25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Odayaal dhaqameedkii la sheegay inay afduubteen Liyuu Booliska oo soo hadlay

Jigjiga (Caasimada Online) – Odayaal sheegtay inay yihiin odayaashii dhaqanka ee nabadeynta u joogay deegaanka Dacawalay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa warbaahinta kasoo muuqday.

Odayaashan ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in la afduubtay, iyagoo sheegay inay si nabad ah ugu sugan yihiin magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale waxay carabka ku adkeeyeen in wararka ku saabsan afduubkooda ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna sheegeen inay halkaas kula kulmeen mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo xubnaha Golaha Nabadda iyo Midnimada DDS.

Waxay sheegeen inay maanta bilaabi doonaan wada-hadallo muhiim ah oo ku saabsan xalinta xiisadda ka taagan deegaanka Dacawalay.

Hadalka odayaasha ayaa imanaya kadib markii xukuumadda Somaliland ay ciidamada Liyuu Booliska ku eedeysay inay afduubteen odayaashii halkaasi u tegay dhex-dhexaadinta iyo daminta colaadda.

“Ciidamada Liyuu Booliska waxay deegaanka Dacawalay ka afduubay madax dhaqameed kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo halkaas u tegey ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda ka dhacday maalmihii u dambeeyey. Tani waa gef iyo xad-gudub cad,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasiirka amniga gudaha ee Somaliland.

Xaaladda guud ee Dacawalay oo ah deegaankii lagu dagaalamay Arbacadii ayaa haatan ah mid degan, iyadoo bilowdeen wada-hadallo rasmi ah oo xal loogu raadineyo xiisaddan, kuwaas oo u dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Xogta horjooge sare oo kooxda Al-Shabaab ay qirtay in laga dilay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qirtay dilka horjooge sare oo lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kunyo-Barrow ee yobolka Shabellaha Hoose.

Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mire Jaamac oo sidoo kale loo yaqaanay Abuu Cabdiraxmaan ayaa ahaa wakiilka kooxda ee Gobollada oo ay hoos-yimaadaan waxa ay ugu yeeraan “Wilaayaadka Islaamiga”.

Ninkan ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda, sidoo kale wuxuu mar soo noqday hoggaamiyaha kooxdii jabhadda Caanoole ee Jubbooyinka lagu aas-aasay sanadkii 2007, balse markii dambe ku biirtay kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Mire Jaamac ayaa waxaa shalay lagu khaarajiyay howl-gal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay, kaas oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahan oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa jira horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo dowladda sheegtay in dhammaantood la haayo macluumaadkooda.

Si kastaba, Horjoogahan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu sareeyay ee kooxda ee howl-gal lagu dilo muddo labo sano, iyadoo sanadkii 2022 howl-gal duqeyn ah lagu dilay Cabdullaahi Yare oo madaxiisa mallaayiin dollar la dul-dhigay.

Waa sidee xaaladda madaxa WHO kadib madaafiic lagu weeraray meel uu ka dhawaa

0

Sanaa (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay, in duqeymo xagga cirka ah lagu garaacay gegida diyaaradaha ee ugu weyn Yemen Khamiistii, xilli uu doonayay inuu halkaas ka dhoofo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof lagu dilay tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, weerar ay Israa’iil ku qaadday garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sancaa.

Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku sugnaa garoonka Khamiistii iyagoo sugayay inay ka dhoofaan markii ay duqeyntu dhacday, waxaana ku dhaawacmay shaqaale ka tirsan Laanta Adeegga Hawada ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephanie Tremblay.

“Taawarka laga hago duulimaadyada hawada, qolka nasashada – oo wax ka yar mitir u jira meeshii aan joognay – iyo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ayaa duqeymuhu waxyeeleeyeen,” madaxa WHO ayaa ku yiri fariin uu soo dhigey bartiisa X.

kooxdii Qaramada Midoobay waxay ka tageen garoonka waxayna ku sugan yihiin goo boo ku taala magaalada Sanca oo “ammaan ah waana ay caafimaad qabaan” shaqaalihii dhaawacmayna waxaa lagu daweynayaa isbitaal, ayuu yiri Tremblay.

Tremblay waxa uu sheegay in qiimaynta burburka gegida diyaaradaha la samayn doono subaxnimada Jimcaha si loo eego in Tedros iyo kooxda Qaramada Midoobay ay ka bixi karaan Yemen.

Tremblay waxa uu sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu cambaareeyey kororka weerarrada u dhexeeya Yemen iyo Israa’iil, wuxuuna sheegay in weerarradii Khamiistii lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee Sanca, dekedaha Badda Cas ee Yemen iyo xarumaha korontada ay ahaayeen kuwo walaac leh”.

Ciidanka Israa’iil ayaa markii dambe u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inaysan ka warqabin in madaxa WHO ama wafdigu QM ah ay joogaan Yemen.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen kaabayaasha ay adeegsadaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ku sugan garoonka caalamiga ah ee magaalada caasimadda ah ee Sanca, iyo sidoo kale saldhigyada korontada iyo dekedaha, iyaga oo ku eedeeyay in ay u adeegsan jireen in lagu soo raro hubka Iran iyo in ay ka soo galaan saraakiil sare oo Iiraaniyiin ah.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan rayidka iyo kaabayaasha rayidka, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, ayuu yiri Tremblay.

Guterres wuxuu ku baaqay in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka militariga iyadoo la muujinaayo “xakamaynta ugu badan,” ayuu yiri Tremblay.

VOA

Maxaa xalay ka dhacay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Talo-wadaag ah kula qaatay qaar ka mid ah Dhallinyarada, Aqoonyahanada, Bahda Caafimaadka iyo xirfadleyaal kale.

Kulankaan ayaa ujeedkiisu ahaa si uu guddoomiyaha gobolka Banaadir qeybaha kala duwan ee bulshada uga dhageysto talooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan horumarinta caasimadda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay talooyinka iyo aragtiyo la xariira maamul wanaaga, amniga, nadaafada, caafimaadka, waxbarashada, dib u eegista adeegyada ay bixiso dowladda hoose ee Xamar, dib u furista waddooyinaka dhagxaanta ku go’an iyo ilaalinta dhulalka danta guud.

Sidoo kale waxaa kulan kagu soo bandhigay xal u helida maareynta biyaha, dhismaha waddooyinka, hirgelinta nidaamka doorashooyinka dadweyne iyo xoojinta la-dagaalanka musuqa.

Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta siyaasadiisa uu ku biirin doonno talooyinka ay caawa soo gudbiyeen dhallinyarada iyo aqoonyahanada, si uu u fuliyo qorshe si wadajir ah ugu yimid bulshada caasimadda.

Waxa uuna ka codsaday in lagala shaqeeyo laguna garab istaago sidii magaalada Muqdisho uu ula tartan siin lahaa magaalooyinka kale ee dunida.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo dhawaan la wareegay xilka ayaa dardar-gelinaya howlaha shaqo ee loo igmaday, xilli dadka reer Muqdisho ay muujinayaan inay weli maqan tahay kaalintii gobolka.

DF oo Axmed Madoobe si yaab leh ugala wareegtay degmada Baardheere

Baardheere (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay la wareegtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib dadaal dheer oo maalmo ka socday gobolka Gedo, magaaladaas waxaa horay u joogay maamul taabacsan Jubbaland oo ciidamada Itoobiya ay ku difaacayeen.

Shalay ayuu si rasmi ah xilka guddoomiyaha degmada Baardheere ula wareegay Ismaaciil Qorax oo guddoomiyaha gobolka Gedo oo raacay dowladda federaalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ay soo magacaabeen.

Isbedelka maamul ee ka dhacay Baardheere, iyadoo uusan dhiig ku daadan ayey dowladda Soomaaliya la wareegtay, ciidamada Itoobiya oo cadaadis la saaray ayaa ka qeyb qaatay wareejinta magaaladaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa loo cadeeyey in hadii ay hor istaagaan qorshaha dowladda Soomaaliya ee degmada Baardheere, awood ciidan lagu hirgelinayo go’aanka dowladda, waxaana bilowday qorshe lagu kala furfuray maamulkii degmadaas u joogay Axmed Madoobe.

Ciidamada Itoobiya ayaa codsaday in magaaladaas ay sii joogaan, sidoo kale waxay codsadeen in loo dhaafo nin maareeye ka ah garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere, iyagoo balan-qaaday inta kale ee maamulka degmadaas iyo isbedelka lagu sameynayo aysan faragasha doonin.

Dowladda federaalka ayaa ogolaatay dalabkaas, waxaana Baardheere loo diray maamul xilka kala wareega maamulkii hore ee Axmed Madoobe taabacsanaa, waxaana xilka laga qaaday maareeyihii garoonka diyaaradaha maahane masuuliyiintii kale.

Maamulka cusub ayaa si nabad-geliyo ah shalay xilka kula wareegay, waxayna Baardheere sidaas ugu soo gacan gashay dowladda federaalka, taasi oo ka dhigan in gobolka Gedo uu gacanta dowladda soo galay, markii laga reebo degmada Doolow oo xiisad dagaal ay ka taagan tagay, maadaama lagu dagaalamay labo maalmood ka hor.

Maamulkii Axmed Madoobe taabacsanaa ee joogay degmada Baardheere oo careysan ayaa isaga tegay degmadaas, balse Axmed Madoobe wuxuu weli xukumaa Doolow oo madaxweyne ku xigeenkii iyo wasiirkii Amniga Jubbaland ay joogaan, waxaana suurtagal ah in dowladda federaalka ay degmadaas kula wareegto qorshe lamid ah kii ay maanta kula wareegtay Baardheere.

Waa kuma siyaasiga reer Sweden ee u ololeynaya aqoonsiga Somaliland

Stockholm (Caasimada Online) — Mid ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee dalka Sweden ayaa dardar galinaya in uu u ololeeyo sidii loo aqoonsan lahaa jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Markus Wiechel ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X ama hore loo dhihi jiray Twitter wuxuu ku sheegay in halgan uu ugu jiro sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland.

“Halgankii aan u galay dib u ictiraafka Somaliland iyo muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee ay u leedahay u qiridda guushooda ayaan maqaal cusub ku soo qaatay” ayuu qoraalkiisa ku sheegay.

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Sweden doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland ayaa dood kulul ka dhex dhalisay Markus Wiechel oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna (SD) iyo wasiirka arrimaha dibadda Maria Malmer Stenergard.

Wiechel waxa uu wasiirku ku cadaadiyay inay caddeeyso mawqifka Sweden ee Somaliland iyo aqoonsigeeda, isagoo ku dooday in tallaabadan oo kale ay muhiim u tahay istiraatijiyadda juqraafiyeed ee Sweden, gaar ahaan ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku leeyahay Geeska Afrika.

Malmer Stenergard ayaa dhankeeda sheegtay sida ay Sweden uga go’an tahay inay taageerto dimuqraadiyadda Somaliland, balse waxay meesha ka saartay suurtogalnimada inay aqoonsato madax-bannaanideeda, iyadoo ilaalinaysa siyaasadda hadda jirta ee “Soomaaliya oo mid ah”.

Waaa kumaa Markus Wiechel?

Markus Wiechel wuxuu dhashay 15 April 1988 waa siyaasi Iswiidhish ah oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna. Waxa uu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden ka dib markii uu iscasilay Lars Isovaara 29 November 2012.

Markus Wiechel wuxuu ka baxay Dugsiga Sare ee Hickman (Columbia, Missouri) 2007, wuxuuna u guuray waddankiisii ​​Sweden si uu uga barto Adeegyada Bulshada Jaamacadda Linköping laakiin markii dambe wuxuu ka qalin jabiyay culuumta Siyaasadda.

Waa wiil ay dhashay qoraaga Iswiidhishka, ahna khabiir dhanka caafimaadka indhaha Kristina Narfström oo bare ka ah jaamacadda Missouri .

Hadda waxa uu xubin ka yahay Guddiga Arrimaha Dibadda, sidoo kalena waa ku xigeenka Guddiga Arrimaha Midowga Yurub. Wiechel hadda waxa uu qayb ka yahay saddex ergo baarlamaan oo caalami ah:

Wiechel waa gudoomiyaha ururka PACE-delegation wuxuuna hayaa kursiga gudoomiye ku xigeenka golaha.

Madaxda kale ee horey ugu baaqay aqoonsiga Somliland

Ma aha markii ugu horeysay oo siyaasi reer galbeed ah uu ku baaqo in la aqoonsado Somaliland.

Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu aha 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka.

Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan.

Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sano jirsatay.

Sidoo kale waxa jiray siyaasi lagu magacaabo Gavin Williamson oo u dhashay dalka UK oo isna ololeynaya aqoonsiga Somaliland.

Gavin Williamson ayaa bilowgii sanadkii 2022 horgeeyay baarlamaanka UK doodda ku saabsan gooni isu taagga Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu ee Somaliland.

Somaliland waxa ay ku taal meel istiraatiji ah oo ka mid ah caalamka, waxaana loo arkaa inay tahay marin laga galo gacanka cadmeed iyo badda cas, halkaasoo ah meel ay aad isha ugu hayeen quwadaha waaweyn ee dunida.

Isha: BBC

Xogta askar ka tirsan ciidanka xoogga oo AANO QABIIL loogu laayey HirShabelle

0

Ceelbaraf (Caasimada Online) – Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo baxday gobolka Shabeellada Dhexe una socotay gobolka Hiiraan ayaa galabta lagu laayey aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Ilaa 7 askari iyo darawalkii waday gaari ay la socdeen ayaa la dilay, waxaana badbaaday hal askari oo goobta ka baxsaday, sida ay Caasimada Online u sheegeen goobjoogayaal ku sugan Ceelbaraf.

Askarta la laayey ayaa u fasax qaatay inay soo booqdaan reerahoodii oo degan gobolka Hiiraan, basle maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa jidka u galay, kuwaas oo hal goob ku dilay dhamaantood, markii laga reebo hal askari oo si naadir ah ku baxsaday.

Deegaanka uu falkaan ka dhacay ee Ceelbaraf ayaa u dhow xuduudda gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle, halkaas oo muddo dheer ay ka taagneed xiisad colaadeed.

Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa ku dagaalama aaggaas, askarta maanta la laayey ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan beesha Xawaadle, waxaana maleeshiyaadka jidka u galay la aaminsan yahay inay ka soo jeedaan Abgaal.

Xaaladda deegaanka uu falkaan ka dhacay ee Ceelbaraf ayaa caawa aad u kacsan, waxaana aad looga naxay falka ay geysteen maleeshiyaadka jidka u galay askar soo gudatay waajib qaran oo fasax u qaatay inay soo booqdaan reerahoodii.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa loo diray aaggii uu falkaas ka dhacay, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan HirShabeelle ayaa lagu wadaa inay tagaan Ceelbaraf, si la isaga warsado wixii dhacay.

Sidaan oo kale ayaa sanad iyo dhowr bilood ka hor aagga Ceelbaraf loogu laayey askar la socotay gaari shacab, kuwaas oo ka tirsanaa Danab militeriga Soomaaliya, waxaana falkaas looga naxay si lamid ah kan maanta dhacay.

Maleeshiyaadka beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa iska ugaarsada xuduuda labada gobolka, HirShabeelle iyo dowladda federaalka ayaa xal u waayey dagaalka beelahaas, mararka qaar waxaa dhaca dagaallo toos ah oo dad badan ay isaga laayaan.

 

Maamulka gobolka iyo guddiga doorashooyinka oo kulan xasaasi ah yeeshay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha dalka.

Guddigan oo uu hogaaminaayay guddoomiyaha guddigga Cabdikariin Axmed Xasan ayaa waxa uu maamulka gobolka Banaadir usoo bandhigay himilooyinka iyo ahdaafta siyaasadeed oo uu ka leeyahay doorashooyinka dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diirada loogu saaray doorashooyin toos ah oo ka dhaca caasimadda Muqdisho iyo doorka uu maamulka gobolka Banaadir ka qaadanaayo doorashooyinka dowladdaha hoose.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay diyaar garowga maamulka gobolka ee dhinaca wacyigelinta bulshada, ka gacan siinta guddiga ee goobaha diiwaangelinta, goobaha codbixinta, iyo in guddiga laga gacan siiyo dhamaan hanaanka diyaarinta kheyraadka ee doorashada ku qabsoomi karto.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa guddiga u xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa iyo ka mira-dhalinta ajandayaasha iyo qorshaha doorashooyinka dalka, si gobolka Banaadir ay ugu dhacdo doorasho qof iyo cod, taasi oo qeyb ka ah qorshayaashiisa hortabinta u leh, asigoona guddiga u cadeeyay in uu ka taageeri doonno dhinac weliba.

Ugu danbeyn guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha ayaa boogaadiyay hanaanka diyaar-garowga maamulka gobolka Banaadir ee ku aadan in doorasho qof iyo cod ee ka dhacdo caasimada dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddooyinkii ugu danbeeyay ay wadeen la-tashiyo bulsho, kulankaanna uu yahay kii ugu horeeyay oo ay la yeeshaan mid ka mid ah maamulada dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

ITOOBIYA ma ka daacad baa heshiiska Ankara ee Soomaaliya mise?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa u dirtay wafdi si loo sii amba-qaado heshiiskii lagu gaaray magaalada Ankara ee Itoobiya u fasaxayay inay gaarto biyaha Soomaaliya.

Cidda badda raadineysa waa Itoobiya, laakiin cidda safreysa ee tegayda Addis Ababa ee leh hawshii aan dhameyno waa Soomaaliya. Ninka badda raadinaaya ee baahan ayey aheyd inuu ka socod iyo baryo bato kan wax haysta.

Laakiin inay Muqdisho is-xilqaameyso waa faham fudud oo ku siinaya inay weli Itoobiya lug u laaban tahay. Dhowr iyo toban askari oo kamid ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayey isbuucan Itoobiya ku dishay magaalada Doolow.

Dowladda Soomaaliya ayaa arrintaas caro ka muujisay waxayna ku goodisay inay arrintan dhaawici karto heshiiskii Ankara, laakiin wax ficil ah ma raacin.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad oo kamid ahaa wafdigii dowladda Soomaaliya u dirtay Addis Ababa oo isagoo halkaas jooga Doolow lagu laayay ciidankii Soomaaliyeed wuxuu sheegay inay arrintaas kala hadleen Itoobiya, ayna jawaab ka sugayaan, balse jawaabta Itoobiya waxay noqotay gacan saddexaad ayaa arrintaas ka dambeysa.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya jawaabta Itoobiya war kale ma dul saarin, ciidankii qaranka ee la laayay waxaa ku filnaatay gacan saddexaad ayaa arrintaas ka shaqeysay. Waa ficil kale oo Itoobiya ku muujisay in iyada u loo baahan yahay weli.

Ciidamada Itoobiya ayaa sii joogaya Soomaaliya, dhinaca kalena waxaa dhacdadii Doolow ay bixisay in aysan Itoobiya weli joojin fara-gelinteeda arrimaha gudaha Soomaaliya, oo ay xitaa awoodaan inay maamul goboleed la saftaan oo ay ciidanka qaranka laayaan.

Arrintaasna dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wax weyn kama soo qaadin, oo malaha fara-gelintaasi waxay u aragtaa wax aan dhib badneyn.

Haddii aad ogolaatay bad, haddii ciidankaaga leyntiisa ku filnaatay jawaabta gacan saddexaad, haddii weli ay socoto fara-gelinta arrimaha gudaha, haddii cidda wafdiga direysa oo wada-hadalka raadineysa aad adiga tahay macnaheedu waa adiga dan leh, laakiin dhinaca kale weli kuma baahna.

Tani waxay faham hordhac ah ka siineysa natiijada deg-degtii uu Xasan Sheekh ku galay heshiiskii Ankara. Nin ciidankaagii laayay oo aadan waxba ka qaban karin, haddii badsaada soo dagana maxaa ka qaban kartaa berri.

Soomaalida waxay u baahan tahay inay dib iskaga wareysato khatarta mustaqbalka ah ee ku jirta heshiiskii Xasan Sheekh uu ku gaaray magaalada Ankara.

Itoobiya weli dhab kama ahan inay la dhaqanto Soomaaliya dhisan. Sidoo kale hoggaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waa in aysan ku ciyaarin qiimaha Soomaalinimada, oo ay halkooga ku sugaan ciddii dan ka leh, sidoo kalena ay dib u eegaan qiimaha dhiigga ciidanka qaranka oo ay isla xisaabtan dhab ah ka galaan xasuuqii ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Horjooge sare oo laga dilay Al-Shabaab + Shaqada uu qaabilsanaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Horjoogihii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobollada ayaa maanta lagu dilay howl-gal gaar ah, sida ay goordhow shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdiraxmaan) ayaa waxaa lagu khaarajiyay howl-gal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Horjooge Abuu Cabdiraxmaan ayaa kamid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab ee 15-kii sano ee ugu dambeysay.

Ninkan ayaa horjooge kasoo noqday qaybaha ay u yaqaanan zakawaadka ee boobka iyo baadda shacabka iyo qaybta maleeshiyaadka kooxda oo uu soo hoggaamiyay.

Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo markaas si qasab ah ugu biirtay kooxda Al-Shabaab 2009-kii, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahaan iyo horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dowladda sheegtay in dhammaantood la haayo macluumaadkooda oo dhameystiran.

Tallaabadan ayey dowladda sheegtay inay qeyb ka tahay qorshaha dowladda Soomaaliya ee kooxda looga cirib-tirayo deegaannada ay ku hareen, sidoo kalana looga dulqaadayo dhibaatada ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Bayle oo xil sare looga magacaabay xafiiska madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa maanta La-taliye sare u magacaabay wasiirkii hore ee maaliyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa loo magacaabay La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha horumarinta dhaqaalaha, sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland.

Bayle ayaa bartamaha sanadkii hore ee 2023 ku laabtay Somaliland, kadib muddo uu ka shaqeynayay dowladda federaalka Soomaaliya, xilligaasi oo cafis guud u fidiyay madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ninkan siyaasiga ah oo hanti badan ku leh Hargeysa ayaa markaas maray habraaca ay Somaliland u dajisay siyaasiyiinta xilalka ka qabta Soomaaliya, maadaama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Magacaabista Bayle, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa illaa 4 La-taliye oo kale, kuwaasi oo loo magacaabay;

1. Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde – La-taliyaha sare ee madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

2. Cali Maxamed Yuusuf (Guray) – La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada.

3. Baar Siciid Xaaji Faarax – La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha horumarinta haweenka.

4. Xamse Cali Bulbul Ibraahim – La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha warbaahinta.

Xildhibaano ka tirsan BF oo ka horyimid go’aankii u dambeeyay ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si kulul uga hadlay xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland, gaar ahaan xayiraadda duulimaadyada ee la saaray Jubbaland.

Qoraalkan oo ay ku saxiixan yihiin illaa 80 xildhibaan ayaa lagu sheegay in go’aanka hay’adda duulista uu yahay mid ka hor imaanayo qodobbada 61-aad, 69-aad iyo 21-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, kaas oo si cad u damaanad qaadaya xorriyadda isu-socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo waajibaadka hay’adaha dowladda ee ilaalinta xuquuqdaas.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda, laguma wajahay xaaladda Jubbaland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xayiraadda Jubbaland ay saameysay dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood wajahayo xaalado caafimaad, kuna xayiran Kismaayo.

Waxaa kale oo ay xildhibaannadu u digeen hay’adaha iyo madaxda mas’uulka ka ah falalkan, iyagoo ku boorriyay in ay si degdeg ah dib ugu noqdaan amarro iyo ficillo lagu sheegay inay yihiin kuwa sharci-darro ah.

Khilaafka u dhexeeyo dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa gaaray meeshii ugu xumaa, waxaana dowladdu ay hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo iyo deegaano ka mid ah gobolka, kadib dagaalkii dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Eritrea? + Sawirro

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Xasan iyo Afwerki ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya uu laf-dhabar u yahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale waxay si qoto dheer uga wada hadleen ajandayaasha muhiimka ah, sida arrinta badda, gaar ahaan heshiiskii ay Ankara ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay haatan walwal ka muujineyso xuukumadda Asmara.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo madasha ka hadlay ayaa xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gobolka uu iska saaro faragelinta dibadda, “Haddii ay dhacdo, waxaa muhiim ah in gobolku uu wax ka qabto oo uu xalliyo caqabadaha u gaarka ah,” ayuu yiri Afwerki.

Dhanka kale, Isaias Afwerki ayaa ka hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku dhex-maray Soomaaliya, Eritrea iyo Masar, isaga oo shaaca ka qaaday in uusan lahayn ujeeddooyin aasaasi ah oo aan ka ahayn xoojinta xiriirka iskaashi ee saddexda dowladood.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada socda ee lagu xoojinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaasoo muhiim u ah xasilloonida Soomaaliya iyo sidoo kale Geeska Afrika.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay faa’iidooyin wax ku ool ah ka heli karto waaya-aragnimada ballaaran ee Eritrea ee ku aadan iskaashiga cusub.

DDS oo difaacday Liyuu Booliska, weerar culusna ku qaaday Somaliland

0

Jigjiga (Caasimada Online) –  Qoraal kasoo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa looga hadlay xiisadda ka taagan deegaanka Dacawaley oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka.

Maamulka oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan ayaa sheegay  in ciidamadooda ay dagaal la galeen maleeshiyaad ay ku eedeeyeen inay khalkhal-gelinayaan xasilloonida deegaanka.

Sidoo kale wuxuu maamulku sheegay in dagaalkii shalay dhacay lagu soo qaaday ciidankooda, isla markaana mas’uuliyadda wixii dhacay aysan shaqo ku lahayn.

Dowladda Deegaanka Soomaalida oo tixgalinaysa codsi kayimid waxgaradka iyo odayaal-dhaqameedka deegaanka ayaa fursad usiisay cuqaashaas in si nabadgalyo ah xadka looga saaro dablaydaas iyo in  sharciga dib loogu soo dabaalo deegaamadaas. Nasiib daro, dablay oo ka dhaga adaygay soo jeedinta waxgaradka ayaa saaka weerar kusoo qaaday fadhiisimaha ciidanka Booliska Deegaanku ay ku lahaayeen agagaarka tuulada Dacawalay, waxaana ka hortagay ciidanka amaanka deegaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

Dhanka kale, dowlad deegaanka Soomaalida ayaa eedeyn culus u jeedisay Somaliland, waxayna sheegtay in ay jabinayaan daris wamaagga labada maamul, ayna buun buuniyeen dagaalka ka dhacay xadkooda.

Waxaa nasiib darro ah in wasaaradda amniga ee Soomaliland ay si guracan oo kabaxsan daris-wanaaga iyo nidaamka dawliga ah uga faalooto arrimaha ka dhacaya gudaha Deegaanka soomaalida” ayaa mar lale lagu yiri qoraalka.

Somaliland oo dhankeeda ka hadashay dagaalka ayaa ku eedeysay Liyuu Boolis inay xasuuq ka gaysteen Dacawaley, islamarkaana ay dileen dad xoolo dhaqaqto ah, ayna afduubteen odayaal xal raadin u joogay deegaankaasi.

“Xukuumadda waxaa ay cambaaraynaysaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadanaha iyo hanaanka Dawladnimo,” ayaa lagu yiri warka Somaliland ay soo saartay.

Si kastaba, arrintan ayaa muunineyso inay waji cusub yeelaneyso xiisadda ka taagan xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, maadaama colaaddu saameyn ku yeelatay labada maamul ee dariska ah, iyada oo dagaalkii shalay kadib dhaawacyo badan la kala gaarsiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.

Jubbaland oo shaacisay xaalad adag oo ka dhalatay go’aanka DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in xaalad halis ah ay ka dhalatay go’aankii u dambeeyay ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku hakisay duulimaadyadii tegi jiray maamulka.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Cabdirisaaq Sheekh Aadan ayaa sheegay in xayiraada duulimaadyada ee Kismaayo ay ka dhalatay dhibaatooyin bini’adamnimo.

Waxa uu caddeeyay in dad soo rabay inay howlo caafimaad u tegaan Muqdisho ay geeriyoodeen, maadama bukaanada qaar ay u baahnaayeen inay dalka dibadiisa aadaan, maadaama ay adag tahay in diyaarad ka baxda Kismaayo ay tagi karto Nairobi, sidaas darteen ay dadka ku qasban yihiin inay tegaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladdan adag ay taagan tahay muddo maalmo ah oo uu hakad ku jiro duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka bixi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed ayaa dhawaan diyaaradaha ku wargelisay go’aanka in la joojiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Jubbaland oo ay ugu horreyso magaalada Kismaayo.

Hay’adda ayaa go’aankan qiil uga dhigtay sabab la xiriirta kadib markii in maamulka uu Kismaayo ka afduubtay diyaarad ka degtay oo kadib mas’uuliyiin lagu geeyay Doolow.

Maamulka shirkadda Halla Airlines oo war soo saaray ayaa horay dowlad goboleedka Jubbaland ugu eedeeyay in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu maamulka diyaaradda sheegay in maamulka Jubbaland uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow.

Si kastaba, xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland oo u weecatay Gedo ayaa kasii dareysa, iyadoo labada dhinac ay ku dagaalameen degmada Doolow.

Xogta kulan xasaasi ah oo maanta dhex-maraya Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan Somaliland iyo kuwa Itoobiya, oo ay qeyb ka yihiin kuwa ammaanka ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan xasaasi ku dhex-maro xadka labada dhinac.

Xukuumadda Somaliland oo shalay bayaan kasoo saartay weerarkii lagu qaaday shacabka Dacawalay, kaas oo ay ku tilmaamtay xasuuq ay geysteen ciidanka Liyuu Booliska, ayaa dowladda federaalka Itoobiya ku dacweysay ciidankan.

“Dowladda Somaliland iyo dowladda federaalka Itoobiya waxa uu maalinta beri ah wada-hadal ku dhex mari doono xadka labada dowladood,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland oo uu soo saaray wasiirka amniga gudaha ee Somaliland.

Xukuumadda ayaa sheegtay in masuuliyadda wixii ka dhacay Dacawalay ay qaadi doonaan ciidamadii weeraray dadka shacabka iyo odayaashii nabadeynta u tegay halkaasi, oo badankood ay wateen ciidamada Liyuu Booliska, sida ay sheegtay Somaliland.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in Somaliland iyo Itoobiya uga wada-hadlaan xaaladda amni darro ee soo korortay iyo wixii ka dhacay Dacawalay, oo si weyn uga xumaadeen bulshada Soomaaliyeed, maadaama halkaasi uu ka dhacay xasuuq ba’an.

Madaxweynaha maamuulka Soomaalidda ee Itoobiya ayaa dhankiisa xukuumadda Somaliland u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay deegaanka Dacawalay.

Si kastaba, Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay deegaannada u dhow xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, waxaana labada dhinac ay horey uga soo saareen baaqyo nabadeed.

Xogta dhabta ah ee waxa ay wafdiga Soomaaliya ee Addis-Ababa kala hadleen Itoobiya

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa Talaadadii magaalada Addis Ababa ka dhacay wadahadalkii ugu horeeyay ee heerkiisu sarreeyo oo dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya tan iyo markii ay kala saxiixdeen heshiiskii Ankara.

Wafdi wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa dhiggooda Itoobiya kala hadlay sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii Ankara iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen arrimo ay diiradda ku saarayaan sidii loo cusboonaysiin lahaa xiriirkooda ka dib “heshiiska taariikhiga ahaa” ee Ankara.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Mesganu Arga ayaa sheegay in Itoobiya ay si buuxda ugu diyaar garoobayso fulinta heshiiskii Ankara.

“Waxaan ka wada hadalnay sidii aan u dhaqan gelin lahayn heshiiskii Ankara. Waxaan u sheegnay inay Itoobiya diyaar u tahay inay si buuxda u dhaqangeliso heshiiska iyo wadahadallada xiga,” ayuu yiri Mesgaanu.

“Wadahadalkeena waxaan u qaadnay is walaaltinimo ah,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay caan ku yihiin xiriir walaalnimo oo soo jireen ah.

Mustaqbalka labada dal waa in uu ahaado mid isku tiirsan oo midba midka kale uu taageero, ayuu yiri raaciyay

Waxay isla garteen in si wadajir ah looga wada shaqeeyo danta guud iyo maslaxadda guud.

“Labada waddan waxa ay haystaan fursado badan oo isku xiran oo aan la kala saari karin. Looma isticmaali karo si gaar ah. Nabadgelyada Soomaaliya waa amniga Itoobiya.”

“Marka ay Soomaaliya xasilloonaato, Itoobiya way xasiloon tahay. Xasiloonida Itoobiya ayaa muhiim u ah gobolka,” ayuu yiri danjire Mesganu.

“Sidaas darteed, dooddan waxay tilmaantay sidii aan isaga kaashan lahayn si looga faa’ideysto fursadan isku-tiirsanaanta ah, loona xoojin lahaa barwaaqada iyo isku xirnaanta guud ee gobolkan. Wada-hadalladan ayaa kaalin weyn ka gaysanaya arrintan.”

Waxa uu sheegay in wadahadalada noocaan ah ay sii wadi doonaan hagaajinta xiriirka labada dal.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa isna ugu horreyn uga mahad celiyay Itoobiya soo dhaweynta loo sameeyay.

Mas’uulkan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ahayn wax la kala dooran karo balse ay waajib tahay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay xoojiyaan xiriirkooda.

Waxa uu sheegay in ay sameynayaan wax walba oo ay uga bixi karaan dhibaatada ka dhex taagan labada dal.

“Suurtagal maaha in la kala garto qofka Itoobiyaanka ah ama kan Soomaaliga ah ee ka mid ah kuwa i hor fadhiya. Waa inta aan isku xirnahay,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin sabab ay Itoobiya iyo Soomaaliya dhibaato uga dhex taagnaato.

“11-kii bilood ee la soo dhaafay waxay noo ahayd waqti adag. Waxaan ku qaadanay waqti badan wax aan macno lahayn. Waxa kale oo aanu ku qasbanaan doonaa in aanu la tacaalno dhibaatooyinkii ina soo maray 11-kii bilood ee ina dhaafay. Waxaan u baahanahay inaan si adag arrintan uga shaqayno,” ayuu yiri.

Cali Balcad ayaa sheegay in laga wada hadlay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka xumaaday ee labada dal.

“Waxaan wada hadal miro dhal ah la galnay walaalkay Mesganu. Waxaan sii wadi doonaa inaan ka wada hadalno mustaqbalka. Waxaan rajeynayaa inay dhawaan imaan doonaan Soomaaliya, waana sii wadi doonnaa wadahadalladayada,” ayuu raaciyay hadalkiisa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay heystaan fursado badan oo ay isaga kaashan karaan xoojinta xiriirkooda.

“Dhinacayaga, waxaanu ku lug leenahay xiriirka ganacsi ee Bariga Afrika. Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa soo maray dhacdooyin naxdin leh oo taariikhda galay. Hadda waa waqtigii caqabadahaas laga gudbi lahaa oo hore loo socon lahaa.”

Isagoo tixraacaya dekeddaha hodanka ah ee Soomaaliya iyo fursadaha ganacsi ee baaxadda leh ee Itoobiya ka jira, ayaa Cali Balcad wuxuu yiri, “Soomaaliya waxay aad u daneyneysaa inay noqoto goob ganacsi.”

“Si kastaba ha ahaatee, waxaa wax badan lagu fahmi doonaa inta lagu jiro wadahadallada farsamada ee horey loogu soconayo. Imika waxaanu diyaarinay sidii aanu u wada shaqayn lahayn iyada oo aan cid saddexaadi na soo dhex galin,” ayuu yiri.

Heshiiskii Ankara ayaa dhigaya in Itoobiya iyo Soomaaliya ay xoojiyaan xiriirkooda, kana shaqeeyaan isdhexgalka gobolka.

Itoobiya ayaa muddo bilooyin ah ku jirtay dhibaato ka dib markii ay heshiis la gashay Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Soomaaliya oo ku eedaysay Itoobiya inay ku xad-gudubtay madax-banaanideeda Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka ku cadaadisay in la baabi’iyo heshiiskaas.

Itoobiya waxa ay sheegtay in aanay doonayn in ay dhibaato u geysato dal, balse ay doonayso in abuurto fursado horumarineed.

Xiisadda u dhaxeysay bilihii lasoo dhaafay labada dal ayaa waxaa lagu xaliyay todobaadyo ka hor isku dayo isdaba joog ahaa oo uu sameeyay Turkigu.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska Ankara kala saxiixday, iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu arrintaa ka shaqeeyay.

Soomaaliya ayaa wafdigii ugu horeeyay u dirtay Itoobiya tan iyo heshiiskaas.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay weerar ku qaadeen ciidamadooda ku sugan degmada Doolow Axaddii la soo dhaafay.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa weerarka naxdinta leh ee ay geysteen ciidamada Itoobiya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay fiidnimadii Axadda.

Warsaxaafadeedka ayaa soo baxay saacado kadib markii la sheegay in wasiiro dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu u socdaalay magaalada Adis Ababa si horey loogu sii wado u heshiiskii Ankara.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay galabnimadii Talaadada ku sheegtay in ay aad uga naxday qoraalkii ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya December 23/2024 ee lagu eedeeyay Itoobiya in ciidamadeedu ay weerareen kuwa Soomaali ah.

Axmed Madoobe oo dib u soo nooleynaya Ahlu Sunnadii gobolka Gedo + Qorshaha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dib boorka uga jafaya Ahlu Sunnadii Gobolka Gedo, xilligan oo maamulkiisu ay xiisad kala dhaxeyso Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa 17-kii bishan waxa uu Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi) u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Gedo, isagoo markaasi bedelaya Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) oo ka horyimid dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland.

Al-Qaadi oo ka tirsanaa Saraakiishii Ahlu Sunna ee gobolkaasi ayaa waxay magacaabiddiisu ahayd mid uu Hoggaamiyaha Jubbaland ku soo nooleynayo doorkii Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolka.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa la xusuustaa in sanadkii 2011 ay gacan weyn ka gaysteen hawlgaladii ay Ciidamada Dowladda ku xoreeyeen Degmooyinka Luuq, Beled Xaawo iyo Garbahaarey oo Xarunta Gobolka Gedo ah, waxay sidoo kale ka qayb qaataan hawlgalo la isugu furay isu socodka waddooyinka ee degmooyinka gobolkaasi qaarkood.

Saamaynta Ahlu Sunnada Gobolka Gedo ayaa yaraatay ka dib markii la dhisay Dowlad Goboleedka Jubbaland sanadkii 2013, waxayna kaalinteedii gobolka ay meesha ka baxday ka dib geerida Hoggaamiyihii Ahlu Sunnada Gobolada Koonfureed, Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw Libaax), kaas oo bishii June ee sanadkii 2017 u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Saldhigga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Markii ugu dambeysay ee la arko hawlgal ay ka qayb qaadanayaan Xoogaga Ahlu Sunna wuxuu ahaa hawlgalkii ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee la oran jiray AMISOM ay bishii July ee sanadkii 2015 maleeshiyada Al-Shabaab kaga saareen Degmada Baardheere. Tan iyo xilligaasi xoogagan ayaan lagu arkin furimaha hore ee Gedo, sababtu tahay Jubbaland oo ka shaqeysay in la kala diro, in yar oo ka mid ah mooyee oo ciidamada lagu soo biiriyay.

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gedo oo Isniintii gaaray Degmada Doolow oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku dagaalameen ayaa u gacan haatinaya Xoogagii Ahlu Sunna ee ku midoobay la dagaalanka Al Shabaab.

Al-Qaadi iyo Axmed Madoobe waxay labaduba fahamsan yihiin in xerta Ahlu Sunna ay gacan ka gaysan karaan difaaca maamulka, haddii qalabka ay u baahan yihiin la siiyo.

Xerta Ahlu Sunna ayaa la filayaa in qaybtoodii ugu horreysa ay saacadaha soo socda ay gaaraan Degmada Doolow, iyagoo isaga kala imanaya deegaanada gobolka.

Xertan oo la sheegayo in qaab beeleed loo soo abaabulay ayaa waxay qayb ka noqon doonaan ilaalada Gudoomiye Al-Qaadi iyo Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Al Qaadi uu maalmahaanba la xiriirayay xerta iyo odayaasha beelaha gobolka qaarkood, isagoo u sheegaya in la joogo waqtigii Ahlu Sunnada Gedo ay dib uga soo muuqan lahayd fagaareyaasha Jubbaland.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa inoo sheegay in Jubbaland ay u muuqato mid ka faa’iideysanaysa wax aysan Dowladda Federaalka ku baraarugsaneyn.

Saraakiishan oo codsaday inaanan magacooda Warbaahinta loo adeegsan ayaa ku waramaya in haddii xoogagan ay la soo saftaan Jubbaland ay dhibaato ku noqon karto Dowladda Federaalka, inta ay xiisaddan taagan tahay, maadaama ay dowladdu waddo qorshe ay si ku-meel-gaar ah gobolka uga jareyso Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa waxaa la sheegaa in aanu jecleyn Xoogaga Ahlu Sunna, waana sababta uu markii hore u kala diray, balse uu iminka u door bidayo xaaladda haysata, isla-markaana uu mudnaan siinayo dagaalka la sheego in ay ku wanaagsan yihiin.

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa bishii October isku khilaafay arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana uu khilaafkoodu uu cirka isku shareeray bishii ina dhaaftay November, ka dib markii Jubbaland ay ku adkeysatay inay aadeyso doorasho dadban.

Dowladda Federaalka ayaa sharci darro ku tilmaamtay doorashadii 25-kii November ka dhacday Magaalada Kismaayo ee ay Xildhibaanada Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland ay markii saddexaad Axmed Madoobe ugu soo doorteen Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre waxay si isku mid ah ay u sheegeen in doorashadaasi ay liddi ku tahay qorshihii dalka loogu jiheynayay doorasho qof iyo cod ah.

Khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac oo gacan ka hadal isku bedelay ayaa si weyn looga dareemay dalka, waana waxa ay dadku ugu hadal haynta badan yihiin.

Saxafiiyiin iyo dad kale oo lagu dilay duqeyn ka dhacday GAZA

Gaza (Caasimada Online) –  Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay, in ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqeymo ay ciidamada Isra’il aroornimadi hore ee Khamiista maanta ah ku garaaveen Gaza.

Shan ka mid ah dadka ayaa lagu dilay madfac lagu dhuftay guri ku yaalla xaafadda Zeytuun ee magaalada Gaza, sidaasi waxaa xaqiijiyay ilo-wareedyada caafimaadka. Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaasi ka badato.

Weerar kale ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay shan saxafi kaddib marki madfac lagu bartilmaameedsaday baabuur ay saarreeyeen oo ku sugnaa xarunta Isbitaalka Al Cawda ee xerada qaxootiga Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Wariyaasha ayaa u shaqeynayay telafishanka Al Qudus Al Yowm.

Warbaahinta Falastiiniyiinta iyo wariyaasha maxalliga ah ayaa sheegay, in baabuurka saxafiyiinta lagu dilay uu watay calaamadda lagu garto warbaahinta iyo wariyaasha. Wariyaasha la dilay ayaa warar kasoo tabinayay xaaladda isbitaalka iyo xerada Nuseyrat,

Ma jirto war war ah oo arrintaasi ku saabsan oo kasoo baxay ciidamada Isra’il.
Arbacadii shalayna, Xamaas iyo Isra’il ayaa midbo midka kale ku eedeeyay dib u dhac kale oo ku yimid heshiiska laga rajo qabay in labada dhinac ay ku gaaraan xabad-joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo in lasii daayo la heystayaasha ku afduuban Gaza.

Xog: Soomaaliya iyo Itoobiya oo dagaal qarka u saaran iyo ciidanka DF oo ku go’doonsan…

0

Doolow (Caasimada Online) – Saleebaan Aadan Shiiqaalow waa Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ugu magacaaban degmada Doolow ee gobolka Gedo, waa sarkaalkii maalmo ka hor hoggaaminayey dagaalkii ka dhacay degmadaas ee u dhaceeyey ciidamada qaranka oo dhinac ah iyo ciidamada Jubaland oo garabsanaya kuwa Itoobiya.

Xogta ninkaan ayaa isisoo tareysa, Shiiqaalow ayaa la xaqiijiyey in weli uu ku sugan yahay degmada Doolow, isaga iyo ciidamo tiro yar oo uu hoggaaminayo ayaa weli ku sugan ciidamada qaranka ee degmada Doolow, inkastoo lagu go’doomiyey halkaas.

Ciidamada Itoobiya iyo maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in muddo dheer ay gorgorinayeen sarkaalkaan, waxaana loo soo bandhigay lacag badan inuu qaato, kuna dhawaaqo in dowladda federaalka ay ku soo duushay Jubbaland, isla markaana u soo wareego dhanka Jubbaland.

Shiiqaalow ayaa diiday dalabkaas uga yimid Jubbaland iyo Itoobiya, mar kale ayaa loogu hanjabay dil iyo weerar, iyadoo laga dalbaday in Doolow uu isaga tago, balse wuxuu u cadeeyey inuu iska difaaci doono oo degmada ay geysay dowladda Soomaaliya uusan ka carari doonin.

Mar kale ayaa la sheegay in loo soo diray odayaasha dhaqanka degmada Doolow oo ka codsaday Taliye Shiiqaalow iyo askartiisa inay isaga tagaan magaalada, maadaama hadii dagaal dhaco laga awood badan yahay oo naftooda ay khatar ku jirto, balse sarkaalkaan qaran iyo ciidankiisa waxay ku adkeysteen in shaqada ay u dirtay dowladda Soomaaliya iyo difaaca degmada Doolow aysan meel cidlo ah uga tegi doonin.

Intaas kadib, labo maalmood ka hor waxay Itoobiyaanka iyo Jubbaland oo is garabsanaya weerareen seddax saldhig oo Doolow ay ku leeyihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid, waxayna halkaas kala kulmeen wax aysan ka maleysaneen ciidanka Qaranka, maadaama ay tiro ka yar 50 askari ku joogeen Doolow.

Ugu yaraan 10 askari oo Itoobiyaan ah iyo qaar kamid ah ciidamo tiro yar oo Jubbaland ka joogay Doolow ayaa lagu dilay dagaalkaas, halka dowladda Soomaaliya laga dilay 3 askari oo kala ahaa labo NISA ah iyo hal Boolis ah.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ayaa ku jabay dagaalkaas, ciidamada qaranka Soomaaliya oo lagu qaaday weerar gardarro ah ayaa weli ku sugan saldhigyadooda Doolow, sidoo kale 7 askari oo laga dhaawacay ciidamada qaranka ayaa shalay galab diyaarad Militeri looga soo qaaday degmada Beledxaawo.

Ciidamada Itoobiya ayaa isku hareereeyey saldhigyada ay joogaan ciidamada Soomaaliya ee Doolow, waxayna ku go’doomiyeen halkaas, iyagoo ka dalbanaya inay is dhiibaan, balse ciidamada qaranka ee Taliye Shiiqaalow uu hoggaaminayo ayaa ku adkeystay in aysan is dhiibi doonin oo jihaad xaq ah ay ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa weysay fursad ay ugu gurmato ciidankaas, balse waxaa laga war sugayaa wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya uga socda Addis Ababa oo loo diray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Dowladda Soomaaliya oo ciidankeedii lagu go’doomiyey Doolow ayaa ka fekereysa inay u bareerto dagaal toos ah oo ciidamada Itoobiya ay ku qaado, hadii xal looga waayo wadahallada Addis Ababa ka socda, si loo badbaadiyo ciidanka qaranka ee ku go’doonsan degmadaas, loona difaaco dalka.