26.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Sawirro: Ciidan cusub oo la wareegaya gacan ku haynta magaalada Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland lagu soo dhaweeyay ciidamo cusub oo ka tirsan booliska Puntland, kuwaas oo la wareegaya ammaanka guud ee magaalada.

Ciidamadan cusub oo ah jiil aqoonyahano ah, tababar iyo anshax sare leh, ayuu taliska booliska sheegay inay u taagan yihiin in ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeeyaan daacadnimo, kalsooni iyo dulqaad. “Waa ciidamo matalaya ruuxda dawladnimo, kuwaas oo u taagan xaqiijinta amniga iyo ilaalinta sharciga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Caydiid Axmed Nuur, oo ka qeyb-galay munaasabadda soo dhoweynta ciidanka cusub ee booliska Puntland ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin ilays cusub oo soo ifbaxay, isla markaana ay bulshada kala shaqeyn doonaan nabadda, wacyigelinta iyo dhisidda kalsoonida shacabka.

Sidoo kale wuxuu ku booriyay ciidamada cusub in ay noqdaan astaanta isku duubnida iyo adeegga shacabka.

Kadib munaasabadda, ciidanka ayaa loo gudbiyay xerada 54-aad ee ciidamada Garoowe, halkaas oo ay si rasmi ah uga bilaabeen howl-galadooda nabadgelyo. Tallaabadan ayuu taliska booliska ku tilmaamay mid muujinaysa in Puntland ay ku socoto waddadii amniga, kala dambeynta iyo dowladnimada dhab ah.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa mar kale muujiyay in ay ka go’an tahay ilaalinta shacabka, difaaca dalka, iyo dhisidda nidaam amni oo waara, taasoo saldhig u ah horumarka iyo midnimada ummadda.

“Dowladnimo waa marka ciidanka iyo shacabka ay hal himilo ku mideysan yihiin — ilaalinta amniga iyo sharafta Puntland,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ciidankan la wareegaya amniga caasimadda maamulka wuxuu bishii October tababar ugu soo xiray kulliyadda Carmo. Ciidankan ayaa waxay u badan yihiin dhallinyaro waxbartay oo ay ku jiraan kuwo illaa heer Jaamacadeed ah.















SOMALILAND oo amar deg-deg ah soo saartay kadib digniintii kasoo baxday DF

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa go’aanno deg-deg ah soo saaray kadib digniintii kasoo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriirtay in shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee tegaya magaalada Hargeysa aysan qaadi karin rakaab aan sidan dal-ku-galka elektaroonig ah ee e-Visa.

Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland ayaa soo saartay in aanay hawadeeda soo geli karin diyaarad aan fasax ka haysan, iyadoo wasaaraddu soo bandhigtay nidaamka iyo waxyaabaha looga baahan yahay diyaaradaha kala duwan.

Wasaaradda ayaa digniin ka bixisay in duulimaad kasta oo ogolaansho la’aan gala hawada Somaliland uu noqonayo mid jabinaya qaranimada Somaliland, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada.

Habraacan cusub ee Somaliland shaacisay ayuu maamulka uga hortagayaa go’aannada kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo iyadu maanta shirkadaha diyaaradaha ugu goodisey in ay mamnuucayso, haddii ay soo qaadan rakaab aan sidan dal-ku-gal elektaroonig ah (e-Visa), kaasi oo looga baahan yahay rakaabka u safraya Soomaaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay ogaatay in dhawaan rakaab ay Flydubai u soo qaaday Hargeysa aanay helin fiisaha online-ka ee dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano e-Visa ka hor inta aanay u safrin garoomada Somaliland.

Arintan ayey sheegtay in ay tahay mid aan waafaqsanayn shuruucda duulista iyo socdaalka ee Soomaaliya, isla markaana ay si badheedh ah wax ugu dhimayso ilaalinta xuduudaha iyo habraaca amniga qaranka ee dalka.

“Hay’adda Duulista (SCAA) waxay si rasmi ah u soo saartay ogeysiis iyo amar ku saabsan in si degdeg ah looga dhaqan geliyo habraacyo adag oo hubin ah dhammaan goobaha ay rakaabku ka dhoofaan. Waa in si gaar ah loo hubiyaa in dhammaan rakaabka u socda Hargeysa ay haystaan e-visada Soomaaliya ka hor inta aanay safrin.”

Hay’adda ayaa ku hanjabtay in shirkada duulimaadyada ee u hogaansami waaya arrintaan ay kusoo rogi doonto ganaaxyo maaliyadeed, iyo in la joojiyo duulimaadyadooda gudaha Soomaaliya.

Tan ayaa caqabad hor leh ku noqonaya shirkadaha diyaaradaha oo ayagu wajahay awaamiir is-khilaafsan oo uga imanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ku dooda inuu yahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Hoos ka aqriso nuxurka qoraalka kasoo baxay Somaliland:

Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo saartay amar cusub oo dhaqan gelaya 10-ka bishan Noofambar 2025, kaas oo jidaynaya isla markaana faraya dhammaan diyaaradaha rayidka ah, kuwa ganacsiga, jidwalka qorshaysan ku yimaada iyo kuwa aan jadwalka lahayn inay helaan ogolaansho hore ka hor inta aanay soo gelin gelin ama marin hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

Go’aankan oo waafaqsan Heshiiskii Chicago ee 1944kii, waxa uu bayaaminayaa madaxbannaanida buuxda ee Somaliland ay ku leedahay dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeedaba.

Waxyaabaha ku jira awaamiirta cusub ee Wasaaradda Duulistu soo saartay waxa ka mid ah:

  • In la hubiyo amniga iyo nidaamka duulista, iyadoo la dabaqayo heerarka Hay’adda ICAO.
  • In la xoojiyo maareynta taraafikada hawada, saadaasha iyo macluumaadka duulista.
  • In la hagaajiyo gurmadka degdegga ah, farsamada degitaanka iyo hawlaha garoomada Hargeysa iyo Berbera.

Wasaaradda Duulistu waxay digniin ka bixisay in duulimaad kasta oo ogolaansho la’aan gala hawada Somaliland uu noqonayo mid jabinaya qaranimada JSL, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay ka go’an tahay duulista ammaan ah iyo wada-shaqayn caalami ah oo ay la yeelanayso shirkadaha diyaaradaha iyo dalalka diyaaradahoodu yimaadaan Jamhuuriyadda Somaliland.

20 qof ka badan oo ku sumoobay degmada…

0

Jigjiga (Caasimada Online) – In ka badan 20 qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa ku sumoobay degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii ay cuneen cunto la rumeysan yahay in ay sumeysan tahay.

Wararka ka imanaya deegaanka ayaa sheegaya in dadkaasi oo ahaa shaqaale ka howl-galayey qodista berkad halkaasi ku taalla ay cuneen raashin ay ku karsadeen goobtaasi, kaasi oo la rumeysan yahay inay ku sumoobeen.

Cabdiraxmaan Jamaal Cabdi, Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ayaa sheegay in dadkaasi ay cunayeen bariis lagu daray caano, balse wali aan la xaqiijin sababta rasmiga ah ee sumowga, maadaama la tuhunsan yahay in caanaha ay ahaayeen kuwa wasakhaysan ama xumaaday.

“Wixii ugu dambeeyay ee ay cunaan waxay ahayd bariiskaas caanaha lagu daray,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo BBC la hadlay, isagoo intaas ku daray in laba qof xaaladooda caafimaad ay yihiin kuwo halis ah.

Dadka kale ee sumoobay ayaa loo qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada Xarshin, halka kuwa xaaladooda ay ka sii dartay loo gudbiyay isbitaalka weyn ee Baligubadle, oo ku dhow xuduudda Somaliland.

Madaxda caafimaadka Xarshin ayaa tilmaamay in tani ay tahay dhacdo aan horey uga dhicin deegaanka, inkastoo horey loo arkay kiisaska qoysas caano ama hilib sumeysan cunay. “Laakiin in dad badan oo meelo kala duwan iskaga yimid hal mar u wada sumoobaan, waa arrin cusub,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Dhammaan dadka sumoobay marka laga reebo labada qof ee xaaladoodu liidato waxaa laga saaray cisbitaalka, iyadoo lagu amray in aanay magaalada ka bixin ilaa baaritaannada caafimaad la soo gaba-gabeynayo.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa bilaabay olole wacyigelin ah oo lagu barayo dadka deegaanka sida ay uga fogaan karaan cabitaanka caanaha aan si nadiif ah loo keydin iyo karinta cuntada si badbaado leh.

Dhacdadan ayaa cabsi iyo argagax ku reebtay dadka deegaanka, iyadoo dadka sumoobay ay markii hore la kulmeen calool xanuun iyo matag, balse intooda badan hadda ay si tartiib ah u soo kabanayaan.

Madaxweyne Cirro oo diiday in Somaliland lagu tiriyo dalalka…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo maanta ka qeyb-galay shirweynaha maalgashiga Somaliland ayaa wuxuu ku dooday in ay kamid yihiin dalalka hodanka ah.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraadka dabiiciga ah iyo macdanta qaaliga ka ah dunida, isagoo gacmo furan kusoo maalgashadayaasha caalamiga ah, si ay uga faa’iideystaan kheyraadka Somaliland, uguna faa’iideeyaan dadkeeda.

“Somaliland waa dal hodan ah balse lagu tilmaamayo in uu yahay dal faqiir ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaas kusii daray “Macdanaha ugu qaalisan dunida way ka buuxaan Somaliland,waxaan leenahay Maalgashadayaasha wax sheegta waad ka helaysaane. Waxaan leenahay haddii maalgashigu dux yeelanayo, ka Somaliland la galiyo ayaa ugu dux badnaanaya, albaabaduna waa idiin furan yihiin waana soo dhaweynaynaa.”

Sidoo kale, Cirro ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay maalgashadayaasha iyo wafdiyada ganacsi ee ka kala socday 23 dal oo caalamka ah, kuwaas oo si firfircoon uga qayb-galay shirweynaha maalgashiga Somaliland.

Cirro ayaa ku dheeraaday in Somaliland ay leeyahay wax kasta oo uu ku soo dhiirran karo maalgashadahu, sida amni iyo xasillooni buuxda, nidaam dawladeed oo dimuqraadi ah, deggenaansho siyaasadeed, shuruuc iyo xeerar fududaynaya hawlaha maalgashiga iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, xoog shaqaale oo xirfad iyo aqoon leh iyo bulsho dhaqan u leh soo dhawaynta cid kasta oo maalgashanaysa.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso abuurista jawi maalgashi oo hufan, furan oo dhiirrigelinaya iskaashi u dhexeeya dowlad iyo ganacsiga gaarka looleeyahay (Public-Private Partnership), isla markaana kor u qaadaya horumarka iyo shaqo-abuurka ummadda Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Shirkadda DP World oo ahayd tii ugu horreysay ee ku dhiirratay in ay maalgeliso dekedda Berbera iyo aagga dhaqaalaha madaxa bannaan ee Berbera (Berbera Economic Free Zone), taasi oo indhaha Dunida ku baraarujisay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.

“Shirweynaha maalgashiga Somaliland waa madal muujinaysa kalsoonida uu caalamku ku qabo mustaqbalka dhaqaale iyo ka siyaasadeed ee Somaliland,” ayuu yiri Cirro, isagoo tilmaamay in shirkan uu albaabada u furayo iskaashiga iyo is-dhexgalka dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamkaba, iyadoo Somaliland ay soo bandhigtay aragti cad iyo qorshe istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaheeda iyo nolosha shacabkeeda.

Shirweynaha Maalgashiga Somaliland oo maanta si rasmi uga furmay magaalada Hargeysa ayaa waxaa si heer sare ah u soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo kaashanaysa Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland.

Dowladda oo shirkadaha diyaaradaha siisay digniin soo afjaraysa amarkii Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah u dirtay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee tegaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa shirkadaha diyaaradaha ugu goodisey in ay mamnuucayso, haddii ay soo qaadan rakaab aan sidan dal-ku-galka elektaroonig ah (e-Visa), kaasi oo looga baahan yahay rakaabka u safraya Soomaaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay ogaatay in dhawaan rakaab ay Flydubai u soo qaaday Hargeysa aanay helin fiisaha online-ka ee dowladda Soomaaliya ka hor inta aanay u safrin garoomada Somaliland.

Arintan ayey sheegtay in ay tahay mid aan waafaqsanayn shuruucda duulista iyo socdaalka ee Soomaaliya, isla markaana ay si badheedh ah wax ugu dhimayso ilaalinta xuduudaha iyo habraaca amniga qaranka ee dalka.

“Hay’adda Duulista (SCAA) waxay si rasmi ah u soo saartay ogeysiis iyo amar ku saabsan in si degdeg ah looga dhaqan geliyo habraacyo adag oo hubin ah dhammaan goobaha ay rakaabku ka dhoofaan. Waa in si gaar ah loo hubiyaa in dhammaan rakaabka u socda Hargeysa ay haystaan e-visada Soomaaliya ka hor inta aanay safrin.”

Sidoo kale, hay’adda ayaa ku hanjabtay in shirkada duulimaadyada ee u hogaansami waaya arrintaan ay kusoo rogi doonto ganaaxyo maaliyadeed iyo in la joojiyo duulimaadyadooda gudaha Soomaaliya.

Digniintan ayaa imaneysa xilli xukuumadda Somaliland ay shirkada diyaaradaha fartay in aysan u hoggaansamin karin go’aanka e-visaha ee kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland waxay uga digtay in shirkad kasta oo diyaaradeed oo u hoggaansanta sharciga e-visaha ee Soomaaliya laga mamnuuci doono inay ka hawl-gasho hawada iyo garoomada Somaliland.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa horey ugu eedeeyay Dowladda Federaalka inay waddo wax ay ku tilmaameen “olole colaadeed” oo la xiriira maamulka hawada iyo hagidda duulimaadyada. Waxay sheegeen in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu ciqaabo shacabka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in muranka ku saabsan hawada iyo oggolaanshaha duulimaadyada uu yahay “mid siyaasadaysan” isla markaana loo adeegsanayo cadaadis ka dhan ah Somaliland.

“Waa wax laga xishoodo oo ceeb ah in dawladda Soomaaliya iyo dadkeedu ay weli ku hawlan yihiin dadaallo lagu dhibaataynayo Somaliland, inkastoo ay ku fashilmeen damacyadoodii hore,” ayuu yiri Wasiir Khadar.

“Waa gef weyn inaad sheegataan inaad taageersan tihiin ‘Soomaaliweyn’ balse dhab ahaantii ujeeddadiinu tahay inaad dhibaato u horseeddaan shacabka Somaliland.”

Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasban inuu bixiyo labo lacagood oo dal-ku-gal ah, midka e-visa ee Dowladda Federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay. Kan e-visa ayaa marka hore laga rabaa in uu goosto ka hor inta uusan usoo safrin gudaha Soomaaliya.

Somaliland iyo Puntland ayaa u arka go’aanka cusub ee Dowladda Federaalka mid looga leexsanayo lacago ay hore u qaadi jireen maamulladan. Inkastoo tani ay kordhinayso culayska dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.

Trump oo tallaabo milatari ugu hanjabay Nigeria oo uu ku eedeeyay arrin yaab leh

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Sabtidii sheegay in uu ka codsaday Wasaaradda Gaashaandhigga in ay isku diyaariso tallaabo milatari oo “degdeg ah” oo laga qaadi karo Nigeria, haddii uu waddankaas Galbeedka Afrika ku yaalla ku guuldareysto in uu wax ka qabto dilalka loo gaysto dadka kirishtaanka ah.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale si degdeg ah u joojin doonta dhammaan kaalmooyinka iyo gargaarka ay siiso Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika ahna kan ugu sarreeya ee soo saara shidaalka, sida uu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

“Haddii Maraykanku uu diro ciidamo milatari, waxay ku geli doonaan ‘iyagoo rasaastu ka horreyso,’ si ay ‘gebi ahaanba u tirtiraan Argagixisada Islaamiga ah ee geysanaya xasuuqan foosha xun’,” ayuu Trump u qoray, isagoon keenin wax caddeyn ah oo gaar ah oo ku saabsan sida loola dhaqmo Masiixiyiinta Nigeria.

Trump waxa uu Nigeria ku sifeeyay “waddan ceeboobay” waxa uuna uga digay dowladda dalkaas in ay si degdeg ah u dhaqaaqdo. “Haddii aan weerar qaadno, waxa uu noqon doonaa mid degdeg ah, naxariis darran, oo macaan, sida ay kooxaha argagixisada ah u weeraraan Masiixiyiinteena AANU JECELNAHAY!” ayuu yiri.

Dowladda Abuja ayaan wax jawaab ah oo degdeg ah ka bixin hanjabaadda Trump ee ku aaddan tallaabada milatari. Aqalka Cad ayaa sidoo kale dhankiisa ka gaabsaday in uu ka hadlo xilliga ay suurtagalka tahay in Maraykanku uu qaado wax tallaabo milatari ah.

In kasta oo Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay in ay Aqalka Cad kala xiriirto faallada ku saabsan hanjabaadda Trump, haddana Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa isna soo saaray qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada.

“Wasaaradda Dagaalka waxay u diyaar garoobeysaa tallaabo,” ayuu Hegseth ku qoray barta X. “Dowladda Nigeria waa in ay ilaalisaa Masiixiyiinta, haddii kale annaga ayaa dili doonna Argagixisada Islaamiga ah ee geysanaya xasuuqan foosha xun.”

Qoraalkan Trump ee ku saabsan Nigeria ayaa yimid maalin kaddib markii uu maamulkiisu ku daray Nigeria liiska “Waddamada sida Gaarka ah Walaaca looga Qabo” (Countries of Particular Concern), oo ah dalal uu Maraykanku sheegay in ay ku xadgudbeen xorriyadda diinta. Dalalka kale ee liiskaas ku jira waxaa ka mid ah China, Myanmar, North Korea, Russia iyo Pakistan.

Ballan-qaadka madaxweyne Bola Ahmed  Tinubu

Ka hor inta uusan Trump soo dhigin hanjabaaddiisa weerarka, Madaxweynaha Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, ayaa Sabtidii shalay iska difaacay eedeymaha ku saabsan dulqaad la’aanta diimeed, wuxuuna daafacay dadaallada dalkiisa ee lagu ilaalinayo xorriyadda diinta.

“In Nigeria lagu sifeeyo waddan aan lahayn dulqaad diimeed kama tarjumayso xaqiiqada dalkayaga, sidoo kalena ma tixgelinayso dadaallada joogtada ah ee daacadda ah ee ay dowladdu waddo si loo dhowro xorriyadda diinta iyo caqiidada ee dhammaan dadka reer Nigeria,” ayuu Tinubu ku yiri bayaan uu soo saaray, isagoo xusay “dammaanad-qaadyo dastuuri ah oo lagu ilaalinayo muwaadiniinta dhammaan caqiidooyinka.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Nigeria ayaa bayaan ay si gooni ah u soo saartay ku ballan-qaadday in ay sii wadi doonto la-dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wadata, waxayna sheegtay in ay rajaynayso in Washington ay ahaan doonto xulufo dhow.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay “inay sii wadi doonto difaaca muwaadiniinta oo dhan, iyadoo aan loo eegeyn midab, caqiido, ama diin. Sida Maraykanka oo kale, Nigeria ma haysato wax doorasho ah oo aan ahayn in ay u dabbaal-degto kala-duwanaanshaheenna oo ah awooddeenna ugu weyn.”

Joogitaanka milatari ee Maraykanka ee Galbeedka Afrika ayaa si weyn u yaraaday kaddib markii qiyaastii 1,000 askari ay ka baxeen dalka Niger sannadkii hore. In kasta oo Maraykanku uu mararka qaarkood kooxo yar oo ciidamo ah ku yeesho gobolka si ay uga qayb-qaataan dhoollatusyo, haddana saldhigga ugu weyn ee milatari ee Maraykanka uu ku leeyahay qaaradda ayaa ku yaalla Bariga Afrika, gaar ahaan Jabuuti, halkaas oo ay ku sugan yihiin in ka badan 5,000 oo askari, loona adeegsado hawlgallada gobolka.

Trump oo horey Nigeria ugu daray ‘liiska walaaca’  

Trump ayaa Nigeria u aqoonsaday waddan walaac laga qabo xilligii muddo xileedkiisii koowaad ee Aqalka Cad. Baddalkiisii Dimoqraadiga ahaa, Joe Biden, ayaa sannadkii 2021-kii ka saaray liiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Maalintii Jimcaha, Trump waxa uu sheegay in “kumanaan Masiixiyiin ah” ay kooxo Islaamiyiin xagjir ah ku dilayaan gudaha Nigeria, balse ma uusan bixin wax tafaasiil ah.

Nigeria, oo ay ku nool yihiin 200 oo qowmiyadood oo kala haysta diimaha Kiristaanka, Islaamka iyo diimaha hiddaha iyo dhaqanka, waxay leedahay taariikh dheer oo nabad ku wada noolaansho ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale ka dhacay rabshado dhex maray kooxaha, kuwaas oo ay inta badan sii huriyaan kala qaybsanaan qowmiyadeed ama colaado ka dhasha kheyraadka gabaabsi ah.

Kooxda hubeysan ee Islaamiga ah ee xagjirka ah ee Boko Haram ayaa sidoo kale argagax gelisay waqooyi-bari Nigeria, waana kacdoon ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof 15-kii sanno ee la soo dhaafay. Khubaro ku xeel-dheer xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in badi dhibbanayaasha Boko Haram ay ahaayeen Muslimiin.

Sharci-dejiyeyaal ka tirsan dalka Maraykanka, sida xildhibaan Tom Cole, oo Jamhuuri ah, ahna guddoomiyaha Guddiga Qoondeynta ee Aqalka Wakiillada Maraykanka (U.S. House of Representatives Appropriations Committee), ayaa Jimcihii soo dhoweeyay tallaabada Trump. Waxay soo xigteen wax ay ugu yeereen “silcinta joogtada ah ee laga walaaco ee lagu hayo Masiixiyiinta daafaha dalka.”

Cawaaqibka hanjabaadda Trump

Hindise-sharciyeedka guddiga ee miisaaniyadda amniga qaranka ee sannad maaliyadeedka 2026-ka ayaa waxaa ku jiray maalgelin la kordhiyay oo loogu talagalay barnaamijyada xorriyadda diinta ee caalamiga ah iyo taageerada barnaamijyada lagu taageerayo bulshooyinka Nigeria ee ay beegsadaan rabshadaha xagjirnimada.

In Trump uu Nigeria dib ugu aqoonsado waddan walaac laga qabo waxay albaabka u fureysaa tallaabooyin siyaasadeed oo kala duwan sida cunaqabateynno ama ka-dhaafitaan, laakiin ma ahan kuwo si toos ah u dhaqan-gelaya.

Qaar ka mid ah kooxaha diimaha ayaa bishii hore warqad ay u qoreen Trump kaga codsaday in uu dib u aqoonsado Nigeria, sida ku cad nuqul ka mid ah warqaddaas oo lagu daabacay webseetka hay’adda cilmi-baarista ee Hudson Institute.

“Masiixiyaddu waxay Nigeria kaga wajahaysaa khatar soo afjari karta jiritaankeeda. Kumanaan Kiristaan ah ayaa la dilayaa. Islaamiyiin xagjir ah ayaa ka mas’uul ah xasuuqan ballaaran,” ayuu Trump u qoray, isagoon bixin wax tafaasiil ah oo gaar ah. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Guddiga Qoondeynta ee Aqalka Wakiillada Maraykanka in ay arrintan baaritaan ku sameeyaan. 

Maxaa ka jira in Turkiga uu DF ku wareejiyay diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay ka hadashay diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK oo lagu arkay Muqdisho, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in lagu wareejiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Difaaca Turkiga oo bayaan soo saartay ayaa beenisay in diyaaradahaas ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya, iyada oo meesha ka saartay wararka la baahiyay.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradihii dhawaan lagu arkay xafladdii lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa ay leeyihiin ciidamada Turkiga ee jooga gudaha Soomaaliya, loona adeegsado howlahooda gaarka ah.

Sidoo kale, ilo dhanka amniga ah ayaa shaaca ka qaaday in dyaaradahan kuwa casri ah ay adeegsadaan ciidamada Turkiga, balse aanay kamid ahayn hantida ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in diyaaradaha la arkay ee T129 ATAK iyo gaadiid dhawaan la keenay ay leedahay xerada TurkSom oo lagu tababaro ciidanka Xoogga dalka.

Turkiga ayaa horay qalab milatari u siiyay dowladda Soomaaliya, oo ay ku jiraam diyaarado yar yar oo nooca dagaalka ah iyo gaadiid casri ah.

Waxaa sidoo kale uu toos uga qayb-qaataa howlgallada xoreynta ah ee ka socda dalka, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Taageerada joogtada ah ee Turkiga ayaa ka dhigtay saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna xoogga saaray dhanka milatariga iyo dhismaha ciidamada Xoogga dalka.

Hooyo iyo carruurteeda oo lagu dilay Galgaduud + Sababta

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in mar kale xalay dhacdo argagax leh ay ka dhacday deegaanka Guudoole, kadib markii halkaasi lagu weeraray Hooyo iyo carruurteeda oo lagu laayay halkaasi.

Hooyada oo lagu magacaabi jiray Madiino Jimcaale ayaa lasoo wariyay in goobta ay ku dhimatay, halka ay dhaawacyo daran soo gaareen qaar lamid ah carruurteeda.

Qoyskan oo reer guuraa ah ayaa la sheegay in ay soo weeraray maleesiyaad hubeysan oo mar qura rasaas oodda uga qaaday, kuwaas oo ka baxsaday deegaanka uu falku ka dhacay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilkan uu yahay aar gudasho loo geystay Hooyadan iyo carruurteeda, taas oo la xiriirta dil hore loogu gaystay Hooyo kale iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, isla gobolkaas.

Allaha u naxariistee marxuumiintaas ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddexdeeda gabdhood oo kala ah Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud & Faa’iso Axmed Maxamuud, iyadoo falkan ay ka argagaxeen shacabka.

Xaaladda deegaanka uu dilku ka dhacay ayaan haatan mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in xiisad xooggan oo ka dhalatay dilka dadkaas ay ka taagan tahay halkaasi.

Kiiskan wuxuu gaaray maxkamadaha Galmudug, waxaana shalay si rasmi ah ula wareegtay Maxkamadda Racfaanka gobolka Galgaduud, kadib markii ehellada marxuumiinta iyo xeer ilaalinta ay ku qanci waayeen xukun ay dhawaan soo saartay Maxkamadda Darajada 1-aad.

Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

Trump oo dalbaday in Ilhaan Cumar ay ka tagto Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii weerar ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar (D-Minn.), isagoo ku dhaliilay asalkeeda Soomaaliga ah, wuxuuna ugu baaqay inay dalka ka tagto,, qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, isagoo ku celiyay weerar la mid ah kii uu dhowr jeer adeegsaday intii uu xilka hayay.

“Waa inay ku laabataa!” ayuu ku qoray bartiisa Truth Social, isagoo soo raaciyay muuqaal ay Ilhaan kula hadlaysay dadweyne. Si degdeg ah looma ogaan goorta ay munaasabaddaasi ahayd, balse muuqaalka Ilhaan oo hadlaysa ayaa ku faafayay baraha bulshada ee u janjeera dhanka midigta ugu yaraan laba toddobaad.

Ilhaan waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxay dalka kaga carartay dagaal sokeeye iyadoo 8 jir ah, waxayna timid Mareykanka sanadkii 1995-kii ka dib markii ay afar sano ku qaadatay xero qaxooti oo ku taalla Kenya. Waxay dhalashada Maraykanka qaadatay sanadkii 2000.

Xulafada Trump ee MAGA, oo ay ku jirto Laura Loomer, ayaa degdeg u sii faafiyay qoraalkiisa iyagoo isticmaalaya barahooda bulshada.

Kuma eka markii ugu horreysay toddobaadyadii la soo dhaafay ee madaxweynuhu soo jeediyo in Ilhaan dalka laga saaro.

“Ma ogtihiin inaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, ma ogtihiin taasi?” ayuu weriyeyaasha kula hadlay Xafiiska Oval bishii September. “Oo waxaan u soo jeediyay in laga yaabo inuu dib u celiyo. Wuxuu yiri ‘Ma rabo iyada.'”

Trump ayaa sidoo kale dhowr jeer si gaar ah u weeraray Ilhaan intii lagu jiray muddo xileedkiisii hore, isagoo mar ku eedeeyay “inay noo sheegayso sida dalkeenna loo maamulo” bilihii ugu dambeeyay ee ololihii 2020.

Xafiiskeedu kama uusan soo jawaabin codsi falcelin ah oo loo diray.

Balse xildhibaannadda afarta jeer la soo doortay ayaa Jimcihii u sheegtay idaacad inaysan ka walaacsanayn hadallada ku saabsan xaaladdeeda socdaal.

“Wax walaac ah igama hayo, ma garanayo sida ay dhalashada igala noqon karaan oo ay ii masaafurin karaan,” ayay ka tiri barnaamijka The Dean Obeidallah Show.

“Laakiin xitaa ma garanayo sababta ay taasi u tahay hanjabaad cabsi leh. Ma ihi tii 8 jirka ahayd ee dagaalka ka soo carartay. Waan weynahay, carruurteyduna way weyn yihiin. Meel kasta oo aan rabo waan ku noolaan karaa haddii aan doonayo. Waa wax lala yaabo in maalin kasta la soo tooso iyadoo sheekadaas lagu soo darayo wadahadal kasta, ‘Waan masaafurinaynaa Ilhaan.'”

Tarxiilkii ugu horreeyey ee Soomaalida Switzerland oo…

Geneva (Caasimada Online) — Dowladda Switzerland ayaa isu diyaarinaysa inay muwaadiniin Soomaali ah u masaafuriso magaalada Muqdisho, iyadoo adeegsanaysa diyaarad khaas ah oo qarsoodi ah, inkastoo aysan ogolaansho rasmi ah ka haysan dowladda Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska toddobaadlaha ah ee WOZ ee ka soo baxa dalkaas.

Qoraal qarsoodi ah oo laga helay Hay’adda Arrimaha Socdaalka (SEM), oo loo diray mas’uuliyiinta Zurich 11-kii Ogosto, ayaa ku boorriyay in la joojiyo masaafurinta lagu sameeyo duulimaadyada caadiga ah, ayna “isku dayaan duulimaad khaas ah marka hal ama laba qof oo kale ay diidaan” inay si ikhtiyaari ah u laabtaan.

Haddii ay tani hirgasho, waxay noqonaysaa celintii ugu horreysay ee qasab ah oo ay Switzerland ku samayso Soomaaliya tan iyo 1996-kii. Xilligaas, laba sarkaal oo ka tirsan booliska Zurich oo galbinayay qof la masaafurinayay ayaa lagu xiray Muqdisho, kaddib markii ay soo degeen iyagoon wargelin hore samayn. Waxaa la sii daayay oo kaliya markii ay Switzerland bixisay 20,000 oo Faranka Swiss-ka ah, ayna dib u celisay qofkii la tarxiilayay.

Dhacdadaasi waxay saamayn ku yeelatay siyaasadda celinta ee dalkaas muddo tobannaan sano ah. Laga soo bilaabo 1996-kii ilaa 2025-ka, 46 qof oo kaliya ayaa la celiyay, kuwaas oo lagu qaaday diyaarado ganacsi oo ay oggolaatay Soomaaliya, waxaana ku jiray laba qof oo la celiyay bishii Sebtembar.

Qorshahan ayaa la wadaa inkastoo ay jirto ammaan-darro joogto ah oo ka jirta Soomaaliya, halkaasoo Al-Shabaab ay maamulaan dhul ballaaran, weerarraduna ay yihiin kuwo soo noqnoqda. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Switzerland waxay ka digtay in loo safro dalka. Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in celinta qasabka ah ay jebinayso sharciga caalamiga ah.

Warbixinta wargeyska WOZ waxay muujinaysaa in Switzerland ay xoojisay dadaallada ay kula xiriirayso mas’uuliyiinta Soomaaliya. Wafdi Swiss ah ayaa la kulmay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya (ICA) bishii Abriil 2024; Muqdisho waxaa lagu tilmaamay mid “u jilicsan celinta aan ikhtiyaariga ahayn,” waxayna ballanqaadday “Siyaasad ku saabsan celinta” sannadka 2025.

Bishii Febraayo 2025, Switzerland waxay Gisela Schluep u magacowday sarkaal ku sugan Nairobi oo qaabilsan socdaalka Soomaaliya iyo Eritrea. Intii ay xilka haysay, Bern waxay bishii Luulyo martigelisay wafdi lix xubnood ka kooban oo Soomaali ah, waxay bixisay qalabka lagu hubiyo sax ahaanshaha dokumiintiyada, waxayna saxiixday heshiis iskaashi farsamo. Waxaa taas ku xigay tababar 10 maalmood socday oo ku saabsan amniga internetka (cybersecurity) oo bishii Sebtembar lagu qabtay Muqdisho.

Tallaabooyinkan ayaa ka tarjumaya istaraatiijiyadda Switzerland ee ay ku xoojinayso dadaalladeeda masaafurinta, iyadoo taageeraysa kaabeyaasha socdaalka iyo kontoroolka xuduudaha. Hase yeeshee, is-hortaag dadweyne iyo mid siyaasadeed oo ka jira gudaha Soomaaliya ayaa weli ah mid xooggan. Warbaahinta madaxa bannaan ayaa tabisay in wasiirka amniga uu diiday qaabilaadda dad laga soo masaafuriyay Finland iyo Switzerland, isagoo sabab uga dhigay walaac dhinaca amniga ah.

Muran ayaa sidoo kale ka taagan sida ballaaran ee ay Yurub gargaarka ugu adeegsato xaqiijinta masaafurinta. Warbaahinta Sweden ayaa tabisay in Wasiirka Socdaalka, Johan Forssell, uu oggolaaday lacag qarsoodi ah oo dhan 5 milyan oo karoon (qiyaastii $517,000) oo la siiyo Soomaaliya, iyadoo la soo marsiiyay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), si loo fududeeyo celinta. Lacagtan ayaa ka baxsanayd miisaaniyadda gargaarka rasmiga ah ee Sweden.

Idaacadda Ekot ayaa hore u faahfaahisay heshiis 10 milyan oo doollar ah oo la gaaray Diseembar 2023, kaasoo lacago loogu weeciyay barnaamij la xiriira Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Khilaafka ka dhashay arrintaas wuxuu sababay in madaxii gargaarka Sweden la eryo bishii Maajo 2025, ka hor inta aan lacagta la soo marsiiyin Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) aysanna dib u bilaaban masaafurintii. Markii la gaaray Ogosto 2025, Sweden waxay masaafurisay siddeed muwaadin oo Soomaali ah, waxayna diiwaangelisay 15 kale si loo celiyo, iyadoo la raacayo sharciyo adag oo xagga socdaalka ah.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa dafiray in wax khalad ah la sameeyay, waxayna sheegeen in iskaashigu uu maro waddooyin rasmi ah oo dhinacyo badan leh.

Dalka Switzerland gudihiisa, mas’uuliyiintu waxay ku doodayaan in dadka la masaafurinayo ay yihiin dembiilayaal hore loo xukumay ama shakhsiyaad rabshado wata. Ururka xuquuqda aadanaha ee Augenauf wuxuu arrintaas ku tilmaamay “borobogaando,” isagoo sheegay in dadka intooda badan ay yihiin kuwo muddo dheer deggenaa dalkaas oo aan lahayn wax khatar amni ah. Wuxuuna xusay in duuliye ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines uu bishii Luulyo 2025 diiday inuu qaado qof la tarxiilayay.

Wargeyska WOZ wuxuu kaloo ogaaday in Wasaaradda Caddaaladdu ay bixisay dokumiintiyo safar (laissez-passer) oo u gaar ah—kuwaasoo sida caadiga ah uu bixiyo dalka dadka qaabilaya—si ay u suurtagasho masaafurintu. Khubarada sharciga ayaa sheegay inaysan weligood arag arrintan oo kale. Tirakoobka SEM wuxuu muujinayaa in 61 muwaadin oo Soomaali ah ay hadda wajahayaan amarro masaafurin ah.

Hay’adda ICA ee Soomaaliya waxay bishii Luulyo 2025 heshiis iskaashi la saxiixatay Switzerland si loo xoojiyo maamulka xuduudaha iyo xaqiijinta aqoonsiga, laakiin Muqdisho si fagaare ah uma shaacin inay oggoshahay celinta qasabka ah.

Qoraalka sirta ee SEM wuxuu qirayaa in mawduucan uu yahay “mid aad xasaasi u ah gudaha Soomaaliya,” haddana wuxuu farayaa in la sii wado diyaar garowga diyaaradda khaaska ah marka la diiwaangeliyo diidmooyin dheeri ah. Tallaabadaasoo tusaale u noqon karta masaafurinta loo geysto dalalka aan bixinaynin iskaashi, waxayna kicin kartaa xiisad diblomaasiyadeed.

DENI oo ‘lagula xisaabtamayo qaybtiisa’ dagaalka Sudan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed ayaa si ada uga hadlay arrinta calooshood u shaqeystayaal Colombia-yaan ah ee laga soo dajiyo garoonka magaalada Boosaaso, kuwaas oo lool loo dirayo ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ee ku jira dagaalka sokeeye ee Sudan.

Sheekh Cali Wajiis ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Den, wuxuuna sheegay in caalamka uu kula xisaabtami doono qaybtiisa dagaalka Sudan, sida uu hadalka u dhigay.

“Meeshaas waxaa maamulo nin la yiraahdo Saciid Deni isaga ayaana caalamka kula xisaabtami doonaa waxa ka dhacaayo Sudan qaybtiisa ayuu ka qaadanayaa haddii uu usan joojin dhaqamadaas oo kale” ayuu wareysiga ku yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ay jirto dowlad Carbeed oo ku lug leh arrintaas, isla markaana uu soo dhaweeyay Saciid Deni.

“Dowlad Carbeed oo la tuhunsan yahay inay arrintaas lug ku leedahay oo isagu meesha kusoo dhaweeyay ayaana jirta oo shaqeysata magaceeda inaan sheego ma rabo” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Sudan waxay ku jirtaa dalalka noogu qiimaha badan caalamka oo weliba abaal wayn lagu leh, waligoodna na garab taagnaa”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay soo baxeen warbixinno iyo caddeymo cusub, oo ay ku jiraan muuqaallo,oo muujinaya in Isutagga Imaaraadka Carabta uu xarun hub ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada dekadda ah ee Boosaaso ee Puntland.

Warbixintu waxay sheegtay in Imaaraadka uu xaruntan u adeegsado goob si qarsoodi ah looga sii gudbiyo hub, saanad culus, iyo calooshood-u-shaqaystayaal loo dirayo ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ee ku jira dagaalka sokeeye ee Sudan.

Baaritaan ay samaysay warbaahinta Middle East Eye oo soo xiganaya ilo maxalli ah, xogta duulimaadyada, iyo sawirro dayax-gacmeed, ayaa faahfaahiyay hab taxane ah oo hawlgallo qarsoodi ah loo fuliyay.

Eedeymahan ayaa soo baxaya xilli ay ciidanka RSF wajahayaan eedeymo cusub oo ku saabsan gabood-fallo baahsan. Ciidankan ayaa toddobaadkan qabsaday El-Fasher, oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur, kaddib go’doomin socotay 18 bilood.

Tan iyo bishii Abriil 2023, dagaalka Sudan wuxuu abuuray dhibaatadii barakaca ee ugu weyneyd adduunka, wuxuuna horseeday in dowladda Mareykanku ay si rasmi ah u go’aamiso in ciidanka RSF ay galeen xasuuq.

Cabdinuur Maxamed Axmed oo si weyn u dhaleeceeyay DF soona bandhiy 5 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo saaray ayaa si weyn u dhaleeceeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo gaar ah uga horyimid adeegga e-Visa.

Cabdinuur ayaa soo saaray 5 qodob oo uu saldhig uga dhigay dhaliishiisa, wuxuuna sidoo caddeeyay caqabado waa wayn oo ka taagan adeeggan cusub ee lasoo kordhiyay.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐬𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥-𝐤𝐮-𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐄-𝐂𝐚𝐠𝐚𝐟?

1. Dadkii Soomaaliyeed ee qurbaha kasoo safraayay ee u socda Garoomada Hargeysa, Berbera, Garoowe iyo Boosaaso waxaa lagu khasbay laba lacag in ay bixiyaan; tan E-Visa (E-Cagaf) iyo tan Somaliland/Puntland. Waa $120 isku darkooda.

2. Khasnaddii dhexe ee Dowladda Federaalka waxaa laga garab furay khasnad Cagaf oo si khaas ah lacagaha loogu naasnuujiyo saaxiibada iyo qoyska Xisbiga “Dan Cagaf.”

3. E-Visa-ha Kenya waa $34 laakiin dhexda ayaa loo fadhiyaa oo $300 ayuu ku dhawyahay. Haddiiba, Dowladda Soomaaliya ku fashilantay inay tallaabo ka qaado shakhsiyaadka gacansaarka laleh ee Visa-ha dal kale ummadda ku dhibaya, sidee looga sugayaa in system ay iyada maamusho uu hufnaan ugu shaqeeyo shacabka? Gacmo nadiif ah ayaa wax daahiriya!

4. Inkastoo dagaalka siyaasadeed uu ku socdo Deni iyo Cirro, haddana dhibka wuxuu gaarayaa qurbajoogto soo gurya noqonaysa kaliya. Ma qiyaasi kartid waxa hooyo ilmo jiidaysa oo garoomada caalamka lagu xannibayo.

5. Inta Dowladda Federaalku ay ka gaaraysa in ay dalka oo idil wada maamusho (de facto) oo haatan ay magac ahaan kaliya uga taliso (de jure), waa in laga fogaadaa tallaabooyinka dadka kasii fogeynaya dowlad xukunkeeda iyo adeegeeda caasimad kaliya yaallo (centralized system), waana in la daadajiyaa adeegyada inta kalsoonidu kasoo noqonayso.

Markii intaas la eego sow gar maha in la dhaliilo Cagafta danabaysan ee Madaxweyne Xasan Sheekh?

F.G: Waan taageersanahay in dalka hal nidaam yeesho laakiin waa goorma? Waa markii la helo dowlad hufan oo la aamino karo, kalana saarta DAN QOYS iyo DAN QARAN. Midda hadda jirta, dhaqankeedu dowladnimo maaha ee waa cagaf inta nool barakicinaysa, inta dhimatay quruubahooda qodeysa, inta qurbaha kasoo cararaysana cirka ku isbaaraysanaysa.

Maya in dadka Soomaaliyeed culeys cusub la saaro. Diida E-Cagafta.

Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex-maray gobolka Baay

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Warar ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay in ka badan saacad, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare aad u badan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay sheegtay in dishay askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, balse ma shaacin tirada inta ay la’egtahay.

Dhankooda  ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, waxaana kadib ay sameeyeen howlgallo kooban.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saaka ciidamada Itoobiya ay ka baxeen saldhiggooda, iyaga oo kadib howlgallo ka sameeyay aagga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee dagaalkan, marka laga tego sheegashada labada dhinac ee ku aadan weerarka iyo iska horimaadka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Diinsoor ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Al-Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah AUSSOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee jooga halkaasi.

Inta badan gobollo Baay iyo Bakool ayaa waxaa ka dhaca dagaallo iyo weeraro toos ah oo ay gaystaan maleeshiyada Khawaarijta oo go’doomin ku haya degaanada Koonfur Galbeed.

Wararkii ugu dambeeyey weerar ka dhacay UK oo lagu qaaday tareen + Sawirro

London (Caasimada Online) – Booliiska Britain ayaa sheegay in 10 qof la dhigay isbitaal, sagaal ka mid ah ay xaaladdoodu halis tahay, kaddib weerar ballaaran oo mindi loo adeegsaday oo Sabtidii xalay ka dhacay tareen ku sii jeeday London. Waxaa kaloo la sheegay in booliiska la-dagaallanka argagixisada ay gacan ka geysanayaan baaritaanka.

War qoraal ah oo uu soo saaray aroornimadii Axadda, ayuu Booliiska Gaadiidka Britain (British Transport Police), oo hoggaanka u hayay hawlgalka maaddaama ay mas’uul ka yihiin arrimaha amniga tareennada, wuxuu ku sheegay in laba qof loo soo qabtay arrintan la xiriirta weerarka mindida.

“Toban qof ayaa la geeyay isbitaal, iyadoo la aamminsan yahay in sagaal ka mid ah ay xaaladdoodu halis tahay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Arrintan waxaa loo aqoonsaday dhacdo weyn, waxaana Booliiska La-dagaallanka Argagixisada (Counter Terrorism Policing) ay naga taageerayaan baaritaanka, inta aan ka shaqeyneyno xaqiijinta sida ay wax u dhaceen oo dhameystiran iyo waxa sababay falkan.”

Ciidanka booliiska ayaa sidoo kale sheegay in la adeegsaday ereyga sirta qaran ee “Plato,” oo ah mid ay booliiska iyo adeegyada gurmadka degdegga ahi isticmaalaan marka ay ka jawaabayaan wax u ekaan kara “weerar argagixiso oo baahsan.” Go’aankaas markii dambe waa laga noqday, balse weli lama shaacin waxa rasmiga ah ee ka dambeeyay weerarka.

“Waxaan wadnaa baaritaanno degdeg ah si aan u xaqiijinno waxa dhacay, waxaana laga yaabaa inay waqti qaadato ka hor inta aanaan awoodin inaan xaqiijinno wax faahfaahin dheeri ah,” ayuu yiri Taliyaha Sare Chris Casey. “Marxaladdan hore, ma habboona in la qiyaaso sababaha dhacdadan.”

Weerarku wuxuu dhacay xilli uu tareenka ka soo kicitimay Doncaster kuna sii jeeday London King’s Cross uu marayay dhanka koonfureed, isagoo ku wajahan Huntingdon. Huntingdon waa magaalo ku taalla dhowr mayl dhinaca waqooyi-galbeed ee magaalada caanka ku ah jaamacadda ee Cambridge.

Adeegyada gurmadka degdegga ah, oo ay ku jiraan booliis hubeysan iyo diyaaradaha ambalaasta ee hawada, ayaa si degdeg ah uga hawlgalay markii uu tareenku soo galayay Huntingdon. Waxaa muuqata in weerarka si dhaqso ah loo xakameeyay kaddib markii uu tareenku yimid boosteejada. Waxaa goobta lagu arkayay saraakiil booliis ah oo ku labisan dhar gaar ah oo dambi-baarista loo adeegsado, ayna wehliyaan eeyo booliis ah.

Booliiska deegaanka ee Cambridgeshire ayaa sheegay in booliis hubeysan ay goobta tageen kaddib markii loogu yeeray boosteejada Huntingdon 7:39 fiidnimo ee Sabtidii. Waxay intaa ku dareen in labada qof lagu qabtay isla boosteejada, oo qiyaastii 75 mayl (120 kiiloomitir) dhinaca waqooyi kaga beegan London.

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa sheegay in “dareenkiisu uu la jiro dhammaan dadkii ay saameysay” dhacdadan “argagaxa leh.”

Paul Bristow, oo ah duqa deegaannada Cambridgeshire iyo Peterborough, ayaa sheegay inuu maqlay warar ku saabsan “muuqaallo aad u naxdin badan” oo tareenka dhexdiisa ka dhacay.

Shirkadda Tareennada ee London North Eastern Railway (LNER), oo maamusha adeegyada tareennada ee loo yaqaan ‘East Coast Mainline’ ee dalka UK, ayaa xaqiijisay in dhacdadu ay ka dhacday mid ka mid ah tareennadeeda. Waxay sidoo kale shirkaddu ku boorrisay rakaabka inaysan safrin sababo la xiriira “khalkhal weyn” oo ku yimid adeeggii.

Donald Trump oo oofiyey ballantii uu la galay Morocco

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar lagu taageerayo sheegashada Morocco ee dhulka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed, taasoo ah tallaabo la jaanqaadaysa taageerada maamulka Trump ee dalkaasi Waqooyiga Afrika ku yaalla.

In kasta oo codbixintu ay ahayd mid lagu kala qaybsanaa, haddana qaraarku wuxuu bixinayaa taageeradii ugu xoogganayd ee abid la siiyo qorshaha Morocco ee ah inay sii haysato madax-bannaanida dhulkaas, kaasi oo sidoo kale haysta taageerada inta badan xubnaha Midowga Yurub iyo xulafada Afrikaanka ah ee soo badanaya.

Taageerada Trump ee Morocco

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu bishii Luuliyo dib u xaqiijiyay taageerada uu u hayo gobannimada Morocco ee Saxaraha Galbeed, isagoo sheegay in qorshaha is-maamulka Morocco ee dhulkaas uu yahay xalka kaliya. Ergayga Trump ee Steve Witkoff wuxuu horay u sheegay in Mareykanku uu ka shaqeynayo heshiis nabadeed oo dhex mara Algeria iyo Morocco.

Maamulkii hore ee Trump ayaa Morocco la galay heshiis 2020-kii, kaasi oo Morocco qeyb uga noqotay Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords) Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords) waxay fududeeyeen hishiis uu Mareykanku ku aqoonsaday gobannimada Morocco ee Saxaraha Galbeed, taasoo beddelkeeda Morocco ay xiriir caadi ah la yeelatay Israel.

Mowqifkaas Mareykanka waxaa kaddib ku dayatay Israel, oo iyaduna aqoonsatay gobannimada Morocco ee Saxaraha Galbeed bishii Luuliyo 2023, arrintaas oo sii adkeysay xiriirka labada dal ee ka dhex jira qaab-dhismeedka ballaaran ee Heshiisyadaas.

“Mareykanku wuxuu soo dhoweynayaa codbixinta taariikhiga ah ee maanta, taasoo ka faa’iidaysanaysa fursaddan gaarka ah isla markaana dhisaysa dardarta loo hayo nabad muddo aad u dheer la sugayay oo ka dhalata Saxaraha Galbeed,” ayuu yiri Mike Waltz, safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, oo hadlayay codbixinta ka dib.

Qaraarku wuxuu qorshaha Morocco ku tilmaamayaa mid saldhig u ah wada-xaajood. Sida qaraarradii la midka ahaa ee sanadihii hore, qoraalku ma xusayo afti loo qaado aayo-ka-tashi oo ay ku jirto doorashada madaxbannaanida, taasoo ah xalka ay muddo dheer ayidsanaayeen jabhadda madaxbannaani doonka ee Polisario Front (Polisario Front) iyo xulafadeeda, oo ay ku jiraan Algeria, Russia iyo China.

Falcelinta dowladda Morocco 

Khudbad naadir ah oo telefishanka Morocco laga sii daayay codbixinta ka dib, ayuu Boqor Mohammed VI ku ammaanay natiijada, wuxuuna ballanqaaday inuu faahfaahin dheeri ah ku kordhin doono soo-jeedinta Morocco. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay wadahadal Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune.

“Waxaan billaabaynaa bog cusub oo ku saabsan hannaanka lagu xoojinayo Morookonimada Saxaraha, iyo in si kama dambays ah loo soo afjaro colaaddan la abuurey,” ayuu yiri boqorka.

Mareykanka, oo qaraarka soo diyaariyey, ayaa hoggaaminayay 11 dal oo oggolaaday, halka saddex dal — Russia, China iyo Pakistan — ay ka aamuseen. Algeria, oo ah dalka ugu weyn ee taageera Polisario, ma aysan codeyn.

Sidi Mohamed Omar, safiirka Polisario ee Qaramada Midoobay, ayaa uga mahadceliyay xulafadii ka aamustay iyo Algeria oo ka horyimid codbixinta, isagoo sheegay in tani “ay si cad u muujinayso in qaraarka maanta uusan micnihiisu ahayn wax aqoonsi ah oo loo fidinayo madaxbannaanida Morocco ee Saxaraha Galbeed.”

“Si kale haddii loo dhigo, oo si cad loo yiraahdo, macnaheedu maaha aqoonsiga gumeysiga sharci-darrada ah ee militariga Morocco ee Saxaraha Galbeed,” ayuu raaciyay.

Saxaraha Galbeed waa dhul saxare ah oo xeebta ku yaal, qani ku ah macdanta fosfeetka le’egna gobolka Colorado ee Mareykanka, wuxuuna gumeysi Spain ku hoos jiray ilaa 1975. Waxaa sheeganaya Morocco iyo Jabhadda Polisario, oo ka hawlgasha xerooyin qaxooti oo ku yaal koonfur-galbeed Algeria, sheegatana inay matasho dadka Sahrawi ee u dhashay dhulka lagu muransan yahay.

Amar Bendjama, safiirka Algeria u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in inkastoo qaraarku uu ka wanaagsan yahay kuwii ka horreeyay, haddana “uu weli leeyahay dhowr dhalliilood.”

Qaraarku wuxuu sheegayaa in “is-maamul dhab ah oo hoos yimaada madaxbannaanida Morocco uu noqon karo xalka ugu macquulsan.”

Tallaabadan ayaa sidoo kale dib loogu cusbooneysiiyay hawlgalka nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee Saxaraha Galbeed muddo sannad kale ah, sida la soo samaynayay in ka badan soddon sano. Si kastaba ha ahaatee, kordhintii hore kuma aysan jirin tixraac ku saabsan natiijada ay doorbidayaan Morocco iyo xulafadeeda.

Codbixintan ayaa timid toddobaadyo ka dib markii ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff, uu gilgilay gobolka kaddib markii uu barnaamijka “60 Minutes” ee CBS ka sheegay in nabad u dhaxaysa Morocco iyo Algeria lagu gaari karo 60 maalmood gudahood. Dalalkan deriska ah kuma jiraan dagaal, laakiin ma lahan xiriir diblomaasiyadeed muddo afar sano ah.

Massad Boulos, oo ah lataliyaha sare ee Trump u qaabilsan arrimaha Afrika, ayaa ku celiyay taageerada Mareykanka ee qorshaha Morocco, wareysi uu toddobaadkan siiyay Sky News Arabia.

Qaraarka Qaramada Midoobay wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay “ka faa’iidaystaan fursaddan aan hore u soo marin ee nabad waarta.” Iyadoo la eegayo horumarka la sameeyo, wuxuu ka codsanayaa Xoghayaha Guud, Antonio Guterres, inuu dib u eegis ku sameeyo waajibaadka hawlgalka nabad-ilaalinta muddo lix bilood gudahood ah.

Isbeddelkan ayaa khalkhal gelin kara hanaan muddo dheer fashilnaa oo xal loo waayay tobanaan sano, inkastoo uu jiray hawlgal nabad-ilaalin oo Qaramada Midoobay ah oo loogu talagalay inuu ku-meel-gaar ahaado. Dibadbaxyo ayaa toddobaadkan ka dhacay xeryaha qaxootiga Sahrawi ee Algeria, halkaasoo dadku ay ku dhaarteen in aysan ka tanaasuli doonin halgankooda aayo-ka-tashiga.

Is-mari-waa raagay

Morocco waxay maamushaa ku dhowaad dhammaan Saxaraha Galbeed, marka laga reebo qayb ciriiri ah oo loo yaqaan “aagga xorta ah” oo ku taal bariga gidaar ciid ah oo ay Morocco dhistay.

Xabbad-joojin la gaaray 1991 ayaa loogu talagalay inay gogol-xaar u noqoto afti loo qaado aayo-ka-tashi, balse muran ka dhashay cidda u qalanta inay codeyso ayaa ka hor istaagay inay dhacdo.

Sannadihii la soo dhaafay, Morocco waxay beddeshay dhulka lagu muransan yahay, iyadoo ka dhistay deked biyo mool ah iyo waddo weyn oo dhererkeedu dhan yahay 656 mayl (1,055 kiiloomitir). Kaalmada dowladda ayaa hoos u dhigta qiimaha cuntada iyo tamarta, dadkuna aad ayay ugu kordheen iyadoo dad Moroccan ah ay degayaan magaalooyin ay ka mid yihiin Dakhla iyo Laayoune.

Polisario waxay ka baxday xabbad-joojinta sannadkii 2020 kaddib iska-hor-imaadyo ka dhacay meel u dhow waddo ay Morocco laami ka dhigaysay oo aadday Mauritania.

Jabhadda ayaa tan iyo xilligaas si joogto ah u soo warisay dhaqdhaqaaqyo militari, halka Morocco ay inta badan dafirtay inay jirto colaad furan. Qaramada Midoobay waxay ku tilmaantaa “is-hor-imaad heerkiisu hooseeyo.”

Colaaddan ayaa ah tan horseedda diblomaasiyadda Waqooyiga Afrika. Morocco waxay taageerada loo hayo qorshaheeda is-maamulka u aragtaa halbeeg ay ku qiimeyso xulafadeeda.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, ergayga Qaramada Midoobay Staffan de Mistura ayaa soo jeediyay in la qaybiyo Saxaraha Galbeed, taasoo ah soo-jeedin aysan labada dhinac midna aqbalin. Wuxuu ku boorriyay Morocco inay caddeyso waxa uu is-maamulku xambaarsan yahay, wuxuuna ka digay in horumar la’aantu ay su’aalo ka keeni karto doorka Qaramada Midoobay iyo “inay weli jirto fursad iyo rabitaan aan ku sii anfacno.”

Caddaadiska dib-u-qiimaynta Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Aftida Saxaraha Galbeed ayaa ku soo beegmaya xilli uu Mareykanku si weyn u dhimayo maalgelinta barnaamijyada iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto nabad-ilaalinta.

Saraakiisha Mareykanka ayaa qaadanaya hab ay wax ku kala xulanayaan maalgelinta, iyagoo dooranaya hawlgallada iyo hay’adaha ay aaminsan yihiin inay la jaanqaadayaan ajandaha Trump iyo kuwa aan hadda u adeegayn danaha Mareykanka.

Waxay ku doodayaan in miisaaniyadda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ay buuran yihiin. Waxay ballanqaadeen inay joojinayaan deeqaha cusub inta laga samaynayo dib-u-eegis lagu sameeyo dhammaan hay’adaha iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay.

Sawirro: Muungaab oo guddoomiyay shir looga hadlay saddex qodob oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee gobolka, kaas oo diiradda lagu saaray amniga, doorashooyinka iyo u diyaar garowga xilli roobaadka.

Ugu horreyn Duqa Muqdisho ayaa faray maamullada degmooyinka gobolka Banaadir in ay dardargeliyaan ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, ka-qaybqaadashada dadaallada lagu xoojinayo amniga, iyo u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka ee dhowaan ka dhici doonta Muqdisho.

Muungaab ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah xal loogu helo caqabadaha ka jira dhanka bullaacadaha, biyo-mareennada, iyo boosaneerrada si sharci-darro ah looga dhustay waddooyinka.

Waxaa kale oo uu sheegay in arrintaasi ay sii kordhiso khatarta fatahaadaha xilliyada roobabka marka ay xirmaan biyo-mareennada magaalada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay abaabulka iyo isku-duwidda bulshada si looga qaybqaato u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka, isaga oo ku boorriyay shacabka iyo hay’adaha amniga in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ka-hortagga kooxaha amni-darrada sameeya.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Yabooh, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda mashaariic hormarineed oo waa wayn, gaar ahaan qorsheyaal lagu dhisayo laamiyada iyo bulaacadaha ku yaalla caasimada.

Si kastaba, Guddoomiye Muungaab ayaa tan iyo markii la magacaabay waday dadaallo horumarineed oo ku aadan caasimada, isaga oo sidoo kale isbeddal wayn ku sameeyay hoggaanka gobolka Banaadir

Puntland oo qabatay Daacish Sucuudiyaan ah + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ay gacanta ku dhigeen dagaalyahan ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kaasoo u dhashay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada ammaanka, ninkan ayaa la qabtay intii lagu guda jiray howlgal culus oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa Carabi iyo Maragadane ee Togga Baallade oo ka tirsan buuraha Calmiskaad.

“Ciidanku waxay qabteen nin Ajanebi ah oo ka tirsana Firxadka Argagixisada Daacish, waxaa laga qabtay inta u dhexeysa Carabi iyo Maragadane ee Togga Baallade – Calmiskaad, wuxuu sheegtay inuu u dhashay Saudi Arabia” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa baahiyay sawirrada ninka ajnabiga ah ee la qabtay, isaga oo ay hareeraha ka joogaan ciidanka ammaanka.

Eedeysanuhu ma uusan la socon wax koox ah xilligii la qabtay, waxaana ciidanka ay ku wareejiyeen hay’adaha ku shaqada leh.

Horay sidaan oo kale ayay Puntland gacanta ugu dhigtay rag ajaaniib ah oo ka tirsanaa Daacish, waxaana ugu dambeeyay nin Turkish ah oo bishii June ee sanadkan la qabtay.

Ninkaas oo aan magaciisa la shaacin ayaa sidoo lagu qabtay qori AK-47 ah oo uu watay, xilli uu biyo ka dhaansanayay ceel ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Howlgalladan oo ay qayb ka yihiin dalal shisheeye ayaa waxaa sidoo kale lagu khaarijiyay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

Janan oo saddex qodob kala hadlay ra’iisul wasaare Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha NISA ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah, waxaana maanta ay is arkeen Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Janan ayaa Ra’iisul wasaaraha kala hadlay saddex qodob oo kala ah amniga qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray.

“Waxaan maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, kaas oo aan kaga wada hadalnay arrimo la xiriira amniga qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay Ra’iisul wasaaraha oo uu ku amaanay, sida uu diiradda u saaray arrimaha amniga, gaar ahaan teegeerada uu siiyo hay’adaha amniga.

Cabdirashiid Janan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ka go’an tahay in uu sii xoojiyo howlgalka loo xilsaaray ee gobolka Gedo, si adeegga dowladda lo gaarsiiyo shacabka.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha talooyinka iyo taageerada joogtada ah ee uu siiyo hay’adaha amniga, waxaana ka go’an in aan sii xoojiyo howlgalka iyo adeegga aan u hayno shacabka Soomaaliyeed iyo qarankeenna” ayuu raaciyay Taliyaha NISA ee Gedo.

Ninkan ayaa muddooyinka howlgal culus iyo howlo siyaasadeed ka waday gobolka, isaga oo dagaal uu la galay ciidanka Jubbaland uga adkaaday, kadib markii ay u firxadeen dalka Kenya.

Si kastaba, Xaaladda Gedo ayaa hadda deggan, inkastoo weli ay taagan tahay xiisadda labada dhinac oo saameyn ku yeelatay horumarka iyo nolosha shacabka gobolkaasi.

Hogaamiye Shabaab ah iyo xubno la socday oo lagu dilay…

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howgal culus oo maanta ciidamada deegaanka ay ka fuliyeen duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay Ciid Ciidka Jimbilow ayaa lagu beegsaday horjooge sare iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa halkaas, iyada oo la gaarsiiyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya waxaa howlgalka lagu khaarijiyay hoggaamiye sare oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan iyo saddex xubnoo oo kale oo la socday, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay aagga howlgalka laga sameeyay.

Muxudiin Xasan ayaa ahaa horjooge caan ka ahaa Ciid Ciidka, waxaana uu ahaa ninka Al-Shabaab u qaabilsanaa Mahadaay iyo duleedkeeda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Ciidanka Xaq-u-Dirirka Deegaanka ee ka howlgalaya degmada Mahadaay ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Ciid Ciidka Jimbilow, oo ku yaalla duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa lagu beegsaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana lagu dilay horjoogihii Khawaarijta ee deegaankaas oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan, iyo saddex dhagarqabe oo kale” ayaa lagu yiri qoraalka ay daabacday warbaahinta dowladda.

Sidoo kale, inta uu socday howlgalka ciidamada ayaa soo furtay hub iyo saanad ciidan oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab, maadaama ciidamadu ay u daateen gudaha kooxda.

“Ciidanka geesiyaasha ah ayaa sidoo kale soo furtay laba qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale, taasoo muujineysa guul kale oo muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraaka.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in weli halkaasi ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Ciid Ciidanka iyo deegaannada kale ee dhaca jinka wabiga ayaa muddooyinka waxaa kusoo xoogeysanayay Al-Shabaab oo marin ka dhigatay halkaasi, si ay dagaalyahannadeeda ugu kala gubaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay kooxda ka waddo dagaallo culus.

Xasan Sheekh oo ka dagay Qaahira + Qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, halkaas oo si diiran loogu Soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qayb-galayo furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar., sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka lagu casuumay munaasabaddan, waxa uuna xoogga saarayaa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dhiggooda dalka Masar.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh aya inta uu joogo Masar lagu wada inuu kulan gaar ah la yeesho Cabdulfataax Al-Sisi, iyaga oo ka wada-hadli doono iskaashiga labada dal oo sii xoogeysanaya, maadaama Masar ay qayb ka noqotay howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Ciidamada Masaarida ayaaa qorshuhu yahay in dhawaan ay soo gaaraan dalka, waxaana kol hore lasii diyaariyay goobaha ay dagi lahaayeen oo kormeer qiimeyn ah lagu sameeyay.

Dhaq-dhaqaaqa diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Masar ayaa muddooyinkan sii xoogeysanayay, kadib markii Muqdisho ay garab istaag buuxa ka heshay Qaahira, xilli ay is wajahayeen xukuumadda Addis Ababa oo soo damaacisay biyaha Soomaaliya.

Masaaridu si guud cilaaqaadka kala dhaxeeya dowladda federaalka waa jiray, hayeeshee labada dhinac ayaa haatan qaaday tallaabooyin sare loogu qaadayo iskaashigooda.