26.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Sawirro: Muxuu Xamza ku soo arkay xarunta guddiga…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –   Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa galabta kormeer ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), oo ay haatan ka socoto bixinta kaararka cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.

Xamza ayaa soo indha-indheeyay sida ay wax uga socdaan xarunta guddiga, maadaama si rasmi ah maanta loo guda galay bixinta kaararka doorashooyinka oo la siinayo dadkii horay isku diiwaangeliyay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa diray farriin culus, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda oo ay codeeyaan, isla markana ay muujiyaan awooddooda muddada dheer ka maqnayd.

“Waxaan ugu baaqayaa, ku adkeynayaa, kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed ee u suurtagashay nasiibkana u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda, si ay u codeeyaan, oo si dhab ah u muujiyaan awooddooda muwaadin ee dastuuriga ah ee muddada dheer laga xayuubiyey.”ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhi.

Sidoo kale wuxuu ammaan u jeediyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo hey’adaha amniga, maadaama ay qabteen shaqo adag, isaga oo xusay in ay howshan ka soo bilaabeen meel fog ayna muujiyeen hufnaan iyo karti.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo qiimo gaar ah u leh shacabka ku nool Gobolka Banaadir, maadaama ay si rasmi ah u bilaabatay qaadashada kaararka cod-bixinta ee dadka horey isu diiwaan-geliyay, si ay uga qeybgalaan doorashada ka dhaceysa caasimadda.” ayuu sii raaciyey Xamza

Ugu dambayn, Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar ula tahay wax kasta oo u fududeynaya shaqada looga baahan yahay, si loo xaqiijiyo hirgelinta doorashada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo lagu hormarayo kuwa heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo lagu hormarayo kuwa heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.

Masar oo shaaca ka qaaday qorshe xasaasi ah oo ay ka damacsan tahay Soomaaliya

0

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa qaadanaysa istaraatiijiyad cusub oo dhiirran oo ku wajahan Geeska Afrika, sida uu wasiirkeeda arrimaha dibadda ku shaaciyay qoraal ra’yi (Op-Ed) oo rasmi ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Badr Abdelatty, ayaa maqaalka oo English ah oo lagu daabacay warbaahinta Somalia Today, ku sheegay in Masar ay ku biiri doonto howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayna ka shaqeyn doonto “inay hor istaagto dhaq-dhaqaaqyada gardarrada ah” ee ka imaanaya dhiggeeda gobolka.

Abdelatty wuxuu si toos ah siyaasaddan cusub ugu xiriiriyay “khataro kala duwan” oo ku wajahan amniga qaranka Masar. Wuxuu si gaar ah u xusay “hanjabaadda sharci darrada ah… ee qaawan” ee Itoobiya ee ku aaddan sidii ay u heli lahayd joogitaan ciidan badeed oo Badda Cas ah, sidoo kale weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta iyo xiisadda sii murgaysa ee Suudaan.

Udub-dhexaadka istaraatiijiyaddan cusub waa go’aanka Masar ee ah inay ku biirto Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

“In Masar ay si togan uga jawaabtay codsiga Muqdisho… [waxay ku lug leedahay] dirista shaqaale milatari iyo boolis ah iyo sidoo kale qayb ciidan cir,” ayuu qoray Abdelatty.

Wuxuu xusay in tani ay tahay ka qaybgalkii ugu horreeyay ee Masar ee howlgal nabad-taageerid ah oo uu hoggaamiyo Midowga Afrika. Tallaabadan ayaa muujinaysa dib-u-soo-noqosho la taaban karo oo ay Masar ku samaynayso gobolka, qiyaastii 30 sano kaddib markii ay ku biirtay howlgalkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya sagaashameeyadii.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa tallaabadan ku sifeeyay mid lagama maarmaan oo degdeg ah si loo ilaaliyo danaha asaasiga ah ee Masar, oo ay ku jiraan Badda Cas iyo webiga Niilka.

“Inaan daawadayaal iska ahaanno ama aan sii wadno diblomaasiyaddii caadiga ahayd hadda ma ahan raaxo aan awoodno,” ayuu qoray Abdelatty. “Hay’adaha Masar waxay ogyihiin inay qasab tahay inay tallaabo qaadaan… si loo soo celiyo isku-dheellitirnaan istaraatiiji ah.”

Marka laga soo tago qaybta cusub ee milatari ee loogu talagalay AUSSOM, Abdelatty wuxuu sidoo kale ballanqaaday inuu dib u xoojin doono taageerada dhaqaale, dhaqan, iyo farsamo ee Masar ay siiso Soomaaliya, Jabuuti, Ereteriya, iyo Kenya.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay farriin culus, isagoo soo xigtay sida uu Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi uga go’an tahay istaraatiijiyaddan cusub.

“Waxaan diyaar u nahay – anagoo kalsooni qabna – inaan ka qaadanno doorka udub-dhexaadka ah ee qaybtan adduunka ka mid ah.”

Jawaahir Baarqab oo weerar xun ku qaaday Farmaajo – Maxaa ka quseeya..?

0

Muqdisho (Caasmada Online) – Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa weerar xun oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo todobaadkii hore dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Jawaahir oo ka hadleysay arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah kadib markii ay qaadatay kaarka cod-bixinta ayaa sheegtay in Farmaajo iyo mucaaradka aysan diidi karin rabitaanka shacabka, gaar ahaan halka milyan ee isku diiwaangeliyay ka qayb-galka doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Sidoo kale waxa ay si cad u sheegtay in Farmaajo aanu wax shaqo ah ku lahayn diiwaangelinta, uuna bannaanka ka joogo hadda howlaha maamulka.

“Mucaarad iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo meesha ma taagna kaarka codeynta ayaan u taaganahay 5 qof maxay diidi karaan?. Hal qof oo mliyan ma celin karaan?” ayay tiri guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Farmaajo waa la soo shaqeeyay waa Madaxweynaheygii hore meeshaan ma taagno ma ogtahay, codeynta maxaa ka quseeya isaga ma halka milyan ayuu diiwaangeliyay?”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabo culus oo la xiriirta hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo in dhawaan ay ka dhacaan gudaha dalka, waxaana bilaabatay qaadashada kaararka cod-bixinta.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabay qaybinta kaararka codbixiyeyaasha, waxaana laga bilaabay illaa todobo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo kala ah Shibis, Boondheere, Xamarjajab, Shangaani, Waaberi, Xamarweyne iyo degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, sida uu shaaciyay guddigu.

Villa Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo lagu hormarayo kuwa heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.

DF oo tallaabo u qaaday hirgelinta doorasho qof iyo cod

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo in dhawaan ay ka dhacaan gudaa dalka, inkastoo weli muran xooggan uu ka taagan yahay.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabay qaybinta kaararka codbixiyeyaasha, waxaana laga bilaabay illaa todobo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Kaararkan oo muhiim ah doorashooyinka ayaa waxaa la siinayaa dadweynihii horey isku diiwaan-geliyay, kuwaas oo ka qayb-gelin doonaan doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.

Degmooyinka laga bixinayo kaararka ayaa kala ah Shibis, Boondheere’ Xamarjajab, Shangaani, Waaberi, Xamarweyne iyo degmada Cabdi casiis ee gobolka Banaadir, sida uu shaaciyay guddigu.

Guddiga ayaa farriin u diray dhammaan dadka is-diiwaangeliyay, wuxuuna ugu baaqay inay u hoggaansamaan habraaca a dajiyay, ayna qaataan kaararkooda.

“Qof kasta waxaa loo soo diri doonaa fariin uu ku ogaanayo goobta uu ka qaadanayo kaarka codbixinta, waxaana laga codsanayaa inuu tago halkaas si uu u helo kaarkiisa,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan.

Waxaa kale oo uu guddigu  tilmaamay in guud ahaan 42 goobood laga hirgelin doono qeybinta kaararka doorashada, si ay dadka deegaanka ugu fududaato helitaanka kaarka codbixinta.

Sida lagu sheegay warbixinta guddiga, tirada dadka hore iskaga diiwaangeliyay diiwaangeliyay gobolka Banaadir ayaa kor u dhaaftay 900,000 qof, taas oo muujinaysa sida ay shacabka ugu diyaar garoobeen doorashooyinka heer degmo ee la qorsheeyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo lagu hormarayo kuwa heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.

Muungaab oo qaaday tallaabo muhiim ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo saaka ku jarmaaday shaqadiisa ayaa qaaday tallaabo muhiim ah, isaga oo dhagax-dhigay dib-u-dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad oo casri ah oo laga hirgelin doono qaar kamid ah degmooyinka gobolka.

Xarumahan ayaa waxaa lagu qalabeyn doono agab caafimaad oo dhammaystiran, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee bulshada Muqdisho, sida uu ballan qaaday maamulka gobolka.

Munaasabadda dhagax-dhigga mashruucan ayaa lagu qabtay Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Waaberi, iyadoo ay goob joog ahaayeen xubno katirsan bahda Caafimaadka.

Xafiiska guddoomiyaha gobolka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in mashruucan lau dhisi doono isbitaallo waa wayn iyo xarumo MCH oo laga dhisayo illaa 11 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, si ay uga faa’iideystaan bulshada Soomaaliyeed.

Ujeedka ayaa ah in la xoojiyo kaabayaasha caafimaadka, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka, si loo hubiyo in hooyooyinka iyo caruurta ay helaan adeegyo tayo leh.

“Mashruuca caafimaad ee maanta la dhagax-dhigay oo ka kooban 4 isbitaallo waaweyn iyo 14 rugo MCH, kuwaas oo laga dhisayo 11 degmo oo ka tirsan Muqdisho ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo kaabayaasha caafimaadka, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka, si loo hubiyo in dhammaan hooyooyinka iyo caruurta ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, waxaa lasii raaciyay “Mashruucan ayaa sidoo kale ka tarjumaya ballanqaadka maamulka ee ilaalinta xuquuqda caafimaad ee bulshada iyo hubinta u sinnaanta helitaanka adeegyada caafimaad”.

Guddoomiye Muungaab oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey in dhammaan xarumaha caafimaad ee la dhisayo ay bixin doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, taas oo ka dhigaysa mashruucan mid muhiim u ah bulshada danyarta ah, si looga baaqsado in ay ku tiirsanaadaan adeegyada caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee qaaliga ah.

Waxaa kale oo uu khudbadiisa kusoo hadal qaaday doorashooyinka soo socda, isaga oo ku boorriyey shacabka in ay tagaan xarumaha laga qaadanayo kaararka codeynta, maadaama qaybinta kaararku si rasmi ah u bilaabatay.

Duqa Muqdisho ayaa shacabka xusuusiyay in ka qaybgalka doorashadu yahay waajib muwaadinnimo iyo tallaabo muhiim ah oo dhisaysa dimuqraadiyadda iyo xasilloonida gobolka.

Xasan oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Sh Cabdirashiid Sh Cali Suufi + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xogwaraysi iyo wada-tashi ah la yeeshay qaariga Soomaaliyeed Sheekh Cabdirishiid Sheekh Cali Suufi oo booqasho sharafeed ku yimi Madaxtooyadda Qaranka.

Madaxweynaha iyo Sheekha ayaa iska xog wareystay xaalada guud ee dalka, kor u qaadidda wacyi-gelinta bulshada, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale waxay ka hadleen doorka culimada ee dhismaha nabadda, adkeynta midnimada ummadda iyo ilaalinta qiyamka diinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bulshada. Waxa uuna xusay muhiimadda ay leedahay faafinta aqoonta diinta, la-dagaalanka xagjirnimada iyo xoojinta nabadgelyada.

Sheekh Cabdirishiid Sheekh Cali Suufi ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud qaabilaadda wanaagsan, ee uu ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka.

Sidoo kale, Sheekh Cabdirashiid ayaa wuxuu ugu duceeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo nabad.

Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, iyadoo uu galabt ku qabtay caasimadda muxaadiro kulmisay kumanaan kamid ah bulshada reer Muqdisho.

Galmudug oo DF Soomaaliya ka difaacday eedeyn xasaasi ah oo ay u jeedisay Puntland

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa si adag u beeniyay eedeymo ay Puntland ku sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ku tababarto koonfurta Gaalkacyo.

Ciidamadaas ayey Puntland sheegtay in looga dan leeyahay in lagu wiiqo amnigeed, taas oo gebi ahaanba jiritaankeeda ay meesha ka saartay Galmudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ku tilmaamay hadallada Puntland kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana dhaawacaya kalsoonida iyo wada-shaqeynta maamulada deriska ah.

Waxay Puntland u jeedisay in haddii ay jirto arrin dhab ah ay soo bandhigto caddeymo muujinaya in ciidamo ka soo jeeda Puntland lagu tababarayo koonfurta magaalada.

Sidoo kale, Galmudug waxay eedeymaha ku tilmaamtay gef ka dhan ah maamulkooda, iyagoo dalbaday in laga bixiyo raalli-gelin. Xildhibaan Bashiir Sheikh Axmed oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa yiri: “Haddii tabasho jirto, guddoomiyaha Mudug ee Puntland ha keeno caddeymo. Waxaan diyaar u nahay inaan kaxayno oo tusno xeryaha ay sheegeen in lagu tababaro ciidamo lagu burburinayo Puntland.”

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali (Jifojabsade) oo eedeyntan jeediyay ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Galmudug loo maro qorshayaal wax u dhimay amniga Puntland.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu ku adkaystay in ay jiraan xeryo ku yaalla koonfurta Gaalkacyo oo lagu diyaarinayo maleeshiyaad loogu talagalay in lagu carqaladeeyo xasilloonida Puntland.

Muranka ayaa soo ifbaxay xilli Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi uu dhawaan xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku tababarto deegaano ka baxsan Puntland, balse ay yihiin ciidan qaran oo aan wax xiriir ah la lahayn dano gaar ah oo Puntland ka dhan ah.

Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Federaalka ay mushaar u dirtay in ka badan 2,500 askari oo ku kala sugan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, kuwaas oo helay lacag dhan $200 midkiiba.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, lacagtan oo qeyb ka aheyd mushaarka ay bixiso dowladda dhexe ayaa lagu wareejiyay hab bangi ah, iyadoo fariimaha lacag dirista ee la arkay ay muujinayaan in askartan ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Ciidamada lacagta la siiyay ayaa waxay u badan yihiin qaybaha PSF ee Boosaaso ku sugan iyo cutubyada Danab ee uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale, kuwaas oo fariisimo ku leh magaalada Garoowe.

Ciidamadaas ayaa la sheegay in Madaxweyne Saciid Deni oo aragti ahaan is-hayaan uu ka jartay mushaharkii ay qaadan jireen, taas oo sababtay caro iyo cabasho ciidan xoog leh. Sidoo kale, ilo kale ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee jooga magaalada Gaalkacyo ay iyaguna heleen lacagtaas.

Bixinta lacagahaas ayaa kusoo aaday xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan sheegay in ciidamo federaal ah ay ku sugan yihiin gudaha Puntland. Ciidamadan oo Madaxweynuhu sheegay in ay joogaan meelo kamid ah maamulka Puntland, ayuu tilmaamay inay geli karaan dagaalka ka socda Calmiskaad, balse aysan illaa iyo hadda codsi ka helin dhanka Puntland.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal-hayay inay jiraan ciidamo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka qoratay deegaannada Puntland, taas oo abuurtay xiisad xooggan, maadaama haatan khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo labada dhinac.

Kadib digniintii Mareykanka, IATA oo Somaliland ka saartay shuruudda nidaamka e-Visa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) iyo qaar kamid ah shirkadaha duulimaadyada ayaa soo saaray tilmaamo safar oo khilaafaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay banaanka usoo baxday in la jabsaday xogta e-Visa.

Ethiopian Airlines, IATA iyo Flydubai ayaa tilmaamahan la cusbooneysiiyay ku sheegay in rakaabka u safraya Somaliland ay fiiso ka qaadan karaan marka ay ka soo degaan garoomada Hargeysa ee Egal International Airport iyo Berbera Airport.

Cusbooneysiintan ayaa timid kadib markii ay soo baxday in xogta kumanaan isticmaalay nidaamka e-Visa ay u gacan galeen kooxo lagu sheegay burcad, isla markaana uu Mareykanka kasoo saaray digniin amni.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijisay in kooxo burcad ah dhacday barmaamijkii ay Dowladda Soomaaliya samaysay ee e-visa, iyadoo mareegta laga xaday xogta iyo dhammaanba macluumadka kummaaanan qof oo nidaamkan iska diiwaangeliyay.

Xogta la jabsaday ayaa la sheegay inay ka koobnayd magacyada codsadayaasha fiisaha, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, cinwaanada iimaylka, xaaladda guurka, iyo cinwaanada guryahooda.

Dadka xogtooda la jabsaday ayaa waxaa qeyb ka ah mu’waadiniin u dhalatay dalka Mareykanka, kuwaas oo dhibaatadan la kulmay lana xaday xogtoodii, sida ay sheegtay safaaraddu.

Isbeddelka shirkadaha diyaaradaha

Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in shuruudaha e-Visa ee Soomaaliya “aanay quseyn rakaabka ka degaya garoomada caalamiga ah ee Somaliland, sida: Hargeysa ama Berbera.

Waxay sheegtay in dadka u socda Somaliland ay fiiso heli karaan marka ay ka degaan garoomada. Warbixintu waxay muujisay in Somaliland ay leedahay nidaam socdaal oo gooni loo maamulo.

IATA ayaa sidoo kale cusbooneysiisay xogteeda caalamiga ah ee socdaalka, iyagoo tilmaamay in fiisaha lagu qaato garoonka (visa-on-arrival) uu diyaar ku yahay garoomada Somaliland, ayna ka duwan yihiin nidaamka e-Visa ee Soomaaliya.

FlyDubai ayaa iyadna dib u habaysay digniinteeda, waxayna xaqiijisay in rakaabka u socda Somaliland ay fiiso ku heli karaan marka ay ka soo degaan garoomada Hargeysa iyo Berbera labadaba.

Tilmaamaha shirkaddu waxay si gaar ah u kala saarayaan habraacyada gelitaanka Somaliland iyo nidaamka e-Visa Soomaaliya, iyagoo rakaabka u jeedinaya meesha saxda ah.

Cusbooneysiintan is-dabajooga ah ayaa imaneysa kadib digniinta deg-degga ee ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, taas oo xaqiijisay in la jabsaday xogta ugu yaraan 35,000 oo qof oo nidaamka e-Visa ka dalbaday mareegtada ay shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa kula talisay muwaadiniinteeda adeegsatay nidaamka e-Visa Soomaaliya inay la xiriiraan safaaradda ugu dhow, isla markaana ay feejignaan dheeri ah muujiyaan haddii ay arkaan wax shaki leh.

Waa maxay IATA, maxayse kaga duwan tahay ICAO?

Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) waa hay’adda ganacsiga caalamiga ah ee matasha shirkadaha diyaaradaha adduunka. Waxaa la aasaasay 1945-kii, waana urur aan dowli ahayn (non-governmental) oo ay xubno ka yihiin shirkadaha diyaaradaha, balse aysan ahayn waddammo.

Maanta, IATA waxay matashaa in ka badan 300 oo shirkadood oo diyaaradeed, kuwaas oo ka dhigan in ka badan 80% guud ahaan isu-socodka hawada caalamiga ah.

Doorka ugu muhiimsan ee IATA waa in ay dejiso heerarka ganacsiga iyo hawlgalka ee suurtageliya in warshadaha duulimaadyada caalamiga ah, ee aadka u adag, ay u shaqeeyaan sidii hal shabakad oo isku xiran.

Tan waxaa ka mid ah maaraynta nidaamyada tikidh-goosashada iyo xisaab-xirka maaliyadeed, isku-dubbaridka habraacyada maaraynta shandadaha, iyo daabacaadda muhiimka ah ee Xeerarka Alaabaha Khatarta ah (DGR) ee loo isticmaalo dhammaan shixnadaha hawada.

Waxay kaloo dhiirrigelisaa badqabka iyada oo loo marayo Hantidhawrka Badqabka Hawlgallada ee IATA (IOSA). Asal ahaan, IATA waxay dejisaa “xeerarka ganacsiga” ee ay shirkadaha xubnaha ka ahi ku heshiiyaan inay raacaan.

Tani waxay si aasaasi ah uga duwan tahay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Hawada (ICAO).

Farqiga ugu muhiimsan waa xubinnimadooda iyo awooddooda. ICAO waa wakaalad gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay, xubnaheeduna waa 193 waddan (dowladood), mana ahan shirkado diyaaradeed.

ICAO waxay dejisaa sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah ee badqabka duulista, amniga, iyo hagidda hawada. Kuwaas waxaa loo yaqaan Heerarka iyo Hab-dhaqannada Lagu Taliyay (SARPs). ICAO lafteedu ma fuliso xeerarkan; balse, dalalka xubnaha ka ah ayaa heerarkan ka ansixiya sharciyadooda qaran.

Hab fudud oo lagu kala saari karo waa:

  • ICAO (Dowladaha): Waxay dejisaa qaab-dhismeedka sharciga ee duulista caalamiga ah (tusaale, xeerarka hagidda hawada, shuruudaha shatiga duuliyaha).
  • IATA (Shirkadaha Diyaaradaha): Waxay dejisaa siyaasadaha ganacsiga iyo hawlgalka ee ay shirkaduhu ku dhex shaqeeyaan qaab-dhismeedkaas sharciga ah (tusaale, koodadka saddexda xaraf ah ee garoomada sida “LHR” ee ku qoran tigidhkaaga).

Booliska Puntland oo war ka soo saaray dhacdo dil ah oo sababtay kacdoon dadweyne

0

Garoowe (Caasimada Online) – Booliska Puntland, gaar ahaan taliska gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku soo dhigeen haweeney lagu tuhunsan yahay dilka gabadh yar oo ku geeriyootay magaalada Gaalkacyo.

Warbixinta booliska ayaa lagu xusay in la qabtay Hodan Maxamuud Diiriye, oo loo heysto dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle oo 14 jir ahayd.

Qoraal rasmi ah oo ay soo saareen booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Hodan Maxamuud Diiriye oo 34 jir ah, ay hadda ku jirto gacanta ciidamada, isla markaana la guda galay baaritaanka hordhaca ah.

Boolisku wuxuu intaas ku daray in marka baaritaanku soo dhammaado eedeysanadda la horgeyn doono maxkamadda sida uu sharcigu tilmaamayaan.

Dilka Saabiriin ayaa kiciyay caro bulshada Gaalkacyo, iyadoo haweenka magaalada qaarkood ay mudaharaadyo dhigeen, kaasi oo ay ku dalbanayeen in marxuumaddu hesho caddaalad.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan TALISKA qeybta Gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanad Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah, taas oo lagu eedeeyay in ay dishay Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ahayd.

Eedeysanadda ayaa haatan ku jirta gacanta Ciidanka Booliska, waxaana lagu wadaa baaritaan hordhac ah, Kadib marka baaritaanku soo dhamaado, eedeysanadda ayaa la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Booliska Puntland ay ku xaqiijinayaan ilaalinta sharciga, difaacidda nolosha iyo xuquuqda muwaadiniinta, iyo ka hortagga dambiyada lidka ku ah amniga bulshada.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku boorinayaa shacabka ku sugan Gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta falal amni-darro ah ama dhaqdhaqaaqyo laga shakiyo, si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga guud ee bulshada.

FIIRO-GAAR AH:

Haddii aad heshid xog ku saabsan falal amni-darro ah, ama aad aragtid wax laga shakiyo, la soo xiriir Ciidanka Booliska Gobolka Mudug.

Ciidanka Booliska Puntland waa diyaar 24/7 — si ay u gutaan waajibaadkooda ilaalinta sharciga, difaaca shacabka, iyo sugidda nabadda dalka.

Soomaaliya oo maanta xil sare ka qabatay urur-goboleedka…

0

Kampala (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta ee Baarlamaanka Urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee 2025-2026.

Shirweynaha 20-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa Soomaaliya loogu doortay xilkaan, kaasi oo ka dhacay magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Shirkan ayaa sanadkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista go’aanadii kasoo baxay kulankii kan ka horreeyey iyo natiijadii kasoo baxday shirkii xoghayaasha baarlamaanada urur goboleedka, dib u eegista iyo ansixinta qawaaniinta mashruuc ee guddiga baarlamaanadda ururka iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim ah.

Inta shirka uu socday ayaa sidoo kale la isku raacay in Soomaaliya ay marti galin doonto kulanka kan xiga ee gudoomiyayaasha baarlamaanadda Urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo dhici doona Bisha May sanadka 2026.

Guddoomiye Madoobe ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shirka ayaa sheegay in shirka uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalalka Bulshada Bariga Afrika ay dadaal badan ku bixinayaan inay xoojiyaan nabadda iyo is-dhexgalka, iyagoo raacaya himilada mideysan ee bulshada.

Soomaaliya ayuu sheegay inay ku taagan tahay ballanqaadkeeda ahaa inay si firfircoon uga qayb qaadato, isla markaana door wax ku ool ah ka cayaarto Bulshada Bariga Afrika oo ay ka tirsan tahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa guddoomiyaasha baarlamaanadda urur-goboleedka la wadaagay in Soomaaliya, kadib muddo dheer oo la sugayey, ay si guul leh u dooratay xubnaha 9-ka xildhibaan ah oo ku matalaya Golaha Sharci-dejinta Baarlamaanka urur goboleedka.

Tan ayuu ku tilmaamay mid caddeyn u ah in Soomaaliya ay si dhab ah ugu soo laabatay ka qaybgalka iyo iskaashiga gobolka, iyadoo xoogga saaraysa diblomaasiyadda baarlamaaniga ah iyo horumarinta wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyntiinq madaxda shirka kasoo qeyb-gashay u sheegay in Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa, markii ugu horreysay muddo 56-sano ah ka dib ay isu diyaarinayso qabashada doorashooyin toos ah oo dowladaha hoose ah islamarkaana la filayo in shacabka Soomaaliyeed ay toos u doortaan hogaankooda, taasoo ka mid ah horumarada ay hiigsaneyso dowladda Soomaaliyeed.

Masar oo dekad cusub ka dhisanaysa dal jaar la ah Itoobiya iyo Addis oo walaacsan

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxa jira warar sheegaya in Masar ay qorshaynayso in ay dekad ka dhisato dalka Jabuuti.

Labada dal ee Jabuuti iyo Masar ayaa sannadkii la soo dhaafay kala saxeexday heshiis ifhan oo u oggolaanaya Masaarida hirgelinta hawshaasi.

Tallaabadanay Masar qaadday ayaa timid xilli Itoobiya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u heli lahayd marin badeed joogto ah.

Itoobiya ayaa inta badan ku tiirsan dekadaha dalka Jabuuti oo ay kala soo degto badeecadaheeda islamarkaana ka dhoofiso alaabaha.

Khurabaro ayaa BBC-da u sheegay in aanay weli caddayn sida ay Itoobiya u aragto tallaabdan ay Maasirdu qaadeen ee ah in ay dekad cusub ka dhisanayaan dalka Jabuuti, laakiin waxa ay timaamayaan in dhinca kale ay noqon karto tallaabo walaac amni ka dhalisa gobolka.

Sida uu sheegay wargeys ka oo baxa Itoobiya oo la yidhaahdo Capital, waxaa la filayaa in dhawaan la saxiixo heshiiska Masar ay ku dhisi doonto deked cusub oo ku taalla Jabuuti.

Sababo la xidhiidha xiisadda biyo-xidheenka ee Masar kala dhaxaysa dalka Itoobiya, waxa la sheegayaa in Qaahira ay xoojisay cilaaqaadkii ay la lahayd Eriteriya.

Muxuu yahay qorshaha Masar?

Waxay u muuqataa in Masar ay damacsan tahay in ay maalgashi weyn ku samayso Jabuuti, oo deris la ah Itoobiya.

Toddobaadyada soo socda, waxaa la filayaa in wufuud uu hoggaaminayo Raysalwsaare ku xigeenka Masar, Kamal al-Wazir uu booqasho ku tago dalka Jabuuti, halkaas oo la filayo in heshiiska lagu dhammaystiro.

Kahor booqashadooda, Agaasimaha Dekedaha Jabuuti, Abubakar Omaar Haadi, ayaa soo dhaweeyey xubno ka socday Masri ku socotay isla markaana la yeeshay wadahadallo.

Masar waxay qorsheyneysaa in ay dhisto xarun 20MW oo ku shaqeynaysa tamarta qorraxda ee dekedda SGTD, halkii laga isticmaali lahaa koronto ka timaadda shabakadda.

Maxaa Itoobiya u qorsheysan?

Saameynta tallaabada Masar ay ku leedahay dekedda ay Itoobiya isticmaasho weli si cad looma oga.

Itoobiyana si furan arrintan uma hadlin.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay u arkaan dhaqdhaqaaqan Masar mid walaac gelin kara gobolka Geeska Afrika.

Dr. Nagaraa Guddataa oo falanqeeya arrimaha gobolka ayaa u arka ujeeddada Masar si kale: “Masar waxay leedahay dekedo badan, dekedda ugu dhow halkan, haddii la dhiso, waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa Itoobiya sababtoo ah khilaafaadka iyo loollanka kla dhexeeya Itoobiya ee ku saabsan Webiga Niilka,” ayuu yidhi, isagoo tilmaamay in tani tahay aragti si weyn loo arko.

Itoobiya iyo Masar ma ahan dalal deris ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa u dhexeeyey xiisado iyo “cadownimo” muddo sannado ah soo jiitamayay.

Tani waxay ka horreysay dhismaha Itoobiya ee biyo-xidheenka webiga Niilka.

Khubaro ay hore BBC-du u waraystay waxay tilmaameen in labada dal aanay weligood cadow ahayn balse mararka qaar ay sidoo kale lahaayeen “cilaaqaad ” xooggan.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa muddo dheer marar kala duwan sheegaysay in Masar ay taageerto kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dawladda, islamarkaana ay hub siiso.

Isha: BBC

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo dib u bilowday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u billowday howlihii shaqo ee ay ka waday dalka, kadib markii laga gudbay hakadkii muddada socday ee sida weyn u saameeyay shaqooyinka xafiisyadeeda qaarkood.

Qoraal kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in adeegyada hakadka galay dib loo soo celiyay, isla markaana shaqooyinku si caadi ah u socon doonaan wixii hadda ka dambeeya.

Hakadka ku yimid miisaaniyadihii qaybaha kala duwan ee dowladda Mareykanka ayaa sababay in howlo badan istaagaan, iyadoo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay ka mid ahayd meelaha ugu saamaynta badnaa ee xannibaaddaasi gaartay.

1-dii October 2025 ayey aheyd markii safaaraddu sheegtay in aan wax xog ah la baahin karin inta ay dib uga furmeyso miisaaniyadda, hase yeeshee maanta ayay safaaraddu ku wargelisay in shaqadii dib loo bilaabay.

Arrintaas oo safaaraddu sheegtay inay timid kadib markii dowladda Washington ay gashay xaalad xirnaan dowladeed (government shutdown) oo saameynaysa adeegyada dowladda dhexe.

Si kastaba, waxaa haatan dib usoo laabtay adeegyo badan oo ay safaaraddu caadi ahaan bixiso oo muddo ku jiray hakad, iyadoo markaas si gaar ah diiradda loo saaray oo keliya arrimaha muhiimka u ah ilaalinta muwaadiniinta Mareykanka.

Safaaradaha Mareykanka ee ku yaalla dalalka dariska ah, sida Itoobiya iyo Jabuuti ayaa sidoo kale la qabay arrintaan tan Muqdisho, maadaama ay saameysay isla xaaladda xirnaanshaha dowladda dhexe ee Mareykanka.

Xaaladda noocan ah ayaa dhacda marar badan, gaar ahaan marka uu khilaaf ka dhex qarxo Kongareeska iyo Aqalka Cad ee ku saabsan ansixinta miisaaniyadda. Taas oo si toos ah u saameysa shaqaalaha dowladda, adeegyada bulshada, howlaha safaaradaha, iyo guud ahaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanku la leeyahay dunida kale.

Arrimahan ayaa imanaya xilli qaar kamid ah hay’addaha Mareykanka ay shaqo joojin sameeyeen sabab la xiriirta miisaaniyad la’aanta, kadib markii ay saameysay dib u dhaca ku yimid ansixinta miisaaniyadda dalkaasi.

Adeegyada Dowladda Federaalka Mareykanka ayaa muddo hakad galay, kadib markii Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee Kongareeska Mareykanka ay ku guuldarreysteen inay ku heshiiyaan ansixinta miisaaniyadda.

Maxaa maalinta berri ah ka bilaabanaya Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeybinta kaararka codbixinta ee dadka ku nool gobolka Banaadir ayaa maalinta berri ah si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inuu fariin gaar ah u dirayo muwaadin kasta oo hore isu diiwaangeliyay, si uu uga soo qaato kaarkiisa goobtii uu horey uga diiwaangashanaa.

“Qof kasta waxaa loo soo diri doonaa fariin uu ku ogaanayo goobta uu ka qaadanayo kaarka codbixinta, waxaana laga codsanayaa inuu tago halkaas si uu u helo kaarkiisa,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa sidoo kale sheegay in wajiga hore ee qeybinta lagu bilaabi doono degmooyinka xeebta ku teedsan ee Xamar Weyne, Shingaani, Boondheere, Xamar Jajab, Waaberi, Shibis iyo Cabdicasiis.

Guddiga wuxuu tilmaamay in guud ahaan 42 goobood laga hirgelin doono qeybinta kaararka doorashada, si ay dadka deegaanka ugu fududaato helitaanka kaarka codbixinta.

Sida lagu sheegay warbixinta guddiga, tirada dadka hore iskaga diiwaangeliyay diiwaangeliyay gobolka Banaadir ayaa kor u dhaaftay 900,000 qof, taas oo muujinaysa sida ay shacabka ugu diyaar garoobeen doorashooyinka heer degmo ee la qorsheeyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo lagu hormarayo kuwa heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.

Soomaaliya oo wajahaysa caqabado ka dhashay go’aanka beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa shaaciyay in hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya, xilli sanadihii la soo dhaafay uu dalka sameeyay horumar muuqda oo dhinaca dhaqaalaha ah.

Wasiirka oo wareysi siiyay CNBC Carabiya ayaa sheegay in ay jiraan caqabado cusub oo ka dhashay hoos u dhaca ku yimid caawimada horumarineed ee ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha waaweyn.

Wasiirka ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii 2024 kor u kacay 4%, balse saadaasha sanadka 2025 ay hoos ugu dhacday ku dhowaad 1%. Wuxuu hoos u dhacaas la xiriiriyay yaraanta taageerada dibadda, taas oo saamayn ku yeelatay kobaca dhaqaalaha.

Biixi Iimaan Cige wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay wado dadaallo lagu xoojinayo maamulka maaliyadda, dib-u-habaynta cashuuraha iyo hay’adaha, si loo kordhiyo dakhliga gudaha oo uu ku tilmaamay tiirka ugu muhiimsan ee maalgelinta muddo-dheer.

Wuxuu xusay in dalka uu horumar weyn ka sameeyay dijitalaynta iyo otomaatiga nidaamyada cashuuraha, taas oo sababtay in dakhliga gudaha uu kordho in ka badan 80% saddexdii sano ee la soo dhaafay, inkastoo goobta laga bilaabay ay ahayd mid dakhli yar.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in miisaaniyadda qaranka ay korodhay 24% sanadihii 2024 iyo 2025, hase yeeshee weli ay jirto baahi loo qabo maalgelin caalami ah, iyadoo dakhliga gudaha uu si tartiib ah u kobcayo.

Dowladda ayuu sheegay inay xoogga saarayso ballaarinta kharashaadka bulshada, kordhinta kharashaadka bulshada, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka iyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dakhliga gudaha ee loo qoondeeyo waxbarashada uu saddex sano gudahood ka kordhay 3% una kacay 10%, taas oo muujinaysa awoodda sii kordheysa ee dowladda ee maalgelinta adeegyada muhiimka ah.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Maaliyadda ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay dooratay nidaam taageero oo bartilmaameed leh, halkii ay ka isticmaali lahayd gargaarka guud ee aan la kala soocin.

Mareykanka oo shaaciyay in la jabsaday nidaamkii e-Visa ee DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in la jabsaday nidaamkii e-Visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay.

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in kooxo burcad ah ay jabsadeen nidaamka, iyadoo mareegta laga xaday xogta iyo dhammaan macluumaadka kumannaan qof oo nidaamkan iska diiwaangeliyay.

Xogta la jabsaday ayaa la sheegay inay ka koobnayd magacyada codsadayaasha fiisaha, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, cinwaanada iimaylka, xaaladda guurka, iyo cinwaanada guryahooda.

Dadka xogtooda la jabsaday waxaa ka mid ah muwaadiniin u dhashay dalka Maraykanka, kuwaas oo dhibaatadan la kulmay lana xaday xogtoodii, sida ay sheegtay safaaraddu.

Maraykanka ayaa digniin u diray muwaadiniintiisa, isla markaana ku wargeliyay dhacdadan.

Hoos ka akhri qoraalka kasoo baxay Safaaradda oo u turjuman Soomaali:

11-kii Nofeembar 2025, ilo kala duwan ayaa soo sheegay warar la hubo oo muujinaya in kooxo aan la garanayn ay jabsadeen nidaamka e-Visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarkan ayaa sababay in xogta gaarka ah ee ugu yaraan 35,000 qof ay si khaldan u soo baxdo, waxaana la rumeysan yahay inay ku jiraan kumannaan muwaadiniin Maraykan ah.

Xogta la faafiyay ayaa lagu sheegay inay ka koobnayd:

  • Magacyada codsadayaasha fiisaha
  • Sawirradooda
  • Taariikhda iyo goobta dhalashada
  • Cinwaanada iimaylka
  • Xaaladda guurka
  • Iyo cinwaanada guryahooda

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ma xaqiijin karto in xogta qof gaar ah ay qayb ka tahay xogta la jabsaday, balse qof kasta oo hore u dalbaday fiisaha elektaroonigga ah (e-Visa) ee Soomaaliya waxaa suuragal ah inuu saameyn ku yeeshay jebintan.

Tallaabooyinka la qaadayo:

La soco wararka iyo ogeysiisyada rasmiga ah ee ay soo saarto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (SICA) ee la xiriira nidaamka e-Visa.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan jebinta xogta, booqo: Data Breach Resources | Federal Trade Commission

Xogta qorshe culus oo uu Farmaajo ka billaabayo Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu kulammo siyaasadeed ka bilaabo magaalada Muqdisho, xilli uu shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib saddex sano iyo dheeraad oo uu ka maqnaa.

Xubno ay ka mid yihiin xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka iyo siyaasiin kale ayaa madaxweynihii hore ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa dalka ugu soo laabtay arrimo la xiriira doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socda lagu wado in ay dalka ka qabsoonto, walow aan weli heshiis lagu ahayn nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto 2026.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu qayb ka noqon doono dadaallada gudaha ee xalka loogu raadinayo in la dhammeeyo khilaafka masiiriga ah ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la xiriira doorashada dalka, isla-markaasna ka dhashay wax ka beddelkii 30-kii bishii Maarso ee sanadkii 2024 lagu sameeyay afar ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG ah ee uu ka kooban yahay.

“Madaxweyne Farmaajo inta uu ku sugan yahay Muqdisho waxa uu sii xoojinayaa dadaallada heer qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed, qabsoomidda doorasho loo dhan yahay iyo adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn,” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka mid ah xubnaha sida dhow loola xiriiriyo Farmaajo.

Cabdirashiid ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay: “Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulammo wada-tashi oo ku saabsan xaaladda dalka iyo duruufaha ay la daala-dhacayaan shacabka Soomaaliyeed la qaadan doonaa hormuudka siyaasadda, masuuliyiin iyo haldoorka bulshada.”

Imaanshaha Farmaajo ee dalka ayaa ku soo aadeysa iyadoo uu is-mar-waa ku saabsan doorashada uu muddooyinkanba u dhexeeyay siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta iyo Villa Somalia.

13-kii bishii August ayaa waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulammo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la lahaa xubnaha Madasha Samatabixinta, kaddib markii ay isla meel dhigi waayeen in laga laabto qodobadii la beddelay ee Dastuurka Qabyo-qoraalka, si marka hore loogu heshiiyo haddii wax laga beddelayo iyo haddii kaleba.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka biyo-diidan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamulayso doorashada 2026, iyagoona ka digay in dalka laga qabto doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Farmaajo waa madaxweynihii ugu dambeeyay ee dalka, inta doorasho lagaga guulaysto xilka wareejiya, dowladduna waxay og tahay in uu saamayn siyaasadeed leeyahay.

Farmaajo waxaa lagu tiriyaa siyaasiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, inkastoo uu u dhaqmayo sida siyaasi keli-duul ah, marka aad eegto in aanu xubin ka ahayn isbahaysiyada ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka.

Farmaajo ayaa waxaa suurtagal ah in billaha soo socda uu si toos ah isu xiro siyaasiyiinta ka aragti duwan Villa Somalia, si uu u mucaarado siyaasadda qaran ee dowladdu ay dalka ku gaarsiineyso doorashada qof iyo cod ah.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan dalka ka qaban karin doorasho aan heshiis lagu ahayn, maadaama ay ka warqabto in beesha caalamka aan wax dhaqaale ah lagu bixin doonin doorasho lagu kala qaybsan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa daba-yaaqadii bishii August hal tallaabo u qaaday tanaasulka looga baahan yahay in dowladdiisu ay sameyso, markaas oo uu oggolaaday in madaxweynaha xiga ay soo doortaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, balse ay dadweynuhu si toos ah u soo dooran doonaan golayaasha deegaanka, xildhibaannada baarlamaanada heer dowlad-goboleed iyo heer federaalba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa go’aankan qaatay heshiis uu xilligaasi la galay afar ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, kuwaas oo mabda’ ahaan ka tanaasulay mucaaradnimadooda. Siyaasiyiintan ayaa kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Daahir Maxamuud Geelle iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdirraxmaan.

Maxamed bin Salmaan oo Trump ku cadaadinaya qorshe ka dhan ah Imaaraadka

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan (MBS), ayaa la filayaa inuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kala hadlo taageerada Imaaraadka Carabta uu siiyo ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Suudaan, sida ay sheegeen saraakiil kala duwan oo Carab iyo reer Galbeed ah.

Tallaabadan ayaa muujinaysa ka-qaybgal toos ah oo naadir ah oo uu hoggaamiyaha Sacuudigu ku yeelanayo colaadda Suudaan, taasoo socotay tan iyo Abriil 2023. Waxay timid kaddib wicitaan taleefoon oo toos ah oo dhex maray MBS iyo Taliyaha Ciidammada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), Cabdulfataax al-Burhaan.

Ilaa dhowaan, dagaalka ba’an ee Suudaan waxaa si diblomaasiyadeed u hareeyay qalalaasaha Gaza iyo xiisadaha lala galay Iran. Si kastaba ha ahaatee, la wareegiddii RSF ay dhowaan la wareegeen el-Fasher, oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur, ayaa dagaalka si weyn usoo ifbixisay, iyadoo ay soo baxayaan warbixino ku saabsan xasuuq ballaaran iyo kufsi ay geysteen dagaalyahannada RSF.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay taageerayeen RSF intii uu dagaalku socday, iyagoo adeegsanaya waddooyin sahay oo mara Libya, Chad, iyo dekedda Boosaaso ee Soomaaliya, inkastoo Abu Dhabi ay beenisay eedeymahaas.

Xiisad ayaa sidoo kale ka muuqata dhanka internet-ka, halkaasoo uu “dagaal dhanka xogta ah” ku dhex marayo baraha bulshada ee ay kala taageeraan Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Ilo-wareed la siiyay xogta wicitaanka ayaa sheegay in Jeneraal Burhaan uu u sheegay MBS in dagaalku uusan dhammaan karin iyadoo aan Mareykanku cadaadis saarin Imaaraadka. Burhaan wuxuu faahfaahiyay waxyeellada RSF, isagoo ku adkeystay in dagaalku uusan ahayn mid u dhexeeya “laba jeneraal” oo kaliya, balse RSF ay noqotay “mashiin wax gumaada” oo ay suurtagelisay taageerada Imaaraadka.

MBS wuxuu ballanqaaday inuu arrintan u gudbin doono Trump. Diblomaasiyiinta gobolka ayaa filanaya cadaadiskan, iyadoo sarkaal reer Galbeed ah uu xusay in MBS “uu u arko fursad uu isku dayayo inuu ku kala geeyo Trump iyo MBZ,” Madaxweynaha Imaaraadka Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Xulafadii oo col isu beddelay

Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo 40 jir ah iyo hoggaamiyaha Imaaraadka oo 64 jir ah ayaa mar lahaa xiriir aad u dhow. Labada boqortooyo waa lammaanayaal muhiim u ah Mareykanka, waxayna si toos ah ula macaamilaan maamulka Trump, iyagoo xiriir dhow la yeeshay Jared Kushner.

Waxay horey u soo abaabuleen go’doomintii Qatar, waxayna si wadajir ah u fara-geliyeen dagaalka sokeeye ee Yemen. Waxaa la yaab leh, in badan oo ka mid ah dagaalyahannada RSF ay u dagaalameen isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen.

Maanta, labaduba way xafiiltamaan. Dalka Yemen, Imaaraadku wuxuu taageeraa gooni-u-goosatada koonfureed, kuwaasoo khilaafsan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee uu Sacuudigu taageero.

Hoggaamiyeyaasha boqortooyooyinka Khaliijka ayaa caadiyan ka caga jiida inay khilaafaadkooda soo bandhigaan marka ay joogaan Aqalka Cad. Si kastaba ha ahaatee, aaminaad-darrida Madaxweyne Trump ee ku aaddan diblomaasiyiinta heerarka hoose ayaa ka dhigaysa la-macaamilka tooska ah ee heerka sare ah mid muhiimad gaar ah leh—waana xaqiiqo uu MBS u muuqdo inuu ka faa’iideysanayo.

Tallaabadan waxay sidoo kale ka tarjumaysaa go’doonka sii kordhaya oo Imaaraadka kula kulmayo arrinta Suudaan. Masar iyo Turkiga, oo ah dalal kale oo xiriir dhow la leh Imaaraadka, ayaa kordhinaya taageerada milatari ee ay siiyaan ciidanka Suudaan, iyagoo la saftay Sacuudi Carabiya.

Xuseen Ibish, oo ah aqoonyahan ka tirsan Machadka Wadamada Khaliijka Carabta ee Washington (Arab Gulf States Institute in Washington), ayaa xusay in isbahaysigan uu abuurayo “is-afgarad Carbeed” oo Imaaraadku “ka hor imaanayo.” Ibish wuxuu intaas ku daray in “khatarta Iran” oo yaraatay ay u oggolaatay Sacuudiga iyo Imaaraadka “inay dareemaan xorriyad ay ku tartami karaan” halkii ay kaga midoobi lahaayeen arrin kasta.

Mowqifka Sacuudi Carabiya

In kasta oo Suudaan ay ku taal meel Badda Cas uu u dhow Sacuudi Carabiya, haddana Imaaraadka ayaa ku firfircoonaa goobta, iyadoo lagu eedeeyay inay saldhigyo iyo waddooyin sahay oo isku murugsan u samaysay RSF, oo uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Dagalo (Xameti).

Sacuudi Carabiya wuxuu si cad isugu muujiyey sidii dhexdhexaadiye, isagoo martigeliyay wada-hadalladii Jeddah. Si kastaba ha ahaatee, ilo-wareedyo kala duwan ayaa tilmaamaya in doorbididda Riyadh ay had iyo jeer ahayd xasilloonida muuqata ee ay bixiso SAF.

Sida la soo warinayo, Riyadh waxay si weyn uga carootay faragelinta Imaaraadka, waxayna markii hore ka biyo diidday in Abu Dhabi loo oggolaado kooxda dhexdhexaadinta ee “Quad”, iyadoo oggolaatay oo keliya kaddib cadaadis heer sare ah oo Mareykanka ka yimid.

Dagaalku wuxuu dilay tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay ugu yaraan 13 milyan oo qof. In kasta oo SAF sidoo kale lagu eedeeyay dambiyo dagaal, haddana RSF waxaa lagu eedeeyaa xasuuq baahsan, oo ay ku jirto isir-sifeyn ka dhacday Darfur.

In kasta oo aan la filayn in Suudaan ay noqoto mowduuca ugu muhiimsan ee booqashada Aqalka Cad—taasoo diiradda lagu saari doono heshiisyada hubka, garaadka macmalka ah, iyo tamarta nukliyeerka—hadana faragelinta la qorsheeyay ee MBS waxay calaamad u tahay isbeddel diblomaasiyadeed oo la taaban karo oo ku yimid xafiiltanka gobolka.

Cabdiweli Gaas oo billaabay howl-galkii loo igmaday

0

Juba (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah iyo Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Koonfurta Sudan, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u billaabay howlaha nabadaynta dalkaas.

Dr Gaas ayaa warqadaha wakiilnimo ee Midowga Afrika u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koofurta Suudaan, Dr Monday Semanyo Kumba, maadaama hoggaanka ururku u igmaday nabadaynta dalkaas.

“Farxad ayay ii tahay in warqadaha aqoonsiga wakiilnimo aan ku wareejiyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Koofurta Suudaan Dr Monday Semanya Kumba, waad ku mahadsan tahay wasiir sida wanaagsan aad iigu soo dhaweysay,” ayuu Cabdiweli ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray.

Gaas ayaa haatan dadaal ku bixinaya sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada siyaasadda dalkaasi isku haya, si loosoo afjaro colaadda ka dhex jirta.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Gaas ayaa dhawaan si rasmi ah u qabtay xilkaan, isagoo loo xil-saaray hoggaaminta dadaallada dhex-dhexaadinta iyo nabad-dhisidda ee dalkaas oo qarka u saaran colaad dib u soo cusboonaata.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf ayaa bishii October xilka ku soo dhoweeyay Dr. Gaas, isagoo magacaabistan ku tilmaamay “tallaabo lagama maarmaan u ah xoojinta ka-qaybgalka Midowga Afrika ee Koonfurta Sudan.”

Wuxuu muujiyay kalsoonida uu ku qabo in “fahamka qotoda dheer ee Dr. Gaas ee gobolka iyo khibraddiisa siyaasadeed ee ballaaran” ay gacan ka geysan doonto dib u soo nooleynta geeddi-socodka nabadda ee dalkaas oo aan sal adag lahayn.

Dr. Gaas oo ah siyaasi iyo aqoonyahan Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ah, wuxuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya soo ahaa laga soo bilaabo Juun 2011 ilaa Oktoobar 2012. Muddadaas wuxuu hoggaaminayay marxaladdii uu dalku uga gudbayay dowlad ku-meelgaar ah una gudbayay hanaan siyaasadeed oo rasmi ah.

Markii uu xafiiska ka tagay, wuxuu muddo kooban ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka, kahor inta aan loo dooran Madaxweynihii shanaad ee Dowlad Goboleedka Puntland bishii Janaayo 2014, isagoo maamulkaas hoggaaminayay muddo shan sano ah. Muddo xileedkiisii Puntland wuxuu diiradda ku saaray dib-u-habeynta maamulka, horumarinta hay’adaha, iyo dibloomaasiyadda heer gobol.

Arrimahan ayaa imanaya xilli xiisad culus ay Koonfurta Sudan ka jirto, halkaasoo kooxaha iska soo horjeeda ay sii wadaan qorashada dagaalyahanno, oo ay ku jiraan carruur, taasoo ka hor imanaysa Heshiiskii Dib-u-soo-nooleynta ee Xallinta Khilaafka Koonfurta Sudan (R-ARCSS) ee 2018.

Si kastaba, Dr. Gaas wuxuu hoggaamin doonaa hawlgallada Midowga Afrika ee Koonfurta Sudan, isagoo ka shaqeyn doona isusoo dhoweynta kooxaha iska soo horjeeda, xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah, iyo horumarinta dib-u-habeynta maamulka.

Howl-galkiisa waxaa sidoo kale qayb ka ah iskaashi lala sameeyo saaxiibbada caalamka si loo taageero adkeynta nabadda iyo dib-u-dhiska hay’adaha ee dalka ugu da’da yar adduunka.

Xiisad la xiriirta badda oo ka dhex qaraxday Uganda iyo Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xiisad salka ku haysa biyaha Badweynta Hindiya ayaa ka dhex qaraxday Dowladaha Kenya iyo Uganda.

Dowladda Uganda ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegtay in aysan suurtagal ahayn in ay sii ahaato bilaa bad, iyadoo Madaxweyne Yoweri Museveni uu sheegay in aan laga fursan doonin dagaal labada dal u dhexeeya haddii Kenya aysan dalkiisa u oggolaan marin badeed uu ka galo Badweynta Hindiya.

Dowladda Kenya oo ka carootay hadalka Madaxweynaha Uganda ayaa si adag uga jawaabtay, iyadoo sheegtay in aysan jirin wax wada-hadal ah oo ay ka galayso baddaheeda, ayna arrintaasi u aragto mid dagaal horseedi karta haddii la sii wado.

Hadalka Madaxweynaha Uganda ayaa dhaliyay caro iyo walaac siyaasadeed oo gudaha Kenya ka dhashay, iyadoo saraakiil sare oo Kenyan ah sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin in lagu soo xadgudbo xuduudahooda badeed.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay in ay qayb ka tahay ololaha ay qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika, sida Itoobiya, ka wadaan raadinta marin badeed, taas oo horey muran iyo diidmo uga dhalisay gobolka.

Helitaanka bad

Damaca helitaanka badda ayaa xiisad culus ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya. Addis Ababa ayaa si cad u muujisay rabitaankeeda ku aaddan in ay hesho marin badeed rasmi ah, taas oo si toos ah u taabanaysa madax-bannaanida Soomaaliya.

Itoobiya ayaa sannadkii 2024 heshiis ay ku gaareyso badda la saxiixatay maamulka Somaliland, inkastoo uusan noqon mid hirgala, kadib markii dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid, illaa ay Addis Ababa ku qasbanaatay in ay dib uga joogsato. Si kastaba, Itoobiya weli kama tanaasulin damaceeda.

Damaca Itoobiya ee gaarista biyaha Badda Cas ayaa marba marka kasii dambaysa sii xoogeysanayay, iyadoo dadaal badan gelisay sidii ay u dhisi lahayd ciidan badeed u gaar ah.

Gaarista Badda Cas ayaa ah riyo ay ku taamayaan Itoobiyaanka, kuwaas oo dhowr jeer hore u muujiyay in haddii nabad iyo is-faham lagu gaari waayo, ay adeegsan doonaan awood ciidan.

Sidoo kale, damaca helitaanka baddu wuxuu taabtay dalka Eritrea, kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu dhawaan si aan gabasho lahayn u sheegay in ay tahay “arrin waqti uun ka xigo” inta aysan Itoobiya dib ula wareegin dekedda Casab ee Eritrea, isaga oo sii wada dadaalka adag ee maamulkiisu ugu jiro sidii uu u heli lahaa marin badeed.

Abiy ayaa hadalkan sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda ee EBC, ka hor xarigga biyo-xidheenka weyn ee GERD, isagoo ku nuuxnuuxsaday in “la gaaray xilligii la saxayay khaladaadkii hore.”

Isagoo fadhiya xeebaha harada weyn ee macmalka ah ee uu sameeyay biyo-xidheenka GERD, oo loogu magac daray Nigat, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay luminta marinkii dekedda Casab inay ahayd khalad dhacay soddon sano ka hor.

“Badda Cas waxay qayb ka ahayd Itoobiya soddon sano ka hor,” ayuu yidhi. “Khaladku shalay ayuu dhacay, berrina waa la sixi doonaa,” ayuu raaciyay Abiy Axmed.

Isku soo wada duubo, damaca marin badeed ay helaan dalalka bilaa badda ah, ayaa xiisad hor leh ka abuuray waddamada leh xeebaha, iyadoo damacaas loo arko mid halis ugu jira inuu gobolka ka rido dagaal, haddii aan si wadajir ah oo heshiis lagu yahay looga faa’iideysan biyaha.

Maamulka Puntland oo si adag u beeniyay…

0

Eyl (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in falal burcad-badeednimo ay ka dhaceen xeebaha Eyl ee gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha degmada Eyl, Faysal Khaliif Waceys ayaa sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay soo tabiyeen warbaahino gudaha iyo dibadda ah oo aan xaqiiqo ku dhisnayn, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhacdadii ugu dambeysay ee lala xiriiriyay burcad-badeed Soomaaliyeed oo la sheegay inay la wareegeen markab lagu magacaabo Hellas Aphrodite uusan ka dhicin gudaha degmada Eyl iyo nawaaxigeeda, taasna ay si fiican u og yihiin hay’adaha amniga.

Sidoo kale, Faysal Khaliif ayaa xaqiijiyay in xaaladda amni ee Eyl ay tahay mid degan, isla markaana aanay suurtagal ahayn in halkaas laga abaabulo falal noocaas ah.

Wuxuu intaas ku daray in degmada ay si joogto ah u soo booqdaan dalxiisayaal Soomaali iyo ajaanib ah, kuwaas oo si nabad ah ugu nasto uguna damaashaada xeebaha magaalada.

Hadalkan ayaa imanaya xilli koox Soomaali ah ay qabsadeen markabka Hellas Aphrodite, kaasi oo markii dambe isaga degeen kadib markii ay ku guul-darreysteen inay furaan albaabada ay isku xireen 24 shaqaale ah oo markabka la socday, kuwaas oo isku soo xiray qolal amni ah.

Mid ka mid ah kooxda ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay rasaas ay isku dayayeen inay ku furaan albaabada qolalka ay isku xireen shaqaalaha, taas oo dib ugu soo laabatay dhankooda.

Howl-galka Atlanta ee ka hortagga weerarrada burcad-badeedda ayaa sidoo kale xaqiijiyay in kooxda markabka qabsatay ay isaga degeen si iskood ah, ayna badqabaan dhammaan shaqaalaha markabka Hellas Aphrodite.

Markabka ay kooxdu isaga degtay, oo ku safrayay calanka jasiiradda Malta ayaa siday shidaal uu ka soo qaaday Hindiya, wuxuuna u waday dalka Koonfur Afrika. Weerarka ayaa dhacay xilli uu markabku marayay meel qiyaastii 1,000KM u jirta xeebaha Soomaaliya.

Goobtan ayaa hore loogu diiwaangelin weerarro noocan oo kale ah, maadaama ay aad uga fog tahay biyaha Soomaaliya oo la tixgeliyo inay khatar yihiin. Dhacdadii ugu dambeysay ee la barbar dhigi karo ee markab la koray oo gobolka ka dhacday waxay ahayd bishii May 2024, markaasoo burcad-badeed la tuhunsan yahay ay koreen markabka Basilisk ee sita calanka Liberia, oo joogay meel qiyaastii 380 mayl-badeed bari ka xigta Muqdisho.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, dhacdadii ugu horreysay ee lala xiriiriyo burcad-badeed Soomaali ah oo nooceeda ah tan iyo 2024, ayaa dabley hubeysan waxay weerareen booyad ganacsi oo ku sugnayd meel ka baxsan xeebta u dhow caasimadda Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kaddib markii ay isku dayeen inay koraan, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah.

Ilo ku xeel dheer amniga badda ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay toddobaadkaas sidoo kale la wareegeen doon kalluumeysi oo Iiraan ay leedahay si ay ugu isticmaalaan ‘hooyo-markab’ (mothership) ay ka soo qaadaan weerarrada.

Afduubkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay bishii Diseembar 2023, markaasoo markabka Ruen ee sitay calanka Malta ay dabley qabsadeen kuna kaxaysteen xeebaha Soomaaliya, ka hor inta aysan ciidamada badda ee Hindiya xoreyn shaqaalihii isla markaana aysan xirin kooxdii weerarka geysatay.

Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ayaa ahaa kuwo aan si weyn u firfircoonayn sannadihii la soo dhaafay, kaddib markii ay hore khatar weyn ugu hayeen agagaarka Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.