26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Ciidamo cusub oo laga keenay Qatar oo isbeddel weyn ka sameeyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dhawaan dalka dib ugu soo celisay 600 askari oo qeyb ka ahaa ciidankii tababarka u joogay dalkaasi.

Ciidamadan oo haatan si rasmi ah loogu wareejiyay amniga qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa waxaa si gaar ah loo hoos geeyay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), gaar ahaan taliska gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo ka hawl bilaabay magaalada Muqdisho ayaa waxaa hub iyo qalab ciidan siiyey dowladda Turkey, taas oo qayb ka ah taageerada ay siiso ciidamada Soomaaliya.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka, waxaa ciidamadan cusub lagu daray illaa 300 askari oo kale, si cutubku u gaaro heer guuto buuxda.

Ciidamadan cusub ayaa waxaa loo qeybiyay dhowr saldhig iyo xarumo amni oo ku yaalla caasimadda, halka qeybaha weli tababarka ku maqan lagu wado in marka ay soo dhameeyaan si buuxda loogu wareejiyo amniga caasimadda dalka.

Dadka Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in ciidankan cusub uu si weyn uga duwan yahay kuwii hore ugu sugnaa caasimadda, iyagoo ku amaanay an­shax sare, nidaam iyo dabeecad wanaagsan oo kula dhaqmayaan shacabkooda.

Tan ayaa kasbatay kalsoonida shacabka, maadaama ay si habsami leh bulshada ula dhaqmayaan intii ay ka howl-galeen magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in guutadan cusub ay door muhiim ah ka ciyaari doonto xoojinta nabad-gelyada caasimadda, gaar ahaan meelaha ay horay dhibaatooyinka amni uga jireen.

Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ka raysatay qaraxyadii iyo falalka amni-darrada ee kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay, iyadoo shacabka magaalada ay dareemeen neecowda nabadda, waxaana kor u kacday wada-shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka.

Isku-deygii Somaliland oo burburay iyo MAERSK oo qaadatay amarkii DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda MAERSK ee gaadiidka badda iyo logistics-ka dunida ayaa shaacisay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka uu ka shaqeeyo nidaamka ECTN.

MAERSK ayaa sheegtay in Soomaaliya ka mid tahay noqotay dalalka ku waajibinaya maraakiibta inay wargeliyaan hay’adaha maamulka dekedaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena tilmaamtay in ECTN uu noqday shuruud dowladeed oo khasab ku ah dhammaan alaabaha la keenayo Soomaaliya, isla markaana aan la dejin doonin shixnad kasta oo aan wadan lambarkan.

Shirkaddu waxay ku wargelisay macaamiisha in nidaamkan lagu daray si kor loogu qaado hufnaanta iyo maamulka macluumaadka shixnadaha. Warbixinta shirkaddu ku daabacday boggeeda ayaa sidoo kale xustay in macluumaadka ECTN laga helayo mareegta rasmiga ah ee dowladda.

Tan ayaa imaneysa kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay habka tixraac soo gudbinta xamuulka saaran markab imanaya Soomaaliya.

Xogta uu nidaamkan u saamaxayo inay ogaato Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah shirkadda badeecada diraysa, shirkadda loo dirayo, nooca iyo sicirka badeecadda la dirayo.

Shirkadaha maraakiibta alaabta keenaya Soomaaliya waxay si toos ah canshuurta alaabta la soo dhoofinayo ugu soo shubi doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u hirgelisay nidaamkan, haddana weli ma cadda sida Dowladda Federaalka iyo maamuladeedu u qaybsanayaan canshuurta ka soo xaroon doonta alaabta laga soo dejiyo dekedaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa weji gabax ku ah Somaliland oo ayadu shaacisay inay hirgelinayso nidaam lamid ah kan ECTN ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhaqan-gelisay, kaasi oo ay sheegtay in si madax-bannaan ugu maamulaneyso dekedaheeda.

Dowladda Federaalka ayaa ah midda kaliya ee go’aanno noocaan oo kale ah gaari karta, maadaama si guud ay mas’uul uga tahay dalka, waana tan keentay in si dhaqso ah ugu hoggaansanaato MAERSK oo kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee gaadiidka badda iyo logistics-ka dunida.

Si kastaba, qorshahan wuxuu si dhow u shabbahaa khilaafkii ka dhashay nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah (e-Visa). Somaliland iyo Puntland ayaa hore u qaadacay shuruudda E-visa-ha federaalka, iyagoo sabab uga dhigay walaac dhanka amniga xogta ah.

Nidaamkan ayaa haatan wajihi kara iska-caabin taas la mid ah, taas oo shirkadaha maraakiibta ku qasbi karta xaalad adag oo ah inay kala doortaan amarka dowladda dhexe iyo kan maamullada maxalliga ah, taas oo keeni karta “canshuur laba-dible ah.”

Iyadoo ay jirto xurguftaas gudaha ah, haddana dowladda federaalku waxay qorshahan u waddaa si kalsooni leh, iyadoo taageero xooggan ka helaysa beesha caalamka.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in Midowga Yurub uu taageersan yahay hirgelinta ECTN, iyagoo u arka aalad muhiim u ah xakameynta hubka sharci-darrada ah iyo maalgelinta dhismaha dowladnimada.

Dowladda Soomaaliya oo Kenya u gudbisay dalab la xiriira khilaafka…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ka dalbatay inay ka gacan siiso xallinta is-mariwaaga ka taagan Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika (EACJ).

Murankan ayaa la xiriira xubnaha ay Muqdisho u soo magacawday Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA).

Codsigan inay Soomaaliya soo gaarsiisay Kenya ayaa waxaa shaaciyay afhayeenka Aqalka Hoose ee Kenya, Moses Wetang’ula, kadib kulan uu fiidnimadii Talaadada la yeeshay wafdi ka socday Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay dhismaha baarlamaanka Kenya ayuu Wetang’ula ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, oo booqasho rasmi ah ku joogay Nairobi.

Intii ay wada-hadlayeen, Aadan Madoobe ayaa Kenya ka codsaday inay xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan ka-qaybgalka iyo doorka ay ku leedahay hay’adaha Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Wetang’ula ayaa dhankiisa u hambalyeeyay Aadan Madoobe doorashadiisa guddoomiyaha Guddiga Guddoomiyaasha Baarlamaanada EAC, wuxuuna ballan-qaaday in Kenya ay garab istaagi doonto muddada uu xilka hayo.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla qaatay in la sii adkeeyo xiriirka iyo wada-shaqeynta baarlamaannada Kenya iyo Soomaaliya, si loo kobciyo wada-shaqeynta iyo diblomaasiyadda baarlamaannada labada dal.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa guddoomiye Wetang’ula ku casuumay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Ururka Bulshada Bariga Afrika oo Soomaaliya ay dhawaan martigelin doonto.

Somaliland oo ku dhaqaaqday qorshe cusub kadib nidaamka cusub ee DF soo rogtay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa u dhaqaaqday hirgelinta nidaam cusub oo uga hortageyso kan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee maraakiibta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday nidaamka ECTN oo adkeynaya gacan ku haynta xuduudaha badda ee dalka, isla markaana ay hal meel isugu geynayso maamulka iyo kormeerka guud ee ganacsiga caalamiga ah.

Somaliland oo ka hortagaysa nidaamkan ayaa ku dhawaaqday hirgelinta nidaam kan lamid ah, balse ay maamulkiisa gacanta ku haynayso Hay’adda Dekedaha Somaliland.

Nidaamkan ayey Somaliland ku sheegtay inuu yahay mid digital ah oo lagu diwaan-galinayo warbixinta xamuulka markab kasta oo u soo socda Somaliland, ka hor inta aan dekedda ku soo xidhan.

Maareeyaha Hay’adda Dekedda Somaliland Cali Diiriye Axmed oo shaaciyay hirgelinta nidaamkan ayaa wuxuu sheegay in loogu tala-galay in lagu xakameeyo, lagu kormeero, laguna saadaliyo xamuulka, si loo yareeyo khatarta musuq-maasuqa, dib u dhaca iyo khilaafaadka ku saabsan hantida.

Tan ayaa imaneysa xilli ay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda soo saartay amar culus oo faraya in si deg-deg ah loo dhaqan-galiyo nidaamka elektaroonigga ah ee raadraaca maraakiibta shixnadaha (ECTN).

Wasaaradda ayaa ku hanjabtay in ciddii u hoggaansami weyda amarkan ay wajihi doonto ciqaab adag oo isugu jirta in hantidooda lala wareego iyo in sharciga lala tiigsado.

Nidaamka ECTN ee Soomaaliya ayaa haatan “si buuxda u hawl-galay, waajibna ku ah” dhammaan badeecadaha ka soo degaya ama ka dhoofaya deked kasta oo ku taal Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Nidaamkan, oo u shaqaynaya sidii “Aqoonsi dhijitaal ah” (Digital Passport) oo ay leedahay badeecaddu, wuxuu dowladda u suuragelinayaa inay il gaar ah ku hayso dhaq-dhaqaaqa shixnadaha, laga soo bilaabo dekedda ay ka soo ambabaxeen ilaa ay ka soo gaaraan halka ay u socdaan ee gudaha Soomaaliya.

Si kastaba, qorshahan wuxuu si dhow u shabbahaa khilaafkii ka dhashay nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah (e-Visa). Somaliland iyo Puntland ayaa hore u qaadacay shuruudda E-visa-ha federaalka, iyagoo sabab uga dhigay walaac dhanka amniga xogta ah.

Nidaamkan ayaa haatan wajahya iska-caabin taas la mid ah, taas oo shirkadaha maraakiibta ku qasbi karta xaalad adag oo ah inay kala doortaan amarka dowladda dhexe iyo kan maamullada maxalliga ah, taas oo keeni karta “canshuur laba-dible ah.”

Iyadoo ay jirto xurguftaas gudaha ah, haddana dowladda federaalku waxay qorshahan u waddaa si kalsooni leh, iyadoo taageero xooggan ka helaysa beesha caalamka.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in Midowga Yurub uu taageersan yahay hirgelinta ECTN, iyagoo u arka aalad muhiim u ah xakameynta hubka sharci-darrada ah iyo maalgelinta dhismaha dowladnimada.

Sidee Al-Shabaab looga soo furtay 30 qof oo afduub ku haysteen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamadeedu ay ku guuleysteen inay soo furtaan 30 qof oo u afduubnaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-gal si heer ah loo qorsheeyay oo xalay ka dhacay deegaanka Buula Madiina ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu soo furtay 30-ka qof oo ay ku jireen laba dumar ah.

Intii uu howl-galkan socday waxay ciidanku dileen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay illaa saddex dagaalyahan.

Sidoo kale waxay ciidamadu burburiyeen intii uu socday howl-galka xabsi iyo maxkamad ay kooxda Al-Shabaab lahaayeen halkaasi, taasi oo dowladdu sheegtay inay ku dhibaatayn jireen dadka rayidka ah.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Ciidamada Gaarka ah ee CXD ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Buula Madiina ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Intii uu howlgalka socday, ciidamadu waxay ku guuleysteen inay dib ugu soo celiyaan xorriyadooda 30 qof oo ay ku jiraan laba dumar ah, kuwaas oo argagixisadu ku haysteen afduub.

Sidoo kale, waxaa la burburiyay xabsigii iyo maxkamad beenaadkii ay Khawaarijtu ku dhibaatayn jireen dadka rayidka ah.

Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baacsanayaan kooxaha Khawaarijta ah, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Guddiga doorashada oo shaaciyey in laga codsaday in dib loo dhigo doorashada….

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka (NIEBC) ayaa shaaca ka qaaday in in ka badan 40 urur-siyaasadeed oo diiwaangashan ay si rasmi ah u soo gudbiyeen codsi ku aaddan in dib loo dhigo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo la filayey inay dhowaan qabsoomaan.

Warkan ayaa soo ifbaxay Talaadadii, xilli Guddigu uu kulan wadatashi ah la lahaa qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ee isku diyaarinaya ka qaybgalka loolanka doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in ururradu ay cuskadeen cudur-daar ay ka mid yihiin waqtiga is-diyaarinta oo aad u kooban iyo caqabado maamul oo kala duwan oo horyaalla, taas oo keentay inay dalbadaan muddo kordhin.

“In ka badan afartan urur ayaa soo gudbiyey codsiyo ay ku dalbanayaan waqti dheeri ah oo dhaafsiisan 30-ka November ee aan qorsheynay. Ujeeddada aan maanta isugu nimid waa inaan si dhab ah u fahanno asalka codsiyadan iyo duruufaha dhabta ah ee idin haysata,” ayuu Guddoomiyuhu u sheegay ka qaybgalayaasha kulanka.

Guddigu weli ma uusan kala caddayn mowqifkiisa rasmiga ah—inuu aqbali doono dalabkan iyo inuu ganafka ku dhufan doono—isaga oo sheegay in weli ay socdaan wadatashiyo arrintan la xiriira.

Jadwalka doorashada goleyaasha deegaanka ee Banaadir ayaa asal ahaan loogu asteeyey 30-ka bishan November, balse jadwalka doorashada ayaa marar badan oo hore isbaddal ku yimid. Guddiga NIEBC ayaa in ka badan saddex jeer oo hore dib u riixay waqtiga qabsoomidda codbixintan.

Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan wadahadallada ay la leeyihiin dhinacyada ay khuseyso, si xal looga gaaro caqabadaha taagan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli aan weli heshiis laga gaarin doorashooyinka qaranka, taas oo ay diidan yihiin qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo ay ugu weyn tahay Madasha Samatabixinta Qaranka.

Dowladda ayaa sidoo kale horey loogu eedeeyey in aysan daacad ka ahayn hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, balse ay tahay xeelad waqti-lumis ah oo looga gol-leeyahay in lagu xaqiiqsado muddo-kororsi. Hase yeeshee, Villa Somalia way beenisay eedeymahaas.

Daawo: Cabdi Xaashi: Waan ka quustay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa quus ka muujiyay xaaladda guud ee Soomaaliya, isaga oo diray farriin culus oo muhiim ah.

Cabdi Xaashi ayaa tix erayo ah ku cabiray dareenkiisa, wuxuuna sheegay in dowladnimadii la dumiyay, dadkii Soomaaliyeedna ay qaxooti ku yihiin caalamka, kuna dhiban yihiin.

“Aniga waan quustay, dowladdeennii baynu duminay qaxooti ayeynu nahay aan qiime ku lahayn adduunka, aynu ka fekirno waddaniyad iyo sidaan dalkeena dib ugu mideyn lahayn waxaynu noqonay dowlado reera ah cadow baa inna kala qaybiyey, Soomaali ma anfacdo reero calan sita, war Qarannaa ina anfacda ma kala go’i karno.” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in laga wada shaqeeyo midnimada dalka, isla markaana laga tego qabiilka iyo calamada gaar gaarka ah ee haatan la sameystay.

“Soomaali midnimo ayay u baahan tahay calamo la sameysto oo reer hebel uma baahna ma kala maaranto, mana kala go’i karto”. ayu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Eerygaa waxaa maanta iga keenaya xaaladaha aan arko dareen aan qabo ayaa iga keenayo”.

Hadalkan qiirada leh ayuu guddoomiyuhu maanta ka dhex sheegay kulan ay yeesheen xubnaha Golaha Aqalka Sare, kaas oo lagu ansixiyay guddiga madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, si uu guda galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

Gudddigan oo ay maanta golaha horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel-mariyay.

Sida uu shaaciyay guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa ogolaaday 28 Senator, halka 1 Senator uu ka aamusay, taas oo ka dhigeysa in guddiga uu helay sharciyad buuxda.

Ugu dambeyn waxaa isla meesha lagu dhaariyay xubnaha guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib markii ay heleen codka kalsoonida ee Golaha Aqalka Sare Soomaaliya.

Xogta weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Marka

0

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gudaha magaalo xeebeedka Marka ee xarunta gobolkaasi, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

Maleeshiyada weerarka qaaday ayaa beegsatay fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin koonaha magaalada, waxaana kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidanka Xoogga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Sidoo kale, waxaa dagaalka kadib madaafiic ay Al-Shabaab u gaareeen xaafado ku yaalla Marka, taas oo uga sii dartay xaaladda ay maanta gashay degmadaasi.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay inay ka hortageen weearka Al-Shabaab, waxayna intaasi ku dareen in haatan ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa dalka iyo gadiidka, waxaana sidoo kale shaqeynaya goobaa ganacsiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Marka oo ah caasimada gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa fariisimo ku leh ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa NISA oo howlgallo joogta ah ka sameeya hareeraha magaaladaasi.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa muddooyinkan dambe ka socday guluf culus oo ka dhan ah kooxaha Khawaaijta oo weli ku sugan meelo kamid ah gobolkaasi, waxaana laga saaray deegaanno iyo degmooyin ay kamid yihiin Awdheegle, Bariire, Sabiid iyo Canoole.

Jubaland oo lasoo baxeysa macdanteeda & dalka caawinaya

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa haatan bilaabay qorshe culus oo uu ku doonayo inuu ku qoto macdanta ku jirta deegaanka, si looga faa’iideysto khayraadka dabiiciga ah, korna loogu qaado dhaqaalaha deegaanka.

Jubbaland oo ka duuleyso arrintan ayaa wafdi culus u dirtay dalka Kenya, waxaana hoggaaminaya agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Ayaanle Xuseen Maxamed, kaas oo booqasho shaqo ku tegay Macalder Mine oo ku taalla gobolka Migori ee dalkaaasi.

Ujeedka  safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Jubbaland ku doonayso inay si rasmi ah ugu gasho marxalad cusub oo ku saabsan soosaarista macdanta, maareynta khayraadka dabiiciga ah, iyo kor u qaadidda dhaqaalaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa booqashadan qayb ka ah khubaro ka socota Intergovernmental Forum on Mining (IGF),, iyada oo inta uu kormeerku socday, wafdigu ay indha-indhayn ku sameeyeen, Sida Kenya u maareyso macdanta yaryar (artisanal & small-scale mining).

Waxaa kale oo ay qiimeeyeen hababka loo maareeyo goobaha macdanta ee hore loo dayacay iyo Farsamooyinka casriga ah ee loo adeegsado xidhitaanka, nadiifinta iyo dib-u-soo-kabashada goobaha qodista.

Wafdiga waxay qaateen casharro ku saabsan sidii loo dhisi lahaa hannaan macdaneed oo waara, ammaan ah, lana socdo heerarka caalamiga ah.

Si kastaba’ ha’ahaateen, Jubbaland ayaa qorsheynaysa in waayo-aragnimada iyo casharrada ay ka kororsatay booqashadan ay u adeegso dhismaha nidaam macdaneed.

Xogta howlga culus oo lagu beegsaday guri ku yaal Kaaraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo xalay ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayay ammaanka guud ee degmadaasi.

Howlgalka oo ahaa bartilmaameed ayaa waxaa fuliyay ciidamada Gaashaan ee Hay’adda NISA, kuwaas oo beegsaday guri ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Kaaraan.

Saraakiil amni ayaa sheegay in guriga looga shakiyay waxyaabo liddi ku ah amniga, isla markaana ay u daateen ciidamada amniga ee xalay howlgalka ka sameeyay halkaasi.

Inta uu socday howlgalka ayaa la maqlay jugta qarax ay adeegsadeen ciidamada oo ku jabiyay albaabka guriga, kadibna sidaaas gudaha ugu galay.

Faah-faahin dheeri ah ma bixin saraakiishu, waxaana howlgalka oo qaatay saacad ay ciidamadu dib ugu laabteen xaruntii ay markii hore kasoo baxeen.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Kaaraan ka socday howlgallo guud oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda hubeysan, maandooriyaha iyo ciyaal weerada.

“Xashiishka iyo weerada dadka lagu soo qabtay degmadaan kama sii soconeyso cid laga yeelana habayaraatee ma jirto”, ayuu dhawaan yiri guddoomiye degmada Kaaraan oo ka hadlay xaaladda ammaan ee degmadiisa.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray “Hooyooyinka waxaa laga rabaa laba midkood waayay ilmaha lasoo qabto in aysan ka daba imaanin amaba marka hore inay ceshtaan kow iyo toban saac inay weero bilabaan markii ilmihiina lasoo doonana lix saac habeenimo aa ka daba imaataan cid laga akhrinaasyo maleh ”.

Muqdisho ayaa muddooyinkan ka caganeyd kooxaha ciyaal weerada iyo falalka kale ee amni darrada, kadib ay qorshayaal amni sugid oo ay la timid dowladda, kuwaas oo hirgalay.

DF oo soo rogtay nidaamka ECTN ee maraakiibta, si la mid nidaamka e-visa

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadday tallaabo xasaasi ah oo ay ku adkaynayso gacan-ku-haynta xuduudaha badda ee dalka, isla markaana ay hal meel isugu geynayso maamulka iyo kormeerka guud ee ganacsiga caalamiga ah.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa soo saartay amar culus oo faraya in si degdeg ah loo dhaqangaliyo nidaamka elektaroonigga ah ee raadraaca maraakiibta shixnadaha (ECTN). Wasaaradda ayaa ku hanjabtay in ciddii u hoggaansami weyda amarkan ay wajihi doonto ciqaab adag oo isugu jirta in hantidooda lala wareego iyo in sharciga la tiigsado.

Xogaha iyo dukumeentiyada ay heshay Somalia Today ayaa muujinaya in nidaamka ECTN uu haatan yahay mid “si buuxda u hawlgalay, waajibna ku ah” dhammaan badeecadaha ka soo degaya ama ka dhoofaya deked kasta oo ku taal Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Nidaamkan, oo u shaqaynaya sidii “Aqoonsi dhijitaal ah” (Digital Passport) oo ay leedahay badeecaddu, wuxuu dowladda u suuragelinayaa inay il gaar ah ku hayso dhaqdhaqaaqa shixnadaha, laga soo bilaabo dekedda ay ka soo ambabaxeen ilaa ay ka soo gaaraan halka ay u socdaan ee gudaha Soomaaliya.

Haddii la waayo nidaamkan, waxaa dekedaha dalka soo gali kara kunteenarro aan la hubin waxa ku jira. Tani waxay albaabada u furaysay in qiimaha dhabta ah ee badeecadda laga been sheego si canshuurta loola dhuunto—arrintaas oo dowladda ku haysay khasaare maaliyadeed oo baaxad leh—ama waxay fududaynaysay in dalka la soo geliyo alaabooyin sharci-darro ah oo amniga khatar ku ah.

Iyadoo shardi laga dhigayo in lambarka raadraaca ee rasmiga ah uu ku qornaado Warqadda Rarka (Bill of Lading) ka hor inta uusan markabku soo xiran, dowladdu waxay xaqiijinaysaa in weel kasta oo ganacsi oo dalka soo galaya la diiwaangeliyo, si hufanna loo canshuuro.

Tallaabo dhanka casriyeynta loo qaaday

In kasta oo amarkani uu dhaliyay guux siyaasadeed, haddana khubarada dhaqaalahu waxay tallaabadan ku tilmaameen mid lama huraan ah oo muddo soo daahday, taas oo fure u ah madax-bannaanida dhaqaale iyo sugidda amniga qaranka.

Dr. Liibaan Cabdullaahi, oo ah dhaqaaleyahan ku sugan Muqdisho, ayaa ku dooday in nidaamkani uu halbowlaha u yahay dal doonaya inuu ka soo kabto tobanaan sano oo ganacsi aan nidaamsanayn.

“Arrintu ma ahan uun waraaqo xafiisyo la isaga gudbiyo; ee waa soo celinta haybaddii iyo madax-bannaanidii dhaqaale ee qaranka,” ayuu yiri Liibaan Cabdullaahi.

“Muddo dheer, dekedaha Soomaaliya waxay u shaqaynayeen si mugdi ah (Black boxes). Nidaamka ECTN wuxuu ina soo gaarsiinayaa qarniga 21-aad, isagoo hannaankeenna ganacsi la jaanqaadsiinaya heerarka caalamiga ah ee ay adeegsato dunida casriga ah.”

Liibaan wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in faa’iidada arrintani aysan ku koobnayn dakhliga dowladda oo kaliya, balse ay dan ugu jirto ganacsatada xalaasha ah.

“Ganacsatada sharciga dhowrta waa inay soo dhaweeyaan tallaabadan. Waxay meesha ka saaraysaa tartanka aan dheellitirnayn ee kaga imaanaya kuwa wax tahriibiya iyo kuwa canshuurta lunsada,” ayuu xusay. “Nidaam dhijitaal ah oo loo siman yahay wuxuu abuurayaa garoon ganacsi oo hufan, taas oo ah shuruud ay maalgashadayaasha caalamiga ah u baahan yihiin ka hor inta aysan hantidooda soo gelin dalka.”

Khilaafka dowlad goboleedyada iyo isbarbar-dhigga e-visa

Warqadda rasmiga ah, oo ku taariikhaysan 30-ka Sebtembar 2025, ayaa si cad u qeexaysa in xeerarku ay shaqaynayaan “iyadoo aan loo eegayn nidaamka maamul ee ka jira deegaanadaas.”

Eray-bixintan ayaa si toos ah u xaqiijinaysa awoodda dowladda federaalku u leedahay dekedaha ku yaalla Dowlad Goboleedyada, gaar ahaan Puntland, Jubbaland, iyo Somaliland, oo ah maamullo fallaago ka ah nidaamka federaalka.

Qorshahan wuxuu si dhow u shabbahaa khilaafkii ka dhashay nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-visa). Somaliland iyo Puntland ayaa hore u qaadacay shuruudda E-visa-ha federaalka, iyagoo sabab uga dhigay walaac dhanka amniga xogta ah.

Dadka odorosa siyaasadda ayaa ka cabsi qaba in amarka ECTN uu wajaho iska-caabin taas la mid ah, taas oo shirkadaha maraakiibta ku qasbi karta xaalad adag oo ah inay kala doortaan amarka dowladda dhexe iyo kan maamullada maxalliga ah, taas oo keeni karta “canshuur laba-dible ah.”

Iyadoo ay jirto xurguftaas gudaha ah, haddana dowladda federaalku waxay qorshahan u waddaa si kalsooni leh, iyadoo taageero xooggan ka helaysa beesha caalamka. Ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in Midowga Yurub uu taageersan yahay hirgelinta ECTN, iyagoo u arka aalad muhiim u ah xakameynta hubka sharci-darrada ah iyo maalgelinta dhismaha dowladnimada.

Siyaasaddan waxaa sii xoojinaya iskaashi dhanka amniga ah oo muuqda. Soo xirashadii dhawaan ee Markabka Ciidanka Badda Turkiga ee F514 uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho ayaa astaan u ah sida uu u sii qoto dheeraanayo xiriirka difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Iskaashigan ayaa Muqdisho siinaya “kalsooni istiraatiiji ah” oo ay ku meel-mariso go’aannada masiiriga ah ee madax-bannaanida la xiriira.

Ciqaabo adag oo ka dhalanaya u hoggaansamid la’aanta

Hab-raacyada fulintu waa kuwo aan gorgortan lahayn. Wasaaradda ayaa ka digtay in isku day kasta oo lagu hareer marayo amarkan uu keeni doono “cawaaqib xumo sharci,” oo ay ku jiraan ganaaxyo maamul, hantida oo lala wareego, iyo ruqsadda shaqada oo la hakiyo.

“Dhammaan soo-dejiyayaasha, dhoofiyayaasha, milkiilayaasha maraakiibta iyo wakiillada kastamka waxaa la farayaa inay si adag u raacaan shuruudaha la dajiyay,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda.

Marka la eego sida dardarta leh ee fulintu u socoto, fariinta ka imaanaysa Muqdisho waa mid cad: Waqtigii marinka badda ee bilaa sharciga ahaa wuu dhammaaday, waxaana lagu beddelay nidaam ganacsi oo dhexe, dhijitaal ah, si adagna loola socdo.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista oo ku guuleysatay in ay kala dirto kooxo qowleysato

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ku guuleysatay inay kala dirto kooxo qowleysato ah oo qaab suuq madow ah ugu takri-falayay awoodda iyo hantida shacabka

Madaxda ugu sarreysa wasaaradda, sida Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada mudane Maxamed Faarax Nuux, wasiir-ku-xigeenka iyo wasiiru-dowlaha, ayaa tan iyo markii ay la wareegeen hoggaanka Wasaaradda Gaadiidka waxa ay ballanqaadeen in meesha ay ka saari doonaan nidaamyadii hore ee u oggolaan jiray ku takrifalka awoodda iyo hantida dadweynaha.

Tallaabooyinka muhiimka ah ee ay wasaaraddu qaaday waxaa ka mid ah:

Kala dirista shabakadaha musuqa: Wasiirradu waxa ay si geesinimo leh ula tacaaleen kooxo si joogto ah u caadaysatay inay wasaaradda u beddelaan suuq madow oo lagu kala iibsado agabka muhiimka ah sida taarikada baabuurta iyo shatiyada wadista (liisanka), kuwaas oo dhab ahaantii ah adeegyo qaran oo ay shacabka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin.

Sugidda xogta qaranka: Qayb ka mid ah waajibaadkiisa dastuuriga ah, wasiirku waxa uu adkeeyay nidaamka amniga xogta wasaaradda si loo hubiyo inaysan gacanta u gelin shakhsiyaad aan u qalmin. Tani waxay muhiim u tahay ilaalinta sirta iyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha dawladdu.

Dib-u-habayn dhammaystiran: Waxaa socda barnaamij ballaaran oo dib-u-habayn loogu samaynayo dhammaan waaxyaha wasaaradda, kaas oo looga golleeyahay in lagu dhiso nidaam hufan, cadaalad ku dhisan oo la xisaabtan leh.

Caqabadaha iyo ololaha sumcad-dilka ah

Sida la filayay, dadaalladan dib-u-habeynta ah waxay wajahaan iska caabin adag oo kaga imaanaysa kooxihii laga saaray wasaaradda iyo kuwo kale oo ka faa’iidaysan jiray nidaamkii hore ee musuqa ku dhisnaa. Kooxahan, oo qaarkood loo gudbiyay Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka, ayaa hadda ku hawlan:

Faafinta been-abuurka: Waxay maalgelin iyo abaabul ku bixinayaan sidii ay u faafin lahaayeen warar aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu sumcad-dilayo wasiirka iyo sharafta wasaaradda. Ujeeddadoodu waa inay carqaladeeyaan shaqada horumarineed ee socota.

Isticmaalka baraha bulshada: Kooxahan abaabulan waxay lacago si sharci-darro ah ku heleen ugu shubayaan dad caan ka ah baraha bulshada si ay u buunbuuniyaan fadeexado aan waxba ka jirin, iyaga oo isku dayaya inay shaki geliyaan shaqsiyadda wasiirka daacadda ka ah.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux waxa uu si cad u sheegay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo loo baahnaa oo aan indhaha laga qarsanayn, ayna ka go’an tahay inuu difaaco hannaanka hortabinta u ah shaqada wasaaradda. Waxa uu bulshada Soomaaliyeed u xaqiijiyey in koox kasta oo jecel xumaanta iyo faafinta beenta aanay joojin doonin howsha culus ee loo igmaday ee ah u adeegidda dalka iyo dadka.

Dadaalka wasiirka ee ku aaddan la dagaallanka musuqmaasuqa waxaa loo arkaa mid muhiim u ah dhismaha dowladnimo hufan, isaga oo diiradda saaraya sidii Soomaaliya ay u yeelan lahayd wasaarad gaadiid iyo duulis shaqaynaysa oo buuxisa heerarka caalamiga ah.

 

Qorshe hab yaab leh dadka Gaza loogu rarayo dalal kale oo si qarsoodi ah u billowday

0

Gaza (Caasimada Online) – Warbixin xasaasi ah oo uu daabacay wargeyska Haaretz ee Israa’iil ayaa daaha ka rogtay in hay’ad qarsoodi ah oo Israa’iili ah ay waddo hawlgallo mugdi ku jiro oo duulimaadyo looga qaadayo dadka Falastiiniyiinta ee ku go’doonsan Marinka Gaza, kuwaas oo la sii marinayo Garoonka Ramon ee koonfurta Israa’iil, si loogu daad-gureeyo dalal shisheeye.

Maalintii Khamiista, dawladda Koonfur Afrika ayaa oggolaansho dal-ku-gal (visa) oo ku meel-gaar ah siisey 153 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ka soo kicitimay dalka Kenya si ay magangalyo u weydiistaan Koonfur Afrika.

Dadkan ayaa markii hore laga hor-istaagay inay dalkaas galaan sababo la xiriira dokumeentiyadooda safarka oo aan dhammaystirnayn iyo baasabooradooda oo aanay ku oollin shaabadihii rasmiga ahaa ee bixitaanka.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in laamaha sirdoonka dalkiisu ay faraha ku hayaan baaritaan la xiriira cidda rasmiga ah ee ka dambaysa diyaaradda sida gaarka ah loo soo kiraystay ee dadkan ka soo dejisay magaalada Johannesburg.

Ganacsiga dadka iyo gacanta dawladda Israa’iil

Sida uu qoray Haaretz, urur uu maamulo nin lagu magacaabo Tomer Janar Lind, oo haysta dhalashada labada dal ee Israa’iil iyo Estonia, ayaa dadka Gaza ka iibiya kuraasta duulimaadyadan lacag dhan $2,000, isagoo u ballan-qaadaya inuu u dhoofin doono dalal fog-fog oo ay ka mid yihiin Indonesia, Malaysia, iyo Koonfur Afrika.

Wargeysku waxa uu intaas ku daray in Lind uu wada-shaqayn dhow la leeyahay unug milatari oo Israa’iili ah, kaas oo u xilsaaran fududaynta barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta iyo hirgelinta duulimaadyadan qarsoodiga ah.

Shabakadda ururkan ayaa sheegatay in la aasaasay sannadkii 2010-kii, xafiisyana ku leedahay Bariga Quddus. Hase yeeshee, baaritaan qoto dheer oo wargeysku sameeyey ayaa lagu ogaaday in ururkan dhab ahaan laga diiwaangeliyey dalka Estonia, isla markaana uu ku shaqeeyo magaca shirkad la-talin oo dhalanteed ah.

Telefishinka Al-Jazeera oo baaray cinwaanka ay sheegteen oo ah xaafadda Sheikh Jarrah ee dhulka la haysto, ayaa xaqiijiyey inaanu jirin wax xafiis ah oo halkaas ku yaal.

“Websaydka ururka ee almajdeurope.org waxaa la diiwaangeliyey bishii Febraayo ee sannadkan oo keliya, inta badan xiriirada (links) ku dhex jiraana meelna ma geeyaan. Xitaa iimaylka ay ku xarriiqeen bogga waa mid aan shaqaynayn,” ayay tiri Al-Jazeera, iyadoo intaas ku dartay in shirkadda Namecheap ee diiwaangelisay boggan ay tahay mid hore loogu eedeeyey inay gabaad u noqoto falalka khiyaanada dhanka internet-ka.

Dad badan oo isku dayey inay adeeggan isticmaalaan ayaa lagu amray inay lacagaha ku shubaan xisaabaad banki oo shakhsi ah, halkii ay ka isticmaali lahaayeen xisaab rasmi ah oo hay’addu leedahay.

Wadada loo maro qaxootinimada

Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in Waaxda “Hijrada Iskoodka ah” (Voluntary Emigration Bureau) ee Wasaaradda Difaaca Israa’iil ay hawlaha hay’addan ku xirtay hay’adda milatariga ee COGAT, si loo maamulo bixitaanka Falastiiniyiinta. Lind, in kasta oo aanu dafirin lugta uu ku leeyahay duulimaadyadan, haddana waa uu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah.

Warbixintu waxay tibaaxday in duulimaadyo badan oo ay soo kiraysay hay’addani ay bilihii u dambeeyey ka kicitimeen Garoonka Ramon, iyagoo sida kooxo reer Gaza ah. Tani waxay muujinaysaa in aanay arrintu ahayn dhacdooyin goos-goos ah, balse ay tahay hanaan nidaamsan oo kor loogu qaadayo tirada dadka laga saarayo Marinka Gaza.

Mid ka mid ah duulimaadyadan ayaa ahaa diyaarad laga leeyahay dalka Romania, taas oo 57 Falastiiniyiin ah ka qaadday Gaza una duulisay Budapest, Hungary, ka hor intii aanay u sii gudbin Indonesia iyo Malaysia.

Dhanka kale, wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa baahiyey in ururka la baxay “Al-Majd” uu mas’uul ka ahaa daad-guraynta in ka badan 150 Falastiiniyiin ah. Ururkan ayaa ku andacoonaya inuu caawinayo “Bulshooyinka Muslimiinta ah ee ku nool deegaannada colaaduhu ragaadiyeen.”

Saraakiil milatari oo Israa’iili ah oo diiday in magacooda la xuso ayaa wargeyska u sheegay: “Israa’iil ayaa galbisay basaska dadka siday laga soo bilaabo bar-kulanka gudaha Gaza ilaa marinka Kerem Shalom, halkaas oo basas kale ay ugu sii qaadeen Garoonka Ramon ee saxaraha Negev.”

Faarujinta Gaza iyo walaaca caalamiga ah

Qarsoodiga iyo mugdiga ku gedaaman duulimaadyadan ayaa walaac weyn ku abuuray hay’adaha xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ka digay in tani ay qayb ka tahay istiraatiijiyad ballaaran oo Israa’iil ay ku doonayso inay ku barakiciso dadka reer Gaza.

Saraakiisha socdaalka ee Koonfur Afrika ayaa Al-Jazeera u sheegay: “Diyaaradda oo ay saarnaayeen dad buuxaa waxay garoonka dhex fadhiday muddo 12 saacadood ah, xilli masuuliyiintu ay isku dayayeen inay fahmaan sababta dadkani aanay u haysan shaabadihii bixitaanka ee Gaza.” Dadka la socday diyaaradda ayaan xitaa hubin meel ay u hoydaan iyo muddada ay joogayaan.

Madaxweyne Ramaphosa oo ka hadlayey dhacdadan ayaa yiri: “Kuwani waa dad reer Gaza ah oo si mucjiso ah lagu soo saaray diyaarad soo martay Nairobi, halkanna timid… Waxay u muuqataa in si qorshaysan looga soo dhib-saarayo (flushed out) dhulkooda.”

Oroub el-Abed, oo ah professor wax ka dhigta Jaamacadda Birzeit, ayaa arrintan ku tilmaantay “Qayb ka mid ah hannaankii gumeysiga ee soo jireenka ahaa, waana hab nidaamsan oo lagu dhaxal-wareejinayo dadka asalka ah ee Falastiin, iyadoo la adeegsanayo waddooyin kala duwan.”

Sheekooyin been abuur ah iyo xaqiiqada jirta

Websaydka Al-Majd ayaa lagu arkay “Sheekooyin Guul” ah oo been abuur ah. Tusaale ahaan, sheeko ku saabsan gabar la yiraahdo “Mona” oo ka soo jeedda Aleppo, Syria, ayaa taariikhdeedu ku beegan tahay Maarso 2023—in kasta oo websaydka laftiisa la diiwaangeliyey 10 bilood uun ka hor. Sawirka loo adeegsaday sheekadaas ayaa dhab ahaan ah Abeer Khayat, oo sawirkeeda laga qaaday Tripoli, Lebanon sannadkii 2024.

Loay Abu Saif, oo ka mid ahaa dadkii la socday duulimaadkan, ayaa sheegay inuu xayaysiiska ka helay baraha bulshada, islamarkaana aanu ogeyn xilliga bixitaanka ilaa maalin ka hor safarka.

“Waxaa naloo sheegay inaan qaadan karno kaliya shandad yar, telefan iyo xoogaa lacag ah,” ayuu yiri. Qoyskiisa waxaa la mariyey baaritaanno dhanka ammaanka ah, waxaana la geeyey garoonka Ramon iyadoo aan baasabooradooda wax shaabad ah lagu dhufan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa digniin culus u dirtay dadka reer Gaza, iyadoo uga digtay shabakadahan ka shaqeynaya inay dadka ka barakiciyaan guryahooda iyagoo u adeegaya danaha Israa’iil.

Sida ay sheegtay Yedioth Ahronoth, ku dhawaad 40,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ka baxay Gaza tan iyo markii uu bilowday xasuuqa Israa’iil, halka in ka badan 69,000 oo qofna la dilay, iyadoo tirada dhaawacuna ay dhaaftay 170,700.

Israa’iil ayaa hore wadahadallo ula yeelatay dalal ay ka mid tahay Koonfurta Suudaan si loogu wareejiyo dadka Falastiiniyiinta ah, arrintaas oo qayb ka ah qorshaha lagu faaruqinayo dhulka.

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay 3 qodob + Sawirro

0

Nairobo (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo wada-hadallo cusub ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa isku raacay saddex qodob oo xasaasi ah, kadib markii ay kulmeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo dhiggiisa waddanka Kenya.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Moses M. Wetang’ula ayaa kulankooda diirrada ku saaray wada-shaqeynta labada baarlamaan, waxayna ku heshiiyeen qodobada soo scoda;-

  • Dhisida guddiga saaxiibtinimada baarlamaanada labada wadan.
  • Qibrad is-weydaarsiga xildhibaanada labada baarlamaan.
  • Xoojinta wada-shaqeynta guud ee labada baarlamaan.

Intaas kadib Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ayaa ugu hambalyeeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur xilka uu ka hayo shir guddoonka guddoomiyeyaasha baarlamaanadda ururka Bulshada Bariga Afrika, doorashada xubnaha Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay ururka.

Dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhigiisa Kenya uga tacsiyeeyey geerida ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaasi, Raila Odinga oo dhawaan geeriyooday, lana aasay.

Sidoo kale, wuxuu dhigiisa ku casuumay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Ururka Bulshada Bariga Afrika oo Soomaaliya martigelin doonto bisha May sanadka 2026.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Xasan.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayan iskaashiga labada dhinac, maadaama ay yihiin laba dal oo daris, hadana wax badan wadaagga.

Aqalka Sare oo ansixiyay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorada Golaha Aqalka Sare oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay guddiga madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, si uu guda galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

Gudddigan oo ay maanta golaha horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel-mariyay.

Sida uu shaaciyay guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa ogolaaday 28 Senator, halka 1 Senator uu ka aamusay, taas oo ka dhigeysa in guddiga uu helay sharciyad buuxda.

Intaas kadib waxaa meesha lagu dhaariyay xubnaha guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib markii ay heleen codka kalsoonida ee Golaha Aqalka Sare Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoum oo kulanka ku sugneyd ayaa golaha uga mahadcelisay sida sharafta leh ee ay meel mariyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, iyada oo sidoo kale golaha u faah-faahisay ahmiyadda uu guddiga u leeyahay ummadda Soomaaliyeed.

Khadiija ayaa dhismaha guddigan ku tilmaamtay guul taariikhi ah oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, waxayna intaasi ku dartay in waqti badan ay gelisay.

Horay guddigan ayaa uga soo gudbay Golaha Shacabka, iyana cod aqlabiyad leh kusoo meel mariyay, waxaana haatan kadib uu guda galayaa shaqooyinka loo igmaday.

JUBBALAND oo qaylo dhaan soo saartay kadib xaalad soo korortay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta qaylo dhaan kasoo saartay xaalad culus oo kasoo korortay deegaannada maamulkaasi, taas oo ka dhalatay kuleel daran iyo xaalado abaareed oo ka jira gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Jubbaland oo maanta shir ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladaha adag iyo midda nololeed ee ka jira deegaannada maamulkaasi, waxayna warbixinno ka dhageysteen guddiyo farsamo oo xog uruurin kasoo sameeyay meelaha ay ka jiraan xaaladaha bani’aadannimo.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland oo hadal siiyay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda daran ee ay wajaheyso Jubbaland, wuxuuna sheegay in biyo la’aan ay ka jirto inta badan deegaannada maamulka, halkaas oo laga dareemayo kuleel daran oo saameeyay dadka iyo duunyada.

“Shirkeenna waxaa uga hadalnay xaaladda kuuleel iyo cabsi abaareed iy roob la’aan ka jirta deegaannada Jubbaand arrintaasi waxa ay abuurtay xaalad adag, taas oo maanta keentay in halkan la’isugu yimaado”. ayuu yiri wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaa jira biyo la’aan baahsan oo wayn, cunto la’aan iyo xoolihii oo saameyn badan ay ku yeelatay biyo la’aanta”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in xaaladdan adag ay kusii fideyso deegaannada Jubbaland oo dhan, sida degmooyinka Badhaadhe, Kismaayo, Ceelwaaq, Garbahaarey iyo deegaanno kale.

“Deegaanno fara badan oo Jubbaland kamid ah waxaa laga soo sheegayaa culeyskan iyo kuleelkan wuxuuna ifafaalaha abaarta uu ka jiraa dhammaan deegaannada Jubbaland, waxaase ugu daran degmooyinka Badhaadhe, xeebaha, Kismaayo koonfurteeda iyo waqooyigeeda, ” ayuu sii raaciyay.

“Sidaas oo kale degmada Ceelwaaq ayaa kamid ah meelaha culeyska aadka u wayn uu ka jiro, degmada Garbahaarey ayaa iyadana kamid ah iyo Xagar oo Jubbada Hoose ah ayaa kamid ah” ayuu mar kale yii wasiirku.

Ugu dambeyn, wuxuu baaq culus u diray hay’adaha samafalka iyo deeqbixiyeyaasha oo uu ka dalbaday inay gurmad bani’aadannimo lasoo gaaraan shacabka Jubbaland ee wajahaya xaaladda adag.

Xamza oo tallaabo culus u qaaday hirgelinta qorshaha Villa Somalia + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta hirgelinta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan, sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, taas oo muran xooggan uu ka taagan yahay.

Xamza ayaa maanta guddoomiyay shir ballaaran oo lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka Dowladaha Hoose ee dhawaan dalka ka qabsoomi doona, si loo soo doorto goleyaasha deegaanka oo lagu bilaabi doono gobolka Banaadir.

Inta uu socday shirkan oo ay ka qayb-galeen wasiirrada wasaaradaha sida tooska ah ula falgala hawsha doorashooyinka, ayaa waxaa lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo soo bandhigay halka ay wax marayaan iyo dadaallada uu wado guddiga ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah.

Guddoomiyaha guddiga, Mudane Cabdixakiim Axmed Xasan oo kulanka ka hadlay sheegay in hawshu ay meel wanaagsan marayso, lana diyaariyey dhammaan adeegyadii loo baahnaa, si loo qabto doorashada.

Dhankiisa Ra’iisul wasaare Xamza oo hadalka qaatay ayaa uga mahadceliyay guddiga iyo wasaaradaha ka qeyb qaadanaya fulinta barnaamijkan, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay qabashada doorashada Qof iyo Cod, iyada oo ugu horrayn la bilaabayo doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale, isla maanta Muqdisho ka dhacay kulan kale oo dhex-maray Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda ee is-diiwaangeliyay, kaas oo guud ahaan diiradda lagu saaray doorashooyinka ka bilaabanaya magaalada Muqdisho, waxayna dhinacyadu gorfeeyeen daruufaha ku hor-gudban doorashooyinka la filanayo inay ka dhacaan dalka.

Guddiga ayaa ugu baaqay ururrada inay soo gudbiyaan liiska musharraxiinta uga qayb-geleysa doorashooyinka dhawaan ka bilaabanaya gobolka Banaadir, si howsha loo guda-galo.

Si kastaba, tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli mucaaradka la baxay Madasha Samatabixinta iyo labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ay bannaanka ka joogaan doorashooyinkan, iyaga oo weli cabasho ka qabo hannaanka ay wax u waddo Villa Somalia.

Tallaabo kale oo loo qaaday wax ka beddelka Dastuurka xilli mucaaradka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay kulamo socday muddo 4 maalmood ah oo looga hadlayay wax ka beddealka dastuurka KMG ah, kuwaas oo ay yeesheen guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka.

Guddiyada ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Dastuurka oo ay weli diidan yihiin in wax laga beddalo Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka dalka.

Kulammadan soo socday afartii cisho ee lasoo dhaafay ayaa labada guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka waxa ay kusoo bandhigeen soo jeedimaha wax ka beddelka cutubyada 5-aad, ilaa 9aad ee Dastuurka iyo warbixin faah-faahinaysa soo jeedimaha la sameeyay.

Sidoo kale, intii ay socdeen kulammadan waxay xubnaha labada guddi ku lafagureen:

  • ⁠ ⁠Cutubka 5aad: Nidaamka Federaalka iyo Baahsanaanta awoodda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
  • ⁠ ⁠Cutubka 6aad: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya;
  • ⁠ ⁠Cutubka 7aad: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
  • ⁠ ⁠Cutubka 8aad: Golaha Wasiirrada; iyo
  • ⁠ ⁠Cutubka 9aad: Garsoorka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Burhaan Aadan Cumar iyo Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlaamka Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow) oo si wadajir ah u shir guddoomiyey kulammada dhacay ayaa u mahadceliyey dhammaan xubnaha labada guddi iyo dhabar adeegga ay muujiyeen intii lagu guda-jiray soo bandhigidda cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka iyo warbixin faahfaahinaysa soojeedimaha.

Horay Villa Somalia oo kaashaneysa Baarlamaanka ayaa ku guuleystay in wax laga beddalo afarta cutub ee ugu horreyso Dastuurka, taas oo keentay qaylo dhaan wayn oo ka timid mucaaradka iyo labada maamul goboleed ee kasoo horjeedo dowladda federaalka, waxayna arrintaas dhalisay xiisad siyaasadeed oo ilaa iyo hadda ka taagan gudaha dalka.

Tallaabadan kale iyo isku deyga haatan la doonayo in lagu sii wado wax ka beddalka qodobada Dastuurka ayaa uga sii dari karta xaaladda murugsan ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka jira hannaanka doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Hiiraan oo awaamiir soo saaray kana mamnuucay Beledweyn..

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, isaga oo ay hareero taagan yihiin saraakiisha laamaha amniga ayaa ka hadlay xaaladda adag iyo dhibaatooyinka ka jira magaalada Beledweyne oo maalmahan ay kusoo badanayeen burcadda hubeysan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in xaaladdu ay faraha ka baxday, isla markaana magaalada ay qatar ku hayaan maleeshiyaad hubeysan oo dhac baahsan u gaysanaya shacabka Beledweyne.

“Beledweyne waxyaalaha ka dhacaayo waan u jeednaa qof dhalinyaro ah oo aan waxba galabsan ayaa qolooyin tuugo ah oo iska yar ku leyneyso dadkii moobeellada, dhibaatooyin badan oo xaalad adag ayaa jira” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale soo saaray awaamiir culus, isaga oo maanta kadib Beledwene ka mamnuucay hubka sharci darrada ah, si looga hortago kooxaha burcadda ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale, wuxuu faray ciidamada amniga inay gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo halis ku ah nabad-gelyada deegaanka.

“Dhammaan ciidamada qalabka sida ee qaabilsan amniga waa isku keenay waan wada fariisanay xaaladdaasna waa ka tashanay waxaan soo saarnay cid allaala ciddii qoray sharci darro ah oo magaalada Beledweyne ku wadata in lasoo qabto ciddii diidana waa jibaad laga guto” ayuu mar kale yiri Maxamed Xuseen Maxamed.

Waxaa kale oo uu u digay odayaasha dhaqanka oo uu ku eedeeyay in ay soo daba kacaan haddii lasoo xiro qof dambiile ah, taasina ay meesha ka saari doonaan, si la’iskula xisaabtamo.

“Dhibaatada kale waxaa nagu haayo odayaasha iyo nabadoonnada haddii qof la xiro iyaga soo daba ordaa oo saldhiggii imaanaayo, odayaasha waan uga digeynaa arrintaas” ayuu sii raaciyay

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa faraha ka baxay xaaladda ammaan ee degmada Beledweyne, waxaana ka dhacay dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo loo gaysanayo dadka shacabka ah.

Xogta duqeyn culus oo uu Mareykanka ka fuliyay Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo maanta diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen qaybo kamid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay howlgallo ka wadaan ciidamada Puntland.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeynta oo bartilmaameed ah lala beegsaday firxadka maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugnaa aagga tog ku yaalla Baallade, halkaas oo uu ka socdo howlgalku.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan oo saacado kahor ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka oo taageero ciidanka difaaca ee Puntland.

“Duqeyn ayaa saacado kahor lala beegtay xubno firxadka argagixisada Daacish ka mid ah oo ku dhuumanayey Tog ku yaalla Baallade, Duqeynta waxaa fuliyey Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Waa weerarkii labaad oo cirka ah oo muddo 24 saac gudahood ka dhacaya aagga buuraha Calmiskaad, waxaana ahayd shalay markii sidaan oo kale uu Mareykanka duqeyn uga fuliyay deegaanka Ceelka Baarakalaah oo ah fariisin istaraatiiji ah oo ay togga Baallade kaga sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish.

Duqeyntaas oo ahayd mid kamid ah kuwii ugu xoogganaa ee ka dhaca halkaas ayaa waxaa khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.

Sidoo kale, waxaa goobta ka dhashay dagaal foolka fool ah, kaas oo dhex-maray ciidanka Puntland iyo maleeshiyaadka ku jira godadka hoostooda, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan o oleh dhimasho iyo dhaawac.

Daacish ayaa difaacaneysa Ceelka Baarakalaah, waxaana horay ay u sheegtay inay ka hortegtay weeraro ay kusoo qaadeen ciidanka Puntland, si ay u qabsadaan deegaankaas.