25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

MASAR oo ciidamadeeda kusoo daabuleyso gudaha Soomaaliya

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka bilaabanaya sanadkan cusub.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Ciidanka Masar ayaa beddali doono kuwa Itoobiya oo laga reebay howlgalka AUSSOM, sababo la xiriira isku dhicii Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhashay heshiiskii badda,

Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa waxaa Jimcihii isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ay soo saareen 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah, kalia Mareykanka ayaa ka aamusay sababo la xiriira walaac uu ka qabo maalgelinta howlkan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan wadahadalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo heshiiskii Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Masar, Sisi ayaa Sabtidii wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo u sheegay inuu rajeynayo in heshiiska dhawaan la gaaray uu gacan ka gaysan doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.

“Xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha qaranka Masar waa kuwo isku xidhan,” ayuu yiri madaxweyne Cabdifataax El-Sisi.

Waxaa kale oo uu rajo ka muujiyay in heshiiska Ankara uu noqdo mid la jaan qaadi kara mabaadi’da sharciga caalamiga ah, isaga oo tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Cagjar oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Dacawaley

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo la hadlay warbaahinta ayaa qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taagan deegaanada u dhow xadka ay la leeyihiin maamulka Somaliland.

Mustafe Cagjar ayaa beeniyay eedeymaha loo jeedinayo ciidamada Liyuu Boolis ee ku aadan inay xasuus ka gaysteen aagga deegaanka Dacawaley oo ay dhowaan kula dagaalameen maleeshiyaad dadka deegaanka ah.

Madaxweynaha ayaa ku dooday in ciidamadiisu ay la dagaalameen dad kusoo duulay nabadda deegaanka, balse aanu jirin qof shacab ah oo ay si bareer ah u dileen.

“Waxaan ku kalsoonahay hal qof oo maati ah oo hubeysane aan ciidanka la dagaalameyn aan ahayn halkaa inay ka dhicin waan ognaay, waana la soconaaa” ayuu yiri Cagjar.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Colaadda laftigeedaaaba dhibaato ah hooyada ka barakacday meel xittaa dib u baxda waa dhibaato, xukuumadane tallaabo ayay qaaday shacabkana waa shacabkeenii”.

Horay Somaliland ayaa ciidanka dowlad deegaanka ugu eedeysay inay shacab badan ay ku laayeen deegaanka Dacawaley, iyada oo qaar kamid ah dadka dhaawacyada la geeyay Hargeysa.

Si kastaba, arrintan ayaa muunineyso inay waji cusub yeelaneyso xiisadda ka taagan xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, maadaama colaaddu saameyn ku yeelatay labada maamul ee dariska ah, iyada oo dagaalkii dhacay kadib dhaawacyo badan la kala gaarsiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.

10-ka dhacdo ugu weyn caalamka ee 2024-kii

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdooyin is xig-xiga oo kala saameyn badan ayaa sanadka 2024 ka dhacay dunida, waxa ay galeen diiwaanka iyada oo mid weliba qaanad uu ka galay dhinaca saameynta haddii ay ahaan lahayd mid taban iyo mid togan.

Waxaa halkaan idin kugu soo gudbineynaa tobankii dhacdo ugu saameynta badnaa ee 2024, waxaa jiray dhacdooyin kale oo kuwaan ka badan balse waxa aan kasoo xulnay tobankaan maadaama ay ka saameyn badnaayeen kuwa kale.

2dii April 2024, Bassirou Diomaye Faye waxa uu noqday Madaxweynihii ugu da’da yaraa Dalka Senegal, waxa uu bannaan joog ahaa wax ka yar labo todobaad maadaama xabsigii uu ku xirnaa laga sii daayay 14kii Maarso.

23kii May 2024 waxa ay Dalka Iiraan u ahayd maalin murugadeeda wadata kaddib markii Madaxweynihii Dalkaas Ibraahim Ra’iisi uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ilaa haatan aan si rasmi ah loo faah-faahin waxa rasmiga ah ee sababay, waxaa la dhintay Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda.

June 2024, Soomaaliya ayaa ku guuleysatay mid kamid ah 10ka kursi ee Golaha Ammaanka ee doorashada ku yimaada, Guushaan waxa ay Soomaaliya kaga dhigan tahay in ay Afrika ku metasho 2025 fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Horraantii July 2024, Dibadbaxyo waa weyn oo salkoodu ahaa canshuur kordhinta ay sameysay Dowladda Kenya ayaa gilgilay Magaalada Nairobi, waxaa dibadbaxyadaas xilkooda ku waayay Wasiirro katirsanaa Xukuumadda Ruto iyo Mas’uuliyiin kale.

31kii July 2024, Magaalada Tehran waxaa lagu dilay Madaxii ugu sarreeyay ee Dhaqdhaqaaqa Xamaas Ismaaciil Haniyah oo xiligaas ka qaybgalay aaska Madaxweynihii Iiraan ee shilka Diyaarad ku geeriyooday.

5 August 2024, Haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha ka ahayd Dalka Bangladesh Sheikh Hasina Wazed ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay Xilkaas kaddib markii ay xooggeysteen dibadbaxyada ka dhanka ah Nidaamka Shaqaaleysiinta Dalkaas.

27kii September 2024, weerarkii ugu cuslaa ayay Israa’iil ku qaadday goob ay joogeen madaxdii ugu sarreysay ee Ururka Xisbullaah, waxaa halkaas ku dhintay Xogyahe Xasan Nasrullaah iyo mas’uuliyiin kale, waxaa uu weerarkaas sababay dagaal toos ah oo labada dhinac dhexmaray.

16kii October 2024, weerar lama filaan ku ahaa Israa’iil ayay ku beegsatay goob uu joogay Ninkii lagu baddelay Hoggaamiyihii Xamaas ee loosoo gaabiyo YS ama loo garan ogyahay Abuu Ibraahim, waxa uu qorshahaas kordhiyay xiisadda bariga dhexe.

5tii Nofeembar 2024, Dalka Maraykanka waxaa ka dhacday Doorasho uu ku guuleystay Donald Trump, waxa uu ka adkaaday Kamala Harris maadaama si kedis ah ugu soo baxday loolan kaddib markii Joe Biden uu isaga haray u tartamidda Doorashadaas.

8dii December 2024, waxaa kacdoon muddo kooban ah lagu jebiyay gidaarkii adkaa ee Bashaar Al-Asad, Mucaaradka ayaa qabsaday guud ahaan Dalkaas, waxaana lasoo afjaray kontankii sano ee Maamulka Xaafid Asad iyo wiilkiisa Bashaar.

Kuwaan waxa ay ahaayeen tobanka dhacdo ee ugu saameyn badan ee dhacay 2024, waxaa jira dhacdooyin kale balse tobankaan ayaa kasoo dhex xulnay.

Isha: Mustaqbal

Odowaa oo qorshe xasaasi ah ka wada Xarardheere

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa xalay ku hoyday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Odowaa ayaa laba qorshe oo xasaasi ah u tegay degmada Xarardheere, kuwaas oo la xiriira xaaladaha haatan soo kordhay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Arrinta koowaad ayaa ah in taliyuhu dardar-gelinayo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe, si loo xoreeyo deegaanada ka maqan dowladda.

Taliyaha ayaa sidoo kale saraakiisha ku amray in aysan ka maqnaan hal habeen talisyada ay xukumaan, iyadoo taliyihii jebiya amarkaas loogu goodiyey in xilka laga qaadi doono, lana reystey doono.

Sidoo kale arrinta labaad ayaa ah in Jeneraal Odowaa uu la kulmi doono ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo dhawaan gadood ka sameeyay aagga Xarardheere, iyaga oo aad uga xumaaday dhacdadii askartii lagu laayay ee dhowaan ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa la filayaa inuu qanciyo ciidamadaasi oo kasoo jeedo Hiiraan, si aysan uga soo bixin furimaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha xoogga ayaa hadda safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, labadii habeen ee lasoo dhaafay wuxuu ku hoyday degmada Ceeldheer, weligeedna ma dhicin in taliyaha ugu sareeya militeriga Soomaaliya uu furinta joogo waqti intaas la eg, hadda ka hor.

Taliye Odowaa ayaa intii uu joogay Ceeldheer wuxuu kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladooda ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka degaanka ee ka howlgala Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Burundi: “Soomaaliya aad ayey noogu abaal-dhacday”

Bujumbura (Caasimada Online) – Burundi ayaa ka hartay howlgalka Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM, iyadoo sabab uga dhigtay khilaaf weyn oo ka dhashay tirada ciidamada loo qoondeeyey oo ay ku tilmaantay “khiyaano” dhinaca Soomaaliya uga yimid.

Xiisada ayaa soo ifbaxday markii Soomaaliya u qoondeysay Burundi kaliya 1,041 askari, taasi oo aad uga yar 2,000 oo askari oo Burundi ay doonaysay inay ku biiriso howlgalka cusub.

Warqad ku taariikheysneyd 26-kii December oo uu Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur u diray dhiggiisa dalka Burundi ayaa lagu xaqiijiyay go’aankaasi, taasi oo keentay in ciidamada Qaranka Burundi ay dib uga laabtaan howlgalka.

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Burundi oo magaciisa ka gaabsaday oo la hadlay warbaahinta Uganda ayaa dhaliilay go’aanka Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Tani waa mid cad oo khiyaano iyo abaal dhac, gaar ahaan ka dib dadaallo ballaaran oo aan ku bixinay la-dagaalanka Al-Shabaab.”

Tan iyo 2007, Burundi waxa ay kaalin firfircoon ka qaadatay amniga Soomaaliya, iyadoo markii hore ka mid aheyd howlgalka AMISOM, ka dibna howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ATMIS. Askartii ugu horreysay ee ay ku tabarucday ayaa ahaa 5,400 oo askari.

Diblomaasi Burundi ah ayaa VOA u sheegay sida uu uga xun yahay, isagoo yiri: “In arrintan lagu sheego abaal dhac waa wax yar, Soomaaliya waxaan ku leenahay raali-gelin.”

Hawlgalka cusub, oo la qorsheeyay inuu bilowdo Janaayo 2025, ayaa ka koobnaan doona ciidan yar oo ka kooban 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 booliis ah. Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay heshiisyo laba geesood ah oo ay la gashay dalalka ku tabarucaya ciidamadan.

Ku-xigeenka ergayga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Maxamed Yuusuf ayaa ku sheegay muhiimadda ay heshiisyadan u leeyihiin in la sii wado dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi uu qiray naf-hurnimadii Burundi kuna sheegay mid ku qorantay taariikhda Soomaaliya.

Madaxweyne Siisi oo war ka soo saaray heshiiska Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo heshiiskii Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Masar, Sisi ayaa Sabtidii wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo u sheegay inuu rajeynayo in heshiiska dhawaan la gaaray uu gacan ka gaysan doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.

“Xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha qaranka Masar waa kuwo isku xidhan,” ayuu yiri.

Sisi waxa uu rajo ka muujiyay in heshiiska Ankara uu noqdo mid la jaanqaadi kara mabaadi’da sharciga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Masar iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya inay ka mid noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika gaynayo Soomaaliya.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa noqday mid aad u kacsan, ka dib markii uu bishii Janaayo 2024 ay Itoobiya heshiis la gashay maamulka Somaliland ee Soomaaliya, kaasi oo ah in ay ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidamada badda, taa beddelkeedna ay aqoonsi siiso.

Colaadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo jiidatay indhaha gobolka iyo caalamkaba.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa booqashadii uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya waxa uu sheegay in uu taageersan yahay dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay badda ugala hadli lahayd dalalka jaarka ah, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Bartamihii bishii December ayey dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen heshiiskii Ankara ee uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaasi oo la filayo inuu qaboojiyo xiisadaha sii kordhaya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay “ixtiraamka iyo sida ay uga go’an tahay madax-bannaanidda, midnimada iyo wadajirka dhuleed” ee midba midka kale.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku tilmaamay “heshiis taariikhi ah” iyo “tallaabadii ugu horreysay ee bilow cusub oo ku saleysan nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya.”

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha Tel Avi

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegay Talaadadii in ay laba gantaal ku rideen Israa’iil, saacado kaddib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay qabteen gantaal laga soo tuuray dalkaas.

“Weerarka koowaad waxa lagu beegsaday gegida diyaaradaha ee Ben Gurion” ee ku taal magaalada Tel Aviv, kan labaadna waxa lagu weeraray xarun koronto oo ku taal koonfurta magaalada Qudus, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay milatariga Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay weerareen markab dagaal oo uu leeyahya Mareykanka oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka.

Gelinkii dambe ee Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil.

Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen, ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridayey Israa’iil iyo maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasi oo ay ku sheegeen in ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta, inta uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza.

Toddobaadkii hore, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqaymo aargoosi ah ku dilay afar qof oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca, halkaas oo uu madaxa hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus uu ku sugayay duulimaad.

Xog: Odowaa oo go’aan adag ka gaaray saraakiisha ka soo dhuumata furimaha

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray go’aan cusub oo saraakiisha hoggaamisa qeybaha ciidanka iyo guutooyinka u uku cadaadinayo, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo xil-saaray.

Taliyaha ayaa saraakiisha ku amray in aysan ka maqnaan hal habeen talisyada ay xukumaan, iyadoo taliyihii jebiya amarkaas loogu goodiyey in xilka laga qaadi doono, lana reystey doono.

Saraakiisha hoggaamisa ciidamada intooda badan ayaa iska joogi jiray magaalooyinka, sida Muqdisho, iyagoo ciidamada ay hoggaamiyaan uga soo tegi jiray deegaano fog iyo furimo dagaal oo lagu weerari jiray.

Ciidamo badan ayaa la weeraray sanadihii lasoo dhaafay oo lasoo afjaray,  iyagoo aan u diyaarsaneyn inay iska difaacaan cadowga, maadaama taliyahoodii uga tegay meel cidlo ah.

Taliyaha xoogga ayaa hadda safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, labadii habeen ee lasoo dhaafay wuxuu ku hoyday degmada Ceeldheer, weligeedna ma dhicin in taliyaha ugu sareeya militeriga Soomaaliya uu furinta joogo waqti intaas la eg, hadda ka hor.

Taliye Odowaa ayaa intii uu joogay Ceeldheer wuxuu kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladooda ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka degaanka ee ka howlgala Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa Ciidamada ku bogaadiyay intii uu joogay Ceeldheer in dadkooda iyo dalkooda ay Khawaarijta ka difaacaan, kana xoreeyaan deegaanada ay weli ku harsan yihiin.

Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa maanta u sii gudbay degmooyin kale oo Xarardheere ay ugu horeyso, halkaas oo ay sugan yihiin ciidamada qaranka iyo deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta, Xarardheere ay saldhig weyn u tahay ciidamo badan oo ka howlgala koonfurta gobolka Mudug oo ah dhul baaxad leh Shabaab-kuna ku xoogan yihiin.

Hadda kadib, waxaa dhamaatay qiyaanadii saraakiisha ugu sareysa ciidanka oo iska jooji jiray Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka, taasi oo hor seedi jirtay in ciidanka la geeyo oo difaac laga geliyo goob furin ah, kadibna laga tago, taasi oo mararka qaar Al-Shabaab u suutageli jirtay in ciidanka si fudud ay u laayaan.

Jeneraal Odowaa oo mar kale dhowaan loo soo magacaabay xilkaan, waayo aragnimo horana heystay, maadaama uu ahaa burburkii kadib taliyihii xoogga ee ugu waqtiga dheeraa intii uu xilkaas hayey ayaa hadda dib u abaabulaya dagaalkii Khawaarijta looga sifeynayey dalka, isagoo ku dhinac wada dib u habeynta ciidanka iyo cadaadinta saraakiisha hoggaamisa oo lagu dhaliilo inay is dhigteen.

Naciima Abwaan Qorane oo mar kale Hargeysa lagu xiray – Maxaa loo heystaa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa mar kale magaalada Hargeysa lagu xiray Naciima Abwaan Axmed Qorane, taas oo Ciidanka Sirdoonka Somaliland ay maanta ka qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Naciimo Qorane oo la shaqey jirtay kooxdii Nabad iyo Nolo lee Madaxweyne Farmaajo, isla markaana Aabaheed Abwaan Axmed Qorane uu yahay Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa galabta gelinkii dambe ka degtay Hargeysa, waxaana loo xiray si degdeg ah.

Ma jiro war ka soo baxay Ciidamada Ammaanka Somaliland oo ku saabsan xarigga Naciima Qorane, balse ilo wareedyo kala duwan ayaa xarigga gabadhaan u xaqiijiyey Caasimada Online.

Markii ay garoonka ka qabteen Ciidanka Sirdoonka Somaliland waxaa la sheegay in Hooyadeed ay la socotay, kadib markii ay kasoo celisay isbitaal dalka dibeddiisa ay ugu qaaday.

Sidoo kale, Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ayaan weli ka hadlin xarigga Naciima Abwaan Qorane oo kamid ah dhalinyarada hal abuurka leh ee taageera wadajirka Soomaaliya.

Markii laga soo tago in Naciima ka mid ahayd taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay sidoo kale baraha bulshada uga ololeysaa inay midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland, waxayna si cad u diidaa gooni isku taagga Somaliland.

Sanadkii 2018-kii ayaa sidaan oo kale loogu xiray magaalada Hargeysa, iyadoo Maxkamadda Somaliland ay ku xukuntay saddex sano oo xarig ah, balse markii dambe Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa cafis ku sii daayey.

Markii uu talada Somaliland ku guuleystay Cabdiraxmaan Cirro, waxaa lagu rajo weynaa in meesha ay ka bixi doonto caburintii bulshada ee Somaliland ka jirtay, balse xarigga Naciima Qorane wuxuu muujinayaa in weli ay socoto oo Cirro uusan waxa ka bedelin nidaamkii hore.

Daawo: Qoor Qoor oo u jawaabay CC Shakuur, kana hadlay mowqifkiisa doorasho qof iyo cod ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta ka hadlay doorashooyinka dalka ayaa hoosta ka xariiqay in doorasho qof iyo cod ah ay Soomaaliya ka bilaaba doonto bilo kadib.

Qoor Qoor ayaa toos ugu jawaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo munaasabad Book Feer ah oo Dhuusamareeb lagu qabtay ka sheegay in doorasho qof iyo cod ah aan loo socon ee muddo kororsi ay ka dhex raadinayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda dowlad goboleedyada.

“Cabdiraxmaan waxaan leeyahay jawaabtaadu waa fududahay, doorasho ma dhaceyso ayaa tiri, ana waxaan ku leeyahay doorasho waa dhaceysaa, waxaana ka mid tahay dadka bulshada la hadla, waxaa kuu fiican doorashada dadweynaya ee kuuma fiicna ‘mida suuqa madow ah’ ee aad jeceshahay in lagu laabto, marka soo diyaar garow,” ayuu yiri Qoor Qoor oo u jawaabay CC Shakuur.

Qoor Qoor ayaa ku faanay in markii uu ka baxo Dhuusamareeb uu safro in ka badan 700 KM oo safar dhulka ah, intaas oo amni iyo kala dambeyn ay ka jirto, isla markaana ay dadkiisu u diyaarsan yihiin inay galaan doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa cod dheer ku sheegay in doorashooyinkii lasoo maray ay ahaayeen kuwo halis iyo dib u dhac badan oo dib aan loogu noqo karin.

Sidoo kale Qoor Qoor wuxuu soo hadal qaaday dagaal beeleedyada, isagoo sheegay in kooxaha argagixisada ah ay hurinayaan dagaaladaas, isla markaana ay yihiin wax aad looga xumaado.

Abaaraha dalka ka jira ayuu sidoo kale ka hadlay Qoor Qoor, wuxuuna codsaday in reer Galmudug ay iska caawiyaan sidii abaartaan looga samata bixin lahaa bulshada ay saameysay.

Hoos ka daawo

 

DENI iyo mucaaradka Puntland oo muujiyay midnimo kadib dagaalkii maanta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Puntland, gaar ahaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubnaha mucaaradka maamulkaasi ayaa maanta muujiyay midnimo, kadib dagaalkii ay ciidamadooda la galeen kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Madaxtooyada Puntland iyo xubnaha mucaaradka ayaa si buuxda u garab istaagay ciidanka difaaca ee ka hortegay weerar saaka soo qaadeen xubnaha Daacish ee ku sugan Bari.

Saciid Deni oo maanta isbitaalka Boosaaso ku booqday qaar kamid ah askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii saaka dhacay ayaa taageero buuxda u muujiyay ciidanka.

“Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyey ciidanka isagoo faray Guddiga taakuleynta iyo daryeelka in ay si dhow ula socdaan xaaladooda, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale waxaa soo hadlay wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, haddana kamid ah xubnaha mucaaradka Xasan Shire Abgaal oo boggaadiyay guusha ay ciidamada ka gaareen dagaalka ay maanta la galeen Daacish, isaga oo fariin u diray shacabka Puntland.

“Waxaan halkan uga diraynaa taageero buuxda iyo garab istaag ciidamada geesiyaasha ah ee kala duwan difaaca Dowladda Puntland, kuwaas oo maanta nafta u huray dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee ISIS iyo Alshabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari” ayuu yiri wasiirkii hore ee maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dadka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay garab istaagaan ciidamadan naftooda huray, iyagoo ku taageeraya duco, midnimo, iyo dhiirrigelin joogto ah si cadawga loo wiiqo, loona adkeeyo nabadda dalkeena”.

Dhankiisa guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Puntland Guuleed Saalax oo isna qoraal soo saatay ayaa ku baaqay loo midoobo dagaal ay Puntland la galeyso argagixisada.

“Waxaan ammaan iyo bogaadin u dirayaa ciidamada difaaca Puntland oo si geesinnimo leh ugu taagan soo afjarista kooxaha argagixisad. Waa waqtigii aan midnimo iyo isku-duubni ugu midoobi lahayn soo afjarista kooxahan argagixisada ah, kuwaas oo dhibaatooyin badan ku haya bulshada, ganacsatada iyo guud ahaan deegaanka” ayuu Guuleed Saalax.

Dagaalkii maanta oo ay soo qaaday kooxda Daacish ayaa ka dhacay saldhigga ugu wayn ee haatan laga abaabulayo ciidamada ay Puntland u diyaarisay duulaanka, waxaana labada dhinac soo gaaray khasaarooyin xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Imaamka Mudulood iyo odayaal kale oo gaaray Beledweyne + Qorshaha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi odayaal ah oo uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle.

Wafdigan odayaasha ah oo ka baxay Muqdisho ayaa u tegay Beledweyne xallinta xiisaddii ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Imaam Daahir oo warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa ka wabixiyay ujeedka safarkooda, wuxuuna sheegay in ay u socdaan xalka dhibkii gaaray beesha Xawaadle.

“Waxaan usoo gole fadhiisanay inaan xal ka keenno dhacdadii Ceel-baraf oo ahayd mid aanan raalli ka ahayn” ayuu yiri Imaamka Mudulood.

Dhankiisa waxaa hadalka ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo duubabka dhaqanka kusoo dhaweeyay Beledweyne, wuxuuna u ballan qaaday inay diyaar u yihiin sidii xal loogu lahaaa xiisadda ka dhalatay askartii lagu laayay deegaanka Ceel Baraf.

“Imaam sood hawoow, dadkaaga ayaa u imaatay, arrinta aad u timidna waa xalismee, culeys badan ma jiri doono, xalka aad waddaan waan idin kusoo dhaweyneynaa” ayuu yiri.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.

 

 

DENI oo tallaabo deg-deg ah qaaday kadib dagaalkii maanta + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta dagaalkii ay maanta ciidamada maamulkaas la galeen kooxda Daacish.

Ugu horreyn Saciid Deni ayaa isbitaalkaBoosaaso ku booqday qaar kamid ah askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii maanta oo yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Daacish ay saaka weerar kusoo qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka Puntland.

Dagaalka ayaa dhaliyay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, waxaana Puntland ay sheegtay inay dishay xubnobadna oo ay ku jiraan ajaaniib ka tirsanaa Daacish.

Dhinaca kale madaxweyne Saciid Deni oo wareegto soo saarya ayaa magacaabay guddiga taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, kaas oo ka kooban illaa 7 xubnood.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doono garab istaaga askarta ay waxyeelo soo gaarto, si looga war qabo iyaga iyo qoysaskooda.

Hoos ka akhirso:-

Boosaaso : 31 December 2024, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay  Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Ku: Wasaaradda Amnniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Og: Guddoomiyeyaasha Goboladda Puntland.

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Waxaa xubanaha Wasiiradda ah iyo Guddomiyayaasha  magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: –

  1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
  2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur
  3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle
  4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo)
  5. La-taliye Axmed Cabdi Hurre
  6. Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid.
  7. Guddomiyaha degmada Boosaaso, Cabdifaataax Xaaji Shanle.

Guddigaan waxay ka shaqaydoonaan Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Golis.

Haddaba, waxaa la farayaa xafiisyadda ay warqadani ku socoto in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday.

Fulin wacan,

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

-DHAMMAAD-

 

Goorta ay soo baxeyso natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horraanta sanadka cusub ee 2025 ay soo bxii doonto natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo haatan ka socota qeybo kamid ah dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka xukuumadda federaalka Maxamed Xaashi Carabey ayaa xusay in ay soo dhow dahay natiijada laga sugayo sahmintii shidaalka Soomaaliya lagu sameeyay.

Nariijada ayaa la filayaa inay soo baxdo bisha Maarso ee sanadka cusub ee 2025, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya.

Agaasime Carabey ayaa tilmaamay in arrintaan ay tahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, si loo bilaabo soo saarista shidaalka, si looga faa’iideysto.

“Waxyar ayaa dhiman xog baarista batroolka, bisha Maarso bilowgeeda waxaa la heli doonnaa natiijada haddii Alle idmo,” ayuu yiri agaasime Carabey.

Waxa uu intaas kusii daray “Soomaaliya waxa ay ku gaari doontaa horumar iyo barwaaqo insha Allaah, dhanka macdanta oo iyanna horumar fiican ayaa laga gaaray.”

Horraantii sanadkan 2024 ayay aheyd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta, marka la helo natiijo lagu dhaqaaqi karo kadibna lasoo bixin doono, sida uu dhigayo heshiiskaan.

Markabka baaritaanka ee Turkiga ee Oruç Reis oo sanadkaan soo gaaray dekedda Muqdisho, ayaa u ruqaansaday goobaha loo arko in ay ku habboon yihiin baaristaas, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko qeyraadka la qorsheynayo in lasoo bixiyo

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhex-qarxay Puntland iyo DAACISH

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhex-qarxay ciidamada ammaanka Puntland iyo dagaalyahannada kooxda Daacish, kaas oo maanta ka dhacay gobolka Bari.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kooxda Daacish ay weerar culus saakay ku eekeysay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo loo diyaariyay inay Daacish ka saaraan dhulkaasi.

Weerarka kooxda oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, oo dhex-maray dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulka Puntland.

Labada dhinac ayaa waxaa soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, iyada oo Puntland ay dhankeeda ka dhinteen illaa 12 askari, halka ay ka dhaawacmeen tiro kale.

Sidoo kale waxaa Daacish dhankeeda laga dilay illaa 8 xubnood oo ay ku jiraan Ajaaaniib, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramaya inay ugu dambeyntii ku guuleysteen soo afjarista dagaalyahannadii weerarka soo qaaday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee soo gaaray dhinaca ciidamada.

Weerarka saaka ayaa ku soo aaday xilli maamulka Puntland uu qorsheynayo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari ee maamulkaasi.

Wasiirka batroolka oo qaaday tallaabadii u horeysay, kana degay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan Beledweyne iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay wafdiga wasiirka, waxaana kadib loo gudbiyay xarunta madaxtooyada gobolka.

Waa safarkii ugu horeeyay uu wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku tego magaalada Baladweyne tan iyo markii xilkan loo magacaabay.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta uu joogo magaalada Beledweyne wuacay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Wasiir Daahir Shire ayaa xilka wasaaradda bartoolka iyo macdanta XFS ayaa maalintii shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wasiirkii hore ee batroolka ayaa dhawaan xilkiisa ku waayey kala aragti duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabelle, sida uu sheegay.

“Xalka tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano madaxda HirShabele, taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda iyo madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah xil ka qaadistayda,” ayuu Cabdirisaaq ku yiri qoraal uu dhawaan soo saaray.

Daacish oo weerar culus ku qaaday goob uu ka dhawaa masuul sare oo Puntland ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa weerar culus saakay ku eekeeyay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ku sugan yihiin ciidamo uu horkacyo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland Maxamed Shire Baari.

Weerarka kooxda oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, oo dhex-maray dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulka Puntland.

Guddoomiye Maxamed Shire Baari ayaa ka badbaaday weerarka, balse waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray ciidamadii uu hoggaaminayay, sida ay Caasimada u xaqiijiyeen illo ka agdhow.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka sakaay ay qeyb ka ahaayeen dagaalyahanno ajaanib ah, kuwaas oo mid kamid ah uu isqarxiya, halka kuwa kalena ay dagaal fool ka fool ah la galeen ciidamada maamulka.

Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramaya inay ugu dambeyntii ku guuleysteen soo afjarista dagaalyahannadii weerarka soo qaaday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee soo gaaray dhinaca ciidamada.

Weerarka saaka ayaa ku soo aaday xilli maamulka Puntland uu qorsheynayo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari ee maamulkaasi.

Kooxda Daacish ayaa muddooyinkii u dambeeyay sare u qaaday dhaq-dhaqaaqeeda maamulka, iyadoo lacago baad ah ka aruursata ganacsatada maamulka Puntland, wuxuuna dhawaan maamulka sheegay inay ka go’an tahay cirib-tirka kooxdan.

Dagaal ka dhex qarxay kooxaha Suuriya – Maxaa soo kordhay?

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Koox kormeerta xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in tan iyo Axaddii 31 dagaal-yahan lagu dilay dagaal u dhaxeeya kooxaha ay taageerto Turkey iyo xoogagga ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta.

Qeybo ka mid ah waqooyiga Suuriya ayaa waxaa maamula maamulka Kurdiyiinta ay hogaamiyaan ee ciidankooda loo yaqaan SDF, kuwaas oo hormuud ka ahaa in looga adkaado kooxda Daacish 2019-kii, ayaga oo taageero ka helaya Mareykanka.

Turkiga ayaa ku eedaysay qaybta ugu muhiimsan SDF ee YPG, in ay xiriir la leeyihiin xisbiga mintidiinta Kurdish-ka ee PKK, kuwaas Washington iyo Ankara ay labadaba u u arkaan koox argagixiso.

Kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa sheegtay in toddoba dagaalyahan oo ka mid ah kuwa Turkey ay taageero lagu dilay iska horimaad Isniinta maanta ah ka dhacay waqooyiga bari ee Manbij ee gobolka Xalab.

Dagaalyahannada SDF ayaa gudaha u galay magaalada kadib markii ay dib ula wareegeen kooxaha ay taageerto Ankara horaantii bishan, ayey tiri kooxda.

Lix dagaalyahan oo kale oo ka mid ah kuwa Turkey ay taageerto iyo saddex ka tirsan ciidamada SDF ayaa maalin ka hor lagu dilay isla gobolka Xalab, sida ay sheegtay kooxda.

SDF ayaa sheegtay Isniinta maanta in weeraro ka fulisay meelo kale oo gobolka ah oo ay ku burburisay “laba raadaar, iyo taankiyada Turkiga” meel u dhow buundada istiraatiijiga ah ee webiga Furaat.

Sida laga soo xigtay kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya, 13 xubnood oo ka tirsan kooxaha Turkey ay taageerto iyo laba xubnood oo ka tirsan SDF “ayaa lagu dilay dagaal ka socda” agagaarka buundada iyo biyo xireenka Tishreen.

Waxay intaas ku dartay in iska horimaadyada aaggan ay socdeen muddo saddex toddobaad ah.

Turkiga ayaa hawlgalo kala duwan ka fulinayey aagagga SDF tan iyo 2016, islamarkaana kooxaha ay taageerto Ankara ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay qabsaday magaalooyin badan oo waqooyiga Suuriya ah oo ay Kurdiyiintu gacanta ku hayeen.

Dagaalka ayaa sii socday tan iyo markii fallaagada ay hogaamiso kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ay xukunka ka tuureen Bashaar Al-Asad, 8-dii December.

Hogaamiyaha cusub ee Suuriya Axmed al-Sharaa, oo kooxdiisa HTS ay muddo dheer xiriir la lahayd Turkiga, ayaa u sheegay TV-ga Al-Carabiya Axadii in ciidamada Kurdiyiinta ay hogaaminayaan ay tahay lagu daro ciidamada qaranka.

“Hubku waa inuu ku jiraa gacanta dowladda oo kaliya, cid kasta oo hubeysan oo u qalanta inay ka mid noqoto wasaaradda gaashaandhigga, waan soo dhaweyneynaa,” ayuu yiri.

“Ayada oo la eegayo shuruudahan iyo xeerarkan, waxaan wada-hadal la furi doonnaa SDF, si loo helo xal ku habboon.”

Xog: Wafdi culus oo ka kala socda beesha Abgaal iyo DF oo maanta ku sii jeeda…

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Beledweyne u baxaya wafdi culus oo ka kala socda beesha Abgaal iyo dowladda federaalka, kuwaas oo ka tagaya Muqdisho, si xal loogu helo xiisadda u dhaxeysa beelaha Abgaal iyio Xawaadle.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, ay maleeshiyaad hubeysan jidka u galeen, kuna dileen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Askarta la dilay ayaa ka soo jeeday beesha Xawaadle, waxaana dilka lagu tuhmayaa maleeshiyo Abgaal ah.

Mid ka mid ah wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Imaamka Mudulood oo ay wehliyaan dhaqanka beesha Abgaal. Wafdiga labaad ayaa ah xildhibaannada reer Hiiraan.

Sida aan xog ku helnay, wafdigan ayaa waxaa diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna la kulmi doonaan dhaqanka Xawaadle iyo Ugaas Yuusuf.

Sidoo kale, taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa u safraya deegaanka Maxaas, waxaana uu la kulmi doonaa dhaqanka beesha Cali Madaxweyne oo ay kasoo jeedaan askartii la dilay.

Waxaa socda dadaallo xooggan oo looga hortagayo in dilka askartaas uu isku rogo colaad faraha ka baxda oo ay isku ugaarsadaan labada beel.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtidii xirtay odayaal, guddoomiyihii Ceel Baraf iyo Haweeney kamid ah dadka degaanka. Eedeysanayaasha ayaa iyaga oo gacmaha ka xiran diyaarad laga soo saaray deegaanka Ceel Baraf waxaana laga soo dajiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Odayaasha lasoo xiray ayaa ah odayaashii metalayay eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaas oo goobta ka baxsaday, balse weli la baadi goobayo.

Sidoo kale guddoomiyaha oo xilka laga qaaday ayaa loo haystaa tuhun la xiriira dhacdadaasi, waxaana ku socoto baaris, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle oo shaqada ka fariisiyay.

Xuutiyiinta oo gantaallo ku garaacay ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online)Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegay Talaadada maanta ah in ay laba gantaal ku rideen Israa’iil, saacado kaddib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay qabteen gantaal laga soo tuuray dalkaas.

“Weerarka koowaad waxa lagu beegsaday gegida diyaaradaha ee Ben Gurion” ee ku taal magaalada Tel Aviv, kan labaadna waxa lagu weeraray xarun koronto oo ku taal koonfurta magaalada Qudus, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay milatariga Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay weerareen markab dagaal oo uu leeyahya Mareykanka oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka.

Gelinkii dambe ee Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil.

Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen, ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridayey Israa’iil iyo maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasi oo ay ku sheegeen in ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta, inta uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza.

Toddobaadkii hore, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqaymo aargoosi ah ku dilay afar qof oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca, halkaas oo uu madaxa hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus uu ku sugayay duulimaad.