25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

ONLF oo taageertay madaxweynaha cusub ee DDSI fariin culusna u dirtay

0

Muqdisho(Caasimada Online)- Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa jimcihii maanta ku dhawaaqday inay si buuxda u taageerayaan madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafa Maxamed Cumar oo xisbiga talada haaya iyo odayaasha deegaanka u doorteen madaxweynaha xukumi doona ilaa 2020-ka.

Qoraal Jabhada soo dhigtay barteeda Twitterka ayaa lagu sheegay inay taageerayaan isla markaana waxay u direen fariin ay kaga dalbanayeen isbadal cusub oo ka duwan midkii madaxweynihii hore Cabdi Illey ka duwan.

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Illey ayaa lagu eedeeyn jiray inuu geystay xad-gudubyo ka dhan ah bini’aadanimada, sida xarig sharci daro ah, hanti la wareegid, boob iyo dilal siyaasadeysan.

Jabhadda ONLF ayaa ugu baaqday xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed inaysan wax faragelin ah ku sameynin arrimaha DDSI, islamarkaana ay kaalin wax dhiseysa ka qaadato arrimaha gaarka iyo mida guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ra’isul wasaaraha CANADA oo banaanka soo dhigay qorsho halis ah oo ay damacsan tahay Xukuumada Sacuudiga (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau oo la hadlaayay warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay qorshooyin ay xukuumada Sacuudiga la damacsan tahay shaqsiyaadka u xiran ee u ololeeya xuquuqda aadanaha.

Ra’isul wasaare Justin Trudeau, waxa uu tilmaamay in maalmahaani uu helaayay fariimo aan lagu farxin kuwaa oo muujinaaya in Xukuumada Sacuudiga ay xukuno dil toogasho ah ku fulineyso xubnaha u dooda xuquuqul insaanka ee ku jira gacanta Sacuudiga.

Justin Trudeau, waxa uu sheegay in arintaan ay dowladiisa cabsi ka muujineyso, balse ayna difaaci doonaan shaqsiyaadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyaga oo la qeyb sanaya wax walba oo suura gal ah sida uu sheegay Trudeau.

“Cidna kama yeeli doono in sifo sharci daro ah lagu dilo dad aan waxba galabsan oo hadana u ololeeya xuquuqda aadanaha Sacuudiga kama yeeli doono waana ku celcelin doona in talaabadaasi tahay mid khaldan”.

Justin Trudeau, waxa uu cod dheer ku sheegay in Sacuudiga ay ku xisaabtami doonaan talaabo waliba oo khaldan, waxa uuna ka digay in la waxyeeleeyo xubnaha u dooda xuquuqul insaanka.

Dowladaha Sacuudiga iyo Canada ayaa tan iyo bilowga bisha aan ku jirno dhaliilo isu marinaayay hawada ilaa iyo markii danbe uu xumaaday xiriirkoodii diblumaasiyadeed kadib markii safiirkii canada u fadhiyay magaalada Riyaad uu dhaleeceyay howlgalada dowlada sacuudiga ee ka dhanka ah kooxaha u ololeeya arimaha bulshada ee u dhashay dalkeeda.

Hadalkaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo war ka soo baxay hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights lagu sheegay in dowlada sacuudiga ay dalbatay in dil toogasho lagu xakumo shan ruux oo u xiran oo u ololeeya xuquuqda aadanaha.

Dhinaca kale, dadkaan ayaa dowlada ku eedeysay in ay wadeen banaanbaxyo ka dhan ah maamulka boqortooyada sacuudiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa kala soctaa Caqabadaha uu la kulmi karo Madaxweynaha DDSI Mustafe Cagjar? (Akhriso)

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar, waxaa la sheegayaa iney jiraan caqabado uu la kulmi karo. Dhowr dhinac ayaa la sheegayaa in ay caqabadahaas kaga imaan karaan. Qormadan ayaan mid mid ugu eegi doonnaa caqabadahaas, waxa ay yihiin, iyo dhinacyada ay uga imaan karaan.

Liyuu Boolis

Caqabadda ugu horreysa ee uu la kulmi karo madaxweynaha ayaa waxaa lagu tilmaamay iney noqon karto mid uu kala kulmo ciidamada Liyuu Booliska deegaanka oo uu aasaasay, daacadna u ahaa madaxweynihi hore ee deegaanka ee xilka iska casilay, Cabdi Maxamuud Cumar.

dadka wax indha indheeya waxay u aanaynayaan dhowr arrimood middood.

– Ciidanka oo aan loo diyaarinin nidaam qumman oo lagu hagi karo, laguna beddeli karo dhaqanki hore ee lagu eedeeyo inay lahaayeen ee ku saleysnaa dilka, dhaca, boobka iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha.

– Ciidanka qaar ka mid ah, gaar ahaan saraakiisha ugu sarreeysa oo ah kuwo lagu tilmaamo inay dambiyo badan shacabka ka galeen oo lama huraan ay noqonayso in lala xisaabtamo, ciddi dambi lagu helana sharciga la horkeeno. Qodobkan wuxuu imaan karaa haddii aysan dhicin is cafin iyo dib u heshiin.

– Qaar ciidanka ka mid ah oo weli daacad u ah madaxweynihi xilka ka tagay ee Cabdi Maxamuud Cumar oo diiddan isbeddelka deegaanka ka socda.

Qaab dhismeedka deegaannada

Caqabadda kale ee uu la kulmi karo waa degmooyinka iyo ismaamul loo sameeyey magaalooyinka cusub, kuwaasoo uu Cabdi Maxamuud Cumar ku dhawaaqay maalmihi ugu dambeeyey ee uu xilka ka sii tagayey.

Haddii uu isku dayo madaxweynaha inuu qaab dhismeedka deegaanka lagu soo kordhiyey wax ka beddelo waxay dadka wax indha indheeya sheegayaan inay keeni karto in bulsho badan oo degmooyinka iyo ismaamul magaalooyinka la sameeyey ku faraxsanaa ay ka hor yimaaddaan maamulka Mustafe Cagjar.

Haddaba isbeddelka dhinaca maamulka guud ahaan ee heer deegaan, gobol, degmo iyo tuulo ee uu madaxweynaha ku dhawaaqay inuu isbeddel ku samaynayo maxay noqon kartaa mushkiladda kala dhalan karta?

Isbeddellada guud ee dhinaca maamullada ee uu madaxweynaha cusub samayn doono haddii ay noqoto in dhammaan dadkii xilalka u soo hayey maamulki hore la dareeriyo iyada oo aan loo kala saarin cidda khaldan, aqoon iyo khibrad ku filan aan lahayn iwm, waxay keeni kartaa in xog badan oo dowladeed oo ay maamulladii hore gacanta ku hayeen la waayo, ama ay sababto boob hanti iyo arrimo la mid ah, taasina ay caqabad ku noqon karto isbeddelka uu doonayo inuu madaxweynaha cusub sameeyo.

Xiriirka Dawladda Federaalka

Dhinaca siyaasadda la xidhiidha, xiriirka uu maamulka madaxweyne Mustafe a yeelanayo Dowladda dhexe waxyaabaha madmadowga soo gelin karo oo u baahan in aad looga taxaddaro sida go’aannada ay ka midka yihiin magaca deegaanka ee la beddelay DDSI loo beddelay DDS, heesta astaanta deegaanka u ahayd oo lagu beddelay tii hore ee ahayd Soomaaliyeey Toossoo Toossoo iskku tiirsada…, Calanka degaanka ee la beddelay iwm.

Dhammaan qodobbadaa iyo kuwa la midka ah dadka arrimaha gobolka aadka ugu dhuun daloola waxay ku talinayaan in madaweynuhu uu aad uga fiirsado, sababtoo ah tillaabbooyinka qaar waxay keeni karaan inuu xumaado xiriirka uu la leeyahay dowladda dhexe, “maadaamaa arrimahaasi oo dhan inuu sameeyo Cabdi Maxamuud Cumar ay dowladda dhexe lafteeda kaalin ku lahayd”.

Waxaa kaloo caqabad culayskeeda leh noqon karta arrimaha dhulka iyo hantida ma guurtada, ayadoo dad badan ay sheeganayaan in dhul ay milkiyad u haystaan xoog looga qaaday.

Soo celinta hantida la aaminsan yahay in deegaanka iyo qasnadda dowladda ay leeyihiin oo la soo celiyo, oo ah waxyaabaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha cusub inuu sameeynayo ayaa iyagana waxaa ka dhalan kara mucaaradad iyo kooxo isaga diiddan inay degdeg u sameeysmaan, sidaa darteedna uu isbeddel xowli ah samayn waayo, taasina waa waxyaabaha caqabadda ay ka dhalan karto oo u baahan si taxaddar leh inuu u fuliyo.

Dadka sida aadka ah ugu kuurgala siyaasadda deegaanka Soomaalidana waxay sheegayaan iney Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ay horyaallaan howlo aad u badan oo 11kii sano ee ugu dambeeyey qarribmay in la saxo, kuwaasoo noqon kara kuwo aan sahlanayn oo mixnad uu kala kulmi karo.

ONLF iyo Kooxaha mucaaradka

Jabhadda ONLF oo ah jabhadda keli ee hubeysneyd ee muddo dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya si ay gobolka ay Soomaalidu degto oo hoos taga Itoobiya ay “uga xoreyn lahayd”, iyo ururrada mucaaradka ee ka abuurmay cadaadiska maamulka Cabdi Maxamuud Cumar sida Dulmidiid iyo SRAJ waxay doonayeen iney maamulka Cabdi markay ka takhalusaan ay xilka iyagu la wareegaan.

Waxaana isbahaysi ku heshiiyey ururrada Dulmidiid iyo SRAJ oo madaxweyne Mustafe uu ka tirsan yahay iyaga oo haddana aad ugu kala aragti duwanaa xagga aragtida mucaaradnimada, misna ONLF waxay kaga duwan tahay ayadoo dooneysa iney gobolka gabi ahaantiisba uu madax bannaani ka qaato Itoobiya.

Xisbiga talada deegaanka haya ee X D SH S I oo isaguna siyaasadda deegaanka miisaan ku leh ayaa ka mid ah dhinacyada loollanka siyaasadeed ee adag uu ka dhaxeeyo.

Haddaba, dhinacyadan siyaasadeed haddii uusan madaxweynaha sida ku habboon ula dhaqmin, qaab dhismeedka dowliga ee la dhisi doonana aan si buuxda looga qayb gelinin, waxaa adkaaneysa iney xaaladda siyaasadeed ee deegaanka degto, waxay taana ka mid ah caqabadda uu madaxweynaha la kulmi karo haddii uusan sida ugu munaasabsan u maareynin.

Isku dhacyada soo noqnoqda Oromada iyo Soomaalida

Arrin kale oo laga sugayo, ishana lagu hayo sida uu u wajaho ayaa ah xiisadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Orommada, taasoo gaartay meel aad u xun, saamaynna ku yeelatay magaalooyin ay labada qowmiyadood wada degaan ama xuduud ka leeyihiin.

Dhowrki sano ee u dambeeyey qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo derisnimo qarniyo badan ku soo wada noolaa ayaa waxaa ka billaabatay colaad daba dheeraatay oo ka duwan khilaafki horay labadaasi qowmiyadood u dhex mari jiray.

Haddaba dhibaatooyinka qowmiyadahaasi oo sanadihii ugu dambeeyey ahaa kuwa siyaasadeysan, sidii loo joojin lahaa, labada shacab ee xadka dheer wadaagana dib looga walaaleyn lahaa, ayaa waxay ka mid tahay caqabadda uu wajihi karo madaxweynaha cusub maxaa yeelay Soomaalida waxay tirsanayaan in dad badan laga laayey, dhulna laga qabsaday, Oromaduna waxay aaminsan tahay inuu dhul ka maqan yahay, Boqollaal kun oo qowmiyaddaasi ka tirsanna deegaanka laga soo barakiciyey oo hantidooda laga dhacay.

Labadaasi aragti ee kala fog isku keenidooda oo ah mid aad u adag ayaa waxay ka mid noqon kartaa caqabadaha uu wajihi doono madaxweynaha Cusub.

ISHA BBC Somali

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulanka Addis Ababa ku dhexmaray R/W Abiy & Soomaalida Ethiopia? (Akhriso)

Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday kulankii u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo hoggaanka Siyaasada dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia kaa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa waxgarad laga soo kala xulay dhammaan deegaanada ay ku sugan yihiin Soomaalida kuwaa oo waxbadan is weydaarsaden Ra’isul wasaaraha.

Waxaa madasha kulanka ku sugnaa Madaxweynaha cusub ee DDSI oo maalin un ka hor la doortay, iyadoo si wada jira looga wada hadlay sidii xal dhameystiran looga gaari lahaa rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia.

Ra’isul wasaare Abiy ayaa dhinacyada uu la kulmay ka dalbaday inay u hogaansamaan awaamiirta dowlada iyo kan maamulka, waxa uuna ugu baaqay inay la imaadan qorshooyin ka duwan kan iminka laga soo gudbay.

Waxa uu Abiy Axmed u sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in si wanaagsan ay ula shaqeyso maamulka, hase yeeshee dhanka dadka deegaanka laga doonaayo inay muujiyaan jilicsanaan.

Abiy Axmed waxa uu Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kale ka dalbaday saddex qodob oo kala ah in Sharciga lagu dhaqmo,dadku inay dulqaad yeeshaan iyo in Cadaalad la sameeyo.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ayaa dhankooda Ra’isul wasaare Abiy ka dalbaday in mar walba ay helaan cadaalad iyo sinaanta maamulka.

Waxa ay sidoo kale ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno dad ku lug lahaa tacadiyo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo lagu waayay naf iyo maalba.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo dhinacyada kulanka qeybta ka ahaa ayaa isla fahmay in si wada jira leysaga kaashto Nabada, Hormarka iyo u hogaansamida amarada maamulka iyo dowlada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA

Wasiir ka tirsan XFS oo qiray in DFS aysan heyn midabka saxda ah ee calanka ay isticmasho

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ay la’ dahay midabka saxda ah ee uu leeyahay calanka Somalia.

Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay hadda ku howlan tahay baadi goobka midabka calanka Somalia, waxa uuna xaqiijiyay inay adag tahay helida midabka saxda ah.

Maareeye, waxa uu sheegay in meel waliba oo ay joogan Soomaalida laga isticmaalo calamo ay midabkooda kala duwan yihiin, waxa uuna tilmaamay in dhibka ugu badan ay ku qabaan shirarka caalamiga ah oo lagu arko calamo kala nooc ah.

“Waxaa hadda la raadinayaa midabka saxda ah ee calanka Somalia, waxaan ku wareersanahay calamo kala duwan midabkood oo aan uga qeybgalno shirarka iyo munaasabadaha kale, waa inaanu helnaa midabka xaqiiqda ah”

Xarumaha dowlada qaarkood ayuu sheegay xitaa in lagu arkaayo calamo kala midab ah, waxa uuna taa ku sheegay dhibaato xal u baahan, maadaama uu adduunka ku wareersan yahay midabka saxda ah ee calanka Somalia.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay iminka wado qorsho ah in la helo midabka saxda ah ee Calanka,isla markaana ay jiraan shirkado tartan u galaya in ay soo helaan,dhawaana tartankaas ay Wasaaradu qaban doonto.

Docda kale, Wasiir Maareeye ayaa madaxda dowlada ugu baaqay in qudhooda ay qeyb ka noqdan dhinacyada xulaaya midabka saxda ah ee Calanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxay uga dhigantahay dadka somaaliyeed Doorashada Madaxweynaha cusub ee DDSI?

Muqdisho (Caasimada Online)-Gobalka Soomaali-galbeed waxa uu saameyn ku leeyahay Siyaasada, Dhaqaalaha, Amniga, Dhaqanka, magaca, sumcada iyo Dawladnimada Soomaaliya iyo qof kasta oo Soomaali ah halka uu dunida ka joogo.

Cumriga dawlad-deegaanka Soomaali-galbeed waxa uu jiraa 25 sano oo Tegree xukumaysay dalka Ethiopia, waxaana isbedelay mudadaas 12 Madaxweyne oo qaarkood joogay 4 bill kaliya, mana jirin mid dhameystay xilligiisa markii laga reebo Cabdi Maxamuud oo dhameystay 9 sano. sababtuna waxa ay aheyd Tegree oo raadinaysay qof ay is famaan oo u fuliya qorshihii ay ka rabtay Soomaaliya.

17 sano kadib markii ay ku daashay kana siib, kana saar ayey ka heshay Cabdi Maxamuud sumadihii ay raadinaysay, waxa ayna siisay kalsooni buuxda, dhaqaale iyo maleyshiya farabadan oo uu ugu fuliyo ujeedooyinkeeda.

Hadaba casharada iyo fariimaha uu dirayo Qaraxa siyaasada iyo isbedelka 360 Digree wareegay mar kaliya ee ku kooban Gobalka Soomaalida maxaa sababay;

1-Dulmigii,Tacadiyadii iyo Caburintii dadka Gobalka oo xadkii dhaaftay kadibna dhalisay Qarax aan loo dul-qaadan karin, lana aamini karin mar danbe xubnihii ku jiray maamulkii Cabdi Ilay.

2-Haraadigii Tegree oo weli raba in uu ku adeegto maamulkii hore ee Jigjiga, colaadna dhex-dhigo Soomaali iyo Oromo.

3-Soomaalidii Gobalka oo Qabiil-Qabiil iyo Degaan-Deegaan loo kala qeybiyey, fitnana la dhex-dhigay, halka ay Qowmiyadaha kale mid mid yihiin.

4-Madaxweyne-yaashii soo maray Gobalka oo u badnaa hal beel markii laga reebo laba, hadana Tacadiyadii ugu badnaa ay ku dhaceen beeshaas oo isku qaadatay eedii difaaca nidaamka iyo dulmigii ugu xumaa ee ku dhaca shucuubta Geeska Afrika.

5-Halgankii ONLF oo ku soo dhamaaday mira la’aan kadib markii ay hana waayeen maamulka Gobalka ayna lumiyeen kalsoonidii dadka Gobalka.

6-Kooxaha iyo Axzaabta kale ee Gobalka oo aan abaabulnayn, diyaarna u aheen in ay buuxiyaan kaalintii maamulkii rajiimka.

7-Dawladda Federaalka oo isbedelka ay ka rabto Gobalada ku tijaabinaysa Gobalka Soomaalida, haddii ay ku guulaysatana si fudud ugu gudubto kuwa kale.

Sababahaas ayaa keenay dood iyo is jiid-jiid kadib in Madaxweynaha Gobalka loo doorto Mudane Musdhafa Cagjar oo aan ka tirsanayn Xisbiyada Gobalka iyo ONLF, uuna noqday qof aan loo hayn eedo hore, laguna midoobi karo, dejina kara kacdoonka iyo guuxa Gobalka, isla maanta ayuuna bilaabay laba qodob oo saldhig u ah, Astaamaha Somaalinimada, midnimada iyo kalsoonida Somaalida Gobalka iyo rajada Soomaalida kale sida:

1-Bedelida magacyadii “Soomaalida Ethiopia” “Gobalka Ogadenia” “Kilinka 5 aad” iwm, loona bedelay “Dawlad-deegaanka Soomaaliya” “Soomaali-galbeed” “Qowmiyadda Soomaaliyeed” Iwm.

2-Calankii oo lagu soo celiyey kii ay Tegree-gu bedeshay oo lahaa astaanta Calanka iyo Xidigta 5-ta Somaaliyeed.

Inkasta oo aad loo soo dhaweeyay doorashada M. Musdhafe hadana waxaa horyaal;

1-Fursado badan oo uu ku guulaysan karo sida:-dadka oo ka daalay dulmi iyo caburin una ooman nabad iyo xorriyad, kooxihii dulmiga iyo caburinta oo fashilmay, isbedelada Gobalka iyo dadka Somaaliyeed oo rabta xasiloonida Soomaali-galbeed iwm.

2-Caqado fashili kara haddii aan laga hor-tigin sida;- kooxihii dulmiga iyo caburinta oo ku jira xididada dawlada fedaraalka welina jooga Gobalada kale, Soomaali yar oo weli rabta; gobalaysi, qabiilaysi, xukun marooqsi, eex iyo qof jaclaysi iwm.

Waxaa laga bartay doorashada M. Musdhafe:-

1-In uusan dulmi daa’im noqon-karin awood iyo magac kasta oo uu yeesho.

2-In halgan kasta oo aan lagu dhisin aragti dheer iyo wada sax ah uu ku dhamaado mira la’aan.

3-In Xisbi ama koox kasta ee wayda kalsoonida dadka uu ka qiima badan yahay hal qof oo kalsooni haysta.

4-In qofkii ku adkeysta mabda’ iyo Mowqif hufan oo cad ugu danbeynta lasoo raadinayo kaligiisba ha noqdee.

5-In Gobalka Soomaali-galbeed uu xuddun iyo laf-dhabar u yahay Gobalada kale ee Soomaaliya, lana qeybsanayaan guul iyo guul-daro, col iyo nabad, dhib iyo dheef iwm.

W/Q:- Dr. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wadan Afrikan ah oo si aan horay loo arag uga carooday fariin uu Twitter-ka soo dhigay Trump

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika Lindiwe Sisulu ayaa sheegtay sida ay uga xun tahay in Maraykanku uu ku guul darraystay in uu adeegsado wadooqooyinka dublamaasiyadeed, markii uu soo bandhigayay walaaca uu ka qabo siyaasadda dhulka ee Pretoria, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Lindiwe ayaa dareenkeeda la wadaagtay dublamaasi sare oo Maraykan ah oo ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taas oo ku saabsan muranka sii xoogaysanaya ee labada dal ka dhaxeeya oo salka ku haya qorshaha ay Koonfur Afrika ku doonayso in ay ku qaadato qaybo ka mid ah dhulka ay leeyihiin beeralayda caddaanka ah iyaga oo aan wax magdhaw laga siinaynin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in siyaasaddaasi ay Koonfur Afrika u weecinayso jid khaldan, fariin uu Twitterka soo dhigay Trump-na wuxuu ku sheegay “in beeralayda Koonfur Afrika dhul laga qaadanayo, tiro badanna laga laynayo”

Sikastaba ha ahaatee wakaaladda arrimaha beeraha ee Koonfur Afrika oo magaceeda loo soo gaabiyo AgriSA ayaa sheegtay in dilalka ka dhaca beeraha uu gaaray meeshii u hoosaysay muddo 24 sano ah.

ISHA BBC

Mustafe Cagjar oo shaaciyay talaabada kaga aadan colaada Soomaalida iyo Oromada

Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustaf Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa si adag uga hadlay dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada.

Mustaf, waxa uu sheegay in dagaalka labada Qowmiyadood uu soo laalaabtay, hase yeeshee ay ka qaadan doonaan go’aan adag oo lagu hakin doono colaadaha sii baahaya.

Mustaf, waxa uu sheegay in isagu qorshihiisu uu yahay dhowrista,dhaqanka diinta iyo waxkasta oo nabada ka soo horjeeda, waxa uuna cod dheer ku sheegay in gacan bira ay ku qaban doonaan cid kasta oo Soomaalida loona arko inuu hurinaayo colaada Oromada.

Waxa uu Mustaf carab dhabay inuu ka shaqeyn doono mideynta Soomaalida degan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyadoo la ixtiraamayo shacabka Oromada ee deriska la ah Soomaalida.

Madaxweyne Mustaf, waxa uu sigaara u sheegay  inaysan ogolaan doonin in marnaba la dagaalamo,balse dadka dhaliilaya maamulkiisa uu u ogolaanayo inay keenaan aragtiyo ka duwan siyaasadiisa.

“Maaha inaanu noqono kuwo mar waliba usoo jeeda colaad iyo dhiig daadin anigu ma aqbali doono dagaal ooge, waxaan doonayaa in halkii laga dagaalami lahaa laga noqdo kuwo horseed u noqda nabadda, waxaanu aqbali doonaa in maamulkeyga la dhaliilo”

Sidoo kale, dagaalka u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopi ayaa ah mid waqti badan soo socday,waxaana weli ku guuleysan in xal laga gaaro dagaalkaas madaxda soo martay deegaanada.

Geesta kale, Dowlada Ethiopia ayaa dhankeeda kaalin weyn ka qaadan doonta xal u helida colaada u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Is araga Abiy Axmed & Soomaalida Ethiopia oo maanta la filaayo (Warbixin)

Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa maanta lagu wadaa inuu bilaabo la kulanka 1,000 qof oo Soomaalida kasoo jeeda dhulka Soomaalida.

Abiye Axmed waxa uu si gaar ah ula kulmayaa hoggaanka siyaasadda dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo ay wehlin doonaan waxgarad iyo dhalinyaro lasoo xuli doono.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa dadka uu la kulmayo waxa ay iminkaba ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waxaana laga soo uruuriyey deegaannada Soomaalidu degto ee Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ma aysan sheegin waxyaabaha uu kala hadlayo Abiy Axmed Soomaalida, balse waxaa la fahansan yahay inay la xiriirto xaalada iyo isbeddellada ka socda Dowlad deegaanka Soomaaliada Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa maalmo kahor ku hanjabay inuu gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah dalkaasi.

Arrintan waxa ay imaaneysaa iyadoo Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Soomaalida ay maalin un kahor Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Villa Somalia oo culeeska baraha bulshada darteed garab ka dalbatay Adis Abbaba

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Somalia waxaa lagu eedeeyaa iney ahmiyad badan siiso baraha bulshada isla markaana lacago bandanna ay ku bixiso.

Waxaa arrintaan sii xoojiyay Cabdikariin Sheikh Muuse (Qalbi dhagax) oo dhawaan laga soo daayay xabsi ku yalla wadanka Ethiopia, isagoo wareysi siinayay barnaamijka (Gal Baarista ee VOA-da) wuxuu sheegay in dhawr jeer laga codsaday inuu dowladda ka caawiyo in la istaajiyo kacdoonkii ka socday baraha bulshada mudadii uu xirnaa.

Wuxuu sheegay in loo soo jeediyay inuu hadlo si loo joojiyo xaaladii taagneed xilligaas.

“Waxaa ii yimid xubno ka tirsan sirdoonka Ethiopia  iyo qaar ka mid raggii gacanta igu hayay, waxey ii sheegeen in dowladda Soomaaliya uu culeys saaran yahay kaas oo dhanka baraha bulshada ah kuna saabsanaa arrinteyda, waxey i yiraahdeen “Fadlan hadal oo waxaad tiraahdaa waxaan ahay Ethiopian  oo anigaa halkaan immid dowladda Ethiopia-na  wadahadal kula jira, xor ayaan ahay si dowladda uu uga istaago kacdoonka ka socda baraha bulshada, balse waan diiday” ayuu yiri Qalbi Dhagax.

“Mar walba waxaan aaminsanaa inaan ahay Soomaali, soomaaliduna ay isku mid ii tahay, mana rabin inaan ka laabto qaddiyadeyda, ragii markaas gacanta igu hayay wey ku kala qeybsameen codsigii ahaa in la joojiyo kacdoonkii ka socday barbaraha bulshada iyadoo aniga la i adeegsanayo, qaar ka mid ah ayaa diiday oo yiri lama qasbaayo hadii uusan raali ka aheyn, anigana raali kama aheyn”

Hadalka Qalbi dhagax wuxuu muujinayaa sida ay Dowladda Soomaaliya ahmiyad u siineyso baraha bulshada taas oo niyadjab ku rideysa dad badan oo aaminsanaa iney dowladda waxqabadka guud xoogga saareyso.

Dadka arrimaha Villa Somalia u dhuunduleela waxey talo ahaan soo jeedinayaan in Farmaajo iyo Kheyre laga doonayo iney la yimaadaan wax ka weyn baraha bulshada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mustafe Cagjar oo soo bandhigay nooca calanka cusub ee uu yeelan doono maamulka DDSI (Sawir)

Jigjiga (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha cusub ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumad Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa ku dhawaaqay in dib loo bedelaayo calanka iyo magaca maamulka DDSI.

Mustafe Cagjar, ayaa hadalkan u sheegay dad uu kula hadlayey magaalada Addis ababa waxa uuna ka hor cadeeyay in uu ka shaqayn doono sidii loo beddeli lahaa calanka dawlad-deegaanka.

Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay in calanka uu doonaayo inuu yeesho maamulka uu yahay Calanka qaybta dambe ku leh midab buluug ah oo ay dhexda kaga taallo xiddigta cad ee shanta gees leh, waxaana la joojiyey 8 sano ka hor, markii uu maamulka qabtay Cabdi Maxamuud Cumar.

Mustafe Cagjar, waxa uu intaa raaciyay inuu ka shaqaynayo sidii kalmadda Ethiopia looga reebi lahaa magaca dawlad deegaanka oo hadda ah Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, loogana dhigi lahaa dawlad Deegaanka Soomaalida.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Cafarta oo degta Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea lama yiraahdo Cafarta Itoobiya, sidoo kalena Orommada oo degta Kenya iyo Itoobiya Lama yiraahdo Orommada Itoobiya, sidaa darteed iima muuqato sabab loo yiraahdo Soomaalida Ethiopia”.

Mustafe Cagjar, waxa uu sidoo kale sheegay in dib loo soo celin doono heesta calanka ee aheyd Soomaaliyey toosa.

Maalmaha fasaxa ee dalka Itoobiya oo ah Sabtida iyo Axadda ayuu sheegay Mustafa in uu ka shaqayn doono inuu soo celiyo sidii jimcaha iyo Axadda looga dhigi lahaa deegaannada Soomaalida.

Docda kale, waxa uu ka digay in laga shaqeeyo amni darro ku imaada deegaanada maamulka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in maamulka iyo dhulkuba ay yihiin kuwo hadda degan.

HOOS KA FIIRSO NOOCA CALANKA UU RABO MUSTAFE CAGJAR

Madaxweynaha DDSI oo bedelaya magaca & Calanka maamulka Soomaalida

Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Muxumed Cumar, ayaa maanta amar ku bixiyey in la bedelo magaca Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Mustaf Muxumed Cumar, ayaa sheegay in magaca maamulka lagu bedelo “Somali State”sidoo kalena la soo celiyo Calankii ay ku jirtay xidigta Shanta Gees ee horay loo isicmaali jiray,kaas oo ay ansixiyeen baarlamaankii ugu horeeyey deegaankaas.

Mustaf Muxumed Cumar, oo ay dhinac fadhiyeen mas’uuliiin ka tirsan maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayuu sheegay in uu fasaxay dadka dhaliilaya maamulkiisa ama dacaayadeynaya.

Sidoo kale dadka degan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayuu uga digay in ay ku dhaqaaqaan laba qodob oo kale ah:-

1-In dadku ay isku-dilaan hab beeleed.

2-In dadku ay ku dhaqmaan waxyaabo aan ogoleyn Diinta Islaamka.

Madaxweynaha cusub ee DDSI ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono arrimaha bulshada iyo sidoo kale sidii shacabka ay uga gudbi lahaayeen arrimaha qabaa’ilada.

Arrintan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Shacabka degaankaasi, kuwaas oo aad ula dhacsan in guud ahaanba laga guuro muuqaaladii nidaamkii hore ee uu hogaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar.

Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa shalay Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Ninkan la doortay ayaa ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxaana Guddiga Fulinta ay u doorteen hoggaanka Dowlad deegaanka inta laga soo dooranaayo Madaxweyne.

Gababadii Goobta uu hadalkaan ka sheegay dadkii ku sugnaa ayaa waxa ay halmar wada qaadeen Heesta’Soomaliyeey toosoo toosoo isku-tiirasadayee.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

[email protected]

Wasiir ka tirsan XFS & Mas’uuliyiin la soctay oo ka badbaaday Qaraxa ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga wada maqlay inta badan Degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa ka dhashay miino lagu aasay dhinaca laamiga, taa oo wadada loo sii dhigay gaari uu la socday Wasiir ku-xigeen ka tirsan Xukuumada Kheyre.

Qaraxan oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa dhacay waxyar kadib markii uu halkaasi maray C/laahi Colaad Rooble oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xiliga Qaraxa ka yimid xarunta Wasaaradda oo maanta lagu qabtay Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Gen. Gorod iyo Taliyaha cusub Daahir Indha qarshe.

Saraakiishu waxa ay sheegen in Qaraxaasi uu ka badbaaday Wasiir ku-xigeenka iyo istaafkii la socday.

Waxa ay sheegen keliya inuu ku dhintay qof shacab ahaa oo xiliga Qaraxa wadada maraayay, iyagoo intaa raaciyay in Qaraxa uu ahaa mid goobta loo sii dhigay C/laahi Colaad Rooble iyo mas’uuliyiinta la soctay.

Qaraxa kadib waxaa halkaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlda oo halkaa ka qaaday Meyda qofka shacabka ahaa, waxa ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan ka dambeeyay.

Dhinaca kale, Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili maalmahaani magaalada Muqdisho ay ka caaganeed Qaraxyo waxyeelo geysta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Nin galbinaayay Meyd la aasi lahaa oo sabab yaab leh loogu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Somalia ayaa goordhow rasaas ooda uga qaaday gaadiid siday Meyd xili ay kusii jeeden goobta aaska.

Askariga rasaasta ku furay gaariga ayaa ku sugnaa Bar-kontorool oo ku taalla agagaarka Warshaadda Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho.

Rasaasta uu furay askariga ayaa ku dhacday mid kamid ah Darawalada la socday gaadiidka Meydka gaar ahaan Ambalasta oo rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare.

Rasaasta iyo dilka ayaa ka danbeysay kadib markii ay murmeen dadkii la socday meydka iyo ciidankii halkaasi joogay.

Dad la socday gaadiidka lagu waday meydka ayaa waxa ay sheegeen rasaasta uu furay askariga inuu ku dhaawacmay Axmed-nuur Xasan Xuseen oo markii dambe mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Kiiska lagu dilay Axmed-nuur ayaa waxaa lagu wargeliyay xarunta dambi baarista ee CID-da, wuxuuna ahaa nin xoogiisa ku shaqeysta, islamarkaana uu ahaa 30 sano jir, sida ay inoo sheegeen qaar ka tirsan eheladiisa.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in askarigii ka dambeeyey dilkaas ay gacanta ku dhigeyn ciidamada,isaga oo doonayey in uu goobta ka baxsado.

Inta badan ciidamada dowlada oo aan waxba ka aqoon xuquuqda shacabka ay ilaalinayaan ayaa rasaas ku dhufta marka uu dhexmaro muran.

Sawirro: R/W Kheyre oo hal arrin uga digay maamulka Dekadda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay dekadda Muqdisho ayaa u kuur-galay habsami u socodka howsha dekadda.

Kheyre oo kormeerkiisa hore ku tegay qaybaha ka duwan ee dekadda ayaa maamulka dekadda, taliska booliiska iyo madaxa cusub ee canshuurta dekadda ku boorriyay in ay dar-dar geliyaan shaqada.

Kheyre ayaa maamulka ku dhiiri in qayb wayn ay ka qaatan la dagaallanka musuq-maasuqa, si sare loogu qaado dakhliga dowladda, waxa uuna uga digay hal arrin oo uu ku sheegay Musuq-maasuq.

Dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha ugu mumiisan ee dhaqaalaha dalka ayaa dhawaan waxaa lagu sameeyay horumarin ballaaran, iyada oo lagu guulaysatay in dekaddu shaqayso habeen iyo maalin.

Xukuummadda Soomaaliya oo hadafyadeeda ugu wayn ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo kobcinta dhaqaalaha dalka ayaa dardar gelisay qorshaha lagu baarayo shaqsiyaadka dawladda u shaqeeya ee looga shakisanyahay xatooyada xoolaha dad-waynaha.

Waxaana dhawaan la xiray 10 sarkaal oo kamid yahay madaxii canshuurta dekadda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay musuqmaasuq gaysteen.

DAACISH oo muddo fog kadib baahisay COD laga soo duubay Hogaamiyahooda (Akhriso Nuxurka)

Kooxda isku magacowday dowladda islaamiga ah ee Daacish ayaa shaacisay farriin cod ah oo ay sheegeen in laga soo duubay hogaamiyahooda Abu Bakar al-Baqdaadi.

Farriintan oo ah tii ugu horreysay ee soo baxday tan iyo bishii Siteembar ee sannadkii hore ayuu kula hadlayay taageerayaasha iyo xubnaha kooxdiisa ISIS.

In kastoo uusan codku waqtiyeysneyn, haddana wuxuu u muuqday mid la xiriira dhacdooyin dhawaan dhacay, oo ay ka mid tahay xariga baadari Mareykan ah oo ku sugan Turkiga.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay codkiisa ayaa sheegtay in uu yiri “Mujaahidiintama guushooda ama guul darradooda kuma xirna magaalo la xaday kumana niyad jabayaan gantaallada cul culus iyo bambaanooyin casri ah oo loo adeegsado” .

Kooxda Daacish ayaa lagala wareegay inta badan dhulalkii ballaarnaa ee ay ka maamuleysay waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Sannadkii la soo dhaafay waxaa kooxdan lagu khasbay in ay ka baxaan magaalada Raqqa oo ahayd xaruntoodi ugu weyneyd ee dalka Suuriya iyo Magaalada Muusil oo ahayd halkii uu Baqdaadi uga dhawaaqay maamulka uu ku magacaabay khilaafada Islaamiga ah sannadkii 2014-kii.

Baqdaadi oo madaxiisa la dul dhigay lacag dhan $25m (£19m) oo la siinayo ciddii ku sheegta nolol ama geeri ayaa dhowr jeer oo hore la soo tabiyay in la dilay ama uu dhaawacmay.

Horraantii sannadkaan waxaa la sheegay in la dilay wiilkiisa oo ahaa “taliye dhinaca howl gallada kooxda ah” kaasoo sida ay warbaahinta Daacish sheegeen ku geeriyooday weerar ka dhacay gobolka Ximis ee dalka Suuriya.

Dhinaca kale war bixin ay Qaramada Midoobay soo saartay billowgii bishaan ayaa lagu sheegay in tiro u dhaxeysa 20,000 ilaa 30,000 oo dagaalyahannada Daacish ah ay ku suganyihiin dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Khaliifka

Bishii Juunyo ee sannadkii 2014-kii ayey kooxda daacish markii ugu horreysay si buuxda u soo baxday awooddeeda ka dib markii ay la wareegtay magaalada Muusil waxaana isla markiiba uu af hayeen u hadlay kooxda ku dhawaaqay in dib loo soo celiyay “maamulkii khilaafada Islaamka”.

Maalmo yar ka dibna, al-Baqdaadi ayaa khudbadda jimcada ka jeediyay masaajidka Muusil halkaasoo uu si rasmi ah uga dhawaaqay in uu yahay “khaliifka islaamka”.

ISHA BBC

Wasiiro kasoo goostay maamulka DDSI oo gacanta lagu dhigay (Magacyo)

Hargeysa (Caasimada Online)-Sida aan xogta ku heleyno ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Wasiiro xilal ka hayay maamulka DDSI oo baxsad ahaa.

Wasiiradan oo ka tirsanaa Xukuumada Madaxweynihii is casilay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Garoonka magaalada Hargeysa.

Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay xili ay baxsad ka ahaayen maamulka DDSI, waxaana lasoo sheegayaa in si dhuumaaleysi ah ay kusoo galeen Somaliland.

Wasiirada baxsadka ahaa ee gacanta lagu dhigay ayaa kala ahaa Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdi Jaamac oo dhinaca xuduudka Wajaale kaga soo gudbay si dhuumasho ah.

Wasiiradan ayaa la xaqiijiyay in magaalada Hargeysa aya ku dhuumaaleysanayeen muddo todobaad ah, hase yeeshee markii danbe lagu qabtay Garoonka xili ay sii dhuumanayeen.

Wasiiradan ayaa baxsad u ahaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka hase yeeshee waxaa Dukumiintiyadooda fashiliyay ciidamada.

Laamaha amaanka ayaa Wasiirada weydiiyay su’aalo la xiriira sharciga iyo aqoonsiga ay sitaan, kadibna waxay sheegteen inay yihiin ganacsato xoolaha ka ganacsata.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa gudaha Somaliland soo gaadhayay dadka kasoo cararayay rabshadihii magaalada Jigjiga ka dhacay, kuwaasi oo qaarkood ay lasoo baxsadeen hanti oo Dawladda Somaliland gacanta ku dhigtay.

Dhawaan ayay aheyd markii maamulka Somaliland uu ka digay in mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan maamulka Soomaalida Ethiopia sharci daro kusoo galaan Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Puntland oo Saldhig ciidan siisay Saraakiil iyo Ciidamo kasoo goostay Somaliland (Warbixin)

Bosaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in maamulka uu Saldhig Militery siiyay Saraakiil iyo ciidamo kasoo goostay Somaliland.

Puntland ayaa la sheegay in Saldhiga ay ugu tallo gashay in lagu xareeyo dhamaan ciidamada kasoo goosta Somaliland iyo Hubkooda.

Saraakiisha iyo ciidamada kasoo goostay Somaliland ee Puntland ka helay Saldhiga ayaa waxaa horboodaya Korneyl Caarre, waxa uuna cadeeyay in Puntland ay siisay Saldhig.

Korneyl Caarre oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ayaa sheegay in Puntland ay siisay Saldhig uu ku tababaro Ciidan uu sheegay in uu ku xoreynayo Somaliland.

Korneyl Caarre, waxa uu maamulka Somaliland ku eedeeyay qabyaalad iyo in maamulka aan loo sineyn sidaas darteedna uu ka goostay Ciidamadii uu ka midka ahaa, sida uu haddalka u dhigay.

Waxa uu Korneyl Caarre sheegay in uu ilaa hadda yahay qof Somaliland ah,hayeeshee uu diyaar u yahay in uu suuliyo waxa uu ugu yeeray caddaalad darrada ka jirta degaanada Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu sheegay Korneyl Caarre in waxyaabaha aadka ugu yaabiyay ay kamid tahay in Ciidanka Somaliland uu ku dhex arkay Carruur Agoon ah oo qaadanaya xuquuq iyo kuwo la mid ah oo aan qaadaneyn.

Puntland ayaa dooneysa in ciidamadan ay u adeegsato Somaliland oo xiligan uu kala dhexeeyo dagaal ka dhashay lahaanshiyaha Gobolka Sool.

Dhinaca kale,Puntland ayaa horay u sheegtay in Somaliland ay dhabarka u dhigan doonto wixii mas’uuliyad ah oo ka dhasha duuleenka ay kusoo qaaday Gobolka Sool.

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

[email protected]

Akhriso: Taariikhda Madaxweynaha cusub ee maamulka Soomaalida Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online)-Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Ethiopia.

Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Ethiopia oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ayaa Mustafe Cagjar u aqoonsaday inuu buuxinkaro booska madaxweyninimo ee maamulka.

Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.

AKHRISO TAARIKH NOLOLEEDKA MADAXWEYNE MUSTAF CAGJAR:

Mustaf Muxumed Cumar waxaa uu ku dhashay magaalada Dhagaxbuur 1973-dii, waa dhaqaale-yahan shahaadada Masterka ka heysta cilmiga Science, waxaa uu leeyahay khibrad ilaa 23 sano ah.

Mustaf, waxaa uu la soo shaqeeyay hey’ado badan oo ay ka mid yihiin: Qaramada Midoobey, Save the Children iyo dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ee Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf waxaa kale oo khibrad u leeyahay arrimaha banii’aadnimada, cuntada iyo qorsheynta.

Hey’adda Qaramada Midoobey waxaa uu kala shaqeeyey arrimaha banii’aadanimada, isaga oo ka shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Zimbabwe, Kenya, Soomaaliya, Imaaraadka, hadda marka la magacaabayey waxaa uu ahaa la-taliyaha xafiiska isku-duwaha Qaramada Midoobey ee arrimaha banii’aadnimada ee Soomaaliya.

Dad aqoon gaar ah u leh ayaa sheegay in Mustaf Muxumed uu yahay shakhsi karti leh, aqoon leh, fahamsan baahida gobolka isla markaana dagaal u galay inuu isbadal ka dhaco Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Iley, oo ahaa nin ay Tigreega u adeegtaan ayaa muddo ka talinayey Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya isaga oo sameystay ciidamo u daacad ah, oo dhibaato isugu jirta dil, dhac, kufsi, barakicin xoog ah iyo bah-dilaad ku hayey bulshada Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog iyo Gorfeyn: Culeys intee la’eg ayaa  Madaxda maamul Goboleedyada ka heysta doorashooyinka ay gelayaan?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa heysta Culeys Siyaasadeed oo ugu imaanaya Doorashada ka dhaceyso Deegaanada inta badan Maamul Goboleedyada.

Doorashada ugu dhow ayaa ka dhaceysa deegaanada Koofur Galbeed bisha November ee sanadkaan, waxaana soconaya abaabul iyo xod-xodasho siyaasadeed oo ay kala wadaan xubnaha la tartamaya Madaxweyne Shariif Xasan iyo isla madaxweynaha Qudhiisa.

Puntland ayaa la filayaa in Doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ay ka dhacdo Desember 2018 illaa iyo Janayo 2019 oo lagu soo gaba-gabeynayo.

Doorashada Xildhibaanada ayaa dhaceysa Desember 2018, Guddoonka Baarlamaanka ayay Dooran doonaan 4-ta Janaayo 2019, iyadoona Afar Cishe kadib la dooran doono Madaxweynaha Puntland hogaamin doono Afarta Sano ee soo socota.

2019-ka waxaa la filayaa in ay Doorasho ka dhacdo Jubbaland, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wajahaya loolan ka duwan kii uu galay markii uu labo jeer uu ku guuleystay Xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Galmudug, Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la doortay 3dii May, 2017-kii ayay Xildhibaanada qaar sheegayaan in xil heyntiisa ay ku siman tahay Waqtiga ugu haray Madaxweynihii Xilkaan kaga horeeyay ee Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la doortay 4tii July 2015-kii.

Dhanka Hir-Shabeelle Madaxweyne Waare oo ku guuleystay Doorasho dhacday September 2017-kii waxa ay Mudanayaal Mooshin sheegay in ay ka wadaan ay tilmaameen in Xil heystiisa ay ku egtahay waqtigii Madaxweyne Cosoble uu dhici lahaa,  kadibna la galayo Doorasho.

Shanta Madaxweyne Maamul Goboleed ee kala ah: Koofur Galbeed, Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa ku ballansan 3-da bisha September ee soo socoto in ay shir isugu tagaan Magaalada Kismaayo si ay u qaataan Shirkoodii 3-aad, ahna Markoodii 2-aad oo ay Kismaayo ku kulmayaan.

Siyaasiyiinta qaar ee ku sugan Xarumaha Maamul Goboleedyada ayaa sheegaya in Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ay shirkooda diiradda ku saari doonaan Arrimaha Doorashada iyo sida ay Suurto-gal ku noqon karto in ay dib ugu soo laabtaan Boosaskooda.

Waxa ay sheegayaan dadka falanqeeya Siyaasadda in Madaxda Dowlad Goboleedyada wal-walkooda ugu weyn uu yahay in aysan dhici karin in ay soo wada laabtaan iyagoo Madaxweyne ah oo ay sii hayaan Xilalkooda.

Sababta ugu weyn ee arrintaas ayaa ah in Xubno katirsan Maamul Goboleedyada qaarkood ee Doorashada Galaya ayaa ah in Ragga qaar ee la tartamaya qaarkood ay lasoo shaqeeyeen Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh, halka qaar kalena ay ku xaglinayaan in ay garab ka helayaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada ee ka qayb galaya shirka la filayo in uu ka dhaco Magaalada Kismaayo ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in ay kaga hadlayaan Doorashooyinka Marar is xig-xiga ka dhacaya Deegaanada ay madaxda ka yihiin.

Golaha iskaashiga ayaa Magaalada Kismaayo lagu dhisay 10-kii Oktoober 2017-kii, waxaana xiligaas jirtay Xiisad u dhaxeysay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo ka dhalatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka.

Shirka ayaa socon doono Maalmo ka badan labadii shir ee ay yeesheen Madaxda Golaha Iskaashiga, waxaana Warqaddii Ballaminta Kulanka September lagu sheegay in Ajendaha uu soo diyaarin Doono Xog-hayaha Golaha Iskaashiga.

Waxaana si hordhac isla warqadaas lagu sheegay in Madaxda ay kaga tashan doonaan Danaha Dowlad Goboleedyada iyo guud ahaan qaranka.

Waxaa la isweydiinayaa haddii ay dhacdo Doorasho dhammaadka Sanadkaan 2018 iyo horaanta sanadka soo socda 2019, Culeys intee la eg ayay ku yeelan Doontaa Madaxda Dowlad Goboleedyada?

W/Q: Bashiir Maxamuud Yuusuf

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]