25.5 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daawo: Madaxweyne Xasan oo shaaciyey shaqada ay Somalia ku qaban doonto kursiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka mid noqoshada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeena ugu dambeysay 54 sano ka hor.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka horeyso wadamo badan oo dhibaatada na gaartay aan weligood arkin.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay balan-qaadyada shaqada ay adduunka ka qaban doonto Soomaaliya, inta ay heysato muddo xileedka kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

“Codka Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid u taagan nabadda, horumarka iyo soo dhicinta xaqa kuwa adduunka lagu dulmiyey, ra’yiga saxda ah lama gamba doono, qadiyadaha caalamiga ah ayaan ra’yi cad ka qaadan doonaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaaday masuuliyad weyn oo caalami ah, isagoo balan qaaday in si sharfi ku jirto ay u gudan doonto, iyadoo aan marnaba taageeri doonin wax dulmi ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shaaciyey in Dowladda Soomaaliya ay bixisay wixii qaaraan ahaa ee ku uruuray Soomaaliya ee Qaramada Midoobey looga lahaa.

“Dadka Soomaaliyeed oo isku tashtay ayaa bixiyey dhaqaalahaas, suurtagal waa noqon weysay in kulamada golaha Ammaanka aan soo fariisano, iyadoo qaaraan nagula leeyahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Maxaa kasoo kordhay weerarkii lagu la’day ee Mareykanka

0

New Orleans (Caasimada Online) – Laanta Danbi-baarista Mareykanka ee loo soo gaabiyo FBI ayaa Arbacadi sheegtay, in weerarki habeenki sannadka cusub uu muwaadin Mareykan ah ku dilay ilaa 15 qof uu yahay weerar argagixiso.

Nin hubeesnaa ayaa baabuur laba shirreey ah jiir siiyay dad u dabaal-dagayay curashada sannadka cusub ee 2025-ka, saacadihi danbe ee Arbacadi shalay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in ilaa 35 qof oo kale lagu dhaawacay weerarka. Ninka oo ay toogasho ku dileen ciidamada ammaaka ayay FBI-du ku sheegtay in uu ahaa, Shamsud-Din Jabbar oo ahaa 42 jir kasoo jeeday gobolka Texas.

FBI-da waxay sheegtay in ay rumeysan yihiin in ninkani uusan galigiis falka geysan, kaddib marki baabuurka uu dadka ku laayay laga helay calanka kooxda Daacish.

Ninka falka looga shakisan yahay ayaa horay uga soo mid noqday millatariga Mareykanka, balse marki danbe ka baxay sida ay saraakiishu sheegeen.

Booliska magaalada New Orleans ayaa sheegay, in marki uu weerarka dhacayay ay amniga goobta sugayeen in ka badan 300 oo ka mid ah ciidamada booliska magaalada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay, in dhacdadaasi uu ka warqabo, isla markaana uu tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha.

SACUUDIGA oo sanadkii tegay fuliyay xukunnadii dil ee ugu badnaa

Riyad (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in dil toogasho ah lagu fuliyay lix qof oo Iiraaniyiin ah oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha, kadib sanad ay boqortooyada fulisay tiradii ugu badneyd ee dilal ah, sida ay muujineyso xog ururinta wakaaladda wararka AFP.

Bayaan ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee rasmiga ah ayey wasaaradda ku sheegtay in lixda qof lagu toogtay magaalada Damaam ee Xeebta Gacanka, iyadoo lagu eedeeyay “in ay si qarsoodi ah u soo galiyeen xashiish” boqortooyada, balse lama cayimin goorta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegtay in ay u yeertay safiirka Sacuudiga si loogu gudbiyo “cabasho xooggan oo ka dhan ah ku xadgudubka aan la aqbali karin ee sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.”

Tirakoobka AFP ayaa muujiyay in Sacuudi Carabiya ay fulisay ugu yaraan 338 dil 2024-kii, taasi oo aad uga badan 170-kii dil ee la diiwaan galiyay 2023, waana tiradii ugu badnayd muddo tobanaan sano ah.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International, oo diiwaan-gelinaysay xukunnada dilka ah ee ka dhacay boqortooyada tan iyo sagaashamaadkii, ayaa sheegtay in heerarkii hore ee ugu sarreeyay ay ahaayeen 196 dil 2022, iyo 192 dil 1995-kii.

Dadka daroogada ka ganacsada ee la xukumay ayaa ah ugu yaraan 117 ka mid ah kuwa la toogtay sanadkii hore.

Waxaa jiray mowjado dil ah oo lagu fuliyay dad daroogada ka ganacsanayay tan iyo markii boqortooyadu soo afjartay hakinta isticmaalka ciqaabta dilka ah ee dambiyada daroogada laba sano ka hor.

Mas’uuliyiinta ayaa 2023 billaabay olole si heer sare ah loo xayeysiiyey oo ah la-dagaalanka maandooriyaha kaas oo ay ku jireen dadka oo guryaha loogu galo iyo xarigyo joogto ah.

Sacuudi Carabiya ayaa suuq weyn u noqotay nooc daroogo oo aad loo qabatimo oo lagu sameynayey gudaha Suuriya intii uu socday dagaalka sokeeye ee ugu dambeyn ee xukunka looga tuuray madaxweyne Bashar al-Assad bishii hore.

Bishii Sebtembar, in ka badan 30 ururada xuquuqda aadanaha ee Carabta iyo kuwa caalamiga ah ayaa dhalleeceeyay “kor u kaca” dilalka dadka lagu xukumo eedeymaha daroogada.

Ajaanibta ayaa ka kooban 129 ka mid ah 338 qof ee lagu fuliyay dilka 2024, waana rikoor cusub.

Waxay isugu jireen 25 Yemeniyiin ah, 24 Pakistaniyiin ah, 17 Masaari ah, 16 Suuriyaan ah, 14 Nigeria u dhashay, 13 Urdun ah iyo 7 Itoobiyaan ah.

VOA

Guddoomiye Amiir oo bilaabay qorshe cusub iyo kulan maanta dhacay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta howlaha shaqo ee ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii ay ciidamada ilaalinta deegaanka ay ugu qeyb qaadan lahaayeen qorshaha bilicda magaalada Muqdisho, oo ah qorshe muhiim u ah caasimadda.

Taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar Jeneraal Maxamed Carabow Cali ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ciidanka Ilaalinta deegaanka, isbadalka dhinaca tayada ee lagu sameeyay iyo caqabadaha jira.

Sidoo kale wuxuu taliyuhu xusay xusay in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka loo igmaday.

Guddoomiye Amiir ayaa intii uu socday kulanka xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa ku aadan tayeynta iyo dhismaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.

Waxa uuna faray saraakiisha ciidanka in ay dardargaliyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda caasimadda, kor u qaadista dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo dhawaan la wareegay xilka ayaa dardar-gelinaya howlaha shaqo ee loo igmaday, xilli dadka reer Muqdisho ay muujinayaan inay weli maqan tahay kaalintii gobolka.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista masuul sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey magacaabista guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas noqon doona Axmed Xuseen Cilmi.

Magacaabista guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa ku timid soo jeedinta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo ugu dambeyn lagu meel-mariyay kulankii maanta ee golaha wasiirada Soomaaliya.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa ansixiyay soo jeedinta wasaaradda maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Shirka golaha oo uu guddoominayey ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo kamid yihiin;

1. Qiimeynta wax-qabadka wasaaradaha dowladda.

2. Sharciga nidaamka xukuumadda.

3. Abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa hirgelinta nidaamka doorasho qof iyo cod, taas oo si weyn ugu dhagan yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Nidaamkan doorasho ayaa wajahaya mucaaradad xooggan, waxaana ka horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo iyagu u arka qorshe muddo kororsi oo xukunka ku dheereysanayo madaxweynaha.

PUNTLAND oo jawaab deg-deg ah ka bixisay weerarkii DAACISH

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa jawaab culus oo deg-deg ah ka bixiyay weerar maalin kahor kooxda Daacish kusoo qaaday, kaas oo ka dhacay deegaanka Dharjaale oo uu ka socdo abaabulKA howlgal ka dhan ah argagixisada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ay duqeeyeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Daacish oo ku yaalla Togga Gaalakeen iyo deegaanka Hoobato ee buuraleeyda gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa sheegay in duqaynta lagu dilay malayshiyaadkii ku dhuumaalaysanayey goobahaasi, ayna sii wadi doonaan howgalladaan inta kooxahaan laga sifayn doono buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad.

Duqeyntan ayaa jawaab u ahayd, weerarkii ay soo qaaday Daacish oo lagu dilay askar ka tirsanaa ciidanka Puntland, kadib dagaal toos ah iyo qaraxyo la beegsatay xeradooda.

Kooxda oo bayaan soo saartay ayaa ku sheegtay in weerarka ay fuliyeen illaa 12 nin oo hubeysan iyo labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyagoo intaa ku dartay inay dileen ku dhawaad 22 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, tiro kalena ay ku dhaawaceen.

Xaaladda gobolka Bari ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhulka buuraleyda ah laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Puntland ayaa dooneyso inay dhulkaasi ka sifeyso kooxda, waxayna ku dhowaaqday howlgal xoreyn ah oo ay ugu magac dartay ‘Hilaac’ kaas oo ay lagu doonayo inay ciidamada buuraha uga saareen maleeshiyaadka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Wafdi culus oo ka socda Itoobiya oo kasoo dagay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ay soo dirtay dowladda Itoobiya, kuwaas oo wada-hadallo xasaasi ah la yeelan doono madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Wafdiga ka socda Itoobiya oo lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Mesganu Arga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Aisha Mohammed Musse, kuwaas oo wada-hadal ka bilaabaya Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Itoobiya ay dowladda federaalka kala hadleyso arrimo ku aadan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee kamid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM iyo dhammeystirka heshiiska ay dhowaan labada dal ku gaareen magaalada Ankara.

Itoobiya ayaa raadinayso marin badeed ay si sharci ah ku hesho, waxayna haatan kala macaamileysa dowladda Soomaaliya  oo horey u diiday heshiiskii  ay la gashay Somaliland.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan dalka waxaana loo qabtay 31-kii bishii dhammaatay, balse weli ma bixin, waxaana qorshaha Itoobiya uu yahay inay sii joogto, qaybka kasii ahaato howlgalka ka socda dalka.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dayeysa inay ku qanciso madaxda Soomaaliyeed inay ciidankeeda kasii mid ahaadaan howlgalka Midowga Afrika, waxaana horay labada dal ay heshiis uga gaareen murankii ka dhashay badda, kadib wada-hadallo ka dhacay gudaha magaalada Anakara.

Waxaa kale oo jirta in Masar ay qayb ka tahay howlgalka cusub, iyada oo maalmaha soo socdo soo diri doonto ciidamadeeda, waana dal ay is hayaan Itoobiya.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Soomaaliya ay wafdi culus u dirtay Addis Ababa, kaas oo wada-hadallo la yeeshay madaxda sare ee dalkaasi.

Soomaaliya oo 54 sano kadib dib ugu biirtay…

0

New York (Caasimada Online ) — Soomaaliya ayaa ugu dambeyn si rasmi ah Arbacadii shalay dib ugu biiray xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 54 sannadood kaddib.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn.

Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadkana 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa sannadka 2026-ka.

Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) oo ka hadlay guushaan wayn ayaa sheegay in kursigaan muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, isla markaana ay uga shaqeyn doonaan danaha caalamka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay u istaagi doonto ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah, iyada oo la dhowrayo axdiga u yaalla Qaramada Midoobay.

“Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.” ayuu yiri Danjire Baalle.

Dhanka kale, si lamid ah Soomaaliya waxaa sannadkan Golaha Ammaanka shirarkiisa ku biiray dowladaha Denmark, Giriiga, Pakistan iyo Panama.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa helitaanka kursigan ku bixisay dadaallo dheeraad ah, iyada oo ugu dambeyn hanatay, waana guul kale oo usoo hoyatay Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay gaari ku qarxay bannaanka hoteel uu leeyahay Trump

Washington (Caasimada Online) – Booliiska ayaa baaraya ka dib markii gaari nooca loo yaqaan ‘Tesla Cybertruck’ oo ay ka buuxaan caagado shidaal iyo waxyaabaha qaraxa sameeya ee loo yaqaano rash-ta oo ku qarxay banaanka hotelka Tump ee ku yaalla Las Vegas, Nevada.

Darawalkii gaariga waday ayaa ku dhintay, todobo qofna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen iyadoo aan la magacaabin cid ka mid ah dadka ku lugta leh falkan.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dhaawacyadu ay yihiin kuwa fudud.

Gaariga xamuulka ah ayaa laga soo kireeyay Colorado wuxuuna soo gaaray magaalada subaxnimadii Arbacada, wax ka yar laba saacadood ka hor inta uusan qarxin, sida ay booliisku sheegeen. Gaariga oo la soo dhigay afaafka hore ee Hotelka, una dhow albaabka laga galo ayaa bilaabay inuu qiiqo, kadibna uu qarxo.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Aqalka Cad uu daba gal ku hayo dhacdadan, laamaha ammaankuna ay baarayaan “haddii uu jiro xiriir ka dhaxeeya weerarkaan iyo kii New Orleans”, kaas oo ay ku dhinteen 15 qof maalintii koowaad ee sanadka cusub.

Muuqaal laga soo duubay gaariga qarxay ayaa muujinaya baabuur soo gaaray albaabka hore ee hoteelka, kadibna halkaa yaallay dhowr ilbiriqsi ka hor inta uusan qarxin – waxaana la arkayay iftiin faro badan oo goobta ka baxaya.

Muuqaal kale ayaa muujinaya baarayaal adeegsanaya agabka ka hortagga dabka si aanu dabku ugu faafin qaybaha gaariga iyo aagga ku hareeraysan. Haamaha gaaska ayaa lagu arkay agagaarka uu ka dhacay qaraxu.

Qaraxaan ayaa dhacay saacado yar ka dib markii nin gaarigiisa laga dhex helay calanka Daacish uu gaari jiirsiiyay dadweyne ku sugnaa magaalada New Orleans, halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan 15 qof, waxaana dhaawacmay dad kale oo badan.

Isha: BBC

Daawo: Sanbaloolshe iyo odayaasha oo go’aan ka gaaray askartii lagu laayay Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Beledweyne, isaga oo kasoo baxay degmada Maxaaas.

Taliyaha ayaa maalmahan gobolka Hiiraan u joogay arrimo ku aadan xal u helista xiisadda ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sanbaloolshe ayaa lagu soo warramayaa in haatan kulan uu la leeyahay Ugaaska Beesha Xawaade Ugaas Yuusf Ugaas Xasan iyo odayaal ka baxay Muqdisho oo uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaar Cumar, waxayna ka wada-hadlayaan dhacdadii Ceel Baraf.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay go’aan ku gaareen in marka hor la aaso maydadka askarta oo weli yaalla, kadibna la guda galo howlaha kale.

“Kulankii Beledweyne ka dhacay waxaa la isku fahmay in horta meydka askarta la aaso kadibna laga wada-hadlo wixii gef ahaa ee dhacay” ayuu yiri Nabaddoon Muxudiin Xasan Afrax oo kamid ah odayaasha ka baxay magaalada Muqdisho ee ku sugan Beledweyne.

Sidoo kale wada-hadallada oo sii socda ayaa lasoo warinayaa in lagu ballamay in laga war suga dadaallada ay waddo dowladda dhexe, maadaama askarta la dilay ay ka tirsanaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kiiska askarta la dilay ayaa dhaliyay xasaasiyad wayn, waxaana ka carooday beesha Xawaadle, iyada oo sidoo kale keentay in qaar kamid ah ciidamada dowladda oo gadood sameeyay ay kasoo baxaan furimaha dagaalka, walow mar dambe dib loogu celiyay.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Shamsu-Din Jabbar – Waa kuma ninka fuliyey weerarkii lagu la’day ee Mareykanka?

New Orleans (Caasimada Online) – Muwaadin Mareykan ah oo sitay calanka Daacish iyo “ujeeddo xasuuq” ayaa gaari xamuul ah jiirsiiyay dad isugu soo baxay dabaaldegga sanadka cusub ee magaalada New Orleans ee gobolka Louisiana Arbacadii, isagoo dilay ugu yaraan 10 qof, in ka badan 35 kalena dhaawacay, sida ay saraakiishu sheegeen. 

FBI-da ayaa ninka weerarka gaystay ku sheegtay Shamsu-Din Jabbar, oo 42 jir ah, oo haystay dhalashada Mareykanka, kana soo jeeda gobolka Texas ee dalka Mareykanka. Waxa uu u muuqdaa inuu ahaa nin guryaha iibiya oo ka shaqeeya Houston, isaga horeyna usoo noqday khabiir IT oo la shaqeeya ciidanka. 

Saraakiishu waxay sheegeen inay baadigoobayeen dad gacan saar la lahaa, balse waxay bixiyeen tafaasiil yar, iyadoo warbaahinta Maraykanku ay sheegtay in baarayaashu ay dib u eegeen muuqaal muujinaya saddex nin iyo qof dumar ah oo aasaya walxaha qarxa ka hor weerarka.

Isbatoore boolis, Anne Kirkpatrick ayaa Jabbar ku tilmaantay “argagixiso”, halka FBI-da ay sheegtay in “calanka Daacish laga dhex helay gaariga.”

“FBI waxay ka shaqaynaysaa sidii ay u aqoonsan lahayd xiriirka uu eedeysanaha la leeyahay ururada argagixisada,” ayay hay’addu ku tiri bayaan ay soo saartay.

Waxaa socda ugaarsi, iyadoo wakiilka FBI-da ee New Orleans Alethea Duncan ay ka digtay in mas’uuliyiintu “aysan rumaysnayn in Jabbar uu isaga kaliya mas’uul ka yahay weerarka.” 

“Waxaan daba-gal ku haynaa dad aad u xun,” ayuu yiri barasaabka gobolka Louisiana Jeff Landry. 

Booliiska ayaa sheegay in shilkan uu ka bilowday abaare 3:15 a.m. (0915 GMT) xaafadlla loo yaqaan Qeybta Faransiiska, halkaasi oo ay buux dhaafiyeen dad u dabaal-degayay bilowga sanadka 2025-ka. 

Tuhmanuhu waxa uu baabuur cad oo Ford F-150 ah u jiiray koox dad ah oo lugaynayay, ka dibna wuu ka soo degay, wuxuuna ku dhintay rasaas ay is-dhaafsadeen booliska, FBI-da ayaa sheegtay in labo bam oo guri lagu sameeyay la helay oo la qabtay. 

Warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaareyso 15 qof, balse saraakiisha ma aysan xaqiijin. 

“Ninkan waxa uu isku dayay in uu dadka ugu badan ee suurtogalka ah ku dul maro, gaariga” Kirkpatrick ayaa u sheegay suxufiyiinta. 

Kirkpatrick waxa uu sheegay in uu ku waday “xawaare aad u sareeya” iyo si “aad u ula kac ah”, “ujeedadiisuna aheyd in uu gaysto xasuuqa iyo dhaawac.”

Kirkpatrick ayaa sheegay in saraakiisha dhaawaca ah ay xaaladoodu wanaagsan tahay, Kirkpatrick ayaa sheegay in ay soo kaban doonaan.

Weerarka New Orleans ayaa yimid 10 maalmood ka dib markii weerar baabuur uu sidoo kale ka dhacay suuqa Christmas-ka ee magaalada Magdeburg ee bariga Jarmalka, halkaasi oo ay ku dhinteen shan qof in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Boolisku waxay xireen nin Sacuudiyaan ah, waxayna sheegeen inuu u muuqday mid maskaxiyan xanuunsan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dowladiisa aysan u dulqaadan doonin weerar kasta oo lagu qaado mid ka mid ah bulshooyinka qarankeena.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isla markiiba weerarkan ku xiriiriyay soo galooti sharci darro ah, isaga oo aan wax caddayn ah soo bandhigin, hadal uu jeediyay ka hor inta aanay masuuliyiintu caddayn in tuhmanuhu yahay muwaadin Maraykan ah.

Daacish oo xog yaab leh ka soo saartay weerarkii Puntland

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa Arbacadii sheegatay mas’uuliyadda weerar maalin ka hor lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Bari ee Puntland, sida ay kooxdu ku baahisay barteeda Telegram-ka. 

Bayaanka ay soo saartay Dowladda Islaamiga ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen 12 nin oo hubeysan iyo labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyagoo intaa ku daray inay dileen ku dhawaad 22 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, tiro kalena ay ku dhaawaceen.

Maamulka Puntland ayaan si degdeg ah jawaab uga bixin sheegada ka timid kooxda.

Laamaha ammaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay Talaadadii in ay iska caabiyeen weerar Ismiidaamin ah oo kooxda Daacish ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla Puntland. 

Kabtan Yuusuf Maxamed oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland ee la-dagaalanka argagaxisada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters Talaadadii in sagaal qof oo ismiidaamiyey ay ku dhinteen, tiro askar ahna ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ku sugnaa meel u dhow magaalada Darjaale ee gobolka Bari 

Kooxdan ayaa sanadkii 2017 si rasmi ah loogu aqoonsaday inay yihiin laanta Daacish ee Soomaaliya, waxaana ay saldhigyo ku leeyihiin dhulka buuraleyda ah ee Puntland. 

Sanado badan, halista Daacish ee dhanka ammaanka ee Soomaaliya ayaa yareyd marka loo eego Al-Shabaab oo ka talisa dhul ballaaran oo koonfurta Soomaaliya ah.

Laakin sanadihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqa Soomaalida ayaa isu bedelayay qeyb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Jihaad doonka ah, iyadoo hoggaamiyahooda Cabdulqaadir Muumin ay warbaahinta qaarkeed ku sheegeen amiirka guud ee Daacish ee caalamka.

Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegay in Daacish-ta Soomaaliya ay aad u sii xoogeysatay kadib markii ay ku soo qulquleen dagaalyahanno ajaanib ah, isla markaana ay wanaajiyeen dakhligii ay ka qaadan jireen shirkadaha maxaliga ah, iyagoo noqday “xarunta neerfaha” Daacish ee Afrika.

Xog: Itoobiya oo wafdi culus usoo direyso MUQDISHO + Qorshaha

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa go’aamisay in wafdi culus oo heer sare ah usoo dirtay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, si ay wadahadal toos ah ula galaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigan waxaan qayb ka noqon doono mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya iyo taliyaha ciidanka Itoobiya Jeneraal Burhan Julla, waxayna kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho.

Qorshaha wafdiga ayaa ah inay dowladda federaalka kala hadlaan dhammeystirka joogitaanka ciidamada Itoobiya ee kamid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM iyo arrimo ku aadan sii dhaqaajinta heshiiska ay dhowaan labada dal ku gaareen magaalada Ankara.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan dalka waxaana loo qabtay 31-kii bishii dhammaatay, balse weli ma bixin, waxaana qorshaha Itoobiya uu yahay inay sii joogto, qaybka kasii ahaato howlgalka ka socda dalka.

Itoobiya ayaa isku dayeysa inay ku qanciso madaxda Soomaaliyeed inay ciidankeeda kasii mid ahaadaan howlgalka Midowga Afrika, waxaana horay labada dal ay heshiis uga gaareen murankii ka dhashay badda, kadib wada-hadallo ka dhacay gudaha magaalada Anakara.

Waxaa kale oo jirta in Masar ay qayb ka tahay howlgalka cusub, iyada oo maalmaha soo socdo soo diri doonto ciidamadeeda, waana dal ay is hayaan Itoobiya.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Soomaaliya ay wafdi culus u dirtay Addis Ababa, kaas oo wada-hadallo la yeeshay madaxda sare ee dalkaasi.

Daawo: Taliyaha xoogga iyo ciidanka GorGor oo balan adag ku kala qaatay Xarardheere

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta goob fagaare ah oo duleedka magaalada ah kula hadlay ciidamada xoogga dalka ee in ka badan labo sano Khawaarijta ka hortaagnaa, kana xoreeyey degmadaas.

Taliyaha ayaa ciidankii uu maanta la kulmay wuxuu balan kula galay in ay cadowga u dhigataan cashiradii u uku yaqaanay, isagoo cod dheer ku yiri, “Gorgor diyaar ma u tihiin inaad balan ila gashaan? Cashiradii la idinku yaqiinay cadowga ma u dhigeysaan?” iyo su’aalo kale.

Ciidanka ayaa Taliyaha ka balan qaaday fulinta axdigii uu la galay, waxaana go’aan lagu gaaray in loo diyaar garoobo howlgallo cusub oo ka bilaaban doona dalka bilaha soo socda.

Taliyaha xoogga ayaa safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, hadda wuxuu ku sugan yahay Xarardheere, isagoo safarkaan ku maray degmada Ceeldheer, weligeedna ma dhicin in taliyaha ugu sareeya militeriga Soomaaliya uu furinta joogo waqti intaas la eg, hadda ka hor.

Odowaa ayaa lagu wadaa in berri uu tago degmada Wisil ee gobolka Mudug, halkaas oo ciidanka xoogga dalka ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin, kuna baacsadaan Al-Shabaab.

Taliyaha xoogga ayaa sidoo kale maanta iyo shalay Xarardheere ku booqday ciidamada macawiisleyda deegaanka, iyagoo balan ku kala qaaday qaabka uu u bilaabanayo howlgalka cusub iyo doorkooda.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee xoogga dalka ayaa taliyaha ku soo dhaweeyey Xarardheere, halkaas oo berri uu uga sii gudbi doono Wisil, sida aan xogta ku heysno safarka Odowaa u uku marayo Galmudug ayaa ku eg degmada Wisil, waxaana suurtagal ah inuu ku xijiyo HirShabeelle.

Jeneraal Odowaa oo mar kale dhowaan loo soo magacaabay xilkaan, waayo aragnimo horana heystay, maadaama uu ahaa burburkii kadib taliyihii xoogga ee ugu waqtiga dheeraa intii uu xilkaas hayey ayaa hadda dib u abaabulaya dagaalkii Khawaarijta looga sifeynayey dalka, isagoo ku dhinac wada dib u habeynta ciidanka iyo cadaadinta saraakiisha hoggaamisa oo lagu dhaliilo inay is dhigteen.

Hoos ka daawo

Daawo: Sanbaloolshe oo hal arrin ka codsaday Xawaadle, kana hadlay qorshaha DF ee dilkii askarta

Maxaas (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Sanbaloolshe oo ku sugan degmada Maxaas gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay falkii lagu dilay askarta iyo sida mudan in xal looga gaaro colaadda sababtay falkaas ee u dhaxeysa beelaha walaalaha ah ee dega Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in askartii lagu laayey Ceelbaraf ay berri ku aasayaan magaalada Beledweyne, sidoo kale wuxuu sheegay in duubabka dhaqanka Abgaal ay ku sugan yihiin Hiiraan.

Agaasimaha NISA ayaa sheegay in dilkii askartaas uu noqon doono kii ay ku nabadoobi lahaayeen beelaha Xawaadle iyo Abgaal, iyadoo kiiskaana lagu xalin doono go’aanka dowladda.

“Waxaan ka socdaa dowladda federaalka, waxaan wakiil ka ahay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda qaranka oo dhan, sidoo kale Beledweyne waxaa ku sugan wasiirkii Batroolka iyo Duubabka dhaqanka Abgaal, Madaxweynuhu wuxuu nasoo faray in falkii askarta lagu dilay dowladda loo daayo oo cadaaladda lagu xaliyo, iyadoo aan qabiil gaar ah loo dakaneyn,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale Agaasimaha NISA ayaa beeshiisa Xawaadle ka codsaday inay xalka kiiskaas ka sugaan dowladda, oo aan la qabiileyn, lana siyaasadeyn, “Dhacdada hadda taagan laguma lifaaqi karo wixii hora yuga dhex jiray Xawaadle iyo Abgaal waa dhacdo qaran, dowladda ayaa go’aankeeda laga sugaa, waa idin baryaa ee yaan la qabyaaladeyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe.

Taliyaha NISA ayaa si cad u sheegay in mashruucii lagu laayey askartii jidka loo galay ee Ceelbaraf lagu dilay uu ahaa mid Shabaab ka dambeeyey ama ugu yaraan uu ahaa mid siyaasadeysan.

“Dadka falkaas geysatay waxaan aaminsanahay in la isticmaalay, laakiin dembi waxaa iska leh ninkii galay, dabagalka arrintaas dowladda ayaa iska leh ee qabiil uma taallo, hala joojiyo qabyaaladeynta iyo ciidanka furimaha laga soo saarayo,” ayuu yiri Taliyaha NISA.

Hoos ka daawo

Dad badan oo lagu laayey Mareykanka kadib weerar loo adeegsaday baabuur

New Orleans (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay, 30 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad ku sugnaa goob caan ah oo dadka dalxiisayaasha ah ay ku badan yihiin, taas oo ku taalla magaalada New Orleans, gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka, sida uu sheegay maamulka magaalada.

Barnaamijka U-diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ayaa sheegay in maamulka degmada 8-aad uu ka shaqeynayo caawinta dad badan oo dhaawacmay ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad badan oo ku sugnaa inta u dhaxaysa labada waddo ee Canal iyo Bourbon.

Toban qof ayaa dhintay 30 kalena way dhaawacmeen, ayaa lagu yiri warbixinta maamulka.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaanan sheegin waqtiga uu shilku dhacay, hase yeeshee, goobta ayaa waxaa ka buuxay dad meel kale ka yimid oo u dabbaal degayey sanadka cusub. Qeybtan magaalada ayaa loo yaqaanaa xaafadda Faransiiska.

Warbaahintga CBS ee Maraykanka ayaa soo xigatay qof goobjoog ahaa oo sheegay in baabuur truck ah oo xawaare sare ku socday uu dadka jiiray, ka dibna darawiilkii inta uu baabuurkii ka soo booday uu dadkii xabbad ku furay.

Qofkii goobjoogga ahaa ayaa intaas ku daray in booliiskuna uu rasaas ugu jawaabay.

Qofka lagu tuhunsan yahay inuu fuliyey falkan ayaa geeriyooday kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen booliska, sida ay sheegeen saraakiisha sharci-fulinta.

Hay’adda FBI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay weerarka u baareyso “ficil argagixisanimo, ayada oo kaashaneysa hay’adaha kale.”

Alethea Duncan oo ah kaaliyaha wakiilka FBI-da ee xafiiska New Orleans ayaa sheegtay inay sidoo kale baarayaan ugu yaraan hal aalad oo la tuhunsan yahay inay tahay walxaha qarxa oo goobta laga helay.

Isha: VOA

Isku shaandheyn ballaaran oo lagu sameeyay agaasinka Villa Somalia + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta isku shaandheyn lagu sameeyay agaasinka Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, iyadoo xilalka loo kala beddelay qaar kamid ah agaasimayaasha madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa wareegtooyinkan oo kasoo baxay Villa Somalia lagu magacaabay agaasamiyaal cusub, halka kuwii hore lagu sameeyay qaarkood isku beddel.

Agaasimahan warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ayaa loo magacaabay Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), oo isagu horay u ahaa agaasimaha arrimaha bulshada ee Madaxtooyada.

Halka agaasimaha arrimaha bulshada loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo horay u ahaa afhayeenka iyo ku-simaha agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada.

Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran;

1. Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), agaasimahan warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta.

2. Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi, agaasimaha arrimaha bulshada ee Madaxtooyada.

3. Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), afhayeenka Madaxtooyada.

4. Samatar Shariif Axmed, agaasimaha waaxda Iibka.

5. Xuseen Yuusuf Cali (Ladane), agaasimaha cusub ee waaxda adeegga guud.

6. Ladan Cabdikhayr Cilmi, gaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda

7. Mowliid Ibraahin Xasan, agaasimaha waaxda la socodka iyo qiimeynta (M&E).

8. Mohamed Salad Ahmed (Barre), madaxa xafiiska agaasimaha guud ee Madaxtooyada.

Muxuu XAMZA kala hadlay haweenka uu maanta la kulmay? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula yeeshay haweenka ololaha hooyo u hiilli qaranka.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay kaalinta ay haweenka ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyi-gelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga, garab istaagga ciidamadda qalabka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

“Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahad-celinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare oo hadal u jeediyey haweenkii uu la kulmay

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan u qiraya (haweenka Soomaaliyeed) kaalinta ay ku leeyihiin dhiirri-gelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo muhiim u ah dib-u xoreynta dalkeenna.”

Mudane Xamza ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo waqtigan in si wadajir ah loo hirgeliyo hiigsiga qarankeenna, si aynu uga dhabayno Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horumar waara gaarta.

Howlgalka AUSSOM oo si rasmi ah uga bilowday Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah gudaha Soomaaliya uga bilowday howlgalka cusub ee Ururka Midowga Afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano AUSSOM, sida uu shaaciyay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Mohamed El-Amine Souef ayaa waxa uu ku caddeeyay in howlgalkii cusbaa ee AUSSOM uu ka bilowday Soomaliya, laga bilaabo maanta kowda Janaayo 2025.

Sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in sida ku cad Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 2767 (2024) ay AUSSOM sii wadi doonto guulaha laga gaaray howlgalkii dhammaadya ee ATMIS si loo hubiyo in Soomaaliya ay xaqiiqsato nabad iyo amni waara.

Howlgalkan cusub ayaa waxaa qayb ka ah Masar, halka laga reebay Itoobiya oo qayb ka ahayd howlgalkii soo dhammaaday ee ATMIS, sababo la xiriira xiisadda ka dhalatay badda.

Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka bilaabanaya sanadkan cusub.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Si kastaba, Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa waxaa Jimcihii isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ay soo saareen 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah, kalia Mareykanka ayaa ka aamusay sababo la xiriira walaac uu ka qabo maalgelinta howlkan.

DF oo shaacisay sabab yaab leh oo ay u maqan tahay PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Xoosh oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa soo hadal qaaday khilaafka culus ee haatan dowladda federaalka kala dhexeeyo maamulka Puntland.

Cali Xoosh ayaa tilmaamay in sababta illaa iyo hadda ay saaxadda uga maqan tahay Puntland ay tahay hoggaamiyaheeda oo ka carooday kursi uu waayay, iyada oo ay horay u jirtay inuu rabay in la siiyo xilka ra’iisul wasaaraha kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh, balse madaxweynuhu door biday Xamza Cabdi Bare oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhanka kale rajo ka muujiyay in mar uun miiska wada-hadalka ay kusoo laaban doonto Puntland, xalka la gaari doono.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in ka go’antahay in dalka meelaha nabadda ah ee la gaari karo laga qabto doorashooyinka qof iyo cod ah, kahorna la xallinayo tabashooyinka.

“Puntland way imaanaysaa, talo ayayna ku imaanaysaa. Soomaaliya ayayna qeyb ka tahay, kamana maqnaan karto, qof gooni ahna damiciisa kulama maqnaan karo. Puntland dadkeedu marna kuma jirto inay Soomaaliya ka go’aan ama ka maqnaadaan. Hoggaamiye carooday oo kursi maalin u carooday hadduu weli ku maqan yahay, isaguna wuu imaanayaa,” ayuu yiri Cali Xoosh.

Ninkan oo deegaan ahaa kasoo jeedo Puntland ayaa mar kale ku celinayay in aan marnaba dib ugu laaban doonin doorashooyinkii dadbanaa ee lasoo maray, awoodana loo celinayo shacabka, si ay usoo doortaan hoggaankooda

Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda maqan, waxaana si weyn ay uga soo horjeesteen qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.