27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Eritrea oo shaacisay in ay Itoobiya iclaamisay dagaal

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya “waxay dagaal u iclaaminaysaa” Eritrea, taas oo ku aaddan fikradda helidda bad, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Yemane G/Masqal.

Wuxuu dowladda Abiy Axmed ku eedeeyay inay sharraxayso sababo ay u aragto ku filan si ay dagaal ugu qaaddo Eritrea, sida uu ku qoray bartiisa X.

“Waxay aflagaaddo ku tahay madax-bannaanida Eritrea in si joogto ah loogu dhawaaqo ‘waa in aan xoogag milatari ka samaysannaa Badda Cas’ si xoog ah,” ayuu bartiisa X ku qoray Yemane G/Masqal.

Wuxuu sidoo kale Itoobiya ku eedeeyay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ka shaqaynaysay sidii ay isaga dhigi lahayd “mid ku taagan is-difaacid” si ay dagaal ugu qaaddo Eritrea.

Maxay Itoobiya tiri?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dr. Gideon Timothy, ayaa dhowaan sheegay in dowladda federaalka aysan ka sii aamusnaan doonin in ay qaaddo tallaabo ka dhan ah “xadgudubka” ay Eritrea ku samaysay “madaxbannaanida dhuleed” ee Itoobiya.

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Cassab ay u leedahay “muhiimad sare” dowladda federaalka, sababtuna uu ku sheegay in ay “ku maalgeliyeen hanti badan dekedda Cassab ka hor iyo kaddib markii ay Eritrea ka go’day Itoobiya.”

Dr. Gideon hadalkaas waxa uu shalay ka sheegay madal siyaasadeed oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adda Horn Review iyo Jaamacadda Addis Ababa.

Wasiirka waxa uu madasha ka hadlay siyaasadda Itoobiya ee la xiriirta waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay gobolka Geeska Afrika. Madasha waxaa sidoo kale joogay diblomaasiyiin iyo safiirro ka kala socday dalal badan.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda waxa uu diiradda saarayay xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Waxa uu sheegay in khilaafka muddada dheer soo jiray ee u dhexeeya labada dal uusan ku ekeyn dekedo iyo bad kaliya. Hadalka wasiirka oo dhameystiran waxaa lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee keenay khilaafka ayuu ku sheegay wasiirku in ay tahay faragelinta dowladda Eritrea ay ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya.

“Dowladda Eritrea waxay dareemaysaa in ay xaq u leedahay oo ay kaalin ka qaadato siyaasadda gudaha Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka, isaga oo dhaliilay hoggaanka Eritrea oo uu ku sheegay in ay u janjeeraan adeegsiga dhammaan awood kasta oo ka horjeeda danaha Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay hoggaanka dalka in ay “si weyn u doonayaan in ay gobolka ka noqdaan dal taageera dagaallada si ay u gaaraan danahooda.”

Wasiirka wuxuu kaloo ka hadlay arrin kale oo ku saabsan Eritrea oo ah “Siyaasadda Isaiah”, taas oo uu ku sifeeyay mid ku salaysan in jiritaanka Eritrea uu ku jiro dhibaatada, qeybsanaanta iyo degganaansho la’aanta Itoobiya.

Wuxuu u sheegay wasiirku dadkii madasha joogay in Eritrea ay gashay “xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dal iyo dhuleed ee Itoobiya”.

“Hadda ciidamada Eritrea ayaas maamula dhowr deegaan oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka, isaga oo intaas ku daray in goobahaas “ay ka mid yihiin dhulka Itoobiya ee madaxbannaan.”

Wuxuu kaloo ku eedeeyay in dowladda Eritrea ay “faragelin ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya, iyadoo taageero siinaysa kooxaha hubeysan ee ka horjeeda dowladda.”

Dr. Gideon waxa uu sheegay in tallaabooyinka dowladda Asmara ay yihiin wax “ku filan Itoobiya oo ay ku qaadi karto tallaabooyin ay isku difaacdo”, hase yeeshee wuxuu kaloo sheegay in dowladdiisu ay diidday in ay qaaddo tallaabo arrintan la xiriirta.

“Inkastoo Itoobiya ay wajaheyso xadgudubyo halis ah oo lagu sameynayo madaxbannaanideeda dhuleed, haddana kama aysan qaadin tallaabo ay isku difaaceyso,” ayuu yiri wasiirka, oo sheegay in mowqifkan looga fogaanayo dagaalka “uusan ahayn mid sii jiri doona.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu kaloo ka hadlay arrinta ku saabsan doonista Itoobiya ee ah in ay hesho deked. Wuxuu ku celiyay hadalladii hore ee dowladdiisu ee ahaa in arrinta dekedaha ay u tahay “Itoobiya nolol iyo geeri”, isaga oo xusay in 130-ka milyan ee reer Itoobiya ay u baahan yihiin deked la isku halayn karo oo ammaan ah.

Dr. Gideon wuxuu sheegay in dekedda Cassab ay dowladda Itoobiya ugu jirto “mudnaanta koowaad”.

Dr. Gideon wuxuu kaloo ka hadlay “maalgelinta weyn ay Itoobiya ku samaysay dekedda ka hor iyo kaddib markii Eritrea go’day” in ay tahay tan ay mudnaanta koowaad siinayaan. Wuxuu sheegay in dalabka dowladda ee dekedda uu yahay mid cadaalad ah oo macquul ah marka la eego xaaladda dhaqaale ee Itoobiya.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in xiisadda ka dhextaagan labada dal lagu xallin karo oo kaliya “isdhexgal dhaqaale oo goboleed” oo u dhexeeya labada dal. Wuxuu kaloo sheegay Dr. Gideon in doonista Itoobiya ee deked lagu xallin karo habkan.

Wasiirka waxaa la weydiiyay waxa ay noqonayaan tallaabooyinka xiga haddii ay guul-darreystaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee socda. Isagoo taas ka jawaabaya, wasiirka waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka “go’an tahay in ay ka fogaato wax kasta oo keenaya dagaal.”

“Marka la eego xaaladda jilicsan ee ka jirta dhammaan gobolka Geeska Afrika, dagaal kale waa musiibo,” ayuu yiri wasiirka, oo intaas ku daray in dowladda Itoobiya ay “iska dhaaftay” in arrintan ay kaga aargudato Eritrea.

Dr. Gideon, oo sheegay in dowladda Itoobiya ay “diyaar u tahay wadahadal” si loo beddelo mustaqbalka labada dal, ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in ay cadaadis saaraan Eritrea.

Faa’iidada aan weli lagu baraarugsaneyn ee laga helay hirgelinta nidaamka e-Visa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in faa’iidooyinka laga helay hirgelinta nidaamka cusub ee fiisaha elektaroonigga ah ee e-Visa ay ka mid tahay sugidda amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in tan iyo markii la hirgeliyay nidaamkan la xakameeyay dhaq-dhaqaaqii socdaal ee kooxaha argagixisada, gaar ahaan ajnabigii kusii qul-qulayay buuraha Calmiskaad ee ururka Daacish.

Nidaamkan ayuu sheegay inuu yareeyay ajaanibtii badnayd ee dalka iska soo geli jirtay, isla markaana aysan dhicin in qof kamid ah kooxda Daacish oo dalka soo galay wixii ka dambeeyay dhaqan-gelinta e-Visa.

“Waad aragteen sooma ahan buuraha Puntland oo lagu qabtay baasaboorro ajaanib ah oo u badan Carabta, kulligood waxa ay ku yimaadeen diyaarado, inta uu shaqeynayo adeegga e-Visa hal qof oo Daacish ah oo diyaarad soo raacay majiro,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in nidaamkan qolo gaar ah culeys lagu saarayo. “Yaan la cusleysan e-Visa,” ayuu yiri Fiqi, maadaam uu dalka wax badan u taray.

Ugu dambeyntiina, wuxuu meesha ka saaray eedaha maalmihii dambe loo jeedinayay nidaamkan cusub, isagoo sheegay in uusan kala fogayn Soomaalida, balse uu xoojinayo midnimada iyo amniga guud ee dalka.

Nidaamka e-Visa oo xiisad xooggan abuuray tan iyo markii ay dhaqan-gelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu dhaxay “xad-gudub sharci darro ah” oo lagu beegsaday nidaamka e-Visa, sida ay xaqiijisay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya.

Hay’adda oo maanta soo saartay war-saxaafadeed ayaa sheegtay in isla markiiba ay qaaday tallaabooyin deg-deg ah oo lagu hakiyay, laguna baarayo falkaas, si loo yareeyo saamaynta uu yeelan karo.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan siisay muhiimad gaar ah, iyadoo loo magacaabay guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo ku takhasusay forensic, iyo hay’addaha dowliga ah ee khuseeya ilaalinta xogta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda.

Guddiga baaritaan ee la magacaabay ayaa waxay hay’addu sheegtay inay baaritaan qoto dheer ku sameynayaan baaxadda isku dayga xad-gudubka ah, halka uu ka yimid iyo saamaynta uu yeelan karo.

Hay’adda ayaa sheegtay in marka baaritaanka rasmiga ah la soo gaba-gabeeyo la soo saari doono warbixin dhammaystiran oo faah-faahinaysa natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay iyo tallaabooyinka sixidda ah ee la qaaday.

“Hay’adda socdaalka waxa ay ka xun tahay dhacdadan, waxaana ay mar kale xaqiijinaysaa in ilaalinta xogta dadka iyo adeegyada qaranka ay tahay mudnaanta koowaad,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina, hay’adda ayaa sheegtay inay xoojinayso nidaamyada amniga dijitaalka ah, oo ay ku jiraan heerarka casriga ah ee xog ilaalinta iyo multi-factor authentication dhammaan adeegyada hay’adda.

Daawo: Maxaa kala qabasaday Shuute iyo Abwaan Nageeye?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute) oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeeyay kulamo ay horay u yeesheen isaga iyo Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo bishii October ee 2023-kii ku biiray kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Shuute ayaa sheegay in Abwaan Nageeye ay ku kulmeen gurigiisa, isaga oo markaas raadinayay xildhibaannimo, isla markaana ay wada shaaxeen, kadibna ay sheekeysteen.

Guddoomiyaha ayaa xusay in uu xilligaas kala hadlayay arrinta doorashada iyo damacsiisa xildhibaannimo, waxaana la socday sida uu sheegay nin kale oo ay Shuute saaxibo yihiin.

“Abwaan Nageeye laba jeer aniga saaxibkey ayaa i keenay Jimco ayaan isla qaxweynay laba Jimco oo isku dhow ayuu i yimid isaga oo raadinaayo xildhibaan” ayuu yiri Shuute.

Xasan Cali Nuur (Shuute) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Nageeye Cali Khaliif markii uu waayay xildhibaannimada uu raadiyay shaqo kale, kadibna maalmo yar uu usii wareegay dhanka kooxda Al-Shabaab oo uu haatan ka tirsan yahay Abwaanka.

“Ninka markii uu waayay xildhibaanka oo gabar ay ka qaadatay wuxuu aaday soo jeedka, waana cararay. Xildhibaan ayuu raadinaayay haddii uu heli lahaa wuxuu noqon lahaa dadka dowladda dhisa, laakiin ma dhicin” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, wuxuu farriin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay xoojiyaan dowladnimada, ayna taageeraan horumarrada waa wayn ee ka scoda dalka.

“Talada aan jeedineyno waa waxaayay dhalinyarow dowladnimada inaad xoojisaan amniga, cadaaladda, iyo hormarka” ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada.

Jubbaland oo soo saartay saddex qodob oo xasaasi ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee maamul-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gara ahaan is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

Maxamuud Sayiid Aadan ayaa warsaxaafadeedkiisa kusoo koobay saddex qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah; 1-Shir Deg-deg ah oo ay qabtaan hogaamiyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka, 2- Wada-qancinta musharaxiinta hogaanka dalka ee sanadka 2026 iyo 3 Talo ku socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafaadka sii kordhaya ee ka dhex jira hay’adaha dowladeed ee heer federaal iyo federaal-goboleed.

“Waxaa lama huraan ah in la qabto shir aan shuruudo lagu xirin, oo ay iskugu yimaadaan Hogaamiyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka si looga wada hadlo ajandayaasha masiiriga ah ee kala aragti duwanaanshaha dhalinaya. Shirkaasi wuxuu horseedi karaa go’aanno mideeya dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

Cinwaan: Baahida Loo Qabo Wada-tashi Qaran oo Deg-deg ah iyo Hoggaan Mudnaanta Siinaya Danta Guud

Waxaa isa soo taraya walaaca iyo kala duwanaanshaha aragtiyeed ee ka dhex taagan hay’adaha siyaasadda Soomaaliya, taas oo muujinaysa in xaaladda dalka ay weli tahay mid adag oo u baahan xalal dhab ah. Muddo dheer oo aan ka mid ahaa geeddi-socodka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, waxaan xaqiijiyey in ay jiraan caqabado badan oo hor taagan soo kabashada qaranimada, kuwaas oo ay ka mid tahay in Soomaaliya aysan weli helin hoggaan danta guud ka hormariya danta gaarka ah.

Iyadoo ay sidaas tahay, waxaan soo jeedinayaa qodobbadan hoos ku xusan:

  1. Shir Deg-deg ah oo ay Qabtaan Hogaamiyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka

Waxaa lama huraan ah in la qabto shir aan shuruudo lagu xirin, oo ay iskugu yimaadaan Hogaamiyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka si looga wada hadlo ajandayaasha masiiriga ah ee kala aragti duwanaanshaha dhalinaya. Shirkaasi wuxuu horseedi karaa go’aanno mideeya dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

  1. Wada-qancinta Musharaxiinta Hogaanka Dalka ee Sanadka 2026

Musharaxiinta u tartamaya hogaanka dalka ee 2026 waa in lagu wargeliyaa lana qanciyo muhiimada go’aannada kasoo baxa Golaha Wada-tashiga Qaranka, maadaama ay saameyn ku leeyihiin mustaqbalka dalka.

  1. Talo ku Socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Mohamud

Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa inuu si geesinimo leh u eego afarta jaho ee dalka, una hoggaamiyo shacabka isagoo adeegsanaya qaaciddada: maxaa macquul ah maanta?

Waa waqtigii laga gudbi lahaa dano gaar ah, waxaana loo baahan yahay hoggaan dalka mideeya una horseeda xasillooni iyo horumar.

Gunaanad

Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan u taagan danta guud, diyaarna u ah inuu dhiso dowladnimo waarta oo ka turjumta rabitaanka shacabka. Talo iyo wada-tashi qaran ayaa ah jidka keliya ee lagu gaari karo xasilooni iyo horumar waara.

—DHAMMAAD—

Xogta howlgal qorsheysan oo ciidanka DF ay ku dileen…

0

Xudur (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qorsheysan oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay aagga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta degmada Xuddur, waxaana jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Sida lagu sheegay qoraalka waxaa weerar lagu dilay ugu yaraan saddex xubnood, halka lagu dhaawacay 10 kale oo ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay.

“Howlgalka oo si xeeladeysan loo abaabulay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan saddex dhagarqabe, waxaana lagu dhaawacay in ka badan toban xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo furtay hub iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Al-Shabaab, kadib markii ay uga carareen deegaanka lagu weeraray ee Moora-Gaabeey

“Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa sidoo kale ku soo furtay agab ciidan oo ay ku jirtaan hub iyo saanad ay isticmaalayeen kooxaha nabad-diidka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Howlgalkan ayaa sidoo kale qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxaana weli ciidamada ay sii baacsanayaan firxadka Al-Shabaab, sida uu sheegay taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada.

Xudur iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa maalmahan ka socday howlgallo xoreyn ah, waxaana dhawaan markii halkaas lagu laayay ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaan 8 KM u jira magaaladaasi, iyada oo sidoo kale lagu soo furtay qoryo AK47 ah.

Beesha Cali Saleebaan oo dalbatay in dib loogu laabto qaab dhismeedka Puntland

0

Nairobi (Caasimada Online) – Beelaha Cali Saleebaan, oo shir laba maalmood socday ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo qaab dhismeedka dowladnimo ee Puntland.

Shirka oo dhacay 15-16 Nofeembar 2025, ayna ka qaybgaleen Isimo, siyaasiyiin, ganacsato iyo waxgarad kale, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalka Cal-Miskaad uu u daba dheeraaday “wadashaqayn la’aanta xukuumada Federaalka ah iyo tan Puntland.”

War-saxaafadeedka kasoo baxay beelaha ayaa lagu xusay in heshiiskii bulsho ee Puntland lagu dhisay 1998-dii uu asiibay “dil-dilaac siyaasadeed oo saameeyay qaab dhismeedkii dastuuriga ahaa.”

Sidaa darteed, bayaanka ayaa lagu yiri: “Shirku wuxuu isla gartay in la joogo wakhtigii dib u eegis lagu samayn lahaa qaab dhismeedka dowladnimo ee Puntland, arrintaas oo ay horay usoo jeediyeen isimada Puntland.”

Shirka ayaa sidoo kale ku baaqay in Puntland ay “soo ceshato kaalinteedii hormuudnimo ee dowlad dhiska Soomaaliya, sidoo kalena ilaaliso kaalinteedii midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed”.

Arrimaha dagaalka Cal-Miskaad

Mar uu shirku ka hadlay xaaladda dagaalka Cal-Miskaad, wuxuu si kulul uga digay in la siyaasadeeyo hawlgallada socda.

“Shirku wuxuu ku baaqayaa inaan la siyaasadayn hawlgalka ciidamada oo aan lagu dhawaaqin guul aan wakhtigeedii weli la gaarin, si aan baylah loogu noqon khatarta argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Beelaha Cali Saleebaan waxay sidoo kale garawsadeen in dagaalka oo daba dheeraaday ay sabab u tahay iskaashi la’aanta u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo tan Puntland.

Inkastoo ay walaacaas muujiyeen, haddana shirku wuxuu “si buuxda u taageerayaa naf-hurinimada ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland,” wuxuuna u mahadceliyay dowladda iyo dadweynaha reer Puntland ee taageerada muujiyay. Waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay in la “yagleelo sanduuqa Horumarinta Cal-Miskaad.”

Go’aano kale

Ugu dambayn, shirka waxaa la isku raacay in dalka gudihiisa, gaar ahaan magaalada Boosaaso, lagu qabto “Shirweyne ay isugu imaanayaan Qaybaha kala duwan beelaha Cali Saleebaan bisha January.”

Waxaa kale oo shirku “si mug iyo miisaan leh u taageerayaa dhismaha wadada Dhaadaar iyo Boosaaso.”

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiiran

Guddiga doorashooyinka oo war ka soo saaray muddo kordhinta, kuna dhowaaqay in….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madax-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa caawa soo saaray wargelin sharciyeed, taas oo uu ku caddeeyay in dhameystirka dhammaan heerarka kala duwan ee doorashooyinka ay ku dhici doonaan muddadooda dastuuriga ah.

Guddiga ayaa sidoo kale daneeyayaasha doorashada ka codsaday, si uu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, inay gacan ka siiyaan abuurista jawi suurtagelinaya isfaham siyaasadeed oo meel looga soo wada jeesto hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

Sidoo kale, waxa uu guddigu ku baaqay in lagala shaqeeyo xoojinta, dhameystirka iyo tayeynta howl-gallada sugidda amniga doorashooyinka, oo muhiimad gaar ah leh.

“Waxa uu ku wargelinayaa dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka in guddigu ku talo-galkiisu yahay in uu ku dhameystiro dhammaan heerarka kala duwan ee doorashooyinka muddadooda dastuuriga ah ee golayaasha qaranka.”

Guddiga ayaa dalbaday diyaarinta miisaaniyad dhaqaale oo lagu hirgeliyo dhammaan heerarka kala duwan ee doorashooyinka dalka, oo ay ugu horeyso tan golaha deegaanka oo dhawaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, daneeyayaasha, ururrada bulshada rayidka ah, ururrada siyaasadda, ururrada caalamiga ah, goboleedyada sida: UNO, AU, EU, IGAD, ARAB LEAGUE, OIC iyo waddamada saaxiibka la’ah Soomaaliya, ayuu guddigu ka codsaday inay door firfircoon ka qaataan kor-joogteynta dhammaan howlaha doorashada ee dalka ka socda, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Sabtidii magaalada Muqdisho ka bilaabay qeybinta kaararka codbixinta, iyadoo wajiga hore lagu bilaabay degmooyinka Xamar Weyne, Shangaani, Boondheere, Xamar Jajab, Waaberi, Shibis iyo Cabdicasiis.

Guddigu waxa uu sheegay in guud ahaan 42 goobood loo hirgeliyey qeybinta kaararka doorashada, si ay dadka deegaanka ugu fududaato helitaanka kaarka codbixinta.

Sida lagu sheegay warbixinta guddiga, tirada dadka hore iskaga diiwaangeliyey gobolka Banaadir ayaa kor u dhaaftay 900,000 qof, taas oo muujinaysa sida shacabka ay ugu diyaar-garoobeen doorashooyinka heer degmo ee la qorsheeyay.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga hor yimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.

Ganacsade caan ah oo caawa lagu dilay Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay ganacsade caan ka ahaa magaalada.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jirey Deeq Cabdi Jaamac ayaa la sheegay in koox hubeysan ay ku beegsadeen gudaha magaalada, xilli uu kasoo baxay salaadda maqrib.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in falka dilka ah uu dhacay si kedis ah, isla markaana uusan jirin wax dood ama muran ka horreeyay, taas oo sare u qaaday su’aalaha la iska weydiinayo sababta loo bartilmaameedsaday ganacsadahan.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta si dhaqso ah uga baxsaday, mana jirto ilaa hadda cid loo soo qabtay, inkastoo booliska magaalada ay bilaabeen baaritaan hordhac ah.

Laamaha amniga ee Guriceel ayaa goobta gaaray waxyar kadib dilka, waxayna sheegeen in ay wadaan baaritaano lagu raadinayo kooxdii falka ka dambeysay.

Dilka caawa ayaa qeyb ka ah dilal qorsheysan oo ka dhaca gudaha magaalada Guriceel, kuwaas oo inta badan loo tiriyo aanooyinka qabiil iyo kooxda Al-Shabaab, oo mararka qaar falal noocaan ah ka geysata gobolka.

Galmudug ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil, iyadoo weli uu maamulka u maaro la’yahay falalka noocaan ah oo ay ku baxeen dad badan oo wax-gal ah iyo kuwa aan waxba galabsan.



DF oo u digtay shirkado iyo shaqsiyaad Soomaali iyo ajaanib ah oo ku hawlan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag kasoo saartay shirkado iyo shaqsiyaad Soomaali iyo ajaanib oo si sharci darro ah ugu hawlan macdan qodis.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada macdan qodista sharci-darrada ah ee ka socda qaybo kamid ah dalka, iyadoo fartay dhammaan shakhsiyadda iyo hay’adaha ku lugta leh hawlahan ay si deg-deg ah u joojiyaan una hakiyaan dhammaan hawlahooda aan sharciyeysnayn.

“Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, iyadoo gudanaysa xilkeeda sharci, waxay il gaar ah ku haysaa hawlaha macdamaysiga sharci-darada ah oo ay ku hawlan yihiin shakhsiyad iyo shirkado isugu jira muwaadiniin iyo shisheeye,” ayaa lagu yifi war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in qaanuunka caalamiga ah iyo dastuurka federaalka Soomaaliya ay si cad u dhigayaan in maamulka, sahminta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah uu yahay awood ay leedahay owladda Federaalka oo keliya.

“Macdamaysiga Sharci-darrada ah kaliya ma aha xad-gudub liddi ku ah gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse, waa il dhaqaale sharci­darro ah laga sameeyo kaasoo loo adeegsado maalgellinta falal argagaxis oo halis ku ah amniga iyo nabadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci ee lagama maarmaanka u ah, iyadoo waafajinaysa shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, si loo ilaaliyo, loo dhowro, loona dhaqan-geliyo xuquuqdeeda ku saabsan khayraadka macdanta ee dalka.

Inkastoo wasaaraddu aysan xusin shirkadaha iyo shaqsiyaadka ku lugta leh hawlaha macdan qodista sharci-darrada, haddana waxay imaaneysa xilli bariga gobolka Sanaag oo ay maamusho Puntland ay yihiin meelaha ugu badan ee isha lagu hayo macdan qodista.

Hoggaanka maamulka ayaa horey u sheegay in uu soo dhaweynayo cid kasta oo maalgashi ku sameynaysa sidii looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka macdanta ku jirta degaanadeeda, taas oo si adag uga soo horjeedo dowladda dhexe.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo gudanaysa xilkeeda sharci, waxay il gaar ah ku haysaa hawlaha macdamaysiga sharci-darada ah oo ay ku hawlan yihiin shakhsiyad iyo shirkado isugu jira muwaadiniin iyo shisheeye.

Si waafaqsan maba’da qaanuunka caalamiga ah ee jiddaynaya gobannimada dalalku ku leeyihiin khayraadkooda dabiiciga ah, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Heshiiska lahaanshaha, maamulka iyo wadaaga dakhli­ga khayraadka macdanta iyo shuruucda kale ee dalka.

Wasaaraddu waxay ogaysiinaysaa cid kasta oo ku hawlan macdamaysiga sharci-darrada ah in oggolaanshaha sharci ee sahminta iyo soo saarista khayraadka macdanta ee geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u xilsaaraan tahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Macdamaysiga Sharcidarrada ah kaliya ma aha xadgudub liddi ku ah gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse, waa il dhaqaale sharci­darro ah laga sameeyo kaasoo loo adeegsado maalgellinta falal argagaxis oo halis ku ah amniga iyo nabadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka geeska Afrika.

Sidaas darteed, Wasaaraddu waxay si rasmi ah ugu baaqaysaa dhammaan shakhsiyadda iyo hay’adaha ku lugta leh hawlaha macdan qodista sharci-darrada in ay si deg deg ah u joojiyaan una hakeeyaan dhammaan hawlahooda aan sharciyeysnayn.

Haddaan lagu hoggaansamin, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka sharci ee lagama maarmaanka u ah, iyadoo waafajinaysa shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, si loo ilaaliyo, loo dhowro, loona dhaqan geliyo xuquuqdeeda ku saabsan khayraadka macdanta ee dalka, oo ah hanti ay si wadajir ah u leeyihiin shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Somali Future Council summit faces Somaliland MPs hurdle

0

Kismayo, Somalia — A major summit planned by the opposition Somali Future Council has run into a serious and unexpected hurdle, sources told Somalia Today.

The dispute, which threatens to split the alliance, centers on the role and status of federal lawmakers from the Somaliland region.

The meeting had been planned for Kismayo, the interim capital of Jubaland state.

The alliance, led by the presidents of Puntland and Jubaland, planned to use the summit to build a united front against the federal government. Yet talks have stalled over whether Somaliland’s members of parliament (MPs) and senators should have full participation rights.

Jubaland’s administration, which is hosting the summit, has taken a hard line. President Ahmed Madobe’s government argues that the Somaliland lawmakers should serve only as “honorary members” for the duration of the conference.

The move is driven by political calculations. Jubaland officials say their representatives cannot be full partners, per Somalia Today sources. This is because Somaliland claims to be an independent nation, separate from the Federal Republic of Somalia.

Organizers reportedly did not share this position with all participants beforehand, causing surprise. It remains unclear how key opposition figures, such as former president Sharif Sheikh Ahmed, will react to this stance.

A challenge to opposition unity

Jubaland’s move appears to back a position taken by Puntland President Said Abdullahi Deni. In 2024, President Deni suspended all cooperation with federal institutions in Mogadishu, accusing them of overstepping their bounds.

Yet the alliance already shows signs of internal strain. While President Deni publicly rejects the federal government’s agenda, many of the MPs and senators he personally selected have taken the opposite stance. These lawmakers have reportedly backed the federal government’s controversial constitutional amendments.

By contrast, Jubaland’s President Madobe insists that his state’s representatives in Mogadishu remain fully loyal to his administration’s stance against the federal government. This new dispute over Somaliland MPs now further complicates these existing political dynamics.

This internal disagreement now risks overshadowing the Somali Future Council’s original, unified agenda. The council first announced its plan for a “national consultative conference” in a statement released on November 12.

The group’s primary goal is to challenge the administration of President Hassan Sheikh Mohamud. In its statement, the council explicitly declared its opposition to any form of term extension for the president.

Furthermore, the council rejects the recent sweeping changes to Somalia’s provisional constitution.

The federal government passed these amendments earlier this year. These changes have transformed the country from a parliamentary to a presidential system, granting the president new powers.

The Somali Future Council also warned against the federal government holding any national election that is not based on a broad political consensus.

They fear the government’s push for a “one person, one vote” election is a political tactic. They believe it is meant to centralize power and sideline the federal member states.

A shifting political landscape

The political ground is also shifting beneath the opposition. Several high-profile members previously associated with the Somali Future Council have now joined a new political party that was recently announced.

This new group includes prominent figures, such as Abdi Farah Shirdoon, a former Prime Minister of Somalia. Another key figure is Fahad Yasin, Somalia’s influential former intelligence chief.

This development suggests a potential splintering of the opposition. It is not yet clear whether this new party will compete with the Future Council or collaborate with it.

Somaliland, located in northwestern Somalia, declared independence in 1991 following a civil war. It is not recognized internationally as a separate country.

Yet a unique political arrangement still allows for the indirect selection of MPs and senators representing Somaliland’s regions. These lawmakers hold seats in the federal parliament in Mogadishu, a status that remains a complex and sensitive issue in Somali national politics.

As organizers in Kismayo grapple with this internal dispute, the summit’s primary goal now appears to be at risk. The alliance’s ability to present a united front against the federal government may now depend on how it resolves the sensitive question of the Somaliland MPs.

Turkish Airlines faces boycott call in Somalia

0

Mogadishu, Somalia — Turkish Airlines is facing calls for a boycott in Somalia after a senior manager at Mogadishu’s airport was accused of repeatedly abusing and humiliating Somali passengers.

The allegations have triggered widespread outrage, with travelers and activists claiming the airline official wields “unchecked power.” Abdi Addow, a prominent social media activist, issued the boycott call.

Addow accused the airline manager, identified only as “Turhan,” of publicly shaming him and other travelers.

He said the manager blocked him and Abdifatah Faisal Hussein, a senior official with the National Electoral Commission, from boarding a flight, despite having completed all pre-boarding checks.

“As we joined the queue at boarding time, he denied us passage,” Addow said in a Facebook post on Saturday. “‘Return to where you came from,’ he said, before slamming the door in our faces.”

In his post, Addow portrayed the manager’s authority as absolute, overriding even airport security procedures. “I don’t know where he gets this extra power from,” Addow wrote. “He behaves abusively and excessively toward Somalis.”

‘Nowhere to file a complaint’

Addow’s experience is reportedly not an isolated incident. He and other passengers described a recurring pattern of behavior that left travelers stranded and under severe financial strain.

Another recent case was shared by a content creator known as “Somali Gamer,” who alleged that the same manager dragged him from the boarding stairs.

He noted that the manager was not wearing a uniform or any visible official identification at the time. Passengers also reported that a young Somali traveler from Sweden was detained and refused a replacement ticket.

The sense of powerlessness has further fueled public anger. “There is nowhere to file a complaint against him, and no one to stop him,” Addow added.

In response to his ordeal, Addow called for a boycott. “I will never board Turkish Airlines again until this man is removed,” he said. “I warn Somalis against exchanging their money for humiliation.”

The allegations against the Turkish Airlines manager come amid broader, long-running tensions at the airport. A separate Turkish company, Favori LLC, manages Aden Adde International Airport.

Just this week, airport operations were disrupted when Somali staff went on strike. Workers accused Favori LLC of unfairly firing local employees to replace them with foreign staff, according to local reports.

This follows years of controversy surrounding the firm’s management of the airport. Somali trade unions have previously accused Favori of systemic labor rights violations.

In 2021, Somalia’s Supreme Court upheld a ruling against Favori for the unfair dismissal of a Somali employee.

A vital link at risk

The growing controversy is highlighting a crucial and complex relationship for Somalia. Turkey is one of Somalia’s most important strategic partners.

Turkish Airlines was the first major international carrier to resume regular flights to Mogadishu in March 2012, a landmark step that ended decades of aviation isolation.

Beyond the airline, Turkey is reportedly involved in an ambitious plan to revive Somalia’s national carrier, Somali Airlines.

This deep partnership, however, has also drawn criticism. The UN Monitoring Group previously described Favori’s airport management contract as a “technically poor deal” for Somalia. This has fueled public frustration and a perception that foreign firms operate with impunity.

The allegations of mistreatment by the airline manager tap into this wider national resentment. Somali authorities have reportedly been aware of the incidents but have been unable to compel the airline to act.

Passengers and activists are now calling for an urgent, formal investigation. They want swift steps to prevent further mistreatment and are demanding accountability for the alleged abuses.

Turkish Airlines did not immediately respond to requests for comment on the allegations. The ongoing situation raises pressing questions about corporate responsibility, labor rights, and the protection of travelers at one of East Africa’s busiest airports.

Immigration Agency under fire as e-Visa data exposure sparks national outrage

0

A rising tide of public anger has gripped the country following reports on social media alleging the exposure of sensitive eVisa data. The Immigration and Citizenship Agency has yet to release an official statement, but the evidence already visible paints a troubling picture. This was not an external cyber-attack. It was an internal collapse of basic data protection and responsible leadership.

What is known so far indicates that sensitive information was mishandled inside the agency’s own digital environment. Files appear to have been either left exposed or placed in locations without security safeguards. The most likely explanation is stark. The database had no RLS. Someone copied the entire database into a folder and left it unprotected and unencrypted. This is not a complex breach. This is a direct failure of the most fundamental data security practices.

There is no sign of outside interference. No unusual login attempts. No forced entry. No patterns of system disruption. External attackers rarely limit themselves to copying data. They often attempt deeper penetration, damage to infrastructure or tampering with service availability. None of these traces is present. Adding to the concern, the leaked materials circulating online are confined to a narrow time frame, with no dates from September, October or November. This absence raises serious questions about when the data was moved and who had the authority and opportunity to access it.

What has further deepened public frustration is the agency’s silence. Silence at a moment of crisis is not caution. Silence is a choice that signals a lack of transparency and a disregard for public trust. When an institution that handles national records remains quiet while sensitive information circulates online, it suggests that accountability is missing at every level of its leadership.

This incident demands firm consequences. National data was compromised because of internal negligence. This is not a minor administrative slip. It exposes weaknesses in oversight, technical management and leadership responsibility. The leadership of the Immigration and Citizenship Agency must pay the price for this failure. Without decisive action at the top, the public will see this as another institution that protects itself instead of the people it serves. Heads have to roll. Authority means responsibility, and responsibility must be enforced. 

The country cannot continue with an agency where data is unsecured, internal controls are ignored, and silence replaces accountability. The integrity of personal information is central to any credible immigration system. Without a transparent response, public confidence will only continue to deteriorate.

The agency must now issue a clear public statement, take full responsibility and explain how this failure occurred. It must outline immediate steps to strengthen digital safeguards, enforce strict internal controls, and rebuild a culture of accountability so that such incidents cannot be repeated.

Trust cannot be restored through silence. It can only be regained through honesty, decisive leadership and meaningful reform. The public is watching and expects responsibility, clarity, and action.

Cabdiraxmaan Caynte oo raali-gelin ka bixiyay hadal uu ugu gafay beesha Shiikhaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa raalli-gelin ka bixiyay hadal uu xalay ka jeediyay madal ka dhacday magaalada Muqdisho.

Hadalkaasi oo siyaabo kala duwan looga falceliyay ayaa dadka qaar ku macneeyeen gef uu Caynte kula kacay beesha Shiikhaal, taas oo ugu dambeyn uu haatan raalli-gelin ka bixiyay.

Caynte ayaa xalay si kaftan ah u yiri: “Beesha (Shiikhaal) waxaa lagu xantaa macruufka iyo munkarka magaalada iyaga u qaabilsan. Meherkii subaxdii Sheekh Cabdi Xayi ayaa sameeya, habeenkiina Dayax Dalnuurshe ayaa soo xira. Waan ugu hambalyeynayaa taas.”

Inkastoo hadalka uu si kaftan ah ugu jeediyay fannaanka Dayax Dalnuurshe oo goobta ku sugnaa, haddana waxay dad badan oo ka falceliyay ku tilmaameen “mid gef ku ah beesha” iyo aflagaado uu Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya kula kacay.

“Waxaan raalli-galin kal iyo laab ah ka bixinayaa hadal aa ku kaftamay oo aan ka iri xafladdii xalay. Diinteenna suubban iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa i faraya inaan u cudur daarto cid walba oo hadalkaas dhibsatay,” ayuu Caynte ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Hoos ka aqriso qoraalka Caynte:

Bismillah,

Waxaan u hambalyeynaa saaxiibkey Fuad Abdi Mohamed, agaasimaha 5 MAGAZINE iyo howl-wadeennadiisa, sannad guurada 4-aad ee aasaaska majalladdan hirgashay ee dhaxalka u noqotay dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku bogaadinayaa halabuurka, howlkarnimada iyo joogteynta majallad bille ah oo kusoo baxda luqadda English-ka, taas oo haqabtirtay baahi weyn oo jirtay.

Waxaan Allah SWT uga baryaa inuu na gaarsiiyo annagoo u dabbaal dageyna 40-guuradeeda.

Ugu dambeyn, waxaan raalligalin kal iyo laab ah ka bixinayaa hadal aa ku kaftamay oo aan ka iri xafladdii xalay. Diinteenna suubban iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa i faraya inaan u cudurdaarto cid walba oo hadalkaas dhibsatay.

Soomaalidu waxay tiraahdaa: “qofkii ay candhuuftaadu gaartay, calaacashaaduna ha gaarto.”

Wabillahi Towfiiq.

Agaasime ku-xigeenkii hay’adda socdaalka oo xilka laga qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Maxamed Kaasim inuu noqdo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo howlaha hortabinta u leh hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Tan ayaa door weyn ka qaadaneysa sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee ay hay’addu u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ajaanibta, sida lagu yiri wareegtada.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay agaasimaha cusub in uu si hufan, masuuliyad iyo daacadnimo leh u guto waajibaadkiisa shaqo, isla markaana uu hormuud u noqdo dadaallada hay’addu ku horumarinayso adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u qabato.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay mar kale adkeynaysaa go’aankeeda ku aaddan xoojinta maamulka, kor u qaadidda hufnaanta shaqo, iyo dhiirrigelinta adeegyada dowladeed, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka.

Agaasime Maxamed Kaasim ayaa beddelaya Xuseen Cabdullaahi Sheekh, oo haatan hayay xilka Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli ay hay’addu xaqiijisay in uu dhacay “xad-gudub sharci darro ah” oo lagu beegsaday nidaamka e-Visa, iyadoo sheegtay in isla markiiba ay qaaday tallaabooyin deg-deg ah oo lagu hakiyay, laguna baarayo falkaas, si loo yareeyo saamaynta uu yeelan karo.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan siisay muhiimad gaar ah, iyadoo loo magacaabay guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo ku takhasusay forensic, iyo hay’addaha dowliga ah ee khuseeya ilaalinta xogta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda.

Guddiga baaritaan ee la magacaabay ayaa waxay hay’addu sheegtay inay baaritaan qoto dheer ku sameynayaan baaxadda isku dayga xad-gudubka ah, halka uu ka yimid iyo saamaynta uu yeelan karo.

Hay’adda ayaa sheegtay in marka baaritaanka rasmiga ah la soo gaba-gabeeyo la soo saari doono warbixin dhammaystiran oo faah-faahinaysa natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay iyo tallaabooyinka sixidda ah ee la qaaday.

Sidoo kale waxay sheegtay inay xoojinayso nidaamyada amniga dijitaalka ah, oo ay ku jiraan heerarka casriga ah ee xog ilaalinta iyo multi-factor authentication dhammaan adeegyada hay’adda.

Hay’adda socdaalka oo war kasoo saartay jabsashada e-Visa iyo tallaabo ay qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in uu dhacay “xad-gudub sharci darro ah” oo lagu beegsaday nidaamka e-Visa.

Hay’adda ayaa sheegtay in isla markii ay arrintu soo baxday ay qaaday tallaabooyin deg-deg ah oo lagu hakiyay, laguna baarayo falkaan, si loo yareeyo saamaynta uu yeelan karo.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan siisay muhiimad gaar ah, iyadoo loo magacaabay guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo ku takhasusay forensic, iyo hay’addaha dowliga ah ee khuseeya ilaalinta xogta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda.

Guddiga baaritaan ee la magacaabay ayaa waxay hay’addu sheegtay inay baaritaan qoto dheer ku sameynayaan baaxadda isku dayga xad-gudubka ah, halka uu ka yimid iyo saamaynta uu yeelan karo.

Hay’adda ayaa sheegtay in marka baaritaanka rasmiga ah la soo gaba-gabeeyo la soo saari doono warbixin dhammaystiran oo faah-faahinaya natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay iyo tallaabooyinka sixidda ah ee la qaaday.

“HSJ waxa ay ka xun tahay dhacdadan, waxaana ay mar kale xaqiijinaysaa in ilaalinta xogta dadka iyo adeegyaga qaranka ay tahay mudnaanta koowaad,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxa ay xaqiijineysaa in ay ogaatay xadgudub sharci–darro ah oo lagu beegsaday qeybo ka mid ah xogta rakaabka u socdaalaya Soomaaliya (e-TAS).

Isla markii arrintu soo baxday, Hay’addu waxa ay qaaday tallaabooyin degdeg ah oo lagu hakiyay laguna baarayo falkan, si loo yareeyo saamaynta uu yeelan karo.

Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan siisay muhiimad gaar ah, iyadoo loo magacaabay guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo ku takhasusay forensic, iyo hay’addaha dowliga ah ee khuseeya ilaalinta xogta.

Guddigu waxa uu baaritaan ku sameynayaa baaxadda isku dayga xadgudubka ah, halka uu ka yimid, iyo saamaynta uu yeelan karo.

Marka baaritaanka rasmiga ah la soo gabagabeeyo, waxa la soo saari doonaa warbixin dhammaystiran oo faahfaahinaysa natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay, iyo tallaabooyinka sixidda ah ee la qaaday.

Inta lagu jiro muddada baaritaanka, dhammaan dadka laga yaabo in ay saamayn ku yeelatay arrintan si toos ah ayaa loogu wargelin doonaa, waxaana la adeegsaan doonaa oo keliya marinada rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay ku boorinaysaa shacabka iyo Socdaalayaasha caalamiga ah in ay macluumaadkooda ka helaan oo keliya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, si looga hortago xog khaldan ama marin–habaaw.

HSJ waxa ay ka xun tahay dhacdadan, waxaana ay mar kale xaqiijinaysaa in ilaalinta xogta dadka iyo adeegyaga qaranka ay tahay mudnaanta koowaad. Hay’addu waxa ay xoojinaysaa nidaamyada amniga dijitaalka ah, oo ay ku jiraan heerarka casriga ah ee xog–ilaalinta iyo multi-factor authentication dhammaan adeegyada HSJ.

Jubbaland oo ka carootay arrin ay ku kacday DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa si weyn uga carootay arrin ay maanta ku kacday Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku aadan howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland, kaas oo ka dhacay aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda, laguna daabacay bogga Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi oo lagu beegsaday Al-Shabaab ay fuliyeen ciidamada Xoogga, qaybtooda 43-aad iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab, iyadoo aan lagu xusin doorka ciidanka Jubbaland, taas oo uu ka xumaaday maamulka.

“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo halkaas jab culus lagu gaarsiiyey cadowga Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri qoraalka ay shaacisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Intas kadib waxaa soo jawaabay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo sheegay in aan la aqbali karin warka kasoo yeeray warbaahinta Qaranka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la xaqiray Ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland.

“SNTV waxay ku kacday xaqiraad aan la aqbali karin, iyagoo gebi ahaanba ka tagay muujinta dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Jubbaland ee ka dagaallamaya jihada Jamaame” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Warbaahin qaran oo diida inay hal cod siiso ciidamo Soomaaliyeed oo dhiiggooda u huraya dalka waa mas’uuliyad-darro culus. Jubbaland kama yeelayso in aan cod la siin ama la xusin geesiyaasheeda”.

Dhanka kale, waxa uu boggaadiyay doorka Ciidamada Xoogga dalka ee ku aadan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee haatan xooggiisa uu ka socdo gobolka Jubada Hoose.

“Geesinimada ciidamada SNA iyo Danab ee nala safan, nala dagaallamaya, waa bogaadinaynaa, waa sheegnay, waana xuseynaa. Waxaan ku baaqeynaa in SNTV ay si degdeg ah u saxdo khaladkan weyn ee ay galeen” ayuu mar kale yiri Cabdifitaax Mukhtaar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa horay isugu hayay arrimaha guud ee siyaasadda iyo doorahooyinka oo ay ku kala tageen, waxaana hadda soo kordhay dagaal cusub oo ku aadan dhinaca howlgallada, taas oo keeni karta saameyn kale oo aan la mahdin.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo dhagax dhigay dhismaha xarun muhiim u ah dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka, taas oo muhiim u ah dalka, maadaama ay wax badan soo kordhin doonto.

Xamza oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo machadkani in uu soo saari doono khubaro Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaata horumarinta wax soo saarka beeraha dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in beeruhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidoo kalena muhiimad weyn u leeyihiin horumarinta bulshooyinka dunida oo dhan.

Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyey in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta koowaad siinayso kordhinta wax soo saarka gudaha, maadaama uu caalamku wajahayo cabsi ku saabsan cunno yaraan, taas oo waddamo badan ku qasabtay in ay joojiyaan dhoofinta dalagyadooda.

“Dhulkeennu waa mid aad ugu habboon beerista oo leh biyo ku filan, waxaan nahay dal isku filnaan kara haddii la horumariyo wax soo saarka beeraha. Xukuumaddana waxaa ka go’an in ay xoogga saarto kobcinta dhaqaale ku saleysan beeraha iyo xoolaha. ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dadaalka ay ugu jirto abaabulka beeraleyda iyo iskaashatooyinka, xaruntana wax badan ka tari doonto howlaha wax soo saarka ee dalka.

“Soomaaliya waxa ay ku taallaa goob istaraatiji ah oo dunida oo idil muhiim u ah, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah in ay dalkeenna maalgashadaan, gaar ahaan beeraha iyo xoolaha”. ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha ayaa sii adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo wacyigelinta iyo aqoontooda, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay dib u eegaan maalgashiyadooda, isla markaana ku dhiirradan in ay maal geliyaan wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha oo uu sheegay in ay leeyihiin fursado dhaqaale oo ballaaran.

Daawo: Mustafa Dhuxulow oo qaylo dhaan afka furtay kadib markii e-visa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka jinsiyadda, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan afka furtay, isaga oo si adag ugu jawaabay dadka kasoo horjeedo adeegga ay soo kordhiyeen ee nidaamka dal-ku-galka elegtrooniga ah (e-visa).

Dhuxulow ayaa u jawaabay mas’uuliyiin goobta ka hadlay oo ku weeraray habka ay u maareeyeen adeeggan, wuxuuna sheegay in dadkaas ay kasoo horjeedaan dowladnimada.

“Qofka Soomaaliga ah waxyaabo uu ku ciyaari karo iyo kuwo uu san ka hadli karin ayaa jira, tusaale ahaan waxa uu dhihi karaa dhaqaalaha sidaan haloo dhigo balse dowladnimada, Haybadda, Sharafta & Karaamada ma dhaawici karo, ma ahan arrin lagu dhiirran karo, mana la isku dayi kari, barnaamijyada dalka isku keenaya maloo bareeri karo,”. ayuu yiri agaasimuhu.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxa aan la soconaa dadka faafinaya, dadka shaqada waday iyo kuwa taageera Probagandada ka dhanka ah eTAS, waxa dhan waan la soconaa, waxaa halis ah mashaariicda qaranka ee dowladnimada lagu ilaalinayo in meel public ah lagu weeraro”.

Agaasimaha hay’adda socdaalka ayaa intaas kusii daray in uu aa uga xun yahay in la siyaasadeeyo howlaha qaranka iyo lana dhaawaco midnimada dalka, isaga oo u digay dadka kasoo horjeedo mashaariicda waa wayn ee ay soo kordhisay dowladda Soomaaliya.

“Waxaa halis mshaariicda qaranka ee dowladnimada lagu ilaalinaa in meel public ah lagu weeraro arrintaas halaga digtoonaado” ayuu mar kale yiri Dhuxolow.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli maamullada Somaliland iyo Puntland ay si adag uga horyimaadeen dal-ku-galka elektaroonig ah ee e-Visa, kaas oo abuuray xiisad horleh.

Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa dhankeeda haatan ku dhawaaqday in shacabkeeda aan mar dambe lagu xannibi doonin fiisaha e-visa ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay si rasmi ah u dhammaatay Jimcihii ka dib dadaallo ay sameeyeen wasaaradaha khuseeya.

Khilaaf xasaasi ah oo ka dhex-qarxay Golaha Mustaqbalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhowaan la filayaa in Kismaayo uu ka qabsoomo shir ay ka soo qayb galayaan siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay maamullada Jubaland iyo Puntland horseed ka yihiin.

Si kastaba, caqabad aan la filayn ayaa soo food saartay qabanqaabiyayaasha shirka, oo markii hore aan loo sheegin in ka-qaybgalka Xildhibaannada iyo Senatarrada Somaliland ee doorasho dadban lagaga hadli doono.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo ku doodaya in dhammaan xildhibaannada iyo Senatarrada uu maamulkiisu soo xulay ay daacad u yihiin siyaasaddiisa ku aaddan Dowladda Federaalka, ayaa taageeray mowqif uu Madaxweynaha Puntland soo qaatay 2023-kii markii uu joojiyay wada-shaqeynta uu la leeyahay hay’adaha federaalka.

Dhammaan xildhibaannada iyo Senatarrada uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni soo xulay ayaa taageeray siyaasadda Dowladda Federaalka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka ku-meel-gaar ka ah.

Maamulka Jubaland wuxuu ku doodayaa in xildhibaannada iyo Senatarrada Somaliland noqdaan xubno sharafeed inta Somaliland sheeganayso inay dal gaar ah tahay kana soo jeeddo qarannimada Soomaaliya. Ma cadda sida uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, u arko mowqifka ay Puntland iyo Jubaland ku mideysan yihiin hadda.

Xubno ka tirsanaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku biiray xisbi lagaga dhawaaqay Turkiga. Waxaa xubnahaas ka mid ah Cabdi Faarax Shirdoon, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Xisbigan ayaa sidoo kale uu ku jira Fahad Yaasiin.

Golaha ayaa bayaan dhowr qodob ka kooban oo uu soo saaray 12-kii November, ku iclaamiyay shirweyne wada-tashi ah oo ay sheegeen inay ku qaban doonaan gudaha dalka, kaas oo looga hadli doono mustaqbalka dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, Golaha ayaa war-saxaafadeedka ku sheegay inuu si cad uga soo horjeedo in muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo digniin culus ka soo saaray.

Waxaa kale oo ay diideen wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso iyada oo weli is mariwaa uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan in la aado qof iyo cod, si ay shacabka usoo doortaan hoggaankooda.

Wasiir FIQI oo weerar culus ku qaaday kooxda Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dib usoo laabashada Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dhawaan lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Fiqi ayaa weerar toos ah ku qaaday Farmaajo iyo kooxdiisa, wuxuuna tilmaamay in sanadkan aysan waxba qaadi karin marka loo eego loolanka adag ee doorashada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan, maadaama ay soo guryo noqdeen, balse loo baahan yahay in dadkooda ay dhinac ka raacaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Team-ka cusub ee Farmaajo magaalada waan kusoo dhaweyneynaa, laakiin sanadkan inay wax ka qaadi doonaan u maleyn maayo ee dadkooda dhinac haka raacaano”. ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyey “Waxaan leeyahay saaxiibadey Cabdiraxmaan Dheere iyo Cabdishakuur Mire magaalkan dhib kama jiree nabad ku jooga”.

Soo laabashada Farmajo ayaa lagu sababeeyay saddex arrimood oo xasaasi ah, sida lagu sheegay qoraal uu shaacisay xafiiskiisa, kuwaas oo kala ah:

  1. Xoojinta dadaallada heer qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed.
  2. Qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.
  3. Adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn.

“Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safarro gaar ah oo uu ku tagay dalal dibadda ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee madaxweynihii hore.

Sidoo kale Farmaajo ayaa haatan bilaabay kulammo wadatashi oo gaar-gaar ah oo uu la qaadanayo ururrada bulshada iyo siyaasiyiinta, kuwaas oo diiradda saarayo xaaladda dalka iyo duruufaha ay la daalaa-dhacayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo madaxweynihii hore Farmaajo la qaadan doono hormuudka siyaasadda, mas’uuliyiin iyo haldoorka bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa u muuqanaysa inay haatan galeyso marxalad cusub, waxaana kusoo qulqulaya siyaasiyiintii ugu badnaa oo jilib culus ah, kuwaas oo u hanqal taagaya qabashada xilka madaxweynaha.