27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

R/W Kheyre oo ballanqaaday in si degdeg ah ay albaabada ugu furi doonaan…

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ballanqaaday in dhismo degdeg ah lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabada Qaranka.

Ra’isal wasaaraha xukuumadda ayaa sheegay in dhismaha tiyaatarka iyo maktabada ay muhiim u tahay dalka, waxa uuna ku celcelshay in si dhaqsi ah lagu dhisi doono.

Wax uu Kheyre tilmaamay in dowladiisu ay ka dhabeyn doonto furida iyo yagleelida xarumaha muhiimka u ah shacabka.

“Mar waliba waxaa naga go’an inaan dib usoo celino xarumaha muhiimka ah waxaanu dooneynaa in shacabkeena aysan tabin xarun tiyaatar iyo maktabad Qaran”

“Waad la soctaan waxyaabihii aan horay idinkugu ballanqaadnay waan sameynay intooda badan kuwa harsan ayaanu u gudbi doona sida ugu dhaqsiyaha badan ayaanu ku dhisi doona”

Mr kheyre ayaa carabaabay dhismaha lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabadda Qaranka ay iska kaashan doonaan xukuumadda Somalia iyo waliba maamulka gobalka Banaadir si loogu wacyigeliyo buu yiri dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xasan Cali Kheyre, Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku wareejin doonaan khibradahooda marka ay majaraha ay u qabtaan dowladnimada dalkeena Soomaliya arintaasina ay hadda ka fekerayaan qaabka ay u marayaan maadaama aynaan la joogin.

Hadalkaan ayuu ka sheeegay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali kheyre munaasabad lagu soo xerayay carwada bandhiga buugaagta ee sanadkiiba mar lagu qabto gudaha magaaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Sababta aaney u guuleysan karin qorshooyinka Amni ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadbadan waxaa ay qabaan in ay adagtahay in ciidamada Somalia ay ku guuleystaan sugida amniga, taas oo ka dhigan inaan sanadaha soo aadan laga maarmi karin ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo aya maanta isbadal xoogan ku sameeyay ciidamada xooga, booliska iyo sirdoonka waana markisii labaad iyo sadexaad ee uu sidaa sameeyo.

Maxamed Cali oo ka tirsanaan jiray siroonka Somalia oo hada ku nool London ayaan weydiinay sida uu arko is babadalada ciidan ee uu sameeyay Farmaajo iyo hadii uu aaminsan yahay inuu isbadal ku imaan karo ciidamada Somalia.

Wuxuu aad u dhaliilay sida deg degta ah ee xilalka looga qaado madaxda ciidanka Somalia iyo nooca dadka loo dooranaayo ciidanka isagoo sheegay iney taasi dhali doonto in ciidanka Soomaaliya aaney waligood hanan amniga dalka.

“In miltariga 8dii biloodba masuul cusub loo dhiibo, si la mid ah Nabad Sugida iyo Booliska waxaa ay muujineysa hogaan xumo, waxey dileysa qorshooyinkii  ciidanka , waxa mar walba ka dhalan doonta habacsani iyo dib u dhac ayuu yiri.

“Waxyaabaha aan la yaabnay waxaa nooca dadka la rabo iney amni keenaan ee madaxda looga dhigaayo ciidamada,waa dad aan waligood fagaaro ciidan tagin oo aan barran shaqada ciidanka, Somalia umbaa ka jirta meel xilalka ciidanka dad caadi ah lagu tijaabiyo ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu sheegay inuusan ciidanku guuleysan karin hadii aan shaqada loo dhiibin dad mudan oo aan sidoo  kale la siinin waqti dheer oo ay ugu saldhigaan amniga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Biixi oo si dadban u burburinaya rajadii laga lahaa hakinta Colaada Sool

Hargeysa (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay garaneyso waajibaadka ka saran difaacashada Gobolka Sool oo taabacsan Somaliland.

Biixi waxa uu sheegay in Gobolka Sool uu leeyahay taariikh fog isla markaana adduunka uu la socdo cida xaqa u leh Gobolkaasi Somaliland iyo Puntland.

Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay garaneyso sida ay u xoreysan laheyd Gobolka Sool, balse aysan diyaar u aheyn in rasaas ay ridaan ciidamadooda ay waxyeelo u geysato dad shacab ah.

Waxa uu tilmaamay in aamusnaanta Somaliland ay ka turjumeyso lahaanshiyaha Gobolka Sool, waxa uuna cod dheer ku sheegay in ciidamada maamulka ay xor u yihiin ku noolanshiyaha Gobolka iyo difaaciisa.

“Waxa aan ka hadlaayo waa wax aan anagu leenahay Sool taariikhdeeda cidna kama qarsana anigu waxa aan leeyahay difaaca Gobolka waa mid ay qeyb ka yihiin shacabka”

Waxa uu tilmaamay in ciidamada Somaliland ay kusii nagaan doonaan dhammaan difaacyada deegaanka Tukaraq, waxa uuna meesha ka saaray in deegaankaasi uu ka baxaayo gacanta maamulka.

Sidoo kale, Muuse Biixi, ayaa dadka Gobolka ugu baaqay inay ilaashadan dhulkooda, isaga oo awood sheegashada Puntland ku si feeyay mid aan meel fog gaarsiisneyn.

Haddalka Muuse Biixi ayaa u muuqanaaya mid lagu burburinaayo rajadii laga lahaa xalinta Khilaafka labada maamul ee sababay dagaalka ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

DFS oo shaacisay tirada ciidamada cusub ee lagu wareejin doono amniga MUQDISH

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in amniga magaalada Muqdisho ay la wareegi doonaan ciidamo cusub oo ka duwan kuwa hadda shaqeeya.

Dowladu waxa ay tilmaantay in ciidamadan ay yihiin kuwo da’yar isla markaana ka dhisan dhan waliba si ay ula dhaqmaan dadka shacabka ah.

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka caasimadda ay la wareegi doonaan ciidamada aan kor kusoo sheegnay.

Waxa uu tilmaamay in afartii bil ee la soo dhafay uu ammaanka Caasimaddu ahaa mid ka wanaasan sidoo hore, haatanna ay qorsheynayaan in ay nabad gelyada gobolka Banaadir ka qayb qaataan wajiga Labaad 2,000 oo ciidamo Boolis ah.

Waxa uu tilmaamay in dowladu ay qorsheysay in amniga loo gacan galsho ciidamo aan wax balwad ah lahayn aadna u tababaran si ay bulshadu u hesho nabadgelyo buuxda.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay tallaabooyinkaasi u mareyso ka gun gaaridda ammaanka caasimadda, waxa uuna cadeeyay inay dib u habayn ku sameeyen maamulka iyo maaliyadda gobolka, isagoo sheegay in ay daadejiyeen maamulka lana gaarsiiyo degmooyinka Caasimadda.

Dhinaca kale, ciidamadan oo ku jira xiliga gabagabada tababarka ayaa waxaa ay howlgalintooda ka danbeysay kadib amar kasoobaxay Ra’isul wasaare Kheyre kaa oo lagu qoraayo ciidamo cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Erdogan oo si adag ugu caga jugleeyay Donald Turmp & Dowladiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan, ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay cashar lama ilaaban ah u dhigeyso dalka Mareykanka.

Erdogan, waxa uu sheegay inay sii fogaan doonto rajada sanadihii danbe laga qabay xiriir dib danbe u dhexmara dowladaha Turkiga iyo Mareykanka.

Erdogan, oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah  ayaa tilmaamay in Turkiga ay ka maarmi karto Mareykanka, hase yeeshee ay la socdaan in Mareykanka uusan ka maarmi Karin Turkiga.

“Ka turki ahaan weynu ka maaranaa Mareykanka balse iyagu nagama maarman, weyna adkaan doontaa inaan dib xiriir ula sameyno”

Waxa uu intaa raaciyay inaysan u nixi doonin Mareykanka isla markaana ay ku jawaabi doonaan mid u dhigma ficilka ay sameeyan.

Erdogan, ayaa shacabka Turkiga u ballanqaaday inuusan u duleyn doonin Mareykanka, maadaama ay ku kala duwan yihiin dhaqan iyo diinba, sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlaayay dhanka quwada ayuu sheegay inuu aaminsan yahay in dowlada Turkiga ay ka quwad badan tahay Mareykanka, balse aysan diyaar u aheyn inay banaanka soo dhigaan awoodooda.

“Sida uu Trump moodo maaha arrinku waxaanu rumeysanahay in Turkiga ay ka quwad badan tahay Mareykanka”

Sidoo kale, Erdogan waxa uu ku goodiyay in dowladiisa ay cashar lama ilaaban ah u dhigi doonto Trump iyo dowladiisa, waxa uuna ka digay inay kasoo gudbaan xadka loogu tallo galay, maadaama uusan jirin xiriir.

Geesta kale, Erdogan ayaa shacabkiisa ku booriyay inay is baraan ka maarmida dhammaan waxyaabaha uu soo saaro Mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qarax khasaaro kala duwan geystay oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho (Khasaaraha)

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa goordhow oo caawa ah laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay, ayaa waxa uu si gaara uga dhacay aaga wadada
Taleex.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo la dhigay isbitaalada ku dhow Taleex.

Qaraxa kadib ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaao lagu xaqiijinaayo Qaraxa iyo cidii ka danbeysay.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxan ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay maalmahaani ka caaganeyd Qaraxyada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qarax culus oo lala eegtay Gaadiid uu la socday Abaanduulihii xilka laga qaaday & Khasaaro ka dhashay Qaraxa

Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Qarax lala eegtay gaadiid dagaal oo uu la socday Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shalay uu xilka ka qaaday Madaxweynaha.

Caanood, ayaa Qaraxa lagula eegtay Jiiro Gaaljecel oo u dhaxeysa Lambar 60 iyo Shalambood, waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxa uu la kacay ku dhawaad laba gaari oo kamid ahaa gaadiid dagaal oo uu galbinaayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Caanood.

Gaadiidka uu galbinaayay Caanood ayaa la sheegay in guud ahaan ay ahaayen 46 Cabdi Bille kuwaa oo dib ugu soo laabanaayay magaalada Muqdisho oo markii horaba ay ka tageen.

Qaar kamid ah Saraakiisha wehlineysay Abaanduulaha ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu burburiyay hal gaari, halka gaari kale uu soo gaaray burbur aan sidaa u buurneyn, islamarkaana waxyeelo uu ka soo gaaray ciidankii gaariga saarnaa.

Waxa ay sheegen in Qaraxa uu ka badbaaday Gen. Caanood, hase yeeshee ay waxyeelada ugu badan aheyd mid soo gaartay ciidamada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan Ilaa hadda la ogayn khasaaraha guud ee ciidamada kasoo gaaray Qaraxa waxaana arrintaasi ka gaabsaday Saraakiisha xaqiijisay burburka labada gaari oo dab ka dhashay Qaraxa qabsaday.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

[email protected]

Heritage : Qatar iyo Xulufada Sucuudiga keebaa u wanaagsan Soomaaliya?

Mac-hadka cilmi-baarista siyaasadda ee Heritage ee ku yaala Muqdisho ayaa daraasad cusub kasoo saaray wax uu ku tilmaamay ‘gebi-dhaclaynta’ siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna mac-hadka soo jeediyay tallooyin ‘wax-ku-ool ah’.

Gefafkii Taariikhda

Daraasadda waxaa lagu bilaabay gefafkii waaweynaa ee xagga dublamaasiyadda ee taariikhda ka dhacay Soomaaliya, waxaana tusaale loosoo qaatay in markii uu dhacay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-dii.

Waxaa daraasadda lagu sheegay in waraaqo sir ah oo uu faafiyay bogga seeri-afuufka ee Wiki Leaks uu soo bandhigay caddeymo ku saabsan in xulufadii Soomaaliya ee Sucuudiga, Liibiya iyo Yemen iyo xitaa Maraykanka ay la safteen Itoobiya, taasna ugu wacnayd gefkii dublamaasiyadeed ee ay gashay.

“Taas waxa ay jabisay qabkii ama isla qabweyninkii Soomaalida, xukunkii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre kama uusan soo kabsan dhibaatadii kasoo gaartay dagaalkii Itoobiya” ayaa lagu yiri daraasadda.

QM oo loogu baaqay inay farageliso Suuriya

Waddamada khaliijka oo iska kaashanaya la dagaalanka argagixisada
Britain oo doonaysa inay bilawdo ‘bog cusub’ xiriirka dalalka Khaliijka
“Qudha 40 sano kadib xilligaas, taariikhda ayaa u muuqata in ay markale dib ugu laabanaysa halkii, balse markan waa ay kasii walwal badantahay” ayay daraasadda intaas ku dartay.

Khilaafka Khaliijka
Daraasadda ayaa aad loogu lafo gurey in go’aankii dhexdhexaadnimada ee ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dalalka Carabta ee xulufada Sucuudiga oo dhinac ah iyo Qatar oo dhinac.

Waxaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaaliya loo arkay in ay u janjeerto dalka Qatar, balse ay dad badan la yaabeen, waxa ay ugu xilatay Qatar, kuna lumisay kalsoonida dalalkii xulufada soo jireenka ahaa sida Sucuudiga, Imaaraatka iyo Masar.

“Xitaa booqashooyinkii madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ay ku tageen Riyadh iyo Dubai ma aysan soo hagaajin xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo dalalkaas” ayaa lagu yiri daraasadda Heritage, oo intaas ku dartay in Sucuudiga uu Soomaaliya dib ugu soo celiyay 27 kun oo ari ah, xilli lagu dhowyahay munaasabadda Ciidda Carafada oo xoolaha la qalo.

Waxaa xusid mudan in tallaabada Sucuudiga ay kusoo hagaagtay maalmo uun kadib markii dowladda Soomaaliya ay la safatay Sucuudiga markii ay is qabteen Canada, go’aankaas oo daraasadda ay ku tilmaamtay mid uu degdeg badan ka muuqday.

Tallooyin
Daraasadda waxaa lagu soo jeediyay tallooyin dhawr ah, waxaase ugu muhiimsan labo talo.

Tan koowaad waa in siyaasadda arrimaha dibedda lagu dhiso wax loogu yeeray ‘dublamaasiyadda ganacsiga’ taas oo ah in go’aamada lagu saleeyo hadba danaha ganacsi ee Soomaaliya.

Sucuudiga waxa ay dhoofsadaan inta badan xoolaha Soomaaliya, halka Imaaraatka uu yahay dalka ganacsiga ugu badan ay la leedahay Soomaaliya dalalka adduunka oo dhan.

Daraasadda ayaa waxaa lagu sheegay in dhanka kale Qatar aysan jirin wax la taaban karo oo ka dhaxeeya, sidaasi oo ay tahay saamayn badan ay ku yeelatay dowladda Soomaaliya.

Tallada labaad ayaa ah in inkasta oo dastuur ahaan dowladda dhexe xaq u leedahay dajinta siyaasadda arrimaha dibedda, haddane ay wanaagsanaan lahayd haddii ay la tashan lahayd dowlad goboleedyada iyo dadka kale ee saamiilayaasha dalka ah.

CC Shakuur oo aan weli aqbalin inuu xubin ka noqdo isbaheysiga mucaaradka iyo sababta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame iyo xisbigisii ayaa lasoo warinaya in aaney weli aqbalin qorshaha socda ee la doonayo in lagu mideeyo xubnaha mucaaradka ku ah Dowlada hada jirta,  sababaha uu uga gaabsaday ayaa lagu sheegay iney la xiriirto cida hogaamineya isbaheysiga.

CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame wuxuu doonayay in isaga uu noqdo ninka hogaamiaya isbaheysiga mucaaradka, laakiin xubnaha Daljir iyo kooxdii Qabyo ayaa soo jeediyay inuusan Warsame hada boqolkiiba boqol ka gadmi karin bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la sheegaya in Cadikariin Guuleed uu ku dadaalayay in mudo ah in CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame uu noqdo hogaamiyaha isbaheysiga mucaaradka. Xubnaha wada hadalada ku galay Nairobi iyo Ankara ayaa codkoodu u batay in  Xasan Shiikh uu noqdo hogaamiyaha isbaheysiga si ku meel gaar ah inta laga dhameystiraayo dhismaha ururkaan.

Wadajir iyo CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame ayaa la sheegay iney ka gaabsadeen qorshihii wax isku darsiga.

Waxyaabaha ay xubnaha Daljir iyo Qabyo ku doodayaan waxaa ka mid ah in xisbiga WADAJIR uusan hal xildhibaan ku laheyn labbada Aqal ee Baarlamanka Somalia, sidaa darteed uusan u furneyn gor gortan  weyn.

CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame waxaa lagu tilmaamaa nin inta badan jcel inuu isagu kaligii wax maamulo.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in xisbiga WADAJIR uu ku qanacsanyahay qorshaha mucaaradka balse uu ka gaabsaday isbaheysiga hadii aan dalabkooda loo fulin karin. CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame ayaa mudooyinkaan is balaarin ku waday xisbigiisa isagoo xarumo uga furay dhowr wadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo Saacadaha soo socdo u safrayo Turkiga iyo ujeedka ka dambeeyo

0

Ankara (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socdo gaari doono Magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa casuumaad ka helay dhigiisa Dalka Turkiga Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doono xaana iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Sidoo kale waxaa laga casuumay shirka 6-aad ee caadiga ah ee Xisbiga talada Turkey haya AK Part.

Madaxweyne Farmaaji iyo wafdigiisa oo hadda ku sugan Dalka Jabuuti ayaa halkaas kasoo duuli doono Saacadaha soo socdo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safar uu ku joogo Jabuuti kulami kula qaatay madaxda ugu sareyso dalkaas iyadoo laga wada haay xiriirka labada dowladood.

”Waxan orankaraa Muqdisho hadda ayey gaartay gurashada miraha amniga waxaana dhamaaday isku dhac”

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidanka hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/laahi Xasan Bariise, ayaa daboolka ka qaaday in Somalia ay ka xoroobeyso dhaqanka isku dhexyaaca ciidamada.

General C/laahi Xasan Bariise oo la hadlay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in isku darka ciidamada labisan ee NISA iyo kuwa Booliska ay waxbadan ka bedeshay hanaanka amni ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in laga gudbay isku dhexyaaca ciidamada xiliyada ay dhacayaan howlgalada, waxa uuna carab dhabay in xiligaani uu wanaagsan yahay howlgalka maadaama la mideeyay labada ciidan.

General C/laahi Xasan Bariise, waxa uu tilmaamay in markii magaalada gudaheeda ay ka wada shaqeyn jireen ciidanka Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska uu imaan jiray isku dhac ciidanka dhexdooda ah, hase yeeshee iminka laga gudbay ciidankuna uu yahay hal ciidan oo qura.

“Waxaan ka gudubnay isku dhacyada ciidamada NISA iyo kuwa Booliska ee gudaha magaalada, hadda ciidamadu waa hal jiho qura waxa ayna ku shaqeyn doonaan hal amar oo kaliya”

Wuxuu sheegay ciidankii Nabad Sugidda ee magaalada ka hawlgali jiray qaarkood in la hoos geeyay Booliska, kana amar qaadanayaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed, arrintana ay keentay in la helo wada shaqeyn dhab ah oo ciidamda ay yeeshaan.

“Shalay laba amar hadii ay bixi jirtay, maanta Hal amar ayuu ku soo wareegay amnigii oo Taliyaha ciidanka Booliska ayay ka amar qaadanayaan ciidankii Nabad Sugidda ee lagau biiriyay Booliska, hada waxaa u socda tababar xirfadeed, waxaan rajeynaa in amniga aan ku guuleysano, shacabka waxaan ka codsanayaa inay nagala shaqeeyaan sugidda amniga”.

Waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badneyd ee heysatay ciidamada ay aheyd isku dhaca, balse iminka leyskala gudbay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, General C/laahi Xasan Bariise, waxa uu sheegay in dowlada Somalia talaabadani laga doonaayay xili hore, hase yeeshee xiligan la doonaayo in la dhaqan galiyo keliya nidaamka loo bareeray.

Haddalka General C/laahi Xasan Bariise,ayaa imaanaya xili ciidamada dowlada ay ku dagaalami jireen magaalada Muqdisho kuwaa oo kala taabacsanaa Hay’ado kala duwan oo is midab faquuqayay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faallo: Magacaabista Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

HORDHAC/GOGOL-DHIG
Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi aqristoow, kahor dhamaadkii bishii shanaad ee Maajo 2017-ka xiligii Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka loomagacaabay mudane: Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Soomaaliduse usoo gaabsato “Fahad Yaasiin”, ayaa agaasimihii hore ee xafiiska warfaafinta Raysalwasaarihii hore: C.C.C. Sharmaarke: Diraac Salaad Fagaase, wuxuu maqaal ciwaan uga dhigay: “Ar Fahad Yaasiin iigeeya!”.

Ciwaankaa wuxuu dabayaallay ereyadii caan-baxay ee C/llaahi Maxamuud Cismaan (Daanyeeroow) ee ahaa: “Ar Farmaajo iigeeya!”.

Waxaa ereyadaa lagucabirayey, awooda uu dowladan kudhex leeyahay Fahad Yaasiin. Mararka qaar waxaa lagu tilmaamaa, ninka ugu awooda badan dowladan, ama ugu yaraan mid ka mid ah, labada mas’uul ee ugu awooda badan dowladan, marka Madaxweynaha lagasoo taga, waa: Isaga iyo RW Kheyro’e.

Sida muuqata wuxuu maamulka hadda jira iyo Madaxweyne Farmaajaba ujoogaa, meeshii uu mudane Faarax C/Qaadir ujoogay MD Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamulkiisii.

Rag badanoo xilal waayey oo afka furtay, waxeey si dadban ugu tilmaameen erayo yaab leh, sida:”Faraantiga Jinni ee Madaxweeynaha ugu jira!”. Qaar kale waxeey dheheen “Milkiilayaasha Dowlada”… iwm.

Marka aad tilmaamahaa iskusoo wada duubto, waxaa nuxurkoodu yahay, inuu yahay nin awood badan ku dhexleh xukuumada maanta jirta.

Dhanka kale qofka wanaagiisa waa looqiraa, oo lagama xasdo kartidiisa Allaah siiyey.

Fahad Yaasiin waa nin aad siyaasada ugu galgal badan.Waxaa lagu sheegaa inuu qeyb aad uweyn kulahaa, inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud jagadaa kusooboxo, illaa magaciisa lagusoo qaatay warbixintii Qaramada Midoobay, ee lagu sheegayey inuu dhaqaale malaayiin Doollar ah, ugakeenay MD Xasan Sheekh Maxamuud dalka Qatar, si uu tartanka ugu galo. Sababtu waxeey ahaataba, waa lakala booday isaga iyo MD. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo kooxdiisii Damjadiid.

Waxaa sidoo kale uu kaalin libaax ku lahaa, inuu mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) noqdo Madaxweynaha dalka. Madaxweeynaha hadda jirase ma noqon sidii MD Xasan Sheekh Maxamuud, oo lama kalaboodine weey isfahmeen. Madaxweynuhu aad ayuu usoo dhaweeyey, una magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa Fahad lagu sheegaa inuu yahay nin maamul-yaqaan ah, waana tan ugu muhiimsan tilmaamaha uu leeyahay.

Waxaa mucaarad iyo muxaafidba wada qirayaan, inuu Madaxtooyada oo inta aan loo magacaabin aheyd meel isku dhexyaacsan, kadhigay meel leh maqaam Madaxtooyo. Tusaale ahaan; inta aan Fahad Yaasiin loomagacaabin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, dadbaa iska dhexdaganaa qeybo badanoo Madaxtooyada kamid ah, markuu yimidse Madaxtooyada waxeey noqotey, meel eey Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo kaliya daganyihiin.

Dhismayaashii shalay la iska daganaana, wuxuu kawada dhigay xafiisyo qalabeeysanoo lagu shaqeeyo, gaar ahaan Lataliyeyaasha Madaxweynaha oo xafiisyo loowaayey, ayaa xafiisyo kufilan una qalma loowada helay.

Tusaalaha labaad; Waxaa sidoo kale jirtay, in Madaxweyneyaasha eey ballan la’aan isaga imaan jireen, loona galinjiray marka eey madaxda beesha caalamka, kuwa AMISOM, Odey-Dhaqameedyo, ganacsato, iyo Xildhibaano doonaya uyimaadaan, taa waxaa ugu dambeeysey maalintii Fahad Yaasiin lamagacaabay.

Qurxinta bilicda, iyo qalabeynta madaxtooyadana weey usii dheereeyd. Intaa waa qeeybo kamid ah, waxa loogu qiray isbadalka lataabankaro ee uu Madaxtooyada kasameeyey.
SAXAAFAD-AQOON AAN SAXAAFADA LAGU ARAG!

“Saxaafada qofka yaqaan, kuma degdego” maxaayeelay iyadaa markeey doonto dadka iskiin tusta. Fahad Yaasiin waa xeel-dheele dhanka saxaafada ah. Wuxuu madax-sare ka ahaa taleefishinka caanka ah ee Al-Jazeera, oo uu madax uga ahaa xafiiskeeda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale lawada ogyahay, sidii uu xilka uqabtay, waliba isagoo awood badan lagu xanto, hadana ma aha nin saxaafada kasoo dhex muuqda, iyadoo eey kuusii dheertahay, in dowladan si aan sax iyo cadaalad toona aheyn loogu dacaayadeeyo “Igusawir”.

Fahad Yaasiin waa dadka daaha gadaashiisa wax kamaamuloo kashaqeeya, oo waxqabadkiisa uu uhadlo. Horaa Soomaalida waxeey utiri, “Dhurwaaga/Waraabaha kiisa qeeyliya, iyo kiisa aamusan, waxaa daran kiisa aamusan!”.

Waa waxa ninkan aan la aragba, oo saxaafada aan kasoo dhexmuuqan, rag badan uga qeeyliyeen.
XILKA KU-XIGEENKA AGAASIMAHA GUUD EE NISA!
Wuxuu Shalaly oo ay  taariikhdu ku began tahay 16-da August, 2018-ka Madaxweynaha u magacaabay Fahad Yaasiin kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabada-Sugidda Qaranka (NISA).

Waxaa laga fahmayaa in hey’adan oo qas badan, iyo isqabqabsi uu kadhexjiro, Madaxweynuhu rabo in la isku toosiyo.

Madaxweynaha oo la dhacsan qaab-maamulkii Fahad Yaasiin ee Madaxtooyada, uu sidaa ugu dhiibay xilkan. Waxaa laga rajo qabaa inuu si hufan umaamulidoono, isuguna dubadhiridoono. Waxa loobaahan yahay waa maamul xufan.

Xirfada sirdoon saraakiisha aqoonta uleh ayaa qabanaya. Howshiisu waa maamul, hagid iyo hogaamin.

Waxaa sidoo kale loobadinayaa inuu noqondoono Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA). Waa marka uu isaga diyaar unoqdo’e.

Hadase wuxuu ubaahan yahay waa waqti uu kukala fahmo waxbadanoo NISA kusaabsan, malaha waana meesha uu sucdo. Waa hubaal inuu uqalmo xilka loo magacaabay.Hambalyo iyo guul ayaanu leenahay. Mahadsanidiin.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).
Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University
[email protected]. Minnesota-USA.

Ethiopia oo go’aan lama filaan ah ka qaadatay ciidamadeeda ku sugan dhufeysyada xadka Eriterea + Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay dib ula soo baxeyso ciidamadii ka joogay xadka kala dhexeeya dowlada Eriterea.

Dowladu waxa ay sheegtay in xal waara loo helay colaadii kala dhexeysay wadanka Eriterea isla markaana laga gaaray go’aan la xiriira in dib loo soo saaro ciidamada.

Ciidamada Ethiopia ayaa xadka Eriterea ku sugnaa muddo 20 sana ah, kadib markii ay fogaatay colaada labada dal oo gaartay heer la kala qabsado dhulal baaxad leh.

Go’aankan dawladda Ethiopia ay gaartay ayaa waxa uu ka dambeyay kadib marki ay Ethiopia iyo Eriterea  colaaddi u dhaxeysay ay heshiis nabad galyo ku soo afjareen.

Ciidamada Ethiopia ayaa ku sugnaa jiidaha hore ee deegaanada Buree, Zaalambass, Shiraaro iyo Baadme.

Ciidamada Ethiopia ee laga soo saarayo xadka Eriterea ayaa tiradoodu kor u dhaafeysay 100,000 iyada oo ay tirada ciidamada marar badan isbeddeleysay.

Sidoo kale, dowlada Eriterea waxa ay iyaduna dhankeeda ka sheegtay iney qaadeyso tallaabbo la mid ah tan ay Ethiopia qaadday oo ay ciidamadeeda ka qaadeyso xadka labada dal ay wadaagaan.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka labada dal ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka lagu kala qaadayo labad ciidan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Abiy Axmed oo go’aan hanjabaad ka muuqato ka qaatay xiisadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa ku hanjabay inuu Gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah Dalkaasi, markii ay dhawaan hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka u soo jeediyeen inuu wax ka qabto qul-qulatooyinka jira.

Maria Burnett, oo ah Agaasimaha hay’adda u doodda xuquql Insaanka (HRW)  ee Bariga Afrika, ayaa sheegtay in dilalka Qowmiyadaha, gaar ahaan is ugaarsiga ka dhexeeya Soomaalida iyo Oromadu in ay ku beertay walaac aad u weyn.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in marxaladdan ay ku hayso walaac xooggan, wuxuuna ballan qaadan Abiy Axmed, inuu samayn doono dib u habayn xagga ammaanka ah.

Human Rights Watch, ayaa faah-faahin ka bixisay rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Jig-jiga, halkaas oo lagu dilay Dad Shacab ah, laguna boobay hanti, iyadoo Deb la qabadsiiyay Macbadyo iyo goobo kale, taasoo sabab u ahayd markii ay Ciidamada Federaalku xoog ku galeen xarumahii Dowlad degaanka.

Tallaabadaas ayaa ka caraysiisay Ciidanka Liyuu Boolis oo daacad u ah Madaxweynihii hore ee DDSI, iyo Bar-baarta Heego, oo ah Dhallin yaro taabacsan Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo haatan ku jira Xabsi ku yaalla Addis ababa.

Hay’adda ayaa sidoo kale ka hadashay rabshado ka dhacay Magaalada Dire-dhaba oo ay ku dhinteen 15 Qof oo Soomaali ah iyo dilal ka dhacay Shashabane, Tabe, Adama iyo degaanno kale, kuwaasoo intooda badan dhacay Bishan Augost.

Dhinaca kale, waxaa haatan yaraaday xasaradihii ka dhex aloosnayd Soomaalida Itoobiya iyo Oromada, waxaana imminka billoowday in Kumanaan Qof oo kasoo cararay rabshadaha kuna sugnaa Waqooyiga Soomaaliya iyo jabuuti ay dib ugu laabtaan degaannadoodii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
[email protected]

W. Arrimaha dibadda Jabuuti oo war cad kasoo saaray xiriirka Somalia & Jabuuti iyo sida uu noqon doono

0

Jabuuti (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf aya ka hadlay xiriirka dalalka Soomaaliya ee Jabuuti, kadib booqasho uu dalkaasi ku tegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu ahaan doono mid xoog leh ka sokow dib u dhicii dhowaan soo wajahay, wuxuuna intaas ku daray in socdaalka madaxweyne Farmaajo ku joogo Jabuuti iyo wadahadallada uu la leeyahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay xaqiijinayaan xiriirka qotoda dheer ee labada dal.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ay maalintii labaad ku sugan yihiin dalka Jabuuti si xal loogu helo madmadow soo dhex galay labada dal oo yimid kadib socdaalkii Farmaajo ee dalka Eritrea iyo baaqiisii ahaa in Q/Midoobay ay cunaqabateynta ka qaado dalka Eritrea.

Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in wadahadal toos ah u socdo madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iyadoo lagu wado in maanta gelinka danbe laga soo saaro War-murtiyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

 

Madaxda maamul goboleedyada oo hagbad (Ayuuto) u sameystay si ay uga hor tagaan hal arrin

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta badan madaxda maamulada Somalia waxaa kusoo wajahan doorashooyin waxaana jirta walaac  xooggan oo ku aaddan in Dowladda dhexe ay la timaado xubno ay gadaal ka riixeyso.

Madaxda shanta maamul goboleed ee Somlia ayaa ku heshiiyay iney Hagbad ama Ayuuto sameystaan taas oo lagu caawinayo musharax kasta oo iyaga ka mid ah oo doorasho galaya. Maamul walba wuxuu bixin doonaa hal milyan oo dollar waxaana la siin doonaa musharaxa markaas doorashada galaya si uu ugu guuleysto inuu dib usoo noqdo. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Koonfur Galbeed maamula wuxuu noqon doonaa midka koowaad ee lacagtaa la siiyo madaama ay doorashadiisu soo dhowdahay.

Arrintaan waxaa ka shaqeeyay xoghayaha guud ee golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdi Cali  Rage, wararka ayaa sheegayaan in dhammaan madaxda maamuladu ay aqbaleen qorshahaan iskaashiga dhaqaale ee u sahalaya inuu mid walba dib usoo laabto markii la gaaro xiligiisa doorashada.

Xogtu waxey intaaa ku dareysa in sidoo kale lagu heshiiyay in madaxweyne goboleedkii mooshin laga keenno la isugu dari doono min shan boqol oo kun oo dollar si uu mooshinka isaga difaaco. Arrintaan waxey muujineysa ayaa la lee yahay culeeska heysta madaxda maamulada Soomaaliya ka jira.

Dadka deegaanka yo odayaasha dhaqanka ayaa badi damacsan is badalo laakiin waxaa ragga talada haya ka go`an iney boosaskooda kusoo laabtan. Hagbadda ay sameysteen shanta maamul goboleed ee ka jirta Somalia ayaa dhanka kale cules ku noqon karta qorshaha ay Dowlada federaalka ah ku raadineyso is badalo ka dhaca maamul goboleedyada, waxaana laga yaabaa inuu khilaaf dhasho hadii ay doorashooyinka qaar fara galiyaan.

Sido kale  talaabadan waxey muujineysa in dowlada dhexe aaney wali kala fur furin midnimada madaxda maamul goboleeyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu ku dambeyn doonaa mustaqbalka NISA?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxaa ay ku jirtay xaalad kacsan iyadoo ay adkaatay iney wada shaqeeyaan xubnihii  loo dhiibay hoggaanka NISA.  Hay`adddani waa mida ugu badan ee caalamku lacago ku bixiyaan.

Wax badan ayey amnig Xamar ka badaleen muddadii ay jireen inkastoo dhinaca kalana ay dhib badan lee yihiin.

Taniyo markii maamulkeeda loo mgacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen waxaa dhalatay dood ah qaabka ay  u shaqeyso hay`adda sirdoonka Somalia.

Dadka caasimaddu waxa ay arki jireen ciidamada NISA oo leh dhar lagu yaqaano, hub xoogan wadooyinka la taagan ,oo dadkana u sheegaya iney sirdoon yihiin, taas oo fashil badan abuurtay.

Sida uu qoray Wargeyska Muqdisho Evening News , taliyaha cusub ee NISA Xuseen wuxuu soo jeediyay in la badalo guud ahaan hannaanka sirdoonka Somalia oo loo badalo qaab dharcad u badan iyo xog aruurin , oo la joojiyo ciidamadan jidadka dhooban balse arrintaas la iskuma waafaqin, oo waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan isaga iyo kuxigeenkiisa ah, sidoo kale waxaa jiray doodo ka abuurmay maamulka dhaqaalaha, hubka iyo amarrada oo is garab yaac badan uu ka jiray waxaana ay taasi keentay inuu khilaafkoodu bannaanka yimado.

Xuseen oo la aaminsanaa inuu awood iyo garab buuxa ka heystay xafiiska madaxweynaha ayaa shaqo joojin ku sameeyay ku xigeenadiisa, laakiin Jaamac iyo Cabadala Cabadala oo iyaguna ku tiirsanaa xafiika Ra`iisul wasaare Kheyrre ayaa isku dayay iney arrintaas ka biyo diidaan iyadoo ay doodo ka dhasheen sharciga arrintaa la xiriira.

Si walbaba madaxweyne Farmaajo ayaa maanta soo afjaray dagaalkii Nisa markii uu xilalkii ka qaaday labadii kuxigeen ee Cabadala Cabdala iyo Jaamac waxaana uu soo magacaabay Fahad Yaasiin oo laga  dhigay taliye kuxigeenka NISA. Hada waxaa la hadal hayaa iney NISA dhinac isu raaci doonto, waxaa loo baahan doonaa in dib loo helo ciidamo gaar ah oo fuliya howlgalada, oo sidoo kalana la tacalaali kara amniga caasimadda.

Waxaa dood la galin kara qibrada Amni ee Fahad Yaasiin iyo Xuseen oo hadda ah labbada nin ee ugu sareysa sirdoonka Somalia balse dadka yaqaana Fahad Yaasiin waxey sheegeen inuu yahay nin u saldhigi kara NISA.

Waxa ugu weyn ee la filanaayo waa inuu taliyaha NISA dhaqan galin doono falsafaddiisa cusub ee sirdoon ka oo aheyd mid uu ka dhaadhicin waayay kuxigeenadiisii hore, sidoo kale waxa laga cabsi qabaa iney dhacaan jilaafooyin amni oo ka yimaada NISA madaaama la isku qabsaday xukunka sirdoonka.

NISA oo ciidan muhim ah u aheyd taliskii madxweyne Xasan Shiikh ayaa hada ahmiyadeedii hoos u dhacday base waxaa laga yaabaa in dib boorka looga jafo.

Waxaa kaloo la hadal hayaa iney hada si fiican ugu milmi doonaan siyaasada. Tobankii bilood ee lasoo dhaafay waxaan NISA ay ku eedeyeen xoogaga mucaaradka ee Somalia iney NISA ku milantay siyaasadda iyadoo Soomaalidu ku heshiisay inaan ciidanka lagu lifaaqin is jiid jiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda, taasoo haddii  ay dhacdo keeni karta iska hor imaad bulsho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Trump oo ku hanjabay inuu ceejin doono Turkiga iyo W. Arrimaha Debadda Turkiga oo sheegay inaysan aheyn filimka Cowboy

0

Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay cunna qabateynta kusii adkeyn doonaan dalka Turkiga oo uu ku eedeeyey inay muddo badan ka faa’ideysaneysay Mareykanka, wuxuuna hadalkaan kusoo aaday xilli Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin uu ku hanjabay inay cunaqabateynta kusii adkeyn doonaan dalka Turkiga haddii aysan si deg deg ah usoo deyn Baadariga dalkeeda u dhashay ee lagu magacaabay Andrew Brunson kaasoo muddo u xiran.

Taas badalkeeda Wasiirka Arrimaha Debadda Dalka Turkiga ayaa sheegay inaan khilaafka labada dal lagu xallin karin sida ay wax u wado Mareykanka isla markaasna aysan u arkin inay tahay saaxiib dhow oo aan laga maarmi karin.

Madaxweyne Trump oo farriin soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay inay dowladda Turkiga xiratay nin aan dambi laheyn isla markaasna ay arrintaas tahay afduub, wuxuuna xusay inaysan Mareykanka wax ku badalan karin shakhsi uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan dambi gelin isagoo ku hanjabay inay ceejin doonaan.

Trump oo inta uusan qoraalkaas soo dhigin bartiisa Twitterka kulan xasaasi ah la qaatay xubnaha ugu sareeyo dalkiisa ayaa u sheegay in Turkiga uusan weli kala caddeyn haddii uu Mareykanka u yahay saaxiib fiican.

Kulankaas ayuu Trump sidoo kale ku xusay inay dowladda Mareykanka ka caawisay Turkiga sii deynta muwaadin uga xirnaa wadan uusan magacaabin, wuxuuna tilmaamay in wadanka ay iskala tirsan yihiin NATO uusan abaal uga heyn arrintaas.

Wasiirka Maaliyadda Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay inay Turkiga u qorsheeyeen cunna qabateyn dheeraad ah haddii aan si deg deg ah loo soo deyn Baadariga laga heysto.

Dowladda Turkiga ayaa Jawaab kulul ka bixisay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka kadib hadal uu jeediyey wasiirka Arirmaha Debadda Turkiga Hakan Çavuşoğlu.

Hakan Çavuşoğlu ayaa aaminsan in khilaafka labada dowladood lagu xallin karo qaab fudud balse aysan waxba ku socon karin qaabka uu Mareykanka hadda wado isagoo si cad u sheegay inaysan Mareykanka u arkin Saaxiib xaqiiq ah.

Wasiirka oo la hadlayey xubnaha Safaaradaha dowladaha shisheeye ee ku yaal Ankara gelinkii dambe ee Khamiistii Shalay ayaa sheegay in Turkiga uusan rabin inay sii jirto dhibaatada kala dhaxeyso Mareykanka , isagoo tilmaamay in Ankara ay dhawr jeer Washington u gudbisay xallinta khilaafkaan sidoo kalana ay ku wargeliyeen in cunna qabateyn aysan waxba soo kordhineyn.

“  Waxaa Waajib ku ah Mareykanka inoo ogaado in arrinta aysan aheyn filimka Cowboy, anaga ma jileyn mana diiwaan gelineyno Filimka Cowboy, waxaana nahay laba dowladood oo awood leh waxaana haboon xiriirka inuu noqdo mid wanaagsan, isla markaasna ay noqdaan kuwa yaqaan sidii la isku qadarin lahaa,  is ixtiraamka kuma imaado  cadaadis balse wuxuu ku imaadaa isku soo dhawaansho” ayuu yiri Hakan Çavuşoğlu.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa carabka ku dhuftay inaysan jirin wax dambi ah oo ay Turkiga ka gashay Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
[email protected]

 

Maxaa laga fahmayaa Booqashadii uu Farmaajo ku tagay dalka Jabuuti?

Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho dhowr ujeedo xambaarsan ku tagey shalay Jabuuti, kadib markii uu ka xumaaday hadal uu dhawaan isaga Asmara ka jeediyay.

Safarka Farmaajo ayaa dhalilay hadal-heyn badan, maadaama uu kusoo beegmay xilli xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu meeshii ugu hooseysay gaarey kadib booqashadii Madaxweynaha ee Eritrea bishii July.

Jabuuti ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii Muqdisho, wax yar kadib markii uu Farmaajo uu Qaramada Midoobey ugu baaqay inay xayiraadda ka qaadaan Eritrea, hadalkaasi oo Xukuumadda Jabuuti sheegtay inay ka naxday, oo lama filaana ku noqday.

Siyaasiga Maxamed Cabdi Wahaab, oo wareysi  siiyay Radio Garowe ayaa si qoto-dheer u falan-qeeyay socdaalka Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku micneeyay mid loo baahnaa, oo waqtigeeda yimid.

Mar wax laga waydiiyo in booqashada Jabuuti ay tahay mid uu doonayo Farmaajo inuu kasooo raali-geliyay Ismaaciil Cumar Geelle, hadii uu ka jeediyay Asmara ee ku baaqay in Cunaqabateynta, ayuu ku jawaabey “Waa noqon kartaa.”

Maxamed oo horey usoo noqday Agaasiimiha Wasaaradda Waxbarashada Puntland, gaar ahaan dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa xusay in Jabuuti ay tahay walaal aan la lumin karin.

“Aniga waxaan u arkaa in Madaxweyne Soomaaliya haddii markii uu joogay Eritrea ay hoos baxday in hadda inuu ka odiyeeyo waa arin mudan, waana arin u baahan in lagu bogaadiyo,” ayuu yiri Maxamed.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay door ka qaadan doonto islamarkaana dedaal ay ku bixinayso in heshiis la dhex-dhigo Eritrea iyo Jabuuti, maadaama gobolka Geeska Africa hadda uu ka socdo Isbedel.

Siyaasiga ayaa aaminsan in Soomaaliya ay mudan tahay inay dhex-dhexaadan ka noqoto khilaafka Jabuuti iyo Eritrea, maadaama labada dal uu kala dhaxeeyo xiriiro taariikhi ah, oo midna lala safan karin.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelley ayaa ka arrinsadeen kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Muuqaal: Dalxiisayaasha Soomaalida ee Galmo-doonka ah oo Guur ku qiyaano Gabdhaha!

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Warbixin lagu baahiyey Tv-ga Channel 4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa waxaa looga hadlay Haween Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo looga faa’iideestay dhaqaalo xumo heysata in rag ka yimaada dalka dibadiisa ay sixun ula dhaqmeen.

Warbixinta oo aheyd mid dokometeri ah ayaa waxaa diyaariyey Wariye Jamaal Cusmaan,waxana lagu soo bandhigay Haween sheegayey in Rag ka yimid dalka dibadiisa ay ku maran habaabiyeen Guur beenaad iyo haween kale oo sheegayey in Waalidiintooda ay deyriyeen.

“Waxaan la kulanaa Rag iskula socda Saddex Saddex  oo mid ka mid ah Wadaad iska-dhigaya,waxana meesha ka dhaca in ay nagu mehehrsadaan guur  been abuur ah,markii raga qaarkood ay qurbaha ku laabtaan la iska iloobo Guurkii oo loogu magacdhabo’Guur Dalxiis’ ayay qaarkood ku sheegeen Warbixinta.

Muuqaalka Warbixinta qaarkood ayaa waxaa lagu arkayaa Haweenka Soomaalida qaarkood oo ilmeynaya,iyaga oo sheegay in Noloshooda ay naceyn.

Warbixinta oo aad u dheer Hoos Ka Daawo Waxaana diyaariyey Wariye Jamaal Cusmaan.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]