25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Xasan Sheekh oo tallaabo deg-deg ah ka qaaday madax ka tirsan Villa Somalia + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaqo joojin ku sameeyay saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shaqo joojintan oo ah mid ku-meel-gaar ah, ayuu madaxweynuhu ku sameeyay saddex mas’uul, iyadoo aan la caddayn muddada ay socon doonto, isla markaana ay shaqada banaanka ka ahaan doonaan illaa amar dambe.

Xubnahan ayaa kala ah: 1- Agaasime Ku-xigeenkii Guud ee Madaxtooyada, Maxamed Amiin Sheekh, 2- Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada, Hinda Culusow, iyo 3- Kaaliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdirisaaq British.

Shaqo joojinta lagu sameeyay xubnahan ayaa waxaa soo baxaya inay ka dhalatay hababkii loo maareeyay safarrada Madaxweyne Xasan Sheekh ee is-xigxigay.

Safarkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin kahor ku aaday dalka Aljeeriya ayaa laga reebay xubnahan. Waxaa la sheegay in shaqo joojintaas ku-meel-gaarka ah ee lagu sameeyay ay ka dhalatay arrimo la xiriira maamulka safarradaas.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in sababta shaqo joojintaas dhalisay in si degdeg ah loo dhaqan-geliyo ay tahay in mas’uuliyiintan ay sababsadeen safarkii kan ka horreeyay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in safarkaasi ay kusoo dareen xubno aan qayb ka ahayn socdaalka Madaxweynaha.

Waxaa la dhowrayaa haddii shaqo joojintan ay isu beddesho mid rasmi ah iyo in ganaaxa intaas loogu simi doono mas’uuliyiintan oo kasoo muuqan jiray safarrada kala duwan ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayay dalalka caalamka.

Arrintan ayaa imanaysa xilli muddooyinkii dambe ay xoogeysteen wararka sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safarada dibadda ee madaxda sare ku daraan xubno aan wax shaqo ah u hayn dowladda, ama aan khuseyn safarka markaas ay madaxdu ugu baxayaan dalka dibaddiisa.

Maxaa ka cusub safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Aljeeriya?

0

Aljeris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Aljeeriya ayaa halkaasi kulamo ka wada, isagoo maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Aljeeriya, Sifi Ghrieb.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada, iyo adeegyada bulshada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahad-celiyay dowladda iyo shacabka Aljeeriya taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan iskaashi lagu gaarayo nabad, horumar iyo barwaaqo guud ahaan gobolka, xilli ay shalay labada dal kala saxiixdeen heshiisyo taariikhi ah.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Sifi Ghrieb ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyay sida ay Aljeeriya uga go’an tahay in ay sii xoojiso xiriirka laba geesoodka ah, isla markaana ay taageerto dadaallada Soomaaliya ee dib u dhiska iyo xasilinta dalka.

Talaadadii, Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa kala saxiixday 4 heshiis oo muhiim ah, kuwaas oo dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyada ay kala saxiixdeen Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka ee labada dowladood.

Heshiisyada la gaaray ayaa waxaa ka mid ah dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah iyo fududeynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga oo lagu siin doono fiisaha dal-ku-gal ah marka ay gaaraan Aljeeriya.

Sidoo kale, heshiisyadan ayaa dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo munaasabadaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isaga oo xusay kaalinta ay Aljeeriya kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.

Labada Madaxweyne ayaa dhanka kale wadajir u guddoomiyey wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb-galeen xubnaha labada dal oo ku qotomay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Si kastaba, xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

Sawirro: DF Soomaaliya oo u yeertay odayaasha beelaha isku leynaya Wanlaweyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aaddan colaadda ka taagan degmada Wanlaweyn ayaa u yeertay odayaasha dhaqanka beelaha isku haya aagga degmadaasi, kuwaas oo colaadoodu meel xun gaartay

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulamo gaar ah la qaatay dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha Gaaljecel iyo 5-ta Caleemood oo ay ka dhexeyso colaadda ka taagan gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa looga hadlay xaaladda deegaannada ay colaaddu ka socoto iyo sidii loo xallin lahaa arrimaha is-khilaafka keenaya, isla markaana looga gaari lahaa xal waara.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii loo sii dhaqaajin lahaa dagaallada nabadeed ee haatan bilowday, si looga hortago coladdaasi.

Wasiir Cali Xoosh, oo madasha ka hadlay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khasaaraha ka dhashay colaadda, isaga oo soo qaatay qiimaha ay diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed siiyeen ilaalinta nafta iyo hantida, iyo muhiimadda ah in la dhiirrigeliyo nabadda, walaaltinimada iyo wada-noolaanshaha.

Sidoo kale  wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ay masuuliyad ka saaran tahay kor-yeelidda qiimaha wada-hadalka, nabadaynta, is-cafinta.

Wanlaweyn ayaa waxaa ka taagan xiisad culus oo ka dhalatay ninkii lagu gubay duleedka degmadaas, waxaana xigay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac iyo in la gubo tuulo ku taalla halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale aagga Wanlaweyn uu dirtay ciidamo kala dhex-galay labada dhinac iyo saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida, si ay u baaraan dhacdooyinkii dhacay.

Golaha Mustaqbalka oo 5 qodobo oo xasaasi ah ka soo saaray shir ay yeesheen

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin maamullada Jubbaland, Puntland, iyo xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta ayaa maanta bayaan culus kasoo saaray shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Bayaanka oo dhowr qodob ka kooban ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka 2026.

Ugu horreyn Golaha ayaa iclaamiyay shirweyne wadatashi ah oo ay sheegeen inay ku qaban doonaan gudaha dalka, kaas oo looga hadli doono mustaqbalka dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, Golaha ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay inuu si cad uga soo horjeedo in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo digniin culus kasoo saaray.

Waxaa kale oo ay diideen wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka, natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Golaha ayaa farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu Dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay adkeeyaan midnimada iyo wadajirkooda, una diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka Dalka oo ay ugu horreyso sidii ay Dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha Federaalka Soomaaliya” ayaa lasii raaciyaym

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso iyada oo weli is mariwaa uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan in la aado qof iyo cod, si ay shacabka usoo doortaan hoggaankooda.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran

WAR-SAXAAFADEED

Maanta oo taariikhdu tahay 12-ka November 2025, waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ku soo xirmay shir muddo saddex maalmood ah uga socday Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Dowladda Jubbaland iyo Dowladda Puntland. Shirka ayaa daba socday shirar ay isla Magaalada Nairobi ku yeesheen 5 – 8 November 2025 Guddi farsamo oo Goluhu u xilsaaray dejinta siyaasadda iyo qorshaha Golaha Mustaqbalka iyo qaban-qaabada shirweynaha Golaha.

Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo siyaasadda ee la xiriira diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka hay’adaha Dowladda Federaalka ah ee 2026. Guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka ayaa intii shirku socday waxay warbixin horudhac ah ka bixiyeen dhammeystirka shaqooyinkii loo xilsaaray iyo diyaar garowga shirweynaha Golaha Mustaqbalka.

Shirka waxaa ka soo baxay:

  1. Iyada oo laga duulayo xaaladda cakiran ee amni, hubanti la’aanta siyaasadeed iyo dhaawaca gaaray midnimada iyo wadaajirka Dalka, Goluhu wuxuu go’aamiyey qabsoomidda shirweynaha Golaha Mustaqbalka oo ka dhacaya gudaha Dalka Soomaaliya si waafaqsan jadwalka Guddiga farsamada
  2. Si loo illaaliyo dhaqankii wanaagsanaa ee dimuqraadiga ahaa ee afartii sannaba mar doorashooyinka hay’adaha federaalka ay ku dhacaan, Goluhu wuxuu go’aansaday in shirweynuhu noqdo mid Ummadda Soomaaliyeed u horseeda mustaqbal wanaagsan iyo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay, kuna dhacda waqtigeeda
  3. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka duulaya Dastuurka KMG ah ee Dalka (2012), tixraacayana heshiisyada saldhigga u ah dowladnimada Soomaaliyeed, wuxuu ka digayaa tallaabooyinka aan sharciga waafaqsanayn ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku hoggaanka u yahay, kuwaas oo haddii aan la joojin carqaladeyn doona dowladnimada iyo hannaanka federaalka ah.

Tillaabooyinkaas oo ay ka mid yihiin ku takri-falka awoodda dowladnimo, wax ka beddelka sharci darrada ah ee Dastuurka KMG ah, baabi’inta hay’adaha dastuuriga ah, xarigga sharci darrada ah ee muwaadiniinta, musuqa iyo boobka hantida qaranka, barakicinta muwaadiniinta danyarta ah, xannibaadaha iyo carqaladeynta socdaalka dalka, xaaladaha duulimaadyada rayidka iyo adeegsiga sharci darrada ah ee hay’adaha amniga

  1. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu sidoo kale u caddeynayaa Madaxda Dowladda Federaalka ah, Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka ee aan Golaha ku jirin iyo Dadka Soomaaliyeedba in uu si cad uga soo horjeedo: a) Wax ka beddel kasta oo lagu sameeyey ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012-kii si aan waafaqsanayn hannaanka wax ka beddelka ee Dastuurku dhigayo b) Tallaabo kasta oo horseedaysa muddo kororsi ay samaystaan hay’adaha federaalka ah ee muddo xileedkoodu dhammaadka yahay c) Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ay DFS ka qabato Dalka, heer kasta oo ay ahaataba d) Siyaasadeynta iyo carqaladeynta socdaalka Dalka iyada oo Madaxda DFS ka leedahay dano dhaqaale oo gaar ah, taas oo khatar gelinaysa midnimada iyo wadaajirka Dalka.
  2. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu mar kale ugu baaqayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah in uu ku soo noqdo u hoggaansanaanta Dastuurka Dalka ee heshiiska lagu yahay, uuna qayb ka qaato sidii Dalka looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri iyo mid hoggaan dowladeed, taas oo ay saldhig u tahay qabsoomidda doorasho daah furan, heshiis lagu yahay, waqtigeedana ku dhacda

Ugu dambeyntii, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu Dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay adkeeyaan midnimada iyo wadaajirkooda, una diyaar garoobaan ka qayb galka badbaadinta mustaqbalka Dalka oo ay ugu horreyso sidii ay Dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha Federaalka Soomaaliya.

==Dhammaad=

Khilaaf soo kala dhex-galay xubnaha JSP iyo Madaale oo qaylo dhaan afka furtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa maanta qayl dhaan afka furtay, isaga oo bannaanka usoo saaray khilaaf ka dhex-taagan xubnaha Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaale ayaa si cad uga horyimid in Muungaab uu noqdo musharraxa xisbiga ee guddoomiyaha gobolka Banaadir, uuna ku metalo doorashooyinka ka dhacaya caasimada.

Guddoomiyihii hore ayaa ku dooday in Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka uu leeyahay xeer hoosaaD iyo nidaam doorasho oo xisbiga dhexdiisa, balse la hareer maray.

“Waxaa ii muuqaneyso cadaaladdii xisbiga aan ku dhawaaqnay ee aan magaca ka dhiganay iyo doorashadii aan dadka u sheegeynay ayaa mugdi soo galay, Soomaalidu waxay tiraahdaa koba tole kobihiisa ayaa la fiiriyaa” ayuu yiri guddoomiye hore Madaale.

Sidoo kale, wuxuu dhaleeceyn u jeediyay Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah ku xigeenka xoghayaha Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka oo isagu shalay goob fagaare ah uga dhawaaqay in musharraxooda gobolka Banaadir uu yahay guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

“Waxaa nasiib darro ah in ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbiga JSP in meel olole uu ka socdo uu ku dhawaaqo musharraxa Xisbiga JSP ee gobolka Banaadir, Xisbiga JSP waxa uu leeyahay xeer hoosaad doorasho” ayuu mar kale yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo sidoo kale xalay la faafiyay warsaxaafadeed lagu amaanay waxqabadka Muungaab, laguna caddeeyay inuu yahay musharraxa gobolka ee Xisbiga JSP

“Intii uu xilka hayay, wuxuu dib u dhisay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo sutada u dhigay saldhig adag oo maamulka iyo adeegyada ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo uu lasii raaciyay “Ku soo noqoshadiisa xilkan mar kale ayaa lagu tilmaamay mid xoojisay qorshaha dowladda ee ah in la helo hoggaan karti, waayo-aragnimo, iyo kalsooni bulsho leh. Muddadii uu xilka hayay, Dr. Muungaab wuxuu ku guuleystay inuu si muuqata u dhaqaajiyo mashaariic horumarineed, dib-u-habeyn adeegyo dadweyne, iyo qorsheyaal lagu soo celinayo sumcadda Muqdisho ay ku lahayd dunida”.

 

Mucaaradkii la heshiiyey madaxweyne Xasan oo diiday qorshaha ah in Muqdisho…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbahaysiga Dimoqraadiga Soomaaliyeed (SDA), oo ay ku bahoobeen 23 xisbi siyaasadeed, ayaa ku baaqay in hal bil dib loo dhigo doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, si “axsaabta siyaasaddu ay u helaan diyaar garow ku filan.”

Isbahaysiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray Isniintii ku sheegay in doorashada oo markii hore loo qorsheeyay 30-ka Nofeembar, dib loogu dhigo 30-ka Diseembar. Ujeeddada ayaa lagu sheegay si dhammaan axsaabta siyaasaddu ay u helaan “waqti ku filan” oo ay ku soo dhameystiraan liisaska musharaxiinta, ayna u sameeyaan wacyigelin cod-bixiyayaasha degmooyinka Banaadir.

“Isbahaysigu wuxuu isku raacay in doorashada golaha deegaanka la qabto 30-ka Diseembar si loo siiyo dhammaan ururada siyaasadda waqti ku filan oo ay isugu diyaariyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Isbahaysiga SDA waxaa xubno ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dalladda Madasha Samatabixinta Qaran, oo dhawaan heshiis la gaartay dowladda Soomaaliya. Waxaa xubnahaas ugu caansan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke.

Isbahaysiga ayaa carrabka ku adkeeyay in waqtiga dheeriga ah ee diyaar garowga uu gacan ka geysan doono sidii “tartanka loogu sinnaan lahaa” dhammaan ururada siyaasadda, uuna xoojin doono hufnaanta habraaca doorashada ee gobolka caasimadda Soomaaliya.

Doorashada golaha deegaanka ee Muqdisho ayaa horey seddex jeer dib loo dhigay, iyadoo mar walba hal bil oo keliya dib loogu riixayay.

Dhinaca kale, Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay musharraxooda gobolka Banaadir, waxayna u xusheen guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xisbiga ku metali doono tartanka doorashada ka dhacaysa gobolka Banaadir.

Muungaab, oo haatan ah guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, ayaa ku caan baxay dadaalladii uu ku soo celiyay shaqadii iyo muuqaalka caasimadda kadib burburkii dagaallada sokeeye, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray ururku.

“Intii uu xilka hayay, wuxuu dib u dhisay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo sutada u dhigay saldhig adag oo maamulka iyo adeegyada ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo uu lasii raaciyay “Ku soo noqoshadiisa xilkan mar kale ayaa lagu tilmaamay mid xoojisay qorshaha dowladda ee ah in la helo hoggaan karti, waayo-aragnimo, iyo kalsooni bulsho leh. Muddadii uu xilka hayay, Dr. Muungaab wuxuu ku guuleystay inuu si muuqata u dhaqaajiyo mashaariic horumarineed, dib-u-habeyn adeegyo dadweyne, iyo qorsheyaal lagu soo celinayo sumcadda Muqdisho ay ku lahayd dunida”.

Sidoo kale, Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa sheegay in kalsooni wayn ay ku qabaan hoggaaminta guddoomiye Muungaab, ayna garab istaagi doonaan, si uu mar kale u hanto xilka.

Dowladda UK oo raacday amarka e-Visa ee Soomaaliya

0

London (Caasimada Online) — Dowladda UK ayaa la-talinteeda safarka ee rasmiga ah waafajisay sharciga dal-ku-galka (e-visa) ee dowladda federaalka Soomaaliya, tallaabadaas oo xoojinaysa gacan ku haynta ay Muqdisho ku leedahay xuduudaha dalka.

Tilmaamaha cusub ee UK, oo la cusbooneysiiyay maalintii Talaadada, ayaa xaqiijinaya in dhammaan dadka safarka ah ay hadda waajib ku tahay inay maraan habraaca e-visa-ha federaalka. Isbeddelkan ayaa si toos ah u burinaya siyaasaddii gaarka ahayd ee Somaliland, wuxuuna rakaabka ku qasbayaa inay u hoggaansamaan amarka dowladda dhexe.

Hagidda Wasaaradda Arrimaha Dibedda UK ayaa hadda ah mid cad. Wuxuu qoraalkeedu dhigayaa: “Waa inaad haysataa e-visa si aad u gasho Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.” Tani waxay xaqiijinaysaa in rakaabka ku wajahan Muqdisho ay waajib ku tahay inay dal-ku-galka federaalka ah soo dalbadaan inta aysan soo bixin.

Talada la cusbooneysiiyay waxay iftiiminaysaa caqabada hadda haysata dadka u safraya Hargeysa.

Wasaaradda arrimaha dibedda UK waxay ka digtay in shirkadaha diyaaraduhu ay u badan tahay inay rakaabka weydiiyaan e-visa-ha federaalka si ay diyaaradda ugu oggolaadaan. Hase yeeshee, waxay sidoo kale xustay in maamulka Somaliland ay diidi doonaan fiisahaas federaalka ah marka ay yimaadaan garoonka. Taas beddelkeeda, Hargeysa waxay rakaabka ku qasbi doontaa inay garoonka ku “iibsadaan fiiso imaanshaha ah.”

Wasaaradda waxay sidoo kale uga digtay dadka u safraya qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ah “inay sidoo kale u baahan karaan warqad casuumaad ah.” Warqaddaas la’aanteed, “waxaa laga yaabaa inaan laguu oggolaan inaad dalka gasho.”

Tallaabadan ay qaadday UK waxay daba socotaa go’aan siyaasadeed oo adag oo ay qaadatay dowladda federaalka Soomaaliya. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa nidaamkeeda e-visa-ha daahfurtay 1-dii bishii Sebtembar.

Sidoo kale, Hay’adda Duulista Hawada Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa 31-kii Oktoobar, waxay dhammaan shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ku amartay in aanay Hargeysa geyn karin rakaab aan wadan e-visa-ha federaalka.

SCAA waxay siyaasaddan ku sheegtay mid la xiriirta “xakameynta xuduudaha iyo amniga qaranka.” Waxay sidoo kale shirkadaha diyaaradaha ugu hanjabtay “ganaaxyo maaliyadeed” ama “in laga joojiyo hawlaha duulimaadka” haddii aysan amarka u hoggaansamin.

Shirkadaha diyaaradaha waxaa waajib ku ah inay u hoggaansamaan shuruucda SCAA si ay u isticmaalaan hawada Soomaaliya, taasoo ku qasbaysa in aanay haysan wax doorasho ah oo aan ka ahayn inay e-visa-ha federaalka ku hubiyaan goobta diiwaan-gelinta (check-in).

“Somaliland wax saameyn ah kuma laha arrintan maadaama Soomaaliya ay maamusho hawada,” ayuu yiri Ahmed Abdi, oo ah falanqeeye ku sugan Muqdisho. Wuxuu intaas ku daray in khasaaraha dhabta ah ee is-mari-waagan uu si toos ah ugu dhacayo qurba-joogta Somaliland.

“Go’aanka UK, iyo diidmada Somaliland, waxay sababayaan in Somaliland ay qurba-joogteeda ku qasabto inay bixiyaan laba lacagood,” ayuu yiri Ahmed Abdi. Wuxuu xusay in arrintani ay “dhaawacayso sumcaddeeda isla markaana ay dhibaataynayso dadkeeda.”

Hadalka cusub ee UK wuxuu leeyahay miisaan culus. Wuxuu si rasmi ah fariin ugu dirayaa shirkadaha diyaaradaha oo ah in e-visa-ha federaalku uu yahay barta kowaad ee hubinta dalka lagu galo.

In la isku xiro raacitaanka diyaaradda iyo haysashada fiisaha federaalka—xitaa duullimaadyada Hargeysa—waxay xaqiijinaysaa in Muqdisho ay maamusho iridda laga soo galo dhammaan safarrada hawada caalamiga ah ee dalka.

Inay UK la jaanqaaddo nidaamka e-visa-ha federaalka waxay sii xoojinaysaa mowqifka Muqdisho. Haddii aysan mas’uuliyiinta Somaliland helin xal kale oo ay kaga baxaan, dadkooda safarka ah ayaa sii wadi doona inay dusha ku ritaan kharashka nidaamkan “fiisaha labanlaabka ah”.

Ciidamada Puntland oo dilay hogaamiye sare oo Daacish ah

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay maanta ciidamada Puntland ka sameeyeen aagga buuraha Calmiskaad, kaas oo lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay togga Baallade ayaa waxaa lagu dilay horjooge ajnabi ah oo ka tirsanaa argagaxisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Ninka la toogtay ayaa ahaa madaxii kooxda miinooyinka ee Daacish, kaas oo horay u maleegay qaraxyo lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka Puntland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ciidamada ayaa ninkan toogtay, kadib markii ay heleen xog sheegaysa inuu miino dhigay meel u dhow halkaasi, kadibna laga hortegay.

“Ciidanku waxay maanta dileen madaxii kooxda miinooyinka dhigayey ee firxadka argagixisada Daacish, waxaa la qabtay qaraxyo iyo agabkii uu watay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee maamulka Puntland.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka waxa ay sheegeen in jeebkiisa laga helay lacag dollar ah iyo qalab uu ku sameyn jiray miinooyinka.

Qaraxii u dambeeyay oo dhacay bartamihii October ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa 7 askari, kadib markii ay miino kula kacday aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laba eray oo liiditaan weyn ah ugu jawaabtay Trump

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa si adag ugu jawaabtay Madaxweyne Trump, ka dib markii uu ku maadeystay in ay soo xigato Dastuurka ayna ku lug yeelato siyaasadda Maraykanka.

Madaxweyne Trump, oo Isniintii wareysi siinayay barnaamijka “The Ingraham Angle” ee telefishinka Fox News, ayaa soo hadal qaaday Ilhan Ilhaan xilli uu dhaleeceynayay Xisbiga Dimuqraadiga.

“Waxaan eegaa qof ka timid Soomaaliya, oo ah meel aysan waxba ka jirin – booliis ma laha, ciidan ma laha, waxba ma laha,” ayuu yiri madaxweynaha, isagoo ula jeeday Ilhaan, oo ah xildhibaanka kaliya ee Congress-ka Maraykanka ee ku dhashay Soomaaliya. “Waxa kaliya ee ay haystaan waa dambi – iyadana inta timaaddo ayey noo sheegtaa sida dalkeenna loo maamulo.”

Trump wuxuu hadalkiisa sii watay, isagoo iska dhigaya inuu soo xiganayo xildhibaanadda: “‘Dastuurku wuxuu leeyahay sidan, Dastuurku wuxuu leeyahay…'”

“Arrintan oo dhan waa waalli,” ayuu raaciyay.

Laakiin Ilhaan uma muuqan mid ay saameysay weerarka madaxweynaha.

“Si ka duwan adiga, anigu waan wax aqrin karaa, waana sababta aan u aqaan waxa uu dastuurku leeyahay,” ayay ku qortay qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada ee X, iyadoo ka jawaabeysay muuqaal laga soo gooyay wareysiga.

Ilhaan, oo ku jirta xilligeedii afaraad ee ka tirsanaanshaha Congress-ka ka dib markii la doortay 2018-kii, waxay ka soo carartay dagaal sokeeye oo Soomaaliya ka socday iyadoo 8 jir ah, waxaynna timid Maraykanka dhowr sano ka dib. Waxay dhalashada qaadatay sanadkii 2000, iyadoo 17 jir ah.

Trump ayaa marar badan soo jeediyay in xildhibaanaddan Dimoqraadiga ah ee codkarka ah “ku laabato” Soomaaliya, oo ay ku jirto qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social horraantii bishan.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa dabayaaqadii bishii Sebtembar ku kaftamay isaga oo ku sugan Xafiiska Oval-ka inuu Ilhaan “ku celinayo” Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, “waxaana u soo jeediyay in laga yaabo inuu jeclaan lahaa inuu dib u qaato.”

“Wuxuu yiri, ‘Ma doonayo iyada,'” ayuu raaciyay xilligaas.

Ilhaan ayaa iska indha-tirtay hanjabaadaha ku saabsan in dhalashada lagala noqonayo.

“Wax walaac ah kama qabo,” ayay xildhibaanadda Minnesota tiri wareysi ay bixisay bishii hore. “Ma garanayo sida ay dhalashadayda ugala noqon karaan, oo ay ii masaafurin karaan.”

“Laakiin xitaa ma garanayo sababta ay taasi u tahay hanjabaad cabsi leh,” ayay sii raacisay. “Hadda ma ahi 8-jirkii dagaalka ka soo cararay. Waan weynaaday. Carruurteydii way weynaadeen. Meel kasta oo aan rabo waan ku noolaan karaa.”

Aqalka Cad ayaa Isniintii uga jawaabay hadalkaas Ilhaan sawir laga soo qaaday Trump oo ololaha doorashada ku jira, kana gacan haadinaya daaqad “drive-thru” ah oo laga adeegto ee maqaaxida McDonald’s.

Maxkamadda Ciidamada oo qaaday tallaabo la xiriirta dhacdadii Wanlaweyn

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aadan dhacdooyinka argagaxa lahaa ee ka dhacay aagga degmada Wanlaweyn oo todobaadkan lagu gubay Marxuum Isaaq Daa’uud oo oday da’ah, kadibna ay ka dhasheen dilal kale oo salka ku haya aanooyin qabiil oo ka dhacay halkaasi.

Saraakiil ka socota xafiiska xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa tegay Wanlaweyn, waxaana hoggaaminaya xeer-ilaaliye Axmed Buulle oo soo saaray amaro culus..

Axmed Buulle oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in halkaas ay u tageen baarista odaygii la gubay iyo in cadaaladda la horkeeno eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaasi.

“Waxaa soo gaarnay xafiiska xeer-ilaalinta haddaa nahay ee ciidamada qalabka sida degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana u nimid dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday halkan taas oo ugub ku ah geyiga Soomaalida” ayuu yiri

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan baaritaan ku sameyn doonaa dhacdadii lagu gubay oday waayeel ah oo 60 jir ah, isla markaana dhimirka ka xanuunsanaa”.

Waxaa kale oo uu amar ku bixiyay in iyana lasoo qabto maleeshiyaadkii ka dambeeyay dadkii lagu laayay dagaal maalin kahor ka dhacay duleedka Wanlaweyn, kaas oo sidoo kale lagu gubay guryo ay daganaayeen tuulo ku taalla halkaasi.

“Waxaan ku amrayaa ciidamada in ay nolol iyo geeri kusoo qabtaan kuwii laayay dadkii shacabka ahaa ee shalay, sidoo kalena gubay ceelkii Yaaqbariweyne iyo tuuladiiba” ayuu mar kale yiri.

“Sidoo kale waxaan baaristeenna shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigi doonaa mas’uuliyiin xasaanad leh, kuwaas oo colaadaha halkan ka dhacay uga qayb qaatay af iyo maalba”.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay gacanta lagu soo dhigay saddex kamid ah raggii ka dambeeyay falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud, waxaana weli la baadi goobayaa dadkii kale ku lug lahaa falkaasi, oo ay si weyn uga argagaxeen dadka Soomaaliyeed.

Diyaarad uu leeyahay militariga Turkiga oo burburtay kadib..

0

Ankara (Caasimada Online) – Diyaarad xamuul oo militari oo nooca C-130 ah oo lagu waday inay dib ugu laabato Turkiga, ayaa ku burburtay xadka Georgia iyo Azerbaijan.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa ku dhawaaqday, in diyaaradda ay saarnaayeen 20 qof oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaaradda.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in la helay burburka diyaaradda xamuulka ee militri ee burburtay, waxaana sababta burburka diyaaradda lagu ogaan doonaa baaritaan qoto dheer oo ay sameeyeen kooxda baaritaannada shilalka.

Hay’adda duulimaadka ee Georgia ayaa dhankeeda sheegtay in diyaarad militari oo Turki ah ay ka luntay raadaarka “iyadoo aan bixin wax digniin ah.”

Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray ehellada dadka dhintay, waxaana uu sheegay in diyaaradda sababta keentay cilladdeeda ahayd in ay ka luntay raadaarka sidaasina ku dhacday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Erdogan ayaa geesiyaal qaranka Turkiga usoo halgamay ku tilmaamay saraakiishii la socday diyaaraddaan oo kamid ah kuwa xamuulka Militariga qaada ee dalkaas leeyahay oo maraysay xadka Georgia iyo Azerbaijan.

 

Xaalada caafimaadka Somalia: Hooyo lagu qasbay inay ku dhasho iridda Isbitaal Banaadir

0

1. Dhacdadii Murugada Lahayd ee Isbitaalka Banaadir

Hooyo Soomaaliyeed ayaa lagu qasbay inay ku dhasho iridda Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, kadib markii loo diiday adeeg caafimaad sababo la xiriira lacag la’aan. Nasiib-darro, ilmaheedii ay dhashay ayaa halkaas ku dhintay kaalmo caafimaad la’aan. Dhacdadan ayaa astaan u noqotay burburka nidaamka caafimaadka ee dalka.

2. Mas’uuliyadda iyo Amarradii Sababay Burburka

Eeddu kama koobna Agaasime Fartuun oo keliya, balse waxay si toos ah u saameyneysaa:

  • Wasiirka Caafimaadka, Cali Xaaji, iyo

  • Agaasimaha Guud, Dr. Guuleed,

kuwaas oo amray in lacag laga qaado adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah ee Isbitaalka Banaadir – adeegyo markii hore danta guud loogu talagalay.

3. Burburka Hoggaamineed ee Wasaaradda Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad burbur hoggaamineed oo baahsan, taas oo hoos u dhigtay bixinta adeegyada caafimaadka dalka oo dhan.
Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

  • Ku takri-falka awoodda wasiirnimo ee Wasiir Cali Xaaji saddexdii sano ee la soo dhaafay.

  • Isbeddello joogto ah oo aan qorshe lahayn oo lagu sameeyay qaab-dhismeedka Wasaaradda.

  • Kala dambeyn la’aan iyo jahawareer gudaha ah.

Natiijooyinka ka dhashay:

  • Hoos u dhac weyn oo ku yimid adeegyada caafimaadka.

  • Kalsooni darro hay’adaha caalamiga ah.

  • Fashil ku yimid gurmadkii degdegga ahaa ee cudurrada sida El Niño, Polio, Jadeeco, Diphtheria, iyo Mpox.

Dadka Soomaaliyeed ayaa si toos ah u bixinaya qiimaha fashilkaas – nolol iyo caafimaad.

4. Duminta Hay’adihii Muhiimka Ahaa ee Caafimaadka Qaranka

Wasiirka ayaa lagu eedeeyaa inuu curyaamiyay ama hakiyay shaqadii hay’adihii xoojin lahaa nidaamka caafimaadka, oo ay ka mid yihiin:

  • Machadka Caafimaadka Qaranka

  • Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka

  • Shaybaarka Qaranka

  • Bangiga Dhiigga Qaranka

  • Isbitaallada Danta Guud

  • Iskuulka Umulisooyinka Qaranka

Curyaaminta hay’adahan ayaa dhaawacday isku xirnaantii nidaamka caafimaad ee dalka oo dhan.

5. Musuqmaasuq, Eex iyo Ku Takri-fal Sharciga

Wasiirku wuxuu:

  • Ku fashilmay hirgelinta Sharciga Xakamaynta Daawooyinka.

  • Si sharci-darro ah fasax ugu sameeyay shirkado gaar ah oo soo dejinaya daawooyin aan ammaan ahayn.

  • Shaqaaleeyay qaraabo iyo dad aan xirfad caafimaad lahayn, isagoo meesha ka saaray khubaro iyo xirfadlayaal.

Tani waxay sababtay in deeq-bixiyayaashii waaweynaa ay lumiyaan kalsoonidii ay ku qabeen Wasaaradda.

6. Xogaha Rasmiga ah ee Xarumaha Caafimaadka

Warbixino la xaqiijiyey ayaa muujinaya in dalka oo dhan ay hadda ka shaqeynayaan ku dhawaad 1,200 xarumood oo caafimaad, balse lixda bilood ee soo socota:

  • 654 xarumood (54.5%) ayaa la filayaa inay xirmaan sababo la xiriira mashruucyo la joojiyay iyo dhaqaale la’aan.

Xarumaha ugu badan ee xirmaya waxaa laga soo sheegay gobollada: Nugaal, Galgaduud, Bay, Hiiraan, Bakool, Gedo, Jubbooyinka, iyo Banaadir.
Tani waxay si gaar ah u saameyneysaa bulshada danyarta iyo dadka miyiga ah oo adeegyo lacag la’aan ah ka heli jiray hay’adaha caalamiga ah.

7. Codka Dowlad-Goboleedyada

Wasiirka Caafimaadka Galmudug, Dr. Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac, ayaa ku nuuxnuuxsaday shirkii isku-duwidda caafimaadka:

“Wasaaradda Caafimaadka Federaalka marna kama imaan aragti hoggaamineed oo looga hortago dhaqaale la’aanta dalka. Kaliya Galmudug gudaheeda 35 xarumood ayaa xirmaya, halka 7 mashruuc oo waaweyn ay dhammaadeen guud ahaan dalka.”

8. Mashaariicda Fashilmay ama Hakad Galay

Waxaa kamid ah mashaariicdii si weyn u saameeyay nidaamka caafimaadka:

  1. Better Lives

  2. Humanitarian Projects (HF)

  3. Damal Caafimaad

  4. CHASP

  5. FaRID

  6. COVID-19 Vaccine Project

  7. Marwa Caafimaad (RCRF)

Warbixinno hoose ayaa muujinaya in qaar ka mid ah maalgelinta mashaariicdan loo isticmaalay si aan hufnayn, iyadoo lagu tuhmayo musuq iyo dano gaar ah.

9. Talooyin iyo Tallaabooyin Lagu Badbaadin Karo Nidaamka Caafimaadka

  1. In xilka si degdeg ah looga qaado Wasiir Cali Xaaji iyo Agaasimaha Guud Dr. Guuleed.

  2. In la magacaabo hoggaan ku meel gaar ah oo dib u dhisa kalsoonida hay’adaha iyo shacabka.

  3. In la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaanayo sida loo maamulay adeegyada iyo mashaariicda caafimaadka.

  4. In dib loo hawlgaliyo hay’adihii muhiimka ahaa ee caafimaadka qaranka.

  5. In la xoojiyo wada shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad-Goboleedyada si looga hortago cudurrada iyo xaaladaha degdegga ah.

“Caafimaadka Ummadda waa Mas’uuliyad Qaran, ma aha dan shaqsi.
Nolosha dadka Soomaaliyeed ma noqon karto macaash siyaasadeed.”

Waxaa lagama maarmaan ah in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu si degdeg ah u farageliyo arrintan, lana badbaadiyo nidaamka caafimaadka dalka, iyadoo xilka laga qaadayo Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji si loo soo celiyo kalsoonida shacabka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo kala saxiixday afar heshiis oo muhiim ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa maanta kala saxiixday 4 heshiis oo muhiim ah, kuwaas oo dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.

MadaxweyneXasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyada ay kala saxiixdeen Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka ee labada dowladood.

Heshiisyada a gaaray ayaa ka mid ah iskaashi ballaaran oo ay ka mid yihiin dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah iyo fududeynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga oo lagu siin doono fiisaha dal-ku-gal ah marka ay gaaraan Aljeeriya.

Sidoo kale, Heshiisyadan ayaa dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya

Madaxweynaha Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isaga oo xusay kaalinta ay Aljeeriya kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu uga mahadceliyay dhiggiisa Aljeeriya yabooha deeq waxbarasho oo gaareysa 500 oo arday oo ay ka faa’ideysan doonaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan takhasusyada muhiimka u ah Soomaaliya, sida Beeraha, kalluumeysiga iyo shidaalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale amaanay hoggaanka Madaxweyne Tabbuun ee hirgelinta “Sanduuqa Iskaashiga iyo Midnimada Afrika,” isagoo sheegay inuu yahay hindise aragti fog leh oo xoojinaya wadajirka iyo horumarka qaaradda, islamarkaana Soomaaliya ay rajaynayso inay noqoto dal ka faa’iideysta sanduuqan.

Labada Madaxweyne ayaa  dhanka kale wadajir u guddoomiyey wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb galeen xubnaha labada dal oo ku qotomay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Si kastaba, Xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

Sawirro: Xisbiga JSP oo ku dhawaaqay musharaxooda guddoomiyaha G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta bandhig wayn ka sameeyay gudaha caasimada, kaas oo uu ku muujinayo awooddiisa, maadaama dhawaan ay bilaaban doonaan ololaha doorashooyinka qof iyo codka ah.

Xisbigan oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda iyo kuwa maamul-goboleedyada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay musharraxooda gobolka Banaadir, waxaana u sharraxan guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xisbiga ku metali doono tartanka doorashada ka dhacaysa gobolka Banaadir.

Muungaab, oo haatan ah guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, ayaa ku caan baxay dadaalladii uu ku soo celiyay shaqadii iyo muuqaalka caasimadda kadib burburkii dagaallada sokeeye, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray ururku.

“Intii uu xilka hayay, wuxuu dib u dhisay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo sutada u dhigay saldhig adag oo maamulka iyo adeegyada ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo uu lasii raaciyay “Ku soo noqoshadiisa xilkan mar kale ayaa lagu tilmaamay mid xoojisay qorshaha dowladda ee ah in la helo hoggaan karti, waayo-aragnimo, iyo kalsooni bulsho leh. Muddadii uu xilka hayay, Dr. Muungaab wuxuu ku guuleystay inuu si muuqata u dhaqaajiyo mashaariic horumarineed, dib-u-habeyn adeegyo dadweyne, iyo qorsheyaal lagu soo celinayo sumcadda Muqdisho ay ku lahayd dunida”.

Sidoo kale,  Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa sheegay in kalsooni wayn ay ku qabaan hoggaaminta guddoomiye Muungaab, ayna garab istaagi doonaan, si uu mar kale u hanto xilka.

Tani ayaa soo afjareysa hadal-heyntii ka taagneyd cidda noqoneysa musharraxa ururka ee gobolka Banaadir, maadaama siyaasiyiin waa wayn ay kamid yihiin ururkan, kuwaas oo xilal muhiim ah soo qabtay, waxaana kamid ah guddoomiyihii hore ee gobolka, Yuusuf Madaale.

“Go’aankan ay qaateen hoggaanka Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa soo afjaray doodihii iyo saadaashii ku saabsanayd cidda matali doonta Xisbiga ee Gobolka Banaadir, waxaana uu muujinayaa isku duubni iyo kalsooni buuxda oo lagu qabo hoggaaminta Dr. Muungaab iyo himilooyinka Xisbiga ee isbeddel iyo midnimo bulsho” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka.

default

WAR cusub oo kasoo kordhay ninkii lagu gubay Wanlaweyn

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal wadajir ah oo maanta ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen aagga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu soo qabtay rag lagu tumayo dhacdadii lagu gubay marxuum Isaaq Daa’uud Maxamed.

Taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay saddex nin oo lagu tumayo inay ku lug lahaayeen dhacdadaasi foosha xun.

Taliyaha ciidanka Dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar (Janeraad Khaalid) oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in ragga lasoo xiray lagu kala magacaabo, Saalax Xuseen Cali, Cabdixamid Cabdullaahi Siidow iyo Dahir Mukhtaar Shiribow.

Jeneraal Khaalid ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidanka, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin in dalka ka dhacaan falalka arxan darrada ee noocan oo kale ah.

Dhacdadii Wanlaweyn oo si wayn ay dadka uga argagaxeen ayaa dhalisay xiisad  weli ka taagan duleedka degmadaasi, waxaana ay reebtay saameyn aad u xun oo durbo laga dareemay deegaanka, maadaama shalay uu dhacay dagaal xooggan oo gaystay khasaare soo gaaray qoys ku noolaa halkaasi.

“Dagaalka saaka dhacay wuxuu salka ku hayaa ninkii shalay la jir-dilay ee haddana la gubay dadkiisa ayaaa weerar soo qaaday saaka waxayna kusoo qaadeen tuulada Dadumaay, gaar ahaan dadkii dhibaatada gaystay” ayuu yiri qof kamida dadka deegaanka oo shalay hadlay.

Intii uu socday dagaalka ayaa waxaa dhacay fal kale oo argagax leh, kadib markii lagu dilay qoys ka kooban Aabe, hooyo iyo lix carruur ah oo ay dhaleen. Guriga ay daganaayeen qoyska ayaa waxaa ku dhacay qoray Baasuuke ah, kaas oo gebi ahaan basbeelay, sida uu sheegay goobjooguhu.

“Waxaa isoo gaaray in guri uu baasuuke ku dhacay oo hal famil ku baaba’een sida hooyo, ninkeeda iyo 6 carruur ah oo ay dhashay, xoolihiina meesha ayay ku baaba’een” ayuu hadalkiisa sii raaciyay..

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa labaduba si adag uga hadlay colaaddan, maadaama ay arrintu faraha ka baxday, waxaana dhinaca kale socdo howlgallo lagu doonayo in lagu soo qabto dambiileyaasha, si loo horgeeyo cadaaladda.

DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta shaqaaqadii garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo farogelisay shaqaaqadii maanta kasoo cusboonaatay garoonka Aadan Cadde ee u dhexeysay shaqaalaha iyo shirkadda Favori ee maamusha garoonka magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo degdeg ah oo ku aadan xaaladda soo korortay.

Shaqaalaha oo maanta shaqo joojin sameeyay ayaa ka cabanaya mushahar la’aan iyo shaqo-cayrin lagu sameeyay qaar ka mid ah shaqaalaha, waxayna mudaharaad ka dhigeen gudaha garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada  Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo tallaabo degdeg ah qaaday ayaa ku baxay arrintan, waxaan warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in si guul leh loo soo afjaray cabashadii ay qabeen shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.

Kulanka xallinta oo ka dhacay isla garoonka, ayaa wasiirka waxaa ku wehlinayay wasiiru-dawlaha wasaaradda gaadiidka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha Guud, iyo maareeyaha garoonka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale inta uu socday kulanka madaxda wasaaradda ayaa si qoto dheer u dhageystay cabashooyinka shaqaalaha oo la xiriiray arrimo shaqo oo ku aadan garoonka iyo shirkadda maamusho.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wada-hadallo miro-dhal ah kadib la isku raacay xal waara oo lagu qanciyay dhinacyadii kala duwanaa, si ay usii socoto shaqada maalinlaha ee garoonka.

Maxay yihiin tallaabooyin la qaaday:-

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada  Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa faray shirkadda maamusha garoonka in ay si degdeg ah wax uga qabato dhammaan qodobadii ay shaqaaluhu cabashada ka muujiyeen, intii uu socday shirkii maanta.

Waxaa kale oo loo digay shirkadda Favori, iyada oo lagu amray in aysan mar dambe soo laaban cabashooyin noocaan oo kale ah, si aysan u saameyn duulimaadyada iyo shaqada guud.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay si joogto ah ula socon doonto xaaladda shaqo ee garoonka, si loo hubiyo in xuquuqda shaqaalaha la ilaaliyo, howlaha garoonkuna u socdaan si habsami leh.

Dhanka kale, wasiirka ayaa u mahadceliyay shaqaalaha garoonka sida ay u muujiyeen dulqaadka iyo mas’uuliyadda, isagoo ku dhiirigeliyay in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in wasaaradda ay mar walba u taagan tahay ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha.

Ugu dambeyn, hawlihii garoonka ayaa dib caadi ugu soo laabtay, iyadoo la xaqiijiyay in adeegyada duulimaadyada ay dib u bilaabmeen si habsami leh. Wasaaraddu waxay cadeysay in amniga iyo badbaadada garoonku ay yihiin mudnaanta ugu sareysa.

Faa’iso Jayte oo kashiftay arrin ku saabsan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadashay dhibaatada ka taagan garoonka Aadan Cadde oo sababtay in shaqadii ay maanta istaagto, sababo la xiriiro culeys soo wajahay shaqaalaha.

Shaqaalaha ayaa si gaar ah uga cabanaya mushahar la’aan iyo shaqo-cayrin lagu sameeyay qaar ka mid ah shaqaalaha, waxayna mudaharaad ka dhigeen gudaha garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Faa’iso Jayte ayaa warsaxaafadeedka ay soo saartay guud ahaan uga hadashay xaaladda adag ee Muqdisho, iyada oo jeedisay dhaleeceen xooggan oo ku aadan dowladda iyo shacabka.

Xildhibaanadda oo kashiftay xog ku aadan arrinta garoonka ayaa sheegtay in maalmo kahor shaqaalaha qaar laga saaray shaqadoodii, laguna bedalay kuwa kale oo aan qibrad lahayn, sida ay hadalka u dhigtay

“Dhibaatada garoonku maahan mid maanta bilaabatay laakiin dhowr bilood kahor waxaa si sharci darro ah looga saaray shaqadoodii wiilashi hagi jiray diyaaradaha marka ay dagaayaan kuwaas oo muddo dheer shaqeeynaayay tababar fiicana heystay waxaana lagu badalay wiilal ka mid ah shaqaalihii muruq maalka ahaa oo loo xiray dharki shaqaalihii diyaaradaha hagaayay taaso ay ka dhalatay xitaa shil diyaarad oo aan qasaaro badan geysan” ayay tiri Faa’iso Jayte.

Sidoo kale waxa ay sii raacinaya “Haddaba xagee dhibku ka heystaa magaaladan dulqaadka badan iyo shacabkan Soomaaliyeed ee Soomaalinimada jecel?”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhamneystiran;-

Waxaan rabaa maanta in aan run qaraar sheego.

Magaalada muqdisho waa magaalo ay ku noolyihiin dad ku dhow 4 milyan oo Soomaali ah oo iskugu jira jileec iyo jareer ama shanta beelood oo Soomaali wax ku qeybsato.

Waa magaalada kaliye ee qof kasta oo Soomaaliya uu soo aado markuu culeys ku dareemo meelaha kale ee shanta Soomaalidu dagan tahay sida.

1- Jabuuti, Kilinka, Nfd, Waqooyi Bari iyo Koonfurta Soomaaliya markii Muqdisho laga reebo , ayadoo kulansatay wax kasta oo wanaag iyo midnimo jaceyl Soomaaliyeed ah marka laga reebo dad yar oo wax ma garato ah haddallada qaar marmar ka soo yeera.

Waa magaalada kaliya ee xamili karta in ay u adkeysato culeys ay xamili karin dhulka kale ee Soomaalidu dagto, laakiin waxaa jiro culeysyo badan oo iyada u gooni ah sida dhagarta argagixisada, musuqa, cadaalada darada iyo wax yaabo kale oo badan.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa taagnaa buuq ku aadan shaqaale ayagoo joogo boosaskoodii laga qaadan rabay, sidoo kale gabar cisbitaalka Banaadir hortiisa ku umuleysa, sidoo kale cabasho soo gaartay gudiga doorashooyinka aan heshiiska lagu aheyn oo ah in shaqaalaha g/Bannaadir lagu qasbaayo in ay iska diiwaan galiyaan ururo siyaasadeeed taasoo sharci daro iyo xadgudub ah sida gudoomiyaha gudigu uu sheegay hada waxaa buuq ka jira garoonka diyaarada ee aadn cabdulle .

Dhibaatada garoonku maahan mid Maanta bilaabatay laakiin sida aan idinkugu sheegay tii cisbitaalka in ay horay u jirtay ayey tan maanta taagana u socotay dhowr bilood kahor waxaa si sharci darro ah looga saaray shaqadoodi wiilashi hagi jiray diyaaradaha marka ay dagaayaan kuwaas oo muda dheer shaqeeynaayay tababar fiicana heystay waxaana lagu badalay wiilal ka mid ah shaqaalihi muruq maalka ahaa oo loo xiray dharki shaqaalihi diyaaradaha hagaayay taaso ay ka dhalatay xitaa shil diyaarad oo aan qasaaro badan geysan.

Hadaba xagee dhibku ka heystaa magaaladan dulqaadka badan iyo shacabkan Soomaaliyeed ee Woomaalinimada jecel?

Aniga aragtideyda oo leygala doodi karo waxaan u arkaa in shacabka gobalka Banaadir qaladka inta badan leeyihiin anigoo ku saleynaayo in aan ahay muwaadin xog ogaal ah waligeed magaalada Muqdisho aanan meelna uga bixin in ay safar maalmo qaadato ku maqnaato maahee.

Ku dar soo inta aan xildhibaanka noqon meelo badan oo kala duwan ayaan ka shaqeeyay dhanka dowlada iyo kuwa shicibka ahna waa ka soo shaqeeyay sadaad darteed shacabka waxa aan eeda u saaraayo waa wax yaabo aan ogahay,

1- Shacabka wanaaga badan ee magaalada Muqdisho mayaqaanaan xaqooda iyo waajibaadkooda noloshuna waxa ay ay iskugu timaadaa labada noocaan oon sheegay oo ah xuquuq iyo waaajibaad faafaahinta ayadoo wareysi ah ayan bixin doonaa Insha allaah.

Waan idin jeclahay magaalada xamar iyo dadkeedaba alle xaqa Hana garansiiyo dhamaanteen magaalada iyo dadkiidana allaha ka dhigo kuwo aanan sabcinin ayagoon ogeyn u jeedka ka danbeeyay sacabka.

MAHADSANIDIIN:

Ra’iisul wasaare Xamza oo saddex qodob kala hadlay Jarmalka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah  la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Sebastian Groth oo ay ka wada-hadleen saddex qodob oo muhiim ah.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, maal¬gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale dowladda Jarmalka uga mahadceliyay taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay in ay adkeyso iskaashiga labada dhinaca, si loo horay loogu wado danaha isku sidkan ee Soomaaliya iyo Jarmalka.

Dhankiisa, Danjire, Groth ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka ay ka dhaxeyso xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, isla markaana ay ka go’an tahay dhankooda in ay sii xoojiyaan, si loo gaaro yoolasha la hiigsanayo.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday in ay sii laba jibaari doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, ayna diiradda saari doonaan fursadaha jira ee dhanka maalgashiga ah.

Jarmalka ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada kala duwan siiya dowladda Federaalka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo bani’aadannimada.

Maalmihii u dambeeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waday kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, isaga oo kala hadlayay danaha Soomaaliya iyo kordhinta taageerada caalamiga ah ee ay hesho dowladda federaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee halista kasoo korortay xeebaha Soomaaliya kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galka Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad-badeedda ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqyada kooxaha Soomaalida, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay isku dayay inay afduubtaan maraakiib marayay xeebaha Soomaaliya iyo biyaha u dhow.

War kasoo baxay howl-galka ayaa lagu sheegay in maraakiibta Midowga Yurub ee ku sugan biyaha Soomaaliya iyo Badweynta Hindiya ay si joogto ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqa maraakiibta iyo doomaha ganacsiga ee halista ugu jira in ay bartilmaameed u noqdaan burcad-badeedda.

Saraakiisha howl-galka Atalanta ee Midowga Yurub ayaa hoosta ka xarriiqay in kooxaha burcad-badeedda aysan hadda lahayn awooddii ay hore ugu fulin jireen weerarro joogto ah oo ay ku afduuban jireen maraakiibta ganacsiga.

Waxay dhacdooyinkii dhowaa ku tilmaameen kuwo kooban oo mararka qaarkood dhici kara, balse aysan ahayn calaamad muujineysa soo laabashada khatartii burcad-badeedda.

Hay’adaha la socodka badaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in aanay jirin cabsi weyn oo laga qabo weerarro cusub, inkasta oo kooxaha burcad-badeedda ay dhowaan isku dayeen labo weerar oo labaduba ku dhammaaday guul-darro.

Maalmo ka hor, koox Soomaali ah oo qabsatay markabka Hellas Aphrodite ayaa isaga degay markabka kadib markii ay ku guul-darreysteen inay furaan albaabada ay isku xireen 24 shaqaale ah oo markabka la socday, kuwaas oo isku soo xiray qolal amni ah.

Mid ka mid ah kooxda ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay rasaas ay isku dayayeen inay ku furaan albaabada qolalka ay isku xireen shaqaalaha, taas oo dib ugu soo laabatay dhankooda.

Howl-galka Atalanta ee ka hortagga weerarrada burcad-badeedda ayaa sidoo kale xaqiijiyay in kooxda markabka qabsatay ay isaga degeen si iskood ah, ayna badqabaan dhammaan shaqaalaha markabka Hellas Aphrodite.

Markabka ay kooxdu isaga degtay, oo ku safrayay calanka jasiiradda Malta ayaa siday shidaal uu ka soo qaaday Hindiya, wuxuuna u waday dalka Koonfur Afrika.

Weerarka ayaa dhacay xilli uu markabku marayay meel qiyaastii 1,000KM u jirta xeebaha Soomaaliya. Goobtan ayaa hore loogu diiwaangelin weerarro noocan oo kale ah, maadaama ay aad uga fog tahay biyaha Soomaaliya oo la tixgeliyo inay khatar yihiin.

Dhacdadii ugu dambeysay ee la barbar dhigi karo ee markab la koray oo gobolka ka dhacday waxay ahayd bishii May 2024, markaasoo burcad-badeed la tuhunsan yahay ay koreen markabka Basilisk ee sita calanka Liberia, oo joogay meel qiyaastii 380 mayl-badeed bari ka xigta Muqdisho.

Ciidanka badda ee Midowga Yurub ayaa markii dambe soo badbaadiyay 17-kii xubnood ee shaqaalaha ka dib markii ay xarig ugu degeen markabkaas.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, dhacdadii ugu horreysay ee lala xiriiriyo burcad-badeed Soomaali ah oo nooceeda ah tan iyo 2024, ayaa dabley hubeysan waxay weerareen booyad ganacsi oo ku sugnayd meel ka baxsan xeebta u dhow caasimadda Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kaddib markii ay isku dayeen inay koraan, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah.

Ilo ku xeel dheer amniga badda ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay toddobaadkaas sidoo kale la wareegeen doon kalluumeysi oo Iiraan ay leedahay si ay ugu isticmaalaan ‘hooyo-markab’ (mothership) ay ka soo qaadaan weerarrada.

Afduubkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay bishii Diseembar 2023, markaasoo markabka Ruen ee sitay calanka Malta ay dabley qabsadeen kuna kaxaysteen xeebaha Soomaaliya, ka hor inta aysan ciidamada badda ee Hindiya xoreyn shaqaalihii isla markaana aysan xirin kooxdii weerarka geysatay.

Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ayaa ahaa kuwo aan si weyn u firfircoonayn sannadihii la soo dhaafay, kaddib markii ay hore khatar weyn ugu hayeen agagaarka Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ee gacan saarka la leh Iiraan ayaa khatar ka weyn ku hayay maraakiibta maraya Badda Cas, oo ku shubanta Gacanka Cadmeed, tan iyo markii ay kooxdu bilowday weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga bishii Nofeembar 2023, iyagoo taageero u muujinayay Falastiiniyiinta ku aaddan dagaalka Israel ee Gaza.

Inkasta oo Xuutiyiintu ay oggolaadeen heshiis ay ku joojinayaan beegsiga maraakiibta xiriirka la leh Mareykanka, haddana shirkado badan oo maraakiibta ah ayaa weli ka walaacsan inay dib u bilaabaan safarradii ay ku mari jireen biyahaas.

Dil ka dhacay Hargeysa iyo booliska oo war kasoo saaray

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Dilkan ayaa waxaa loo geystay Marxuum Maxamed Baashe Xasan, iyadoo goobta uu ka baxsaday eedaysanaha falka geystay, sida uu sheegay taliska ciidanka booliska Somaliland

Ciidamada Booliska Somaliland oo qoraal kasoo saaray dilkaan ayaa sheegay inuu sameeyay howl-gal degdeg ah, isla markaana uu gacanta kusoo dhigay dad badan oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen falkaasi.

Waxaa hadda socda baaritaan dheeraad ah, wuxuuna boolisku sheegay in natiijadiisa baarista marka ay dhamaato la wadaagi doonaa bulshada.

Ciidanka booliska Somaliland ayaa waxay dadweynaha ka codsadeen in cid kasta oo haysa xog, warbixin ama tuhun la xidhiidha eedaysanaha, ay si deg-deg ah ula soo xiriiraan saldhigga booliska ee ugu dhow.

Bilihii u dambeeyay waxaa caasimadda Somaliland ee magaalada Hargeysa kusoo badanayay kiisaska dilalka, iyadoo dilalkan loo adeegsaday bastoolado, tooriyo iyo agab kale. Waxaa ugu cuslaa dil dhacay 20-kii August goor habeennimo ah bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo nin hubeysan uu ku toogtay laba qof.

Waxaa xusid mudan in Booliska Somaliland ay dadaal badan geliyeen soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha, kuwaasoo badankood la qabtay, marka laga reebo gacan ku dhiiglaha bartamaha suuqa ku toogtay labada wiil, oo illaa hadda aan gacanta lagu soo dhigin.

Dilkaas oo ahaa mid qorsheysan, gacan ku dhiiglaha markii uu falka geystay, isla markiiba wuu ka baxsaday goobta. Hargeysa oo kamid ahayd magaalooyinka Soomaaliyeed ee ugu nabdoon ayaa haatan wajahaysa dilal qorsheysan.