26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Ruushka oo ifisay miraha ka dhalankara Heshiiska Somalia iyo Eriterea

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo sanado badan kadib ay heshiis kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Eriterea ayaa waxaa heshiiskaasi taarikhiga ah markii ugu horeysay ka hadlay Dowladda Ruushka.

Dowladda Ruushka,ayaa sheegtay in heshiiska Somalia iyo Eriterea uu muhiim u yahay xasiloonida Gobolk.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Ruushka ayaa lagu sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee u biloowday dalalka Somalia iyo Eritrea uu muujinaayo in Africa ay indhaha kala qaadey xili laga deyrinaayay xasiloonida ka jirtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa qoraalka Wasaarada lagu sheegay in dowladda Ruushka ay baqdin ka qabto in dhexda loo galo isku soo dhawaanshaha dowladaha Africa oo iyagu u kala jabay Khaliijka, hase yeeshee ay aad usoo dhaweynayaan isbedelka ay ku talaabeyso Somalia.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in xiriirka cusub ee labada dal xitaa ay faa’iido u tahay dalalka deriska la ah Somalia iyo Eriterea.

Ruushka waxa ay tilmaantay in Heshiiska labada dal uu horseedi karo is dhexgal labada shacab iyo in la hormariyo xiriirka diblumaasi iyo kan Ganacsi.

“Isbedelka dhacay waxa uu mustaqbal wanaagsan u yahay labada dal iyo guud ahaan Gobolka, waxa uu horseedi doonaa iskaashi dhan waliba ah”

Dowladda Ruushka ayaa farta ku fiiqday sida ay muhiim u tahay in Dalka Eritrea uu dib ugu laabto xubinnimada Urur Goboleedka IGAD,kaas oo ay muddo dheer ka maqneyd.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhamaadka bishii la soo dhaafay booqasho 3 cesho qaadatay ku tagay Dalka Eritrea,waxaana uu halkaas heshiis ka koobaan afar qodob kula saxiixday dhiggiisa Eritrea.

Geesta kale, todobaadkii la soo dhaafay Wafddi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda Erittea Cismaan Salax ayaa booqasho labo cesho qaadatay ku yimid Muqdisho, taa oo Ruushka ay ku micneysay mid kamid ah isbedelada Gobolka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Fahad Yaasiin oo kulankii ugu horeeyay la qaatay taliyeyaasha NISA iyo howlwadeenada, dalab uu hordhigay: Akhriso

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Fahad Yaasiin oo labo maalin ka hor loo magacaabay talige kuxigeenka hay’addda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sabtidii (18-09-18) kulankii ugu horeeyay la qaatay taliyeyaasha sare ee NISA, saraakiil waaxeedyada iyo shaqaalaha sare ee NISA.

Kulankaasi oo ahaa mid isbarasho iyo xog kala qaadasho ayaa saraakiishii kasoo qeybgashay kulankaasi waxaa ka mid ahaa taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, iyo taliyeyaasha laamaha kala duwan, wuxuuna Fahad Yaasiin mid mid u bartay saraakiisha iyo shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee xarunta NISA.

Sidoo kale, wuxuu kormeer ku sameeyay kontoroolada laga soo galo xarunta NISA ee Habar Khadiijo, isla markaana uu si gaar gaar ah ula hadlay taliyeyaasha ku shaqada leh kontoroolada laga ilaaliyo xarunta NISA.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa caasimada u sheegay in waxyaabihii uu kala hadlay taliyeyaasha NISA iyo howlwadeenada NISA in ay ka mid ahaayeen qorshaha uu damacsan yahay in uu kusoo kordhiyo NISA iyo codsi uu hordhigay howlwadeenada isagoo ka dalbaday in lala shaqeeyo.

Kulamadaasi kadib,Taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa cusub Fahad Yaasiin ayaa kulan gaar ah wada qaatay, iyadoo aan la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Waxaa la ogsoon yahay in ay jirto fadeexad dhawaan ka dhex dhacday gudaha xarunta NISA, taasoo muujineysay in la jabsaday xafiiskii taliye kuxigeenkii xilka laga qaaday Cabdalla Cabdalla Maxamed, balse baaris la sameeyay kadib lagu ogaaday in uu ka danbeeyay talige kuxigeenkii xilkiisa waayay oo khilaaf uu kala dhaxeeyay taliyaha guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho oo isku dhiibay ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in la xiray Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow kaddib markii maanta Ciidamada Booliska ay xireen kuxigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa.

Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda, ayaa la sheegay inuu isku dhiibay ciidamada Xarunta dambi baarista ee CID, halkaasoo galabta lagu xiray xubnaha kale oo ka tirsan xafiiskiisa kuwaa oo loo xiray musuq ay geesteen.

Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho ayaa Xafiiskiisa ka baxsaday ka hor inta aysan ciidamada xirin mas’uuliyiinta kale, waxa uuna markii danbe is geeyay xarunta baarista ee CID-da.

Axmed Samow oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in uusan baxsad aheyn, isagoo xusay in xiliga ay Ciidamada Booliska tageen xafiiskiisa uu ku maqnaa arrimo caafimaad, sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uuliyiinta Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo isugu jira Madaxa Kastamka, kuxigeenkiisa iyo lix kale ayaa iminka lagu baarayaa Xarunta dambi baarista CID, waxaana ku socda baaritaano la xiriira kiiska lagu soo eedeeyay ee musuq maasuq ku saabsan.

Si kastaba ha ahaatee, Dekedda Muqdisho ayaa ka mid ah ilaha dhaqaale ee dowladda, waxaana waayadii ugu danbeeysay musuqa ka dhex socday isha ku hayay xafiiska Hanti dhowraha oo howlahaasi qaabilsan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mashquul Caawa ka jira xarunta CID-da & R/W Kheyre oo halkaa gaaray

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa howlwadeeno ka tirsan Dekadda Xamar oo maanta lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID-da kuwaa oo lagu eedeeyay inay geesteen musuq.

Mas’uuliyiinta iyo Xubnaha la xiray ayaa caawa ku baryaaya xarunta dambi baarista ee CID-day waxaana halkaa caawa ka jira mashquul badan.

Xubnahaani oo lix ah kana tirsan waaxda Canshuuraha ee dekadda Muqdisho ayaa su’aalo lagu weydiinayaa xarunta waxaana halkaa ku sugan Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo qeyb ka ah baarista lagu hayo mas’uuliyiinta iyo xubnaha u xirsan musuqa.

Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre ayaa sidoo kale caawa ku sugan xarunta dambi baarista ee CID-da oo halkaa kulamo kula qaadanaaya Taliyayaasha iyo Saraakiisha wada baarista.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale dhageysanaaya mas’uuliyiinta iyo xubnaha maanta loo xiray musuqa kuwaa oo lagu su’aalayo isla xarunta.

Wadooyinka gala Xarunta dambi baarista ee CID-da ayaa waxaa Caawa la dhigay Ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Koofi casta ilaalada u ah Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Sidoo kale, Gawaari farabadan oo ay leeyihiin madax ka tirsan dowlada ayaa ku sii qul qulaya xarunta CIDA-da, iyada oo loo sababeynayo arrinta la xiriirta mas’uuliyiinta Gabaldhicii Caawa xaruntaas lagu xirey.

Geesta kale, mas’uuliyiinta la xirey ay maalmahaani waxaa baaris ku hayey xafiiska hanti dhowrka qaranka, balse maanta loo xiray musuqa kadib markii uu soo idlaaday dabagalka lagu hayay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sacuudiga oo caburineysa Xujeydka Qadar & Xukuumada Qadar oo durba qeyla dhamisay

Doha (Caasimada Online)-Xukuumada dalka Qatar ayaa markii ugu horeysay ku eedeysay dowlada sacuudiga in muwaadiniin badan oo ka soo jeeda dalkeeda ay si cad uga mamnuucday inay xajiyaan sanadan.

Xukuumada Qadar, waxa ay tilmaantay in Sacuudiga uu weli siyaasadeynayo cibaadada, iyagoo sanadkan 2018 ogolaaday in 1,200 xujey ay gutaan waajibaadkooda xajka.

Xukuumada Qatar waxa ay sheegtay in aysan suura gal aheyn in la koobo dadka ka qeyb galaya munasabadan diimeed.

Dowlada Sacuudiga waxa ay sidoo kale Muwaadiniinta Qatar ee Xajka u taga dalkaas u diiday inay u kala gooshan magaalooyinka dalkaas, balse dowlada sacuudiga ayaa ku andacootay in arimahan aysan shaqo isku laheyn Xujeyda oo tahay wax iska caadi ah.

Boqortooyada sacuudiga dowlada imaaratka Bahreyn iyo Masar ayaa xiriirkii ay la lahaayeen Qadar Jaray Bishii June,kadib markii uu fashilmay weerar la doonayay in lagu qaado Maamulka Dooxa.

Bishii June ayaa wasaarada Xajka sacuudiga waxay ku dhawaaqday in ay Furtay website ay iska diiwaan galiyaan xujeyda dalkaas waxaana Arintaan mid aan suura gal aheyn ku tilmaamay mas,uuliyiinra Qatar.

Dhinaca kale, Abdullah al-Kaabi oo u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa waxa uu sheegay in dowlada sacuudiga ay albaabada isugu dhufatay shirkadihii ka shaqeyn Jiray Xajka ee dalka Qatar.

Caasimada Online

Xafiiska Doha

[email protected]

Akhriso: 5 arimood oo sabab u ah in DFS ay MUQDISHO uga yeerto howlwadeenada Safaarada Khartoum

Khartoum (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga oo fulinaysa amarka Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa ku wargeliyay sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ka hawl gala safaaradda Soomaaliya inay iska soo xaadiriyan magaalada Muqdisho.

Xirooro kala duwan oo aan la sameynay Soomaalida ku sugan dalka Sudan ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in ballanqaadka Ra’isul wasaaraha uu ahaa in laga hor leexin doono dhammaan howlwadeenada ka howlgala Safaarada.

Waxa ay sheegen in Ra’isul wasaare Kheyre oo dhawaan ku booqday Sudan ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah maamulka Safaarad, sidaana ay ku timid u yeeridooda.

Asbaabaha dhaliyay in loo yeero dhammaan howlwadeenada Safaarada Somalia ee Sudan ayaa waxaa kamid ah:-

1-Ku tagri fal awoodeed ka dhan ah ardayda Soomaalida.

2-iibsashada Minxooyinka Jaamacadaha oo markii hore loogu tallo galay in lasiiyo ardayda oo laga dhigay kuwo laga macaasho.

3-Howl gudasho la’aan joogta ah iyo la dhaqan la’aanta ardayda.

4-Ardayda oo la sheegay inay waayen mas’uuliyiin u sameysa matalaad.

5-Howlwadeeno xad dhaaf iyo howlyari u saaxiib noqotay macaash dhaqaale.

Guddoomiyaha Ardayda Soomaalida ee dalka Sudan Cabdulkhaadir Faarax ayaa dhawaan Ra’isul wasaare Kheyre hordhigay in laga bedelo howlwadeenada Safaarada, waxa uuna cadeeyay in dhamaantooda ay yihiin kuwo aan daacad u aheyn howshooda Qaran.

Waxa uu sheegay in Safaarada gabi ahaanteeda laga dhigay suuq lagu kala iibsado Minxooyinka, waxa uuna taasi ku micneeyay niyad jab usoo hoyatay Ardayda.

Si kastaba ha ahaatee, u yeeridda biblamaasiyiinta iyo hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Khartuum ayaa ka dambeeyay cabsasho ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ay ka gudbiyeen mas’uuliyiinta safaaradda intii lagu guda jiray safarkii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen Khartuum.

Caasimada Online

Xafiiska Khartoum

[email protected]

Sawirro: Muxuu ku qotomay is araga R/W Khayre & Phumzile Mlambo-Ngcuka ee Vialla Somalia?

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay agaasimaha arrimaha haweenka ee qaramada midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo markii ugu horaysay socdaal ku timid dalka Soomaaliya kadib casuumaad ay ka heshay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka XFS.

Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay heer wanaagsan kasoo gaarsiisay matalaadda haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadayaan dadaallada lagu garab istaaagayo haweenka, isaga oo ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dawrkii ay ku lahaayeen badbaadinta qaranka iyo bulshada xilligii burburka.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf oo kulanka qayb ka ahayd ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Phumzile Mlambo-Ngcuka ay si qota dheer uga hadleen arrimha haweenka Soomaaliyeed, ka qayb galinta haweenka arrimmaha siyaasadda iyo horumarinta dalka, xooojinta taageerada dawrka haweenka iyo sidoo kale sidii ay u wada shaqayn buuxda u yeelan lahaayeen hay’adda haweenka u qaabishan Qaramada midoobay iyo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Phumzile Mlambo-Ngcuka ayaa hoggaanka dawladda federaalka Soomaaliya ku ammaantay garab istaaga haweenka iyo ka qayb gelintooda siyaasadda iyo guud ahaan dadaallada horumarinta dalka, waxa ayna dhanka kale ballan qaaday in ay hay’addoodu si dhaw ula shaqaynayso wasaaradda haweenka si loo dar-dar geliyo horumarinta arrimaha haweenka.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh gelisay sidii haweenka Soomaaliyeed ay si buuxda qayb qaadan lahaayeen siyaasadda dalka, horumarinta amniga, iyo dadaallada dib loogu dhisayo dalka si loo celiyo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd dunida.

Haddii uu la dagaalkanka musuqa dhab yahay, Farmaajo il haku hayo wixii Maanta Garoowe ka dhacay

0

Garoowe (Caasimadda ONline) – Waxaa maanta Garowe lagu qabtay xaflad lagu sheegay in lagu soo dhaweynayo wasiirka kalluumeysiga ee uu dhawaan magacaabay RW Xassan Cali Kheyre oo ay si weyn uga horyimaadeen beesha Dhulbahante oo uu ka soo jeedo.

Magacaabistii Wasiir-ka oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Cabdullahi Bidhaan Warsame ayey beesha Dhulbahante u aragtay bahdilaad maadama laga soo magacaabay Garowe oo uu Cabdweli Cali Gaas ku amray Kheyre.

Waxaa dhacay shirar hoose oo ay arintaas uga dhiidhiyeen waxgaradka beessha oo uu ku jiray madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay arintaas isku qabteen Cabdweli Cali Gaas.

Hase ahaatee, xafladdii maanta ka dhacday Garowe oo uu soo qaban qaabiyey wasiirka kalluumeysiga iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muuqata in uu ujeedka ahaa in lagu muujiyo in Dhubahante raali ka yahay wasiirka uu Cabdiweli Gaas magacaabay.

Marka laga soo tago bahdilaadda uu RW Xassan Cali Kheyre ku sameeyey beesha Dhulbahante waxaa hadana su’aal ka dhalaneysa la dagaalankii lagula jiray musuq maasuqa, sidoo kale waxa ay digniin u direysa madaxweyne Farmaajo

Waxaa lala wada socdaa in uu jiray khilaaf u dhexeeyey maamul gobolleedyada wasaaradahooda kalluumeysiga iyo midda dowladda dhexe oo ku saabsanaa qeybsiga kheyraadka badda.

Wasiirkii hore ee kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu iska hortaagay Puntland shatiyo sharci darro ay iyo qandaraasyo ay siin jirtay shirkado shisheeye iyada oo ku xad gudbi jirtay awoodda dastuuriga ah ee dowladda dhexe.

Taas waxaa ka dhalatay in wasiirku la wareego qandaraasyo ay si sharci darro ah ku bixisay Puntland, waxaana dhacday in loo ganaaxo maraakiib.

Taas waa sababta soo dedejisay in Gaas ku qasbo RW Kheyre keenidda Wasiir iyaga u adeega.

Hadaba, haddii ay dhab tahay in dowladdu ay dagaal kula jirto musuq maasuqa, Madaxweyne Farmaajo waa in uu il gaar ah ku hayaa sida ay wasaaradda Kalluumeysiga ula fal galeyso Puntland.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka

Maamule ku xigeenka furdada Dekedda Muqdisho iyo Shan Xubin kale oo loo xiray Musuq-maasuq.

0

Muqdisho (Caasimadda ONline) – Dowladda Soomaaliya ayaa sare usii qaaday ololihii ay kula dagaalameysay musuq maasuqa ka jiro dowladda dhexdeeda.

Wararka hadda soo gaarayo Caasimadda Online ayaa tilmaamayo inay ciidamo ka socday CID-da ay xireyn xubno ka tirsan Kastamka canshuurta ee Dekadda Soomaaliya.

Ciidamada booliska dambi baarista ee CID-da  ayaa  xireyn lix xubnood oo ka mid ah Kastamka Canshuuraha dekada Weyn ee magaalada Muqdisho,kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ku kaceyn fal la xiriira musuq maasuq.

Dadka la xiray ayaa la xaqiijiyey inuu kamid yahay Maamule kuxigeenka Furdada Dekeda Muqdisho,sidoo kale Maamulaha  Furdada Axmed C/llaahi Samow oo la sheegayo inuu ku jiro dadka loo jaray waaran xarig,

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan uu xoogeystay dagaalk dowladda ee ka dhanka ah musuq maasuqa dhulka dhigay hormarka Soomaaliya,.

Madaxeyne Farmaajo iyo Ra’iuslwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa horey u ballan qaaday inay meesha ka saari doonaan musuq maasuqa hareeyey hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Maalmihii ugu dambeeyey dhawr xubno ayaa xabsiga la dhigay halka kuwa kalana xilkii laga qaaday markii lagu eedeeyey inay sameeyeen musuq maasuq.

Kheyre oo ku amray Diblomaasiyiinta Safaaradda Sudan inay degdeg ku soo galaan dalka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si deg deg ah u amray inay dalka ugu soo laabtaan dhammaan Diblamaasiyiinta Soomaaliya u joogo wadanka Suudaan eek u yaal Qaaradda Africa.

Ra’isulwasaaraha ayaa wasaaradda  Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ku amray inay deg deg ugu yeerto dibloomaasiyiintaas oo Ra’isulwasaaraha loo soo gudbiyey musuq maasuq ay ka wadaan Safaaradda halkaas ku taal ee Soomaaliya.

Dadka la amray inay dib ugu soo laabtaan dalka ayaa kala ah sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ka hawl gala safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan .

xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga  Danjire Siciid Xaaji Maxamuud ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 18 August ka soo saaray waraaq lagu amrayo inay dalka ug usoo laabtaan dinlamaasiyiintaas isla markaasna ay ilaaliyaan waqtiga loo qabtay.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhawan tagay Magaalada Khartuun ayaa waxaa dacwad ka dhan safaaradda Soomaaliya usoo gubdiyey iyadoo ka cabanayey dhibaato ay sadaaradda ku heyso ardayda Soomaaliya iyo muwaadiniinta kale ee safaaradda dano kasoo yeesho.

Qaar kamid ah ardaydaas ayaa Ra’isulwasaare Kheyre u sheegay in haddii u ka tago isagoo aan wax qaban dhibaatada taagan ay ogaan doonaan inuusan dalka laheyn madax ka danqaneyso dhibataada heysato muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaano ka tirsan Puntland oo gudbiyey mooshinka dhan ah Shirkadda DP World

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ka aqbalay mooshin ka dhan ah Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo dhisaysa Dekedda Boosaaso.

Baarlamaanka Puntland ayaa gudbiyey Mooshin ka dhan ah shirkada P & O oo qeyb ka ah DP WORLD, horeyna loogu wareejiyey dekeda magaalada Boosaaso.

Mudanayaasha oo mooshinkooda u gudbiyey guddoonka golaha ayaa ku sababeeyey in ay shirkadan ilaa hadda waxba ka qaban xaaladda Dekeda Boosaaso, una muuqato in ay u haysato sidda ay sheegeen Dano siyaasadeed.

Xildhibaanada Puntland ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay raaceen go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka dalka uga mamnuuceen in ay ka Shaqeyso dalka Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta,isla markaana dekada Boosaaso ay ku maamusho sisharcidarro ah.

Tiradda Xildhibaanada Mooshinka gudbisay ayaa ah 21 xildhibaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo la hadlay wariyayaasha ayaa sheegay in talaabada ay mooshinka ku keenen ay ka dambeysay markii ay mudo labo sanno ah ka war sugayeen DP WORLD iyo shirkadeeda yar ee P & O in ay meelmariyaan waxyaabihii lagu heshiiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiyahii Baarlamaanka  Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo mas’uul kale oo is-casilay

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Maxamed Rashiid Isaaq oo ahaa, Afhayeenkii Baarlamaanka ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wuxuu iska casilay xilkii hayey, sida laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Khadar Cabdi Ismaaciil oo ahaa Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya uu isana ka tegay shaqadda.

Ma cadda sababta ay Jagooyinkooda uga tageen, balse, waxay kusoo beegmaysaa xili siyaasadda degaanka Soomaalida Itoobiya ay ka jirto isbedalo waa wayn oo hogaanka maamulka ku dhacay.

Labadaan masuul oo kamid ahaa Sharci-dejiyaasha ugu muhiimsan gobolka ayaa waxay ka tirsan yihiin Xisibiga taladda haya ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee loosoo gaabiyo magaciisa ESPDP.

Arrimahaan ayaa waxay kusoo beegmaya xili kulamo looga arrinsayo mustaqbalka gobolka ay ka soconayaa Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasoo xubno badan ay joogaan.

Cabdi Cumar Maxamed oo ahaa Hogaamiyaha Xisbiga taladda haya ee DDSI, iyo Madaxwaynaha ayaa is-casilay, waxaana loo doortay madaxa Xisbiga Axmed Shide oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta ee dowlada Federaalka Itoobiya.

Axmed Cabdi Maxamed [Ilka Case] ayaa loo xushay inuu noqdo Madaxwaynaha dowlad degaanka kadib is-casilaadda Cabdi Illey, waxaana uu horey usoo ahaa Ilka Case Wasiirka Maaliyada gobolka.

Ilka Case iyo Axmed Shide ayaa waxaa la fahansan yahay inay xulufo dhow la yihiin Cabdi Ille. Waxaa la filayaa in doorasho ka dhaco maamulkaas dhowaan.

Is-casilaada Afhayeenka Baarlamaanka ee dowlad degaanka iyo Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee gobolka ayaa waxay wali yihiin kuwa boosaskooda uu banaan yahay, inkasta oo dhowaan la filayo in la xusho dadkii lagu bedali lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaalyeed oo warbixin kasoo saartay dhibaada ay Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda Hormuud

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa war saxaafadeed kasoo saartay dhibaatada lagu shirkadda Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee Hormuud.

Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada Xuduudda ayaa dhibaato xoog leh ku hayey mudooyinkii dambe Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waxayna gubeyn illaa lix xarun oo ay shirkadda ku laheyd Gobolka Gedo.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa falkaas ku tilmaamtay mid aan la qaadan karin isla markaasna loo baahan yahay in si deg deg looga hortaggo.

Rugta ayaa sheegtay inay dowladda Soomaaliya dhawr jeer u gubdiyeen dacwad ka dhan ah Ciidamada Kenya ee dhibaatada ku hayo Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud balse aysan jirin ila hadda tallaabo laga qaaday falkaas guracan ee lagu hayo shirkaddaas.

Ugu dambeyntii Rugta ganacsiga ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday in si deg deg arrintaas wax looga qabto si aan loo curyaamin Ganacsiga dadka Soomaaliyeed iyo shirkdda Hormuud.

Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka kasoo baxay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

Fahad Yaasiin uma imaan nabad sugidda in uu ka fara-macaysto (Aqri Qormo Xiiso Badan)

GUUGUULAHA SIR-DOONKA: Sirdoonku ma fan baa mise waa cilmi-saynis? Maya, ee waa labadaas oo wada jira, bilowgii hore waxaa la falkiyey qaybta fanka ah ee “The art of intelligence”. Maanta oo la joogona, sir-doonku waa cilmi Saynis buuxa “Scientific and Technical Intelligence”. Dawladaha adduunku si joogta ah ayay isu basaasaan iyaga oo ilaashanaya danahooda amnni iyo kuwa dhaqaale. Farsamooyinkii hore waxaa ku soo biiray kuwo hor leh oo maanta ay tiknaloojiyaddu hormuud u tahay.

Taariikhda cusub ee Soomaaliya waxay xasuusantahay, 12 sano oo nabad sugiddu aad u xoog badnayd, xilligaas oo uu madax ka ahaa S/Guuto #Axmed_Saleebaan_Dafle oo isagu aasaasay Nabad Sugiddii Soomaaliya NSS. Nabad sugiddaasi, shishe iyo duluc bay lahayd, wixii dumey bay lahayd.

Maanta, Afarta waaxood ee sir-doonku ku hawlgalaan, midna cago fiican kuma taagnna, waxaa badan kuwa la iibsan karo ee dalkooda basaasa. Ma maqashay doodda odhanaysa, Qalbi Dhagax waxaa galaaftay xog khaldan oo madaxda qaranka la siiyey? Haddii aad maqashay! Ogow kolkaas laamaha ammaanka oo dhammi dib-u-eegid qoto dheer ayay u baahnaayeene!

Fahad_Yaasiin, nabad sugidda uma uusan iman in uu ku “fara-macaysto” – Fara macaysigu waa maxay? Waa marka qof meel dan la’aan la fadhiya loo keeno shaqo fudud oo isaga oo fadhiya uu faraha ka qaban karo, sida xadhig la soohayo oo kale – Ee waxaa loogu magacaabay in uu shaqadaas ka soo dhalaalo.

Sanadkii hore, waxaan jaanis u helay in aan muddo saddex bilood ah si iskaa-wax-u-qabso ah ula shaqeeyo qaybaha kala duwan ee ciidanka, durba waxaa ii muuqatay dhaliilo caad yaal ah oo laamaha ammaanka ku fidsan, waxanse ogaa dadaalka Madaxwaynuhu ugu jiro sidii uu dalku ku helilahaa ciidan xoog leh oo gaashaan u noqda ciidda iyo calanka Soomaaliya.

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya tan iyo maalintii uu ka tagay Axmed S. Dafle lama sheegin wiil kale oo isaga oo shaadh cad galay, misna shaadh cad kaga baxay! Waxaanse ku male waynahay ninkii labaad in uu yahay #Fahad_Yaasiin oo inta aan ka aqaanno u diyaarsan in uu hoggaamiyo sir-doonka dalkeenna. Magacaabistiisu, waxay qaydar qodaxdii kaga qadhaadhahay wadankeenna kii dhibaya, dhagartiisa kii galaya.

W/ Qoray

Abdirashid M. Hashi

Muxuu salka ku hayaa dagaalka u dhexeeya Gaas iyo Camey?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in ay ka dhex tafatay madaxweynaha Puntand Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey.

Warar ay Caasimadda Online heleyso aya xaqiijinaya in ay Cabdiweli Cali Gaas uu ku amray Camey in uu dib ugu soo laabto Garowe kaas oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Muqdisho.

Hase ahaatee, sida ay ilo wareedyada oo ku ag dhaw madaxtooyada Puntland ku warramayaan Eng Camey waxa uu diiday dalabkii ahaa in uu ku soo noqdo Garowe taas oo dhalisay in ay isaga iyo Gaas Telefoonka hadal adag isugu weydaarsadaan.

Arintan ayaa imaneysa xilli la sheegay in Camey uu Muqdisho u yimi si uu taageero uga helo dowladda Federal-ka maadama uu dhawaan ku dhawaaqi doono murashaxnima xilka madaxweyne ee Puntlnad.

Madaxweyne ku xigeenka Puntand oo lagu tilmaamo kii ugu xumaa ee xilkaas ka qabta Puntland ayaa hadda dagan mid ka mida Hotel-lada Muqdisho isaga oo soo dayacay shaqadiisii.

Xogo hoose ayaa ku warraaya in uu Muqdisho ku casumat Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo si gaar ah u doonaya in uu ku taageero tartanka sanadka dambe bilowgiisa ka dhici doona Puntland.

Hase ahaatee, waxaan la saadaalin karin haka uu ku biyo shuban doono dagaalka siyaasadeed ee ka dhex kharxay Cabdiweli Gaas iyo Camey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xil u magacaabay ku xigeenkii NISA ee uu Farmaajo xilka ka qaaday

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xil cusub u magacaabay taliye ku xigeenkii NISA ee dhowaan uu xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Taliye ku xigeenkii labaad ee Hay’adda NISA C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) loogu magacaabay la-taliye sare oo xafiiska guddoomiyaha golaha shacbaka ah.

Magacaabiddan ayaa imaaneysa muddo 72 saacadood gudahood ah, taasoo muujineya in Guddoomiyaha Baarlamaanka ka horjeeday xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale waxa su’aal ka taagan tahay inuu Guddoomiye Baarlamaan xil ku magacaabi karo magaciisa isagoo ku-sime madaxweyne ah.

Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen ayaa horay shaqo joojin ku sameeyay C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Waa masuulkii ugu horeeyay oo ka mid ah xubnihii saraakiisha ee xilka laga qaaday khamiistii lasoo dhaafay oo maalmo kadib xil loo magacaabo.

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan oo geeriyooday isagoo 80 jir ah

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan ayaa geeriyooday isagoo 80 ahaa.

Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaanka madow ah ee qabta jagada ugu sarraysa diblomaasiyadda dunida, wuxuuna xilkaas hayey 1997 – 2006.

Wuxuu ku guulaystay abaalgudka nabadda Nobel ee dhanka bani’aadminimada.

Xilliyadii dambe wuxuu noqday ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaalka ku saabsan sidii xasaradda dalkaas ka taagan xal loogu heli lahaa.

 

Muxuu Salaad Cali jeele ka yiri wararka sheegaya in DFS ay siiso dhaqaale?

Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ku khasbay inuu taageero dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Salaad Cali Jeelle oo u waramaayay telefashinka Dalsan ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu u taageeray dowlada hadda jirta ay tahay inay ka fogaatay waxyaabihii lagu dhaliili jiray dowladii hore.

Salaad Cali, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay inta badan xooga saarto baahiyaha Shacabka iyo qabashada howlaha loo igmado, taasina ay ku khasabtay in la taageero, sida uu hadalka u dhigay.

Salaad Cali oo wax laga weydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin dowladii hore ee uu mucaaradka ku ahaa iyo dowladani, ayaa sheegay in Dowladii Xasan Sheekh uu ku ahaa mucaarad isaga oo sabab ka dhigay inay caqabad ku aheyd xisbigiisa iyo arrimo kale oo u gaar ahaa.

Salaad Cali oo wax laga weydiiyay wararka sheegaya in dowlada Somalia ee hadda jirta uu ku taageeray lacago joogta ah oo bil waliba ay siiso ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid ay faafiyeen mucaaradka iyo kuwo uu ku tilmaamay Qaran dumis.

Waxa uu sheegay inay jiraan dad Qaran dumis ah oo sida ay doonaan u dhiga hadalka, hase yeeshe waxa uu tilmaamay inaanu xaqiiq aheyn warkaasi, waxa uuna isku sifeeyay inuu yahay wadani.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa  “Runtii dadka Soomaaliyed labo ayay u qeybsan yihiin, hadii adiga aad wadani noqoto dad qaran dumis ah ayaa dadka Soomaaliyeed waxay dhahayaan Wadani, qaar wanaagsana oo wadaniyiina oo dalkaan qaranimadiisa doonayana,waxaa dhici karta in qaladaad loo yeelo, aniga mar ayaan mucaarad ku ahaa dowladii Xasan oo waxay isbaaro u dhigatay xisbiyada Siyaasadeed”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay mudan tahay in lala shaqeeyo, isaga oo carab dhabay in Somalia aysan xiligaan u baahneyn dhibaato.

Geesta kale, Salaad Cali waxa uu sheegay inay u muuqato rajo wanaagsan oo ka dhalankarta dadaalka ay wado dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

R/W Kheyre oo wada qorsho lidi ku ah Saraakiisha amaanka DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka Xafiiska Ra’isul wasaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Kheyre uu wado qorsho maxkamad lagu soo taagayo Saraakiil ka tirsan Hay’adda amaanka dalka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la sheegay in si hordhac ah uu qorshahaani latashi kala sameeyay Taliyayaal ka kala tirsan Hay’adda amaanka kuwaa oo qudhooda aan la dhacsaneyn Saraakiisha qaar.

Saraakiisha uu Ra’isul wasaare Kheyre la damacsan yahay maxkamadeynta ayaa loo heystaa tuhuno la xiriira ku lug lahaanshiyaha Qaraxyo dhowr ah oo dhacay.

Qaar kamid ah Saraakiish ayaa loo heystaa amar diido ka dhan ah Taliyayaashood, halka qaarna ay ka macaashan Hubka ciidanka loogu tallo galay oo ay iibsadan.

Ra’isul wasaare Kheyre oo iminka lagu wareejiyay liiska tiro Saraakiil ah ayaa doonaya in kiisaska musuqa ee loo xiraayo Wasiir ku-xigeenada iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha ay qeyb ka noqdan Saraakiisha, waxa uuna rumeysan yahay in amniga dalka uusan wanaagsanaan doonin iyadoo aan la arag Saraakiil iyo ciidamo uu xukun ku dhacaayo.

Sidoo kale, Kheyre ayaa horay u sheegay in mudada ay hayaan xilka ay si weyn ula dagaalami doonaan waxa uu ugu yeeray musuqa ragaadiyay Somalia.

Arrintan ayaa imaaneysa xili mas’uuliyiin dhowr ah ay u xiran yihiin falal ay kamid yihiin musuqa hanta Qaran iyo mid shacab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Waa maxay khudbada uu ERDOGAN ku marti galiyay dhigiisa Somalia FARMAAJO

Ankara (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Dayib Erdogan ayaa markii ugu horeysay dhigiisa Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku marti galiyay Shirka Golaha Guud ee xisbiga Taladda Haya ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhigiisa Somalia oo ku sugan dalka Turkiga usoo jeediyay inuu ka qeybgalo Shirka Golaha Guud ee xisbiga isagoo ka dalbaday inuu jeediyo Khudbad taariikhi ah.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aqbalay ka qeybgalka Shirka Golaha Guud ee xisbiga Taladda Haya ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad.

Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo ka jeedin doono khudbada ayaa noqon doona kulanka Lixaad oo ay yeelanayaan golaha wakiilada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Madaxda dalka Turkiga iyo Ganacsatadda dalkaasi.

Geesta kale, Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili ay xoogeysatay Xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo waliba Mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Ankara

[email protected]