25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Soomaaliya oo si buuxda u maamulanaysa baddeeda

0

London (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay gashay bog cusub oo muhiim ah.

Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta ka qeyb kalfadhiga 34-aad ee Golaha Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), kaasi oo si rasmi ah uga furmay magaalada London ee Boqortooyada Ingiriiska.

Madashan ayaa ah goob ay dalalka xubnaha ka ah ku muujiyaan wadajir iyo iskaashi lagu xaqiijinayo bad ammaan ah, nadiif ah, dhaqaale ganacsi oo hufan leh, iyo nidaam badeed oo casri ah oo si wanaagsan u shaqeeya.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka tallaabayso caqabadihii hore ee dhinaca badaha, isla markaana ay u gudbayso marxalad cusub oo ay si buuxda mas’uul uga tahay maamulka, ilaalinta, iyo horumarinta arrimaha baddeeda.

Wasaarad ahaan, wuxuu sheegay jnay ku jiraan dib-u-habeyn ballaaran oo lagu casriyeynayno nidaamka gaadiidka badda, korna loogu qaadayo hufnaanta hawlaha, laguna xoojinayo maamulka badaha, isla markaana lagu horumarinayo kaabeyaasha muhiimka ah ee dekedaha dalka.

“Soomaaliya maanta waxay gashay bog cusub, waxay ka tallaabaysaa caqabadihii hore ee dhinaca badaha,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ka miro-dhalinta iyo wada-shaqeynta kala dhexeysa IMO iyo dalalka xubnaha ka ah, iyo in aan si wadajir ah u dhisno mustaqbal badeed oo ammaan ah, amni leh, hufan, isla markaana barwaaqo u horseeda dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan qaadday tallaabooyin ay ku adkaynayso gacan ku haynta xuduudaha badda ee dalka, isla markaana ay hal meel isugu geynayso maamulka iyo kormeerka guud ee ganacsiga caalamiga ah.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa dhaqan-galisay nidaamka elektaroonigga ah ee raadraaca maraakiibta shixnadaha (ECTN), kaasi oo waajib ku ah dhammaan badeecadaha ka soo degaya ama ka dhoofaya deked kasta oo ku taal Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xogta uu nidaamkan u saamaxayo inay ogaato Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah shirkadda badeecada diraysa, shirkadda loo dirayo, nooca iyo sicirka badeecadda la dirayo.

Shirkadaha maraakiibta alaabta keenaya Soomaaliya waxay si toos ah canshuurta alaabta la soo dhoofinayo ugu soo shubi doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, nidaamkan, oo u shaqaynaya sidii “aqoonsi dhijitaal ah” (Digital Passport) oo ay leedahay badeecaddu, wuxuu dowladda u suuragelinayaa inay il gaar ah ku hayso dhaq-dhaqaaqa shixnadaha, laga soo bilaabo dekedda ay ka soo ambabaxeen ilaa ay ka soo gaaraan halka ay u socdaan ee gudaha Soomaaliya.

Booliska Muqdisho oo xiray dad loo haysto fal argagax leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Ciidanka Booliska Warta Nabadda ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysanayaal oo loo haysto inay jirdil iyo dhaawac u geysteen gabar yar oo 13 jir ah.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo Caasho Cali Cabdi ayaa waxaa kiiskeeda loo soo xiray Xasan Cabdikariin Maxamed iyo Shukri Cali Xasan, sida uu shaaciyay taliska booliska.

Gabadha dhibbanaha ah oo ku nooleyd guriga eedeysanayaasha ayaa la xaqiijiyay inay u geysanayeen jirdil, dhaawac iyo cabsi gelin joogto ah, falkaas oo ah mid aan laga filaynkarin.

Eedeysanayaasha ayaa haatan ku jira gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loo waafajiyo.

“Muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta joogaan, waxaa laga codsanayaa in ay la so wadaagaan hay’addaha amaanka hadii soo gaaraan falal nuucaan oo kala ah, si aan u wada ilaalino masuuliyadda naga saaran caruurta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska booliska.

Kiisaska xadgudubyada ka dhanka ah carruurta oo muddooyinkii dambe isa soo tarayay ayaa hadal-hayn badan dhaliyay, waxaana hore maxkamadaha dalka loo horgeeyay dhowr kiis oo la xiriira arrimo noocaan oo kale ah. Dowladda ayaana loogu baaqay in ay sharciyo adag ka soo saarto, si looga hortago falalka lagu waxyeelleeyo carruurta.

WAR cusub oo kasoo kordhay xaaladda adag ee Gedo

0

Luuq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo ay isugu darsoomeen abaar iyo kuleel daran, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka.

Guddoomiyaha degmada Luuq, Daahir Muxumed Nuur oo shir jaa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay xaaladda degmadaas iyo deegaannada ku hareereysan, wuxuuna sheegay in ay saameysay abaar daran oo ka jirta halkaasi, isaga oo soo saaray qaylo dhaan.

“Luuq waxaa jirta abaar inta aan ogsoonahay oo codkeenna uu gaaro qaylo dhaan ayaa iska soo daba dhaceyso roobkii la sugaayay ma di’in, kuleel fara badana wuu jiraa” ayuu yiri guddoomiye Daahir Muxumed Nuur.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in baahi iyo oon ay ka jirto deegaannada hoos yimaada Luuq, isla markaana xaalado daran ay wajahayaan qoysaska ku dhaqan halkaasi.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray dowladda dhexe, dadka qurbejoogta ah, ganacsatada iyo hay’adaha samafalka oo uu ugu baaqay inay gurmad lasoo gaaraan dadka tabaaleysan.

“Waxaan rabnaa qaylo dhaanteenna in aan gaarsiino dowladda Soomaaliya oo dalka xukunto, dowladda Jubbaland, dadka uu Ilaah wax siiyay oo qurbejoogta ah ee Soomaaliyeed, qaasatan kasoo jeedo gobolka Gedo, walaalayaal baahi baa jirto, oonbaa jiro xoolihii waa dhamaanaayaan ee dadkiina usoo gurmada” ayuu mar kale yiri Daahir.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Saddex baa ugu daran ayaa la yiri adduunka waa colaad, cudur iyo abaar, colaadana horay waa u jirtay, abaartana waa imaatay”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan Jubbaland ay qaylo dhaan kasoo saartay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira deegaannadeeda, kadib markii lasoo wariyay dhibaatooyin adag oo ka jira deegaanno kala duwan oo kamid ah Jubbooyinka iyo Gedo.

“Waxaa jira biyo la’aan baahsan oo wayn, cunto la’aan iyo xoolihii oo saameyn badan ay ku yeelatay biyo la’aanta” ayuu yiri wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland oo faah-faahin bixiyay.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in xaaladdan adag ay kusii fideyso deegaannada Jubbaland oo dhan, sida degmooyinka Badhaadhe, Kismaayo, Ceelwaaq, Garbahaarey iyo deegaanno kale.

“Deegaanno fara badan oo Jubbaland kamid ah waxaa laga soo sheegayaa culeyskan iyo kuleelkan wuxuuna ifafaalaha abaarta uu ka jiraa dhammaan deegaannada Jubbaland, waxaase ugu daran degmooyinka Badhaadhe, xeebaha, Kismaayo koonfurteeda iyo waqooyigeeda, ” ayuu sii raaciyay.

“Sidaas oo kale degmada Ceelwaaq ayaa kamid ah meelaha culeyska aadka u wayn uu ka jiro, degmada Garbahaarey ayaa iyadana kamid ah iyo Xagar oo Jubbada Hoose ah ayaa kamid ah” ayuu mar kale yii wasiirku.

Haweeneydii ka dambeysay dilka Saabiriin Saylaan oo toogasho lagu xukumay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta xukun adag kasoo saartay kiiska Marxuumad Sabiriin Saylaan Cabdille oo 14 sano jir ahayd, taas oo si arxan darro ah loogu dilay gudaha magaaladaasi.

Maxkamadda oo fadhi labaad ka yeelatay kiiskan oo xasaasiyad wayn abuuray ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye ina Xaawo Xasan 34 sano jir ah oo lagu helay dilka Saabiriin Saylaan Cabdille Wees.

Sidoo kale aabaha qoyska oo lagu magacaabo Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas ina Ardo Maxamed Cali 65 sano jir ah ayay maxkamaddu sheegtay inay ku waysay inuu dilka wax ka galay, balse waxaa lagu helay dacaayad masuuliyadeed waxaana lagu xukumay 1 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo dollar.

Inta ay socotay maxkamadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay caddeymo ay ku jiiraan muuqaallo muujinayo sida arxan darrada ah ee loo dilay gabadha yar, taas oo gilgishay quluubta dadka Soomaaliyeed, kadib markii xeer ilaalintu ay soo bandhigtay, sida ay wax u dhaceen.

Xukunkan ayaa si weyn loo sugayay, waxaana soo dhaweeyay ehellada marxuumadda oo cadaaladda dhowrayay, waxaana maydka gabadhooda uu weli yaal isbitaaka Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale, si weyn dhacdadan isha ugu haysay warbaahinta oo si dhow usoo tabineysay tan iyo markii la dilay Saabiiriin oo ahayd gabar yar oo 14 sano jir ahayd.

Magaaada Gaalkacyo ayaa si weyn maanta looga dareemay culeyska kiiskan, waxaana inta badan la xiray waddooyinka magaalada, iyada oo shacabka ay isa soo tubeen waddooyinka, si ay u arkaan halka uu ku dhammaado kiiskan oo ugu dambeyn dil kusoo idlaaday maadaama la qisaasayo Hodan Maxamuud oo lagu helay inay ka dambeysay falkaasi.

Dowladda oo digniin culus soo saartay kadib tallaabadii uu qaaday xildhibaan Jacfar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin daba socota hadal xasaasi ah oo uu shalay degmada Dayniile ka jeediyay xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo dadkiisa ugu baaqay inay hubkooda lasoo baxaay.

Jacfar oo ka hadlay kulan ka dhacay Dayniile ayaa shacabka ka dalbaday inay hubkooda gacanta ku haystaan, ayna iska diifaacaan cid kasta oo duulaan ku ah dhulkooda.

“Qalabka guryaha idin yaallo isu imaadka dambe aan isu imaaneyno waa in si fiican qalabkiina aad gacanta ugu haysatiin” ayuu yiri shalay Xildhibaan Jacfar.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo isna ka digay in hub lagu dhex qaato magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid sameyn karta arrintaasi

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in xildhibaanka uu iska hadli karo, balse aysan jiri doonin cid laga yeelayo in hub ay ku dhex wadato gudaha magaalada Muqdisho.

“Xildhibaanka ama qof banaanka iska joogo inuu yiraahdo hub ayaan lasoo baxaynaa iyo qabiilkeenna ayaan keeneynaa waa dhihi karaan, laakiin magaalada Muqdisho hub lala ma imaan karo, qofna lama soo geli karo”. ayuu yiri wasiiru dowlaha gaashaandhigga.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sidiisa hubka laba ayaa loo ogol yahay dowladda oo ku badbaadineysa dadkeeda iyo Shabaabka oo raba inay ku laayaan dadka Soomaaliyeed, qofka saddexaad ee usoo babac dhigto gacanta waxay is arkeysaa ciidanka Xoogga dalka”.

Wasiir Cumar Cali Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in haatan Muqdisho ay tahay nabad, isla markaana cid kasta oo ku xadgudubta laga qaadi doono tallaabo adag.

“Wadankan amni ayaa ka jiro, mana la arki karno ciidan aan ahayn kan hay;adaha amniga ee dowladda, qoftii la timaadana tallaab ayaa laga qaadayaa” ayuu mar kale yiri Cumar.

Muxuu Jeesow ka yiri xukunka Maxkamadda CQS ee dhacdooyinkii Wanlaweyn?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xukunka adag ee kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maalmahan ku guda jirtay dhageysiga dacwad la xiriirta dhacdooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay aagga Wanlaweyn.

Jeesow ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay maxkamadda gaartay, wuxuuna sheegay in xal uu u noqon doono dhibaatada ka taagan qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ka taagan yihiin colaad beeleedyo sababay in dad badan lagu laayo gobolkaasi.

“Aniga waxaan aaminsanahay dadkaas la xakumay in maxkamadda faraj khayr qaba ayay u noqon doontaa, iyadaana haboon in lala shaqeeyo” ayuu yiiri Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale, wuxuu qiray in xukunka uu cadaalad ku saleysan yahay, maadaama la xukumay raggii ka dambeeyay ninkii lagu gubay Wanlaweyn, sidoo kalena la xukumay shaqsiyaad kale oo ka dambeeyay dad lagu laayay Yaaqbariweyne iyo tuulooyin la gubay intaba.

“Xukunka hab cadaalad ah ayuu u dhacay barkey ninkii ninka gubay ayaa la xukumay dad lagu eedeeyay oo maqanayaal ah oo tuulooyin gubay ayaa la xukumay” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo kiisaskan siisay waqtiyo ku filan, kuna dhageystay xeer ilaalinta iyo sidoo kale qareennada u doodayay eedeysanayaasha ay shalay soo saartay xukunno isugu jiray dil toogasho ah, xabsi ciidan iyo sii deysmo, sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Cabdullaahi Abuukar Xasan Shadoor oo ka tisan Garsoorka Maxkamadda Ciidamada.

Xasan Buulle Isaaq, Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Abshir Cabdow Xasan Made, Maxamed Sayid Cumar Awbiime, Cumarey Iskoy Maame, Abuukar Daa’uud Cismaan, Liibaan Abuukar Cumar (Shiine), Yuusuf Abuukey Maamo iyo Jamaal Maxamed Qaadi ayaa lagu xukumay dil toogasho ah. Dhammaan raggan ayaa lagu helay dil wadareed ka dhacay Warta Cismaan oo qiyaastii 8M u jirta degmada Wanlaweyn, laguna dilay 12 qof iyo falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud Maxamed ee ka dhacay aagga degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Maxamed Cismaan (Cabdi Tuure) oo maqanayaal ah ayaa iyaguna lagu xukumay toogasho. Dhammaantood waxaa iaygana raggan loo haystaa weerar lagu dilay illaa 5 qof, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku qaadeen Ceelka Yaaqbariweyne, muwaadin si fool xun loogu dilay isla Yaaqbariweyne iyo falal kale oo ay kamid tahay jidgooyo lagu dhibaateeyo masaafurka.

Cabdifitaax Sokorey Gaduudow, Daahir Mukhtaar Shibow, Saaax Xuseen Cali, Cabdixamiid Cabdullahi Siidow, Maxamed Daahir Cismaan iyo Muslimo Cabdi Kuusow oo iyaguna kaalin ka qaatay dhacdadii foosha xumeyd ee muwaadinka lagu gubay ayaa sidoo kale lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Dhinaca kale, Maxkamadda Ciidamada ayaa sii deysay Axmed Saalax Abuukar, Qaasim Cabdi Xasan Amiin, Abuukar Yuusuf Cali Axmed iyo Cismaan Cabdulle Caliyow, kadib markii lagu waayay eeddii xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan oo xil sare u magacaabay xildhibaan Aweys Maxamed Cumar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee ka-hortagga iyo la-dagaallanka fikradda xagjirka ah ee rabshadaha wata (P/CVE), sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ergeyga cusub u xilsaaray in uu hoggaamiyo dadaallada xoojinta amniga iyo adkeynta dowladnimada, ka-hortagga afkaaraha xagjirka ah ee rabshadaha wata, horumarinta iskaashiga bulshada iyo hay’adaha amniga, iyo dhisidda iyo hirgelinta siyaasadaha qaranka ee ka-hortagga iyo la-dagaallanka xagjirka.

Xildhibaan Aweys ayaa lagu sheegay in uu leeyahay khibrad iyo waayo-aragnimo ballaaran oo uu ka kasbaday shaqooyin uu ka soo qabtay hay’adaha amniga, siyaasadda dadweynaha iyo barnaamijyada ka-hortagga xagjirka, taas oo Madaxtooyadu sheegtay in ay ka caawin doonto gudashada waajibaadka cusub ee loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ergeyga cusub kula dardaarmay in uu si hufan, daacadnimo iyo mas’uuliyad qaran leh ugu adeego dalka, isaga oo ka shaqeyn doona hirgelinta istaraatiijiyad mideysan oo looga hortagayo fikradaha rabshadaha wata ee khatar gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoojisay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, kaas oo madaxweynuhu horay ugu dhawaaqay inuu noqon doono mid isugu jira ciidan, dhaqaale iyo mid fikir (ideological war).

Dhinaca kale, isbeddelkan ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu 20-kii bishan November u magacaabay Dr. Yaxya Ibraahim Macalin xilka La-taliyaha Sare ee Siyaasadda iyo Isku-duwaha Barnaamijyada Xafiiska Madaxweynaha.

Dr Yahya Ibraahim, oo horey uga tirsanaa bareyaasha jaamacadaha dalka Ingiriiska, ayaa leh aqoon iyo khibrad uu ka soo kasbaday arrimaha siyaasadda, dowlad-dhiska, cilmi-baarista, xiriirka caalamiga ah, horumarinta dhaqaalaha iyo diyaargarowga jiilka cusub ee hoggaamiyeyaasha, isaga oo shahaadooyinka Master iyo PhD ka qaatay jaamacadaha Northampton iyo Birmingham ee UK.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu ka filayo Dr Yaxya in uu door muuqda ka qaato daadejinta siyaasadaha iyo horumarinta istaraatiijiyadda qaranka, isagoo hubinaya in go’aannada waaweyn ee xafiiska Madaxweynaha ay ku saleysnaadaan caddayn, cilmi-baaris iyo la falgelid duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya, si loo xoojiyo isku-duwidda, nidaamka iyo midnimada ujeeddooyinka hoggaanka sare ee dalka.

Labadan magacaabis ayaa loo arkaa tallaabooyin uu Madaxweynuhu ku doonayo inuu ku dardargeliyo qorshayaasha siyaasadeed iyo kuwa amni ee horyaalla dowladdiisa, xilli uu dalku wajahayo xaalado amni iyo dadaallo dib-u-heshiisiineed.

BF oo qaaday tallaabo la xiriirta muwaadiniinta qasabka loogu soo celiyay dalka

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalka dibaddiisa, kuwaas oo dhawaan uun si qasab ah loogu soo celiyay gudaha dalka.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen xubnaha guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana uu guddoomiyey Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo h guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa diirradda lagu saaray xaaladda dhalinyaradaas ee sida qasabka ah dib loogu soo celiyay.

Kukanka ayaa intiisa badan looga hadlay go’aankii guddiga joogtada ah ee ahaa in baaritaan dhab ah iyo dabagal lagu sameeyo arrinta la xiriirta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku noolaa dalka dibadiisa ee sida qasabka ah gudaha dalka loogu soo celiyey.

Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyey in warqad arintaasi la xiriirta loo diro wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso, oo ay ugu hrreyso wasaaradda arrimaha dibadda, si wax looga waydiiyo.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in arrintaasi ay kala xiriiri doonaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso, si loo ogaado sababta ka dambeysa in qasab loo soo celiyo muwaadiniintaasi.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay dhawaan soo shaac baxday in dowladda federaalka ay mashaariic ku beddelanayso soo celinta muwaadiniinta sida qasabka looga soo tarxiilayo qaar kamid ah dalalka reer galbeedka oo ay ku nool Soomaali fara badan.

Mid kamid kiisaska ugu caansan waxaa daaha ka qaaday warbaahinta Sweden oo baahisay inay dawladda dalkaas malaayiin doollar ku siinayso xukuumadda Soomaaliya dib u celinta qasabka ah ee muwaadiniinta Soomaalida ah, walow ay labada dalba diideen eedeyntaas.

Horay warsaxaafadeed uga soo bxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxa  si buuxda loogu beeniyay in waxba kama jiraan uu yahay heshiiska qarsoodiga ah ee la sheegay inay wada galeen labada dowladood Somalia & Sweden, kaas oo muhiimadiisu tahay gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Beeninta ayaa timid kadib markii barnaamijka Ekot ee Idaacadda Sweden uu kashifay in Sweden ay heshiis qarsoodi ah la gashay Soomaaliya bishii Diseembar 2023. Sida uu sheegay baaritaanku, Sweden waxay ballan qaadday inay 100 milyan oo karoon (qiyaastii $9 milyan) oo ka mid ah miisaaniyadeeda gargaarka u wareejiso sanduuq maaliyadeed oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, taasoo beddelkeeda Muqdisho ay ku oggolaanayso inay qaabisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyo Sweden, oo ay ku jiraan dembiilayaal la xukumay oo diiday inay si iskood ah uga baxaan dalkaas.

Soomaalida Minnesota oo cabsi weyn ay soo wajahday kadib go’aankii Trump

Minneapolis (Caasimada Online) – Qorshaha Madaxweyne Donald Trump uu ku doonayo inuu ku soo afjaro Maqaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ah (Temporary Protected Status – TPS) ee Soomaalida ku nool Minnesota ayaa dhaliyay walaac iyo xitaa argagax baahsan oo soo wajahay dad badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, taasoo ah tan ugu weyn Mareykanka.

Tallaabadan ayaa boqolaal qaxooti ah ku celin karta Soomaaliya, iyadoo gelinaysa khatar dhaawac ama dhimasho, sida uu sheegay Abdiqani Jabane oo ah qareen ku sugan Minnesota oo ku takhasusay arrimaha socdaalka.

In kasta oo inta badan Soomaalida Minnesota ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah ama dad si sharci ah ku deggan dalka oo uusan si toos ah u saameynayn go’aanka TPS, haddana cabsida ka dhex jirta bulshada waa mid dhab ah. Soomaali badan ayaa ku jira “xaalad argagax ah,” qaarkoodna waxayba ka hadlayaan inay Minnesota uga guuraan gobol kale, sida uu sheegay Jabane.

“In qof dib loogu celiyo Soomaalyia maanta ma ahan wax ammaan ah sababtoo ah Al-Shabaab ayaa weli firfircoon, weerarada argagixisada ayaa sii socda, dowladda [Soomaaliya] ee maanta jirtana ma awoodo inay cidna ilaaliso,” ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u aqoonsan tahay koox argagixiso ah, waxayna gacanta ku haysaa qaybo ka mid ah dalka.

TPS waa maqaam sharci ah oo ay bixiso Waaxda Amniga Gudaha (Department of Homeland Security), kaasoo u oggolaanaya dadka ajnabiga ah inay ku noolaadaan Mareykanka haddii ku laabashada dalkooda ay gelinayso khatar. Maqaamka Soomaaliya ayaa jiray tan iyo sanadkii 1991-kii xilligaas oo ay jireen dagaal sokeeye iyo deganaansho la’aan, balse waxaa lagu wadaa inuu dhaco bisha March.

Waxaa jiray ilaa 430 Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota oo haystay badbaadada TPS ilaa sanadkii 2023, sida ay sheegtay Xarunta Sharciga Soo-galootiga ee Minnesota (Immigrant Law Center of Minnesota). Heer qaran, waxaa jiray 705 Soomaali ah oo ku nool Mareykanka oo haysta TPS ilaa 31-kii March, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Adeegga Cilmi-baarista ee Koongareeska (Congressional Research Service).

Tan iyo 1993-kii, in ka badan 26,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa degay Minnesota, sida ay sheegtay Waaxda Caafimaadka ee Gobolka, iyadoo tirada dadka Soomaaliyeed ee gobolka ay kor u kacday iyadoo ay ku soo biireen jiilal cusub oo halkaas ku dhashay.

Laanta Minnesota ee Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka (Council on American-Islamic Relations) ayaa sheegtay in soo afjaridda badbaadada masaafurinta ee soo-galootiga Soomaalida ah ee Minnesota ay “kala geyn doonto qoysaska,” waxayna ugu baaqday madaxweynaha inuu ka laabto go’aankiisa.

“Go’aankan, oo ay hurinayaan ololeyaal warar been abuur ah oo waxyeello leh kuwaasoo aan aaminsannahay inay leeyihiin ujeeddooyin siyaasadeed oo shisheeye, wuxuu kala geyn doonaa qoysaska wuxuuna dadka u diri doonaa dal aysan aqoonin in ka badan 20 sano,” ayuu yiri agaasimaha fulinta ee kooxda, Jaylani Hussein, oo soo saaray bayaan. “Tani ma ahan kaliya isbeddel maamul; waa weerar siyaasadeed oo lagu hayo bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta, kaasoo ay wadaan hadallo nacayb ah iyo Islaam-nacayb.”

Qoraalka uu Trump soo dhigay baraha bulshada Jimcihii ayaa yimid ka dib markii koox muxaafid ah ay soo saartay warbixin sheegaysa in lacago ay Minnesota uga sii gudbaan Al-Shabaab. Jabane ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Trump uu si gaar ah u beegsanayo Soomaalida Minnesota sababo la xiriira eedeymaha musuqmaasuq ee socda, kuwaasoo ganacsiyo Soomaaliyeed lagu eedeeyay inay malaayiin dollar ka xadeen Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Gobolka.

Gobolka ayaa diiradda u saarnaa dhowr baaritaan oo heer federaal ah oo lagu beegsanayay musuq-maasuq ka dhacay barnaamijyo loogu talagalay in lagu bixiyo guryo degdeg ah, taakuleyn cunto iyo daryeelka autism-ka. Fadeexaddii $250-ka milyan ee Feeding our Future ayaa horseedday in dacwado lagu sooogo in ka badan 70 eedeysane, kuwaasoo badankood xiriir la lahaa barnaamijyo ay bulshada Soomaaliyeed hormuud ka yihiin.

“Wuxuu beegsanayaa [Soomaalida] sababtoo ah waa dambi ku qaadista wadareed. Wuxuu maqlay in Soomaali qaarkood ay sameeyeen musuq-maasuq, waana sababta uu u weerarayo,” ayuu yiri Jabane. “Waxaan filaynaa in go’aankan aan ka fiirsashada lahayn lagala hortagi doono caqabado dhanka sharciga ah.”

In kasta oo Trump uu Jimcihii sheegay inuu “si degdeg ah” u soo afjarayo Maqaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ah ee Soomaalida Minnesota, haddana waxaa jira hannaan rasmi ah oo la raaco, taasoo ka dhigaysa mid aan macquul ahayn in TPS la laalo ka hor bisha March.

“Madaxweynuhu ma laha awood uu si degdeg ah ugu joojiyo TPS,” ayuu yiri Jabane.

Sharciga federaalka ayaa dhigaya in xoghayaha Waaxda Amniga Gudaha ay waajib ku tahay inuu ogeysiis ku daabaco Diiwaanka Federaalka (Federal Register) haddii la laalayo TPS.

“Joojinta ma dhaqangeli karto wax ka yar 60 maalmood ka dib daabacaadda ama marka uu dhaco muddo-kordhintii ugu dambaysay, hadba kii dambeeya,” sida laga soo xigtay Adeegga Cilmi-baarista ee Koongareeska — taasoo ka dhigan in taariikhda uu haatan ku egyahay oo ah 17-ka March ay u badan tahay inay tahay xilliga ugu horreeya ee la laali karo maqaamka Soomaaliya.

“Ma jirto wado sharci ah oo uu tallaabadan ku qaadi karo,” ayuu Aaron Reichlin-Melnick, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan kooxda u doodda xuquuqda ee Golaha Socdaalka Mareykanka (American Immigration Council), ku soo qoray barta X. “DHS laga yaabaa inay isku daydo inay tan sameyso, balse si degdeg ah ayaa loo burin doonaa.”

Si kastaba ha ahaatee, Jabane ayaa sheegay inuu filayo in saraakiisha Amniga Gudaha ay isku dayi doonaan inay fuliyaan hanjabaadaha Trump. Wuxuu sheegay inaysan macno lahayn inaan wax xiriir ah laga dhex helin dadka haysta badbaadada masaafurinta iyo kuwa lagu tuhunsan yahay musuqmaasuqa.

Haddii Soomaalida Minnesota ay waayaan TPS, Jabane ayaa sheegay in dadku “ay ka cabsanayaan in wakiilada ICE ay bilaabaan inay qabqabtaan Soomaalida. Kuwani waa dad ku noolaa, kana shaqeysanayay bulshada dhexdeeda in ka badan 20 sano.”

Shirweyne muhiim ah oo maanta ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA).

Shirweynahan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in isku xirka aqoonsiga qaranka iyo helitaanka adeegyada aas-aasiga ah in uu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada casriga ah, saldhigna u yahay qorshaha isbeddelka qaranka iyo iigsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda 2060-ka, ee dalka u horseedaya Soomaaliya xasilloon, amni ah, isla markaana gaarta barwaaqo waarta.

“Waxaan ku faanaynaa in dadkeennu, oo badankoodu dhallinyaro yihiin, ay maanta fahmeen muhiimadda nidaamka dowlad-dhiska, oo uu qeyb muhiim ah ka yahay aqoonsiga qaranka. Waxaan ku bogaadinayaa dhammaan dadka ka qayb qaadanaya dadaallada horumarinta nidaamkaan casriga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada bulshada ay waajib ku tahay in qofka ay u adeegayaan uu haysto Kaarka aqoonsiga qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta xogta.

Xamza ayaa ku ammaanay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, fahamka nidaamka casriga ah, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dowad-dhisidda iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyey howl-wadeennada iyo maamulka hey’adda NIRA shaqada culus ee ay ku qabteen muddada kooban.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali, isna madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay kaarka aqoonsiga ka sokow lasoo kordhin doono nidaamka diiwaan-gelinta madaniga ah.

Wuxuu si gaar ah carabka ugu dhuftay diiwaan-gelinta marxaladaha muhiimka u ah nolosha muwaadinka sida dhalashada, dhimashada, guurka iyo furriinka.

Maleeshiyo cusub oo ka soo horjeeda ururka Xamas oo ka dillaacday Khan Younis

0

Gaza (Caasimada Online) – Koox hubaysan oo cusub ayaa ka dillaacday deegaanka Khan Younis, waxaana hoggaaminaya Shawqi Abu Nasira oo horay maxbuus ugu soo noqday xabsiyada Israa’iil, kana tirsanaan jiray dhaqdhaqaaqa Fatax iyo saraakiisha Maamulka Falastiin, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah.

Abu Nasira ayaa sannadihii 1980-yadii xabsi muddo dheer ah ku qaatay falal la xiriira hawlgallo millatari. Xilligaas, wuxuu ku guuleystay inuu ka baxsado xabsiga Nafha ee Israel, balse waxaa dib gacanta loogu dhigay muddo toddobaad iyo bar ah ka dib.

Markii xabsiga laga sii daayay iyo ka dib heshiiskii Oslo, wuxuu ka mid noqday saraakiisha laamaha amniga ee Maamulka Falastiin, isagoo gaaray darajo sare ka hor intii uusan shaqada ka fariisan. Intii uu socday dagaalka hadda ka aloosan Gaza, waxaa la wariyay in wiilkiisa la dilay, iyadoo Abu Nasira laftiisu uu dhawaanahan wajahayay hanjabaado kaga imanaya sirdoonka Xamas iyo hay’adaha amniga gudaha ee ururkaas.

Muuqaal fiidiyoow ah oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Abu Nasira oo khudbad u jeedinaya cutub ka kooban qiyaastii 20 dagaalyahan oo saf ku jira, isagoo adeegsanaya luuqad adag: “Kabtiinna uskagga leh ayaa ka sharaf badan kan ugu weyn ee hoggaanka beenta ku dhisan ee Xamas. Anigu waxaan ahay Shawqi Abu Nasira, mana rabo inaan naftayda ka hadlo. Ciddii soo qabata qof la-shaqeeye ah, ha ogaato inaanan cidna ka haybaysanayn—laga soo bilaabo kan ugu sarreeya Xamas ee Khalil al-Hayya ilaa kan ugu hooseeya.”

Intaas ka dib, wuxuu ciidamadiisa ku amray inay kor ugu dhawaaqaan hal-kudhigyo ka dhan ah Xamas, isagoo leh: “Ciyowga eeydu ma cabsigeliyo libaaxyada. Dhimasho ha ku timaado Xamas! Dhimasho ha ku timaado Xamas!”

Abu Nasira ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan uga soo tagnay qoysaskeena iyo guryaheena si aan ehelkeenna iyo shacabkeenna uga xoreyno Xamas iyo Iiraanta Faarisiyiinta ah. Waa cadowga Islaamka iyo Sunniga. Ma caddahay? Idinku ma tihidin basaasiin, waxaad tihiin dadka ugu sharafta badan. Ciddii Xamas ku tiraahda ‘maya’ waa geesi. Muhiim ma aha inaan aniga ahay ama qof kale.” Wuxuu hadalkiisa ku soo xiray, “Xamas indhahooda, dhammaanteen waxaan ka nahay basaasiin. Laakiin qofkii ‘maya’ yiraahdaa waa libaax.”

Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa ku biiraya maleeshiyaad kale oo ka jira deegaanka Khan Younis kuwaas oo ka soo horjeeda Xamas. Waxaa sidoo kale aaggaas ka hawlgala ciidamo uu hoggaamiyo Husam al-Astal, oo hore sarkaal uga ahaan jiray sirdoonka Maamulka Falastiin. Intaas waxaa dheer, in ugu yaraan saddex kooxood oo kale oo hubaysan ay ka jiraan inta u dhaxaysa waqooyiga Gaza iyo koonfurta, waxaana ugu awood badan kooxda Ciidamada Shacabka (Popular Forces) ee uu hoggaamiyo Yasser Abu Shabab, kuwaas oo fariisin ku leh bariga Rafah.

Tan iyo markii ay dhaqangashay xabbad-joojintii bishii Oktoobar, wareegyada taabacsan Xamas ayaa faafiyay warar sheegaya in qaar ka mid ah xubnaha maleeshiyaadkan ay isku dhiibeen ama lagu dilay iska horimaadyo. Hase yeeshee, wararkaas waa la beeniyay, iyadoo ay ka mid ahaayeen kooxda Abu Shabab oo si cad u naqdisay sheegashadaas.

Maalmihii la soo dhaafay, kooxda Yasser Abu Shabab ayaa shaacisay inay wadashaqeyn toos ah la leeyihiin Golaha Nabadda, taasoo qayb ka ah qorshaha Madaxweyne Donald Trump. Ku-xigeenka Abu Shabab, Rasan al-Duhaini, ayaa caddeeyay inay fulin doonaan hawlgallo ka dhan ah “kooxaha hubaysan ee sharci-darrada ah”—oo u muuqda tixraac ku socda Xamas—kuwaas oo laga fulinayo “deegaanno gaar ah oo ka tirsan Rafah.”

Dhinaca kale, ilo wareedyo ka tirsan Xamas ayaa u sheegay telefishinka Sacuudiga ee Asharq subaxnimadii Axadda in wafdi ka socda ururkaas ay ku sugan yihiin Qaahira si ay wada-hadallo uga yeeshaan dhismaha guddi maamul oo loo sameeyo Marinka Gaza.

Sida ay sheegeen ilahaasi, wada-hadallada Qaahira waxay u dhexeeyaan saraakiil sare oo ka tirsan Xamas iyo mas’uuliyiinta Masar, iyadoo ay wehliyaan wakiilo ka socda ururo kale oo Falastiiniyiin ah. Isla waqtigaas, ilo kale ayaa u sheegay kanaalka Al-Hadath in ujeeddada wafdiga Hamas ee Qaahira ay la xiriirto faahfaahinta u gudbidda wejiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta. 

Ciidanka DF oo fashiliyay qaraxyo culus + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay fashilyeen qaraxyo culus oo ay Al-Shabaab ku diyaariyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Qaraxyada oo ahaa miinooyin ayaa ciidamadu burburiyeen, kadib howlgallo ay ka sameeyeen deegaannada Cumar Beere, Faay Yuusuf iyo Cismaan Dure oo dhammaantood hoostaga degmada Afgooye, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan taliska qaybta 12 April.

Taliye ku xigeenka guutada 7-aad, Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdullaahi Caraaye (Foo-Foo) oo hoggaaminayay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu ay qarxiyeen miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka ay maraan dadka shacabka ah oo ku yaalla deegaannada ay gaareen ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Ciidanka, ayaa qarxiyey miinooyin Khawaarijta ay u dhigeen dadka shacabka ah, iyadoo geesiyaasha ay ku raad-joogaan firxadka cadowga” ayuu yiri Taliye ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Xoogga dalka ay cagta mariyeen baro iyo xarumo baad ah oo ay khawaarijta ku lahayd duleedka magaalada Afgooye.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in ay soo bandhigi doonaan khasaaraha xooggan ee ay gaarsiiyeen cadowga oo uu tilmaamay in lagu naafeeyay howlgalladii ugu dambeeyay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan ciidamada ay isku sii fidinayaan deeggaannada fog ee ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuw AUSSOM ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gobolkan, waxayna xoreeyeen degmooyin iyo deegaanno muhiim ah

Wararkii ugu dambeeyay ee Maxkamadeynta kiiska Saabiriin Saylaan

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa mar kale maanta ka bilowday dhageysiga kiiska xasaasiga ah ee ka dhashay dilkii arxan darrada ahaa ee dhawaan loo gaystay Marxuumad Sabiriin Saylaan Cabdullaahi oo 14 jir ahayd, taas oo weli maydkeeda uu yaallo isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Maxkamadda darajada koowaad ee Gaalkacyo ayaa maanta guda gashay fadhiga labaad ee kiiskan, waxaana uu ku bilawday saaka difaaca qareennada u doodaya labada eedaysane oo ah hooyadii iyo aabbihii guriga ay ku noolayd Saabiriin, qoyskaasi oo ahaa qaraabada gabadha yar ee jir dilka iyo ku ceejinta xarigga u dhimatay, waxaana awoowe u ah aabaha qoyska.

Qareennada ayaa fadhigga ka sheegay in ay xanuusan tahay eedeysane Hodan, iyaga oo soo bandhigay daawo ay sheegeen in ay qaadan jirtay, sidoo kale adeerkeed oo goobta ka hadlay ayaa dalbaday in baaris caafimaad loo diro, si loo hubiyo caafimaadkeeda.

Dhanka kale, waxaa arrintaan iyana dood ka keentay xeer ilaalinta oo ku jawaabtay  “Qareenka u doodaya eedaysane Hodan wuxuu keenay dawooyin uu sheegay in ay qaadan-jirtay eedaysanuhu mana keenin dhakhtarka qoray dawooyinka iyo xanuunka looga qoray” Sidaas waxaa tiri xeer illaaliye Muxubo oo u doodaysa Allaha u naxariistee Saabiriin.

Dacwad qaadista maanta ayaa ka duwan maalinkii kooowaad, waxaana la yareeyey dadka soo galaya maxkamadda, iyada oo sidoo kale ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka, si loo xoojiyo ammaanka guud.

Ciidanka ayaa isku hareereeyay aagga maxkamadda, waxanay hakiyeen dhaq-dhaqaaqa, si looga hortago in la carqaladeeyo kiiska yaalla maxkamadda oo ah mid xasaasi ah.

Sidoo kale, waxaa jira dadweyne maanta tuban waddooyin durugsan ee magaalada Gaalkacyo, kuwaa soo sugaya go’aanka maxkamadda, iyaga oo horay u dhigay dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in cadaaladda la horgeeyo dadkii ka dambeeyay dilka gabadha yar.

Arrintan ayaa muujinsyeo culayska uu leeyahay kiiskaan oo ahaa mid arxan-darro oo xiisad culus ka abuuray magaalada Gaalkacyo, iyada oo Maxkamadda ay baahisay muuqaallo lagu arkay sida loo dilay Saabiriin falkaas oo ahaa mid ugub ah, si weyna looga carooday

Si kastaba, Ma cadda in maxkamaddu ay maanta go’aan ku gaari karto labadaan garmaqal oo kaliya iyo in ay u sii baahan karto caddaymo kale oo dheeraad ah iyo fadhi saddexaad.

Daawo: Xasan oo weerar culus ku qaaday mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa xubnaha mucaaradka ugu baaqay inay soo dhaafan guryaha iyo hoteellada ay uga jiraan caasimadda, si ay u arkaan xaladda dhabta ah ee Muqdisho, oo uu sheegay inuu ka jiro isbeddel weyn oo dhanka horumarka iyo amniga.

“Waxaan leeyahay hoggaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta inta badan waaba ka maqan yihiin magaalada Muqdisho, marka ay yimaadan ha baxaan oo dadka ha dhex-galaan, oo hasoo arkaan nolosha fiican iyo amniga magaalada, indhihiina ku soo arka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Inta aad gurigaaga iyo hotel Jazeera isku soo oodaan balaayo ha ka soo afuufina. Wax aad hubto sheeg, mas’uuliyadda iyo dadnimada ayaa ku faraysa, waajib ayay kugu tahay in dadka dhagahooda wax fiican maqlaan oo indhahooda wax fiican arkaan.”

Sidoo kale waxa uu nasiib daro weyn ku tilmaamay in siyaasiyiinta mucaaradka badankooda ay inkiraan waxa laga qabtay shaqada laga qabtay caasimadda, oo uu xusay in shalay iyo maanta uu isbeddel weyn u dhaxeeyo xaalada Muqdisho.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu xalay Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu weerar ku qaaday dowladda, uuna sheegay in dalka uu ku jiro xaalad cakiran, ayna dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan gaajo iyo sicir-barar baahsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxaan darsay oo aan ogaaday in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran maciishadda oo kale qofka bishii 200 ama 300 qaadan jiray in aysan ku filneyn xittaa 500 oo dollar, welina mushaaraadkii uu halkiisii taagan yahay” ayuu yiri Farmaajo.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed waxay gaareen heer in maalinkii ay hal mar wax cunaan haddii ay nasiib leeyihiin ama maalin dhaaf, waxaa lagu leeyahay mararka qaarkood caga-bararka xilligii uu dagaalka sokeeye aad u darnaa in hadda uu ka daran yahay.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Maxay DF ka tiri hadalka ka soo yeeray Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si adag uga jawaabay hadalkii uu xalay jeediyay Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo oo weerar ku qaaday dowladda Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad cakiran, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan gaajo iyo sicir-barar baahsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxaan darsay oo aan ogaaday in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran maciishadda oo kale qofka bishii 200 ama 300 qaadan jiray in aysan ku filneyn xittaa 500 oo dollar, welina mushaaraadkii uu halkiisii taagan yahay” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu yiri “Dadka Soomaaliyeed waxay gaareen heer in maalinkii ay hal mar wax cunaan haddii ay nasiib leeyihiin ama maalin dhaaf, waxaa lagu leeyahay mararka qaarkood caga-bararka xilligii uu dagaalka sokeeye aad u darnaa in hadda uu ka daran yahay.”

Intaas kadib, Wasiir Jaamac oo u jawaabay Farmaajo, kana difaaacay dowladda eedeymaha uu u jeediyay madaxweynihii hore ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkaasi.

“Roobab ma jiraan oo abaaro waa jiraan, Ilaahey baan u barineynaa in roobabku da’aan, Laakiin sagaashamweyadii uma dhowa,” ayuu yiri Jaamac.

Waxa uu intaas kusii daray “Hadaad hogaamiye tahay Dalkaaga iyo Dadkaaga inaad ku dhex jirto wacyigaaga ayey wax wen ka tareysaa, xog qol mugdi ah laguugu keeneyna waad ka maarmeysaa.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Hadaad hogaamiye tahay Dalkaaga iyo Dadkaaga inaad ku dhex jirto wacyigaaga ayey wax wen ka tareysaa, xog qol mugdi ah laguugu keeneyna waad ka maarmeysaa.

Xaley waxaan aad uga naxay war ka soo yeerey qof masuul ah oo ah dalka iney ka jirto macluul, caga barar ka daran kii dagaaladii sokeeye ka dhacay dalka oo ay wakhtigaas maalintii boqolaal u dhimaneysey macluul.

Roobab ma jiraan oo abaaro waa jiraan, Ilaahey baan u barineynaa in roobabku da’aan, Laakiin sagaashamweyadii uma dhowa.

Haduu masuulkaasi abaartaas ogaan lahaa waxii dhacay maanta waxas wax ka daran ayaa jiro ma dhaheen bal ugu yaraan vedioyadii ha loo shido.

Koleyba in lays dacaayadeeyo la huri maayo siyaasadda, laakiin loo qaateen iney noqoto ayaa fiican.

Boqolaalkii sagaashamweyadii dhimaneysey ka daran hadey maanta jirto waa mid ku eg qolka lagu sheegey. Ummadda Soomaaliyeedna Ilaahey kuma soo celiyo macluushaas.

Sawirro: Wasiir Fiqi oo xarun nooceedu cusub yahay ka hirgeliyay gaashaandhigga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta luqadaha iyo tarjumaadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin iyo howl-wadeenno ka tirsan wasaaradda iyo taliska ciidanka. Xaruntan ayaa markii ugu horreysay laga hirgeliyay wasaaradda.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay muhiimad weyn u leedahay kor u qaadista awoodda luqadeed ee shaqaalaha iyo ciidamada loo diraayo tababarrada caalamiga ah.

Fiqi ayaa xaruntan ku tilmaamay buundo muhiim ah oo Soomaaliya ku xireysa bulshada caalamka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in xaruntan loo aas-aasay si loo horumariyo xirfadaha luqadaha iyo adeegyada tarjumaadda ee howlwadeenada wasaaradda iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u daboolaan baahiyaha luqadeed ee wasaaradda, ciidanka, iyo howlgallada amniga ee dalka.

Wasiir Fiqi ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay ka faa’iidaystaan fursaddan, ayna kor u qaadaan aqoonta iyo xirfadaha dhanka luqadaha.

Ugu dambeyntiina, wuxuu hoosta ka xarriiqay in xaruntan cusub ay door muuqda ka qaadan doonto tayeynta shaqada wasaaradda iyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla.

Xasan Sheekh oo caddeeyay in uusan ka tanaasuleyn arrinta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya ayaa caddeeyay in uusan ka tanaasuleyn wax ka beddelka dastuurka.

Arrinta wax ka beddelka dastuurka ayaa noqotay xudunta khilaafka siyaasadeed ee dalka, kaasi oo si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo u arka qorshaha wax ka beddelka dastuurka mid u xaglinaya dhinaca madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa ku dooday in dhameystirka dib-u-eegista dastuurka uu yahay hawl qaran oo fure u ah xasiloonida siyaasadeed, qeexidda awoodaha hay’adaha, hirgelinta nidaam federal iyo dib u habeynta sharciyada baahida weyn loo qabo, si ay ula jaanqaadan nidaamyada casriga ah ee dowlad dhiska, maalgashiga.

“Dastuurku isaga ayaa saldhig u ah dhammaan xeerarka dalkeenna, oo ilaalinaya afka, dhaqanka, diinta iyo xuquuq kasta oo muwaadinku leeyahay, sidaas awgeed waa inaan fulinna ballantii aan qaadnay oo uu ka baxaa kumeel-gaarnimada dastruurka lana dhameystira,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu bogaadiyay Baarlamaanka 11-aad oo uu sheegay inuu yahay kan ugu shaqada badan jamhuuriyadda 3-aad muddo xileedkan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa faray xukuumadda in ay dardar-geliso howlaha hortebinta u leh tayeynta adeegga garsoorka dalka.

Xasan ayaa sheegay in garsoor hufan oo madax-bannaan uu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowlad-dhiska, amniga, horumarka iyo xoojinta kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.

Sidoo kale wuxuu xusay in Dowladda Federaalka oo ka duuleyso arrintaas ay qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo federaaleynta nidaamka garsoorka, dhismaha hay’adaha muhiimka u ah cadaaladda, taas oo muujineyso xoojinta hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

“Garsoorkeenna inuu hormarsan yahay waxaan tusaale muuqda u ah in muwaadiin Soomaaliyeed oo fal dambiyeed lagu eedeeyey oo dalka ka baxsaday ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysto in dalka dibaddiisa ka soo qabato, iyada oo kaashanayso booliska caalamiga ah ee Interpol, kiis dacwadeedkiisana uu ka furan yahay dowlad goboleedkii uu fal dambiyeedka uu ka dhacay,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa intaas kusii daray: “Guulaha aan gaarnay waxaa ka mid ah xaqiijinta amniga caasimadda si ay ula tartanto caalamka, maalgelinta mashaariicda waaweyn oo ay ugu horreyan dhismayaasha, taas oo shaqo abuur u ah dhallinyaro Soomaaliyeed, dhismaha garoomo ciyaaro iyo diyaaradeed, kordhinta tirada ciidameenna oo labo jibaar ka badan markii aan xilka la wareegayey, tayeynta waxbaarashada dalka.”

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa adkeeyey doorka garsoorka ee dimuqraadiyadda ayaa sheegay in dalka oo u diyaar garoobaya doorashada qof iyo cod ay lagama maarmaan u tahay in la xaqiijiyo hay’ado sharci iyo garsoor oo awood u leh ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, xaqiijinta hufnaanta geeddi-socodka doorashada iyo hubinta in cod kasta lagu dhiibto si xor ah oo ammaan ah.

Fallanqeyn: Maxaa ka run ah arrimihii uu xalay sheegay madaxweyne Farmaajo?

0

Hadal-heyn weyn ayaa ka dhalatay hadal kooban oo uu xalay ka jeediyay kulan casho-sharaf ah oo uu Madaxweynihii 9-aad ee JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, u sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee BFS.

Farmaajo wuxuu ka hadlay afar qodob oo muhiim ah oo aan hore looga hadlin sida:

1- Sicir-bararka maciishadda ee sare u kacay.
2- In Ciidanka Qalabka Sida aan loo kordhin mushaaraadkooda.
3- In shaqaalaha dowladda aan loo kordhin mushaaraadkooda.
4- In loo baahan yahay in heshiis degdeg ah laga gaaro arrimaha doorashada.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu muujiyey inuu yahay hoggaamiye la-dareen ah bulshada, oo xog-raadin sax ah ku sameeyey nolosha dadka, faham buuxana ka haysta sicir-bararka, xalkeedana sii raaciyey.

Xildhibaannada wuxuu tusaaleeyey inay mas’uuliyad ka saaran tahay in miisaaniyadda lagu daro kordhinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada.

Sidee loo arkay hadalka kooban ee Farmaajo?

Inta badan bulshada iyo hormuudka siyaasadda waxay u arkeen hadalka Farmaajo hadal waaqica ka tarjumaya, muujinayana in Madaxweynihii hore uu la dareen yahay bulshada, niyaddana uu ku hayo sidii xalka uu qayb uga noqon lahaa.

Waxay soo dhaweeyeen sida asluubta leh ee dowladda uu ugu sheegay in doorasho la aado, oo ay qarda-jeexa doorashada xal ka keento, lagana shaqeeyo in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda.

Yaan soo dhaweyn hadalka Farmaajo?

Kooxo abaabulan oo dowladdu ay geed-fadhi u tahay, oo dhibsaday xaqiiqada hadalka Farmaajo, ayaa iyagoon is-ogayn safkoodana soo buuxiyey koox kale oo dhisaya musharrixiin ay sii ogyihiin inaysan gudbin wareegga koowaad ee doorashada marka Teendhada la tago.

Dhammaantood waxay ku naxeen saameynta ololaha #MarkaleFarmaajo oo aan xitaa si rasmi ah u bilaaban, iyagoo is weydiinaya waxa dhici kara haddii 2% un olole ah uu Farmaajo sameeyo, sida xaal-koodu ku dambeyn doono.

Waxaa wehliya shaqsiyaad xanaaqsan oo farriimo been-abuur ah oo quuri-waa u badan loo dhiibo, ujeeddaduna tahay: “Waa joognaa ee maa naloo yeero.”

Gunaanad

Hadal xaqiiqo ah oo ka tarjumaya dareenka shacabka ayuu ahaa kalmaddii xalay uu jeediyey Madaxweyne hore Farmaajo.

W/Q: Maxamed Yuusuf Axmed 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Puntland oo xabsiga dhigtay sarkaal sare + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya.

Sarkaalka la xiray ayaa ka shaqeyn jiray xafiiska Garoowe, waxaana lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay fududeynta tahriibinta dhalinyarada, oo muddooyinkii dambe si weyn ugu soo badaneysay maamulka.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa ku-xigeenka xafiiska Socdaalka ee Garoowe, waxaana loo haystaa inuu si sharci-darro ah baasaboorrada Soomaaliya u siiyay dhalinyaro tiro badan.

Dhalinyaradan qaarkood ayaa waxaa markii dambe lagu qabtay garoomada diyaaradaha maamulka Puntland iyaga oo isku dayaya inay dalka ka baxaan.

Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, maaddaama lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha hawlaha tahriibka iyo inuu jabiyay amar maamul oo ka hor istaagaya in dhalinyarada loo sameeyo baasaboor.

Xariggan ayaa dhacay iyadoo maamulka Puntland uu gacanta ku hayo dhalinyaro kale oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaas oo lagu qabtay garoonka Garoowe kana yimid Muqdisho, una socday Ethiopia si ay halkaas uga sii tahriibaan.

Puntland ayaa xaqiijisay in qof kasta oo lagu qabto falal la xiriira tahriibka la horgeyn doono maxkamad, iyadoo lagu dhaqmayo xeerarka dowladda ee ka dhan ah tahriibka.

Maamulka Puntland ayaa weli waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan ee ay dhalinyaradu kasoo qaadaan safarrada tahriibka, iyadoo magaalada ay ka hawl-galaan shabakado qarsoodi ah oo fududeeya kharashaadka iyo helitaanka dukumentiyada safarka.

R/Wasaare Xamza oo maanta xaqiijiyay guul taariikhi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xamza Cabdi Barre oo maanta xaqiijiyay guul taariikhi ah ayaa noqday Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa, tan iyo markii dib loo yakleelay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, maadaama uu xafiiska joogo muddo 3 sano iyo 5 bilood ah.

Xamza ayaa hoggaanka ka qabtay Xasan Cali Khayre oo isna xilka Ra’iisul wasaaraha hayay muddo 3 sano iyo 4 bilood ah oo uu lasoo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale Xamza ayaa hadda kusii dhawaanaya inuu noqdo Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uga dhiman bilo yar.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal soo saaray ayaa soo bandhigay 7 qodob uu Xamza ku kasbaday inuu ka dheereeyo Ra’iisul wasaareyaashii hore ee uu ku dhaafay muddada xil-haynta.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-

Mudane Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre, Waxa uu noqday Raysalwasaariihii ugu waqtiga dheeraa tan iyo markii dib loo unkay Jamhuuriyadda Sadexaad.

Sidoo kale bilo yar ayaa uga dhiman in uu noqdo Raysalwasaaraha ugu waqtiga dheer taariikhda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ka sakoow Calafka allaah xagiisa ka ahaaday, wuxuu la yimid dhawr sifo oo sabab u noqday in uu sameeyo taariikhdaan naadirka ah.

1- wuxuu muujiyay xil gudasho dhab ah oo adag.

2- wuxuu muujiyay hogaamin sare oo u sahashay in uu ilaaliyo kalsoonida Madaxda Qaranka, Baarlamaanka iyo Dadwaynaha.

3- wuxuu ka adkaaday in ay jidkiisa ka weeciyaan dabaylaha Siyaasadeed ee horay ula tagay rag badan oo xilka uga horeeyay.

4- wuxuu la yimid alle ku xirnaasho iyo isku kalsoonaan shaqsi ah.

5- xukuumaddiisa wuxuu ku hogaamiyay waxqabad balaaran iyo isku duubni sal adag.

6- wuxuu ku adkaystay fulinta Barnaamijkiisii Siyaasadeed ee lagu ansixiyay kuna qotoma aragtida Madaxwaynaha.

7- wuxuu ku sifoobay dhawrsoonaan, deganaan iyo maarayn mug leh.

Waxaa mudan bogaadin Madaxwayne Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo siiyay kalsoonidiisa, iyo hogaanka iyo Xubnaha Baarlamaanka oo iyana ku taageeray xil-gudashadiisa.

Golaha Wasiirada oo muujiyay midnimo iyo xil gudasho bishay hogaanka Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxaan u rajaynayaa Raysalwasaaruhu in uu sii wadi doono xaqiijinta taariikho kale kuwaas oo galidoona Buugga taariikhda.

Shaqsiyan, sharaf wayn ayay ii tahay in aan xubin ka ahay Xukuumadda Raysalwasaare Xamse ee samaysay taariikhdaan.

Mahad oo dhan alle u sugnaatay.