27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xog kasoo cusboonaatay wasiirada baxsadka ah ee DDSI ee u xiran Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa weli gacanta laamaha amaanka maamulka Somaliland ku jira laba Wasiir oo kasoo goostay maamulka DDSI kuwaa oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Wasiiradan oo laba ah ayaa xiliga gacanta lagu dhigaayay safar u ahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana lasoo sheegayaa inay lasoo baxsadeen dhaqaale xoogan.

Wasiiradan oo ka tirsanaa Xukuumada Madaxweynihii is casilay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Garoonka magaalada Hargeysa xili ay wateen lacag xoogan oo ay kala soo baxsadeen magaalada Jigjiga.

Wasiirada baxsadka ahaa ee gacanta lagu dhigay ayaa kala ahaa Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdi Jaamac oo dhinaca xuduudka Wajaale kaga soo gudbay si dhuumasho ah.

Mid kamid ah Saraakiisha gacanta ku heysa Wasiirada oo aan xiriir dhanka Teleefanka ah la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in maamulka uusan wali go’aan cad ka gaarin labada Wasiir oo wali ku jira gacantooda.

Waxa uu sheegay in lagu hayo baaritaan maadaama lagu qabtay dhaqaale ay kala soo baxsadeen maamulka DDSI.

Wasaarada Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland oo sidoo kale ka hadashay labada Wasiir ee ku jira gacantooda ayaa sheegtay in wali ay ku hayaan baaritaan ku aadan sababaha ku kalifay in sifo sharci darro ah kusoo galaan deegaanada maamulka.

Wasaaradu waxa ay tilmaantay in khaladka ugu weyn ee loo heysto ay tahay inaysan wada dal ku gal, sidaa aawgeed ay gacanta kusii heyn doonaan.

Sidoo kale, waxa ay Somaliland sheegtay inaanu cadeyn go’aanka laga qaadan doono Wasiirada, hase yeeshee ay marin doonaan wixii sharci ah.

Dhinaca kale, maamulka DDSI ayaan weli ka hadal Wasiirada baxsadka ah ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana suuragal ah in lagu wareejiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xog: Markab dhuxul u sida dalka Imaaraadka oo ku xayiran dekada Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dekadda magaaladaasi uu taagan yahay Markab la doonaayo inuu qaado rar dhuxul ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Markabkaasi uu Dekadda taagan yahay muddo ku dhow Seddex cisho kaa oo la doonaayo in lagu qaado dhuxul sharci daro ah.

Illo wareedyo ku sugan Dekadda ayaa inoo xaqiijiyay in sababta uu Markabka ugu xayiran yahay Dekadda ay tahay is qabqabsi lacageed, iyadoona la sheegay in markabku uu yahay mid aad u weyn oo qaadi kara 550-kun kiish oo dhuxul ah.

Muranka ayaa si gaar uga dhexeeya maamulka Dekadda,Madaxda Jubbaland iyo Ganacsatada leh dhuxusha la dhoofinayo.

Ganacsatada dhuxusha ayaa ka biya diidan inay bixiso lacago dheeri ah oo lagu soo rogay, halka maamulka Dekadda iyo kan Jubbaland ay ka diidan yihiin in dhuxusha la raro.

Sidoo kale, Markabka ayaa mudada uu heysto ayaa waxaa ka harsan Seddex cisho, waxaana lasoo sheegayaa in rarka kadib uu kusii jeedo dalka Imaaraadka carabta.

Si kastaba ha ahaatee, muranka ka taagan rarista dhuxusha ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeesho ganacsiga dhuxusha oo gabi ahaan sharci daro ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka cusub ee DDSI iyo ONLF oo kala saxiixday heshiis toddoba qodob ah

Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Mustaf ayaa markii ugu horeysay kulan khaasa la qatay Saraakiil ka tirsan maamulka Sare ee Ururka ONLF.

Kulanka Madaxweynaha iyo Saraakiisha ONLF oo qaatay saacado ayaa waxaa leysu weydaarsaday dhibaatooyin ka jira deegaanka iyo khilaafka Ururka kala dhexeeyay maamulkii hore ee uu hogaaminaayay Cabdi Cumar.

Inta uu kulanka socday waxa ay Madaxweynaha iyo Saraakiisha mataleysay Ururka isla fahmeen inay muhiim tahay in heshiis laga gaaro mugdiga ka dhex jira maamulka iyo Ururka isla markaana la wada dhisto dalka.

Madaxweynaha iyo Saraakiisha ka soctay ONLF ayaa wadahadal dheer kala saxiixday heshiisyo ka kooban ilaa 7 qodob oo kala ah:-

1-In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF.

2-In Ururka ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed uga dhex bilaabi karto deegaanka Soomaalida.

3-In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan.

4-In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Ethiopia iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan.

5-In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb.

6-In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka.

7-In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah.

Geesta kale, Ururka ONLF oo dagaal ku jirtay Muddo tobanaan sano ah ayaa dhawaan ku dhawaaqay Xabad joojin, ka dib Codsi uga yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

[email protected]

R/W Hore ee SOMALIA oo riyo maalmeed ku tilmaamay qorshaha DFS ee arimaha doorashada

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdi Yuusuf oo mar lasoo shaqeeyay dowladii Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa si adag uga hadlay inta ay la eg tahay rajada laga qabi karo doorasho nin iyo codkii oo ka dhacdaa Somalia.

Maxamed Cabdi Yuusuf, oo Ra’isul wasaare kasoo noqday dowladii Cabdi Qaasim ayaa shaki galiyay in Somalia ay ka dhacdo doorasho nin iyo codkii waxa uuna sabab ka dhigay inaanu wali muuqan dadaalkii lagu qaban lahaa doorasho heerkaasi gaarsiisan.

Maxamed Cabdi Yuusuf, waxa uu tilmaamay inay aad u yartahay suuragalnimada in labada sano ee u harsan dowlada lagu gaaro guulo muujin kara doorasho xor ah, waxa uuna aad u dhaliilay Siyaasada Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre.

Maxamed Cabdi Yuusuf, waxa uu sheegay in hadda dalka loo diiwangeliyey in ku dhow 30 xisbi siyaasadeed taasina ay tahay mid qalad ah,isla markaana loo baahan yahay in dalka loo diiwaangeliyo kaliya Saddex Xisbi oo loolami kar.

“Anigu iima muuqato rajo muujineysa in Somalia ay wareegani marti galinkarto doorasho nin iyo codkii, inaanu dhaceynin waxaa tusaale ah diiwaan galinta ku dhawaad 30Xisbi”

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa “Waa in Dastuurka dalka laga bedelo lagana dhigo Saddex Xisbi kaliya balse hadii la yiraahdo waa free,bilaash in qof walba uu xisbi diiwaangashanayo ayna noqonayaan kuwo isku-baheysta jufo hoosaadyo qabiil ah oo aan waxba qabaneyn”.

Waxa uu intaa kusii daray in dalka haatan u muuqan mid aan suurtagal aheyn in ay ka dacdo doorasho qof iyo cod ah isagana uu cadeynayo in dalka ay ka jirin dowlad dadka mideyn karta, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Cabdi Yuusuf, waxa uu cod dheer ku sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo in wakhti hore ay dadka u sheegto inaanu qabankarin doorasho nin iyo codkii ka hor inta aanu laga kalsooni bixin, sida uu hadalka u dhigay.

Haddalka Maxamed Cabdi Yuusuf, ayaa kusoo beegmaaya xili madaxda DFS ay wali ku adkeysanayaan in doorashad ay noqoneyso nin iyo codkii.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Hargeysa: Xog dheeraad ah oo laga helayo xariga mas’uul ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Xoghayihii ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Xoghayihii ra’iisul wasaare ku xigeenka Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa weli ku jira gacanta maamulka Somaliland kadib markii lagu dhex qabtay magaalada Hargeysa.

Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa laamaha amaanka u xiran maalintii labaad, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in lasoo taagayo Maxkamad.

Saraakiisha amaanka ayaa Cabdiqani Yaasiin Maxamed ka wareysanaaya ujeedka uu u gaaray Hargeysa, waxaana lagu eedeeyay inuu macluumaadka Somaliland uu u gudbinaayay dowlada Somalia iyo in amar la’aan uu galay magaalada.

Hay’adaha ammaanka ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin xadhiga mas’uulkan, hase yeeshee warar xog ogaal ah ayaa sheegay in Cabdiqani Yaasiin Maxamed ay ciidanka boliiska ee Hargeysa ka soo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa oo ay xidheen.

Hore ayaa dad xilal ka soo qabtay Soomaaliya waxaa loogu xiray Hargaysa, ayadoo Somaliland ay meel adag ka taagan tahay dadka xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ama ka qayb gala shirar aysan raalli ka ahayn ee yimaada magaalooyinkeeda.

Dhawaan ayey ahayd markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) loo xiray kulan dhaqameed uu uga qayb galay Puntland.

Waxaa ka sii horraysay Naciima Abwaan Qorane oo iyadana muddo ku xirnayd xabsi ku yaalla Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

La-dagaalanka Musuqa oo sii xoogeystay & DFS oo Saraakiil & Ciidamo hor leh u xirtay Musuq-maasuq (Tirada)

Muqdisho (Caasimda Online)-Dowlada Somalia ayaa weli ku guda jirta xirxirista shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ku kaceen falal musuq-maasuq ah kuwaa oo muddo bilo ah lagu hayay baaritaano qarsoodi ah.

War kasoo baxay Taliska Booliska Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in la xiray Saraakiil iyo ciidamo hor leh kana tirsan Booliska loo xiray musuq-maasuq ay ku kaceen.

Saraakiisha iyo ciidamada loo xiray musuqa ayaa waxaa kiiska musuqa kusoo oogay taliska, iyadoo markii danbe kiiskooda ay la wareegtay Waaxda dambi-baarista qeybta Booliska.

Musuqa ayaa waxaa loo xiray Saraakiil iyo Ciidamo dhan 28 kuwaa oo dabagal lagu hayay muddo asbuucyo ah.

Taliye ku-xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi, ayaa xaqiijiyay in Saraakiisha iyo ciidamada ay hadda yihiin kuwo u xiran CID-da, isla markaana lagu hayo baaritaano kala duwan.

Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in weli uu socdo ololaha looga hortagayo falalka la xiriira musuq maasuqa, isla markaana 28 isugu jira Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iminka loo gudbiyay Xabsiga dhexe baaritaana uu ku socdo.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaa xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran askar iyo Saraakiil gaareysa 28 kuwaasi oo ku eedeysan eedeymo ku saabsan dhanka musuq maasuqa iyo amar diido, caqabad ku aheyd shaqada Ciidamada Booliska Somaliyed.”

Saraakiisha iyo ciidamada u xiran musuqa ayaa lagu eedeeyay in dad shacab ah ay ka qaaten lacago laaluush ah.

Dhinaca kale taliye ku xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi ayaa ugu digay Shacabka Soomaaliyeed in Saraakiisha iyo ciidamada u horseedan qaadashada lacagaha laaluushka.

Caasimda Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ciidamo ku hubeysnaa gaadiid dagaaloo la wareegay Bankiga Magaalada Gaalkacyo (Sababta)

Bosaso (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in  ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo ku hubeysnaa Gaadiid dagaal ay la wareegen Bankiga Magaalada Gaalkacyo oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada.

Ciidamada ayaa lasoo warinayaa inay isku hareereeyen Bankiga, isla markaana ay kala eryeen howlwadeenadii Bankiga oo xiligaa ku guda jiray shaqooyinkooda.

Ciidamada la wareegay Bankiga ayaa la sheegay inay ahaayen kuwo ka gadoodsanaa mushaar la’aan soo wajahday .

Ciidamada ayaa sidoo kale meelo fog ka xirtay waddooyinka waxa ayna rasaas ku eryinayaan dadka deegaanka oo usoo daawasho tagay.

Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in maanta Barqadii Ciidamaddaasi ay gudaha u galeen Bankiga, islamarkaana ay joojiyeen dhammaan shaqooyinkii socday.

Inta badan ciidamada Puntland kuwa aan xuquuqda lasiin ayaa awood kula wareega Bankiyada maamulka si halkaasi ay ugu soo bandhigaan baahidooda mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

[email protected]

Xog: Qadar oo qorsho aan caadi aheyn la damacsan mid kamid ah Hay’adaha amaanka DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay heshiis dhanka tayeynta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia la gashay dowlada Qadar.

Heshiiskan oo muhiim loo arko ayaa waxaa muddo laga joogo Seddex bil galay dowlada Somalia ee hadda jirta oo xiriir fog la leh dowlada Qadar ee uu hoggaamiyo Sheikh Tamim Bin Xamad Al Thaani.

Dowlada Qadar oo horay ballanqaadyo dhowr ah ugu sameysay Somalia, ayaa lasoo warinayaa in iminka ay fulinta balamahaasi ka bilaabi doonto tayeynta Sirdoonka Somalia, sida aan xogta ku heleyno.

Heshiiska ayaa dhigaaya in dowlada Qadar ay la wareegeyso bixinta mushaaraadka iyo tayeynta Hay’adda NISA oo loo arko inay ka ahmiyad badan tahay hay’adaha kale ee ka jira dalka.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in dowlada Qadar ay dib usoo nooleyneyso Hay’adda Nabadsugida Somalia, iyadoo lala meel-dhigaayo nidaamyada ay ku shaqeeyan Hay’adaha kale ee Sirdoonka adduunka.

Amiirka Qatar, Sheikh Tamim Bin Xamad Al Thaani oo siyaabo kala duwan uga hadlay ballamaha ay wada galeen Somalia, ayaa sheegay inay ku xeeran yihiin jihooyin kala duwan, waxa uuna ballanqaaday in Somalia ay ka garab istaagi doonaan dhinacyada amniga iyo Sirdoonka.

Tamim Bin Xamad, waxa uu sheegay in Somalia ay baahi u qabto in laga garab istaago amniga oo uu cadeeyay inuu yahay indhaha dal dhisan.

Dowlada Qadar ayaa Somalia xooga saartay wixii ka danbeeyay taageerada ay u muujisay xiliga ay u midooben dowladaha leysku dhaho xulafada Sacuudiga.

Sidoo kale, Dowlada Somalia oo u muuqata mid ilaashaneysa heshiiska iyo ballanqaadyada Qadar ay ka meermeereysa eedaha Khaliijka eek u aadan in Somalia aysan dhexdhexaad ka aheyn Khilaafka xulafada iyo Qadar.

Si kastaba ha ahaatee xiriirka dowlada Somalia iyo Qadar ayaa iminka ah mid wanaagsan waxaana suuragal ah in Qadar ay waxbadan ka bedesho Siyaasada ay la cayaareyso Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

C/naasir Seeraar oo weerar afka ah ku qaaday Axmed Madoobe (Muxuu yiri)

Nairobi (Caasimada Online)-Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar ayaa shaaca ka qaaday in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu wado qorshooyin lagu caburinaayo siyaasiyiinta iyo dadka deeganka ku ah Jubbaland.

Seeraar waxa uu sheegay in caburinta uu Axmed Madoobe ku hayo dadka deegaanka ay gaartay xadkii ugu danbeeyay waxa uuna ka digay in dadka deegaanka lagu sii haayo caburinta.

C/naasir Seeraar oo ka hadlaayay dhibaatooyinka ka jira deegaanada Jubbaland ayaa sheegay inuu mugdi galay hamigii ay hiigsanayeen dadka reer Jubbaland, isagoo xusay in sharciyadii uu ku dhisnaa Jubbaland la hareer maray, sida uu hadalka u dhigay.

Seeraar waxa uu carabka ku adkeeyay inay shaki weyn ka qabaan in Axmed Madoobe uu ku dhaqaaqo wakhti kororsi dhanka xilka ah, hase yeeshee dadka deegaanka laga doonaayo inay ka hortagaan.

C/naasir Seeraar waxa uu caddeeyay in aanay weli kala caddeyn xilliga la qabanayo doorashooyinka iyo sharciyadii guddiyada qaban lahaa maadaama wakhtiga la sameyn lahaa lagu jiro.

Sidoo kale, C/naasir Seeraar ayaa ku baaqay in Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe uu wax ka bedelo habdhaqankiisa maadaama lagu jiro xiliga doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, C/naasir Seeraar oo ka mid ahaa xubnihii la soo jabhadeeyay Axmed Madoobe, ayaa niyad jab weyn ka muujiyay dhaqan siyaasadeedka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi 

[email protected]

Imisa maalin kadib ayaa dhismo lagu bilaabay Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin 2 Wasaaradood?

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa dib u bilowday dhismaha Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo 7 Bishii July 2018 lagu qaaday weerar toosa oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Xarunta Otto Otto oo tan iyo markii la weeraray aheyd mid albaabada u xirnaa ayaa waxaa si xooli ah hadda uga socda dhismo lagu dayactiraayo xafiisyada ku burburay Qaraxa.

Waxaa xarunta ka muuqday maalmihii lasoo dhaafay burbur xooggan waxaana dhulka galay qaar kamid ah xafiisyada oo maleeshiyaadkii galay ay ka dhex fuliyeen ismiidaamin.

Dhismaha xarunta ayaa bilowday 49 Cisho kadib oo laga joogo xiliga uu dhacay weerarka kadib markii uu hakat ku imaaday shaqooyinka ay dowlada u hayeen Wasaaradaha degnaa xarunta.

Geesta kale, shaqaalaha Wasaaradda arrimaha gudaha qaarkood, ayaa waxa ay sheegen inaysan shaqeyn wixii ka danbeeyay xiliga weerarka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ethiopia: 4 arrin oo ONLF iyo gobolka Soomaalida u horseedi kara guul.!!

Inta aanan u gelin nuxurka qormadeyda, Aan marka hore ka hadlo dhowr arimood oo muhiim ah. Kuwaasi oo calaaqa la leh qormadeydan timid waqtigeeda oo aaan ku soo gudbin doono talooyin badan oo muhiim ah oo aan siinayo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Soomaali Galbeed, Gaar ahaan jabahdda xoreynta Ogaadeeniya ee loo yaqaanno ONLF.
Talooyinkan, Ayaa taaban doono meelo badan oo loo baahan yahay in la ifiyo. Waxaana rajeynayaa [insha alaah] in talooyinkaasi ay horseedi doonaan guul iyo gobonimo. Maadaama aaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda dhulka Jamhuuriyadda. Hadabo, Waxaa igu qasab ah inaan wax ka iraahdo marxaladdan ay marayaan walaalaheenna Soomaaliyeed ee uu dhulkoodu bixiyey gumeystihii Ingiriska  ee sirta badnaa.
QODOBKA KOOWAAD:
Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed iyo waxgaradkooda ku dhaqan dhulkaasi ay taariikhdu u taqaanno Ogaadeeniya Anagana aan mararka qaar ugu yeerno Soomaali Galbeed, Inay ka faa’iideystaan isbadelada ka socda waxan loogu yeero Itoobiya. Kuwaasi oo xanbaarsan fursado badan oo in muddo ah la baadigoobayey. Waxaana ku talinayaa in meel la iska dhigo waxyaabaha yar yar ee lagu kala duwan yahay, Si loo guuleysto.

Waxaan kaloo ku talinayaa in lagu dabafeylo jabhadda mucaaradka ee ONLF oo ah midda qura ee maanta ka jirta deegaaanka Soomaalida, Taasi oo muddo dheer halgan kula jirtay taliskii ay Tigreedu horboodeysay ee dhibaatada badan geystay. ONLF, Ayaa qeyb ka ahayd isbahasi ballaaran oo ay ku jiraan taageerayaasha jabhadaha mucaaradka Oromada iyo Amxaarada, Kuwaasi oo ugu danbeyn jilbaha u dhgay taliskii Tigreeda.
Maadaama maanta Itoobiya la dhegeysanayo dadka mucaaradka. Hadabo, Waxaa haboon in ONLF loo daayo matalaadda deegaanka iyo wixii wadahadal ah oo lala galayo maamulka cusub ee ay horboodeyso qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagno. ONLF, Ayaa leh qab-dhismeed urur iyo waliba ajandayaal cad cad oo dhamaantood u khidmeynayo qadiyadda dhulka Soomaalida ee xoogga lagu haysto.
Jabhaddani, Ayaa haysata fursado badan oo aysan haysan dhinacyada kale ee Soomaalida ee deegaanka ka jira sida maamulkii Cabdi Cumar oo kale,  Kaasi oo Isaga iyo taageryaashiisuba lagu xaglinayo inay daacad u ahaayeen maamulkii hore ee Tigreeda. Itoobiya, Ayaa caado u ah in marka uu isbedel dhaco in xabsiyada loo diro taageerayaasha maamulkii hore ama ay dibadaha u cararaan sidan marar badanba aragnay.
Waxan kaloo ku talinaya inaan dhib loo arag magaca ay jabhaddu wadato ee Ogaadeeniya. Maxaa yeelay, Magacani waxa  uu qeyb ka yahay taariikhda dhulkaasi iyo magacyada loo yaqaanoba. Maadaama qaddiyadani ay taallo meel badan oo caalamka ka mid ah. Hadabo, Waa muhiim in la sameeyo wax alaale iyo wixii qadiyadda u khimdeynayo. Laakiin waxaa important ah in la ballaariyo golayaasha Jabhadda, Si loogu soo dara Soomaalida ka maqan.
Dhinaca kale, Waxaan ka digayaa in mar kale ay xukuumadda Adis Ababa isticmaasho Soomaali kale, Kuwaasi oo lagu duleynayo dadkooda. Ugu danbeyna xabsiyada loo dirayo. ka dib marka dusha loo saaro gaboodfaladii dhacay sidan marar badanba aragnay. Taana waxaa u daliil ah waxa maanta ku dhacay Cabdi Maxamed Cumar oo aad isu jecleysiiyey taliskii hore. Sow arintu uma eka: Ninkii abeeso koriyoow adigaa u aayi doono ?
QODOBKA LABAAD:
Waxaan kaloo ku talinayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay cayaarto dowrkeeda ku aaddan qadiyaddan muhiimka ah maadaama dadka aannu ka warameyno ay yihiin Soomaali dulman. Sidee loo daawanyaa dad Soomaaliyeed oo u dhiban taariikh dhacday iyo waliba go’aan gumeysi. Mase jirtaa Itoobiya maanta laga baqo oo darteeda loo aamuso ? Sow ma ogidiin in Itoobiya maanta ay la mid tahay sida meyd socda oo kale ?
Waxaan kaloo soo jeedinayaa in qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Soomaalidu ay Iyaduna qaadato dowkeeda oo ay qeyb ka noqoto tawjiihinta iyo talo-siinta dadkaasi, Iyadoo waliba laga fogaanayo isticmaalka ereyada xun xun sida ereyga “Soomaalida Itoobiya” oo kale. Sow ma ogidiin in dhulkaasi uu qeyb ka ahaa dhulalkii maqnaa ee soo celintooda loo daadiyey dhiigga badan. Mise waxaa idin han-jibiyey taageerayaasha SNM iyo SSDF oo hadda sita magacyo kale ?
Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan kaga waramayo waxa la gudboon Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya oo ay horyaallaan fursado ka dhashay isbedeladii ka dhacay Itoobiya oo xoog ku haysato dhulka ay Jabhaddani u dagaalameyso. Isbedaladaasi oo abuuray rajo cusub oo horseedi karta in si nabadgalyo ah lagu dhameeyo khilaafkii u dhaxeeyey Soomaalida iyo dadyowga kale ee ku mideysan waxan loogu yeero Itoobiya.
Ra’isulwasaraha cusub ee Itoobiya, Ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo jabhadda xoreynta Ogaadeeniya sida uu ula hadleyba jabhadaha kale ee mucaardka ee ka jiray Itoobiya iyo waliba dowladda Ereteriya oo ay calaad xuni kala dhexeysey. Abey Axmed, Ayaan la aqoonin sida ay uga go’an tahay dhameynta qadiyaddan isaga ka weyn. Waxaa kaloon la aqoon inay daacad ka tahay furfurnaanta ka muuqata iyo inay ka tahay iibsasho waqti. We will see.
Maadaama ONLF tahay jabhadda kaliya ee mucaarad ee maanta ka jirta dhulka Soomaali Galbeed, Taasi oo leh  structure maamuleed iyo waliba ahdaaf cad cad oo horseedi karta inay xuroobaan dadkaasi oo  dhulkooda si sir ah loo hoos geeyey gumeysiga Itoobiya muddo haatan laga joogo ku dhawaad 70 sano. Kuwaasi oo hadana loo geystay dhibaatooyin badan oo aan laga sheekeyn karin waqti xaadirkan la joogo.
Sidan soo sheegeyba, Maadaama ay jiraan furfurnaan ka muuqata taliska cusub ee ay horboodeyso qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagnno. Kaasi oo sheegay inuu diyaar u yahay wadahadallo dhab ah oo lala galo Jabhdda ONLF oo ah midda kaliya ee maaanta ka jirta deegaanka Soomaalida, Taasi oo golayaal maamuleed iyo waliba barnaamijo siyaasadeed oo cad cad. Hadabo, Waxaa muhiim ah in lala taliyo Jabhadda si ay u guuleyssato.
WAXA KALA GUDBOON SOOMAALIDA:
Waxaa la gudboon Jabhadda inay la fadhiisato dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida, Gaar ahaan dadka waxgaradka sida odoyaasha dhaqanka oo kale, Iyadoo waliba u sharxeyso qorshayaasheeda siyaasadeed iyo waliba dariiqooyinka ay dooneyso in loo maro wadahadalada lala galayo maamulka cusub ee ay horboodayaan qowmiyadaha Oramada iyo Amxaarada oo uu aad u caburiyey taliskii Tigreeda ee arxan-laawaha ahaa.
Waxaa kaloo Jabhadda la gudboon inay la fadhiisato dhinacyada siyaasadeed ee deegaanka ka jira, Iyadoo waliba ku qancineysa inay ka tanaasulaan daba-orodka talis kasta oo yimaadaba, Si loo xaqiijiyo himilooyinka dadka Soomaalida oo runtii aad loo dhibay. Kuwaasi oo la hoos geeyey dad aysan waxba wadaagin. Waxaa kaloo Jabhadda laga rabaa inay hormuud u noqoto qabashada shirar looga tashanayo aayaha gobolkaasi dulman.
Maadaama Jabhaddu leedahay taageerayaal badan oo ku kala daadsan dunida dacaladeeda, Iyagana waxaa la gudboon inay qabtaan shirar badan oo lagu soo bandhigayo halgankii ay soo martay Jabhadda iyo waliba ahdaafta ay u dagaalameyso oo uu ku jiro qodob aad u muhiim ah, Kaasi oo dhigayo in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed, Si loo weydiiyo waxa ay doonayaan iyo halka ay u socdaanba.
Qodobkan, Ayaa mixwar u ah halganka jabhadda. Waana halka ay uga duwan tahay dhinacyada kale ee Soomaalida ee deegaanka ka jira. Isla qodobkan, Ayaa ah midka mar walba keenayo inay fashilmaan wadahadalo badan oo dhexmaray Jabhadda iyo Taliskii dumay ee Tigreeda. ONLF, Ayaa dooneysa in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed sida Ereteriyaanka oo kale. Kuwaasi oo ugu danbeyn go’aamiyey masiirkooda.
Hadabo, Si looga faa’iideysto fursadaha maanta jira, Waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi ay ku dabofeylaan ONLF maadaama ay tahay jabhadda kaliya ee mucaarad ee maanta jirta dhulkaasi muhiimka ah, Taasi oo waliba la daneynayo in lala furo wadahadallo ka duwan kuwii hore ee waqti-dhumiska ahaa, Si xal waara loogu helo qaddiyadan hortaagan nabad ka dhalata Geeska Afrika.
Waxaa kaloo muhiim ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale ee ka jira dhulka Jamhuuriyadda inay soo dhaweeyaan ONLF, Islamarkaana u ogolaadaan inay xafiisyo waa weyn ka furato dhulka Jamhuuriyadda sida Muqdisho iyo Hargeysa oo kale, Maadaama Itoobiya ay u aqoonsatay jabhaddaasi jabhad xornimo-doon ah oo waliba la daneynayo in lala furo wadahadallo dhab ah oo ka duwan kuwii hore.
WAXA AY MIISKA LA TAGEYSO:
Waxaa la gudboon Jabhadda Iyadoo ka faa’iideysaneyso khibraddeeda iyo waliba waxyaabihii la soo maray inay markan miiska wadahadalada la tagto qodobo badan oo aan kala dhicin, Kuwaasi oo dhamaantood u khidmeynayo himilooyinka dadka Soomaaalida ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya ee ay ka dhaceen dhibaatooyinka badan sida ay sheegeen hay’daha u dooda xuquuqda bini’aadamka sida Human Rights oo kale.
Sidan soo sheegeyba, Waxaa jabhadda looga baahan yahay inay miiska wadahadalada a tagto qodobo badan oo muhiim ah, Kuwaasi oo ka turjumayo halgankii dheeraa ee ay soo gashay, Islamarkaana ka gadmayo dadka Soomaaliyeed ee ay u dagaalameyso, Kuwaasi oo runtii ay soo gaareen dhibaatooyin badan. Waxaana ka mid ah  qodobada ay miiska la tageyso kuwa soo socda:
1- In la saxiixo xabad joojin rasmi ah oo dhowr sano soconeyso.
2- In maxkamad caalami ah la soo taago shaqsiyaadkii dunuubta ka geystay Ogaadeeniya.
3 In magdhow la siiyo dhammaan dadkii waxyeelada loo geystay.
4- Iyo ugu danbeyn in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed si loo weydiiyo waxa ay doonayaan.
Haddii la isla fahmo afartaasi qodob in markaasi loo sameeyo deegaanka maamul KMG oo ay hogaaminayaan dad aqoonyahano ah oo ka madaxbanaan dhinacyada siyaasadeed ee deegaanka ka jira. Maamulkan, Ayaa ka shaqeynayo adeegyada caadiga ah ee uu qaban jiray maamulkii hore marka laga reebo dhexboodka siyaasadda. Waxaa kaloo laga raabaa maamulkaasi inuu fuliyo waxyaabaha ay ku heshiiyaan ONLF iyo Itoobiya.
Haddii la isla garto qaadista afti dadweyne, In markaas la mudeeyo maalinta la qaadayo aftidaasi xorta ah, Iyadoo waliba lagu casuumayo dowlado waaweyn iyo waliba hay’ado caalami ah, Si looga baaqsado caga-jugleyn iyo waliba wax isdabamarin. Haddii jawaabta ka soo baxda aftidaasi ay noqoto waan madaxbanaanaaneynaa in markaasi la kala baxo, Iyadoo la calaamadeynayo xuduudda u dhaxeyso labada dal (Ogaadeeniya iyo Itoobiya)
Laakiin, Haddii jawaabta ay noqoto waan ka sii mid ahaaneynaa Itoobiya inteeda kale, In markaasi laga wadahadlo qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka. Anigu, Markii aan la sheekeystay dad badan oo Soomaaliyeed oo deegaankaasi ka soo jeeda, Waxay ii sheegeen inay doonayaan inay ka madaxbaanaadaan gumeysi iyo inay cid kale hoostagaan. Waxay kaloo ii sheegeen inaysan dhib u arag aragtida Soomaaliweyn ee qiimaha badan.
Si ONLF u guuleysato, Waxay u baahan tahay inay daraaseyso qaabkii ay Ereteriya uga go’day Itoobiya inteeda kale. Waxay kaloo u baahan tahay inay wax ka ogaato qaabkii Koonfurta Suudaan looga jaray Suudaanta kale. Waxay kaloo u baahan tahay inay kireysato khubaro caalami ah oo ka caawisa qaabka ugu haboon oo lagu heli karo Ogaadeeniya oo ka madaxbanaan Itoobiya inteeda kale oo aan rajeynayo inay dheereyn insha alaah.
Haddii maamulka cusub ee ka dhashay Itoobiya uu diido in afti laga qaado dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi oo uu la soo baxo waxyaabihii lagu yaqiinay ee lugooyada ahaa, In markaasi ONLF ay dib ugu noqoto halgankii dheeraa oo aan aaminsanahay in ugu dabeyn uu guuleysan doono. Maadaama uu yahay halgan caadil ah oo aan cidina lagu dulmeyn sida halgankii dadka reer Ereteriya oo kale, Kaasi oo ugu danbeyn guuleystay.
Ugu danbeyn, Waxaan kula talinayaa ONLF iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya inay ka faa’ideystaan isbedelada ka socda Itoobiya oo laga yaabo inay keenaan in dulmiga laga daayo dadka Soomaaliyeed oo loo yeelo waxa ay doonayaan sida Ereteriyaanka oo kale. Waxaan kaloo kula talinayaa siyaasiyiinta deegaankaasi inaysan noqon aalado lagu baabi’iyo himilooyinka dadkooda sida marar badanba dhacday. Ogaadana in guushu aysan fogeyn.
W/Q: Maxamed Ibrahim
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

XOG: Maxaa ka jira in xilka laga qaadayo Inj Yariisow, yaase lagu beddeli doonaa?

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya inuu socdo qorsho xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobolka oo hadda safar shaqo ugu maqan dalka Imaaraadka carabta uu dhawaan weyn doono xilka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in lagu cadaadinaayo inuu iska casilo xilka.

Qorshaha ka socda madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in xilkaasi loo wado Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.

Wasiir Ducaale oo ay aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa isna weyn doona kursiga Xukuumada, inkastoo ay jiraan shaqsiyaad kala oo u tartamaaya kursiga Yariisow.

Shaqsiga labaad ee la hadal hayo inuu u tartamaayo xilka Guddoomiyaha Gobolka ayaa la sheegay inuu yahay Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle oo isagu dhawaan laga fadhiisiyay shaqada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa markiisii hore waxaa xilka loogu magacaabay si kedis ah kadib markii ay dowlada Somalia u maara weysay Guddoomiyihii hore Taabit Cabdi oo doorasho iskiisa ah isku magacaabi lahaa.

Sidoo kale, qorshahan xil ka qaadista oo hadal heyntiisa uu sii xoogeysanaayo ayaa imaanaya xili dowlada Somalia ay weli ku guda jirto isbedelo lagu sameynaayo madaxda xilalka heysa.

Ma cadda dhaqan galka qorshahaani hase yeeshee waxaa si xooli ah magaalada Muqdisho uga socda hadal heynta xil ka qaadista Yariisow iyo mas’uulka bedeli lahaa oo miiska saran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka Somaliland oo xabsi dhigay mas’uul sare oo ka tirsan DF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online)- Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka maamulka Somaliland ay magaalada Hargeysa ku xireen Xoghayaha Xafiiska Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Khadar.

Ciidamada amaanka ayaa xili habbeen ah xabsi dhigay Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Cabdiqani Yaasiin Maxamed.

Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa maalmihii ciida ka tegay magaalada Muqdisho waxa uuna Haregeyso u adaaya booqashada qoyskiisa, sida aan xogta ku heleyno.

Maamulka Somaliland iyo Ciidamada amaanka maamulka ayaan weli ka hadal sababta rasmiga ah ee loo xiray Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Somaliland ayaa inta badan deegaanadeeda ku xirta mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowlada oo ay ku eedeeyan in idan la’aan ay soo galaan magaalada.

Sidoo kale, maamulka ayaa horay u xiray dad isugu jira mas’uuliyiin,Siyaasiyiin Wariyeyaal iyo Fanaaniin kuwaas oo qaarkood xukun lagu riday qaarna lasiidaayeymudo markii ay xirnaayeen.

Ma cada waxa Somaliland ku kalifaaya inay xirto dadka ka socdaala magaalada Muqdisho, halka dadka kasoo jeeda deegaanada Somaliland lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, xiliyada ay usoo socdaalan.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

DF oo wadda qorshe amni cusub oo cajiib ah (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa wada qorsho looga hortagayo gaadiidka ismiidaaminta iyo kuwa falalka amni daro ka geysta waddooyinka laamiyada Muqdisho.

Qorshahaani oo xooga lagu saarayo la socodka gaadiidka ka hor inta aysan ismiidaamin ama aysan geysan falalka amni daro ayaa waxaa loo adeegsan doonaa Kaamirado nooca meelaha fog wax ka duuba oo lagu xiraayo isgoosyada magaalada Muqdisho, halka kuwii hore dib loo bedelaayo.

Kaamiradaha la qorsheynaayo in lagu xiro isgoosyada magaalada ayaa aad uga dheereeya kuwii hore, waxaana lasoo warinayaa inay tayo badan yihiin kuwa iminka la isticmaalayo.

Gaadiidka ismiidaaminta geysta, kuwa la dhigo hareeraha waddooyinka iyo kuwa falalka amni daro geysta ayaa intuba is ticmaala laamiyada, waxa ayna kaamiradu fududeyneysaa in la helo macluumaadka gaadiidkaasi.

Sidoo kale, dowlada ayaa Kaamiradahani ka dalbatay dalka dibadiisa waxaana lagu wadaa inay soo gaaran maalmaha fooda nagu soo heysa sida aan xogta ku heleyno.

Geesta kale, dowladii hore ee uu Hoggaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadii ugu danbeysay kaamirado kooban ku xirtay isgoosyada, hase yeeshee waxa ay u muuqaneysaa in laga maarmi doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

CAYNTE oo ka jawaabay qormo uu madaxwenaha cusub ee DDSI qoray (Aqri)

Bismillah, Qormadii ugu horreysay ee uu soo bandhigo Madaxweynaha dooran ee Gobolka Soomaalida, Mudane Mustafa Cagjar, wuxuu ku dhiirri galinayaa dadka aan ku farxin doorashadiisa, wuxuuna ku marti qaadayaa inay si dimoqraadi ah u cabbiraan aragtidooda, iyagoo aan ka baqeyn beegsi iyo cabburin. Tani waxay muujineysaa isku kalsoonaan, biseyl iyo inuu Madaxweynuhu doonayo inuu isbeddel dhab ah ka sameeyo gobolkaas.

Ha yeeshee, Madaxweyne Mustafa waxaa horyaalla caqabado aad u fara badan oo isugu jira kuwa siyaasadeed, amni iyo kuwo bulsho. Wuxuuna uga gudbi karaa: a) Dibu heshiisiin dhab ah. b) Hirgalinta hannaan dimoqraadi ah oo waara. C) Dowlad-wanaag ku saleysan hufnaan iyo karti. D) Fogaan-arag ku qotoma siyaasad xasilloon oo talo-wadaag iyo tusmeyn leh.

Ma kale, Allaha ku guuleeyo masuuliyadda weyn ee loo dhiibay.

W/Q: Cabdiraxmaan Caynte

Hoos ka aqriso qormada madaxweyne Mustafa

Thanks to those who congratulated me and thanks too to those who disagreed with my selection. It is a good feeling to know our people has started to express their feelings freely without fear of persecution. This is what we fought for and yes we need plenty of dissent and disagreement to advance as a society!

We will revolutionize somali politics. We will not be intimidated by criticism or lament. We will defeat reactionary ideas with better ideas; we will not criminalize or harass them. And we are determined to face-off with forces of negativity and sectarianism. It is our duty

Imaaraadka oo shaaciyey DALALKA ugu badan ee uu maal-gashtay (MAAMUL ka dhisan Somalia oo ku jira)

Abu Dabai (Caasimada Online) – Qoraal ay baahisay dowlada Imaaraadka carabta ayaa waxaa lagu soo bandhigay wadamada ugu badan oo ay maalgashteen sanadkii tagay ee 2017.

Dowlada Imaaraadka ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay maalgashi weyn ay ku sameysteen wadamada Sacuuduga, Canada iyo dalka India oo lagu kharaj gareeyay dhaqaalaha ugu badan oo ay bixiso Imaaraadka.

Qoraalka oo si gaara uga soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in wadanka koowaad ee la maalgashtay uu yahay Sacuudiga, halka wadamada Canada iyo India ay galeen kaalmaha labaad iyo Sadaxaad.

Kaalinta afaraad ee maalgashiga ayaa lagu sheegay inay gashay Somaliland oo laga maalgaliyay dhinacyada Dekadda iyo Ganacsiga furan oo ay la leeyihiin Imaaraadka sida dhoofinta Xoolaha nool.

Kaalinta Shanaad ayaa la sheegay inay gashay Masar oo laga maalgaliyay dhanka Ganacsiga, sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay Wasaarada.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in maalgashi xaddigiisu gaadhayo $ 0.86 Bilyan ay geliyeen maamulka Somaliland, halka $ 0.36 Bilyan ay geliyeen dalka Masar, inkasta la saadaalinayo in sannadaha soo socda uu kordho maalgashiga Imaaraadka Carabtu gelinayaan Somaliland iyo Masar.

Warbixinta wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka laguma sheegin meelaha hantida maalgashigooda Somaliland ku baxday balse waxaa la og soonyahay in maalgashiga ugu badan lagu sameeyay horumarinta dekedaha, dhismahaasha, macdanta, tamarta la cusboonaysiiyey, arrimaha ganacsiga iyo dhinacyo kale.

Geesta kale, dowlada Imaaraadka ayaa xustay in sanadka lagu guda jiro ee 2018 ay kordhin dhanka maalgashiga ah ku sameyn doonaan goobo kale oo kamid ah Somalia oo ay ku bixin doonaan hantida ugu badan.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dabai
[email protected]

Wasiirka arrimaha gudaha SOMALIA oo laga yaabo inuu wajaho xil ka qaadis

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog uu helay wargeyska MEP ayaa sheegeysa in lagaa yaabo inuu isbadal ka dhaco Wasaaradda Arrimaa Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye (Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya) wuxuu wajahayaa cadaadis ka imaanaya Dhuusamareeb.

Ilo muhiim ah ayaa u sheegay wargeyska MEP in Ra’isulwasaare Kheyre uu damacsan yahay inuu xilka ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha iyadoo booskaas loo wado Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hogaamiyaha Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee gobolada Dhexe.

Waxaa jira heshiis hoose oo u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo Villa Somalia kaas oo ah in Ahlu-Sunna la siiyo wasiirka Arrimaha Gudaha iyaguna ay Villa Somalia ka caawiyaan in xildhibaanada ay rabaan ay kusoo baxaan doorashada 2020-ka.

Sidoo kale sababaha Sabriye loo badalayo waxaa ka mid ah gaabis ka muuqda shaqada wasaaradda arrimaha gudaha, ilaa haatan waxaa socda wada-tashiyo ku aadan isbadalka la filaayo inuu ka dhaco Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waxaa jira dadaalo lagu baajinayo arrintaan oo ay wadaan xildhibaano iyo ganacsato dooneysa in Sabriye uu sii joogo wasaaradda.

Xaaf iyo Ahlu-Sunna waxey isku afgarteen in lala shaqeysto Farmaajo iyo Kheyre oo aan laga hor imaan, waxyaabaha go’aankaas fududeeyay waxaa ka mid ah ballan qaadka Ahlu-Sunna loo sameeyay ee ah in la siin doono Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiirka hadda xilka haya iyo midka loo saadaalinaayo, labaduba waxey kasoo jeedaan beesha Ceyr ee Habargidir, sidaas darteed Farmaajo kama cabsanaayo iney dood badan ka dhalato arrintaan, Sabriye wuxuu xilka hayaa muddo kooban isagoo xafiiska kala wareegay Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saddex qalad oo uu ABIY AHMED ku sammaynayo deegaanka Soomaalida?

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiya Axmed ayaa tan iyo intii uu yimid hogaanka Itoobiya ugaystay deegaanka Soomaalida dhibaato xoog leh oo aan ka dhicin deegaanada Itoobiya.

Abiy Axmed wuxuu magaalada Addis Ababa ugu yeedhay 1,000 ruux oo Soomaali ah. Dadkan ayaa isugu jira odayaasha dhaqanka, aqoonyahan, masuuliyiintii dagmooyinka deegaanka Soomaalida, dad shaqaale iyo xubihii xisbiga oo muddo labaatan bari ah tababar iyo dib u habayn uga socotay Addis Ababa.

Shirkan waxaa kale oo ka qayb galaya ganacsato, ururo siyaasadeed oo qurbo joog ah iyo dad Soomaaliyeed oo dagan Addis Ababa.

Marka laga reebo dadka maamulka ka tirsanaa, dadka kale ee shirka loogu yeedhay si nidaam ah laguma soo xulin, sidaas daraadeed ma matalayaan bulshada deegaanka Soomaalida.

Khaladaad badan iyo waayo aragnimo la,aan ayaa ka muuqata shirkan Raysal Wasaaruhu u qabanayo Soomaalida, waxaa kale oo ay dad badni aaminsan yihiin in uu ula kac u samaynayo arintan isaga oo ku baadhay bal heerka uu taagan yahay fahamka iyo tashiga deegaanka Soomaalidu.

Khaladaadka uu ku samaynayo Soomaalida R/wasaaraha Itoobiya.

  1. Abiy Axmed wuxuu kula dhaqmay deegaanka Soomaalida nidaam ka kuwan kan lagula dhaqmo deegaanada Itoobiya, ee ah dastuurka u yaal dalka;
    a) waxaa xoog kula wareegay maamulkii deegaanka Soomaalida ciidamada milatariga, taas oo deegaanka u horseeday barakac, bubur dhaqaale iyo dib u dhac xoog leh, b) waxaa laga jaray deegaanka Soomaalida dhamaan adeegyadii halbawlaha u ahaa nolosha bulshada sida Korontada, Biyaha iyo isgaadhsiinta.

  2. Waxaa si sharci daro ah Addis Ababa loogu yeedhay dhamaan xubihii xisbiga dimoqraatiga shacabka Soomaalida, taas oo aan suurto gal ka ahayn deegaanada kale ee Itoobiya;
    a) xubnaha xisbiga waa la handaday oo la bah-dilay, qaar badan ayaa xisbiga laga caydhiyey, gudoomiye cusub ayaa loo sameeyey,
    b) waxaa kale oo si sharci daro ah Addis Ababa loogu yeedhay dhamaan xubihii maamul ee gabalada iyo dagmooyinka, kuwaas oo la filayo in qaar ka mid ah la caydhin doono,
    c) qaar ka mid ah xubihii xisbiga laga caydhiyey oo damcay in ay safraan waxaa lagu xidhay Hargaysa, amar uu bixiyey Abiy Axmed,
    d) waxaa si sharci daro ah oo aan wali uga dhicin deegaanka Soomaalida iyo kuwa kale ee Itoobiya madaxwayne looga dhigo qof aan ahayn xubin xisbi iyo xubin baarlamaan midna.

  3. Waxaa sumcad xumo iyo ixtiraam daro ugu filan dadwaynaha deegaanka Soomaalida, oo ah deegaanka labaad ee ugu balaadhan Itoobiya in sidii dad aan deegaan lahayn, iyaga oo aan wada tashan, xili fiican la siin oo ay ku tashadaan in sidii ciidan amar lagu siiyo in ay Addis Ababa iska soo xaadiriyaan. Abiy Axmed uma jeedo in uu wax wanaajiyo laakiin wuxuu hubsanayaa bal in Soomaalidu is-difaaci karto iyo in ay ogoshahay wixii loogu taliyo, wuuna helay jawaabtii.

Aniga iyo hankayga Soomaaliga ah, ee aan ahayn hanka kuwa Soomaalida ah ee Addis Ababa looga yeedhay; wuxuu ahaa in Abiy Axmed yimaado magaalada Jijiga, kana tacsiyeeyo, wixii ka dhacay dhib deegaanka Soomaalida ee ay masuulka ka ahaayeen isaga Abiy Axmed iyo Cabdi Maxamuud Cumar.

In uu sheego in ay u diyaar garoobaan kulan wada tashi ah xili dambe, si ay ugu diyaar garoobaan degmo degmo iyo gabal gabal iyo deegaan Soomaaliyeed ahaan.

Meles Zenawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya oo ahaa nin dhibaato badan u gaystay dadwaynaha Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana deegaanka. Waligii ma samayn ixtiraam daro tan oo kale ah, xiliyadiisii oo ay nabada deegaanku ka xumayd, dhaqaalaha iyo isgaadhsiintu ka liidatay wuxuu tagi jiray magaalooyinka fog fog ee deegaanka si uu wada tashi ula sameeyo deegaanka Soomaalida, arintaasi waxay ahayd ixtiraam uu u muujinayo shacabka.

Maxaa laga filan karaa waxa uu u sheegi doono Abiy Axmed dadkan uu ku amar ku taaglaynayo;

a) in uu ka xunyahay wixii ka dhacay deegaanka Soomaalida b) in uu masuul ka ahaa Cabdi Maxamud Cumar wixii ka dhacay deeganka Soomaalida
c) iyo in uu saxayo maamulka deegaanka Soomaalida uuna rabo in ay gacan siiyaan maamulka cusub ee dimoqraatiga ah.

In kasta oo madaxwaynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Musfate Cagjar shalay bixiyey talooyin fiican oo sida aan filayo fariin u ahaa dadka kulanka ka qayb galaya. Maxaa afkaar, talo iyo su,aalo ah oo laga filan karaa in ay kula xaajoodaan Abiy Axmed Raysal wasaaraha Itoobiya dadka Soomaaliyeed ee uu maanta Addis Ababa Shirka ugu qabanayo; a) waxaan filiyaa in wax wanaag u ah dadka Soomaaliyeed oo Itoobiya ka nixin kara in aan goobta laga odhan doonin. b) Dimoqraatiyada ka hirgashay Itoobiya waanu ku faraxsanahay, waanan la shaqayn doonaa Abiy Axmed iyo dawladiisa, hadalo noocaas ah. c) kala dacwood beelaha Soomaaliyeed dhaxdood ah oo ah mida uu u jecel yahay Abiy Axmed iyo Itoobiyaba. d) waxaa dhici karta in qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaan ahaan deegaanada Oromada dhib wayna loo gaystay in ay su,aal waydiiyaan uuna jeclaysan Abiya Axmed. 

Waynu arki doonaa wax ka soo baxa galabta kulanka kaligii tashade Abiye Axmed, ugu yeedhay dadwayaha Deegaanka Soomaaliyeed. Kaas oo aan aad u falan qayn doono.

W/Q: Raas Ahmed

Afar qodob oo laga filayo inay kasoo baxaan shirka maamullada ee Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas baahiyay waxaa lagu wadaa in agaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland 3-da bisha September 2018, uu ka furmo shir khaasa oo u dhexeyn doona Hogaamiyayaasha maamulada iyo xubno muhiima oo laga soo kala xuli doona maamulada.

Shirka oo la sheegay inuu leeyahay ahmiyad gaara ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo inta badan maamulada ay wajahayaan doorashooyin is xigxiga, waxaana soo baxaaya warar kala duwan oo ku saabsan shirka ka furmi doona magaalada Kismaayo.

Illo ku dhow dhow xoghayaha guud ee Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada Cabdi Cali Raage oo diyaarin doona ajandaha shirka ayaa laga soo xigtay in shirka uu xoogiisa khuseyn doono arrimaha doorashooyinka.

Waxaa laga soo xigtay inuu jiro shaki muujinaaya in dowlada Somalia ay dhaqaale xoogan ku bixineyso tirro musharaxiin ah oo u kala tartamaaya maamulada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed ee Somalia oo dhamaantooda uu khilaaf hoosaad kala dhexeeyo Dowlada Somalia.

Waxa uu Illo wareedka sheegay in xoghayaha guud ee Golaha iskaashiga uu kasoo xigtay in shirka ka dhacaaya magaalada Kismaayo diirada lagu saari doono sida looga badbaadi lahaa faragalin kaga imaada dhanka dowlada, Heshiiska shirka Brussels, Go’aan ka gaarista heshiisyo ay dowlada Somalia uga baxday maamulada iyo in si wada jira loo soo saaro mowqif mideysan.

Shirkan ayaa waxaa si gaara u wata Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo shaqaaqada ugu badan xiligan ay kala dhexeyso dowlada Somalia waxa uuna doonayaa in khudbadiisa uu kusoo qaato dhaliilo uu ka muujinaayo khilaaf shirka Brussels ku dhexmaray dowlada iyo Jubbaland iyo go’aanka ay ku celsheen laba taliye oo dhawaan la sheegay in dowlada Somalia ay u magacawday deegaanada Jubbooyinka kuwaa oo mid kamid ah magacaabidiisa uu been noqday.

Waxyaabaha laga filankaro shirka ayaa waxaa kamid ah:-

1-Dib u dhac lagu sameeyo doorashooyinka ay gali doonaan maamulada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Puntland, oo khilaaf uu kala dhexeeyo dowlada.

2-Haddii la qabanaayo doorashooyinka Seddexda maamul in si wada jira looga mamnuuco korjoogtada dowlada ee dhanka doorashooyinka.

3-Ku dhawaaqida inaysan wada shaqeyn danbe la sameyn doonin Madaxtooyada Somalia.

4-Waxaa suuragal ah in si toosa ay ugu dhawaaqan inay xiriirka u jareen dowlada Somalia, maadaama ay jirto baqdin dhanka faragalinta doorashada.

Dowlada Somalia ayaa waxa ay ku khasban tahay inay raadiso xalka maamul Goboleedyada maadaama aysan ku filneyn maamulida keliya magaalada Muqdisho, waxaana jira dacwado ka imaanaya maamulada kaa oo ku qotoma in dowlada Somalia ay hakisay qoondadii ay siin jirtay qaar kamid ah maamulada.

Sidoo kale, Hogaamiyayaasha maamulada ayaa waxaa ka go’an inay difaacdan kuraastooda iyaga oo taa u maraaya inay tashwiish ku furan xiriirkii kala dhexeeyay dowlada si ay u dhameystaan wakhtiga u harsan.

Dhinaca kale, maamulada hadii ay dowlada Somalia u jaraan xiriirka waxa ay taasi ka dhigan tahay in dowladu aysan kormeerayaal u diri Karin doorashooyinka maamulada, kuwaa oo suuragal ah in loo diido ka degista Garoomada maamulada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaalka Sool waxaan ka baran karnaa hal qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida la filayo ama ay Puntlad iclaamisay waxaa maalmaha soo socda dhiillo colaadeed ay ka curan doontaa gobolka Sool oo ay in muddo ah isku horfadhiyeen maalisheed ka kala amar qaata lamada maamul ee Puntand iyo Somaliland.

Dagaalkan oo bilowday bishii Janaayo ee sanadkan waxa ay Somaliland ku qabsatay kastamka Tukaraq oo dakhli badan uga soo xoraan jiray Puntland alse ujeedkiisu ahaa carqaladeyn safarkii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tagay Puntland.

Hase ahaatee, waxa uu Puntland, gaar ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, u dhaliyey fursad iyo mashruuc ku soo aaday waqtigii ugu haboonnaa.

Hadaba, dhawr mar oo ay foodda isku galiyeen jiiddahaas, ma jirin cid guulo la keentay oo aan ka ahayn barakicinta dadka deegaanka iyo dhimasho iyo dhaawac wax dhaafsiisan.

Beesha caalamka ayaa isku dayday in ay dhex dhexaadiso balse kuma guuleysan.

Maxaa hadda dib u soo celiyey oo aynu ka baran karnaa?

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu hadda u arkaa fursad dahabi ah maadama dhawr bilood ay ka harsan tahay doorashada maamulkiisa, isaga oo taas ka duulaya waxa uu doonayaa in uu ka faa’iideysto oo uu dagaal galiyo maamulka si ay meesha uga baxdo qaban qaabada doorashada sidaasna xilka ku sii dheereysto.

Sidoo kale, waxaa soo dedejisay ku dhawaaqisya dagaalka, go’aankii baarlamanka Puntland ee ay ku caddeeyeen in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]