27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dagaal culus oo ka socda xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka dib uga qaxay degaanka Dacawaley ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay isku fara saareen dadka deegaanka iyo ciidanka Booliska.

Dagaalka saaka ayaa ah mid aad u culus, waxuuna ka socdaa 4 jiho oo deegaanka ah, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka kasoo jeedo iyo ciidanka dowlad deegaanka oo indhowanahaan ku dagaalamayay halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli sii socdo, wuxuuna saameeyn ku yeeshay dadka deegaanka oo haatan dareemaya culeys xoogan.

Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo saaka isaga cararay Dacawaley, kadib markii ay bilaabatay xabadda.

Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ciidamo badan oo boolis ah geeyay halka lagu dagaalamayo, si ay ula wareegaan deegaanka, balse waxaa diidan maleeshiyaad deegaanka.

Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay deegaannada u dhow xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, waxaana labada dhinac ay horay uga soo saareen baaqyo nabadeed.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay weerar kale oo isla todobaadka lagu dilay 5 askari oo kamid ahaa ciidanka dowlad deegaanka, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan halkaasi.

Waxaa kale oo jira dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.

 

Xog: Axmed Madoobe oo DF ka codsatay in loo ogolaado safar caafimaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana ujeedka socdaalkooda lagu sheegay xal u raadinta khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo taagan muddo bilooyin ah.

Caasimada Online ayaa ilo xog ogaal ah ka heshay xogta rasmiga ah ee socdaalka wafdigaas oo ergo ka ahaa Axmed Madoobe oo xaalad caafimaad ku wajahaya magaalada Kismaayo.

Xubnaha yimid Muqdisho oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka codsaday dowladda federaalka in Axmed Madoobe loo ogolaado safar caafimaad oo dalka dibadiisa ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday dalabkaas, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyada noo waramay, dowladda ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogtay Jubbaland.

Diyaaradii Kismaayo ka qaada Axmed Madoobe waxay ku qasban tahay inay ka soo degto Muqdisho, waana sababta kaliftay in Axmed Madoobe uu ergo u soo dirsado dowladda federaalka, si loogu ogolaado diyaarad u qaada safar caafimaad oo dibadda ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba joojisay diyaaradihii qaadi jiray rakaabka caadiga ah ee tegi jiray Kismaayo, Doolow iyo magaalooyinka kale ee nidaamka Axmed Madoobe uu ka jiro.

Go’aankaas ayaa la sheegay inuu ka dhashay afduub shalay Kismaayo loogu geystay diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines, taas oo lagu qasbay in ciidan iyo masuuliyiin ay Jubbaland u geyso degmada Doolow.

Markii laga soo tago xayiraadda dadweyne oo maanta u bilaabatay reer Jubbaland, waxaa jirta dhibaato xoog leh oo cunaqabateyntaan ay ku heyso madaxda Jubbaland oo Axmed Madoobe ugu horeeyo, maadaama dhulkaas aysan jirin degmo looga gudbi karo degmo kale oo Shabaab ay joogaan, taas oo muhiim ka dhigeysa safarrada diyaaradaha.

Xogtaan sheegeysa in Axmed Madoobe soo dirsaday ergo dowladda federaalka ka dhaadhicisa in loo ogolaado safar caafimaad oo dibadda ah, waxaa ka horeysay xog soo baxday intii uusan dhicin dagaalkii Raaskambooni oo sheegeysay in Axmed Madoobe wajahayo xaalad caafimaad oo isisoo tareysa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in mar kasta uu dibadda u aadi jiray safar caafimaad, balse wixii ka dambeeyey markii uu ka baxay shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka, isla markaana uu qarxay khilaafkii isaga iyo dowladda federaalka waxaa ku adkaatay inuu ka baxo Kismaayo.

Soomaalida Musambiig oo wajahaya halis, kaddib markii…

0

Musambiiq (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool dalka Musambiiq ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi la xiriirta bedqabka naftooda iyo maalkooda, ka dib markii ay dalkaas ku faafeen rabshado ay dhigayaan taageereyaasha mucaaradka.

Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhacay Mozambique tan iyo markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay xaqiijisay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo ee doorashooyin lagu muransan yahay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Dadka dhintay waxaa ku jira ugu yaraan laba sarkaal oo boolis ah, sida uu wasiirka arrimaha gudaha, Pascoal Ronda, ka sheegay shir jaraa’id Talaadadii.

Bannaanbaxyada ayaa billowday kadib markii Golaha Dastuuriga uu xaqiijiyay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo. Dibadbaxayaasha iyo kooxaha mucaaradka ah ayaa ku andacoonaya in doorashadii 9-kii Oktoobar la musuqmaasuqay.

Hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Mozambique, Venâncio Mondlane, ayaa ku dhawaaqay inuu isagu isku magacaabi doono madaxweyne 15-ka Janaayo, kaddib markii uu diiday guuldarradiisa doorashooyinka madaxtinnimada.

Axmed Madoobe oo magacaabay labadiisa madaxweyne ku xigeen

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa mar kale soo magacaabay Madaxweyne ku xigeenadiisa, isagoo dib u soo celiyey xubnihii horay u joogay.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Axmed Madoobe ayaa dib loogu soo magacaabay Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, madaxweyne ku xigeenka labaad.

Wax is bedel ah ma muujin dikreetada Axmed Madoobe soo saaray, waxaana xusid mudan in labadaas nin ay ku xigeenno u ahaayeen Axmed Madoobe intii uu heystay Jubbaland.

Ku xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo, wuxuuna dhankiisa ka hurinayaa colaadda ka loosan deegaanada Jubbaland.

Ninkaan ayaa maalmo ka hor u safray Addis Ababa, waxaana lagu tilmaamaa gacanta koowaad ee Axmed Madoobe u adeegsado meelaha qaar, sida beesha uu ka dhashay ee reer Sade Mareexaan.

Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud waa ku xigeenka labaad ee Axmed Madoobe, wuxuu ka soo jeeda Shiiqaal, maaha nin saameyn badan, wuxuuna iska joogaa Kismaayo.

Markii laga soo tago Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa koowaad Maxamuud Sayid Aadan, qofka seddaxaad ee ugu dhaqdhaqaaqa badan Jubbaland waa Wasiirka Amniga Maamulkaas Jeneraal Yuusuf Dhuumaal, oo isna ka soo jeeda Mareexaan.

Dhuumaal iyo Sayid Aadan ayaa hadda ku sugan Doolow oo shalay uu ka dhacay dagaal ay ciidamada Jubbaland oo garabsanaya kuwa Itoobiya la galeen ciidamada dowladda federaalka u jooga degmadaas.

Dagaalkii Doolow ayaa qorshaha Jubbaland wuxuu ahaa inay magaaladaas ka saarto ciidamada dowladda federaalka, balse waxay isku difaaceen si aysan ka maleysa karin, maadaama ay aad u yaraayeen.

Ciidamada dowladda federaalka ka jooga degmada Doolow oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid ayaa weli ku sugan saldhigyadooda, waxayna iska difaaceen awood kasta oo ciidamada Itoobiya ay isku dayeen inay uga saaraan degmada Doolow.

Daawo: NISA oo soo bandhigtay xogta xafiiskii qaraxyada Al-Shabaab ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo saartay warbixin lagu sharaxay qaabkii loo ciribtiray kooxihii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho.

Warbixintaan oo lagu baahiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in NISA ay ku guuleysatay burburinta xafiiskii qaraxyada Al-Shabaab ee Muqdisho iyo shabakad isku xirneyd gobolka Banaadir ilaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose.

Magaalooyinka Jilib, Mubaarak iyo Gandarshe ayaa lagu sameeyaa qaraxyada lagu laayo shacabka Muqdisho, NISA ayaa warbixintaan ku shaacisay magacyada ragga ugu sareeya kooxda qaraxyada Al-Shabaab.

Sida ay shaacisay NISA, Saleebaan Sheekh Cumar Cali Fiidow waa ninka ugu sareeya kooxda qaraxyada u sameysa Al-Shabaab, wuxuu joogaa degmada Jilib, waxaana ku xigeen u ah Yaxye Axmed Maxamuud (Yaxye Buur).

Hay’adda NISA ayaa soo bandhigtay magacyada iyo muuqaalka raggii adeegayaasha ahaa ee Al-Shabaab ay u soo dirsadeen howlgalkooda Muqdisho, balse u gacan galay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale NISA ayaa warbixintaan ku soo bandhigtay seddax nin oo dhanka sahanka kala shaqey jiray shabakadaan, kuwaas oo sarkaal labo xidigle ah oo ka tirsan ciidamada dowladda uu ku jiro, xubnaha shabakadda qaar ayaa la hor geeyey sharciga, qaarna waxaa weli ku socota baaris.

Waxaa jira xubno Shabaab ah oo ka baxsaday Muqdisho, markii ay ogaadeen inay fashilmeen, waxaa ku jira nin magaciisa lagu sheegay Jeeri oo ahaa madaxii shabakadaan la burburiyey ee qaabilsaneed qaraxyada Khawaarijta ee Muqdisho ka dhici jiray.

NISA ayaa sheegtay in Jeeri uu u cararay Jilib, balse aagga Afgooye lagu qabtay qoyskiisa oo ka guuray Muqdisho, una socday halka uu joogo ee Jilib.

Hoos ka daawo warbixinta.  

Maxay Jubaland ka tiri afduubkii diyaaradda iyo go’aankii ka dhashay ee DF?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland ayaa war kasoo saartay go’aanka Jubbaland looga joojiyey duulimaadyadii diyaaradaha, go’aankaas ayaa ka dhashay diyaarad la sheegay in shalay laga afduubtay Kismaayo, taas oo Axmed Madoobe uu Doolow ku geystay ciidamo, hub iyo masuuliyiin.

Jubbaland ayaa ku dooday in diyaaradaas ay kireysatay, sidoo kale warkaan waxaa si adag loogu eedeeyey Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Jubbaland ay sheegtay inay ku milantay siyaasadda dalka.

Hoos ka aqriso warkaan ka soo baxay wasaaradda gaadiidka Jubbaland:

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Jubbaland waxay shacabka Soomaaliyeed u cadeyneysaa in warka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee lagu sheegay in diyaaradda Halla Airline laga afduubay garoonka diyaaradaha Sayid Mohamed Abdulle Hassan ee Magaalada Kismaayo, taariikhdu markay ahayd 23-kii December 2024, uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Garoonka diyaaraadaha ee Sayid Maxamed 13-kii sano ee Dowlada Jubaland gacanta ku haysay wax amni xuma ah kama dhicin, waxa uuna kamid yahay garoomada ugu amniga badan dalka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku dhex milantay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowladda Jubbaland, taas oo ka hor imanaysa xeerarka caalamiga ah ee duulimaadka rayidka, waxaana reeban in hawada la siyaasadeeyo.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay sidoo kale joojisay dhammaan duulimaadyadii rayidka ahaa aadi jiray goballada dalka, taariikhdu markay ahayd 6-dii December 2024, iyadoo amartay dhammaan diyaaradaha inay ciidan iyo hub u daabulaan magaalada Raaskambooni, taas oo gebi ahaanba ka hor imaanaysa xeerarka duulimaadka Rayidka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay horay u joojisay duulimaadyadii tagi jiray degmooyinka Doolow iyo Baardheere ee Gobalka Gedo, halka ay maanta joojisay gabi ahaanba duulimaadyadii rayidka ahaa ee Magaalada Kismaayo.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Jubbaland waxay cadaynaysaa in diyaaradii aaday Degmada Doolow ee Gobalka Gedo taariikhdu markay ahayd 23-kii December 2024, ee shirkada diyaaradaha Halla Airlines, ay gaaday masuuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowlada Jubaland, isla markaana aanu jirin wax ciidan ama hub ah oo ay gaaday diyaaradaasi oo si sharci ah looga kiraystay shirkadda.

Wasaaraddu waxay markale cadayneysaa in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay ku xad-gudubtay shuruucdii lagu aasaasay, taas oo wax u dhimi doonta dadaaladii isdaba jooga ahaa ee loo galay in maamulka hawada Soomaaliyeed dib loogu celiyo gacanta dalka.

Maanta, waxaa si cad loogu xadgudbay xuquuqda muwaadinka ee ah inuu meesha uu doono u safro, sida ku cad dastuurka dalka, iyadoo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed nogotay xarun laga hago arrimaha siyaasadda.

Haddaba waxaan ugu baagaynaa Hay’adaha kale ee adeeg bixinta shacabka ee dalka inay ka fogaadaan in loo adeegsado dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

FAL-CELIN aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabo ay maanta qaaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo ay maanta qaaday dowladda Soomaaliya, kadib markii ay joojisay duulimaadyadii diyaaradaha ee tagi jiray Kismaayo iyo Doolow, sababo la xiriira xiisadda kala dhexeyso Jubbaland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in la hakiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Jubbaland oo ay ugu horreyso magaalo xeebeedka Kismaayo.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay la xiriirto kadib markii shalay ay sheegtay in Kismaayo lagu afduubtay diyaarad ka degtay oo kadib mas’uuliyiin lagu geeyay Doolow.

Arrintan ayaa keentay inay saameyso shacab fara badan oo maanta ku xayirmay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kuna soo jeeda caasimada Muqdisho.

Haddab sidee looga fal-celiyay tallaabada ay maanta qaaday DF?

Mukhtaar Cilmi “Filimkaan horey baa loo daawaday natiijadiisanu waa guuldaro iyo ceyb malaga joogo”.

Qaasim Karaama Ibnu Cali “Waxaa ii muuqato in Somalia hawadeeda aysan sii maamulan doonin.

Maxamed Cabdulqaadir “Ceebtina allaha asturo diyaarad aad adinku joojiseen miyaa u samaynaysan sumad danbi oo aan dhicin?

Jaamac Maxamd Warsame ayaa isna ku jawaabay “War wax diyaarad ah oy kismanyo u baahantay ma jirto”.

Axmed Khayre “Shacabka qaska ka daaya kaliya xooga Aad leedihiin waa inaa shacabka u awood sheegatan”

Masar oo ku dhowaaqday go’aan la xiriira Somalia, halisna ku ah Itoobiya

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa maanta ku dhowaaqday go’aan culus oo la xiriira Soomaaliya, isla markaana saameynaya Itoobiya oo ay isku hayaan arrinta Wabiga Nile.

Xukuumadda Qaahir oo war culus soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in ay qayb ka tahay howlgalka cusub ee AUSSOM oo lagu  baddelayo kan ATMIS, kaas oo lagu wado inuu billowdo bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2025-ka.

Warkan waxaa shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay ku jirto waddamada ciidamada ku yaboohay howlgalka cusub ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale garab taagnaa dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladdiisa ay qayb ka tahay howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale Badri ayaa tilmaamay in dowladdiisa waajib ka saaran yahay garab istaagga Soomaaliya sidaas awgeed Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar diyaar u tahay kamid noqoshada howlgalka lagu xoojinayo nabadda iyo kala dambeynta.

“Masar waxa ay qayb ka tahay oo Dowladda Soomaaliya ka codsatay howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay taageerayaan si loo xoojiyo nabadgalyada” Sidaasi waxaa yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi.

Masar ayaa sidoo kale isla maanta ka dhawaajisay hadal kale oo ka dhan ah Itoobiya, iyada oo si cad u sheegtay in marnaba aan loo ogolaan doonin gaaridda Badda Cas.

Go’aanka Masar ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmahan aad loo hadal hayay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dib uga laabatay go’aankeedii ahaa in howlgalka AUSSOM laga saaro Itoobiya, kadib heshiiskii ay labada dowladood ku gaareen magaalada Anakara.

ITOOBIYA oo jawaab kulul ka bixisay eedeynta Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay eedeynta ay u jeedisay Soomaaliya, kadib dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo oo ay ka qayb-qaateen ciidamada Itoobiya, sida ay sheegtay  wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in eedeyntan ay Soomaaliya uga gol leedahay in aan xariirka la wanaajin, ayna jirto gacan 3-aad oo daganaanta Geeska Afrika diidan, oo la rumeysan yahay inay kala jeedo dowladda Masar.

“Eedeyntan run maaha. Dhacdadan waxaa billaabay dhinacyo gaar ah oo doonayo in ay wiiqaan caadiyeynta xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya. Dhinacyadan saddexaad ayaa damacsan inay khalkhal galiyaan xasilloonida Geeska Afrika, waana qaswadayaasha joogtada ah ee nabadda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya.

Itoobiya iyo Masar ayaa maanta hadallo ad adag hawada isku mariyey, waxayna Qaahira sheegtay in marnaba Itoobiya aan loo ogolaan doonin Badda Cas, xilli uu goobtaas ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Fiqi oo booqasho ku jooga Qaahira.

Dhinaca kale waxaa jira kulan kale oo dhex-maray wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo dhiggiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, iyaga oo yeeshay wada-hadallo laba geesood ah.

Labada wasiir ayaa isla soo qaaday dagaalkii Doolow, wuxuuna Cali Balcad u gudbiyay Itoobiya cabashada Soomaaliya ee ku aadan in dagaalkii shalay dhacay ay ka qayb qaateen ciidamadooda.

Dhankiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, ayaa sheegay inay sameynaayaan baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi iyo haddii ay ku lug leeyihiin ciidankooda.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Addis Ababa ay ka bilowdeen wada-hadallo u dhexeeyo Somalia iyo Itoobiya oo lagu sii amba qaadayo heshiiskii lagu gaaray Ankara.

 

Ajendaha wada-hadallada Somalia iyo Itoobiya oo lagu soo daray arrinta Jubbaland

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhameystiro heshiiska ay ku gaareen magaalada Ankara.

Wada-hadalladan ayaa waxaa maanta yeeshay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo dhiggiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, iyaga oo yeeshay wada-hadallo laba geesood ah.

Kulankan ayaa looga hadlay sii amba qaadisa heshiiskii Ankara iyo sida ay labada dowladood u xoojin lahaayeen xiriirkooda, waxaana warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya lagu sheegay in la’isku raacay arrimo ay kamid ah ilaalinta madax banaanida.

Sidoo kale waxaa wada-hadalladan lagu soo qaaday arrinta Jubbaland, iyada oo wasiir Cali Balcad uu Itoobiya u gudbiyay cabashada Soomaaliya ee ku aadan in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doolow ay ka qayb qaateen ciidamadooda, waxaana Itoobiya dhankeeda ay sheegtay inay sameyneyso baaris ku aadan dhacdadaasi iyo haddii ay ku lug leeyihiin ciidankooda.

Hoos ka akhriso qoraalka;

War saxaafadeed 24ka Diseembar 2024 – Addis Ababa,

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah la yeeshay dhigiisa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Mudane Amb. Mesganu Arega.

Intii kulanku socday, labada dhinac ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-hadallada iyo kor u qaadidda xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo sidoo kale dib u xaqiijiyey in ay ixtiraamayaan midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Wada-hadalladan ayaa daba socday Baaqa Ankara ee December 11, 2024, waxaana lagu qabtay qaab-dhismeedka lagu hirgelinayo qodobadiisa.

Wasiiru Dowlaha Soomaaliya ayaa sheegay cabashada iyo cambaaraynta Soomaaliya ee ku saabsan ficilada ciidamada Itoobiya ee Doolow, Soomaaliya. Dhigiisa ayaa muujiyey u diyaar ahaanshaha dowladda Itoobiya ee ku aaddan in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo arrintaasi, isagoo ballan qaaday in ay wada shaqayn la yeelan doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hortago dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Qodobada kale ee wada-hadalladu diiradda saareen waxaa ka mid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka iyada oo lala dagaallamayo argagixisada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka laba geesoodka ah si loo mideeyo dadaallada lagu hirgelinayo Baaqa Ankara, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeyey labada dal tan iyo Janaayo 2024.

DF Soomaaliya oo joojisay duulimaadyadii tegi jiray Kismaayo iyo GEDO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay hakisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanno kale oo kamid ah gobolka Gedo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in la joojiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Jubbaland oo ay ugu horreyso magaalada Kismaayo.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay la xiriirto kadib markii shalay ay sheegtay in Kismaayo lagu afduubtay diyaarad ka degtay oo kadib mas’uuliyiin lagu geeyay Doolow.

Hay’adda ayaa sidoo akle tilmaamtay in diyaaraduhu ay cabsi ka muujiyeen tagista Kismaayo, maadaama ay soo korortay xaalad amni darro.

Maamulka Shirkadda Halla Airlines oo war soo saaray ayaa horay dowlad goboleedka Jubbaland ugu eedeeyay in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu maamulka diyaaradda sheegay in maamulka Jubbaland uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow.

Si kastaba, xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland oo u weecatay Gedo ayaa kasii dareysa, waxaana shalay labada dhinac ay ku dagaalameen degmada Doolow.

Yaa loo soo qabtay dilka sarkaalkii xalay lagu khaarajiyay Dhuusamareeb?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin loo heysto inuu xalay dilay Laba Xidigle Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqaanay Xasan Quuri.

Allaha u naxariistee Xasan Quuri ayaa ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Galmudug.

Dilka sarkaalkan ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana howl-gal ay fuliyeen ciidamada amniga lagu soo qabtay ninkaan, waxaana hadda ku socda baaritaan, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha booliska Dhuusamareeb.

Ninka loo soo qabtay dilka sarkaalka ayaa ah askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana laga dhursugayaa natiijada baaritaanka oo laamaha amniga sheegeen inay bulshada lasoo wadaagi doonaan.

Dilkan ayaa xalay ka dhacay meel aanan sidaas uga fogeyn isbitaalka magaalada Dhuusamareeb, waxaana sarkaalkan lagu dhex dilay gaari uu watay oo lagu rasaaseeyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiliga sarkaalkaan lagu dhex rasaaseynayay gaarigiisa ay la saarneyd haweeney, taas oo rasaasta ay kasoo gaartay dhaawac fudud.

Dilka sarkaalka ayaa lasoo warinaya inuu la xiriiro arrimo jaceyl, islamarkaana dilkiisa uu geystay nin la sheegay inuu jeclaa gabadha la joogtay sarkaalka xiliga la dilayay, balse weli lama oga xaqiiqda, waxaana socda baaritaanka kiiska.

Caro xooggan oo ka dhalatay tallaabooyinkii u dambeeyay ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 24 saac ee u dambeeyay qaaday tallaabooyin dhowr ah, iyadoo wafdi sare u dirtay Itoobiya, halka ay geesta kale wada-hadallo ku saabsan galka Itoobiya la yeelatay dowladda Masar.

Tallaabooyinkan oo dadka qaarkood ku macneeyeen is-diidooyinka siyaasadda dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayadoo dowladda lagu dhaliilay inay ka shaqeynayso danta dalal kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo dhiggiisa Masar Badar Cabdilati kula kulmay Qaahira ayaa wuxuu warbixin ka siiyay Badar heshiiskii Ankara ee dhawaan dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Masar oo qeyb ka noqon doonta howl-galka ciidan ee ATMIS bedelaya ee Soomaaliya ka bilaabanaya 2025-ka ayaa si weyn ula dagaashan Itoobiya, waxayna gobolka Geeska Afrika si rasmi ah usoo jaleecday bilowgii sanadkaan, markaas oo Itoobiya ay daan-daansi ku bilowday Soomaaliya.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintan?

Saajid Axmed: “Masar oo la yaaban siyaasada Soomaaliya sababaha aan Masar u aadnay sow kama mid aheyn in Itoobiya inaga celiso hadane Itoobiyadii ayaa dowladeenu u ogalatay sii joogista dalka siyaasad la yaab leh oo aan jiho laheen bee dowladeenu wadaa!!.”

Cabdiraxmaan Madoobe: “Laba wafti aya la kala diray mid Masar aday iyo mid cadawga Ethiopia aaday, waana laba dal oo cadow isku ah, yaa ku aaminaya marka waa isku dhex yaacaas cajaa’ib.”

“Diblumaasiyadeenu waxa ay noqotay cadow loo madax salaaxaayo iyo saaxiibtinino igu soo haad ah,” ayuu yiri Nuur Cabdi Jimcaale.

Cabdixakiin Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Masar, Turki, Kenya, Itoobiya, mid ba mar in lagu cararo dal laguma difaaci karo ee waddanka aan anaga difaacano ama aan Itoobiya iska siino. Hal milyan oo qof hadii ay ku dhintaan xitaa waan u qabnaa inta soo hartay iyo wixii dhalan doona ayaa si xoriyad leh ugu noolaan doona.”

“Ethiopia iyo Masar see leeysu qabadsiin rabaane?,” ayuu yiri Faarax Xuseen Jimcaale.

Mahad Xasan Cawaale: “Dalkasta danihiisu ilashadaa laakiin Soomaaliya danaha dalalka kala ayey ilaalisaa xukuumadda hada jirta waxaana kuu cadaynasa tan maanta taagan.”

“Waad fashilanteen meel kasta sidan ugu dhac-dhaca ballan inta soo gashan uga baxa, hadda waa la idin yaqaana,” ayuu yiri Ciise Macalin Waddani.

Cabdinuur Ciise: Dowladda Masar in ay Soomaaliya taageerto way rabtay laakiin mowqif la’aanta madaxda dalka ayay ku dabci wayday.”

Kayse Jaamac Ducaale ayaa isna waxa uu yiri “Dowladan ma shacabka Soomaaliyeed ayey u shaqeysaa mise shisheeyahay ayey qancisaa.”

Xog: Sidee Antony Blinken ugu qasbay Abiy Ahmed inuu ka qeyb-galo shirkii Ankara?

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa sanadkii ugu dambeeyay isku dayaysay inay dhex dhexaadiso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay go’aankii Itoobiya ay heshiis dhinaca badda ah kula gashay Somaliland.

Kadib labo wareeg oo wada hadal ah oo aan lagu guuleysan, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa horaantii bishan Ankara ku casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si ay wada hadallo toos ah u yeeshaan.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shaki ka qabay in Abiy uu ka soo qeybgeli doono iyo in kale inkasta oo uu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Go’aankii Erdogan uu 2021-kii uga iibiyay Itoobiya diyaaradaha hubaysan ee aan duuliyaha lahayn ayaa ka caawiyey Abiy in uu iska caabiyo ciidamada Tigrayga iyo sugidda ammaanka caasimadda Itoobiya.

11-kii December, Abiy ayaa yimid Ankara. Toddobo saacadood oo wadahadalo adag ah ka dib, isaga iyo Xasan Sheekh waxay saxiixeen “Baaqkii Ankara” oo ah qoraal wadajir ah oo xaliyay khilaafkooda. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana la billaabay wada-hadallo ku saabsan sidii Itoobiya ay marin badeed uga heli lahayd Soomaaliya.

Haddaba maxaa keenay in Abiy uu ka qeyb galo shir madaxeedkii Ankara?

Laba qof oo arrintan la socda ayaa warbaahinta Middle East Eye u sheegay in Washington ay door muhiim ah ka cayaartay ku dhiirigelinta Abiy inuu ka qayb galo wada-hadallada.

Sida ay dadkan sheegeen, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa si gaar ah teleefonka ugula hadlay Abiy, isaga oo ugu baaqay inuu ka soo qayb galo wada-hadallada Ankara.

Wicitaankii ugu dambeeyay ee taleefoon ee shaacsanaa ee dhex maray Blinken iyo Abiy waxa uu dhacay bishii November, mana jiro diiwaan rasmi ah oo wada-hadal bishii December.

Sarkaal Turkish ah ayaa qiray dadaallada reer galbeedka ee Abiy looga dhaadhiciyey inuu ku biiro wada-hadalka Ankara, balse wuu diiday inuu ka hadlo kaalinta Blinken ee la sheegay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Washington aysan ka hadleynin wada-hadallada gaarka ah ee aan shaacsaneyn.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku wuxuu intaas ku daray: “Sida Xoghaye Blinken ku xusay qoraalkiisii December 12, waxaan soo dhawaynaynaa Baaqa Ankara, waxaana rajaynaynaa nabad iyo barwaaqo mustaqbalka dhexmarta Itoobiya iyo Soomaaliya.”

Xafiiska Abiy Ahmed oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaan bixin wax jawaab ah.

Dhinaca kale, sarkaal Turkish ah ayaa carabka ku adkeeyay in martiqaadka shaqsiga ah ee Erdogan ee wada-hadallada ay qeyb weyn ka qaadatay sidii Abiy loogu qancin lahaa inuu ka qeyb galo.

Maxaa laga filayaa shirka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Addis Ababa?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa wafdi muhiim ah u dirtay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya si ay ula kulmaan madaxda Itoobiyaanka.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyay ee yeeshaan labada dhinac oo aan cidna garwadeen ka ahayn tan iyo markii uu billowday khilaafkoodii ku saabsan heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee badda.

Wafdiga dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Cali Balcad ayaa sidoo kale kamid ah taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo xubno kale oo muhiim ah.

Ujeedka socdaalka wafdiga Soomaaliya ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyb dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Qodobada muhiimka ah ee miiska saaran ayaa waxaa kamid ah;

1. Hirgelinta heshiiskii Ankara oo dhigaya in labada dhinac ay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

2. Xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal si loo horumariyo nabadda iyo amniga gobolka.

3. Dhib u xallinta arrimaha ku saabsan heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiska Ankara, oo garwadeen uu ka ahaa madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa muhiim loogu arkaa hagaajinta xiriirka labada dal, oo muddooyinkii dambe ay ka dhaxeysay xiisad xooggan.

Kulanka Addis Ababa ayaa laga filayaa inuu noqdo mid wax ka beddela xiriirka labada dhinac, iyadoo la rajeynayo in iskaashi cusub oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah uu kasoo baxo.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku khilaafay arrimo badan oo siyaasadeed iyo istiraatiiji ah, waxaana la filayaa in wada-hadalladan ay dajin doonaan xiisadaha u dhexeeya, ayna horseedi doonaan horumar dhab ah oo dhex-mara labada dal.

Rejada NETANYAHU ee sii deynta la heystayaasha gacanta ugu jira Xamaas

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu shalay ka jeediyay aqalka Knesset-ka ku sheegay in horumar laga gaaray wadahadallada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo la-haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto Gaza.

Netanyahu ayaa shegay in aaney shaqada joojin doonin ilaa inta dadkaasi dib loogu soo celinaayo guryohooda .

Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in uu doonayo in uu heshiisyo nabadeed oo cusub la saxiixdo dalalka Carabta, mid la mid ah heshiiskii Abraham ee 2020-kii ee uu Maraykanku gar wadeenka ka ahaa ee Israel iyo dhowr dal oo Carab ah

Netanyahu waxa uu sheegay in dalalka Carabta ee qunyar socodka ah ay u arkaan Israa’iil inay tahay quwad goboleed iyo xulafo macquul ah uuna doonayo in uu si buuxda uga fayiideysto

Dagaalyahannada Hamas ayaa weerarkoodii Oktoobar 2023-kii ee koonfurta Israa’iil ku dilay 1,200 oo qof iyagoo qafaashay ilaa 250 kale, sida ay sheegtay Isra’il.

Ilaa iyo hadda waxaa Gaza ku sugan ku dhawaad 100 la haystayaal ah, inkastoo ugu yaraan saddex-meelood meel la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymaha Isra’il ay ku heyso Gaza.

Weerarkii rogal celiska ahaa ee ay Israa’iil ku qaaday Gaza, ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 45,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Shirkadda Halla Airlines oo ka hadashay diyaaradii ay afduubatay Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda Halla Airlines ayaa dowlad goboleedka Jubbaland ku eedeeyey in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Masuul u hadlay shirkadda ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hay’adda duulista rayidka ee dowladda federaalka ay gaxaanday shirkadda diyaaradaha ee Halla Airlines, maadaama ay qabatay howl laga mamnuucay diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya.

DF Soomaaliya ayaa diyaaradaha ku amartay in shaqo aan la ogeyn aysan ka qaba karin Jubbaland iyo in labo magaalo oo Jubbaland ku taalla aysan u kala duuli karin, iyagoo aan soo marin Muqdisho, si loo hubiyo waxa ay sidaan.

Diyaaradda ay shalay afduubatay Jubbaland ayaa Kismaayo ka qaaday ciidan gurmad ah iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxayna ka dejisay Doolow oo dagaal ka socday.

Diyaaradii ayaa dib ugu laabatay Kismaayo, waxayna Muqdisho ka soo dejisay rakaab muddo ku xayirnaa garoonka Kismaayo, dowladda federaalka oo sugeysay ayaa la sheegay in ganaaxooda ay farta ka saartay maamulka shirkadaas, in kastoo aan weli saxaafadda loo soo bandhigin ganaaxsaas iyo waxa uu yahay oo wadahadal uu socdo.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka hadashay wixii maanta ka dhacay Doolow, ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay u bareereen inay la dagaalamaan oo laayaan ciidankii qaranka Soomaaliyeed ee saldhigyada ku lahaa Doolow.

Ugu yaraan 3 askari ayaa shalay ciidanka dowladda looga dilay Doolow, ilaa 7 kale ayaa dhaawacooda la dhigay isbitaalka, halka ciidan kale ay isku dhiibeen ciidamo taabacsan Jubbaland iyo kuwii Itoobiya ee is garabsanayey.

Sarkaalkii hoggaaminayey Ciidanka NISA ee Doolow u jooga DF oo magaciisa lagu sheegay Shiiqaalow oo wata ciidan xoogleh ayaa weli dhinac ka jooga Doolow, kuwaas oo dagaalamaya, balse goobjoogayaal ku sugan Doolow ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in la go’doomiyey ciidankaas.

Ciidan kale oo gurmad ah oo ka tirsan dowladda federaalka oo ka baxay Beledxaawo oo 40 KM u jirta Doolow oo watay ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ayaa lagu laayey jidka dhexe, waxaana la garan waayey waxa loo adeegsaday in kastoo Jubbaland ay sheegtay in Shabaab miino u dhigeen, hadana waxaa la aaminsan yahay in ciidamada Itoobiya ay madaafiic la beegsadeen.

DF oo u hanjabtay Axmed Madoobe, kuna eedeysay tacadi ka socda 4 magaalo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa soo saartay qoraal dheer oo xiisadda Jubbaland ay uga hadashay oo ciwaan looga dhigay “Eedaysane Axmed Madoobe waa lagula xisaabtamayaa weerarada uu ku hayo Shacabka Jubbaland.”

War-saxaafadeedkaan oo ka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa looga warbixiyey dhibaatooyin culus oo la sheegay in Axmed Madoobe uu ka geystay, isla markaana uu weli ka wado deegaanada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose, sida Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobley iyo Afmadow.

Hoos ka akhriso warkaan ka soo baxay DF ee lagu eedeynayo Axmed Madoobe:

Muqdisho – 23, Descembar – 2024: Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay si dhow ula socotaa tacadiyada tiro beelka ah ee Eedaysane Axmed Maxamed Islaam uu kula kacayo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanada Jubbaland.

Tacadiyadiisa oo ahaa kuwa muddaba soo tixnaa waxaa u danbeeyay mid uu saakay ku qaaday Shacabka ku nool deegaanka Kulbiyoow ee Gobalka Jubbada Hoose, kuwaas oo ahaa dad isku abaabulay in ay Khawaarijta iska caabiyaan, balse nasiib-darro uu Axmed Madoobe iyagii weeraray, isla markaana u gaystay dil, dhaawac, jir dil iyo dhac intaba.

Falkaan waxa uu daba socdaa falal noocaan oo kale ah, kuwaas oo uu ka gaystay Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobleey iyo Afmadoow.

Sidoo kale, waxa uu Eedaysane Axmed Madoobe ku hawlanyahay in uu iska horkeeno shacabka u diyaarsan in ay Khawaarijta ka difaacdaan deegaanadooda, iyada oo la ogyahay in uu duulaanadiisa u kaalmaysto Khawaarijta oo markasta marin u ah gacanna ku siya wax yeelaynta Shacabka reer Jubbaland ee xorta ka ah Khawaarijta.

Falalkiisu waa kuwa loo diin-waan galiyay, waana lagula xisaabtamayaa mana noqon doonaan kuwa la iska hilmaamo.

Shacabka Jubaland waxaan ugu yeeraynaa midnimo, adkaysi iyo wadajir.

Waxaan halkaan tacsi uga diraynaa Shacabkii uu Eedaysane Madoobe ku laayay, kuwii uu dhaawacay iyo kuwa u afduuban ee ku dhaqan deeganada kala duwan ee Jubbaland.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la suuliyo dhaqamada noocaan ah, isla markaana sharciga lasoo taago kuwa ka danbeeya ee dhiig miratada ah.

–DHAMAAD–

 

Daawo: Jubaland oo si yaab leh uga hadashay dagaalkii Doolow, farriina u dirtay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland Yuusuf Xuseen Cusman (Dhuumaal) oo ku sugan degmada Doolow ayaa qabtay Shir jaraa’id oo dagaalkii maanta dhacay iyo sababtii uu ku bilowday uu faahfaahin uga bixiyey.

Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ay bilaabeen ciidmada dowladda federaalka ee ku sugan degmada Doolow, isagoo dowladda federaalka ku eedeeyey in qorshaheeda uu ahaa in gacanta Jubbaland laga saaro Doolow, balse ay iska difaaceen.

Wuxuu sheegay in ciidanka dowladda federaalka uu saakay daandaansi cad ka bilaabay Doolow, balse hub ka dhigis ay ku sameeyeen dhamaan ciidamadii DF ee joogay degmada Doolow.

Sidoo kale Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in ciidan kale oo dowladda federaalka ay ka dirtay Beledxaawo, si ay ugu gurmadaan ciidankii ka dagaalamayey Doolow ay dhex miino kula kacday, isagoo sheegay in miinadaas ay Shabaab u dhigeen gaadiidkii iyo ciidankii xoogga dalka ee watay.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey waxa ka dhacaya Jubbaland, wuxuu sheegay in dalka oo nabad ah uu Xasan la wareegay xukunka, balse hadda meel kasta uu dagaal ka socdo, ciidankii qarankana siyaasad loo adeegsaday.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka hadashay wixii maanta ka dhacay Doolow, waxayna ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay u bareereen inay la dagaalamaan oo laayaan ciidankii qaranka Soomaaliyeed ee saldhigyada ku lahaa Doolow.

Ugu yaraan 3 askari ayaa maanta ciidanka dowladda looga dilay Doolow, ilaa 7 kale ayaa dhaawacooda la dhigay isbitaalka, halka ciidan kale ay isku dhiibeen Jubbaland iyo Itoobiya oo wada socda.

Sarkaalkii hoggaaminayey ciidamada dowladda federaalka ee Doolow ku sugan oo ah nin mayal adag iyo ciidan xoogleh oo uu wato ayaa weli gees ka jooga Doolow, kuwaas oo dagaalamaya, balse goobjoogayaal ku sugan Doolow ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in la go’doomiyey ciidankaas.

Ciidan kale oo gurmad ah oo ka tirsan dowladda federaalka oo ka baxay Beledxaawo oo 40 KM u jirta Doolow oo watay ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ayey dhex miino kula kacday, waxaana gaaray khasare lixaad leh.

Hoos ka daawo Dhuumaal

DF oo Itoobiya ku eedeysay dagaalkii Doolow iyo burinta heshiiskii Ankara

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxayna ku eedeysay ciidamada Itoobiya.

Dowladda Soomalaiya aya falka Xadgudubka ah ku tilmaantay wixii ay maanta Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow Soomaaliya.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda.

Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Saaka abaare 10:00AM ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid si qorsheysan loo fuliyay, isla markaana Ciidamada Itoobiya ay ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad Nugidda Qaranka ee NISA, iyo Booliska.

“Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi,” aya lagu yiri warka dowladda.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waxyeello soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada Doolow ee falkaasi uu maanta ka dhacay.

“Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

DF Soomaaliya ayaa Nasiib-darro ku tilmaantay ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya oo ah kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay iyo dhaqanka deris-wanaagga.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa ficilladan daandaansiga ah iyo kuwo la midka ah, kuwaas oo halis gelinaya nabad ku wada noolaanshaha, Sidoo kale, Dawladdu waxay ka digaysaa in aysan ka aamusi doonin tallaabooyinkan cad ee ku xadgududbka madax-bannaanida Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.