku lahaa abaabulka kooxda ka waddo Shabeellaha Dhexe oo kooxda ka qabsatay deegaanno dhowr ah.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa sii laba kacleynaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay haatan qorsheyneyso inay qaado gulufkii ugu dambeeyay oo kooxda looga xoreynayo deegaannadii u dambeeyay ee ay qabsatay.

Sababta gantaalada difaaca hawada sare loo geeyay magaalada Makkah?

0

Makkah (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa si cad u muujisay sida ay uga go’an tahay sugidda amniga magaalada barakeysan ee Maka, xilli lagu guda jiro xajka sanadlaha ah.

Muuqaallo ay baraha bulshada ku baahisay wasaaraddu ayaa muujinaya diyaarado nooca Helicopter ah iyo nidaamyo casri ah oo difaaca hawada ah oo la geeyay agagaarka Masjidka Xaramka. Wasaaraddu waxay qoraalkeeda ku sheegtay in ciidanka difaaca cirka ay “isha si aan libiqsi lahayn uga hayaan” amniga martida Ilaahay.

Nidaamka Patriot oo lagu arkay Makkah

Mid ka mid ah sawirrada la baahiyay ayaa si gaar ah u muujinaya nidaamka difaaca gantaalaha ee American Patriot MIM 104 oo la dhigay meel u dhow xarunta Sacudiga Clock Tower, taasoo ka ag dhow Masjidka Xaramka.

Diyaarad Helicopter ah ayaa sidoo kale lagu arkay iyadoo dul wareegaysa hareeraha masjidka, taasoo ah qayb ka mid ah korjoogteynta cirka ee magaalada barakeysan. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dad lagu qiyaasay hal milyan iyo bar ay kasoo qeyb-galeen xajka sanadkan, taasoo sare u qaaday baahida loo qabo sugidda amniga guud ee Maka.

Nidaamka Patriot MIM 104 oo ay soo saareen shirkadaha Raytheon iyo Lockheed Martin, ayaa ah mid si gaar ah loogu talagalay ka hortagga weerarada cirka sida gantaallada ballistic-ga, cruise-ka iyo duqeymo kasta oo hawada ah.

Raadaarkiisa casriga ah ayaa awood u leh inuu bartilmaameedyo badan hal mar go’aamiyo, isla markaana si deg-deg ah uga falceliyo khataraha soo food saara goobaha muhiimka ah.

Xaqiijinta amniga xujeyda xilliga Xajka

Warbixin laga helay shir jaraa’id oo ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in la diyaariyay nidaam amni oo dhammeystiran si loo sugo nabadda xujeyda.

Agaasimaha guud ee Amniga, Sarreeye Guud Maxamed Al-Bassami, ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay dadaal badan ku bixisay in xujeyda ay helaan deegaan ammaan ah, habeysan, oo ay si nabad ah ku gutaan waajibaadka diimeed.

Amniga xajka ayaa waxaa lagu saleeyay maareynta dadka, taraafikada, xaaladaha degdegga ah iyo kala dambeynta guud. Dowladda Sacuudiga waxay sidoo kale shaacisay in la kordhiyay tirada ciidamada suga ammaanka iyo qalabka ay adeegsanayaan si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada lagu garto khataraha suurta-galka ah.

Arrimahan ayaa dooddo ka dhaliyay baraha bulshada, iyadoo su’aallo laga keenay sababta dhabta ah ee keentay in Makkah la geeyo nidaamyada difaaca culus xilliga Xajka. Dadka qaar ayaa waxay sheegeen in tani la xiriirto cabsi laga qabo weerarro ka yimaada dagaal-yahannada Xuutiyiinta Yemen.

Inkasta oo Xuutiyiintu ay iska fogeeyeen eedeymaha weerarada Makkah, haddana Sacuudigu hore ayuu ugu eedeeyay inay weerarro horey u qorsheeyeen.

Si kastaba, Tallaabadan difaac ee Makkah ayaa muujinaysa sida ay Dowladda Sacuudiga uga go’an tahay sugidda ammaanka goobaha barakeysan ee Muslimiinta iyo ilaalinta martida Ilaahay.

Dowladda Mareykanka oo taageertay dadaalka Itoobiya ay ugu jirto helitaanka BAD

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Dowladda Mareykanka ay si buuxda u taageertay dadaallada ay ku doonayso in ay ku hesho marin badeed, iyadoo doorbidaysa in arrintan loo maro waddooyin nabadeed iyo diblomaasiyadeed.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) Safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Massinga ayaa muujiyay sida ay Dowladda Mareykanka u fahamsan tahay muhiimadda uu marin badeed u leeyahay Itoobiya.

Wuxuu sheegay in Mareykanku uu si dhab ah u garab taagan yahay hammiga Itoobiya, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarka dhaqaale ee dalka iyo xasiloonida guud ee gobolka.

Danjire Massinga ayaa hoosta ka xarriiqay in waddan weyn oo sida Itoobiya ah, oo leh koboc dhaqaale oo xawli ah iyo dad aad u badan, aysan suurtagal ahayn inuu horumar gaaro la’aanta marin badeed. Wuxuu tilmaamay in helidda deked rasmi ah ay tahay lama huraan, maadaama ay si toos ah ugu xiran tahay awoodda dalkaasi u leeyahay inuu ganacsi la yeesho dunida inteeda kale.

Safiirku waxa uu sidoo kale muujiyay sida Mareykanka uga go’an tahay inuu Itoobiya ku taageero waddooyin kala duwan oo ay ku gaari karto yoolkeeda. Taageeradaasi waxay ka mid yihiin iskaashi ganacsi, mid diblomaasiyadeed iyo mid nabadeed — taasoo muujinaysa xiriirka dhow ee labada dal iyo sida ay u wadaagaan danaha ku aaddan nabadda iyo horumarka gobolka.

Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe si xooggan ugu hawlanayd sidii ay u heli lahayd marin badeed rasmi ah, iyadoo arrintaas saldhig uga dhigtay heshiiskii ay sannadkii 2024 la gashay Somaliland. Heshiiskaas oo muran dhaliyay ayaa sababay xiisado diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo sare u qaaday dooda ku saabsan suurtagalnimada heshiis deked la wadaago.

Hadalka Massinga ayaa imanaya xilli Itoobiya ay si firfircoon u xoojinayso xiriirrada ay la leedahay dalal ku yaalla badda Cas sida Jabuuti, Kenya iyo Imaaraadka Carabta. Tani waxay muujinaysaa sida Itoobiya ay u dardar gelinayso siyaasaddeeda dibadda si ay u xaqiijiso yoolkeeda helida marin badeed.

Sawirro: Iska hor-imaad xooggan oo ka socda magaalada Los Angeles

Los Angels (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray in Ciidanka Ilaalada Qaranka (National Guard) loo diro magaalada Los Angeles oo ay ka socdaan rabshado, tallaabo dhif ah oo lagu wado inay dhacdo Axadda maanta, inkasta oo uu si cad uga horyimid barasaabka gobolka California.

Go’aankan ayaa yimid kadib mudaharaadyo rabshado wata oo lagaga soo horjeeday howlgalada socdaalka ee lagu bartilmaameedsanayo dadka aan sharciga haysan.

Trump ayaa la wareegay awoodda federaalka ee ciidamada gobolka si uu ugu suurtageliyo in askarta la geeyo magaalada labaad ee ugu weyn Mareykanka, arrin ay warbaahinta Mareykanka ku tilmaantay mid aan dalka laga arkin tan iyo tobannaan sano. Guddoomiyaha gobolka California, Gavin Newsom, ayaa go’aanka ku sifeeyay mid “si ula kac ah u hurinaya xiisadda.”

Tallaabadan ayaa timid kadib laba maalmood oo ay jireen isku dhacyo u dhaxeeyay ciidamada federaalka iyo dad mudaharaadaya, kuwaas oo ka careysnaa xarigga muhaajiriin badan oo lagu qabtay magaalada ay ku badan yihiin dadka asalkoodu Latino yahay.

“Annaga ayey nagu tahay inaan u istaagno dadkeenna,” ayay tiri haweeney Los Angeles degan, oo aan rabin in magaceeda la shaaciyo, iyadoo xustay in waalidiinteed yihiin muhaajiriin.

“Haddii nala dhaawaco, haddii nala gubiyo ama nala sumeeyo, kama noqonayno. Waxa kaliya ee nagu haray waa codkeenna,” ayay u sheegtay AFP iyadoo nalalka xaaladda deg-degga ahi ka ifayeen meel u dhow.

Sawir-qaade AFP ah ayaa arkay dab iyo bambooyin inta lagu guda jiray isku dhacyada, halkaas oo qof sitay calanka Mexico uu istaagay agagaarka baabuur gubtay oo lagu qoray farriin ka dhan ah Hay’adda Socdaalka iyo Fulinta Sharciga (ICE).

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in “Madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo lagu dirayo 2,000 oo askari si ay u xakameeyaan xadgudubka sharci ee si sahlan loogu dulqaadanayay,” iyadoo eedda dusha uga tuurtay madaxda Dimoqraadiga ee California oo ay ku tilmaantay kuwo “karti darran.”

“Maamulka Trump waxa uu leeyahay siyaasad eber dulqaad ah marka la eego dambiyada iyo rabshadaha, gaar ahaan kuwa lala beegsado saraakiisha fulinaya waajibaadkooda,” ayay raacisay.

Trump ayaa habeenkii Sabtida, wax yar ka hor saqda dhexe, bartiisa Truth Social ku bogaadiyay Ciidanka Qaranka isagoo sheegay inay “si heer sare ah shaqadooda u gutaan.”

Hase yeeshee, Duqa Magaalada Los Angeles Karen Bass ayaa ku sheegtay barteeda X (hore Twitter) in ciidamada wali aan la geyn magaalada, iyadoo weriyeyaasha aysan illaa iyo haatan arkin wax ciidan ah oo dhulka jooga.

Trump ayaa dhaleeceeyay Bass iyo Newsom, isagoo qoraalkiisa ku sheegay inaysan “lahayn karti ay ku xalliyaan xaaladda,” isla markaana tusaale u soo qaatay dabkii dhimashada lahaa ee magaalada ku dhufay bishii Janaayo.

– Tallaabo xiisad hurineysa –

Ciidanka Ilaalada Qaranka Mareykanka, oo ah ciidan kayd ah, waxaa inta badan loo adeegsadaa xaaladaha musiibooyinka dabiiciga ah, sida dabkii LA ka kacay, ama mararka qaar marka ay dhacaan rabshado gudaha ah. Hase yeeshee, xaaladahaas waxaa guud ahaan lala kaashadaa madaxda deegaanka.

Barasaabka California ayaa si kulul uga hor yimid go’aanka Trump, isagoo sheegay in uu yahay “mid si ula kac ah u hurinaya xiisadda oo kordhin kara gacan-ka-hadalka.”

“Dowladda federaalka waxay rabtaa muuqaal rabshado wata. Ha siinina. Ha isticmaalina rabshad. U hadla si nabad ah,” ayuu Newsom ku yiri bartiisa X.

Wasiirka Gaashaandhigga Trump, Pete Hegseth, ayaa isna ku hanjabay in ciidanka rasmiga ah ee ku sugan xerada Camp Pendleton la hawlgelin doono haddii rabshaduhu sii socdaan.

“Haddii rabshaduhu sii socdaan, ciidanka badda ee Marines ee Camp Pendleton waa diyaar, waxayna ku jiraan feejignaan sare,” ayuu ku qoray baraha bulshada.

Professor Jessica Levinson, oo ah khabiir sharciyeed, ayaa sheegtay in hanjabaadda Hegseth ay u muuqato mid astaamo muujineysa maadaama ay jiraan xadidaad sharciyeed oo guud ahaan ka mamnuucaya adeegsiga ciidanka rasmiga ah ee Mareykanka gudaha dalka haddii aysan jirin kacdoon.

“Ciidanka Qaranku waxa ay samayn karaan ugu badnaan taageero dhanka qalabka iyo shaqaalaha,” ayay tiri Levinson.

– Howlgallada ICE –

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Janaayo, Trump wuxuu ballanqaaday inuu si adag u wajahayo dadka sharci-darrada ku jooga Mareykanka, kuwaasoo uu marar badan ku sifeeyay “makhluuqyo” iyo “xayawaan.”

Wasaaradda Ammaanka Gudaha ayaa sheegtay in howlgaladii ICE ee toddobaadkan ka dhacay Los Angeles ay horseedeen xarigga “118 qof oo shisheeye ah, oo ay ku jiraan shan xubnood oo burcad ah.”

Iskahorimaadkii ugu weynaa ee Sabtidii ayaa ka dhacay xaafadda Paramount, halkaasoo mudaharaadayaal ay isugu tageen xarun la tuhunsanaa inay ahayd mid uu isticmaalayay maamulka federaalka, sida uu sheegay duqa deegaankaasi.

Shaqaalaha socdaalka oo wejiyada qarsaday oo hubeysan ayaa Jimcihii qaaday weerarro lagu bartilmaameedsaday goobo shaqo oo kala duwan oo magaalada ku yaalla, taasoo keentay caro dadweyne iyo is-hor istaagyo saacado socday.

Fernando Delgado, oo 24 jir ah, ayaa sheegay in howlgaladaasi yihiin “cadaalad-darro,” isagoo xusay in dadka la xiray ay yihiin “dad bani’aadam ah sida qof walba oo kale.”

“Annagu waxaan nahay Spanish, waxaan caawinaa bulshada, waxaan qabanaa shaqooyinka dadka kale aysan rabin,” ayuu u sheegay AFP.

Duqa magaalada Los Angeles, Bass ayaa qirtay in dad badan oo deggan Los Angeles ay dareemayaan “cabsi” kadib howlgalada socdaalka ee dowladda dhexe.

“Qof walba wuxuu xaq u leeyahay in uu si nabad ah u mudaharaado, balse aan caddeeyo: rabshad iyo burbur lama aqbali karo, cid kasta oo ka dambeysaana waa lala xisaabtami doonaa,” ayay tiri Bass.

Ku-xigeenka Agaasimaha FBI, Dan Bongino, ayaa sheegay in dad badan la xiray kadib rabshadihii dhacay Jimcaha.

“Sharciga iyo kala dambeynta baa guuleysan doona,” ayuu ku qoray bartiisa X.

Wasiir Fiqi oo xog cusub ka shaaciyay diyaaraddii u gacan gashay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay diyaaraddii milatari ee dhowaan ku dhacday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadibna ay la wareegeen Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab ee ah inay soo rideen diyaaraddaasi oo ay lahaayeen ciidamada AUSSOM, gaar ahaan kuwa Burudi oo dhowaan ka baxay Xawaadley waxaase uu tilmaamay in diyaaradda ay soo wajahday cilad, sidaasna ay ku dhacday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aanu jirin khasaare nafeed oo ka dhashay shilkan, marka laga reebo burburka diyaaradda oo ay la wareegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Diyaaraddii ku dhacday Xawaadley cilad farsamo ayaa ku timid, Shabaab sooma ridin wax khasaare ahna kama dhalan,” ayuu yiri Wasiika Gaasnaadhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo wacad ku maray in dhowaan ay bilaabi doonaan howlgallo dib loogu xoreynayo deegaannada ay soo galeen ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, si looga saaro dhulkaasi.

“Waxaan wadnaa qoshe Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka, si dib loogu qabto deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, howlgallada hadda waxay ka socdaan inta badan gobolada dalka sida Hirshabeelle, Jubaland iyo Koofur Galbeed,” ayuu raaciyay Fiqi.

Diyaaraddan ayaa dhacday xilli ciidamada AUSSOM ee howlgalka Midowga Afrika laga daad-gureynayay deegaanka Xawaadle, kaddib markii ay ku dhufteen roobab iyo daadad ba’an.

Howl-galka AUSSOM ayaa sheegay in intii ay socotay daad-gureynta ciidanka, mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca uu la kulmay cillad farsamo, balse wuxuu howlgalku tilmaamay in duuliyeyaasha ay si xirfad leh ugu dejiyeeen ciidanka dhul ammaan ah oo ay joogaan ciidamada dowladda Soomaaliya

Waxaa kale oo uu howlgalku intaasi kusii daray in aanay jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay cilladdaas farsamo ee sababtay in diyaaraddooda ay ku dhacdo aagga Xawaadley.

Sanadihii la soo dhaafay deegaanka Xawaadley oo u dhow degmada Balcad wuxuu martigeliyay dagaallo culus oo ay ku dhinteen boqolaal askari iyo saraakiil ciidan, taasoo muujineysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee deegaankaas ay u leedahay labada dhinac.

Xog: Mucaaradka oo la shiraya Axmed Madoobe iyo Saciid Deni + Qorshaha

Nairobi (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan la qaban qaabinayo shir xasaasi ah oo ay yeelan doonaan xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Puntland oo kasoo horjeeda dowladda dhexe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shir ka dhaca Nairobi, una dhexeeyay Axmed Madoobe iyo xubno kamid ah mucaaradka ayaa lagu go’aamiyay in dhinacyadan ay si deg-deg ah isugu yimaadaan, si looga tasho xaaladda cakiran ee dalka iyo khilaafka haatan taagan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in shirka mucaaradka iyo labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland uu dhici doono kahor 20 bishaan June, isla markaana uu ka qabsoomi doono magaalada Kismaayo amaba Garoowe oo ay isugu tegi doonaan dhinacyada ballamay.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in Axmed Madoobe iyo Deni ay go’aan ka gaari doonaan maalinta rasmiga ah ee la qabanayo shirka iyo ajendaha guud ee looga hadlayo oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, is mariwaaga taagan iyo sida looga gudbi karo.

Kulankan ayaa ah mid liddi ku ah kan uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gogol u fidliyay mucaaradka iyo madax goboleedyada, taas oo la fuliyo inay qabsoonto wixii ka dambeeyay 15-ka June, iyada oo la tashi laga sameyn doono xaaladda guud ee dalka.

Mucaaradka ayaa horay Muqdisho ugu qabtay shirweyne ballaaran oo ay ku dhiseen madal ay ugu magac dareen Samatabixinta Soomaaliyeed, si ay ugu wajahayaan Villa Soomaaliya oo weli ku adkeysaneyso qorshaheeda ku aadan sidii dalka looga qaban lahaa qof iyo cod.

Dhaq-dhaqaaqa cusub ee mucaarada iyo labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmo kahor Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay heshiis ku gaareen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kadib muddo ay kala maqnaayeen.

Labada hoggaamiye ayaa heshiis isfaham ah waxa ay ka gaareen khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii Soomaaliya, kadib kulamo gaar ah oo ay ku yeesheen gudaha Imaaraadka, waxayna hadda ku ballameen in mar kale ay isla jaan-qaadaan, maadaama ay mar labaad isku keentay daruuf isku mid ah oo kasoo wajahday dhinaca dowladda dhexe.

Waxaa kale oo ay labada madaxweyne isku raaceen in ay xoojiyaan wada-shaqaynta labada maamul iyo in ay mowqif mideysan ka yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba ha’ahaatee, Waxaa heshiiskan dhex-dhexaadiyey dowladda Imaaraadka Carabta, oo indhowaanahan faro-gelin qaawan ka wadday gudaha Soomaaliya, taasi oo labada dhinac u sahleysa inay iska kaashadaan danaha Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya.

Xogta mas’uul caan ah oo lagu dilay degmada Dayniile

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay masuul ka tirsanaa maamulka degmada Dayniile loogu gaystay gudaha degmadaasi, kaas oo ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah oo ku hubeysnaa qoryo, kadibna baxsaday.

Dika ayaa si gaar ah ga dhacay xaafadda Cali Boy, gaar ahaan Masjidka Macallin Ciise, iyada oo loo gaystay agaasimihii Dalxiiska ee degmadaas Marxuum Cabdalla Sheekh Ibraahim Jiisow.

Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha oo ahaa nin dhalinyaro ah oo firifircoon, isla markaana caan ka ahaa degmada Dayniile uu markii hore dhaawac culus soo gaaray, bale uu mar dambe ku geeriyooday mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, ragga burcadda ah ayaa marxuumka horay uga sii qaatay mobile iyo bistoolad uu watay, iyaga si dhaqsi ah meesha uga cararay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda uu dilku ka dhacay, balse sooma qaban eedeysanayaasha oo weli baxsad ah laamaha amniga iyo cadaaladda.

Dilkan ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay ammaanka degmada Dayniile uu ahaa mid deggan, isla markaana ay wada shaqeynayeen shacabka iyo laamaha amniga, taas oo keentay in dowladda ay si gaar ah u amaanto, sida ay uga shaqeeyeen ammaanka.

“Waxaan ku amaanayaa Dayniile lixdii bilood ee ugu dambeysay hal madfac oo laga soo tuuray kuma soo dhicin magaalada Muqdisho, waana dadaal aad muujiseen” ayuu horay u yii wasiirka amniga gudaha Cabdulahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka hadlayay isbeddalka amni ee Dayniile.

Waxyaabaha kale ee ay sameeyeen reer Dayniile waxaa kamid ah in marar kala duwan ay gacanta kusoo dhigeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ku howlanaa in dilal iyo qaraxyo ay ka gaystaan degmadaasi, iyaga oo kadib ku wareejiyay laamaha amniga.

Si guud Muqdisho ayaa hadda ku jirto xaalad deganaan ah, waxaana isbeddalka uu ku yimid qorshe ballaaran oo ay la timid dowlada dhexe, kaas oo ka hirgalay caasimada.