25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Madaxweyne KMG oo loo doortay maamulka DDSI (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Somalida,ayaa Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Ninkaan la doortay ayaa ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxaana Guddiga Fulinta ay u doorteen hoggaanka Dowlad deegaanka inta laga soo dooranaayo Madaxweyne.

Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ayaa Mustafa Muxumed Cumar u doortay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee u yeelanayo maamulkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.

Axmed Cabdi Maxamed ayaa isna bartiisa Facebook soo dhigay Fiidiyow uu ku sheegayo in ay iyagu ka dambeeyeen in Mustafe Cagjar oo aan xubin ka ahayn xisbiga mar qura loo doorto labada xil ee kala ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga iyo sii hayaha jagada madaxweynaha DDSI.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DFS oo heshiis noociisu cusub yahay la gashay shirkad laga leeyahay Mareykanka (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno illo diplumasiyiin ah ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka.

Heshiiska dowlada Somalia iyo Shirkada u dhexeeya ayaa la sheegay inuu ku qotomo sida ay dowlada ugu matali laheyd xafiisyada muhiimka ah ee Mareykanka.

Heshiiska u dhexeeya dowlada Somalia iyo Shirkada lagu magacaabo SPG ayaa waxaa ku baxeysa dhaqaale dhan $400,000 oo dollar-ka Mareykanka ah,waxaana heshiiska bishan Somalia u saxiixay Abuukar Cismaan Baalle oo ah Danjiraha Soomaaliya ee QM.

Shirkada SPG ayaa waxaa heshiiska dhankeeda uga saxiixay madaxa fulinta SPG Christian Bourge, oo uu fadhigeedu yahay Gobolka Arizona.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in shirkadan ay dowladda Somalia ka saacidi doonta u ololeynta in cunaqabateynta Kaalmada Ciidanka ah ee saaran Somalia ay ka qaaddo dowladda Mareykanka.

SPG waxa ay sidoo kale ka shaqeyn doontaa sida ay dowlada Somalia u heli lahayd dib u cusbooneysiinta Kaalmada Mareykanka ee Somalia ee dhinaca amaanka ah.

SPG, waxa ay sidoo kale kaalin weyn ka qaadan doontaa in Somalia laga qaado xayiraada dhanka socdaalka ah ee saaran Somalia iyo in sharikaddan ay Somalia ku matasho meelaha lagu jaangooyo Siyaasadda Mareykanka.

Musuqa Xubnaha Dowladda Soomaaliya dhexdeeda ah ayaa sabab u noqday  in Mareykanka uu joojiyo kaalmadii dhinaca milatariga sida uu horay u sheegay Mareykanka.

Sidoo kale, shirkadan lagu magacaabo SPG ayaa horay wakiil uga noqotay dalalka Afghanistan, Saudi Arabia, Kenya, the Czech Republic, The Kingdom of Bahrain iyo  Nepal  iyo kuwo kale,waxaana ay dalalka kala shaqeysaa sidii ay waddamada u heli lahaayeen kaalmada Mareykanka.

Heshiiskan Sharikadda SPG waxaa ay bishiiba qaadan doontaa $100,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana uu qandaraaskan soconayaa muddo afar bilood ah.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia iyo SPG ayaa heshiis ku gaaray in muddo kooban looga miro dhaliyo qorshaha lagu heshiiyay si xal loogu helo baahiyaha ay Somalia kaga xiran Mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

ETHIOPIA oo warqad xariga u jartay Madaxii hore ee Sirdoonka dalkaasi oo lagu helay kiisas halis ah (Sawirro)

Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa amar ku bixisay in si dhaqsi ah lagu soo xiro Madaxii hore ee Sirdoonka dalkaasi Getachew assefa.

Dowlada oo jartay warqada lagu soo xiraayo Getachew assefa ayaa hay’adaha amaanka fartay in lasoo xiro, kadib markii bartiisa la waayay muddo ku dhow bil.

Qoraalo kala duwan oo kusoo baxay wargeysyada kasoo baxa dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu sheegay inuu baxsaday Getachew assefa, isla markaana aaday dhanka Sudan.

Waxa ay qoreen in Getachew assefa uu muddo ku dhow bil ku dhuumaleysanaayay Gobolka Tigray oo  uu ka soo jeedo.

Waxa ay qoreen qaar kamid ah wargeysyada in Mr Getachew assefa uu qoyskiisa kala baxay dalka Ethiopia sidaana uu ku baxsaday.

Getachew assefa, ayaa waxaa loo heystaa kiisas la xiriira Awood sheegasho, Meel ka dhaca xuquuqda aadanaha, Xariga iyo dilal toogasho ah oo lagu fuliyay dad tuhmanayaal ah.

Sidoo kale, Wargeyska tesfanews ayaa qoray in dowlada Ethiopia ay baadi-goob xoogan ku heyso Madaxii hore ee Sirdoonka dalkaasi oo ka danbeeyay dilal sharci daro ah oo ka dhacay dalkaasi, waxaana gacan ku dhigistiisa loo xil saaray gudiyo ka tirsan Hay’adaha amaanka dalkaasi.

Abiy Axmed, Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia ayaa isbeddel ku sameeyay Hay’adaha amaanka dalkaas,waxaana uu xilka ka qaaday taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Ethiopia.

Abiy Axmed, waxa uu xil ka qaadis kadib amar ku bixiyay in la baaro dhammaan shaqsiyaadka xilka laga qaaday waxaana kamid ahaa Getachew assefa, oo aad loo raadinayo.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia ayaa baaritaano ku heysa mas’uuliyiin badan oo dhawaan laga qaaday xilka kuwaa oo la tuhmaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Gaadiid xamuul laga soo dhacay maamulka Soomaalida Ethiopia oo dib loo celshay

Cadaado (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay dib u celiyeen gaadiid lagala soo baxsaday dowlad degaanka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in gaadiidkaasi ay gacanta ku dhigeen xiligii ay rabshadaha ka dhacayeen deeganada maamulka oo ay lasoo baxsadeen dhalinyaro boob waday.

Mahad Maxamed Xasan, oo ah Wasiir ku-xigeenka wasaarada amniga Galmudug, ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan gaarigani oo lala soo galay degmooyin ku yaalla waqooyiga gobolka Galgaduud oo xiga dhanka ismaamulka Itoobiya.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa ahaa “Hal gaari baa wareejinay hadda oo laga la soo goostay dowlad degaanka ayaa lagu qabtay degmada Balanbal waana celinay, sababtu waxaa weeye waxaa naga dhaxeeysa wada shaqeyn amni DDSI waxaana ku raad joognaa gaadiid kale”

“Waxaa jira gaadiid kale oo ku dhex jira deeganadena waxaanu ku howlanahay gacan kusoo dhigistooda”

Sidoo kale, Wasiir xigeenka wasaaradda amniga Galmudug ayaa sheegay in deegaanada maamulkooda ay kusoo dhuunteen dad dhibaatooyin kasoo geestay dhulka Soomaalida, kuwaa oo qaarkood lasoo galay hanta uu lahaa maamulka, hase yeeshee ay ku raad joogan si hantidaasi loogu wareejiyo maamulka.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Somaliland ay sidoo kale gacanta ku dhigtay gaadiid la gala soo goostay maamulka Soomaalida.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

[email protected]

Dadka reer Muqdisho oo inta ugu badan ay shalay ku ciideen xaafada Daarusalaam (Sawiro)

Muqdisho (Caasimada Online): Boqolaal ruux oo dadka reer Muqdisho ah ayaa shalay iyo maanta buux dhaafiyay xaafada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, oo ah goobta ugu haboon ee loo dalxiiso xilliyada munaasabadaha.

Dadka oo 17ka degmo ee gobalka Banaadir ka yimmid ayaa u badnaa caruur iyo haween, halka ragu ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen fantasyaha iyo damaashaadka xaafada Daarusalaam. Boqolaal ruux ayaa sidoo kale ku tukaday salaadii ciida.

Goobtan oo ah mid amaan ah, waxaa xiliyada ciidaha ka muuqda isbadal ballaaran, waxaana lagu soo kordhiyaa adeegyo qaas ah oo loogu tallo galay dadka usoo damaashaad taga Daarusalaam.

Bulshadii tagtay shalay iyo maanta ayaa uga mahad celiyay maamulka Daarusalaam sida ay isugu xilqaameen in dadka reer Muqdisho ay helaan goob qurux badan, nadiif ah, oo amaankeeduna sugan yahay oo ay ku damaashaadan.

Maamulka Xaafada Daarusalaam oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in adeegyo aan horey u jirin ay soo kordhiyeen ciidan, si ay u qanciyaan kumanaanka ruux ee usoo dalxiis taga xaafada.

Daarusalam waa goobta ugu ballaaran oo lagu dalxiiso oo ku taalla Muqdisho, waxaana dhisay ganacsato Soomaaliyeed oo reer Muqdisho ah.

Caasimada Online
Muqdisho-office
[email protected]

Dowlada Somalia xaq ma u leedahay inay cadaadiso maamulka Axmed Madoobe (Warbixin)

Kismaayo (Caasimada Online)-Jubbaland waxa ay markii labaad dhinac isaga riixday magacaabis ka timmid Muqdisho, halkaas oo fadhi u ah Dowlada dhexe ee Somalia.

Waxaa labbada jeerba saraakiisha laga soo celiyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo. Dad badan ayaa arrintaan ku tilmaamay qalad ay ku kacday Jubbaland.

Caasimadda Online waxa ay la xiriirtay xubno sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland si ay u weydiyaan sababta ku qasabtay iney ka hor yimadaan amarrada dowlada dhexe madaama uu dalka federaal yahay, waxaana ay xubnahan sheegeen in Xamar laga abaabulaayo qorshe lagu duminaayo Jubbaland, ayna qallad tahay in qof ugaarsi lagu hayo loo soo diro xubno dadka lagu marin habaabinaayo si loo muujiyo in labbada dhinac ay wada shaqeyn ka dhaxeyso.

Jubbaland waxaa ay sheegtay in aaney wax taageero ah ka helin Villa Somalia mudooyinkii lasoo dhaafay, sidaa aawgeed ay go’aan uga gaaren xiriirka kala dhexeeya dowlada.

Waa dood culus sidee maamul aadan waxba ka taageerin ugu qasabto inuu qaato amaradaada, waxaana meesha ka maqan is garabsiin, si taa lamid ah waxaa meesha ka baxeysa qaadashada amarada dowlada.

Hadii aad maqasho Federaal waa in dowlada dhexe hormarisaa gobolada laakiin ma`ahan dumin ayuu yiri sargaal sare oo ka tirsan Jubbaland.

Docda kale, Dhowr jeer ayuu madaxweynaha Jubbaland ku yiri dowlada dhexe aan wada shaqeyno oo dhaqanka wax ka badala hase yeeshee way diiday.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Khasaaro ka dhashay show leysku rasaaseeyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa is rasaaseyn xalay ka dhex dhacday show ka dhacaayay magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgalyeen ku dhawaad 1000 qof.

Showga oo ay dhigayeen Fannaaniinta Suldaan Seeraar iyo Xariir, kaa oo ka dhacaayay Hotelka Royal Plza oo ku dhow xarunta Sirdoonka Somalia.

Rasaasta iyo is qabqabsiga ayaa u dhexeysay qolada nabadgelyada iyo dhalinyaro usoo daawasho tagay showga.

Xabado aya dhacay wararka waxeey sheegayaan in dhalinyaro loo diiday iney ku ciyaaran tiyaatarka ay xaalada ka bilaabatay kadibna ay rasaasta sidaas ku dhacday

Rasaast ayaa waxaa ku dhaawacmay qof kamid ahaa daawadayaasha, waxaana jira warar kaasi khilaafsan oo sheegaya in dhaawaca uu gaarayo ilaa laba qof.

Rasaasta iyo buuqa kadib waxaa joogsaday showgii socday, waxaana xusid mudan in Fanaaninta ay ka yimaaden dalka Ethiopia kuwaa oo u yimid bandhig Faneedka.

Si kastaba ha ahaatee, qalalaasaha ka dhex dhacay showga Hoteelka ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo halkaa ka dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka run ah qorshaha musuq maasuq la dirirka dowlada Federaalka ah ?

Muqdisho (Caasimada Online)-Maalmahii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay dadka lagu eedeynaayo Musuq-maasuqa ee ay soo xirayaana ciidamada ammaanka, ilaa iyo hadda dadka musuq-maasuqaa lagu eedeeyay waxaa ka mid ah Wasiirro, Agaasimayaaal, Taliyaal ciidan iyo garsoorayaal maxkamadeed, arrintaan waxey taagneed boqolkii cisho ee ugu dambeysay, dad badan waxey is weydiinayaan waxa bilahii ugu dambeeyay xoojiyay arrintaan.

Shabakadda caasimadda waxay la xiriirtay  aqoonyahan Khaliif Nuur oo aad u darsa siyaasadda soomaaliya, waxaana weydiinay sida uu u arko qorshaha musuq-maasuq la dirirka ee dowladda, wuxuuse aaminsan yahay iney isaga leexinayaan culeys siyaasadeed oo heysta.

Dowladda madaxweyne Farmaajo wax badan kama qaban amniga, garsoorka, shaqo abuurka, siyaasadda arrimaha dibadda, dub u heshiisiinta iyo dhameystirka Dastuurka (sideed iyo tobankii bilood) oo uu xilka hayay, waxaana muuqata iney bilaaban doonaan doodo ku saabsan waxqabadkooda.

Si ay ra’yul caamka u qaldaan waxey hadda bilaabeen iney dad musuq-maasuq u xiraan, aqoonyahan Khaliif wuxuu sheegay in mudada uu farmaajo xilka hayay ay dhaceen musuq-maasuqyo waaweyn oo la yaqaano dadka ku lugta leh, hadana aan waxba laga qaban, wuxuu laba kacleynta musuq-maasuq la dirirka xilligaan ku tilmaamay jahawareerin siyaasadeed.

“Ma jiraan wax ka run ah iney la dagaalamayaan musuq-maasuq, waayo waxaa heysta culeys siyaasadeed oo ay rabaan iney arrintaan ku damiyaan, bulshada soomaalidu waa ka dharagsan tahay waxa hadda socda, waxaana loo baahan yahay wax ka weyn agaasimayaal musuq-maasuq lagu eedeeyo, mudada u hartay Farmaajo iyo waxa horyaalla aad bey isku diidayaan” ayuu yiri aqoonyahan Khaliif Nuur.

Wuxuu sidoo sheegay inaan beesha caalamka lagu marinhabaabin Karin musuq-maasuq la dirir been ah, wuxuu qabaa iney dadka musuq-maasuqqa lagu tuhmaayo iyo dadka la beegsaday ilaa hadda iney tahay arrin is diideysa, wuxuuna kula taliyay Farmaajo iyo Kheyre iney runta abaaraan oo ay dowladnimada ka run sheegaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Biixi “Mas’uuliyiin jogta Muqdisho iyo Garoowe ayaa ka shaqeynaya amni daro iyo colado ka dhaca Somaliland”

Hargeysa (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in amniga iyo kala danbeynta Somaliland ay dhibeyso mas’uuliyiin dhowra oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Muuse Biixi, waxa uu sheegay in mas’uuliyiin iminka ku sugan magaalada Muqdisho iyo Garoowe ay ku goodinayaan weerar ay ku qaadan deegaanada maamulka Somaliland.

“Waxaan la socnaa in mas’uuliyiin ku sugan Muqdisho iyo Garoowe ay maanta ku dhaaranayaan in weerar ay ku qaadayaan deegaanada Somaliland, taasi waxa ay na tuseysaa inuu badan yahay cadowgeena”

Muuse Biixi, wuxuu sheegay in nasiib daro iyo wax laga xumaado ay tahay in xilligan dagaalo hor leh laga soo abaabulo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, isaga oo intaas raaciyay in dagaal aanan loo baahneyn waqtigan.

Muuse Biixi, ayaa sheegay ciidanka Somaliland in waqti walba ay heegan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cid kasta oo ku soo hungawda dhulka Somaliland, midaasina aysan gacmaha ka laaban doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaal, khasaare iyo colaad intii hore ayaa Somali ugu filan, masuuliyiin Muqdisho iyo Garowe jooga ayaa ku dhaaranaya inay weerar ku soo qaadaan Somaliland, Soomaali in maanta ay isku dhimato Diin ahaan iyo dadnimo ahaan sax ma ahan, hadii weerar nalagu soo qaado waan iska difaaceynaa”.

Sidoo kale, Biixi waxa uu sheegay in Somaliland ay weli ku baaqeyso nabad, balse aanu dhinacyada kale u muuqan nabadda.

Hadalka Muuse Biixi, ayaa kusoo aadaya xili wasiirka amniga Puntland ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland, wuxuuna tilmaamay Puntland in aysan joogsan doonin ilaa ay ka soo celiso degaanada gacanteeda ka maqan.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

WAARE oo magacaabay Gudoomiyayaal Maxkamadeed (Akhriso)

Jowhar (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dib u habeyn ku sameeyay Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hoggaamiyaha ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ku Magacaabey Guddoomiyeyaal Maxkamadeed  iyo ku xigeenadooda kadib markii uu sameeyay la tashiyo ku aadan magacaabidooda.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxakamadda Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo tan Racfaanka maamulka kuwaa la wareegi doona howsha maxkamadaha maamulka.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale wareegtadiisa ku Magacaabey Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Magalada Jowhar iyo ku-xigeenadiisa.

Dadka reer Jigjigo oo markii ugu horeysay salaada Ciid ku dukaday masaajida

Dadka magaalada Jigjiga ayaa salaadda ciidda ku tukaday masaajidda, waana markii koobaad ee aysan barxad isugu imaanin muddo dheer.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii aan wax diyaar garaw ah laga sii samaynin garoonkii ugu waynaa magaalada Jigjiga ee salaadda ciidda marti galin jiray, sida uu sheegay Cabdiraxman Xasan Xuseen oo ah madaxa Gollaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa kale oo magaalada Jigjiga ku cusbaa in dadku ay tukadeen iyaga oo taleefoonnadooda wata, waxaa caaddo ahayd in laamaha ammaanku ay diidi jireen in garoonka lagu tukanayo lala galo taleefoonnada gacanta.

Dhanka kalana roob mahiigaan ah ayaa xalay ka da’ay magaalada Jigjiga kaas oo nadiifiyay wadooyin ay wali ka muuqdeen raadkii rabshadihii bishan horraanteedii ka dhacay ee burburka baaxadda leh gaystay.

Enternet-ka ayaa wali ka maqan magaalada, balse noloshii kale ayaa tartiib tartiib sideedii ku soo laabanaysa.

ISHA BBC

Daawo: CC Shakuur oo isku xiray siyaasad wanaaga Somalia & bixitaanka AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga mucaaradka C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa si adag u dhaliilay Siyaasada dowlada Somalia kadib markii uu sheegay inay tahay habeen guur oo aan meel loo raaca laheyn.

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn oo loogu sameeyay magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa tilmaamay in Siyaasada ay ku dhaqmeyso dowlada Somalia ay xiligan tahay mid ebar ah una baahan in hadda iyo bilow lasoo dhiso.

Nuqul kamid ahaa khudbadiis ayaa aheyd  “Siyaasadda Arrimaha Dibadda waxay noqotay habeen guur meel loo raaco lama yaqaan, waxaa luminay saaxibkii iyo walaalkii ugu weynaa ee ay Soomaaliya laheyd dalka Jabuuti”

Waxa uu intaa raaciyay C/raxmaan C/shakuur “Anagoo waxba ku bedelan, maalin hore warqad ayay dowladda soo saartay oo ay ku taageereyso Sacuudiga oo ay dowladda Canada is khilaafeen, maalin dhexdaas Sacuudiga oo wafdi Somalia ay tageen waxay ka codsadeen inay la saftaan oo aanay Qadar la safan”

Waxa uu intaa raaciyay “Waxaa is weydiin leh xaggee dowladda loo raacaa, haddii walaaltinimo la isku taageerayo oo la leeyahay Sacuudiga walaaltinimo lagu taageeray Jabuuti ayaa mudneyd, haddii dan la isku taageerayana maalintii Sacuudiga danta naga rabay ayaa mudneyd”

C/raxmaan C/shakuur, oo inta badan hanaan aan wanaagsaneyn u dhaliila dowlada Somalia aya sheegay in Somalia ay weli ku jirto marxalad kala guur ah, balse aysan garan madaxda Soomaalida.

Sidoo kale, C/raxmaan C/shakuur waxa uu cadeeyay in Siyasada kala guurka ee dalka ka jirta looga bixi karo in marka hore Ciidamada Soomaaliya ay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan Ciidamada AMISOM, taasna ugu horeyn looga bixi karo KMG Amniga.

 

Sawirro: R/W Kheyre oo salaada ciida la dukaday Kumanaan shacab ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta boqolaal ka mid ah Shacabka Muqdisho iyo Mas’uuliyiinta dowladda Saaladda ciid ay ku wada tukadeen Masjidka Isbaheysiga Qaranka ee Muqdisho.

Salaada ciid kadib mas’uuliyiinta dowladda ayaa hambalyo u diray dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay ugu baaqeen in la adkeeyo Ammaanka Muqdisho maadaama amniga uu yahay mid muhiim u ah nolosha.

Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa dadka shacabka ah la wadaagay maalinta farxada ciideed, waxa uuna ku baaqay in laga wada shaqeeyo amniga, midnimada iyo wada jirka.

Kheyre waxa uu sidoo kale shacabka ku baraarujiyay in la caawiyo kuwooda liita isla markaana lala qeybsado dhibaatooyinka heysta carruurtooda.

Sidoo kale, Inta badan Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa xirnaa Ciidii lasoo dhaafay, balse Ciidaan waxaa furay dhammaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho, taasoo dadka Shacabka u sahashay in ay booqdaan qaraabadooda.

NISA oo xabsi dhigtay nin dhawaan sheegtay in loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubbooyinka

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka qeybta loo yaqaan dharcadka ayaa Caawa fiidkii Xabsi dhigey Cali Mire Ducaale oo sheegtay inuu yahay Taliyaha NISA ee jubbooyinka.

Cali Mire Ducaale, ayaa todobaadkii tagay dhamaadkiisa waxaa Garoonka magaalada Kismaayo kasoo celiyay Nabadsugida maamulka Jubbaland.

Ninkaani lagu magacaabo Cali Mire Ducaaale ayaa xilligii laga soo celinayey garoonka Kismaayo watay Warqado uu ku sheegayey in dowladda Somalia ay taliye ugu Magacaawday Nabadsugida Jubbaland, waxana la socday nin kale oo ku xigeen u ahaa.

Qoraal lagu daabacay bogga Tweeter-ka NISA ayaa waxaa lagu xaqiijiyay xariga Cali Mire Ducaale oo la sheegay in Warqado been abuur ah ka sameeyay NISA taa oo uu la tagay Kismaayo.

Cali Mire Ducaale, ayaa markii loo diiday inuu galo magaalada Kismaayo maamulka Jubbaland ugu goodiyay inuu ku shaqeyn doono magaalooyinka kale ee maamulka isla markaana Jubbaland aysan aheyn Kismaayo oo qura.

Dhinaca kale, Cali Mire Ducaale ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad, iyadoo wax laga weydiin doono falka been abuurka ah ee uu ku kacay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ninkii ka danbeeyay afganbiga Turkiga oo sabab u noqday khilaafka Turkiga iyo Maraykanka

Waxaa sii socda ismaandhaafka u dhaxeeya dowladda Turkiga iyo tan Maraykanka, waxayna arrimaha salka ku hayaan labo wadaad oo midna masiixi yahay, midna muslim yahay.

Fatxullaah Gulen

Madaxweyne Erdogan iyo dowladda Turkigaba waxa ay Maraykanka ka dalabayaan in ay kusoo wareejiyaan wadaad lagu magacaabo Fatxullaah Gulen oo ku nool gobolka Pennsylvania.

Waxa wadaadkan lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay.

Erdogan oo maqaal ku qorey wargeyska New York Time ayaa yiri “Maraykanka waxa ay ku guuldareysteen in ay fahmaan waxa ay qabaan dadka reer Turkiga, illaa inta Maraykanka ka fahmayaan muhiimadda ay leedahay in ay xushmeeyaan qaranimadeena, ilaa inta taas dhacayso iskaashigeena mugdi ayuu ku jiraa”.

Waxa kale oo uu Erdogan Maraykanka ku eedeeyaa in aysan cambaareynin isku daygii afgembiga Turkiga ee sanadkii 2016-kii.

Maraykanka waa uu diiday in uu wareejiyo Gulen.

Andrew Brunson

Ninkan waa baadari ka tirsan diinta masixiiga, waxa uu hoggaaminayay kaniisad ku taala magaalada Irsim ee dalka Turkiga.

Labo sano iyo dheeraad ayuu ku xirnaa Turkiga, waxaana lagu eedeeyay in uu taageere siiyay kooxo Turkiga uu u aqoonsanyahay argagixiso, kana mid yihiin kuwa Kurdiyiinta.

Arrinka micnaha samaynaya ayaa ah in mad-habta uu ka tirsanyahay baadariga ee ah Prostestan-ka ay yihiin dadkii aadka u taageeray madaxweyne Donald Trump, waxayna hadda xerta kaniisadan Trump ku cadaadinayaan in uu soo daayo Mr Brunson.

Trump oo fariin kusoo qorey boggiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Bruson “afduub loogu heysto Turkiga, tahayna in la siidaayo”.

Hadda waxa uu ku jiraa xabsi guri, dowladda Turkigana waxa ay diidday dalab kasta oo ah in ay ku siidayso, waxayna qabtaa in nidaamkeeda garsoorka uu go’aan ka gaaro sida laga yeelayo ninkan.

Dowladda Maraykanka oo taas ka carootay ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay Turkiga, waxana canshuuro dheeraad ah la saaray birta iyo naxaasta Turkiga ee loo dhoofiyo Maraykanka.

Arrimaha kale ee ay isku hayaan

Labadan nin oo kaliya ma ahan waxa ay isku hayaan labadan dal, waxaase jira arrimo kale oo dhawr ah.

Waxaa ka mid ah taageerada uu Maraykanka siiyo kooxaha Kurdiyiinta ee ka dagaalama Suuriya.

Inkasta oo ay ka wada tirsanyihiin gaashaanbuurta NATO, haddane sanooyinkii dhawaa si wanaagsan uma aysan wada jaanqaadin.

Isu dhawaanshaha Turkiga iyo Iran ayaa kasii caraysiiyay Maraykanka, waxaana jirta in wasaaradda maaliyadda Maraykanka ay u yeertay bangi weyn oo laga leeyahay Turkiga oo lagu magacaabo Halkbank, kaas oo loo heysto eedeymo la xiriira in uu macaamil ganacsi la sameeyay Iran si khilaafsan cunaqabataynta dhaqaale ee dalkaas lagu soo rogey.

ISHA BBC 

Xog iyo xaqiiq: Waxbadan ka ogaaw sababta uu C/qaadir Gaafow isaga casilay kursigii xildhibaannimada

Muqdisho (Caasimada Online)-Dad badan layaab ayey ku aheyd iney arkaan xildhibaan iska casilaaya baarlamaanka soomaaliya sanadkaan 2018, laakiin xildhibaan C/qaadir Gaafow ayaa iska casilay xilkiisii baarlamaanka sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Qaranka.

Kursiga Gaafow wuxuu ka mid ahaa kuraas muran badan dhalisay oo ay doorashadooda ka dhacday Cadaado, laakiin markaan waxaa in la dhigo Dhuusamareen oo si cadaaad ah loogu tartamo.

Sida ay xogta ku heshay MEP, wuxuu C/qaadir Gaafow isku casilay inuu booska u baneeyo walaalkiis C/llaahi Gaafow kaas oo markii kursigaan loo tartamayay ahaa taliyaha NISA, waxaa la aaminsan yahay inuu C/laahi Gaafow qaadan lahaa kursigaan hadii uusan markaas ahaan laheyn taliyaha NISA.

Wararka waxey intaas ku darayaan in C/qaadir Gaafow lagu qanciyo inuu kursiga u baneeyo walaalkiis ayna arrintaas ka shaqeeyeen odayaasha dhaqanka ee beesha ay kasoo jeedaan.

Dad ku dhaw dhaw ilmo Gaafow ayaa u sheegay  inuu C/llaahi Gaafow diyaar u yahay inuu kursigaas ku fariisto inkastoo ay dhici karto inuu shaqsiyaad aan hadda la aqoon tartan adag kala kulmo.

C/Qaadir Gaafow Maxamuud wuxuu noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee si iskiis ah isaga casila baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan Aadan Barre oo hanjabaad culus u diray qaadi ka careysiiyay

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxda Golaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ahna Xildhibaanka laga soo doortay bartamaha degmada Garissa Aadan Barre Ducaale ayaa ku hanjabay in dacwad uu u gudbin doono Guddiga garsoorka Kenya.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in dacwadaasi ay tahay mid lidi ku ah qaadiga muslimiinta Kenya Kadhi Sheikh Ahmad Muhdhar oo uu ku tilmaamay qaadi bilaa anshax ah.

Aadan Barre Ducaale, waxa uu sheegay in qaadiga uusan garan howshiisa, isla markaana caqabad ku yahay howlaha ay gudanayaan mas’uuliyiinta dowlada.

Aadan Barre Ducaale, waxa uu tilmaamay in qaadiga muslimiinta Kenya Kadhi Sheikh Ahmad Muhdhar uu muran ka keenay hadal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Kenya Mr Fred Matiang’ oo isagu sheegay in maalinta Talaadada oo ku began bari fasax yihiin shaqaalaha Kenya sababo la xiriira dabaal dega Muslimiinta.

Qaadiga ayaa dhaleeceeyay isla markaana wax kama jiraan ka dhigay fasaxa kasoo baxay Xafiiska Wasiirka, hase yeeshee Aadan Barre Ducaale, ayaa arrin khalad ah ku tilmaamay in qaadiga uu u gafo hadalka Wasiirka.

Aadan Barre Ducaale, waxa uu sheegay in haddalka qaadiga uu yahay mid kala qeybinaaya muslimiinta Kenya, sidaa aawgeed aysan ka aamusi doonin dhaliisha uu jeediyay qaadiga.

“Anigu waxaan kasoo horjeeda in qaadigii dhan uu ka shaqeeyo kala qeybsanaanta muslimiinta Kenya, isagu shaqo kuma laha xiliga ciida, keliya waa in uusan dhibaato ka dhex abuurin dadka muslimka ah”

Sidoo kale,qaadiga ayaa maalin ka hor ka soo horjeestay in muslimiinta Kenya ay dabaal degaan maalinta talaadada waxaa uuna tibaaxay in ciida carafo ay tahay maalinta arbacada, taasi oo ka careysiisay Xildhibaanka.

Haddalka Aadan Barre Ducaale, ayaa imaanay xili muslimiinta Kenya ay ku kala aragti duwan yihiin dhaliilaha ay Aadan Barre Ducaale iyo Qaadiga isku marinayaan hawada.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Daawo: Farmaajo iyo Kheyre oo ka hadlay ciidda Carafo & Waxa laga doonayo shacabka

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

“Maalmahan barakaysani waa ayaamo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ku suntan isjacayl, wadajir iyo is-taakulayn, taasi oo muujinaysa dareenka walaaltinnimo ee ka dhexeeya dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay istaakuleeyaan, isla markaasna garab istaagaan kooda itaalka daran maadaama isku-duubni , walaalnimo, wadajir iyo wax wada qabsi lagu gaari karo horumarka iyo himilooyinka la hiigsanayo.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku guubaabiyey shacabka inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo xasiloonida dalka.

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciid Al-adxa, una rajeeyay in ay sannadkaan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

“Waxa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciid Al-adxa, waxa aan leeyahay sannadkaan sannadkiisa ku ciida Bashbash, barwaaqo, nabad iyo Ciid wanaagsan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed xasuusiyay muhiimmadda ay munaasabaddani u leedahay sugidda amniga, la dagaalanka musuqa iyo dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda xusuusiyay in la ilaaliyo midnimada dalka, maadaama uu yahay dalka kaliya ee aan leenahay isaga oo shacabka ka codsaday in ay garab istaagaan dadaallada dib loogu dhisayo nidaam dowladeed oo sal adag.

Xog: Kheyre oo hal arrin fulinteeda ku amray Wasiirka Amniga (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo weli ku howlan la xisaabtanka Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ayaa amar duldhigay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Ra’isul wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Amnig Ducaale ayaa faray in si dhaqsi ah uu kusoo wareejiyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee looga shakisan yahay musuqa.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu Wasiirka u faramuuqay dhowr Sarkaal oo ka kala tirsan Hay’adaha Booliska iyo Nabadsugida, kuwaa oo horay dacwadooda musuq loogu gudbiyay Kheyre.

Waxa uu Ra’isul wasaaruhu faray Wasiirka inuu la imaado qorshooyin cad oo lagu ciribtiraayo Saraakiisha musuqa ku haya Hubka iyo xuquuqda ciidanka dowlada.

Sidoo kale, Kheyre waxa uu Wasiirka ku adkeeyay in la-tashiyo degdeg ah uu la sameeyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ee sida dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Saraakiisha ku kaca musuqa.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Ducaale ayaa lagu wadaa inuu wareejiyo Saraakiil ciidan oo ka kala tirsan Hay’adaha amaanka kuwaa oo qaarkood is dabamariyay Hubka iyo mushaaraadka ciidanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Akhriso: Somaliland oo jawaab adag ka bixisay hanjabaad weerar oo kasoo yeeray Puntland

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hanjabaado dagaal oo kaga imaaday maamulka Puntland, kadib shir Jaraa’id oo ay yeeshen guddiga difaaca Puntland.

Qoraal kasoo baxay wasaarada difaaca maamulka Somaliland, ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu aqbalay waan waantii ay waday Beesha Caalamka balse ay jabineyso Puntland.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in madaxda Puntland ay doonayaan wakhti kororsi sidaa aawgeed ay mar waliba ku goodinayaan weerar iyo dagaalo ka dhaca Gobolka Sool maadaama uu waqtigooda dhamaaady.

Somaliland waxa ay sheegtay inay dhowreyso shacabka ku dhaqan Gobolka Sool, hase yeeshee uusan jirin cabsi kale oo maamulka kaga imaanaya dagaalka Puntland.

Sidoo kale, waxa uu maamulka ku celcelshay in Gobolka Sool ka tirsan tahay Somaliland, isla markaana aanu xiligaan u baahneyn muran.