25.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Dil ka dhacay Hargeysa iyo booliska oo war kasoo saaray

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Dilkan ayaa waxaa loo geystay Marxuum Maxamed Baashe Xasan, iyadoo goobta uu ka baxsaday eedaysanaha falka geystay, sida uu sheegay taliska ciidanka booliska Somaliland

Ciidamada Booliska Somaliland oo qoraal kasoo saaray dilkaan ayaa sheegay inuu sameeyay howl-gal degdeg ah, isla markaana uu gacanta kusoo dhigay dad badan oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen falkaasi.

Waxaa hadda socda baaritaan dheeraad ah, wuxuuna boolisku sheegay in natiijadiisa baarista marka ay dhamaato la wadaagi doonaa bulshada.

Ciidanka booliska Somaliland ayaa waxay dadweynaha ka codsadeen in cid kasta oo haysa xog, warbixin ama tuhun la xidhiidha eedaysanaha, ay si deg-deg ah ula soo xiriiraan saldhigga booliska ee ugu dhow.

Bilihii u dambeeyay waxaa caasimadda Somaliland ee magaalada Hargeysa kusoo badanayay kiisaska dilalka, iyadoo dilalkan loo adeegsaday bastoolado, tooriyo iyo agab kale. Waxaa ugu cuslaa dil dhacay 20-kii August goor habeennimo ah bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo nin hubeysan uu ku toogtay laba qof.

Waxaa xusid mudan in Booliska Somaliland ay dadaal badan geliyeen soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha, kuwaasoo badankood la qabtay, marka laga reebo gacan ku dhiiglaha bartamaha suuqa ku toogtay labada wiil, oo illaa hadda aan gacanta lagu soo dhigin.

Dilkaas oo ahaa mid qorsheysan, gacan ku dhiiglaha markii uu falka geystay, isla markiiba wuu ka baxsaday goobta. Hargeysa oo kamid ahayd magaalooyinka Soomaaliyeed ee ugu nabdoon ayaa haatan wajahaysa dilal qorsheysan.

Hakad ku yimid shaqada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaale ka tirsan kuwa ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay shaqo joojin.

Shaqaalahan oo ka cabanaya mushahar la’aan iyo shaqo-cayrin lagu sameeyay qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa mudaharaad ka dhigay gudaha garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Shaqaalaha dibadbaxa sameeyay ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii ay wada shaqeynayeen ay erisay shirkadda Favori oo gacanta ku haysa maamulka garoonka. Arrintan ayaa maanta saameyn ku yeelatay habsami u socodka howlaha garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale, waxay dalbadeen in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay soo farageliso muranka u dhexeeya iyaga iyo shirkadda Favori ee maamusha garoonka.

Shaqaalaha la eryay oo gaaraya illaa 15 qof ayaa la sheegay in aan wax ogeysiis hore ah la siin, isla markaana lagu amray inay garoonka banneeyaan isla maanta. Shaqaalahan ayaa lagu beddelay ajaaniib laga keenay dalal kale.

Muuqaallo laga soo duubay goobta oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay shaqaale xiran dharka gaarka ah ee shirkadda Favori oo aan wax shaqo ah qaban, taasoo muujineysa gadoodka ay sameeyeen.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo shirkadda Favori ee maamusha garoonka.

Wixii kasoo kordha, kala soco Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah ugu biiray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu biiray barta TikTok, taasoo dhalisay hadal heyn xooggan oo ka dhex abuurantay bulshada.

Furitaanka akoon rasmi ah oo lagu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo arkaa dadaal ay Villa Soomaaliya ku doonayso inay si dhow ula xiriirto dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida weyn u isticmaala TikTok.

Muuqaalkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo dhigay barta ayaa si weyn looga falceliyay, waxaana daawaday kumannaan qof oo intooda badan dhalinyaro ah.

Tallaabadan ayaa sidoo kale dhalisay dood ku saabsan sida madaxda Soomaaliyeed uga faa’iideysan karaan baraha bulshada ee casriga ah, si ay u gaarsiiyaan farriimahooda shacabka.

TikTok ayaa noqday meel ay siyaasiyiinta caalamka ku gaaraan malaayiin qof, iyagoo aan u baahnayn warbaahinta caadiga ah sida raadiyaha iyo telefishanka.

Hoggaamiyeyaal caalami ah, sida Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa horey u adeegsaday TikTok si ay u gaarsiiyaan fariimahooda dhallinyarada iyo taageerayaashooda.

Kusoo biirista Madaxweyne Xasan Sheekh ee TikTok waxay muujinaysaa in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay la qabsato isbeddellada dhijitaalka ah ee caalamka, si gaar ahna ula xiriirto jiilka cusub ee Soomaalida.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay safarka Xasan ee Aljeeriya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Aljeeriya ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay Qasriga Almuradiya, halkaas oo uu ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tabbuun.

Munaasabadda soo dhoweynta ah ayaa lagu maamuusay calammada labada dal, iyadoo cutubyo ka tirsan Ciidamada dalkaas ay salaan sharaf siiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo intaas kaddib kulan gaar ah la qaatay Dhiggiisa Mudane Cabdulmajiid Altabbuun.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale wadajir u guddoomiyey wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb galeen xubnaha labada dal oo ku qotomay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Sidoo kale, Madaxweynah ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Cabdulmajiid Tabbuun iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in booqashadani ay astaan u tahay kobaca xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Dhankiisa, Madaxweynaha dalka Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku xaqiijinayso xasillinta iyo dib u dhiska Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Aljeeriya uga go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga iyo xiriirka kala dhexeeya walaalahooda Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale maalmo kahor u booqday dalka Masar, halkaas oo uu kula soo kulmay dhiggiisa Cabdifitaax Al-siisi oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal iyo arrimo quseeya gobolka.

Dhaq-dhaqaaqyadaan diblomaasiyadeed ayaa muujinayo in Xasan Sheekh uu isku wado qaar kamid ah dalalka carabta ee ku kala aragtida duwan siyaasadda iyo sida ay wax uga socdaan geeska Afrika iyo caalamka.

Shirqool lagu khaarajin lahaa madaxweynaha Suuriya oo la fashiliyey

Dimishiq (Caasimada Online) – Dowladda Suuriya ayaa fashilisay labo shirqool oo kala duwan oo kooxda Daacish ay doonaysay inay ku disho Madaxweyne Ahmed al-Sharca, sida ay sheegeen labo sarkaal oo sare.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu madaxweynuhu qorsheynayo inuu ku biiro isbahaysi uu Maraykanku hoggaamiyo oo lagula dagaallamayo kooxdan mintidka ah ee uu muddada dheer la soo halgamayay.

Saraakiishan oo kala ah sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Suuriya iyo sarkaal kale oo sare oo Bariga Dhexe ah, ayaa sheegay in shirqoolladan ka dhanka ahaa nafta Al-Sharca la fashiliyay bilooyinkii la soo dhaafay. Waxay intaa ku dareen in tani ay hoosta ka xariiqayso khatarta tooska ah ee uu wajahayo, xilli uu isku dayayo inuu mideeyo awoodda dalka ay burburiyeen 14-ka sano ee dagaalka sokeeye.

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in mid ka mid ah shirqoollada Daacish uu bartilmaameedsanayay munaasabad rasmi ah oo horay loo sii shaaciyay oo uu Al-Sharca ka qayb geli lahaa. Saraakiishu waxay diideen inay bixiyaan faahfaahin intaas dhaafsiisan sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta awgeed.

Wasaaradda Warfaafinta Suuriya ayaa diiday inay ka hadasho shirqoollada gaarka ah, iyadoo sababo amni u cuskatay. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in Daacish ay weli “khatar amni oo dhab ah ku hayso Suuriya iyo gobolka.”

Waxay intaa ku dartay in mas’uuliyiintu ay 10-kii bilood ee la soo dhaafay fashiliyeen tiro weerarro ah oo Daacish ay ku bartilmaameedsanaysay goobo kala duwan, oo ay ku jiraan goobaha cibaadada.

“Suuriya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta dadkeeda iyo sii wadista la dagaallanka argagixisada nooc kasta oo ay tahay,” ayay wasaaraddu ku tiri war-saxaafadeed ay siisay wakaaladda Reuters.

Kulanka Al-Sharca iyo Trump

Warbixinnadan ku saabsan shirqoollada ayaa soo baxay xilli ay Suuriya isku diyaarinayso inay ku biirto isbahaysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah Daacish ee uu Maraykanku hoggaamiyo.

Tani waxay ku soo aadaysaa iyadoo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Isniinta ku martiqaaday Al-Sharca kulan taariikhi ah oo ka dhacay Aqalka Cad, waana kii ugu horreeyay abid ee madaxweyne Suuriyaan ah uu halkaas tago.

Madaxweynaha Suuriya, oo xukunka qabtay bishii Disembar ee la soo dhaafay kaddib markii xoogagga mucaaradka Islaamiga ah ee uu hoggaaminayay ay xukunka ka tuureen Madaxweyne Bashar al-Assad, ayaa doonayay inuu muujiyo sawir ah inuu yahay hoggaamiye dhexdhexaad ah.

Wuxuu rajaynayaa in kulanka Trump uu u horseedi doono taageero caalami ah oo loo fidiyo dib-u-soo-kabashada iyo dib-u-dhiska muddada fog ee Suuriya.

Tallaabadan ay Suuriya ugu biirayso isbahaysiga ka dhanka ah Daacish waxay tusaale u tahay isbeddelka dalkaas ku yimid tan iyo ridistii Assad. Waxay ka guurtay inay ahayd xulafo muhiim ah oo Ruushka iyo Iiraan ay leeyihiin, waxayna u wareegtay dhinaca xiriir dhow oo ay la yeelato reer Galbeedka iyo dalalka Carabta.

Halka shaqada Al-Sharca ee ah inuu mideeyo Suuriya ay weli tahay mid aad u weyn, ciidamadiisa ayaa ku milmay rabshado isdaba joog ah oo salka ku haya mad-hab, iyadoo ay jiraan weerarro lagu qaado dadka rayidka ah iyo ciidamada ammaanka oo ay Dimishiq ku eedaysay kooxda Daacish.

Halganka dheer ee lagula jiro Daacish

Toddobaadkan dhammaadkiisii, wasaaradda arrimaha gudaha Suuriya waxay bilowday olole dalka oo dhan ah oo lagu beegsanayo unugyada Daacish, waxaana lagu soo qabtay in ka badan 70 tuhmane, sida ay warbaahinta dowladda sheegtay.

Sarkaalka sare ee sirdoonka Suuriya wuxuu sheegay inay ka jawaabayeen xog sirdoon oo sheegaysay in kooxdu ay qorsheynaysay hawlgallo ka dhan ah dowladda iyo kooxaha laga tirada badan yahay ee Suuriya.

Waxaa sidoo kale looga dan lahaa in fariin lagu diro ah in sirdoonka Suuriya ay si weyn u dhex galeen kooxda, iyo in ku biirista isbahaysigu ay gacan weyn ka geysan doonto hawlgallada caalamiga ah ee lagula jiro mintidiinta.

Intii uusan xukunka qaban sannadkii hore, kaddib hawlgal degdeg ah oo 11 maalmood qaatay, Al-Sharca wuxuu hoggaaminayay kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS). Waa koox mucaarad ah oo Islaami ah, oo markii hore Suuriya uga tirsanayd ururka Al-Qaacida.

Al-Sharca wuxuu xiriirkaas u jaray sanadkii 2016, wuxuuna dagaallo qaraar la galay kooxda Daacish muddo ka badan toban sano. Wuxuu sidoo kale fuliyay ololeyaal xarig iyo hawlgallo militari ah oo ka dhan ah unugyadooda ku sugan fariisinka HTS ee Idlib.

Kooxda Daacish ayaa isku dayday inay dib ugu soo laabato Suuriya kaddib ridistii Assad. Waxay doonaysay inay muujiso in isku soo dhowaanshaha Al-Sharca ee reer Galbeedka iyo ballanqaadyadiisa ah inuu u taliyo dhammaan kooxaha diimeed ee Suuriya ay yihiin kuwo ka hor imaanaya Islaamka.

Bishii Juun, 25 qof ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday kaniisad ku taalla Dimishiq, weerarkaas oo ay dowladdu ku eedaysay Daacish. Kooxdu ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarkaas.

Dowladda Al-Sharca waxay horeyba bilooyin iskaashi millitari ah ula lahayd ciidanka Maraykanka dagaalka ka dhanka ah Daacish, sida ay sheegeen dhowr sarkaal oo Suuriyaan ah. Laakiin ku biirista rasmiga ah ayaa la filayaa inay si weyn u kordhiso iskaashiga.

Waxaa sidoo kale loo arkaa tallaabo muhiim ah oo kalsooni lagu dhisayo oo uu Al-Sharca kaga dhaadhicinayo sharci-dajiyayaasha Maraykanka inay qaadaan cunaqabataynta ka saaran Suuriya ka hor dhammaadka sanadkan.

Toddobaadkii hore, wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in millitariga Maraykanku ay isku diyaarinayeen inay markii ugu horreysay saldhig ka samaystaan garoon diyaaradeed oo ku yaal Dimishiq. Sarkaal ka tirsan maamulka Maraykanka ayaa codsaday inaan la shaacin goobta saxda ah iyo magaca saldhigga, isagoo u cuskanaya walaacyo la xiriira amniga hawlgallada.

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa beenisay warbixinta Reuters, iyadoon faahfaahin ka bixin waxa ka qaldan warbixintaas.

SOMALILAND oo dhaqan-gelisay amar xasaasi ah, xilli ay ka dartay xiisadda e-visa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay Isniintii dhaqan gelisay amarro ay hore uga soo saartay duulimaadyada iyo hawada, oo ay kaga falcelinayso nidaamka dal-ku-galka ee e-visa-ha ay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya dhaqan gelisay bilowgii bishii September ee sannadkan.

Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, oo u warramayey BBC-da, ayaa sheegay in ay qaadeen tallaabooyin qayb ka ah fulinta amarro ay soo saareen, oo ay ka mid ahaayeen in aanay hawada Somaliland mari karin diyaaraddo aan ogolaansho ka haysan Somaliland, kuwaas oo maanta dhaqan gelayey, sida ay hore u sheegeen.

Wasiirka oo la weydiiyey waxa ka hirgalay go’aannadii ay soo saareen ee qorshuhu ahaa in Isniinta la fuliyo, ayaa ku jawaabay, “Go’aamadii aan soo saarnay waxay dhigayeen in aanay hawada Somaliland mari karin diyaarad aan ogolaansho ka haysan, laga bilaabo maanta oo bishu tahay 10-ka November. Markaa, maanta, dhammaan diyaaradaha maraya xuduudda hawada ee Somaliland, waxa aanu la samaynay xidhiidh toos ah, oo waxa aanu la wadaagnay awaamiirtaas aan soo saarnay iyo waxyaabaha looga baahan yahay. Runtii, diyaaraddo badan way ka soo jawaabeen, waxayna diyaar u yihiin in ay hoggaansamaan sharciga Somaliland.”

Waxa kale oo uu sheegay Wasiirku in diyaaradaha aan u hoggaansamin amarrada ay soo saareen ay u sheegi doonaan in ay ka leexdaan hawada Somaliland. Wuxuu yidhi: “Kuwa aan ka soo jawaabin ee aan u hoggaansamin awaamiirta aan soo saarnay way ka leexan doonaan hawada Somaliland laga bilaabo berri, amarkaas ayaa la fari doonaa.”

Fu’aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulistu, waxa uu sheegay in ay xidhiidh toos ah la sameeyeen diyaaraddo ku jira hawada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Haddaba, qaab noocee ah ayey ula xidhiidheen diyaaraddahan? “Waxa aanu isticmaalnay qalab dhamaystiran oo noo suurtogelinaya in aan la xidhiidhno diyaaradaha hawadayada ku jira, markaa waxaan ku sheegayaa in qalabkaygu ku filan yahay in aanu la xidhiidhno diyaaradaha hawadayada maraya.”

Waxa uu Wasiirka duulista Somaliland tilmaamay in ay jiraan tallaabooyin ay qaadi doonaan, haddii diyaaraduhu u hoggaansami waayaan amarrada ay soo saartay. Markii la weydiiyay waxyaabaha ay samaynayso Somaliland haddii ay diyaaraduhu diidaan amarradan ay soo saareen, Wasiirka oo su’aashan ka jawaabaya ayaa yidhi, “Diyaaradaha sharciga Somaliland buuxiya ogolaanshaha way helayaan. Kuwa diida ama ka dhego-adayga, waxa jira tallaabooyin kale oo noo yaalla oo aanu qaadayno, oo sharciga Somaliland iyo ka caalamiga ah ee duulimaadyaduba noo ogol yahay. Marka ay u hoggaansami waayaan ayaanu shaacin doonaa.”

Wasiirka Duulista ee Somaliland Fu’aad Axmed Nuux, waxa uu sheegay in aan Somaliland lagu soo geli karin nidaamka E-visaha ee Soomaaliya, haddii ay noqoto dhulka, cirka iyo baddaba. Wuxuu yidhi: “Shalay waxa soo baxay amar cusub oo Hay’adda Socdaalka ee Somaliland soo saartay. Waxa uu amarkan cusub dhigayaa in aan E-visa lagu soo geli karin Somaliland, ciddii ku timaadana waa la diidi doonaa in ay dalka soo galaan. Waxaanay ku khasban yihiin in ay qaataan dal-ku-galka Somaliland, oo madaarrada laga qaadanayo ama xafiisyada Somaliland adduunka ku leedahay. Markaa E-visa kama shaqaynayo Somaliland. Shirkadaha diyaaradaha, Safaaradaha iyo dalalka ay ka imanayaan dadka soo dhoofaya waanu la wadaagnay.”

Si kastaba ha ahaatee, amarradan kala duwan ee Somaliland soo saartay muddooyinkii u dambeeyay ayaa ah kuwo ka dhashay nidaamka fiisaha elektaroonigga ah ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya hirgelisay Sebtembar 1, 2025.

Macawiisleyda Ceeldheer oo adeegsaday xeelad si weyn loogu jabiyay Shabaab-ka

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamo deegaanka ah oo ka tirsan Macawiisleyda degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa weerar qorshaysan ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulooyin hoos yimaada degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleyda kadib markii ay heleen xog ku saabsan goobaha ay joogeen xubnaha Shabaabka ay weerarro isku mar ah ku qaadeen deegaannada Cali Yabaal, Uubad iyo Xirsi Cilmi, kuwaas oo dhammaantood hoos taga Ceeldheer.

Cabdulqaadir Cali Bugle, oo kamid ah saraakiisha Macawiisleyda ayaa sheegay in weerarrada halka mar ah oo xeelad cajiib ah ay ku gaarsiiyeen khasaare culus kooxda Al-Shabaab.

Bugle ayaa sheegay in ciidamadooda aysan waxyeello soo gaarin, isla markaana ay si nabad ah dib ugu laabteen halkii ay ka soo dhaqaaqeen.

Bugle ayaa intaas ku daray in howl-galkoodu uu qayb ka yahay dadaallada lagu xakameynayo abaabulka kooxda ee ka socda qeybo kamid ah Galgaduud.

Gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan Galmudug, waxaa haatan ka socda abaabul ciidan oo ay si wadajir ah u wadaan ciidamada dowladda federaalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda deegaanka, kuwaas oo bartilmaameedsanaya maleeshiyadka Al-Shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe hoos u dhacay kadib markii madaxda sare ee dalka u jeesteen arrimo siyaasadeed iyo dano shaqsiyeed, ayaa haatan mar kale dardar xooggan la gelinayaan, iyadoo ciidamada is-garabsanaya ay howl-gallo ka wadaan gobollada dalka.

Turkey oo diyaarisay 2,000 askari oo ku wajahan…

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa dhameystireysa qorshayaal ay boqollaal askari ku geynayso Marinka Gaza, kuwaasoo qayb ka noqon doona ciidan caalami ah oo nabad ilaalin ah, sida ay werisay shabakadda Middle East Eye.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay socdaan wadahadallo arrintan ku saabsan oo ay Ankara la leedahay Maraykanka iyo Israa’iil.

Ilo wareedyo arrinta u dhuun daloola ayaa Middle East Eye u sheegay in toddobaadyadii la soo dhaafay guud ahaan dalka laga ururinayay guuto nabad ilaalin ah oo ka kooban ugu yaraan 2,000 oo askari.

Ciidankan, oo ku biiri doona ciidanka caalamiga ah ee xasilinta Gaza ee ay wehliyaan dalal kale, ayaa la filayaa inay ka koobnaadaan askar ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidanka, kuwaasoo leh khibrad hore oo nabad ilaalin iyo ka hawlgal goobo colaadeed.

Qorshaha nabadda Gaza, oo uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa dhigaya in Turkiga uu noqdo mid ka mid ah waddamada hoggaaminaya ee la wareegaya qaybo ballaaran oo ka tirsan dhulka Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza oo lagala wareegayo Xamaas.

Balse dowladda Israa’iil ayaa kasoo horjeeda tallaabadaas, Washington ayaan weli go’aan ka gaarin, qaraar Qaramada Midoobay ahna weli lama ansixin.

“Cag Turki ah halkan ma soo dhigi doonto,” ayay Shosh Bedrosian, oo ah afhayeenka dowladda Israa’iil, u sheegtay saxafiyiinta Axaddii. Ilo wareedyo Turki ah ayaa sheegaya in ka caga jiidka Israa’iil uu ka imaanayo iyadoo ka biyo diidan inay aqbasho xulufo adag oo NATO ka tirsan oo ka hawlgala marinka, kana hoos shaqeeya waajibaad ay Qaramada Midoobay bixiso (taasoo aan weli la helin).

Ankara waxay doonaysaa inay door toos ah ku yeelato dib-u-dhiska dagaalka kadib iyo habaynta amniga ee Gaza, iyadoo rabta inay gacan ka geysato hirgelinta xabbad-joojinta iyo dadaallada soo kabashada bani’aadannimo oo hoos timaada qaab-dhismeed ay Qaramada Midoobay hoggaaminayso.

Iyadoo ay weli jirto xiisad kala dhaxaysa Israa’iil, ayaa la soo warinayaa in Turkiga uu door ku lahaa soo celinta haraadiga askarigii Israa’iiliga ahaa ee Hadar Goldin, oo 11 sano kadib markii lagu dilay Gaza loo celiyay Israa’iil.

Sarkaal sare oo Turki ah ayaa u sheegay saxafi Israa’iili ah Barak Ravid in Ankara ay fududaysay wareejinta haraadigaas kadib dadaallo xooggan, taasoo ka tarjumaysa sida ay Xamaas si cad uga go’an tahay xabbad-joojinta.

Sarkaalkaas wuxuu kaloo tilmaamay in Ankara ay isku dayaysay inay ka shaqeyso heshiis beddelka wareejintaas ah, si loo dammaanad qaado marin ammaan ah oo ay helaan ilaa 200 oo dagaalyahan oo Xamaas ah oo hadda ku go’doonsan godad ku yaal Gaza, oo ay Israa’iil maamusho.

Saraakiil Turki ah ayaa Middle East Eye u sheegay in ku dhowaad kun askari oo Turki ah oo ka tirsan ciidanka dhulka ay horay isu diiwaan geliyeen inay ku biiraan guutada la soo jeediyay ee howlgalka Gaza, iyadoo la filayo inay ku biiraan xubno dheeri ah oo ka socda cutubyada injineeriyadda, saadka iyo kuwa ka hortagga walxaha qarxa.

Weli ma cadda in ciidammada badda ay ku biiri doonaan howlgalka, kaasoo saraakiisha Turkiga ay filayaan inuu u shaqeeyo sidii hawlgal wadajir ah oo ay ku lug leeyihiin dalal badan.

“Kani wuxuu noqon doonaa dadaal caalami ah oo la isku dubariday, mana noqon doono mid hal dhinac ah,” ayuu yiri sarkaal Turki ah oo Middle East Eye la hadlay.

Saraakiisha amniga ee Turkiga ayaa ku doodaya in ka qaybgalka Ankara ay gacan ka geysan doonto xasilinta Gaza iyo ka hortagga xiisado kale oo mustaqbalka dhaca. “Joogitaanka Turkiga wuxuu hubin lahaa isku dheelitirnaan iyo kalsooni,” ayuu yiri sarkaal kale oo Turki ah.

Go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan baaxadda iyo waajibaadka ciidanka ayaa la filayaa in la gaaro kadib wadatashiyo dhex mara Qaramada Midoobay iyo daneeyayaasha gobolka toddobaadyada soo socda.

“Israa’iil waxay rabtaa in ciidanka xasilinta Gaza loo qaabeeyo si ay Tel Aviv u wiiqi karto saameynteeda ayna u burin karto dadaallada nabadda markii ay doonto,” ilo wareed kale oo Turki ah oo arrintan la socda ayaa sidaas u sheegay Middle East Eye.

Shabakadda Middle East Eye waxay la xiriirtay wasaaradda difaaca Turkiga si ay faahfaahin uga hesho arrintan.

Hub ka dhigista Xamaas

Qorshaha nabadda Gaza ee Donald Trump oo ka kooban 20-ka qodob ayaa ku baaqaya hawlgal ay waddamo badan ka qaybqaataan oo kormeera xabbad-joojinta, taageera dib-u-dhiska, iyo hub ka dhigista marinka. Qodobkaas dambe ayaa walaac ka dhex abuuray waddamada Carabta iyo Muslimiinta.

Dokumeentiyo ay aragtay shabakadda Middle East Eye ayaa muujinaya in qaraarka qabyada ah ee Qaramada Midoobay uu ciidanka u oggolaanayo inay hubka ka dhigaan Xamaas “iyagoo xoog isticmaalaya haddii loo baahdo”. Tani waxay keentay in Ankara ay ku eedeyso Washington inay amniga Israa’iil u wakiilatay ciidamada gobolka.

Turkiga wuxuu ku adkaysanayaa in howlgalku uu diiradda saaro xakameynta xuduudaha iyo dib-u-dhiska, ee uusan ahayn mid xoog lagu fulinayo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in ka qaybgalka Turkiga uu ku xiran yahay waajibaad ka timaada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qeexaysa baaxadda howlgalka. Dhanka kale, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa muujiyay inay diyaar u yihiin inay ciidamo diraan haddii loo baahdo.

Turkiga iyo Masar labaduba waxay ka soo horjeedaan adeegsiga eray bixin keeni karta in ciidamadooda ay isku dhacaan Xamaas.

Trump wuxuu mar kale ku celiyay qorshihiisa, isagoo ciidanka ku tilmaamay “furaha nabadda waarta” wuxuuna ballan qaaday inuu si degdeg ah u heli doono ansixinta Qaramada Midoobay.

Wuxuu kaloo sheegay inuu shakhsi ahaan u guddoomin doono “Guddiga Nabadda” ee howlgalka, tallaabadaas oo diblomaasiyiintu ay sheegeen inay Washington siin doonto awood aan horay loo arag oo ay ku maamusho howlgalka.

Wargeyska Washington Post ayaa warinaya in xarun cusub oo isku-duwid ah oo uu milatariga Maraykanku hoggaaminayo, taasoo loo xilsaaray fulinta qorshaha nabadda Gaza ee Trump, ay hadda beddeshay Israa’iil oo ay noqotay hay’adda ugu weyn ee kormeeraysa gargaarka bini’aadannimo ee galaya marinka.

Sawirro: Safiirka Soomaaliya ee Congo oo si rasmi ah u shaqo bilaabaya kadib markii…

0

Kinshasa (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo, Ilyaas Cali Xasan ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga Madaxweynaha DRC, Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo kadib munaasabad ka dhacday Qasriga Qaranka ee Kinshasa.

Danjire Ilyaas ayaa uga mahad-celiyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay dowladda iyo shacabka Congo siiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

Safiirku waxa uu sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyne Tshisekedi guusha ay DRC ku gaartay ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Ilyaas ayaa si gaar ah u xusay in Soomaaliya oo xubin ka ah golahaasi ay diyaar u tahay in la iska kaashado arrimaha gobolka iyo caalamka.

Danjiraha ayaa mar kale adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal.

Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la aasaaso Madasha Ganacsiga Soomaaliya Congo si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga.

Ugu dambeyntiina, Danjire Ilyaas ayaa Madaxweynaha ku dhiirri-geliyay in la fududeeyo helista rukhsadaha ganacsiga iyo fiisayaasha si loo xoojiyo isu socodka ganacsatada labada dal, maadaama ay xubin ka wada yihiin Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay dalalka…

0

New Delhi (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday Wasaaradda Dalxiiska ee Hindiya ayaa shaacisay in Soomaaliya ay noqotay dalka ugu sarreeya ee muwaadiniintiisu u safraan Hindiya sanadihii ugu dambeeyay.

Sida lagu xusay warbixinta, safarrada ay Soomaalidu ku aaddaan Hindiya ayaa kordhay 144% marka la barbardhigo tiradii sanadkii 2019. Kororkan ballaaran ayaa ka dhigay Soomaaliya dalka keliya ee la diiwaan-geliyay inuu sameeyay koboc saddex-lambar ah muddadaas.

Tirakoobka rasmiga ah ayaa muujinaya in 5,044 qof oo Soomaali ah ay u safreen Hindiya sanadkii 2019, halka tiradaasi ay gaartay 12,320 qof sanadkii 2024. Tani waa koror aad u weyn oo muujinaya sida dalxiiska iyo socdaalka u dhexeeya labada dal uu u sii kobcayo.

Si kastaba, waxaa la sheegay in tirada dadka u safray Hindiya ay hoos u dhacday marka la eego 16,607 qof oo halkaas u tegay sanadkii 2023. Inkastoo isbeddelkan hoos u dhaca ahi jiro, Soomaaliya ayaa weli sii haysata kaalinta koowaad ee dalalka ugu badan ee dadka u dira Hindiya.

Dhanka kale, dalalka Cambodia, Kazakhstan iyo Vietnam ayaa iyaguna sameeyay koror kala duwan oo ah 81%, 72% iyo 61% siday u kala horreeyaan. Si kastaba, midkoodna ma gaarin heerka kororka ay Soomaaliya ka sameysay safarrada u socda Hindiya.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in isbeddelkaasi uu qayb ka yahay kororka guud ee dalxiiska iyo socdaalka caalamiga ah ee Hindiya, taas oo muujinaysa soo jiidashada ay waddankaasi yeeshay sannadihii dambe.

Hindiya ayaa ka mid ah dalalka daryeelka caafimaadka ee gaarka loo leeyahay aad u horumarsan yihiin, kuwaas oo leh qalab caafimaad oo tiknoolajiyadda sare leh iyo heer aad u wanaagsan oo waafaqsan heerarka caafimaadka caalamiga ah, sida ay sheegtay Hindiya.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo caawa ku hoyday dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa caawa ku hoyday dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa galabta gaaray caasimadda dalka Aljeeriya ee Aljeris, halkaas oo uu ku tegay marti-qaad rasmi ah oo uu u soo diray Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Cabdulmajiid Tabuun.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan gaar ah la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya, Mudane Abdelmadjid Tebboune.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa, si ay uga wada-hadlaan iskaashiga amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Aljeeriya soo-dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in la kobciyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale maalmo ka hor u booqday dalka Masar, halkaas oo uu kula soo kulmay dhiggiisa Cabdifitaax Al-siisi oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal iyo arrimo quseeya gobolka.

Dhaq-dhaqaaqyadaan diblomaasiyadeed ayaa muujinayo in Xasan Sheekh uu isku wado qaar kamid ah dalalka carabta ee ku kala aragtida duwan siyaasadda iyo sida ay wax uga socdaan geeska Afrika iyo caalamka.

Somalia 2026 race ‘upended’ by new power bloc

0

Mogadishu, Somalia — A group of major Somali political leaders announced a new, wide-ranging political alliance on Monday. The new party, named the Haybad Qaran “National Dignity Union,” has tapped former Prime Minister Abdi Farah Shirdon as its presidential candidate. 

This move officially launches the Shirdon for President campaign ahead of the 2026 election.

The leaders released a joint statement after a long period of private consultations. They said the decision to unite into a single new party stemmed from a thorough analysis of the country’s challenging situation. This includes ongoing challenges in politics, national security, and the economy.

The statement highlighted shared concerns over what it called “damage to national unity and cohesion.” The group also pointed to economic decay, the neglect of basic social services, and a “visible despair in Somali statehood.” The new party aims to restore public trust.

A ‘clean’ candidate

The alliance’s main decision is the selection of Abdi Farah Shirdon to run for president. Mr. Shirdon, widely known as Saacid, is a veteran politician who served as Prime Minister from 2012 to 2013. Colleagues often describe him as calm, deliberate, and widely respected.

Political analysts say Shirdon’s reputation is his greatest strength. He is viewed as a moderate figure who can work effectively with diverse groups.

Abdullahi Mataan, a political analyst based in Mogadishu, said Shirdon has a strong chance of success. “Saacid has no political damage or national mistakes. He is a calm man whom people can trust,” Mataan said.

The new party will hold a general assembly in Mogadishu soon, according to the statement. At this conference, party members will formally approve and announce Mr. Shirdon’s candidacy.

This new political force is positioning itself for Somalia’s upcoming election, scheduled for May 2026. However, national leaders have not yet reached a final, binding agreement on the exact rules and procedures for the vote.

Somalia’s upcoming 2026 election aims to be historic. Authorities plan it as the nation’s first “one-person, one-vote” universal election in over 50 years. This marks a shift from the long-standing indirect, clan-based electoral model. However, political leaders are still debating the final details and rules of the process amid ongoing security challenges.

A ‘Kingmaker’ returns

This new alliance is expected to have a significant impact on the political race. Its influence comes from the influential and well-known figures who have joined it.

The list of signatories includes several high-profile leaders. Among them are former ministers Abdi Adan Hoosow, Dr. Mohamed Abukar Islaw (Duale), and former Mogadishu governor Taabid Abdi Mohamed. Abdikarim Hussein Guled, the former president of Galmudug state, is also a key member.

The group’s most notable member, however, may be Fahad Yasin Haji Dahir. Yasin is the powerful former director of Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA).

Yasin was a key advisor to former President Mohamed Abdullahi “Farmaajo” and is widely seen as one of the most effective political operators in the country. His involvement is considered a significant signal of the new party’s seriousness.

Mataan, the analyst, added that Yasin’s support significantly boosts Shirdon’s prospects. “Also, considering the alliance he has joined and the parties supporting him, especially Fahad Yasin, who is the Kingmaker of Somali politics, he has a very high hope,” Mataan said.

“I would not be surprised if he becomes the new president of Somalia in 2026,” he concluded.

The formation of the National Dignity Union combines a respected, veteran politician in Shirdon with some of the country’s most powerful background operators. 

As the 2026 election approaches, this new bloc will create a formidable and profound new force in Somalia’s complex political landscape.

DF Soomaaliya oo si adag u cambaareysay fal naxdin leh oo ka dhacay Hargeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa si adag u cambaareysay falkii naxdinta lahaa ee shalay ka dhacay magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu gubay afar carruur ah.

Falkaan oo la sheegay inuu geystay aabaha dhalay caruurta ayaa waxay wasaaraddu ugu baaqday hay’adaha amniga ee Hargeysa in si deg-deg ah baaritaan buuxa ugu sameeyaan falkaan foosha xun ee ka soo horjeeda diinteena suubban iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sheegtay in warbixinada hordhaca ah ee ay helayso tilmaamayaan in uu jiray khilaaf qoys oo u dhexeeyay Hooyada iyo Aabaha carruurta, khilaafkaas oo maxkamadda Hargeysa ay go’aamisay in carruurta Hooyada lagu wareejiyo.

Waxaa la sheegay in Aabuhu uu ka carooday go’aankaas, isla markaana uu dab qabadsiyay guriga ay carruurti u joogeen, taas oo sababtay dhimashada carruurtaas aan waxba galabsan.

Caruurtan ayaa kala ahaa saddex wiil iyo gabadh yar, oo dhamaantood ka yaraa da’ada 10 jirka.

“Wasaaraddu waxay cambaareyneysaa falkaas foosha xun ee ka soo horjeeda diinteena suubban iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Ficil kasta oo Aabe Soomaaliyeed uu nafta uga qaado carruurtiisa waa mid laga naxo oo aan meelna uga bannaanayn diinta, damiirka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda kasoo baxay caawa.

Waxa kale oo lagu yiri “Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay ugu baaqeysaa hay’adaha amniga ee magaalada Hargeysa in si degdeg ah baaritaan buuxa loo sameeyo, eedeysanaha falkanina la horkeeno caddaaladda, si loo helo caddaalad buuxda.”

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ku boorisay bulshada Soomaaliyeed in ay muujiyaan feejignaan iyo iska warqab joogto ah, si looga hortago falalka arxan-darrada iyo xasadka ku dhisan ee ka dhasha khilaafaadka qoysaska.

“Waxaa muhiim ah in bulshada iyo hay’adaha amniga ay si deg-deg ah u kala warqabaan haddii ay arkaan khilaafyo ka dhex dilaacay qoysas Soomaaliyeed, si looga hortago in ay noqdaan kuwo sabab u ah khasaare nafeed.”

Hay’adaha amniga ayey tilmaamtay inay saaran tahay mas’uuliyadda ilaalinta bulshada, gaar ahaan kuwa nugul sida Haweenka iyo Carruurta, kuwaas oo xaq u leh in ay ku noolaadaan deegaan nabdoon, ammaan ah, kana fog falalka rabshadaha iyo xad-gudubyada.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa gilgishay bulshada magaalada Hargeysa, iyadoo si xooggan uga hadleen culimada, madaxda deegaanka iyo ururrada bulshada, kuwaas oo ku baaqay in la adkeeyo tallaabooyinka sharci ee ka hortagga rabshadaha qoyska, si aysan usoo laaban dhacdo noocaan ah.

Si kastaba, baarista kiiskaan ayaa waxaa gacanta ku haya laamaha amniga Somaliland, iyadoo Aabihii falkan arxandarada ah geystay la soo qabtay, isagoo baxsanaya, waxaana uu haatan ku xiran yahay xabsi ku yaalla laanta dambi baarista ee CID-da.

Puntland oo dowladda Qatar ku eedeysay dilka mas’uul Imaaraati ah oo lagu dilay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Qatar inay ka dambeysay dilkii maareeyihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso, Paul Farmosa, kaas oo lagu dilay magaalada Boosaaso bishii Maarso 2019.

Puntland ayaa sidoo kale Dooxa ku tilmaantay dal taageera kooxaha argagixisada iyo warbaahinta faafisa afkaartooda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in kooxaha ku sugan buuraha iyo kuwa uu sheegay inay ku dhuumaanayaan saxaafadda ay isku mid yihiin, isagoo carabka ku adkeeyay in maamulka uu si buuxda ula dagaallami doono cid kasta oo faafisa afkaarta kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Qatar ay martigelisay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab ee buuraleyda Galgala, Sheekh Maxamed Siciid Atam, kaas oo hadda ku nool Dooxa.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Qatar maalgeliso warbaahinta Middle East Eye, oo uu ku eedeeyay inay baahiso warar been abuur ah oo liddi ku ah maamulka Puntland, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid ka tarjumaysa “ciil ay qabaan cid kasta oo aan rabin in Puntland ku guulaysato dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Si kastaba, Lama oga sababta keentay xilligan in maamulka Puntland uu Qatar ku eedeeyo inay ka dambeysay dilkii maareeyihii dekedda Boosaaso, iyadoo la ogyahay in kooxda Al-Shabaab ay hore u sheegatay in ay ka dambeysay dilkaasi.

Eedeyntan ayaa imaneysa xilli Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ku sugan yahay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, oo xiriir dhow la leh Puntland.

Deni ayaa halkaasi kulamo kula leh mas’uuliyiinta Imaaraadka iyo ganacsato xiriir la leh Puntland, inkastoo uusan weli maamulka Puntland faah-faahin ka bixin safarka madaxweynaha.

Siciid Deni ayaa hore dhowr jeer u tegay Imaaraadka Carabta, waana dalka ugu badan ee u safro. Imaaraadka ayaa loo arkaa saaxiib istiraatiiji ah oo dhaqaale iyo siyaasadeedba ku leh Puntland.

Safarkan ayaa yimid xilli ay banaanka yimaadeen xogaha saldhiga magaalada Boosaaso oo Imaaraadku u adeegsado dagaalka Sudan, iyadoo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay in diyaarado ka duulay Boosaaso ay ka degeen Sudan.

Fahad, Saacid, Ducaale, Taabit, Guuleed, Hoosow iyo xubno kale oo isbaheysi sameystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala socday ururro, xisbiyo iyo madallo kala duwan oo dalka caan ka ah ayaa maanta ku dhawaaqay isbaheysi siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo ay kaga midoobeen hal xisbi oo cusub.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen, hoggaamiyeyaashan oo muddo wadatashiyo ku jiray ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga cusub ee ay ku midoobeen loogu magac daray “Midowga Haybad Qaran.”

Midoowgan ayaa yimid kadib kulamo isdaba joog ah oo si qoto dheer looga falanqeeyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo midnimada ummadda. Hoggaamiyeyaashu waxay isla qireen “dhaawaca gaaray midnimada iyo wadajirka dalka, burburka dhaqaalaha, dayaca adeegyada bulshada iyo rajo beelka ka muuqda dowladnimada Soomaaliyeed.”

Go’aanka ugu weyn ee kasoo baxay kulamadan ayaa ah in Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, loo doortay inuu noqdo Murashaxa Xisbigan ee xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Sida lagu sheegay bayaanka, waxaa dhowaan magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa shirweynaha guud ee aasaaska xisbigan, kaas oo si rasmi ah loogu shaacin doono murashaxnimada Mudane Shirdoon.

Hoggaamiyeyaasha saxiixay heshiiskan midoobidda waxaa ka mid ah shakhsiyaad saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka:

  • Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
  • Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed
  • Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed
  • Mudane Cabdi Aadan Hoosoow
  • Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)
  • Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre
  • Mudane Ducaale Aadam Maxamed
  • Mudane Faarax Calı Shıre
  • Mudane Taabid Cabdi Maxamed
  • Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Isbaheysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa durba sheegaya in rajada Saacid ee ah inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya ay durba, sare u kacday marka la eego isbaheysiga siyaasadeed ee qeybta ka yahay.

Saacid, oo ah siyaasi rug caddaa ah, deggan, islamarkaana leh heer aaminaad sare, ayaa dad badan u arkaan in uu noqon karo qofka ka soo dhex-baxa loolanka siyaasadeed ee buuqa badan ee Soomaaliya, uuna yahay mid ay dhinacyo badan ku qanci karaan.

Lafta-gareen iyo Maxamed Mursal oo maanta gaaray heshiis

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa heshiis siyaasadeed la gaaray dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Qoraal wadajir ah oo labada dhinac soo saareen ayaa lagu sheegay in la xaliyay khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay, isla markaana la isla qaatay in la dardargeliyo midnimada iyo horumarka Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen ayaa sheegay in kulankooda magaalada Nairobi uu kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa, isla markaana heshiis laga gaaray xiisaddii labada dhinac.

“Waxaa maanta magaalada Narobia kulan kula qaatay Walaalkayga Gudoomiye Maxamed Mursal oo aan ka heshiinay kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed anagoo isku raacnay midnimada, wadajirka iyo hormarka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya inaan ka shaqayno,” ayuu yiri Lafta-gareen.

Dhankiisa, Maxamed Mursal ayaa sidoo kale xaqiijiyay in khilaafkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Lafta-gareen la soo afjaray, isagoo tilmaamay in ay si mideysan uga howlgelayaan danaha guud ee bulshada iyo dowlad goboleedka.

“Waxaan ka heshiinnay in aan meesha ka saarno kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed ee naga dhexeeyay, anagoo si mideysan uga shaqayn doona midnimada, wadajirka, iyo horumarka dalka guud ahaan iyo deegaanka Koonfur Galbee” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo dhowaan garoonka magaalada Baydhabo laga hor istaagay xubno mucaarad ah oo uu hoggaaminayay Mursal, kuwaas oo doonayay inay halkaasi ka bilaaban ololaha doorashooyinka.

Xubnahan oo qorsheynaya inay la tartamaan Lafta-gareen ayaa hore ugu eedeeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu diidan yahay qabashada doorasho, xilli ay dowladda iyo maamullada socda ay isku raaceen qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Heshiiskan ayaa la fahamsan yahay inuu ku yimid cadaadis ay Villa Somalia saartay Koonfur Galbeed, maadaama xubnaha ay is-hayeen Lafta-gareen ay dhawaan heshiis doorasho la gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa ku dadaalaya inuu sii haysto mucaaradka uga soo go’ay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ugu miisaanka culus mucaaradka. Madasha ayaa muddooyinkii dambe isbaheysi la sameysatay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo si weyn isku hayaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Arrimahan ayaa imanaya xilli guddiga doorashooyinka qaranka ay shaaciyeen in 30-ka bisha November ee sannadkan la qabanayo doorashada dowladaha hoose.

Horey qorshuhu wuxuu ahaa in doorashooyinka goleyaasha deegaanka ay bilowdaan dhammaadka bishii hore October, balse waxaa yimid dib u dhac, sababo la xiriira markii dib loo furay diiwaan-gelinta oo fursad loo siiyay xisbiyadii ay furteen qaar kamid ah xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska buuxa la galay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddiga ayaa haatan shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay inay u diyaar-garoobaan qabsoomida doorashooyinka qof iyo cod, taas oo ay ugu horeyso tan golaha deegaanka lagu dooranayo.

Dowladda Federaalka ayaa weli ku dhagan qorshaha hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaase weli bannaanka ka jooga oo diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta.

Baarlamanka oo ansixiyay sharci lagula dagaalamayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa meel-mariyay hindise sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad-badeedada iyo qaraar kale oo muhiim ah.

Xildhibaannada oo sameeyay codeyn gacan taag ah ayaa si aqlabiyad leh ku meel-mariyay hindse sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcadbadeedda iyo ka hortagga afduubka ee sharci Lr.36 oo soo baxay 30-kii Bishii April sanadkii 1975-tii, waxaana ogolaaday 140 Xildhibaan, mana jiro Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intaba, sida uu shaaciyay guddoonka Baarlamaanka.

Sharcigan aaa muhiim u ah xakameynta kooxaha burcadbadeedda oo weli halis ku ah marin biyoodka Soomaaliya, iyaga oo haatan bilaabay dhaqdhaqaaqyo cusub.

Sidoo kale  xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey qaraar ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado maalin Qaran, oo sanad kasta dib loo xusuusto qaraxyadii iyo weerarradii Khawaarijtu ay ka geysteen dalka.

Illaa 137 Xildhibaan ayaa si gacan taag ah ugu codeysay qaraarkaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaana waa ka aamusay.

Xildhibaan Maxamed Haaruun oo kamid ah mudanaayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay muhiimadda qaraarka la ansixiyay, wuxuna tilmaamay in lagu xasuusan doono dhibanayaashii ay waxyeellada kasoo gaartay musiibadaasi.

“Ansixinta qaraarka 14-ka October, laba ujeedo ayaan la laheyn oo kala ah, inaan la ilaawan dhibanayaashii ay saameyntu kasoo gaartay Qaraxii 14-ka October iyo in bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo dhibaatada Argagixisada.” ayuu yiri Maxamed Haaruun.

Amnesty oo eedeyn culus u jeedisay DF Somalia iyo beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International oo soo saartay warbixin dheer ayaa ka hadashay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Amnesty ayaa warixinteeda ku dhaleeceysay dowladda federaalka iyo beesha caalamka, waxayna sheegtay in ay ku fashilmeen inay ilaaliyaan kumannaan qof oo kamid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen, taas oo horseeday in dadkaasi ay waayaan xuquuqdooda aas-aasiga ah sida cunno, biyo, caafimaad iyo nolol wanaagsan.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldarreysatay bixinta gargaar degdeg ah oo ay ku jiraan adeegyada caafimaadka iyo cunnada oo la gaarsiiyo qoysaska tabaaleysan.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2023, ay isbeddelka cimilada iyo colaadaha ay kumannaan qof ku khasbeen inay ka barakacaan guryahooda, ayna gaareen xeryo ku yaallo gudaha iyo xerada qaxootiga ee Dadaab ee dalka Kenya.

Agaasimaha gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Amnesty International, Tigere Chagutah, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah, wuxuuna ugu baaqday dowladda Soomaaliya, iyadoo taageero ka helaysa beesha caalamka, in ay si degdeg ah wax uga qabato xaaladaha way wajahayaan dan-yarta.

“Soomaaliya wax yar bay ku leedahay sababta isbeddelka cimilada, balse shacabka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameysay. Dalalka hodanka ah, gaar ahaan kuwa ugu badan ee wasakhda sii daaya, waa inay qaataan masuuliyadda oo taageeraan Soomaaliya si ay ula qabsato saameynta isbeddelka cimilada,” ayuu yiri Chagutah.

Waxaa kale oo warbixinta lagu soo bandhigay wareysiyo laga qaaday qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah, shaqaalaha gargaarka, saraakiil dowladeed iyo khubaro ku takhasusay isbeddelka cimilada, taas oo lagu saleeyay qiimeynta ay soo saartay Amnesty International.

Ugu dambeyn hay’adda ayaa  ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay dejiso siyaasado adag oo la xiriira la-qabsiga isbeddelka cimilada, isla markaana ay wax ka qabato khasaaraha iyo dhaawaca uu sababay isbeddelkaas, gaar ahaan bulshada nugul ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xamza oo magacaabis cusub sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa Cabdinaasir Axmed Bashiir (Saxansaxo ( u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ahna Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga bilaabo maanta.

Saxansaxo oo ah suxufi caan ah ayaa horay uga soo shaqeeyay Villa Soomaaliya iyo sidoo kale Jubbaland, waana nin dhalinyaro ah oo leh qibrad sare.

Sidoo kale wuxuu beddalayaa Farxaan Maxamed Jimcaale oo dhawaan kamid noqday xubnaha Golaha Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo maalmo kahor la dhisay.

Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna todobaadkii hore sidaan kale u magacaabay Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo loo magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow.

Magacaabista ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta isbeddal wayn ee ay waddo xukuumaddiisa oo dhawan saddex sano jirsatay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.

Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogeliyay, waxna ka qabtay arrimahaasi.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo diyaarad qaas ah lagu qaaday una baxay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay safar didbadeed oo ku wajahan dalka Aljeeriya, waxaana diyaarad ah gaar ah looga qaaday garoonka caalamiga ah Aadan Cadde.

Diyaaradda qaaday Madaxweynaha oo ay soo dirtay dowladda Aljeeriya ayaa xalay soo caga dhigatay garoonka magaalada Muqdisho, waxaana sidaas ku bilowday booqashada rasmiga ah ee wafdiga Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumaad rasmi ah ka helay dalkaasi.

Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia ayaa innoo xaqiijiyay in Xasan Sheekh ay is arki doonaan dhiggiisa Abdelmadjid Tebboune oo ay ballansan yihiin.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada Madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xaaladda labada dal, xiriirka, Iskaashiga iyo danaha ka dhaxeeya, sida ay xaqiijiyeen ila wareedyadu.

Kulankan ayaa daba socda wada-hadallo bishii Augusta 10, 2025 dhex-maray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhahay) iyo dhiggiisa dalka Aljeeriya Axmed Ataf oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, tababarada diplomatisiiyiinta, iyo xoolaha.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa kulankaas inta uu socday isla gartay in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal ka dhaxeeya, si loo adkeeyo iskaashiga labada dowladood, loona horumariyo xiriirka labada dhinac

Xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale maalmo kahor u booqday dalka Masar, halkaas oo uu kula soo kulmay dhiggiisa Cabdifitaax Al-siisi oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal iyo arrimo quseeya gobolka.

Dhaq-dhaqaaqyadaan diblomaasiyadeed ayaa muujinayo in Xasan Sheekh uu isku wado qaar kamid ah dalalka carabta ee ku kala aragtida duwan siyaasadda iyo sida ay wax uga socdaan geeska Afrika iyo caalamka.