27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Sii-hayaha madaxweynaha K/Galbeed oo war cusub soo saaray (DHAGEYSO)

Baydhabo (Caasimada Online) – Sii-hayaha Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo goor dhow ayaa ku baaqay in la joojiyo Banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo.

Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa dhaliilay Shacabka Magaalada Baydhabo Banaanbaxyadda ka wadda ee kasoo horjeedda xiritaanka Sheekh Mukhtaar Roobow oo uu sheegay in ay yihiin kuwo yar.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ilaaliyo Ammaanka Magaalada Baydhabo, islamarkaana la joojiyo Banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo oo uu sheegay in ay waddaan kuwo kasoo horjeedda Ammaanka.

Banaanbaxyadda ka socda Baydhabo ayaa lagu toogtay Saakay Xildhibaan Cabdishakuur Ibraahim Yacquub.

Wali xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya magalada Baydhabo waxaana qeyba ka mid ah magalada laga maqlaya rasaas Goos Goos ah.

Caasimada Online
Xafiiska Byahdabo
[email protected]

Yaa toogtay xildhibaankii maanta la dilay? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka magaalada Baydhabo loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koonfur Galbeed islamarkaana ahaa guddoomiyihii guddiga amniga Koonfur Galbeed.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya cidda rasmi ahaan kaga dambeysay dilka xildhibaanka oo lagu magacaabayay C/Shakuur Yacquub Ibraahim oo ahaa guddoomiya Amniga ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu kamid ahaa xubno u istaagay saaka sidii xiisadda loo qaboojin lahaa, balse rasaas kaga dhacday oogada sare ee jirkiisa ayuu u dhintay, sida goobjoogayaal ay xaqiijiyeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanka ay toogteen ciidamada booliska Koonfur Galbeed ee ka hortagayay rabshadaha ka socdo magaalada, halka wararka kale ay sheegayaan in ciidamada ilaalada u ahaa Mukhtaar Roobow ay toogteen.

Dilka Xildhibaanka, ayaa ka dhacay Nawaaxiga Saldhiga Boooliska baydhabo, kaasoo ku dhow Madaxtooyada Koonfur Galbeed, waana ta keentay shakiga ugu badan ee ah in ciidamada booliska ay toogteen.

Xaalada magaalada ayaa wali kacsan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas ka dhaceysa xaafadda Horseed iyo agagaarka Garaash ku dhow guriga uu deganaa Mukhtaar Roobow.

Ma jiro wax war ah oo wali dowladda Soomaaliya ay kasoo saartay qalalaasaha kasoo kordhay magaalada Baydhabo oo galay maalintii Labaad.

Haddii Xasaradahan ay sii socdaan waxaa halis ku jirta doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed oo shan maalin kadib la filaayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo sida guddiga doorashada ay sheegeen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xaaladda Baydhabo oo sii xumaatay iyo xildhibaan ku geeriyooday rabshadaha

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inay sii xoogeysteen rabshadaha ka socdo magaalada Baydhabo ee bilowday gelinkii dambe ee shalay.

Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka koofur Galbeed uu ku geeriyooday rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo  Cabdishakuur Buule oo ka mid ahaa  Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa toogasho lagu dilay intii ay socdeen Banaanbaxyadda ka dhanka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa Maanta ah mid kacsan, waxaana jirin cid ilaa iyo hadda isku dayeysa inay xal ka gaarto xaalada cakiran iyo rabshadaha ka socda Magalada Baydhabo.

Ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo ku sugan ayaa heegan buuxa ku jira, iyadoo ay doonayaan inay ka hor tagaan waxyeelo kale oo ka dhalata xiisada ka taagan magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

“Afwerki wuxuu magaalada Muqdisho keenay saraakiil hogaaminaysa ciidamiisa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Mucaaradsan dowladda Soomaliya islamarkaana gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka walaacsan safarka madaxweynaha Eritrea uu ku joogo magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanadan ayna warbaahinta u aqriyeen xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaano kale ayaa waxay si cad ugu sheegeen inaysan taageersaneeyn safarka Madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho.

Waxay sheegeen in safarkiisa uu ku yimid Muqdisho, iyada oo uu Mooshin ka yaala madaxweyne Farmaajo inay ka dhigan tahay siyaasadda guracan ee ay heshiiska ku yihiin, sida ay hadalka u dhigeen.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay inay ka warhayaan madaxweynaha Eritrea inuusan aheyn ruux dalkiisa ka ogol dastuurka iyo Dimuqraadiyadda, sidaasi daraadeedna ay walaac ka muujinayaan safarkiisa.

Waxay ugu dambeyn qoraalkooda ku sheegeen in saraakiil Eritrean ah uu keenay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hogaamin doono ciidamo ka socda dalkaasi oo Muqdisho imaanaya.

Dowladda Soomaaliya wali ma aysan shaacin wax heshiis rasmi ah oo ay la gashay dowladaha Ethiopia iyo Eritrea marka laga yimaado isfahamka dhex marayay seddexda dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Yaa dowlada ka gaday Mursal oo hadda eediisa dusha loo saaray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha shacabka Cabdi Weli Muudey ayaa eed kulul kala kulmaya xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa sida ay xogo hoose ku warramayaan ku dhaliilaya Muudey in uu mas’uul ka yahay hab-dhaqanka uu la soo baxay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan maadama uu isaga uu markii hore sabab u ahaa in dowladda ku taageerto qabashada xilka gudoomiyaha baarkamaanka markii uu is-casilay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xilligii lagu jiray ol’olihii doorashada gudoomiyaha golaha shacabka waxaa jiray xubno dhawr ah oo ay xukumadda gadaal ka riixeysay sida Cabdicasiis Lagtagareen iyo kuwo kale, hase ahaatee, waxaa la xaqiijinayaa in uu Muudey ku qanciyey in Mursal yahay shaqsiga ugu mudan ee la shaqeyn kara.

Si kastaba, taas ayaa hadda ku noqotay Muudey iyo Xukumadda waji gabax kaddib markii uu Mursal uu kasoo horjeestay dowladda kuna biiray xubnaha mucaaradka ah.

Xogta ay Caasimadda Online heleyso ayaa ku warramaysa in habeenkii Salaasada ay xubno ka mid ah baarlamaanka taageersan Xukumadda ay ku canaanteen Muudey soo xulistii Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Arbacadii ayuu gudoomiyaha Baarlamaanka ka guuray gurigiisa ku yaal Villa Somalia kaddib markii la sheegay in ay Xukumadda ku cunaqabateysay muddo laba maalmood ahaa.

Lama oga halka uu ka dambeyn doono khilaafka xooggan ee ruxay siyaasadda Soomaaliya wallow la sheegayo in gudoomiyaha Baarlamaanka laga keeni doono Mooshin maadama Xukumadda ay haysato xildhibaano badan oo taageeraya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuur “Aad ayaa loo bah-dilay reer K/Galbeed”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa dulmi iyo bah-dilaad lagula kacay Koonfur Galbeed ku tilmaamay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Isaga oo ka hadlaya dhibaatooyinka deegaanada Koofur Galbeed ayuu sheegay in siyaasiyiinta Reer Koofur Galbeed ay sanad gudahiis dhibaatooyin dhowr ah kala kulmeen dowladda Soomaaliya.

“Waxa maanta Baydhabo ka dhacay waxay ahayd dulmi lagula kacay Shacabka reer Koonfur Galbeed. Inkastoo deegaanada oo idil la dulmiyey, haddana reer Koonfur Galbeed dulmi iyo duulaan dheeraad ah ayaa ku socda. Afar hogaamiye ayaa sanadkaan gudihiise mid xiray, mid xilka laga tuuray iyo mid la xanibay laga dhigay. Jawaari, Sharif Xasan, Roobow iyo Mursa”.

“Dhinaca Galmudug Xaaf ayaa la isku deyey In xilka laga tuuro, Hoyga Qaybdiid ayaa loo dhacay, anigana waa tii weerar la igu soo qaaday. Somaliland mucaawinada in laga jaro, mashaariicda horumarintana laga hor istaago ayaa la isku dayey”

“Jabuuti geeskaa la geliyey, Puntland waa la fadqalaleeyey oo muran ayaa Madaxweynihii iyo ku xigeenkiisii laga dhex aloosiyey. Jubaland na maleeshiyaad ayaa lagu hubeeyey. Shacabku waa in uu baraarugaa oo Dawladan xasilooni darida caadada ka dhigatay waa in meel looga soo wada jeestaa”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Senatarada laga soo doorto Koonfur Galbeed oo war kasoo saaray xariga DF ee Sheekh Mukhtaar Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Senatarada Aqalka Saree e Soomaaliya ee laga soo doorto deegaanada Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray xarigii ay shalay dowladda Soomaaliya kusoo qabatay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka.

War-Murtiyeed:
13 December 2018

Senatarada Dowlada Federalka ku-matalaayo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayagoo kaduulaayo dhibaatooyinkii ay horey uga digeen ee xaladaha Amni, Siyaasadeed, waxaa ay soo saareen qodobada soo socda:

  1. Tacsi: Senatarada waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan ehelada dadkii ku geeriyoodey dhibaatadii maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo waxayna u rajeynayaan inta ku dhaawacantay inuu Alle u boogo dhayo Insha Allah.
  2. Afduub: Waxaa wax laga xumaado ah Afduubkii maanta magaalada Baydhabo loogu geystey Sheikh Mukhtar Robow oo kamid ahaa musharaxiintii sida sharciga ah ubuuxisey shuruudaha musharaxnimo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana DFS
    kadalbaneynaa in ay xuriyadiisu dib ugu soo celiso si uu Doorashada lafilaayo uga qeyb galo
  3. Doorashada: Kusimaha Madaxweynaha, Gudoonka, Gudiga Doorashada, xildhibaanada KG iyo Dhamaan daneeya-yaasha Doorahada KG waxaan usoo jeedineynaa in dib loo dhigo Doorashada ilaa iyo inta laga helaayo jawi Xasiloon oo suurta gelin kara doorasho Xur iyo xalaal ah.
  4. Ciidanka AMISOM: waxaa wax laga xumaado ah in ciidanka AMISOM ee Ethiopia ay kudhex milmaan siyaasada Soomaaliya gaar ahaan tan Koonfur Galbeed, loona adeegsado faragelinta iyo dhibaatada ay Xukuumada Federaalka Soomaaliya ku hayso arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed.
  5. Gaba-gabadii: waxay Senatarada ugu baaqayaan shacabka Koonfur Galbeed in ay is dejiyaan, ilaashadaana midnimadooda, iyo xasiloonidooda iskana ilaaliyaan in iyaga loo adeegsado burburinta Maamulkooda.

Mahadsanidiin
Wabillahi Towfiiq
Dhamaad:

Dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha (Faallo uu qoray Yuusuf Garaad)

Mas’uul ma jiro, iyo muwaaddin kale toona, ka sarreeya sharciga dalka.
Waddanka adduunka ugu muruqa weyn jeebkiisuna ugu gun dheer yahay waxaa hadda ka socda baaritaan laga doonayo in uu ka jawaabo in Madaxweynaha iyo kooxdiisu ay si sharci darro ah ku heleen kursiga iyo in kale.
Qareenkii Madaxweynahana xabsiga ayaa loo taxaabay.
Markaa ma qabo, marnabana kuma talinayo in Madaxweyne ama mas’uul kale uu isku dayo in uu ka sare maro sharciga dalka u yaalla.
Aniga oo afeeftaas hor marsaday ayaan jecelahay in ra’yi shakhsi ah aan ka dhiibto mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaheenna.
Waxaan inta badan maqlaa Siyaasiyiin xukuumad kasta oo ay ka maqan yihiin, muddada ay ka maqan yihiin, si ba’an u mucaarada sidii oo ay tahay middii ugu xumeyd ee abid na soo marta, haddii aan la ridinna uu dalku dib u noqon doono.

Waxaa kuwaas u jawaaba qaar xukuumad kasta oo ay ka tirsan yihiin, muddada ay ku jiraan, afka ugu ekeysiiya middii la sugayay ee dalka ka saari lahayd dhibka.

Labada dhinacba waxaan ku arkaa mas’uuliyiin aan qaarkood uga haya sababo ku xeeran oo ka yeersiinaya waxa ay ku hadlayaan.

Uma gelayo waxa ku qoran mooshinka oo ma baarin, cid kale oo aan ku qanco oo baartayna ma arko. Sidoo kale uma gelayo sharciyadda ama la’aanteed uu ku saleysan yahay mooshinku.

Uma gelayo qiimeynta waxqabadka Dowladda oo aan dhaliil la’ayn laakiin tallaaboyin horumar ah oo la taaban karo ku tallaabsatay.

Umana gelayo in hanjabaadda la meelmar karo iyo in kale.

Waxaan rabaa hal dhinac oo yara xasaasi iigu muuqda in aan iftiimiyo si talada loogu darsado.
Xilalka siyaasadda ee dalka marka laga reebo Aqalka Sare, waxaa lagu qeybsaday hab qabiil ayada oo Soomaalida loo kala saarayo shan qabiil.
Shanta qabiil midkiis aad ayaa loo duudsiyay oo xataa lama qeyb aha afarta kale. Taas waxaa lagu saleyay mala’awaal ah in ay inta kale mid mid uga tiro yar yihiin.
Caddaalad darrada koowaad uguna weyni, malahayga, waa middaas.
Dhanka kale afarta qabiil waxaa jira xeer aan u qorneyn ase ay ku dhaqmaan. Inkasta oo aan hibo iyo xataa qabiil la isu siin, laga soo billaabo maalintii aan xornimada qaadannay, laba qabiil oo keliya ayaa Madaxweyne ka noqday dalka.  Marka ay doorasho joogto iyo xataa halkii mar ee ay afgembi militeri ahayd waxaa shabaqa u dhigtay siyaasiyiin labadaa reer ah. Tan militerigu inkasta oo ay hal mar ahayd, haddana waa ay daba dheeraatay oo waa middii ugu wakhtiga dheereyd.
Labadaas qabiil oo siman ayaad haddana mooddaa in ay sii kala mudan yihiin.
Labada qabiil midkood, Madaxweyne kasta oo la doortay waxaa uu fursad u helay in marka uu xilligiisu dhammaado sidii ballanku ahaa uu kursiga dib ugu tartamo, marka uu waayana uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.
Madaxweynayaasha ka soo baxay qabiilka kale, midkoodna weligii fursad looma siin in uu xilligiisa dhammaysto, oo uu doorasho galo, xilkana nabad ku wareejiyo maaddaama aan Soomaaliya weli mas’uul Madaxweyne soo noqday aan mar labaad la dooran.
Waxa keliya oo taa weydaaran waa Madaxweynihii Militeriga ahaa oo wakhtigiisu aad u dheeraaday aakhirkiina dagaallo jabhadeed oo lagu hoobtay iyo kacdoon shacab oo is kaashaday ay meesha ka saareen.
Maanta oo Madaxweynaha xilka haya muddadii loo doortay aanay kala bar gaarin ilama qummana isku dayga ah in Madaxweynaha maanta lagu daro liiska Madaxweynayaasha aan rabitaankooda uga tegin xafiiska.

Dooddeydu ma ahan in ay dhan walba ka eegtay dacwadda oo ay soo gunaanadday, ama ay tahay fikirka keliya ee laga qabi karo.

Ma aha wax qurxoon oo dood lagu saleeyo, laakiin xaqiiqada aan qorneyn ee siyaasadda Soomaaliya ee 2018 ayaa sidan qoreysa.

Waanan ogahaya aragti dooddeyda lid ku ah in la keeni karo,  oo sannadkan nuskiisii hore nin aan arrinkaan ka sheekeysannay wuxuu igu yiri, ‘kala daa waa Madaxweyne iyo waa loo turayaa’.

Laakiin muhiim ayay iila muuqataa in taariikhdan lagu darsado sawirka guud.

Xagga sharciyaddana marka hore ayaan ka afeeftay sababta oo ah ma haysto awood aan uga daba tago eedeymaha duulaya ee weerarka iyo rogaal celiska ah guntoodu waxa ay tahay.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Faysal Waraabe muxuu uga carooday heshiiskii Taleex?

Dadka Soomaalida waxaa lagu yaqaan in ay ku farxaaan marka ay maqlaan in beelo dagaalamay la dhex dhigo Heshiis iyo afgarad. Marka ay sidoo kale maqlaan dagaal ka qarxay qabiilada dhexdooda, waxaa hadal hays u ah “Ilaahow Kala Qabooji.” Arrintaa caksigeed waxaa la soo shir tegay nin  Soomaalidu ay ku baratay in afka la gaaro Dir iyo daaroodba, taasoo  ay Soomaalidu ka hal qabsato marka ay rabaan inay muujiyaan arrin dabooshay dad iyo degaano badan oo Soomaalida degto. Ninkaasi Waa Faysal cali waraabe oo magaalda Hargaysa magacyo badan looga yaqaan. Magacii ugu danbeeyana ahaa Faysal 4%, ka dib markii doorashadii kal hore oo ahayd tiisii afaraad u helay  boqoliiba afar, ayaa ka soo dhex muuqday Tv Ereyal oo u muuqday mid heshiis kula ahaa Faysal aflagaadada iyo Cayda afkiisa ka soo burqanaysay. Faysal  ayaa ku eedeeyey Boqor Burhan,oo ahaa Isimkii hogaaaminayay heshiiskii la dhex dhigay beelo mudddo todobo sano ku daalamaya magaalada Taleeex, inuu wado ababul qabyaaladeed. Waxaana la yaab noqotay in werihii warka ka qaadaya aanu weydiin inuu hayo wax cadaynayaa eedda uu  usoo jeeediyay Isimka. AkhristowFaysal heshiiskii Ceel-Afweyn  isagoo qiiraysan ayuu si niyad ah usoo dhaweeyey oo ku amaanay cid walba oo qayb ka qaadatay.

Dadka Faysal taariikhdiisa hayaa waxay isla qireen in Faysal ka muraala  dilaacay in Boqor Burhan ku guulaystay in isagoo aan Maamulna kaashan uu soo afjaro colaaddii ragaadisay magaalo taariikheedka Taleex, oo muddo ka badan toddobo sano isku horfadhiyeen beelo Jufi hoose isku ah oo deggan magaaladaa. Faysal waxaa uu inta badan sheegaa inuu isagu mar walba u taagan yahy cadaalada iyo daryeel, laakiin sida muuqata waxa wax walba kala weyn qabyaaladda iyo in la yiraahdaa  Faysal baa sidaa yiri. Marar badan waxaa uu si aan dhaqanka qofka Muislimka ku haboonayn u caayaay madax, culimo, madax dhaqameed, dumar iyo dad sharaf leh oo aan luu quurin  cay iyo xag xagasho.

Mar haddi faysal ka maagay inuu dadka Muslimka ah afkiisa ka ilaaliyo, waxaa la gudboon saxaafadda Hargaysa in aanay cod baahiye u noqon ninka noocaas ah. Waxaa saxaafadda xorta laga rabaaa in ay ilaaliyaan anshaxa iyo akhlaaqda suuban ee laga filayo warbaahintooda. Haddii kale wax ay la qaybsanayaan  waxii danbi ah ee ka dhasha warka ay fidinayaan.

Ugu danbayntii waxaan raali gelin u diraynaa Boqor Burhaan oo aan geyin in been abuur iyo cay lagula duldhaco. Waxaan leenahay isaga iyo Isimadii kale ee hawsha la qabtay Jazakumullahu Khayran. Kuna Sabra in Cibaadooyinka la amaanay ay xaga sare kaga jirto heshiisiinta dad Muslim ah oo dagaalamay.

Soomaali meel ay joogtaba waxaan leenahay Tolow Colka Jooja!

Qore: Yuusuf A. Geele

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan wali rabshado looga soo horjeedo xariga musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xaafadaha magaalada Baydhabo ay wali kala xiran yihiin, iyadoo xalay la gubay goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Baydhabo, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in cabsida darteed wali ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga.

Dadka banaanbaxyada dhigayay ayaa dalbanaya in lasoo daayo Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shalay dowladda Soomaaliya ay kasoo kaxeysay magaalada Baydhabo isagoo lagu xiray Muqdisho.

Iyadoo rabshadahaasi ay ka jiraan magaalada Baydhabo ayaa kulamo looga hadlayo xaaladda kasoo korortay Koofur Galbeed waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay siyaasiyiin kasoo jeeda Koofur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha amaanka ee magaalada Baydhabo ay doonayaan inay ka hor tagaan dadka abaabulaya rabshada kasoo cusboonaaday magaalada Baydhabo.

Maalintii shalay dad ayaa ku dhintay kuwo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay israsaaseeyeen ciidamada ilaalada u ah Mukhtaar Roobow iyo kuwa sugaya amaanka magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Arag Sawirro: Rabshado ka bilowday Baydhabo

Baydhab (Caasimada Online) – Rabshado iyo banaanbaxyo ayaa dib kaga bilowday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo shalay ay banaanbaxyo waaweyn ay ka dhaceen.

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa gubaya lugaha “Taayarada” baabuurta, waxaana ay dhagxaan la dhacayaan goobaha ganacsi ee furan ee ku yaala magaalada Baydhabo, sida uu ku waramayo Warimaha Caasimadda Online ee Baydhabo.

Xaaladda wali wey kacsan tahay, waxaana sidoo kale la arkayaa dadka oo ku banaanbaxaya gurigii uu deganaa Sheikh Mukhtaar Roobow ilaa madaxtooyada Koofur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas laga maqlayo xaafadaha magaalada Baydahbo, waxaana ridaya ciidamada amaanka oo la sheegay inay doonayan inay banaanbaxyada ka hor tagaan.

Leyrarkii ku shaqeynayay cad cadeeda ayay dhulka dhigeen qaar kamid ah dadka banaanbaxyada dhigaya oo careysan, waxaana jirin saaka wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka taagan.

Waxaa laga baqayaa inay xaaladda is badasho,  haddii aan wax laga qaban, maadaama dadka careysan ay taageersan yihiin Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Guddi dhex-dhexaadinaya FARMAAJO iyo MURSAL oo lagu dhawaaqay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xashi Cabdillaahi ayaa magacaabay guddi billaabaya xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxda Dowladda, si gaar ahna madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa ka kooban 7 Xubnood oo laga soo xulay Xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana ay xal u raadinayaan khilaafka maalmahaan ka dhexjira madaxda ugu sareysa dalka.

Xoghayaha Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare markii uu u kuur galay xaalada cakiran ee siyaasadeed ee dalka in uu magacaabay Guddigaas.

Waxa uu sheegay in guddigaads uu guddoomiyaha Aqalka Sare ugu kalsoon yahay in ay xal waara ka gaara khilaafka Madaxda Dowladda,iyada oo aysan noqon kuwa dhinac raaca.

Magacaabista guddigan ayaa imanaysa, ayada oo Mursal uu maanta wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in xildhibaanada keenay mooshinka ay yihiin kuwa xal raadinaya, oo aan dooneyn inay wax dumiyaan, islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay baarlamanka wax ku saxaan.

Mar wax laga weydiiyey inay is-arkeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka hadleen mooshinka, waxa uu sheegay in baarlamanka uu ka madax banaan yahay hay’adda fulinta, sidaas darteedna uusan u baahneyn inuu mooshinka kala hadlo.

Daawo Xoghayaha Golaha Aqalka Sare

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday shan heshiis oo muhiim ah (Daawo)

Doha (Caasimada Online) – 
Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Dooxa ku kala saxiixday shan heshiis iyo Sedex is-afgarad oo khuseeya arrimha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo Qatar ayaa lagu heshiiyay in ay ka shaqeeyaan dhamaystirka heshiisyada la kala saxiixday si fulintooda loo boobsiiyo, dadka Soomaaliyeedna dhawaan u helaan faa’iidooyinka kasoo baxa.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka warbixiyay heshiisyada ayaa sheegay in dhammaan heshiisyada ay dawladda iyo dadka Soomaaliyeed ay dani ugu jirto.

Wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo wasiir ku-xigeenka maaliaydda oo qayb ka ah wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka Soomaaliya heshiiska u saxiixay.

Heshiisyada waxaa sidoo kale kamid in diyaaradda Qatar airways ay billaawdo bartamaha sannadka 2019 duullimaado ay ku imaanayso magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Baydhaba caawa

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Bayadhabo ee Xarunta ku meel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa caawa waxaa ka taagan xaalad cabsi xoogan ah, oo laga qabo in iska hor imaad uu ka dhaco gudaha magaaladaasi.

Ciidamo taabacsan Mukhtaar Rooboow ayaa waxa ay heystaan oo ay dhufeys kaga jiraan qeyb kamid ah magaalada Baydhabo iyadoo sidaas si lamid ah Booliska gaarka ahee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay gacanta ku hayaan qeybta Madaxtooyada iyo Airoboorka Baydhabo, sida uu inoo xaqiijiyay wakiil wareedka Risaala ee Baydhabo.

Waxaa gebi ahaanba xiran wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Baydhabo kadib markii banaanbaxayaal ka careysan xiritaanka wadaadka ay isugu soo baxeyn bartamaha magaalada ayna dhagxaan dhigeen badi wadooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii maanta ka dhashay xariga Abu Mansuur ay ku dhinteen 10 ruux, 12 kalana ay dhaawacyo soo gaareen.

Khasaaraha nafeed ayaa yimid kaddib marki ay isku dhaceen ilaalada Mukhtaar Rooboow iyo taageerayaashiisa oo dhinac ah iyo ciidamada Itoobiyaanka ah ee ilaaliya xarunta madaxtooyada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo waxaa aad u buux dhaafiyey ciidamo la sheegay in Roobow ay taageersan yihiin, waxayna taasi keentay in ciidamada Itoobiya ay banaanka usoo saaraan Taangiyo, welibana bartamaha magaalada ay difaacyo ka xirtaan.

Shacabka ayaa bilaabay iney aadaan meel walbo oo ay kaga gamban karaan rasaasta, mana jirto waan waan socota.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Wareysi xasaasi ah: Mursal oo mooshinka Farmaajo iyo xariga Roobow ka hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa wareysi xasaasi ah siiyey idaacadda VOA, kaasi oo ah kiisii ugu horreeyey tan iyo markii uu aqbalay mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Isaga oo ka hadlayey mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay in xildhibaanada keenay mooshinka ay yihiin kuwa xal raadinaya, oo aan dooneyn inay wax dumiyaan, islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay baarlamanka wax ku saxaan.

Mar wax laga weydiiyey inay is-arkeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka hadleen mooshinka, waxa uu sheegay in baarlamanka uu ka madax banaan yahay hay’adda fulinta, sidaas darteedna uusan u baahneyn inuu mooshinka kala hadlo.

Dhinaca kale, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay wixii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo uu sheegay inay yihiin wax uu filayey oo uu ogaa inay dhici doonaan.

Roobow ayaa sheegay inay baarayaan cidda iska leh qaladka xariga Mukhtaar Roobow, islamarkaana marka la ogaado lagula xisaabtami doono.

Mursal ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay ka tanaasulaan khilaafyada keeni kara dhacdooyin la mid ah kuwii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

“Carabtu waxay tiraahdaa xoog mar walba xoog kale ayuu dhalaa, marka waxaan ku baaqayaa in xal wax lagu raadiyo oo aan xoog la adeegsan” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga Mursal

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaannada BF war ka soo saaray xariga Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xariga maanta loo geystay Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa waxay si cad u sheegay inay ka xun yihiin xariga loo geystay Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharixiintii ugu horeysay ee is diiwaan geliyay.

Ka sokow inay cambaareeyeen xariga waxay sheegeen inay Midowga Africa u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah doorka ciidamadooda ka jooga Baydhabo ay ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay Muqdisho u keentay Mukhtaar Roobow labo arin.

Hoos ka daawo qoraalka Xildhibaanada Baarlamaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

War kasoo baxay guddiga doorashada K/Galbeed kaddib xarigii ROOBOW

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyaga oo go’aamiyey in doorashada madaxtinnimada dhaceyso 19-ka December 2018.

Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii la xiray Mukhtaar Roobow oo ka tirsanaa murashaxiinta ugu cad-cad doorashada.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka walaacsaneyd musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, taasi oo u muuqata hadda inay meesha ka baxday kadib markii ay gacanta kusoo dhigeen Roobow.

Taageereyaasha Roobow iyo qaar ka mid ah fallanqeeyeyaasha siyaasadda waxa ay qabaan in dowladda ay wal wal ka qabtay taageeradiisa ku xoogeysaneysa qabiilka Raxanweyn oo hogaamin karta in uu uga guuleysto doorashada.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka guddiga doorashada.

DF oo war rasmi ah kasoo saartay xariga ROOBOW

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ahaa musharax u taagnaa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Roobow la xiray kadib markii uu jebiyey laba qodob oo horey lagula heshiiyey, kuwaas oo kala ahaa:-

  • In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed.
  • In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah.

Dowladda ayaa sidoo kale ku eedeysay Roobow “Inuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed”

Wasaaradda ayaa tiri “Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Mukhtaar Roobow oo laga soo dejiyey MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobwo Abu Mansuur ayaa goor dhow laga soo dejiyey garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Roobow oo maanta gelinkii hore lagu xiray magaalada Baydhaba ayaa waxaa garoonka kasoo dejisay diyaarad ay leedahay shirkadda African Express, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku sugan garoonka.

Waxaa Roobow la socday oo Baydhabo kasoo kaxeeyey ciidamo aad u badan oo kuwa dowladda Soomaaliya ah, sida aan xogta ku helnay.

Roobow ayaa kadib lagu qaaday baabuur qafilan, waxaana la wareegay ciidamada NISA, lamana yaqaan ilaa hadda halka la geeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in halkaas ay ku dhamaatay musharaxnimadii Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mahad Salaad: FARMAAJO wuxuu rabaa inuu Itoobiya & Eritrea dalka ku qabsado

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu doonayo inuu Soomaaliya ku qabsado ciidamada dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Mahad Salaad ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay saddex qodob oo uu yiri waxa ay caddeyn u tahay qorshaha madaxweyne Farmaajo. Hoos ka akhriso qoraalka Mahad Salaad ee Facebook:

FARMAAJO Itoobiya iyo Eritareeya ayuu rabaa dalka in uu ku qabsado!

Madaxweyne Farmaajo eedaynta Barlamaanku usoo jeediyay in ay sax tahay uuna rabo Itoobiya iyo Eritareeya in ay xoog ugu qabtaan Soomaaliya, xoogna uu wax ku maamaulo daliil cad waxaa u ah:

  1. In uu ka tilaabsaday dastuurkii uu ku dhaartay. Golihii Shacabka ee doortay Gudoomiyihiisiina uu 72 saacdood Madaxtooyada ugu dhex xirnaa!
  2. In ciidamada Itoobiya ay maanta u afduubeen Mukhtaar Roobow. Si looga reebo doorashada Koonfur Galbeed. Meeshana uu uga soo baxo Madaxweynaha uu isagu rabo.
  3. In Madaxweynaha Eritareeyana uu maanta Mogadishu marti ugu yahay si uu ugu keeno ciidamo xoog ugu qabta Mogadishu uguna baacsado siyaasiinta ka fikirka duwan.

Duqiyow waa kaa qaldantahay ee taariikhda gadaal ugu laabo. Dalka iyo dadkana bohol haku ridin!

Mahadsanidiin
Hon. Mahad Salad