26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

IATA oo ka laabatay tallaabadii ay Somaliland uga saartay nidaamka e-Visa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) ayaa ka laabtay tallaabadii uu Somaliland uga saaray nidaamka e-Visa, kaasi oo waajib ka dhigaya in fiisaha elektaroonigga la qaato ka hor inta aan laga degin garoomada dalka, oo kamid yahay kan Hargeysa.

Go’aanka ay maanta ka laabatay IATA ayaa daba socday markii ay banaanka usoo baxday in la jabsaday xogta e-Visa, ayna kumanaan isticmaalay nidaamkan ay xogtooda u gacan gashay kooxo lagu sheegay burcad, isla markaana Mareykanka uu kasoo saaray digniin amni.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa markaas xaqiijisay in kooxo burcad ah dhacday barmaamijkii ay Dowladda Soomaaliya samaysay ee e-visa, iyadoo mareegta laga xaday xogta iyo dhammaanba macluumadka kummaaanan qof oo nidaamkan iska diiwaangeliyay.

Sidoo kale, shirkadda Flydubai oo iyaduna dhawaan sheegtay in rakaabka u safraya Somaliland ay fiiso ka qaadan karaan marka ay ka soo degaan garoomada Hargeysa iyo Berbera, ayaa gebi ahaanba haatan ka laabatay, iyadoo boggeeda rasmiga ah ku daabacday in rakaabka u safraya garoomada Somaliland looga baahan yahay e -Visa.

Cusbooneysiintan ayaa timid kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayso nidaamka fiisaha elektaroonigga kadib dhacdada jabinta xogta, iyadoo sheegtay inay baaris ku hayso falkaan.

Xogta la jabsaday ayaa la sheegay inay ka koobnayd magacyada codsadayaasha fiisaha, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, cinwaanada iimaylka, xaaladda guurka, iyo cinwaanada guryahooda.

Dadka xogtooda la jabsaday ayaa waxaa qeyb ka ah mu’waadiniin u dhalatay dalka Mareykanka, kuwaas oo dhibaatadan la kulmay lana xaday xogtoodii, sida ay sheegtay safaaraddu.

Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqan-gelisay nidaamka e-Visa waxaa soo baxayay amarro is-khilaafsan oo ka imanayay Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe, taas oo xaalad jahwareer ah ka riday hawada Soomaaliya iyo duulimaadyada diyaaradaha caalamiga ah ku imaanayaan dalka.

Si kastaba, hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo ku takhasusay forensic, iyo hay’addaha dowliga ah ee khuseeya ilaalinta xogta u xil saartay dhacdadii jabsi ee nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah.

Guddiga baaritaan ee la magacaabay ayaa waxay hay’addu sheegtay inay baaritaan qoto dheer ku sameynayaan baaxadda isku dayga xad-gudubka ah, halka uu ka yimid iyo saamaynta uu yeelan karo.

Hay’adda ayaa sheegtay in marka baaritaanka rasmiga ah la soo gaba-gabeeyo la soo saari doono warbixin dhammaystiran oo faah-faahinaysa natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay iyo tallaabooyinka sixidda ah ee la qaaday.

“Hay’adda socdaalka waxa ay ka xun tahay dhacdadan, waxaana ay mar kale xaqiijinaysaa in ilaalinta xogta dadka iyo adeegyada qaranka ay tahay mudnaanta koowaad,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda.

Hay’adda socdaalka ayaa sheegtay inay xoojinayso nidaamyada amniga dijitaalka ah, oo ay ku jiraan heerarka casriga ah ee xog ilaalinta iyo multi-factor authentication dhammaan adeegyada hay’adda.

Cudurka halista ee ka dilaacay Itoobiya oo laga digay inuu usoo tallaabo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa maanta soo saaray digniin ku aaddan xanuunka cusub ee ka dillaacay qeybo kamid ah dalka Itoobiya.

Wasaaradda iyo Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka feejignaadaan khatarta cudurkaas oo lagu magacaabo Marburg.

Cudurkan oo dilaa ah ayaa waxay wasaaraddu ka digtay inuu Soomaaliya ku imaan karo sababo ay ka mid yihiin xuduudaha dalkq oo furan, gaar ahaan socdaalka xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya awoodda nidaamka caafimaadka xuduudaha bariga oo meesha ka maqan iyo baraaruga bulshada oo hooseeya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliyeed (NIH) ayaa si dhow ula socday xaaladda Cudurka Marburg (MVD), kadib markii Machadka Caafimaadka ee Dowladda Itoobiya iyo Hay’adda Africa CDC ay xaqiijiyeen kiisaska cudurkan oo ka dhacay deegaanka Jinka, gobolka Koonfureed ee Itoobiya.

Xaaladda Soomaaliya

Inkastoo aanan weli wax kiis ah laga diiwaangelin gudaha Soomaaliya, Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya wuxuu qaaday tallaabooyin taxaddar leh, oo ay ka mid yihiin:

  1. La socoshada xaaladaha cudurka.
  2. Diyaarinta qorshaha diyaar-garowga.
  3. Wacyigelinta bulshada si ay uga feejignaadaan khatarta cudurka Marburg (MVD).

Cudurkan ayaa ah cudur halis ah oo aan weli lahayn talaal looga hortago, isla markana isaga gudba qaaradaha iyo xuduudaha dalalka.

Waa maxay cudurka Marburg?

Cudurka Marburg waa xanuun halis ah oo uu keeno fayras la mid ah kan Ebola.

Calaamadaha waxaa ka mid ah:

  • Qandho iyo madax-xanuun daran
  • Lallabbo iyo matag
  • Indho ilmayn, dhiigbax ama diiqad
  • Tabar-darro iyo xaalad degdeg ah oo caafimaad

Sida uu u faafo

Cudurka Marburg wuxuu ku faaafa marka qof caafimaad qaba uu taabto dareere ka yimid jirka qof buka (dhiig, matag, kaadi, saxaro, dhidid, candhuuf) ama taabto dharka iyo agabka uu isticmaalay.

Fayraskan wuxuu sidoo kale ka imaan karaa xayawaanka duurjoogta ah sida daanyeerrada iyo fiidmeerta. Shaqaalaha caafimaadka waa inay xirtaan qalabka ilaalinta si loo yareeyo halista.

Khatarta Soomaaliya

Sida cudurkan ugu imaan karo Soomaaliya waxaa sabab u ah:

  • Socdaalka xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya
  • Ogaanshaha cudurrada oo daahi kara
  • Awoodda nidaamka caafimaadka xuduudaha Bariga oo meesha ka maqan
  • Wacyigelin bulshada oo hooseysa
  • Baraaruga Bulshada oo hooseeya
  • Xuduudaha dalka oo furan

Talooyin muhiim ah

  1. Ka fogaanashada xiriirka tooska ah: Iska ilaali taabashada qof looga shakisan yahay cudurka.
  2. Nadaafadda gacmaha: Gacmaha ku mayr biyo iyo saabuun si joogto ah.
  3. Qalabka badbaadada: Shaqaalaha caafimaadka iyo dadka la macaamila bukaananada waa inay isticmaalaan qalabka ilaalinta (PPE).
  4. Ka fogaanashada xayawaanka duurjoogta: Ha la macaamilin daanyeerrada iyo shimbiraha qaarkood.

Machadka Caafimaadka Qaranka wuxuu bulshada ugu baaqayaa in ay muujiyaan feejignaan iyo taxaddar. Wacyigelin, iskaashi iyo raacitaanka tilmaamaha caafimaad ayaa ah furaha ka hortagga faafitaanka Cudurka Marburg gudaha Soomaaliya.

How UAE meddling risks turning Somalia into the next Sudan

Mogadishu, Somalia — The unfolding tragedy in Sudan is a chilling warning for Somalia. What began as political manipulation and covert interference has erupted into a full-blown war. It has devastated one of Africa’s most resource-rich nations.

If Somalia does not act decisively, it may be next in line to suffer the same fate — fragmentation, proxy warfare, and national collapse orchestrated by foreign interests, particularly the United Arab Emirates (UAE).

The Sudan Parallel

Sudan’s current nightmare is not a coincidence. It is the result of calculated foreign meddling. Outside powers exploited internal divisions, armed rival factions, and turned national institutions into instruments of chaos.

The UAE, pursuing its strategic and economic ambitions in the Red Sea region, has been accused of fuelling the conflict by supporting both sides.

It has backed the Sudanese Armed Forces and the Rapid Support Forces at different times to keep Sudan in perpetual instability. This allows it to secure control over lucrative gold, port, and land assets while weakening Sudan’s sovereignty.

Meanwhile, similar patterns are emerging in Somalia. The Puntland region has quietly become a hub for arms smuggling and mercenary transfers linked to Sudan’s conflict.

Reports of covert UAE operations and arms shipments, including those detailed in investigations into Bosaso-based flights, point to a dangerous trend. It could drag Somalia into regional proxy wars and internal fragmentation.

The irony of Somalia’s role

The irony is sharp. Many of Somalia’s political and security leaders were educated in Sudan, taking advantage of its once generous scholarships and welcoming academic environment.

Yet instead of showing solidarity and practising responsible diplomacy, Somalia now risks becoming a platform for the same destabilisation that is destroying Sudan. Instead of fostering peace and shared prosperity, Somalia is being used as a tool to serve foreign interests that benefit from African division.

This is not simply a matter of misplaced foreign policy. It is moral decay at the heart of leadership. Allowing Somali soil to be used for arms transit and mercenary recruitment not only violates national sovereignty but also undermines regional peace.

It signals to the world that Somalia has learnt nothing from its own civil war. As a result, the country remains vulnerable to exploitation by those who see it as a pawn in larger geopolitical games.

UAE’s real agenda

The UAE’s goals in the Horn of Africa are not about friendship or development. They focus on resources and control — ports, minerals, fisheries, and strategic routes linking Africa to the Arabian Peninsula.

By deeply involving itself in Somalia’s political economy through investments with strings attached, the UAE aims to exert influence over key ports such as Bosaso and Berbera. It also seeks indirect control over Somali decision-making.

This influence is exercised not through diplomacy, but through divide-and-rule tactics.

It finances local leaders, trains security units outside government oversight, and cultivates loyalty among regional actors. These are the same methods used in Yemen, Libya, and Sudan — all countries now mired in chaos, disunity, and dependence.

The cost of inaction

If Somalia’s federal government does not act swiftly to curtail foreign interference, particularly from the UAE, it risks a catastrophic unravelling of state authority.

The growing autonomy of regional administrations like Puntland — bolstered by external support — is already eroding the unity of the Somali Republic.

A future in which Somalia mirrors Sudan’s fate is not far-fetched. It would mean competing armed groups, a paralysed government, and a humanitarian disaster beyond repair.

Somalia’s constitution and sovereignty must not be for sale. The time has come for the Somali leadership to draw a firm line — to reassert control over ports, airspace, and security policy. It must also audit all foreign military or economic engagements.

In the same way, neutrality and transparency must guide foreign relations, not personal enrichment or factional loyalty.

A call for strategic independence

Somalia must assert its independence in foreign policy. The country’s survival relies on leaders who look beyond immediate benefits and understand the risks of proxy involvement. Therefore, the government should:

1- Investigate and regulate all foreign military and intelligence activities on Somali soil.

2- Reinforce national control over arms imports and security cooperation agreements.

3- Coordinate regionally with neutral actors such as Kenya, Djibouti, and Tanzania to prevent arms flows and mercenary movements.

4- Maintain balanced diplomacy with Gulf states — including Qatar, Saudi Arabia, and the UAE — without falling under any bloc’s influence.

5- Empower national institutions to resist the infiltration of money politics that compromise Somalia’s sovereignty.

Conclusion

Somalia stands at a dangerous crossroads. The same shadowy forces that turned Sudan into a battlefield are already testing the waters in Puntland and beyond.

History is offering a lesson. Either Somalia takes decisive action to protect its sovereignty, or it will wake up one day to find itself a victim of the same fate it once pitied in others.

The choice is ours. But time is running out. 

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the official policy or position of Somalia Today.

Kadib guushii taariikhiga, Cumar Cartan oo farriin u diray Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa farriin usoo direy bulshada Soomaaliyeed kadib guushii taariikhiga aheyd ee xalay u soo hooyay Soomaaliya.

Garsoore Cumar Cartan ayaa ku guuleystay Billada Garsooraha Sannadka ee Afrika 2025 oo ay guddoonsiyeen Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF).

Garsooraha ayaa marka hore u mahad-celiyay bulshada Soomaaliyeed, ee sida weyn ugu farxay guushan qiimaha badan ee waddankeena iyo dadyowgeena Soomaaliyeed usoo hoyatay.

Intaas kadib, Cumar ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku booriyay inay ka fogaadaan wuxuu ugu yeeray “qabyaaladda iyo qurunka”, isla markaana ay mid ahaadaan, si aan adduunka ula tartansiin karno dalkeenna Soomaaliya.

Garsoore Cumar oo Soomaalida si weyn ugu dabaal-degtay guushiisa oo aheyd mid qaran, ayaa waxa uu astaan u yahay kartida, hal’adaygga, iyo xirfadda mihnadeed ee heerkeedu sarreeyo ee ay leeyihiin dhallinyaradeennu.

Cumar wuxuu abaalmarintan kula tartamay laba garsoore oo kale oo u dhashay dalalka South Africa iyo Mauritius. Guddiga abaalmarinta ee CAF ayaa ku dhawaaqay in guuleystaha sanadkan 2025 uu noqday Garsoorahan Soomaaliyeed.

Tan ayaa muujineysa horumarka iyo sumcadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka gaareen garsoorka ciyaaraha, taasoo dhiirrigelinaysa jiilka cusub ee ciyaartoyda iyo garsoorayaasha.

Hoos ka aqriso qoraalka Garsoore Cumar:

Proud to be Somalian & African

Maanta waa maalin weyn, magaca iyo sumcadda Soomaaliyeedna hawada ayay mareyso.

Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo Soomaali weyn sheegata oo i soo duceysay, kuna faraxday guushan qiimaha badan ee waddankeenna iyo dadka Soomaaliyeed u soo hoyatay.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan leeyahay: adduunka lama tartami karno oo keliya ee xitaa waan ka hormari karnaa, haddii aan wax qabsanno, qabiilka iyo qallooca ka dheeraanno, oo midnimo noqono.

Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo i soo hambalyeeysay. Iiguma soo hambalyeeysan inaad tihiino dadkaygii Soomaaliyeed oo magac dalka u keenay, waxaana ugu horreeya dhammaan madaxda dalka iyo shacabkayga qiimaha badan ee cirka i geeyey, abaalmarintaydana ka dhigay mida ugu qiimaha badan ee CAF ay bixiso sida ay ugu dabbaal-degeen darteed.

WAAN IDIN JECLAHAY, SOOMAALIWEYN

Somaliland oo wareejinaysa garoonka Hargeysa iyo xiisad xooggan oo taagan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan wareejinaysa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib heshiis maalgelin oo ay Somaliland la gashay shirkad lagu magacaabo International Maharat Investment.

Heshiiskan ayay Somaliland sheegtay inuu ku kacayo $70 milyan oo maalgelin ah, kaasi oo lagu sameyn doono garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Shirkaddan ayaa garoonka lagu wareejin doonaa bisha January ee sannadka soo socda, sida uu dhigayo heshiis ay xukuumadda Somaliland shirkaddan kula gaartay magaalada Dubai.

Shirkaddan ayaa loo saxiixay in si buuxda oo madax-bannaan, ayna ku maamuli doonto garoonka qaabkii ay doonto, taas oo saameyn ku yeelan doonta guud ahaan maamulka iyo shaqaalaha garoonka diyaaradaha Cigaal. Heshiiskan ayaa weli si daah-furan loogu soo bandhigin bulshada reer Somaliland.

Xiisad ka taagan wareejinta garoonka

Xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland iyo madaxdii hore ee maamulka ayaa si adag uga horyimid qorshaha ay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku wareejinayso garoonka Hargeysa, kaasi oo mad-madow badan ku gadaaman yahay.

Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo wararka isa soo taraya ee muujinaya in maamulka garoonka Hargeysa lagu wareejinayo shirkad lagu magacaabo International Maharat Investment, kadib marka heshiis ay la gasho Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Maddaaradu.

Xisbiga ayaa walaac ka muujiyay in illaa hadda xukuumaddu aysan xog rasmi ah ka soo saarin heshiiska wareejinta garoonka magaalada Hargeysa.

“Wararka uu Xisbigu helayaa waxa ay tibaaxayaan in 48-kii saacadood ee u dambeeyay la qaaday tallaabooyin wax lagaga beddelayo maamulka iyo shaqaalaha Madaarka, taas oo muujinaysa in ay socoto dhaqangelin heshiis aan la shaacin oo si hoose loo wado,” ayuu Xisbiga Kulmiye ku yiri qoraal uu soo saaray.

Xisbiga ayaa ka digay in heshiis qarsoodi ah lagu wareejiyo madaarka, maadaama illaa hadda aan si rasmi ah loo horgeynin Golaha Wakiillada Somaliland.

“Xisbiga Kulmiye waxa uu u soo jeedinayaa xukuummada in ay ka fiirsato in ay gacmo gaar ah (private) oo weliba shirkado Ajnabiya gacanta loo geliyo madaarka Cigaal ee Hargeysa, maadaama hore loo kireeyay Madaarka caalamiga ah ee Berbera.”

Hoos ka aqriso qoraalka xisbiga oo dhameystiran:

Xisbiga KULMIYE waxa uu si dhow ula socdaa wararka isa soo taraya ee muujinaya in maamulka Maddaarka Hargeysa lagu wareejinayo shirkad lagu magacaabo International Maharat Investment, kadib marka heshiis ay la gasho Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Maddaaradu, iyada oo ilaa imika xukuumaddu waxa xog ah oo rasmi ah aan ka soo saarin.

Wararka uu Xisbigu helayaa waxa ay tibaaxayaan in 48-kii saacadood ee u dambeeyay la qaaday tallaabooyin wax lagaga beddelayo maamulka iyo shaqaalaha Madaarka, taas oo muujinaysa in ay socoto dhaqangelin heshiis aan la shaacin oo si hoose loo wado.

Xisbiga KULMIYE, waxa uu aaminsan yahay in loo baahan yahay maalgashi lagu horumarinayo kaabayaasha dalka, waxase lagama maarmaan ah in heshiisyada xukuumaddu galaysaa aahaadaan kuwo u hoggaansama xeerarka dalka, isla markaana ay faa’iido ugu jirto Qarankan.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 12 faqraddiisa 5aad waxa ay sheegaysaa in xukuumaddu ku tasarrufi karto hantida iyo khayraadka dalka marka ay xeerarka dalka waafaqsan yihiin.

Sidoo kale, Qodobka 53aad farqaddisa 3aad waxa ay qeexaysa heshiisyada caalamiga ah ee siyaasadeed, maaliyadeed iyo nabadgalyo la hor geeyo Golaha Wakiillada ka hor inta aan la dhaqangelin.

Haddaba, maddaarka Hargeysa oo ah astaanta qarannimo il-dhaqaale oo muhiim u ah ganacsiga iyo goob qiimo gaar u leh dalka, Xisbiga Kulmiye waxa uu u arkaa ilaa hadda sida uu heshiiskani u socdo in la qaaday tallaabooyin aan laga fiirsan, balse keliya aad moodo in muhiidda la siinayo dano xaqul-qalin.

Sidaa darteed, heshiiska kasta oo maalgelineed oo xukuumaddu galayso waxa lagama maarmaan ah:

• In uu waafaqsan yahay qodobada Dastuurka JSL.
• In la horgeeyo Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan.
• In loo soo bandhigo bulshada xog dhammaystiran oo la xidhiidha heshiiska.

Waxa xusid mudan in ay jiraan shaqaale tiradadoodu tahay dhawr boqol oo ka shaqeeya Madaarka Hargeysa oo ilaa imika aan xaaladddoodu aanay caddayn meesha ay ku danbayn doonaan.

Ugu dambayn, Xisbiga KULMIYE waxa uu u soo jeedinayaa xukuummada in ay ka fiirsato in ay gacmo gaar ah (private) oo weliba shirkado Ajinabiya gacanta loo geliyo madaarka Cigaal ee Hargeysa, maadaama hore loo kireeyay Madaarka caalamiga ah ee Berbera.

SOMALILAND oo soo saartay amar yaab leh oo ka dhan ah Muqdisho

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in rakaabka ka dhoofaya magaalada Hargeysa ama u soo socda aan la marin karin magaalada Muqdisho (transit to/from Mogadishu).

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland ayaa lagu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo sababo amni darteed, maadaama ay wasaaraddu ku dooday in halis horseedi karto in muwaadiniinta Somaliland ay transit ku noqdaan Muqdisho inta ay safarka ku jiraan.

Wasaaraddu ayaa sheegtay in tallaabadani ay la jaanqaadayso waajibaadka ay ka leedahay ilaalinta badqabka rakaabka, iyadoo raacaysa qodobbada ku jira Lifaaqa 17-aad ee shuruucda ICAO. Sida ku xusan war-saxaafadeedka, laga bilaabo 1-da December 2025, waxaa gebi ahaanba la mamnuucay in rakaab Hargeysa ka dhoofaya ama kusoo socda uu ku hakado Muqdisho.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu wargeliyay inay si deg-deg ah uga saaraan nidaamyadooda tikidhada duulimaadyada transit-ka ee magaalada Muqdisho, maadaama ay arrintu khusayso amniga iyo ilaalinta rakaabka, sida ay sheegtay.

“Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarradda waxa ka go’an ilaalinta shuruucda caalamiga ah iyo kuwa qaranka ee amniga/badqabka iyo duulimaadyada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda.

Tallaabadan cusub waxay kusoo beegmaysaa iyadoo khilaaf ku saabsan maamulka hawada uu weli ka dhex aloosan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo kasii daray markii Muqdisho ay dhaqan-gelisay nidaamka cusub ee dal-ku-galka elektaroonigga, kaas oo dadka Hargeysa u socda ku qasbaya oggolaansho ay soo saarto Dowladda Federaalka.

Somaliland ayaa sidoo kale dhawaan sii deysay in dhammaan diyaaradaha hawadeeda dul mara ay amar ka qaataan garoonka Cigaal ee Hargeysa, iyadoo sheegtay in qayb ka mid ah diyaaradaha ay aqbaleen amarka, halka qaarna ay go’aansadeen inay ka baxaan hawada Somaliland.

Dhanka kale, shirkadaha duulimaadyada ka hawl-gala Somaliland ayaa qaarkood joojiyay in rakaabka Hargeysa u socda lagu qasbo dal-ku-galka Soomaaliya, kadib markii la jabsaday nidaamka dal-ku-galka ee e-Visa, taas oo keentay in xogtooda ay baxdo dad lagu qiyaasay ku dhowaad 35,000 oo qof.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in ay baaritaan ku wado arrintaas iyo sida ay ku dhacday, iyadoo qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si uu usii shaqeeyo nidaamkan cusub.

Farmaajo oo diidmo adag kala horyimid DF + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhawaan uun dib ugu soo laabtay dalka ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda federaalka, isagoo kahor yimid qorshaheeda ku aadan doorashooyinka dalka.

Farmaajo ayaa si cad uga hoyryimid in shaqaalaha dowladda lagu cadaadiyo in si qasab ah ah ay uga mid noqdaan urur siyaasadeed gaar ah oo uu kala jeeday midka Madaxweyne ee JSP, kaas oo maalmahaan olole xooggan ka waday degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay ka hor imaaneyso shuruucda dalka iyo xeerka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliyeed.

“Muwaadinkan in lagu colaadiyo, shaqadiisiina laga qaado si loogu khasbo ka mid noqoshada urur-siyaasadeed gaar ah waxa ay ka soo horjeeddaa shuruucda dalka, xeerka shaqaalaha rayidka ah iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee xuquuqul iinsaanka,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu cambaareeyay xarigga Kaamil Cabdi Macow oo hadda u xiran dowladda Soomaaliya, isaga oo sharci darro ku tilmaaya xarigga wiilkan dhalinyarada ah.

“Sida ugu adag ayaan u cambaareynaynaa xarigga sharci darrada ah iyo tacadiga lagula kacay Kaamil Cabdi Macow oo ka mid ah dhallinyarada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dhallinyarada iyo dimuqraadiyadda, kaas oo dhowr maalmood si sharci darro ah ugu xiran magaalada Muqdisho,” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in si deg-deg ah loo sii daayo Kaamil, isla markaana loo soo celiyo xuquuqdiisa shaqaalenimo oo uu sheegay in si qasab ah looga qaaday.

“Dowladda waxaan ku adkaynaynaa in ay degdeg u sii deyso muwaadinkan, loona so celiyo xuquuqda shaqaalenimo ee la duudsiiyey” ayuu qoraalka kusoo gabagabeeyay.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana la’isku hayaa hannaanka doorashooyinka oo uu ka taagan yahay khilaaf xooggan oo u dhexeeyo Villa Soomaaliya, Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka la baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza: Sooomaaliya mustaqbalkeeda waxaa fure u ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in si dalkeennu mustaqbal u yeesho ay fure u tahay in ilmaha Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan loo abuuro.

Xamza ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 10-aad ee ka soo wareegtay ku biiristii Soomaaliya ee Heshiiska Xuquuqda Carruurta (CRC) ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay xaaladda carruurta Soomaaliyeed, halista ay wajahaan, iyo duruufaha adag ee weli caqabad ku ah korriinkooda, badqabkooda iyo helitaanka xuquuqdooda aasaasiga ah.

“Dhibaatooyinka haysta ilmaha Soomaaliyeed waxaa kamid ah tahriibka oo ay dhibaatooyin badan ku haystaan badaha iyo saxaraha; marin-habaabinta argagixisada; qabyaaladda; daroogada; iyo ku shaqaysashada carruur aan qaan-gaarin oo la rabo in mustaqbalka looga dilo,” yuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu sheegay sida ay uga go’an tahay xukuumadda Dan-Qaran ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, iyada oo la sameeyey shuruuc iyo siyaasado muhiim ah oo dhowraya xaqa ay leeyihiin.

Waxa uuna xusay mudnaanta ay leedahay in la xaqiijiyo in dhammaan ubadka Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh iyo adeeg caafimaad oo habboon.

“Waxaa noo muuqatay haddii ilmuhu waxbarasho la’aan yahay, in ay la mid tahay dalka oo aan mustaqbal lahayn, si dalkeennu mustaqbal u yeesho, waxaa fure u ah in ilmaha Soomaaliyeed mustaqbal loo abuuro oo ay helaan waxbarasho iyo barbaarin wanaagsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Wasaaradda iyo Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Aadanaha Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, dadaalka ay ugu jirto horumarinta iyo difaacidda xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Waxa uuna ku boorriyay dhammaan hey’adaha dowliga ah, bulshada rayidka ah iyo hey’adaha caalamiga ah in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta iyo horumarinta ubadka Soomaaliyeed.

Mogadishu hosts King’s Birthday amid warm UK–Somalia ties

0

Mogadishu, Somalia — The British Embassy in Mogadishu has marked the birthday of King Charles III with a reception in the Somali capital, bringing together senior Somali leaders, diplomats, and business figures, and highlighting warm UK–Somalia relations.

The event took place on November 19, 2025, inside the fortified embassy compound. Somalia’s Prime Minister Hamza Abdi Barre attended alongside cabinet ministers, representatives of international organisations, and civil society leaders.

Embassy staff said they wanted a more personal gathering than a standard protocol reception and aimed to show how the partnership between the United Kingdom and Somalia plays out in daily life.

The King’s Birthday Party has become a regular public diplomacy event for the United Kingdom in Somalia. This year’s reception mixed short speeches with music, food, and informal conversations.

Guests moved between stalls, spoke with embassy teams, and posed for photos. At the same time, officials pointed to Somali partners they described as “changemakers” in government, business, and culture.

Partnership on display

British and Somali officials used the evening to outline areas of cooperation in education, health, and economic reform.

They also cited support for Somalia’s security institutions, joint work on maritime security, climate resilience projects, and efforts to strengthen public financial management.

According to the embassy, these programmes show how UK–Somalia relations now extend beyond traditional aid.

British Ambassador Charles King, hosting his first King’s Birthday Party in Mogadishu, said the celebration offered a chance to recognise Somalis who drive change in their communities.

“This is my first King’s Birthday event here, and I could not think of a better way to mark it than in the company of Somali changemakers — young scholars, government officials, entrepreneurs and innovators who are shaping the Somalia of tomorrow,” King said, praising guests for work that, in his words, “keeps our relationship strong and successful”.

“The UK is proud to stand with Somalia as a steadfast partner,” he added. He said the relationship rests on “trust, respect and shared ambition”.

He pointed to personal ties between British and Somali counterparts — from senior ministers to technical experts — as a key factor in keeping cooperation aligned with Somalia’s shifting priorities.

Somali officials at the event welcomed the United Kingdom’s role in supporting the federal government during a period of political transition, economic pressure, and persistent security threats from armed groups.

They said external partnerships will remain crucial as Somalia seeks debt relief, reforms state institutions, and expands basic services such as schools, hospitals, and roads.

Culture and photos

Visually, the reception drew on the idea of a British country fair. Embassy staff served fish and chips and other British-style snacks. At the same time, Somali dancers performed to live music in the courtyard.

A classic London black cab parked inside the compound functioned as a photo booth and a reminder of the UK capital.

Guests said the lighter tone provided a rare social evening in a city still defined by blast walls and checkpoints.

Embassy staff said they hoped the mix of music, food, and informal discussion would make it easier for people from different institutions to talk outside formal conference settings.

Officials also stressed that the King’s Birthday Party forms only one part of a wider diplomatic effort.

The United Kingdom finances programmes on education, job creation, and policing, and works with local and federal authorities as they extend services and respond to recurring droughts and floods across Somalia.

Calendars of resilience

A central feature of the evening was the launch of a 2026 wall calendar backed by Somali firms Hormuud, Whitestar, and Salaam Bank. Organisers selected the images through a nationwide photography competition.

The photographs show everyday life and resilience across the country, from coastal towns and rural landscapes to crowded markets and fast-growing city streets.

Guests received copies of the calendar as gifts. Embassy officials said the project aims to present Somalia through the eyes of local photographers at a time when international coverage often focuses on conflict and political crisis.

Each image, they said, underlines that most Somalis experience their country through ordinary routines, work, and family life.

Guests and embassy staff are sharing photos and short videos from the reception on social media under the hashtag #KBPMogadishu, extending the event’s reach beyond the compound.

Officials hope those posts, alongside the calendar images, will feed a broader discussion about how Somalia is perceived abroad.

Although largely ceremonial, the reception carried a clear political signal, officials from both sides said.

Despite security threats, climate shocks, and economic strain in the Horn of Africa, they argued that the partnership between Somalia and the United Kingdom remains active, visible, and focused on Somalia’s long-term stability.

Sawirro: Golaha Wasiirrada oo ansixiyay shuruuc iyo heshiis lala soo galay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey shuruuc iyo hehsiis muhiim u ah dalka oo lala soo galay dalka Rwanda, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey;

1.⁠ ⁠Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku saabsan iskaashiga guud ee labada dal.

2.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga, oo ilaalinaya xuquuqda haweenka, loogana hortagayo tacaddiyada loo geysto.

3.⁠ ⁠Istaratiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta ka qeybgalka haweenka ee hormarka dalka.

4.⁠ ⁠Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura, si Soomaaliya uga mid noqoto wadammada ka faa’iideysta adeegyada iyo cilmi-baarista dayax-gacmeedyada.

5.Istaratiijiyadda Qaranka ee Dekedaha

Sidoo kale shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira ammaanka guud ee dalka, Shirweynihii Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed iyo Arrimaha Abaaraha.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, oo shirks goobjoog ayaa ayaa golaha u soo bandhigay warbixin la xiriirta dadaallada gurmadka ee socda iyo qorshaha looga jawaabayo wax ka qabashada abaaraha , iyada oo dad dhan 4.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faray hey’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrintan in ay si deg-deg ah uga jawaabaan oo gurmad lala gaaro shacabka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeelatay abaarta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo magacaabay xil sare

0

Muqdisho (Caasimad Onlie) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegto soo saaray ayaa maanta magacaabay La-taliyaha sare siyaasadda iyo isku-duwaha barnaamijyada la xiriira ee xafiiskiisa.

Xilkan ayaa waxaa horey u hayey Aweys Xaaji oo hadda ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xilkan u magacaabay Yaxya Ibraahim Macallin oo noqonaya la-taliyaha sare siyaasadda iyo isku-duwaha barnaamijyada la xiriira ee xafiiska Madaxweynaha.

Yahya Ibraahim oo ahaa bare jaamacadeed ee waddanka UK, ayaa aqoon iyo khibrad wanaagsan u leh arrimaha siyaasadda, dowlad dhiska, cilmi baarista, xiriirka Caalamiga, horumarinta dhaqaalaha, aqoonta iyo diyaarinta jiilka cusub ee hoggaamiyeyaasha.

Sidoo kale, waxa uu muddo ka soo shaqeynaayey xalinta khilaafaadyada colaadaha, isaga oo shahaadooyinka sare ee Master iyo PhD ka diyaariyey Jamacadaha Northampton iyo Birmingham ee dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Dr Yaxya ka rajeynayo in uu door muuqdo ka qaato daadejinta siyaasadaha iyo horumarinta istaraatiijiyadda Qaranka ee xafiiska Madaxweynaha

Waxaa kale oo uu hubinayaa in go’aannada muhiimka ah ay ku saleysan yihiin caddayn, cilmi-baaris iyo la falgelidda duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya, si loo xoojiyo isku-duwidda, nidaamka iyo midnimada ujeeddoyinka Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo war soo saaray kadib guushii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay guusha wayn ee uu Soomaaliya usoo hooyay garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan oo xalay ku guuleystay Billada Garsooraha Sannadka ee Afrika 2025 oo ay guddoonsiyeen Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF).

Farmaajo ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha uu soo hooyay garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan oo wiil dhalinyaro ah oo firfircoon.

Sidoo kale, wuxuu si gaar ah u boggaadiyay dadaalka uu la yimid garsooraha oo bandhig wayn oo lala dhacay ka sameeyay fagaaraha ciyaaraha ee caalamka.

“Hambalyo iyo bogaadin ayaan u diraynaa Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ku guuleystay garsooraha ugu wanaagsan heer Afrika ee sannadka 2025”. ayuu yiri Farmaajo.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Guushan waxa ay muujinaysaa firfircoonida iyo hal-aburka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sida ay u soo hoyn karaan guulo waaweyn, haddii la siiyo fursado ku habboon iyo garab istaag muuqda”.

Garsoore Cumar wuxuu abaalmarintan kula tartamay laba garsoore oo kale oo u dhashay dalalka South Africa iyo Mauritius.

Ugu dambayn, guddiga abaalmarinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa ku dhawaaqay in guuleystaha sanadkan 2025 uu noqday Garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan.

Hambalyadan iyo aqoonsiga Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF) ayaa muujinaya horumarka iyo sumcadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka gaareen garsoorka ciyaaraha, taasoo dhiirrigelinaysa jiilka cusub ee ciyaartoyda iyo garsoorayaasha.

Maxkamad hakisay xubnihii Somalia ee baarlamanka EALA kadib eedo musuq-maasuq

0

Naiorbi (Caasimada Online) — Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Kenya weydiisatay inay garab ku siiso sidii meesha looga saari lahaa is-mari-waa dhanka sharciga ah oo xayiraad geliyey kuraastii ay Soomaaliya ku lahayd Baarlamaanka Gobolka Geeska Afrika (EALA), xilli toddobaadyo ka hor uun ay Muqdisho soo dooratay sagaalkii wakiil ee ugu horreeyey ee matali lahaa qaranka. 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo booqasho ku tegay magaalada Nairobi, ayaa kulan xasaasi ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya, Moses Wetang’ula.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Kenya ka dalbaday inay adeegsato miisaankeeda siyaasadeed ee gobolka si Soomaaliya ay uga gudubto dacwadda hortaagan xildhibaannadeeda ee ka furan Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika (EACJ).

Wetang’ula ayaa xaqiijiyey in Guddoomiye Aadan uu si gaar ah ugala hadlay sidii loo soo afjari lahaa caqabaddan, taas oo gebi ahaanba hakad gelisay dhaarinta ergada Soomaaliya, isla markaana dib u dhigtay in Soomaaliya ay si buuxda u fariisato kuraasteeda xarunta baarlamaanka gobolka ee magaalada Arusha.

Maxay yihiin caqabadda sharciga?

Soomaaliya ayaa noqotay xubinta siddeedaad ee Ururka Iskaashiga Geeska Afrika (EAC) dabayaaqadii sannadkii 2023, iyadoo dhammaystirtay hannaanka ansixinta horraantii sannadkan. Bishii Oktoobar, Baarlamaanka Federaalku wuxuu doortay sagaal xubnood oo dalka u matali lahaa EALA, iyadoo la raacayo shuruucda ururka ee dhigaya in baarlamaannada qaranku ay soo doortaan wakiillada.

Hase yeeshee, koox xildhibaanno Soomaali ah ayaa dacwad ka dhan ah doorashadaas u gudbiyey Maxkamadda EACJ ee fadhigeedu yahay Arusha. Xildhibaannadan ayaa ku doodaya in hannaankii soo xulista uu baal-maray shuruucda aasaasiga ah ee ururka, gaar ahaan qodobbada ku saabsan kala duwanaanshaha siyaasadeed, daah-furnaanta, iyo xaqiijinta matalaadda haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Dacwoodayaasha ayaa sheegay in geeddi-socodka oo dhan lagu soo koobay muddo shan maalmood gudahood ah, isla markaana musharrax kasta laga qaaday lacag diiwaangelineed oo gaaraysa ku dhowaad US$10,000.

Waxay ku eedeeyeen in liiska kama dambaysta ah lagu saleeyey eex iyo qaraabo-kiil, laguna soo koobay shakhsiyaad xiriir dhow la leh madaxda sare ee dalka, halkii laga hubin lahaa inuu ka dhex muuqdo aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Maxkamadda ayaa kaga jawaabtay amar kumeel-gaar ah oo xayiraad saaray dhaarinta sagaalka xubnood ee Soomaaliya ilaa inta laga garnaqayo dacwadda rasmiga ah. Ilaa hadda ma jiro waqti cayiman oo loo qabtay dhagaysiga dacwadda, taas oo ka dhigan in kuraasta Soomaaliya ay bannaanaan doonaan xilli hawlaha kale ee baarlamaanka gobolku ay si caadi ah u socdaan.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in doorashadu u dhacday si waafaqsan xeerarka dalka, waxayna wacad ku mareen inay kiiska iska difaaci doonaan. Waxay ku doodayaan in murankan uusan noqon mid carqaladeeya dadaalka ballaaran ee dalku ugu jiro inuu si buuxda u dhexgalo hay’adaha kala duwan ee EAC.

Dadaallada Aadan Madoobe

In kasta oo saraakiishu ku tilmaameen booqashada Guddoomiye Aadan Madoobe mid sharafeed, haddana indha-indheeyayaashu waxay u arkaan dadaal dublamaasiyadeed oo heer sare ah. Wetang’ula, oo ah rug-caddaa siyaasadeed oo khibrad dheer u leh arrimaha gobolka, ayaa door muhiim ah ku leh siyaasadda sharci-dejinta ee EAC.

Kaddib kulankooda, Wetang’ula wuxuu sheegay in Kenya ay taageerayso xal kasta oo dhowraya heshiiska EAC iyo madaxbannaanida baarlamaanka Soomaaliya.

Labada guddoomiye ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo Kooxda Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Kenya, si loo dardargeliyo iskaashiga loona maareeyo arrimaha xasaasiga ah ee gobolka.

Guddoomiye Aadan, oo dhawaan loo doortay Guddoomiyaha Xafiiska Guddoonka Baarlamaannada EAC, ayaa sidoo kale raadinayey taageero la xiriirta xilkaas cusub ee gobolka. Wetang’ula ayaa ballanqaaday “taageero hagar la’aan ah” si Soomaaliya ay booskeeda uga xaqiijiso dhammaan hay’adaha ururka marka la xalliyo kiiska maxkamadda.

Soomaaliya ayaa weli qorsheynaysa inay ka qayb-gasho hawlaha kale ee baarlamaanka in kasta oo kuraasteedii EALA ay xayiran yihiin.

Guddoomiye Aadan ayaa xaqiijiyey in Baarlamaanka Federaalku uu koox u diri doono Ciyaaraha Baarlamaannada EAC oo ka dhici doona Kampala inta u dhaxaysa 5–15 Disembar, isagoo sheegay in xildhibaannadu ay doonayaan inay sii dhex joogaan ururka inkastoo uu jiro loolan sharci.

Waqtigan xaadirka ah, sagaalkii xildhibaan ee la doortay ayaa ku xayiran magaalada Muqdisho.

Go’aanka kama dambaysta ah—ha noqdo in xubnahan sida ay yihiin lagu dhaariyo, ama in isbaddal lagu sameeyo amarka maxkamadda awgiis—ayaa noqon doona imtixaan culus oo lagu eegayo sida ururka EAC iyo xubintiisa ugu cusub ay u tixgeliyaan mabaadi’da dimoqraadiyadda gobolka iyo hufnaanta matalaadda.

Daawo: DF oo qaaday tallaabo muhiim u ah QOF iyo COD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sii dardargelineysa qorshaheeda la xiriira hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah oo uu haatan ka taagan yahay muran xooggan oo sababay khilaaf u dhexeeya Villa Somalia iyo mucaaradka dalka.

Booliska Soomaaliya oo ka shaqeyn doona amniga doorashooyinka ayaa hadda qaaday tallaabo muhiim ah oo ku aadan doorashooyinka la filayo inay ka bilowdaan magaalada Muqdisho.

Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi ayaa tababar la xiriira arrimaha doorashooyinka usoo xiray 35 sarkaal oo kamid ah ciidanka Booliska, isaga oo u jeediyay dardaaran culus oo la xiriira sugidda amniga doorashada iyo dadka ka qayb-galaya.

Macallin Mahdi ayaa faray saraakiisha uu la hadlay inay dhex-dhexaad u noqdaan xisbiyada tartamaya iyo musharraxiinta ku loolami doono kuraasta golaha deegaanka ee degmooyinka, si ay doorashada u noqoto mid hufan oo si cadaalad ah u dhacda.

“Marka la yiraahdo doorasho dadweyne waa wax loo siman yahay ma aha inaa taqaanid sarkaalka Booliska ah, mana ah qofkii uu yaqaanay inuu ka fadli badan yahay qofka uusan garaneyn dadka tartamaayo ee golaha deegaanka waa kuu siman yihiin xisbiyada waa isku mid ” ayuu yiri Macallin Mahdi.

Waxaa kale oo uu ku daray “Dadka la rabo inay ilaalshaan hufnaanta doorashada iyo habraaceeda waxaa saldhig u ah Booliska waxaana xambaarsan tihiin kalsoonida shacabka”.

Ugu dambeyn wuxuu kula dardaarmay guud ahaan ciidanka sugaya amiga doorashooyinka inay u naxariistaan shacabka, gaar ahaan kuwa nugul ayna ugu adeegaan si cadaalad ah.

“Waxaa idin quseeya qofka muwaadinka ah ee u yimid inuu codeeyo inuu leen galo, dadka jilicsan inaa ilaalisaan, gaar ahaan dadka naafada ah, hooyooyinka iyo waayeellada” ayuu mar kale yiri taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Jubaland oo toogasho ku fulisay Jeelle Maxamed + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) –  Maamulka Jubbaland ayaa maanta toogasho ku fuliyay Jeelle Maxamed Cismaan oo ay shalay uun dil ku xukuntay Maxkamadda degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, kadib markii lagu helay fal dil ah.

Ninkan ayaa mindi ku gowracay wiil 14 jir ahaa, isaga oo sidoo kale dhaawacay wiil kale oo yar, waxaana shalay galab lagu riday xukun dil ah oo isla maanta lagu fuliyay.

Jeelle ayaa waxaa horey gacanta ugu soo dhigay Booliska degmada Dhoobley, kuwaas oo baaritaanno dheer kadib kiiska u gudbiyay maxkamadda oo ugu dambeyn go’aan ka gaartay, kadibna toogashada ku fulisay.

Sidoo kale waxaa goobta dilka uu ka dhacay joogay ehellada wiilka yar ee sida arxan darrada ah loo dilay iyo qaraabada eedeysanaha xukunka dilka lau riday, kuwaas oo soo dhaweeyay go’aanka Jubbaland.

Falkaasi naxdinta leh ee lagu gowracay wiilka 14 jirka ahaa ayaa dhacay habeenimo, xilli ay labada wiil ay kasoo laabanayeen Dugsi Quraan, sida uu horay u sheegay Boolisku.

Dadweynaha iyo ehellada ilmaha yar ayaa soo dhaweeyay tallaabada Maxkamadda, maadaama la toogtay gacan ku dhiiglaha oo wajahay wixii uu ka helay cadaaladda.

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ka falceliyay go’aanka deg-degga ah ee ay Jubbaland ka gaartay kiiskan, waxayna soo dhaweeyeen in cadaalad uu helay wiilkii yaraa ee sida arxan darrada ahayd loogu dilay Dhoobley.

Si kastaba, ha’ahaatee, Waxaa sanadihii u dambeeyay kordhay dilalka aragagaxa ah ee ka dhex dhacaya deegaanada iyo degmooyinka dalka, waxaana ugu dambeeyay fal naxdin leh oo dhawaan lagu gubay oday 70 jir ahaa oo qabiil darteed loogu dilay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Trump oo Mohamed bin Salmaan ka aqbalay qorshihii ka dhanka ahaa Imaaraadka

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaca ka qaaday inuu si toos ah u soo faragelin doono dagaalka sokeeye ee aafeeyey dalka Suudaan, tallaabadaas oo uu sheegay inay ka dhalatay codsi uga yimid Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.

“Dhaxal-suguhu wuxuu iga codsaday inaan tallaabo aad u culus ka qaado xaaladda Suudaan. Inkastoo aanay qorshahayga ku jirin inaan arrintaas lugaha la galo,” ayuu yiri Trump, isagoo ku tilmaamay dagaalka socda “mid waalli ah oo faraha ka baxay.”

Isagoo si toos ah u la hadlaya Dhaxal-sugaha Sacuudiga, oo booqasho ku jooga Washington, wuxuu Trump yiri: “Waan arkaa sida ay arrintani muhiim kuugu tahay… Sidaas darteed, waxaan billaabi doonnaa inaan ka shaqeyno arrimaha Suudaan.”

Toddobaadkii hore, Middle East Eye ayaa baahisay in Maxamed Bin Salmaan uu qorsheynayey inuu Trump kala hadlo taageerada ay Imaaraatku siiyaan kooxda Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee dagaalku kala dhexeeyo milatariga Suudaan.

Go’aanka hoggaamiyaha Sacuudiga ayaa yimid kadib markii ay cirka isku shareereen xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Riyaad iyo Abu Dhabi. Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa u xaqiijiyey Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), Cabdifataax Al-Burhaan, inuu Trump kala hadli doono xal u helidda dagaalkan.

“Wuxuu [Dhaxal-sugaha Sacuudigu] arkaa fursad dahabi ah oo uu ku kala kaxeyn karo, kuna kala dhex-geli karo Trump iyo MBZ,” ayuu yiri sarkaal Reer Galbeed ah oo xog-ogaal u ah qorshayaasha laga damacsan yahay Suudaan, isagoo ula jeeda Madaxweynaha Imaaraatka, Maxamed Bin Saayid Al Nahyaan.

“Xasuuq ba’an iyo falal arxan-darro ah ayaa ka socda Suudaan. Waxay noqotay goobta ugu rabshadaha badan Dunida, waana dhibaato bani’aadannimo tii ugu weyneyd,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social, wax yar kadib markii uu ballan-qaadka u sameeyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Doorka Imaaraatka iyo cadaadiska diblomaasiyadeed

Ilo wareedyo Suudaani ah oo xog-ogaal u ahaa wicitaankii horey u dhex maray Maxamed Bin Salmaan iyo Jeneraal Burhaan, ayaa sheegay in Burhaan uu u caddeeyey Dhaxal-sugaha inaanay jirin qaab dagaalka Suudaan lagu soo afjari karo iyadoo aan cadaadis Mareykan ah la saarin dowladda Imaaraatka. Ilo wareedka ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ballan-qaaday inuu arrintaas hordhigi doono Trump.

Diblomaasi Carab ah oo ku sugan gobolka ayaa isna sheegay in Abu Dhabi ay sii filaysay in booqashada Maxamed Bin Salmaan ee Washington ay horseedi doonto cadaadis horleh oo kaga yimaada dhanka Mareykanka.

Kadib warbixintii Middle East Eye, waxaa soo ifbaxay calaamado muujinaya in Mareykanku uu ka sii samrayo, una dulqaad la’yahay hab-dhaqanka Imaaraatka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa si kulul u cambaareeyey taageerayaasha kooxda RSF, isagoo aan si toos ah magaca Imaaraatka u xusin. Imaaraatku wuxuu si joogto ah u beeniyaa inuu taageero kooxdan, in kasta oo ay jiraan caddeymo badan oo muujinaya cagsigeeda.

“Waxaan aaminsanahay in dhibaatadeenna ugu weyn hadda—iyadoo aanan cidna farta ku fiiqayn, laakiin ay waajib tahay inaan tilmaamno—ay tahay waxa RSF ay sameysay toddobaadyadii la soo dhaafay. Kooxdani ma lahan awood ay hub ku sameysato. Waxaa jira cid siineysa dhaqaalaha iyo cid siineysa hubka, wuxuuna hubkaasi soo marayaa dalal kale,” ayuu yiri Rubio.

Wuxuu intaas ku daray: “Waan ognahay cidda ay yihiin, waana kala hadli doonnaa arrintan, waxaana fahamsiin doonnaa in tani—haddii aanan joojin karin—ay sumcad xumo ku tahay iyaga, adduunkana ay ku tahay ceeb.”

Bishii Janaayo 2024, Middle East Eye ayaa daabacday in Imaaraatku uu hub u gudbinayey RSF, isagoo isticmaalaya shabakad isku xiran oo isugu jirta xulafadiisa iyo marinno soo mara Liibiya, Jaad, iyo Uganda.

Dagaalka Suudaan ayaa qarxay bishii Abriil 2023, kadib markii xiisado muddo huursanaa ay gacan-ka-hadal isku beddeleen, kuwaas oo u dhexeeyey Ciidamada Milatariga (SAF) ee uu hoggaamiyo Burhaan iyo kuwa RSF ee uu hoggaamiyo Taliyihii hore ee Janjaweed-ka, Maxamed Xamdaan Daqalo (oo loo yaqaan Xamedti)—ninkan oo ah saaxiib dhow oo ay leeyihiin Imaaraatku.

Inkastoo Sacuudigu uu isku dhigay dhex-dhexaadiye, haddana ilo wareedyo badan oo Suudaani iyo Reer Galbeed isugu jira ayaa sheegay in Riyaad ay doorbideyso xasilloonida la aaminsan yahay inuu keeni karo garabka Milatariga ee SAF.

Galmudug oo qaaday tallaabo si weyn loo boggaadiyay kadib markii..

0

Guriceel (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa si weyn loogu boggaadiyay tallaabadii uu qaaday gelinkii dambe ee shalay, kadib markii uu toogasho ku fuliyay Cabdifataax Cali Xasan oo dhawaan dil ka gaystay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Galmudug ayaa dadajisay toogashada marxuumka oo shalay uun ay dil ku xukuntay Maxkamadda Gobolka Galgaduud, kadib markii ay ku heshay caddeymo muujinaya dil bareer ahaa oo uu 16-kii bishan u gaystay ganacsade lagu magacaabi jiray Deeq Cabdi Jaamac.

Garsooraha Maxkamadda oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in xukunka loo fududeeyay, si farriin culus loogu diro shaqsiyaadka dilalka aanooyinka qabiil ka gaysta deegaannada Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay u digayaan maleeshiyaadka beeleelaha ee colaadda ka wada gobollada dhexe oo muddooyinkan ay ka dhacayeen falal fool xun oo ka dhashay aanooyinka qabiil.

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ka falceliyay go’aanka deg-degga ah ee ay Galmudug ka gaartay kiiskan, waxayna soo dhaweeyeen in cadaalad uu helay ganacsadihii dhawaan lagu dilay gudaha magaalada Guriceel.

Cabdirisaaq Soomaali: “Qisaasta waxaa idinku sugnaatay nolol Alle kitabkiisa Qur’qanka ku yiri reer Guriceelna guuleysta idin leyahay qofkii dilaa qof asagana waa la dilaa i.a Alle ha naxariisto labadaba”.

Canab Gaani: “Maasha allah xaqiiqdii waa arrin loo baahan yahay, taaasina dadka waa kala badbadayaan”.

Maxamed Xaashi: “Ilaahey ha u naxariisto labda marxuum dadka reer Galmudug oo idinla daga waxaan leeyahay ku deyda bulshada reer Guriceel tilaabada ay qaadeen taasoo ay ka dhaxli doonaan naabad iyo barwaaaqo”.

Ubax Salaad: “Waxaan sugnaaba 6 eedeysane ee dilay hooyadii iyo gabdhaheydiii in tiirka la geeyo galabta Sabtida Insha allah”.

Maxamed Daahir: “Maanta wuxuu dareemay khaladka uu ku dhacay ?se Eebe weyn ha u naxariisto”.

Go’aan culus oo laga gaaray ninka gowracay wiilkii 14 jirka + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamada Darajada Koowaad ee degmada Dhoobley ayaa maata go’aan culus kasoo saartay kiiska ninkii dhowaan wiilkii 14-ka jirka ahaa ku gowacay gudaha degmadaasi, kaas oo sidoo kale dhaawacay wiil kale oo yar.

Maxkamadda ayaa ninkan oo lagu magacaabo Jeelle Maxamed Cismaan ku xukuntay dil toogasho ah oo qisaasta marxuumka uu gowracay, sida uu ku dhawaaqay garsooraha,

Sida ay sheegtay Maxkamaddu Jeelle ayaa lagu helay dambiga ah inuu toori ku dilay wiil 14 jir ah isla-markaana dhaawacay mid kale.

Ninkan ayaa waxaa horey gacanta ugu soo dhigay Booliska degmada Dhoobley, kuwaas oo baaritaanno dheer kadib kiiska u gudbiyay maxkamadda oo ugu dambeyn go’aan ka gaartay, waxaana xukunka ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda, Sheekh Maxamed Cumar Yuusuf (Siraaji).

Sidoo kale waxaa goobta xukunku ka dhacay joogay ehellada wiilka yar ee sida arxan darrada ah loo dilay iyo qaraabada eedeysanaha xukunka dilka lau riday.

Falkaasi naxdinta leh ee lagu gowracay wiilka 14 jirka ah ayaa dhacay habeenimo, xilli ay labada wiil ay kasoo laabanayeen Dugsi Quraan, sida uu horay u sheegay Boolisku.

Dadweynaha iyo ehellada ilmaha yar ayaa soo dhaweeyay xukunka Maxkamadda gaartay, maadaama dil lagu xukumay gacan ku dhiiglaha oo wajahaya wuxuu ka helo cadaaladda.

Si kastaba, ha’ahaatee, Waxaa sanadihii u dambeeyay kordhay dilalka aragagaxa ah ee ka dhex dhacaya deegaanada iyo degmooyinka dalka, waxaana ugu dambeeyay fal naxdin leh oo dhawaan lagu gubay oday 70 jir ahaa oo qabiil darteed loogu dilay deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray guusha uu soo hooyay Cumar Cartan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha ugu hambalyeeyay guusha uu soo hooyay garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan.

Garsoore Cumar Cartan ayaa ku guuleystay Billada Garsooraha Sannadka ee Afrika 2025 oo ay guddoonsiyeen Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF).

“Garsoore Cumar waxaa uu astaan u yahay kartida, hal’adaygga, iyo xirfadda mihnadeed ee heerkeedu sarreeyo ee ay leeyihiin dhallinyaradeennu,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Cartan wuxuu ku guuleystay in magaca ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo dhallinyarrada si gaar ah uu sare u qaado, isla markaana ku matalo fagaarayaasha caalamka, guushaan taariikhiga ahna kasoo hooyay.”

Garsoore Cumar wuxuu abaalmarintan kula tartamay laba garsoore oo kale oo u dhashay dalalka South Africa iyo Mauritius.

Ugu dambayn, guddiga abaalmarinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa ku dhawaaqay in guuleystaha sanadkan 2025 uu noqday Garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan.

Hambalyada madaxweynaha iyo aqoonsiga CAF ayaa muujinaya horumarka iyo sumcadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka gaareen garsoorka ciyaaraha, taasoo dhiirrigelinaysa jiilka cusub ee ciyaartoyda iyo garsoorayaasha.

Ciidamo cusub oo laga keenay Qatar oo isbeddel weyn ka sameeyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dhawaan dalka dib ugu soo celisay 600 askari oo qeyb ka ahaa ciidankii tababarka u joogay dalkaasi.

Ciidamadan oo haatan si rasmi ah loogu wareejiyay amniga qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa waxaa si gaar ah loo hoos geeyay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), gaar ahaan taliska gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo ka hawl bilaabay magaalada Muqdisho ayaa waxaa hub iyo qalab ciidan siiyey dowladda Turkey, taas oo qayb ka ah taageerada ay siiso ciidamada Soomaaliya.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka, waxaa ciidamadan cusub lagu daray illaa 300 askari oo kale, si cutubku u gaaro heer guuto buuxda.

Ciidamadan cusub ayaa waxaa loo qeybiyay dhowr saldhig iyo xarumo amni oo ku yaalla caasimadda, halka qeybaha weli tababarka ku maqan lagu wado in marka ay soo dhameeyaan si buuxda loogu wareejiyo amniga caasimadda dalka.

Dadka Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in ciidankan cusub uu si weyn uga duwan yahay kuwii hore ugu sugnaa caasimadda, iyagoo ku amaanay an­shax sare, nidaam iyo dabeecad wanaagsan oo kula dhaqmayaan shacabkooda.

Tan ayaa kasbatay kalsoonida shacabka, maadaama ay si habsami leh bulshada ula dhaqmayaan intii ay ka howl-galeen magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in guutadan cusub ay door muhiim ah ka ciyaari doonto xoojinta nabad-gelyada caasimadda, gaar ahaan meelaha ay horay dhibaatooyinka amni uga jireen.

Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ka raysatay qaraxyadii iyo falalka amni-darrada ee kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay, iyadoo shacabka magaalada ay dareemeen neecowda nabadda, waxaana kor u kacday wada-shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka.