25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Maamulka Puntland oo si adag u beeniyay…

0

Eyl (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in falal burcad-badeednimo ay ka dhaceen xeebaha Eyl ee gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha degmada Eyl, Faysal Khaliif Waceys ayaa sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay soo tabiyeen warbaahino gudaha iyo dibadda ah oo aan xaqiiqo ku dhisnayn, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhacdadii ugu dambeysay ee lala xiriiriyay burcad-badeed Soomaaliyeed oo la sheegay inay la wareegeen markab lagu magacaabo Hellas Aphrodite uusan ka dhicin gudaha degmada Eyl iyo nawaaxigeeda, taasna ay si fiican u og yihiin hay’adaha amniga.

Sidoo kale, Faysal Khaliif ayaa xaqiijiyay in xaaladda amni ee Eyl ay tahay mid degan, isla markaana aanay suurtagal ahayn in halkaas laga abaabulo falal noocaas ah.

Wuxuu intaas ku daray in degmada ay si joogto ah u soo booqdaan dalxiisayaal Soomaali iyo ajaanib ah, kuwaas oo si nabad ah ugu nasto uguna damaashaada xeebaha magaalada.

Hadalkan ayaa imanaya xilli koox Soomaali ah ay qabsadeen markabka Hellas Aphrodite, kaasi oo markii dambe isaga degeen kadib markii ay ku guul-darreysteen inay furaan albaabada ay isku xireen 24 shaqaale ah oo markabka la socday, kuwaas oo isku soo xiray qolal amni ah.

Mid ka mid ah kooxda ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay rasaas ay isku dayayeen inay ku furaan albaabada qolalka ay isku xireen shaqaalaha, taas oo dib ugu soo laabatay dhankooda.

Howl-galka Atlanta ee ka hortagga weerarrada burcad-badeedda ayaa sidoo kale xaqiijiyay in kooxda markabka qabsatay ay isaga degeen si iskood ah, ayna badqabaan dhammaan shaqaalaha markabka Hellas Aphrodite.

Markabka ay kooxdu isaga degtay, oo ku safrayay calanka jasiiradda Malta ayaa siday shidaal uu ka soo qaaday Hindiya, wuxuuna u waday dalka Koonfur Afrika. Weerarka ayaa dhacay xilli uu markabku marayay meel qiyaastii 1,000KM u jirta xeebaha Soomaaliya.

Goobtan ayaa hore loogu diiwaangelin weerarro noocan oo kale ah, maadaama ay aad uga fog tahay biyaha Soomaaliya oo la tixgeliyo inay khatar yihiin. Dhacdadii ugu dambeysay ee la barbar dhigi karo ee markab la koray oo gobolka ka dhacday waxay ahayd bishii May 2024, markaasoo burcad-badeed la tuhunsan yahay ay koreen markabka Basilisk ee sita calanka Liberia, oo joogay meel qiyaastii 380 mayl-badeed bari ka xigta Muqdisho.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, dhacdadii ugu horreysay ee lala xiriiriyo burcad-badeed Soomaali ah oo nooceeda ah tan iyo 2024, ayaa dabley hubeysan waxay weerareen booyad ganacsi oo ku sugnayd meel ka baxsan xeebta u dhow caasimadda Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kaddib markii ay isku dayeen inay koraan, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah.

Ilo ku xeel dheer amniga badda ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay toddobaadkaas sidoo kale la wareegeen doon kalluumeysi oo Iiraan ay leedahay si ay ugu isticmaalaan ‘hooyo-markab’ (mothership) ay ka soo qaadaan weerarrada.

Afduubkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay bishii Diseembar 2023, markaasoo markabka Ruen ee sitay calanka Malta ay dabley qabsadeen kuna kaxaysteen xeebaha Soomaaliya, ka hor inta aysan ciidamada badda ee Hindiya xoreyn shaqaalihii isla markaana aysan xirin kooxdii weerarka geysatay.

Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ayaa ahaa kuwo aan si weyn u firfircoonayn sannadihii la soo dhaafay, kaddib markii ay hore khatar weyn ugu hayeen agagaarka Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Maxaa ka fulay ballanqaadkii madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo xileedkiisa labaad ballan-qaaday inuu shaqaaleysiin doono 10,000 (toban kun) oo macallimiin Soomaaliyeed ah.

Ilaa hadda, waxaa si rasmi ah loo shaqaaleysiiyay 6,000 oo macallin, taas oo saamayn muuqata ku yeelatay tayada iyo guud ahaan xaaladda waxbarashada dalka, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay qorsheysan tahay in macallimiinta soo haray dhawaan la qaato, si loo dhameystiro ballan-qaadkaas muhiimka ah ee lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada.

Macallimiinta la qaatay illaa hadda, waxaa 70% ka ahaa ragga, halka 30% ay ahaayeen gabdho, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Wasiirka ayaa sheegay in isbeddel xagga boqolleyda ah ee gabdhaha iyo tirada ay ka qayb-galayaan macallimiinta uu haatan si weyn uga badan doono kii hore.

“Macallimiinta aan qaadannay, gabdhuhu 30% ayay ka ahaayeen; kuwa la qaadan doonana 50% ayay ka noqon doonaan,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay soo dhowdahay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar, taas oo la filayo in si ballaaran looga xuso dalka oo dhan.

Xuska munaasabaddan ayaa kusoo aadaya xilli ay sanadkan muuqdaan isbeddello togan oo la taaban karo oo lagu sameeyay xaaladda macallimiinta Soomaaliyeed, isla markaana ay Wasaaradda Waxbarashada dadaal badan gelisay sidii ay wax uga qaban lahayd duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan.

BANKIGA DHEXE ee oo shati siiyay 7 shirkadood oo bixiya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii u horeysay shati-siiyay 7 shirkadood oo bixiya maalgelimaha yar-yar ee aan dhigaalka qaban, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadda dalka.

Go’aanka shati siinta shirkadahaan ayaa yimid kadib dib-u-eegis lagu sameeyay sharciga hay’adaha maaliyaddda ee May 2025, isla markaana la meel-mariyey xeernidaamiyaha shati siinta hay’adaha bixiya amaahda yar-yar ee aan dhigaalka qaadan.

Isbeddelladan ayaa qayb ka ah hindisaha ballaaran ee lagu xoojinayo maamulka iyo hufnaanta nidaam maaliyadeedka dalka, sarena loogu qaadayo ilaalinta macaamiisha, isla markaana lagu ballaarinayo helitaanka adeegyada maaliyadeed oo loo dhan yahay.

Shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar ayuu Bankigu sheegay inay door muhiim ah ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka, iyagoo suurta-gelinaya in qoysaska Soomaaliyeed, ganacsatada yar-yar, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada oo aan weli qeyb ka ahayn nidaamka bangiyada rasmiga ah, oo hadda tiirsan kaalmo qoys ama deyn ganacsi oo wakhtigeedu gaaban yahay ay helaan maalgelin maaliyadeed.

Si kastaba, shati-bixintan ayaa waxay shirkadaha fursad u siinaysaa inay bixiyaan adeegyo maaliyadeed oo waafaqan shareecada Islaamka, isla markaana fudud, oo u adeegaya bulshada aan si buuxda uga faa’iideysan nidaamka bangiyada ganacsiga.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Bankiga Dhexe oo dhameystiran:

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku wargelinayaa dhammaan dadka iyo ganacsatada Soomaaliyeed, in uu ansixiyay shatisiintii ugu horreeyay ee shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar ee aan dhigaalka qaban, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadda dalka, waxaana ilaa hadda shatiga qaatay todoba (7) shirkadood.

Shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar, ee uu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya shatiga siiyey, ka dib markii ay soo buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa, waxay kala yihiin:

1. KIMS Microfinance Institution
2. Bushra Microfinance Ltd
3. Maal Microfinance Ltd
4. Midnimo Microfinance
5. RAAS Microfinance
6. Asal Microfinance
7. Haldoor Microfinance

Go’aanka shati-siinta shirkadahaan ayaa yimid kadib dib-u-eegistii lagu sameeyay Sharciga Hay’adaha Maaliyaddda (Financial Institutions Law) ee May 2025, isla-markaana la meel-mariyey Xeernidaamiyaha Shati-siinta Hay’adaha Bixiiya Amaahda Yar-yar ee aan Dhigaalaka Qaadan (Licensing Regulation for Non-Deposit-Taking MFIs).

Xeerarka sare ku xusan waxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya siinayaan waajibaad sharci oo uu ku kor-joogteeyo shirkadahaas.

Isbeddelladan waxay qayb ka yihiin hindisaha ballaaran ee ku xoojinayo maamulka iyo hufnaanta nidaam maaliyadeedka dalka, sarana loogu qaadayo ilaalinta macaamiisha, isla markaana lagu ballaarinayo helitaanka adeegyada maaliyadeed oo loo dhan yahay.

Shirkadaha Bixiya Maalgelimaha Yar-yar waxay door muhiim ah ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka, waxeyna suurtagelinayaan in qoysaska Soomaaliyeed, ganacsatada yar-yar, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada oo aan weli qeyb ka ahayn nidaamka bangiyada rasmiga ah, oo hadda tiirsan kaalmo qoys, ama deyn ganacsi oo wakhtigeedu gaaban yahay ay helaan maalgelin maaliyadeed.

Sidaasi darteed, shati-bixintani waxay shirkadaha fursad u siinaysaa inay bixiyaan adeegyo maaliyadeed oo waafaqan Shareecada Islaamka, isla-markaana fudud, oo lana heli karo, una adeegaya bulshada aan si buuxda uga faa’iideysan nidaamka bangiyada ganacsiga.

Sidoo kale, shati-bixintani waxay dhiirrigelinaysaa shaqo-abuurka dadka iskood u shaqeysta (self-employment), kobcinaysaa ganacsiyada yaryar, taageereysaa qoysaska dakhligoodu hooseeyo, sidaas darteedna waxay qeyb ka tahay dedaalka loogu jiro yareynta saboolnimada iyo sare u qaadista koboca dhaqaalaha dalka.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, oo tilmaamaya muhimadda uu leeyahay arrinkani ayaa yiri: “Shati-siinta kooxdii ugu horreysay ee shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar ee dalka, waa dhacdo taariikhi ah taas oo muujineysa horumarka muuqda oo uu gaaray nidaamka maaliyadeed ee dalka.”

“Sidoo kale waxey tusaale u tahay ballanqaadka Bankiga Dhexe ee ku aaddan dhisidda nidaam maaliyadeed oo loo dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, si loo kordhiyo fursadaha adeegga maaliyadeed ay heli keraan shacabka Soomaaliyeed.”

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu sii wadi doonaa la-socodka iyo kormeerka guud ee shirkadaha maaligelimaha yar-yar, wuxuuna soo saari doonaa tilmaamo kormeer oo dheeraad ah marka loo baahdo, isla markaana wuxuu la shaqeyn doonaa daneeyeyaasha oo dhan, si loo xoojiyo xirfadaha shirkadaha shatiga qaatay.


Fiiro Gaar ah:

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku wargelinayaa shirkadaha Bixiya Maalgelinta Yar-yar ee dalka ka howlgala ee aan weli soo dalban shati, inay degdeg usoo gudbiyaan codsiyada shatiga ugu dambayn 6-da Diseembar 2025.

Shirkaddii aan kusoo gudbin codsigooda shatiga muddada loo qabtay, waxay ku xad-gudbeysaa Sharciga Hay’adaha Maaliyadeed iyo Xeernidaamiyaha Shati-siinta Hay’adaha Bixiya Maalgelimaha Yar-yar, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka.

Dhammaad

Farmaajo oo la shaaciyay inuu 3 qodob u yimid Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib muddo uu ku maqnaa dibadda.

Xafiiska Warfaafinta ee Farmaajo ayaa shaaciyay in imaatinka madaxweynihii hore uu la xiriiro saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

  1. Xoojinta dadaallada heer qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed.
  2. Qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.
  3. Adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn.

“Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safarro gaar ah oo uu ku tagay dalal dibadda ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee madaxweynihii hore.

Farmaajo ayaa maalmaha soo socda kulammo wadatashi oo gaar-gaar ah ka bilaabi doona magaalada Muqdisho, sida uu sheegay xafiiskiisa warfaafinta.

Kulamada wadatashi ayaa la sheegay inay diiradda saari doonaan xaaladda dalka iyo duruufaha ay la daalaa-dhacayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo madaxweynihii hore Farmaajo la qaadan doono hormuudka siyaasadda, mas’uuliyiin iyo haldoorka bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa u muuqanaysa inay haatan galeyso marxalad cusub, waxaana kusoo qulqulaya siyaasiyiintii ugu badnaa oo jilib culus ah, kuwaas oo u hanqal taagaya qabashada xilka madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale la dhisay ururro iyo isbahaysiyo cusub, si ay loolan ugu galaan madaxda Villa Soomaaliya iyo kuwa maamullada, oo iyaguna sameystay hal xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin.

Golaha shacabka Soomaaliya oo maanta xilka u dhaariyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn, Xildhihaan Cali Xaaji Daahir oo ah Guddoomiyaha Guddiyada Garsoorka Caddaaladda Awqaafta iyo Arimaha Diiinta ee Golaha Shacabka ayaa kulanka guddiga joogtada ku dhaariyey wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Maryan Cali Abuukar oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga joogtada ayaa ka dooday Ajendayaasha kulamada guud ee golaha shacabka todobaadka soo socda iyo guud ahaan shuruucda golaha horutebinta u leh kalfadhiga todobaad.

Xubnaha guddiga ayaa hab gacantaag ah ku ansixiyeen Ajendayaasha gole weynaha looga doodi doono todobaadka soo socda.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay dardar-gelinta howlaha horyaala golaha kalfadhiga todobaad.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Isniintii Marwo Maryan Cali Abuukar u magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maryan xilkan u magacaabay kadib markii uu arkay khibradda, waayo-aragnimada iyo howsha baaxadda leh ee hortaalla Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

KENYA oo loo doortay kursigii ay Soomaaliya ku lahayd…

0

Hague (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa kusoo baxday kursigii ay Soomaaliya ku lahayd Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ, kaas oo uu horay isaga casilay Garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf.

Jagadan ayaa waxaa Arbacadii loo doortay Qareen Kenyan ah oo lagu magacaabo Phoebe Okowa, taas oo buuxin doonto booskii Garsoore Cabdulqawi.

Okowa, ayaa lagu doortay cod qarsoodi ah, iyada oo la tartantay saddex musharax oo ay ugu dambeyn ka guuleysatay, kadib afar wareeg oo la’isla gaaray.

Haweeneydan ayaa shaqada sii wadi doonto, inta ka dhiman muddo-xileedkii Cabdulqawi Yusuf, taasoo dhammaaneysa marka la gaaro 5-ta bisha Febraayo ee 2027.

Phoebe Okowa, waa qareen iyo borofisar ku takhasustay sharciga caalamiga ah ee dadweynaha kana dhiga jaamacadda Queen Mary ee London, waxay sidoo kale tan iyo sannadkii 2023 xubin ka ahayd Guddiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Caalamiga ah (UN International Law Commission).

Garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf ee shaqada ka tegay ayaa si rasmi ah kursiga u banneeyay 30-kii Sebtembar 2025, isaga oo xilligaas ku dhawaaqay inuu ka tagay xilka xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ), kadib bayaan uu soo saaray

“Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf wuxuu iska casilayaa xilka Xubinimada Maxkamadda laga bilaabo 30 September 2025.” ayuu ku yiri bayaanka uu soo saaray.

Garsoore Cabdulqawi ayaa markii ugu horreysay loo doortay ICJ 6-da Febraayo 2009, waxaana dib loo doortay sannadkii 2018.

Wuxuu sidoo kale soo noqday Madaxweyne ku-xigeenka Maxkamadda intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2018, kaddibna wuxuu noqday Madaxweynaha Maxkamadda intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2021—wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee xilkan qabta, sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa dhawrka qof ee Afrikaanka ah ee xilka madaxnimo maray.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiisyo is-afgarad ah, una dhexeeyo Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib kulankoodii todobaadlaha ahaa oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa si buuxda loogu meelmariyay heshiisyo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka.

Heshiisyadan isfgarad ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada ayaa ah kuwa muhiim ah oo ay faa’iido ugu jirta labada dhinac, gaar ahaan dhanka iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey Heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka ee labada dal” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa warbixinno la xiriira ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu weheliyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Asad Diyaano iyo Macallin Mahdi ayaa warbixinnadooda kusoo bandhigay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka golaha deegaanka gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.

Dhankooda Golaha Wasiirrada ayaa si wayn u boggaadiyay guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo shirka Golaha Wasiirrada lagu cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacab birma-geydo ah, iyada oo Xukuumaddu ay fartay hey’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas xadgudubka ah.

Farmaajo oo maanta ka soo degay Muqdisho + Qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qay-bgalay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay Madaxweyne hore ee Farmaajo.

Soo laabashada Farmaajo ayaa horay loo sii oogaa, waxaana soo dhaweyntiisa loo xil-saaray guddi gaar ah, si loo maamuso, maadaama uu dalka ka maqnaa muddo laba sano ah.

Farmaajo oo in muddo ah dibad joog ahaa ayaa ayaa soo laabashadiisa waxay dhalisay hadal heyn xooggan, iyada oo siyaabo kala duwan looga falceliyay dhanka baraha bulshada ee Internetka.

Sidoo kale, imaashaha madaxweynihii hore ee dalka ayaa la xiriirta soo guryo noqosho iyo arrimaha siyaasadda, maadaama la galayo doorashooyin adag oo dhawaan bilaaban doono.

Magaalada Muqdisho ayaa u muuqaneyso in haatan ay galeyso marxalad cusub, waxaana kusoo qulqulaya siyaasiyiintii ugu badneyd oo jilib culus ah, kuwaas oo u hanqal taagaya qabashada xilka madaxweynaha.

Waxaa kale oo jirta in la dhisay ururradii ugu badnaa iyo isbahaysiyo cusub, si ay loolan adag ula galaan madaxda Villa Soomaaliya iyo kuwa maamullada oo iyana sameystay hal xisbi wayn oo ay ku mideysan yihiin.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana la’isku hayaa doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay qorsheyneyso Villa Soomaaliya, ayna diidan yihiin mucaaradka iyo labada dowlad-goboleed ee Jubbaland iyo Puntland.

War cusub oo kasoo kordhay doorashada gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda si guud diyaar-garow ku aadan doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo in dhawaan ay ka bilowgaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qaadanaya doorka kaga aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ayaa qabtay shir looga hadlayo amniga iyo u diyaar garowga doorashada golaha deegaanka ee caasimada.

Shirka oo uu guddoomiyay taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa waxaa ka soo qeyb-galay saraakiisha Booliska ee ka howl-gasha caasimadda, si la’isaga xog wareysto arrimaha amniga.

“Shirka waxaa lagu lafa-guray xoojinta amniga Muqdisho iyo diyaar garowga doorashada deegaanka ee soo socota” ayaa lagu warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Soomaaliyeed.

Macallin Mahdi oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale saraakiisha faray inay si buuxda ugu diyaar garoobaan sugidda amniga goobaha doorashada, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, gaar ahaan dadka nugul si loo xoojiyo xiriirka dhow ee u dhexeeya Booliska iyo shacabka.

Dhawaan ayaa qorshuhu yahay in la bilaabo doorashada, waxaana qaban qaabadii ugu dambeysay wada guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo bixin doono kaararka cod-bixinta oo la siinayo dadka is-diiwaangeliyay.

Waxaa kale oo bilowday ololaha doorashooyinka, waxaan maalin kahor bandhig wayn caasimada ka sameeyay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xisbiga uu ku dhawaaqay in guddoomiye Muungaab uu yahay musharaxooda gobolka Banaadir, inkastoo arrintaas uu dood culus ka keenay guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Madaale oo isna xubin ka ah xisbiga.

Si kastaba, arrintan ayaa imaaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga soo horjeedo hannaanka loo maray dhismaha guddiga doorashooyinka.

Fadeexadda Jeffrey Epstein oo lugaha la gashay Trump

Washington (Caasimada Onlien) – Jeffrey Epstein ayaa tilmaamay in Donald Trump uu ogaa tacaddiyadii uu geystay maalqabeenkaas sumcadda xun, uuna “saacado” la qaatay mid ka mid ah dhibbanayaashii ku sugnaa gurigiisa, sida lagu sheegay farriimo email ah oo ay Dimoqraadiyiintu soo bandhigeen Arbacadii.

Trump ayaa marar badan beeniyay inuu wax ka ogaa falalkii ka ganacsiga galmada ee saaxiibkiisii hore – kaasoo is-dilay 2019-kii isagoo xabsi ku jira oo maxkamadeyn sugayay — wuxuuna ku eedeeyay Dimoqraadiyiinta inay isku dayayaan inay “meel kale u weeciyaan” fashilkooda.

Laakiin fadeexaddan ayaa ku adkaatay Trump inuu iska fogeeyo, waxaana Dimoqraadiyiinta ka tirsan Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiillada (House Oversight Committee) ay sheegeen in saddexda email ee cusub ay “su’aalo culus ka keenayaan Donald Trump iyo inta uu la eg yahay ogaanshaha uu u lahaa dambiyadii foosha xumaa ee Epstein.”

Cadaadiska saaran Trump ayaa sii kordhay goor dambe oo Arbacadii ah, markii xildhibaanad Dimoqraadi ah oo dhawaan la dhaariyay ay magaceeda ku dartay codsi qoraal ah oo hadda helay saxiixyo ku filan oo lagu qasbayo in cod loo qaado sii deynta dhammaan faylasha kiiska Epstein.

Farriin uu bishii Abriil 2011 u diray Ghislaine Maxwell, oo ahayd haweeney ay muddo dheer wada shaqeynayeen, ayuu Epstein ku sheegay in Trump uu waqti badan la qaatay haweeney uu Aqalka Cad markii dambe ku aqoonsaday inay ahayd qofkii ugu weynaa ee Epstein dacweynayay, Virgina Giuffre.

“Waxaan rabaa inaad ogaato in ‘qofkaas aamusan ee aan weli la soo hadal qaadin’ uu yahay Trump,” ayuu qoray Epstein. Wuxuu intaas ku daray in dhibbanuhu “ay saacado kula qaadatay gurigeyga isaga [Trump] ,, marna lama soo hadal qaadin.”

Maxwell, oo lagu helay dambiga ka ganacsiga galmada dhimashadii Epstein kaddib, ayaa ku jawaabtay: “Waan ka fekerayay arrintaas…”

‘Dabcan wuu ogaa’

Farriin kale oo email ah oo ku taariikheysan Janaayo 31, 2019, oo uu u diray qoraaga Michael Wolff, ayaa Epstein la sheegay inuu ku qoray: “dabcan wuu ka warqabay gabdhaha maadaama uu Ghislaine ka codsaday inay joojiso.”

Jamhuuriyiinta ayaa markii dambe soo bandhigay kumanaan email, oo la helay kaddib markii ay Dimoqraadiyiintu amar maxkamadeed ku dalbadeen xogta hantidii uu ka tagay Epstein (Epstein’s estate) horaantii sanadkan, waxaana ka mid ahaa mid uu Epstein ku tilmaamay Trump “mid wasakh ah.”

Buuqa ka dhashay kiiska Epstein ayaa weli saameyn ku haya maamulka Trump in ka badan afar bilood kaddib markii Waaxdiisa Caddaaladda (Justice Department) ay dooneysay inay xirto kiiska.

Iyagoo doonaya inay ka faa’iideystaan muranka weli taagan, ayay Dimoqraadiyiinta Aqalka Wakiillada isku dayayeen inay riixaan cod horseedaya in lagu qasbo daabacaadda dhammaan faylasha kiiska Epstein.

Trump wuxuu ku boorriyay Jamhuuriyiinta in aysan ku dhicin “dabin”, waxaana saraakiil sare ay ku martiqaadeen Lauren Boebert, oo ah haweeneyda Jamhuuriga ah ee mayalka adag ee garabka midig, Qolka Xaaladaha ee Aqalka Cad (White House Situation Room) si ay ugu riixaan inay magaceeda kala baxdo codsiga.

“Dimoqraadiyiintu waxay mar kale isku dayayaan inay soo hadal qaadaan been abuurkii Jeffrey Epstein sababtoo ah waxay sameyn doonaan wax kasta si ay meel kale ugu weeciyaan sida xun ee ay u fashilmeen,” ayuu Trump ku yiri bartiisa Truth Social.

Laakiin Boebert way diiday inay ka laabato, codsigii ayaana meel maray markii xildhibaanadda Dimoqraadiga ah Adelita Grijalva la dhaariyay kaddib toddobaadyo dib u dhac ah, ayna isla markiiba saxiixday codsiga.

Taageerayaasha MAGA oo careysan

Aqalka Cad ayaa galay qaab difaac ah, wuxuuna ku eedeeyay Dimoqraadiyiinta inay si ula kac ah oo xulasho leh u bixiyeen email-ada si ay “u abuuraan sheeko been abuur ah oo lagu sumcad dilayo Madaxweyne Trump.”

Fadeexadda Epstein ayaa Trump haraysay muddo bilooyin ah, kaddib markii Waaxdiisa Caddaaladda ay qoraal ay soo saartay bishii Luulyo ku xaqiijisay inuu is-dilay, iyo in “liiskii macaamiisha” ee Xeer Ilaaliyaha Guud Pam Bondi ay sheegtay inay dib u eegis ku haysay uusan jirin.

Tallaabadaasi waxay caro xooggan ka dhalisay taageerayaasha udub-dhexaadka u ah Trump ee “MAGA”, kuwaasoo dareemay in la khiyaanay kaddib markii sanado loo sheegayay in “xubno saameyn qarsoon leh” (deep state) ay qarinayaan oo ay ilaalinayaan shakhsiyaad ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiyada oo ay ku eedeynayeen inay macaamiil u ahaayeen Epstein.

Gacan-yarayaasha Trump ee MAGA – oo ay ku jiraan laba xulafadiisa ah oo hadda maamula hay’adda FBI – ayaa magac ku yeeshay hurinta aragtiyaha shirqoolka, oo ay ku jirto in is-dilka Epstein uu dhab ahaantii ahaa dil ay amreen macaamiishiisii awoodda badnaa.

Xiriirka Trump uu la leeyahay Epstein waa mid ballaaran. Labadooda ayaa la arkay sawirro iyagoo wada xafladeynaya muddadii ay saaxiibbada ahaayeen ee 15-ka sano ahayd, ka hor inta aan la soo warin inay isku khilaafeen heshiis guryo ku saabsan sannadkii 2004, iyo markii uu Trump kaddib cambaareeyay saaxiibkiisii hore.

Saameynta ka dhalatay fadeexaddan ayaa sidoo kale u gudubtay dhinaca kale ee badweynta Atlantic. Trump wuxuu sheegay bishii hore inuu “aad uga xun yahay” qoyska boqortooyada Britain kaddib markii amiirkii hore Andrew, oo ay Giuffre ku eedeysay tacaddi, laga xayuubiyay derejooyinkii uu lahaa.

 

Saldhiggii burcad badeedda Soomaalida ay weerarka ka soo qaadayeen oo loo galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee Howlgalka Midowga Yurub ee Atalanta (EUNAVFOR) ayaa fuulay doon loo adeegsan jiray sidii ‘markab hooyo’ oo laga soo abaabulayay weerarro burcad-badeednimo oo badan oo lagu bartilmaameedsaday maraakiibta ganacsiga.

STallaabadan ayaa timid kaddib dabagal iyo is-mariwaa maalmo qaatay. Burcad-badeeddii ayaa goobta ka baxsatay, waxaana ciidammada Yurub ay kala shaqayn doonaan mas’uuliyiinta Soomaaliya sidii loo soo qaban lahaa sharcigana loo horkeeni lahaa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay EUNAVFOR.

Kooxda burcad-badeedda Soomaalida ah ayaa bishii hore qabsatay doonta oo laga leeyahay Iran, waxayna halis ku hayeen maraakiibta caalamiga ah tan iyo horraantii bishii November.

Iyagoo doontan yar ka dhiganaya saldhig hawlgal oo ku yaal badweynta, waxay burcad-badeeddu adeegsadeen doomo yaryar si ay u eryadaan maraakiibta ganacsiga ee u dhow.

Waxay 6-dii November koreen markabka shidaalka qaada ee Hellas Aphrodite, xilli uu ku sugnaa meel qiyaastii 560 mayl-badeed koonfur-bari ka xigta Eyl, Soomaaliya, taasoo ahayd hawlgal ballaaran oo laga fuliyay meel fog oo bartamaha Badweynta Hindiya.

Burcad-badeedda ayaa u soo dhowaatay Hellas Aphrodite waxayna ku furtay rasaas fudud, kaddibna way koreen. Shaqaalihii markabka Aphrodite waxay ku dhuumanayeen qolka badbaadada ee markabka ilaa uu soo gaaray markabka dagaalka ee Spain, ESPS Victoria, maalintii xigtay, kaasoo eryaday kooxdii weerarka soo qaadday.

Dhammaan shaqaalihii way badqabeen, markii loo tegay, burcad-badeeddiina way baxsadeen, markabka Victoria ayaana ka tagay si uu u daba galo doontii.

Ciidamo isku-dhafan oo ka tirsan kuwa Hindiya iyo kuwa EUNAVFOR ayaa dabagalay oo gaaray doonta intii u dhaxaysay 8-dii ilaa 9-kii November.

Ciidammadii hawlgalka fulinayay ma aysan samayn fuulid qasab ah, maaddaama burcad-badeeddu ay la haystayaal u haysatay shaqaalihii doonta ayna ugu hanjabeen inay waxyeellaynayaan, sida ay sheegtay shirkadda la-talinta khataraha badaha ee Vanguard Tech. Khatartii ay ku hayeen maraakiibta waa la xakameeyay, laakiin is-mariwaagii wuu sii socday.

11-kii November, EUNAVFOR waxay sheegtay in doontii ay dib ugu soo laabatay xeebaha waqooyi-galbeed ee Soomaaliya, halkaas oo ay burcad-badeeddii ka tageen ayna si guul leh uga baxsadeen. Shaqaalihii doonta wax dhibaato ah ma soo gaarin, waxaana markabka laga helay caddaymo.

“Hawlgalladii Kooxda Burcad-badeedda ee ka jirtay aagga waa la carqaladeeyay,” ayuu yiri EUNAVFOR oo bayaan soo saaray.

“Hawlgalka Atalanta wuxuu sii wadaa la shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Puntland si loo helo loona soo qabto burcad-badeedda la tuhunsan yahay.”

Xog: Xubno Shabaab ah oo lagu arkay duleedka Warsheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo laga dareemay xaalado amni, kadib markii ay kusoo dhawaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ujeedka ciidamada ayaa ah inay ka hortagaan qorshe ay damacsan tahay kooxda Al-Shabaab, oo dooneysa inay isku fidiso deegaannada hoostaga degmada Warsheekh oo dhacda dhanka xeebta.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay in la arkay iyaga oo kusoo dhawaanaya halkaasi, waxaana ka war helay ciidamada oo haatan bilaabay howlgalo looga hortagayo damaca Al-Shabaab.

Maalin kahor ayay ahayd markii labada dhinac ay ku dagaalameen aagga tuulada Ceelka Jabad-godane, halkaas oo jab culus lagu gaarsiiyay, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay ka hortagayaan in aagga Warsheekh ay soo galaan maleeshiyada kadibna ay ka sameeyaan qalqalgelin amni.

Ciidamada ayaa sidoo kale isku fidiyay deegaanno duleedka ka ah degmada, waxaana ay bilaabeen howlgallo amni xaqiijin ah, iyaga oo dadka deegaanka ka codsaday inay kala shaqeeyaan ammaanka guud.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka taagan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo horay u qabsaday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Guud ahaan HirShabelle ayaa waxaa ka jira xaalado ammaan darro oo baahsan, waxaana culeys soo saartay kooxda Al-Shabaab oo dib u qabsatay inta badan deegaanadii horay looga saaray.

Isbaheysiga Haybad Qaran iyo is-beddelka xaaladda siyaasadda Soomaaliya

Ka dib kulammo siyaasadeed oo in muddo ah u socday siyaasiyiin si weyn looga yaqaan saaxadda siyaasadda Soomaalida oo ay ka mid yihiin Ra’iisul-wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), lataliyihii hore ee amniga Qaranka Fahad Xaaji Yaasiin iyo wasiiro hore, ayaa waxa ay ku dhawaaqeen isbahaysi siyaasadeed oo cusub oo lagu magac baxay Midowga Haybad Qaran kaas oo noqonaya mid ku soo biiray xoogagga siyaasadda ee isu diyaarinaya in ay u tartamaan doorashada madaxtinnimada ee la filayo in ay dhacdo 2026.

Siyaasiyiinta oo mid walba uu gaarkiis u leeyahay xisbi siyaasadeed ayaa dhanka kale ku midoobay isbahaysigan iyagoo ku heshiiyeen in hal musharrax uu ku metelo tartanka soo socda ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen in Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu noqdo musharraxa madaxweyne ee ay ku mideysan yihiin.

Haddaba waa maxay aragtida ama barnaamijka siyaasadeed ee uu isbahaysigani soo bandhigi doono, muxuuse ka beddeli karaa saaxadda siyaasadda iyo xaaladda siyaasadeed ee hadda dalka ka jirta?

Su’aashaas iyo qaar kale ayaan weydiinnay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya, waxana uu kaga jawaabay in maadaama ay soo dhowaato xilliga doorashada Soomaaliya gaar ahaan doorashada Madaxweynaha Federaalka ah in dadka danaynaya ay u soo istaagaan mansabkan, laakiin waxaa ku cusub, buu yiri, in siyaasiyiin kala duwan ay ku midoobaan hal musharrax. Dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya waxa ay ahaan jirtay shaqsiyaad kaligood isu soo sharraxa, buu yiri.

Maxamed Mukhtaar waxa uu sheegay in siyaasiyiintani ay sheegeen magaca ay ku shaqaynayaan, haddana ma aha xisbi raba in ay ku tartamaan qaab xisbi ah. “Dalku in uu qof iyo cod iyo xisbi uu aadayo uma muuqato iyaga,” ayuu yiri Mukhtaar oo intaas ku daray in dhaqanka siyaasadda Soomaalida sida caadada ahayd, inta ay isu tagaan hore kama dhihi jirin musharrax ayaan waddanaa taas oo ah, buu yiri, waji kale oo cusub.

Waxaa jirta hubanti la’aan nidaamka doorashada gaar ahaan qaabka doorashada loo qabanayo 2026 oo weli si buuxda loogama heshiin. Marka siyaasiyiintani iyagoo kala aragti-duwanaanshaha nidaamka doorashada aan xal laga gaarin in ay isbahaysigan ku dhawaaqaan ma la dhihi karaa waa mid lagu degdegay waqtigan, ayaan weydiinnay Maxamed Mukhtaar oo arrinkaasi kaga jawaabay:

“Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxa uu xubin ka yahay Golaha Samatabbixinta Soomaaliyeed taas oo ka mid ah, buu yiri, dadaallada la doonayo in dalka looga gaaro xal siyaasadeed oo ku wajahan doorashada. Isma diidana in ay yiraahdaan annaga musharrax ayaan wadnaa iyo in musharruxu uu ka mid yahay musharrixiinta dalka ka jirta ee tartameysa,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo intaas ku daray in waxa cusub ay yihiin in uu sameystay koox siyaasiyiin ah oo isaga taageeraysa.

Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar, isbahaysigani kama uusan bixin madashii wadahadallada ee ka socotay Muqdisho ama Nairobi iyo sida xal loogu raadinayo sida xilligan kala guurka ah looga gudbi lahaa, balse waxa ay doonayaan in ay cod iyo culeys ay ku yeeshaan talada Soomaaliya.

Siyaasiyiintan ayaan hadda lahayn saldhig siyaasadeed marka loo fiiriyo dalka oo ay ka taliyaan dowlad-goboleedyo, xubnaha hadda la socda Saacidna kuma jiraan dowlad-goboleedyada hadda jira, deegaan ay hadda toos u maamulaanna ma laha. “Sida kaliya ee ay miiska wadahadallada ku soo fariisan karaan waa in ay culeyskooda siyaasadeed iyo aragtidooda siyaasadeed ay ku soo daraan iyagoo kaashanaya mucaaradka intiisa kale, Puntland iyo Jubaland,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo intaasi sii raaciyay “si ugu yaraan looga wadahadli karo doorasho u cuntami karta dhinacyada kala duwan ee siyaasadda isku haya.”

Isbahaysigan waxa laga dheehan karaa in laga gudbayo siyaasi kaligiis iska socdo oo yiraahda musharrax ayaan ahay isagoo calafkiisa tijaabinaya.

Dhanka kale, Maxamed Nuur Qalimow oo isna ka faalladooda arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in siyaasiyiintu ay sameystaan isbahaysiyo siyaasadeed in ay tahay tallaabo horumar leh oo looga gudbayo qaabkii hore ee halka shaqsi oo aan xisbi ka socon, ajandihiisana qiyaastii 20 daqiiqo oo toos ah kula hadli jiray xildhibaannada wax dooranaya. “Hadda waxa aad moodaa in qaabka adduunku waafaqsan yahay ee xisbiyada in ay u gudbayaan,” ayuu yiri Qalimow.

Mar uu ka hadlayey waxa uu isbahaysigani soo kordhin karo, Qalimow waxa uu sheegay in isaga iyo kuwa kale oo is-qaabeynaya iyo dowladda hadda xilka haysa ay meel wax isla dhigaan oo dadkii faraha badnaa ee shaqsi-shaqsiga ahaa ay soo gaabato, heshiisna ay ka gaaraan qaabkii ay doorashada kuwada geli lahaayeen.

Mar uu ka hadlayey sida ay siyaasiyiintan ku jira isbahaysigan ay ula falgeli karaan dowlad-goboleedyada si ay fursad ugu helaan inay shacabka gaarsiiyaan ololahooda siyaasadeed, waxa uu Qalimow kaga jawaabay “in maamul-goboleedyada ay tahay in ay u suurtageliyaan xisbiyadan tartami doonaan in ay siiyaan fursad ay shacabka kula hadlaan sida in ay xafiisyo ka furtaan deegaannadooda. Xisbiga ayaa laga rabaa in uu ku qanciyo maamul-goboleedyada in ay xisbiyo ka furtaan, ka dhex ololeeyaan iyo in maamul-goboleedyadu laftigoodu ay xisbiyada u oggolaadaan in ay ka dhex shaqeeyaan.”

Qalimow ayaa qaba in uusan isbahaysigan culeys weyn ku soo kordhin doonin mucaaradka jira iyo dowladda waayo, buu yiri, “dowladdu waa tan u ololeeysa in xisbiyo la sameysto oo laga gudbo qaabka qofka ama qabiilka ah loona gudbo,” buu yiri, “xisbiyo.”

Dhanka kale, Qalimow waxa uu qaba in dadka siyaasiyiinta ah ay tahay in ay la jaanqaadaan qaababkan cusub ee aanay horay u aqoon ee ah in siyaasadda la mideeyo.

Isha: BBC

Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, amniga iyo dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee dhawaan ka dhacay qaar kamid ah gobollada dalka.

Shirka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa ugu horreyn warbixinno la xiriira ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaa looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu weheliyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir

Asad Diyaano iyo Macallin Mahdi ayaa warbixinnadooda kusoo bandhigay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka golaha deegaanka gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.

Dhankooda Golaha Wasiirrada ayaa si wayn u boggaadiyay guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo shirka Golaha Wasiirrada lagu cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacab birma-geydo ah, iyada oo Xukuumaddu ay fartay hey’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas xadgudubka ah.

Dhacdooyinkan ayaa si gaar ah uga dhacay aagga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo qaybo kale oo kamid ah gobollada dhexe ee dalka, waxaana lagu laayay dad rayid ah oo ay ku jiraan dumar, carruur iyo dad da’ ah oo aan waxba galabsan.

Arrintii ugu darneyd waxa ahayd markii jirdil iyo gubid la’isugu daray Isaaq Daa’uud oo ahaan odey da’ ah, kaas oo si arxan darro loogula dhaqmay duleedka degmada Wanlaweyn oo haatan ay ka taagan tahay colaad xooggan.

Daawo: Muxuu Xasan Sheekh ku soo arkay xarumaha iyo warshadaha uu booqday?

0

Aljeris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinti labaad ku sugan dalka Aljeeriya ayaa booqday Masaajidka weyn ee Jaamaca Aljeeriya.

Madaxweynaha ayaa halkaas wuxuu kula kulmay culimada dalkaas oo guddoonsiiyey xasuus reeb ku aaddan booqashada Madaxweynaha, iyagoo la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan fikirka argagixisadu ay ku bannaysanayaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Warshadda Daawooyinka dalka Aljeeriya iyo Xarunta Garaadka Macmalka ah ayaa warbixino ku saabsan wax soo saarka iyo adeegyada xarummahan waxa uu ka dhegeystay maamulka iyo agaasinkooda.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taallada Shuhadada dalka Aljeeriya oo lagu xasuusto halyeeyadii u nafwaayey halgankii xornimada iyo difaaca dalkaas.

Xasan Sheekh ayaa muujiyey taariikhda halgan-wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka mid ahaa dalalkii ka wada shaqeeyey xornimadii Afrika.

Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa Talaadadii kala saxiixday 4 heshiis oo muhiim ah, kuwaas oo dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyadan, oo ay kala saxiixdeen Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka ee labada dowladood.

Heshiisyada la gaaray ayaa waxaa ka mid ah dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah iyo fududeynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga oo lagu siin doono fiisaha dal-ku-gal ah marka ay gaaraan Aljeeriya.

Sidoo kale, heshiisyadan ayaa dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.

Si kastaba, xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

Hoos ka daawo muuqaalka

Muxuu Yuusuf Garaad ka yiri isbaheysiga cusub ee xushay Cabdi Faarax Shirdoon?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa xaqiijiyay in uusan kamid aheyn isbaheysiga cusub ee Midowga Haybad Qaran, kaasi oo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) u doortay inuu noqdo murashaxa xisbigan ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Yuusuf ayaa soo dhaweeeyay xisbigan cusub, isagoo bogaadiyay siyaasiyiinta sheegay in ay ku bahoobeen hal murashax. “Kama mid ahi, se waan soo dhoweynayaa walibana aan bogaadinayaa siyaasiyiinta sheegay in ay ku bahoobeen hal Murashax oo ah Ra’iisal Wasaare hore, Saacid Faarax Shirdoon,” ayuu yiri.

Isbaheysigan cusub ayuu ku tilmaamay mid ugub ah, inkastoo Soomaaliya aysan ku cusbayn in siyaasiyiin dhowr ahi ay isku waafaqaan hal murashax madaxweyne.

“Waxaa ugub ah in dhowr siyaasi oo qaarkood hore ugu tartamay Madaxweyne, mid kastaana uu madax u yahay ama uu ka tirsan yahay urur siyaasadeed ay isku waafaqaan hal murashax,” ayuu Yuusuf Garaad ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray “Waqtiga ayaa sheegi doona in ay taasi wax uga goyn doonto teendhada muragada oo marka mid laga reebo, tobannaanka murashax ee subaxa doorashada farxadda ku tagaa ay dhammaantood la soo hoydaan guuldarrada.”

Isniintii, hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala socday ururro, xisbiyo iyo madallo kala duwan oo dalka caan ka ah ay ku dhawaaqeen isbaheysigan siyaasadeed oo ah mid ballaaran

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen, hoggaamiyeyaashan oo muddo wadatashiyo ku jiray ayaa lagu shaaciyay in xisbiga cusub ee ay ku midoobeen loogu magac daray “Midowga Haybad Qaran.”

Midoowgan ayaa yimid kadib kulamo isdaba joog ah oo si qoto dheer looga falanqeeyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo midnimada ummadda.

Hoggaamiyeyaashu waxay isla qireen “dhaawaca gaaray midnimada iyo wadajirka dalka, burburka dhaqaalaha, dayaca adeegyada bulshada iyo rajo beelka ka muuqda dowladnimada Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, waxaa dhowaan magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa shirweynaha guud ee aasaaska xisbigan, kaas oo si rasmi ah loogu shaacin doono murashaxnimada Mudane Shirdoon.

Hoggaamiyeyaasha ku midoobay isbaheysigan ayaa waxaa ka mid ah shakhsiyaad saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka:

  • Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
  • Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed
  • Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed
  • Mudane Cabdi Aadan Hoosoow
  • Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)
  • Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre
  • Mudane Ducaale Aadam Maxamed
  • Mudane Faarax Calı Shıre
  • Mudane Taabid Cabdi Maxamed
  • Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Isbaheysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa durba sheegaya in rajada Saacid ee ah inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya ay durba, sare u kacday marka la eego isbaheysiga siyaasadeed ee qeybta ka yahay.

Saacid, oo ah siyaasi rug caddaa ah, deggan, isla markaana leh heer aaminaad sare, ayaa dad badan u arkaan in uu noqon karo qofka ka soo dhex-baxa loolanka siyaasadeed ee buuqa badan ee Soomaaliya, uuna yahay mid ay dhinacyo badan ku qanci karaan.

Somaliland oo wakiilada beesha caalamka ku dacwaysay DF, kuna eedeysay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) ‐ Xukuumadda Somaliland ayaa kulan degdeg ah la yeelatay wakiillada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Hargeysa, iyada oo u gudbisay mowqifkeeda ka dhanka ah nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo rogtay iyo tallaabooyinka ay kaga jawaabayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ay weheliyeen xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirrada ayaa kulanka kadib warbaahinta la wadaagay, iyagoo tallaabooyinka Dowladda Federaalka ku tilmaamay kuwa lagu doonayo in lagu wiiqo jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland.

“Waxaanu beesha caalamka u sheegnay in ujeeddada ka dambeysa ficillada dowladda Muqdisho ay tahay in la dumiyo dimuqraadiyadda iyo nabadda Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir ayaa intaas ku daray in Somaliland ay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay ku difaacayso madaxbannaanideeda, isagoo sheegay in fariimaha ay u gudbiyeen wakiillada caalamka loo sii diri doono dowladahooda.

Dhankiisa, Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi ayaa isna sheegay in xilligan uu jiro muran siyaasadeed oo toos ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo ku baaqay midnimo iyo isku duubni.

“Somaliland laguma dhisin tanaasul, ee dhiig iyo halgan ayaa lagu dhisay. Reer Somaliland maaha dad e-visa uga noqda waxa ay aaminsan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Khadar.

Sidoo kale, Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa isna sheegay in in ka badan 90 diyaaradood oo maalin kasta isticmaala hawada Somaliland la gaarsiiyay fariin cad oo ku saabsan shuruucda cusub, isla markaana 40% ay aqbaleen inay raacaan xeerarka Somaliland.

“Laba tallaabo ayaanu qaadnay, saddex tallaabo oo kale ayaa diyaar noo ah, oo aanu mid kastaba markiisa qaadi doono. Arrinta hawada, anagu qaran ahaan waxaannu u aragnaa arrin xasaasi ah oo u baahan in aynu qaran ahaan ka midowno,” ayuu yiri Wasiir Fu’aad.

Waxa uu intaas kusii daray “Kuwa aan oggolaanin waan u sheegnay inay hawadeena ka leexdaan, badankoodna way u hoggaameen.” Waxa uu sheegay in arrinta hawada ay tahay “qadiyad qaran oo u baahan midnimo iyo go’aan adag.”

Somaliland ayaa dhawaan soo saartay amarro cusub oo lagu mamnuucayo in diyaarad aan fasax ka haysan ay isticmaasho hawadeeda, taas oo jawaab u ah nidaamka dal-ku-galka cusub ee ay soo rogtay Soomaaliya, kaas oo Dowladda Federaalka ku sheegtay in uu la xiriro ilaalinta amniga iyo kormeerka dadka galaya iyo ka baxaya dalka.

Tan ayaa caqabad hor leh ku noqonaya shirkadaha diyaaradaha oo ayagu wajahaya awaamiir is-khilaafsan oo uga imanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada ay is-hayaan sida Somaliland iyo Puntland.

Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal-ku-gal ah mid ka e-visa ee Dowladda Federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay.

Hoos ka daawo muuqaalka

Guddiga doorashooyinka oo war cusub kasoo saaray doorashada gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in qeybinta kaararka codbixinta ee dadka ku nool gobolka Banaadir ay si rasmi ah uga bilaaban doonto magaalada Muqdisho toddobaadka soo socda.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in fariin gaar ah loo diri doono muwaadin kasta oo hore isu diiwaangeliyay, si uu uga soo qaato kaarkiisa goobtii uu horey uga diiwaangashanaa.

“Qof kasta waxaa loo soo diri doonaa fariin uu ku ogaanayo goobta uu ka qaadanayo kaarka codbixinta, waxaana laga codsanayaa inuu tago halkaas si uu u helo kaarkiisa,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa uu intaasi ku daray in wajiga hore ee qeybinta lagu bilaabi doono degmooyinka xeebta ku teedsan ee Xamar Weyne, Shingaani, Boondheere, Xamar Jajab, Waaberi, Shibis iyo Cabdicasiis.

Guddigu wuxuu tilmaamay in guud ahaan 42 goobood laga hirgelin doono qeybinta kaararka doorashada, si ay dadka deegaanka ugu fududaato helitaanka kaarka codbixinta.

Sida lagu sheegay warbixinta guddiga, tirada dadka hore isu diiwaangeliyay ayaa kor u dhaaftay 900,000 qof, taas oo muujinaysa sida ay shacabka ugu diyaar garoobeen doorashooyinka heer degmo ee la qorsheeyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneya xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray dhismaha guddiga wada doorashooyinkan.

Madaxda DF iyo wakiilada caalamka oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo la xiriiray maareynta hubka iyo rasaasta.

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Amniga Qaranka ayaa diirada lagu saaray Isku-duwidda Maareynta Hubka iyo Rasaasta, gaar ahaan ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta ee sanadaha 2025–2030.

Shirka waxaa guddoominayey La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha dowladda iyo kuwa amniga.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca, wakiillo ka socday Wasaaradaha Amniga Gudaha, Caddaaladda, iyo hay’adaha amniga qaranka sida Booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Ciidanka Asluubta, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka qeyb galay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, safaaradaha dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ee taageera dadaallada ku aaddan maareynta hubka iyo rasaasta dalkeenna.

Wakiillada caalamka dhankooda waxaa ka socday mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay, safaaradaha dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maareynta hubka iyo rasaasta.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa lagu soo gebagebeeyay heshiis guud oo lagu xaqiijinayo hirgelinta istaraatiijiyadda cusub, iyadoo la isku raacay in Wasaaradda Gaashaandhigga Qaranka ay u gudbiso Istaraatiijiyaddan Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo loona bilaabo fulinteeda rasmiga ah.

Xasan Sheekh oo tallaabo deg-deg ah ka qaaday madax ka tirsan Villa Somalia + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaqo joojin ku sameeyay saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shaqo joojintan oo ah mid ku-meel-gaar ah, ayuu madaxweynuhu ku sameeyay saddex mas’uul, iyadoo aan la caddayn muddada ay socon doonto, isla markaana ay shaqada banaanka ka ahaan doonaan illaa amar dambe.

Xubnahan ayaa kala ah: 1- Agaasime Ku-xigeenkii Guud ee Madaxtooyada, Maxamed Amiin Sheekh, 2- Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada, Hinda Culusow, iyo 3- Kaaliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdirisaaq British.

Shaqo joojinta lagu sameeyay xubnahan ayaa waxaa soo baxaya inay ka dhalatay hababkii loo maareeyay safarrada Madaxweyne Xasan Sheekh ee is-xigxigay.

Safarkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin kahor ku aaday dalka Aljeeriya ayaa laga reebay xubnahan. Waxaa la sheegay in shaqo joojintaas ku-meel-gaarka ah ee lagu sameeyay ay ka dhalatay arrimo la xiriira maamulka safarradaas.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in sababta shaqo joojintaas dhalisay in si degdeg ah loo dhaqan-geliyo ay tahay in mas’uuliyiintan ay sababsadeen safarkii kan ka horreeyay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in safarkaasi ay kusoo dareen xubno aan qayb ka ahayn socdaalka Madaxweynaha.

Waxaa la dhowrayaa haddii shaqo joojintan ay isu beddesho mid rasmi ah iyo in ganaaxa intaas loogu simi doono mas’uuliyiintan oo kasoo muuqan jiray safarrada kala duwan ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayay dalalka caalamka.

Arrintan ayaa imanaysa xilli muddooyinkii dambe ay xoogeysteen wararka sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safarada dibadda ee madaxda sare ku daraan xubno aan wax shaqo ah u hayn dowladda, ama aan khuseyn safarka markaas ay madaxdu ugu baxayaan dalka dibaddiisa.