25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Xamaas ma waxa ay Gaza ku wareejineysaa Turkiga?

0

Gaza (Caasimada Online) – Warbaahinta Al-Ain ee fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta ayaa toddobaadkan sheegtay in Turkey ay muujinayso calaamado ah in Xamaas ay ku wareejin karto maamulka Gaza.

Ankara waxay doonaysaa inay door weyn ka ciyaarto Gaza. Ayadoo qayb ka ah dadaalkan, waxay kulamo ku qabanaysaa Istanbul si looga doodo maamulka mustaqbalka iyo dib-u-dhiska Gaza.

Waxay sidoo kale ka hadashay ciidamada caalamiga ah ee xasilinta ee la filayo in loo sameeyo Gaza. Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey, Hakan Fidan, ayaa Isniintii sheegay in waddamadu ay “weli ka shaqeynayaan sharciyad uga timaada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku aaddan ciidan caalami ah oo xasilin ah oo la geeyo Gaza, ayna go’aan ka gaari doonaan geyn kasta oo ciidan ah marka qaab-dhismeedka la dhammeeyo,” sida ay xustay wakaaladda wararka ee Reuters.

Fidan wuxuu hadalkan jeediyay xilli ay wasiirro ka socda dalal Muslim ah ay u yimaadeen kulan ka dhacayay Istanbul. Sida ay wararku sheegayaan, waxaa la filayay in Saudi Arabia, Qatar, Imaaraadka Carabta, Jordan, Pakistan, iyo Indonesia ay wakiillo u soo diraan Turkey.

“Waddamadu… waxay go’aan ka gaari doonaan geyn kasta oo ciidan ah marka qaab-dhismeedka la dhammeeyo,” ayay warisay warbaahinta Al-Ain.

“Xamaas diyaar ayay u tahay inay awoodda wareejiso,” ayay sidoo kale sheegtay. “Fidan wuxuu ku sharraxay shir jaraa’id oo uu qabtay gabagabadii kulanka in Xamaas ay diyaar u tahay inay maamulka Gaza ku wareejiso guddi ay soo dhisaan Falastiiniyiinta.”

“Waxay u muuqataa in Xamaas ay si dhab ah uga go’an tahay inay u hoggaansanto heshiiska,” ayuu Madaxweynaha Turkey, Recep Tayyip Erdogan, u sheegay ergo ka socotay Ururka Dowladaha Islaamka xilli ay u yimaadeen Istanbul kulan gooni ah.

In kasta oo ay tani muhiim tahay, waxay haddana muujinaysaa gaabiska ku yimid horumarka Gaza.

Heshiiska xabbad-joojinta waxaa lagu heshiiyay Oktoobar 8, ka dibna xabbad-joojintu waxay dhaqan gashay Oktoobar 13. Tan iyo xilligaas, Xamaas waxay wareejisay la haystayaashii noolaa iyo sidoo kale meydadka labaatan la hayste oo dhintay.

Doorka Turkey ee Gaza waxaa Israel looga arkaa mid muran dhaliyay. Tani waa sababtoo ah Ankara waxay si weyn u dhaleecaysay Israel, iyadoo gaartay heer ay kicin ka dhan ah Jerusalem ka samayso.

Turkey waa xubin ka tirsan NATO, sidaas darteedna waa saaxiibka Mareykanka. Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (US Central Command) wuxuu xarun isku-dubbarid ah ka sameeyay Israel si diiradda loogu saaro Gaza. Marka, doorka Ankara ay ku yeelan karto xasilinta weli ma cadda.

Turkey oo la kulantay wakiillo ka socda dalalka Muslimiinta iyo Carabta

Turkey waxay horey u martigelisay Xamaas, waxayna u muuqatay inay taageerto. Sidaa darteed, waa wax la iska filan karo in Ankara ay saameyn ku leedahay Xamaas, lagana soo dhoweyn doono Gaza. Si kastaba ha ahaatee, taasi waxay ka dhignaan kartaa inay Xamaas ka caawin doonto inay daaha gadaashiisa kaga sii ahaato awoodda.

Warbixinta Al-Ain waxay sheegtay in wasiirrada arrimo dibedda iyo wakiillo ka socda dhowr waddan oo Carbeed iyo Muslimiin ah ay ka qaybgaleen kulanka Ankara.

Turkey waxay sheegtay “in arrinta dib-u-dhiska Gaza ay tahay in lagu dadaalo si uu marinku u soo kabto, iyadoo ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in Israel ay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso Marinka Gaza.”

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ankara ayaa sidoo kale “ku baaqay muhiimadda ay leedahay in la helo midnimo Falastiini, isagoo sheegay in aan la oggolaan karin tallaabo kasta oo carqaladayn karta geeddi-socodka nabadda. Wuxuu xusay in kulanka looga hadlay Ciidanka Caalamiga ah ee Xasilinta, isagoo ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay qeexaan howlgalka ciidankaas,” ayay warisay Al-Ain.

Turkey waxay raadinaysaa door ballaaran oo ay ku yeelato Gaza, waxayna doonaysaa inay aragto horumar laga gaaro arrimo kala duwan oo halkaas ka jira. Waxay sidoo kale aaminsan tahay in Xamaas ay u hoggaansantay xabbad-joojinta.

Waxaa muhiim ah in la xasuusto in Turkey iyo Qatar ay yihiin xulafo isku dhow, labadooduba ay horey u martigeliyeen Xamaas ugana soo shaqeeyeen.  

Cirro oo si lama filaan ah uga hadlay taageerada Turkiga ee DF iyo dalab cusub

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Qunsulka Guud (Consul General) ee Dowladda Turkiga u qaabilsan Somaliland, Ozan Pekin iyo ku-xigeenkiisa, Anil Koray Kocaman.

Kulanka ayaa lagaga wada-hadlay arrimo muhiim ah oo labada dhinac u dhexeeya, gaar ahaan xoojinta iyo kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsiga iyo maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka fuliyo Somaliland.

Intii kulanka socday, Cirro ayaa xusay in Somaliland aanay haba yaraatee ka xumayn waxa uu Turkigu siiyo Dowladda Soomaaliya, laakiin Somaliland ay mudan tahay in si cadaalad ah Turkigu ula macaamilo, maadaama uu sheegay inay tahay dal madax-bannaan, nabad ah, dimuqraadi ah, isla markaana si dhab ah diyaar ugu ah iskaashiga beesha caalamka.

Dhankiisa, Qusulka Guud ee Turkiga u qaabilsan Somaliland, Ozan Pekin ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad-naqay qaabilaadda, isla markaana u gudbiyey salaan diirran oo uu uga sido Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Hakan Fidan.

Qusulkan oo shaqada bilaabay bishii September 2025-ka ayaa Cirro ku ammaanay nabadaynta Gobollada Bariga, Gogoshii Nabadda ee Ceerigaabo oo guul ku dhammaatay iyo qabsoomidda Shirweynihii Maalgashiga Somaliland.

Arrimahan ayauu ku tilmaamay guulo muhiim ah oo muujinaya bisaylka siyaasadeed iyo ka hoggaamineed ee Somaliland.

Qunsulka ayaa ballan-qaaday in uu si firfircoon uga shaqayn doono xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac iyo kordhinta waxtarka iyo kaalmada horumarineed ee ay Dowladda Turkigu u qoondaynayso Somaliland, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

“Qusulku ayaa xusay in ay hadda ka hore ahayd mid aad u hoosaysa kaalmada Turkigu, marka loo eego kaalinta muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Gobolka Geeska Afrika.”

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qunsulka Guud ee Turkiga u qaabilsan Somaliland ayaa ku soo dhammaaday is-faham, iyo yididiilo cusub oo ku aaddan xoojinta wada-shaqaynta labada dal, sida ay sheegtay Madaxtooyaddu.










Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay caleemo-saarka…

0

Dodoma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa halkaasi uga qeyb-galay caleemo-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee dalka Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan.

Xasan Sheekh oo qayb ka ahaa madax kala duwan oo heer gobol ah, kuwaasi oo lagu casuumay ka qeyb-galka munaasabadda ayaa muujiyay ahmiyadda xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada dal.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu u rajeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Tanzania in ay xoogga saarto ka miro-dhalinta ajendeyaasha heer qaran, heer gobol iyo heer qaaradeed ee hor yaala.

Samia Suluhu Hassan ayaa guul weyn ka gaartay doorashadii ka dhacday Tanzania, iyadoo heshay ku dhawaad 98% codadka, sida ay subaxnimadii Sabtidii ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinku.

“Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa in Samia Suluhu Xasan loo doortay Madaxweynaha Tanzania iyada oo ka socota xisbiga CCM,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Jacobs Mwambegele, isagoo ka hadlaya telefishinka qaranka.

Guddoomiyaha INEC, Jacobs Mwambegele, ayaa sheegay in Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay oo ay heshay 31,913,866 codod oo ka mid ah 32,678,844 codod oo la dhiibtay.

Natiijooyinkan ay ku dhawaaqday INEC waxay haatan siiyeen Suluhu awood buuxda oo ay ku maamusho dalkaasi muddada shanta sano ee soo socota. Suluhu waxay talada qabatay sanadkii 2021 ka dib geeridii Madaxweyne John Pombe Magufuli.

Doorashadan ayaa waxaa ka dhashay mudaharaadyo rabshado wato, kuwaas oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo kasoo horjeeday doorashada toddobaadkii hore ka dhacday dalka Tanzania.

Kooxo mucaarad ah ayaa sheegay in boqolaal qof la dilay, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in toban qof la dilay, balse Thabit Kombo wuu beeniyay sheegashadaas.

Intii ay socdeen dibadbaxyada ka dhanka ah madaxweynaha la sheegay inuu mar kale ku guuleystay tallada Tanzania ayaa waxay dowladdu jartay internet-ka, kaasi oo ay ku dooday in laga lahaa ujeedooyin lagu sugayo amniga kadib doorashadii ka qabsoomtay dalkaasi.

Doorashooyinka dunida ka yaabiyay ee ka dhacay Afrika

0

Nairobi (Caasimada Online) – Afrika waxaa sannadkan ka dhacay doorashooyin dunida ka yaabiyey, mar kalena bannaanka u soo saaray sida ay dimuqraadiyaddu qaaradda uga leexatay waddadii saxda ahayd ee doorashooyinka looga baahnaa.

Doorashooyinkan ayaa noqday kuwo dadka iyo caalamkaba ku reebay su’aalo badan oo ku saabsan mustaqbalka hannaanka siyaasadeed ee Afrika.

Waxaa muuqata in hoggaamiyeyaashii muddo dheer talada hayay ay mar kale ku laabanayaan kuraasta, iyaga oo adeegsanaya awood iyo xeerar ay iyagu dhigeen.

Madaxweyneyaal tan iyo qarnigii hore soo talinayey ayaa weli ku sii jira hogaanka, halka qaar kalena ay qorsheynayaan inay mar kale ku celiyaan doorashooyin ay isku caano shubayaan.

Arrintaasi waxay sii xoojisay cabashada mucaaridka oo sheegay in qaaradda ay ku socoto “dib-u-dhac dimuqraadiyadeed.”

Paul Biya – Cameroon

Mid ka mid ah madaxda ugu da’da weyn ee weli xilka haya waa Paul Biya, madaxweynaha Cameroon.

Paul Biya ayaa dalkaasi soo xukumayey tan iyo sannadkii 1982-kii, isaga oo hadda 92 jir ah. Inta lagu guda jiray muddadaas dheer, wuxuu galay siddeed doorasho oo midna lagama adkaanin.

Doorashadii ugu dambeysay ee bishan uu qabtay, Biya waxa uu ku soo baxay 53% codadkii la tiriyey. Isagu hore ayuu meesha uga saaray xeerkii qeexayey in madaxweynuhu aanu tartami karin laba jeer wax ka badan.

Mucaaridka Cameroon ayaa ka gadooday natiijada, waxaana gobollo badan ka dhacay rabshado ay ku dhinteen dad badan oo taageerayaal mucaarid ah.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay adeegsadeen awood xad dhaaf ah si loo kala diro mudaharaadyada.

Alassane Ouattara – Ivory Coast

Dalka Ivory Coast ayaa isna la kulmay xaalad la mid ah. Doorasho madaxtooyo oo halkaas ka dhacday ayaa mar kale kursiga ku soo celisay Madaxweyne Alassane Ouattara.

Ouattara, oo 83 jir ah ayaa talada dalka hayey tan iyo 2011-kii. Doorashadan oo lagu tilmaamay mid aan tartan dhab ah lahayn, ayuu ku guuleystay 89.8% codadkii la sheegay in la tiriyey.

Mucaarid badan ayaa la xidhay ka hor doorashada, halka kuwo kalena dalkii ka baxsadeen iyagoo sheegaya in noloshoodu halis gashay.

Dalalka reer galbeedka ayaa walaac ka muujiyey qaabka doorashadaasi u dhacday iyo saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka.

Saamiya Suluhu ‐ Tanzania

Tanzania, hoggaamiyaha Saamiya Suluhu Xasan ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee lagu eedeeyo “doorasho boob” oo Afrika ka dhacda.

Doorashadii toddobaadkii hore dhacday, Saamiya waxay heshay cod dhan 97%, taas oo dhalisay caro iyo bannaanbaxyo ballaaran.

Ka hor doorashada, xisbiyada mucaaridka ayaa si rasmi ah tartanka looga mamnuucay, qaarna xabsiga ayaa loo taxaabay.

Dadka taageersan mucaaridka ayaa sheegay in aanay jirin xorriyad doorasho oo dhab ah, halka dawladda ay ku doodayso in natiijadu ay ahayd mid kasoo baxday “doorasho hufan.”

Marka laga yimaaddo madaxda sannadkan ku soo laabtay kuraasta, waxa jira kuwo kale oo doonaya in ay qabtaan doorashooyin ay iyagu isku caana shubaan.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha muddo dheer talada haya ee doonaya in uu markale isu soo taago doorashada.

Geelle ayaa dalka Jabuuti xukumayey tan iyo sannadkii 1999-kii. Dhowaan ayuu wax ka beddelay xeerkii dhigayay in qof 75 sano ka weyn aanu u tartami karin madaxtinimada.

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021-kii, Geelle waxa uu helay 98% codadka, taas oo dadka qaar u arkeen natiijo aan macquul ahayn.

Jabuuti ma jiro xisbi mucaarid ah oo si dhab ah u tartama, waxaana dalka xukuma xisbiga keliya ee RPP oo muddo dheer awoodda gacanta ku haya.

Uganda, Madaxweynaha Yoweri Museveni ayaa isna shaaciyey inuu mar kale u tartamayo doorashada soo socota ee 2026.

Museveni, oo 81 jir ah ayaa talada Uganda hayey tan iyo 1986-kii, muddo ku dhow 40 sano.

Mucaaridka dalkaasi, oo uu hogaaminayo fanaanka siyaasiga ah Bobi Wine, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday xabsiyo iyo cadaadis siyaasadeed.

Doorashooyinkan kala duwan waxay muujinayaan in qaaradda Afrika ay weli ku jirto marxalad adag oo u baahan dib-u-habayn siyaasadeed iyo xasillooni dimuqraadiyadeed.

Sawirro: Hargeysa oo laga hirgeliyay kaamirooyinka CCTV kadib markii ay ka dhaceen…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxaa laga hirgeliyay kamaradaha amniga, kuwaas oo dhowaan xireen ciidanka booliska Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta booqday xarunta laga hago kamaradaha amniga caasimadda. Kamaradahan ayaa waxaa lagu xidhay faras magaaalaha Hargeysa, waxaana la filayaa inay wax weyn ka tari doonaan dhinaca ammaanka sida tuugada, shilalka, dilalka iyo guud ahaanba kor u qaadista ammaanka caasimadda Somaliland.

Intii uu ku jiray kormeerka Madaxweyne Cirro, Taliyaha Booliska Somaliland ayaa si toos ah u tusay hawlaha shaqo ee ay qabanayaan kamaradaha lagu rakibay waddooyinka caasimadda Somaliland xilli la xusayey sannad guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka booliska Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ka qayb-galay xuska sannad-guurada 32-aad ee aas-aaska ciidanka booliska Somaliland, taas oo lagu qabtay hoolka weyn ee ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo halkaasi ka jeediyey khudbad isugu jirtay mahad-naq, dhiirrigelin iyo guubaabo, isaga oo ciidanka booliska si weyn ugu ammaanay shaqada culus ee bulshada u hayaan iyo doorka taariikhiga ah ee boolisku ku leeyahay ilaalinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo kala dambaynta bulshada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Taliyaha Ciidanka Booliska ku bogaadiyey horumarka la taaban karo ee ciidanka boolisku ay ku tallaabsadeen muddada kooban ee ay xukuumaddu jirtay.

Sidoo kale waxa uu xusay in Ciidanka booliska uu yahay saldhigga nabadda ay Somaliland ku fadhino, ku seexato, kuna soo toosno, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ciidanka boolisku uu yahay laf-dhabarta dowladnimada iyo astaan muujisa adkaysiga iyo midnimada Qaranka.

“Xukuumadda waxaa ka go’an tayeynta iyo casriyeynta ciidanka booliska JSL si ay ula jaan-qaadaan baahiyaha amni iyo kuwo bulsho ee sida joogtada ah isu bedelaya, si ay awood buuxda ugu yeeshaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ilaalinta sharciga, nabadda iyo hantida shacabka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaas kusii daray “Ciidanka booliska waxaa ku boorinayaa in ay sii wadaan hawlkarnimada, daacadnimada iyo wadaniyadda ay ugu adeegayeen qarankooda muddo 32 sano ah. Waxaana shacabka nabadda jecel ee Somaliland ugu baaqayaa in ay garab istaagaan lana shaqeeyaan ciidankooda booliska.”

Markab lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) — Koox amni oo hubeysan ayaa iska caabisay weerar ay burcad-badeed Soomaali ah ku qaadeen markab kiimiko sida subaxnimadii hore ee Isniinta, ka dib markii ay kooxo hubeysan oo doon yar saarnaa ay rasaas ku fureen meel aad uga fog xeebta Muqdisho, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dhacdadan ayaa dhacday 02:20 UTC, meel qiyaastii 332 mayl-badeed u jirta bariga caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UK Maritime Trade Operations – UKMTO).

Afduubkan fashilmay ayaa soo cusbooneysiiyay cabsida laga qabo soo rogaal-celinta burcad-badeedda Soomaalida. Shirkad amni ayaa markii dambe ku magacowday markabka inuu ahaa Stolt Sagaland.

Sida ay sheegtay UKMTO, kabtanka markabka ayaa soo sheegay in afar qof oo aan fasax u haysan oo saarnaa doon yar ay isku dayeen inay soo koraan. Doonta, oo midabkeedu ahaa caddaan iyo cawl, ayaa laga soo diray “markab weyn oo hooyo ah” oo ku sugnaa meel u jirta qiyaastii shan mayl-badeed, ayaa lagu yiri warbixinta.

Ka dib markii uu markabku ka hortagay kooxdii soo weerartay, “dableydii waxay ku laabteen markabkii weynaa ee hooyada ahaa,” ayay UKMTO ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

Kooxda amniga ee markabka ayaa riday rasaas digniin ah. “Dhammaan shaqaalihii markabka waa bad-qabaan, waxayna ku sii jeedaan dekeddii xigtay ee ay ku socdeen,” ayay hay’addu intaa ku dartay. “Mas’uuliyiinta ayaa wada baaritaan.”

Markabka oo la aqoonsaday

Shirkadda amniga badda ee Vanguard, oo bixisay kooxda amniga hubeysan (AST), ayaa xaqiijisay in markabku ahaa Stolt Sagaland.

Vanguard waxay sheegtay in doon yar ay ka soo dhowaatay dhinaca midig ee markabka ayna “rasaas furtay.” Kooxda AST ee saarnayd markabka ayaa “si wax ku ool ah uga jawaabtay,” iyagoo ka hortagay weerarka, ayay shirkaddu tiri. Shaqaalaha markabka ayaa sidoo kale kiciyay qaylo-dhaanta, kordhiyay xawaaraha, ayna sameeyeen dhaqdhaqaaqyo xeeladeysan.

“Xarunta Vanguard MAC waxay isla markiiba la xiriirtay maraakiibta ay bah-wadaagta yihiin ee ku sugan aagga, waxayna faahfaahinta u gudbisay UKMTO iyo MSCIO,” ayay shirkaddu intaa ku dartay, iyadoo ula jeedda Xarunta Amniga Badaha ee Geeska Afrika (Maritime Security Centre – Horn of Africa).

Waqtigii ay burcad-badeedda Soomaalidu ugu xoogganayd intii u dhaxaysay 2008 iyo 2011, aafadan waxay dhaqaalaha adduunka ugu kacday balaayiin doolar sanad walba. Waxay horseedday boqollaal afduub, sida uu sheegay Bankiga Adduunka.

Hawlgallo isku dubaridan oo ay ciidamada badda caalamku sameeyeen— oo ay ku jirto hawlgalka Midowga Yurub ee EUNAVFOR— iyo adeegsiga ballaaran ee ilaalada hubeysan ee gaarka loo leeyahay ayaa markii dambe si weyn hoos ugu dhigay weerarrada. Laakiin, xasilooni darrada gobolka iyo adeegsiga doonyaha la afduubtay ee loo isticmaalo “maraakiib hooyo” ayaa weli halis ku haya badhtamaha Badweynta Hindiya, sida ay ka digayaan falanqeeyayaasha amniga badaha.

Ciidanka Midowga Yurub oo kordhiyay heerkii halista

Hawlgalka ciidanka badda ee Midowga Yurub, EUNAVFOR ATALANTA, ayaa tan iyo markaas “heerka halista gaarsiiyay meeshii ugu sarreysay,” ayay tiri Vanguard.

Ciidanku wuxuu qiimeeyay in “Koox Hawlgal Burcad-badeed (PAG)” ay firfircoon tahay. Digniintan ayaa timid ka dib weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday markabka kiimikada, waxayna tilmaamaysaa in kooxdu “laga yaabo inay xiriir la leedahay doontii Iiraaniyiinta ee la afduubtay toddobaadkii hore.”

EUNAVFOR waxay u xilsaartay sahan dhinaca hawada ah inay baarto aagga, ayay Vanguard raacisay.

Afduubyo isdaba joog ah oo ay muwaadiniin Soomaali ah u geysteen doonyo sanadkan ayaa muujinaya suurtagalnimada inay sii kororto halista lagu hayo maraakiibta caalamiga ah.

Burcad-badeeddu waxay u adeegsadaan maraakiibtan waaweyn sidii maraakiib hooyo si ay uga diraan doonyo yaryar oo dheereeya— taasoo ah xeelad u kordhinaysa baaxadda ay ka hawlgeli karaan isku dayada afduubka boqollaal mayl-badeed oo xeebta u jira.

Habkaas wuxuu caan ahaa xilligii uu sarreeyay afduubku intii u dhaxaysay 2008-2011, taasoo keentay jawaab celin ballaaran oo isugu jirtay mid milatari iyo mid sharciyeed oo caalami ah. Boqollaal weerar oo dhacay muddadaas ayaa horseeday afduubyo guuleystay, iyadoo shaqaalihii inta badan lagu hayn jiray xeebta si madax furasho looga qaato xaalado aad u liita.

Dhacadan ugu dambaysay— burcad-badeed Soomaali ah oo weerartay markab kiimiko sida— waxay hoosta ka xariiqaysaa halista joogtada ah ee ka jirta mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee adduunka ugu muhiimsan, in kasta oo in ka badan toban sano ay jirtay xaalad degganaan ah.

Saciid Deni oo ka aargutay ciidanka Danab ee Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) –  Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ee Puntland oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Saciid Deni iyo xukuumaddiisa inay ka joojiyeen dhammaan xuquuqaadkii ay ku lahaayeen maamulka, tallaabadaas oo loo arkay aargudasho ka dhan ah ciidanka.

Ciidamadan oo uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale Jamaac Takar ayaa ku dooday in xuquuqdoodii la dudsiiyay, isla markaana loogu daray hanjabaadyo joogto ah, sida ay ku caddeeyaan qoraalkooda.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dareen in difaaca Puntland ay uga dhinteen in ka badan 100 askari, ayna uga naafoobeen 50 kale, weliba ay diyaar usii yihiin in ay ka shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida deegaanka.

Waxa kale oo ay soo dhaweeyeen ciidamada cusub ee Booliska ee loo sameeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, iyaga oo ballan qaaday inay kala shaqeyn doonaan ammaanka Caasimada.

Dhanka kale waxa ay fariin culus u direen shacabka, iyaga oo sheegay in ay la dareen yihiin, ayna ka qayb qaadan doonaan isu soo baxyada roob-doonka ee ka socda Puntland.

Ciidamada Danab ayaa horay uga horyimid doorashooyinkii ka dhacay Puntland ee uu kusoo baxay Madaxweyne Saciid Deni, waxaana tan markaas huursanaa khilaafka kala dhexeeya Madaxtooyada.

Sidoo kale, waxay horay ula dagaalameen dowladda, kadib markii uu iska horimaad toos ah ka dhex qarxay bishii June ee sanadkii 2023, kaas oo sababay khasaare badan oo isu jiray naf iyo maal.

Dhawaan ayay sidoo kale ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in Puntland ay mushaaraadkii ka goosatay ciidamadii ka howlgalayay gobollada Sool iyo Cayn, iyada oo ku eedeysay in ay taageereen maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, isla markaana ay diideen inay qaataan amarrada ka imaanaya Garoowe.

R/Wasaare Xamza oo deg deg uga jawaabay cabashada shacabka ee ka taagan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka jawaabaya cabashada kasoo yeereysa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aaddan Hay’adda NIRA, kadib markii ay soo bateen dhibaatooyinka lagu qabo xarumaha laga bixiyo kaararka.

Ra’iisul wasaraha ayaa kormeer ku tegay mid ka mid ah xarumaha laga qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka {NIRA} oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, wuxuuna faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu arkay muuqaallada lagu faafiyay baraha bulshada ee muujinayo haween jiifa waddooyinka, si ay subaxda hore u galaan safka dadka la diiwaagelinayo, isaga oo tilmaamay in arrintaas aan la aqbali karin.

“Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”. ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Waxaa kale oo uu ku amray maamulka hay’adda in si loo fududeeyo adeegga la kala leexiyo kaar doonashada iyo qaadashada, oo qofka kaarka qaadanaya uusan u gelin saf la mid ah midka marka uu doonanayo ee uu is diiwaangalinayo.

Isla arrintan waxaa goor sii horreysay oo maanta ah ka hadlay Maareeyaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA Cabdiweli Timacadde oo warsaxaafadeed kasoo soo saaray  dhibaatada ka taagan xarumaha ha’yadda ee laga qaato kaararka aqoonsiga, halkaas oo uu ka jiro culeys xooggan.

Cabdiweli Timacadde ayaa si gaar ah uga hadlay muuuqaallo iyo sawirro qabsaday baraha bulshada, kuwaasi oo muujinaya dad badan oo haween ay ku jiraan oo xilli habeen ah dhex jiifa mid ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho si ay xilliga aroortii ah u helaan Kaarka NIRA.

Maareeyaha oo ka jawaabayay arrintaas iyo cabashooyinka kale ee taagan ayaa sheegay in uu jiro habraac ay u dajiyeen shaqada socoto ee diiwaangelinta, isla markaana howsha ay bilaabatay subaxii 7am, ayna khalad tahay in xilli habeen ah safka lasii galo.

“Xarumaha NIRA waxa ay subaxdii hawl-galaan (7am). Sidaasi awgeed, safku ma furna ka hor (7am) aroortii. Taasi waxay ka dhigan tahay in qofka aanay waxba u tarayn inuu xilligaas ka hor safka sii galo” ayuu yiri Maareeye Cabdiweli Timacadde.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waan ka xunnahay in shacabkeennu xilli aan habboonayn safka u galaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga, waana sababta aanu u laba-jibbaarnay dadaalladeenna la xiriira furista xarumo cusub, taas oo keentay in Hay’addu maalintii u adeegto tiro gaaraysa ku dhowaad 20,000 oo qof”.

Askari ka tirsan Gorgor oo Muqdisho ku laayay askar kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil laba askari oo ka tirsanaa ciidanka NISA xalay loogu gaystay degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaas oo uu ka dambeeyay askari kale oo kamid ah Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka.

Askariga dilka gaystay oo watay qoray AK47 ah ayaa rasaas oodda uga qaaday askarta la laayay oo isla goobta ku dhintay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askariga ka tirsan ciidanka Gorgor uu hiilo ahaan goobta u tegay,  waxaana kaxeystay qof shacab ah oo la sheegay in muran hore uu kala dhexeeyay labada askari ee ka tirsnaa Nabad Sugidda ee xalay lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Dad goojoogayaal ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in gacan ku dhiiglaha oo dhaawac ah isna gacanta lagu dhigay, waxaana haatan lagula tacaalayaa isbitaalka Madiina oo la dhigay dhaawiciisa.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in eedeysanaha marka la daaweeyo kadib uu mari doono cadaaladda, lana horgeyn doono Maxkamafda Ciidamada Qalabka Sida, si tallaabo adag looga qaado.

Waxaa sidoo kale haatan la baadi goobayaa qofkii shacabka ahaa ee goobta geeyay askariga dilka gaystay, si isagana uu u wajaho Maxkamadeyn, maadaama ay dhacday dhimasho iyo dhaawac.

Marar badan ayay sidaan oo kale isugu dhaceen ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda, kadib khilaafaad soo kala dhex-galay, waxaana badanaa ka dhasha khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, Muddooyinkan ayaa waxaa yaraa isku dhacyada ciidamada iyo falalkii kale ammaan darrada ahaa ee alaaba ka dhici jiray gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Waa kuma ninka fuliyey weerarkii tareenka ee UK?

London (Caasimada Online) – Nin 32-jir ah oo u dhashay Britain ayaa ah eedeysanaha kaliya ee lagu tuhunsan yahay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay tareen dalka England, kaddib markii nin kale oo kiiskan loo soo xiray Axaddii la sii daayay iyadoo wax dacwad ah lagu soo oogin.

Booliska Britain waxay sheegeen in weerarka mindida ee 11-ka qof isbitaalka dhigay uusan ahayn fal argagixiso. Nin 35 jir ah oo hore loo soo xiray ayaa la sii daayay kaddib markii ay saraakiishu xaqiijiyeen in uusan ku lug lahayn weerarka.

Ilaa fiidnimadii Axadda, shan ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa laga saaray isbitaalka. Dadka weli la dabiibayo waxaa ka mid ah xubin ka tirsan shaqaalaha tareenka oo isku dayay inuu joojiyo weerarka, kaasoo xaaladdiisu ay halis tahay, sida uu boolisku sheegay.

“Baarayaasha waxay dib u eegeen kaamirada CCTV-ga ee tareenka, waxaana iska cad in falkiisu uu ahaa mid geesinimo leh oo shaki la’aan badbaadiyay nolosha dad badan,” ayuu yiri boolisku.

Maxaa dhacay weerarka kahor?

Booliska la-dagaallanka argagixisada ayaa ka gacan geystay baaritaanka hordhaca ah kaddib weerarka ballaaran ee mindida loo adeegsaday ee Sabtidii lagu qaaday rakaab saarnaa tareen ku sugnaa bariga England, balse booliska ayaa markii dambe sheegay in aysan jirin wax muujinaya in dhacdadu ay ahayd argagixisanimo.

Shaqo ayaa hadda socota oo lagu xaqiijinayo dhacdooyinkii ka horreeyay weerarka iyo taariikhda eedeysanaha, sida uu sheegay boolisku. Mindi ayaa sidoo kale laga helay goobta uu falku ka dhacay.

“Baaritaankeennu si xowli ah ayuu ku socdaa, waxaana ku kalsoonnahay inaanan raadinayn qof kale oo dhacdadan ku lug leh,” ayuu ku-xigeenka Taliyaha Booliska Stuart Cundy ku sheegay war-saxaafadeed. 

Booliska ayaa ku sifeeyay eedeysanaha kaliya inuu yahay muwaadin madow ah oo Britain u dhashay, kana soo jeeda Peterborough, oo 100 mayl (160 km) waqooyi ka xigta London, kaasoo halkaas ka soo raacay tareenka.

Boolis hubeysan oo fuulay tareenka

Eedeysanaha waxaa xiray boolis hubeysan kaddib markii uu tareenku si degdeg ah ugu istaagay Huntingdon oo qiyaastii 80 mayl waqooyi ka xigta London.

Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa ku tilmaamay “dhacdo aad u xun” taasoo ah “mid walaac weyn leh”, halka Boqor Charles uu sheegay inuu “runtii ka naxay kana argagaxay”.

Dambiyada mindiyaha ee England iyo Wales ayaa kordhay 87% tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo 54,587 dambi la diiwaan geliyay sannadkii hore oo keliya, taasoo ah koror 2% ah marka loo eego 2023 waana mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya Yurub, sida ay muujinayaan tirakoobyada wasaaradda arrimaha gudaha Britain.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Shabana Mahmood ayaa sheegtay inay “aad uga murugootay”, iyadoo dadka ka codsatay inay iska ilaaliyaan mala-awaalka ku saabsan dhacdada.

Dowladda ayaa dooneysa inay joojiso wararka xanta ah ee ku faafaya baraha bulshada kaddib dhacdo ka dhacday Southport oo ku taal waqooyi-galbeed England sannadkii 2024, markaasoo sheegashooyin internet-ka la soo dhigay oo ku saabsanaa dilka saddex gabdhood oo yaryar ay kiciyeen rabshado maalmo ka socday dalka oo dhan.

Goobjooge Olly Foster ayaa u sheegay BBC-da inuu saarnaa tareenka oo ku sii jeeday London fiidnimadii Sabtida markii uu qof soo ag maray isagoo leh nin ayaa mindiyeynaya “qof walba, wax walba”.

“Gacantayda ayaan saaray kursigan… dabadeed waxaan eegay gacantayda, mise waa dhiig miiran. Markaas ayaan eegay kursigii, mise dhiig ayaa wada gaaray. Dabadeed hore ayaan u eegay, mise kuraasta oo dhan dhiig baa wada yaal,” ayuu yiri.

Goobjooge kale ayaa u sheegay Sky News in la arkay eedeysane lulaya mindi weyn ka hor inta aysan boolisku ku qabanin qalabka korontada ee (Taser).

Cabdrisaaq Iftiin oo usoo gacan galay DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Ninka isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Iftiin Baroow, iyada oo sawirradiisa iyo muuqaalkiisa lagu baahiyay baraha bulshada.

Cabdirisaaq, oo 20 jir ah ayaa wareysi laga qaaday ku sheegay inuu ku dhashay deegaanka Ceelcadde, kuna biiray Al-Shabaab bishii Maarso ee sanadkii 2023, kadib markii uu tababar ku qaatay deegaanka Iidaale oo ka tirsan gobolka Baay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka qayb-qaatay dagaallo kala duwan, uuna ku dhaawacmay mid ka mid ah howlgalladii ay Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo sababtay in uu dib uga fakiro kasii mid ahaanshaha kooxda oo uu ugu dambeyn kasoo baxsaday.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu go’aansaday in uu ka soo baxo Khawaarijta, uuna la xiriiray ehelkiisa oo kula taliyay inuu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya oo uu haatan usoo gacan galay.

Ninkan ayaa hadda lagu hayaa xarun ku taalla degmada Garbahaarey, iyada oo kadib loo gudbin doono hay’adaha ku shaqada leh, si uu u maro habraaca la marsiiyo xubnaha kasoo goosto Al-Shabaab.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo iyana isa soo dhiibay lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo iyana la marsiin doono xarumaha dhaqan-celinta.

Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo la shaaciyey + Magacyada

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland iyo Jubaland ayaa soo gudbiyay min laba xubnood oo ku metelaya guddiga farsamada ee dhammaystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee dhawaan lagu dhisay Nairobi.

Puntland ayaa labada xubnood u magacowday Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad iyo Caarshe Maxamed Siciid, halka Jubaland ay u magacowday xildhibaan Cabdirashiid Jire iyo Saahid Qodhob. Madasha Samatabixinta ayaa hore laba xubno uga magacowday xildhibaan Cabdillaahi Xaaji Abuukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Guddigan ka kooban lixda xubnood ayaa dhawaan qaban-qaabinaya shirka koowaad ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo la filayo in uu midkood ka dhaco Garoowe ama Kismaayo.

Shirkaas ayaa lagu dhammaystiri doonaa qaab-dhismeedka golaha, sidoo kale waxay uga arrinsan doonaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaaladda kala-guurka ee dalka, sida ku xusan bayaankii Nairobi ee ay soo saareen bishii Oktoobar.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan la filayaa inay bilaabaan qaban-qaabada shirkooda koowaad, oo la filayo in uu midkood ka dhaco Garoowe ama Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan sheegay inay si buuxda u taageerayaan in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda badbaadinta mustaqbalka dalka.

“Dowladda Puntland waxay si buuxda u taageeraysaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda ku saabsan badbaadinta mustaqbalka dalka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha mustaqbalka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya uga bixi lahayd hubanti-la’aanta amniga iyo jaahwareerka siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweyne Deni, oo Sabtidii hadal ka jeediyay xarunta baarlamaanka Puntland.

Puntland, Jubaland iyo xubno ka mid ah Madasha Samatabixinta, oo 2-dii Oktoobar shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ku heshiiyeen inay dhistaan ‘Golaha Mustaqbalka Soomaaliya’.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay shir isugu yimadaan gudaha dalka Soomaaliya, shirkaas oo ay uga arrinsanayaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaaladda kala-guurka ee dalka.

Waxay ugu baaqeen ummadda Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan midnimada iyo xasilloonida dalka, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda.

Daawo: Shariif oo weerar culus ku qaaday Xasan Sheekh

0

 Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladda Oslo ee dalka Norway ayaa warbixin guud ka siiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ugu horreyn Shariif ayaa khudbadda uu jeediyay ku weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ka hadlay khilaafka kala dhexeeya ee ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Shariif ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu burburinayo Dastuurka heshiiska lagu wada yahay, si uu u gaaro danihiisa gaarka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dooday in kaliya Dastuurka lagu beddali karo heshiis bulsho, maadaama markii horeba afti dadweyne loo qaaday.

“Xasan waa walaalkey waa soo wada shaqeynay, laakin xumaan kuma taageerayo in la fahma la rabaa munkar ka weyn ma jiro Ummad Dastuur ay ku heshiisay in la tuuro, haddii wax laga badalaayo heshiis ayaa looga bedalaa” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “35 sano kadib qofka ku fakiraayo inuu isagu bedasho Dastuurka ee haddane adiga ku yiraahdo aamus waa lunsan yahay”.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dalka uu u baahan yahay badbaado, isla markaana qof walba Soomaali ah laga rabo inuu u istaago sidii loo hormarin lahaa dowladnimada.

“Dalka in la badbaadiyo, ummaddaana la mideeyo waa wax qof walba oo Soomaali ah laga rabo” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda culus oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan Villada mucaaradka, Jubbland iyo Puntland.

Nigeria oo jawaab ka bixisay hanjabaadda militari ee Trump

Abuja (Caasimada Online) – Dowladda Nigeria ayaa sheegtay Axaddii inay soo dhaweynayso gargaar ay Mareykanku ka siiyaan la-dagaallanka fallaagada Islaamiyiinta ah, waase haddii la ixtiraamo madaxbannaanida dhulkeeda. Hadalkan ayaa jawaab u ahaa hanjabaado tallaabo milatari oo uu jeediyay Madaxweyne Donald Trump, oo ku saabsan waxa uu ugu yeeray tacaddiyo lagula kaco Masiixiyiinta ku nool dalkaas ku yaalla Galbeedka Afrika.

Trump ayaa sheegay Sabtidii inuu ka codsaday Waaxda Difaaca inay u diyaar garowdo “tallaabo milatari oo degdeg ah” oo suurtagal ah oo laga qaado Nigeria, haddii dalka ugu dadka badan Afrika uu ku guuldarreysto inuu si adag wax uga qabto dilalka Masiixiyiinta.

“Waan soo dhaweyneynaa kaalmada Mareykanka inta ay aqoonsan yihiin madaxbannaanida dhulkeenna,” ayuu Daniel Bwala, oo ah la-taliye u ah Madaxweynaha Nigeria Bola Ahmed Tinubu, u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Bwala ayaa ku dadaalay inuu qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa labada dowladood, inkastoo Trump uu Nigeria ku tilmaamay “waddan sumcaddiisu meel kaga dhacday”.

“Waxaan hubaa in marka ay labadan hoggaamiye kulmaan oo ay wada fariistaan, ay ka soo bixi doonaan natiijooyin ka wanaagsan go’aankeenna wadajirka ah ee ah la-dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri.

Dalka Nigeria, oo ay ku nool yihiin in ka badan 200 oo milyan oo qof iyo ku dhawaad 200 oo qowmiyadood, ayaa u kala qaybsan woqooyi ay u badan yihiin Muslimiin iyo koonfur ay u badan yihiin Masiixiyiin.

Fallaagada Islaamiyiinta oo sanado badan halaag waday

Kooxaha fallaagada Islaamiga ah sida Boko Haram iyo Gobolka Galbeedka Afrika ee Daacish (Islamic State West Africa Province) ayaa dalka halaag ka waday in ka badan 15 sano, iyagoo dilay kumanaan qof. Si kastaba ha ahaatee, weerarradooda ayaa inta badan ku ekaa gobolka woqooyi-bari ee dalka, oo ah deegaan ay u badan yihiin Muslimiin.

In kasta oo Masiixiyiin la dilay, haddana inta badan dhibbanayaasha waxay ahaayeen Muslimiin, sida ay sheegeen dadka falanqeeya arrimaha.

Bartamaha Nigeria waxaa si isdaba joog ah ugu soo noqnoqday isku dhacyo u dhexeeya xoolo-dhaqato u badan Muslimiin iyo beeraley u badan Masiixiyiin, kuwaasoo ku loollamaya helitaanka biyo iyo daaq.

Dhanka kale, woqooyi-galbeed ee dalka, kooxo hubeysan ayaa si joogto ah u weerara tuulooyinka, iyagoo dadka deegaanka u afduubta si ay madax furasho uga qaataan.

“Kooxaha fallaagada ah sida Boko Haram iyo Daacishta Galbeedka Afrika waxay inta badan ololahooda ku muujiyaan inay ka soo horjeedaan Masiixiyiinta, laakiin ficil ahaan rabshadahoodu waa kuwo aan loo meel dayin oo burburiya bulshooyin dhan,” ayuu yiri Ladd Serwat, oo ah falanqeeye sare oo dhanka Afrika ah oo ka tirsan kooxda fadhigeedu yahay Mareykanka ee la socodka xasaradaha ee ACLED.

“Rabshadaha Islaamiyiinta waa qayb ka mid ah dhaqdhaqaaqyada iska horimaadyada ee isku murugsan, inta badanna isku dhex jira ee dalka ka taagan, kuwaasoo ku saabsan loollanka awoodda siyaasadeed, khilaafaadka dhulka, isirka, kooxaha dariiqooyinka, iyo falalka burcadnimada,” ayuu yiri.

Cilmi-baaris ay samaysay ACLED ayaa muujinaysa in 1,923 weerar oo sanadkan gudihiisa lagu qaaday dad rayid ah gudaha Nigeria, ay tirada kuwa Masiixiyiinta lagu beegsaday diintooda awgeed ay gaaraysay 50. Serwat wuxuu sheegay in sheegashooyin dhowaanahan ka dhex wareegayay qaar ka mid ah kooxaha garabka midig ee Mareykanka, oo sheegayay in ilaa 100,000 oo Masiixiyiin ah lagu dilay Nigeria tan iyo 2009-kii, aysan taageereyn xogaha la hayo.

Nigeria oo diidday eedeymaha dulqaad la’aan diimeed

Hanjabaadda Trump ee tallaabada milatari ayaa timid maalin kadib markii uu maamulkiisu Nigeria dib ugu daray liiska “Waddamada sida Gaarka ah looga walaacsan yahay ” (Countries of Particular Concern) oo ah dalal uu Mareykanku sheegay inay ku xadgudbeen xorriyaadka diimaha. Dalalka kale ee liiskaas ku jira waxaa ka mid ah China, Myanmar, North Korea, Russia iyo Pakistan.

Tinubu, oo ah Muslim ka soo jeeda koonfurta Nigeria balse qaba haweeney wadaadad Masiixi ah, ayaa maalintii Sabtida iska fogeeyay eedeymaha dulqaad la’aanta diimeed, wuxuuna difaacay dadaallada dalkiisa ee lagu ilaalinayo xorriyadda diinta.

Marka uu samaynayo magacaabista muhiimka ah ee dowladda iyo ciidanka, Tinubu, si la mid ah kuwii ka horreeyay, wuxuu raadiyay inuu abuuro isku-dheelitirnaan si loo xaqiijiyo in Muslimiinta iyo Masiixiyiinta si siman loo matalo. Toddobaadkii hore, Tinubu wuxuu beddelay hoggaanka millatariga dalka, wuxuuna qof Masiixi ah u magacaabay taliyaha cusub ee difaaca.

Caasimadda Abuja, qaar ka mid ah Masiixiyiintii u socday cibaadada Axadda ayaa sheegay inay soo dhaweyn lahaayeen faragelin milatari oo Mareykanku ku sameeyo si loo ilaaliyo bulshadooda.

“Waxaan qabaa in haddii Donald Trump uu yiri way soo gelayaan, ay tahay inay soo galaan, wax dhib ahna kuma jiraan arrintaas,” ayay tiri Juliet Sur oo ah haweeney ganacsato ah.

Khabiirro dhanka amniga ah ayaa sheegay in duqeymo kasta oo cirka ah oo uu Mareykanku qaado ay u badan tahay inay beegsan doonaan kooxo yaryar oo ku kala firdhisan dhul aad u ballaaran. Waa hawl ay sii adkeyn karto ka bixitaankii ciidamada Mareykanka ee sanadkii hore ee dalka Niger, oo xad ka la wadaaga Nigeria dhanka woqooyi.

Kooxaha dagaallamayaasha ah ayaa isaga kala goosha dalalka deriska la ah ee Cameroon, Chad iyo Niger. Khabiirrada ayaa intaas ku daray in Mareykanku laga yaabo inuu u baahdo caawimaad ka timaadda millatariga iyo dowladda Nigeria, oo ah kuwa uu Trump ugu hanjabay inuu gargaarka ka jari doono.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo wajahaya imtixaan adag kadib markii GALMUDUG ay ka…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa bartanka kaga jirta xaalad aan hore loo arag, taas oo ka dhalatay kororka dilalka aanooyinka beelaha ee ka jira qaybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, haba ugu darnaatee Galgaduud.

Xiisadda ka dhalatay dilalkan ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii 8-dii Oktoobar hooyo iyo saddex hablood oo ay dhashay la sheegay in lagu dilay meel u dhow deegaanka Qaayib oo hoos taga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Dowlad-goboleedka Galmudug iyo Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa lagu eedeeyay in aysan si sax ah u qaban maxkamadeynta saddex nin oo falkaasi loo soo xiray, tanina waxay ka carreysiisay dad badan, iyadoo markii horeba ay caro baahsan ka taagnayd dilka hooyada iyo gabdhaheeda.

Kooxo hubaysan oo la aaminsan yahay in ay caddaalad-darro tirsanayaan ayaa xalay miyiga degmada Baxdo ku dilay hooyo, iyaga oo dhaawacay wiil ay dhashay. Maydka hooyadan iyo dhaawaca wiilkeeda oo la keenay Baxdo ayaa looga sii qaaday dhinaca magaalada Cadaado, maantana, caddayn muujinaysa dhibka gaaray, loogu soo bandhigay laamaha amniga.

Arrintan ayaa waxay ka carreysiisay maleeshiyaadka beesha ee aadka u hubaysan, iyaga oo ku hanjabay inay gacantooda sharciga ku qaadan doonaan, oo khalad khalad ku sixi doonaan, haddii uusan maamulku si degdeg ah gacanta ugu soo dhigin kooxihii falkaasi geystay.

Odayaasha iyo waxgaradka reer Cadaado iyo Baxdo ayaa madaxda Galmudug ugu baaqay inay u dhaqaaqaan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cid kasta oo falkaasi ku lug leh, si loo dejiyo dareenka dadka deegaanka ee kacsan.

Odayaasha ayaa maleeshiyaadka deegaanka uga digay inay wax xadgudub ah geystaan iyo in aan xaaladda taagan looga sii darin, inta maamulku tallaabo u qaadayo xagga kooxihii dilay marxuumad Madiina Jimcaale Wehliye, isla markaana dhaawacay wiilkii ay dhashay.

Odayaashu waxay u muuqdaan kuwo fursad siinaya maamulka, xilli rajoxumo laga muujinayo sida maamulku uu ku soo qaban karo kooxahaasi, maadaama la fahamsan yahay inay u tallaabeen dhinaca geeska bari ee gobolka Galgaduud, oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka arrimiso.

Cabsida ay dadka muujinayaan ayaa ah in, haddii maamulku uu ku guuldarreysto soo qabashada kooxahaasi, ay u dhintaan haween aan waxba galabsan amaba cid kale oo aan wax dambi ah geystan.

Haweenka reer Galmudug waxay dareemayaan walaac dhinaca amniga ah, waana dhaqan ku cusub bulshada Soomaaliyeed in hooyooyinka la dilo.

Maleeshiyaadka beelaha ee dilalka geysta weligoodba waxay beegsan jireen ragga; taasna waxaad mooddaa in dadku aysan wax dan ahi ka geli jirin, laakiin midda qof walba taabatay ayaa ah in lagu soo noqdo haweenkii iyo carruurtii aan la taaban jirin.

Xaaladdan ka jirta bartamaha dalka ayaa loo arkaa mid kala fogeynaysa beelihii walaalaha ahaa ee muddada dheer soo wada jiray, nacayb aan la aragna uu dhexdooda ka abuurmo, waana xaalad khatar ah oo xaddidaysa in dadku is-dhexsocdo.

Dilalkan qodxaha leh ee soo kordhay ayaa lagu sheegay kuwo caqliga Soomaalida ka dhigaya mid aad u hooseeya, haddiiba qaar ka mid ahi ay ku fakarayaan inay dilaan hooyooyinka iyo barbaarta. Ilaalinta haweenka iyo dhallinta ayaa ku xiran jiritaanka qowmiyadeed ama bulsho.

Maleeshiyaadka qabaa’ilada, kala celintooda iyo in sharciga lagu qaado kuwooda dilalka geysta ayaa wiiqaya horumaradii ka jiray deegaanka, maadaama ay istaajinayaan howlihii shaqo ee maamulka. Waxay kaloo carqaladeynayaan diyaar-garowgii socday ee ciidamada loogu diyaarinayay guluf cusub oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), madaxweynaha Galmudug, iyo maamulkiisa ayaa dhexda kaga jira badweyn ay tahay inay ka dabaashaan.

NISA oo fulisay howlgal culus oo lala beegsaday Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa waxaa looga hadlay howlgal dhanka cirka ah oo Axaddii Al-Shabaab lagula beegsaday duleedka deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay la kaashatay saaxibada caalamiga ah, isla markaana lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo isku uruursanayay aagga deegaanka Ceelbaraf.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in weerarka lagu khaarijiyay ugu yaraan illaa 23 xubnood oo isugu jiro maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku sugnaa goobta la duqeeyay.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa shalay howlgal qorshaysan ka fuliyay tuulada Ceel-weyne, oo hoos tagta deegaanka Ceel-baraf, degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa halkaas lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la dilay 23 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee NISA.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Howlgalkan ayaa la qaaday kaddib markii la xaqiijiyay in argagixisadu ay Maleeshiyaadkooda isugu keentay goob ay maalmihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen, si ay halkaas uga dhigtaan gambaad ay ka soo abaabulaan falal lagu carqaladeynayo amniga. 30-kii October 2025, waxaa sidoo kale goobtan ka dhacay hawlgal midkaan lamid ah kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaarijta”.

Hay’adda NISA ayaa intaasi kusii dartay in aysan jirin waxyeelo gaartay dadka rayidka ah, waxayna ku baaqday in lagu gacan siiyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

“Intii uu socday howlgalkan lagu naafeeyay cadowga ma jirin wax khasaare ah oo gaaray shacabka. Haddaba si loo ciribtiro Khawaarijta fadlan muwaadin, haddii aad aragto wax khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Ceelbaraf ayaa kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee ay dhawaan dib ula wareegeen Al-Shabaab, halkaas oo ay ka sameysteen saldhigyo waa wayn oo ay ku howlgalaan maleeshiyaadkooda.

Si kastaba, Weerarkan cirka ah ayaa qayb ka ah howlgallada la doonayo in lagu naafeeyo kooxaha argagixisada ah, waxaana iska kaashanaya dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

Maxay Ilhaan Cumar ka tiri is qab-qasbiga Soomaalida ku nool Minneapolis?

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka oo sii xoojisay ololaha ay ku taageereyso Senator Omar Fateh oo ah musharrax u taagan duqa Minneapolis, ayaa si adag uga hadashay buuqa ka dhex-taagan Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis, kadib markii la qabiileeyay ololaha socda.

Ilhan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in arrimo qabiil looga dhex-hadlo xafladaha iyo ololaha wayn ee u dhexeeya Omar Fateh iyo ninka hadda xafiiska jooga Mayor Jacob Frey oo aad isugu hayo doorashada.

“Maanta waa sharaf darro ah in xaflad qof aan Soomaali ahayn loo suubiyay qabiil looga dhex hadlo taas waa mid ceeb ah, waana ka xumahay” ayay tiri Ilhan Omar.

Sidoo kale, Ilhan oo hadalkeeda sii wadata ayaa taageero wayn u muujisay Fateh, waxayna farriin culus u dirtay Soomaalida ku dhaqan Minneapolis.

Ilhan ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in isbeddalka ay u hiiliyaan, ayna codkooda siiyaan Omar Fateh oo ah wiil asalkiisu Soomaali yahay oo doonayo inuu noqdo Mayorka Minneapolis.

“Waqti yar ayaa innoo haray haddaa magaalada dagan tahay codey, qofka guriga kuugu dhagan dagan xasuusi oo aan codka siino Omar” ayay mar kale tiri Ilhan.

Waxaa kale oo ay sheegtay in waqti badan ay gelisay sidii Omar Fateh uu ku heli lahaa kursiga uu doonayo maadaama waxa keliya ay ku dooratay howshaan ay tahay shaqadiisa, kalsoonidiisa, daacadnimadiisa iyo fulinta ballanqaadyada uu sameeyo.

Musharraxa Mayorka Minneapolis Omar Fateh ayaa haatan wada olole xooggan isaga oo garab ka helaya dadka la dhacsan siyaasadda uu soo bandhigay, maadaama ay ka rajeyanayaan waxqabad uga wanaagsan Mayorka muddo xileedkiisu dhammaaday.

Omar Fateh, oo 35 jir ah, waa siyaasi ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo hadda ku jira xilligiisii labaad ee uu yahay Senatorka gobolka ee degmada 62-aad ee Minnesota, isagoo sidoo kalena u tartamaya xilka duqa magaalada Minneapolis.

Wuxuu ku dhashay Washington, D.C., Fateh wuxuu sheegay inuu yahay wiil ay dhaleen waalidiin soogalooti ah oo ka yimid Soomaaliya, isla markaana uu dhowaan noqon doono aabbe.

Wuxuu shahaadada Master-ka (heerka labaad ee jaamacadda) ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason University ee gobolka Virginia, wuxuuna u soo noqday khabiir arrimaha bulshada ee Minneapolis, isku-duwaha mashaariicda ee Wasaaradda Gaadiidka gobolka iyo falanqeeye ganacsi oo ka tirsanaa Jaamacadda Minnesota.

Markii loo doortay Senatorka gobolka sanadkii 2020, Fateh wuxuu noqday Muslimkii ugu horreeyay iyo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali-Mareykan ah ee ku biira Aqalka Sare ee Minnesota. Wuxuu horey olale aan guuleysan ugu galay kursiga aqalka sare sanadkii 2018, isagoo doorashadii is-reereebka ee xisbiga Dimoqraadiga looga guuleystay, waxaana ka adkaatay wakiilkii hore ee gobolka Hodan Hassan.

War cusub oo kasoo kordhay kaarka aqoonsiga ee NIRA

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Maareeyaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA Cabdiweli Timacadde oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan xarumaha ha’yadda ee laga qaato kaararka aqoonsiga, halkaas oo uu ka jiro culeys xooggan.

Cabdiweli Timacadde ayaa si gaar ah uga hadlay muuuqaallo iyo sawirro qabsaday baraha bulshada, kuwaasi oo muujinayay dad badan oo haween ay ku jiraan oo xilli habeen ah dhex jiifa mid ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay xilliga aroortii ah u helaan Kaarka NIRA.

Maareeyaha oo ka jawaabayay arrintaas iyo cabashooyinka kale ee taagan ayaa xusay in uu jiro habraac ay u dajiyeen shaqada socoto ee diiwaangelinta, isla markaana howsha ay bilaabatay subaxii 7am, ayna khalad tahay in xilli habeen ah safka lasii galo.

“Xarumaha NIRA waxa ay subaxdii hawl-galaan (7am). Sidaasi awgeed, safku ma furna ka hor (7am) aroortii. Taasi waxay ka dhigan tahay in qofka aanay waxba u tarayn inuu xilligaas ka hor safka sii galo” ayuu yiri Maareeye Cabdiweli Timacadde.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saacadaha shaqada iyo xarumaha ay kordhiyeen, si fursad loo siiyo dadka tirada badan ee maalin walba is-diiwaangelinaya.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Waxaan arkay muuqaal ku saabsan Maamooyin Soomaaliyeed oo xilli wakhti habeennimo ah hor fadhiya xarun ka mid ah Xarumaha Hay’adda NIRA ee Gobolka Benaadir. Sidaasi awgeed, waxaan rabaa inaan bayaamiyo dhowr qodob:

1. Waan ka xunnahay in shacabkeennu xilli aan habboonayn safka u galaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga, waana sababta aanu u laba-jibbaarnay dadaalladeenna la xiriira furista xarumo cusub, taas oo keentay in Hay’addu maalintii u adeegto tiro gaaraysa ku dhowaad 20,000 oo qof.

2. Sidoo kale, markii aannu aragnay culayska jira iyo baahida is-diiwaangelinta, waxaannu go’aaminnay in xarumaha qaarkood la hawlgeliyo habeenkii si shacabka 24/7 loogu adeego. Xarumaha hadda shaqeeya laga bilaabo 11 saac (5pm) galabtii ilaa 6 saac (12am) habeenkii waxa ka mid ah Xarunta NIRA ee Hodan iyo Xarunta Boondheere.

3. Xarumaha NIRA waxa ay subaxdii hawl-galaan (7am). Sidaasi awgeed, safku ma furna ka hor (7am) aroortii. Taasi waxay ka dhigan tahay in qofka aanay waxba u tarayn inuu xilligaas ka hor safka sii galo.

4. Waxaanu ku hawlannahay sidii aanu dadkoo dhan u diiwaangelin lahayn annaga oo tixgelinayna dufuurahooda; Aqoonsiguna ilaa hadda waa lacag la’aan. Ugu dambayntii, waxaan shacabkeenna sharafta leh ka codsanaynaa inay dulqaad muujiyaan iyo inay u hoggaansamaan habraacyada diiwaangelinta iyo safka ee NIRA.

Mahadsanidin!

Faah-faahinta duqeyn culus oo xalay ka dhacday Ceelbaraf

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga haleyaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo Axaddii ka dhacday deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Xogta ayaa sheegeysa in duqeynta si gaar ah loola beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo horay ula wareegay deegaankaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqleen jugta gantaallada lagu garaacay fariisimaha Al-Shabeeb ee Ceelbaraf, waxaana jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen horjoogayaal sar sare, kuwaas oo qaarkood waxyeelo ay soo gaartay, sida aan xogta ku helnay.

Xaaladda deegaanka ayaa saaka kacsan, waxaana laga dareemayaa saameynta duqeynta ay ka gaysteen diyaaradaha dagaalka ee xalay beegsaday halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo saaxibada caalamiga ah oo ku aadan duqeynta xalay ka dhacday halkaas ee lala eegtay Al-Shabaab.

Ceelbaraf ayaa kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee ay dhawaan dib ula wareegeen maleeshiyaadka Khawaarijta, halkaas oo ay ka sameysteen saldhigyo waa wayn.

Weerarkan cirka ah ayaa qayb ka ah howlgallada la doonayao in lagu naafeeyo kooxaha argagixisada ah, waxaana iska kaashanaya dowladda Soomaaliya iyo saaxibadeeda.

Sawirro: Ciidan cusub oo la wareegaya gacan ku haynta magaalada Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland lagu soo dhaweeyay ciidamo cusub oo ka tirsan booliska Puntland, kuwaas oo la wareegaya ammaanka guud ee magaalada.

Ciidamadan cusub oo ah jiil aqoonyahano ah, tababar iyo anshax sare leh, ayuu taliska booliska sheegay inay u taagan yihiin in ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeeyaan daacadnimo, kalsooni iyo dulqaad. “Waa ciidamo matalaya ruuxda dawladnimo, kuwaas oo u taagan xaqiijinta amniga iyo ilaalinta sharciga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Caydiid Axmed Nuur, oo ka qeyb-galay munaasabadda soo dhoweynta ciidanka cusub ee booliska Puntland ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin ilays cusub oo soo ifbaxay, isla markaana ay bulshada kala shaqeyn doonaan nabadda, wacyigelinta iyo dhisidda kalsoonida shacabka.

Sidoo kale wuxuu ku booriyay ciidamada cusub in ay noqdaan astaanta isku duubnida iyo adeegga shacabka.

Kadib munaasabadda, ciidanka ayaa loo gudbiyay xerada 54-aad ee ciidamada Garoowe, halkaas oo ay si rasmi ah uga bilaabeen howl-galadooda nabadgelyo. Tallaabadan ayuu taliska booliska ku tilmaamay mid muujinaysa in Puntland ay ku socoto waddadii amniga, kala dambeynta iyo dowladnimada dhab ah.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa mar kale muujiyay in ay ka go’an tahay ilaalinta shacabka, difaaca dalka, iyo dhisidda nidaam amni oo waara, taasoo saldhig u ah horumarka iyo midnimada ummadda.

“Dowladnimo waa marka ciidanka iyo shacabka ay hal himilo ku mideysan yihiin — ilaalinta amniga iyo sharafta Puntland,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ciidankan la wareegaya amniga caasimadda maamulka wuxuu bishii October tababar ugu soo xiray kulliyadda Carmo. Ciidankan ayaa waxay u badan yihiin dhallinyaro waxbartay oo ay ku jiraan kuwo illaa heer Jaamacadeed ah.