25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Akhriso: Shan waxyaabood oo laga rabo Fahad Yaasiin in uu ka beddelo NISA.

Muqdisho (Caasimada Online)-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxaa dhawaan loo magacaabay agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka ee (NISA), ku xigeenimadiia waxaa loo arkaa iney ka xoog badan tahay kuwii ka horreeyay, dadka qaar waxey qabaan inuu isaga yahay qofka ugu sarreeya NISA waxaana la is weydiinayaa waxa isbadali doona.

Mudooyinkii lasoo dhaafay NISA waxey laheyd dul-duleelo badan waxaana hadda loo fadhiyaa inuu FAHAD daboolo godadka hay’adda, arrimaha aadka loo hadal hayo ee la is leeyahay wax ayuu ka badali doonaa waxaa ka mid ah:

1-Dilalka Sharci darrada ah: Waxa dhawr jeer dhacday in ciidamada NISA ay si sharci darro ah u dileen dad shacab ah, wax badan lagama qaban arrintaan waxaana looga fadhiyaa inuu Fahad arrintaan soo afjaro.

2-Laaluushka: Hay’adda NISA waxaa lagu eedeeyaa in ciidamadeeda jooga wadooyinka iney qaataan lacago laaluush ah kadibna ay fasaxaan gaadiidka sida qaraxyada taasoo u baahan in lasoo afjaro.

3-Xariga Sharci darrada ah: Hay’adda nabad sugidda soomaaliya waxaa la sheegaa iney u xiran yahiin dad badan oo shacab ah kuwaas oo laga doonayo madax furasho hadii ay dhiibi waayanna dusha loo saaro dambiyo aaney laheyn, taasoo u baahan in lasoo afjaro.

4-Amarada is barbar yaaca ah: Hay’adda NISA waxey leedahay hogaan la yaqaan, hadana sidaas oo ay tahay waxaa jira wiilal yaryar oo dhibaato ku haya shacabka isla markaana mid walba iska gaaro go’aanka uu doono iyo amar ku taagleyn guud oo shacabka dhexdiisa ah taasoo abuurtay jahawareer ku saabsan cidda hagta NISA.

5-Caburinta Siyaasiyiinta: Hay’ada NISA waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay loo isticmaalay caburinta siyaasiyiin iyo dad ka aragti duwan dowladda Soomaaliya, sida la xasuusan yahay Soomaalida waxey ku heshiisay inaan ciidanku ku dhex milmin isqab-qabsiga siyaasiyiinta, sidaas darteed FAHAD waxaa laga rabaa iney NISA noqoto mid ka madax banaan raga siyaasadda isku haya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mooshin ka dhan ah madaxweyne Waare oo ka socda Jowhar

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, kaas oo waqti kooban haya xilka madaxweynanimada Hirshabeelle.

Guux xoogan ayaa ka jira gudaha xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, sidey wararka sheegayaan waxaa jira mudanayaal badan oo masuugsan qaabka uu u shaqeeyo madaxweyne waare, waxeyna ka fakarayaan iney badalaan.

Ilaa hadda 34 mudane ayaa la sheegayaa iney saxiixeen mooshin ka dhan ah madaxweyne Waare, sida uu dhigaayo sharciga Hirshabeelle mooshinka madaxweynaha waxaa soo jeedin kara 33 mudane, waxaana xilka ka qaadi kara 66 mudane.

Si dhab ah looma hubo cidda ka dambeysa mooshinkaan cusub ee ka dhanka ah madaxweyne Waare, laakiin wararka qaar waxey sheegayaan iney ka dambeeyaan siyaasiyiintii la tartantay Maxamed Cabdi Waare oo ay ka mid yahiin Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle oo aan la xiriirnayaa si aan uga wareysano arrinta mooshinka wuxuu inoo sheegay inuu maqlay inuu jiro mooshinkaas balse uusan isagu saxiixin, wuxuuna intaas ku daray inuu masuugsan yahay shaqada madaxweynaha.

Xildhibaanada mooshinka wada ee Hirshabeelle qaarkood waxey u sababeynayaan arrintaan inuu madaxweynuhu sameeyay musuq-maasuq iyo inaan wax laga qaban amniga oo ay sheegeen in loo helay lacag hal malyan ah.

Lama yaqaanno goorta la keeni doono mooshinka ay diyaarinayaan xildhibaanada, laakiin mar walba waxaa ku biiraya xildhibaano cusub sidaan xogta ku helnay.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

Maxaa kasoo baxay kulanka Farmaajo & Xasan Sheekh mar kale ku dhexmaray dalka Turkiga?

Ankara (Caasimada Online)-Waxaa mar kale magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan uu ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo muddo socday kadib Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray in Madaxweyne Farmaajo ay kawada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo isbedelada jira.

“Maanta waxaan magaalada Anakara kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan ka wada hadalnay arrimo ku saabsan caqabadaha iyo guulaha Soomaaliya iyo qaabka dowladda Soomaaliya ay u sameyn karto horumaro balaaran”. Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Labada mas’uul waxa ay sidoo kale ka wada hadleen xaalada gobolka geeska iyo is bedelada ka dhacaya, gaar ahaan nidaamka siyaasadda juquraafiga ee gobolka oo xilligan Soomaaliya saameyn ku yeelaneyso.

Waxa ay isla soo qaaden mas’uuliyiintan muhiimada  ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeyn dhexmarta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda shacabka Soomaaliyeed.

Waxa ay labada mas’uul isku raaceen in si wada jira looga wada shaqeeyo danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana kulankooda labaad kasoo baxay in culeyska lawada saaro wadatashi iyo isla shaqeyn joogta ah si indho loogu noqdo Umadda Soomaaliyeed ee aanu dhowr sano helin nidaam rasmi ah.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo labada Madaxweyne yeesheen, iyadoo bishii hore ee July ay ku kulmeen magaalada Ankara, xilli Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayay caleema saarka Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan oo dib loo doortay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana uu u degan yahay dalka Turkiga.

Dhinaca kale, kulanka Ankara ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay la hadal haayey in uu ku soo wajahan yahay Magalada Muqdisho si uu u sameeyo Xisbi Weyn oo uu hoggaamin doono.

Caasimada Online

Xafiiska Ankara

[email protected]

ONLF oo Ethiopia uga dhawaaqday isbaheysi cusub & Qorshaha ka danbeysay oo la ogaaday

Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka nasoo garaya ayaa sheegaya in isbaheysi cusub looga dhawaaqay Ethiopia kaa oo ay ku mideysan yihiin ururrada ONLF iyo SRDA.

Ururadan oo muddo fog shaqeynaayay ayaa ku dhawaaqay isbageysi cusub oo ay ku sheegeen in uu ka shaqeynayo horumarinta iyo danaha dadka Soomaalida ah ee ku hoos nool dowladda Ethiopia.

Isbaheysiga oo loogu wanqalay “Xoreynta Soomaalida ee Somali Coalition for Freedom (SCF)”, ayaa waxaa ka dhex muuqda mas’uuliyiin miisaan ku leh Siyaasada dalka Ethiopia, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka shaqeyn doono dhammaan dalka Ethiopia.

Sida lagu muujiyay qoraal lagu daabacay boga Twitter-ka ee ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in labada urur ay ku heshiiyen in si wada jira looga shaqeeyo aayaha dadka iyo dhulka Soomaalida.

Waxaa lagu sheegay in labada urur ay isla garteen dhismaha Isbaheysiga Xoreynta Soomaalida ee Somali Coalition for Freedom (SCF) oo saldhig u noqon doona xasilinta iyo hormarinta dhulka Soomaalida.

Waxaa la sheegay in Isbahaysiga cusub xoogiisa uu yahay mid ka shaqeyn doona xoriyadda iyo caddaaladda Soomaalida dalka Ethiopia, si loo helo jawi xasiloon oo saldhig u noqon doona cadaalada.

Sidoo kale, qorshooyinka ugu waaweyn ee isbaheysiga ayaa waxaa kamid ah sidii Soomaalida ku hoos nool dowladda Ethiopia ay u heli lahaayen Garowsi gaar ah, maadaama isbedel Siyaasadeed laga dareemayo Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, ONLF oo fac weyn isla markaana muddo dheer u dagaalamayay madaxabanaanida Ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa iminka u muuqda inuu ku talaabayo isbedelo iyo siyaasado la dhaqan u ah dowlada Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Gaadiid dagaal iyo saanad Militery oo gaaray TUKARAQ & Dagaal laga cabsi qabo

Garoowe (Caasimada Online)-Waxa ay saaka xiisad colaadeed ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, oo ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Xiisa laga dareemayo deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay timid kadib markii Gaadiid dagaal oo ay leedahay Puntland saaka ay gudaha u galeen deegaanka Tukaraq.

Ciidamada Puntland ee saaka galay deegaanka ayaa durba bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ciidan waxa ayna saaka gaaren jiida hore ee dagaalka taa oo sababtay xiisadda halkaa ka taagan.

Dadka deeganka waxa ay soo sheegayaan in rasaas goosgoosa ay xalay ilaa saaka ka dul dhaceysay taa oo ay ridayeen ciidamada maamulka Somaliland oo difaac ku jiray.

Sidoo kale, waxaa shalay deegaanka gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland iyo saanad  ay wateen kuwaa oo sabab u noqday dhaqdhaqaaqa sii xoogeysanaaya ee saaka laga dareemayo Tukaraq.

Docda kale, Xiisadan ayaa imaaneysa iyada oo maalinimadii shalay aheyd, guddiga difaaca Puntland ay sheegeen in dagaal uu ka dhici doono, deegaanka Tukuraq, nabadna aysan jiri doonin inta gobollada Sool iyo Sanaag ay Somaliland ku sugantahay.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Kheyre oo sheegay in 3 ciqaab ay marin doonaan cidii lagu helaa musuq

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo ku guda jira barnaamijka la dagaalanka musuqa ayaa sheegay inaanu xiriir kala dhexeyn mas’uulkii musuqa hantida Qaranka.

Kheyre waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inay la dagaalaman cid waliba oo isku daydaa inay musuqdo hanta Qaran, waxa uun cadeeyay in mowqifkiisa dhanka musuqa uu yahay ciqaab iyo fadeexeyn.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre tilmaamay inaysan calaaqo kala dhexeyn cid waliba oo musuqda hantida, waxa uuna ku goodiyay in cid waliba oo loo xiro arrinta musuqa ay mari doonto 3 ciqaab oo kala ah:-

1-Mas’uulka lagu helaa musuqa inuu weyn doono xilka ama shaqada uu u hayo Qaranka.

2-In dowlada Somalia ay la wareegi doonto hantida uu mas’uulkaasi ka tacbay musuqa Qaranka, maadaama lacagtaasi ay tahay mid laga dhacay shacabka.

3-Inay shacabka la wadaagi doonaan ceebta mas’uulkii lagu helaa musuqa hanta Qaran, waxa uuna ballanqaaday inay la dagaalami doonaan cid walba oo ku kacdaa musuq.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu cadeeyay inay ku adkaan doonto inay qariyaan ama difaacan shaqsiga u bareeray musuqa, waxa uuna si gaara ugu digay mas’uuliyiinta Golayaasha iyo kuwa dowlada Hoose.

Dhinaca kale, Kheyre ayaa dadka shacabka iyo kuwa ka shaqeeya xafiiisyada dowlada ugu baaqay inay faramuuqan kuwa is qarinaaya ee dhaca u geystay Hantida Qaranka, waxa uuna hadalkaan ka sheegay kulan uu la qaatay Saraakiisha Hay’adaha amaanka.

Caasimada Online

Xafiiska  Muqdisho

[email protected]

Xog: Ciidamo ka tirsan DDS oo la goosan lahaa Hub & Gaadiid dagaal oo xabsi la dhigay

Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida ayaa sheegaya in la xiray ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis oo isku dayay boob hantiyadeed.

Ciidamadan ayaa la sheegay in lagu helay danbiyo la xiriira in mudada ay shaqaaqada ka soctay deegaanada maamulka ay isku dayeen inay la goostan Booyado iyo Gaadiid ciidan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa faramuuqay askarta la xiray kadib markii ay kusii dhiiradeen inay la baxsadaan Hub.

Ciidamadan oo qeyb ka ahaa garabka Madaxweynihii hore ee maamulka Cabdi Cumar ayaa iminka la dhigay xabsi, waxaana lagu wadaa in lasoo taago maxkamad.

Sidoo kale, waxaa la soo sheegayaa inay qirteen falka loo xiray, wallow ay ku cudur daaranayaan inay badbaadin ahaan u wateen gaadiidkaasi.

Arrintaan ayaa imaaneysa xili dhawaan maamulka uu kiisas noocaasi ah u xiray shaqsiyaad ka tirsanaa maamulka oo lagu eedeeyay kicin dadweyne.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

“Cida aan u aragno inay halis nagu tahay xoriyadiisa ayaan ku ciqaabi doona”

Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dalkiisa uu qafiifinaayo ku dhaqanka sharciyada adkaa ee dalkaasi u degsan.

Abiy Axmed, ayaa sheegay in dowladiisa marka hore aysan dooneynin inay ku dhaqanto sharci caburis ah, hase yeeshee haddii ay dhacno in laga maarmi waayo ay ku dhaqmi doonaan.

Waxa uu sheegay in maamuladii ka horeeyay ay ku dhaqmi jireen sharciyo adag oo xitaa dadka shacabka qaarkood ku qasbi jiray inay ku nooladan dalka dibadiisa, balse ay iyagu inbadan ka duwanaan doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sharciyada adag ayuu tilmaamay in dalka ay u horseedi karto dhibaatooyin iska kacdoono, sidaa aawgeed aysan diyaar u aheyn inay ku dhaqmaan shaci adag oo cadaawad ka dhex abuuri kara dowlada iyo shacabka.

Sharciyada adag ayuu tilmaamay keliya inay u adeegsan doonaan isla markaana ku ciqaabi doonaan kuwa halista ku ah dalka, waxa uuna yiri “Sharciga cidna ugama baqan doono cidii halis nagu ah ayuu maareyn doonaa sharciga adag”

“Ethiopia uma baahna caburin iyo in la dhibaateeyo shacabka, waa inaan garanaa waxa wanaagsan iyo waxa xun ee dhibaatada noo horseedi kara”

Sidoo kale, Abiy ayaa ku goodiyay in dhibaatooyin kala duwan ay marin doonan cid waliba oo halis ku ah dowladiisa, waxa uuna ku baaqay in lagu wada noolaado xoriyada ay siiyeen shacabka iyo dhinacyada mucaaradka.

Haddalkan ayuu ka sheegay kulan uu Xafiiskiisa kula qaatay xubno Siyaasiyiin ah kuwaa oo dhawaan dalka dib ugu laabtay sanado badan kadib.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Madaxwaynaha Afqaanistaan oo ku dhawaaqay hal rrin oo muddo laga sugaayay

Madaxwaynaha dalka, Ashraf Ghani ayaa ku ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin ay shuruud ku xiran tahay oo lala galo kooxda Taliban.

Xabad joojintani ayaa madaxwaynaha sheegay in ay billaabanayso Isniinta ka hor dabaaldaga ciidda ee maalinta Talaadada.

Mr Ghani ayaa sheegay in xabbad joojinta ay socon doonto muddo saddex billood ah waa haddii kooxda Taliban xushmeeyaan.

Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo imika ka soo baxay kooxda Taliban oo ku saabsan xabbad joojinta uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Afqanistan.

Balse Talibaan ayaa munaasabadda ciidda darteed siideyn doonta dhowr maxaabiis ah.

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Janaraal Jens Stoltenberg ayaa soo dhaweeyay xabbad joojinta uu soo bandhigay Mr Ghani.

Mr Stoltenberg ayaa sidoo kale ugu baqay kooxda Taliban in ay xushmeeyaan xabbad joojinta.

Xabad joojinta ayaa imanaya ka dib maalmo uu dagaal qaraar ka socday magaalada Ghazni iyo meela kale oo dalkaasi ka tirsan.

Labada dhinac ayaa fuliyay saddex maalmood oo xabbad joojin ahayd oo ay wada gaareen bishii June xilligaasi oo sidoo kale loo dabaaldagayay ciidda ciiddul Fitriga.

ISHA BBC

Maxkamada Sare ee dalka oo Shaqo joojin ku sameysay kaaliyeyaal Maxkamadeed

Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, ayaa waxaa shaqada looga joojiyay howlwadeeno ka kala tirsan maxkamadaha darajada koowaad iyo labaad ee dalka.

Wareegtada ayaa waxaa shaqada looga joojiyay kaaliyeyaal gaaraya 9 xubnood oo ka hawl gala Maxkamadaha degmooyinka, Gobolka iyo Rafcaanka oo loo heysto cadaalad daro.

Waxaa wareegtada lagu sheegay inay korortay cabashooyinka laga qabo shaqooyinkooda Kaaliyayaasha, iyadoo ay dacwado dhowr ah ka gudbiyeen dadweynaha u cadaalad doonta Maxkamadaha.

Guddoomiyaha Maxkamadsa Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed oo ka jawaabaya balan qaadkiisa ahaa inuu la dagaalami doono Garsoorayaasha laga cawdo shaqooyinkooda ayaa shaqo joojin ku sameeyay Kaaliyayaasha maxkamada.

Sidoo kale, Baashe Yuusuf Axmed, waxa uu sheegay in baaritaano lagu sameeynayo kaaliyeyaashi shaqad laga joojiyay, waxa ayna baaritakooda qaadan doontaa muddo, si looga sal gaaro cabashada laga gudbiyay.

Dowlada Somalia, ayaa Seddexdii asbuuc ee ugu danbeysay xabsi dhigeysa mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan dowlada kuwaa oo loo heysto arrimo la xiriira musuq.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Waxbadan ka ogaaw sababta ka danbeysay in xubno muhiima laga saaro xisbiga ka arrimiya DDSI

Kulan tan iyo 8dii Agoosto magaalada Addis Ababa uga socday xubnaha Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa sida uu sheegay guddoomiyahooda cusub oo ah wasiirka warfaafinta ee dawladda Federaalka ee Itoobiya, Axmed Shide, waxaa lagu go’aamiyey in xisbiga laga saaro xubno lagu tuhmay in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay deegaanka.

Shir jaraa’id oo uu Axmed Shide ku qabtay Addis ababa, ka dib gabagabadii kulankaas, ayuu ku sheegay in 3 xubnood laga saaray guddiga fulinta, 8 xubnoodna laga saaray golaha dhexe ee xisbiga.

Talaabadaas ayuu ku tilmaamay inay tahay go’aan siyaasadeed oo xisbigu ka qaatay dadkaas oo wax laga saarayo rabshidihii horraantii bishan ka dhacay deegaanno ka tirsan DDSI.

Waxaa shirka la fadhiyey madaxweynaha cusub ee DDSI, Axmed Cabdi Maxamed iyo xubnaha xisbiga.

Wuxuu kaloo intaa ku daray inay jirto talaabo xagga sharciga la xiriirta oo laga qaadayo dadka dambiyada gaystay intii ay rabshaduhu socdeen, “kuwaasoo ay hay’adaha dambi baaristu gacanta ku hayaan”.

Ma uusan sheegin magacyada xubnahaas laga saaray xisbiga.

Waxaa la filayaa in ay qaban qaabiyaan shirweyne ay isugu keeni doonaan “dadka deegaanka”, laakinse ma aysan sheegin goorta uu dhici doono, halka uu ka dhici doono, iyo cidda ka qayb galaysa toona.

Hadalka wasiir Axmed Shide ayaa ku soo beegmaya ayadoo magaalada Addis Ababa ay sidoo kale kulan u fadhiyaan guddoomiyeyaasha 11ka gobol ee DDSI iyo 5ta xubnood ee gobol kasta ugu sarraysa xagga maamulka, iyo sidoo kale wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada maamulka DDSI.

Wararku waxay sheegayaan in ayaguna ay ka arrinsanayaan sidii meel loogu yeeli lahaa rabshadihii dhacay iyo ciddii mas’uulka ka ahayd.

Wararka ayaguna naga soo gaaraya deegaannada is maamulka Soomaalida waxay sheegayaan in shirar waaweyn ay ka dhacayaan magaalooyin ay ka mid yihiin Jigjiga oo ah halka ay shirarka ugu badan ka socdaan, dhagaxbuur, Qabridahar, Godey iyo meelo kale.

Shirarkaas ayaa la sheegay in ay ku salaysan yihiin sidii loola jaanqaadi lahaa isbeddellada haatan socda, waxaana dib ugu soo laabanaya deegaannadaas dadkii markii hore uga cararay khilaafaadka siyaasadeed iyo mabaadii’da ay aaminsanaayeen daraadood.

ISHA BBC

“Ka hortaga musuqa xitaa waxa uu saameyn doona Xafiisyada FARMAJO & KHEYRE” (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska ay guddiga maaliyadda ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, Hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa guddiga maaliyadda ee golaha shacabka la wadagay warbixin ku saabsan shaqada xafiiskiisa.

Hanti dhowraha ayaa sidoo kale guddiga uga warbixiyay howlaha la xisaabtanka iyo ka hortagga musuq maasuqa ee uu ku sameynayo hay’addaha dowladda.

“Xafiiskeyga hawlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xeran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha dowladda oo arrimo musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena waan ku daba jirnaa”. Ayuu yiri Hanti dhowraha Qaranka.

“Sidoo kale waxaan idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. Ayuu yiri Hanti dhowraha Qaranka.

Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ka codsaday iney kala shaqeeyaan meel marinta sharciga Hanti dhowrka oo golaha wasiirada ay ansixiyeen.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Maxamed Aadan Macalin oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu wado Hanti dhowraha, sidoo kale waxa ay ka codsadeen inuu sii laba jibaaro howlaha la xisaabtanka.

“Aad baa u bogaadinaya hawsha wanaagsan ee ka socota xafiiska Hanti dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga Hanti dhowraha waan ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah waan ku biirineynaa”. Ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga.

Sawirro:- DFS oo durba maamul cusub u magacawday Furdada Canshuuraha Dakadda

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia ayaa maamul KMG ah u magacawday Furdada Canshuuraha Dakadda Muqdisho.

Maamulkii hore ee Furdada iyo xubno kale ayaa waxaa shalay loo xiray arrimo la xiriira musuq-maasuq, waxaana xilka si KMG ah usii heyn doona maamulka cusub.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XFS Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa Xasan Cabdicasiis Axmed (Baashe) u magacaabay in uu noqdo Maamulaha cusub ee KMG Furdada Xamar.

Wasiiru-Dowlaha ayaa isla maanta ka qeybgalay dhaarinta maamulaha cusub,waxa uuna kaga digay inuu maro halka ay mareen kuwii hore.

Maamulka cusub ayaa sii wadi doona shaqooyinka hakat-ka galay ee ka socday Xafiiska, waxaana suuragal ah in maamulka cusub si rasmi ah looga dhigo mid buuxa.

Docda kale, dhamaan Xafiisyada Shaqada Canshuuraha ee Dakadda Muqdisho ayaa sidoodii caadiga ahaa u shaqeynaya iyadoona maamulaha cusub uu si toos ah shaqada u guda galay

GAAS oo shir degdeg ah isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada dalka (Akhriso)

Garoowe (Caasimada Online)-Qoraalka ka soo baxay Golaha Iskaashiga maamul  goboleedyada ka tirsan dowlada Federaalka oo uu ku saxiixan yahay Hogaamiyaha maamulka Puntland ahna Guddoomiyaha Golaha ayaa lagu martiqaaday Hoggaamiyayaasha kale ee Gobolada.

Qoraalk ayaa waxaa maamulada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed lagu wargaliyay inay ka soo qeyb galaan shir ka dhacaya Kismaayo 3-da bisha soo socota ee September.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in Shirka looga tashan doono danaha maamul goboleedyada iyo kuwa Qaranka, iyadoo la sheegay in Xogheynta Golaha ay soo diyaarin doonaan ajandaha shirka.

Shirkan degdega ah waxa uu dhacayaa xili qaar ka mid ah Maamul goboleedyada ay wajahayaan  doorashooyin ku soo fool leh iyo loolan siyaasadeed oo ay kala kulmayaan siyaasiyiin iyo dowladda Dhexe.

Sidoo kale, Shirka 3aad ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo dhamaadka sanadkii la soo dhaafay la dhisay ayaa ku soo aadaya, xilli dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu u dhaxeeyo mad-madow siyaasadeed

Daawo: Xogo dheeraada oo laga helayo xariga mas’uuliyiinta Kastamka Dekadda & Qodobada xeerka loo cuskaday oo lasoo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha taliska ciidamada Booliska qeybta Hoggaamnka Canshuuraha ayaa ka hadlay xariga mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan Kastamka Dekadda Muqdisho.

Saraakiishu waxa ay sheegen in xariga mas’uuliyiinta iyo xubnaha uu yahay mid xili hore la bilaabay baaritaankiisa, hase yeeshee ay ku dhaceen kiiska.

Taliyaha hogaanka Canshuuraha ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in dadka loo xiray musuqa ay yihiin 10 qof oo ka shaqeynayey  Kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho kuwaa oo loo xiray musu maasuq.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay dhowr jeer ka digtay musuqa, hase yeeshee ay iminka usoo jeesatay inay ka hortagto kuwa caadeystay musuqa.

Jenaraal Cabdullaahi Xasan Bariise waxa uu uga digay cidkasta oo ka shaqeysa Hay’adaha kala duwan ee dowladda in ay ku kacdo musuq maasuq ama xatooyo xoolo dadweyne,waxa uuna sheegay in ciddii lagu arkaa tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Waxa uu sheegay inaan laga aamusi doonin qofkii isku dayaa inuu qaato canshuur laga qaado dad masaakiin ah, waxa uuna soo jeediyay in qof waliba ay iimaansato mushaarka uu ka qaato dowlada.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay waday dowlada Somalia la-xisaabtan dhanka mas’uuliyiinta ah,waxana xiran in ka badan 15 Mas’uuliyiin kala dwuan oo ka Shaqeeya Hay’adaha dowladda.

Marka la’eego Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed mas’uuliyiinta iyo xubnaha loo heysto musuqa ayaa ku eedeysan qodobada kala ah 366, 368, 370, 240 iyo 7, oo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ah.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in raggaasi ay hadda yihiin kuwo eedeysanayaal ah, balse haddii lagu helo danbiga ay u xiran yihiin ay noqon doonto mid heer qiyaano dal iyo mid shacab.

Baaritaanka ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu cagaha la galo mas’uuliyiin kale oo ka shaqeysa Dekkada Muqdisho oo qeyb ka noqon kara shabakadan.

HOOS KA DAAWO BOOLISKA OO KA HADLAY BAARITAANKA SOCDA

https://www.youtube.com/watch?v=Lil0DvhUy9w

Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle oo shahaado sharaf la siiyay

0

Sheikh Cismaan Barre Maxamed wuxuu noqday gudoomiyihii ugu horreeyay ee baarlamaan goboleed ee shahaado sharaf ka hela mudanayaashiisa, waxeyna noqotay mid ay aad u hadal hayaan dhamaan dadka kasoo jeeda maamul goboleedka Hirshabeele.

Guddi ka koobnaa 16 xubnood ayaa abaalmariyay Mudane Shiekh Cismaan iyagoo uga mahad celinaya doorkii uu kulahaa la xisaabtanka golaha wasiirada ee maamulka Hirshabeelle.

Muddo 18-bilood ah wuxuu waday gudoomiyaha baaramaanka Hirshabeelle isla xisaabtan xooggan kaas oo sababay in qaar ka mid ah golaha wasiiradda shaqooyinkooda hakad la galiyo kadib markii la ogaaday iney sameeyeen wax isdabamarin.

Waxyaabaha xiisaha leh ee la xusi karo waxaa kamid ah in shaqadii laga joojiyay guud ahaan garsoorkii Hirshabeelle kadib markii la ogaaday iney ku kaceen eex iyo wax isdabamarin, sidoo kale xubno ka tirsan golaha Wasiiradda ayaa aad loogu dhaleeceeyay shaqo xumo, waxeyna sheegeen iney isbadal deg-deg ah la imaan doonaan.

Maamulka Hirshabeele oo ah midkii ugu dambeeyay ee laga hirgaliyay Soomaaliya ayuu baaramaankiisa u muuqdaa mid diyaar u ah in wax loo qabto bulshada deegaanka, waxaana arrintaas ku amaanan gudoomiyaha baarlamaanka Shiekh Cusmaan Barre Maxamed.

Wuxuu xildhibaanada baarlamaanka uga mahad celiya iney u garteen shahaado sharaftaa, isagoo sheegay inuu joogteyn doono isla xisaabtanka xukuumadda, xildhibaanadda ayaa iyaguna si guud u amaanay tilaabadaan.

Puntland oo ku dhawaaqday dagaal dib u xoreyn & Xuduudaha maamulka oo la xiraayo

Garoowe (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Cabdullaahi Timacade, oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay qaadeyso dagaal kama danbeyn ah.

Waxa uu Wasiirka sheegay in dagaalka uu yahay mid ay ku qaadi doonaan Gobolka Sool, kaa oo la doonaayo in lagu xoreeyo gabi ahaan Gobolka oo intiisa badan xiligan ku jira gacanta Somaliland.

Shir degdeg ah oo ay isugu yimaaden Guddiga difaaca Puntland ayaa waxaa lagu iclaamiyay dagaalka ay qaadeyso Puntland.

Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garoowe ayaa shaaciyey in maalmaha fooda nagu soo haya ay qaadi doonaan dagaal loogu magac daray (Xoreynta Sool) oo lagu qaadayo deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Guddiga waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in dagaalka ka hor la xiro dhammaan xuduudaha uu leeyahay maamulka iyadoo laga hortagaayo dhaqdhaqaaqa xuduudaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Timacade oo ka mid ah xubnaha Guddiga ayaa ugu baaqay Hoggaamiyaha maamulka C/weli Gaas in uu amar ku bixiyo dagaalka lagu xureynayo Gobolka Sool, isla markaana dhammaan xuduudaha Puntland lasoo xiro.

Timacade, waxa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Beesha Caalamka ay u sheegayaan in xalka kaliya ee Puntland heyso uu yahay xoreynta deegaanada ka maqan Puntland ee ku yaalla Gobolka Sool.

Sidoo kale, Guddiga ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada faray inay u diyaar garooban dagaalka (Xoreynta Sool) oo qaadan doono inta ay Puntland ka maamuleyso Gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, iclaaminta dagaal ee  Guddiga ayaa kusoo beegmeysa xili Somaliland ay cadeysay inaysan ka bixi doonin Gobolka Sool, isla markaana uu yahay Gobol ay iyaga leeyihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Xildhibaan ka tirsan BFS oo is casilay & Kursiga Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida oo..

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud oo laga soo doorto deegaanada maamulka Galmudug  ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay kursigiisa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in is casilaadiisa ay tahay mid isaga u gaar ah, waxa uuna tilmaamay in Guddiga Doorashooyinka uu u gudbiyay is casilaadiisa.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud uu iska casilay xubinimadiisa baarlamaan oo muddo sanad iyo bar ah uu hayay.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismail ayaa ku dhawaaqday inay bilaabeen howsha soo buuxinta 3-kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka lagu dooranayo Beydhabo iyo Dhuusamareeb.

Xaliima Ismail, waxa ay carab dhawday in kuraasta loo tartami doono ay baneeyen Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Somalia Xuseen Cusmaan, Cabduqaadir Gaafow oo is casilay iyo Marxuum Khaliif Cabdullahi.

Ex Xildhibaan C/qaadir ayaa la dhashay Taliyihii hore ee Nabadsugida C/llaahi Gaafoow, waxana doorashadiisa ka dhashay muran badan oo ugu dambeyn sababtay in Cadaado laga soo wareejiyo oo lagu doorto Muqdisho horaanta sanadkii 2017.

Sidoo kale, kursiga uu iska casilay Ex Xildhibaan C/qaadir, ayaa la soo sheegayaa inuu u tartami doono C/llaahi Gaafoow oo ah Taliyihii hore ee Nabadsugida.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xilalka usii haya kuwo ay isku heeb yihiin oo u muuqda inay dhaxal ka dhigteen kuraasta leysku bedbedelaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jen. Caanood & afartameeyo gaadiid dagaal uu watay oo gudaha u galay magalada Marka & Rasaas goosgoosa oo la maqlaayo

Afgooye (Caasimada Online)-War goordhow naga soo garay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi ay galeen Ciidamo uu wato Abaanduulihii CXD ee xilka laga qaaday Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood.

Ciidamadan ayaa la sheegay in gaadiidka qaar ay ku wateen sahay iyo fuustooyin shidaal kuwaa oo markii ay galeen magaalada la wareegay dhufeysyo badan oo ay ku sugnaan jireen ciidamo ka tirsan dowlada.

Ciidamada ayaa goortii ay galeen magaalada waxa ay bilaabeen rasaas, waxaana ilaa iyo hadda la maqlayaa rasaas goos goosa oo ay ridayaan ciidamada uu wato Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood.

Dadka deeganka waxa ay soo sheegayaan in dhammaan jidadka magaalada ay maanta yihiin kuwo xirxiran isla markaana ay waddooyinka intooda badan ay ku sugan yihiin ciidamada Caanood.

Abaanduulihii CXD ee xilka laga qaaday Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood iyo ku dhawaad afartan seddex gaadiid dagaal uu wato ayaa shalay ku nastay degmada Shalaalbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyaga oo xalay halkaasi ku hoyday,isla markaana saakey ay galeen degmada Marka.

Ciidamada ayaa fariisin waxa ay ka sameysteen xaafado ka tirsan Marka,sida Ayuub,Beytu-raas, Owbaale iyo Xarunta Maamulka degmada Marka oo bilihii u dambeysay aheyd mid aan Shaqeyn.

Sidoo kale, Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa laga soo xigtay inay ku nagaan doonaan magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana shaki xoogan laga muujinayaa qorshaha dhaqdhaqaaq Jeneraal Caanood iyo ciidamadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii ina soo dhaafay ayaa waxaa la hadal hayay in abaanduule Caanood uu ka careysan yahay xilka qaadistii uu kala kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

[email protected]

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo xariga Mas’uuliyiin ka tirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho ee loo xiray musuqa

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga mas’uuliyiin iyo xubno kale oo ka tirsan Dekadda Muqdisho kuwaa oo loo heysto arrimo la xiriira musuq-maasuq.

Xubnaha loo xiray musuqa oo ku dhow 10 xubnood ayaa waxaa ku jira Madaxii Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho Axmed Samow oo saacadihii ugu danbeysay isku dhiibay ciidamada xarunta CID-da.

Xariga iyo baaritaanka lagu hayo mas’uuliyiinta iyo xubnaha kale ayaa waxaa ka hadlay ku-simaha Taliyaha Hay’adda Dambi baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi.

Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in xeerilaainta ay amartay in lasoo xiro 10 ruux oo ka tirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay lunsadeen Xoolo dadweyne, sidaana lagu xiray.

Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in ciidamada CID-da oo fulinaaya amarka Xeer ilaalinta ay xireen xubnaha oo uu sheegay in lagu hayo kiisas cadcad oo musuq ah.

Bishaar waxaa uu sheegay in ay yihiin dadkaasi eedeysanayaal, islamarkaana hadda ay ku socoto Baaris lagu kala saarayo sida ay u kala danbi badan yihiin.

“Xariga mas’uuliyiinta iyo xubnaha waxa uu qeyb ka yahay qorshaha lagula dagaalamaayo musuqa oo ay wado xukuumada Somalia, ma jirto cid la maagayo qofkii lagu helaa musuqa ciqaabteeda ayuu qaadan doonaa”

Waxa uu Bishaar Abshir Geedi, tilmaamay in dowlada Somalia aysan khalad ku maagi doonin qof wanaagsan hase yeeshee ay wado keliya baaritaan lagu kala saarayo danbiilayasha iyo kan danbi la’aanta ah.

Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada CID-da ay habbeenimadii xalay qabteen Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow, kaddib markii shalay Ciidamada Booliska ay xireen ku-xigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa.

Mas’uuliyiinta Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo isugu jira Madaxa Kastamka, kuxigeenkiisa iyo xubno kale ayaa xalay ku hoyday Xarunta dambi baarista CID, waxaana ku socda baaritaano la xiriira kiiska lagu soo eedeeyay ee musuq maasuq ku saabsan.

Waxaa sidoo kale la xiray xubno lagu eedeeyay Musuq maasuq oo ka tirsanaa Ciidamada Ilaaladda degaanka Xamar.

Talaabadan ayaa imaaneysa xili dowlada Somalia ay dhawaan ku dhawaaqday ciribtirka shaqsiyaadka musuqa ku bahoobay ee cuuryaamiyay horumarka ka jira dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]