26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Rejada NETANYAHU ee sii deynta la heystayaasha gacanta ugu jira Xamaas

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu shalay ka jeediyay aqalka Knesset-ka ku sheegay in horumar laga gaaray wadahadallada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo la-haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto Gaza.

Netanyahu ayaa shegay in aaney shaqada joojin doonin ilaa inta dadkaasi dib loogu soo celinaayo guryohooda .

Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in uu doonayo in uu heshiisyo nabadeed oo cusub la saxiixdo dalalka Carabta, mid la mid ah heshiiskii Abraham ee 2020-kii ee uu Maraykanku gar wadeenka ka ahaa ee Israel iyo dhowr dal oo Carab ah

Netanyahu waxa uu sheegay in dalalka Carabta ee qunyar socodka ah ay u arkaan Israa’iil inay tahay quwad goboleed iyo xulafo macquul ah uuna doonayo in uu si buuxda uga fayiideysto

Dagaalyahannada Hamas ayaa weerarkoodii Oktoobar 2023-kii ee koonfurta Israa’iil ku dilay 1,200 oo qof iyagoo qafaashay ilaa 250 kale, sida ay sheegtay Isra’il.

Ilaa iyo hadda waxaa Gaza ku sugan ku dhawaad 100 la haystayaal ah, inkastoo ugu yaraan saddex-meelood meel la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymaha Isra’il ay ku heyso Gaza.

Weerarkii rogal celiska ahaa ee ay Israa’iil ku qaaday Gaza, ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 45,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Shirkadda Halla Airlines oo ka hadashay diyaaradii ay afduubatay Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda Halla Airlines ayaa dowlad goboleedka Jubbaland ku eedeeyey in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Masuul u hadlay shirkadda ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hay’adda duulista rayidka ee dowladda federaalka ay gaxaanday shirkadda diyaaradaha ee Halla Airlines, maadaama ay qabatay howl laga mamnuucay diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya.

DF Soomaaliya ayaa diyaaradaha ku amartay in shaqo aan la ogeyn aysan ka qaba karin Jubbaland iyo in labo magaalo oo Jubbaland ku taalla aysan u kala duuli karin, iyagoo aan soo marin Muqdisho, si loo hubiyo waxa ay sidaan.

Diyaaradda ay shalay afduubatay Jubbaland ayaa Kismaayo ka qaaday ciidan gurmad ah iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxayna ka dejisay Doolow oo dagaal ka socday.

Diyaaradii ayaa dib ugu laabatay Kismaayo, waxayna Muqdisho ka soo dejisay rakaab muddo ku xayirnaa garoonka Kismaayo, dowladda federaalka oo sugeysay ayaa la sheegay in ganaaxooda ay farta ka saartay maamulka shirkadaas, in kastoo aan weli saxaafadda loo soo bandhigin ganaaxsaas iyo waxa uu yahay oo wadahadal uu socdo.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka hadashay wixii maanta ka dhacay Doolow, ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay u bareereen inay la dagaalamaan oo laayaan ciidankii qaranka Soomaaliyeed ee saldhigyada ku lahaa Doolow.

Ugu yaraan 3 askari ayaa shalay ciidanka dowladda looga dilay Doolow, ilaa 7 kale ayaa dhaawacooda la dhigay isbitaalka, halka ciidan kale ay isku dhiibeen ciidamo taabacsan Jubbaland iyo kuwii Itoobiya ee is garabsanayey.

Sarkaalkii hoggaaminayey Ciidanka NISA ee Doolow u jooga DF oo magaciisa lagu sheegay Shiiqaalow oo wata ciidan xoogleh ayaa weli dhinac ka jooga Doolow, kuwaas oo dagaalamaya, balse goobjoogayaal ku sugan Doolow ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in la go’doomiyey ciidankaas.

Ciidan kale oo gurmad ah oo ka tirsan dowladda federaalka oo ka baxay Beledxaawo oo 40 KM u jirta Doolow oo watay ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ayaa lagu laayey jidka dhexe, waxaana la garan waayey waxa loo adeegsaday in kastoo Jubbaland ay sheegtay in Shabaab miino u dhigeen, hadana waxaa la aaminsan yahay in ciidamada Itoobiya ay madaafiic la beegsadeen.

DF oo u hanjabtay Axmed Madoobe, kuna eedeysay tacadi ka socda 4 magaalo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa soo saartay qoraal dheer oo xiisadda Jubbaland ay uga hadashay oo ciwaan looga dhigay “Eedaysane Axmed Madoobe waa lagula xisaabtamayaa weerarada uu ku hayo Shacabka Jubbaland.”

War-saxaafadeedkaan oo ka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa looga warbixiyey dhibaatooyin culus oo la sheegay in Axmed Madoobe uu ka geystay, isla markaana uu weli ka wado deegaanada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose, sida Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobley iyo Afmadow.

Hoos ka akhriso warkaan ka soo baxay DF ee lagu eedeynayo Axmed Madoobe:

Muqdisho – 23, Descembar – 2024: Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay si dhow ula socotaa tacadiyada tiro beelka ah ee Eedaysane Axmed Maxamed Islaam uu kula kacayo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanada Jubbaland.

Tacadiyadiisa oo ahaa kuwa muddaba soo tixnaa waxaa u danbeeyay mid uu saakay ku qaaday Shacabka ku nool deegaanka Kulbiyoow ee Gobalka Jubbada Hoose, kuwaas oo ahaa dad isku abaabulay in ay Khawaarijta iska caabiyaan, balse nasiib-darro uu Axmed Madoobe iyagii weeraray, isla markaana u gaystay dil, dhaawac, jir dil iyo dhac intaba.

Falkaan waxa uu daba socdaa falal noocaan oo kale ah, kuwaas oo uu ka gaystay Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobleey iyo Afmadoow.

Sidoo kale, waxa uu Eedaysane Axmed Madoobe ku hawlanyahay in uu iska horkeeno shacabka u diyaarsan in ay Khawaarijta ka difaacdaan deegaanadooda, iyada oo la ogyahay in uu duulaanadiisa u kaalmaysto Khawaarijta oo markasta marin u ah gacanna ku siya wax yeelaynta Shacabka reer Jubbaland ee xorta ka ah Khawaarijta.

Falalkiisu waa kuwa loo diin-waan galiyay, waana lagula xisaabtamayaa mana noqon doonaan kuwa la iska hilmaamo.

Shacabka Jubaland waxaan ugu yeeraynaa midnimo, adkaysi iyo wadajir.

Waxaan halkaan tacsi uga diraynaa Shacabkii uu Eedaysane Madoobe ku laayay, kuwii uu dhaawacay iyo kuwa u afduuban ee ku dhaqan deeganada kala duwan ee Jubbaland.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la suuliyo dhaqamada noocaan ah, isla markaana sharciga lasoo taago kuwa ka danbeeya ee dhiig miratada ah.

–DHAMAAD–

 

Daawo: Jubaland oo si yaab leh uga hadashay dagaalkii Doolow, farriina u dirtay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland Yuusuf Xuseen Cusman (Dhuumaal) oo ku sugan degmada Doolow ayaa qabtay Shir jaraa’id oo dagaalkii maanta dhacay iyo sababtii uu ku bilowday uu faahfaahin uga bixiyey.

Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ay bilaabeen ciidmada dowladda federaalka ee ku sugan degmada Doolow, isagoo dowladda federaalka ku eedeeyey in qorshaheeda uu ahaa in gacanta Jubbaland laga saaro Doolow, balse ay iska difaaceen.

Wuxuu sheegay in ciidanka dowladda federaalka uu saakay daandaansi cad ka bilaabay Doolow, balse hub ka dhigis ay ku sameeyeen dhamaan ciidamadii DF ee joogay degmada Doolow.

Sidoo kale Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in ciidan kale oo dowladda federaalka ay ka dirtay Beledxaawo, si ay ugu gurmadaan ciidankii ka dagaalamayey Doolow ay dhex miino kula kacday, isagoo sheegay in miinadaas ay Shabaab u dhigeen gaadiidkii iyo ciidankii xoogga dalka ee watay.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey waxa ka dhacaya Jubbaland, wuxuu sheegay in dalka oo nabad ah uu Xasan la wareegay xukunka, balse hadda meel kasta uu dagaal ka socdo, ciidankii qarankana siyaasad loo adeegsaday.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka hadashay wixii maanta ka dhacay Doolow, waxayna ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay u bareereen inay la dagaalamaan oo laayaan ciidankii qaranka Soomaaliyeed ee saldhigyada ku lahaa Doolow.

Ugu yaraan 3 askari ayaa maanta ciidanka dowladda looga dilay Doolow, ilaa 7 kale ayaa dhaawacooda la dhigay isbitaalka, halka ciidan kale ay isku dhiibeen Jubbaland iyo Itoobiya oo wada socda.

Sarkaalkii hoggaaminayey ciidamada dowladda federaalka ee Doolow ku sugan oo ah nin mayal adag iyo ciidan xoogleh oo uu wato ayaa weli gees ka jooga Doolow, kuwaas oo dagaalamaya, balse goobjoogayaal ku sugan Doolow ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in la go’doomiyey ciidankaas.

Ciidan kale oo gurmad ah oo ka tirsan dowladda federaalka oo ka baxay Beledxaawo oo 40 KM u jirta Doolow oo watay ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ayey dhex miino kula kacday, waxaana gaaray khasare lixaad leh.

Hoos ka daawo Dhuumaal

DF oo Itoobiya ku eedeysay dagaalkii Doolow iyo burinta heshiiskii Ankara

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxayna ku eedeysay ciidamada Itoobiya.

Dowladda Soomalaiya aya falka Xadgudubka ah ku tilmaantay wixii ay maanta Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow Soomaaliya.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda.

Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Saaka abaare 10:00AM ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid si qorsheysan loo fuliyay, isla markaana Ciidamada Itoobiya ay ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad Nugidda Qaranka ee NISA, iyo Booliska.

“Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi,” aya lagu yiri warka dowladda.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waxyeello soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada Doolow ee falkaasi uu maanta ka dhacay.

“Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

DF Soomaaliya ayaa Nasiib-darro ku tilmaantay ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya oo ah kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay iyo dhaqanka deris-wanaagga.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa ficilladan daandaansiga ah iyo kuwo la midka ah, kuwaas oo halis gelinaya nabad ku wada noolaanshaha, Sidoo kale, Dawladdu waxay ka digaysaa in aysan ka aamusi doonin tallaabooyinkan cad ee ku xadgududbka madax-bannaanida Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sawirro: Somalia iyo Masar oo iska warsaday qodobo xasaasi ah iyo heshiiskii Ankara

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macalin Fiqi oo shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa wada-hadallo rasmi ah halkaas kula yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Mudane Badar Cabdilati.

Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Waxaa wadahadalladaas xoogga lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, siyaasadda, waxbarashada, iyo dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Cilaaqaadka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saleysan walaaltinimo iyo iskaashi waxtar leh, kaas oo qayb ka qaadanaya horumarinta labada dal.”

Sidoo kale, waxaa laga wadahadlay dadaallada la dagaallanka argagixisada, iskaashiga militariga, amniga, iyo howlgalka cusub ee Soomaaliya ka bilaabanaya AUSSOM.

Intii uu socday kulanka labada wasiir, ayuu Axmed Macalin Fiqi warbixin ka siiyay Badar heshiiskii Ankara ee dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo dan u ah nabadda gobolka, sida ay u dhigtay Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Masar u sheegay in heshiiskaas uu buuxinayo dhammaan dalabaadka Soomaaliya ee ah in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warar soo baxay markii uu heshiiskaas ka dhacay Ankara ayaa sheegayay in Masar ay ka carootay heshiiska ay Soomaaliya la gashay Itoobiya oo ah dal cadowga koowaad u ah labada dal ee Masar iyo Somalia, balse Masar ayaan weli ka hadlin heshiiskii Ankara.

Masar oo qeyb ka noqon doonta howlgalka ciidan ee ATMIS bedelaya ee Soomaaliya ka bilaabanaya 2025-ka ayaa si weyn ula dagaashan Itoobiya, waxayna gobolka Geeska Afrika si rasmi ah u soo jaleecday bilowgii sanadkaan, markaas oo Itoobiya ay daan-daansi ku bilowday Soomaaliya.

Muxuu dastuurka ka qabaa arrinta uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu soo bandhigayo lacag cusub oo Puntland ay yeelato taasoo muujineysa khilaafka xooggan ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Puntland ee ku saabsan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida hannaanka doorashada iyo dastuurka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladdiisa ay soo bandhigi doonto lacagteeda sanadka 2025-ka, go’aankaas oo la macno ah in lacagta Shilinka Soomaaliga aan laga isticmaali doonin Puntland marka uu si buuxda u dhaqan galo hadalka madaxweynaha.

“Dhibaatooyinka ugu weyn ee dhinaca maaliyadeed ee na haysta waxaa kamid ah dhinaca lacagta, shilinkii Soomaaliyeed waxa uu ka baxay khidmadii shaqada, lacagteenna iyo shaqadeedii waxa ay kusoo uruurtay qaab elektaroonik ah”, ayuu yiri madaxweyne Deni.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in deegaannada fog-fog ee miyiga ay ku adkaatay isticmaalka lacagaha hawada la’isu mariyo taasina ay qasabtay xal u raadin lacageed.

“Waxaa jira dalal badan oo fadaraal ah oo labo lacageed kala isticmaala, macneheedu ma aha Soomaalinimada in aan ka baxno balse waxa aan rabaa in Punland lacag ay leedahay aad daraaddeeda bilowdaan oo aad raadisaan”,ayuu sii raaciyay madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in muddo ay sugayeen Lacag Soomaaliyeed oo lagu mideysanyahay balse taasi aysan dhicin.

Go’aanka ay Punland ku isticmaaleyso lacag u gaar ah ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo istaraatiijiyad lagu horumarinayo dhaqaalaha. Puntland ayaa tan iyo 2021 inteeda badan isticmaalaysay lacagta dollarka Mareykanka kadib markii ay joojisay lacagta shilinka Soomaaliga ah kadib sicir barar baahsan oo dhacay.

Deni ayaa sheegay in lacagta cusub ay la jaanqaadi doonto nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya mustaqbalka maadaama Puntland ay u dhaqaaqday madax-banaani dhaqaale. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay ka gaabisay in ay soo daabacdo lacago cusub oo lagu bedelayo lacagaha duugga ah

Dastuurku muxuu ka qabaa in maamul uu sameysto lacag u gaar ah?

Kadib markii madaxweynaha Punland u uku dhawaaqay go’aanka ah in Puntland ay ku sameysaneyso lacag u gaar dood badan ayaa ka dhalatay sida maamul ka tirsan dhowladda dhexe uu u qaadan karo go’aankaas marka laga eego dhinaca sharciga.

Abuukaate Zakariye Yuusuf oo ka faallooda arrimaha sharciga ayaa faah faahin ka bixiyay waxa dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya uu ka qabo arrinkan iyo sida ay ku dhaqan geli karto.

“Waxa aan eegeynaa cutubka shanaad ee dastuurka dalka, cutubkaan waxa uu kala dhig dhigayaa qaab dhismeedka iyo mabaadii’da wadashaqeynta heerarka xukuumadda, cutubkan waxa uu dowladda federaalka ah siinayaa awoodo gaar ah, dowlad goboleedyadana waxa uu siinayaa awoodo gaar ah iskuma Darsana”.

“Marka aad fiiriso qodobka 54-aad ee dastuurka ‘Kala qaybinta awoodaha’, awood qaybisga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa kawada xaajoon doonaya xukuumadda federaalka iyo dowladaha hoostaga, si gaar ah [D] Arrimaha siyaasadda lacagta oo ay awooddooda iyo mas’uuliyaddooda yeelaneyso dowladda fedraalka ah”, ayuu sii raaciyay Abuukaate Zakariye Yuusuf.

Waxa uu sheegay in sidaas daraadeed qodobakaas uu qeexayo in dowlad goboleed xubin ka ah dowladda federaalka ah aysan dowlad kale iyo shirkad kale la xaajoon Karin haddii ay noqoto arrimo lacageed iyo waxyaabo kaleba.

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa muddaba soo jiitamayay iyada oo Punland ay sheegtay in aayeheeda masiiriga ah ay maamulan doonto una tashaneyso.

Madaxweyne Deni oo markii ugu dambeysay ka hadlay arrinkan ayaa yiri, “Dowladdii dhexe ee dalkan si mideysan ayey u shaqeyn jirtay oo qaabka dowladnimo uu ahaa hal mid oo Soomaaliya oo dhan ka jirtay, balse hadda taasi majirto, waana tan sababtay Puntland iyo aas-aaskeedii”.

Si kastaba ha ahaatee ganacsatada Puntland ayaa horay u qaadan jiray lacagta doollarka ah, taasi oo sii xoojisay fikirka ah in Puntland ay ka fakarto sameynta lacag cusub oo ay yeelato.

Sidoo kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dalka uu si weyn ugu tiirsan yahay isticmaalka Doollarka Mareykanka iyo lacagaha Elektarooniga ah ee ay bixiyaan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay.

Isha: BBC

DF Soomaaliya oo wafdi sare u direysa Addis Ababa – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdigii u horreeyay u direysa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo intii uu soo hagaagay xiriirka labada dal.

Socdaalka wafdigan ayaa daba socda heshiiskii dhawaan ay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad, sida lagu sheegay bayaan ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyb dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay sida ay uga go’an tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska oo kamid tahay Itoobiya, iyadoo xiriirkiisa saldhig looga dhigayo ixtiraamka buuxa ee madax-banaanida, midnimada iyo wadajirka dal kasta.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in safarkan uu qeyb yahay agaasimaha hey’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe, inkastoo aan lagu xusin bayaanka kasoo baxay wasaaradda.

Socdaalkan wafdiga dowladda Soomaaliya uga ambabaxayaan Addis Ababa ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo dagaal ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya, kaai soo dhex-maray ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa taabacsan Jubbaland.

Xasan Sheekh oo 5 QODOB oo muhiim ah kala hadlay safiirka Talyaaniga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Talyaaniga Amb. Pier Mario Daccò Coppi ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyey safiirka dadaalka dowladda federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed.

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, islamarkaana ku dhisan wax wada-qabsi.

R/W Xamza oo kulan xasaasi ah la qaatay guddiga doorashooyinka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay guddigan oo shaqadooda lagu muran yahay, kadib markii madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka diideen sida wax u socdaan.

Xamza ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’an tahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl-galo hirgalinta doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay.

Guddigan ayaa horey u shaaciyay in doorashooyinka ugu horreeyay dalka laga qaban doono muddo toddoba bilood gudahood ah, gaar ahaan bisha June ee 2025.

Qorshaha jadwalka doorashada ayaa ah in bisha Juun ay doorashada golayaasha deegaanka ka qabtaan dalka oo dhan, halka bisha November ay qaban doonaa tan baarlamaanada maamul goboleedyada iyo madaxdooda, taas oo ku dhaceysa qof iyo cod.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay jirto dooda siyaasiyiinta qaarkood ee ku aadan in xaaladda dalku ku sugan yahay aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah, iyada oo xiriirka ka dhaxeeya maamulada qaar sida Puntland iyo Jubaland iyo dowladda federaalka aanu wanaagsaneyn.

Xogta qarax culus oo lala beegsaday ciidamada Kenya

0

Wajeer (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya lagula eegtay agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay u dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Khorof Haraar oo ka tirsan degmada Wajeer, una dhow xadka labada dal, xilli ay socdaal ku jireen ciidamada.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxa uu haleeyay mid kamid kolonyada ay wateen ciidamada, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo baaxad leh.

Ugu yaraan illaa 8 askari ayaa lasoo wariyay inay ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kalena uu jiro burbur soo gaaray baabuurka uu qaraxu haleelay.

Weerarkan ayaa ku soo aaday y xilli ay ciidamada Kenya ay wadeen roondo amni oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada Kenya ay horay usii wateen socdaalkooda, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan  deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya.

Ciidamada Jubbaland oo ka hortegay qarax laga fulin rabay Kismaayo + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa nabad-sugidda maamulkaas oo xalay howlgal ka sameeyay magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa ka hortegay weerar qarax ah oo ay soo abaabuleen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa lagu diyaariyay xaafadda Farjanno, balse waxaa fashiliyay ciidanka amniga, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Jubaland.

“Ciidanka Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa ku guuleystey fashilinta miino nooca dhajiska ah oo ay khawaarijtu rabtey inay ku bartilmaameed-sadaan shacabka reer Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adaha amniga Jubbaland.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in fashilinta qaraxa ay ka qayb qaateen dadka deegaanka, kadib markii ay soo wargeliyeen hay’adaha amniga oo sameeyay howlgal.

“Miinadan sawirkeedu hoos idiinka muuqdo ayay ciidanku ku qabteen xaafada Farjanno ee magaalada Kismaayo kadib markey shacabka xaafadaasi ku wargeliyeen laamaha amniga.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kismaayo ayaa waxaa badanaa howlgallo ka sameeyay ciidamada amniga Jubbaland oo horay sidaan oo kale u fashliyay weeraro ay soo abaabuleen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii Kismaayo lagu qabtay nin hubeysan oo weerar bam-gacmeed ah ka gaystay gudaha magaaladaasi, kaas oo ay soo bandhigeen laamaha amniga.

Daawo: Fursadda hortaallo reer GEDO kadib kala tegga Axmed Madoobe iyo DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka haatan u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd, kadib markii ay kala tageen Villa Soomaaliya iyo Axmed Madoobe oo isku qabtay arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka.

khilaafka ayaa isku beddalay gacan ka hadal, ka gadaal markii labada dhinac ay dhowaan ku dagaalameen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada dowladda oo laga adkaaday iyo kuwa daraawiishta Jubbaland.

Arrinta ayaa hadda u weecatay dhinaca gobolka Gedo oo ay dhaq-dhaqaaq culus ka waddo dowladda federaalka, si ay ula wareegto guud ahaan gacan ku haynta gobolkaasi oo ay u dirtay wafdi wasiiro ah iyo xildhibaanno oo hadda qorshe ka wada degmada Garbahaarey.

Haddaba maxay tahay fursadda hortaallo reer GEDO kadib kala tegga Axmed Madoobe iyo DF?

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Cismaan Libaax oo kamid ah wasiirrada dhaq-dhaqaaqa ka wada Garbahaarey ayaa isaga oo la hadlayay odayaasha Gedo wuxuu sheegay inay hortaallo fursad muhiim ah oo kala dhalatay kala tagista Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe, wuxuuna usoo jeediyay inay ka faa’iidestaan.

Cismaan Libaax ayaa shaaca ka qaaday in wixii loo talagalay Jubbaland la geyn doono Gedo, maadaama Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh ay ku kala tageen siyaasadda.

“Axmed Madoobe, haddii uu dowladda la heshiin lahaa annaga taas ayaa noo darneyd fursad ma heli lahayn hadda fursad ayaan leenahay Axmed Madoobe iyo dowladda waa kala tageen wixii Jubbaland loo wado inta ayaa la keenayaa” ayuu yiri Cismaan Libaax.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Annaga iskama aanan imaanin wixii mashaariic ah halkan ayaa la keenayaa, marka waa inaan fursaddan ka faa’iideysanaa”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda federaalka ay isku dayeyso inay isku ballaariso gobolka Gedo oo dhan, halkaas oo ay joogaan qaar kamid ah ciidamdeeda.

Arrintii ka dhacday Raaskambooni oo lugaha la gashay Xasan iyo Xamza

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo haatan ku sugan gobolka Gedo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland.

Fartaag ayaa soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay Raaskambooni oo jab xooggan uu kasoo gaaray ciidamadii ay dowladda ku daabushay deegaankaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay bixiyeen amarkii ay dib ugu baxeen ciidamada, ayna ku wargeliyeen in aysan dagaalami karin, taas oo keentay in Jubbaland ay si buuxda ula wareegto magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

“Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa amray inay ciidamada dowladda iskaaga baxaan Raaskambooni, amarna uma haysan inay dagaalamaan ” ayuu yiri Fartaag oo la hadlayay odayaasha degmada Garbahaarey.

Sidoo kale wuxuu eedeeyn kulul u jeediyay Axmed Madoobe oo uu tilmaamay in mudadii uu Madaxweynaha ka ahaa Jubbaland inuusan wax dagaal a ku qaadin Al-Shabaab, gaar ahaan inuu ka xoreeyo degmada Jamaame.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sidoo kale farriin u diray waxgaradka Gedo wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, ayna xor u noqdaan codkoda.

Fartaaq ayaa hadda jooga Garbahaarey halkaas oo uu ka wado qorshe iyo abaabul ka dhan ah Jubbaland, iyada oo ujeedka uu yahay in maamulka Axmed Madoobe la saaro gobolka.

Warar ka soo baxaya sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday wasiirkii batroolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shalay sameeyay isku-shaandheyn galaafatay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadk Dabiiciga ah Cabdirisaaq Cumar isaga oo lagu badalay Daahir Shire Maxamed.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta xilka looga qaadey Cabdirisaaq. Qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu xilkiisaku waayay “tabashadda iyo is-maan-dhaafka reer Hiiraan”.

“Xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka HirShabelle caasimad looga dhigo Bouloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka HirShabeele,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya.

“Xalka Tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda,” ayuu shaaca ka qaadey.

Balse, macluumaad kale oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin ayaa sheegaya in Cabdirisaaq iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ay isku qabteen lacag.

Sidda ay wararkan sheegayaan, lacagtan ayaa kasoo xarootay saxiixa heshiiska shidaalka Turkiga. Balse illaa haatan si dhab ah looma caddeyn karo cadadka saxda ah wallow warar ay gaarsiinayan inta u dhaxeysa $9 milyan illaa $10 milyan.

“Dhamaan isku-dayadii la doonayay in lagu xaliyo is-maan-dhaafka ayaa kusoo dhamaadey in xilka laga qaado wasiirka, waana go’aan ka yimid madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayay sheegeen xubnaha laga soo xigtay xogtan.

Dhanka kale, warar kale ayaa soo jeedinaya in Wasiirka iyo Madaxwayne Xasan Sheekh ay isku-khilaafeen cidda hogaamineyda Hay’adda Batroolka Soomaaliya kaasoo Villa Soomaaliya u rabtey shaqsi ka awood badan Wasaarada Batroolka.

Sikastaba, is-maan-dhaafka durba kasoo dhex-muuqdey galka shidaalka Soomaaliya wuxuu xaqiijinayaa cabsidii horey loo qabay oo ahayd in mashruucan uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed kahor inta aanan si dhameystiran loo guda gelin.

Xigasho: Garowe Online

Maxay ka dhigan tahay taageerada Faransiiska ee damaca badda ee Itoobiya?

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo doonista Itoobiya ee ku aaddan in ay hesho marin badeed iyadoo ku heleysa hab wada xaajood ah oo ixtiraamaya shuruucda caalamiga ah iyo dalalka deriska ahba.

Macron ayaa hadlay Sabtidii kaddib booqasho hal maalin ah oo uu ku tagay Addis Ababa, halkaas oo uu wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. 

Macron ayaa bogaadiyay heshiiskii Ankara ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo ay horraantii bishaan kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Erdogan. 

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dowladda Faransiiska taageerada ay ka geysaneyso dib u habeynta xarunta qaranka iyo dayactirkeeda.

Maxay ka dhigantahay taageerada Macron ee damaca badda Itoobiya?

Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey oo ka faallooda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ayaan wax ka waydiinay booqashada madaxweynaha faransiiska Macron iyo waxa ay ka dhigantahay.

“Waxaa is badalay si guud xiriirka caalamiga ah iyo sida ay dalalku u danayn jireen Afrika, waana wajiga cusub ee Faransiiska uu rabo inuu ula macaamilo,” ayuu yiri Dr Gurey.

“Faransiiska waxa uu kamid yahay dowladaha Itobiya u soo dhisayay ciidanka badda, taas ayaana keenaysa inay ku taageerto helista marin biyood, waxbadan ayayna wadaagaan labadaas dal,” ayuu yiri Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey.

Falaqeeyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in heshiiskii u danbeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhanka muranka badda uu wali sugayo in la horkeeno labada aqal ee baarlamaanka.

Faransiiska ayaa hab militari iyo diblomaasiyadeed ku taageeraya Itoobiya, iyadoo Paris ay tababar iyo qalabeyn siiso ciidanka Itoobiya ee loo tababaray inay ka howlgallaan badda, taas oo la xiriirta tallaabo ay ku doonayso Itoobiya sida ay ku heli lahayd saldhig ciidanka badda, mana aysan sharrixin waligeed Itoobiya sababta ay u doonayaan saldhig ciidanka badda ah.

Mareykanka oo sabab yaab leh usoo riday diyaarad uu leeyahay

Washington (Caasimada Online) – Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa lagu soo riday badda cas, kadib markii uu si kama ah u toogtay” Markab Mareykanku leeyahay”, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

Laba duuliye oo ka tirsan Ciidanka Badda Mareykanka ee F/A-18 Hornet ayaa si nabad ah uga badbaaday, iyadoo mid ka mid ah uu soo gaaray dhaawac fudud, sida uu sheegay Taliska Dhexe.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii Mareykanka uu qaaday weeraro is xigxigay oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday goob lagu keydiyo gantaallada iyo xarumaha laga hago ee caasimada Yemen ee Sanca oo ay maamulaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa intaa ku daray in ay sidoo kale duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta iyo gantaallada lidka maraakiibta badda cas.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in shilku si kama ah u dhacay oo aanu ku tala gal ahayn.

“Markabka laga rido gantaallada la hago ee USS Gettysburg, oo ka tirsan kooxda USS Harry S Truman Carrier Strike Group, ayaa si qalad ah u ridey oo ku dhuftay diyaaradda F/A-18, taasoo duuleysay hawada USS Harry S Truman,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray taliska dhexe ee Mareykanka.

Ma cadda in diyaaradda la soo riday ay ku lug lahayd howlgalka lagu beegsanayay Xuutiyiinta Yemen.

Horey ayaa taliska dhexe ee Mareykanku u sheegay in duqaymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada Sanca looga dan leeyahay “in lagu carqaladeeyo laguna wiiqo hawlgallada Xuutiyiinta, sida weerarrada ka dhanka ah maraakiibta dagaalka ee ciidamada badda iyo maraakiibta ganacsi ee ku sugan Koonfurta Badda Cas, gaarahaan Bab al-Mandeb, iyo Gacanka Cadmeed”.

Milateriga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay duqeeyeen “dhowr meelood oo ay yaalliin aalado is wado oo Xuuthiyiintu leeyihiin , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallada lidka maraakiibta.

Xuutiyiinta, oo ah jabhad ay Iran taageerto oo maamula waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta Israa’iil iyo kuwa caalamiga ah wax yar ka dib markii uu billowday dagaalka Qasa, toddobadii Oktoobar sanadkii 2023-ka, iyagoo sheegay inay ay garab siinayaan Falastiiniyiinta.

Tan iyo bishii Nufeembar 2023-ka, weerarrada gantaallada ee Xuutiyiinta ayaa laba markab ku quusiyay badda cas, kuwa kalena waxyeello u geystay. Waxay ku andacoodeen, inta badan inay beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee laga leeyahay Mareykanka iyo Uk.

Isha: BBC

Xog: Laftagareen oo xabsiga dhigay saraakiisha ciidankii isaga 24-ka saac u qabtay

0

Walaweyn (Caasimada Online) –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa amar ku bixiyey in lasoo xiro saraakiisha hoggaamisa askar shalay ka soo muuqatay baraha bulshada, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan, kuwaas oo ka tirsan daraawiishata maamulkaas.

Xubno ka tirsan booliska degmada Walaweyn ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maanta xabsiga booliska ee degmadaas lagu xiray afar sarkaal oo hoggaamineysay ciidanka cabashadooda soo bandhigay.

Amarka lagu xiray saraakiishaan waxaa bixiyey Laftagareen, waxaana saraakiisha la xiray ugu sareeya Taliye ku xigeenka Daraawiishta Koonfur Galbeed, sarkaal magaciisa lagu sheegay Xuseen Maduul iyo saraakiil kale oo hoggaamineysay ciidanka K/Galbeed ee ka howlgala aagga degmada Walaweyn.

Caasimada Online ayaa xalay baahisay cabashada askartaas oo sheegay in muddo dheer ay mushaar la’aan ahaayeen, isla markaana ay dhibaateysan yihiin qoysaskoodii oo ku gaajeysan gobollada Bay iyo Bakool.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in Laftagareen uu ka soo fogeeyey qoysaskoodii oo degan inta badan gobolka Bay, waxayna ka howlgalaan gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan aagga degmada Walaweyn oo dagaal ay ku galeen.

Laftagareen ayaa ciidankaan horay ugu adeegsaday dagaal uu maamulkiisu la galay beesha Gaaljecel ee degan Yaaqbariweyne iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaas Sh/Hoose, waxaana hadda taagan cabasho ka dhalatay mushaar la’aanta uu dhigay Laftagareen.

Ciidamada cabashada soo bandhigay waxaa ka careysiiyey xafladii sanad guurada ee habeen hore uu dhigtay Laftagreen, taas oo ka dhacday Baydhaba, 6-sano ayuu u dabaal-degay oo labo kamid ah ay sharci darro tahay.

Sidoo kale maamulka Laftagareen wuxuu maanta xabsiga dhigay wiil TikTok-gar ah, oo dhaliilay xafladii uu dhaqaalaha badan ku dhigtay, iyadoo dadka reer Koonfur Galbeed la daalaa dhacayaan sicir barar adag, cunaqabateynta Al-Shabaab iyo maamul-xumo.

 

Wasiirkii Batroolka oo shaaca ka qaaday arrin ay isku qabteen DF oo xilka looga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo maanta xilkii laga qaaday ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimo uu sheegay inay sababeen xil-ka qaadistiisa, kuwaas oo dhamaantood salka ku haya masiirka HirShabeelle iyo qadiyadda Hiiraan.

Wasiir hore Cabdirisaaq Cumar ayaa sababta xilka looga qaaday ku soo koobay kala aragti duwanaasho soo kala dhex gashay isaga iyo Xasan Sheekh, taasi oo ku saabsan tabashada reer Hiiraan, gaar ahaan beeshiisa Xawaadle ay ka qabaan awood qeybsiga maamulka HirShabeelle.

Cabdirisaaq iyo Xasan Sheekh ayaa muddo dheer soo ahaa saaxiibo siyaasadeed oo aad isugu dhow, sidoo kale waxaa la sheegay in Cabdirisaaq uu Abti dhow u yahay Xasan Sheekh, markii ay maanta dhacday xilka qaadistaan, waxaa soo yeeray war sheegaya inay isku qabteen lacago si hordhac ah looga helay saxiixa heshiisyadii Shidaalka, balse cadeyn raami ah looma hayo.

Qoraalka Wasiir Cabdirisaaq oo faahfaahintiisu aysan dhaafsaneyn kala aragti duwanaasho soo kala dhex-gashay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid lagu jiheynayo aragtida iyo fahanka arrinkaan ee dadweynaha.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasiirkii la bedelay ee Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed:

Waxa laga yaabaa in ay dadku iswaydiinayaan sababta xiligan ku soo aadisay xil ka qaadistayda, iyada oo ay dad badan tuhmayeen in uu jiray xiriir qota dheer oo igala dhexeeyay Madaxweynaha.

Waa dhab in uu jiro xiriirkaasi, xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka hirshabeele caasimad looga dhigo Buloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka HirShabeele.

Tabashooyinkii oo marba marka ka dambeeyo isa soo tarayay ayaa sii xoogaystay waqtigii uu Maxamed Abdullahi Farmaajo uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, iyadoo lagu guul daraystay waqtigaa in tabashada ay qabeen reer Hiiraan xal laga gaaro.

Mabda’iyan Madaxweynaha, aniga iyo siyaasiyiinta kale waxaan ka midaysnayn in tabashooyinka ay qabaan reer Hiiraan ay yihiin tabashooyin dhab ah una baahan xal ay qayb ka yihiin maamulka HirShabeele iyo dowladda dhexe.

Hase ahaatee waxaa jiray kala aragti duwanaasho ah xalka ugu haboon oo loo xallin karo tabashooyinkaas, aniga waxaan qabay in xalka laga bilaabo reconciliation iyo in beelaha labada deegaan ee ku midaysan maamulka HirShabeele ee leh oday dhaqameed, Culumo iyo siyaasiyiin laga qaybgeliyo kana heshiiyaan sida ay noqonayso HirShabeelada cusub, lagana heshiiyo arrimaha gundhigga u ah tabashooyinka oo ay ka mid yihiin Caasimadda iyo Baarlamaanka HirShabeele.

Xalka Tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda.

Ugu dambayn waxaan halkan ku cadaynayaa in aan ka shaqayn doono Dawladnimada, iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka HirShabeele.

Diyaarad ay ciidamada Turkiga leeyihiin oo burburtay iyo khasaare ka dhashay

Ankara (Caasimada Online) – Afar qof ayaa geeriyootay kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ku burburtay isbitaal ku yaalla Koonfur-galbeed ee Turkiga maanta, guddoomiyaha gobolka uu shilkaasi ka dhacay ayaa sheegay in shilkaas ay sababtay ceeryaamo aad u badan oo jirtay.

“Diyaarad helikobter ah ayaa dhulka ku dhacday ka dib markii ay ku dhufatay dabaqa afraad ee isbitaalka markii ay kacday,” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Mugla Idris Akbiyik.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shilkaas ay ku dhinteen laba duuliye, dhakhtar iyo shaqaale saarnaa.

“Waxaa jirtay ceeryaamo xooggan, taasi oo sababtay in duuliyuhu uu arki waayo dabaqa hortiisa ah, sidaas ayey diyaaraddu ugu dhacday qeybta 4-aad ee dabaqa,” ayuu yiri Akbiyik, isagoo intaas ku daray in masuuliyiinta ay baarayaan sababta shilka.

Diyaaradda helicopter-ka ayaa ku soo kacday xaalad aan si wanaagsan loo arki karin, iyadoo ka soo duushay saqafka sare ee isbitaalka Mugla oo ku sii jeeday magaalada Antalya, sida lagu arkay sawirro uu baahiyay TV-ga NTV.

Helikobterka ayaa markaas la arkayay iyadoo ceeryaamo ku dhex jirta dhowr daqiiqo kadib markii ay kacday, ka hor inta aysan ku dhicin meel bannaan oo ku dhow cisbitaalka ay ku dhufatay, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga.

Shilkan ayaa yimid wax ka yar labo toddobaad kadib markii lix askari ay dhinteen kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo helicopter ah xili uu tababar ciidan ka socday gobolka Isparta ee koonfur galbeed dalka Turkiga.

Waqtigaas wasaaradda gaashaandhigga ma aysan cadeyn waxa sababay shilkaas, sidoo kale kan maanta dhacay weli kama aysan hadlin.