26.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Hogaamiye Shabaab ah iyo xubno la socday oo lagu dilay…

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howgal culus oo maanta ciidamada deegaanka ay ka fuliyeen duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay Ciid Ciidka Jimbilow ayaa lagu beegsaday horjooge sare iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa halkaas, iyada oo la gaarsiiyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya waxaa howlgalka lagu khaarijiyay hoggaamiye sare oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan iyo saddex xubnoo oo kale oo la socday, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay aagga howlgalka laga sameeyay.

Muxudiin Xasan ayaa ahaa horjooge caan ka ahaa Ciid Ciidka, waxaana uu ahaa ninka Al-Shabaab u qaabilsanaa Mahadaay iyo duleedkeeda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Ciidanka Xaq-u-Dirirka Deegaanka ee ka howlgalaya degmada Mahadaay ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Ciid Ciidka Jimbilow, oo ku yaalla duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa lagu beegsaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana lagu dilay horjoogihii Khawaarijta ee deegaankaas oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan, iyo saddex dhagarqabe oo kale” ayaa lagu yiri qoraalka ay daabacday warbaahinta dowladda.

Sidoo kale, inta uu socday howlgalka ciidamada ayaa soo furtay hub iyo saanad ciidan oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab, maadaama ciidamadu ay u daateen gudaha kooxda.

“Ciidanka geesiyaasha ah ayaa sidoo kale soo furtay laba qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale, taasoo muujineysa guul kale oo muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraaka.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in weli halkaasi ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Ciid Ciidanka iyo deegaannada kale ee dhaca jinka wabiga ayaa muddooyinka waxaa kusoo xoogeysanayay Al-Shabaab oo marin ka dhigatay halkaasi, si ay dagaalyahannadeeda ugu kala gubaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay kooxda ka waddo dagaallo culus.

Xasan Sheekh oo ka dagay Qaahira + Qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, halkaas oo si diiran loogu Soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qayb-galayo furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar., sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka lagu casuumay munaasabaddan, waxa uuna xoogga saarayaa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dhiggooda dalka Masar.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh aya inta uu joogo Masar lagu wada inuu kulan gaar ah la yeesho Cabdulfataax Al-Sisi, iyaga oo ka wada-hadli doono iskaashiga labada dal oo sii xoogeysanaya, maadaama Masar ay qayb ka noqotay howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Ciidamada Masaarida ayaaa qorshuhu yahay in dhawaan ay soo gaaraan dalka, waxaana kol hore lasii diyaariyay goobaha ay dagi lahaayeen oo kormeer qiimeyn ah lagu sameeyay.

Dhaq-dhaqaaqa diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Masar ayaa muddooyinkan sii xoogeysanayay, kadib markii Muqdisho ay garab istaag buuxa ka heshay Qaahira, xilli ay is wajahayeen xukuumadda Addis Ababa oo soo damaacisay biyaha Soomaaliya.

Masaaridu si guud cilaaqaadka kala dhaxeeya dowladda federaalka waa jiray, hayeeshee labada dhinac ayaa haatan qaaday tallaabooyin sare loogu qaadayo iskaashigooda.

TPLF oo digniin kasoo saartay dagaal ka qarxa Itoobiya kadib tallaabadii Abiy Ahmed

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso hadalkii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu toddobaadkan bilowgiisii ka sheegay Baarlamaanka Federaalka ee dalkiisa.

Warka kasoo baxay TPLF ayaa waxaa lagu sheegay in hadallada dowladda federaalka ee sii socda ay keeni karaan xiisad dagaal oo cusub, islamarkaana haddii wareeg dagaal oo kale uu qarxo ay taasi keeni karto khatar weyn iyo dhibaato ba’an oo dalka soo wajahda.

Bayaanka kooxdaasi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay “ka shaqeynayso sidii ay heshiiskii Pretoria uga dhigi lahayd mid aan wax micno ah lahayn,” ka hor inta aanay wadahadal la yeelan dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaanku wuxuu intaas ku daray: “Iyadoo la jebinayo heshiiskii Pretoria, dowladda ayaa halkii ay hubka uga saari lahayd xoogagga hubaysan ee ku sugan gobolka Tigray, waxay si xoogan u hubaynaysaa ciidammadeeda.”

Waxaa kale oo ay TPLF sheegtay in ay daandaansi u aragto hadallada culus ee Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kasoo yeeraya kuwaas oo iyaga ka dhan ah, waxayna kooxdu sheegtay in aanay u cuntamin hadalladaas in ay qaadato ama aqbasho.

Si kastaba ha ahaatee, bayaanku wuxuu timaamay in shacabka Tigray iyo TPLF ay si dhammaystiran ugu shaqaynayeen sidii heshiiska nabadeed loo hirgelin lahaa dhammaan dhinacyadiisa.

Dagaalka salkiisu ahaa muranka doorashooyinkii Itoobiya ee billowday 20kii Nofeembar 2022 ayaa galaaftay nolosha dad u dhaxeeya 300 oo kun ilaa 600 oo kun, dhaawaca tiro intaas ka badan, waxaa intaas dheer barakaca oo dadka qaar ka gudbeen xuduudda.

Deni oo ku dhawaaqay go’aan culus oo lagu soo afjarayo…

0

Boosaaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo ka hadlayay arrimo la xiriira ammaanka iyo howlgalka Hilaac ayaa ku dhawaaqay inay ka go’an tahay soo afjraridda Daacish iyo Al-Shabaab oo weli ku sugan gobolka Bari.

Deni ayaa sheegay in howlgalka Hilaac oo muddo soo socday ay ka gaareen guullo waa wayn, maadaama lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ku yaalla buuraha Calmiskaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in halganka uu sii socon doono, isla markaana ay xoojin doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Daacish iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in  howlgalka Hilaac uu la kulmay duruufo kala duwan, balse haatan uu kasoo kabtay, waxaana uu boggaaadiyay cid weliba oo ku gacan siisay Puntland.

Waxaa kale oo uu ciidamada difaaca Puntland faray in ay xoogga saaraan kordhinta howlgallada kooxda Daacish lagaga xoreynayo buuraha gobolka Bari.

“Muddo sanad ku dhow waxa ay ciidankeennu horumar ka sameeyeen howlgalka sifaynta, meelaha ay ku dagaalamayaan xitaa ma ahan meelo ay baabuurtu geli karaan oo aanay xitaa sidoo kale geli karin owrtu, Diyaarado ayaa wax looga daadiyaa, intaas waxa ay u samaynayaan waa in ay soo afjaraan Kooxaha Argagixisad, waxaa naga go’an aan soo afjarno kooxahaas” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamada Puntland ayaa muddo ku dhow laba sano ku jira howl-galka ka dhanka ah kooxda Daacish oo maamulka uu doonayo inuu ku wiiqayo awoodda ururkaas. Howl-galkan ayuu maamulku sheegay inuu marayo heer gaba-gabo ah, iyadoo diiradda la saarayo hawl-gallada ka socda buuraleyda Calmadow.

Inkastoo kooxdu ay lumisay deegaano muhiim ah oo muddo badan ku xooganeyd, haddana maamulka si dhameystiran uma soo afjarin, iyadoo haatan ay soo baxayso inuu gaabis ku yimid dardartii uu ku bilowday dagaalka.

Si kastaba, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay boqolaal dagaalyahan oo isugu jiro Soomaali iyo ajaanib ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish.

Daawo: Saldhiga Imaaraadka ee Boosaaso iyo calooshood u shaqaystayaasha jooga

Muqdisho (Caasimada Online) — Warbixin iyo caddeymo cusub, oo ay ku jiraan muuqaallo, ayaa ku eedeeyey in dalka Isutagga Imaaraadka Carabta uu xarun hub ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada dekadda ah ee Boosaaso ee Puntland.

Warbixintu waxay sheegtay in Imaaraadka uu xaruntan u adeegsado goob si qarsoodi ah looga sii gudbiyo hub, saanad culus, iyo calooshood-u-shaqaystayaal loo dirayo ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ee ku jira dagaalka sokeeye ee Sudan.

Baaritaan ay samaysay warbaahinta Middle East Eye oo soo xiganaya ilo maxalli ah, xogta duulimaadyada, iyo sawirro dayax-gacmeed, ayaa faahfaahiyay hab taxane ah oo hawlgallo qarsoodi ah loo fuliyay.

Eedeymahan ayaa soo baxaya xilli ay ciidanka RSF wajahayaan eedeymo cusub oo ku saabsan gabood-fallo baahsan. Ciidankan ayaa toddobaadkan qabsaday El-Fasher, oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur, kaddib go’doomin socotay 18 bilood.

Tan iyo bishii Abriil 2023, dagaalka Sudan wuxuu abuuray dhibaatadii barakaca ee ugu weyneyd adduunka, wuxuuna horseeday in dowladda Mareykanku ay si rasmi ah u go’aamiso in ciidanka RSF ay galeen xasuuq.

Dagaalka Sudan wuxuu u dhexeeyaa ciidanka RSF, oo uu hoggaamiyo General Mohamed Hamdan Dagalo, iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Sudan (SAF). Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, colaaddan waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, waxaa ku barakacay in ka badan 14 milyan oo qof, waxayna qaybo dalka ka mid ah gelisay macluul.

Bishii Janaayo 2025, dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u go’aamisay in ciidanka RSF ay xasuuq ka geysteen gobolka Darfur.

Waddo sahay oo qarsoodi ah

Warbixinta Middle East Eye waxay tilmaantay duulimaadyo joogto ah oo ay diyaaradaha waaweyn ee xamuulka ee IL-76 ku yimaadaan garoonka Boosaaso. Taliye sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF), oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay Middle East Eye in xamuulka “isla markiiba lagu wareejiyo diyaarad kale… taasoo u socota… ciidanka RSF ee Sudan.”

Sidoo kale, waxaa la sheegay in dhoofinta dhinaca badda ay kabto isku-xirka cirka ah. Maamule sare oo ka shaqeeya dekadda Boosaaso ayaa u sheegay Middle East Eye in in ka badan 500,000 oo konteenar oo ku calaamadsan “khatar” ay ka yimaadeen Imaaraadka Carabta labadii sano ee la soo dhaafay.

Shixnadahan waxay soo gaareen iyagoon lahayn faahfaahin ku saabsan meesha ay ka yimaadeen ama halka ay u socdeen, waxayna ku jireen sir weyn, waxaana si degdeg ah loogu wareejinayay garoonka diyaaradaha iyadoo si adag loo ilaalinayo. “Waxay ahayd kaliya meel la sii marsiiyo,” ayuu yiri maamulaha.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Middle East Eye in saadka ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee lagu sameeyo dalka Shiinaha, kuwaasoo qayb ka ah hawlgal ballaaran oo Imaaraadku ka wado gobolka.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer maalgelinayay ciidanka PMPF, iyadoo ujeeddada la sheegay ay ahayd la dagaallanka burcad-badeedda. Si kastaba ha ahaatee, askar ka tirsan PMPF ayaa u sheegay baarayaasha in shixnadaha soo socda ay yihiin “kuwo waaweyn oo ka baxsan baahiyahooda” aysanna tagin xeryahooda.

Imaaraadka Carabta wuxuu saldhigyo silsilad ah ka sameystay guud ahaan Geeska Afrika, oo ay ku jiraan xarumo ku yaalla Yemen iyo Somaliland. Sidaas darteed, tani waxay siisay kantarool istaraatiiji ah oo ku aaddan Gacanka Cadmeed.

Warbixinta Middle East Eye waxay ku eedeyneysaa in xarunta hubka ee Imaaraadka ee Soomaaliya ay tahay xudun muhiim ah oo shabakaddan ka tirsan, waxayna sheegtay in Imaaraadku uu ku ilaaliyo nidaam raadaar militari ah oo ku yaal garoonka Boosaaso.

Dowladda Imaaraadka iyo maamul goboleedka Puntland midkoodna kama uusan jawaabin codsi ay Middle East Eye uga dalbanaysay inay arrintan ka hadlaan. Horay, Imaaraadku wuxuu beeniyay inuu maalgeliyo ciidanka RSF.

Calooshood-u-shaqaystayaal Colombian ah oo Soomaaliya jooga

Dhinaca kale, warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in garoonka Boosaaso ay ku taallo xero gaar ah oo ay deggan yihiin calooshood-u-shaqaystayaal Colombian ah oo ku lug leh dagaalka Sudan.

Taliyihii PMPF ayaa xaqiijiyay joogitaankooda, wuxuuna u sheegay Middle East Eye: “Haa, waa calooshood-u-shaqaystayaal Colombian ah oo tiro badan kuwaasoo ka hawlgala halkan.”

Ciidankan ayaa la sheegay inay ku yimaadaan diyaarado ganacsi, ayna u sii gudbaan Sudan si ay ula dagaallamaan ciidanka RSF. Waxaa la soo warinayaa in xerada uu ku jiro isbitaal cusub oo lagu daweeyo dagaalyahannada dhaawaca ah ee laga soo daadgureeyo Sudan.

“Waxaan xusuustaa hal mar oo ay soo degtay diyaarad siday askar dhaawac ah… albaabka diyaaraddana waxaa si muuqata uga bidhaamayay dhiig,” ayuu yiri sarkaalka PMPF.

Hawlgalkan ayaa iftiiminaya xiriirka isku-murugsan ee ka dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.

Dowladda federaalka ee Muqdisho ayaa maamusha hawada Soomaaliya, balse si cad ugama hor imaan Abu Dhabi oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo Puntland, oo ah maamul goboleed. Dad badan ayaa u arka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu yahay saaxiib dhow oo Imaaraadka Carabta uu leeyahay.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digay in hawlgalkan uu khatar ku yahay xasillooni gobolka. “Puntland waxay weli ka mid tahay meelaha adduunka ugu yar ee la baaro ama lala socdo,” ayuu Middle East Eye u sheegay Martin Plaut, oo ah aqoonyahan ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika.

Wuxuu xusay in fududeynta xarunta hubka Imaaraadka ee Soomaaliya ay ka dhigan tahay “in maamulka Puntland ay ku lug yeelan karaan” dambiyo dagaal.

Xogtan ayaa soo shaac baxaysa xilli Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay waddo baaritaan ku salaysan “sababo macquul ah oo la aamini karo” oo muujinaya in dambiyo dagaal iyo kuwo ka dhan ah aadanaha laga geysanayo gudaha Sudan.

Askar ka tirsan ciidanka PMPF ee deegaanka ayaa muujiyay dareen walaac leh, iyagoo ka cabsi qaba in hawlgalku uu taageerayo gabood-fallo ka dhan ah qaran saaxiib la ah.


War cusub oo kasoo kordhay go’aanka Itoobiya ee helista bad

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya oo muddo dheer ahayd dal xeeb la’aan ah ayaa mar kale muujisay sida ay ugu hanqal taagayso helitaanka marin-badeed, iyadoo hoggaankeeda milatari uu si adag u muujiyey dareenka ay ka qabaan xaaladdan.

Field Marshal Birhanu Jula, Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, ayaa sheegay in aanay caddaalad ahayn in ummad tiradeedu sii kordhayso aysan lahayn marin-biyood ay si xor ah ugu tiirsanaan karto.

Isagoo ka hadlayay Addis-Ababa, Field Marshal Birhanu wuxuu yiri: “Dadkayagu hadda waa 130 milyan, waxaana la filayaa in ay gaaraan 200 milyan 25 sano gudahood. Sidee baa danaha 200 milyan qof loogu hor istaagi karaa laba milyan oo keliya dartood? Taasi ma aha mid caddaalad ah, mana waafaqsana sharciga caalamiga ah.”

Taliyaha ayaa ku eedeeyay cadowyo taariikhi ah in ay Itoobiya ka xannibeen marin-badeed, isaga oo qirtay in ay jireen khaladaad gudaha ah oo qayb ka ahaa xaaladda hadda jirta.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay go’aansatay in ay xoojiso awooddeeda difaaca, dardargeliso horumarka gudaha, isla markaana ay dadaal kasta u gasho sidii ay dalka ugu heli lahayd marin-badeed rasmi ah oo joogto ah.

Hadalladiisa ayaa sii xoojinaya kuwii dhowr maalmeed ka hor ka soo yeeray ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee uu ku beeniyey taariikhdii iyo heshiiskii ay Eritrea kaga go’day Itoobiya ee dalkaas ka dhigay bad-la’aan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa Talaadadii sheegay in “aysan jirin diiwaan rasmi ah ama go’aan hay’adeed” oo caddaynaya sida Ethiopia ay ku weyday marin-badeedkeedii. Wuxuu ku tilmaamay xaaladda dalka ee ah inuusan bad lahayn “arrin masiiri ah” oo ay waajib tahay in si nabad ah lagu xalliyo.

Isagoo kula hadlayay xildhibaannada magaalada Addis Ababa, Oktoobar 28, 2025, Abiy wuxuu ku dooday in aysan jirin hay’ad Itoobiyaan ah oo si rasmi ah u ansixisay arrintaas.

“Haddii uusan shacabku ogayn, uusan baarlamaankuna ogayn… haddaba, waa kuma cidda go’aanka qaadatay?” ayuu Abiy is-weydiiyay. “Ma heli karno hal dukumeenti oo qura oo ku saabsan arrintan.”

Itoobiya waxay noqotay waddan aan bad lahayn sanadkii 1993-kii markii ay Eritrea xornimadeeda qaadatay kaddib dagaal 30 sano socday iyo afti ay kormeertay Qaramada Midoobay, sida ku cad diiwaannada taariikhiga ah. Lumitaanka marin-badeedka ayaa dalka ka reebay xeebtiisii hore, oo ay ku jiraan dekedaha muhiimka ah ee Massawa iyo Assab.

Nin kasoo goostay kooxda Al-Shabaab oo xog bixiyay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Cabdifataax Aadan Isgoowe oo horay uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ninkan ayaa si gaar ah uga tirsanaa qeybaha jabhada, gaadiidka, caafimaadka, waxaana uu kasoo shaqeeyay meelo kala duwan, sida ay shaacisay Koonfu Galbeed.

Cabdifitaax oo la wareystay ayaa sidoo kale bixiyay xog culus, isaga oo ka shakeeyay waxa ka jira gudaha kooxda ee uu muddada dheer ka tirsanaa, waxaana uu hoosta ka xariiqay in in haatan Shabaab ay wajaheyso xaalad adag iyo culeys uga imaanaayo howlgallada socda.

Sidoo kale wuxuun intaasi ku darah in Khawaarijta ay dhibaatooyin u geysanayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan taasina ay ku qasabtay in uu isaga soo tago.

Horay waxaa sidaan oo kale isku soo dhiibay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo gaaray Baydhaba, waxaana ugu dambeeyay 10 xubnood oo dhawaan uun lasoo bandhigay.

Raggaas ayaa kooxda u qaabilsanaa dhanka jabhadaha weerarada geysta, sida ay horay u shaacisay Hay’adda Nabad-sugidda ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gobollada Baa iyo Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta, kuwaas oo si weyn looga dareemay maamul-goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

Musuq-maasuq hareeyey mashaariicda AfDB ee Somalia

Muqdisho (Somalia Today) — Warbixinno gudaha ah ayaa daaha ka rogay in dib u dhac iyo eedeymo musuq-maasuq ay hareeyeen mashaariicda AfDB ee Soomaaliya, iyadoo ku dhowaad kala bar faylalka mashaariicda bangiga lagu asteeyay calaamadda cas.

Qiimeyn gudaha ah oo la sameeyay bartamihii 2025-kii ayaa shaaca ka qaadday in boqolkiiba 42 ka mid ah 22 mashruuc oo uu Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank – AfDB) ka wado dalka ay ku jiraan liiska kormeerka gaarka ah, sida lagu sheegay warbixinno ku saabsan waxqabadka faylalka mashaariicda oo ay heshay warbaahinta The EastAfrican. Tiradaas ayaa aad uga sarreysa bartilmaameedka guud ee bangiga oo ah boqolkiiba 25 ee digniinaha noocan ah.

Mashaariicda calaamadda cas lagu asteeyay waa kuwa ka gudbay waqtigii loogu talagalay fulintooda. Dib u dhaca baahsan ayaa halis gelinaya inuu wiiqo saameyntii la rabay in kaalmadaasi ay ku yeelato soo kabashada dalkaan ku yaalla Geeska Afrika oo weli jilicsan.

Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay saaxiibbada caalamiga ah, sida AfDB, marka la eego mashaariicda soo kabashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Faylalka mashaariicda bangiga waxay diiradda saaraan dhisidda adkeysiga iyo tayeynta hay’adaha. Si kastaba ha ahaatee, dalka ayaa galay kaalinta 179-aad ee 180 waddan ee Tusaha Dareenka Musuqmaasuqa (Corruption Perceptions Index) ee hay’adda Transparency International ee sanadkii 2024, taasoo caqabad joogto ah ku ah maareynta hantida guud.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda oo kormeeraya mid ka mid ah mashaariicda ayaa sheegay inuu jiro xadgudub anshaxeed oo daran. “Weli ma aanan arag heerka musuqmaasuqa, ku takri-falka awoodeed, iyo karti-darrada hadda hareeysay mashruuca,” ayuu yiri sarkaalka, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin isagoo ka baqaya aargoosi.

“Dabagalkii iyo kontarooladii aasaasiga ahaa, ee muhiimka u ahaa maamulka hufan ee hantida guud, ayaa la qorsheeyay in meesha laga sii saaro si loo gaaro dano shakhsi ah oo cidhiidhi ah,” ayuu raaciyay sarkaalku.

AfDB wuxuu sabab uga dhigay ‘awood xaddidan’

AfDB wuxuu sheegay in musuqmaasuqa iyo anshax-xumadu aysan saameyn ku yeelan nidaamkiisa “calaamadda cas”, kaasoo la socda jadwalka fulinta mashaariicda. Bangiga wuxuu ku adkeysanayaa inuu “leeyahay siyaasad adag oo ka dhan ah musuqmaasuqa, wax isdaba marinta, iyo dhammaan noocyada kale ee anshax-xumada.”

Afhayeen u hadlay AfDB ayaa u sheegay The EastAfrican in dib u dhaca ku yimid mashaariicda Soomaaliya ay sababeen arrimo isku dhafan. Kuwaas waxaa ka mid ah “in si xaddidan loo gaari karo goobaha mashaariicda qaarkood iyo habsami u socodka bixinta lacagaha oo daaha.”

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in “awood xaddidan oo dhinaca maareynta maaliyadda, wax iibsiga, iyo ilaalinta shuruucda” ay yihiin arrimo muhiim ah. “Shaqaalaha aqoonta leh oo si joogto ah isu beddela, gaar ahaan Muqdisho, iyo khataraha cimilada la xiriira ee soo noqnoqda sida fatahaadaha oo xaddidaya gaarista goobaha mashaariicda, ayaa sii adkeynaya caqabadahaas,” ayuu yiri bangigu.

Mashaariicda hakadka galay waxaa ka mid ah $5.4 milyan oo maalgelin dheeri ah oo loogu talagalay barnaamijka Dhisidda Adkeysiga Cunnada iyo Nafaqada (Build Resilience for Food and Nutrition Security – Brefons). Maalgelintan waxaa la ansixiyay sanadkii 2022. Xilligaas wuxuu ku beegnaa abaartii ugu darneyd ee gobolka soo marta muddo 40 sano ka badan, taasoo lagu qiyaasay inay Soomaaliya ku barakicisay 1.4 milyan oo qof.

In ka badan saddex sano ka dib, Soomaalidii ay dhibaatadu soo gaartay weli kama aysan faa’iideysan mashruuca. Warbixin horumarineed oo soo baxday bishii Luulyo ayaa muujisay in kaliya boqolkiiba 4.57 oo ah lacagtii la ballanqaaday la bixiyay. Mashruuca asalka ah ee Brefons, oo la bilaabay 2021, ayaa sidoo kale ku jira liiska mashaariicda ee AfDB uu calaamadda cas geliyay.

Mashruuc kale, oo ah Mashruuca Taageerada Hay’adaha ee Maamul Wanaagga Dhaqaalaha (Institutional Support for Economic Governance project), kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo dakhliga gudaha, ayaa lagu daray liiska “sida dhow loola socdo.”

Bangiga oo ‘ku kalsoon’ in xaaladdu soo hagaageyso

AfDB wuxuu muujiyay kalsooni ah inuu dhimi doono heerka dib u dhaca ku yimid sanduuqiisa horumarinta Soomaaliya ee calaamadda cas helay.

“Boqolleyda mashaariicda ‘calaamadda cas’ leh waxay hadda taagan tahay boqolkiiba 42… taasoo ka soo degtay boqolkiiba 52 bishii Juun 2025, taasina waxay muujineysaa horumar,” ayuu yiri afhayeenku. Bangigu wuxuu hiigsanayaa inuu heerkaas hoos uga dhigo bartilmaameedkiisa ah boqolkiiba 25 ka hor dhammaadka sanadka.

AfDB wuxuu sheegay in qorshihiisa lagu horumarinayo waxqabadka faylalka mashaariicda Soomaaliya uu “si weyn ugu tiirsan yahay dhisidda awoodda, tababarrada, iyo aqoon-is-weydaarsiyada maamulka maaliyadeed.”

Mashaariicda ku sii jira calaamadda cas muddo dheer waxay halis ugu jiraan in la joojiyo. Xallinta isku-dhafka murugsan ee dib u dhaca iyo eedeymaha musuqmaasuqa ee hareeyay mashaariicda AfDB ee Soomaaliya ayaa weli muhiimad weyn u leh si loo hubiyo in lacagahaasi ay gaaraan saameyntii loogu talagalay ee soo kabashada dalka.

War cusub oo kasoo kordhay raggii Galgaduud ku dilay hooyadii iyo gabdhaheedii

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa maanta war cusub kasoo saartay kiiska saddex nin oo ku eedeysan in ay dileen Hooyo iyo saddexdeeda gabar, kuwaas oo ay dhawaan xukun dood dhaliyay ku ridday Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka.

Eedeysanayaasha oo kala ah Ayuub Maxamed Cabdi, Galad Axmed Xuseen iyo Cabdi Cismaan Cabdullaahi ayaa loo haystaa inay ka dambeeyeen dilkii loo gaystay Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo gabdhaheedii Nuuro Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed iyo Faa’iso Axmed.

Warqad kasoo baxday Maxkamadda Racfaanka ee Galgaduud ayaa waxaa lagu muddeeyay dhageysiga kiiskan oo dhici doono maalinta Arbacada ah oo ku beegan 5/11/2025.

Maxkamadda ayaa fartay taliyaha saldhigga degmada Dhuusamareeb inuu diyaariyo maxaabiista, isla markaana uu waqtiga la qabtay ku horkeeno Maxkamadda.

Sidoo kale, xeer-ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanayaasha ayaa la faray inay kasoo qayb-galaan dacwadda, maadaama mar labaad la guda galayo kiiska.

Horay Maxkamadd Darajada Koowaad ee gobolka Galgaduud ayaa Cabdi Cisman iyo Galad Axmed ugu xukumtay tacsiir shan sano ah, halka Ayuub Maxamed lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah, waxaaa arrintaas dood ka keenay xeer-ilaaliyaha iyo ehellada marxuumiinta oo mar kale aaday Maxkamadda Racfaanka oo haatan la wareegtay kiiska.

“Maxkamadda marka ay dhageysatay doodda xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Galmudug iyo cadeymaha uu soo gudbiyay, maxkamadda markay dhageysatay difaaca qareennada eedeysanayaasha, waxay maxkamaddu ku xukuntay tacshiir shan sano ah oo xabsi ah,” ayuu yiri Garsooraha Maxkamadda ee horay xukunka ula wadaagay warbaahinta.

Sidoo kale, wuxuu Garsoorka markaas sheegay in dadka leh dhaxalka ay diideen in ay dhaartaan ama dhaariyaan eedeysanayaasha, taasina aysan keenayn in lagu helay dambiga.

Dhacdadan argagaxa leh ayaa ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, iyadoo si arxan darro ah loo dilay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.

Si kastaba, ha’ahaatee, Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

Yaa ku guuleystay doorashadii muranka dhalisay ee Tanzania?

0

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa guul weyn ka gaartay doorashadii dalkaasi iyadoo heshay ku dhawaad 98% codadka, sida ay subaxnimadii maanta oo Sabti ah ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinku.

“Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa in Samia Suluhu Xasan loo doortay Madaxweynaha Tanzania iyada oo ka socota xisbiga CCM,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Jacobs Mwambegele, isagoo ka hadlaya telefishinka qaranka.

Guddoomiyaha INEC, Jacobs Mwambegele, ayaa sheegay in Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay oo ay heshay 31,913,866 codod oo ka mid ah 32,678,844 codod oo la dhiibtay.

Natiijooyinkan ay ku dhawaaqday INEC waxay siinayaan Suluhu awood buuxda oo ay ku maamusho muddo shan sano ah.

Suluhu waxay talada qabatay sanadkii 2021 ka dib geeridii Madaxweyne John Pombe Magufuli.

Dhinaca kale, dowladda Tanzania ayaa sheegtay in aanay awoodin in ay xaqiijiso tirada dadka ku dhintay mudaharaadyadii dhacay kaddib doorashada Arbacadii toddobaadkan, iyadoo rabshadaha doorashadau ay galeen maalintoodii saddexaad.

“Waqtigan xaadirka ah cidna ma sheegi karto inta qof ee dhimatay ama dhaawacantay. Waxaan weli helaynaa warbixinno ku saabsan hanti gaar ah oo la burburiyey, gaadiid, hanti dadweyne, iyo gaadiidkii shirkadda korontada ee TANESCO oo la gubay. Waqtigan ma hayno tirakoob dhammaystiran, ilaa dowladda ay hesho warbixin buuxda, markaas ayaana la heli karaa tiro sax ah,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda, Mahmoud Thabit oo la hadlay BBC-da.

Kooxo mucaarad ah ayaa sheegay in boqolaal qof la dilay, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in toban qof la dilay, balse Thabit Kombo wuu beeniyay sheegashadaas.

Sidoo kale, dowladda Tanzania ayaa sheegtay in tallaabooyinka lagu xaddiday internet-ka aanay ujeeddadoodu ahayn in lagu caburiyo muwaadiniinta, balse ay yihiin kuwo lagu sugayo amniga, iyadoo shacabka ku wargelisay in adeegyada internet-ka ay si dhow dib ugu soo laaban doonaan.

Daawo: Xaalad cusub oo kasoo korortay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka HirShabelle waxaa ka taagan xaalad culus oo u dhexeysa maamulka iyo wadayaasha mootooyinka Bajaajta ee ka howlgala gudaha magaaladaasi, kuwaas oo dhigay dibad-bax cabasho ah.

Darawallada ayaa sheegay inay ka cabanayaan go’aanno culus oo kasoo baxay HirShabelle, iyaga oo ku goodiyay inay sameynayaan shaqo joojin, haddii aan wax laga qaban cabashadooda.

Qaar kamid ah wadayaasha mootooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dooday inay bixiyaan lacag canshuur oo billa ah, hadana aysan haysan waddo ay maraan.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in haatan lagu soo rogay go’aanno kale oo sharci ah, sida in ay goostaan Leesin, lagana rabo buugga iyo taargo lagu kala karto Bajaajta.

Dhalinyaradan ayaa dalbaday in arrintooda wax laga qabto, maadaama ay yihiin canshuur bixiyeyaal mudan in hoos loo eego xaaladdooda.

Intaas kadib waxaa cabashadan soo faragaliyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka HirShabelle oo la hadlay dibadbaxayaasha, kuna qanciyay in maanta ay sii wataan shaqadooda, ayna joojiyaan dibadbaxa oo si weyn looga dareemay magaalada Jowhar.

Waxaa kale oo ay u ballan qaadeen in dib loogu laaban doono amarada soo baxay, iyaguna ay soo dirsadaan guddi la shira madaxda sare, si arrinta la’isula meel dhigo.

HirShabelle ayaa muddooyinkan wajaheysay dhibaatooyin gudaha ah, waxaana usii dheer xiisado syaasadeed oo haysta maamulka, maadaama la galayo doorasho guud.

Sawirro: Xasan Sheekh oo hoygiisa Jabuuti ku maamusay madaxdii hore ee dalka

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan qado-sharaf ah ku maamusay madaxdii hore ee dalka.

Madaxdan oo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaarayaal hore, guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka, iyo xildhibaanno ayaa qeyb ka ahaa munaasabadda xuska 25-guurada shirweynihii nabadaynta Soomaaliya ee Carta.

Madaxweynaha ayaa xubnahan la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha qaran ee dowlad-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhamaystirka dastuurka, dardargelinta nidaamka axsaabta badan, amniga iyo ciribtirka argagixisada.

Dhankooda, madaxdii hore ee qaranka ayaa bogaadiyay guulaha la gaaray, iyagoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay talooyin wax-ku-ool ah.

Waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay hirgelinta doorasho dadweyne iyo adkeynta tiirarka dowladnimada dalkeenna.

Magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa shalay martigelisay xaflad heer qaran ah oo lagu xusayay 25-guuradii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana ka qeyb-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, dhiggiisa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, wasiirro, mas’uuliyiin sar-sare oo ka socday labada dal, iyo marti-sharaf kale.

Intii lagu guda jiray munaasabaddan, waxaa la daahfuray Madxafka Carta, oo diiwaangelinaya marxalado muhiim ah oo ka mid ah taariikhda siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya laga soo bilaabo 1960 ilaa 2025, iyadoo madxafku xambaarsan yahay sawirro iyo dukumentiyo naadir ah oo muujinaya geeddi-socodkii dhismaha dowladnimada casriga ah iyo dadaalladii dib-u-heshiisiinta qaran ee ka billowday Carta rubac qarni ka hor.

Munaasabaddan ayaa ahayd xus iyo maamuus loo sameeyay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee siyaasadeed ee taariikhda Soomaaliya casriga ah, iyo amaanno loo jeediyay hoggaamiyayaashii qaranka ee aas-aasay nidaamka federaalka iyo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Qorshe ka dhan ah Netanyahu oo ka dhex bilowday Israel

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Magaalooyinka ay Israa’iil gacanta ku hayso ayaa laga bilaabay olole ka dhan ah qorshaha Xukuumadda Benjamin Netanyahu ee lagu qafaalayo dhallinyarada Yuhuudda xagjirka ah, si khasab ahna loogu dirayo dagaalka uu doonayo inuu dib u bilaabo.

Qorshahan ayaa abuuray caro iyo muran xooggan oo gudaha Israa’iil ka dhashay, iyadoo dad badan ay ku eedeeyeen dowladda in ay ku tumanayso xuquuqda dhalinyarada oo aan la siin doorasho.

Wararka kasoo baxaya warbaahinta ku hadasha afka Cibriga ayaa sheegaya in mudaaharaadyo ballaaran laga sameeyay xarumaha lagu tababaro ardayda baranaysa diinta Yuhuudda ee mayalka adag.

Dadka mudaaharaadaya ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin in dhalinyarada lagu qasbo dagaal aan dan guud laga lahayn, balse lagu adeegsanayo siyaasad iyo dano gaar ah.

Macallimiin ka tirsan goobahaas ayaa sidoo kale isku dayay inay ardayda ka hor istaagaan ka qaybgalka dagaallada, maadaama la sheegay in boqolaal dhallinyaro ah lagu qasbay inay dagaalka ku biiraan.

Qaar ka mid ah macallimiintaas ayaa ku andacooday in dagaalka uu Netanyahu wado uusan ahayn mid diimeed, balse uu yahay mid siyaasadeed oo dhaawacaya mustaqbalka dhalinyarada.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii dhallinyaro Yuhuud ah oo diidan dagaalka ay si qarsoodi ah uga baxsadeen xeryaha ciidamada Israa’iil, halkaas oo lagu amray inay ka qaybqaataan dagaalka ka dhanka ah Falastiin.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo raali-gelin ka bixiyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ammaan ballaaran u jeediyay ciidamada ammaanka ee ka howl-gala magaalada Muqdisho, isagoo ku bogaadiyay sida ay u sugeen amniga caasimadda.

Xamse ayaa cambaareeyay mas’uuliyiinta qaar ee uu sheegay inay hadallo aan munaasib ahayn ku durayaan amniga Muqdisho, halka uu tilmaamay in xaaladda amni ee magaalada maanta ay tahay mid aad u wanaagsan.

“Ciidamada ammaanka waan bogaadinayaa, waxaana ka raalli-gelinayaa hadallada aan habboonayn ee kasoo yeeray dad mas’uuliyiin ah oo dalkaan xilal ka haya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas kusii daray: “Ciidamadu waxay si buuxda u xaqiijiyeen amniga 20-ka degmo ee caasimadda, waxaana habboon in loo mahadceliyo, ee aan lagu eedeyn ereyo dhaawacaya dadaalkooda.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in ammaanka Muqdisho uu maanta marayo heerkii ugu sarreeyay, isla markaana ciidamada ay muujiyeen feejignaan iyo geesinimo lagu faano.

“Wasiir muddo toban maalmood ah dalka ka maqnaa ayaa markuu kusoo laabtay Muqdisho, ciidamadu way joojiyeen si ay u hubiyaan gaarigiisa, taasna waxay tusaale u tahay sida ay uga go’an tahay ilaalinta ammaanka muwaadiniinta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Dhanka kale, Xamza ayaa uga mahad-celiyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kaalintii muhiimka ahayd ee uu ku lahaa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

“Jabuuti waxay qabatay shaqo taariikhi ah. Waxay isu keentay dad Soomaaliyeed oo colaad kala dhexeysay, waxayna ku guuleysatay in ay dib u dhisaan dowladnimadeenna. Wixii kasoo baxay shirka Carta waxay ahaayeen natiijooyin muhiim ah oo Soomaaliya u horseeday rajo cusub,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Hadalkan ayaa imanaya xilli shalay magaalada Carta ee Jabuuti lagu xusay sanad-guuradii 25-aad ee dib-u-dhiskii dowladnimada Soomaaliya ee halkaas lagu aas-aasay sanadkii 2000.

Maamulka Deni oo qaaday tallaabo ka dhan ah ciidamadii ku sugnaa Sool iyo Cayn

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa gabi ahaanba hakiyay bixinta mushaharka iyo raashinka ciidamadii ka howl-galayay gobollada Sool iyo Cayn.

Tani ayaa imanaysa kadib markii deegaanadaas ay ku dhawaaqeen maamul cusub oo madax-bannaan, kaasi oo lagu magacaabo Waqooyi Bari, isla markaan dhawaan si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay dhismihiisa.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in go’aankan uu ka dhashay caro ay qabto Puntland, kadib markii qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada ku sugnaa gobolladaasi ay taageereen maamulka cusub, isla markaana ay diideen inay qaataan amarro ka imanaya Garoowe.

Ciidamada laga joojiyay mushaharka waxaa ku jira kuwo ka amar qaadan jiray madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland, Axmed Karaash, kaas oo door muuqda ku lahaa dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamadaasi ayaa dhowaan la kulmay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, oo kasoo jeeda gobolka Sool, iyagoo ka dalbaday in dib loo bilaabo mushaharkooda iyo raashinkooda la hakiyay.

Waxay sheegeen in muddo saddex bilood ah aysan helin wax mushaar iyo raashin ah, ayna ka fiirsanayaan tallaabooyin ay qaadaan, oo ay ku jirto in ay dhigaan jidgooyooyin haddii aan laga jawaabin cabashadooda.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan maamulka Puntland uu sidoo kale joojiyay mushaarkii iyo adeegii ciidanka guutada Danab ee uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa xalay mushaar ka helay dowladda dhexe, iyagoo qeyb ka ahaa in ka badan 2,500 askari oo ku kala sugan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, iyadoo midkii uu helay lacag dhan $200.

Lacagtaas oo qeyb ka aheyd mushaarka ay bixiso dowladda dhexe ayaa lagu wareejiyay hab bangi ah, iyadoo fariimaha lacag dirista ee la arkay ay muujinayaan in askartan ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Ciidamada lacagta la siiyay ayaa waxay u badan yihiin qaybaha PSF ee Boosaaso ku sugan iyo cutubyada Danab ee uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale, kuwaas oo fariisimo ku leh magaalada Garoowe. Sidoo kale, ilo kale ayaa xaqiijiyay in ciidamada federaalka ah ee jooga magaalada Gaalkacyo ay iyaguna heleen lacagtaas.

Bixinta lacagahan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan sheegay in ciidamo federaal ah ay ku sugan yihiin gudaha Puntland.

Cabdisaciid oo ka digay cawaaqib adag oo Soomaaliya wajahdo kadib dhaq-dhaqaaqa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisiciid Muuse Cali ayaa ka digay in Soomaaliya ay wajahdo cawaaqib adag kadib dhaq-dhaqaaqyada milateri ee Imaaraadka Carabta uu ka wado gudaha dalka.

Cabdisiciid oo qoray maqaal dheer oo uga hadlayay sida qaldan ee Imaaraadka u adeegsado saldhiga Boosaaso ayaa sheegay in sanadkaan ay jireen duulimaadyo joogto ah oo ka ambabaxayay Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku hakayay magaalada Boosaaso ka hor inta aysan sii galin Liibiya iyo Sudan.

Duulimaadyadan ayuu tilmaamay in aysan ahayn kuwo ganacsi oo caadi ah, balse ay u muuqdeen hawl-gallo qorshaysan oo lagu daabulayay hub loo waday kooxda RSF ee Suudaan, taas oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhacay magaalada Alfasher iyo qeybo kale oo ka tirsan Darfur.

Cabdisiciid ayaa maqaalka ku sheegay in qaar ka mid ah diyaaradahaasi ay isticmaaleen hawada Soomaaliya iyo garoomo ku yaalla dalka.

“Haddii dowladda Soomaaliya ay siisay oggolaansho duulimaadyadan, waxay noqonaysaa mid muujinaysa dayacaad masuuliyadeed ama ka-qaybqaadasho toos ah oo lagu caawinayo ciidan lagu eedeeyay xasuuq,” ayuu yiri Cabdisiciid.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay sameyso baaritaan dhab ah si loo ogaado cidda bixisay oggolaanshaha duulimaadyadan, lana eego dhammaan duulimaadyadii xamuul ee dhacay tan iyo bartamihii sannadka 2025.

Ugu dambeyntiina, Cabdisiciid wuxuu sheegay in haddii la xaqiijiyo in Soomaaliya ay qayb ka ahayd silsiladda hubkaas lagu dirayay Sudan, ay taasi keeni karto cunaqabateyn caalami ah, cadaadis dhaqaale iyo in dalka uu waayo kalsoonida beesha caalamka.

Dhawaan, Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu jebiyay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, kadib markii la ogaaday in qalab milatari oo laga keenay Boqortooyada Ingiriiska oo loo iibiyay Imaaraadka lagu arkay gudaha Soomaaliya, iyadoo uu gacanta u galay kooxo hubeysan oo ka howl-gala Soomaaliya iyo Liibiya.

Warbixin ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado si qarsoodi ah hubka u kala gudbiya, waxaana marar badan la arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban oo ay soo saarto shirkad Imaaraad ah, oo lagu isticmaalayo dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cuna-qabateyn hub.

Warbixinta oo ay akhriyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadku uu hub British ah siiyay kooxda RSF ee Sudan, taas oo dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan doorkiisa ku aaddan dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa uga digay in dhaqanka noocan ahi uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka, islamarkaana uu sii hurin karo ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya, halkaas oo amni darro wali ka jirto.

Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis saaraya in dib loo eego dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in lagu isticmaalo goobaha ay colaadaha ka socdaan, sida Soomaaliya iyo Sudan.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer wajahayay eedeymo sheegaya inuu taageero oo uu hubeeyo ciidanka RSF, inkastoo Abu Dhabi ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno dhowr ah ayaa muujinaya doorka istaraatiijiyadeed ee magaalada Boosaaso ay ku leedahay hawl-gallada gobolka ee Imaaraadka.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo la daabacay bishii Abriil 2025 ayaa muujiyay diyaarado waaweyn oo xamuul ah oo taagan Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, taasoo sii kicisay walaaca ah in goobtaasi ay noqotay xarun saadka looga daabulo RSF.

Saldhigga Boosaaso, oo markii hore uu Imaaraadku u dhisay xarun tababar oo loogu talagalay ciidanka badda ee Puntland, ayaa hadda la aaminsan yahay inuu yahay saldhig si buuxda uu Imaaraadku u maamulo oo aysan wax kormeer ah oo macno leh ku lahayn mas’uuliyiinta Soomaalida.

Dhanka kale, warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in falanqeeyayaal sirdoon ay horraantii sanadkan sheegeen inay arkeen Raadaarka Hawlaha Badan ee ELM-2084 (ELM-2084 Multi-Mission Radar) oo lagu sameeyay Israel, kaasoo la dhigay meel u dhow isla saldhiggaas.

Nidaamkan, oo ay samaysay shirkadda ELTA Systems ee laga leeyahay Israel oo awood u leh inuu la socdo in ka badan 1,000 bartilmaameed, ayaa waxaa loo malaynayaa inuu Imaaraadku rakibay iyadoo aysan ka warqabin dawladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu oggolaaday meelaynta raadaarka iyadoo la raacayo heshiis qarsoodi ah oo lala galay Abu Dhabi.

Wararkan soo baxay waxay ku soo beegmayaan xilli ay jiraan caddeymo muujinaya istaraatiijiyad ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu saameyntiisa ku fidiyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay tirada qaxootiga dalkiisu qaadanayo 2026

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo caan ku ah siyaasaddiisa ka dhanka ah soogalootiga ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu sanadka soo socda aqbali doonto 7,500 qaxooti ah.

Qaxootigan ayuu sheegay inay kasoo jeedaan Koonfur Afrika, kuwaas oo badankoodu yihiin dadka aan madowga ahayn. Trump ayaa shaaca ka qaaday in kooxdan yar loo oggolaan doono inay degaan gudaha Mareykanka.

Trump ayaa weli kusii adkeysanaya xayiraaddii uu hore ugu soo rogay dadka doonaya inay dalkiisa qaxooti ahaan ku galaan.

Warqad Madaxweyne oo la daabacay Khamiistii ayaa lagu caddeeyay in siyaasadda diidmada soogalootiga aysan wax isbeddel ah ku imaan, marka laga reebo kooxdan gaar ah ee la oggolaanayo.

“Dadka la aqbalayo waa 7,500 qof oo laga soo xulanayo Koonfur Afrika, kuwaas oo ah dadka cadaanka ah iyo dhibbanayaasha kale ee lagu takooro dalkooda, sida uu dhigayo amarka fulinta ee lambarkiisu yahay 14204,” ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah ee uu soo saaray Trump.

Tani ayaa noqonaysa tiradii ugu yartay ee Mareykanku qaxooti ku soo dhoweyo tan iyo 1980-kii.

Go’aankan cusub ayaa sii hurinaya muranka u dhexeeya Washington iyo Pretoria, iyadoo Koonfur Afrika horey u cambaareysay siyaasadda Mareykanka ee lagu kala soocayo dadka iyadoo lagu saleynayo midabkooda.

Sisi iyo Afwerki oo qaatay go’aan Soomaaliya la xiriira iyo laba qodob oo xasaasi ah

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, iyo dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa maalintii Khamiista carabka ku adkeeyay baahida loo qabo isuduwid xooggan oo dhex mara dalalkooda iyo waddamada kale ee xuduudda la leh si loo xaqiijiyo amniga Badda Cas, oo ah marrin muhiim ah oo caalami ah.

Kulan ka dhacay Qaahira, ayuu Sisi hoosta kaga xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga si looga hortago wax kasta oo carqaladeynaya socodka maraakiibta iyo in la adkeeyo amniga iyo xasilloonida gobolkan muhiimka ah, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday madaxtooyada.

Wadahadallada ayaa sidoo kale looga hadlay colaadaha Sudan iyo Soomaaliya. Labada hoggaamiye waxay xaqiijiyeen aragtidooda guud ee ku aaddan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Sudan, iyagoo ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la taageero hay’adaha dowliga ah ee qaranka, oo ay ugu horreeyaan Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan, isla markaana ay diidan yihiin isku day kasta oo lagu abuurayo hay’ado barbar socda.

Sisi wuxuu iftiimiyay dadaallada Masar ee ka dhex jira “habka afargeesoodka” si loo joojiyo dagaalka loona khafiifiyo dhibaatada bini’aadantinimo ee haysta shacabka Sudan.

Dhanka Soomaaliya, madaxweynayaashu waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go’an tahay war-murtiyeed wadajir ah oo saddex-geesood ah oo ka soo baxay shirkii madaxda Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya ee lagu qabtay Asmara bishii Oktoobar 2024.

War-murtiyeedkaas ayaa lagu adkeeyay baahida loo qabo in la dhowro mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan madaxbannaanida, gooni-isu-taagga, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo dhammaan dalalka gobolka.

Afwerki ayaa Qaahira u jooga si uu uga qaybgalo furitaanka Matxafka Weyn ee Masar. Sisi ayaa soo dhoweeyay booqashadiisa, wuxuuna ammaanay “xiriirka istaraatiijiga ah ee adag” ee ka dhexeeya labada dal, isagoo xaqiijiyay sida ay Masar uga go’an tahay horumarinta iskaashiga labada geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Dhankiisa, Afwerki wuxuu muujiyay sida weyn ee uu u qaddarinayo doorka Masar ee ku aaddan adkeynta xasilloonida iyo horumarinta dadaallada horumarineed ee Geeska Afrika iyo Bariga Afrika. Wuxuu soo dhoweeyay ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo isuduwidda laba geesoodka ah ee ku saabsan arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee danaha guud ah.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, iyo dhiggiisa Eritrea, Osman Saleh Mohammed.

Masar iyo Eritrea ayaa waxaa xiisad xooggan ay kala dhaxeysaa Itoobiya. Qaahira iyo Addis-Ababa ayaa isku haya biyo-xireenka Itoobiya ee webiga Nile, halka Asmara ay diidan tahay isku dayada ay Itoobiya ku dooneyso in ay ku hesho dekadda Assab ee Eritrea.

Dowladda Soomaaliya oo lacago u dirtay ciidankii ugu badnaa ee ku sugan Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan gudaha Puntland ayaa sheegaya in ka badan 2,500 askari oo ku kala sugan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo ay xalay heleen lacag dhan $200 midkiiba, taas oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lacagtan oo qeyb ka aheyd mushaarka ay bixiso dowladda dhexe ayaa lagu wareejiyay hab bangi ah, iyadoo fariimaha lacag dirista ee la arkay ay muujinayaan in askartan ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada lacagta la siiyay ay u badan yihiin qaybaha PSF ee Boosaaso ku sugan iyo cutubyada Danab ee uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale, kuwaas oo fariisimo ku leh magaalada Garoowe.

Ciidamadan ayaa dhawaan la sheegay in Madaxweyne Saciid Deni oo aragti ahaan is-hayaan uu ka jartay mushaharkii ay qaadan jireen, taas oo sababtay caro iyo cabasho ciidan xoog leh.

Sidoo kale, ilo kale ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee jooga magaalada Gaalkacyo ay iyaguna heleen lacagtaas.

Bixinta lacagahan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan sheegay in ciidamo federaal ah ay ku sugan yihiin gudaha Puntland.

Ciidamadan oo Madaxweynuhu sheegay in ay joogaan meelo kamid ah maamulka Puntland, ayuu tilmaamay inay geli karaan dagaalka ka socda Calmiskaad, balse aysan illaa iyo hadda codsi ka helin dhanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa markaas xusay in dagaalkan uu yahay mid ballaaran, ayna qayb ka yihiin saaxibada caalamiga ah oo ay ka wada shaqeeyaan howlgallada ka dhacaya dalka.

“Puntland waxay naga codsatay ma jirto haddiise loo baahdo Puntland waxaa jooga ciidamo federaalka ka amar qaata oo daqiiqad kastaa dagaalka geli kara si weyn ayaan u garab taaganahay Puntland, dagaalka Daacish-na caalamka waa nagu kaalmeynayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal-hayay inay jiraan ciidamo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka qoratay deegaannada Puntland, taas oo abuurtay xiisad xooggan, maadaama haatan khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo labada dhinac.

Haybe Cabdiraxmaan Nuur oo xukun lagu riday kadib dilkii uu ka dhex gaystay…

London (Caasimada Online) – Nin Soomaali magangalyo-doon ah oo qof uusan aqoon ku dhex toorreeyay banki ku yaalla bartamaha magaalada ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, iyadoo la amray inuu xirnaado ugu yaraan 25 sano.

Haybe Cabdiraxmaan Nuur, oo 47 jir ah, ayaa feeraha ka toorreeyay Gurvinder Johal, oo 37 jir ahaa, Bankiga Lloyds (Lloyds Bank) oo ku yaalla St Peter’s Street, ee magaalada Derby, wax yar ka dib 14:30 BST 6-dii May.

Kaamirada CCTV-ga ayaa muujisay Haybe oo soo gelaya, una dhowaanaya Johal, kadibna si aan digniin lahayn u mindiyeynaya, inta uusan dibadda uga bixin. Johal ayaa dhulka ku dhacay iyadoo mindidii weli ay feeraha kaga taagan tahay. Shaqaalihii bankiga ayaa wacay 999, balse waxaa la shaaciyay inuu geeriyooday 15:16.

Garsoore Shaun Smith, oo xukunka ka ridayay Maxkamadda Crown ee Derby (Derby Crown Court), ayaa sheegay in Haybe uu si “aan kala sooc lahayn” u doortay Johal. “Waxa uu ahaa fal arxan darro ah oo naxariis laawe ah,” ayuu yiri. Maxkamadda ayaa la sheegay in Haybe uu ku sugnaa gudaha laanta bankiga muddo ku dhow 22 ilbiriqsi.

Qoyska Johal ayaa Haybe ku sifeeyay “fulay iyo ibliis” ka dhacay saddex carruur ah oo da’ yar aabahood. “Iftiinkii qoyskeenna waa la bakhtiiyay,” ayaa lagu yiri warbixin ay akhriday xeer-ilaalintu. Qoysku waxay codsadeen in Haybe uu xukunkiisa ku qaato gudaha UK halkii dib looga masaafurin lahaa.

Haybe, oo ah muwaadin Soomaali ah, ayaa UK ku soo galay doon yar bishii Oktoobar 2024, kaddib dhowr sano oo uu u kala gooshayay Italy, France, Germany, Luxembourg iyo Netherlands. Waxa uu Soomaaliya ka tagay 2016-kii isagoo soo maray Libya, wuxuuna helay $1,800 si uu doon ugu raaco dhanka Yurub. Wuxuu kaddib bixiyay €400 uu siiyay tahriibiye si uu u gaaro Britain.

Haybe ayaa dalbaday magangalyo wax yar kaddib markii uu yimid. Xafiiska Arrimaha Gudaha (Home Office) ayaa diiday codsigiisa Janaayo 2025, isagoo ku salaynaya inuu ku yimid “si iskii ah”. Wuu ka qaatay racfaan, kiiskana dib-u-eegis ayuu ku jiray xilligii uu dilku dhacayay.

Xeer-ilaaliye Louis Mably KC ayaa sheegay in Haybe uu si sharci-darro ah sigaar ugu iibin jiray xeryo ku yaalla France iyo Italy, uuna lahaa diiwaan ay ka buuxaan dhacdooyin uu ka geystay Yurub.

Waxaa ka mid ah; xukun xabsi ah oo la hakiyay oo la xiriira dhac uu ka geystay Italy (May 2023), xarig la xiriira xatooyo baaskiil oo Germany ka dhacday, booliiska Berlin oo loogu yeeray hanjabaado is-dilid ah, saddex dhacdo oo yaryar oo nabadgelyada guud liddi ku ah isagoo sakhraansan oo ka dhacay Netherlands, iyo siddeed dembi oo xatooyo aalkolo ah oo ka dhacay Luxembourg.

Booliiska Derbyshire ayaa sheegay in ay ogaadeen diiwaannadan ka kala yimid afarta waddan ee Midowga Yurub kaddib markii uu dilku dhacay oo keliya.

Gudaha UK, Haybe waxaa lagu xiray magaalada Derby 13-kii Diseembar 2024, kaddib muran dhacay, kaasoo uu intii uu socday ku dhex orday waddada baabuurta, madaxna ku dhuftay nin, kuna tilmaamay dadka Ingiriiska “cunsuriyiin caddaan ah”. Waxa uu sidoo kale bishii Abriil burburiyay daaqadda dukaan taleefoonnada lagu iibiyo.

Maalintii uu dilku dhacay, Haybe waxa uu cabbay saddex dhalo oo vodka ah iyo 10 biir, waxuuna wicitaanno isdaba joog ah u diray hay’adda samafalka ee Migrant Help, isagoo ku hanjabay inuu waxyeello u geysanayo naftiisa iyo dad kale. Hay’adda Migrant Help ayaa la-xiriirtay Adeegga Ambalaasta ee Bariga Midlands, kuwaasoo iyana la xiriiray booliiska; EMAS ayaa loo xilsaaray inay noqoto cidda ugu habboon ee ka jawaabta xaaladda. Ambalaas ayaa gaaray ciwaanka Haybe wax yar ka hor 15:00, taasoo ahayd daqiiqado kaddib markii uu ka soo laabtay falkii toorreeyaynta. Booliiska Derbyshire waxay si isxilqaan ah kiiska ugu gudbiyeen Xafiiska Madaxa Bannaan ee Anshaxa Booliiska; baaritaan ayaa hadda socda.

Haybe ayaa la xiray saacado kaddib, kaddib markii ay saraakiil booliis ah heleen isagoo ka dhex hurda dabaqa qolkiisa jiifka. Maxkamadda ayaa la sheegay in markii uu xirnaa, isagoo ku hadlaya Af Soomaali, uu yiri: “Sida caadiga ah waad i dili kartaan… Anigaa si bareer ah u sameeyay.”

Dhanka qareennada difaaca, James Horne KC, ayaa sheegay in Haybe uu Soomaaliya ka soo cararay 2016-kii kaddib markii xaaskiisa lagu dilay fal loo bixiyay “sharaf-dil”, uuna la il daran yahay cudurka walbahaarka ee ka dambeeya dhaawacyada (post-traumatic stress disorder). Inkastoo xasuustiisu ay liidatay, haddana waxa uu aqbalay mas’uuliyadda falka oo buuxda.

Haybe, oo deggen Western Road, Derby, ayaa qirtay dembiga dilka 21-kii Agoosto. Xafiiska Xeer-ilaalinta Boqortooyada (Crown Prosecution Service) ayaa weerarka ku tilmaamay “dembi aan la macnayn karin” oo loo geystay qof aan gabi ahaanba la aqoon.

Kiiskan ayaa kiciyay su’aalo ku saabsan sida ay hay’aduhu uga jawaabeen wicitaannadii caawimaad doonka ahaa ee Haybe ee maalintaas, iyo weliba arrinta la xiriirta wadaagista diiwaannada dembiyada ee booliiska dalalka kale. Mas’uuliyiinta ayaa wajahaya la-xisaabtan ku aaddan in faragelin hore ay baajin kartay dilka iyo in kale.