25.2 C
Mogadishu
Thursday, July 9, 2026

Maxaad ka taqaanaa Jeneral Ceydiid oo geeriyooday 25 sano kahor maanta oo kale?

Waxaa maanta 25 sano laga joogaa markii uu dhintay Allaha u naxaristee janaraal Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ah hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya door weynna ku lahaa ololihii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku dhintay magaalada Muqdisho 1-dii Agoosto sanadkii 1996.

Kumuu ahaa Ceydiid

Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa uu bishii December ee sanaddii 1934 ku dhashay magaalada Gaalkacyo.

Janaraal Ceydiid waxaa uu wax ku soo bartay dalka Taliyaaniga iyo Ruushka.

Waxaa uu xilligii gumeysiga la soo shaqeeyay booliiskii Taliyaaniga oo uu ku biiray sanaddi 1952.

Janaraal Ceydiid ayaa markii dambe ku biiray ciidammada qalabka side ee Soomaaliya oo u ka gaaray ilaa darajada Janaraal.

Kuliyadda militariga ee Furunzi oo ku taallla magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu sidoo kale culuum dheeraad ah oo dhanka militariga ah ku soo qaatay.

Sanaddii 1969, waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday afgembigii militari ee dalkaka dhacay.

Janaraal ayaa waxaa xabsiga u taxaabay dowlaaddii kacaanka ee uu hogaaminayay (AHU) Maxamed Siyaad Bare

Ceydiid ayaa xabsiga laga soo daayay sanaddii 1975.

Dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itobiya sanaddii 1977 ilaa 1978 waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb gashay.

Janaraal Maxmed Faarax Ceydiid ayaa waxa uu sidoo kale mar noqday danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Hindiya.

Dagaalkii Jabhadaha

Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii ka qeyb qaatay dumintii dowladda dhexe ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa uu sanadii 1991 noqday hogaamiyiihii jabhaddii USC. Jabhadaasi ayaa cidamadii dowladda kula dagaalamay magaalada Muqdisho ugu dambeyntiina halkaasi ka saaray.

Dagalkii Cali Mahdi iyo Caydiid

Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Maxamed Siyaad Bare.

Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC.

khilaafka ayaa isu rogey dagaal kumanaaan shacab ah ay ku dhinteen kumannaan kale -na ay ku barakaceen.

Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid.

“Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi.

Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi.

Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh.

Dagaalkii Ceydiid iyo Mareykanka

Sanddii 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidammo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanka.

Dabyaaqadii sanaddii, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray “Hawlgalkii Rejo soo celinta”.

Sanaddii 1993 – waxaa dowladda Maraykanka ay hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.

Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan.

Ceydiid wuxuu xilligaas haystay qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanku duqeeyeen.

Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada Midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kale ayaa la dhaawacay.

Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay.

3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha koofurta Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kulan kula leeyahay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag.

Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan. Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib.

50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay.

Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo.

Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho).

Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday.

Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini’aadannimana gaabis ayaa ku yimi.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota wuxuu yiri: “In Soomaaliya oo dhibaato ay ku jirta dunidana ka jeesato, maxaa lagu macneyn karaa? Sow aragtida la yiraahdo, masuuliyad ayaa dunida ka saaran in ay dadka badbaadiso, mana beenoobeyso.”

Markii dambe dagaalkii muqdisho waxaa laga sameeyay filim la baxay “Black Hawk Down”.

Mareykanka waxay ku guuldareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan janaraaal Maxamed Faarax Ceydiid.

Bishii March, 1994 – waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya .

1 bishii August , 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray, dagaal dhexmaray isaga iyo Cusmaan Caato.

Xigasho: BBC Somali

TALIBAN oo duqaynaysa garoomada diyaaradaha iyo dagaallo culus oo socda

Kandahar (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Kandahar oo ku yaal koonfurta Afghanistan ayaa gantaal lala beegsaday, xilli ciidamada dowladda ay la halgamayaan sidii ay iskaga caabin lahaayeen weerarada Taliban oo ka socda dhowr magaalo oo waaweyn.

Duulimaadyadii ka bixi lahaa Kandahar, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Afghanistan, ayaa la joojiyay ka dib markii saddex gantaal oo ay Taliban rideen ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha maanta oo Axad ah.

Madaxa garoonka Massoud Pashtun ayaa sheegay in laba ka mid ah gantaalladaasi ay ku dhaceen dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, hadana lagu bilaabay dayactir. Sarkaal kale oo ka tirsan maamulka duulista rayidka ee caasimadda, Kabul ayaa xaqiijiyay weerarka.

Wali ma jiraan warar sheegaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Zabiullah Mujahid, oo ah afhayeenka Taliban, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, “Madaarka Kandahar annaga ayaa bartilmaameedsannay, maxaa yeelay cadowgu wuxuu u adeegsanayay xarun ahaan si uu noogu qaado weerarro xagga cirka ah”.

‘Xaalad aad u kacsan’

Dagaallada ayaa soo kordhay asbuucyadii la soo dhaafay laga soo bilaabo horraantii bishii May, markaas oo ciidamada shisheeye ee uu horkacayo Mareykanka ay bilaabeen ka bixitaankii ugu dambeeyay ee Afghanistan oo hadda ku dhow dhammaad.

Ka dib markii ay qabsadeen dhul ballaaran oo miyi ah kuna darsadeen isgoysyada muhiimka ah, Taalibaan waxay hadda bilaabeen in ay hareereeyaan caasimadaha gobollada.

Warbaahinta maxaliga ah ee Kabul, ayaa sheegtay in saddex magaalo oo waaweyn – Lashkar Gah, Kandahar iyo Herat – ay xilligan cadaadis kala kulmaan Taliban.

“Talibaan waxay qabsadeen dhul aad u tiro badan oo miyi ah bishii la soo dhaafay haddana waxay magaalooyinka gelinayaan cadaadis aad u badan, ka dibna waxay dib ugu laaban karaan miiska wadahadalka.”

Gudaha Lashkar Gah, xaaladdu “aad bay u kacsan tahay” iyadoo uu socdo dagaal culus, halka isgaarsiinta la xiray.

“Xalay, waxaan fahansanahay in ciidamada gaarka ah ee Afghanistan lagu soo riday diyaarad helicopter ah si ay isugu dayaan in ay ku weeraraan Taliban. Waxaan fahamsanahay in Mareykanku uu taageerayo weerarada cirka, ciidamada cirka ee Afghanistan-na ay wadaan dadaalo xooggan,” sidaas waxaa ku waramay wariyaha Afganistaan ee Kabul.

Ciidamada amniga Afgaanistaan ayaa aad ugu tiirsan weerarada cirka si ay dagaalyahanada dib uga riixaan magaalooyinka xitaa iyagoo halis ugu jira in ay duqeeyaan dadka rayidka ah ee ku nool meelaha dadku ku badan yihiin.

Dhanka galbeed, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Herat, dagaalku wuxuu ka socdaa duleedka magaalada habeenimadii.

Afhayeenka gobolka Herat Jailani Farhad ayaa sheegay in ku dhawaad 100 dagaalyahan oo Taliban ah lagu dilay weerarada.

Labada dhinac ee Taliban iyo ciidamada dowladda ayaa buunbuuniyay sheegashooyinka khasaaraha soo gaaray ciidammadii midba midka kale, waxaana adag in si madax bannaan loo xaqiijiyo.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada Afghanistan ay adeegsadeen weerarro cirka ah si ay u difaacaan Herat iyo in Mareykanka uu “si dhow ula socdo” xaaladda gobolka.

Maxaa ka jira in dowladda ay musharaxiinta qaarkood u diiday warqadda CID-da?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa markii u horeeyay shaaciyey inaysan jirin Musharax la siiyey warqada CID-da ee dembi la’aanta.

Taliye Xijaar oo u waramayey warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay inay jiraan Musharaxiin Mucaarid ah oo loo diiday in la siiyo waraaqda dembi la’aanta, xili ay soo baxeen warar sheegaya arrintaas.

“Cid aan siinay waraaq (dembi la’aanta ee CID-da) horta ha lasoo helo, taasi waxay ku tuseysa inaysan jirin cid la siiyey, cid loo diideyna aysan jirin. CID-da wey tageen dad badan oo musharaxiin ah oo raba inay tartamaan,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

“Anaga waxa aanu ku shaqeyna nidaam dowli ah, Siyaasiyiin ma nihin, waxaanu rabnaa wax walba oo qabaneyno sida lagu heshiiyey inay ogyihiin Golaha Wada-tashiga Qaranka oo gacanta ku hayaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu helo waraaqda dembi la’aanta ee CID-da, haddii uusan dalka dembi ka gelin, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Taliyaha ayaa imanaya xili ay maalmihii dambe soo baxayeen warar sheegayey in Musharaxiinta ka tirsan kuwa mucaaridka laga hor-istaagay inay helaan warqada dembi la’aanta ee CID-da.

Mareykanka oo farriin u diray madaxweyne Qays Saciid kadib ‘afgambigii’ dhacay

Tunis (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Suliivan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Tunisia inuu deg deg Tunisia ugu soo celiyo “waddada dimoqraadiyadda” kadib markii uu Axaddii tagtay la wareegay awoodaha maamulka, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad.

Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid ayaa dalka geliyey xaalad deg deg ah oo la xiriirta faafitaanka cudurka Coronavirus iyo maamul xumo, si uu u eryo ra’iisul wasaraaha, u hakiyo baarlamanka, ulana wareego awoodda fulinta.

Kooxaha mucaaradka Tunisia, oo uu ugu weyn yahay xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda, ayaa tallaabadan ku macneeyey afgambi.

Wada-hadal teleefon oo uu la yeeshay, ayuu Sullivan hoosta uga xariqiay madaxweyne Qays baahida loo qabo “inuu deg deg usoo dhiso dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare karti leh oo xasiliya dhaqaalahaTunisia, kana hortaga faafitaanka cudurka Coronavirus, iyo inuu xaqiijiyo in dib loo soo celiyo baarlamanka la doortay” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Aqalka Cad.

Madaxweyne Qays Saciid ayaa horey u difaacay tallaabooyinka uu qaaday oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin xasilloonida dalka.

Xiisadda siyaasadeed ee Tunisia ayaa dadka qaar ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin dalal shisheeye, ayada oo si gaar ah farta loogu fiiqay Imaaraadka Carabta.

REUTERS + VOA

Guddiga doorashooyinka Galmudug oo dalab xasaasi ah u diray Axmed Qoor Qoor

0

Dhuusamaraabe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleedka ee Galmudug ayaa ka hadlay qabashada doorashooyinka dalka ee 2021, gaar ahaan kuraasta Golaha Aqalka Sare ee taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud.

Ugu horreyn guddiga ayaa codsi la xiriira qabashada doorashada Aqalka Sare u diray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), si loo soo xulo kuraasta ay dowlad goboleedka Galmudug ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa si gaar ah uga codsaday madaxweyne Qoor Qoor inuu soo gudbiyo liiska xubnaha musharraxiinta, si loo guda-galo qabashada doorashada.

“Waxaan halkan kuugu soo gudbineynaa codsi mudane madaxweyne inaad soo gudbiso liiska magacyada xubnaha musharraxiinta (Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya),” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga doorashada Galmudug.

Sidoo kale guddiga ayaa xasuusiyey madaxweynaha in haatan lagu guda jiro waqtigii doorashada, loona baahan yahay in si rasmi ah loo guda-galo doorashooyinka dalka.

“Mudane madaxweyne, iyada oo lagu guda jiro waqtigii doorashada, mas’uuliyadna tahay in aan gudano howsha qaran ayaa kuugu soo dirnay codsigan,” ayuu lagu sii yiri qoraalka.

Dalabkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Jubbaland billowday qabashada doorashada Aqalka Sare, sidoo kalena Koonfur Galbeed ay shaacisay liiska musharraxiinta Aqalka Sare.

Si kastaba maamullada harsan ayaa waxaa looga fadhiyaa inay dadajiyaan doorashada, gaar ahaan tan xildhibaanada labada Gole, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii doorashada.

 

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Golaha Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay qabashada doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhanka Koonfur Galbeed.

Diiwaan-gelinta musharraxiinta u taagan ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee afarta sano ee soo socota ayaa maanta ka bilaabaneyso gudaha magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka u qaabilsan dowlad goboleedka ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in doorashada shanta kursi ee ugu horreyso Aqalka Sare ee maamulkaasi la qabanayo labada bishan August oo ku beegan maalinta beri ah.

Sidoo kale liiska musharraxiinta uu soo gudbiyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ah toban musharrax oo afar ka mid ah ay yihiin haween, waxayna isugu aadan yihiin:-

1- Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.
2- Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur.
3- Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cusmaan lbraahim.
4- Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Nuur Baabul Cadow.
5- Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee magaalada, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso doorashada.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii la soo dhaafay.

Dhinaca kale maamullada kale ee Galmudug, HirShabelle iyo Puntland ayaa looga fadhiyaa inay guda-galaan qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare, si looga faa’iideysto waqtiga yar ee ka haray qabashada doorashada 2021-ka oo soo martay marxalado kala duwan.

Doorashada Aqalka Sare, kadib ayaa waxaa sidoo kale la bilaabi doonaa tan Golaha Shacabka, waxaana kusii xigi doono sida uu qorshuhu yahay tan madaxweynaha.

Muxuu ra’iisul wasaare ROOBLE ka yiri tallaabadii madaxweyne Lafta-gareen?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomalaiya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee uu ku shaaciyey liiska musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo sidoo kale soo saarista doorashada ee xubnaha Golahaasi.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyey ku dhawaaqista liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed Soomaaliya yo sida ay u tartami doonaan, wuxuuna sheegay in ay tahay tallaabo horey loogu qaaday doorashada.

Sidoo kale waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan, isla-markaana lagu kalsoonaan karo.

“Waxaan Madaxweyne Lafta Gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadinayaa soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda, anigoo u rajeynaya in doorashadu ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan”. ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray maamullada kale inay dadajiyaan qabashada doorashada, gaar ahaan tan soo xulista xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya.

Dhinaca kale diiwaan-gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka qidmooyinka ee musharaxiinta Aqalka Sare ayaa loo qoondeeyey maalinta oo ay tahay 1-da bisha August.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona midkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare, kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii la soo dhaafay.

Soomaaliya oo marxalado kala duwan kasoo martay doorashada ayaa haatan rajado waxay mareysaa meel wanaagsan, maadaama la guda-galay qabashada doorashada ee 2021-ka.

Al-Ganushi oo shaaciyey qorshaha Imaaraadka ee afgambiga ka dhacay Tunisia

Tunis (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamanka Tunisa Rashid Al-Ganushi ayaa Imnaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ka dambeeyaan afgambiga dalkiisa, kadib markii madaxweyne Qays Saciid uu hakiyey baarlamanka, lana wareegay awoodda fulinta.

Al-Ganushi ayaa u sheegay wargeyska The Times, in Imaaraadka ay ka go’neyd “inay soo geba-gebeeyaan” Guga Carabta oo ah kacdoonkii 2011 xukunka looga tuuray qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalal ka mid ah Bariga Dhexe iyo Waqooyi Afrika.

“Imaaraadka Carabta waxay qaateen fikradda ah in Guga Carabta uu ka dhashay Tunisia, ayna tahay inuu ku dhinto Tunisia,” ayuu yiri Rashid Al-Ganushi.

Waxa uu intaas ku daray in Imaaraadka Carabta ay halis u arkaan Islaamka dimoqraadiga ah ee xisbigiisa Al-Nahda ay hoggaanka u hayaan. 

Waxa uu intaas ku daray in Tunisia aysan ka dhici doonin wax la mid ah wixii Masar ka dhacay 2013-kii, markaasi oo militariga ay xoog kula wareegeen awoodda, ayaga oo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta.

“Tunisia ma ahan Masar. Waxaa jira xiriir ka duwan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda,” ayuu Al-Ganushi.

“Halkan wixii ka dambeeyey kacdoonka, ciidamada waxay ilaaliyeen xoriyadda iyo codeynta.”

Qays Saciid ayaa Axaddii qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo xilka ka qaaday ra’iisul wasaarihii, sidoo kalena hakiyey baarlamanka, taasi oo lagu macneeyey afgambi muuqda.

Tunisia ayaa ahaa dalka kaliya ee kacdoonkii Carbeed uu hoggaamiyey dimoqraadiyad, waxaana tan iyo 2011 ka jira nidaam dimoqraadi ah oo shaqeeya.

Al-Ganushi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay sidoo kale ka welwelsan yihiin heshiiska nabadeed ee dalka Libya, kaasi oo hoggaamin kara dowlad dimoqraadi ah.

“Aad ayey uga cabsadaan dimoqraadiyadda, waxaana welwelkoodu yahay inay ku baahdo gobolka Carbeed oo idil,” ayuu yiri.

Biixi oo kulan deg deg isugu yeeray Golaha wakiilada cusub iyo tuhun ku xeeran

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland, si ay u yeeshaan fadhigii u horeeyay ee golaha.

Fadhiga uu isugu yeeray madaxweynuhu xildhibaanada cusub ayaa qabsoomaya maalinta Talaadada ee bishaan 3-deeda, waxayna ku mari doonaan dhaarta Dastuuriga ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale waxay xildhibaanada cusub ku dooran doonaan kulankaas Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, oo maalmihii u dambeeyay dhaliyey xiisad u dhaxeysa xisbiyada mucaaridka iyo madaxweyne Muuse Biixi.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 uu maanta ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaa go’aamiyey in Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.”

Kal-fadhiga deg deg ah ee uu madaxweynaha isugu yeeray maalinta Salaada xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiiladda ayaa waxaa laga muujinaya tuhuno badan oo la xiriira in Muuse Biixi oo qorsheynayo in si dhaqso ah loo doorto guddoonka uu wato.

Xisbiyada mucaaridka ayaa kal hore ku eedeeyey madaxweynaha in lacagtii canshuurta shacabka ku iibsaday qaar kamid ah xildhibaanada mucaaridka, halka kuwa muxaafidka ee ku dhiirada inay usoo goostan isbaheysiga mucaaridka uu ugu hanjabayo xilka uu qaranka u hayo.

XIJAAR oo soo saaray amar ku socda musharraxiinta iyo ergada wax dooraneysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa soo saaray amar ku socda musharraxiinta ka qeybgalaya doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xijaar ayaa soo jeediyey in la baaro qof kasta oo musharrax ah iyo ergooyinka wax dooranaya, si loo ogaado inay dambi ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in baaris kadib ay u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha oo ah mas’uulka ugu sarreeya doorashada, si uu ula wadaago golaha wada-tashiga qaranka.

“Qof kasta oo musharrax ah iyo qof kasta oo ergooyinka wax dooranaya ah waxa aan soo jeedinayaa in la baaro oo la ogaado inay dambi ka galeen Ummadda Soomaaliyeed waxaana u geyneynaa ra’iisul Wasaaraha si uu ugu sii gudbiyo golaha wada-tashiga qaran” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal-qaaday eedeyn loo jeediyey taliska Booliska oo ah inuu ka horyimid musharraxiin warqadda dambi la’aanta ka dalbaday xarunta C.I.D, isaga oo qiray inay jiraan shaqsiyaad musharraxiin ah oo tegay xarunta, balse aysan jirin is hortaag lagu sameeyey.

Xijaar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in aysan jirin cid la siiyey warqadaasi, isla-markaana ay ku shaqeynayaan nidaamka u degsan dowladda Soomaaliya.

“Cid aanu siinay waraaq hala soo helo, taasi waxa ay muujineysaa in aanay jirin cid aan siinay iyo kuwo aan u diidnay, C.I.D-du way tageen dad badan oo musharraxiin ah oo raba in ay tartamaan balse waxa aan ku shaqeynaa nidaamka Dowladda oo ma nihin siyaasiyiin” ayuu hadalkiisa sii raaciyey taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan ay si rasmi ah u bilaabatay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Laba ka mid ah Senatorada mucaaradsan Farmaajo oo kuraastooda waayey + Video

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo.

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo shalay soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare, ayaa billaabay fulinta qorshaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo.

Lafta-gareen, oo awood u leh soo gudbinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, ayaa liiska ka reebay laba ka mid ah Senatorada ugu caansan Aqalka Sare, oo kala ah; Ilyaas Cali Xasan iyo Xuseen Sheekh Maxamuud.

Ilyaas Cali Xasan, ayaa waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waana xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbigaas, Xuseen Sheekh Maxamuud uu xubin sare ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online ayaa fahansan in go’aanka Ilyaas iyo Xuseen looga reebay liiska musharaxiinta Aqalka Sare uu ka yimid madaxtooyada Soomaaliya, oo ay ka go’an tahay in xildhibaano daacad u ah ay kasoo baxaan Koonfur Galbeed. 

Kursiga Ilyaas ayaa waxaa loo sharxay inay ku tartamaan laba gabdhood oo kala ah; Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, halka kursiga Xuseen Sheekh Maxamuud loo sharxay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.

Lafta-gareen ayaa sameeyey in kursiga Ilyaas Cali Xasan oo kasoo jeeda beesha Eelaay, uu u wareejiyey beesha Hariin ee uu kasoo jeedo lana filayo inay ku guuleysato Ayaan Aadan Cabdullahi, maadaama Lafta-gareen uu wato.

Kursiga Xuseeen Sheekh Maxamuud, oo kasoo jeeda beesha Hadamo ayaa weli dhexyaalla isla beesha Hadamo, oo ay kasoo wada jeedaan Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sabab la’aan looga reebay liiska, waxaa uuna intaa raaciyey inuu filayo inuu eersaday mowqofkiisa dal dhisidda ahaa.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale la filayaa in shanta kursi ee kala ee harsan ee musharaxiintooda laga sugayo, uu ka reebo cid kasta oo loo arko inaysan daacad u aheyn ama u noqon doonin madaxweyne Farmaajo. 

Sida ay horey u shaacisay Caasimada Online, xildhibaanada Koonfur Galbeed, beelaha Shanaad, Banaadiriga, iyo Dir, ayaa waxaa maamulkooda si buuxda gacanta ugu haya Farmaajo.

Arrintan ah in siyaasiyiin laga hor istaago tartan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa guud ahaan geedi u socodka doorashada iyo hufnaanta la rajeynayey.

Si kastaba, Lafta-gareen ma billaabin arrintan, waxaana kaga horeeyey madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo liiska ka reebay laba xildhibaan oo hadda ka tirsan Aqalka Sare, kuwaas oo ku aragti ah madaxweyne Farmaajo.

Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa waayey kuraastooda kadib markii laga saaray liiskii uu soo gudbiyey Axmed Madoobe.

Kursiga uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Axmed Xaashi Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay.

Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow), waxaana kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed.

Dagaal iyo duqeyn is barbar socda oo ka dhacay Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal iyo duqeyn is barbar socda ay ka dhaceen qeybo ka mid ah koonfurta Mudug, waxaana weerarkan lagu beegsaday Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu faah faahiyey weerarkaasi, waxaana lagu sheegay in si gaar ah loola bartilmaameedsaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhexeysa deegaanada Qaycad iyo Hareere Dheere.

Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen saldhigga la duqeeyey oo ahaa mid ay ‘ku dhuumaaleysanayeen xoogaga Al-Shabaab.

“Dagaal iyo duqeyn dhanka cirka ah ayaa ka dhacday saldhig kale oo kooxda Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qeycad iyo Hareere Dheere, iyada oo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda galeen saldhigga la duqeeyey,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyaan koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha dalka oo ay howl-gallo ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  iyo kuwa dowlad goboleedka Galmuudg.

“Duqeynta saakay ayaa noqoneysa tii saddexaad oo deegaanada koonfurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah.

Wasaaradda amniga Galmud warsaxaafadeedkeeda kuma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, marka laga reebo inay cagta mariyeen saldhigii Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Mas’uul ka tirsan Somaliland oo lagu dilay Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay mas’uul ka tirsanaa Somaliland loogu geystay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay guddoomiyihii doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool, Cabdullaahi Laba-Go’le, kaas oo ay toogasho ku dileen kooxo hubeysan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegtay in ragga toogashada fuliyey ay goobta isaga baxsadeen, kadib dilka marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay goobta gaareen, kadibna ay howl-gallo ka sameeyeen aagga uu dilku ka dhacay.

Sidoo kale illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday mas’uulkaasi iyo sidoo kale cidda ka dambeysa dilkiisa.

Saraakiisha ammaanka Somaliland oo ka hadlay dilka marxuum Cabdullaahi Laba-Go’le oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashooyinka ee gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka mas’uulkaasi, ayna cadaaladda horkeeni doonaan.

Laascaanood oo ka mid ah magaalooyinka ee ay ka taliso Somaliland ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, waxaana laamaha ammaanku ay ku cel-celiyaan inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka amni ee ka dhaca magaalaasi oo xarun u ah Sool.

Daawo: TURKEY oo ciidamo cusub u tababartay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aaa ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil iyo Dufcaddii 4-aad ee  Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Farmaajo ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore, waxaana uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada maanta qalinjabiyey looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan qorshaha Qaran ee dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, safka horena ka galaan dagaalka lagaga xoreynayo dalkeenna argagixisada. 

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo

Waxa uu xusay in dowladdu ay ku guuleysatay barnaamijka tababarka iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka, iyada oo dugsiyada tababarka ee gudaha dalkeenna lagu leylinayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno hanan kara tayeynta iyo hoggaaminta Ciidanka.

Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga  Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Lafta-gareen oo shaaciyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare + Xilliga doorashada

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo maamulkaas iyo sida ay u tartami doonaan.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu doornayaa 10 xildhibaan oo Aqalka Sare ah, waxaana shanta kursi ee musharaxiintooda la shaaciyey, iyo sida ay isugu aadeen ay kala yihiin:-

1- Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.
2- Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur.
3- Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cusmaan lbraahim.
4- Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Nuur Baabul Cadow.
5- Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan.

Dhinaca kale, Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dawlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray jadwalka doorashada, waxayna sheegeen in doorashada shanta kursi ee la shaaciyey ay dhici doonta 2-da bisha August.

Diiwaan gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka qidmooyinka ee musharaxiinta Aqalka Sare ayaa loo qoondeeyey maalinta Axadda ee kowada bisha August.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona midkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii lasoo dhaafay.

Hoos ka aqriso liiska musharaxiinta iyo jadwalka doorashada.

Sawirro: Shirkadda Somtel oo todobaadkii labaad abaal-marisay 1000 macaamiil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa todobaadkii 2-aad abaalmarisay ku dhawaad 1,000 qof oo macaamiisheeda ka mid ah, kuwaas oo ku guuleystay hadiyado qaali ah.

Macaamiisha ay abaalmarisay shirkadda Somtel abaalmariyay ayaa kala jooga gobollada dalka, gaar ahaan degmooyin ay ka mid yihiin Afgooye, Luuq, Kismaayo. Aadan-yabaal, Dhuusamareeb iyo Buurhakaba.

Todobaadka sedexaad waxaa lagu guuleystay hadiyado ay ka mid-yihiin bajaajyo, Computers, Qasaalado, Firinjeero, TV Screens, Ipads, Dahab iyo Hadiyado Dhowr ah.

Munaasabada Macaamiisha Somtel lagu abaalmarinayay todobaadkii sedexaad ayaa waxaa goob-joog ahaa xubno ka kala tirsan labada Aqal ee BFS iyo maamulka shirkadda, kuwaas oo si wadajir ah abaalmarinada u gudoonsiiyey guuleysatayaasha.

Nuuradiin Axmed Amiin oo ah wiilkii labaad ee jooga gobalka Banaadir kuna guuleystay Bajaaj ayaa yiri, “Aniga marna ma filaneynin hadiyad ceynkaan ah inaan ku guuleystay, waxa ay igu noqotay la yaaab marki la isoo wacay Shirkaduna ii xaqiijisay inaan Bajaaj ku guuleystay.”

Waxaa Sidoo kale bajaaj ku guuleystay Cabdulqadir Xuseen Xasan oo ku nool degmada Afgooye ee bobalka Shabeellada Hoose, Cabdulqaadir ayaa munaasabada Bajaajta lagu gudoonsiiyey ka yiri “Waan ku faraxsanahay in Somtel Bajaaj i gudoonsiiso, xaqiiqdii baahi farabadan ayaan u qabay. Somtel waxa ay dabooshay baahida qoyskeyga. Ilaah haka abaal-mariyo shirkadda dadweynaha u adeegta ee Somtel.”

Sidoo kale Aamino Isaaq Xaaji oo ku guuleysatay Qasaalad ayaa aad ugu mahad-celisay shirkadda isgaarsiinta Somtel.

“Waxaan ku faraxsanahay in Somtel igu abaalmariso anigoo ku shubasho fara-badan aan sameyn. Waa nasiib xaqiiqdii, waan sii labanlaabi doonaa siticmaalkeyga adeegyada Somtel,” ayey tiri Aamina.

Dhankiisa Cabdulaahi Xasan Maxamed oo ku guuleystay Mobile Samsung ah ayaa yiri,
“Waxaan ku fikirayay inaan iibsado Mobile cusub lacagteyda wey ii baaqatay, waxaan rajeynayaa inasn baahiyaha kale aan qabo uga faa’ideysto lacagta aan horay ugu talagalay inaan Mobile ku iibsado.”

Hadiyadaha Gaadiidka Bajaajka ay Somtel bixisay ayaa waxa ay shaqo abuur u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Qoysaska danyarta, kuwaas oo u baahan garab iyo hiilo uga imaata ganacsatada Soomaaliyeed.

Shirkadda isgaarsiinta ee Somtel waa Shirkadii ganacsi ee ugu horeysay oo 10,000 oo hadiyadood dib ugu celisay macaamiisheeda. Todobaad kasta maalinta Jimcaha ayey shirkaddu si toos ah u abaalmarisaa guuleystayaasha todobaadkaas.

Daawo: “Waxaan Al-Shabaab ugu biiray si dhagaxii dahabka ahaa ee laga helay Ceel-Cali aan wax ugu yeesho”

0

Guriceel (Caasimada Online) – Maxamed Nuur Barre oo loo yaqaan Dhicisow oo dhawaan isku soo dhiibay ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Guriceel ee Maamulka Galmudug ayaa ka sheekeeyey qaabkii uu ugu biiray Al-Shabaab iyo sidii uu markii dambe uga soo baxsaday.

Dhicisow oo ah Oday lugaha naafo ka ah isla markaasna Al-Shabaab dhexdeeda looga yaqaanay Maxamed Ceeli-Cali ayaa sheegay inuu Al-Shabaab ugu biiray sidii wax uga heli lahaa dhaqaalaha dhagax ay Al-Shabaab ka qaadeen deegaankiisa Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan.

Dhagaxa ay Al-Shabaab ka qaadeen ganacsadaha oo sheekadiisa ay qabsatay Soomaaliya oo dhan ayaa waxaa markii dambe kasoo iibsaday ganacsade kaasoo markii uu isku dayey inuu xamar ka dhoofiyo ay kala wareegtay Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA, wuxuuna ahaa Dhagax uu ku dhex jiro  Dahab iyo Dheeman.

Dhicisow oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in Al-Shabaab markii ay dhagaxa qaateen ay dadka deegaanka u sheegeyn inay leeyihiin dhaqaalaha laga helo afar meelmood meel (Rubac) taasiina ay sababtay inuu ku biiro Al-Shabaab si uu u maamulo dhaqaalaha Al-Shabaab u ballan qaaday dadka deegaanka.

“Waxaan is iri haddii aad wax ka heleyso maa Shabaab iska noqotid, Nin curyaan lugaha ka ah oo qallal qaba ayaan ahaa,” ayuu yiri Dhicisow.

Wuxuu sheegay markii uu Al-Shabaab ku biiray in laga qaaday Ceel-Cali isla markaasna la geeyey meel lagu magacaabo Marjis halkaas oo uu ku sugnaa muddo lix bilood ah sida uu hadalka u dhigay

“Markaan ku biiray Al-Shabaab durba waxaa la iga qaaday Ceel-Cali, lix bilood waxaan joogay Marjis oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal, kadib waxaa la ii qaaday deegaan kale oo ku dhow Ceelbuur,” ayuu mar kale yiri Dhicisow.

Dhicisow ayaa sheegay inuu Al-Shabaab la joogay muddo Sagaal Bilood ah, wuxuuna xaqiijiey in kaliya mushaar la siiyey seddex bil.

Wuxuu intaas ku daray in sagaalka bilood ee uu Al-Shabaab ka tirsnaa uu ku sugnaa Gobolada Galgaduud iyo Shabeelada Dhexe, isagoo sheegay inuu ka mid noqday ciidamada Al-Shabaab bishii April ee sanadkaan.

Dhicisow oo ka sheekeenayey nolosha adag oo uu kula noolaa Al-Shabaab ayaa sheegay inaan loo ogoleyn inuu isticmaalo Moobeel, balse loo keeni jiray kaliya marka mushaarka loogu shubo si uu ehelkiisa ugu dirsado.

“Nalooma ogoleyn inaan isticmaalno Moobeelka, kaliya waxaa naloo keeni jiray bishii halmar, waana marka lacagta mushaarka naloogu shubo, Fasax waa la ii diiday, waxan raadiyey qaab aan ku baxsado, ugu dambeyna way ii suurta gashay,” ayuu yiri Dhicisow.

Markii uu Dhicisow isisoo dhiibayey ayaa waxaa la socday Mowliid Cumar faarax  (Ciro), waxayna labadaba codsadeyn in la cafiyo.

Sidoo kale labadaan nin ee Al-Shabaab kasoo goostay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan Al-Shabaab isla markaasna ay qeyb ka noqdaan qorshaha Al-looga saarayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Labadaan xubnood ee ka soo goostay kooxda Al-Shabaab ayaa xusey in kadib markii ay arkeen dhibaatada iyo xasuuqa kooxdaasi ku heyso Shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga Dhicisow

“Xaley ma seexan hurddana igama imaan markii dad aan aad u jeclaa ay iga baxeen”

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha kooxdii shalay lala beegsaday qaraxii Kismaayo, Ismaaciil Cali Cabdi ayaa ka hadlay qaraxii Shalay lala beegsaday kooxdii kubadda cagta ee Shalay ka qeyb geli rabtay furitaanka horyaalka kooxaha Jubbaland.

Qaraxa ayaa shalay galinkii dambe lalabeegsaday gaari bas ahaa oo ay saranaayeen ciyaartooda JCCI ee Jubaland ,khasaaraaha dhimahasda ayaa korortay iyadoo xaaladda qaar ka mid ah dhawaacyada ciyaartooyda laga dayrinayo.

Guddoomiyaha kooxda ayaa sheegay inay ka dhinteyn ilaa 3 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen ciyaartoy halka midka kalana uu ahaa darawalkii gaarka ahaa ee kooxda.

Wuxuu sheegay in dhaawaca cayaartoyda soo gaaray uu yahay illaa 5 qof oo laba kamid ah ay xaaladooda aad u liidato sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha.

“Xaley ma seexan hurddana igama imaan markii ay iga baxeen dad aan u jeclaa, ma garan karo waxa loona beegsanayo maadama aan nahay bulshadii rayidka , dhalinyaro mustaqbal leh qaarkood sanadkan dugsi sare dhammeeyay, jaamacad filyayay” ayuu yiri Ismaaciil.

Mar wax laga waydiiyey cidda ay ku tuhmayaan qaraxa lala beegsaday ayuu sheegay inaysan garaneyn cidda beegsatay iyo sababta loo beegsaday maadaama uu sheegay inaysan kamid aheyn dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Ma jirto illaa hadda koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu weeraray dhallinyaradaan, balse falalka noocaan oo kale ah waxaa looga bartay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab oo horey u fulisay qaraxyada noocaan oo kale ah.

Wasiir Caadle oo shaaciyey in Xawaadle iyo Abgaal ay ku dulmanyihiin HirShabelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle oo wareysi siiyey Radio Mustaqbal ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan caqabadaha ka dhashay dhismaha HirShabelle oo ugu dambeysay maamullada ka jira dalka.

Caadle ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle lagu dhisay deg-deg, isla-markaana ay ku dulman yihiin beelaha Xawaadle iyo Abgaal, isaga oo tilmaamay inay ka yihiin ‘Maynorati’.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in 99-ka xildhibaan ee dowlaqd goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ay labadaan beelood ku leeyihiin kaliya 29 xildhibaan, taasna ay muujineyso in aysan waxba ka aheyn, sida uu hadalka u dhigay

“HirShabelle beelaha Xawaadle iyo Abgaal way ku dulman yihiin oo iyaga ayaaba maynorati ka ah maamulka sababto ah 99 xildhibaan oo HirShabelle ay ka kooban tahay labada beel xildhibaanada ay ku leeyihiin marka la isku geeyo waa 29 xildhibaan inta kalana waa beelaha kale marka 29 laga jaro tiradaas waxay mujineysa ineysan waxba ka aheyn HirShabelle Abgaal iyo Xawaadle,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cali Caadle.

Wasiirka arrimaha gudaha ee HirShabelle ayaa intaasi ku daray in sinaan la’aanta kuraasta ay markii hire keentay tabasho ka timid bilowgii dhimsha maamulka, isla-markaana beelaha qaar la siiyey tiro dheeraad ah, halka beelaha Xawaadle iyo Abgaal aysan iyagu waxba ku kordhin.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tani ay ka mid tahay caqabadaha hor-gudban HirShabelle, loona baahan yahay in xal laga gaaro, si loo horumariyo maamulkaasi.

“HirShabelle waxa jira beelo 6 kursi kulahaa bilowgii oo maanta leh 12 kursi iyo kuwa leh 3 kursi oo maanta leh 6 kursi, iyada oo Xawaadle iyo Abgaalna weli kurastodii aysan waxba ku kordhin, taasina waxay ka mid tahay caqabadaha jiro oo hortaagan Hirshabelle” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan caqabadda ugu xoogan ee maamulka HirShabelle ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne, taas oo ka dhalatay doorashadii kol hore ka dhacday magaalaada Jowhar oo ay cabasho xoogan ka keeneen reer Hiiraan.

ISRAEL oo wacad ku martay jawaab xanuun badan kadib weerar ‘ay fulisay’ IRAN

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa Jimcihii Iran ku eedeysay inay fulisay weerar lagu qaaday Markab shidaalka qaada oo ay maamusho shirkad Israeli ah, waxayna wacad ku martay jawaab xanuun badan.

Weerarka oo Khamiistii ka dhacay xeebaha Cuman ayaa waxaa lagu dilay laba qof oo u kala dhashay Britain iyo Romania, wuxuuna sidoo kale waxyeello gaarsiiya markabka Mercer Street oo ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime.

War-saxaafadeed uu saaray, ayuu wasiirka arirmaha dibedda Israel Yair Lapid ku sheegay inuu xoghayaha arrimaha dibedda Britain u sheegay baahida loo qabo jawaab adag oo laga bixiyo weerarka. 

“Iran ma ahan kaliya dhibaato Israel, balse waxay dhoofisaa argagixisanimo, burburin iyo xasillooni darro dhammaanteen na waxyeeleysa. Dunida waa inaysan ka aamusin argagixisanimada Iran ee dhaawaceysa xoriyadda dhaqaaqa maraakiibta,” ayuu yiri Lapid.

Website-ka wararka Ynet ee Israel ayaa sidoo kale sarkaal aan la magacaabin kasoo xigtay inuu yiri “Israel way ku adkaan doontaa inay indhaha ka qabsato weerarkan.”

Ilo-wareedyo sirdoon oo Mareykan iyo Yurub ah ayaa u sheegay Reuters inay tuhmayaan in Iran ay ka dambeysay dhacdadan, ayada oo sarkaal difaac oo Mareykan ah uu intaas ku daray in weerarka u muuqdo in lagu fuliyey drone. 

Taleefishinka Carabiga ku hadla ee dowladda Iran ee Al Alam ayaa ilo-wareedyo aan la magacaabin kasoo xigtay in weerarka uu jawaab u ahaa weerar ay Israel ku qaaday garoonka diyaaradaha Dabaa ee Syria.

Dowladda Iran weli jawaab rasmi ah kama bixin eedeymaha ku saabsan inay mas’uul ka aheyd weerarka.

Xiisadda Gacanka ayaa sare u kacday wixii ka dambeeyey markii Mareykanka uu dib usoo celiyey cunaqabateynadii ka dhanka ahaa Iran 2018-kii, kadib markii madaxweynihii hore Donald Trump uu Washington ka saaray heshiiska nukliyeerka ee Iran iyo quwadaha adduunka.