25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Puntland oo xabsiga dhigtay sarkaal sare + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya.

Sarkaalka la xiray ayaa ka shaqeyn jiray xafiiska Garoowe, waxaana lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay fududeynta tahriibinta dhalinyarada, oo muddooyinkii dambe si weyn ugu soo badaneysay maamulka.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa ku-xigeenka xafiiska Socdaalka ee Garoowe, waxaana loo haystaa inuu si sharci-darro ah baasaboorrada Soomaaliya u siiyay dhalinyaro tiro badan.

Dhalinyaradan qaarkood ayaa waxaa markii dambe lagu qabtay garoomada diyaaradaha maamulka Puntland iyaga oo isku dayaya inay dalka ka baxaan.

Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, maaddaama lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha hawlaha tahriibka iyo inuu jabiyay amar maamul oo ka hor istaagaya in dhalinyarada loo sameeyo baasaboor.

Xariggan ayaa dhacay iyadoo maamulka Puntland uu gacanta ku hayo dhalinyaro kale oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaas oo lagu qabtay garoonka Garoowe kana yimid Muqdisho, una socday Ethiopia si ay halkaas uga sii tahriibaan.

Puntland ayaa xaqiijisay in qof kasta oo lagu qabto falal la xiriira tahriibka la horgeyn doono maxkamad, iyadoo lagu dhaqmayo xeerarka dowladda ee ka dhan ah tahriibka.

Maamulka Puntland ayaa weli waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan ee ay dhalinyaradu kasoo qaadaan safarrada tahriibka, iyadoo magaalada ay ka hawl-galaan shabakado qarsoodi ah oo fududeeya kharashaadka iyo helitaanka dukumentiyada safarka.

R/Wasaare Xamza oo maanta xaqiijiyay guul taariikhi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xamza Cabdi Barre oo maanta xaqiijiyay guul taariikhi ah ayaa noqday Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa, tan iyo markii dib loo yakleelay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, maadaama uu xafiiska joogo muddo 3 sano iyo 5 bilood ah.

Xamza ayaa hoggaanka ka qabtay Xasan Cali Khayre oo isna xilka Ra’iisul wasaaraha hayay muddo 3 sano iyo 4 bilood ah oo uu lasoo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale Xamza ayaa hadda kusii dhawaanaya inuu noqdo Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uga dhiman bilo yar.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal soo saaray ayaa soo bandhigay 7 qodob uu Xamza ku kasbaday inuu ka dheereeyo Ra’iisul wasaareyaashii hore ee uu ku dhaafay muddada xil-haynta.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-

Mudane Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre, Waxa uu noqday Raysalwasaariihii ugu waqtiga dheeraa tan iyo markii dib loo unkay Jamhuuriyadda Sadexaad.

Sidoo kale bilo yar ayaa uga dhiman in uu noqdo Raysalwasaaraha ugu waqtiga dheer taariikhda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ka sakoow Calafka allaah xagiisa ka ahaaday, wuxuu la yimid dhawr sifo oo sabab u noqday in uu sameeyo taariikhdaan naadirka ah.

1- wuxuu muujiyay xil gudasho dhab ah oo adag.

2- wuxuu muujiyay hogaamin sare oo u sahashay in uu ilaaliyo kalsoonida Madaxda Qaranka, Baarlamaanka iyo Dadwaynaha.

3- wuxuu ka adkaaday in ay jidkiisa ka weeciyaan dabaylaha Siyaasadeed ee horay ula tagay rag badan oo xilka uga horeeyay.

4- wuxuu la yimid alle ku xirnaasho iyo isku kalsoonaan shaqsi ah.

5- xukuumaddiisa wuxuu ku hogaamiyay waxqabad balaaran iyo isku duubni sal adag.

6- wuxuu ku adkaystay fulinta Barnaamijkiisii Siyaasadeed ee lagu ansixiyay kuna qotoma aragtida Madaxwaynaha.

7- wuxuu ku sifoobay dhawrsoonaan, deganaan iyo maarayn mug leh.

Waxaa mudan bogaadin Madaxwayne Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo siiyay kalsoonidiisa, iyo hogaanka iyo Xubnaha Baarlamaanka oo iyana ku taageeray xil-gudashadiisa.

Golaha Wasiirada oo muujiyay midnimo iyo xil gudasho bishay hogaanka Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxaan u rajaynayaa Raysalwasaaruhu in uu sii wadi doono xaqiijinta taariikho kale kuwaas oo galidoona Buugga taariikhda.

Shaqsiyan, sharaf wayn ayay ii tahay in aan xubin ka ahay Xukuumadda Raysalwasaare Xamse ee samaysay taariikhdaan.

Mahad oo dhan alle u sugnaatay.

Cali Cosoble oo jawaab siiyay madaxweyne Farmaajo: Xusuusta miyaa kuugu yar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa si adag ugu jawaabay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu ku weeraray dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad cakiran, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan gaajo iyo sicir-barar baahsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxaan darsay oo aan ogaaday in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran maciishadda oo kale qofka bishii 200 ama 300 qaadan jiray in aysan ku filneyn xittaa 500 oo dollar, welina mushaaraadkii uu halkiisii taagan yahay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Farmaajo.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed waxay gaareen heer in maalinkii ay hal mar wax cunaan haddii ay nasiib leeyihiin ama maalin dhaaf waxaa lagu leeyahay mararka qaarkood caga-bararka xilligii uu dagaalka sokeeye aad u darnaa in hadda ay ka daran yahay”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Cali Cabdullahi Cosoble oo sheegay in Farmaajo uu la sheekeysanayo muraayad, isaga oo keli ah, maadaama saaxibadiisii ay banneeyeen garbihiisa.

“Farmaajow raggii aad soo wada shaqeyseen ma jirtaa cid weli kula socota? miyaadan intaa ku tusaale qaadan karin? Xoogaa xusuusta maa kuugu yar? Aaway Kheyre, aaway Rooble, aaway Fahad Yasin, aaway Kullane jiis, aaway wasiir Ducale Islaw iyo kuwii kale dhamaantood? Ma weli baad muraayadda la sheekeysataa?”. ayuu yiri Cali Cosoble.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray “Farmaajow ma taqaan waxa loogu yeero dadka sidaada oo kale u hadla ? Waxaa la yiraahdaa “bilaash xeyte”.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan uun dib ugu soo laabtay dalka ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo xildhibaannada, siyaasiyiinta & qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

DF Soomaaliya oo ogolaatay in la qaybsado lacagta e-Visa iyo Somaliland oo…

0

10Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mar kale soo hadal qaaday arrimo ku aadan hirgelinta nidaamka cusub ee fiisaha elektaroonigga ah ee e-Visa ayaa muujisay dabacsanaan, maadaama nidaamka ay diideen Somaliland iyo Puntland.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad) oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ogoshahay in laga wada-hadlo dakhliga kasoo xarooda e-Visa, ayna diyaar u tahay in la qaybsado.

“Dakhliga e-Visa kasoo xarooda, dowladdu wadahadal ayay ka ogoshahay, wasaaradda maaliyaddana waxay diyaar u tahay in la qaybsado” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Dhinaca kale, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, wuxuuna ku taliyay in Somaliland loo celiyo dakhliga e-Visa ama la qaybsado lacagta, si aan loo dhibin dadka Soomaaliyeed ee u safraya maamulkasi.

“Waxaan hore u qoray in ay ila habboon tahay in dakhliga e-visa loo celiyo ama lala qeybsado Somaliland, si aan loo ciqaabin dadka musaafurka ah ee Hargeysa tegaya oo aan laba lacagood looga qaadin. Hadda sida Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar, laga soo xigtay Dowladda Federaalku diyaar ayay u tahay in dakhliga la qeybsado” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay in la joogo xiligii ugu fiicnaa ee la abuuri lahaa jawi wada-hadal oo deggan, si ay dhinacyadu u qaadaan tallaabooyin keeni xal waara.

“Waxaan qabaa in la joogo xilli ku habboon in wadahadal farsamo ay furaan Federaalka iyo Somaliland. E-visa iyo in ka badan ayaa laga wadahadli karaa” ayuu mar kale yiri.

Yuusuf Garaad ayaa intaa kus daray “Arrinta aan ka hadlayaa waxa keliya oo ay ku saabsan tahay xaqa qofka musaafurka ah. Inta kale ee la isku hayo waa mar kale iyo madal kale”.

Mas’uuliyiinta Minnesota oo ka jawaabay go’aanka Trump ee ka dhanka ah Soomaalida

Minneapolis (Caasimada Online) — Madaxda gobolka Minnesota ayaa si adag uga horyimid hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kadib markii uu ku dhawaaqay inuu si degdeg ah u joojinayo barnaamijka Temporary Protected Status (TPS) ee Soomaalida ku nool gobolkaas.

Temporary Protected Status (TPS) waa barnaamij federaal ah oo ka hor-tagaya in Mareykanka laga masaafuriyo dadka aan haysan sharciga joogtada ah ee kasoo jeeda dalal dhowr ah oo ay ka jiraan xaalado aan nabdooneyn, sida dagaallo ama masiibooyin dabiici ah.

Trump ayaa go’aankiisa u cuskaday eedeymo aan la xaqiijin oo la xiriira musuq-maasuq iyo falal burcadnimo. Tallaabadan ayaa walaac xooggan ku beertay qoysaska Soomaalida, waxayna dhalisay qaylo-dhaan kasoo yeertay mas’uuliyiinta, kuwaas oo sheegay in go’aankani uu si gaar ah u beegsanayo bulsho dhan, xilli uu saameynayo tiro yar oo ah dadka haysta TPS-ka.

Qoraalka Trump ayaa si gaar ah diiradda u saaray Soomaalida Minnesota, halkaas oo hoy u ah bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan Mareykanka. Inta badan dadka halkaas deggen waa muwaadiniin Mareykan ah ama waxay haystaan sharciyo kale oo rasmi ah (Green Card).

Dadka dhaliila siyaasadda Trump ayaa ka digaya in hadalkiisu uu sii kordhin doono cabsida, isla markaana uu hurin doono naceybka ka dhanka ah Muslimiinta, iyadoon loo eegin xilliga ama sida ay u dhaqangali karaan is-beddelladaas siyaasadeed.

Eedeymaha musuq-maasuqa  

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social 21-kii November, ayuu Trump ku tilmaamay Minnesota inay tahay “xudunta falalka lacag-dhaqidda iyo khiyaanada.” Wuxuu sheegtay in “burcad Soomaali ah ay argagax gelinayaan dadka gobolkaas, isla markaana balaayiin dollar la la’yahay.” 

Ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraya eedeymahaas, mana jiro xiriir rasmi ah oo uu muujiyay inuu ka dhexeeyo musuq-maasuqa uu sheegay iyo dadka ka faa’iideysta barnaamijka TPS-ka.

“Anigoo ah Madaxweynaha Mareykanka, waxaan halkan si degdeg ah uga joojinayaa barnaamijka TPS Soomaalida Minnesota,” ayuu qoray, isagoo tallaabadan ka dhigaya jawaab laga bixinayo dambiyo iyo khiyaano uu sheegay inay ka dhan yihiin barnaamijyada daryeelka bulshada.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Minnesota, Keith Ellison, ayaa sheegay in Trump uusan sharci ahaan awood u lahayn inuu TPS ka joojiyo “hal gobol oo kaliya,” ama uu go’aankaas ku saleeyo “naceyb shakhsi ah.” Ellison ayaa wacad ku maray inuu qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo looga hortagayo arrintan.

Qoraal uu soo dhigay barta X (Twitter), ayuu Ellison ku ammaanay Soomaalida inay yihiin “qayb muhiim ah oo ka mid ah gobolkeenna, dhaqankeenna, iyo bulshadeenna,” isagoo madaxweynaha ku eedeeyay inuu adeegsanayo xeelado cabsigelin iyo eedeyn aan sal lahayn.

Senator-ka laga soo doorto Minnesota ee Federaalka, Tina Smith, ayaa sidoo kale ku celisay dhaliishaas. “Tani waa tallaabo caado u ah Donald Trump; wuxuu weerarayaa bulshadeenna Soomaaliyeed sababtoo ah wax kale oo uu qabto ayuu waayay habeenkan Jimcaha ah. Waa dabeecaddiisa, laakiin ma aha cidda aynu nahay,” ayay ku tiri war-saxaafadeed.

Farah Ali, oo ah suxufi Soomaali-Mareykan ah oo deggan Minnesota, ayaa u sheegay Somalia Today in sheekada musuq-maasuqa loo qorsheeyay in dadka deriska ah la isaga horkeeno, halkii xal loogu heli lahaa dhibaato dhab ah. 

“Eedeymahani waa dacaayad (propaganda) ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farah. “Ujeedku waa in dadka kale ee deegaanka laga dhigo kuwo ka shakisan Soomaalida, lana iska horkeeno bulshooyinka. Cidna ma hayso caddeyn dhab ah oo muujinaysa in lacag laga diray Minnesota oo loo gacan-geliyay Al-Shabaab. Haddii taageerayaal caynkaas ah ay halkan joogi lahaayeen, mar hore ayay xabsiga ku jiri lahaayeen.”

“Waxaan weerarradan midigta-fog u arkaa Islaam-naceyb iyo cunsuriyad,” ayuu raaciyay. “Waa sidoo kale isku day lagu doonayo in lagu wasakheeyo sumcadda Barasaabka Minnesota, maadaama uusan la wadaagin aragtidooda ku aaddan hawlgallada Waaxda Socdaalka iyo Kastamada (ICE).”

Barnaamij yar, balse bulsho weyn

TPS waa barnaamij federaal ah oo la sameeyay 1990-kii, kaas oo siiya sharci ku-meel-gaar ah iyo ruqsad shaqo ajaanibta u qalma ee ka yimid waddamada ay aafeeyeen colaadaha ama masiibooyinka dabiiciga ah.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay heshay TPS 1991-kii markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalka. Maamulka Biden ayaa kordhiyay, dibna u qoondeeyay TPS-ka Soomaaliya sanadkii 2024, iyadoo wareegga hadda socda uu ku egyahay Maarso 17, 2026.

Warbixin dhowaan kasoo baxday Adeegga Cilmi-baarista Koongareeska (Congressional Research Service) ayaa lagu qiyaasay in kaliya 705 qof oo ku dhashay Soomaaliya ay dalka Mareykanka oo dhan ku haystaan TPS. Taas beddelkeeda, boqolaal kun oo u dhashay dalalka Haiti iyo El Salvador ayaa ka faa’iideysta barnaamijkan.

Qareennada socdaalka ayaa sheegaya in ballanqaadka Trump ee ah inuu “si degdeg ah” u joojinayo TPS-ka Soomaalida ee hal gobol ay hubaal la kulmi doonto caqabado dhanka sharciga ah, maadaama TPS ay tahay qoondeyn qaran oo uu maamulo sharciga federaalka, balse aanu gobol gaar ah maamulin.

Minnesota waxay ahayd xarun muhiim ah oo ay tagaan Soomaalida tan iyo 1990-meeyadii. Xogta tirakoobka ayaa muujinaysa in in ka badan 63,000 oo qof oo ku nool gobolka ay sheegteen inay asal ahaan kasoo jeedaan Soomaaliya.

Tobanaan sano gudahood, waxay dhisteen xarumo ganacsi, masaajiddo iyo xarumo bulsho, waxayna ku guuleysteen xilal la isku doorto oo heer degmo, gobol iyo federaal ah, inkastoo ay la kulmeen dhibaateyn cunsuriyadeed iyo isku dayo lagu doonayo in lagu joojiyo dejinta qaxootiga.

Daawo: Farmaajo oo sheegay in dalku ku jiro xaalad halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isaga oo weerar culus ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu ku jiro xaalad cakiran, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan gaajo iyo sicir barar baahsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxaan darsay oo aan ogaaday in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran maciishadda oo kale qofka bishii 200 ama 300 qaadan jiray in aysan ku filneyn xittaa 500 oo dollar, welina mushaaraadkii uu halkiisii taagan yahay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Farmaajo.

Madaxweyinhii hore ee dalka ayaa xusay in xaaladda uu waddanka u maraayo aan indhaha laga qabsan karin, isla markaana sicirka bararka jira uu ka daran yahay kii horay loo arkay.

“Dadka Soomaaliyeed waxay gaareen heer in maalinkii ay hal mar wax cunaan haddii ay nasiib leeyihiin ama maalin dhaaf waxaa lagu leeyahay mararka qaarkood caga-bararka xilligii uu dagaalka sokeeye aad u darnaa in hadda ay ka daran yahay” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in la sameeyo labada qodob, midda koowaad in shaqaalaha dowladda iyo ciidamada loo kordhiyo mushaaraadka iyo in maciishadda soo dageyso laga yareeyo canshuuraha, si qiimaha hoos loogu dhigo, dadkuna ay awoodaan inay iibsadaan.

“Waxaan sameyn karnaa laba arrimood qiyaastii kow ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dowladda inaan mushaarka u kordhino oo bajadka lagu daro, maxaa yeelay nolol kuma noola, marka labaadna maciishadda imaaneysa oo weliba cuntada ah in laga yareeyo canshuurta, si dadka saboolka ah ay u awoodaan nolol maalmeedkooda” ayuu yiri

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo indhawaanahan dhaqaale xumo ay ka cabanayeen dadka deggan Muqdisho, taas oo keentay in magaaladu gasho xaalad cakirnaan ah, waxaana hoos us dhacayay marba marka ka dambeysa dhaq-dhaqaaqa guud ee ganacsiga.

Tallaabo ay qaadeen Al-Shabaab oo saameyn ku yeelatay magaalada Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay tallaabo ay qaadeen Al-Shabaab oo xayiraad saartay gaadiidkii shidaalka gayn jiray gudaha magaaladaasi.

Arrntan ayaa keentay in sare u kac laga dareemayo qiimaha shidaalka ee suuqyada Jowhar, waxayna saameyn ku yeelatay darawallada gaadiidleyda ee ka howlgala magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay xanibeen gaadiidkii shidaalka gayn jiray halkaasi, kuwaas oo ka bixi jiray caasimada Muqdisho, balse haatan culeys kala kulmay kooxda.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale lacago dheeraad ah kusoo rogay gaadiidka oo ay u galeen waddada, sida ay ku warrameen qaar kamid ah darawallada kaxeeya baabuurta Jowhar.

Sidoo kale, wadayaasha ayaa ku dooday in arrintan ay saameyn ku yeelatay shaqadooda, maadaama shidaalka qaali u noqday, shaqadoodina ay sidaas ku istaagtay.

Waxaa kale oo ay intaas ku dareen, haddii ay ka shaqeyn lahaayeen gudaha magaalada oo kaliya in uusan ku filneen qarashka ay helayaan, maadaama uu sare u kacay shidaalka.

Shacabka ayaa sidoo kale dareemay culeyskan, maadaama ay yaraadeen gaadiidkii ka shaqeynayay magaalada Jowhar ee caasimaa dowlad-goboleedka HirShabelle iyo deegaannada kale, sida Mahadaay iyo qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle oo ku aadan cabashada kasoo yeereysa shacabka ee ka dhalatay xanibaadda ay saartay Al-Shabaab.

Horay maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa dhaq-dhaqaaqyo uga sameeyay deegaanno dhow caasimada Jowhar, maadaama ay dib u qasadeen goobo horay looga xoreeyay.

Sawirro: Cumar Cartan oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada kadib guushii..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan oo dhawaan ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu maamuusay Cumar guusha uu usoo hooyay dalka, maadaama uu kor u qaaday sumcadda iyo maamuuska dadka Soomaaliyeed.

“Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Madaxtooyada Qaranka.

Sidoo kae, Madaxweynaha ayaa mar kale ugu hambalyeeyey Garsoore Cumar Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey, waxa uuna tilmaamay in abaal-marintan ay muujineyso kartida iyo daddaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa, isaga oo u rajeeyey meel halkaa ka sareysa oo heer caalamiya inuu gaarsiiyo magaca Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Garsoore Cumar Cartan ayaa Madaxweynaha Uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinaayo in sii wado dafaalkiisa ku aaddan matalaadda Caalamka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.

Waxaa kale oo uu Cumar bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku booriyay inay ka fogaadaan wuxuu ugu yeeray “qabyaaladda iyo qurunka”, isla markaana ay mid ahaadaan, si aan adduunka ula tartansiin karno dalkeenna Soomaaliya.

Cumar Cabdiqaadir Cartan wuxuu abaalmarintan kula tartamay laba garsoore oo kale oo u dhashay dalalka South Africa iyo Mauritius, isaga oo ugu dambeyn ka guuleystay, kadib markii guddiga abaalmarinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) u tobaadan ku dhawaaqay in guuleystaha sanadkan 2025 uu noqday Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan.

Hambalyada madaxweynaha iyo aqoonsiga CAF ayaa muujinaya horumarka iyo sumcadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka gaareen garsoorka ciyaaraha, taasoo dhiirrigelinaysa jiilka cusub ee ciyaartoyda iyo garsoorayaasha.

Yoweri Museveni oo jeediyey hadal ka caraysiiyey Kenya oo la xiriira sheegashada badda

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa faahfaahin ka bixiyay hadallo uu horay u jeediyay oo ku saabsanaa sheegashada dalkiisa ee marin u helidda Badweynta Hindiya, arrintaas oo dood xooggan ka dhalisay guud ahaan Kenya.

Isagoo la hadlayay warbaahinta qaranka Uganda Jimcihii, November 21, 2025, ayaa Museveni wuxuu sheegay in bayaankiisu uu salka ku hayay dhismaha federaal siyaasadeed oo looga gol leeyahay in lagu sii xoojiyo is-dhexgalka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo milatariga oo dhaafsiisan midowga canshuuraha iyo suuqa guud ee hadda jira ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Arrinta amniga istiraatiijiga ah ayaa ah sababta aan uga hadlay Badweynta Hindiya. Xitaa haddii aan ku wada jirno EAC, ma wada qorsheyno difaaca. Dal walba oo xubin ah wuxuu leeyahay difaaciisa gaarka ah,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray, “Waddamada qaar ee caalamka ayaa awood sare ku leh dhanka ciidanka cirka, badda (waana sababta aan uga hadlay Badweynta Hindiya), iyo dayax-gacmeedyada, balse dalalka Bariga Afrika ee ku yaalla xeebaha waxaa laga yaabaa in aysan lahayn awood dhaqaale. Halkaas ayuu federaalka siyaasadeed ka soo galayaa.”

Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii uu digniin u diray Kenya, isagoo sheegay in dalkiisa oo aan bad lahayn uu xaq u leeyahay inuu marin u helo Badweynta Hindiya.

Wareysi uu bixiyay Talaadadii, November 11, 2025, ayuu ugu baaqay waddamada Bariga Afrika inay dhaqaale ahaan midoobaan si looga hortago khilaafaad mustaqbalka dhaca.

“Hab-dhismeedka siyaasadeed ee Afrika waa mid aan caqli-gal ahayn. Qaar ka mid ah waddamada ma laha marin badeed. Ujeedooyin dhaqaale iyo kuwa difaacba, waad xayiran tahay. Sidee baan u dhoofiyaa badeecadeyda?” ayuu yiri.

Museveni ayaa sheegay in Uganda aysan dhisan karin ciidan bad ama aysan si madax-bannaan u dhoofsan karin badeecadeeda maadaama aysan lahayn xeeb.

“Taasi waa sababta aan u leeyahay, dadkiinow, maxaad u eegi weydeen sida loo midoobo? Sababtoo ah Uganda, xitaa haddii aad dooneysaan inaad dhisataan ciidan bad, sidee baad u dhisi kartaan? Annagu marin badeed ma lihin,” ayuu yiri Museveni.

Museveni ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay ku tiirsanaanta Uganda ee waddamada deriska ah, gaar ahaan Kenya, ee dhanka kaabayaasha ganacsiga.

“Taasi waa sababta aan wadahadallo aan dhammaad lahayn ula yeelanno Kenya, kadibna kani, kani wuu istaagay, kadibna mid kale ayaa yimid, dabadeedna… Jidka tareenka, dhuumaha shidaalka, biyaha – waan ka wadahadalnaa. Laakiin baddaas anigaa iska leh sababtoo ah aaway baddaydii? Xaq baan u leeyahay baddaas,” ayuu yiri.

Inkastoo hadalladiisu ay dhaliyeen walaac la xiriira xasilloonida Bariga Afrika iyo xiriirka soo jireenka ah ee dhanka xuduudaha iyo ganacsiga ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah, haddana dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku jeesjeesay sheegashooyinkaas, iyagoo internet-ka ku baahiyay sawirro qosol ah oo si weyn u faafay.

Sawirro: Farmaajo oo kulamo culus ka billaabay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan casho-sharaf iyo xog-wareysi ah hoyga uu ka deggan yahay Muqdisho kula yeeshay qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore iyo xildhibaannada ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, ilaalinta dowladnimada, midnimada iyo maareynta marxaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro.

Mudane Farmaajo ayaa uga mahadceliyey xildhibaannada booqashada iyo kulanka wadatashi ee ay ugu yimaadeen, isagoo ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in ay mudnaanta siiyaan ka shaqaynta dhowrista midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, taas oo aasaas u ah ilaalinta dastuurka iyo shuruucda lagu heshiiyey.

Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay 13-kii Nofeembar, kaddib saddex sano iyo dheeraad ah oo uu ka maqnaa.

Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa dalka ugu soo laabtay arrimo la xiriira doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socda lagu wado in ay dalka ka qabsoonto, inkasta oo aan weli heshiis lagu ahayn nooca doorasho ee la qorsheeyey in dalka laga qabto 2026-ka.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu qayb ka noqon doono dadaallada gudaha ee xalka loogu raadinayo in la dhammeeyo khilaafka masiiriga ah ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka ah iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la xiriira doorashada dalka, isla-markaasna ka dhashay wax ka beddelkii 30-kii bishii Maarso ee sannadkii 2024 lagu sameeyay afar ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG ah ee uu ka kooban yahay.

Imaanshaha Farmaajo ee dalka ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ismari-waa siyaasadeed uu ka taagan yahay doorashada, kaas oo muddooyinkan dambe u dhexeeyay siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta iyo Villa Somalia.

13-kii bishii Agoosto ayaa waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulammo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la lahaa xubnaha Madasha Samatabixinta, kaddib markii ay isla meel dhigi waayeen in laga laabto qodobbadii la beddelay ee dastuurka qabyo-qoraalka, si marka hore loogu heshiiyo haddii wax laga beddelayo iyo haddii kale.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka biyo-diiddan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamulayso doorashada 2026, iyagoon ka digay in dalka laga qabto doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Farmaajo waa madaxweynihii ugu dambeeyay ee dalka ee doorasho lagaga guuleystay kaddib xilka wareejiya, dowladduna waxay og tahay in uu saamayn siyaasadeed leeyahay.

Farmaajo waxaa lagu tiriyaa siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, inkasta oo uu u dhaqmayo siyaasi kali-duul ah, marka aad eegto in aanu xubin ka ahayn isbahaysiyada ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan dalka ka qaban karin doorasho aan heshiis lagu ahayn, maadaama ay ka warqabto in beesha caalamka aan wax dhaqaale ah lagu bixin doonin doorasho lagu kala qaybsan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dabayaaqadii bishii Agoosto hal tallaabo u qaaday tanaasulka looga baahan yahay in dowladdiisu ay sameyso, markaas oo uu oggolaaday in madaxweynaha xiga ay soo doortaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, balse ay dadweynuhu si toos ah u soo dooran doonaan golayaasha deegaanka, xildhibaannada baarlamaanada heer dowlad-goboleed iyo heer federaalba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa go’aankan qaatay, kadib heshiis uu xilligaasi la galay afar ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, kuwaas oo mabda’an ka tanaasulay mucaaradnimadooda. Siyaasiyiintan ayaa kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Daahir Maxamuud Geelle iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdirraxmaan.

Sababta ka dambeysa dhacdooyinka argagaxa leh ee ka scoda Galmudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Labadii sano ee la soo dhaafay, magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug waxaa ku soo noqnoqday colaado dhiig badan ku daateen oo salka ku haya aano qabiil.

Dhibaatadan ayaa gaartay heer ay saameyso guri kasta, qoys kasta, iyo qof kasta — iyadoo ay adkaatay in la helo cid gebi ahaanba ka badbaaday.

Beelaha ku dhaqan qaybta ay magaalada ka maamusho Puntland, qabiilada dagan marka laga dhigo shan qaybood, waa Daarood, Carab Saalax, Madhibaan, Shiikhaal, iyo Dir.

Dhammaan beelahan waxaa si toos ah u taabtay aanadaas, taas oo bulshada reer Mudug u noqotay aafada cusub ee gobolka.

Sababaha dhaliyay aanada soo noq-noqotay

Marka la baaro xididdada mushkiladda, bulshada Gaalkacyo waxay tilmaameen sababo dhowr ah. Haddaba, halkan waxaa lagu soo koobay 12 sababood oo waaweyn:

1: Cadaalad darro – Dhibanaha oo xaqiisa ku waaya nidaamka xeerka beelaha ee mararka qaarkood qalafsanaada, iyadoo si xun loo maareeyo dhacdo la isaga soo heyday.

2: Gacan-ku-dhiiglaha oo baxsada – Dambiilaha oo aan la soo qaban, kuna magan gala ehelkiis degaannada Mudug ama dhoof ku baxsada.

3: Mag la kala qaato oo aan raalli la iskaga ahayn – Qoyska dhibbanaha oo aan helin mag cadaalad ah, ama oggolaansho la’aan lagu khasbo in ay qaataan mag.

3: Xeer dhaqameed si qaldan loo adeegsado – Marka labada reer wax iska dilaan, midkood oo diida inuu qaato xeer cusub oo aan dhaqanka beeshiisu aqoon.

4: Tabar-darrida dowladda – Booliska iyo hay’adaha amniga oo aan awoodin qabashada gacan-ku-dhiiglaha.

5: Kicinta bulshada – Baraha sida TikTok iyo Facebook oo laga kiciyo colaadda, kana qaata doorkii shaydaanka.

6: Suluxii oo la waayey – Odayaasha iyo culimada dhaqanka oo aan doorkoodii buuxin, isla markaana waxaa yaraaday dadkii sulaxa gali jiray.

7: Akhlaaq iyo ehelnimo luntay – Is-aaminaaddii bulshada oo meesha ka baxday, isu-turkii iyo is-xeerintii oo la waayey.

8: Faragelinta kooxaha hubeysan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya – Kooxo hubeysan oo xeelado u adeegsada si ay bulshada u kala fogeeyaan.

9: Isku-dirayaal gudaha iyo dibadda jooga – Kuwo abaabula colaadda oo maalgelin siiya dadka dhibaatooyinka wada.

10: Garsoor aan wax-qabad lahayn – Maxkamado aan awoodin xukunnada dilka iyo dambiyada culus.

11: Nidaam la’aan iyo ku tuman sharci – Qof walba oo u dhaqmaya si gaar ah iyadoo aan la hayn hal nidaam mideeya bulshada.

Saamaynta aanada soo noq-noqotay

1: UURKU TAALO: Dhaxalka colaadaha mar walba waa gumaad, barakac, iyo burbur bulsho. Waxaa laga dheefsadaa uur-ku-taallo, caloolyow, iyo gargarkii oo bilaash u go’a.

2: Luminta Haldoorka: Waxaa dhimatay ganacsato, dhakhaatiir, arday qalin beddeshay, iyo dad bulshada muhiim u ahaa. Ganacsato ayaa la dilay, kuwo ayaa cararay, kuwa kalena qoryo lagu wardiyeeyo ayaa goobahoodii shaqo fadhiya. Dhibka iyo mashaqadu qof walba way gaartay.

3: Is-aaminaaddii bulshada: waxaa burburtay is aaminaadii Qofba qofkii saaxiibkii ahaa ayuu ka dhuuntay, sababtoo ah labadooda qoys ayaa is dilay. Waxaa la gaaray heer qofka lagu bartilmaameedsado magaca qabiilkiisa, waxaa fadhigii goobaha bulshada ku kala go’ay saaxiibo sheeko wadaag ahaa.

4: Carar: Shaqooyinkii, qoysaskii, iyo himilooyin badan ayaa laga huleelay dadkii hayeyna ka carareen inay bartilmaameed noqdaan . Qaar ayaa u qaxay dhul cusub, nolol cusubna bilaabay. Kuwo kale ayaa ku haray cabsi iyo hubsiimo la’aan.

5: Waxbarashadii: Goobihii waxbarashada ayaa hoos u dhacay, sababtoo ah arday iyo macallimiin muhiim ah ayaa ka baxay deegaanka naftan magan galyo la raadsaday Bulshada inteeda badan waxay guratay xanuunka iyo kala irdhowga ay colaaddu keentay Guri walbana lilaahi looga dareemay

Doorka dowladda

Dhibkan wuxuu muujiyey in nidaamka dawladdu uu ku guuldaraystay inuu dammaanad qaado amniga muwaadiniinta, Booliska ma awoodaan qabashada dambiilayaasha, halka garsoorkuna u muuqdo mid aan awoodin inuu xukumo dambiyada dhiigga ee ay hayaan gacan ku dhiig layaasha

Arrintaas waxay bulshada Gaalkacyo u caddeysay in hay’adaha amniga iyo cadaaladdu ay ka maqan yihiin goobihii ugu muhiimsanaa ee ay ahayd inay ka dhex muuqdaan — nolosha iyo nabadda muwaadinka.

Gunaanad iyo talooyin

Aanooyinka soo noqnoqday waa calaamad muujinaysa in bulshada ka hurudo xil dhaba aysan iska saarin mashaakilka taagan.

Si loo joojiyo dhibaatadan la mid noqotay tusbax la furay waxaan soo jeedin doonaa talooyin aan is leenahay xalka ayey qayb ka noqon karaan

1: Dowladda Puntland waa in ay dejisaa xeer gaar ah oo lagula tacaalo aanada, lana sameeyaa maxkamado ku-meel-gaar ah oo u heellan dambiyada dhiigga maaadama dawlada dhankeeda liic xoogleh ka jiro sidoo kale ayadoo umaraysa shareecada xalinta kiisaska dilka.

2: Culimada iyo odayaasha dhaqanka waa in ay si mideysan Gunta xariga ugu dhuuqsadaan ayna ukacaan xal u holida aafooyinkan.

3: Baraha bulshada waa in la helaa xal lugu xakameeyo gaar ahaan tiktok oo noqday aafada cusub ee maanta

4: Jaaliyadaha dibadda waa in ay ka qayb qaataan nabadaynta sidoo kale waa inay wax ka qabtaan xubnaha fitanada gudaha ka dhacaysa ka shaqeeya lacagahana soo dira

5: Waxbarashada iyo dhalinyarada hay’adaha waxbarashada iyo dhalinyarada uxil saaran waa inay qaataan door muuqda ku saabsan ladagaaalanka qabyaalada iyo dhiiga

EREY DHAMMAAD: “Colaad wiil baa ku dhintee, wiil kuma dhasho.”

Qore: Abdiqafar Abdirahman Hussein

Xogta duqeyn lagu laayay xubno Daacish ah oo ka dhacday Calmiskaad

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo maanta diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen qaybo kamid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay weli howlgallo kasii wadaan ciidamada Puntland.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeynta oo bartilmaameed ah lala beegsaday firxadka maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugnaa aagga tog ku yaalla Baallade, halkaas oo uu ka socdo howlgalku.

Puntland ayaa xaqiijsay in weerarkan lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo kamid ahaa kooxda Daacish ee ku sugnaa aagga la duqeeyay, waxayna u mahadcelisay Mareykanka.

“Duqeyn ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish, duqeynta oo ka dhacday aaga Barakalah ee Togga Baalade waxaa fuliyey saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Puntland.

Waa weerarkii labaad oo cirka ah oo muddo laba todobaad gudahood ah uu Mareykanka ka fulinayo aaga Barakalah ee Togga Baalade, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha Daacish.

Waxaa kale oo kasii horreeyay weerar kale oo uu dhawaan Mareykanka ka fuliyay deegaanka Ceelka Baarakalaah oo ah fariisin istaraatiiji ah oo ay togga Baallade kaga sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish, halkaas oo sidoo kale jab culus loogu gaystay.

Daacish ayaa difaacaneysa Ceelka Baarakalaah, waxaana horay ay u sheegtay inay ka hortegtay weeraro ay kusoo qaadeen ciidanka Puntland, si ay u qabsadaan deegaankaas.

Si kastaba, Duqemahan waxaa barbar socda dagaallo toos ah oo ay ciidanka Puntland ku qaadayaan fariisimaha Daacish ee ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Maxkamadda Ciidanka oo xukun adag kasoo saartay dhacdooyinkii Wanlaweyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno adag kasoo saartay dhacdooyinkii kala duwanaa ee dhawaan ka dhacay gudaha degmada Wanlaweyn iyo duleedkeeda, kuwaas oo si weyn looga argagaxay.

Maxkamadda oo kiiskan siisay waqti ku filan, kuna dhageystay xeer ilaalinta iyo sidoo kale qareennada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ugu dambeyn soo saartay xukunno isugu jir dil toogasho ah, xabsi ciidan iyo sii deysmo, sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Cabdullaahi Abuukar Xasan Shadoor oo ka tisan Garsoorka Maxkamadda Ciidamada.

Xasan Buulle Isaaq, Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Abshir Cabdow Xasan Made, Maxamed Sayid Cumar Awbiime, Cumarey Iskoy Maame, Abuukar Daa’uud Cismaan, Liibaan Abuukar Cumar (Shiine), Yuusuf Abuukey Maamo iyo Jamaal Maxamed Qaadi ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Dhammaan raggan ayaa lagu helay dil wadareed ka dhacay Warta Cismaan oo qiyaastii 8M u jirta degmada Wanlaweyn, laguna dilay 12 qof iyo falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud Maxamed ee ka dhacay aagga degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Maxamed Cismaan (Cabdi Tuure) oo maqanayaal ah ayaa iyaguna lagu xukumay toogasho.

Dhammaantood waxaa iaygana raggan loo haystaa weerar lagu dilay illaa 5 qof, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku qaadeen Ceelka Yaaqbariweyne, muwaadin si fool xun loogu dilay isla Yaaqbariweyne iyo falal kale oo ay kamid tahay jidgooyo lagu dhibaateeyo masaafurka.

Cabdifitaax Sokorey Gaduudow, Daahir Mukhtaar Shibow, Saaax Xuseen Cali, Cabdixamiid Cabdullahi Siidow, Maxamed Daahir Cismaan iyo Muslimo Cabdi Kuusow oo iyaguna kaalin ka qaatay dhacdadii foosha xumeyd ee muwaadinka lagu gubay ayaa sidoo kale lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Dhinaca kale, Maxkamadda Ciidamada ayaa sii deysay Axmed Saalax Abuukar, Qaasim Cabdi Xasan Amiin, Abuukar Yuusuf Cali Axmed iyo Cismaan Cabdulle Caliyow, kadib markii lagu waayay eeddii xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Trump oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah Soomaalida Minnesota oo horseedi kara…

Minneapolis (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu si degdeg ah u joojinayo badbaadada ku meel gaarka ah ee ka hortagga musaafurinta ee Soomaalida ku nool Minnesota, isagoo soo dedejinaya dhammaadka barnaamij soo billowday 1991-kii xilligii madaxweyne kale oo Jamhuuri ah.

Trump ayaa sheegay inuu baabi’inayo sharciga Temporary Protected Status (TPS) ee Soomaalida sharci-darrada ku jooga Mareykanka ka bad-baadinaya in la tarxiilo.

“Kooxo burcad Soomaali ah ayaa argagax ku haya dadka Gobolkaas weyn, waxaana la la’yahay balaayiin doollar,” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay barta Truth Social xilli dambe oo xalay ah, isagoon bixin faahfaahin dheeraad ah ama caddeymo.

“Anigoo ah Madaxweynaha Mareykanka, waxaan halkan ku joojinayaa, laga billaabo hadda, badbaadada ay Soomaalida Minnesota ku haystaan Temporary Protected Status (TPS Program),” ayuu yiri.

Trump ayaa ku tilmaamay Minnesota “xarun laga sameeyo dhaq-dhaqaaqyo lacago lagu dhaqo oo been abuur ah” inta uu Guddoomiyaha ka yahay Tim Walz oo Dimoqraadi ah.

Tallabada Trump ayaa u muuqatay jawaab ku socota warbixino aan la xaqiijin oo ay warbaahinta garabka midig qortay, kuwaas oo ay sii faafiyeen sharci-dejiyayaal Jamhuuri ah, taasoo sheegaysay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay ka faa’iideysteen wax-is-daba-marin lacag oo ka dhacday Minnesota.

Walz ayaa uga jawaabay barta X, isagoo yiri: “Ma ahan wax lala yaabo in Madaxweynuhu doortay inuu si guud u beegsado bulsho dhan. Tani waa waxa uu sameeyo si uu u beddelo mawduuca.”

Barnaamijka TPS ee Soomaalida waxaa daahfuray Madaxweyne George H.W. Bush bishii Sebteembar 1991. Wuxuu bixiyaa badbaado dowladeed oo la siiyo shakhsiyaadka ajnabiga ah ee u qalma, kuwaas oo aan si nabad ah ugu laaban karin dalkooda sababo la xiriira dagaallo sokeeye ama masiibooyin dabiici ah.

Toddobo iyo toban waddan ayaa u qalma barnaamijkan, laakiin maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay inuu joojinayo TPS ee dhowr waddan, oo ay ku jiraan Venezuela iyo Nicaragua.

Maamulka madaxweynihii Dimoqraadiga ahaa ee ka horreeyay Trump, Joe Biden, ayaa kordhiyay ogolaanshaha Soomaalida ilaa 17-ka Maarso, 2026. Inta badan Soomaalida Minnesota waa muwaadiniin Mareykan ah, waxaana jira oo kaliya 705 qof oo ku dhashay Soomaaliya guud ahaan ooo haysta maqaamka TPS, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Adeegga Cilmi-baarista Koongareeska (Congressional Research Service) oo ah hay’ad aan dhinacna raacsanayn.

Marka la barbar dhigo, in ka badan 330,000 oo u dhashay Haiti ayaa haysta TPS, iyo sidoo kale in ka badan 170,000 oo qof oo ka yimid El Salvador.

Jaylani Hussein, oo ah agaasimaha fulinta ee Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka (Council on American-Islamic Relations) ee Minnesota, ayaa sheegay in go’aanka Trump uu yahay mid laga xumaado marka la eego in Soomaalida ay arrintani khuseyso ay yihiin soo-galooti sharci ah. Wuxuu intaas ku daray in tallaabada Trump ay kala geyn karto qoysas.

“Kuwani waa soo-galooti sharci ah, mana aha inay dhibaato kala kulmaan cayaar siyaasadeed oo lagu beegsanayo bulshada Muslimiinta. Dadkani waxay u hoggaansanaayeen sharciga,” ayuu yiri.

Abshir Omar, oo ah khabiir istiraatiijiyadeed dhanka siyaasadda ah, kaas oo taageeray Trump doorashadii madaxtinimada ee 2024, ayaa sheegay inuu filayo in go’aanka looga dacwoodo maxkamad.

Wuxuu sheegay in tallaabadani ay dhaawici karto xiriirka dhaqaale iyo midka istiraatiijiyadeed ee muddada dheer kala dhexeeya Soomaaliya, taasoo bishii Maarso u soo bandhigtay Mareykanka maamulka gaarka ah ee saldhigyada cirka iyo dekedaha, islamarkaana muujisay xiisaha ay u qabto iskaashiga shirkadaha Mareykanka si ay u baaraan keydkeeda saliidda ee baaxadda leh.

Farmaajo oo ka horyimid tallaabadii ay maanta qaaday DF ee xabsiga lagu dhigay….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa qaylo dhaan afka furtay, isaga oo dhaleeceyn xooggan u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa marka hore ka horyimid tallaabo ay maanta dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Cabdirisaaq Nuur Xalane oo lagu xiray garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli uu doonayay inuu ka dhoofo.

Xalane ayaa maalmihii u dambeeyay aad u dhaliilayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, taas oo lala xiriirinayo xarigiisa.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in xarigga nabadoonka uu yahay shacri darro, isla markaanaa uu muujinayo in dowladdu ay kasii baxayso xeyndaabka sharciga, sida uu hadalka u dhigay.

“Xarigga sharci darrada ah ee lagula kacay Nabaddoon Cabdirisaaq Nuur Xalane waxa uu muujinayaa sida dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay u sii xulayso jid ka fog sharciga, awoodda dowladdana ay uga dhigtay mid lagu caburiyo haldoorka bulshada ee ka dhiidhinaya barakicinta dadka danyarta ah” ayaaqoraalkiisa ku yiri Maxamed Farmaajo.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in dowladdu ay kasoo horjeedo isla-xisaabtanka, cadaaladda iyo dowlad-wanaagga, isagoo dhanka kale ku baaqay in la daayo nabadoonka.

“Annagoo garowsan in xariggan sharci darrada ah uu muujinayo sida dowladdan ay uga soo horjeeddo isla-xisaabtanka, cadaaladda iyo dowlad-wanaagga, waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah xabsiga looga siidaayo Nabaddoonka, loona fasaxo safarkiisa laga xannibay”. ayuu kusii daray.

Sidoo kale wuxuu mar kae yiri Farmaajo “Waxaan bogaadinaynaa dhammaan haldoorka u istaagay danta guud, u doodista xuquuqda dadkeenna la barakicinayo iyo dowlad wanaagga, taas oo aasaas u ah in la helo dowlad aamin ah oo daryeesha shacabkeeda”.

Saldhigga Soomaaliya ku yaalla ee muranka dhaliyey oo la ogaaday in Mareykanka….

Boosaaso (Caasimada Online) – Iyadoo Washington ay si xoog leh ugu cadaadinayso Imaaraadka Carabta in ay joojiyaan hubeynta Ciidanka Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF), ayay haddana ciidammo Maraykan ahi si aamusnaan ah uga duulayaan saldhigyo uu Imaaraadku ka dhisay Soomaaliya – isla xarumahaas oo ay baarayaal madax-bannaan ku sifeeyeen in ay noqdeen laf-dhabarta sahayda ee lagu xoojiyo malleeshiyada RSF.

Magaalada istiraatiijiga ah ee Boosaaso oo ku taal maamul-goboleedka Puntland, ayaa xukuumadda Abu Dhabi waxay u beddeshay xarun ciidan oo si casri ah loo qalabeeyey, taas oo isugu jirta garoon diyaaradeed iyo saldhig ciidan badeed oo ku yaal Gacanka Cadmeed.

Ilo-wareedyo Maraykan ah iyo saraakiil ka tirsan Puntland ayaa tibaaxay in iyadoo Imaaraadku u isticmaalayo Boosaaso marinka hubka iyo qalabka loo wado kooxda RSF, uu Maraykankuna isla dhabahaas diyaaradaha iyo kaabayaashaas u adeegsanayo dagaalka uu kula jiro kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Tobankii bishan Nofembar, saddex maalmood uun ka hor intii uusan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio, fagaare ka cambaarayn xasuuqa ay RSF ka gaysatay magaalada el-Fasher ee gobolka Darfur, isla markaana sheegin in “ay waajib tahay in la joojiyo” taageerada la siinayo kooxdaas, ayaa Taliska Maraykanka ee Afrika (Africom) wuxuu fuliyey duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday nawaaxiga Godka Golgol, oo qiyaastii 32km koonfur-bari kaga beegan Boosaaso, halkaas oo lagu beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Daacish.

Saraakiil hore uga soo shaqeeyey dawladda Maraykanka ayaa sheegay in duqeymaha noocan oo kale ah ay inta badan xigaan hawlgallo gaar ah oo loo yaqaan “sensitive site exploitation”, kuwaas oo ciidamadu ku tagaan goobta la duqeeyey si ay u soo ururiyaan xogta sirdoonka, sida keydka kombiyuutarada (hard drives) iyo dheecaannada hidde-sidaha (DNA).

Tan iyo markii uu Donald Trump xafiiska la wareegay, maamulkiisu wuxuu horseeday waxa hay’adda cilmi-baarista ee New America ay ku tilmaantay “sare-u-kac aan hore loo arag” oo ku yimid dagaalka Maraykanku kula jiro argagixisada Soomaaliya.  

Maraykanka ayaa sannad gudihiis fuliyey ku dhawaad 99 duqeymood, marka la barbardhigo 51 duqeymood oo dhacay xilligii Joe Biden uu madaxweynaha ahaa ee afarta sano. In kasta oo hawlgalladan badankood laga taageerayey dhanka badda iyadoo la adeegsanayo maraakiibta Ciidamada Badda Maraykanka, haddana Boosaaso ayaa noqotay saldhig duullaan (forward launch pad) oo ay ka duulaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka, kuwaas oo garab siinaya ciidamada ammaanka Puntland ee ka hawlgala buuraleyda Cal Miskaad.

Xogta lagula socdo dhaqdhaqaaqa duulimaadyada oo ay khubaradu lafa-gureen ayaa muujinaysa xiriir toos ah oo ka dhexeeya Boosaaso iyo xarumaha rasmiga ah ee Maraykanku ku leeyahay gobolka. 29-kii Luulyo, diyaarad xamuul oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Maraykanka ayaa ka duushay xarunta Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti—oo ah saldhigga ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay qaaradda Afrika—iyadoo toos u tagtay Boosaaso, kadibna u sii gudubtay Mombasa, Kenya, ka hor inta aysan dib ugu laaban Jabuuti.  

Iyadoo Shiinaha iyo quwado kale ay saldhigyo waawayn ka samaysteen Jabuuti, qorshe-dejiyaasha Maraykanku waxay u arkaan Boosaaso iyo saldhigga kale ee ay Imaaraadku ka dhisteen Berbera, Somaliland, inay yihiin xulashooyin istiraatiiji ah oo muhiim u ah sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Bishii Sebteembar, wefdi sare oo Maraykan ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Africom, Sarreeye Guuto Claude Tudor, oo ah madaxa hawlgallada gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, ayaa magaalada Boosaaso kula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Isla xilligaas, waxaa la soo weriyey in ciidamada gaarka ah ee Maraykanku ay tababar wadajir ah la qaateen unugyo ka tirsan ciidamada Puntland. Sida uu sheegay Cameron Hudson, oo hore u ahaa sargaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ahaana falanqeeye sirdoonka CIA-da, Imaaraadku wuxuu “u bandhigay Maraykanka isticmaalka Boosaaso inay noqoto meel ay ciidamadu ku sii hakadaan marka ay galayaan Puntland ama Somaliland”, waana dalab ay Washington aqbashay in kasta oo aanu ahayn heshiis rasmi ah oo joogto ah.

Ku-tiirsanaanta sii kordhaysa ee dhanka hawlgallada ee kaabayaasha ay Imaaraadku maamulaan ayaa si weyn uga hor imaanaysa, una muuqata mid qallafsan, marka la barbardhigo farriinta rasmiga ah ee Washington ka bixiso xaaladda Suudaan.

Shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee G7 ku yeesheen meel u dhow Niagara Falls kadib, Rubio ayaa u sheegay weriyeyaasha in Maraykanku si fiican u ogyahay ciddii hubka siinaysa RSF, isla markaana cadaadis “heerka ugu sarreeya ah” la saarayo sidii loo joojin lahaa taageeradaas.

Markii weriye uu si toos ah u magacaabay Imaaraadka inuu yahay dalka bixinaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinuhu sameeyey, Rubio wuu ka gaabsaday inuu xaqiijiyo, isagoo ku cudur-daartay in aanu doonayn inuu “cid gaar ah farta ku fiiqo” maadaama ujeeddadu tahay “in natiijo wanaagsan la gaaro”.

Xaaladda degdegga ah waxaa sii hurinaya dhacdooyinka naxdinta leh ee ka taagan magaalada el-Fasher, xarunta Waqooyiga Darfur, halkaas oo xoogagga RSF lagu eedeeyey kufsi wadareed, dil, boob iyo afduub, iyagoo sii adkeeyey go’doominta magaalada.

Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya dhiig daadsan waddooyinka magaalada. Qiyaastii 650,000 oo shacab ah iyo in ka badan 300 oo shaqaale samafal ah ayaa hadda ku go’doonsan deegaanka Tawila oo u dhow, halkaas oo bar-koontarool oo ay RSF leedahay ay u jirto 20km oo kaliya. Xasuuqan ayaa mar kale indhaha caalamka ku soo jeediyey doorka Abu Dhabi ee dagaalka Suudaan.

Dowladda Imaaraadku waxay si “cad u beenisay” caddaymaha muujinaya taageerada ay siiso RSF. Hase yeeshee, sawirrada dayax-gacmeedka, nambarada taxanaha ah ee hubka, xogta duulimaadyada iyo markhaatiyada laga helayo ilo-wareedyo badan oo ku sugan gudaha iyo dibadda Suudaan, ayaa tilmaamaya in Boosaaso ay noqotay qayb ka mid ah “buundo cirka ah” oo ay Imaaraadku hubka ku gaarsiiyaan dhulka ay RSF maamusho, iyadoo ay weheliyaan xarumo kale oo Imaaraadku ka dhisay gudaha Suudaan iyo shabakad saldhigyo ah oo ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. 

Falanqeeyayaasha ayaa xaaladdan soo ifbaxaysa ku tilmaamay “isbahaysi xeeladeed iyo mid hawlgal” oo u dhexeeya Maraykanka iyo Imaaraadka ee Geeska Afrika. Labada dawladoodba waxay cadaw guud u arkaan Iiraan, Xuutiyiinta iyo kooxaha hubaysan sida Daacish iyo Al-Qaacidda. Heshiiskii Abraham (Abraham Accords) ee Imaaraadku xiriirka kula yeeshay Israa’iil iyo iskaashiga sirdoon ee qotada dheer ee uu la leeyahay Washington ayaa sii xoojiyey isbahaysigaas amni.

Si kastaba ha ahaatee, isla shabakadda garoomada diyaaradaha, dekedaha, bakhaarada iyo raadaarada ee udub-dhexaadka u ah hawlgallada la dagaallanka argagixisada ee Maraykanka, ayaa haddana lagu eedeynayaa inay ayaguna quudinaayaan koox maleeshiyaad ah oo lagu soo oogay dambiyo isir-sifayn ah oo ka socda dhanka kale ee Badda Cas.

Hudson wuxuu ku doodayaa in isku-dhafka saadka hawlgallada RSF iyo qalabka hawlgallada wadajirka ah ee Maraykanka iyo Imaaraadku uu Abu Dhabi siinayo “gabboodka ugu habboon, iyadoo la isku qasayo hawlgallada cad (kuwa rasmiga ah) iyo kuwa madaw (kuwa qarsoon). Wax walba waxay isku noqonayaan arrimo mugdi ku jiro oo aan la kala saari karin.”

Halka Trump uu ballanqaadayo inuu “la shaqayn doono Sacuudiga, Imaaraadka, Masar, iyo xulafada kale ee Bariga Dhexe” si loo joojiyo xasuuqa Suudaan, saraakiisha iyo khubaradu waxay leeyihiin imtixaanka dhabta ah wuxuu noqon doonaa in Washington ay diyaar u tahay inay ka hortimaado dalka ay saldhigyada ka kiraysato, gobol ay marto ku dhawaad saddex-meelood meel shixnadaha ganacsiga adduunka, isla markaana ah halka ay ku urursan yihiin danaha Maraykanka ee la dagaallanka argagixisada.

Ilaa hadda, diyaaraduhu weli waxay ka degayaan Boosaaso—is-khilaafka siyaasadda Maraykankuna wuxuu si toos ah uga dhex muuqdaa dhabaha ay diyaaraduhu caga-dhigtaan.

Sawirro: Wacdaro cajiib ah oo ka dhacay Stadium Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, taas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo tilmaamaya kaalinta macalinka Soomaaliyeed ayaa xusay taariikhda muhiimka ah ee macallimiintu ay ku leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka, barbaarnta jiilal karti leh oo dhisa mustaqbalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu faray Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare in ay dhammeystirto tirada ka dhiman 10,000 ee Macalin.

“Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macallinka iyo Askariga Soomaaliyeed, Sidaas awgeed, waxaa waajib innagu ah in la maamuuso Macallinka, lana taageero, madaama yahay laf-dhabarta horumarka bulshada, waxaan farayaa Madaxda Wasaaradda in la dhameystiro tiradii tobanka kun ee macallin, taas oo ilaa hadda dowladdu ay shaqaaleysiisay lix kun, kuwaas oo si buuxda uga howlgala goobaha waxbarashada ee kala duwan, waxaan rajeynaya inta dhimaanna in si deg deg loo diyaariyo dugsiyadii ay ku shaqeyn la hayeen, lana siiyo tababar” ayuu khudbaddiisa ku yii Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu muujiyey sida ay dowladda uu hoggaamiyo uga go’an tahay in la xoojiyo aqoonta, tababarrada iyo dhiirrigelinta macallimiinta, si loo xaqiijiyo in jiilashan ay helaan waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah, waxa uuna ku baraarujiyey dhallinyarada in ay yihiin hogaamiyeyaasha maanta iyo beriba ee dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale gudoomey billad sharaf uga timi Bahda Waxbarashada intii ay socotay munaasabadda,wuxuuna bogaadiyey macallimiinta Soomaaliyeed dadaalkooda joogtada ah iyo adkeysiga ay muujiyeen xilliydii dalka uu soo marayey duruufaha adag.

Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in dowladda federaalka ah ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelka macallinka iyo tayeynta waxbarashada dalka.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, hay’adaha waxbarashada, macallimiinta iyo ardayda qaar ka mid ah dugsiyada Caasimadda oo soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo lagu xusayo macallinka macallinka Soomaaliyeed.

Nabadoon Xalane oo lagu xiray garoonka diyaaradaha Muqisho iyo mucaaradka oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ku xiray Nabadoon Cabdirisaaq Nuur Xalane oo doonayay in uu ka dhoofo garoonka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah

Nabadoonka ayaa maalmihii u dambeeyay aad u dhaliilayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, taas oo lala xiriirinayo xarigiisa.

Xubno kamid ah mucaaradka oo qoraallo soo saaray ayaa si adag u camaareeyay xarigga Nabadoon Cabdirisaaq Nuur Xalane, waxayna ku baaqeen in deg-deg loo sii daayo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre oo kamid ah xubnaha ka hadlay xarigga Nabadoonka ayaa ku tilmaamay afduub, wuxuuna sheegay inuu codkiisa ku difaacayay danyarta.

“Waxaan cambaareynayaa xarigga sharcidarrada ah ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay maanta kula kacday nabaddoon Cabdirisaaq Nuur Xalane oo ay boolisku afduubteen isaga oo ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde. Nabaddoon Xalane waa oday dhaqameed codkiisa ku difaaca xuquuqda dadka danyarta ah iyo dhulka dantaguud, xarigga ay dowladdu maanta kula kacdayna waa caburin iyo cabsigelin lagu aamusinayo codka indheergaradka bulshada” ayu qoraalkiisa ku yiri Xasan Cali Kahyre.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray madaxda dowladda federaalka oo uu ka dalbaday inay si shuruud la’aan ah u kusii daayaan Nabadoonka maanta lagu xiray garoonka Aadan Cadde.

“Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo nabaddoon Xalane, kana joogsado xarigga lagu caburinayo bulshada, barakicinta danyarta, iyo dhulboobka oo cuuryaaminaya dowladnimada, dimuqraadiyadda, iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Xasan Cali Khayre.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Caynte oo isna warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xarigga Nadoonka, wuxuuna codkiisa ku biiriyay baaqa ah in deg-deg loo siiyo xorriyadiisa,

“Waxaan cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee maanta lagula kacay Nabadoon C/rizaq Nur Xalane, oo kamid ah hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed” ayuu yiri Caynte.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Nabadoon Xalane wuxuu waayadan dambe u ololeynayay xuquuqda danyarta ay dowladda Soomaaliya ka barakicineysay guryahooda”.

Soomaaliya oo laga dhigtay tusaalaha ugu xun ee ‘dal’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda iyo siyaasiyiinta Afrikaanka ah iyo kuwa caalamkaba ayaa marar badan Soomaaliya u soo qaata tusaalaha ugu xun, taas oo suurad-xumeyn ku ah dalkeenna.

Hadallada suurad-xumeynta ah waxaa ugu dambeeyay mid uu haatan jeediyay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee DCP.

Ninkan ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Ruto inuu Kenya ka dhigayo sida Soomaaliya, taas oo uga jeedo tusaale liidasho ah oo heerkii ugu hooseeyay gaarsiisan.

“Waxaad shalay maqasheen Ruto oo been u sheegay shacabka isagoo leh Singapore oo kale ayaan ka dhigaya Kenya, laakiin runta waxay tahay haddii uu mar kale doorasho ku guuleysto, dalkeenna wuxuu ka dhigi doonaa sida Soomaaliya,” ayuu yiri Rigathi.

Hore, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya ku sheegay “dowlad fashilantay oo ay hareeyeen laaluush iyo lunsi hanti dadweyne.” Trump ayaa Soomaaliya u soo qaata tusaalaha ugu liita ee dowladnimada.

Trump oo sidoo kale weerara asalka Soomaalinimo ee Ilhaan ayaa ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu “dib u qaato” Ilhan Cumar, oo ah xildhibaanad Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, taasoo muddo dheer ka mid ahayd shaqsiyaadka uu siyaasad ahaan sida gaarka ah u beegsado.

“Waxaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha. “Waxaan u soo jeediyay inuu laga yaabo inuu jeclaan lahaa inuu dib u qaato. Wuxuuna yiri, ‘Anigu ma doonayo.’”

Sidoo kale wuxuu yiri: “Dalka Ilhan Cumar ee Soomaaliya waxaa hareeyay dowlad dhexe oo aan lahayn awood ay wax ku maamusho, faqri joogto ah, gaajo, argagixisannimo dib usoo cusboonaatay, burcad-badeednimo, dagaallo sokeeye oo tobannaan sano socday, musuq-maasuq, iyo rabshado baahsan.”

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si joogto ah uga mid tahay dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka, oo ka mid ah laaluushka, lunsashada hantida iyo dawlad aan shaqaynayn, sida uu ku eedeeyay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa kamid ah madaxda Afrikaanka ah ee u gafay Soomaaliya, una adeegsada tusaalooyinka xun. Museveni ayaa mar ku tilmaamay Soomaaliya dal aan lahayn dowlad shaqeysa.

Soomaaliya oo haatan soo kabaneysa ayaa weli hoggaannada qaar isku dayayaan inay suurad-xumeeyaan, waana arrin ay tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu diido.

Maxay DF ka tiri go’aanka ka soo baxay maxkamadda EAC?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si faah-faahsan uga hadashay go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika ee Arusha oo shalay dib u dhigtay ku dhawaaqista go’aanka dacwadda xubnaha Soomaaliya ku metelaya baarlamaanka urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

Habdhowraha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo goobjoog ahaa maxkamadda ayaa sheegay in maxkamaddu ay dib u dhigtay dhaarinta xubnihii metalayay Soomaaliya, si ay ugu biiraan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ee (EAC).

Nuux ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka maxkamadda uu deg-deg ka muuqday, isla markaana aan lagu saleyn, sida ay u shaqeyso hannaanka siyaasadda Soomaaliya.

“Maanta waxa dhacay waxa uu ahaa wax aad moodid inuu degdeg ku jiro go’aanka maxkamadda ayaa maanta soo baxay wuxuuna ka hadlayay hal arrin oo ku saabsaneyd in dib loo dhigay go’aankii lagu dhaarin lahaa xubnihii metalayay Soomaaliya ee ka qayb-geli lahaa Baarlamaanka Bulshada East Afrika” ayuu wareysiga ku yiri Habdhowre Nuux.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Maxkamaddu waxay aad uga hadleysaa in dadka ay ku yimaadaan xisbiyo iyo dimuquraaddiga, laakiin Soomaaliya Baarlamaankeeda waxaa lagu fadhiyaa nidaama 4.5”.

Sidoo kale, wuxuu beeniyay wararka sheegaya in uu soo baxay xukun maxkamadeed oo dib loogu celinayo xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya soo xushay ee baarlamaanka EALA.

Xildhibaannada Soomaaliya ayaa horey loo hakiyay sababo la xiriira musuq-maasuq dartiis, kadib markii koox siyaasiyiin Soomaali ah ay dacwad ka dhan ah doorashadaas u gudbiyeen Maxkamadda EACJ ee fadhigeedu yahay Arusha, taas oo haatan dib u dhigtay soo saarista go’aanka dacwadda xubnahan.

Siyaasiyiinta gudbiyay dacwaddan ayaa ku doodaya in hannaankii soo xulista uu baal-maray shuruucda aas-aasiga ah ee ururka. Dacwoodayaasha ayaa sheegay in geeddi-socodka oo dhan lagu soo koobay muddo shan maalmood gudahood ah, isla markaana musharrax kasta laga qaaday lacag diiwaangelineed oo gaaraysa ku dhowaad $10,000.

Waxay ku eedeeyeen in liiska kama dambaysta ah lagu saleeyey eex iyo qaraabo-kiil, laguna soo koobay shakhsiyaad xiriir dhow la leh madaxda sare ee dalka, halkii laga hubin lahaa inuu ka dhex muuqdo aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in doorashadu u dhacday si waafaqsan xeerarka dalka, waxayna wacad ku mareen inay kiiska iska difaaci doonaan. Waxay ku doodayaan in murankan uusan noqon mid carqaladeeya dadaalka ballaaran ee dalku ugu jiro inuu si buuxda u dhexgalo hay’adaha kala duwan ee EAC.

Si kastaba, waxaa si weyn loogu dhag taagaya go’aanka kasoo bixi doona maxkamadda, kaasi oo Soomaaliya u noqon doona guul ama dhabar-jab siyaasadeed, maadaama Dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixisay ku biirista EAC iyo soo xulista xubnaheeda baarlamanka EALA, oo haatan ay ka harsan tahay wax ka yar laba sanno