25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Horjooge Daqare iyo Diini oo lagu riday xukun lama filaan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare” ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku Tashkiilin jiray inay ku biiraan kooxdaasi iyo Marin habaabin caruurta Soomaaliyeed tan iyo 2009.

Horjoogahiisa Xuseen Fiidoow ayaa u Magacaabay Marin habaabinta Jufada Hoose ee uu ka dhashay Eedeysane Horjooge Daqare, waxaana Ka mid noqoshada Khawaarijta uu ku tashiiliyey Ex Dhamme Shariif Maxamed Barqadle (Shariif Jeego) iyo Ex Dable Xoogga Maxamed Cabdulle Nuur Abkoow Biyamaaloow.

Shariif Cagaweyne oo Qeybta Dhagaraha ka tirsan ayaa isna ahaa Horjoogihii uu Daqare ku wareejiyay Jeego iyo Biyamaloow oo markii danbe geystay Qaraxyadii Muqdisho Mall 2019, Baar Cagaweyne oo ku yaalla agagaarka Hotel Wehliye 2019 iyo weerarkii Dabley Khawaarij ah loogu dusiyay airport ka Aden Cade 2022.

Horjooge Daqare Dadkii Kale ee uu ku biiriyay Khawaarijta, Jufadiisana ahaa kadib Tashkiilintiisa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xiggeenkii hore ee Arrimaha Bulshadda Degmadda Hodon Shariif Nuur Cali Awliyo oo lagu helay la shaqeynta Khawaarijta, uuna u ahaa Basaas iyo Dhagarqabe Maxamed Cali Kaahiye oo wali la shaqeysta Khawaarijta, kana tirsan Duur ku jirta ku dhuumaaleysta Gobolka Mudug.

Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne) oo Sargaal Xiggeen ka ahaa Xoogga Dalka, ayaa isna lagu eedeeyay in uu ku biiray Khawaarijta, kadib Tashkiilinta Abtigiis Hooyadii la ina Adeera, waana Horjooge Daqare.

Waxaa looga faa’iideysan jiray soo gelinta Caasimada Gawaarida Qaraxyada Lagu Diyaariyo iyo dhaafsiinta control-lada Ciidamada Amniga, iyaggoo xittaa raran, Madaama u heystay Aqoonsiga Ciidamada.

Hay’adaha Amniga oo si hoose ula socday dhaqdhaqaaqa Dhagarqabe Daqare ayaa gacanta ku soo dhigay. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishii May ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud Daqare Xabsi Daa’in, halka Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale(Wadne) isna lagu xukumay Afar Sano oo xabsi Argagaxiso ah.

Inta badan maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku ridi jirtay ragga la midka ah xubnahan argagixisada ee maanta la xukumay, taas oo dad badan lama filaan ku noqotay.

FIQI oo walaac xooggan ka muujiyay amniga Muqdisho kadib arrin soo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si adag uga hadlay amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Fiqi ayaa marka hore walaac ka muujiyay qabsashada Al-Shabaab ee deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna tilmaamay inay halis ku tahay amniga caasimada.

“Suurtagal ma’ahan Xawaadley in la yiraahdo ciidan ajnabi ah ayaa ka baxay waa galeen Al-Shabaab, mana lagu joogi karo gobolka Banaadir” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in amniga Muqdisho uu ku xiran yahay labada Shabelle, ayna tahay in si deg-deg ah looga howlgalo, si loo sugu amniga caasimada.

“Magaaladan amnigeeda waxa uu ku xiran yahay labada Shabelle iyaga ayaa laga ilaalin karaa oo amniga Muqdisho lagama ilaalin karo Heliwaa, Kaaraan, Kaxda iyo Dayniile, oo ma aha xuduuda laga ilaalin gobolka Banaadir” ayuu mar kale yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay haatan bilaabeyso howlgallo deg-deg ah oo laga fulinayo xuduudaha uu gobolka Banaadir la leeyahay labada Shabelle, si looga ciribtiro argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale baaq culus u diray guddoomiyaha cusub ee gobolka, wuxuuna ka dalbaday inuu ku gacan siiyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

“Howlgallada howshaasi la xiriira way bilaabanayaan mudane guddoomiye waqti fiican ayaa kusoo aaday, waxaan rajeyneynaa inaad ciidanka garab u noqotid ” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin kahor Al-Shabaab ay qabsadeen deegaanka Xawaadley, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Burundi ee muddada dheer ku sugnaa halkaasi, waxayna sababta ku sheegeen fatahaado ku dhuftay gudaha deegaankaaasi.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale la wareegtay diyaarad milatari oo ay lahaayeen ciidamada howlgalka AUSSOM oo Isniintii lasoo dhaafay ku dhacday duleedka deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo baahiyay sawirrada diyaaraddiisa oo burburtay.

Trump oo xayiraad socdaal ku soo rogay Soomaaliya iyo 18 dalal oo kale + Liiska

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fiidkii Arbacada saxiixay amar madaxweyne oo dib u soo nooleynaya siyaasaddii xayiraadda socdaalka ee muddado xileedkiisa hore, taasoo mamnuuceysa muwaadiniinta illaa 12 dal inay soo galaan Mareykanka.

Waddamada xayiraadda cusub la saaray waxa ay kala yihiin: Afghanistan, Burma, Chad, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen.

Xayiraaddan oo dhaqan galeysa saqda dhexe ee Isniinta (12:01 a.m.), waxaa la socda xaddidaadyo dheeraad ah oo lagu soo rogay muwaadiniinta ka imanaya Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad, waddamada si buuxda looga mamnuucay inay galaan Mareykanka ayaa lagu tilmaamay kuwo “ku fashilmay nidaamyada baaritaanka iyo xaqiijinta amniga, isla markaana loo arkay inay halis sare ku yihiin ammaanka Mareykanka.”

“Waa in aan qaadaa tallaabo lagu difaacayo amniga qaranka iyo danaha shacabka Mareykanka,” ayuu Trump ku sheegay bayaankiisa rasmiga ah.

Trump oo aad u weeraray Soomaaliya

Trump ayaa si adag u dhaliilay awoodda amni iyo maamul ee gudaha Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay dowlad aan si buuxda u shaqeyn, awood la’aan ay u leedahay xakamaynta dhulkeeda, iyo nuglaanta ay u leedahay khataraha argagixisada.

“Soomaaliya ma laha maamul dhexe oo karti leh ama lala shaqeyn karo oo bixisa baasaboorrada ama dukumentiyada madaniga ah, sidoo kalena ma laha nidaam sugan oo lagu baaro laguna hubiyo dadka,” ayuu yiri Trump.

Wuxuu intaas ku daray: “Soomaaliya waxay si gaar ah uga duwan tahay dalalka kale marka loo eego heerka ay dowladdu uga liidato xakameynta dhulkeeda, taasoo si weyn u wiiqeysa waxtarka awoodaha qaranka.”

Trump wuxuu dalka ku sifeeyay isha joogtada ah ee khataraha argagixisada, isagoo xusay in dagaalyahanno xagjiriin ah ay dhulka Soomaaliya u adeegsadaan “inay qorsheeyaan, fududeeyaan, islamarkaana fuliyaan howlgaladooda.”

Wuxuu sheegay in Soomaaliya weli tahay “goob ay u safraan shaqsiyaad doonaya inay ku biiraan kooxaha argagixisada ah ee halista ku ah amniga qaranka Mareykanka.”

Trump wuxuu sidoo kale si kulul u dhaleeceeyay diidmada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan aqbalaadda muwaadiniinta laga masaafuriyo Mareykanka, taasoo uu ku tilmaamay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee xannibaadda socdaalka.

“Sidaas darteed, soo gelitaanka muwaadiniinta Soomaaliya ee Mareykanka, ha ahaadeen muhaajiriin ama kuwa aan muhaajiriin ahayn, si buuxda ayaa loo joojiyay.”

Liiskan waddamada xayiraadda waxaa lagu saleeyay amar fulineed uu Trump bixiyay 20-kii Janaayo, kaasoo farayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Amniga Gudaha, iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka in ay soo saaraan warbixin ku saabsan “aragtiyo cadawtinimo” oo ay waddamo qaar u qabaan Mareykanka, iyo haddii muwaadiniinta ka imanaya dalalkaasi ay khatar amni ku yihiin dalka.

Beesgiga dalalka Muslimiinta 

Intii uu socday muddo xileedkiisa koowaad ee madaxweyne, Trump ayaa bishii Janaayo 2017 soo saaray amar mamnuucaya socdaalka muwaadiniinta toddobo dal oo Muslimiin u badan — Iraq, Suuriya, Iran, Suudaan, Libya, Soomaaliya iyo Yemen — inay soo galaan Mareykanka.

Amarkaas wuxuu horseeday jahwareer iyo muran baahsan, iyadoo safarayaal ka kala yimid dalalkaas laga celiyay diyaaradaha ama lagu xannibay garoomada diyaaradaha ee Mareykanka. Dadka uu saameynta ku yeeshay waxay ka mid ahaa arday, macallimiin, ganacsato, dalxiisayaal, iyo dad qoysaskooda booqanayay.

Amarkan, oo si weyn loogu yaqaan “xayiraadda Muslimiinta” ama “xayiraadda socdaalka,” ayaa marar badan lagu cabbiray maxkamadaha, ilaa ugu dambeyn nooc wax laga beddelay ay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ansixisay sanadkii 2018.

Xayiraaddii Maxkamaddu ansixisay waxay saameysay noocyo kala duwan oo socdaalayaal iyo muhaajiriin ah oo ka imaanayay Iran, Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Libya, iyo sidoo kale muwaadiniinta Waqooyiga Kuuriya iyo saraakiil ka tirsan dowladda Venezuela iyo qoysaskooda.

Trump iyo taageerayaashiisa ayaa xayiraadda ku difaacay sababo amni qaran awgood, iyagoo ku dooday in ay la xiriirtay ilaalinta dalka, balse aanay ahayn mid si gaar ah loola beegsaday Muslimiinta. Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu ololihiisii doorashada ku baaqay in la mamnuuco Muslimiinta oo dhan inay soo galaan Mareykanka — hadal si weyn loo dhaliilay.

Madaxweynihii hore Joe Biden, oo xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan islamarkaana beddelay Trump, ayaa xayiraadda socdaalka laalay sanadkii 2021, isagoo ku tilmaamay “dhibic madaw oo ku taal damiirka qarankeena.”

Xasan Sheekh vs Xalane — Maxaa maanta dhacaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa galeysa toddobaad go’aan oo xasaasi ah xilli uu sii xoogeysanayo ismariwaaga siyaasadeed ee dalka. Ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in beesha caalamka, gaar ahaa kooxda C6+ ay Khamiista maanta ah shir heer sare ah ku yeelan doonto magaalada Muqdisho, si ay u qiimeyso khilaafka siyaasadeed ee sii murgaya.

Shirkan, oo ay ka qeybgalayaan saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya, ayaa diiradda saari doona sidii loo dejin lahaa mowqif diblomaasiyadeed oo midaysan oo ku aaddan wada-hadallada siyaasadeed ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha Madasha Samatabixita—oo ah isbahaysi ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal iyo guddoomiyeyaal hore oo baarlamaan—ayaa ku baaqaya hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Wakiillo ka socda Mareykanka, UK, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD—oo dhammaantood ka tirsan kooxda C6+—ayaa la filayaa in ay ka tashadaan istaraatiijiyadda ay kula macaamili doonaan xaaladda siyaasadeed ee sii murgeysa.

Khilaafka taagan ayaa u dhexeeya laba garab siyaasadeed: dhinaca Villa Somalia oo ay taageerayaan saddex dowlad-goboleed iyo maamulka SSC-Khaatumo, islamarkaana ay garab siinayaan xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh dhawaan ballaariyay; iyo dhinaca mucaaradka oo ay hoggaaminayaan Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiin miisaan leh, kuwaas oo ku eedeeyay madaxtooyada in ay wado qorshe lagu uruurinayo awoodda dalka, taasoo wax u dhimaysa nidaamka federaalka.

Diblomaasiyiin ayaa ka digaya in xaaladdan ay khatar gelin karto isu dheelitirka siyaasadeed ee federaalka, taasoo u horseedi karta burbur siyaasadeed iyo carqaladeyn ku timaadda dadaallada dhismaha dowlad loo dhan yahay iyo xasilooni waarta.

Villa Somalia oo raadineysa sharciyad siyaasadeed?

Talaadadii, Villa Somalia ayaa casuumaad rasmi ah u dirtay madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal, guddoomiyeyaal hore oo baarlamaan iyo hoggaamiyayaal hore oo dowlad-goboleedyo, si ay uga qayb galaan shir wadatashi qaran ah oo la qorsheeyay in uu qabsoomo 15-ka Juun—tallaabo loo arko inay tahay isku day lagu doonayo in dib loogu hantiyo hoggaanka siyaasadeed.

Si kastaba, madaxweynayaasha xilalka haya ee Puntland iyo Jubbaland—Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)—ayaa si cad uga maqan liiska martida, taasoo dhalisay dhaleeceyn xooggan iyo su’aalo laga keenay waxtarka, matalaadda, iyo sharcinimada shirkaas.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in shirkan C6+ ee Khamiista uu sidoo kale noqon doono fursad lagu dejinayo mowqif caalami ah oo ku saabsan shirka 15-ka Juun, kaasoo khatar ugu jira in lagu gacan seero sababo la xiriira kalsooni darrida sii kordheysa ee ay qabaan saamilayda siyaasadeed ee dalka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa horey u shaaciyay in aysan ka qeyb geli doonin shir ay u arkaan mid beelaysan oo aan lagu soo darin Puntland iyo Jubbaland—labadaas dowlad-goboleed oo ay sheegeen in laga reebay si ula kac ah, taasoo dhaawaceysa sumcadda iyo waxtarka shirka.

“Ma noqon karno qayb ka mid ah wada-hadal sheeganaya inuu qaran yahay, halka uu si ula kac ah uga reebayo xubnaha muhiimka ah ee federaalka,” ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Iyadoo Villa Somalia ay sii waddo dadaallada shir wadatashi, cadaadiska gudaha iyo kan caalamiga ah ayaa isa sii taraya si loo helo hannaan siyaasadeed oo dhab ah oo ku saleysan wadaagis awoodeed iyo matalaad federaal ah.

Shirka Khamiista ee beesha caalamka ayaa noqon kara mid go’aamiya jihada siyaasadeed ee Soomaaliya—ma horseedi doonaa wadahadal iyo heshiis qaran, mise wuxuu sii fogeyn doonaa khilaafka siyaasadeed ee dalka?

Rag qarax ku diyaarinayay gudaha Muqdisho oo lasoo qabtay – Sidee wax u dhaceen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa jugta qarax wayn oo xalay laga maqlay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo lasoo wariyay inuu ku qarxay raggii diyaarinayay oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa ayaa ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Barwaaqo ee degmadaasi, waxaana la sheegay in lagu dhex-diyaarinayay, kadibn ay ku halaagsameen raggii ku howlanaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jugta lava qarax, waxaana kadib goobta si deg-deg ah ku gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo qaaday tallaabadii loo baahnaa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga oo dhaawacyo ah ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada, sidoo kalena ay qabteen mooto Bajaaj lagu rarayay walxaha qarxa.

Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay gebi ahaan guriga ay ka dhacday dhibaatada ee lagu dhex farsameynayay qaraxa ka dhacay halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, waxaase soconayo baaritaanno lagu hayo ragga la qabtay ee ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa ay ku diyaarinayeen xaafadda Barwaaqo ee Dayniile.

Ammaanka degmadan ayaa muddooyinkaan ahaa mid deggan, waxaana iska kaashaday ciidamada ammaanka iyo dadka deegaanka oo dhowr jeer ka hortagay weeraro qorsheysan iyo qaraxyo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa meesha ka baxay hoobiyeyaal mararka qaar laga soo tuuri jiray aagga degmada Dayniile, sida uu dhowaan shaaciyay wasiirka amniga gudaha Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

“Waxaan ku amaanayaa Dayniile lixdii bilood ee ugu dambeysay hal madfac oo laga soo tuuray kuma soo dhicin magaalada Muqdisho, waana dadaal aad muujiseen” ayuu yiri Fartaag.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa hadda ku jirto xaalad daganaan ah, waxaana laga nastay qaraxyadii joogtada ahaa iyo weerarada tooska ahaa ee ka dhici jiray caasimada.

Xogta hoobiyeyaal culus oo lagu garaacay XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Illaa 2 hoobiye ayaa lasoo wariyay inay ku dhaceen gudaha xerada iyo halka mid sadeexaadna uu ku dhaca xaafad kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan.

Wax-yar kadib waxaa sidoo kale garoonka laga shiday seeriga bixiyo digniinaha marka la dareemo in ay jiraan xaaladaha halista ee la xiriira amniga garoonka Muqdisho.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan loo adeegsaday madaafiicda oo kusoo aaday, xilli haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdaan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, isla markaana shirar ay ka wadaan wakiilada beesha caalamka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku socda shaqada garoonka oo ma jiro wax saameyn ah oo uu ku yeeshay weerarka hoobiyeyaasha ee lagu qaaday.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadyadii lasoo dhaafay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir lagu garaacayay hoobiyeyaal, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Madaafiica qaar ayaa lagu beegsaday xarumo dowladeed oo muhiim ah, sida aagga Madaxtiiyada, garoonka Aadan Cadde iyo meelo kale oo kamid ah caasimada.

Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.

Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoogga soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana barbar socda duqeymo diyaaradeed oo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageeraya ciidamada Xoogga dalka.

Xog dheeri ah: Diyaaradaha Turkigu keenay Soomaaliya – Maxaa kale oo la socday?

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa toddobaadkan si weyn u kordhisay taageerada militari ee ay siiso Soomaaliya, si loola dagaallamo kooxda al-Shabaab, kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sabtidii.

Ilo xog-ogaal u ah arrintan ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay saddex diyaaradood oo ah T129 Atak ah, kuwaas oo loogu talagalay weerarrada.

Isla waqtigaas, Turkiga ayaa sidoo kale laba diyaaradood oo adeegyo guud ah ku wareejiyay ciidanka badda Soomaaliya, taas oo qayb ka ah heshiis difaac oo labada dowladood kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024, kaasoo dhigaya in Ankara ay dhisto ciidan badeed rasmi ah oo ka howlgala Muqdisho.

Turkiga ayaa sannadkii la soo dhaafay tababarayay duuliyayaal Soomaali ah si ay u maamulaan diyaaradaha Atak. Shixnadda diyaaradaha ayaa la keenay kadib markii duuliyeyaashu dhammeysteen marxaladdii ugu dambeysay ee tababarka.

Xogta laga helay ilo furan ayaa muujinaysa in ilaa lix diyaaradood oo Turkish A400M ah iyo Qatari C-17A ah ay toddobaadkii la soo dhaafay ka dageen Muqdisho, kuwaasoo suuragal ah in ay keeneen diyaaradaha. Middle East Eye waxay la xiriirtay wasaaradda difaaca Turkiga si ay u hesho faallo, balse weli wax jawaab ah lama helin.

“Dhiibista diyaaradaha Atak ee Soomaaliya waxay muujinaysaa in Ankara aysan kaliya doonayn in ay hub wareejiso, balse ay rabto in ay dhisto awood ciidan oo isku dhafan oo Soomaaliya leedahay,” ayuu yiri mid ka mid ah ilo xog-ogaal ah.

Intii lagu guda jiray wicitaanka Sabtidii, Erdogan wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya u xaqiijiyay in Turkigu taageersan yahay himilada horumarineed ee Soomaaliya ee ku saleysan dimoqraadiyadda.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Turkiga, Erdogan wuxuu sidoo kale ballanqaaday in taageerada Turkiga ee Soomaaliya ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada ay sii socon doonto oo la ballaarin doono.

Taageeradan militari ee waqtigan imaanaysa waxay tilmaamaysaa in Ankara ay doonayso in ay xasillooni ka hirgeliso Soomaaliya ka hor doorashooyinka la qorsheeyay 2026, kuwaasoo la filayo in lagu qabto hannaan cod-bixin toos ah halkii laga isticmaali lahaa nidaamka ku saleysan beelaha.

Soomaaliya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wajahaysay weerarro kordhay oo ay qaadayaan al-Shabaab, oo ah koox doonaysa in ay afgembiso dowladda. Kooxdu waxay sare u qaaday weerarradeeda militari.

Al-Shabaab ayaa horumarro ka samaysay bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan bishii la soo dhaafay ayey la wareegtay tuulooyin dhanka koonfureed kaga beegan Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, horumarradan oo kale ayay hore u samaysay sannadihii la soo dhaafay, balse waxay uga tagtay marar badan iyadoo cadaadis militari la saaray.

Taageero militari oo aan horay loo arag

Middle East Eye ayaa bishii Abriil werisay in Turkigu uu kordhiyay joogitaankiisa militari ee Muqdisho, isaga oo laba jibbaaray tirada ciidamadiisa oo haatan ka badan 500 askari.

Ciidamadan ayaa loo xil saaray ilaalinta iyo hawlgalinta saldhigga milatari ee Turksom, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo sugidda ammaanka dekedaha Muqdisho.

Inkasta oo diyaaradaha TB2 Bayraktar ay horey uga shaqeynayeen Soomaaliya, Turkigu wuxuu dhowaan dalka keenay laba diyaaradood oo Akinci ah.

Diyaaradahani waxay awood u leeyihiin duullimaadyo dherer sare ah oo muddo dheer socda, waxaana loo arkaa kuwo wax ku ool ah oo si gaar ah ugu habboon dagaalka al-Shabaab, sababo la xiriira habeen-araggooda horumarsan iyo awoodda ay u leeyihiin in ay si joogto ah u hawlgalaan 24-saac maalintii.

Kordhinta aan horay loo arag ee Turkigu sameeyay – xilli Mareykanku hoos u dhigayo taageeradiisa Soomaaliya – waxay muujinaysaa in Ankara ay doonayso in ay ka hortagto farqi awoodeed oo ka dhasha dalka.

In kasta oo Mareykanku uu laba jibbaaray duqeymaha cirka ee ka dhanka ah faracyada Daacish ee Soomaaliya sannadkan, haddana bishii Maarso ayuu joojiyay maalgelintii uu siin jiray cutubka Danab – unug si weyn uga qeyb qaatay dagaalka al-Shabaab.

Turkiga ayaa joogitaan ballaaran ku lahaa Muqdisho tan iyo booqashadii ugu horreysay ee Erdogan uu ku tagay Soomaaliya sannadkii 2011, taasoo ahayd mid bini’aadannimo. Tan iyo markaas, xiriirka labada dal ayaa u gudbay iskaashi qoto dheer oo dhanka ganacsiga iyo amniga ah.

Sannadkii hore, Ankara waxay sidoo kale la saxiixatay Soomaaliya heshiis ku saabsan sahamin iyo qodis shidaal, taasoo keentay in Turkigu u diro markabyo farsamo si ay u baaraan xeebaha Soomaaliya.

Xogta natiijada sahankaasi wali lama shaacin. Si kastaba ha ahaatee, Erdogan ayaa hadal uu telefishinka ka jeediyay Isniintii ku sheegay in “war wanaagsan” oo la xiriira tamarta uu dhawaan soo bixi doono.

Hadalkaasi wuxuu dhalinayaa saadaal cusub oo ah in warkaasi laga yaabo inuu quseeyo khayraadka tamarta ee Soomaaliya.

Puntland oo diiday jiritaanka Khaatumo, sheegtay in SSC ka tirsan tahay dhulkeeda

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa mar kale si cad oo adag u xaqiijiyay sheegashadiisa ku saabsan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC), isagoo ku dhawaaqay in dhulalkan ay weli yihiin qayb rasmi ah oo ka tirsan Puntland, sida ku xusan dastuurka maamulka.

Hadalkan ayaa si toos ah uga jawaabaya go’aankii dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo inuu yahay dowlad-goboleed buuxa oo ka tirsan nidaamka federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in aysan jirin wax hannaan sharci ama dastuur ah oo SSC-Khaatumo kaga baxay Puntland.

“Gobollada SSC waxay si cad ugu xusan yihiin dastuurka Puntland. Ma jirto wax ka go’itaan ah, mana dhicin in meel la iskaga baxay. Puntland waxaa lagu aas-aasay heshiis bulsho oo ku dhisan dastuur, kaasoo qeexaya dhammaan gobolladii salka u ahaa dhismaheeda. Dastuurkaas wali waa dhaqan mana jirto wax wax-ka-beddel ah oo lagu sameeyay,” ayuu yiri Dirir shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garowe.

Wuxuu sidoo kale si adag u dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay isku day ay madaxda SSC-Khaatumo ku sheeganayaan dhul ka mid ah Puntland, gaar ahaan qeybo ka mid ah gobolka Sanaag, isagoo ku sifeeyay arrintaasi mid aan la aqbali karin oo keeni karta xasilooni darro.

Dirir wuxuu carrabka ku adkeeyay in isbeddel kasta oo ku yimaada xuduudaha Puntland uu noqon karo mid keliya oo ku yimaada wadatashi ballaaran iyo heshiis bulsho oo dhex mara shacabka Puntland.

Inkastoo Puntland ay horey uga baaqsatay inay si rasmi ah uga jawaabto aqoonsigii dowladda federaalka ee SSC-Khaatumo, hadalkan cusub ayaa si cad u diiday sharciyadda maamulkaasi. Maamulka SSC-Khaatumo wali si rasmi ah ugama jawaabin hadalka kasoo yeeray Puntland.

Dhankooda, madaxda SSC-Khaatumo ayaa horay u difaacay wada-shaqeynta ay la leeyihiin dowladda federaalka, iyagoo ku andacoonaya in Puntland ay si joogto ah uga reebtay go’aamada muhiimka ah. Waxay sidoo kale sheegeen in ka qaybgalka ay ku leeyihiin nidaamka federaalka uu yahay xaq sharci ah oo ay ku doonayaan matalaad iyo madax-bannaani siyaasadeed.

Go’aanka dowladda federaalka ee ku saabsan aqoonsiga SSC-Khaatumo inay tahay dowlad-goboleed dhameystiran ayaa sare u qaaday xiisadda u dhexeysa labada maamul, iyadoo falanqeeyayaal iyo diblomaasiyiin ay ka digayaan in khilaafka sii kordhaya uu khatar gelin karo xasiloonida iyo nidaamka dowlad-dhiska ee gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Daawo: MUUNGAAB oo ballan-qaaday inuu fulinayo qorshaha XASAN Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay si rasmi ah ula wareegay xilka loo soo magacaabay ayaa sameeyay ballan-qaadyo waa wayn.

Muungaab ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inuu ka shaqeynayo fulinta qorshaha Villa Soomaaliya ee uu hormuudka u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ballan-qaaday inuu ku dadaali doono sidii doorasho qof yo cod ah uga dhici lahayd caasimada.

“Baaqa madaxweynaha ee ah in Magaalada muqdisho ay Dadkeeda is doortaan ayaan tixgalinaynaa bulshada iyo dhaqankana waa in ay fursadaasi taageeraan oo ay safafka u galaan isdiiwaagalinta,” ayuu yiri Duqa cusub magaalada Muqdisho.

Waxa uu intaas kusii daray: “Annaga doorkeenna waxaa waayey wacyigelinta bulshada iyo inaan u fududeyno xarumo ku fian oo shacabka si fudud isku diiwaan-gelin karo”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in 100-ka maalood ee ugu horreeya uu diiradda saari doono amniga Muqdisho, isla markaana uu wax ka qaban doono nabad-gelyada guud ee gobolka, isaga oo ballan-qaaday inuu dib usoo celin doono guddigii amniga ee gobolka Banaadir.

“100-ka maalmood ee soo socda waxaan ka shaqeyn doonaa xoojinta amniga iyo nabad-gelyada gobolka Banaadir aniga oo dib u howlgelin doono guddiga amniga ee gobolka Banaadir, kaas oo qaban doonto doorkiisa ah jiheynta iyo xiriirinta howlaha amni sugidda magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Dhinaca kale, wuxuu si adag uga hadlay laamiyada burbursan ee caasimada, isaga oo sheegay in hadda kadib lala xisaabtami doono shirkadaha dhisa waddooyinka muhiimka ah.

“Lama aqbali doono waddo hal sanno kahor xarigga laga jaray oo hal habeen oo roob da’ay la leeyahay waa burburtay, waddooyinka kale ee caasimadda ma burburin, laakin shirkadaha sidaas yeelaya il gaar ah ayaan ku eegi doonaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muungaab.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday nadaafadda iyo bilicda Muqdisho, wuxuuna sheegay inay u dajiyeen qorsheyaal guud oo lagu hormarinayo caasimada dalka Soomaaliya. “Howlaha nadaafadda caasimadda ayaan si deg-deg ah wax uga qaban doonaa annaga oo soo saari doono xeer hoosaad hagaya nadaafadda guud iyo qashinka,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Trump signs travel ban targeting Somalia, 11 others

WASHINGTON, United States – Somalia is among 12 countries whose nationals have been barred from entering the United States under a renewed executive order signed by President Donald Trump, who described the Horn of Africa nation as a “terrorist safe haven” and cited grave concerns about its governance and national security.

The sweeping travel ban, announced Wednesday night, revives one of Trump’s most controversial first-term immigration policies and will take effect at 12:01 a.m. Monday.

The order blocks entry to citizens of Somalia, Afghanistan, Iran, Libya, Yemen, Sudan, Eritrea, Haiti, Chad, Burma (Myanmar), Equatorial Guinea, and the Democratic Republic of Congo. Seven additional countries—Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan, and Venezuela—will face heightened visa restrictions.

“I must act to protect the national security and national interest of the United States and its people,” Trump declared in his proclamation.

“Somalia lacks a competent authority”

Trump offered a scathing assessment of Somalia’s internal security and administrative capacity, citing its lack of a functional government, inability to control its territory, and vulnerability to terrorism.

“Somalia lacks a competent or cooperative central authority for issuing passports or civil documents and does not have appropriate screening and vetting measures,” he stated.

“Somalia stands apart from other countries in the degree to which its government lacks command and control of its territory, which greatly limits the effectiveness of its national capabilities.”

He described the country as a persistent source of terrorist threats, noting that militants use Somali territory to “plan, facilitate, and conduct their operations.” Somalia, he said, “remains a destination for individuals attempting to join terrorist groups that threaten the national security of the United States.”

Trump also criticized Mogadishu’s refusal to accept deported nationals, calling it a key factor in imposing restrictions.

“The entry into the United States of nationals of Somalia as immigrants and nonimmigrants is hereby fully suspended,” he concluded.

Despite international backing, Somalia has faced decades of political instability. It continues to battle the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab, which carries out frequent bombings and targeted assassinations.

The Somali government remains largely unable to exert control beyond major urban areas, while insurgents control much of the countryside.

The United States conducts regular airstrikes against Al-Shabaab and provides security assistance to Somali forces. However, U.S. officials remain concerned about the country’s ability to issue secure travel documents and properly vet outbound travelers — shortcomings Trump argued pose a direct threat to U.S. national security.

The renewed ban is expected to affect Somali-American communities in states such as Minnesota and Ohio, where many families had been reuniting with relatives or applying for educational, work, or humanitarian visas.

As of Friday, the Somali government had not officially responded to the new restrictions. Mogadishu has historically condemned its inclusion on U.S. travel ban lists, arguing that such measures unfairly target ordinary Somalis while doing little to achieve meaningful counterterrorism outcomes.

Return of a controversial policy

The order marks a return to Trump’s earlier immigration policies, beginning with the January 2017 executive order that barred entry from seven Muslim-majority nations: Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria, and Yemen.

Dubbed the “Muslim Ban,” the policy triggered global outrage, mass protests, and legal challenges, with confusion and detentions at U.S. airports as travelers were denied entry or sent back abroad.

The ban, later revised, was ultimately upheld by the U.S. Supreme Court in 2018 in a narrow 5–4 decision. The final version restricted travelers from Iran, Somalia, Yemen, Syria, and Libya, along with North Korea and select Venezuelan officials and their families.

Civil rights groups, legal scholars, and Democratic lawmakers have long criticized the policy as discriminatory, arguing it targets Muslims and undermines America’s foundational values.

During his 2016 campaign, Trump called for a “total and complete shutdown of Muslims entering the United States,” a statement that opponents repeatedly cited as evidence of religious bias in court cases.

In response to the renewed restrictions, the American Civil Liberties Union (ACLU) issued a statement condemning the move.

“This renewed ban once again stigmatizes millions based on nationality and religion,” the statement said. “It is a dangerous and discriminatory policy that undermines America’s commitment to equal treatment under the law.”

President Joe Biden repealed the original ban shortly after taking office in 2021, describing it as “a stain on our national conscience.”

Mogadishu summit looms over Somalia power struggle

MOGADISHU, Somalia – Somalia is entering a pivotal week in its political crisis. Diplomatic sources confirm that the international community—under the C6+ umbrella—is set to convene in Mogadishu this Thursday to assess the country’s deepening political standoff.

The high-level meeting, comprising Somalia’s principal international partners, will focus on forging a unified diplomatic response to President Hassan Sheikh Mohamud’s recently announced political dialogue.

Members of the National Salvation Forum—a coalition of prominent opposition figures including former presidents, prime ministers, and parliamentary speakers are advocating for broader political inclusion.

Representatives from the United States, United Kingdom, European Union, United Nations, African Union, and IGAD—key members of the C6+ group—are expected to deliberate on their engagement strategy as the country’s political fault lines deepen.

At the heart of the current standoff are two rival blocs: Villa Somalia, backed by three Federal Member States and SSC-Khatumo, and politically reinforced by President Hassan Sheikh’s expanded Justice and Unity Party; and the opposition alliance comprising Puntland, Jubaland, and several prominent politicians, who accuse the presidency of pursuing a centralized power grab that undermines Somalia’s federal framework.

Diplomatic observers warn that the deadlock threatens to unravel the delicate balance of Somalia’s federal model, heightening the risk of renewed political fragmentation and undermining progress toward inclusive governance and stability.

A bid to reassert legitimacy?

On Tuesday, Villa Somalia extended formal invitations to former presidents, prime ministers, parliamentary speakers, and ex-state leaders for a national consultative summit scheduled for June 15 in a move widely seen as an attempt to reclaim political momentum.

However, the current leaders of Puntland and Jubaland—Said Abdullahi Deni and Ahmed Mohamed Islam (Madobe)—are notably absent from the invitation list, a decision that has sparked criticism and raised doubts about the summit’s inclusivity and national legitimacy.

Diplomats say Thursday’s C6+ meeting will also serve as a preliminary step toward shaping a common international stance on the June 15 summit, which risks being undermined by its exclusivity and the growing mistrust among key political stakeholders.

Opposition leaders have already rejected the summit, declaring they will not participate in a process that sidelines Puntland and Jubaland—two Federal Member States whose exclusion, they argue, severely undermines the summit’s credibility and national relevance.

“We cannot be part of a dialogue that pretends to be national while deliberately excluding key players in the federation,” one opposition figure told local media.

While Villa Somalia pushes forward with its consultative initiative, domestic and international pressure is mounting for a more inclusive approach that reflects Somalia’s federal composition.

Thursday’s international meeting in Mogadishu may prove decisive—not just in shaping the fate of the June 15 summit but also in determining whether Somalia moves toward a path of reconciliation and consensus or further entrenches its political divide.

Puntland reaffirms claim over SSC-Khaatumo regions

GAROWE, Somalia – The Puntland administration has firmly reiterated its claim over the Sool, Sanaag, and Cayn (SSC) regions, declaring that these territories remain an integral part of Puntland under its constitution.

The statement comes in direct response to the Federal Government of Somalia’s recent recognition of the SSC-Khaatumo administration as a full-fledged Federal Member State.

Puntland’s Minister of Information, Maxamuud Caydiid Dirir, stressed that no legal or constitutional process has occurred to separate the SSC regions from Puntland.

“SSC is constitutionally part of Puntland. There has been no withdrawal or breakaway. Puntland was established through a social agreement reflected in our constitution, which includes all its founding regions. That constitution remains in effect and has not been amended,” Dirir said during a press briefing in Garowe.

He further criticized what he described as attempts by SSC-Khaatumo leaders to lay claim to areas of Puntland, particularly parts of the Sanaag region, calling such efforts unacceptable and destabilizing. Dirir underscored that any change to Puntland’s territorial boundaries must result from inclusive consultation and consensus among its people.

While Puntland had previously avoided issuing a formal response to the federal government’s recognition of SSC-Khaatumo, this latest statement clearly rejects its legitimacy. The SSC-Khaatumo administration has yet to respond publicly to Puntland’s remarks.

SSC-Khaatumo officials, for their part, have defended their engagement with the federal government, arguing that Puntland had previously sidelined them in key decisions. They maintain that their participation in federal processes is a rightful assertion of their autonomy and representation.

The Federal Government’s endorsement of SSC-Khaatumo as a Federal Member State has raised tensions between the two administrations, with observers warning that the escalating dispute risks undermining stability and governance in the region.

Muungaab oo caawa la wareegay xilka balan-qaad culusna u sameeyey reer Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa caawa la wareegay xilka, isagoo kala wareegay guddoomiyihii la bedelay Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilka u kala wareejiyey Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir.

Munaasabad weyn ayaa caawa lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin aad u badan.

Guddoomiye Muungaab oo hadal ka jeediyey xafladii uu xilka kula wareegay ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono iftiiminta Caasimadda, amniga iyo horumarinta wadooyinkeeda.

Sidoo kale, masuuliyiin badan ayaa hadal ka jeediyey xafladda, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku bogaadiyey xulashadiisa Muungaab oo ay qireen in gobolka uu wax badan ka qabtay.

Guddoomiye Yabooh ayaa yiri, “Guddoomiye Amiir iyo Guddoomiye Muungaab gobolkaan shaqo wanaagsan ayeey ka soo qabteen, waxaana u mahadcelinayaa cid walba oo munaasabadaan ka soo qeybgashay.”

Guddoomiye Jawaahir Baarqab “Guddoomiye Muungaab Muqdisho oo lagu kala cararay waa ninkii amni ka dhigay, dadkana baray in iskutashi wax lagu dhisan karo.”

Imaamka Muddullood Imaam Cumar Macalin Abshir oo xafladda ka qeyb galay ayaa yiri, “Waxaan u baahanahay Amni, waxaana Guddoomiye Mungaab ku naqaan in uu yahay nin geesi ah oo cadowga indhaha ku dhufta.”

Ugaaska Mudulood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa isna yiri “Muungaab Muqdisho wax badan ayuu ka qabtay, haatana waxaan ka rabnaa in Muqdisho maqaam yeelato, oo Soomaali oo dhan iska dhex aragto”.

Sheekh Cali Wajiis oo hadal ka jeediyey xafladda ayaa yiri “Dalka cadow ayaa laga xoreynayaa, wuxuuna guddoomiye Muungaab yimid xilli baahi loo qabay oo dalka xoreyn ka socoto.”

Sawirro: R/W Saalax oo Hodan iska diiwaan geliyey, farriina u diray shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta iska diiwaangeliyey xarunta qaadashada kaararka codbixiyeyaasha degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Saalax ayaa sheegay in loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah ee ay codkooda ku dooranayaan hoggaankooda.

“Waa maalin taariikhi ah, sida marar badan la tilmaamay, muddo dheer kaddib in shacabka Soomaaliyeed ay fursad u helaan in ay is diiwaan-geliyaan, si ay uga qayb qaataan doorasho dadweyne, taas oo ah xuquuq dastuuri ah iyo waajib saaran muwaadin kasta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saalax.

Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku bogaadiyey Guddiga Dorashooyinka Qaranka sida ay u wadaan howlaha diiwaan-gelinta iyo qaadasha kaarka codbixinta.

Sidoo kale, Saalax ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in muwaadiniintu si firfircoon uga qeyb qaataan diiwaangelinta.

Saalax ayaa sheegay in si loo hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo nabdoon, xor ah, isla markaana xaqiijisa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ay muhiim tahay in fursadaan laga wada faa’iideysto.

Xasan Sheekh oo tilmaamay siyaasiyiinta ku casuuman gogosha uu iclaamiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo laga ambaqaadayo Gogosha Wadatashiga Qaran ee lagu dhawaaqay 15ka Juune, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumad rasmi ah loo diray siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

Siyaasiyiinta casuumadda rasmiga ah loo diray waxaa ka mid ah: Madaxweynayaashii hore, Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaashii hore, Madaxweynayaashii hore ee Dowlad-goboleedyada, Ururrada siyaasadeed, Bulshada rayidka, Siyaasiyiin kale oo muhiim u ah gogosha uu Madaxweynaha ku baaqay ee 15-ka Juun.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dadaallo iyo kulammo gaar gaar ah, si ay gogosha 15-ka Juun u noqoto mid miro dhal ah oo saldhig u noqota isfaham, dib u heshiin, iyo horumar qaran.

Madaxweynaha ayaa kulankii ugu dambeeyey oo ahaa mid wadatashi ah maanta la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadeed ee isku diiwaangeliyey doorashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Kulankii maanta ayaa oo diiradda lagu saaray hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa Madaxweynaha waxa uu uga warbixiyey dadaallada baaxadda leh ee 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu bixiyey si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay ka go’an tahay in la dhameystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan.

Dhankooda, hoggaanka ururrada siyaasadeed ee maanta la kulmay Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo go’aanka dowladda ee dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyey in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah.

Sawirro: Shirweyne qaran oo maanta ka furmay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh kor u qaadista wacyiga la xiriira arrimaha deegaanka iyo wax ka qabashada saamaynta isbeddelka cimilada ee sii kordhaysa.

Mudane Saalax ayaa furitaanka shirweynaha ka jeediyay khudbad dhaxal gal ah, isagoo hoosta ka xarriiqay in ilaalinta deegaanka ay tahay mas’uuliyad qaran oo saaran dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu caddeeyay in ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ay tahay tiir muhiim u ah horumarka iyo badbaadada jiilasha soo socda.

Sidoo kale waxa uu adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loo shaqeeyo, loona midoobo hirgelinta deegaan cagaaran oo waara, si Soomaaliya ay uga mid noqoto dalalka ka jawaabaya caqabadaha isbeddelka cimilada, isagoo ku booriyay dhammaan qeybaha bulshada in ay door ku yeeshaan dadaalladaas.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in isbeddelka cimilada uu yahay dhibaato ba’an oo saameysay guud ahaan dunida, gaar ahaan dalalka nugul ee aan haysan awoodaha lagama maarmaanka u ah la-qabsiga xaaladaha cimilada. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay si gaar ah u dareemayso culeyska isbeddelkaasi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda in looga baahan yahay dhammaan hey’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo daneeyeyaasha kale inay si dhow u wada shaqeeyaan si loo helo qorshayaal wax ku ool ah oo looga hortago saameynta isbeddelka cimilada, loogana shaqeeyo badbaadinta deegaanka.

Shirweynahan ayaa fursad u ah in laga wada-hadlo xal u helidda caqabadaha deegaanka iyo cimilada, iyadoo saldhig u noqon karo iskaashi qaran oo waara, si loo helo mustaqbal deggan, oo ku dhisan ilaalinta deegaanka iyo la-qabsiga cimilada is beddeleysa.

Dagaal culus oo maanta dib uga qarxay qeybo kamid ah HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta ka qarxay deegaanka Ceel Hareeri oo ka tirsan degmada Moqokori.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda beesha Xawaadle iyo kooxda Al-Shabaab, iyadoo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, iyadoo dagaalku ka socda gudaha iyo duleedka deegaankaas muhiimka ah.

Isku dhaca ayaa bilaabmay kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen fariisin ay ciidamada Macawiisleyda ku lahaayeen deegaanka Ceel Hareeri. Macawiisleyda ayaa si deg-deg ah ugu jawaabtay iska caabin xooggan, taasoo sababtay in dagaalka uu sii fido oo ay labada dhinac isku adeegsadaan hub culus.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta dagaalka ayaa tilmaamaya in ciidanka Macawiisleyda ee beesha Xawaadle ay si adag u difaaceen fariisinkooda, iyagoo iska caabin xooggan ku sameeyay weerarka kooxdu soo qaaday.

Inkastoo aan wali la helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha, haddana dadka deegaanka ayaa sheegaya in rasaasta iyo madaafiicda laga maqlayo meelo fog-fog.

Dagaalka weli wuu socda, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in xooggiisa uu haatan ku fiday duleedka deegaanka Ceel Hareeri. Arintani waxay sare u qaaday walaaca laga qabo in dagaalku uu galaafto nolosha dadka shacabka ah ee deegaanka ku nool, maadaama uu yahay dagaal si buuxda uga socda agagaarka deegaankaas.

Deegaanka Ceel Hareeri ayaa waxaa horey uga dhacay dagaal culus, waxaana toddobaadyadii la soo dhaafay halkaasi ku dhax-maray dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Macawiisleyda Xawaadle.

Dagaaladaasi ayaa lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ay ku waayeen in ka badan 70 dagaalame, taasoo muujinaysa in deegaankaasi uu muhiim u yahay istaraatiijiyadda dagaalka.

Xiisadda ka taagan Ceel Hareeri ayaa muujinaysa sida ay u sii xoogeysanayaan iska caabinta dadka deegaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Ciidamada Macawiisleyda oo ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda ayaa markale muujiyay adkeysi iyo dadaal joogto ah oo ku aaddan difaaca dhulkooda iyo dadka deegaanka.

Xog: Turkiga oo diyaarado nooc cusub ah ku wareejiyay DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si weyn toddobaadkan u sii xoojisay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka difaaca iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Tan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya ay yeesheen wada-hadal dhanka taleefanka ah Sabtidii la soo dhaafay, taasoo lagu muujiyay adkeynta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ankara ay Soomaaliya ku wareejisay saddex diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee T129 Atak.

Diyaaradahan ayaa qeyb weyn ka noqon doona dadaalka socda ee dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, si loo sugo amniga gudaha iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, Turkiga ayaa ciidamada badda Soomaaliya ku wareejiyay labo diyaaradood oo qumaatiga u kaca ah, taasoo qayb ka ah heshiis iskaashi militari ah oo labada dal kala saxiixdeen bishii February ee sanadkan 2024.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Turkiga uu taageero tababarka iyo horumarinta ciidamada badda Soomaaliya si ay u noqdaan ciidan leh awood dheeraad ah oo difaac ah.

Dowladda Turkiga ayaa horey u bilowday barnaamij tababar oo ay siiso duuliyayaal Soomaali ah, kuwaasoo loogu talagalay in ay u shaqeeyaan diyaaradaha Helicopter-ka ee loo keenayo dalka. Duuliyayaashaasi ayaa hadda dhameystay tababarkoodii heerka ugu dambeeyay, taasoo keentay in diyaaradaha cusub la geeyo Muqdisho si ay uga qeyb qaataan hawlgallada la-dagaallanka argagixisada.

Diyaaradaha Atak ee ay Turkigu ku taageeray Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu tala-galay howlgallo adag oo lid ku ah kooxaha hubeysan, taasoo macnaheedu yahay in Soomaaliya ay heleen qalab militari oo muhiim u ah dagaalka ay ku jiraan.

Waxaa la filayaa in diyaaradahaasi ay si toos ah ugu biiraan hawl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, taasoo sare u qaadeysa awoodda hawada ee ciidanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkiga uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada.

War rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa xaqiijiyay in xiriirka labada dal uu yahay mid sii xoogeysanaya, iyadoo Turkigu ka go’an yahay in uu door muuqda ka ciyaaro dib-u-dhiska iyo amniga Soomaaliya.

Dagaal jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo maanta ka dhacay Ceelhareeri

Moqokori (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal xooggan uu ka dhacay aagga degmada Moqokori, kaas oo u dhexeeyay ciidamada deegaanka ee Xawaadle iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceelhareeri ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar gaadmo ah kusoo qaadeen deegaankaasi, kadibna waxaa dagaal kala hortegay Macawiisleyda.

Ilo dadka dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal qaraar oo saacado badan qaatay uu ka dhacay goobta, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in la jabiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana cashir lama ilawaan ah oogu dhigay aagga Ceelhareeri.

“Ciidamada Qaranka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta Khawaarijta ku jebiyey weerar arbushaad ah oo ay ku soo qaadeen deegaanka Ceelhareeri oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay” ayaa lagu yiri warsaxaadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay  in haatan ciidamada Xoogga dalka iyo xaq-u-dirirka deegaanka ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee lagu jabiyay dagaalka.

“Ciidamada oo dagaalka ku jebiyey cadowga Khawaarijta ah ayaa sii baacsanaya firxadka dhagarqabayaashii ka baxsaday dagaalka,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka oo gurmad ahaa ku gaaay halkaasi.

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda halgan culus oo ka dhan ah argagixisada, waxaana hubka qaaday shacabka reer Hiiraan oo difaac uga jiray jiidda hore ee dagaalka, si ay uga hortagaan in Al-Shabaab ay dib u qabsadaan deegaanadii horay looga xoreeyay gobolkaasi.

Puntland oo beenisay arrin xasaasi ah oo lala xiriiriyay IMAARAADKA

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa si cad u beeniyay in ay ku lug leeyihiin dagaallada ka socda dalka Sudan iyo wararka la baahiyay ee la xiriira in Imaaraadka uu raadaarro ku rakibtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Lugatoor ayaa ugu horreyn waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymana loo jeediyay Puntland, wuxuuna ku sheegay inay yihiin dayaacado ay faafiyeen dalal uu tilmaamay inay boobayaan khayraadka Soomaaliya, balse ma shaacin magacyadooda.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in Dowladda Imaaraadka Carabta ay raadaarro ciidan ka rakibtay Boosaaso, si loogu fuliyo weerarro cirka ah oo lagu beegsanayo Sudan iyo Yemen.

“Waddamo xiriir muddo kooban ah laleh Soomaaliya ayaa maanta wada olole lagu wiiqayo xiriirka Puntland iyo Imaaraadka Carabta. Waxay adeegsanayaan dacaayado aan sal iyo raad toona lahayn, iyagoo raba in ay fursad uga helaan boobka kheyraadka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Isu tegga Imaaraadka Carabta uu yahay saaxiib dhab ah oo taageera horumarka Puntland iyo shacabkeeda, sida uu hadalka u dhigay

Ilyaas Lugatoor ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in Puntland ay garanayso cidda wax u taraysa iyo tan wax u dhimeysa, balse iyagu ay diirrada saari doonaan horumarkooda oo kaliya iyo danahooda gaarka ah maadaama ay haatan ku jiraan dagaa ka dhan ah Daacish.

Si kastaba, ahaatee xogta duulimaadyada hawada ee guud ahaan la heli karo ayaa haatan muujinaysa in dowladda Imaaraadka Carabtu ay si joogto ah oo isa soo taraysa u adeegsanayso garoonka Boosaaso, si ay saanad ugu gaarsiiso ciidamada taageerada degdegga ah (Rapid Support Forces – RSF) ee Suudaan. Ciidamada RSF ayaa muddo labo sano ah dagaal kula jiray militariga dalka Suudaan.

“Imaaraadka Carabtu waxay rakibtay radar-ka wax yar ka dib markii RSF ay gacanteeda ka baxday inta badan Khartoum horraantii Maarso,” sida uu il-wareed gobolka ka tirsan u sheegay Middle East Eye.

Dhankeeda dowladda Sudan oo dhowaan warqad rasmi ah usoo dirtay Dowladda Federaalka ayaa usoo gudbisay dacwad ka dhan ah maamul-goboleedka Puntland, taas oo la xiriirta in Puntland ay si dadban uga qeyb qaadanayso dagaalka ka socda dalkaasi.

Warqadda oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Sudan ayaa waxaa lagu sheegay inay la socoto in Puntland ay taageero istiraatiiji ah iyo mid saadka ah siineyso ciidamada RSF (Rapid Support Forces), oo lagu eedeyay inay tacaddiyo ka gaysteen waddankaasi.