25.5 C
Mogadishu
Thursday, July 9, 2026

Yey yihiin Ayaan iyo Zamzam? – Wax ka ogow taariikhda labada gabar ee la doortay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu doortay Labo kursi oo kamid ah 5 Kursi oo maamulkaas ku leeyahay Aqalka Sare.

Kursiga 1-aad ayaa waxaa ku guuleysatay Zamzam Ibrahim Cali, halka Kursiga 2-aad ayaduna ku guuleysatay Ayaan Aadan Cabdullaahi, waxayna uga guuleystaan kuraastaas labo musharax oo dumar ah.

Haddaba, Wax ka ogow labada Senator ee maanta la doortay

Ayaan Aadan Cabdullaahi – Ayaan ayaa waxay ku dhalatay degmada Luuq Ganaane ee gobolka Gedo 1991-dii, sida ay ka hor sheegtay baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Waxbarashadeedii Jaamacada ka horeysay waxay ku qaadatay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, halka Jaamacad Bangladesh ay uga soo baxday Computer Engineering.

Waxay muddo la shaqeynaysay hay’addo maxali ah, waxaana la filayaa inay noqoto qofka ugu da’da yar ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad

Ayaan ayaa waxay ku soo baxday codad gaaraya 79 cod, waxayna ka guuleystay musharax kale oo haween ah oo kula tartameysay kursigaas.

Kursiga ay ku guuleysatay Ayaan ayaa waxay tahay sumadiisu UH2, waxaana iska leh beesha Mirifle, Eelaay.

Zamzam Ibraahim Cali – Zamzam ayaa waxay hore u aheyd Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka 10-aad, waxayna Guddoomiye ka aheyd Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta.

Sidoo kale waxay aheyd guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka ee baarlamaanka, waxayna si weyn ugu ololeysa una taageerta dadka baahiyaha gaarka leh iyo caruurta.

Waxay ku soo baxday codad dhan 81 cod, kaasi oo ay kaga guuleysatay musharax kale oo haween ah oo kula tartameysay kursigaas.

Zamzam ayaa maanta markale difaacatay kursigeeda oo sumadiisa tahay UH24, waxaana iska leh beesha Digil, Jiido.

DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xiriirka Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa markale ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka haatan soo hagaagayo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ah labo wadan oo daris ah.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in hadda ay dib u soo laabtay wada shaqeynta labada dowladood, isla-markaana ay sii wadi doonaan xoojinta xiriirkooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inuu dhowaan la kulmay dhiggiisa Kenya ayna ka wada-hadleen sidii loo sii dhaqaajin lahaa xiriirka dibulmaasiyadeed ee kabada dal.

“Waxa aan soo celinay xiriirka diblumaasiyadeed mar uun ma aanay laheyn cilaaqaad muddo 6-bil ah, waxaa soo laabtay wada shaqeynta, waxa aan la kulmay dhiggeyga Kenya oo aan ka wada hadalnay sidii loo sii dhaqaan lahaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal-qaaday arrimaha ammaanka ee Soomaaliya, isagoo xusay inay ka go’an tahay in sare loo qaado awooda ciidanka, si looga adkaado argagixisada.

“Waa in aan sare u qaadnaa awoodda ciidanka Soomaaliya, si ay u qabsadaan dhul badan una joogaan waana waxa aan diiradda in badan saareyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba Soomaaliya iyo Kenya oo mar xiriirkooda uu go’ay, kadib khilaaf soo kala dhex-galay ayaa dib u soo nooleeyey, waxaana si rasmi ah loo furay labada safaaradood.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay galeyso doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka labada Aqal iyo mida madaxweynaha oo xamaasad gooniya leh.

DAGAALKA kursiga Aqalka Sare ee Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka Sare ah.

Laba Kursi ayaa wata xamaasad iyo loolan aad u culus, mid kamid ah labadaas kursi waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Kursigaan waxaa laga leeyahay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Cabdi Qeybdiid oo hadda ku maqan jiidda dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa mar kale u tartamaya kursigii uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Dhawaan waxaa kursigaan isna isku soo sharaxay hoggamiyihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo mudadii uu joogay Galmudug muddo xileedkiisa uga dhammaaday dagaalka Villa Somalia.

Xaaf wuxuu dhowr kulan la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug, wuxuu shiriyey Beesha kursiga iska leh, wuxuuna musharaxnimadiisa u muujiyey si af iyo ficil labadaba ah, wuxuuna iska sii hormariyey farriin hanjabaad ah oo ku wajahan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Haddaba maxaa adkeenayo dagaalka kursigaan?

Labada nin ee isku heysata kursiga kalama miisaan yara kalamana jeeb yara,  mid wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Qoor Qoor waana Cabdi Qeybdiid, midna wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Xildhibaanada Galmudug waana Xaaf.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa awood u leh inuu go’aan ka gaaro cidda ku tartameyso kursigaan, Qeybdiid waxaa la sheegay inuu rabo inaan lala qorin Xaaf oo uu isaga la yimaado musharax malxiis ah oo goobta ku tanaasula inta aysan doorashada bilaaban.

Galmudug waxaa ka jirto dood ah inaan kuraasta dad gooni ah loo xirin, Dadka doodaas hor boodaya waxaa kamid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Qoor Qoor ma isla qori doonaa Xaaf iyo Cabdi Qeybdiid?

Marka la eego xaalka sida uu hadda yahay, Qoor Qoor waxaa ku dhow oo saaxiib la’ah, abaal badana ku leh Cabdi Qeybdiid, waxaana la sheegayaa inay ku adag tahay inuu isla qoro isaga iyo Xaaf.

Haddii labada nin la isla qoro waxay badi dadka reer Galmudug qabaan inuu Xaaf ku adkaan doono kursiga. Haddii uu Qoor Qoor diido inuu isla qoro labada nin oo uu ka tago Xaaf wuxuu u diyaar garoobayaa qiimaha ay ku kici doonto falcelinta Xaaf oo loo arko dagaal-yahan siyaasadeed oo yaqaana sida lacagta loogu adeegsado jilaafooyinka siyaasadda.

Dhinaca Beesha Kursiga iska leh

Beesha kursigaan iska leh ee degta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo waxay Baarlamaanka Galmudug ku leedahay 6 cod, diidmameeda ama jaceylkeeda wax badan kama tari karo cidda qaadaneyso kursiga, laakiin marka la eego eedaha beesha dhexdeeda ah ee loo heysto Cabdi Qeybdid afartii sano ee lasoo dhaafay waxaad moodaa inuu Xaaf heysto taageero dhinaca Beesha ah.

Qeybdiid waxaa lagu eedeenayaa afartii sano ee lasoo dhaafay inuu kursiga ugu adeegay jufadiisa hoose marka la eego sida uu u maareeyey boosas shaqaaleysiin ah, saraakiil la dalacsiiyey iyo dad xilal loo magacaabay intaba.

Galmudug waxay hadda dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, dagaalkaan wuxuu qarxay kadib markii kooxdaan qabsatay deegaan kamid ah kuwa ay dagto beesha iska leh kursiga ay ku tartamayaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf.

Marka la eego sida uu Cabdi Qeybdiid uga falceliyey dagaalkaas iyo shaqada uu qabtay waxaa macquul ah inay dhinaca kale ka daboosho hoos u dhicii ka dhashay sidii uu u maareeyey fursadihii ay Beesha ka heshay Dowladda Federaalka ah afartii sano ee lasoo dhaafay.

Si kastaba, loolanka kursigaan waa culus yahay labada ninba waa siyaasiyiin mug leh oo aan xulashadooda la dhayalsan karin .

Cabdi Qeybdid oo sanadkaan gacmaha u laabtay inuu madaxweynaha Soomaaliya u dhiso Cabdikariin Xuseen Guuleed ayey u badan tahay inuu kursiga ku soo laabto haddii uu Qoor Qoor ku adkeysto inuu u bareero halista ka imaan karta Xaaf.

Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Qoor Qoor oo damacsan inuu siyaasiyiin miisaan culus ka reebo liiska AQALKA SARE

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa wajahaya culeys siyaasadeed aad u ballaaran oo ku aadan xulashadiisa musharaxiinta 8-da kursi ee Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha maamulka Galmudug uu ka fikirayo sidii uu liiska dadka Aqalka Sare u tartamaya uga reebi lahaa saddex Senator oo kala ah, Senator Abshir Bukhaari, oo ah guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, iyo Yuusuf Geelle Ugaas.

Saddexdan Senator ayaa ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale, wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor Qoor ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Samsam Daahir, taasi oo ka dhigi karta inay kuraastooda waayaan shan ka mid ah sideedda Senator ee laga soo doorto Galmudug. 

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale tilmaamaysa in ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo loolan adag ugu jira inuu kursiga ka beddelo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Xaaf ayaa horey uga digay dagaal ka dhaca Galmudug, haddii Qoor Qoor uusan u caddaalad falin xubnaha loolanka ugu wada jira kuraasta baarlamaan.

Ma sahlano go’aan ka gaarista doorashada Aqalka Sare ee Galmudug, waxaana jira durba culeysyo badan oo soo baxaya. Guddiga doorashada SEIT ee maamulka Galmudug ayaa Axaddii Qoor Qoor ka dalbaday in uu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

Qoor Qoor ayaa la rumeysan yahay inuu cadaadis kala kulmayo Villa Somalia, oo dooneysa inuu meesha ka saaro xubnaha caanka ah ee Hawiye ee aan taageersaneyn Farmaajo.

Senator Ilyaas oo jawaab ka soo saaray tallaabadii looga reebay liiska Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah kasoo saaray go’aankii uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uga reebay liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee beesha Eelaay.

Kursiga Ilyaas ayaa waxaa loo sharxay inay ku tartamaan laba gabdhood oo kala ah; Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan oo labadaba kasoo jeeda beesha Hariin ee madaxweyne Lafta-gareen.

Hoos ka aqriso qoraalka Senator Ilyaas.

Waxay ii aheyd Sharaf in aan ugu adeegey heerka ugu sareyso ee aan awoodey guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed, kuwaas oo 4sano kahor kursiga Senator-nimo aan kumatalaayey iigu doortey 91 cod, oo ahaa codkii ugu badan ee qof Senator Soomaaliyeed ah lagu doortey. 

Intii aan haayey xilla waxaan aaminsanahay in aan waxba ka hagran dalka iyo dadkii aan matalaayey, waxaana si xorriyad kujirto aan codkeyga ugu difaacaayey wixii aan u arko kolba danta Qaranka iyo Deegaankii aan mtalaayey in ay kujirto, laakiin shaki kuma jiro in ay arintaasi dhibeysey kuwa dulmiga u saaxiibka ahaa, kuwaasoo marwalba dantooda gaarka ah ka hormariya wax kasta una arka cadow cidii iyaga aan ku aragti ama mowqif aheyn. 

Sida lawada ogsoonyahay Soomaaliya waxay wax kuqeybsataa Qabiil iyo Deegaan, aniguna kursiga sidaasbaa shaley la iigu doortey inaan soo galo liiska musharaxiinta Aqalka Sare utartantey, hase ahaatee qof waliba waa uu ka dheragsanyahay maanta sida ay wax udhaceen. 

Waxaan u mahadnaqaayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Koonfur Galbeed oo sidii weyneyd ay uga falceliyeen wixii uu sameeyey Maamulka Koonfur Galbeed. 

Ugu dambeyntii waxaan umadda Soomaaliyeed iyo reer Koonfur Galbeed-ba u ballan qaadaayaa in aan utaagnaan doono difaacidda Dimuqraadiyadda, Qaranimada iyo Horumarka Soomaaliya. 

Maamulka Hiiraan iyo taliska ciidanka Xoogga oo eedeyn culus u jeediyey AMISOM

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlayey howl-gallada ka socda gobolkaasi ayaa eedeyn u jeediyey ciidamada AMISOM.

Ugu horreyn Cali Jeyte oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti aysan wax shaqo ah ka qaban gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka gaabiyeen howl-gallada ballaaran ee ka socda deegaanada gobolkaasi.

Jayte ayaa sidoo kale soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo ciidamada AMISOM, kuwooda ka howl-gala deegaanada maamulka HirShabelle.

“Waxaan leeyahay shaqada ciidamada AMISOM dib haloo eego sababto ah ma qabtaan shaqadooda, waxay aheyd iney la dagaalaman Al-Shabaab, aniga waxan ahay guddoomiyahii gobolka waxan xaq ulaha iney i ilaaliyaan, anagoo dagaal u baxnayna way naga hareen sadax bilood ayaan ku qalqalineynay iney nala galaan howlgalada Shabaab aan kula dagaalameyno aniga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo aan waliba ugu tagnay xarumahooda wayna naga diideen,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Dhankiisa Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ah taliyaha guutada 5-aad, qeybta 27-aad oo madasha ka hadlay ayaa xusay in ciidamada AMISOM aysan weli ka dhaqaaqin afar sano ka hor meeshii ay joogeen, isla-markaana aysan sameyn ilaa & hadda wax howl-gal ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in xittaa aysan u ekeynba ciidamo nabad ilaalin u jooga gudaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Taangiga ciidanka AMISOM afar sano ka hor meeshii la dhigay ayuu wali ku baakiman yahay wax shaqo ah oo lagu qabtay ma jirto mudada uu dalka madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maba u maleysid iney yihiin ciidan nabad ilaalin u joogo dalka” ayuu yiri taliye Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay).

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan eedeynta uga timid taliska ciidanka Xoogga dalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay howl-gallo ballaaran iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka wadaan gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.

Puntland oo askar badan ku xirxirtay Boosaaso + Sababta

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Bari ee Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan) ayaa ka warbixiyey ammaanka magaalada Boosaaso, kadib khudbad uu xalay ka jeediyey munaasabad lagu xusayey sanad guurada 23-aad ee ka soo wareegtay aas aaska dowlad goboleedka Puntland ee kowda August.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in haatan u wanaagsan-yahay amniga guud ee magaalada Boosaaso, isla-markaana uu yahay mid la’isku haleyn karo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay xabsiga u taxaabeen askar ka tirsan ciidamada ammaanka oo rasaaseeyey dad shacab ah, walow uusan shaacin tiradooda.

“Waxaa jira askar Booliska ka mid ah oo inta xabad ku rideen dad shacab ah, markii naloo sheegay lasoo qabtay maxakamadda aan gudbinay, kadibna xabsiga loo diray,” ayuu yiri

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay u taagan yihiin ilaalinta amniga dadka shacabka ah, isla-markaana ay xaq dhowrayaan.

“Ma dooneyno in qof shacab ah aan u shaqeyneyno habeen iyo maalin in wax la gaarsiiyo,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu baaqay shacabka ku dhaqan Boosaaso inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, si looga hortego wax kasta oo liddi ku ah amniga guud ee magaaladaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay Puntland xoojisay amniga magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi, sidoo kalena ay kordhisay howl-gallada ka socda gobolka Bari.

Muxuu yahay qorshaha ku wajahan Mareykanka ee Erdogan uu cayaarayo?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga ayaa dalbanaya inuu ilaaliyo amaanka garoonka istaraatiijiga ee Kabul, kadib marka ay ciidamada Mareykanka ka baxaan Afghanistan taasoo, khubaradu amaanku u arkaan dalab halis badan oo lagu hagaajinayo xiriirka Ankara iyo Washington oo xumaaday sanadihii la soo dhaafay.

In xoogagga Taliban laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Kabul ayaa noqotay arrin weyn kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, uu ku baaqay in la soo afjaro howlgalka Washington ee 20-ka sano ka socda bariga dhexe isagoo amar ku bixiyay in “dhammaan ciidamadiisa ay ka baxaan Afghanistan dhammaadka bishaan August 2021.”

Garoonka dayuuradaha Kabul ee Hamid Karzai waa marinka ugu nabadgalyada badan oo ay daganyihiin dublumaasiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka bani’aadamnimad si ay u caawiyaan wadankaan ay dagaalladu halakeeyeen.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo soo jeedinta ‘layaabka badan’ u arka fursad ay Ankara ku dhisi karto xiriirka kala dhaxeeya Washington, ayaa kala hadlay qadiyadaan Biden intii uu socday  kulankoodii ugu horreeyay ee shir madaxeedka NATO bishii June.

Dalabka ayaa la rumaysanyahay in hoggaamiyaha Turkiga uu ka lahaa labo ujeedo midkood oo kala ah in uu xiriir wanaagsan la yeesho xulafadiisa reer Galbeedka iyo ka -hortagga qulqulka qaxootiga iyadoo la furayo waddooyinka gargaarka.

“Turkigu wuxuu dan gaar ah ka leeyahay xasiloonida Afghanistan,” ayay tiri Magdalena Kirchner, oo ah agaasimaha Afghanistan ee saldhigga Jarmalka Friedrich-Ebert-Stiftung.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in aysan siyaasadeed daro ka lahayn balse ay doonayaan in laga yareeyo dhibaatada dadka reer Afghanistan.

“Ujeeddadeennu waa in aan hubinno in Afghanistan aysan ku xirnayn dibaadada dunida, in aysan go’doon ahayn,” ayaa laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah.

Qaramada Midoobay ayaa bishan sheegtay in 18 milyan oo qof ama kala bar dadka reer Afghanistan ay u baahan yihiin gargaar, halka kala bar dhammaan carruurta ka yar shanta sano ay la il daran yihiin nafaqo -darro ba’an.

– ‘Soo cesho raalli ahaanshaha’ –

In kasta oo Washington ay weli u aragto Turkiga inuu yahay xulafo muhiim u ah bariga dhexe, haddana xiriirkooda waxaa hareeyey khilaafyo, ay xudun u yihiin soo iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca gantaalaha Ruushka.

Washington ayaa Ankara ku soo rogtay cunaqabatayn xagga wax iibsiga ah sannadkii hore taas oo sii xumaysay xiriirka laba wadan.

“Arrinta ugu weyn ee ka dambaysa soo jeedinta garoonka dayuuradaha … waa xiriirka Turkiga iyo Mareykanka: Ankara waxay rajaynaysaa in ay dib ula soo laabato raalli ahaanshaha Washington ka dib xiisado diblomaasiyadeed,” ayuu falanqeeye Salim Cevik ku qoray warqad loogu talagalay hay’adda SWP ee Jarmalka.

Saraakiisha Turkiga ayaa diiday in ay faahfaahin ka bixiyaan waxa ay Ankara ka rabto Washington si ay ugu sii joogto Afghanistan, laakiin Erdogan ayaa sheegay in Turkigu u baahan yahay taageero xagga saadka iyo maalgelinta Mareykanka. 

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa sidoo kale xusay suurtogalnimada in Hungary iyo Pakistan ay qayb ka noqdaan howlgalka, hase yeeshe saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Ankara aysan wada hadal toos ah oo ku saabsan gegida la yeelan Islamabad, Hungary-na aysan wax badan ku lahayn howlgalka socda.

– ‘Waan kugu kalsoonahay’ –

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale la hadlaysa Daalibaan iyadoo rajo ka qabta in ay hesho qorshe ka ilaalin kara ciidamada Turkiga in ay noqdaan bartilmaameedyada dhaqdhaqaaqa mayalka adag ee Daalibaan.

Daalibaan ayaa si cad u sheegtay in fikirka ah in milateriga Turkigu sii joogaan Kabul ay tahay “wax laga xumaado”.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay “inuu arko xalka wada –hadalka uu kula jiro Taalibaan halka ay geynayaan”.

“Wadahadallada aan la yeelanay Daalibaan, waxay noo sheegeen:‘ waan inku kalsoonahay, waan ognahay inaadan lahayn ajande qarsoon’,” ayaa laga soo xigtay ilo Turki ah.

Turkiga waxaa Afghanistan ka jooga ku dhawaad 500 oo askari kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka NATO kama aysan qayb qaadan dagaalka.

– ‘Reer Yurub ayaa walwalsan’ –

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa warbixin ay soo saartay 2020 waxa ay ku sheegtay in 125,104 qaxooti reer Afganistan ku suganyihiin Turkiga, oo hoy u ah 3.6 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah.

Erdogan ayaa heshiis la galay Midowga Yurub sanadkii 2016 kaas oo uu Turkigu kula heshiiyey in uu martigeliyo muhaajiriinta taas oo lagu beddelayo balaayiin doollar oo gargaar ah.

Ankara iyo Brussels ayaa hadda ka shaqeynaya sidii loo cusbooneysiin lahaa heshiiska, iyadoo Afghanistan ay durba awood u leedahay wadahadalada u dhexeeya saraakiisha reer Yurub iyo Turkiga.

“Reer Yurub ayaa walwalsan,” ayaa laga soo xigtay ilo Turki ah.

Wadar ahaan 201,437 muhaajiriin reer Afghanistan ah ayaa lagu qabtay Turkiga sannadka 2019. 

DF oo jawaab rasmi ah ka bixisay warbixintii xasaasiga aheyd ee Midowga Afrika

0

 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah uga jawaabay warbixin ay dhowaan diyaariyeen guddi qiimayn ah oo ka socday Midowga Afrika, taas oo looga hadlay mustaqbalka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad u dhibsatay warbixintaas oo ku talisay in afar qaab midkood uu yeesho hawlgalka AMISOM wixii ka dambeeya bisha Decembar ee sanadkaan 2021-ka.

Afarta qaab oo guddigaas uu ku taliyey ayaa kala ahaa:

1 – Inuu noqdo hawlgal ay wadajir u fuliyaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey
2 – In dib u habayn iyo wax ka beddel lagu sameeyo hawlgalka haatan jira ee AMISOM.
3 – In AMISOM gebi ahaanba ka baxdo dalka.
4 – Iyo In ciidamo kale oo ka socda waddamada Bariga Afrika la keeno Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay VOA ayaa dafiray wax ku oolnimada warbixintaas, isagoo si faahfaasan u duray qodobada ku xusan qoraalkii uu Midowga Afrika u gudbiyey Qaramada Midoobey.

Wasiirka ayaa dhaliilay tayada ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in gabi ahaanba aysan la howlgelin ciidamada Soomaaliya, taas oo keentay in la hana waayo ammaanka guud ee dalka, sida uu hadalka u dhigay wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

“Hadii aan samenay qiimeyn waxaa noo soo baxday wadashaqeyn la’aantu in dhankeena aysan ka imaan, ciidamada Soomaaliyeed waa shaqeeyaan, waa dagaalamaan, weerarrada ayagaa qaada, meeshii ay qabsadaan ayey AMISOM degtaa, laakiin ayagu weerar ma qaadaan, markii laga reebo qeybta koowaad ee howlgalka oo ah ciidamada Uganda, kuwaas oo mar mar ka qeyb qaata howlgallada,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaa dhacda in ciidamada Soomaaliya ay mararka qaar arkaan fursad ay jab ku gaarsiin karaan cadawga, laakiin aysan heleynin, gacan siinta ay uga baahan yihiin AMISOM.”

Hoos ka dhageyso wareysiga

Dowladda Jabuuti oo si adag uga hadashay dagaalllada Soomaalida iyo Canfarta

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta, kadib markii caasimada Jabuuti ay ka dhaceeyn qul-qulatooyin u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo sababay khasaare xoog-leh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac & burbur hantiyeed.

Saciid Nuux Xasan oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu aysan u dul-qaadan doonin sii socoshada rabashadaha kasoo cusboonaaday dalkaasi ee Soomaaliyda iyo Canfarta.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii ay soo socdaan qul-qulatooyinkaasi ay halis ku tahay Jamhuuriyadda Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu faray ciidamada ammaanka inay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortegayo rabshadahaas, si aysan u dhicin waxyeelo kale oo la gaarsiiyo shacabka.

Rabshadaha saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay caasimada Jabuuti ayaa waxa ay dhaliyeen dhimasho, dhaawac iyo burbur baahsan oo loo geystay guryo ay daganaayeen rayid.

Ugu dambeyn rabshadahan ayaa sababay in ciidamada Booliska ay kusoo baxaan, isla-markaana ay dadka u adeegsadaan sunta dadka ka ilmi-siisa, si loo kala ceyriyo.

Si kastaba xiisada kasoo cusboonaatay Jabuuti ee u dhexeysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ayaa daba socota dagaallada ka socda magaalada Garba Ciise ee Itoobiya.

Guddoomiye Ciro oo war ka soo saaray doorashada Aqalka Sare ee maamullada qaar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama ay Kismaayo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacday doorasho uu goobjoog ka ahaa.

Guddoomiye Ciro oo la hadlay VOA ayaa yiri, “Doorashadii waata ka bilaabatay Jubaland, waxaana hadda kadib la sugayaan in hadba maamul goboleed ay u ka bilaabato, oo xildhibaano cusub ay soo baxaan, marka waxaa moodaa in jiitankii doorashada uu Khamiistii ku ekaa oo hadda toos loo guda galay hirgelinta doorashada.”

Sidoo kale guddoomiye Ciro waxa uu sheegay in hadda loo balansan yahay in maalmaha soo socda ay doorashada xubnaha kale ee Aqalka Sare ay ka bilaabato deegaanada dowlad goboleedyada dalka.

“Todobaadka koowaad ee bishan Agoosto ayuu qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo  doorashada Aqalka Sare, waxaana hadda noo abaabulan  in waqtigaas ay doorashada Aqalka Sare ay ku dhacdo oo maalmaha soo socda ay ka bilaabato xarumaha dowlad goboleedyada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Maxamed Ciro.

Jubbaland ayaa Khamiistii la soo dhaafay bilaawday doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, halkaas oo lagu soo doortay afar Senator, waxaana dhiman doorashada ugu yaraan 50-Senator oo kale, kuwaas oo laga soo kala dooranayo xarumaha dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweyne kasta oo dowlad goboleed waxa uu awood u heystaa in rabitaankiisu uu sameyn ku yeesho xubnaha ku soo baxaya doorashada senatorrada Aqalka Sare, sida laga ogaaday doorashadii ka dhacday Kismaayo iyo liiska murasharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee taalla K/Galbeed oo maalin ka hor Lafta Gareen uu soo gudbiyey.

Afarta Senator ee ku soo baxday doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa la sheegay in ay siyaasadda isku mowqif ka yihiin Axmed Madoobe, halka Lafta Gareen uu liiska musharaxiinta Aqalka Sare qalinkiisa uga reebay, ugu yaraan laba musharax oo isku siyaasad aysan aheyn, kuwaas oo kala ah, Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Ilyaas Cali Xasan. Labadaan nin afartii sano ee lasoo dhaafay waxay ka tirsanaayeen Aqalka Sare, balse hadda tartanka waxaa ka reebay Madaxweyne Lafta Gareen.

Senator-kii Labaad oo lagu doortay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay doorashada

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed lagu doortay Kursigii labaad ee Aqalka Sare ee maamulkaas, taasi oo ay ku tartameen labo musharax oo dumar ah.

Kursiga 2-aad ee maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, oo kamid ah musharaxiintii uu hore u shaaciyey madaxweyne Lafta-gareen.

Waxay guusha Kursigaas raacday Ayaan Aadan Cabdullaahi oo ayadu noqoneysa Senator-kii labaad ee laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed ee ku metelaya Aqalka Sare ee dalka.

Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa heshay 79 cod, halka Farxiyo Nuur ay heshay 8 cod oo keliya, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa goor sii horeysay loo doortay Kursigii ugu horeeyay ee Aqalka Sare ee maamulkaas, kaasi oo ay ku guuleysatay Zamzam Ibrahim Cali oo ayadu horey u aheyd Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana markale difaacatay kursigeeda.

Waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada saddexda kursi ee kale ee la shaaciyey, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamul goboleedkii labaad ee billaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sawirro: Koonfur Galbeed oo dooratay Senatorkii ugu horeeyey – Yaa kusoo baxay?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u bilowday qabashada doorashada, waxaana kursigii ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee maamulkaasi lagu doortay magaalada Baydhabo, taas oo ay ku tartameen labo musharrax oo dumar ah.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka socda guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer federaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Kursiga 1-aad ee doorashadiisa maanta la qabtay ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cismaan oo ka mid ahaa musharixiintii uu horey u shaaciyey madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Guusha ayaa waxa ay raacday Zamzam Ibrahim Cali oo 81 cod heshay, halka 4 cod ay heshay masharrax Shariifo Xaji Cismaan oo la tartameysay, waxaana sidoo kale halaabay illaa 7 cod, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Zamzam Ibrahim Cali ayaa horey u aheyd Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo markale difaacatay kursigeeda.

Sidoo kale waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada afarta kursi ee kale ee la shaaciyey, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamul goboleedkii labaad ee billaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa BAYDHABA

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada ayaa haatan ka socota Baydhabo, waxaana si weyn loo adkeeyey amniga guud ee magaaladaasi.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya illaa 10 musharrax oo uu liiskooda soo gudbiyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, waxaana saddex ka mid ah yihiin dumar.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa ka warbixiyey u diyaar garowda doorashada, wuxuuna tilmaamay in 10-ka musharrax ay buuxiyeen shuruudihii laga rabay, isla-markaana la mariyey baarista hubinta dambiyada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ugu horreyn musharraxiinta laga dhageysan doono khudbado, kadibna la guda-geli doono qabashada doorashada.

“10-ka musharrax waxa ay buuxiyeen shuruudihii waxaana ay mareen baarista hubinta dambiyada, ilaa haatan wax kiis ah oo naloo soo gudbiyay ma jiro, sidaas awgeed waxa ay ka wada qaybgalayaan doorashada maanta” ayuu yiri Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee bilaaba doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo kaliya dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Maamullada harsan ayaa sidoo kale looga fadhiyaa inay dadajiyaan qabashada doorashada Aqalka Sare, si loo bilaabo tan Golaha Shacabka, waxaana kusii xigta mida madaxweynaha.

Maxaa la isku afgartay kulankii R/W Rooble, Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar kale xafiiskiisa ku wada qaabilay guddoomiyaha golaha waqtigu ka dhamaaday ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, sida lagu shaaciyey qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo horay ula kulmay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ka sugaayey inay xal ka gaaraan khilaafka ka dhaxeeya ee salka ku haya doorashada kuraas gobollada waqooyi ee BFS.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa kala hoggaaminaya laba garab oo ay u  kala jabeen siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, waxuuna haatan khilaafka ugu adag ka taagan yahay doorashada guddoonka guddiga 11-ka xubnood ah oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi, Mahdi Guuleed iyo Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi,” ayaa lagu yiri qoraalkaan  ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sida lagu sheegay qoraalka Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo fursad hal maalin ah, si khilaafkooda ay u soo afjaraan labada garab oo ay kala hoggaanimayaan isaga iyo Mahdi Guuleed, iyadoo dalabkaasna uu ka aqbalay Rooble.

“Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada Somaliland ayaa u kala jabay laba garab oo kala taabacsan siyaasiyiinta ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, maadaama ay horay u soo kala magacaabeen xubnahaan, waxuuna garab kasta sameystay guddoon u gaar ah.

Todoba xubnood oo guddigaas ka mid ah, kuwaas oo afar uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, seddaxna Rooble ayaa bilaabay doorasho hal dhinac ah, iyagoo iska dhex doortay guddoomiye iyo ku xigeen, sidoo kale afartii kale ee uu soo magacaabay ayaa Cabdi Xaashi ayaa dhankooda iska dhex doortay guddoon, waxaana cirka isku shareeray khilaafka labada garab ee siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi.

Daawo: Cabdi Xaashi oo shaaciyey tallaabo ay qaadi doonaan haddii la qabto doorasho hal dhinac ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka digay in garabka Mahdi Guuleed ee doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada Waqooyi ee Somaliland ay ku dhaqaaqan inay qabtaan doorasho, xili ay haystaan aqlabiyada guddiga.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay haddii uu garabka Mahdi Guuleed ku dhaqaaqo tallaabadaas ay dhinacooda qaban doonaan doorasho, maadama uu xusay in garabka kasoo horjeeda ee guddiga doorashada gobolada Waqooyi iska dhago tireen dadaaladii lagu rabay in labada dhinac oo mideysan doortaan hogaan.

“Waa idinka kuwa doorashada xaqa u leh ee soo saaranaya xubnahooda Baarlamaan, haddii ay kolkaas dhacdo arrintaas u diyaar-garoowa in doorasho aad sameysaan,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Sida la leeyahay doorasho ayey sameynaynaa oo guddigii la idiin sheegayay ee laga dhigo 7 halkaas ah (Mahdi Guuleed iyo xukuumadda) iyo 4 halkaan ah, iyaga ayaa la leeyahay waa intii badneyd oo iyaga ayaa soconaysa, markaa waa idinka kuwa doorashada xaqa u leh.”

Khilaafka ka taagan guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa illaa hadda xal rasmi ah laga gaarin, ayada oo fashil kusoo dhamaadeen kulamo ay labada dhinac ka yeeshen dib u mideynta guddiga u kala jabay labada garab, kuwaasi oo leh labo guddoon oo kala duwan.

Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka kooban afar xubnood, halka garabka Mahdi Guuleed uu ka kooban yahay afar xubnood, oo sida la fahamsan yahay u dheer yihiin 3 xubnood oo kale oo xukuumadda kasoo galay guddigaas, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisal wasaare Rooble.

Senator Xuseen Sheekh oo faahfaahin ka bixiyey sababta looga reebay liiska A/Sare

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa markii u horeysay faah-faahin ka bixiyay sababtii looga reebay liiska musharaxiinta ee uu shalay soo saaray madaxweyne Lafta-gareen.

Waxa uu sheegay in liiskaas looga reebay kala aragti duwanaanshaha Madaxda joogta Villa Somalia, wuxuuna xusay inaysan saamayn ku yeelan doonin u “adeegistiisa shacabka Soomaaliyeed” in uu waayay kursigiisii xildhibaanimo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in la gaari doonaa waqti rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed uu shaqeeyo, kuna doortaan matalayaashiina siyaasadda.

Halkaan ka aqriso qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook

Bismillaahi,

Marka Koowaad mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatey, marka xigtana waxaan u mahadcelinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan taageerada iyo dhiirigelinta ay ila garab istaagnaayeen.

Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinaa shacabka Koonfur Galbeed oo aan ku matalayay Aqalka sare muddo xileedkii la soo dhaafay. Insha Allah waxaa la gaari doonaa waqti rabitaankiinu shaqeeyo kuna doorataan matalayaashiina siyaasadda.

Muddadii aan u soo adeegayay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed waxaan ku dadaaley wixii karaankeyga ah inaan si daacadnimo ku jirto ugu adeego, una doodo xuquuqaha siyaasadeed iyo kuwo bulsho, anigoo ka tirsanaa Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal. Dadaal weyna aan ka gaystay howshaas wali qabyada ah.

Intaas ka dib, waxaan aaminsanahay Qadarta Rabbi iyo in Alle SWT uu bixiyo Mulkiga doonistiisana wax lagu helo waxna lagu waayo, haddii ay insaanka oo dhan wax kula doonaana ay ku xiran tahay un doonista Alle.

Qalinka waxaa haysta mas’uul siyaasi ah oo heshiis siyaasadeed fursad loogu siiyey inuu kala doorto gaar ahaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad. Cabbirka fikirka madaxbannaan ee dhaqanka ii ahaa muddo xileedkii la soo dhaafay, ayaan aaminsanahay inay sabab u ahayd in la iga reebo tartanka Aqalka Sare ee xilligan.

Insha Allah waxaan balanqaadayaa in waayidda xilkii xildhibaanimo ee BFS aaney saameyn ku yeelan doonin mabaadii’deyda ku dhisan in daacad loogu adeego shacabka Soomaaliyeed anoo xil haaya iyo anigoon hayninba.

Waxaan uga mahad celinayaa shacabkii iyo masuuliyiintii aad u jeclaa inaan mar kale tartamo, waxaanna ugu baaqayaa inay is dejiyaan.

Mahadsanidiin,
Hussein Sheikh Mohamud

Maxaa shaki geliyey dhab ahaanshaha musharaxnimada madaxweyne ee Kheyre?

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo.

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad sanad kadib markii uu qoraal yar oo uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu yahay musharax madaxweyne, ayaa waxaa weli dadka xog-ogaalka u ah siyaasadda Soomaaliya ay shaki gelinayaan dhab ahaanshaha musharaxnimada Xasan Cali Kheyre. 

Kheyre naftiisa ayaa tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaadayo, amaba uusan qaadan, ay kaga sii darayaan shakiga laga qabo inuu yahay musharax dhab ah, oo ay ka go’an tahay inuu kursiga kala wareego madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiyiinta badan iyo falanqeeyeyaal Soomaali iyo ajaanibba leh ayaa shakiga ka dhanka ah dhab ahaanshaha hanka Ra’iisul Wasaarihii hore sabab uga dhigaya dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

Kheyre ma dhisin xisbi siyaasadeed: Dhammaan musharaxiinta miisaanka culus ee u taagan xilka madaxweyne waxay dhisteen xisbiyo siyaasadeed, oo ay hoggaamiyaan. Xasan Sheekh wuxuu madax u yahay UPD, Shariif wuxuu maamulaa Himilo Qaran, Cadbiraxmaan Cabdishakuur wuxuu dhisay Wadajir, Cabdikariin Guuleed wuxuu guddoomiyaa Sahan Party, halka Cabdulqaadir Cosoble uu madax ka yahay Ileys.

Inkasta oo laga yaabo in xisbi aan lagu galin doorashada, haddana xisbiga waa madal kulmisa musharaxiinta iyo xubnaha taageersan. Sidaas darteed, musharax kasta wuxuu leeyahay xubno taageersan oo la yaqaan oo ku jira xisbigiisa. Illaa hadda ma naqaan hal siyaasi ama xildhibaan oo ku aragti ah Xasan Cali Kheyre.

Xiriirka Villa Somalia: Ka sokow in shaki la gelinayo musharaxnimadiisa, Xasan Cali Kheyre waxaa weli lagu xantaa inuu ku xiran yahay Villa Somalia, oo uu weli saaxiib qarsoon la yahay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Dadka ra’yigan qaba ayaa sheegaya kulamo qarsoodi ah oo dhinacyada dhex-maray, inkasta oo aan la xaqiijin karin.

Xitaa qaarkood ayaa gaarsiinaya inuu yahay wakiil loo soo diray inuu ka dhex-shaqeeyo mucaaradka. Waxaa shakiga sii kordhinaya, in ilaa markii uu xilka ka tegay uusan Xasan Cali Kheyre si toos ah u magacaabin Farmaajo iyo Fahad, oo uusan marnaba u dhaliilin si shaacsan, xilli ay jirto qaladaad badan oo musharaxiinta kale ay ku eedeeyeen ayaga oo aan la gabban.

Sidii uu xilka uga degay: In 7 daqiiqo gudahood xilka looga tuuro waxay muujisay in miisaanka siyaasadeed ee Xasan Kheyre uu aad u hooseeyo, sababtoo ah haddii Kheyre awood siyaasadeed ku dhex lahaan lahaa dalka, gaar ahanna baarlamanka, ma dhacdeen in 7 daqiiqo xilka looga tuuro.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa sidoo kale qaba in arrintan ay meesha ka saarayso rajadiisa ah in la doorto maadaama la filayo in ay dib u soo laabtaan xildhibaanandii riday ugu yaraan 70% kamid ah, ayaga oo is-weydiinaya sida xildhibaano ku riday 7 daqiiqo gudahood ay madaxweyne ugu dooran doonaan. 

Muddadii uu xilka Ra’iisul Wasaaraha hayay, saaxiibada siyaasadda ee kaliya ee uu lahaa waxa ay ahaayeen siyaasiyiinta ugu dhow madaxweyne Farmaajo, taas oo sababtay in aysan jirin koox siyaasadeed oo iibisa aragtidiisa islamarkaana la fududeysa caqabadaha siyaasadda.

Siyaasi aan la aamini karin: Xasan Cali Khayre markii ugu horreysay waxa uu saaxada siyaasadda kusoo galay isaga oo kamid ahaa kooxdii Xasan Sheekh Maxamuud. Kheyre ayaa ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa heer uu gaaray inuu galo kooxdii olalahiisa madaxtinimada ka shaqeyneysay 2016.

Xilligaas, Kheyre wuxuu isaga oo ka tirsan kooxda Xasan Sheekh, haddana si hoose ula shaqeynayey Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay in mid ka mid ah sababaha looga adkaaday Xasan Sheekh ay tahay in xogtiisa oo idil uu hayey Farmaajo.

Marka xigtay, isaga oo fulinaya qorshaha Farmaajo ayuu markii uu noqday ra’iisul wasaare dagaal ku qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka oo istooda badan meesha ka saaray, halka madaxdii maamulladaas la geeyay ay fahansan yihiin in aysan aamini karin, xilligaasna uu fuliyay qorshe uu Farmaajo lahaa.

Aaminaad la’aantan ayaa ka fogeyneysa Xasan Kheyre saaxiibo badan oo uu heli lahaa, taasi oo shakiga laga qabo musharaxnimadiisa sii kordhisay. 

Wax ay ahaataba, waxaa dhab ahaanshaha iyo awoodda siyaasadeed ee Kheyre ay kala caddaan doonaan marka laga gaaro doorashada. 

Maxaad ka taqaanaa Jeneral Ceydiid oo geeriyooday 25 sano kahor maanta oo kale?

Waxaa maanta 25 sano laga joogaa markii uu dhintay Allaha u naxaristee janaraal Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ah hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya door weynna ku lahaa ololihii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku dhintay magaalada Muqdisho 1-dii Agoosto sanadkii 1996.

Kumuu ahaa Ceydiid

Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa uu bishii December ee sanaddii 1934 ku dhashay magaalada Gaalkacyo.

Janaraal Ceydiid waxaa uu wax ku soo bartay dalka Taliyaaniga iyo Ruushka.

Waxaa uu xilligii gumeysiga la soo shaqeeyay booliiskii Taliyaaniga oo uu ku biiray sanaddi 1952.

Janaraal Ceydiid ayaa markii dambe ku biiray ciidammada qalabka side ee Soomaaliya oo u ka gaaray ilaa darajada Janaraal.

Kuliyadda militariga ee Furunzi oo ku taallla magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu sidoo kale culuum dheeraad ah oo dhanka militariga ah ku soo qaatay.

Sanaddii 1969, waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday afgembigii militari ee dalkaka dhacay.

Janaraal ayaa waxaa xabsiga u taxaabay dowlaaddii kacaanka ee uu hogaaminayay (AHU) Maxamed Siyaad Bare

Ceydiid ayaa xabsiga laga soo daayay sanaddii 1975.

Dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itobiya sanaddii 1977 ilaa 1978 waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb gashay.

Janaraal Maxmed Faarax Ceydiid ayaa waxa uu sidoo kale mar noqday danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Hindiya.

Dagaalkii Jabhadaha

Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii ka qeyb qaatay dumintii dowladda dhexe ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa uu sanadii 1991 noqday hogaamiyiihii jabhaddii USC. Jabhadaasi ayaa cidamadii dowladda kula dagaalamay magaalada Muqdisho ugu dambeyntiina halkaasi ka saaray.

Dagalkii Cali Mahdi iyo Caydiid

Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Maxamed Siyaad Bare.

Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC.

khilaafka ayaa isu rogey dagaal kumanaaan shacab ah ay ku dhinteen kumannaan kale -na ay ku barakaceen.

Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid.

“Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi.

Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi.

Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh.

Dagaalkii Ceydiid iyo Mareykanka

Sanddii 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidammo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanka.

Dabyaaqadii sanaddii, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray “Hawlgalkii Rejo soo celinta”.

Sanaddii 1993 – waxaa dowladda Maraykanka ay hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.

Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan.

Ceydiid wuxuu xilligaas haystay qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanku duqeeyeen.

Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada Midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kale ayaa la dhaawacay.

Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay.

3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha koofurta Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kulan kula leeyahay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag.

Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan. Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib.

50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay.

Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo.

Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho).

Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday.

Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini’aadannimana gaabis ayaa ku yimi.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota wuxuu yiri: “In Soomaaliya oo dhibaato ay ku jirta dunidana ka jeesato, maxaa lagu macneyn karaa? Sow aragtida la yiraahdo, masuuliyad ayaa dunida ka saaran in ay dadka badbaadiso, mana beenoobeyso.”

Markii dambe dagaalkii muqdisho waxaa laga sameeyay filim la baxay “Black Hawk Down”.

Mareykanka waxay ku guuldareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan janaraaal Maxamed Faarax Ceydiid.

Bishii March, 1994 – waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya .

1 bishii August , 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray, dagaal dhexmaray isaga iyo Cusmaan Caato.

Xigasho: BBC Somali

TALIBAN oo duqaynaysa garoomada diyaaradaha iyo dagaallo culus oo socda

Kandahar (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Kandahar oo ku yaal koonfurta Afghanistan ayaa gantaal lala beegsaday, xilli ciidamada dowladda ay la halgamayaan sidii ay iskaga caabin lahaayeen weerarada Taliban oo ka socda dhowr magaalo oo waaweyn.

Duulimaadyadii ka bixi lahaa Kandahar, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Afghanistan, ayaa la joojiyay ka dib markii saddex gantaal oo ay Taliban rideen ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha maanta oo Axad ah.

Madaxa garoonka Massoud Pashtun ayaa sheegay in laba ka mid ah gantaalladaasi ay ku dhaceen dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, hadana lagu bilaabay dayactir. Sarkaal kale oo ka tirsan maamulka duulista rayidka ee caasimadda, Kabul ayaa xaqiijiyay weerarka.

Wali ma jiraan warar sheegaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Zabiullah Mujahid, oo ah afhayeenka Taliban, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, “Madaarka Kandahar annaga ayaa bartilmaameedsannay, maxaa yeelay cadowgu wuxuu u adeegsanayay xarun ahaan si uu noogu qaado weerarro xagga cirka ah”.

‘Xaalad aad u kacsan’

Dagaallada ayaa soo kordhay asbuucyadii la soo dhaafay laga soo bilaabo horraantii bishii May, markaas oo ciidamada shisheeye ee uu horkacayo Mareykanka ay bilaabeen ka bixitaankii ugu dambeeyay ee Afghanistan oo hadda ku dhow dhammaad.

Ka dib markii ay qabsadeen dhul ballaaran oo miyi ah kuna darsadeen isgoysyada muhiimka ah, Taalibaan waxay hadda bilaabeen in ay hareereeyaan caasimadaha gobollada.

Warbaahinta maxaliga ah ee Kabul, ayaa sheegtay in saddex magaalo oo waaweyn – Lashkar Gah, Kandahar iyo Herat – ay xilligan cadaadis kala kulmaan Taliban.

“Talibaan waxay qabsadeen dhul aad u tiro badan oo miyi ah bishii la soo dhaafay haddana waxay magaalooyinka gelinayaan cadaadis aad u badan, ka dibna waxay dib ugu laaban karaan miiska wadahadalka.”

Gudaha Lashkar Gah, xaaladdu “aad bay u kacsan tahay” iyadoo uu socdo dagaal culus, halka isgaarsiinta la xiray.

“Xalay, waxaan fahansanahay in ciidamada gaarka ah ee Afghanistan lagu soo riday diyaarad helicopter ah si ay isugu dayaan in ay ku weeraraan Taliban. Waxaan fahamsanahay in Mareykanku uu taageerayo weerarada cirka, ciidamada cirka ee Afghanistan-na ay wadaan dadaalo xooggan,” sidaas waxaa ku waramay wariyaha Afganistaan ee Kabul.

Ciidamada amniga Afgaanistaan ayaa aad ugu tiirsan weerarada cirka si ay dagaalyahanada dib uga riixaan magaalooyinka xitaa iyagoo halis ugu jira in ay duqeeyaan dadka rayidka ah ee ku nool meelaha dadku ku badan yihiin.

Dhanka galbeed, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Herat, dagaalku wuxuu ka socdaa duleedka magaalada habeenimadii.

Afhayeenka gobolka Herat Jailani Farhad ayaa sheegay in ku dhawaad 100 dagaalyahan oo Taliban ah lagu dilay weerarada.

Labada dhinac ee Taliban iyo ciidamada dowladda ayaa buunbuuniyay sheegashooyinka khasaaraha soo gaaray ciidammadii midba midka kale, waxaana adag in si madax bannaan loo xaqiijiyo.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada Afghanistan ay adeegsadeen weerarro cirka ah si ay u difaacaan Herat iyo in Mareykanka uu “si dhow ula socdo” xaaladda gobolka.