25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Daawo: Mursal oo 5 qodob kasoo saaray doorashada K/G iyo xariga ROOBOW

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray shan qodob oo ku saabsan xariga Mukhtaar Roobow iyo xaaladda Koonfur Galbeed.

Mursal ayaa ku baaqay shanta qodob ee hoos ku qoran.

• In shacabka reer Koonfur Galbeed ay is dejiyaan, nabadda adkeeyaan, sharcigana dhowraan.

• In Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta lagahelayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

• In ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dejinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala danbeyntii.

• In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalinta dhaqan ee ay ku leeyihiin nabbada iyo wadajirka guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Shacabka Koonfur Galbeed.

• In musharaxa xiran xorayadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan loona ogolaado in uu degaankiisii ugu laabto si nabad ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dalab culus oo gudoomiye Mursal kasoo baxay kadib shir jaraa’id uu qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo badan ku qabtay magaalada Muqdisho.

Labo arin ayaa ugu Muhiimsaneyd shirka Jaraa’id ee uu Guddoomiye Mursal ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ugu horeeyay xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Koofur Galbeed iyo xariga Mukhtaar Roobow.

Guddoomiye Mursal ayaa sharci daro ku tilmaamay xariga Mukhtaar Roobow, waxaana uu sheegay in Roobow uu buuxiyay dhamaan sharuudihii musharaxnimo ee laga doonayay inuu kaga qeyb galo doorashada Koofur Galbeed.

Wuxuu Sidoo kale sheegay in Xariga Mukhtaar Roobow uu muujiyay sida loo baalmaray Dastuurka, maadaama aan loo jarin warqad lagu xerayo, taasi badalkeeda qoorta laga soo qabtay.

Guddoomiye Mursal ayaa cadeeyay in rabitaanka Shacabka Koofur Galbeed loo baahan yahay in la tixgeliyo isagoo dalbaday in dib loo dhigo doorashada, islamarkaana xal laga gaaro arimaha taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Banaanbaxyo xoogan oo ka socda degmada Bardaale

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in dad ka careysan xariga Mukhtaar Roobow ay ka bilaabeen magaalada Banaanbaxyo Rabshado wata.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay u taageersan yihiin Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, islamarkaana ay kasoo horjeedaan dowladda Soomaaliya.

Muuqaalo laga soo duubay dadka banaanbaxa ka bilaabay Bardaale ayaa muujinaya iyaga oo gubaya taayadarada Gaadiidka, waxaana ay ku banaanbaxayaan xaafadaha kala duwan ee degmada Bardaale.

Waxaa la arkayay ciidamada amaanka degmada Bardaale oo rasaas ku kala ceyrinaya dadka banaanbaxa dhigaya, mana jirto khasaaro ilaa iyo hadda lasoo wariyay.

Wariyaheena magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaalada Bardaale ay lamid noqon karto tan ka taagan magaalada Baydhabo, Haddii aan wax laga qaban.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

“Hadii aan ahaan lahaa qof la wato musharaxnimada waan ka tanaasuli lahaa”

Baydhabo (Caasimada Online – Senetor Ilyaas Cali Xasan, oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka kana careysan dhibaatooyinka ka socdo magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda Koofur Galbeed.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga uuna cinwaan uga dhigay Musharax Lawato! ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay in musharax la wato uu ka qeyb qaato doorashada Koofur Galbeed.

Wuxuu Su’aal ka keenay Musharaxa la wato, Waxaana uu qoraalkiisa ahaa sidan:-

“Musharax Lawato! :- Iyadoo lajoogo 2018 dhamaadkiisa dalkuna Federal yahay, waa nasiib daro in sanka laga gelinaayo musharax ay Dowlada u arkeyso inuu danteeda kashaqeynaayo”.

“Waxaa amaan Mudan iney iska diideen dadka reer Koonfur Galbeed, waxaana leenahay Musharaxu lawato dadkaaga iyo deegaankaaga ku kalsoonow”. #SUAAL

“Hadii aad ahaan laheyd musharax lawato maxaad sameyn laheyd? Aniga Musharaxnimadeyda waan katanaasuli lahaa!  DoorashadaKG”.

Qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka ayaa si adag u dhaliilsan hanaanka dowladda Soomaaliya u mareyso doorashada Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Goorma ayaa la bilaabayaa fulinta mashaaricda Qatar ay ka fulinayso Somalia

Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay waqtiga dowladda Qatar ay bilaabeyso fulinta Mashaariicda qaar oo la fulinayo Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayaa shaaciyay in dhamaadka sanadkaan 2018 oo Maalmo ay ka harsan yihiin la bilaabi doono dhismaha waddooyinka Jowhar iyo Afgooye ku xera magaalada Muqdisho.

Mashruucaasi oo dowladda Qatar ay maalgelineyso ayuu sheegay in qorshaha uu yahay in lasoo gabo gabeeyo dhamaadka sanadka 2019, taasi oo qeyb ka noqon doonto horumarada dowladda ay sameyneyso.

Wuxuu sheegay in dhismaha waddooyinkaasi dhaqaalaha ku baxaya ay bixin doonto dowladda Qatar, islamarkaana dowladda Soomaaliya wax dhaqaalo ah ku bixin doonaa in Amaanka ay xaqiijiso Mooyee.

Mashaariicda kale ee Qatar dhisi doonto waxaa kamid ah Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo Xaruntii Xisbiga, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ugu Dambeyn Kheyre, ayaa sheegay in heshiisyada Cusub ee ay la galeen dowladda Qatar inay ku jiraan isku xirka Bangiyada Soomaaliya iyo Qadar, isku xiranka Ganacsiga, Ammaanka, iskaashiga dhaqaalaha, Maalgashiga iyo kuwo kale.

Caasimada Online
Xafiiska DOHA
[email protected]

Taliska AMISOM oo war ka soo saaray doorka ay ku lahaayeen xariga Roobow

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow oo Khamiistii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inaysan wax doo ahr ku laheyn xariga Baydhabo loogu geystay Mukhtaar Roobow iyo usoo wareejintiisii magaalada Muqdisho oo hadda uu ku xiran yahay.

Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeire ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan door ku laheyn xariga Mukhtaar Roobow, wuxuuna sheegay inaysan marnaba ka gudbeyn howlgalka ay u joogaan Soomaaliya.

“Waxaan dhowreynaa Xushmadda iyo aqoonsiga madaxbanaanida Soomaaliya, waana sii wadeynaa inaan dhowro, ciidamadeena wax door ah kuma laheyn xariga ka dhacay Baydhabo”ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

Ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa la xaqiijiyay inay door ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow, laakiin AMISOM ma aysan xaqiijin in ciidamadaasi ay AMISOM ka tirsan yihiin iyo inaysan ka tirsaneyn.

Qalalaasaha ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow ayaa sababay dhimashada xildhibaan ka tirsan baarlamaanka koofur Galbeed iyo dad shacab ah, waxaana wali taagan xiisadda ka dhalatay arintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dooni siday hub oo markale lagu qabtay xeebta Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda India ayaa markale sheegtay in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka uu gacanta ku dhigay doon kaluumeysi oo hub badan uu saarnaa, sida qoraal kasoo baxay lagu sheegay.

Markabka dagaal ee India oo lagu magacaabo Sunayna ayaa la sheegay in markale uu meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ku qabtay doon Kaluumeysi oo hub lagu qariyay, taasi oo noqoneyso doontii Labaad oo ay qabtaan.

Qoraal kasoo baxay dowladda India ayaa lagu sheegay in markabkooda Doonta uu ku qabtay shan qori oo ay ka midyihiin AK47 iyo Rasaas gaareysa 471 Xabo, waxaana ay sheegeen inay sii daayeen kooxda Hubka wadatay markii ay hubka ka reebeen.

Markabka INS Sunayna ayaa bishii October ee sanadkan howlgal ka billaabay biyaha Soomaaliya, waana markii labaad oo uu Hub ku qabto Xeebaha Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay.

Xeebaha Soomaaliya oo hadda ay ku yaraadeen weerarada kooxaha burcad badeeda waxaa ku sugan maraakiib badan oo dagaal kuwaasi oo dalal kala duwan, lana dagaalamaya Burcad badeeda.

Sidaasi oo ay tahay xeebaha Soomaaliya waxaa ka socdo kaluumeysi sharci daro ah oo dhaqaalo badan laga sameeyo sanad walbaa, mana jiro cid wax iska weydiiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey ee mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka bilowday Magaalada Muqdisho.

Dadaallada ayaa waxa wadda xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare iyo sidoo kale qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana ay booqdeen Guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Sanater, Cabdirisaaq Cismaan Xasan Guurinle, Cabdi kaafi Macallin Xasan , Cabdi Axmed Dhuxulow, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Cabdullaahi Cabdi Garoon ,Yuusuf Geelle Ugaas ,iyo Sanater Cabdirisaaq Axmed Cali oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa ku howlan xalinta Khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada Golaha Shacabka iyo waliba Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa sidoo kale muuqda Khilaafka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenadiisa oo kasoo horjeedda Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Odayaal ka mid ah kuwo ugu Caansan Soomaaliya ayaa maanta booqday guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,kuwaasoo kala hadlay Khilaafka Baarlamaanka iyo waliba Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Beesha caalamka oo war ka soo saartay xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal xasaasi ah kasoo saartay xaaladda kacsan ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka dhaceen shaqaaqooyin ka dhisay xarigga ay dowladda Soomaaliya ay kula kacday Mukhtaar Roobow.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay tacsi tiiraanyo leh ka direen geerida xubin ka mid ah Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo dadkii kale ee ku dhintay rabshadaha Baydhaba ka socda, kuwaasoo qarxay markii ciidamada Itoobiya ay xireen Mukhataar Roobow, kadibna loo duuliyay Muqdisho khamiistii.

“Waxaan ka soo horjeednaa rabshadaha iyo falalka kale ee ka sii dari kara xaaladda bani’aadamnimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka, kaasoo aan lagu soo hadal qaadin xariga Roobow.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la raaco hanaankii lagu heshiiyay ee doorashada, waxaana loogu baaqey dhinacyada inay xushmeeyaan lana shaqeeyaan guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

“Waxaan dhiirigelineynaa wada-hadal wax ku ool ah si loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed, lagana hortago caqabadaha kale si loo hormariyo horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warka kasoo baxay saaxibada beesha caalamka.

Qoraalkanka waxaa soo saarey Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Ciidamada SACUUDIGA oo toogtay dad Soomaali ah

Sanca (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen Soomaali ku sugan Sacuudiga, Ciidamada Ammaanka ee ku sugan Xuduudda ay wadaagaan Boqortooyada Sacuudiga iyo Yemen ayaa toogtay Tahriibayaal Soomaali ah oo doonayay in ay u gudbaan gudaha dalkaasi.

Qofka la dilay ayaa lagu magacaabayay Axmed-Nuur Maxamed Caraaye (Afdheere), halka 4-kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta ay ku rideen Ciidamada Sacuudiga dadkaan doonayay in ay u tallaabaan Sacuudiga.

Dadkan ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray oo ay waayeen gurmad lagu daweeyo uu sababay in dhiig bax uu u dhinto marxuumka geeriyooday.

Tuulada dhacdadaan ka dhacday oo lagu Magacaabo Raqwah ayaa dhacda Soohdinta Dalalka Yemen iyo Sacuudiga ay wadaagaan, waxa ay gudaha usoo jirta Xuduuda Yemen.

Dadka dhaawacmay ayaa looga kala tagay goobta, waxa ay wararku sheegayaan in iyanne ay ku dhiig-baxeen Tuulada Raqwah oo ah Halka lagu tuugtay.

Sacuudiga ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay Xuduudda uu la wadaago Yemen, waxa ayna ku xireen Silig iyo Kaamirooyin, si ay ula socdaan Dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

Soomaalida Sacuudiga u tahriibto waxa ay ka tallaabaan Soohdinta Yemen iyo Sacuudiga, waxa ay ka gudbaan buuro dhaadheer, iyaga oo la kulmo Khasaare dhimasho, Dhaawac iyo qaarkood oo la qabto, kadibne loosoo celiyo Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kordhisay Ciidamada ka howlgalaya Xuduudda Yemen ay la wadaagaan, maadaama Diyaaradooda ay duqeymo ka geystaan Dalkaasine, kana baqayaan in xubno katirsan Xuutiyiinta ay gudaha dalkooda ugu gudbaan.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected] 

Is-gaarsiinta Baydhaba oo hawada laga saaray iyo ciidamo lagu daadiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali soconaya banaanbaxyadii saaka ka bilowday magaalada Baydhabo oo galay maalintii seddexaad, iyadoo dadka ay wali ka careysan yihiin xarigii Mukhtaar Roobow.

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa maanta ka duwan sidey ahaayeen labadii maalin ee lasoo dhaafay, maadaama ay dhagxaan la dhici jireen goobaha Ganacsiga ee ku yaala magaalada Baydhabo.

Wariyaha Caasimadda Online ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dadka ay banaanbaxyadooda si nabdoon maanta ku dhiganayaan, laakiin waxaa hawada laga saaray isgaarsiinta Teleefanada.

Ciidamo boolis iyo kuwo meletari ah ayaa lagu daadiyay magaalada si ay kaga hortagaan inay dhibaatooyin geystaan dadka shacabka ah ee banaanbaxyada dhigaya.

Ilaa maalintii Khamiista oo lasoo xiray Rooboow oo iminka Muqdisho Maxbuus ku ah ayaa waxaa Baydhabo gilgilay banaanbaxyo rabshado wato, waxaana ku geeriyooday dad badan oo uu xildhibaan Koonfur Galbeed kamid ahaa.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Saxaafada oo looga yeeray hotelka gudoomiye Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa looga yeeray hotelka uu degen yahay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan.

Wariyaasha ayaa ugu horeyn lagu balamiyay Hotel Afrik oo ku yaala Agagaarka KM4, waxaana kadib loo qaaday Hotelka Shabeell oo uu degen yahay guddoomiyaha baarlamaanka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiye Mursal la filayo inuu markii ugu horeysay uu kasoo muuqdo Warbaahinta kadib markii uu ka guuray Villa Uganda oo ku dhex taala madaxtooyada.

Waxaa la filayaa inuu warbaahinta kala hadlo xaaladda Mooshinka, xeritaanka Mukhtaar Roobow iyo banaanbaxyada rabshadaha wata ee ka taagan magaalada Baydhabo maalintii seddexaad.

La soco shirka Jaraa’id ee Guddoomiye Mursal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Kheyre “Ma aqbali doonno in qab-qable uu nagu cabsi geliyo xukunka ayaan idinka ridaynaa”

Doxa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa diginin culus u diray xubnaha mucaaradka ku ah dowladda madaxweyne Farmaajo, isaga oo sheegay inaan lagu cabsi gelin karin “xukunka ayaan idinka rideynaa”

Khudbad uu Ra’iisul Wasaare Kheyre u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Doxa, ayuu xubnaha mucaaradka ugu yeeray qab-qableyaal doonaya inay hanjabaad wax ku helaan.

“Inta aan annaga joogno xukunka, waxaan idin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nala cabsiiyo, in aan aqbali doonin in dariiqa saxda ah nagala leexiyo, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadaladiisa laga dareemay carro.

Hoos ka daawo Kheyre

 

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Baydhaba caawa

Baydhaba Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa wali Caawa ka jirta Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo maanta Xaafaddo ka mid ah ay soo galeen ciidanka dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidanka Booliska Baydhabo ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan Banaanbaxyadda, waxaana maanta Magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Dadkii Banaanbaxyadda waday ayaa la sheegay in ay dib ugu laabteen guryahooda,maadaama ay tahay xilli habeen ah, waxaana Xaafaddaha qaar laga maqlaya rasaas goos  goos ah oo ay ridaayaan Ciidanka Booliska iyo Koox hubeysan oo taageersan Sheekh Mukhtaar Roobow.

Dhammaan wadooyinka Magaalada Baydhabo ayaa xiran, meelaha qaar Korontada ayaa ka maqan, waxaana Magaalada ka taagan Jawi Cabsi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected] 

Dowladda Soomaaliya oo WAR cusub ka soo saartay xaalada Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saartay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed oo shalay iyo maanta magaalada Baydhabo ay ka dhaceen rabshado dad badan ay ku dhinteen.

Rabshadahan ayaa waxaa sababay carro ka dhalatay xariga dowladda Soomaaliya ay shalay magaalada uga soo kaxeysatay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo hadda ku xiran magaalada Muqdisho.

Wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegtay inay ugu baaqeyso dhamaan Shacabka Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed ilaalinta xasilloonida iyo Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed.

Hoos ka aqriso qoraalka.

Aqri: Xildhibaano soo saaray qoraal xasaasi ah oo ka dhan Itoobiya iyo madaxa Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Badbaadinta Qaranka ee ay ku jiraan qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaalida ayaa soo saaray qoraaal xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee ka jirta magaalada Baydhabo, kaasi oo ay heshay Caasimada Online

Xildhibaanada ayaa qoraalkan, oo loo diray Midowga Afrika, QM, Mareykanka, UK iyo beesha caalamka, ku dhaliilay doorka ay AMISOM ka qaadatay falkii lagu soo xiray Mukhtaar Roobow maalintii shalay, oo ay ku tilmaameen wax aan la aqbali karin.

Waxaa sidoo kale ay cambaareeyeen safiirka Midowga Afrika iyo madaxa howlgallada AMISOM, Franseco Madeira oo ay sheegeen inuu ahaa shaqsigii bixiyey amarka lagu xiray Roobow.

Xildhibaanada ayaa si weyn u cambaareeyay Taliska AMISOM, waxayna sheegeen in ay ka baxeen dhexdhexaadnimadooda, si ula kac ahna u jabiyeen heshiiskii ay wada saxiixdeen dawladda Soomaaliya iyo Heshiiska Howlgalka Hawlgalka (SOMA).

Qodobka 8-aad ee heshiiskaan wuxuu uu qeexayaa; “AMISOM iyo xubnihiisu waa inay ka fogaadaan ficil kasta ama waxqabad kasta oo aan u dhigmin mid dhexdhexaad ah. AMISOM iyo wadamada xubnuhu ka ciidanka nabad ilaalinta waa inay ixtiraamaan sharciyada iyo xeerarka dowladda iyo dalka Soomaaliya”

Hoos ka aqriso qoraalka

Odayaasha Koonfur Galbeed oo go’aan kasoo saaray doorashada maamulka

Baydhabo (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dalbaday in la sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo shalay dowladda Soomaaliya ay kasoo xirtay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda ee maamulka Koonfur Galbeed.

Odayaasha ayaa sheegay in banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo ay sii socon doonaan tan iyo inta lasoo deynaayo Mukhtaar Roobow Cali.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen in doorasho aysan ka dhicin karin 19 Bishaan Magaalada Baydhabo, hadii ay ka dhacdana wixii dhibaato ah oo ka dhasha Mas’uuliyideeda in ay qaadeyso dowladda Soomaaliya.

Odayaasha waxay ka digeen in doorasho jujuub ah oo ka dhacda Baydhaba wixii dhibaato ah ee ka yimaadda ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.

Wali xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya magaalada Baydhabo waxaana qeyba ka mid ah magaalada laga maqlaya rasaas Goos Goos ah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

 

Warmurtiyeed kasoo baxay kulamadii Farmaajo iyo Afwerki ee Muqdisho (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki, waxay kulamo wadatashi oo labo maalmood socday (13-kii ilaa 14-kii bisha Diseembar, 2018) ku yeesheen magaalada Muqdisho, Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxay wadahadallo ku yeesheen Villa Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyada oo si dhaw la isaga kaashanayo dhammaan dhinacyada danta u ah labada dal sida ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab.

Madaxweyneyaashu waxay ka dhawaajiyeen sida ay uga go’an tahay in la dardargeliyo iskaashiga Geeska Afrika iyada oo xoogga la saarayo iskaashiga heer gobol ee dhinacyada horumarka, horusocodka iyo barwaaqada.

Madaxweyne Isaias waxa uu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguma tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan.
Iyaga oo si buuxda u garawsan baahida loo qabo in la helo hannaan lagula tacaalo halista casriga ah ee argagaxisada iyo saboolnimada. Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka.

Labada Madaxweyne waxay isla qireen inay jiraan caqabado badan oo ay tahay inay si wadajir ah xal ugu raadiyaan. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in ay mideeyaan taageeradooda iyo dadaalkooda wadajirka ah si loo xalliyo caqabadaha ay labada waddan si gaar ah iyo guudba u waajahayaan.

Madaxdu waxay isla garteen in iskaashi heer gobol oo waxtar leh uu muhiim u yahay ka gudubka dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagaxisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee gobolku wajahayo.

Labada Madaxweyne waxay garwaaqsan yihiin in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed iyo gobolka guud ahaan. Isku day kasta oo lagu carqaladaynayo dardarta ka socota gobolka waxay shaki la’aan curyaaminaysaa horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinaca nabadda iyo dib-u-heshiinta. Madaxdu waxay ka midaysan yihiin ka hortagga faafinta xog kasta oo halis ah, raad aan lahayn, siyaasadina dabada ka riixayso, waxayna dhammaan ugu baaqayaan in ay ka qayb-qaataan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha u galay Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada ay Gudaha u galeen Ciidan Itoobiyaan oo wadda gaadiidka dagaalka, kuwaasoo kasoo dhaqaaqay garoonka Magaalada Baydhabo.

Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in ciidanka ay labo dhinac kasoo galeen Magaalada, xilli ay ka socdaan Banaanbaxyo looga horjeedo ciidanka Itoobiya oo shalay xarunta Madaxtooyadda kasoo qabtay Musharax Rooboow oo ka mid ahaa Musharaxiinta Koonfur Galbeed.

Boqolaal Shacab ah ayaa ku sugan gudaha Magaalada, kuwaasoo wadda Banaanbaxyo, waxaana sidoo kale Xaafaddo ka mid ah Magaalada ku sugan Ciidamo taageersan Musharax Roobow oo hadda ku xiran Muqdisho.

Ciidanka Booliska Baydhabo ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan Banaanbaxyadda , waxaana maanta Magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo war kasoo saaray doorashada

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay warqad been abuur ah oo baraha Bulshada la soo dhigay, taas oo lagu sheegay in xubnaha Guddiga iscasileen.

Guddiga ayaa sheegay doorashada waqtigii loo qabtay inay ku dhaceyso oo ah 19-ka Bishaan, islamarkaana aysan jirin wax arrintaas iska beddelay.

Guddiga doorashadda ayaa waxaa saaran Caddaadis xoogan oo ka imaanaya Shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo waliba waxgaradka oo Codsanaya in doorashadda dib loo dhigo.