25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Xisbiga Shariif oo digniin culus kasoo saaray tallaabooyin ay qaaday DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si xooggan u cambaareeyay tallaabooyinka ay maalmaahan qaadeysay dowladda ee burburinta dhulalka danta-guud iyo xarig oo gaystay wariyeyaal iyo shaqsiyaad ku howlanaa arrimaha siyaasadda ee dalka.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Himilo Qaran ayaa si gaar ah looga hadlay dhacdooyinkii ugu dameeyay ee magaalada Muqdish, iyadoo xisbigu sheegay inay ka hor imaanayaan dastuurka dalka iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuuna u digay madaxda dowladda fedeaalka, gaar ahaan laanta fulinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaareynayaa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho kuwaas oo dhammaantood kahor imaanaya dastuurka dalka iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed islamarkaana dhaawacaya dowladnimada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Himilo Qaran.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa si adag u cambaareeyay dilkii Cabdulaahi Cabdi Raage loogu gaystay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa dhalinyaro ah oo ay dileen ciidanka ammaanka.

Sidoo kale wuxuu xisbigu ka horyimid falkii lagu rasaaseeyay shacab isugu baxay gudaha degmada Yaaqshiid oo ka cabanayay dhul boob ay sheegeen in lagu haayo guryahooda.

“Xisbigu wuxuu uga digayaa madaxda laanta fulinta ee xukuumadda federaalka ah in ciidanka ammaanka loo adeegsado cabburinta, dilka iyo barakicinta bulshada danyarta ah” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Dhinaca kale, waxaa qoraalka looga hadlay xarigga ay la kulmayaan wariyeyaasha iyo cabburin uu xisbiga tilmaamay in lagu hayo warbaahinta xorta ah ee magaalada Muqdisho.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku baaqayaa in si deg-deg ah xorriyadiisa loo siiyo muuqaal duube Wariye Cabdulaahi Maxamed Cali oo ka tirsan Telefishinka Himilo” ayaa la raaciyay.

Indhowaanahan dowladda dhexe ayaa wadday howlo burburin ah, waxaana lagu kala baxay xaafado dhowr ah oo ku yaalla caasimada, iyada oo arrintan ay dhalisay xiisad xooggan.

Shirkado Mareykan ah oo ku soo biiray isku dayga lagu soo saarayo shidaalka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in shirkado waaweyn oo caalami ah oo ka shaqeeya tamarta – oo ay ku jiraan shirkado laga leeyahay Mareykanka – ay muujiyeen xiiso cusub oo ku aaddan sahaminta saliidda iyo gaaska dalka, kuwaas oo ka baxsan shirkadaha Turkiga ee horey ugu guda jiray sahaminta badda.

Wasiir Daahir Shire oo hadlayay Jimcihii ayaa sheegay in xogta hordhaca ah ee laga helay sahaminta dhawaan la sameeyay ay xaqiijinayso in Soomaaliya ay leedahay keyd shidaal oo ganacsi ahaan rajo leh, isla markaana ay kordheen codsiyada kaga imaanaya shirkadaha waaweyn ee saliidda adduunka bilihii la soo dhaafay.

“Waxaa jira shirkado waaweyn oo raba inay dalkeenna ka baaraan saliid. Shaki kuma jiro in dalkeenna uu leeyahay saliid, dhammaadka sanadkanna waxaan shaacin doonnaa natiijooyinka sahamintii ugu dambeysay ee lagu sameeyay baddeena,” ayuu yiri wasiirku.

Sahaminta casriga ah iyo daraasadaha juqraafiyeed ayaa sanadihii ugu dambeeyay dib u soo celiyay xiisihii loo qabay Soomaaliya oo loo arko goob cusub oo aan weli laga faa’iideysan.

Cilmi-baaris ay soo xigteen mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa qiyaasaysa in dalku yeelan karo illaa 30 bilyan oo fuusto oo saliid iyo gaas ah oo la soo saari karo, iyadoo qiyaastii 11 bilyan oo fuusto la rumeysan yahay inay ku jiraan xirmooyinka badda ee Badweynta Hindiya, kuwaas oo la mid ah qaab-dhismeedka laga helay xeebaha Mozambique iyo Tanzania.

Turkiga ayaa hadda ah saaxiibka ugu muuqda ee Soomaaliya kala shaqeeya waaxdan. Heshiisyo isugu jira badda iyo barriga oo la saxiixay bilowgii 2024 ayaa siinaya shirkadda tamarta ee dowladda Turkiga ee TPAO kaalinta hoggaamineed ee sahaminta, iyadoo Soomaaliya ay qorsheynayso inay billowdo qodista badda bisha Janaayo 2026 iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda Turkiga.

heshiiska wadaagga wax-soo-saarka, kaas oo u oggolaanaya Turkiga inuu qaato illaa 90 boqolkiiba wax-soo-saarka sanadlaha ah si uu u daboolo “kharashka shidaalka” (cost petroleum) ka hor inta aan faa’iidada la wadaagin, ayaa dhaliyay dood u dhaxaysa khubarada Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka ah oo ku saabsan in shuruuduhu ay yihiin kuwo xad-dhaaf ah, in kasta oo dowladdu ay difaacayso heshiiska oo ay ku tilmaamtay hab lagu furayo maalgashi muddo dheer hakad ku jiray.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ka shaqeynaysa inay dib u soo celiso xiriirka shirkadihii horey u haystay shatiyada iyo inay soo jiidato maalgashadayaal cusub. Shirkadaha haysta xuquuqaha jira waxaa ka mid ah Shell iyo ExxonMobil, Coastline Exploration, Liberty Petroleum, GulfSom Energy, TPAO, Rak Gas iyo Genel Energy, kuwaas oo wadajir u haysta shatiyada in ka badan 31 xirmo oo isugu jira badda iyo barriga.

Shirkadaha xogta caalamiga ah sida TGS ayaa dhawaan cusbooneysiiyay heshiisyada lagu suuq-geynayo xogta sahaminta badda ee Soomaaliya, taasoo ah tallaabo looga gol leeyahay in lagu fududeeyo shirkadaha danaynaya inay qiimeeyaan juqraafiga dalka.

Laakiin iyadoo Muqdisho ay raadinayso maalgashi shisheeye, wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarinta kheyraadka ay tahay inay ku dhacdo xeerar cad – ee aysan noqon heshiisyo hoose ama kuwo ay wataan dad awood sheegta. Wuxuu soo saaray digniin adag oo ka dhan ah qodista sharci-darrada ah ee macdanta ee gobollada qaar, isagoo sheegay in shaqsiyaadka iyo shirkadaha ku lugta leh qodista aan fasaxa haysan ay la kulmi doonaan cawaaqib sharci.

“Waxaa jira shaqsiyaad iyo shirkado si sharci-darro ah uga faa’iideysanaya macdanta qaybo ka mid ah dalka. Tallaabo sharci ah ayaan ka qaadi doonaa kuwa ku lugta leh,” ayuu ka digay, taasoo la jaanqaadaysa olole ballaaran oo dowladeed oo la xiriirinaya qodista aan shatiga haysan dakhliga dowladda ee lumay, amni-darrada iyo, xaaladaha qaarkood, eedeymo la xiriira maalgelinta argagixisada.

Hadalladan ayaa imanaya xilli Soomaalidu ay sugayaan natiijooyinka rasmiga ah ee sahaminta badda ee ay hoggaaminayaan Turkiga iyo iyadoo dowladdu ay waddo tallaabooyin lagu cusbooneysiinayo xeerarka macdanta iyo batroolka.  

Magacyada horjoogayaal Al-Shabaab ah oo la laayay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorseysan oo ay ciidamada Danab todobaadkii hore ka fuliyeen aagga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo jab lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo aad looga taxadaray ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Buula Madiina, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo goobta lagu laayay, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay beegsadeen xubno ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo ku sugnaa Buula Madiina, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac loogu gaystay.

“Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska DANAB ayaa 19-ka November fuliyey howlgal qorsheysan oo si heer sare ah loo diyaariyey, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buula Madiina ee hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee halkaas ku dhuumaaleysanayay, kuwaas oo dhibaatooyin iyo cadaadis ku hayay shacabka deegaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada horjoogayaasha lagu laayay howlgalka ay qaadeen ciidanka kumaandooska Danab, waxaana kamid ah dhagarqabayaal caan ka ahaa deegaanka oo ay ka mid yihiin:-

Kuusow (Zarqaawi) oo qaabilsanaa abaabulka iyo howlgelinta jabhadaha Khawaarijta, Cabduqaadir (Camey) oo ahaa horjoogihii maaliyadda iyo dhaqaalaha Khawaarijta ee Buula Madiina iyo Yacquub Yuusuf horjoogihii Xisbada ee deegaanka, oo shacabka si joogto ah ugu gumaadi jiray baad iyo caburin, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu dhaawacay labo dhagarqabe oo kale, kuwaas oo kala ah Cabdirashiid oo kooxda u qaabilsanaa ururinta baadda ay ka qaadaaa dadka shacabka ah iyagoo u adeegsaday magaca Zakawaad iyo Saalim oo ka tirsanaa ilaalada horjoogayaasha Khawaarijta, kuwaas oo haatan ay ku dabiibeyso kooxda isbitaalka deegaanka Daaru Salaam.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladda labadaan horjooge ay halis tahay, isla markaana ay aad u liidato, waxna looga qaban waayey isbitaalka la dhigay.

“Ciidanka Kumaandooska DANAB ee XDS waxay sii laba-jibbaarayaan howlgallada ka dhanka ah haraadiga Khawaarijta, iyagoo ka go’an in ay sugaan amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday gulufa culus oo ka dhan ah argagixisada, waxaana laga saaray deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi.

Donald Trump oo beddelay mowqifkiisa ka dhanka ahaa Mamdani – Maxaa xalay dhacay?

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhaweyn diirran u sameeyey duqa cusub ee la doortay ee magaalada New York City, Zohran Mamdani, kulan ka dhacay Aqalka Cad Jimcihii, isagoo ammaanay guusha doorashada Mamdani.

Waxa uu ahaa kulankii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah ee dhexmara labadan mas’uul oo siyaasad ahaan aad u kala aragti duwan, kuwaas oo horey isugu khilaafay arrimo badan oo ay ka mid yihiin socdaalka iyo dhaqaalaha.

Mamdani, oo ah hanti-wadaag dimoqraadi ah (democratic socialist) iyo xildhibaan gobol oo aan horay loo aqoon oo ku guuleystay tartanka duqa magaalada New York horraantii bishan, ayaa codsaday kulankan si uu ugala hadlo Trump arrimaha nolosha qaaliga ah iyo badbaadada dadweynaha. 

Ka dib bilo ay warbaahinta isu marinayeen hadallo xanaf leh iyo cay, duqa la doortay iyo madaxweynaha ayaa u muuqday inay meel iska dhigeen khilaafkooda, iyagoo si degdeg ah isku afgartay xilli ay ku sugnaayeen Xafiiska Oval-ka (Oval Office), goob uu Trump mararka qaar u isticmaalo inuu ku bahdilo madaxda dowladaha.

“Waxaan ku heshiinnay wax ka badan intii aan filayay,” ayuu yiri Trump ka dib markii uu suxufiyiinta ku casuumay Xafiiska Oval-ka kulankooda gaarka ah kaddib. “Hal shay ayaan wadaagnaa: waxaan rabnaa in magaaladeenna aan jecel nahay ay si wanaagsan u shaqeyso.”

Isagoo fadhiya miiskiisa, Trump ayaa u dhoolla-caddeeyey Mamdani, oo taagnaa dhanka midig ee madaxweynaha, wuxuuna ugu hambalyeeyey guusha uu ka gaaray doorashada duqa magaalada horraantii bishan: “Runtii tartan cajiib ah ayuu la galay dad aad u adag, dad aad u caqli badan.”

“Wuxuu ahaa kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray meel aan wada jecel nahay oo ah New York City, iyo baahida loo qabo in dadka reer New York loo sameeyo nolol jaban,” ayuu yiri Mamdani.

Dhanka kale, Trump ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu meel iska dhigo kala aragti-duwanaanshaha xisbiga. “Mar walba oo uu si wanaagsan u shaqeeyo, waa mar walba oo aan sii farxo,” ayuu yiri Trump.

Xilli Mamdani uu ku horreeyay ra’yi-ururinta isagoo u socday guusha, Trump, oo ah Jamhuuri, ayaa soo saaray hanjabaado uu ku doonayo inuu ku jaro dhaqaalaha federaalka ee magaalada ugu weyn Mareykanka. Duqa la doortay ayaa si joogto ah u dhaliilay siyaasado kala duwan oo Trump wato, oo ay ka mid yihiin qorshayaasha lagu xoojinayo fulinta sharciga socdaalka ee New York City, halkaas oo afar ka mid ah tobankii qofba ay yihiin dad ku dhashay waddamo shisheeye.

Madaxweynaha oo 79 jir ah, horayna u degganaan jiray New York, ayaa ku tilmaamay Mamdani, oo 34 jir ah, “xag-jir waalan oo bidix ah,” shuuci iyo “mid neceb Yuhuudda,” isagoo aan soo bandhigin wax caddayn ah oo loo hayo eedeymahaas.

Mamdani wuxuu aaminsan yahay hanti-wadaagga dimoqraadiga ah ee qaabka waddamada Nordic-ga, mana ahan shuuci. In kasta oo uu si weyn u dhaliilo Israel, haddana waxaa taageeray siyaasiyiin Yuhuud ah oo caan ah, wuxuu maamulkiisa cusub ku soo darayaa shaqaale Yuhuud ah, gaar ahaan Taliyaha Booliiska New York, Jessica Tisch, wuxuuna marar badan cambaareeyey nacaybka Yuhuudda.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa qaboojiyey hadalkiisa Jimcihii wax yar ka hor inta uusan imaan duqa la doortay, isagoo sheegay inuu filayo in kulanku noqdo mid “ilbaxnimo ku dheehan tahay” wuxuuna ku ammaanay Mamdani “tartamaa guulaystay.”

“Waxaan u weerarayay si yara adag,” ayuu Trump u sheegay barnaamijka “The Brian Kilmeade Show” ee Fox News. “Waxaan u maleynayaa inaan si fiican isku fahmi doonno. Eeg, waxaan raadineynaa isku shey: waxaan rabnaa inaan New York ka dhigno mid xooggan.”

Goor sii horreysay, Mamdani ayaa barta bulshada soo dhigay sawir ‘selfie’ ah oo uu ku qoslayo, kaas oo uu isaga qaaday kursiga diyaarad ku sii jeedda Washington.

Kulamada Xafiiska Oval-ka ee Trump ayaa ahaa kuwo aan la saadaalin karin, iyadoo ay ku jireen kulamo ixtiraam ku dheehan yahay oo lala yeeshay mucaaradka iyo kuwo gaadmo ah oo lagu sameeyey martida, sida Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy iyo Cyril Ramaphosa oo ka socday Koonfur Afrika.

Mamdani, oo xilka loo dhaarin doono 1-da Janaayo, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay maalin ka hor inta uusan aadin Washington ku sheegay inuu “khilaaf badan kala dhaxeeyo madaxweynaha.”

“Waxaan damacsanahay inaan u caddeeyo Madaxweyne Trump inaan kala shaqeyn doono ajande kasta oo faa’iido u leh reer New York,” ayuu wariyeyaasha ugu sheegay bannaanka Xarunta Dowladda Hoose ee New York. “Haddii ajande uu dhib u geysanayo reer New York, waxaan sidoo kale noqon doonaa qofka ugu horreeya ee sheega.”

Wicitaankii Mamdani ee Trump

Mamdani oo ku dhashay Uganda ayaa noqon doona duqii ugu horreeyay ee Muslim ah iyo kii ugu horreeyay ee asal ahaan ka soo jeeda Koonfurta Aasiya ee qabta xilka magaalada u uku yaallo suuqa saamiyada Wall Street.

Ololihiisa firfircoon ee baraha bulshada xoogga saarayay ayaa dhaliyay dood ku saabsan waddada ugu habboon ee xisbiga Dimoqraadiga. Iyagoo aan awood ku lahayn Washington oo fikir ahaan kala qaybsan, Dimoqraadiyiinta waxaa inta badan mideeya mucaaradnimada ay u hayaan Trump, kaas oo dastuurku ka mamnuucayo inuu mar kale u tartamo xilka sanadka 2028.

Mamdani wuxuu wacad ku maray inuu diiradda saari doono arrimaha nolosha jaban, oo ay ku jiraan qiimaha guryaha, raashinka, daryeelka carruurta iyo basaska magaalada ay ku nool yihiin 8.5 milyan oo qof. Dadka reer New York ayaa bixiya kiro ah ku dhowaad laba jibaar celceliska qaranka.

Sicir-bararka ayaa ahaa arrin weyn oo haysata dadka Mareykanka, waana arrin ay Trump ku siinayaan qiimeyn hoose. Kaliya 26% dadka Mareykanka ayaa leh Trump wuxuu si wanaagsan u maareynayaa nolosha qaaliga ah, sida lagu sheegay ra’yi-ururin ay sameeyeen Reuters/Ipsos toddobaadkan.

Dowladda federaalka Mareykanka ayaa siinaysa New York City $7.4 bilyan sannad-maaliyadeedka 2026, ama qiyaastii 6.4% wadarta kharashka magaalada, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Hanti-dhowrka Gobolka New York. Ma cadda awoodda sharci ee uu Trump sheegan karo inuu ku xanibo dhaqaale kasta oo uu Kongareesku amray.

BF oo go’aan ka gaaray xisaab xirka miisaaniyadii 2024

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad ee wadajirka ah, kaas oo uu guddoomiyey Sheekh Aadan Madoobe oo ay kulanka wehlinayeen ku xigeenada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta xisaab-xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024-ka oo ay soo gubbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa ugu horreyn mudanayaasha labada aqal la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad ee xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay si wadajir ah uga shaqeynayeen guddiyadda maaliyadda ee labada Aqal.

Sidoo kale, intaasi ka dib Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u codeeyay xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024, waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena hal xildhibaan ayaa ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Wasiirka Maaliyadda SoomaaliyaMudane Biixi Imaan Cige oo kulanka ku sugnaa ayaa mahad-celin golaha kadib waxa uu dhammaan bulshada la wadaagay in sadexdii sano ee la soo dhaafay ay zukumaddu ku guulaystay in la sameeyo xisaab-xirka guud ee dowaldda.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in mar walba ay diyaar u yihiin daah-furnaan iyo  inay Baarlamaanka Federaalka kala shaqeeyaan gudashada waajibaadkooda korjoogteyn iyo la xisaabtanka wasaaradda maaliyadda howlaha iyo waajibaadka loo xil saaray

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan u yaalla howlo muhiim ah oo la rabo inay meel mariyaan kalfadhigaan todobaad, waxaana sidoo kale uu ka shaqeyn doonaa dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Machadka Caafimaadka Qaranka oo soo saaray digniin ku aaddan cudurka Marburg

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka Caafimaadka Qaran ee Soomaaliya (NIH) ayaa soo saaray digniin iyo wacyigelin ku saabsan cudurka Marburg, kaddib markii laga soo sheegay kiisaska cudurkan oo laga xaqiijiyay deegaanka Jinka ee gobolka Koonfureed ee Itoobiya.

War-saxaafadeed uu Machadku soo saaray ayaa lagu sheegay in NIH uu si dhow ula socday xaaladda cudurka Marburg (MVD), kaddib markii Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya iyo hay’adda Africa CDC ay xaqiijiyeen in fayraskan halista ah laga helay dad ku sugan Jinka. Inkastoo aan weli lagu diiwaangelin wax kiis ah gudaha Soomaaliya, hay’addu waxay sheegtay in loo baahday in bulshada iyo hay’adaha caafimaad la wargeliyo si loo kordhiyo feejignaanta.

Halista Soomaaliya iyo sababaha loo feejigan yahay

NIH ayaa tilmaamay in cudurkan uu khatar ku yahay Soomaaliya, inkastoo aan wali laga helin, maadaama ay jiraan arrimo fududeyn kara soo-galidda fayraska, oo ay ka mid yihiin:

  • Socdaalka badan iyo isdhexgalka xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya
  • Ogaanshaha cudurrada faafa oo mararka qaarkood daaha ku yimaada
  • Awoodda adeegyada caafimaadka xuduudaha Bariga oo aan buuxin heerka looga baahan yahay

Warsaxaafadeedka ayaa xusay in cudurka Marburg uu yahay cudur fayras ah oo aad u halis badan, la mid ah Ebola, aan weli loo helin tallaal ama daawo gaar ah. Waxaa lagu tilmaamay cudur keena xaalad degdeg ah oo caafimaad oo u baahan in si dhaqso leh loo garto loona karantiilo.

Waa maxay cudurka Marburg?

Cudurka Marburg waa xanuun fayras ah oo sababa qandho daran iyo dhiigbax gudaha iyo dibadda jirka ah. Calaamadaha ugu badan ee lagu garto waxaa ka mid ah:

  • Qandho sare iyo madax-xanuun daran
  • Lallabbo iyo matag soo noqnoqda
  • Indho ilmaynaya, dhiigbax ama xaalad dhiig-yaraan ah
  • Tabar-darro, murqo xanuun iyo xaalad degdeg ah oo caafimaad

NIH ayaa ku boorriyay bulshada in ay si degdeg ah xarun caafimaad ula xiriiraan haddii ay isku arkaan calaamadoo isku dhafan oo noocan ah, gaar ahaan haddii ay dhawaan ka soo laabteen Itoobiya ama ay la macaamilaan qof ka yimid deegaannada laga soo sheegay cudurka.

Sida uu cudurku ku fido

War-saxaafadeedka Machadka Caafimaadka Qaran ayaa sheegay in cudurka Marburg uu ku fido marka qof caafimaad qaba uu taabto dareerayaasha jirka qof qaba cudurka, sida dhiigga, matagga, kaadida, saxarada, dhididka ama candhuufta. Waxa kale oo uu ku gudbaa taabashada dharka, gogosha ama agabka uu bukaanku isticmaalayay.

Fayrasku wuxuu sidoo kale ka iman karaa xayawaanka duurjoogta ah, sida daanyeerrada iyo fiidmeerta, taas oo ka dhigaysa in dadka ku shaqada leh ugaarsiga, cunnada hilibka duurjoogta iyo kaymaha ay khatar gaar ah ku jiraan. Shaqaalaha caafimaadka ayaa ka mid ah dadka ugu nugul faafitaanka cudurkan haddii aysan isticmaalin qalabka ilaalinta shaqaalaha caafimaadka (PPE).

Tallabooyinka ay qaadeen hay’adaha caafimaadka

Machadka Caafimaadka Qaran ayaa sheegay in uu qaaday tallaabooyin taxaddar ah oo ay ka mid yihiin:

  • La socoshada xogta iyo warbixin kasta oo ku saabsan cudurka ee ka imanaysa Itoobiya iyo hay’adaha caalamiga ah
  • Diyaarinta qorshe diyaar-garow oo loogu talagalay in si dhaqso leh loogu jawaabo haddii kiis laga xaqiijiyo gudaha dalka
  • Wacyigelinta bulshada iyo xirfadlayaasha caafimaadka si loo kordhiyo aqoonta ku saabsan calaamadaha, faafitaanka iyo ka hortagga cudurka

Warsaxaafadeedka NIH ayaa intaas ku daray in awoodda wacyigelinta bulshada ay wali hooseyso, xuduudahana ay weli furan yihiin, taasoo looga baahan yahay in lagu beddelo feejignaan iyo in dadku qaataan fariimaha caafimaad ee la gudbinayo.

Talooyinka ka hortagga ee lagu wacyigelinayo bulshada

NIH ayaa bulshada iyo shaqaalaha caafimaadka u soo jeediyay dhowr talo oo muhiim u ah ka hortagga cudurka Marburg, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. Ka fogaanshaha xiriirka tooska ah: In laga fogaado taabashada qof looga shakisan yahay cudurka ama qof leh qandho daran iyo matag aan caadi ahayn, gaar ahaan haddii uu ka yimid aag halis ah.
  2. Nadaafadda gacmaha: In gacmaha si joogto ah loogu mayro biyo iyo saabuun, ama loo isticmaalo jeermis-dile (sanitizer), gaar ahaan ka hor cuntada iyo ka dib marka la taabto dhiig ama dareere kale.
  3. Qalabka badbaadada: In shaqaalaha caafimaadka iyo dadka daryeela bukaannada ay xirtaan qalabka ilaalinta oo buuxa, sida galoofyada, maaskarrada, funaanadaha iyo indho-shareerrada, si loo yareeyo halista faafitaanka.
  4. Ka fogaanshaha xayawaanka duurjoogta: In laga fogaado la macaamilka daanyeerrada, fiidmeerta iyo shimbiraha qaarkood, isla markaana aan la cunin hilib xoolo aan si fiican loo karin ama aan la hubin badbaadadiisa.

Baaq loo jeediyay shacabka

Ugu dambayn, Machadka Caafimaadka Qaran ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay muujiyaan feejignaan iyo taxaddar, isla markaana ay dhegaystaan talooyinka caafimaad ee ka imanaya wasaaradda iyo hay’adaha la shaqeeya. Hay’addu waxay sheegtay in iskaashi, wacyigelin joogto ah iyo raacitaanka tilmaamaha khubarada caafimaadku ay yihiin furaha lagu yareyn karo khatarta in cudurka Marburg uu soo gaaro gudaha Soomaaliya.

Dadka u baahan xog dheeraad ah ayaa lagu wargeliyay in ay la xiriiri karaan Xarunta Qaran ee Hawlgallada Degdegga ah ee Caafimaadka (PHEOC), booqdaan bogga rasmiga ah ee NIH (www.nih.gov.so), ama wacaan lambarka degdegga ah ee 995.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo shaaciyay qorshahooda kadib dhammaystirka Dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha koowaad ee bahda cadaaladda Soomaaliya ee sanadkan 2025 ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira garsoorka.

Xamza ayaa si qota dheer uga hadlay arrimaha cadaaladda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in dalka uu yeesho nidaam garsoor oo waafsan Dastuurka dalka.

“Dalku waa inuu yeeshaa nidaam garsoor oo isku xiran wada shaqeeya, isla markaana u dhisan si waafaqsan dastuurka” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa soo hadal laba ajende oo muhiim ah, wuxuuna tilmaamay in marka la dhamaystiro Dastuurka KMG ah ay xoogga soo saari doonaan golaha adeegga garsoonka iyo dhismaha maxkamadda dastuuriga ah.

Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in labadan hay’adood xilligan baahi wayn loo qabo, isla markaana ay ku dadaali doonaan dhismahooda.

“Marka dastuurku dhammaado oo la dhammaystiro dowladda federaalka waxay mudnaan siineysaa dhismaha iyo howlgelinta golaha adeegga garsoorka oo baahi wayn loo qabo” ayuu mar kale yiri Xamza.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan insha allahu dhisi doonaan maxkamadda dastuuriga ah oo iyadana aad iyo aad loogu baahi qabo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dood xooggan ay ka taagan tahay wax ka beddelka Dastuurka ee ay horay ugu dhaqaaqday Villa Somalia, waxaana ka horyimid, Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka la baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Xulka Soomaaliya oo ka yaabsaday dhigooda Ethiopia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xidigaha xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta barbaro 3-3 ah la galay dhigooda Ethiopia.

Labada xul ayaa galabta isaga horyimid kulan ka tirsan ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika oo ay sanadkan ka qeyb galayaan toban dal.

Kulankan oo ahaa kii saddexaad oo ay Soomaaliya ciyaarto ayey wiilasha Ocean Stars soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu aad u sareyso, iyagoo si la yaab leh usoo laba kacleeyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta oo ay u suurtagashay in iyadoo hogaanka looga hayo 3-1 ay ka dhigaan barbaro 3-3.

Xulka Soomaaliya oo aan weli wax guuldaro ah la kulmin, maadaama 3 kulan oo ay ciyaareyn ay barbaro la galeyn South Sudan, Kenya iyo martigeliyaha tartanka ee Ethiopia. Xulkan ayaa ciyaari doona kulankooda ugu dambeeya 24-ka bishan, iyagoo la ciyaari doona dhigooda Rwanda.

Dhinaca kale, Xidigaha waaweyn ee xulka qaranka Soomaaliya ayaa ciyaar saaxiibtinimo oo ay la dheeleen xulka qaranka dalka Bahrain, waxay ugu adkaadeen 1-0, waana guushii labaad oo xulka qarankeennu uu ka gaaro xulka Bahrain.

Goolka guusha xulka qaranka Ocean Stars waxaa u dhaliyey ciyaaryahan Ciise Aadan, daqiiqaddii 24-aad. Kulanka galabta la ciyaaray, kulankii ka horreeyey Soomaaliya ayaa 2-1 uga adkaatay xulka Bahrain.

Guulahaas ayaa xulka xaranka u ah dhiirigelin muhiim ah, si ay u sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan horumarinta ciyaaraha iyo kulamada ay la ciyaarayaan xulalka kale ee ay wajahayaan.

Puntland oo kusoo biirtay doodda in la kala sheegan karo Muqdisho

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aan la kala sheegan karin, xilli saacadihii lasoo dhaafay ay dood adag ka dhalatay in caasimadda ay leedahay qolo gaar ah iyo in kale.

Wasiirka ayaa ku dooday in qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG ah uu si cad u tilmaamayo in maqaamka rasmiga ah ee caasimadda Soomaaliya lagu go’aamin doono dib-u-eegis lagu sameeyo dastuurka.

Maxamuud Caydiid ayaa xusay in aysan jirin cid maanta sheegan karta caasimadda, maadaama dastuurku si cad u qeexayo in arrintaas ay go’aankeeda leeyihiin hay’adaha sharci-dejinta qaranka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in doodda ku saabsan in caasimaddu noqoto mid ku taalla degaan federaal ah ama ay noqoto caasimad maamul-goboleed ay tahay arrin u baahan in sharci gaar ah lagu qeexo, kadibna baarlamaanku ka doodo oo uu ansixiyo.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in taariikhda Muqdisho ay muujinayso in aanay jirin qolo gaar ah oo sheegan karta magaalada, maadaama ay hore u wada degganaayeen bulshooyin badan oo Soomaaliyeed.

“Bulshada Banaadiriga waa bulshada ugu xuquuqda badan magaalada, maadaama ay door muhiim ah ku lahaayeen taariikhda iyo dhaqanka Muqdisho muddo dheer,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Ugu dambayntiina, wasiirka ayaa adkeeyay in maqaamka caasimaddu uusan ku soo bixi karin sheegasho ku saleysan qabiil ama fasiraad taariikheed oo dhinac u janjeerta, balse uu u baahan yahay go’aan sharci ah oo mideeya dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Mursal oo iska casilay xilkii iyo xubinnimada xisbiga Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayay Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.

Maxamed Mursal oo qoraal kooban soo saaray, ayaa sheegay in go’aankiisu uu yahay mid uu ku doonayo madax-bannaani buuxda oo ku aaddan aragtidiisa siyaasadeed.

Mursal ayaa xisbigan oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ka hayay xilka guddoomiye ku-xigeenka, kaasi oo maanta uu si rasmi ah u baneeyay, sida uu shaaciyay.

Sababta uu xisbiga uga baxay ayuu ku sheegay in ay tahay sidii uu ugu madax-banaani ugu heli lahaa aragtidiisa siyaasadeed ee gaarka, xilli uu horey qeyb uga ahaa garabkii ka baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

“Si aan ugu madax-bannaanaado aragtideyda siyaasadeed ee gaarka ah waxaan iska casiley xilkii iyo xubinimada Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal.

Waxa uu sheegay in tallaabadan uu qaaday isagoo tixgelinaya mabaa’di’da xisbiga oo uu sheegay in aysan u oggolaanayn in uu ka shaqeeyo tallaabooyin siyaasadeed oo ka soo horjeeda aragtida iyo go’aannada xisbiga.

Mursal ayaa u mahad-celiyay dhamaan xubnaha xisbiga oo si hufan oo wanaagsan ula soo shaqeeyay muddadii uu ka tirsanaa Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.

Si kastab, go’aanka Mursal ayaa imanaya xilli ay socdaan isbeddello siyaasadeed iyo ololeyaal cusub oo ka jira gudaha dalka, iyadoo siyaasiyiin badan ay dib u qaabeyn ku sameynayaan mowqifyadooda iyo xiriirkooda xisbiyeed.

Hoos ka aqriso warqadda is-casilaadda Mursal:

Taariikh: 21 November 2025

Ujeedo: Is-casilaad ku saabsan xilka guddoomiye ku-xigeenka iyo xubinnimada Xisbiga

Anigoo tixgelinaya mabaa’di’da xisbiga oo aan ii oggolaanayn inaan ka shaqeeyo tallaabooyin siyaasadeed oo ka soo horjeeda aragtida iyo go’aannada xisbiga, iyo duruufahayga gaarka ah ee aan ii saamaxaynin inaan si buuxda uga shaqeeyo howlaha siyaasadeed ee waafaqsan himilada iyo ujeeddooyinka xisbiga.

Waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka Guddoomiye-ku-xigeenka iyo xubinnimada Xisbiga, si aan ugu madax-bannaanaado aragtideyda siyaasadeed ee gaarka ah, isla markaana aan si xor ah diiradda u saaro arrimaha aan aaminsanahay inay muhiim u yihiin siyaasadda dalka.

Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan xubnaha xisbiga oo si hufan oo wanaagsan ila soo shaqeeyay muddadii aan ka tirsanaa Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.

Wabillahi Towfiiq

Xisbiga Xasan Sheekh oo kala reebaya 522 musharax – Sidee u dhaceysa doorashada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay inuu qabtay codsiyada murashaxiintii ugu badnaa ee doorasho hoosaadka degmooyinka gobolka Banaadir.

Xisbiga ayaa shaaciyay in 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ay iska diiwaan-geliyeen 522 xubnood, iyadoo haatan uu xisbigu si rasmi ah u soo gabo-gabeeyay qabashada codsiyada murashaxiinta doorasho hoosaadka.

Guddiga KMG ee doorasho hoosaadka degmooyinka gobolka Banaadir ee xisbiga ayaa soo saaray jadwalka doorasho iyo kala saarista xubnahan.

Guddiga ayaa shaaciyay in Axadda 23 November 2025 ay dhamaan xubnaha ururka loo diri doono fariin qoraaleed iyo email lagula wadaagi doono linkiga laga codeynayo iyo xogta kale ee muhiimka u ah codbixinta.

Doorashadan ayaa u dhici doonta qaab online ah, sida uu sheegay xisbigu. “Subaxnimada hore ee Talaadada 25 November 2025, waxaa bilaaban doonta codbixinta Online-ka ah, iyadoo ay socon doonto illaa 27 November 2025, 8:00am.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Guddiga KMG ee Doorasho Hoosaadka Golayaasha Deegaanka Gobolka Banaadir waxa uu 20 November 2025 si rasmi ah u soo gabo-gabeeyay qabashada codsiyada murashaxiinta doorasho hoosaadka, iyadoo ay guud ahaan 16-ka degmo isu diiwaangeliyeen 522 xubnood.

Haddaba Guddigu wuxuu murashixiinta iyo guud ahaan xubnaha Ururka ogeysiinayaa qodobada soo socda:

1. Sabtida 22 November 2025, 4:00 PM galabnimo waxaa xarunta dhexe ee Ururka lagu qabanayaa kulan tababar iyo wacyigelin ah oo loo sameynayo murashaxiinta diiwaangashan.

2. Axadda 23 November 2025, waxaa dhamaan xubnaha Ururka loo diri doonaa fariin qoraaleed iyo email lagula wadaagi doono Linkiga laga codeynayo iyo xogta kale ee muhiimka u ah codbixinta.

3. Subaxnimada hore ee Talaadada 25 November 2025, waxaa bilaaban doonta codbixinta Online-ka ah, iyadoo ay socon doonto illaa 27 November 2025, 8:00am.

Guddigu wuxuu murashaxiinta iyo guud ahaan xubnaha Ururka ku boorinayaa inay isu diyaariyaan codeyntan muhiimka ah, iyadoo la ilaalinayo anshaxa ololaha doorasho hoosaadka Ururka.

Maxkamadda EACJ oo dib u dhigtay xukunka dacwadda xubnaha Soomaaliya

0

Arusha (Caasimada Online) – Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika ee Arusha ayaa maanta dib u dhigtay ku dhawaaqista go’aanka dacwadda xubnaha Soomaaliya ku metelaya baarlamaanka urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

Safiirka Soomaaliya ee Tansaaniya iyo EAC, Ilyas Cali Xasan ayaa faafin deg-deg ah oo uu soo saaray ku xaqiijiyay in maxkamadda ay dib u dhigtey waqtiga ay soo saareyso go’aanka kama dambeyska ah ee dacwaddan.

Safiirka ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegay in uu soo baxay xukun maxkamadeed oo dib loogu celinayo xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya soo xushay ee baarlamaanka EALA.

“Waa waxba kama jiraan warka ah in Maxkamada EACJ ay go’aamisey in dib loo celiyo xubanaha DFS dhowaan soo xushey Baarlamaanka EALA. Maxkamada waxay dib udhigtey keliya waa waqtiga ay soo saareyso go’aanka kama dambeyska ah xukunka dacwada,” ayuu yiri Danjire Ilyaas.

Xildhibaannada Soomaaliya ayaa horey loo hakiyay musuq-maasuq dartiis, kadib markii koox siyaasiyiin Soomaali ah oo dacwad ka dhan ah doorashadaas u gudbiyeen Maxkamadda EACJ ee fadhigeedu yahay Arusha, taas oo haatan dib u dhigtay soo saarista go’aanka dacwadda xubnahan.

Siyaasiyiinta gudbiyay dacwaddan ayaa ku doodaya in hannaankii soo xulista uu baal-maray shuruucda aas-aasiga ah ee ururka. Dacwoodayaasha ayaa sheegay in geeddi-socodka oo dhan lagu soo koobay muddo shan maalmood gudahood ah, isla markaana musharrax kasta laga qaaday lacag diiwaangelineed oo gaaraysa ku dhowaad $10,000.

Waxay ku eedeeyeen in liiska kama dambaysta ah lagu saleeyey eex iyo qaraabo-kiil, laguna soo koobay shakhsiyaad xiriir dhow la leh madaxda sare ee dalka, halkii laga hubin lahaa inuu ka dhex muuqdo aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in doorashadu u dhacday si waafaqsan xeerarka dalka, waxayna wacad ku mareen inay kiiska iska difaaci doonaan.

Waxay ku doodayaan in murankan uusan noqon mid carqaladeeya dadaalka ballaaran ee dalku ugu jiro inuu si buuxda u dhexgalo hay’adaha kala duwan ee EAC.

Si kastaba, waxaa si weyn loogu dhag taagaya go’aanka kasoo bixi doona maxkamadda, kaasi oo Soomaaliya u noqon doona guul ama dhabar-jab siyaasadeed, maadaama Dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixisay ku biirista EAC iyo soo xulista xubnaheeda baarlamanka EALA, oo haatan ay ka harsan tahay wax ka yar laba sanno.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in la abaalmarin doono…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhammaan macallimiinta, isagoo uga garaabay duruufaha adag uu ku jiro.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in macallinka Soomaaliyeed maalin uun lagu abaalmarin doono kaalinta uu bulshada uga jiro, isla markaana uu muhiim tahay in la garab istaago oo mudnaan la siiyo.

Waxaa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal weyn gelisay horumarinta waxbarashada, iyadoo shaqaaleysiisay kumannaan macallin oo ardayda Soomaaliyeed si lacag-la’aan ah u bara, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in sannadaha soo socda la ballaariyo dadaalladan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in haddii la doonayo in bulsho la wiiqo ama la burburiyo, marka hore la isku dayo in la beegsado macallimiinta ama nidaamka waxbarashada, maadaama macallinku uu hormuud u yahay la dagaallanka jaahilnimada iyo dhismaha mustaqbal ifaya.

“Waa maalin na wada farxad-gelineysa waaye Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, waxa aan leeyahay shaqada aad haysaan waa mid sharaf badan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Askariga iyo Macallinka ayaa shaqo Soomaaliyeed oo culus haya, maalin uun waala abaalmarin doonnaa, wiil iyo gabadh Soomaaliyeed ayaa maanta iskuul aadaya iyada oo aan lacag laga rabin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo xileedkiisa labaad ballan-qaaday inuu shaqaaleysiin doono 10,000 (toban kun) oo macallimiin Soomaaliyeed ah, taas oo qeyb ka ah tayeynta waxbarashada.

Ilaa hadda, waxaa si rasmi ah loo shaqaaleysiiyay 6,000 oo macallin, taasoo saamayn muuqata ku yeelatay tayada iyo guud ahaan xaaladda waxbarashada dalka, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Macallimiinta soo haray ayaa dhawaan la qaadan doona, si loo dhameystiro ballan-qaadkaas muhiimka ah ee lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Macallimiinta la qaatay illaa hadda waxaa 70% ka ahaa ragga, halka 30% ka ahaayeen gabdhaha, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Wasiirka ayaa sheegay in isbeddel xagga boqoleyda ee gabdhaha iyo tirada ay ka qoranayaan macalimiinta ay si weyn uga badan doonto tii hore.

“Macallimiinta aan qaadannay gabadhaha 30% ayay ka ahaayeen, kuwa la qaadan doonana 50% ayay ka noqon doonaan,” Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Tan ayaa imaneysa xilli maanta loo dabaal-degayo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.

Xuska munaasabaddan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sanadkan muuqdaan isbeddello togan oo la taaban karo oo lagu sameeyay xaaladda macallimiinta Soomaaliyeed, isla markaana ay Wasaaradda Waxbarashadda dadaal badan ka gashay sidii ay wax uga qaban laheyd duruufaha adag ee ku shaqeeyaan.

Maxay DF ka tiri hadal-haynta lahaanshaha Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cumar Cumar Cali (Balcad) oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay doodda xooggan ee ka taagan nidaamka federaalka oo muddooyinkii uu damabeeyay hadal-heyn ka abuurtay baraha bulshada iyo warbaahinta.

Cali Balcad ayaa marka hore wax laga xumaado ku tilmaamay faham qaldan oo uu sheegay in laga bixinayo fasiraadda nidaamka federaalka ee uu horay u qaatay dalka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dalku yahay hal qaran, isla markaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in si siman loogu adeego, meel kasta oo ay ka joogaan gudaha waddanka.

“Soomaaliya waa hal qaran, muwaadiniintuna waa hal ummad. Qofka Soomaaliyeed ee ku nool Bosaso, Balcad amd Waajid waa inuu si siman u helaa adeegyada iyo xuquuqda laga helo Muqdisho, Kismaayo, Hargeysa, Dhuusamareeb ama Baydhabo” ayuu yiri wasiirku.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;-

Waxaa wax aad looga xumaado ah dooda beryahan ka socota warbaahinta ee la xiriirta nidaamka federaalka iyo fahamka qaldan ee loo fasirayo ku dhaqankiisa.

Nidaamka Faderaalka ah ee aan qaadanay waxaa loogu talagalay inuu noqdo nidaam dowladnimo oo dadka u soo dhoweeya adeegyada, maamul wanaagga, iyo horumarinta bulshada. Marnaba looguma talagalin inuu dadka Soomaaliyeed u kala saaro, kala reebo, ama u abuuro xuduudo cusub oo muwaadininimo.

Muwaadin Soomaaliyeed meel walba oo uu dalka ka joogo waa muwaadin Soomaaliyeed. Xuquuqda qofku kuma xirna halka uu ku dhashay ama halka qoyskiisu ka soo jeedo. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu ku noolaado, wax ku barto, caafimaad ku helo, shaqo ka raadsado, oo uu ganacsi ka sameeyo gobol kasta oo Soomaaliya ka mid ah, isaga oo aan la takoorin.

Soomaaliya waa hal qaran, muwaadiniintuna waa hal ummad.
Qofka Soomaaliyeed ee ku nool Bosaso, Balcad amd Waajid waa inuu si siman u helaa adeegyada iyo xuquuqda laga helo Muqdisho, Kismaayo, Hargeysa, Dhuusamareeb ama Baydhabo.

Haddii aan rabno in Soomaaliya ay horumar gaarto, waa inaan hubinnaa in hab maamulka faderaalka aan dhisayno in noqdo qaab-dhismeed mideeya oo wax-tarka kordhiya, ee aannu noqon qaab kala fogeeya bulshada. Qaran kastaa wuxuu ku dhisan yahay muwaadiniin isku mid ah, xuquuq isku mid ah leh, oo si la mid ah loogu tixgeliyo gobol kasta. Qaran kuma dhismo muwaadinin xuduudo dhexyaalaan, warqado aqoonsi kala duwan wata, oo aan isku xuquuq ahayn.

Soomaaliya ha noqoto qaran mideysan, adeeg midaysan leh, cadaalad loo siman yahay leh, oo aan lahayn takoor iyo kala sooc.

Dalalka qaatay nooca Federaalka oo ay muwaadiniintiisu siman sida Maraykanka, Canada iyo Jarmalka horumar wayn ayay gaareen. Dalalka qaatay nooca Federaalka oo ay muwaadiniintiisu qaybsan yihiin sida Yuguslavia burbur ayay ku danbeeyeen.

Midnimo ayaa na deeqdo, horumar ku gaari karnaa.

Machadka Qaranka Israel oo warbixin cusub kasoo saaray aqoonsiga Somaliland

0

Tel Aviv (Caasimada Online) — Warbixin siyaasadeed oo cusub oo uu soo saaray Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka ee Israa’iil (INSS) ayaa ku boorrinaysa Israa’iil in ay la sameyso Somaliland iskaashi hoose oo aan la buunbuunin, balse ay ka fogaato in ay si degdeg ah ugu dhawaaqdo aqoonsiga madax-bannaanideeda.

Qoraalka oo la daabacay 18-kii Nofeembar ayaa Somaliland ku sawiraya lamaane istaraatiji ah oo wax ka tari kara xiriirka Israa’iil–Somaliland iyo ammaanka Badda Cas, balse uga digaya in aqoonsi degdeg ahi uu wato kharash diblomaasiyadeed oo culus.

Warqadda oo cinwaankeedu yahay “Somaliland and Israel – Considerations on Recognition and Cooperation” waxaa ku qoray, af Cibraani ah, cilmi-baare Asher Lubotzky. Waxa uu Somaliland ku tilmaamay dhul is-maamula oo tan iyo 1991-kii leh nidaam dawladnimo u gaar ah, qabtay doorashooyin isdaba-joog ah, isla markaana si weyn uga ilaaliyay kooxaha jihaadiga ah, xilli dowlad federaalka Soomaaliya ay weli ku dhibtoonayso la tacaalidda al-Shabaab iyo khataro kale oo amni.

Lubotzky waxa uu ku doodaa in goob-joogga juqraafiyeed ee Somaliland ee Gacanka Cadmeed, oo si toos ah uga soo horjeeda Yemen, uu siinayo miisaan gaar ah xilli fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay weerarro ku hayaan maraakiibta ganacsiga, isla markaana ay diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ku weerarayaan Israa’iil iyo bartilmaameedyo kale oo gobolka ah.

Isagoo arrintaas ka duulaya, waxa uu sheegay in isku-dhafka meel-jooggan istaraatijiga ah iyo xasilloonida gudaha ee la isbarbar dhigi karo ay Somaliland ka soocayaan dalal badan oo dariskeeda ah.

Dekedda Berbera ayaa udub-dhexaad u ah qiimeyntaasi. Dekaddan oo maalgelin ka hesha shirkadda DP World, ayaa lagu soo bandhigay sidii saldhig suurtagal ah oo loogu adeegsado saadka, isku xirka iyo la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta ay ka walaacsan yihiin isbahaysiyada ka hawlgala marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo marinka ballaadhan ee Badda Cas.

Si kastaba ha ahaatee, daraasadda INSS waxay si cad u sheegaysaa in Israa’iil aysan noqonin dalka ugu horreeya ee beddela xaaladda caalamiga ah ee Somaliland. Lubotzky waxa uu xusay in Washington ay weli ku dheggan tahay aragtida ah “Soomaali midaysan,” halka Midowga Afrika uu aad uga taxaddaro wax-ka-beddelka xuduudaha qaaradda.

Waxa uu uga digayaa in aqoonsi keli ah oo Israa’iil siiso Somaliland uu si toos ah uga hor iman karo siyaasadda Mareykanka, isla markaana uu dhalin karo falcelin adag oo uga timaadda Soomaaliya, waddamada Carabta iyo dowlado kale oo Afrikaan ah.

Qoraalku waxa uu dib u milicsanayaa sida uu heshiiskii is-faham ee marin-badeedka u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland horraantii 2024 u kiciyay qalalaase diblomaasiyadeed oo xooggan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku sheegtay sharci-darro, waxayna u jeedisay baaq taageero ah beesha caalamka, arrintaas oo muujisay inta uu le’eg yahay xasaasiyadda mawduuca Somaliland ee gobolka.

Lubotzky waxa uu u arkaa dhacdadaas tusaale cad oo muujinaya sida ay xaaladda sharci ee Somaliland u tahay arrin aad u jilicsan oo si dhakhso ah u kicin karta xiisado goboleed.

Isagoo sawirka ballaaran ee amniga gobolka ka hadlayay, waxa uu tixraacay dagaalka Gaza iyo is-maandhaafka ka taagan Badda Cas ee lala galay Xuutiyiinta. Ra’yiga dadweynaha ee ka jira dalal badan oo Muslimiin ah ayaa si adag ugu dhaliila Israa’iil, wuxuuna sheegay in haddii si buuxda oo muuqata loo soo bandhigo iskaashi cusub oo Israa’iil la yeelato Somaliland ay taasi Hargeysa ku soo jiidan karto caro iyo dib-u-dhac siyaasadeed oo ka iman kara waddamo Muslim ah.

Taasi beddelkeeda, falanqaynta INSS waxay ku talinaysaa in la qaato dariiq hoose oo wada-shaqayn ah oo ka hooseeya heer aqoonsi rasmi ah. Qoraalku wuxuu soo jeedinayaa in Israa’iil ay Somaliland kala shaqeyso ilaalinta iyo xog-ogaanshaha badaha, teknoolojiyadda iyo mashaariicda horumarinta, iyadoo la yaraynayo calaamadaha siyaasadeed ee muuqda, lana xoojinayo isku-duwidda dhow ee lala yeesho Mareykanka iyo quwadaha muhiimka ah ee Khaliijka.

Dhinaca Soomaaliya, warbixintu waxay hoosta ka xarriiqaysaa isbeddel walaac leh: go’aannada ka soo baxa caasimadaha shisheeye ayaa si isa soo taraysa u qaabeeya sida ay dunidu u aragto Somaliland.

Dhanka Somaliland, waxay u muuqataa farriin muujinaysa in ololeheeda lobbiga ee caalamiga ahi uu ka miro dhalayo goobaha fikirka istaraatijiga ah ee Israa’iil, balse ay sidoo kale caddeynayso in aqoonsiga rasmiga ahi weli si weyn ugu xirnaan doono mowqifyada Washington iyo is-fahamka diblomaasiyadeed ee ballaaran ee Afrika iyo dunida Carabta.

Xubnihii Soomaaliya ee barlamaanka EALA oo lagu wado in lasoo celiyo kadib fadeexaddii…

0

Arusha (Caasimada Online) – Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika ee Arusha ayaa lagu wadaa in ay soo celiso 9-ka xubnood ee Soomaaliya ku metelaya baarlamaanka urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EALA).

Xildhibaannadan ayaa muddo loo hakiyay musuq-maasuq dartiis, kadib markii koox siyaasiyiin Soomaali ah oo dacwad ka dhan ah doorashadaas u gudbiyeen Maxkamadda EACJ ee fadhigeedu yahay Arusha.

Siyaasiyiintan ayaa ku doodaya in hannaankii soo xulista uu baal-maray shuruucda aas-aasiga ah ee ururka.

Dacwoodayaasha ayaa sheegay in geeddi-socodka oo dhan lagu soo koobay muddo shan maalmood gudahood ah, isla markaana musharrax kasta laga qaaday lacag diiwaangelineed oo gaaraysa ku dhowaad $10,000.

Waxay ku eedeeyeen in liiska kama dambaysta ah lagu saleeyey eex iyo qaraabo-kiil, laguna soo koobay shakhsiyaad xiriir dhow la leh madaxda sare ee dalka, halkii laga hubin lahaa inuu ka dhex muuqdo aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Maxkamadda ayaa markaas si KMG ah xayiraad u saartay dhaarinta sagaalka xubnood ee Soomaaliya ilaa inta laga garnaqayo dacwadda rasmiga ah, taas oo lagu wado in haatan dib loo celiyo.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in doorashadu u dhacday si waafaqsan xeerarka dalka, waxayna wacad ku mareen inay kiiska iska difaaci doonaan.

Waxay ku doodayaan in murankan uusan noqon mid carqaladeeya dadaalka ballaaran ee dalku ugu jiro inuu si buuxda u dhexgalo hay’adaha kala duwan ee EAC.

Si kastaba, haddii la soo celiyo xubnahan ayaa dhabar jab ku ah Dowladda Soomaaliya oo ayadu hore ula daahday soo xulista xildhibaannada, iyadoo muddo xilkeedka baarlamanka EALA ay ka harsan tahay wax ka yar laba sanno.

Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb gashay Brussels + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo Jimce ah kaga qeyb-galay magaalada Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).

Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka, ayaa waxa ay uga wada-hadleen amniga caalamiga ah, iskaashiga dhinacyada badan, iyo xasilloonida gobolka.

Madashan waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal, oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga ah.

Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeradiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga ah.

Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasilloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga ah.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn.

Sidoo kale wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isagoo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.

Haweenay ninkeeda Toorey ku dishay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay Marxuum Xasan Maxamed Nuur, kaasoo ay toorey ku dishay haweeney ahayd xaaskiisa.

Dilkan ayaa ka dhacay gudaha guriga qoyskooda oo ku yaalla degmada Dayniile, waaxda Kor-Damac.

Ciidamada booliska Muqdisho oo markiiba ka hawl-galay falkaan ayaa gacanta kusoo dhigay haweeneyda uu qabay marxuumka.

“Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay haweeney caawa fiidkii ninkeeda, Marxuum Xasan Maxamed Nuur, ku dishay degmada Dayniile,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska.

Eedeysanadda waxaa lagu magacaabaa Faadumo Maxamed Cusmaan, waxayna hadda ku jirtaa gacanta booliska, sida uu xaqiijiyay taliska booliska Soomaaliyeed.

Faadumo haatan waxaa la diyaarinayaa in loo gudbiyo maxkamadda awoodda uleh si loo qaado tallaabooyinka sharciga ah ee ku saabsan kiiska ay ku eedeysan tahay ee dilka ah.

Boolisku ma uusan shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa falkaas, iyagoo tilmaamay in baaritaannada kiisku ay weli socdaan.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee boolisku soo bandhigo kiisaska la xiriira khilaafaadka qoysaska ee ku dhammaada falal dil ah, kuwaas oo isa soo tarayay muddooyinkii dambe gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Daawo: UK oo farriin u dirtay DF iyo Somaliland, kana walaacsan arrin soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King oo bixiyay wareysi cusub ayaa walaac xooggan ka muujiyay jabsashada nidaamka e-Visa.

Danjiraha ayaa sheegay in dhacdadan ay keentay in Dowladda Ingiriiska ay si dhab ah ugala howl-gasho arrintaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ammaanka nidaamka.

“Sidaan hore u sheegnay waxaan ka walaacsanahay jabinta xogta, waayo xog shaqsiyadeed ayaa ku faafay baraha bulshada iyo meelaha kale ee warbaahinta,” ayuu yiri Danjire Charles.

Waxa uu intaas kusii daray “Laakiin mudnaanta hadda waa in la fahmo sida ay arrintan hadda u dhacday, dabadeedna cashiro looga barto si loo hubiyo inay markale u dhicin dhibaatooyinka dhacay.”

Safiirka ayaa sheegay in xiisadda ka dhalatay nidaamka e-Visa ee u dhaxeysa Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u baahan tahay in mas’uuliyiinta Muqdisho iyo Hargeysa ka wada-hadlaan, ayna ka gaaraan isfaham.

“Waxaan aaminsanahay in wada-hadal iyo isfaham dhexmara Muqdisho iyo Hargeysa ay muhiim u yihiin arrinta e-Visa, nabadda iyo sidoo kale guud ahaanba,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiirka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Ingiriiska ay taageero ka geysaneyso wada-hadal dhab ah oo dhex-mara Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay Dowladda Soomaaliya gacan ka siinayso sugida amniga nidaamka fiisaha elektaroonigga ah.

Si kastaba, safiirka ayaa ka gaabsaday in hirgelinta nidaamka e-Visa ay salka ku hayso arrimo siyaasadeed, sida ay hore u sheegtay Somaliland, oo ayadu ku tilmaamtay mid ay Muqdisho cadaadis hor leh ku saareyso Hargeysa.

Tan iyo markii ay soo baxday jabsashada e-Visa, Dowladda UK ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in xog muhiim ah laga jabsaday nidaamka cusub ee dal-ku-galka Soomaaliya, maalin kadib markii uu Mareykanku soo saaray digniin taas la mid ah.

Labada dalba waxay sheegeen inay hayaan “tuhunno la aamini karo” oo ku saabsan in jabsi dhacay lagu kashifay xogta shakhsiga ah ee ugu yaraan 35,000 oo qof oo safar ahaa.

14-kii November, Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee UK (FCDO) ayaa cusbooneysiiyay taladiisa safarka ee rasmiga ah. Taladaas waxay si toos ah farta ugu fiiqaysaa digniintii Safaaradda Mareykanka ee soo baxday November 13.

Sida ay sheegtay digniinta Mareykanka, kooxo wax jabsada (hackers) ayaa u dhacay nidaamka e-visa-ha taariikhdu markay ahayd ama ku dhoweyd November 11. Safaaraddu waxay soo bandhigtay liis walaac leh oo ku saabsan xogta laga yaabo in la xaday.

Waxay digniintu sheegtay in xogaha banaanka u soo baxday ay ka mid yihiin “magacyada dadka fiisaha codsaday, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, ciwaannada email-kooda, xaaladdooda guur, iyo ciwaannada guryahooda.”

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay “inaysan awoodin inay xaqiijiso in xogta qof gaar ah ay qayb ka tahay jabsiga.” Si kastaba ha ahaatee, waxay ka digtay in qof kasta oo codsaday e-visa-ha Soomaaliya “laga yaabo inuu saameeyay.”

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya io maamusha nidaamka e-visa-ha, ayaa dhankeeda xaqiijisay dhacdadan, iyadoo sheegtay inay qaaday tallaabooyinka muhiima, iyadoo sheegtay in ay baaris qoto dheer ku sameynayso dhacdadaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka

Nin Swedish ah oo lagu soo oogay dacwad culus oo la xiriirta Soomaaliya

0

Stokholm (Caasimada Online) – Sweden ayaa Khamiistii dacwad argagixiso ku soo oogtay nin 23 jir ah oo haysta dhalashada Sweden kana soo jeeda Suuriya, ka dib markii lagu eedeeyay dhowr “dambi argagixiso” oo ay ka mid yihiin laba isku day oo uu ugu safri lahaa Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda Daacish, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha.

Warqadda dacwadda ayaa lagu xusay in ninkan sidoo kale lagu eedeeyay inuu maalgelin iyo isku day maalgelin u sameeyay Daacish isaga oo adeegsanaya lacagaha dhijitaalka ah (cryptocurrencies), isla markaana uu ka tirsanaa ururkaas.

Xeer-ilaalintu waxay sheegtay in isku daygiisii safarka ugu horreeyay uu dhacay 4-tii September 2023, markaas oo uu qorsheeyay inuu u ambabaxo Soomaaliya. Isku day labaad ayuu sameeyay 18-kii Maarso sanadka xigay, isaga oo sii marayey Sacuudi Carabiya.

“Labada jeerba waa la qabtay. Markii ugu horreysay waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Itoobiya meel ku dhow xadka Soomaaliya. Markii labaadna waxaa xiray ciidamo Soomaaliyeed,” ayuu xeer-ilaaliye Carl Mellberg u sheegay weriyayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, Mellberg ayaa sheegay in aan si buuxda loo caddeyn karin waxa uu ninku ka damacsanaa gudaha Soomaaliya.

“Maadaama uusan waligiis gaarin halkii uu u socday, ma dhihi karno doorkiisa saxda ah waxa uu ahaan lahaa. Laakiin wax kasta oo ay ahaayeen, waxay ahaayeen howl firfircoon oo uu kaga dhex shaqeyn lahaa Daacish, mana ahayn wax ka hooseeya ku biirista safafkooda dagaal,” ayuu raaciyay.

Dacwadda ka dhanka ah ninkan ayaa sidoo kale sheegaysa inuu helay tilmaamo faahfaahsan oo ku saabsan samaynta iyo adeegsiga walxaha qarxa “kuwaas oo si gaar ah loogu tala galay in loogu adeegsado falal argagixiso”.

Ninkan ayaa deggen koonfurta Sweden, waxaana la sheegay inuu saaxiib dhaw la yahay nin kale oo 22 jir ah oo maxkamad lagu xukumay bartamihii Febraayo, ka dib markii lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin safarro dibadeed oo ujeedkoodu ahaa argagixiso, qaar ka mid ah safarradaasna la qorsheeyay iyaga oo iskaashanaya.

Maxkamadeynta 23-jirkan ayaa lagu wadaa in ay ka bilaabato 3-da Diseembar, waxaana dacwadda lagu dhagaysan doonaa muddo saddex maalmood ah, iyada oo kiiska lagu qaadi doono maxkamadda Attunda ee Sweden.

Kooxda Daacish ayaa saamayn kooban ku leh gudaha Soomaaliya marka loo eego Al-Shabaab oo ku xiran Al-Qaacida, balse khubaro ammaanka ah ayaa muddooyinkan ka digaya dhaqdhaqaaq sii kordhaya oo ay Daacish ka waddo dalka.