25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xogta dhabta ah ee waxa ay wafdiga Soomaaliya ee Addis-Ababa kala hadleen Itoobiya

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa Talaadadii magaalada Addis Ababa ka dhacay wadahadalkii ugu horeeyay ee heerkiisu sarreeyo oo dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya tan iyo markii ay kala saxiixdeen heshiiskii Ankara.

Wafdi wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa dhiggooda Itoobiya kala hadlay sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii Ankara iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen arrimo ay diiradda ku saarayaan sidii loo cusboonaysiin lahaa xiriirkooda ka dib “heshiiska taariikhiga ahaa” ee Ankara.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Mesganu Arga ayaa sheegay in Itoobiya ay si buuxda ugu diyaar garoobayso fulinta heshiiskii Ankara.

“Waxaan ka wada hadalnay sidii aan u dhaqan gelin lahayn heshiiskii Ankara. Waxaan u sheegnay inay Itoobiya diyaar u tahay inay si buuxda u dhaqangeliso heshiiska iyo wadahadallada xiga,” ayuu yiri Mesgaanu.

“Wadahadalkeena waxaan u qaadnay is walaaltinimo ah,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay caan ku yihiin xiriir walaalnimo oo soo jireen ah.

Mustaqbalka labada dal waa in uu ahaado mid isku tiirsan oo midba midka kale uu taageero, ayuu yiri raaciyay

Waxay isla garteen in si wadajir ah looga wada shaqeeyo danta guud iyo maslaxadda guud.

“Labada waddan waxa ay haystaan fursado badan oo isku xiran oo aan la kala saari karin. Looma isticmaali karo si gaar ah. Nabadgelyada Soomaaliya waa amniga Itoobiya.”

“Marka ay Soomaaliya xasilloonaato, Itoobiya way xasiloon tahay. Xasiloonida Itoobiya ayaa muhiim u ah gobolka,” ayuu yiri danjire Mesganu.

“Sidaas darteed, dooddan waxay tilmaantay sidii aan isaga kaashan lahayn si looga faa’ideysto fursadan isku-tiirsanaanta ah, loona xoojin lahaa barwaaqada iyo isku xirnaanta guud ee gobolkan. Wada-hadalladan ayaa kaalin weyn ka gaysanaya arrintan.”

Waxa uu sheegay in wadahadalada noocaan ah ay sii wadi doonaan hagaajinta xiriirka labada dal.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa isna ugu horreyn uga mahad celiyay Itoobiya soo dhaweynta loo sameeyay.

Mas’uulkan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ahayn wax la kala dooran karo balse ay waajib tahay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay xoojiyaan xiriirkooda.

Waxa uu sheegay in ay sameynayaan wax walba oo ay uga bixi karaan dhibaatada ka dhex taagan labada dal.

“Suurtagal maaha in la kala garto qofka Itoobiyaanka ah ama kan Soomaaliga ah ee ka mid ah kuwa i hor fadhiya. Waa inta aan isku xirnahay,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin sabab ay Itoobiya iyo Soomaaliya dhibaato uga dhex taagnaato.

“11-kii bilood ee la soo dhaafay waxay noo ahayd waqti adag. Waxaan ku qaadanay waqti badan wax aan macno lahayn. Waxa kale oo aanu ku qasbanaan doonaa in aanu la tacaalno dhibaatooyinkii ina soo maray 11-kii bilood ee ina dhaafay. Waxaan u baahanahay inaan si adag arrintan uga shaqayno,” ayuu yiri.

Cali Balcad ayaa sheegay in laga wada hadlay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka xumaaday ee labada dal.

“Waxaan wada hadal miro dhal ah la galnay walaalkay Mesganu. Waxaan sii wadi doonaa inaan ka wada hadalno mustaqbalka. Waxaan rajeynayaa inay dhawaan imaan doonaan Soomaaliya, waana sii wadi doonnaa wadahadalladayada,” ayuu raaciyay hadalkiisa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay heystaan fursado badan oo ay isaga kaashan karaan xoojinta xiriirkooda.

“Dhinacayaga, waxaanu ku lug leenahay xiriirka ganacsi ee Bariga Afrika. Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa soo maray dhacdooyin naxdin leh oo taariikhda galay. Hadda waa waqtigii caqabadahaas laga gudbi lahaa oo hore loo socon lahaa.”

Isagoo tixraacaya dekeddaha hodanka ah ee Soomaaliya iyo fursadaha ganacsi ee baaxadda leh ee Itoobiya ka jira, ayaa Cali Balcad wuxuu yiri, “Soomaaliya waxay aad u daneyneysaa inay noqoto goob ganacsi.”

“Si kastaba ha ahaatee, waxaa wax badan lagu fahmi doonaa inta lagu jiro wadahadallada farsamada ee horey loogu soconayo. Imika waxaanu diyaarinay sidii aanu u wada shaqayn lahayn iyada oo aan cid saddexaadi na soo dhex galin,” ayuu yiri.

Heshiiskii Ankara ayaa dhigaya in Itoobiya iyo Soomaaliya ay xoojiyaan xiriirkooda, kana shaqeeyaan isdhexgalka gobolka.

Itoobiya ayaa muddo bilooyin ah ku jirtay dhibaato ka dib markii ay heshiis la gashay Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Soomaaliya oo ku eedaysay Itoobiya inay ku xad-gudubtay madax-banaanideeda Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka ku cadaadisay in la baabi’iyo heshiiskaas.

Itoobiya waxa ay sheegtay in aanay doonayn in ay dhibaato u geysato dal, balse ay doonayso in abuurto fursado horumarineed.

Xiisadda u dhaxeysay bilihii lasoo dhaafay labada dal ayaa waxaa lagu xaliyay todobaadyo ka hor isku dayo isdaba joog ahaa oo uu sameeyay Turkigu.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska Ankara kala saxiixday, iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu arrintaa ka shaqeeyay.

Soomaaliya ayaa wafdigii ugu horeeyay u dirtay Itoobiya tan iyo heshiiskaas.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay weerar ku qaadeen ciidamadooda ku sugan degmada Doolow Axaddii la soo dhaafay.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa weerarka naxdinta leh ee ay geysteen ciidamada Itoobiya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay fiidnimadii Axadda.

Warsaxaafadeedka ayaa soo baxay saacado kadib markii la sheegay in wasiiro dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu u socdaalay magaalada Adis Ababa si horey loogu sii wado u heshiiskii Ankara.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay galabnimadii Talaadada ku sheegtay in ay aad uga naxday qoraalkii ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya December 23/2024 ee lagu eedeeyay Itoobiya in ciidamadeedu ay weerareen kuwa Soomaali ah.

Axmed Madoobe oo dib u soo nooleynaya Ahlu Sunnadii gobolka Gedo + Qorshaha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dib boorka uga jafaya Ahlu Sunnadii Gobolka Gedo, xilligan oo maamulkiisu ay xiisad kala dhaxeyso Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa 17-kii bishan waxa uu Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi) u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Gedo, isagoo markaasi bedelaya Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) oo ka horyimid dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland.

Al-Qaadi oo ka tirsanaa Saraakiishii Ahlu Sunna ee gobolkaasi ayaa waxay magacaabiddiisu ahayd mid uu Hoggaamiyaha Jubbaland ku soo nooleynayo doorkii Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolka.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa la xusuustaa in sanadkii 2011 ay gacan weyn ka gaysteen hawlgaladii ay Ciidamada Dowladda ku xoreeyeen Degmooyinka Luuq, Beled Xaawo iyo Garbahaarey oo Xarunta Gobolka Gedo ah, waxay sidoo kale ka qayb qaataan hawlgalo la isugu furay isu socodka waddooyinka ee degmooyinka gobolkaasi qaarkood.

Saamaynta Ahlu Sunnada Gobolka Gedo ayaa yaraatay ka dib markii la dhisay Dowlad Goboleedka Jubbaland sanadkii 2013, waxayna kaalinteedii gobolka ay meesha ka baxday ka dib geerida Hoggaamiyihii Ahlu Sunnada Gobolada Koonfureed, Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw Libaax), kaas oo bishii June ee sanadkii 2017 u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Saldhigga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Markii ugu dambeysay ee la arko hawlgal ay ka qayb qaadanayaan Xoogaga Ahlu Sunna wuxuu ahaa hawlgalkii ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee la oran jiray AMISOM ay bishii July ee sanadkii 2015 maleeshiyada Al-Shabaab kaga saareen Degmada Baardheere. Tan iyo xilligaasi xoogagan ayaan lagu arkin furimaha hore ee Gedo, sababtu tahay Jubbaland oo ka shaqeysay in la kala diro, in yar oo ka mid ah mooyee oo ciidamada lagu soo biiriyay.

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gedo oo Isniintii gaaray Degmada Doolow oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku dagaalameen ayaa u gacan haatinaya Xoogagii Ahlu Sunna ee ku midoobay la dagaalanka Al Shabaab.

Al-Qaadi iyo Axmed Madoobe waxay labaduba fahamsan yihiin in xerta Ahlu Sunna ay gacan ka gaysan karaan difaaca maamulka, haddii qalabka ay u baahan yihiin la siiyo.

Xerta Ahlu Sunna ayaa la filayaa in qaybtoodii ugu horreysa ay saacadaha soo socda ay gaaraan Degmada Doolow, iyagoo isaga kala imanaya deegaanada gobolka.

Xertan oo la sheegayo in qaab beeleed loo soo abaabulay ayaa waxay qayb ka noqon doonaan ilaalada Gudoomiye Al-Qaadi iyo Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Al Qaadi uu maalmahaanba la xiriirayay xerta iyo odayaasha beelaha gobolka qaarkood, isagoo u sheegaya in la joogo waqtigii Ahlu Sunnada Gedo ay dib uga soo muuqan lahayd fagaareyaasha Jubbaland.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa inoo sheegay in Jubbaland ay u muuqato mid ka faa’iideysanaysa wax aysan Dowladda Federaalka ku baraarugsaneyn.

Saraakiishan oo codsaday inaanan magacooda Warbaahinta loo adeegsan ayaa ku waramaya in haddii xoogagan ay la soo saftaan Jubbaland ay dhibaato ku noqon karto Dowladda Federaalka, inta ay xiisaddan taagan tahay, maadaama ay dowladdu waddo qorshe ay si ku-meel-gaar ah gobolka uga jareyso Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa waxaa la sheegaa in aanu jecleyn Xoogaga Ahlu Sunna, waana sababta uu markii hore u kala diray, balse uu iminka u door bidayo xaaladda haysata, isla-markaana uu mudnaan siinayo dagaalka la sheego in ay ku wanaagsan yihiin.

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa bishii October isku khilaafay arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana uu khilaafkoodu uu cirka isku shareeray bishii ina dhaaftay November, ka dib markii Jubbaland ay ku adkeysatay inay aadeyso doorasho dadban.

Dowladda Federaalka ayaa sharci darro ku tilmaamtay doorashadii 25-kii November ka dhacday Magaalada Kismaayo ee ay Xildhibaanada Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland ay markii saddexaad Axmed Madoobe ugu soo doorteen Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre waxay si isku mid ah ay u sheegeen in doorashadaasi ay liddi ku tahay qorshihii dalka loogu jiheynayay doorasho qof iyo cod ah.

Khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac oo gacan ka hadal isku bedelay ayaa si weyn looga dareemay dalka, waana waxa ay dadku ugu hadal haynta badan yihiin.

Saxafiiyiin iyo dad kale oo lagu dilay duqeyn ka dhacday GAZA

Gaza (Caasimada Online) –  Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay, in ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqeymo ay ciidamada Isra’il aroornimadi hore ee Khamiista maanta ah ku garaaveen Gaza.

Shan ka mid ah dadka ayaa lagu dilay madfac lagu dhuftay guri ku yaalla xaafadda Zeytuun ee magaalada Gaza, sidaasi waxaa xaqiijiyay ilo-wareedyada caafimaadka. Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaasi ka badato.

Weerar kale ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay shan saxafi kaddib marki madfac lagu bartilmaameedsaday baabuur ay saarreeyeen oo ku sugnaa xarunta Isbitaalka Al Cawda ee xerada qaxootiga Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Wariyaasha ayaa u shaqeynayay telafishanka Al Qudus Al Yowm.

Warbaahinta Falastiiniyiinta iyo wariyaasha maxalliga ah ayaa sheegay, in baabuurka saxafiyiinta lagu dilay uu watay calaamadda lagu garto warbaahinta iyo wariyaasha. Wariyaasha la dilay ayaa warar kasoo tabinayay xaaladda isbitaalka iyo xerada Nuseyrat,

Ma jirto war war ah oo arrintaasi ku saabsan oo kasoo baxay ciidamada Isra’il.
Arbacadii shalayna, Xamaas iyo Isra’il ayaa midbo midka kale ku eedeeyay dib u dhac kale oo ku yimid heshiiska laga rajo qabay in labada dhinac ay ku gaaraan xabad-joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo in lasii daayo la heystayaasha ku afduuban Gaza.

Xog: Soomaaliya iyo Itoobiya oo dagaal qarka u saaran iyo ciidanka DF oo ku go’doonsan…

0

Doolow (Caasimada Online) – Saleebaan Aadan Shiiqaalow waa Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ugu magacaaban degmada Doolow ee gobolka Gedo, waa sarkaalkii maalmo ka hor hoggaaminayey dagaalkii ka dhacay degmadaas ee u dhaceeyey ciidamada qaranka oo dhinac ah iyo ciidamada Jubaland oo garabsanaya kuwa Itoobiya.

Xogta ninkaan ayaa isisoo tareysa, Shiiqaalow ayaa la xaqiijiyey in weli uu ku sugan yahay degmada Doolow, isaga iyo ciidamo tiro yar oo uu hoggaaminayo ayaa weli ku sugan ciidamada qaranka ee degmada Doolow, inkastoo lagu go’doomiyey halkaas.

Ciidamada Itoobiya iyo maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in muddo dheer ay gorgorinayeen sarkaalkaan, waxaana loo soo bandhigay lacag badan inuu qaato, kuna dhawaaqo in dowladda federaalka ay ku soo duushay Jubbaland, isla markaana u soo wareego dhanka Jubbaland.

Shiiqaalow ayaa diiday dalabkaas uga yimid Jubbaland iyo Itoobiya, mar kale ayaa loogu hanjabay dil iyo weerar, iyadoo laga dalbaday in Doolow uu isaga tago, balse wuxuu u cadeeyey inuu iska difaaci doono oo degmada ay geysay dowladda Soomaaliya uusan ka carari doonin.

Mar kale ayaa la sheegay in loo soo diray odayaasha dhaqanka degmada Doolow oo ka codsaday Taliye Shiiqaalow iyo askartiisa inay isaga tagaan magaalada, maadaama hadii dagaal dhaco laga awood badan yahay oo naftooda ay khatar ku jirto, balse sarkaalkaan qaran iyo ciidankiisa waxay ku adkeysteen in shaqada ay u dirtay dowladda Soomaaliya iyo difaaca degmada Doolow aysan meel cidlo ah uga tegi doonin.

Intaas kadib, labo maalmood ka hor waxay Itoobiyaanka iyo Jubbaland oo is garabsanaya weerareen seddax saldhig oo Doolow ay ku leeyihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid, waxayna halkaas kala kulmeen wax aysan ka maleysaneen ciidanka Qaranka, maadaama ay tiro ka yar 50 askari ku joogeen Doolow.

Ugu yaraan 10 askari oo Itoobiyaan ah iyo qaar kamid ah ciidamo tiro yar oo Jubbaland ka joogay Doolow ayaa lagu dilay dagaalkaas, halka dowladda Soomaaliya laga dilay 3 askari oo kala ahaa labo NISA ah iyo hal Boolis ah.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ayaa ku jabay dagaalkaas, ciidamada qaranka Soomaaliya oo lagu qaaday weerar gardarro ah ayaa weli ku sugan saldhigyadooda Doolow, sidoo kale 7 askari oo laga dhaawacay ciidamada qaranka ayaa shalay galab diyaarad Militeri looga soo qaaday degmada Beledxaawo.

Ciidamada Itoobiya ayaa isku hareereeyey saldhigyada ay joogaan ciidamada Soomaaliya ee Doolow, waxayna ku go’doomiyeen halkaas, iyagoo ka dalbanaya inay is dhiibaan, balse ciidamada qaranka ee Taliye Shiiqaalow uu hoggaaminayo ayaa ku adkeystay in aysan is dhiibi doonin oo jihaad xaq ah ay ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa weysay fursad ay ugu gurmato ciidankaas, balse waxaa laga war sugayaa wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya uga socda Addis Ababa oo loo diray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Dowladda Soomaaliya oo ciidankeedii lagu go’doomiyey Doolow ayaa ka fekereysa inay u bareerto dagaal toos ah oo ciidamada Itoobiya ay ku qaado, hadii xal looga waayo wadahallada Addis Ababa ka socda, si loo badbaadiyo ciidanka qaranka ee ku go’doonsan degmadaas, loona difaaco dalka.

Loolanka Faransiiska iyo Turkiga ee Geeska Afrika

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa doortay inuu sannadkan Ciidda Masiixiga kula dabaaldego ciidanka Faransiiska ee ku sugan Jabuuti, “si loo muujiyo abaalka qaranka” ee ciidamadiisa ku sugan dibadda.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Macron wuxuu la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ka wada hadleen xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale dib u eegay heshiiska iskaashiga difaaca ee la cusbooneysiiyay bishii Luulyo ee sannadkan.

Saldhigga milateriga Faransiiska ee Jabuuti, oo ay ku sugan yihiin 1,500 oo askari, waa kan ugu weyn ee Faransiiska ku leeyahay dibadda, wuxuuna ka badbaaday go’aankii Paris ee sanadihii ugu dambeeyay ee lagu dhimayay joogitaanka ciidanka Faransiiska ee Afrika, kaddib markii laga saaray waddamada Saaxil.

Xaaladdan darteed, Faransiiska ayaa doonaya inuu xoojiyo saameyntiisa Geeska Afrika, gaar ahaan agagaarka Badda Cas, si uu u ilaaliyo danaha reer Galbeedka, iyada oo ay jiraan isbeddelo badan oo ka dhacay gobolka.

Kadib booqashadiisa Jabuuti, Macron ayaa u safray Addis Ababa, wuxuuna la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulanka ayaa la qorsheeyay inuu ku soo beegay furitaanka “Qasriga Qaranka,” oo ah dhisme taariikhi ah oo ugu dambayn hoy u ahaa Boqor Haile Selassie, ka hor inta aan xilka laga tuurin 1974.

Hay’adda Horumarinta Faransiiska ayaa ku tabarucday €25 milyan, si dib loogu dayactiro dhismahan oo loo beddelo matxaf.

Marka laga soo tago xiriirka laba geesoodka ah, Macron iyo Abiy waxay ka wada hadleen xasillooni-darrada gobolka iyo xaaladda gudaha Itoobiya, laba sano kaddib heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee gobolka Tigray, kaas oo la sheegay inuu sababay boqollaal kun oo dhimasho ah.

Intaa waxaa dheer, Macron wuxuu sidoo kale la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya arrimaha ku saabsan Suudaan.

Warbixino ayaa soo jeedinaya in Paris iyo Addis Ababa ay si toos ah ula shaqeynayaan ciidanka fallaagada Suudaan ee uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Daqlo (Hemedti).

Faransiiska ayaa lagu eedeeyay inuu hub siiyay Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) iyo inuu taageero ka siiyo isbahaysiga siyaasadeed ee “Isku-xirka Taqaddum,” kaas oo ay qaar u arkaan inuu yahay garabka siyaasadeed ee RSF.

Faransiiska, oo iskaashi la leh Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay inuu siiyay RSF tignoolajiyad casri ah oo loo adeegsaday gaadiidka gaashaaman ee Imaaraadka, sida ay shaacisay Amnesty International toddobaadyo ka hor, Paris waxay martigelisay Cabdullaahi Xamduuk, madaxa “Isku-xirka Taqaddum,” oo ah wakiilka Suudaan munaasabad rasmi ah dhowr jeer, taas oo si dadban u muujinaysa taageerada Faransiiska ee kooxahan.

Faransiiska wuxuu ku tiirsan yahay isbahaysiyo istiraatiijiyadeed oo uu la yeesho ciyaartooy waaweyn oo gobolkan ku sugan, sida Imaaraadka.

Waxa kale oo uu qorsheynayaa inuu xoojiyo joogitaanka ciidankiisa ee Badda Cas isagoo tababaraya ciidanka badda Itoobiya iyo isagoo ciidan ka hawlgeliya meelaha istiraatiijiga ah sida Jabuuti iyo Jasiiradda Suqadara.

Tallaabooyinkan ayaa muujinaya hammiga Faransiiska ee ku aaddan sidii uu u heli lahaa meel joogto ah oo uu kaga jiro Badda Cas iyo sidii uu u xoojin lahaa danihiisa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee gobolka.

Dhanka kale, Turkiga ayaa sidoo kale ku dadaalaya inuu ku yeesho saameyn Suudaan, isagoo taageeraya ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira kooxaha fallaagada ah. Warbixino warbaahineed ayaa tilmaamaya in Ankara ay ugu dambeyntii rabto inay ku hesho marin Badda Cas iyada oo loo sii marayo Suudaan.

Tallaabo kale oo la xiriirta, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay hindise uu ku dhexdhexaadinayo ciidanka Suudaan ee uu hoggaamiyo Cabdulfataax al-Burhan iyo Imaaraadka Carabta oo ay dowladda Suudaan si toos ah ugu eedeysay taageerada fallaagada.

Dadaallada dhexdhexaadinta ee Turkiga iyo faragelinta ciidan ee Faransiiska labaduba waxay leeyihiin ujeeddo isku mid ah: kordhinta saameynta Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Inkastoo himilooyinka gumeysi ee dalalkan kala duwan ay mararka qaarkood is waafaqaan, haddana su’aashu waxay tahay ma iska kaashan doonaan Faransiiska iyo Turkigu sidii ay u hirgelin lahaayeen qorshayaal gaar ah oo ay ka leeyihiin Suudaan iyo guud ahaan gobolka?

Fiqi oo ku dhowaaqay mowqif adag oo ka dhan ah in ay Itoobiya gaarto Badda Cas

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ay dooneyso inay ku gaarto Badda Cas.

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya uga yaalla damaca Itoobiya, wuxuuna cadeeyey in Itoobiya aan loo ogolaan marin ay ku gaareyso biyaha Soomaaliya.

“Waxaan si cad u beeninayaa sheegashada ah in Itoobiya loo ogolaaday inay gasho badda cas, Sheegashooyinkan aan sal iyo raadka lahayn ayaa ka maqan wax aasaas ah,” ayuu yiri Fiqi.

Qoraalka Wasiir Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta hufnaanta arrimaha qaranka.”

Qoraalkaan Wasiir Fiqi uu ku baahiyey bartiisa Twitterka ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh uu u safray Asmara Eritrea, kadib markii uu soo yeeray war sheegaya in Eritrea ay ka carootay heshiiskii Ankara ku dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale shalay tegay Qaahira Masar, isagoo isla heshiiskaas kala hadlay dowladda Masar, dowladda Soomaaliya ayaa Masar iyo Eritrea ku qancineysa heshiiskii Ankara.

How Likenew Smart Laundry is leading Mogadishu’s laundry industry

In Mogadishu, a pioneering business is transforming the laundry industry by introducing professionalism and modernity to this essential service. With an estimated population of 3 million in 2024, the vibrant capital of Somalia is well-positioned for innovation. Likenew Smart Laundry, which launched on June 2, 2023, is leading the way in setting new standards for quality and convenience.

The brainchild of local Somali entrepreneurs, Likenew Smart Laundry , was created to address the increasing demand for high-quality laundry services. As per the information from the company, Likenew understood the market demand and responded accordingly with its unique concept of using technology and modern merchandising to attract customers, differentiating itself from existing businesses and positioning itself as an innovator.

“The Likenew business concept came due to the growing need for professional services and the limited local options to meet this demand,” shared Mahad Mohamed Issack, CEO & Co-founder. “Urban areas with higher population densities require more laundry services, and we aim to disrupt the market with innovative concepts while expanding nationwide.” Although the business was conceptualized in 2021, its launch was delayed due to the COVID-19 pandemic.

Celebration for the Grand Opening of Likenew Smart Laundry – June 2, 2023

Likenew Smart Laundry stands out in the market by combining cutting-edge technology with exceptional customer service, providing an unmatched laundry experience. From advanced eco-friendly equipment to a sleek, inviting interior, the establishment ensures a premium experience for every customer. Its tagline, “Your clothes deserve the best,” perfectly encapsulates its mission and unique selling points.

Although information about the scale of the laundry market in Mogadishu is relatively limited, the number of laundry services opening has been increasing since 2012, when the late Mohamed Mahamoud Sheik opened Somali Premium Laundry, the country’s first laundry service since the civil war more than 30 years ago.

Customer Abdiwali Omar shared his experience: “Every person’s clothes are washed separately and within minutes. I’ve been a customer of Likenew for the past one year. My family and I have enjoyed their fast, clean, and best service. Just as their name says, you come and take your clothes as they are new.”

Over the past two years, the company has attracted many clients, including businesses and individuals, demonstrating its growing popularity and trust. With services like express cleaning, online booking, and reliable pick-up and delivery, Likenew caters to Mogadishu’s busy and tech-savvy residents.

Likenew Laundry store interior with washing machines. Photo: Likenew.so

Companies like Likenew rely heavily on imported supplies, highlighting the need for local production of sustainable materials. Challenges remain, from energy and logistics to supply chain management: Businesses face complicated operating procedures. This reliance presents a golden opportunity for Somali companies to develop eco-friendly and locally sourced products, benefitting industries like hospitality, healthcare, fitness, and beyond.

According to the Somali National Bureau of Statistics (NBS), imports accounted for 76.69% of Somalia’s GDP in 2023. Despite these hurdles, Likenew continues to innovate and position itself as a market leader, paving the way for a more self-sufficient and sustainable business ecosystem in the country.

Sustainability is not just a buzzword at Likenew, it’s a cornerstone of our operations. The company reduces its environmental footprint by using water-efficient machines and biodegradable detergents, setting an example for others to follow and appealing to environmentally conscious customers and investors.

Likenew Smart Laundry Store – Hodan District, Mogadishu, Somalia

In response to increasing customer demand, Likenew Smart Laundry is not resting on its laurels. The company plans to open a second store in Mogadishu in 2025 and is developing a mobile application that will allow customers to seamlessly order pick-up and delivery services. This mobile app will complement its current automated order status update system, which is sent directly to customers’ WhatsApp numbers. Likenew also aims to adopt new and innovative technologies to disrupt the market further, enhance operational efficiency, and deliver an unparalleled customer experience.

Likenew also aims to adopt new and innovative technologies to disrupt the market further, enhance operational efficiency, and deliver an unparalleled customer experience.

“Our goal is to bring innovative laundry services to more neighborhoods and inspire broader transformation in Somalia’s private sector,” said Ahmed Bashir, Chairman & Co-founder.

The company’s expansion aligns with its mission to elevate customer expectations and redefine regional service standards.

Transforming Mogadishu’s Narrative

Local brands like Likenew Smart Laundry are not just changing the narrative of Somalia’s private sector, they’re rewriting it. They’re showcasing the city’s potential for innovation and growth, and as they thrive, they’re exemplifying Mogadishu’s resilience and adaptability. Their success is not just inspiring, it’s a source of pride for the city’s residents, and it’s setting a new standard for others to follow.

For Mogadishu residents, Likenew Smart Laundry is more than just a service; it represents a brighter, more sustainable future for the city and its people. With its commitment to excellence and expansion, the company is setting the stage for continued success and industry transformation.

Guddoomiye AMIIR oo ku dhowaaqay isla-xisaabtan iyo dabagal la xiriira…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa ku dhowaaqay qorshaha isla-xisaabtanka ee maamulka gobolka.

Guddoomiye Amiir ayaa maanta shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib-u-dhiska caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, kaasi oo uga dhawaaqay inuu jiri doono isla-xisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda.

Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana inta uu socday diirada lagu saaray dardar-galinta mashaariic lagu horumarinayo magaalada.

Shirka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay dhiismaha waddooyinka, xal u helida maareynta biyaha roobka iyo dib u dhiska xarumaha danta guud.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay madaxda iyo howl-wadeenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo Alla ka cabsi kujirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu bilaabanayo isla-xisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda.

Haddii uu qorshahan isla xisaabtan iyo daba-gal uu si rasmi ah uga bilowdo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay dad badan aaminsan yihiin in wax ka tari doonto in sida ugu habboon wax looga qabto baahiyaha ka jira caasimadda.

Maamulka gobolka ayaa inta badan lagu eedeeya musuq-maasuq iyo is-dabamarin, taas oo wax ka qabashadeeda ay ku guul-dareysteen guddoomiyeyaashi kala dambeeyay ee gobolka, waxaana laga dhursagayaa in hadalka Amiir uu lamid noqdo kuwii hore iyo inuu noqdo mid ficil la socdo.

Somaliland oo si adag uga hadashay xasuuqa Liyuu Booliska, kuna dacweysay Addis

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaareysay weerarkii lagu qaaday shacabka Dacawalay, kaas oo ay ku tilmaamtay xasuuq ay geysteen ciidanka Liyuu Booliska.

Sidoo kale waxay xukuumadda gef iyo xad-gudub cad ku tilmaamtay afduubka ay ciidamada Liyuu Booliska u gaysteen odayaal dhaqameed kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo deegaankaas u tegay ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda halkaas ka dhacday maalmihii u danbeeyey.

Somaliland ayaa dhacdadan u gudbisay dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo ku dacweysay ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanka maamulka Soomalida Itoobiya, oo ay sheegtay inay qaadi doonaan masuuliyadda ka dhalata.

Hoos ka aqriso bayaanka kasoo baxay Somaliland;

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasi oo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo.

Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.

Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.

Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.

Laba waddo midkood oo u furan Xasan Sheekh kadib jawhareerka siyaasadeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajaheysa culaysyo gudaha iyo daruufo adag oo siyaasadeed, milateri, diblomaasiyad, iyo isbahaysi.

Tan ayaa muujineysa itaal yarada hoggaamin ee madaxweynaha, iyadoo daqarro laxaadka leh iyo dhaawcayo culus gaarsiiyeen qaranka iyo dowladnimada, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo sidoo kale kamid ah siyaasiyiinta waayahan dambe aan la dhacsaneyn siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxweynaha u furan tahay labo waddo, taas oo midkood ay dhaymo u noqon karto xaaladda taagan.

Hoos ka aqriso qoraalka CC Shakuur;

Culaysyada gudaha iyo cadaadiska dibadda, xaaladaha qalafsan iyo duruufaha adag ee siyaasadeed, milateri, diblomaasiyad, iyo isbahaysi ee haysta maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ma aysan qaawin oo keli ah itaal yaradiisa hoggaamin ee waxay daqarro laxaadka leh iyo dhaawcayo culus gaarsiiyeen qaranka iyo dowladnimada.

Waxay kaloo burriyeen labo go’aan oo uu Madaxweyne Xasan xafiiska kula soo laabtay dadkana si kalsooni leh ugu sheegayey ;

1- In uu doonayo in uu markaan isagu is eedo, cid uu talo kaga baahan yahayna jirin, maadaama uu aqoon PhD ka gaaray, da’na 70 jiro, laba jeerna la doortay, taasoo laga rabay in ay tawaaduc u kurdhiso, balse ismahdin iyo islaweyni uu ku qaaday.

2- Wuxuu kaloo la yimid in dadku waxba is dhaamin oo ay isku wada mid yihiin, qof mid kale ka karti (aqoon, waaya aragnimo iyo xirfad) badan jirin, keliya ay muhiim tahay daacadnimo, dhega fudayd iyo culays yari ka dhigan in qofka xilka loo dhiibayo uusan u doodin degaan iyo dad la metalayo, ama is bidin aqoon iyo waaya-aragnimo dood iyo muran keenaysa, ama sheegan xiriir dadweyne ama mid dibadeed.

Mar uu sifaynayey qof uu xil wayn u dhiibay, dadkuna la ahayd in uusan qaadi karin ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay;

“in uu yahay qof dhega fudud, culays degaan iyo dadna ku wareerin, fixer ah oo wax furdaamiya.

Xukun wanaagsan waxaa aasaas u ah xeerinta danta qaranka iyo badbaadinta dowladda oo ku dhisan aragti la hiigsanayo, istaraatiijiyad iyo qorshe la raacayo, talo la rogrogay oo la isku miisaamay, xog, xisaabtan iyo suurgalnimo ku dhisan, si taasi u hirgashana waxay ka fursan karin kaadir aqoon, waaya-aragno iyo xirfad leh, iyo hoggaan dulqaad, dabeecad tanaasul, tawaaduc iyo ogaal tabar guuris leh.

Labo mid ayaa u furan Madaxweyanaha;

1- In uu cashar ku filan ku qaato, garawsadana in guuldarrada siyaasadeed, dhaawacyada soo gaaray qaranka, iyo daqarrada ku dhacaya dowladnimada ay sabab u tahay taladiisii ahayd aan is eedo iyo dadku waxba isma dhaamo oo uu tawaaduco, qaladkiisa garto, ogaadana in uusan talo ka dhammayn, lana yimaado tanaasul uu dadka iskugu baadigoobo, taladana dhexda dhigo.

2- In uu waddada qarda jeexa iyo hubanti la’aanta ah ku sii socdo, subaxba kastana xaaladdii soo wajahda iyo sideey u qabataba kula tacaalo, eeddana dadka kale iyo duul shisheeye dusha kaga tuuro.

Tan hore in uu Alle waafajiyo ayaan ugu ducaynaynaa, laakiin haddii uu tan danbe doorto, Madaxweynuhu markaa waa nin garnayl gaanjadiisu furan tahay dadka la dhex ordaya ama gaari xawaare dheereeya ku socda oo aan fariin lahayn shacabka ku dhex wada ee waa in aan isagana naftiisa ka badbaadinno, innagana iska badbaadinno.

Suldaan Saleebaan Cali oo aas qaran loogu sameeyay Boorama (Sawirro)

Boorama (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa maanta waxaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafdi balaaran oo u hoggaaminayo ayaa magaalada Boorama kaga qayb-galay aaska marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo kamid ahaa madax-dhaqameedka ugu wakhtiga dheer oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Boorama.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door laxaadleh ka soo qaatay dib u dhiskii Somaliland iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada dhaqan, kuna xusnaa nabad-doonimo iyo waayo aragnimo dheeraada oo uu u lahaa xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale wuxuu marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Suldaan Saleebaan ayaa ahaa oday dhaqan oo wehel u ahaa nabada, isagoo door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Sidoo kale wuxuu kamid ahaa salaadiinta ugu facaweyn salaadiinta Somaliland ama guud ahaan umadda Soomaaliyeed, ayadoo geeridiisana ay si weyn uga tacsiyadeeyeen madaxda Soomaalida.

Gobolka Banaadir oo loo dhisayo Gole Deegaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneyso in gole deegaan loo dhiso gobolka Banaadir, si loo guda galo howlaha doorashooyinka iyo arrimaha hortabinta u leh, maadaama la aadayo qof iyo cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan oo ka hadlay qorshahooda ku aadan hannaanka doorashooyinka ayaa sheegay in sanadka ina soo aadan ee 2025-ka la dooran doono Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kadibna ay dooran doonaan guddoonkooda.

Cabdikariin Axmed ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ugu wayn uu yahay in laga gudbo Maayar lasoo magacaabo, si loo helo hoggaan ay soo doortaan reer Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrintan ay qayb ka tahay hoos u daadejinta maamulka iyada oo saddex heer ay noqon doonto doorashada dalka sida Golaha Deegaanka, Dowlad-Goboleedyada iyo tan Dowladda Dhexe ee Federaalka.

“Doorashadeennu waa saddex heer, waxa aan kasoo billaabeynaa Golaha Deegaanka, Marka xigta waa Dowlad-Goboleedyada halka tan saddexaad tahay Doorashada Federaalka, waxa aan wadnaa shaqadeenna oo ah 100% hirgelinta Doorashada, 2025 waxa aan wadnaa in aanay mar dambe digreeto lagu soo magacaabin Maayar dambe oo la doorto Golaha Deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed.

Qorshaha lagu doonayo in gobolka Banaadir uu ku yeesho gole deegaan waxaa horay uga dhawaajiyay guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo sheegay inuu rajeynayo inuu noqdo guddoomiyihii ugu dambeeyay ee lasoo magacaabo, isaga oo ballan qaaday inay ka shaqeyn doono sidii ay doorasho uga dhici lahayd gobolka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku howlan diyaarinta doorashooyin qof iyo cod ah, balse waxaa diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.

Xog: Madaxweyne XASAN oo u baxayo safar dibadeed + Qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta u baxo safar qarsoodi ah oo aan horay loo sii shaacin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha ayaa u dhoofaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho qaadaneyso dhowr cisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu wada-hadallo toos ah la yeelan doono dhiggiisa Isiask Afwerki oo ay ka wada-hadali doonaan arrimo xasaasi ah.

Eritrea oo ciidamo u tababarto Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay saameyn ku lahayd arrimaha Soomaaliya, waxaana kulamadii ugu dambeeyay ay labada dal ku sameysteen iskaashi cusub oo ay ku wajahayaan heshiiska badda ee Itoobiya ee carada dhaliyay.

Dhanka kale, Eritrea ayaa haatan saluug ka muujineyso isku soo dhawaanshaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib heshiiskii ay dhowaan ku gaareen magaalada Ankara.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Idris, isla-markaana wasaaradda kala taliyo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii ay Soomaaliya lagashay Itoobiya ee ka dhacay Ankara.

La-taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka fileynin Soomaaliya gelidda heshiis noocaasi oo kale ah, isaga oo hoosta ka xariiqay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya haddii ay ogolaato in marin biyood ay siiyaan dowladda Itoobiya oo uu tilmaamay inay qatar ku tahay xasillonida iyo amaanka guud ee Eritrea.

Sidoo kale wuxuu Cabdulqaadir Idris soo hadal qaaday iskaashiga ka dhexeeya Asmara iyo Muqdisho, gaar ahaan heshiiskoodii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay inuu ku saleysnaa difaacidda biyaha Soomaaliya

“Ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” sidaasi waxaa Bbc da laanteedi afka Soomaaliga u sheegay Cabdulqaadir Idris oo ah lataliye Wasaaradda arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya.

Si kastaba, Eritrea ayaa kamid ah dalalka hadda xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, waxaana dhowaanahan iskaashi cusub la sameynayay madaxweynaha Xasan Sheekh.

Madaxweyne Cirro oo agaasime cusub u magacaabay sirdoonka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo maanta wareegto soo saaray ayaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Somaliland u magacaabay Jaamac Maxamuud Cigaal.

Wareegtada oo kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in Jaamac Maxamuud lagu xushay aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

“Waxa aan go’aamiyey; In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maalmihii dambe madaxweyne Cirro ayaa ku howlanaa dhismaha xukuumaddiisa iyo hay’adaha kala duwan ee Somaliland, taas oo qayb ka ah isbedalka dhacay.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-014/122024 uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay:                Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey:        Ahmiyadda ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku u leedahay Amniga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan ku qancay:       Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;

Markii aan sameeyey:        La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Eritrea oo shaacisay inay xiriirka u jareyso Soomaaliya haddii ay Itoobiya siiso…

0

Asmara (Caasimada Online) – Xukuumadda Asmara ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrimo ku aadan isku dhowaashaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib heshiiskii Ankara ee ay dhex-dhexaadisay dowladda Turkiga.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Idris, isla-markaana wasaaradda kala taliyo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii ay Soomaaliya lagashay Itoobiya ee ka dhacay Ankara.

Idirs ayaa tilmaamay in hehsiiskaas ay u arkaan mid uu ku ku jiro mad-madow, isla-markaana aan la’isku haleyn karin, sida uu hadalka u dhigay.

La-taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka fileynin Soomaaliya gelidda heshiis noocaasi oo kale ah, isaga oo hoosta ka xariiqay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya haddii ay ogolaato in marin biyood ay siiyaan dowladda Itoobiya oo uu tilmaamay inay qatar ku tahay xasillonida iyo amaanka guud ee Eritrea.

Sidoo kale wuxuu Cabdulqaadir Idris soo hadal qaaday iskaashiga ka dhexeeya Asmara iyo Muqdisho, gaar ahaan heshiiskoodii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay inuu ku saleysnaa difaacidda biyaha Soomaaliya

“Ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” sidaasi waxaa Bbc da laanteedi afka Soomaaliga u sheegay Cabdulqaadir Idris oo ah lataliye Wasaaradda arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya.

Eritrea ayaa kamid ah dowladaha haatan xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, waxaana dhowaanahan iskaashi cusub la sameynayay madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo ay Eritrea taageero milatari siisaa Soomaaliya, si gaar ah waxa ay tababaro umsiisaa ciidamo kala duwan ee qalabka sida.

Sidee looga fal-celiyay tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kadib markii uu soo magacaabay Madaxweyne ku xigeenadiisa, isagoo dib u soo celiyey xubnihii horay u joogay.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Axmed Madoobe ayaa dib loogu soo magacaabay Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, madaxweyne ku xigeenka labaad.

Wax is bedel ah ma muujin dikreetada Axmed Madoobe soo saaray, waxaana xusid mudan in labadaas nin ay ku xigeenno u ahaayeen Axmed Madoobe intii uu heystay Jubbaland.

Cali Yare Cali oo ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir  Shaqsi ahaan lamaanan yaabin xaanshida Madoobe oo abidkeeyba nimcooyinka rabbi i siiyay ayay kamid tahay inuusan marnaba igu darin kuwa Madoobe iyo hab-dhaqankiisa ku sirma — waxaanse is waydiiyay nuuca tilmaameed ee la siin karo qofka Xasan Shiikh ku diidan maamul xumo iyo kali-talisnimo, midkaan falaadkiisu ilaa heerkaan gaaraysiisanyahayna taageersan!”

Cabdiraxmaan Sandhool Cali “Agaasime waxeedka iyo madaxweyne ku xigeen Jubaland waa isku mid Axmed baa magacaaba Axmed baana eryi kara !!!!”.

Mahad Cabdulqaadir Axmed “Madaxwyne ku xigeenka sowtii la dooran jiray, waa maxay magacaabistu!”.

Siyaad Maxamed Dool “Hambaliyo mas’uuliyiinta dowladda Jubaland Alle ha idiin fududeeyo xilka iyo mas’uuliyadda”.

Cabdiwahaab Xasan “Warqada 2019 unba Date laga beddalay Axmed daacad Jubaland waa xoraystay lol”.

Axmed Dhaaye ayaa isaguna yiri “Reer Jubaland ayaa ku qanacsan ayey ila tahay ninka sidaa yeelaya”.

Cabdiraxmaan Xarage “Ninkaan meesha waa u xureysan tahay wlhi madaxweyne ku xigeenka asigaaba iska magacaabanaa”.

Dagaal culus oo ka socda xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka dib uga qaxay degaanka Dacawaley ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay isku fara saareen dadka deegaanka iyo ciidanka Booliska.

Dagaalka saaka ayaa ah mid aad u culus, waxuuna ka socdaa 4 jiho oo deegaanka ah, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka kasoo jeedo iyo ciidanka dowlad deegaanka oo indhowanahaan ku dagaalamayay halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli sii socdo, wuxuuna saameeyn ku yeeshay dadka deegaanka oo haatan dareemaya culeys xoogan.

Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo saaka isaga cararay Dacawaley, kadib markii ay bilaabatay xabadda.

Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ciidamo badan oo boolis ah geeyay halka lagu dagaalamayo, si ay ula wareegaan deegaanka, balse waxaa diidan maleeshiyaad deegaanka.

Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay deegaannada u dhow xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, waxaana labada dhinac ay horay uga soo saareen baaqyo nabadeed.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay weerar kale oo isla todobaadka lagu dilay 5 askari oo kamid ahaa ciidanka dowlad deegaanka, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan halkaasi.

Waxaa kale oo jira dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.

 

Xog: Axmed Madoobe oo DF ka codsatay in loo ogolaado safar caafimaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana ujeedka socdaalkooda lagu sheegay xal u raadinta khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo taagan muddo bilooyin ah.

Caasimada Online ayaa ilo xog ogaal ah ka heshay xogta rasmiga ah ee socdaalka wafdigaas oo ergo ka ahaa Axmed Madoobe oo xaalad caafimaad ku wajahaya magaalada Kismaayo.

Xubnaha yimid Muqdisho oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka codsaday dowladda federaalka in Axmed Madoobe loo ogolaado safar caafimaad oo dalka dibadiisa ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday dalabkaas, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyada noo waramay, dowladda ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogtay Jubbaland.

Diyaaradii Kismaayo ka qaada Axmed Madoobe waxay ku qasban tahay inay ka soo degto Muqdisho, waana sababta kaliftay in Axmed Madoobe uu ergo u soo dirsado dowladda federaalka, si loogu ogolaado diyaarad u qaada safar caafimaad oo dibadda ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba joojisay diyaaradihii qaadi jiray rakaabka caadiga ah ee tegi jiray Kismaayo, Doolow iyo magaalooyinka kale ee nidaamka Axmed Madoobe uu ka jiro.

Go’aankaas ayaa la sheegay inuu ka dhashay afduub shalay Kismaayo loogu geystay diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines, taas oo lagu qasbay in ciidan iyo masuuliyiin ay Jubbaland u geyso degmada Doolow.

Markii laga soo tago xayiraadda dadweyne oo maanta u bilaabatay reer Jubbaland, waxaa jirta dhibaato xoog leh oo cunaqabateyntaan ay ku heyso madaxda Jubbaland oo Axmed Madoobe ugu horeeyo, maadaama dhulkaas aysan jirin degmo looga gudbi karo degmo kale oo Shabaab ay joogaan, taas oo muhiim ka dhigeysa safarrada diyaaradaha.

Xogtaan sheegeysa in Axmed Madoobe soo dirsaday ergo dowladda federaalka ka dhaadhicisa in loo ogolaado safar caafimaad oo dibadda ah, waxaa ka horeysay xog soo baxday intii uusan dhicin dagaalkii Raaskambooni oo sheegeysay in Axmed Madoobe wajahayo xaalad caafimaad oo isisoo tareysa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in mar kasta uu dibadda u aadi jiray safar caafimaad, balse wixii ka dambeeyey markii uu ka baxay shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka, isla markaana uu qarxay khilaafkii isaga iyo dowladda federaalka waxaa ku adkaatay inuu ka baxo Kismaayo.

Soomaalida Musambiig oo wajahaya halis, kaddib markii…

0

Musambiiq (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool dalka Musambiiq ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi la xiriirta bedqabka naftooda iyo maalkooda, ka dib markii ay dalkaas ku faafeen rabshado ay dhigayaan taageereyaasha mucaaradka.

Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhacay Mozambique tan iyo markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay xaqiijisay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo ee doorashooyin lagu muransan yahay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Dadka dhintay waxaa ku jira ugu yaraan laba sarkaal oo boolis ah, sida uu wasiirka arrimaha gudaha, Pascoal Ronda, ka sheegay shir jaraa’id Talaadadii.

Bannaanbaxyada ayaa billowday kadib markii Golaha Dastuuriga uu xaqiijiyay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo. Dibadbaxayaasha iyo kooxaha mucaaradka ah ayaa ku andacoonaya in doorashadii 9-kii Oktoobar la musuqmaasuqay.

Hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Mozambique, Venâncio Mondlane, ayaa ku dhawaaqay inuu isagu isku magacaabi doono madaxweyne 15-ka Janaayo, kaddib markii uu diiday guuldarradiisa doorashooyinka madaxtinnimada.

Axmed Madoobe oo magacaabay labadiisa madaxweyne ku xigeen

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa mar kale soo magacaabay Madaxweyne ku xigeenadiisa, isagoo dib u soo celiyey xubnihii horay u joogay.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Axmed Madoobe ayaa dib loogu soo magacaabay Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, madaxweyne ku xigeenka labaad.

Wax is bedel ah ma muujin dikreetada Axmed Madoobe soo saaray, waxaana xusid mudan in labadaas nin ay ku xigeenno u ahaayeen Axmed Madoobe intii uu heystay Jubbaland.

Ku xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo, wuxuuna dhankiisa ka hurinayaa colaadda ka loosan deegaanada Jubbaland.

Ninkaan ayaa maalmo ka hor u safray Addis Ababa, waxaana lagu tilmaamaa gacanta koowaad ee Axmed Madoobe u adeegsado meelaha qaar, sida beesha uu ka dhashay ee reer Sade Mareexaan.

Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud waa ku xigeenka labaad ee Axmed Madoobe, wuxuu ka soo jeeda Shiiqaal, maaha nin saameyn badan, wuxuuna iska joogaa Kismaayo.

Markii laga soo tago Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa koowaad Maxamuud Sayid Aadan, qofka seddaxaad ee ugu dhaqdhaqaaqa badan Jubbaland waa Wasiirka Amniga Maamulkaas Jeneraal Yuusuf Dhuumaal, oo isna ka soo jeeda Mareexaan.

Dhuumaal iyo Sayid Aadan ayaa hadda ku sugan Doolow oo shalay uu ka dhacay dagaal ay ciidamada Jubbaland oo garabsanaya kuwa Itoobiya la galeen ciidamada dowladda federaalka u jooga degmadaas.

Dagaalkii Doolow ayaa qorshaha Jubbaland wuxuu ahaa inay magaaladaas ka saarto ciidamada dowladda federaalka, balse waxay isku difaaceen si aysan ka maleysa karin, maadaama ay aad u yaraayeen.

Ciidamada dowladda federaalka ka jooga degmada Doolow oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid ayaa weli ku sugan saldhigyadooda, waxayna iska difaaceen awood kasta oo ciidamada Itoobiya ay isku dayeen inay uga saaraan degmada Doolow.