26.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Wasiir FIQI oo weerar culus ku qaaday kooxda Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dib usoo laabashada Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dhawaan lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Fiqi ayaa weerar toos ah ku qaaday Farmaajo iyo kooxdiisa, wuxuuna tilmaamay in sanadkan aysan waxba qaadi karin marka loo eego loolanka adag ee doorashada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan, maadaama ay soo guryo noqdeen, balse loo baahan yahay in dadkooda ay dhinac ka raacaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Team-ka cusub ee Farmaajo magaalada waan kusoo dhaweyneynaa, laakiin sanadkan inay wax ka qaadi doonaan u maleyn maayo ee dadkooda dhinac haka raacaano”. ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyey “Waxaan leeyahay saaxiibadey Cabdiraxmaan Dheere iyo Cabdishakuur Mire magaalkan dhib kama jiree nabad ku jooga”.

Soo laabashada Farmajo ayaa lagu sababeeyay saddex arrimood oo xasaasi ah, sida lagu sheegay qoraal uu shaacisay xafiiskiisa, kuwaas oo kala ah:

  1. Xoojinta dadaallada heer qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed.
  2. Qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.
  3. Adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn.

“Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safarro gaar ah oo uu ku tagay dalal dibadda ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee madaxweynihii hore.

Sidoo kale Farmaajo ayaa haatan bilaabay kulammo wadatashi oo gaar-gaar ah oo uu la qaadanayo ururrada bulshada iyo siyaasiyiinta, kuwaas oo diiradda saarayo xaaladda dalka iyo duruufaha ay la daalaa-dhacayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo madaxweynihii hore Farmaajo la qaadan doono hormuudka siyaasadda, mas’uuliyiin iyo haldoorka bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa u muuqanaysa inay haatan galeyso marxalad cusub, waxaana kusoo qulqulaya siyaasiyiintii ugu badnaa oo jilib culus ah, kuwaas oo u hanqal taagaya qabashada xilka madaxweynaha.

Garoonka Muqdisho oo uu ka socdo bahdil nin Turkish ah uu ku hayo Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dhacdooyin isdaba joog ah oo la sheegay inay yihiin xadgudubyo lagula kacay dad Soomaaliyeed oo safar ah garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ayaa kiciyay walaac xooggan oo ku saabsan hawlgallada Shirkadda Turkish Airlines ee dalka. Mid ka mid ah maamule sare oo ka tirsan shirkadda ayaa lagu eedeeyay inuu si isdaba joog ah u bahdilo rakaabka, ugana hor istaago si aan sharci ahayn inay duulaan.

Sarkaalkan, oo rakaabku ay magaciisa ku sheegeen oo keliya Turhan, ayaa lagu eedeeyay inuu adeegsado awood ballaaran oo aan lala xisaabtamin oo ku aaddan go’aamada diyaarad raacista, taasoo keentay in qaar ka mid ah dadkii safarka ahaa ay ku xayirmaan, ay lacagtoodii ka khasaarto, ayna la kulmaan bahdilaad.

Sida ku xusan warbixinno kala duwan oo ay wadaageen rakaab iyo dad goob joog ahaa, maamulaha ayaa la sheegay inuu muwaadiniin Soomaaliyeed u diiday inay diyaaradda raacaan, uu amar ku bixiyay in la xiro iyadoo aan la siin sharraxaad cad, uuna diiday inuu u jaro tikidho beddel ah.

Dadka ay arrintani saamaysay waxay sheegeen in dhacdooyinku ay u gaysteen khasaare maaliyadeed iyo dhibaato nafsi ah — ayna u muuqato in si gaar ah loo beegsanayo Soomaalida oo keliya.

Mid ka mid ah kiisaska ugu caansan waxaa ku lug leh Abdi Addow oo caan ka ah baraha bulshada, iyo Abdifatah Faisal Hussein, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya. Ka dib markii ay dhammeeyeen habraacyadii caadiga ahaa ee diyaarad raacista ka horreeyay, ayaa la labadooda lagu hor istaagay iridda laga baxo.

Rakaabku waxay sheegeen in maamuluhu uu u diiday inay diyaaradda galaan, isla markaana uu iska indha tiray ilaalada amniga garoonka iyo mas’uuliyiin isku dayay inay soo farageliyaan, uuna oggolaaday oo keliya kaddib baryootan isdaba joog ah.

“Xilli aan safka ugu jirnay inaan diyaaradda galno, ayuu na hor istaagay. ‘Ku noqda meeshii aad ka timaadeen,’ ayuu yiri, ka hor inta uusan si xoog ah albaabka nooga soo xirin,” ayuu Addow ku qoray qoraal uu Sabtidii soo dhigay bartiisa Facebook.

Wuxuu ku tilmaamay awoodda maamulaha mid si dhab ah aan loola xisaabtami karin.

“Ma garanayo meesha uu ka keeno awooddan dheeraadka ah. Wuxuu kula dhaqmaa si xun oo xad-dhaaf ah Soomaalida. Ma jirto meel looga ashtakoodo, mana jiro qof joojinaya,” ayuu yiri Addow.

Rakaabku waxay sheegeen in kiiskani uusan ahayn mid keli ah. Dhacdo kale, wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah oo ka yimid Sweden ayaa la sheegay in la xiray iyadoo aan wax sharraxaad ah la siin, loona diiday wax magdhow ah ama qabanqaabo kale oo safar.

“Laba maalmood ka hor, wiil dhalinyaro ah oo Sweden ka yimid ayaa laga hor istaagay inuu diyaarad raaco waana la xiray. Looma soo bandhigin tikidh beddel ah. Ma inuu mid cusub iibsadaa?” ayuu Addow isweydiiyay.

Wuxuu sii waday inuu su’aal geliyo nidaamka ballaaran ee ku xeeran hawlgallada shirkadda ee Muqdisho: “Yaa looga ashtakoon karaa ninkan? Yaa loo igmaday inuu baaro arrimahan? Ma waxaan ku jirnaa gumeysi aan muuqan, mise waa dhibaato ku kooban shakhsi ku takri falaya awooddiisa?”

Eedeymahan waxay ka careysiiyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo u arka dhacdooyinkan la soo weriyey inay qayb ka yihiin hab dhaqan salka ku haya in shaqaalaha shirkaddu ay ku shaqeeyaan awood ku dhow mid aan xad lahayn, xitaa iyagoo ka tallaabsanaya amniga garoonka iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Rakaabka sheegay in si xun loola dhaqmay waxay tilmaameen inaysan haysan wax waddo ah oo ay cabashadooda ku gudbiyaan, taasoo dhalinaysa su’aalo degdeg ah oo ku saabsan la xisaabtanka iyo kormeerka.

Kiis kale oo dhowaan dhacay waxaa sidoo kale soo bandhigay qof baraha bulshada looga yaqaan “Somali Gamer,” kaasoo sheegay in isla sarkaalkani uu ka jiiday jaranjaradii diyaaradda. Wuxuu ku andacooday in ninkani uusan xirnayn wax darees ah ama aqoonsi muuqda intii uu awooddiisa adeegsanayay.

Shirkadda Turkish Airlines waxay door udub-dhexaad ah ka qaadatay dib isugu xiridda Muqdisho iyo caalamka intiisa kale, iyadoo duulimaadyadeeda loo arko inay yihiin halbowle muhiim ah oo isku xira Soomaaliya iyo caalamka. Balse, dhacdooyinkan dhowaan la soo warramay waxay muujinayaan in Soomaalida qaarkood, helitaanka halbowlahaas muhiimka ah ay ku timaaddo qiimo ah bahdilaad fagaare ah — waana tanaasul ay dad badani hadda leeyihiin waa mid aan la qaadan karin.

Isagoo ka falcelinaya dhibaatadii isaga ku dhacday, Addow wuxuu ku baaqay in la qaadaco shirkadda.

“Mar dambe ma raaci doono Shirkadda Turkish Airlines ilaa ninkan laga saaro shaqada, waxaana uga digayaa Soomaalida inay lacagtooda ku beddeshtaan bahdilaad,” ayuu yiri.

Mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa ka war haya cabashooyinka, sida ay sheegeen dad xog ogaal u ah xaaladda, balse waxay illaa hadda ku guul-darraysteen inay xaqiijiyaan in shaqaalaha shirkaddu ay u hoggaansamaan mabaadi’da ka ilaalinaya rakaabka takoorka iyo ku takri-falka awoodda.

Rakaabka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa hadda ku baaqaya in baaritaan degdeg ah oo daah-furan lagu sameeyo xadgudubyada la soo warramay, iyo sidoo kale in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo looga hortagayo tacaddiyo kale.

Somaliland oo shaacisay in laga dhaafay nidaamka e-visa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in shacabka Somaliland aan mar dambe lagu xannibi doonin fiisaha e-visa ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay si rasmi ah u dhammaatay Jimcihii ka dib dadaallo ay sameeyeen wasaaradaha khuseeya.

Mas’uuliyiin heer wasiir ah oo loo xil-saaray arrimaha hawada ayaa sheegay in qof kasta oo u safraya Somaliland aan laga weydiin doonin fiisaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay inay wada-hadallo la yeesheen dalal badan iyo hay’adaha caalamiga ah, isla markaana ay u caddeeyeen in Soomaaliya aanay wax maamul ah ku lahayn hawada Somaliland. Wuxuu xusay in Ururka IATA uu aqbalay in Somaliland leedahay awood buuxda oo ay ku maamuli karto hawadeeda iyo madaarradeeda.

Sidoo kale, Wasiirka Duulista Fu’aad Axmed Nuux ayaa shaaciyay in nidaamkii e-visa ee Soomaaliya ay ku soo rogtay dadka u socda Somaliland uu shalay ku ekaaday, isla markaana qof kasta oo imanaya Somaliland uu dal-ku-galka toos uga qaadanayo madaarrada Hargeysa iyo Berbera. Wuxuu sheegay in isku dayadii Soomaaliya ay ku doonaysay inay cadaadis ku saarto Somaliland – sida qabashada fiisaha iyo mamnuucidda Taiwan – ay dhammaantood fashileen.

Ma jiro wax caddeymo ah oo taageeraya sheegashada Somaliland, waxaana weli dadka u soo safraya Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland ay sheegayaan in la weydiinayo e-visa.

Dhanka kale, Somaliland ayaa intaas ku dartay inay weli waddo dadaal ay si buuxda ula wareegto maamulka hawada, isla markaana ay sii wado dhismaha shuruucda loo baahan yahay. Wasaaraddu waxay sheegtay in laga bilaabo 10-kii November diyaaradaha maraya hawada Somaliland ay amar buuxa ka qaadanayaan Hargeysa, taas oo ay ku tilmaameen guul diblomaasiyadeed.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrinta fiisaha, iyadoo Safaaradda Mareykanka ay shaacisay in nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya la jabsaday oo xogtooda laga xaday ku dhowaad 35,000 ruux.

Sidoo kale, dowladda UK ayaa muwaadiniinteeda uga digtay jabsashadan maalintii Jimcaha, maalin kaddib markii uu Mareykanku soo saaray digniin la mid ah. Labada dalba waxay sheegeen inay hayaan “eedeymo lagu kalsoonaan karo” oo muujinaya in jabsashada lagu kashifay xogta shakhsiyeed ee ugu yaraan 35,000 oo socoto ah.

Mas’uuliyiinta Soomaalida weli kama aysan hadlin jabsashadan. Balse dowladda ayaa adeeggeeda fiisaha ka wareejisay evisa.gov.so una guurtay etas.gov.so, iyadoon bixin wax sharraxaad rasmi ah.

Dowladda Soomaaliya hore ayay u sheegtay in e-visa-ha cusub uu muhiim u yahay amniga qaranka, isla markaana uu khuseeyo dhammaan dadka u safraya gudaha dalka, oo ay Somaliland ku jirto.

Sawirro: Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu laayay magaalada Jamaame

0

Jamaame (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo maanta ka dhacay aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgallada oo ay qaadeen Ciidamada Xoogga Dalka, qeybta 43-aad, Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Ciidamada ayaa sidoo kale gaaray deegaannada kala ah; Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile oo dhammaantood hoostaga degmada Jamaame, iyada oo la burburiyay fariisimo ay kooxda ku lahayd deegaannadaasi.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in la dilay ugu yaraan illaa 56 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sidoo kalena nolosha lagu qabtay 20 kale.

Sidoo kale ciidamada ayaa fashiliyay qaraxyo miino oo ay xubnaha Al-Shabaab galiyeen waddooyinka isku xira deegaannada la gaaray, mana gaysan wax khasaare ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Intii uu howlgalka socday, waxaa lagu dilay horjoogayaal muhiim u ahaa argagixisada, iyo tiro kale oo dhaawacmay, waxaa kale oo howlgalkan lagu qabtay rag maxaabiis ah oo kooxda u qaabilsanaa miinada, ciidama ayaana fashiliyay tiro miinoyin oo lagu talagalay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed.

Ciidamada huwanta ayaa weli sii baacsanaya firxadka Khawaarijta lagu jebiyey howlgallada ka socda aagga degmada Jamaame, halkaas oo laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa guluf culus oo ka dhan ah argagixisada uu ka socday gobollada Jubbooyinka, kaas oo lau xoreeyay deegaanno muhiim ah.

 

Xogta weerar culus oo ay qaaday Galmudug + Khasaaraha

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidanka Daraawiishta Galmudug ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarka oo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa ururka Galayr ayaa si gaar ah uga dhacay aagga deegaanka Ceelahelay, iyada oo lagu weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Khawaarijta.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo dhacay xilli habeen ah, aadna loo qorsheeyay lagu laayay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, oo loogu tegay goobta la weeraray.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in meydadka ugu yaraan 7 Khawaarij ah ay yaallaan goobtii lagu weeraray cadowga, isla markaana ay weli sii baacsanayaan firxadkooda, iyagoo ka saaray goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa kale oo qoraal kasoo baxay dowladda lagu sheegay in khasaaraha uu intaas ka badan karo, maadaama howlgalka uu cuslaa, laguna naafeeyay cadowga argagixisada.

“Xiliga oo habeen ah darteed waxay saraakiishu noo sheegeen in khasaaraha rasmiga ah ee cadowga gaaray aan la ogaa karin, balse ay filayaan in tiro inta goobta dagaalka lagu arkay ka badan ay Khawaarijta dhinasho iyo dhaawac uga noqdeen howlgalka, iyagoo balan qaaday in warbixin rasmi ah ay bulshada lasoo wadaagi doonaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah aagga deegaanka Ceelahelay oo muddooyinkan ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowlada, kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda deegaanka ayaa maalmahan waday abaabul xooggan oo ay doonayaan inay uga hortagaan Al-Shabaabka ku sugan gobollada dhexe.

E-visa ma la jabsaday mise dowladda dhexdeeda ayaa xogta laga xaday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Waxaa laga yaabaa in nidaamka cusub ee dal-ku-galka elegtrooniga ah (e-visa) ee Soomaaliya laga jabsaday gudaha dowladda dhexdeeda, waxaa sidaas sheegay falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Muqdisho.

Cabdullaahi Mataan ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay “ceeb weyn” oo ku habsatay dowladda federaalka. Wuxuu ku dooday in dowladda ay ahayd in ay xaqiijiso amniga nidaamka ka hor inta aan la daah-furin.

“In xogtu soo baxdo oo jabitaan dhaco, laba bilood kaddib markii la daah-furay e-visaha, waa arrin ceeb ku ah dowladda,” ayuu u sheegay warbaahinta Somalia Today. “Waa in dowladda ay bixisaa jawaab degdeg ah oo ay la timaadaa xal degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo.”

Cabdullaahi ayaa sidoo kale tilmaamay in qof nidaamka gudihiisa ku jira laga yaabo inuu bixiyay xogta, halkii ay ka ahaan laheyd in kooxo jabsadayaal (hackers) ah oo dibadda ka yimid ay xadeen.

“Marka la eego, bogga e-visa ee etas.gov.so weli wuu shaqeynayaa, mana muuqato wax calaamad ah oo muujinaya jabsasho ama la wareegis. Waxaa suurtagal ah in qof dowladda gudaheeda ah uu xogta xaday kadibna banaanka u dusiyey,” ayuu yiri. “Kiis kasta ha ahaadee, dowladda waa in ay bixisaa jawaab degdeg ah.”

Hadallada Cabdullaahi ayaa yimid kaddib markii ay UK iyo Mareykanka labaduba uga digeen muwaadiniintooda jabsasho xogeed oo ballaaran oo lagu sameeyay nidaamka cusub ee e-visa ee Soomaaliya.

UK ayaa muwaadiniinteeda uga digtay jabsashadan maalintii Jimcaha, maalin kaddib markii uu Mareykanku soo saaray digniin la mid ah. Labada dalba waxay sheegeen inay hayaan “eedeymo lagu kalsoonaan karo” oo muujinaya in jabsashada lagu kashifay xogta shakhsiyeed ee ugu yaraan 35,000 oo socoto ah.

Sida ay sheegtay digniinta Mareykanka, kooxaha jabsaday ayaa u dhacay nidaamka e-visa taariikhdu markay ahayd ama ku dhoweyd 11-kii November. Safaaraddu waxay soo bandhigtay liis walaac leh oo ku saabsan xogta laga yaabo in la xaday.

Waxay xustay in xogta baxday ay ku jiraan “magacyada dadka fiisaha dalbaday, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, ciwaannada iimayllada, xaaladda guurka, iyo ciwaannada guryahooda.”

Mas’uuliyiinta Soomaalida weli kama aysan hadlin jabsashadan. Balse dowladda ayaa adeeggeeda fiisaha ka wareejisay evisa.gov.so una guurtay etas.gov.so, iyadoon bixin wax sharraxaad rasmi ah.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maamusha nidaamka e-visa. Sidoo kale iyaduna weli soo ma saarin war-saxaafadeed faahfaahsan oo ku saabsan jabsashada ama tallaabooyinka ay qaadeyso si ay u sugto amniga xogta dadka safarka ah.

Fahad Yasin: Party spat shows president unfit for election

0

Mogadishu, Somalia — Somalia’s former intelligence chief, Fahad Yasin, said Saturday that President Hassan Sheikh Mohamud is “unfit for election” on a national scale.

Yasin’s sharp criticism followed a public dispute over allegations of rigging within the president’s own political party. The internal party conflict began after complaints from the former Mayor of Mogadishu, Yusuf Madaale.

Madaale, a senior member of the president’s Justice and Solidarity Party (JSP), publicly complained about the party’s internal process. He was angry after the JSP’s deputy secretary-general announced a different candidate, Muungaab, for an upcoming election in Mogadishu.

“The justice we announced for our party… has become dark,” Madaale said in a media appearance. “Somalis say you first look at a tailor’s own clothes.”

Madaale said the party leadership was breaking its own rules.

“Unfortunately, the deputy secretary-general announced the JSP party’s candidate for the Banadir region while a campaign is underway,” he added. “The JSP party has election bylaws.”

Madaale’s specific complaint highlights a deep internal division. By publicly announcing a preferred candidate, the party leadership appears to be bypassing its own democratic processes. This undermines members like Madaale, who may have also been seeking the nomination.

‘He abandoned the constitution’

Fahad Yasin, the former director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), quickly used the complaint to attack the president.

“We can learn one lesson from Mr. Yusuf Madaale’s complaint, Yasin wrote on X.

He argued that if President Mohamud cannot manage his own party, he cannot manage a national poll. “How does he want to be trusted with a one-person, one-vote election? Yasin asked. He noted that the president’s own members were “complaining of rigging and abuse.”

The former spy chief expanded his criticism beyond the party dispute, accusing the president of ignoring national agreements.

“He abandoned the constitution that was agreed upon. He canceled the electoral laws that were agreed upon, Yasin said. “Today, we are at the point of complaining about the violation of the ruling party’s own rules.”

Somalia Today contacted Villa Somalia for a comment on the allegations from both Madaale and Yasin. Officials in Villa Somalia had not responded by the time of publication.

The dispute comes as Somalia’s 2026 election approaches. Authorities plan for it to be the nation’s first “one-person, one-vote universal election in over 50 years.

This marks a significant shift from the long-standing indirect, clan-based electoral model. However, according to recent political statements, national leaders have not yet reached a final, binding agreement on the exact rules and procedures for the vote.

A new ‘kingmaker’ alliance

Yasin’s criticism is not random. It comes just days after he joined a major new political alliance, positioning himself as a key opponent to the president.

The new party is named the Haybad Qaran (National Dignity Union). Other high-profile leaders, including former Galmudug President Abdikarim Hussein Guled and former Mogadishu governor Taabid Abdi Mohamed, formed it.

In a joint statement, the group said it united to address “damage to national unity,“economic decay, and a “visible despair in Somali statehood.”

The alliance has tapped former Prime Minister Abdi Farah Shirdon (Saacid) as its presidential candidate. Analysts describe Shirdon, who served from 2012-2013, as a respected moderate figure with “no political damage.

Fahad Yasin, the powerful former NISA director, is not the candidate. Instead, he is seen as a “Kingmaker in the new party. His role as a top political operator signals the seriousness of this latest challenge to President Mohamud.

Therefore, the public dispute within the president’s ruling JSP provides direct political ammunition for this new and formidable opposition bloc.

UK follows US with warning over Somalia’s e-visa hack

0

London, UK — The United Kingdom warned its citizens on Friday about a major data breach in Somalia’s new e-visa system, a day after the United States issued a similar alert.

Both nations say they have “credible allegations” that a hack has exposed the personal data of at least 35,000 travellers.

The e-visa hack warning raises serious security fears. It also adds fresh pressure to a system already at the centre of a political airspace dispute between Mogadishu and Somaliland.

The UK’s Foreign, Commonwealth & Development Office (FCDO) updated its official travel advice on November 14. The new advice points directly to the U.S. Embassy alert issued on November 13.

According to the U.S. warning, hackers breached the e-visa system on or around November 11. The embassy provided an alarming list of potentially stolen information.

Details of the data breach

It stated that the leaked data included “visa applicants’ names, photos, dates and places of birth, email addresses, marital status, and home addresses.”

The U.S. government advised it “was unable to confirm whether an individual’s data is part of the breach.” However, it warned that any person who applied for a Somali e-visa “may be affected.” It directed its citizens to resources on data breaches from the Federal Trade Commission.

A group calling itself “Operation Birjeex 2025” has reportedly claimed responsibility. Regional media outlets said the group, named after a former Somaliland opposition movement, framed the hack as a political protest against Somalia’s federal government.

The Somali Immigration and Citizenship Agency runs the e-visa system. It has not yet issued a detailed public statement on the breach or on the steps it is taking to secure travellers’ data.

Abdullahi Mataan, a political analyst in Mogadishu, said the incident is a “huge embarrassment” for the federal government. He argued the government should have confirmed the system’s security before its launch.

“For the data to come out and a breach to happen, just two months after the e-visa was launched, is an embarrassing thing for the government,” he told Somalia Today. “It must provide an urgent answer and come up with an urgent solution that can be trusted.”

Mataan also suggested that someone inside the system may have leaked the data, rather than external hackers stealing it.

“When you look, the e-visa website etas.gov.so is still working, and there is no visible sign of a hack or takeover. It is possible someone stole the data from within the government,” he said. “Whatever the case, the government must give an urgent answer.”

Breach adds to tensions

The security crisis hits the e-visa system at a time when it was already facing a political challenge.

Somaliland, which operates as a de facto independent state, has rejected the federal system that was launched on September 1.

This dispute recently escalated, creating confusion for international airlines.

On October 31, the Somali Civil Aviation Authority (SCAA) in Mogadishu ordered airlines to stop boarding passengers for Hargeisa, the capital of Somaliland, without a federal e-visa. It threatened “financial penalties” and “suspension of flight operations” for non-compliance.

In response, Somaliland’s Ministry of Civil Aviation and Airports (MOCAAD) issued its own decree on November 2. It declared that as of November 10, all aircraft must obtain a separate “Overflight Permit” from Hargeisa to enter its airspace.

As a result, this standoff has put airlines like Flydubai in a difficult position, caught between two competing administrations.

Background to the conflict

This tension over borders and airspace is not a new phenomenon. After Somalia’s central government collapsed in 1991, the UN’s International Civil Aviation Organization (ICAO) managed the country’s airspace from Nairobi for decades.

In 2018, the ICAO transferred control back to the federal government in Mogadishu. Somaliland, which had argued for a joint-management deal, fiercely opposed the move.

Somalia introduced the e-visa system to modernise its border controls. Now, however, it is at the heart of a dual crisis. The federal government faces growing pressure from abroad to secure its digital borders, even as it struggles to enforce its authority at home.

Somalia urged to act after ‘three horrific’ child violence

0

Mogadishu, Somalia  — An international aid group is urging the Somali government to take urgent action following three horrific acts of violence against children in recent weeks.

Save the Children said that the attacks underscore a pressing need to enact and implement new protection laws. The call comes just one month after Somalia ratified a key pan-African treaty on child rights.

The string of attacks has shocked the nation. Since early October, these incidents have included the alleged arson-murder of four young children by their father.

In late October, an 11-year-old girl was violently raped. Another attack in early October saw the murder of a mother and her three daughters.

These violent acts occurred just one month after Somalia became the 52nd African nation to ratify the African Charter on the Rights and Welfare of the Child.

While leaders celebrated that move as a key first step, the new violence shows an urgent need for stronger domestic laws. Advocates say new legislation is required to provide justice, especially for sexual, gender-based, and clan-related violence.

A pattern of rising violence

The problem appears to be growing. According to the UN Secretary-General’s Annual Report on Children and Armed Conflict, sexual violence against children in Somalia is rising.

The number of cases increased from 197 in 2024 to 267 in 2025. The United Nations noted this increase reverses a previous downward trend. It also highlights the growing vulnerability of girls in areas affected by conflict. 

In addition, Save the Children conducted its own survey in September 2025. The group spoke to over 1,800 people across four states in Somalia.

When asked about common threats, 76% of adults and 67% of adolescents identified rape as the most common form of gender-based violence.

The survey respondents said women aged 18-55 and girls over 10 were at high risk. Displaced women and girls with disabilities were identified as being among the most vulnerable.

“Our hearts break for the children and women who have recently suffered this appalling violence,” said Mohamed Mohamud Hassan, Save the Children’s Country Director in Somalia. “Violence against children must never be tolerated.”

Hassan emphasized that the perpetrators of this Somali child violence must be held to account.

‘Unspeakable brutality’

“Gender-based violence continues to be pervasive, particularly affecting displaced, rural, and minority women and girls who face added risks amidst conflict and insecurity,” he added.

He warned that the effects of such abuse can be “devastating and long-lasting.” These effects can include physical and psychological trauma, unintended pregnancy, and child marriage.

“It’s unacceptable that the fear of sexual and other forms of physical violence continues to be part of the daily lives of women and children in Somalia,” Hassan said.

The aid group acknowledged a recent statement from the Federal Government of Somalia condemning the violence. However, Save the Children is now calling on the federal government and its member states to investigate these specific crimes and bring the perpetrators to justice.

The group also urged international donors to reverse recent cuts in aid. They asked partners to prioritize investment in child protection and the prevention of gender-based violence.

Save the Children has operated in Somalia since 1951. The organization states its mission is to protect children from violence and uphold their rights. It provides medical care, psychosocial support, and advocacy for stronger legal frameworks to support survivors.

“We stand ready to support national and local partners,” Hassan concluded. “No child should have to endure such unspeakable brutality.”

Soomaaliya oo difaaca badda kala hadashay dal ay ku tashato + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya, Mudane Axmed Xassan Aadan, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, ayaa kala hadlay arrimo ku aadan difaaca badda Soomaaliya, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah marin-biyoodkeenna, gaar ahaan in la xaalufiyo khayraadka kala duwan ee dhex ceegaaga biyaha Soomaaliya.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa yeeshay kulan miro-dhal ah oo lagu xoojinayay iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan horumarinta kalluumeysiga iyo ilaalinta kheyraadka badda, dardargelinta iyo fulinta heshiisyada iskaashi ee horey u dhexmaray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dowladda Turkiga, Kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha kalluumeysatada Soomaaliyeed.

Safiirka Turkiga Alper Aktaş oo kulanka ka hadlay ayaa ballan-qaadday tababaro heer sare ah oo lagu horumarinayo adeegsiga farsamooyinka casriga ah ee dhinaca Kalluumeysiga, Waxbarasho heer jaamacadeed (Master’s Degree) oo Dowladda Turkiga ay si gaar ah uga taageeri doonto Wasaaradda, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh dhaqaalaha buluugga ah iyo maareynta kheyraadka Badda.

Danjire Alper Aktaş ayaa sii adkeeyay sida ay Dowladda Turkiga uga go’antahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarrada, waxbarashada iyo barnaamijyada kobcinta kheyraadka Badda, isagoo xusay in dowladdiisu diyaar u tahay inay sii ballaariso iskaashiga labada dal.

Dhankiisa Wasiirka Kalluumeysiga Axmed Xasan Aadan ayaa safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya uga mahadceliyey sida ay dowlad ahaan diyaar ka ugu yihiin taageerada farsamo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siinayaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka kalluun ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in kulanka uu ahaa mid guul kusoo dhammaday, isla markaana muhiim u ah xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka horumarinta kalluumeysiga oo ka mid ah tiirarka muhiimka u ah dhaqaalaha dalka.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, waana saaxib dhab ah oo ay ku tashato dowladda federaalka Soomaaliya.

Sawirro: Muxuu C/raxmaan Cirro la wadaagay xisbiyada mucaaradka Somaliland?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay xisbiyada maamulkaasi ee kala ah Wadani, Kaah iyo Kulmiye, isaga oo kala hadlay xaaladda guud ee Somaliland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka iyo arrimaha ictiraafka ee Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale hoggaanka xisbiyada la wadaagay warbixin guud oo la xiriirta xaaladda Somaliland iyo dadaallada hormarineed ee ay waddo xukuumaddiisa.

“Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Qaranka uga xog-warramay arrimaha Ictiraaf Raadinta, hab-sami-u-socodka Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday si wax looga qabto caqabadaha ka dhashay waxa loogu yeedho e-Visa iyo Maamulka Hawada Sare ee Somaliland, taasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay Xukuumaddu guulo waaweyn ka soo hoysay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Hoggaanka Sare ee Saddexda Xisbi Qaran: WADDANI, KAAH iyo KULMIYE; oo ay ka socdeen min saddex xubnood.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

Uga horrayn, Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran uga mahad naqay la kulankooda, isaga oo sheegay in kulankani uu ka mid yahay kulamadii wada-tashiga-Qaran ee uu M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu yeedhi jiray Hoggaanka iyo Madaxda Sare ee Saddexda Xisbi Qaran.

Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka Xisbiyada Qaranka uga xog warramay xaaladaha guud ee amniga dalka, dedaallada Xukuumadda ee nabadaynta Ceerigaabo oo uu Madaxweynuhu sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaadhay.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Qaranka uga xog-warramay arrimaha Ictiraaf Raadinta, hab-sami-u-socodka Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday si wax looga qabto caqabadaha ka dhashay waxa loogu yeedho e-Visa iyo Maamulka Hawada Sare ee Somaliland, taasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay Xukuumaddu guulo waaweyn ka soo hoysay.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii ay dalka Jamhuuriyadda Somaliland uga dhici lahaayeen Doorashooyin Daah-furan, xor ah oo ku qabsooma xilligii loo muddeeyey.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Xukuumadda ka go’an tahay gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aaddan diyaarinta dhammaan kharashaadka Diwaangelinta iyo Doorashooyinka soo socda.

Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Qaranku waxa ay M/weynaha uga mahad naqeen kulanka wada-tashiga ah ee uu ugu yeedhay, iyaga ooaragtidooda ka dhiibtay, si mug lehna uga dooday arrimaha horyaalla Qaranka JSL ee khuseeya in Doorashooyinka Goleyaasha Qaranku ku qabsoomaan waqtigoodii, wixii farsamo ahna loo daayo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta Qaranka.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Corruption allegations surround the murder case of soldier accused in the killing of Cabdifataax Takar

0

The family of Cabdifataax Maxamed Cismaan Takar, who died on 16 August 2025 at the Hiiraan Regional Hospital after sustaining a gunshot wound allegedly inflicted by Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane, has strongly rejected the recent ruling of the Somali Armed Forces Higher Court. The family accuses the judiciary of corruption, witness tampering, and denying justice for their son.

The Shooting and Hospital Findings

Cabdifataax Maxamed Cismaan Takar

Cabdifataax sustained the fatal injury on 14 August 2025 inside a farm located in the Bacaad area on the outskirts of Beledweyne, following a dispute between him and Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane, who at the time served as the Deputy CID Chief of Beledweyne. According to family members, the farm where the shooting occurred is owned by the victim’s mother, Faadumo Faarax Cilmi.

The Hiiraan Regional Hospital issued an official medical report confirming that the victim arrived in critical condition, with a bullet wound that entered just below the navel and exited through the right hip. The impact caused severe abdominal damage, including exposed intestines. Doctors performed an emergency surgery that lasted four and a half hours, but Cabdifataax succumbed to his injuries shortly afterward.

Initial Trial and First Verdict

The case was initially heard by the First Instance Court of the Somali Armed Forces – Hiiraan Branch, with the hearing held on 21 September 2025. After reviewing evidence and witness testimonies, the court sentenced Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane to:

  • Death by execution (Qisaas) for the murder of Cabdifataax.

Appeal and Ruling by the Armed Forces Higher Court

Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane

The defendant’s family filed an appeal, transferring the case to the Higher Court of the Somali Armed Forces in Mogadishu. On 4 November 2025, the appellate court issued a new ruling sentencing Sharma’arke to:

  • Five years in prison
  • Payment of full blood compensation (diyo) to the victim’s family
  • Dismissal from his military rank and duties

This ruling overturned the earlier death sentence.

Family Condemns the Verdict as “Corrupt and Unjust”

The family of Cabdifataax has vehemently rejected the appeal court’s decision, alleging that the ruling was based on corrupt practices and manipulated testimonies. During a press conference, the family claimed that:

  • Authentic witnesses were removed from the case
  • New witnesses were “brought from Mogadishu” to distort the facts
  • The decision was influenced by individuals seeking to protect the accused

Faadumo Faarax Cilmi, the mother of the deceased, said: “The ruling of the Higher Court is unjust. The real witnesses were replaced with individuals brought in from Mogadishu. My son was killed on my own farm, and all we are asking for is justice for him.”

She further alleged that Sharma’arke initially confessed to the killing when he voluntarily surrendered to the Beledweyne police station, but later recanted during the appeal process.

Mahad Maxamed Cismaan, the victim’s brother, added: “We have lost faith in the Somali judicial system. We call on the international community to support us in our search for justice.”

Mahad also noted that his late brother left behind young children and that Cabdifataax, aged 30, “had a promising future ahead of him.” He appealed directly to President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre to intervene and ensure justice is served.

Ongoing Dispute and Calls for Justice

The case continues to spark controversy in Bacaad and the wider Beledweyne community. The family has vowed to pursue justice through all possible legal and public avenues, insisting that the case of their son has been marred by corruption, injustice, and unlawful interference. 

Muxuu Fahad Yaasiin ka yiri carada Yuusuf Madaale?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka falceliyey carada guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Madaale oo dhawaan ay is qabteen isaga iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaale ayaa kasoo muuqday warbaahinta, isaga oo cabanaya, kadib markii ku xigeenka xoghaya Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka uu ku dhawaaqay inuu xisbigooda musharrax u yahay guddoomiye Muungaab, uuna ku metali doono doorashada ka dhaceysa Muqdisho.

“Waxaa ii muuqaneyso cadaaladdii xisbiga aan ku dhawaaqnay ee aan magaca ka dhiganay iyo doorashadii aan dadka u sheegeynay ayaa mugdi soo galay, Soomaalidu waxay tiraahdaa koba tole kobihiisa ayaa la fiiriyaa” ayuu horay u yiri guddoomiye hore Madaale.

Sidoo kale wuxuu ku daray  “Waxaa nasiib darro ah in ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbiga JSP in meel olole uu ka socdo uu ku dhawaaqo musharraxa Xisbiga JSP ee gobolka Banaadir, Xisbiga JSP waxa uu leeyahay xeer hoosaad doorasho”.

Intaas kadib Fahad Yaasiin oo maanta soo jawaabay ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay muujineyso in Madaxweyne Xasan Sheekh aan lagu aamini karin doorashada, isaga oo sababta ku sheegay inuu isku wadi waayay xubnaha xisbigiisa ee ka qayb-galaya tartanka.

“G𝐀𝐑𝐍𝐀𝐐𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐘𝐔𝐔𝐒𝐔𝐅 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐀𝐋𝐄 Dacwadda Mudane Yuusuf Madaale waxaa laga baranayaa hal cashar. Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Wasajirka Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddii uusan karti u lahayn inuu kala maareeyo musharaxiinta xisbigiisa dhexdiisa ah, oo ay ka cabanayaan ku shubasho iyo gabood fal, sidee buu u rabaa in lagu aamino doorasho qof iyo cod ah, oo u baahan quuris iyo dhawrista xeerarka qaran” ayuu qoraakiisa ku yiri taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynuhu burburiyay dastuurkii heshiiska lagu wada ahaa, sidoo kalena haatan laga cabanayo xeerkii gaarka ahaa ee xisbigiisa.

“Dastuurkii heshiiska lagu ahaa wuu ka guuray. Xeerarka doorashada ee la isla waafaqsanaa wuu laalay. Maanta waxaa la marayaa in laga cabanayo ku tumashada xeerkii xisbul xaakimka” ayuu mar kale yiri Fahad Yaasiin.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Masaajidka haday qaylo ka soo yeertay xaggee loo caraayaa?”.

Fahad Yaasiin ayaa dhawaan kasoo muuqday xisbiga Haybad Qaran oo ay ku dhawaaqeen siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka, waxaana musharrax Madaxweyne ay ka dhigteen Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maalmahan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka waday magaalada Muqdisho iyo dibadda.

Eedeymo musuq-maasuq oo hareeyey kiiska askariga loo haysto dilkii Cabdifataax Takar

0

Qoyska marxuum Cabdifataax Maxamed Cismaan Takar oo 16-kii Agoosto 2025 ku geeriyooday Isbitaalka guud ee Gobolka Hiiraan ka dib dhaawac ka soo gaaray rasaas uu riday Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane ayaa si kulul uga hor yimid go’aanka maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, iyagoo ku eedeeyay in kiiska wiilkooda lagu dhex sameeyay musuq-maasuq iyo caddaalad-darro muuqata.

Dilka iyo Xaaladdii Isbitaalka

Marxuumka ayaa 14-kii Agoosto 2025 lagu dhaawacay gudaha beer ku taalla deegaanka Bacaad oo hoos tagta Magaalada Beledweyne ka dib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane oo ahaa ku xigeenka CID ee Beledweyne. Qoyska marxuumka ayaa sheegay in beerta lagu dilay ay leedahay hooyadiis Faadumo Faarax Cilmi.

Isbitaalka guud ee Gobolka Hiiraan ayaa warbixin rasmi ah ku caddeeyay in marxuumka la keenay isagoo ku jiray xaalad aad u daran, rasaastuna ay uga dhacday xudunta hoosteeda, kana soo baxday sinta midig, taas oo keentay in mandhiciradu bannaanka u soo baxaan. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in marxuumka lagu sameeyay qaliin socday 4 saac iyo bar, balse uu u geeriyooday dhaawaca culus ee soo gaaray.

Kiiska Maxkamadaha iyo Xukunka Hore

Cabdifataax Maxamed Cismaan Takar

Kiiska waxaa markii hore qaaday Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya – Qeybta Hiiraan, waxaana fadhiga dacwadda loo fadhiistay 21 September 2025. Dhageysiga ka dib, maxkamaddu waxay Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane ku xukuntay: dil doogasho ah (qisaas) oo la xiriirta dilka marxuumka.

Racfaan iyo Go’aanka Maxkamadda Sare

Ehelada eedeysanaha ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiska loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee magaalada Muqdisho. Ka dib dhageysi cusub oo dhacay 4 November 2025, maxkamaddu waxay Sharma’arke ku xukuntay:

• 5 sano oo xabsi ah
• Diyo adag oo loo qoondeeyay qoyska marxuumka iyo in laga xayuubiyey darajadii ciidan ee uu lahaa.

Go’aankan ayaa beddelay xukunkii hore ee qisaasta ahaa.

Qoyska Marxuumka oo go’aanka ku tilmaamay mid Musuq-maasuq ah

Qoyska marxuum Cabdifataax ayaa si cad uga hor yimid go’aanka cusub, iyagoo sheegay in marqaatiyaal been ah laga keenay Muqdisho, sidoo kalena la beddelay marqaatiyadii saxda ahaa, sida ay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay qabteen.

Faadumo Faarax Cilmi oo ah hooyada marxuumka, ayaa tiri: “Go’aanka maxkamadda sare waa mid aan caddaalad ahayn. Waxaa la beddelay marqaatiyaashii saxda ahaa, waxaana lagu beddelay kuwo Muqdisho laga soo uruuriyey. Wiilkayga waxaa lagu dilay beer aan anigu leeyahay, waxaana codsaneynaa in wiilkeenna uu helo caddaalad.”

Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane

Hooyo Faadumo ayaa sidoo kale sheegtay in Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane uu markii hore qirtay dilka wiilkooda isla markaasna uu isaga iskiis isku geeyey saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne, balse markii dambe uu go’aansaday inuu inkira dilka, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale, Mahad Maxamed Cismaan oo la dhashay marxuumka, ayaa yiri: “Waxaan caddaalad ka waaynay maxkamadaha gudaha Soomaaliya. Waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa in nala garab istaago si aan u helno xaqa marxuumka.”

Sidoo kale Mahad ayaa sheegay in walaalkiis uu adduunka kaga tagay ilmo yar yar, wuxuuna sheegay inuu walaalkiis ahaa nin 30-jir ah mustaqbal weyn lahaa, wuxuuna Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ka codsaday in wiilkooda loo helo caddaalad.

Kiiskan oo muran badan dhaliyay ayaa weli ka taagan degmada Bacaad iyo magaalada Beledweyne. Qoyska marxuumka ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan helitaanka caddaalad buuxda, waxayna sheegeen in kiiska wiilkooda lagu sameeyay musuq, caddaalad-darro iyo faragelin sharci-darro ah.

Maxaa ka jira in Naasir Cigge uu la shaqeeyo R/W Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay arrinta ku aadan shaqsiga lagu magacaabo Naasir Cigge oo maalmihii u dambeeyay qabsaday baraha bulshada, kaas oo la sheegay inuu la shaqeeyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa caddeeyay in ninkan aanu la shaqeyn Ra’iisul wasaaraha, sidoo kalena usan ka tirsaneyn gabi ahaan xafiiskooda.

Qoraalka ayaa ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed loogu caddeeyay in Naasir Cigge aanu hayn wax xil dowladeed ah, taas oo meesha ka saareysa wararkii horay loo baahiyay.

“WARGELIN; Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu cid kasta oo ay khuseyso ku wargalinayaa in shakhsiga magaciisa yahay Naasir Cigge (Nasir Ige ) oo sawirkiisa halkan ka muuqdo uusan wax xil ah ka haynin, kana shaqayn xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo hey’ad kale oo dowladeed”. ayaa lagu yiri qoraalka.

Ninkan ayaa horay usoo noqday Lataliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, waxaana xilkaas laga qaaday 23-kii December ee 2023.

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ka fal-celiyay tallaabada uu ninkan ka qaaday xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Xuseen Hadase: “Hadduusan horay uga tirsanayn maxaa macno  ah OO ku jira in la baahiyo. Mise waa dagaal cusub?”.

Maxamed Cabdullahi: “War ninka xariif magaal waayey suuqa yaana laga soo xirin gabdho badan buu ku shukaansadee”.

Safa Cismaan: “Acuudu bal maa u ceeb qarisaan ha idinka qaraabtee?”.

Cabdullahi Diini: “Waa tallaabo wanaagsan nin aqlaaq leh ma ahan mas’uul naago ceyrinayo lee dowladda ay ceeb ku ahayd”.

Laba taliye oo loo soo xiray weerarkii guriga wasiir Khadiija

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aadan weerarkii dhawaan lagu qaaday hoyga ay magaalada Muqdisho ka dagan tahay Wasiirka Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka Marwo Khadiija Al-Makhzoumi, kaas oo dhaliyay hadal-heyn xooggan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa haatan lasoo xiray labadii taliye ee hoggaaminayay ciidamada weerarka qaaday, kadib amar toos ah oo kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ay u dacwootay wasiiradda la weeraray hoygeeda.

Taliyeyaasha lasoo eedeeyay ayaa kala ah  taliyaha Booliska ee saldhigga degmada Waaberi Cismaan Jareere iyo taliye ku-xigeenka Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed Bakar Abuukar Cali, kuwaas oo wajihi doono maxkamadeyn.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan kiiska ay la wareegtay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo guda geli doonta dhageysiga dacwaddda loo haysto saraakiisha.

Ujeedka ciidanka howlgalka qaaday ayaa ahaa in guriga wasiirrada ay kala baxaan gaadiid ciidan oo ku xareysnaa, sida aan xogta ku helnay.

Gaadiidka ayaa waxaa la sheegay inuu leeyahay siyaasiga caanka ah Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah Seyga Wasiir Khadiija, haddana ah mucaarad kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay horay u ahaayeen saaxiibo dhow.

Guuleed ayaa sidoo kale horay usoo noqday Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug iyo wasiir heer federaal ah oo muddo lasoo shaqeeyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa laga sugayaa in go’aan ay kasoo saarto kiiskan, maadaama ay la wareegtay galka ciidamada iyo saraakiishii ka dambeysay weerarka oo dhacay afar maalmood kahor.

DF oo ku dhawaaqday guul wayn oo xalay la gaaray + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday guul wayn oo laga gaaray horumarinta dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, taas oo haatan kadib shaqeyn doonto habeen iyo maalin, si loo fududeeyo howlaha muhiimka ah.

Munaasabad xalay ka dhacday gudaha dekedda ayaa si rasmi ah loogu daahfuray in maalin iyo habeen ay si isku mid ah u shaqeyn doonto Dekadda Muqdisho, islamarkaana la furay isku socodka gaadiidka xamuulka ah ee ka howlgalaya gudaha dekadda.

Daah-furka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), Maareeye ku-xigeenka Dekadda Muqdisho, Madaxa Shirkadda Muqdisho Alport,  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jenaraal Asad Cismaan Cabdullaahi iyo saraakiisha hey’adaha amniga caasimadda.

Tallaabadan ayay dowladdu ku tilmaamtay mid taariikhi ah oo usoo hoyatay shacaka iyo ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana suurageliyay amniga Muqdisho, sida uu sheegay wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in shaqada habeenkii ee dekedda ay kor u qaadi doonto dhaqaalaha dalka, sidoo kalena ay yareyn doonto cariiriga ka jira waddooyinka waa wayn.

“Dekadda oo habeenkii shaqeyneyso macnaheedu waxay tahay dhaqaalihii dalka kobcaayo adeegyadii ayaa fududaanaayo sidoo kale jaamkii ayaa yaraanaayo” ayuu yiri Jaamac.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Si guud dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada hambalayo dalkan horay ayuu u dhaqaaqay horaa loo soconayaa, Insha allah”.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa ay dowladdu hormarin ku wadday dekedda Muqdisho iyo garoonka Aadan Cadde oo kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

UK oo digniin soo saartay kadib markii la jabsaday nidaamka e-visa ee Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda UK ayaa muwaadiniinteeda uga digtay Jimcihii in xog muhiim ah laga jabsaday nidaamka cusub ee dal-ku-galka e-visa-ha Soomaaliya, maalin kaddib markii uu Mareykanku soo saaray digniin taas la mid ah.

Sida ay daabacday majaladda Somalia Today, labada dalba waxay sheegeen inay hayaan “tuhunno la aamini karo” oo ku saabsan in jabsi dhacay lagu kashifay xogta shakhsiga ah ee ugu yaraan 35,000 oo qof oo safar ahaa.

Digniintan ku saabsan jabsiga e-visa-ha ayaa kicinaysa cabsi amni oo weyn.

Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee UK (FCDO) ayaa cusbooneysiiyay taladiisa safarka ee rasmiga ah November 14. Talada cusub waxay si toos ah farta ugu fiiqaysaa digniintii Safaaradda Mareykanka ee soo baxday November 13.

Sida ay sheegtay digniinta Mareykanka, kooxo wax jabsada (hackers) ayaa u dhacay nidaamka e-visa-ha taariikhdu markay ahayd ama ku dhoweyd November 11. Safaaraddu waxay soo bandhigtay liis walaac leh oo ku saabsan xogta laga yaabo in la xaday.

Waxay (digniintu) sheegtay in xogaha banaanka u soo baxday ay ka mid yihiin “magacyada dadka fiisaha codsaday, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, ciwaannada email-kooda, xaaladdooda guur, iyo ciwaannada guryahooda.”

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay “inaysan awoodin inay xaqiijiso in xogta qof gaar ah ay qayb ka tahay jabsiga.” Si kastaba ha ahaatee, waxay ka digtay in qof kasta oo codsaday e-visa-ha Soomaaliya “laga yaabo inuu saameeyay.”

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maamusha nidaamka e-visa-ha. Wali ma aysan soo saarin war-saxaafadeed faahfaahsan oo ku saabsan jabsiga ama tallaabooyinka ay qaadayso si ay ku sugto amniga xogta dadka safarka ah.

Maalmo ka hor, UK waxay la-talinteeda safarka ee rasmiga ah waafajisay shuruudda e-visa-ha federaalka Soomaaliya, taasoo xoojisay gacan ku haynta Muqdisho ee xuduudaha dalka.

Tilmaamaha cusub ee UK, oo la cusbooneysiiyay Talaadadii, ayaa xaqiijinaya in dhammaan dadka safarka ah looga baahan yahay inay hadda maraan habraaca e-visa-ha federaalka.

“Waa inaad haysataa dal-ku-gal (fiiso) si aad u gasho Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.” Tani waxay xaqiijinaysaa in rakaabka ku wajahan Muqdisho ay qasab ku tahay inay internetka ka dalbadaan e-visa-ha federaalka inta aysan soo dhoofin.

FCDO-da ayaa ka digtay in shirkadaha diyaaraduhu ay u badan tahay inay dalban doonaan e-visa-ha federaalka si loogu oggolaado raacitaanka diyaaradda.

Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale xustay in mas’uuliyiinta Somaliland ay diidi doonaan fiisahan federaalka ah marka la yimaado. Taas beddelkeeda, Hargeysa waxay ku qasbi doontaa rakaabka inay “iibsadaan dal-ku-gal hal mar ah” isla goobtaas.

Itoobiya iyo Eritrea oo ku sii dhowaaday dagaal kadib markii Itoobiya ay ku dhowaaqday…

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Gideon Timothy, ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan sii aamusnaan doonin, isla markaana ay qaadi doonto tallaabo ka dhan ah “xadgudubka” Eritrea ay ku samaysay “madaxbannaanida dhuleed” ee Itoobiya.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in Cassab ay u leedahay “muhiimad sare” dowladda federaalka, sababta oo ah “in ay ku maalgeliyeen hanti badan dekadda Cassab ka hor iyo kaddib markii ay Eritrea ka go’day Itoobiya.”

Dr. Gideon hadalkaas waxa uu shalay ka jeediyay madal siyaasadeed oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adda Horn Review iyo Jaamacadda Addis Ababa.

Wasiirka waxa uu madasha ka sharxay siyaasadda Itoobiya ee la xiriirta waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay gobolka Geeska Afrika. Madasha waxaa sidoo kale joogay diblomaasiyiin iyo safiirro ka kala socday dalal badan.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda waxa uu diiradda saarayay xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Waxa uu sheegay in khilaafka muddada dheer soo jiray ee u dhexeeya labada dal uusan ku ekeyn dekedo iyo bad oo keliya. Hadalka wasiirka oo dhameystiran waxaa lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee keenay khilaafka ayuu ku sheegay wasiirku in ay tahay faragelinta dowladda Eritrea ay ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya.

“Dowladda Eritrea waxay dareemeysaa in ay xaq u leedahay oo ay kaalin ka qaadato siyaasadda gudaha Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka, oo dhaliilay hoggaanka Eritrea, una sheegay in ay u janjeeraan adeegsiga dhammaan awood kasta oo ka horjeeda danaha Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay hoggaanka dalka Eritrea in ay “si weyn u doonayaan in ay gobolka ka noqdaan dal taageera dagaallada si ay u gaaraan danahooda.”

Wasiirka wuxuu kaloo ka hadlay arrin kale oo ku saabsan Eritrea oo ah “Siyaasadda Isaiah” oo uu ku sifeeyay mid ku saleysan in jiritaanka Eritrea uu ku xiran yahay dhibaatada, qeybsanaanta iyo degganaansho la’aanta Itoobiya.

Wuxuu u sheegay wasiirku dadkii madasha joogay in Eritrea ay gashay “xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dal iyo dhuleed ee Itoobiya”.

“Hadda ciidamada Eritrea ayaa maamula dhowr deegaan oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka, oo intaas ku daray in goobahaas “ay ka mid yihiin dhulka Itoobiya ee madaxbannaan.”

Wuxuu kaloo ku eedeeyay in dowladda Eritrea ay “faragelin ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya iyadoo taageero siineysa kooxaha hubeysan ee ka horjeeda dowladda.”

Dr. Gideon waxa uu sheegay in tallaabooyinka dowladda Asmara ay yihiin wax “ku filan Itoobiya oo ay ku qaadi karto tallaabooyin ay isku difaacdo”, balse wuxuu kaloo sheegay in dowladdiisu ay ilaa hadda ka baaqsatay in ay qaaddo tallaabooyin militari oo la xiriira arrintan.

“Inkastoo Itoobiya ay wajaheyso xadgudubyo halis ah oo lagu sameynayo madaxbannaanideeda dhuleed, haddana ma qaadin tallaabo ay isku difaaceyso,” ayuu yiri wasiirka, oo sheegay in mowqifkan looga gol leeyahay in laga fogaado dagaal, balse “uusan ahayn mid sii jiri doona.”

Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu kaloo ka hadlay arrinta ku saabsan doonista Itoobiya ee ah in ay hesho dekad. Wuxuu ku celiyay hadalladii hore ee dowladdiisu sheegtay ee ahaa in arrinta dekadaha ay u tahay “Itoobiya nolol iyo geeri”, maadaama 130-ka milyan ee reer Itoobiya ay u baahan yihiin dekad lagu kalsoonaan karo oo ammaan ah.

Dr. Gideon wuxuu sheegay in dekadda Cassab ay dowladda Itoobiya ugu jirto “mudnaanta koowaad”.

Dr. Gideon wuxuu kaloo ka hadlay “maalgelinta weyn ee Itoobiya ku samaysay dekadda Cassab ka hor iyo kaddib markii Eritrea go’day”, isaga oo sheegay in taasi tahay sababta ay mudnaanta koowaad u siinayaan Cassab. Dalabka dowladda ee ku saabsan dekadda ayuu ku sifeeyay mid cadaalad ah oo macquul ah marka la eego xaaladda dhaqaale ee Itoobiya.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in xiisadda ka dhex taagan labada dal lagu xalin karo oo keliya “isdhexgal dhaqaale oo goboleed” oo u dhexeeya labada dal. Wuxuu kaloo sheegay, Dr. Gideon, in doonista Itoobiya ee dekad lagu xalin karo habkan isdhexgalka dhaqaale.

Wasiirka waxaa la weydiiyay waxa ay noqonayaan tallaabooyinka xiga haddii ay guuldarreystaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee socda. Isagoo taas ka jawaabaya, wasiirka waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka “go’an tahay in ay ka fogaato wax kasta oo keenaya dagaal”.

“Marka la eego xaaladda jilicsan ee ka jirta dhammaan gobolka Geeska Afrika, dagaal kale waa musiibo,” ayuu yiri wasiirka, oo intaas ku daray in dowladda Itoobiya ay “iska dhaaftay” in arrintan ay kaga aargudato Eritrea.

Dr. Gideon, oo sheegay in dowladda Itoobiya ay “diyaar u tahay wada hadal” si loo beddelo mustaqbalka labada dal, ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in ay cadaadis saarto Eritrea.

Sawirro: Muxuu Xamza ku soo arkay xarunta guddiga…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –   Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa galabta kormeer ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), oo ay haatan ka socoto bixinta kaararka cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.

Xamza ayaa soo indha-indheeyay sida ay wax uga socdaan xarunta guddiga, maadaama si rasmi ah maanta loo guda galay bixinta kaararka doorashooyinka oo la siinayo dadkii horay isku diiwaangeliyay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa diray farriin culus, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda oo ay codeeyaan, isla markana ay muujiyaan awooddooda muddada dheer ka maqnayd.

“Waxaan ugu baaqayaa, ku adkeynayaa, kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed ee u suurtagashay nasiibkana u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda, si ay u codeeyaan, oo si dhab ah u muujiyaan awooddooda muwaadin ee dastuuriga ah ee muddada dheer laga xayuubiyey.”ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhi.

Sidoo kale wuxuu ammaan u jeediyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo hey’adaha amniga, maadaama ay qabteen shaqo adag, isaga oo xusay in ay howshan ka soo bilaabeen meel fog ayna muujiyeen hufnaan iyo karti.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo qiimo gaar ah u leh shacabka ku nool Gobolka Banaadir, maadaama ay si rasmi ah u bilaabatay qaadashada kaararka cod-bixinta ee dadka horey isu diiwaan-geliyay, si ay uga qeybgalaan doorashada ka dhaceysa caasimadda.” ayuu sii raaciyey Xamza

Ugu dambayn, Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar ula tahay wax kasta oo u fududeynaya shaqada looga baahan yahay, si loo xaqiijiyo hirgelinta doorashada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo lagu hormarayo kuwa heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo lagu hormarayo kuwa heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.