24.5 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Meydadka Somali badan oo la geeyay Jigjiga iyo dibad bax ka socda + Sawirro

Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDS ka bilowday Banaanbaxyo waa weyn oo ay dhigayaan dadka deegaanka.

Banaanbaxa oo aad u xoogan ayaa waxa uu ka socda waddooyinka magaalada iyadoo uu banaanbaxa yimid ka dib markii lasoo bandhigay meydka in ka badan 15 qof oo Soomaali hor leh.

Meydadka oo cusub ayaa isugu jira Haween, Caruur iyo Dad waayeel Soomaaliyeed ah oo lagu laayay degaanka Tuli-Guuleed oo ay weerar kusoo qaaden ciidamada Oromada la keenay jigjiga.

Dadka Meydadkooda lasoo bandhigay ayaa waxaa intooda badan xabad looga dhuftay Madaxa iyo wadnaha, halka qaar la aqoonsan la’ yahay wajigooda.

Banaanbaxyada xoogooda ayaa ka socda gudaha magaalada Jigjiga iyo Barxada Isbitaalka weyn waxa ayna dadkaasi yihiin kuwo ku qeylinaayo sharciga.

Sidoo kale, waxaa banaanbaxyada socda ka hortagooda ku guul dareystay ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga Ethiopia waxa ayna dadku ahaayen kuwo xitaa eryanaayay ciidamada.

Arag sawiro: Sanado kadib laga soo qaaday garoonka Stadium MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Stadio Muqdisho ee Degmada Warta Nabadda ka guuray ciidamada AMISOM qeybtii ugu danbeysay.

Bixitaanka ciidamada kadib ayaa waxaa Garoonka Stadio Muqdisho gudaha u galay kumanaan shacab ah kuwaa oo ku damaashadaya garoonka.

Dadka gudaha u galay Garoonka ayaa waxa ay isugu jiraan rag, dumar, carruur iyo dad waaweyn oo halkaa ku soo dhaweynaya tallaabada Ciidamada AMISOM ay kaga guureen.

Banaanbax nabadeed oo soo dhaweyn ah ayaa halkaasi ka socda,waxaana halkaasi ku qulqulaaya gaadiid farabadan oo ay wataan dad shacab ah.

Sidoo kale, Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Somalia ayaa ku sugan Garoonka Stadio Muqdisho, halkaa oo ay sugayaan amaankeeda.

Ciidamada AMISOM ayaa garoonka ka baxay 7-sano kadib waxa ayna ka dhigan tahay tallaabo wanaagsan oo ay ku dadaashay dowladda Federalka Somaliya.

Sawiro laga soo qaaday dadka isugu tagay garoonka ayaa muujinaya iyaga oo ku dabaaldegaya qeybaha kala duwan ee garoonka, maadaama baaxadiisa ay weyn tahay.

Sawiro: Mareykanka oo DF u diyaariyey ciidan cusub oo u booda goobaha halista

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa tababar cusub u soo xirtay Ciidamo Soomaali ah oo ka tirsan qeybta sida gaarka ah u tababar ee Danab.

Ciidamadan oo ay ku jiraan kuwa u booda goobaha halista iyo guryaha ayaa waxaa tababarka loogu  soo xiray Muqdisho.

Ciidamadan oo sidoo kale loo tababaray fulinta  howlgallada qorsheysan, ayaa ka howlgali doona Saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay Somalia.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay 31 askari oo ka tirsan ciidamada Danab ayaa tababarkan la siiyay.

Ciidamadan ayaa loo dhameystiray saanad ciidan ee askari u baahan yahay, waxaana taasi sii dheer in askartan la siiyay gaadiid ay ku hawlgalaan.

Sidoo kale, Saldhiga ugu wayn ee Ciidamada Danab lagu tababaro, ayaa wuxuu ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose, hayeeshe ciidankaan ayaa intii uu tababarka u socday, waxa ay ku qaadanayeen Xerada Xalane oo Saraakiisha Mareykanka ay joogaan.

Desaleng oo ku hungoobay faragalin toos ah oo uu ku sameeyay kiiska ILEY

Addis Ababa (Caasimada)-Wararka aan ka heleyno Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DDSI ayaa sheegaya in Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn uu ku hingoobay qorsho lagu sii deyn lahaa Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Cumar oo shalay Xsi la dhigay.

Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa dadaal dheer kadib ka gaabsaday qorsho dib xoriyadiisa loogu soo celin lahaa Cabdi Cumar oo ku xiran Xabsi ku yaala magaalada Addis Ababa.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Soomaalida oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in Hailemariam Desalegn uu arrintaasi kala hadlay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, hase yeeshee Abiy uu ka cudur daartay dalabkaasi, isaga oo soo jeediyay in sharciga loo madaxbaneeyo arrinta Cabdi Cumar.

Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxa uu Abiy usoo bandhigay in Cabdi Cumar lasiiyo xoriyad uu ku dhex joogi karo gudaha dalka isagoo ay ku socto dacwada ku furan, hase yeeshee waxaa arrinkaasi diiday Abiy Axmed oo ka hor imaaday in Xabsiga iyo goobaha sharciga laga wado Cabdi Cumar inta ay arintiisa meel u dhaceyso.

Hailemariam Desalegn, ayaa xiriir wanaagsan waxa uu kala dhexeeyay Cabdi Cumar waana sababta keentay inuu ka shaqeeyo xoriyadiisa, wallow uu ku guul dareystay.

Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa ballanqaaday in Cabdi Cumar uu dhadhamin doono sharciga saxda ah, isagoo ka digay in faragalin lagu sameeyo arrinta Cabdi Cumar ilaa iyo laga soo taagayo Maxkamad.

Dowlada Ethiopia ayaa Cabdi Cumar wali ku heysa baaris ku aadan inuu geystay tacadiyo isugu jira dil iyo boob dhul iyo mid dhaqaale, waxaana la ogeyn natiijada kasoo bixi doonta barista socta ee sababi doonta in lasoo taago Maxkamad.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Isku shaandheyn cusub oo laga yaabo in lagu sameeyo xukuumada R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cali Kheyre wuxuu doonayaa inuu eryo xubno cusub oo ka tirsan wasiiradiisa, waxaa la sheegi jiray iney jiraan xubno saaxiibadiis ah oo ay adag tahay inuu badalo laakiin waxaa tusaale noogu filan wasiirkii hore ee waxbarashada.

Xukuumada Kheyre waxey caan ku tahay xilka qaadis, inta badan wasaaradaha waxaa ka dhacay isbadal mudadii ay xukuumadaan jirtay, taasoo ah iney ehel u tahay khilaaf iyo is qab qabsi, hadii aanu khilaaf jirin ama uu kheyre nin quman yahay intaan oo qof shaqada lagama eryeen.

Sida xogta lagu helayo ku dhawaad afar wasiir ayaa laga yaabaa iney shaqada ka baxaan ama laga eryo xukuumadda kheyre, xubnaha la hadal hayo iney bixi doonaan waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Sidoo kale wararku waxey sheegayaan iney suuragal tahay inuu baxo wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, laakiin waxaa loo badinayaa in loo wado dhanka duqa magaalada Muqdisho, balse hubanti isloow wax badan kama uusan qaban amniga dalka, waxaana xeel dheerayaashu ay aaminsan yahiin inuu mudan yahay in xilka laga qaado.

Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre wuxuu sheegaa ineysan is khilaafeynin isaga iyo madaxweyne Farmaajo laakiin mar walba wuxuu shaqada ka eryaa qaar ka mid ah wasiiradiisa taasoo salka ku heysa khilaaf.

Haddaba inuu dalka shaqeeyo miyaa muhiim ah mise in la ilaaliyo khilaafka kheyre iyo Farmaajo, hadii uu dalka muhiimsan yahay waxey aheyd in waqti fiican loo siiyo wasiirada shaqadooda si ay dalka cagaha ugu dhigaan, balse hadda waxaa muuqata on masiirka guud ee dalka ay ka muhiimsan tahay ineysan Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha is khilaafin.

Hadii isku shaandheyntaan ay dhacdo waxey ka dhigan tahay in 85% xukuumadda Xasan Cali Kheyre isbadal lagu sameeyay.

XAAF: DF Soomaaliya aad ayey noo gacan bidixeysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay gacan bidixeysay maamulkooda.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne Xaaf in dowladda federaalka aanay ka hayn muwaacinno iyo dhaqaale.

Sidoo kale, Xaaf ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug iney isku tashi sameeyaan islamarkaana ay ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo bixinta canshuuraha.

“Dowladda Federaalka aad ayeey inoo gacan bidixeysay, wax mucaawino ah kama hayno, dhaqaale kama hayno, hadda ka bacdi yeenaan ku tashan ee aan isku tashan, aan ka shaqeyno sidaan canshuur u uruurin lahayn, sidaan dib u dhis u sameyn lahayn, haddi beel caalam ka timid dowladda federaalka ayaa dhexda u joogta , noomana gacan furna” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug ayaa marar badan ku dhaliilay dowladda federaalka arrimo ku aadan farogelin iyo wixii la mid ah.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BF oo hal sabab ugu yeeray saraakiisha DF & kuwa Amisom (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlaayay furitaanka 4-aad ee golaha shacabka ayaa sheegay in kalfadhiga uu furmi doono dhawaan.

Guddoomiye Cawad oo ku hadlaayay magaca Guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in ka hor furitaanka kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka ay muhiim tahay inay la kulmaan Saraakiisha DFS iyo kuwa AMISOM u qaabilsan amniga Xarunta.

Guddoomiye Cawad, waxa uu sheegay in sidaa aawgeed uu Guddoonka Golaha shacabka BFS u yeerayo dhammaan Saraakiisha ciidamada DFS u qaabilsan Xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu Cawad sidoo kale sheegay in Guddoonka Golaha uu sidoo kale isugu yeeray Saraakiisha waaweyn ee ka tirsan Taliska ciidamada AMISOM, qeybta ciidamada dowlada ka Caawisa amniga xarunta Golaha.

Waxa uu Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad tilmaamay in mar waliba uu guddoonka diyaar u yahay in ciidamada ammaanka ee qaabilsan amniga xarunta kala shaqeeyan dhan waliba oo ku xeeran duruufaha shaqo.

Waxa uu sheegay in ahmiyada ay isugu yeerayaan Saraakiisha ay tahay in la dardar geliyo amniga maadaama uu dib u furmi doono kalfadhiga baarlamaanka.

“Waa khasab in furitaanka kalfadhiga ka hor aan la kulano Saraakiisha DFS iyo kuwa AMISOM u qaabilsan amniga xarunta, waayo furitaanka ka hor waa in la adkeeya amniga xarunta”

Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa si wada jira u ilaaliya ciidamada dowlada qeybta Booliska iyo kuwa AMISOM oo iska kaashta sugida amniga xarunta.

Haddalka Guddoomiye Cawad ayaa kusoo beegmaya iyadoo 10-ka bisha September ee soo socoto la iclaamiyay in Madaxweynaha JFS Mudane C/laahi Farmaajo uu si rasmi ah u furi doono  kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Calanka Somaliland oo laga taagay QASRIGA boqortooyada Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Calanka maamulka Somaliland ayaa laga taagay qasriga madaxtooyada boqortooyada dalka Sacuudiga ee magaalada Riyadh, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah taleefishinada dalka Sacuudiga.

Calanka Somaliland ayaa kasoo muuqday xaflad uu boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdul Casiis u sameeyey qaar ka mid ah madaxdkii ka qeyb-gashay xajka sanadkan, oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdriaxmaan Saylici.

Ka sokow calanka laga taagay qasriga, weriyaha taleefishinka Sacuudiga ee warka aqrinaya ayaa Saylici ugu yeeraya “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland”, taasi oo dad badan ka yaabisay.

Lama oga sababta Sacuudiga sidaan u sameeyeen, hase yeeshee xiriirka xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee Imaaraadka uu ka mid ah yahay iyo dowladda Soomaaliya ayaa xumaa tan iyo markii dowladdu diiday inay taageerto xulafada ayada oo dhex-dhexaad ka noqotay khilaafka kala dhaxeeya Qatar.

Somaliland oo dekedda Berbera heshiis kula gashay Imaaraadka Carabta ayaa ay si aad ah isugu dhow yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Cawad ayaa dhowaan la saftay Sacuudiga markii ay is-qabteen Canada, hase yeeshee ma muuqato in taas ay wanaajisay xiriirka Muqdisho iyo Riyadh.

Maxaa ka run ah warbixintii foosha xumeyd ee laga SOOMAALIDA qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Bloomberg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika.

Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la’aan, argagixisonimo iyo shaqo la’aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacdo.

Bishii lixaad ee sanadkaan ayay ahayd marki cilmibaaris waqti socotay oo lagu sameeyay London lagu soo gababeeyay in Soomaalidu tahay hurmuudka burcadda gaysato danbiyada ugu badan ee dhaca London. Warbixin kale oo la daabacay 2017’ki ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool Ingririiska 65% shaqo la’aan yihiin tasoo ka dhigan in 65% cayr ku noolyihiin. Xagga waxbarashada lama sheego war ku farax galiyo.

Maxaa ka run ah sheekooyinkaan laga qoro Soomaalida? Haddii ay jiraan maxaa ugu wacan?

Waa jirtaa in badan oo ka mid ah waxa laga qoray Soomalida sida shaqo la’aanta iyo in caruurta soomaaliyeed ay ka hooseeyaan qowmiyadaha kale xagga waxbarashada. Laakiin taasu maahan mid ay ku ceebaysantahay Soomaalidu waxayna leedahay cudurdaar muuqdo. Soomaalida Galbeedka ku nool xooggeedu wuxuu yimid wixii ka danbeeyay bururki dalka. Waxay ahaayeen dad soo qaxay oo naftooda lasoo baxsaday oo habqan ah. Waxaa yimid caruur iyo dumar iyo qoyays kala maqan.

Markii ay yimaadeen, howsha ugu badan oo u taallay waxay ahayd in ay dagaan, la midoobaan qoyskoodi inta maqan iyo gacan qabashada intii ay kasoo tageen. Dadka sidaas ku yimid ayaa la garab dhigaa qowmiyadaha Hindida, Kiinyaanka iyo Shiinayska ah. Kuwa danbe ee an sheegnay waxaa kasoo dhoofo dad dhalin yaro ah, waxsoo bartay una soo dhoofay shaqo iyo aqoon kororsi. Marki ay yimaadaa waxa u yaallo waa un shaqo raadin iyo horumar halka Soomaalidu dagidda iyo caruur u dacwoosho ay ka qaadato sanado badan.

Sidoo kale qowmiyadaha kale ee la garab dhigo Soomalaida waa kuwo halkaan joogay in ka badan 100 sano oo xaaladda aan maanta marayno soo maray una gudbay mid xasilloon oo ay ku hormari kataan. Tusaale, Hindida waxaa waddaankaan la keenay wayadii guumaysiga. Waxaa loo soo qaatay inay ka shaqeeyaan dhismooyinka dalku u baahnaa. Ilaa waqtigaas waxay ku jiraan horumar tartiib-tartiib u socday oo gaarsiiyay halka ay maanta joogaan.

Waxaa kaloo jiro kala duwanaansho xagga aragtida ah kuna saabsan shaqada iyo tabaca. Dadka Kiinyaan ah ee lagu sheegay inay yihiin ugu wax soo saarka badan soogalootiga Maraykanka waxay u badan yihiin dhaqaatiir iyo Inginneerro iyagoo aqoon leh ka yimid Kiinya. Wax soosaarka la sheegayo waa adeegga ay u qabtaan dadka Maraykanka iyo canshuurta badan ee laga qaado. Labadaan arrimoodba waa kuwo muhiim u ah dowladda martida loo yahay.

Laakiin Soomaliga taraaglaha ah ee qaato labo jibbaar inta uu qaato dhaqtarka, Maraykanka wuxuu ugu jiraa mid aan waxso saar badan lahayn. Sababta ayaa ah inuusan bixin canshuurti saxda ahayd maadaama waxa soo galo aysan u cayinnayn dowladda sidaasna xisaab badan dhexda looga saaro. Soomaalida iyo in badan oo muslimiinta ka mid ah dantooda ayay eegtaan oo ah sideey lacag badan ku samayn lahaayeen iyagoon wax badan ku celin dowladda lagana yaabo inayba dowladda wax dheeri usii doontaa. Taasi waa sababta ugu badan ee soomaalidu wada taksiile u tahay.

Dadka ree Maraykan shaqada ugu hoosayso waxay u yaqaannaan taksi, laakiin Soomaalidu waxay ugu jirtaa shaqooyinka ugu fiican. Waxaa kala duwan meelaha laga eegayo. Soomaaligu wuxuu ka eegayaa imisaa kusoo gashay iyo imisaa meel dhigatay. Caddaanka iyo dowladdiisu waxay ka eegayaan waxba dalka masoo galiyo iyo wax xirfad ah ma leh.

Masayr

Dadka sameeyo daraasaadkaan iyo kuwa qoro warbixinnada foosha xun ee Soomaalida ku saabsan maahan kuwo moog arrimaha aan sheegay. Waa ogyihiin inaysan caddaalad ahayn in la is garab dhigo dhaqtar Kiinya kasoo shaqo tagay iyo wiil soomaali oo tahriib kusoo galay oo naftiisa lasoo cararay. Laakiin sababta ugu badan ee loo bixiyo sawirka foosha xun waa hinaaso iyo xaasidnimo.

Soomaalidu waa dad firfircoon, dadaal badan haddana han sare leh. Dal walba oo ay tagaan waxay isku dayaan inay gaaraan meelaha ugu sarrayso halka soogalootiga kale ay isku dayeen inay is qariyaan oo ku koobnaadaan shaqooyinkooda. Tusaale, Carabta Maraykanka ah waxaa lagu qiyaasaa ilaa  saddex milyan iyo bar. 1880’aadki ayay billeebeen Carabtu inay Maraykan dagaan. Waxay qaadatay in badan 50 sano inay galaan siyaasadda dalkaas. 1960’aadki ayay billaabeen inay ku baraarugaan siyaasadda ilaa mantana qof kuma leh labada aqal ee dalkaas iyagoo wato dhaqankoodi.Dhaqankoodi waxaan kaga jeedaa inay jiraan Carab koox ah siyaasadda dalkaas meelo sare ka gaartay laakin dhammaantood waxay ka sinnaayeen inay Carabnimo iyo Islaamnimo midna wadan.

Dhinaca kale, Soomaalidu waxay joogtaa Ameerika wax ka yar 30 sano waxayna si dhaqso ah ooga soo muuqdeen siyaasadda dalkaas iyagoo hawaystay meelo ay soogalooti ka horeeyay hawaysan. Soomalidu waxay la dheeryihiin Carabta, Shiinayska, Hindida iyo Afrikaanka inaysan baddalin magacyadooda iyo dhaqankooda markay doonayaan mansab sare (waxaa jirto Ayaan Xirsi iyaduna waa kali oo maahan dhaqan nagu baahsan).

Dalalka Afrikaanka ama Aasiyaanka aan ee aan siyaasaddooda cid kale u ogalayn Soomaalidu waxay ku qabsataa ganacsi. Laga soo billaabo waddamada dariska ah ilaa koonfurta Afrika ilaa Shiine iyo Hindiya waxaa iksu xiran ganacsi Soomaaliyeed mana jiro meel ganacsi ka jiro oo aysan soomaali xafiis ku lahayn.

Dadnimada noocaan ah maahan mid loo ogolyahay dad madow oo laangaab ah haddana muslim ah una sii dheertahay dhibaatooyin badan oo ka jiro dalkooda. Taasi waxay keentay in lagu mashquulo ceeb u helidda horumarka soomalida. Aqoonyahaniinta iyo wargaysyadu waxay xoogga saareen inay cudurdaar foolxun u raadiyaan guulaha aan la qarin karin ee soomaalidu gaartay. Tusaale, Jakob Rasmussen waa borofeesar u dhashay Danmaak. Waa aqoonyahan daraasaad badan sameeyo macallinna ka ah jamacadda Roskilde oo kutaal Danmaak.

Jacb wuxuu waqti badan galiyay inuu fahmo nolosha Soomaalida. Wuxuu u socdaalay waddamada Galbeedka ee ay Soomaalidu dagantahay. Wuxuu sidoo kale aad u tagaa Kiinya oo uu warbixinno badan ka diyaariyay Soomaalida. Dhammaan daraasaadka uu sameeyay wuxuu helay in horumarka soomaalidu xawaare dheereeyo ku socdo. Wuxuu qiray guulaha la yaabka leh ee ay ka gaareen galidda siyaasadda waqooyiga Ameerika, ganacsiyada ay ku haystaan iyo sida caruurta Soomaaliyeed usoo gaarayaan dadyowga kale xagga waxbarashada. Sidoo kale wuxuu waxbadan ka qoray ganacsiga Soomaalida ku leedahay Afrika wuxuuna qiray haddii aysan Soomaali ahayn in isu socodka bariga Afrika uu cariiri noqon lahaa.

Hasa yeeshee dhamaan qorallada Jacob waxay xamaarsanyihiin sawir foolxun. Ammaan walba oo u helo wuxuu hoos ka raaciyaa in horumarkaas Soomaalidu ku gaartay khiyaano, tuugo, wax isdabamarin iyo kuwo la mid ah. Warbixinnada wax dhimaalka leh ee ugu danbeeyay ee uu qoray waxaa ka mid ahaa middi uu kaga hadlay sonkorta soomaalidu Kiinta keento.

Dacaayadaha ka abuurmay xasadka maahan kuwo Soomaalida ku gaar ah. Dhammaan qowmiyadaha isku dayo inay siyaasadaha galaan ayaa lagu qaadaa weerarrada caynkaan ah si looga reebo tartanka horumarka. Dalkaan Ingiriiska waxaa ku nool Aasiyaan malaayiin gaarayo. kuwa ugu badan waxay ka kala yimaadeen, Hindiya, Bangalasheesh iyo Bakistaan. Hindidu waxay xoogga saartay waxbarashada iyo tabac lacageed. Waxay sidoo kale u badan yihiin dad aan muslim ahayn una nugul raacidda sida laga rajaynayo soo galootiga. Taasi waxay keentay inay noqdaan dadka ugu aqoonta sarreeyo dalkaan, caruurtoodu ku jirto kaalimaha koowaad ee imtixaannada, ganacsiyada ugu waaweyn ee ajaanibtu leedahayna leh. Waxay mutaysteen ammaan aan dhammaan iyo in laga bixiyo sawir qurux badan.

Dhinaca kale waxaa taagan Bakistaanyiin soomalida la mid ah. Waa dad firfircoon oo aan la joojin karin. Waa muslim dhiig kulul oo aa aqbalin guumaysi. Waxaa ku weyn diinta iyo dhaqankooda. Waxayna leeyihiin sida Soomalida han ka sarreeyo lacag iyo xirfad. Sidaas darteed waxaa lagu qaaday dagaal qabow. Ilaa maalinti ay dalkaan billaabeen inay yimaadaan ilaa maantada qoyan wax xun ka sheekoodu idaacadda kama baxo. Waxaa lagu tilmaamaa inaysan shaqayn, cayr ku noolyihiin, caruurtoodu waxbarashda ka haraan danbiyo badanna galaan. Haddii hal wiil oo Bakistaani danbi galo asbuucyo ayaa lagu soo celcelin warka dagdagga ah.

Saas oo ay tahay waa la joojin waayay. Waxay baarlamaanka Ingiriiska ku leeyihiin 12 xildhibaan oo doorasho kusoo baxay, halka Hindida oo labo jeer ka badan ay heleen 10 xildhibaan kaliya. Meeyarki ugu horreyay ee aan caddayn ahayn oo London yeelato wuxuu noqday Saddiiq Khan oo Bakistaani ah. Waxay ahayd arrin aan waligeed la jarayn. London kaligeed ayaa dal ah, shacab ahaan iyo dhaqaale ahaanba dalku waa iyada iyo meel cidla ah sidaas darteed meeyarkeedu waa mid awood badan. Sidoo kale wasiirki ugu horeeyay ee qabto xilki ugu sarreeyay ee ay helaan dadka laga tiro badan tahay waxaa hayo nin Bakistaani ah oo ah wasiir arrimaga gudaha ee dalkaan. Xagga muhiimmadda waa qofka Afraad. (Raysulwasaaraha, wasiirka maaliyadda, midka arrimaha dibadda kan arriamha gudaha). Waris oo xildhibaanah ah ayaa noqotay ruuxii ugu horreyay ka yimaado dadka aan caddaanka ahayn ee xisbiga Consaarfatifka xog hayn u noqdo. Bakistaantu sidoo kale waa dadka kaliya ee u hadlo Islaamka iyo muslimiintu waxayna leeyihiin ururrada ugu xoogga badan ee u dooda danaha Muslimiinta.

Dadnimada ay ku gaareen xafiisyadi ugu sarreeyay dalka waxay ahayd mid mar hore kasoo muuqatay sidaas ayaa dagaal aan dhammaan bilowgiba loogu qaaday. Soomalidu waa sidaas oo kale. Waxaa muuqdo meelaha ay gaari doonaan 50 sano gudahood. Waxaa cad inay saamayn xooggan ku yeelan doonaan siyaasadda dalal badan oo Galbeedka ah. Haddii aysan diyaar u ahayn inay baddalaan diintooda iyo dhaqankooda, haddana rabaan inay qabtaan xilalka dalka ugu sarrayo, jidka kaliya ee furan waa in dacaayad iyo ceebayn lagu furo si ugu yaraan dadki u codayn lahaa ooga horyimaadaan.

Gabagabadi, waa jiraan dhibaatooyin badan oo dhinacyo badan leh kuwaasoo haysto Soomaalida. Dhibaatooyinkaan waa kuwo dabiici ah oo soo maro dad walba oo dago dal cusub. Waa kuwo u baahan waqti door ah si looga gudbo. Hasa yeeshee iyadoon la gaarin waqti la dhaliilo ayaa soomaalidi lagu billaabay weerar afka ah iyo suuro-xumayn. Weerarkaan waxaa xididkiisa waraabinayo xasad iyo hinaase laga qaaday dadnimada dabiiciga ah ee ku abuuran cunsurka soomaaliga iyo dadaalka ay ugu jiraan inay ka qayb ka noqdaan kuwa talinayo ee aysan ku ekaan kuwa loo talinayo.

Ibrahim Aden Shire
[email protected]
https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Saadaq Joon & ciidankiisa oo xoog ku degay godka Jilacow & muran ka taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada nabadsugida gobolka Banaadir Saadaq Joon iyo ciidamo uu wato ayaa fadhiisin ka smeystay xaruntii hore ee “Godka Jilacoow”, waxaana ka dhashay muran iyo isqabqabsi sababta fasax la’aanta uu Saadaq Joon u degay halkas.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Saadaq Joon oo xilkii taliyenimo laga qaaday ayaa ciidamadii uu watay u geliyay dareeska ciidamada booliska, gaadiidkii tiknikadana wuxuu ku buufiyay calaamada booliska, tallaabadaasi oo taliyeyaasha ciidamada booliska su’aal geliyay ayaa, sababta ciidamadaasi oo horay ugu tirsanaa nabadsugida u adeegsadeen dareeska booliska.

Saraakiisha booliska, nabadsugida, milateriga iyo wasiirka amniga ayaa si wada jir ah u dalbadeen in ciidamadaasi uu hogggaaminaayo Saadaq Joon ka guuraan xarunta Godka Jilacoow oo maxaabiista nabadsugida ku xiraan, hase ahaatee dalabkaasi wuu kasoo horjeestay Saadaq Joon.

Amaro kasoo baxay madaxweynaha ayaa dhawaan lagu kala diray ciidamadii xasilinta oo qeyb ka ahaayeen kuwa Saadaq Joon, qeybihii kalena xarumahooda lagu kala celiyay, halka kuwa Saadaq Joon ay diideen inay magaalada ka banaan.

Warar madaxbannaan ayaa sheegaya in Saadaq Joon uu taageero ka helaayo xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo dhowr wasiiro ah, sidaasina uu ugu madax adeegay inuusan ka guurin xarunta Godka Jilacoow.

Waxaa socda dadaal lagu doonayo in si nab’doon looga raro ciidamadaasi loona dejiyo xarumo loogu talagalay.

Xog: Imaaraadka Carabta oo dhaqaale ku bixinaaya CC iyo Gaas oo walaacsan

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia CCC Sharmaarke uu kamid noqdo musharaxiinta u tartami doonta doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland.

CCC Sharmaarke oo ay kasoo xirxirmeen albaabadii xil ka qabashada Dowlada Somalia ayaa waxaa doorashada Puntland garab weyn kusiin doona dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu dooneysa inay u adeegsato danaheeda Siyaasadeed ee Somalia.

CCC Sharmaarke, oo seddexdii sano ee ugu danbeysay ku xirnaa dowlada Imaaraadka ayaa laga cabsi qabaa in dhaqaale culus lagu bixiyo si uu kursiga u gala wareego C/weli Gaas oo isagu baqdin ka qaba musharaxnimada CC.

CCC oo markii hore aan usoo jeedin baadi goobka xilka Madaxweyninimo ee maamulka ayaa waxa uu go’aankaani qaatay dabayaaqada Bishii Lixaad 2018 kadib markii magaalada Nairobi ay kuwada kulmeen wafdi ka socday dowlada Imaaraadka kuwaa oo ku tashkiiliyay ku biirida Musharaxiinta, iyadoo ballanqaad dhanka dhaqaalahana u sameeyay.

Danaha ku hoos qarsoon taageerada ay dowlada Imaraadka Carabta u sameyneyso CCC Sharmaarke ayaa waxaa ugu waaweyn:-

1-In looga gaashanto burbur ku imaada Heshiiska Dekadda ee horay u dhexmaray Puntland iyo shirkada DP World.

2-In CCC Sharmaarke lagu gaaro danaha Siyaasadeed uu imaaraadka ka leeyahay Somalia, iyadoo lagu caburinaayo dowlada Somalia oo khilaaf uu kala dhexeeyo Imaaraadka.

3-In guushiisa kadib uu fududeeyo dhismaha Saldhig Militerey uu Imaaraadka ka furanaayo Puntland.

Dowlada Imaaraadka ayaa ka carareysa in maamulka Puntland uu ka arimiyo musharax aan iyagu wadan kaa oo caqabad ku noqon kara danahooda Siyasadeed ee Somalia iyo tan Puntland, waana sababta keliya ee ku khasbeysa inay taageeran CCC Sharmaarke.

Sidoo kale, C/weli Gaas oo dareen ka qaba ololaha CCC Sharmaarke ayaa u muuqda mid ay lasoo deristay walaac dhanka doorashada ah, waxaana xusid mudan in ilaa iyo iminka uusan ku dhawaaqin musharaxnimadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, C/weli Gaas, ayaa aaminsan in musharaxa keliya ee ku qalqal galinkara doorashada uu yahay CCC Sharmaarke, waxa uuna si gaara dareen uga qabaa garabka maaliyadeed ee uu ka helaayo Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Gudoomiyaha Gaarisa oo xabsi la dhigay iyo arrin halisa oo lagu eedeeyay

Nairobi (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen Wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ciidamada amaanka dalkaasi ayaa Xabsi dhigay Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Bunoow Qorane.

Ciidamada oo ku hubeysnaa gaadiid ayaa Guddoomiyaha kala soo baxay hooygiisa, waxana xariga Guddoomiye Cali Bunoow lala xiriirinayaa toogasho dhawaan loo geystay madaxii hore ee Maaliyadda Gaarisa oo lagu dhaawacay Nairobi.

Wargeyska The Star ayaa qoray in Guddoomiye Cali Bunoow ay su’aalo weydiinayaan ciidamada Booliska oo la xiriiriyay toogashada madaxii hore ee Maaliyadda Gaarisa.

Booliska ayaa la sheegay in Guddoomiyaha ay la yeelan doonaan wareysi lagu weydiinayo su’aal si wax looga ogaado haddii uu waxbadan kala socday toogashada.

Booliska ayaa sheegay in Guddoomiye Cali Bunow iyo laba xubnoo oo loo heysto inay qeyb ka ahaayen dilka ayaa iminka lagu hayaa Xabsiga Booliska ee  Kilimani.

Ninka la toogtay oo lagu magacaabayay Idiris ayey toogashadiisu dhacday xili uu ku sugnaa suuqa Kileleshwa, ee Magaalada Nairobi,waxaana kuwa toogashada u geystay ay uga tageen Mayd ahaan.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Bunoow Qorane ayaa waxaa horay loogu eedeeyay inuu ka danbeeyay shirqoolo kale oo ka dhacay Magaalada Gaarisa.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Madaxweynaha cusub ee DDSI oo sheegay sida uu arko xariga CABDI ILEY

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Saacado kadib markii Ciidamada Federaalka Itoobiya ay xabsiga dhigeyn Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa xarigaas ka hadlay Madaxweynaha Cusub ee DDSI Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar)

Qoraal kooban oo uu Madaxweyne Mustafe Cagjar  uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku  sheegay inuu ka xun yahay in Madaxweyne la xiro, balse mudankiisa ay sidaas tahay, maadaama dhibaatooyin xoogan uu geystay.

“Aniga kuma faraxsani in la xiro Cabdi iley isaga oo bahdilan in kasta oo uu dambi badan galay laakin dad badan ayay u tahay Cashar iyo ku dayasho ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Sawirro laga soo qaaday Cabdi Maxamuud Cumar ayaa muujinayaya, isaga oo aad u labisan in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay kala soo baxeen guriga uu ka deganaaa Magalada Adis Ababa sidaasina lagu xiray.

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono.

Hase yeeshee Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay ka hadlayay shir jaraa’id ayaa sheegay in arrinka Cabdi Maxamuud Cumar uu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.

Hase yeeshee wuxuu Cabdi noqonayaa qofkii ugu sareeyay oo lasoo xiro, maxkamadna lasoo taago marka laga hadlayo dadka kala duwan ee guud ahaan Itoobiya lagu eedeynayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Mashruucii ugu weynaa ee xukuumadda Gaas u ahaa tijaabada oo FASHILMAY

Waddada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa gebi ahaanba burburtey, waxaana ay dhibaato xoog badan ku haysaa gadiidka iyo dadka rakaabka ah. Waddadan ayaa halbowle u ah dhaqaalaha Puntland waxaana soo mara xoolaha ugu badan ee ka dhoofa dekadda Boosaaso, sidoo kale waxaa soo mara xoolaha kale ee laga dhoofin jirey dekadda Berbera. Wadada Gaalkacyo-Garoowe waxaa la dhisey bartamihii sanadihii todobaatanaadkii waxaana lagu dhisey deeq ay bixiyeen Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.

Mashruucii u weynaa ee kadib 2014

Sanadkii 2015 waxaa Puntland soo marey fursaddii u weyneyd abid taas oo ah deeq ka timid Midowga Yurub oo gaareysa 17milyan oo lacagta Euro ah iyo 3 Milyan oo Dowaldda jarmalku ku dartey ($23milyan dollar) taas oo lagu dayactiraayo wadada Garoowe-Gaalkacyo, Munaasabadii lagu daahfuray mashruucaas ballaaran ayaa ka dhacdey Garoowe 11 Maarso 2015, waxaana mashruuca loogu walqalay “Garowe-Galkacyo Corridor”, munaasabadii furitaanka mashruuca waxaa ka qaybgalay ergayga Midowga Yurub u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, Safiirka dalka Jarmalka u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya Andrea Peschke, dhanka Puntland waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in mashruucaani uu yahay mid kamid ah kuwii ugu ballaarnaa oo kaabayaasha dhaqaalaha wax looga qabanaayo, waxaana uu ku faaney in Dowladiisu xoog saareyso waxka qabashada kaabayaasha dhaqaalaha. Mashruucan ayaa daba socdey shirkii deeq bixiyaashu ay ku yeesheen magaalada Garoowe, kaas oo la donaayey in Puntland loola dhaqmo si lamid ah Somaliland laguna tijaabiyo mashaariic waaweyn oo kaabayaasha dhaqaalaha ah kaas oo ay ku baxayso malaayiin dollar.

Sida la og yahay mashruuc kasta waxa uu lee yahay wakhti uu bilowdo iyo wakhti uu dhamaado gaar ahaan Mashaariicda deeq-bixiyaashu ay Soomaaliya siiyaan, waxaana laga doonayaa cidda markaas la siiyo in ay ilaaliso mashruuca wakhtigiisa.

Mashruuca “Garowe-Galkacyo Corridor” ayaa muddadiisu ahayd Maajo 2015 – Maajo 2018.

Xaaladda Mashruuca Garowe-Galkacyo Corridor

Sida dad badan ku baraarugeen mashruucii wadada Gaalkacyo-Garoowe  ayaa gebi ahaanba istaagey, hay’addii mashruuca waddey ee GIZ ayaa ka baxdey Puntland, haddaba sababtu maxay tahay?.

Mashruucan waxaa loo qaybiyey laba qaybood, wejiga kowaad ayaa ah dayactirka inta u dhaxaysa Jalam iyo Xarfo oo gaareysa 80km waxaana ku baxaya lacag gaareysa $6 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Qandaraaska mashruucan ayaa la furey bishii Siteembar 2016, Shirkadda Is-xilqaan ayaa bishii Abril 2017 ku guuleysatey mashruuca dayactirka wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe, waxaana ay shaqada bilaabeen bishii May 2017, iyada oo xiritaanka mashruuca ay ka harsan tahay muddo sanad ah keliya.

Fadhigii Baarlamaanka ee looga hadley dhismaha wadada

Golaha wakiilada ee Puntland ayaa u yeeray Wasaaradda Hawlaha guud, hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA iyo Shirkadda Is-xilqaan ee Mashruuca qandaraaska ku qaadatay, waxaana ay wax ka weydiiyeen sababta mashruucii weynaa u istaagey?.

Shirkadda Is-xilqaan waxay sheegtey in mashruucu uu ka socon waayey dhanka hay’adda GIZ ee heshiiska la gashey hay’adda PHA, laakiin aan siin wax awood ah oo la hartey bixinta dhaqaalaha, waxay sheegtey in ay soo buuxiyeen dhamaan shuruudihii loo baahnaa, laakiin hay’adda GIZ aysan bixin dhaqaalihii la doonaayey in wadada lagu dayactiro, waxaana sidaas ku raacdey hay’adda waddooyinka ee PHA.

Xiriir lala sameysey hay’adda GIZ ayaa wax looga weydiiyey Chrstoph Schmidt oo ahaa xiriiryaha Mashruucan eedaymaha loo jeedinayo hay’adda GIZ, sababta ay dalka uga baxeen?, in aysan bixin dhaqaalihii mashruucu u baahnaa iyo in mashruucu nool yahay weli iyo in wakhtigiisi dhamaadey?.

Chrstoph Schmidt ayaa sheegay in aanu ka jawaabi karin su’aalo badan oo ka soo baxay fadhigii Baarlamaanka ama eedaymaha loo jeedinaayo sababtuna waa anaga nalakuma casumin fadhiga fursadna nalooma siin, Chrstoph Schmidt ayaa sheegay in mashruucan u istaagey isaga oo dhaafey wakhtigii loogu talo galay, iyo cidda fulineysa oo awoodi weydey in ay raacdo nidaamka loogu talo galay mashruucan in lagu fuliyo, Chrstoph Schmidt ayaa xaqiijiyey in mashruucan uu dhintey 31 Maajo 2018.

Chrstoph Schmidt waxaa kale oo uu sheegay in lacagtu diyaar ahayd markasta, ayna ku baxaysey qorshe, wuxuu sheegay in lacag hormarisa la siiyey shirkadda fulineysey Mashruuca taas oo loogu tala galay qalabka ay soo iibsadeen waxaana lagu qiimeeyey 14% dhaqaalaha guud ee ku baxayey wejiga hore ee $6milyan dollar.

Dayacaada Mashruuca

Sida aan horey ku sheegney mashruucan waxa uu tijaabo ku ahaa xukuumadda Cabdiweli Cali Gaas. Madaxweyne Gaas ayaa ka dhaxley xukuumaddii ka horeysey saddex mashruuc oo waaweyn kuwaas oo ahaa Garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Garoowe iyo weliba jaamacada Maakhir ee magaalada Baran. Mashruuca weyn ee keliya ee xiligii Dr Cabdiweli Cali Gaas yimid ayaa ah Garowe-Galkacyo Corridor, Mashruucan ayaa ah mid Midowga Yurub ay ka fulinayeen Soomaaliya oo dhan waxaana mashruuca loogu yeeraa Sustainable Road Maintenance Project, inkasta oo markii hore la doonaayey in gebi ahaantiisba lagu dayactiro wadada isku xirta Gaalkacyo – Garoowe ayaa markii ay muuqatey maamul xumada, karti darada iyo qaabka Xukuumadda Puntland xil isaga saari weydey waxaa qaybo kamid ah loo weeciyey Somaliland iyo weliba Koonfurta Soomaaliya, iyada oo qaybtii Somaliland sidii loogu talo galay u fushay.

Xukuumadda Cabdiweli Cali Gaas ayaa ku dooda in ay wax ka qabatey kaabayaasha dhaqaalaha, haddaba miyaan la dhihi karin mashruuca keliya ee yimid xiligii Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa noqdey kii u horeeyey oo noociisa oo kale ah oo fashil ku dhamaadey, kadib markii laga sixi waayey musuq-maasuqii qaabka loo marey qandaraaska,  dayacaada mudada mashruuca iyo awooda shirkaddaha fulineysa, waxaana tani noqoneysaa mid lagu xusuusto xukuumadda Dr Cabdiweli Cali Gaas ee Puntland in ay shacabka Puntland u horseedi waayeen shaqo wanaagsan oo lagu taabo gelinayo mashruucii u weynaa ee Midowga Yurub ay doonayeen in ay Puntland ka fuliyaan.

Shirkaddaha qaatey mashruuca

Sida hay’adda GIZ sheegtey shirkadaha qaatey mashruuca ayaa awoodi waayey in ay mashruuca fuliyaan ka hor wakhtigii loogu talo galay, markii aan aragney qaabka shirkaduhu u shaqeynaayaan, waxaa noo muuqatey ayey yiraahdeen in aan loo baahneyn in wakhtiga la cusbooneyiisyo. Shirkadaha qaatey Mashruuca ayaan lahayn awoodii ay ku fulinayeen gaar ahaan qalabka, waxaana ay ku xisaabtameen in lacagta wadada loogu tala galay ee gaareysa $6 milyan oo dollar ay qalabka ka soo gataan, qalabkaas oo hadhoow noqonaya mid iyaga u gaar ah, laakiin ay ahayd lacagtu in ay gasho wadada oo lagu dhiso. Dhanka kale sida uu GIZ u sheegtey Horseed lacagtu diyaar ayey u ahayd laakiin shirkaduhu waxay doonayeen in loo hormariyo lacagta, halka laga doonaayey in ay shaqada qabtaan, laga eego kadibna lacag bixintu ay dhacdo.

Gebagebadii saraakiil ka tirsan Madaxtoooyada Puntland ayaa sheegeysa in mashruucan uu yahay mid nool oo ay Midowga Yurub kala xaajoonayaan sidii hay’ad kale loogu wareejin lahaa. Waxaan ogaanay in mashruucan wakhtigiisi dhamaadey, haddii loo baahdo in dib loo furo uu marayo wakhti aad u dheer iyo ogolaansho, haddana ay shirkadda GIZ ku mashquulsan tahay diyaarinta warbixin la xiriirta sababaha mashruucan ku fashilmey taas oo loogudbinayo Baarlamaanka Midowga Yurub

Ma ahan mashruucii u horeeyey ee la siiyey xukuumadda Dr Cabdiweli Cali Gaas ee fashil ku dhamaada, waxaa sidaas oo kale la joojiyey oo fashil ku dhamaadey mashruucii Score (Somali Core Economic Institutions and Opportunities), kaas oo Xukuumadda Cabdiweli Cali Gaas maamule uga dhigtey wiil uu dhalay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada oo lagu magacaabo Taariq Cabdinaasir Biixi Soofe, oo inta badan ku maqnaa dalka dibadiisa, taas oo hadda World Bank ay Puntland dib u weydisteen mushaharkii badnaa ee sida macna darrada ah uu ku qaadanayey maadaama wax shaqo ah aanu qaban

Maxamed Cismaan

Abukar Arman: Isbaddalka loo bogay lagana daba dhacay ee Geeska Afrika

Isbaddalka siyaasadeed ee ka hanaqaaday Geeska Afrika waa mid la dhihi karo waa filanwaagii aan la saadaalin ee qarnigan 21aad illaa iyo hadda.Waa mar e Itoobiya ma ay dumin oo iskuma ay jabin, waa mar kale e taariikhda markii ugu horraysay waxaa la magacaabay Raysal Wasaare ka soojeeda qowmiyadda Oromada, oo magac Islaam wata, lehna dhaqan iyo dhaxal Islaam, asaga oo isla markiiba dhameeyey colaad 20 sano jirsatay oo ka dhex aloosaneyd Itoobiya iyo Eriteriya. Saas oo xaal yahay, Abiy Axmed, Raysal Wasaaraha laga dabadhacay ee ahaan jirey sirdoonka dalka, weli cagta dhulka toos ulama helin oo meel kasta waxaa hortaal caqabadaha ku salaysan qowmiyadaha dalka iyo siyaasadahooda kaladuwan ee midba midda kale riixayso. Dagaalka marmar ka dhex dillaaca qowmiyadaha Oramada iyo kan shidaalku buux dhaafshay ee gobolka Soomaalida waa hordhac aan kheyr qabin iyo ifafaalayaasha dhibka badan ee horyaal RW Abiy Axmed.

Jirtaayo intaas, hadana lama yareysan karo guusha istaraatajiyadeed iyo hormarka dhanka nabadda iyo kan dhaqaalaha ee suurtagalka noqon kara haddii isbaddal uu hanaqaado. Sidoo kale waxaa iyana guul weyn oo maskaxeed iyo mid qalbiba ah heshiiska Itoobiya iyo Eriteriya oo suurtagaliyey in qoysas iyo saaxiibo kala dhumay ay mar kale is helaan. Saas oo xaal yahay dhanka istaraatajiyada iyo waliba dhanka qorsheynta siyaasadda, hadana waa lama huraan haddii kale waa doqonimo in aan la is weydiin hawsha cidda riixaysa, cidda ka danbeysa, waxa dhib iyo dheef dabasocda, iyo waliba saameynta ay ku yeelan karto dal kasta oo gobolka ah.

War kuma seegana e illaa iyo hadda waxaan maqalnay hadalo tuur-tuur ah oo aan macne buuxa wadan, laakiin aad loogu bogay, lalana wada dhacay, oo sacab iyo durbaan loo tumay. Wax bayaamin ah warkeeda daa iyo meesha loo socdo; kee iyo waxee baa waxan wata oo yaa ka danbeeya, maxaa se sababaya degdegga intaas le’eg? Kollayba degdegsiinyo waa jiraa, laakiin haddii aad gaariga xawaare sare ku cayriso, waa lama huraan in aad isteerinka gacanta ku hayso, indhahana aadan marnana jidka ka weecin.

Haddana aan u soo laabano gunta isbaddalka. Siyaasaddu ma leh fal aan la qorsheyn iyo isbaddal cir-ka-soo-dhac ah; siiba laba dowladood oo col ah, cadowtinimo raagteyna ay u dhexeyso, juquraafiga siyaasadeynsana colaadda qayb ka yahay. Tartanka siyaasadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha oo dhinac ah iyo iyo Sacuudiga/Imaaraadka iyo Turki/Qadar oo dhinaca kale ah waxa uu abuuray xiisad daran, waaba haddii uusan shideyn oo afuufeyn colaado haddeer socda.

Sidaas darteed annaga oo miyir kaashaneyna, caqliga saliimka ahi waxa uu na farayaa in aynaan rumeysan dhacda walba iyo sida looga sheekeeyo.

Istaraatajiyad Saddex-Geesood ah oo Mug Weyn

Shiinaha oo tartan adag oo juqufaariga-siyaasadeysan kula jira Mareykanka waxa uu tartiib-tartiib Mareykanka uga sii riixanayaa Jabuuti, meesha xukuumadda Madaxweyne Trump weli laga la’yahay siyaasad la fahmi karo oo ku aaddan Geeska Afrika. Halkaas oo xaal marayo baa hadana maanta Shiinaha oo muujinaya cududdiisa milateri ee sii kobcaysa, waxa uu faraha ku hayaa dhismaha saldhig ciidan kii ugu horreeyey ee uu ka dhisto dal shisheeye. Ogoow oo Shiinuhu mar hore buu qaaradda Afrika dhidbaha uga taagay xiriir ganacsi iyo mid hormarineedba. Kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo garab-istaagga siyaasadeed ee uu Shiinuhu la garabtaaganyahay mashruuciisa dhaqaale kobcinta ee loo yaqaan Jidka Xariirta (Silk Road) asna waa mid saldhigtay, hawshiisuna ay haddeerba socoto. Dhanka kale, Mareykanka oo in ka badan 70 dal ku leh ku dhawaad 800 oo saldhig milateri, dhaqdhaqaaqa iyo isballaarinta Shiinuhu, siiba qaaradda Afrika, waxa ay Mareykanka ku keentay jaahwareer istaraatajiyadeed iyo dhakofaar dhaliyey dheelitir la’aan.

Saas oo xaal yahay, AFRICOM weli waa xafiiska sabaynaya ee Arrimaha Dibadda masuulna ka ah danaha dowladda Mareykanka, ayadoo lala kaashanayo gaarhayayaashii hore – waa Itoobiya oo dhanka siyaasadda horgale ka ah iyo Erick Price (Blackwater) iyo xiriirkiisa ku milan Imaaraadka Carabta (UAE) iyo DP World oo u xilsaaran wax kasta oo aan lala rabin xisaabtan iyo u kuurgal. Haddaba haddii aadan awal u-war-hayn haddeerba ogoow sababta dal aad u yar oo yaal Khaliijka Carbeed uu u noqday maqaarsaar loo maro juquraafi-siyaasadeedka geyigaas iyo waliba dib-u-naqshadeynta lala damacsanyahay Gacanka Carbeed iyo Geeska Afrika.

Inkasta oo Imaaraadku isku dayo in uu muujiyo waji ganacsi oo caalami ah oo hanaqaaday, haddana gancsigiisa badda iyo intaas oo shirkadood oo aan la hubin ganacsigooda waxaa dul heehabaya daruuro shaki. Shakigu intaas kaliya ma aha e sababo la xiriira khataraha ammuurahaas iyo siro dahsoon dartood ayaa sannadkii 2006 waxa uu baarlamaanka Mareykanku diidey dalabkii DP World ay ku rabtay in lix dakadood oo Mareykanka ku yaal ay kula wareegto. Diidmadaas qayaxan ee barlamaanka ayaa timid ayada oo DP World ay haysato taageerada kooxda dagaal-ogayaasha u badan (neoconservatives) oo uu ugu horreeyey Madaxweyne Kuxigeen Dick Cheney.

Marinka Badda Cas ee Baab al-Mandab sannadkii waxaa mara ganacsi lagu qiyaasay $700 bilyan una dhexeeya Yurub iyo Aasiya, Yurubna waxaa ka sii go’an in ay joojiso mujaahiriinta Afrika ayada oo dhiirigelinaysa maalgashi, xoojineysana is-dhexgalka gobolka si loo siyaadiyo ganacsiga, loona helo ammaan iyo maamul wanaag. Itoobiya ayaa hawshaas baroosin u ah, IGAD oo haysata aqoonsi caalami ah ayana waa hay’addii dowliga ahayd ee loo mari lahaa fulinta mashruuca. Sawirka laga helo qaabka loo mareeyo Geeska Afrika waa kii lagu dabakhi lahaa Afrika oo dhan. Laakiin hal mid oo yar ka digtoonoow: Turkiga maya, Qadar iska illoow, Shiinaha asna warkiisa haba soo qaadin.

Tan iyo intii uu dillaacay khilaafkii waddamada Khaliijku sannad kahor, kaas oo sababay in Qadar xannibaad bad iyo berri ah la saaro, siyaasadda iyo ammaanka Geeska Afrika ma aheyn sidii lagu yiqiin. Siiba Soomaaliya ayey saameyn gooni ah ku yeelatay, oo waxaa biloowday tartan ku saleysan juquraafiga-siyaasadeysan, kaas oo Imaaraadka iyo Sacuudiga isku gacan ka dhigay, meesha Qadar iyo Turkiguna gacmaha isqabsadeen. In kasta oo ay badanyihiin tartamada ku-cuney-ama-ku-ciideeyey ee dalka ka aloosan, haddana lacagta boqortooyooyinka Khaliijku ay ku daadsheen siyaasadda kala-fur-furka ee Soomaaliya ma soo marin mid ka tiro badani.

Janaraal Anwar Eshki waa Guddoomiyaha Xarunta Bariga Dhexe ee Daraasaadka Sharciga iyo Istaraatajiyada, waana lataliye ka agdhow Amiir Maxamed bin Salmaan, dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga, hadana haya talada dalka. Janaraalku waa hal-abuuraha istaraatajiyadda Sacuudiga ee dagaalka lagu hoobtay ee Yemen; waa ninka ka danbeeya isusoodhaweynta iyo xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil, hadde waa Israa’iisha xasuuqa ba’an ku haysa dadka reer Falastiin; Janaraalku waa kan abaabulaya siyaasadda fududeynaysa in Itoobiya ay si sahlan Soomaaliya ula wareegto, Soomaaliyana kamid noqoto Itoobiya.

Khudbad uu ka jeediyey Golaha Xiriirka Dibadda ee Mareykanka (Council on Foreign Relations), Janaraalku waxa uu dhawaan soo bandhigay qorshe uu ugu yeeray “Geeska Afrika ha la hoos geeyo hoggaanka Itoobiya (Unifying the Horn of Africa under the leadership of Ethiopia)” hana la isku xiro Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed, ayada oo la dhisayo loona marayo Buundada al-Nuur “waxaa la dhisayaa buundo isku xirta magaalada al-Nour ee Jabuuti iyo magaalada Al-Nuur ee Yemen.” Janaraalku waxa uu si cad oo aan meermeerin laheyn dhegaystayaashiisa ugu sheegay in uu afka Ingiriiska ku hadlo laakiin lagula taliyey, asaga oo taladaas aan u bogin, in uu khudbadiisa ku akhriyo afka Carabiga, una jeediyo dhegaystayaashiisa. Hadaba su’aal maanta taagan baa waxa ay tahay, Janaraalku ma waxa uu akhriyey nuqulkii koowaad ee qabyo-qoraal istaraatajiyadda Sacuudiga ee gobolka mise saaxiibo kale buu gacanta u haadinayey?

Isbaddal Abuurkiisa aad loo Sahlay

Bartamihii bishii Juun, markii Shiikh Maxamed bin Zayed uu booqday Itoobiya, Hay’adda Hormarinta Abu Dhabi waxa ay Bangiga Dhexe ee Itoobiya ku shubtay lacag dhan $3.7 billion – waa lacag le’eg maalgashiga Turkiga ee Itoobiya. Maalinkii xigey, Raysal Wasaaraha Itoobiya waxa uu u duulay Muqdisho. Saddex saacadood gudahood asaga oo gegida diyaaradaha Adan Cadde aan gees uga bixin, RW Itoobiya waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, la saxiixday heshiis Itoobiya iyo saaxiibadeed gadaal ka fadhiya farta ka saaraya wixii la raadinayey – Afarta dekedood ee ugu istaraatajiyeysan Soomaaliya, Badda Cas illaa iyo Badda Hindiya. Illeen kaash baa boqor ah e, Imaaraadku dhib badan kalama kulmin in uu la wareego dhowr dekedood oo ku yaal Soomaaliya, Ereteriya iyo Suudaan.

Bishii xigtay booqashadii Soomaaliya kabacdi, RW cusub ee Itoobiya waxa uu booqday Eriteriya, lana kulmay Madaxweyne Iseeyas Afwerki. Isla maalinkaas, labadii cadow ee awal aan wajigooda la is tusi jirin waxa ay wada saxiixeen heshiis nabadeed oo isla markiisa soo celiyey xiriirkii dibloomaasi ee labada dal, waxaana la isla gartay in dib loo soo celiyo duulimaadyadii labada dal iyo waliba Itoobiya oo biloowda isticmaalka dekedda Ereteriya.

War laguma deeqsiin karo e isla asbuuc gudihiis, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ka degay Casmara si uu ula kulmo Madaxweyne Iseeyas una soo celiyo xiriirkii dibloomaasi ee Soomaaliya iyo Eriteriya. Eriteriya oo awal ahayd “Waqooyiga Kuuriya ee Afrika” waxa ay gelin gudihiis ku noqotay meel aan la huri karin oo mudan in la soo taabto. Waddamada kale ee IGAD xubnaha ka ah ayana safka waa ku soo jiraan, walloow Eriteriya ay weli xayiraad rasmi ahi saarantahay. War lagama xiiso dhaco e, xayiraaddii saarneyd Eriteriya ee ay awalba Itoobiya aliftay, adduunkana war-aan-jirin ka dhaadhicisay, si siyaasadda gurracan ee Itoobiya ay garab ugu noqoto, baa hal mar Madaxweyne Farmaajo waxa uu la soo booday, una sheegay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay in Eriteriya xannibaadda laga qaado. Hadalka Farmaajo ee aan laga fiirsan fajiciso Jabuuti kaliya kuma uu noqon, laakiin waxa uu kiciyey shacabkii Soomaaliyeed oo awalba aan mooganeyn sida uu Farmaajo u liicay, asaga oo dowladdiisa loo arkay mid uun u adeegta hormarinta siyaasadaha iyo danaha shisheeye oo kaliya.

Qorshaha Turkiga ka Tuur Soomaaliya ma Suurtagal baa?

Tan iyo kadoonkii Gu’gii carabta, dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudigu waxa ay maleegayeen istaraatajiyad ujeedadeedu tahay kala-tuurka iyo kala-cayrinta ururka Akhwaanu Muslimiinka, sababtuna tahay awoodda siyaasadeed iyo tan bulsho ee uu ururka ku dhex leeyahay shacabka, iyo waliba adeegga baahsan ee ay bulshada u hayaan. Boqortooyooyinka Khaliijku waxa ay ururka iyo kor-u-kaca awoodda iyo saameynta Turkiga ee Islaamka dhexdiisa iyo Bariga Dhexe u arkaan khatarta ugu weyn ee hortaagan kuxunkooda inta la noolyahay.

Sidaas darteed markii Turkigu ay Soomaaliya sannadkii 2011 ka bilaabeen olole weyn oo tabbarucaad bani-aadamnimo iyo mid hormarineed ah, ayna Soomaaliya la askumeen iskaashi istaraatajiyadeed, Imaaraadka Carabtu waa isa soo xaadiriyey si uu u burburiyo iskaashiga cusub ee Turkiga iyo Soomaaliya. Imaaraadku intaas kuma uusan joojin e waxa uu Muqdisho ka dhistay safaarad aad u baaxad weyn oo labaysa Turkiga. Waxa ay fureen Cisbitaalka Shiikh Sayid si uu ula tartamo Cisbitaalka Erdogan ee Turkigu u dhisay Soomaaliya. Markii Turkigu bilaabay in uu bixiyo iskoolarshiib, tababarana siiyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya, Imaaraadku waxa ay jeebabaka u buuxinayeen calooshooda-u-shaqaystayaal loo xilsaaray hawlo sireed oo gooni ah oo aan Soomaali ka warhayn. Waxaa kale oo Imaaraadku tababareen koox milateri ah oo ay dhawaan meel cidla ah uga dhaqaaqeen, hubkoodiina isla meeshii lagu bililiqaystay.

Turkigu, in kasta oo Qadar ay isku xulufo yihiin, hadana waa mid saaran miisaan kaas ka duwan. Afgambigii dhicisoobay kabacdi, Turkiga oo Soomaaliya kaashanaya waxa uu dalka ka tirtirey dhadhaqaaqa Gulen iyo wixii shakhsiyaad iyo hay’ado ku xirnaa oo dhan. Saas oo siyaasadda gudaha Turkigu ay tahay, haddana nidaamka Turkigu waa qaabka ugu roon oo la dhihi karo waa dahabi ee dowlado isku kaashadaan, dalna dib loogu dhiso, hormarna loogu horseedo. Hormarka la taaban karo ee Turkigu ka muujiyey Soomaaliya iyo sida uu gacmaha uga laabtay howlaha hoose ee Soomaalida waxa ay markhaati ma doonto u tahay, ifkana u soo saartay sida caawimaadda caalamiga ahi ay u tahay mid isdabamarsan, sumeysan, oo musuqmaasuq ku dhisan. Dhanka Qadar, inkasta oo markii hore aysan Imaaradka waxba ka duwaneyn, markii danbe saaxiga ayey keentay waxa ayna ku dayatay qaabka Turkiga, ayada oo maalgalineysa dhismayaasha jidadka iyo halboowlayaasha muhiimka u ah kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Aamin laakiin Xaqiiji

Intaas oo isbaddal ah oo isdabajooga, Itoobiya weli waa mid leh “dano badan oo isburinaya, burin karana danaha muhiimka ee Mareykanka” una janjeeri karta dhanka Shiinaha oo uu ka dhexeeyo xiriir dhaqaale oo isku dhafan. Haddaba ma lagaa yaabaa in Abi Axmed uu yahay kii dhabarka tusi lahaa Shiinaha iyo Turkiga oo balaayiin doolar Itoobiya maalgashaday? Haddii la dareemo wax sansaan ah oo tilmaameysa in Abiy Axmed “uu furfurayo wixii shaqeynayey asaga oo u hanqal-taagaya waxa laga yaabo in ay shaqeeyaan” waxa ay sababi kartaa in hormuudka dalku ay ka horyimaadaan Abiy Axmed, taasina ay gobolka ka abuurto dib-u-dhac iyo gaabis horleh. Haddii intaas kore aysan walaac abuurin, Soomaaliya, Jabuuti iyo xataa Eriteriya mid walbaa waxa uu leeyahay dano u gaar ah oo lid isku ah.

Waxaas oo dano gaar ah oo lid isku wada ah, si loo helo dheelitir siman, lana isaga jiro dulinka iyo gooryaanka juquraafiga-siyaasadeysan, Soomaaliya waa in ay dalbato in ciidamada Itoobiya iyo Kenyan ee qayb ka ah hawgalka AMISOM ay degdeg Soomaaliya uga baxaan, sidoo kale waa in dalka laga saaro dhammaan ciidamada gobolada Soomaaliya si sharci darro ah ku jooga. Waxaa kuu soo haray UNSOM, ilaaliyaha danaha shirkadda Ingiriiska ee Soma Oil and Gas, waa in ayana albaabada la isugu laabo.

Eriteriya ayana waxa ay xaq u leedahay in ay dalbato in IGAD baddal loo helo – in la helo hay’ad goboleed si daacad ah looga wada xaajooday oo xubin kastaa leedahay cod siman, xarunteeduna aysan Itoobiya ahayn.

Geeska Afrika waa suuq soo koraya lehna ifafaalo dhaqaale oo mug weyn. Laakiin si ifafaalahaas looga dhigo mid wata hormar dhaqaale, keenana nabad waarta, waa in siyaasiyiinta gobolku, ganacsatada, aqoonyahanka iyo hammiga hormuudka bulsho ay yihiin kuwo isla jaanqaada: waa in aysan noqon mid awood shisheeye ama gaashaanbuur isku dan ah jeebka u gala.

Sidaas darteed, bulshada Geeska Afrika waa in aysan u afduubnaan naceyb soojireen ah ama aragtida gaaban iyo hammiga musuqmaasuq ee hoggamiyayaashooda siyaasadda. Waxaa la gaaray waqtigii lala imaan lahaa fikir mug weyn, laakiin ka maran faduul. Dal kasta waa in uu marka hore dib isugu laabto oo xal u helo dhibkiisa u goonida ah, lana helo dib-u-heshiisiin dhab ah.

Waa lagamamaarmaan in dal kasta uu yimaado isu-tagga iyo midoowga la sheegayo ee gobolka ka socda asaga oo xor ah oo miyir qaba.

DHAMMAAD

Qoraalka Abukar Arman waxa uu markii hore ku qornaa afka Ingiriiska, bahda Radio Daljir ayaa tarjuntay.

Abukar Arman waa qoraa, diblomaasi hore, waana bulsho-u-adeege falaanqooyinkiisa siyaasadda adduunka iyo diinta aad loo daabaco, loona daalacdo. Wuxuu wax ku qoraa Foreign Policy Association http://foreignpolicyblogs.com/author/abukararman/

Abukar Arman is a writer, a former diplomat and an activist whose work on foreign policy, geopolitics and faith is widely published. He also blogs at Foreign Policy Association http://foreignpolicyblogs.com/author/abukararman/

Xog: Puntland oo HUB u daabuleysa CIIDAMO ka soo goostay Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaa ay ku qulqulayan Saraakiil iyo ciidamo hor leh oo kasoo goostay maamulka Somaliland.

Saraakiisha iyo ciidamada oo lasoo goostay Gaadiid dagaal ayey Puntland dajisay Xero ku taala deegaan 15 KM u jira degmada Qardho ee Puntland.

Maamulka Puntland oo ilaa iyo hadda u gacan haatinaya ciidamada baxsadka ka ah Somaliland ayaa saacadihii ugu danbeyay Hub u raray ciidamadaasi oo difaac kaga jira Somaliland.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo ka cudur daartay isticmaalka magacooda ayaa inoo xaqiijiyay in Saraakiil ka tirsan qeybta Militerig ay gaaren Xerada isla markaana Hub u geeyen ciidamada kasoo goostay Somaliland.

Ciidamada ay hubeyneyso Puntland ayaa waxaa hogaaminaaya Taliye Caarre oo isagu doonaayo in abuuro Jabhad loogu magac daray dib u xoreynta Somaliland.

Sidoo kale, Hubka loo geeyay Taliye Caarre iyo ciidamadiisa ayaa loogu talo galay in looga gaashanto duulaanka kaga imaankara Somaliland iyo in loo adeegsado weeraro lagu qaado Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa xooga saareysa ka faa’iideysiga ciidamada kasoo goosta Somaliland oo uu kala dhexeeyo dagaal.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Sidee ayey HRW u aragtaa xariga Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi ILEY?

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal ay soo saartay Hay’adda Human Rights Watch ayaa waxaa lagu taageeray xariga Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo shalay la xiray.

Hay’adda ayaa sheegtay in Madaxweynihii hore ee DDSI uu galay danbiyo ka dhan ah xuquuqda aadamiga isla markaana ay muhiim tahay in lagu sameeyo baaritaan dheer.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch bishii July ee sanadkan ayaa lagu muujiyay falalka lidiga  ku ah xuquuqda aadamiga ee uu geystay Cabdi Cumar.

Warbixinta oo ka koobneyd 88 bog ayaa lagu xariiqay tacadiyo kala duwan oo ay ku eedeysay Cabdi Maxamuud, kuwaa oo ay fuliyeen ciidamada Booliska DDSI ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen Jeel ogaadeeniya.

Human Rights Watch, ayaa Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ugu baaqday in baaritaano dheer lagu sameeyo Cabdi Cumar.

Sidoo kale, Ra’i’sul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa horay u qiray in mas’uuliyiintii hore ee DDSI ay geesteen tacadiyo badan oo xad dhaaf ah.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Cumar oo shalay loo gudbiyay Xabsiga ayaa loo aaneynayaa inuu geystay dilal, xarig iyo boob.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muuqaal laga soo duubay Cabdi Iley oo loo sii qadan qadinayo xabsiga Ethiopia

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta Xabsi loo taxaabay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo loo heysto tacadiyo.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa Xabsigiisa amar ku bixiyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, iyadoo ay xabsiga ku hubsadeen ciidamo ka tirsan Booliska, halka xarigiisa uu ka xukmiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Ethiopia.

Ciidamada ayaa Cabdi Cumar ka kaxeeyay guriga uu magaalada Addis Ababa kaga sugnaa, kadib markii la amray in loo wareejiyo Xabsi.

Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa baahisay in la xiray Cabdi Maxamuud Cumar ka dib Markii shalay ay Xasaanadda ka qaaden xildhibaanada Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida.

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in tilaabo adag laga qaadi doono Cabdi Maxamuud Cumar.

https://www.youtube.com/watch?v=6yJA9e6ALFs

Maxaa lagu haystaa oo loo xiray Cabdi Max’ed Cumar?

Guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa meel u dhow Hotel Atlas ayay ciidamada federaalka ka kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka, kaas oo muddo bilk u dhow ku jiray xabsi guri.

Dacwadaha loo heysto

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono.

Hase yeeshee Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay ka hadlayay shir jaraa’id ayaa sheegay in arrinka Cabdi Maxamuud Cumar uu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.

Hase yeeshee wuxuu Cabdi noqonayaa qofkii ugu sareeyay oo lasoo xiro, maxkamadna lasoo taago marka laga hadlayo dadka kala duwan ee guud ahaan Itoobiya lagu eedeynayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Dr Abiy oo shalay sidoo kale ka hadlay xisbiga TPLF ee gobolka Rigrinya ayaa yiri “TPLF oo kaliya ma ahan dadka isbadalka kasoo horjeeda, ee dhammaan xisbiyada ku jira isbahaysiga tallada haya dad ka mid ah ayaa kasoo horjeeda isbadalka, waxna waan ka qaban doonaa” ayuu yiri Abiy oo u muuqda in markii ugu horeysay uu si toos ah uga hadlayo arrimo aanan shaaca usoo bixin wixii hadda ka horeeyay.

Cabdi oo kaliya ma ahan dadka caddaalada lala tiigsanayo, ee sidoo kale warbaahinta Itoobiya waxa ay sheegaysaa in sidoo kale ay booliiska soo xirayaan dad kale oo Cabdi ku xirnaa, kana mid ahaa xukuumadiisa.

Shalay ayay ahayd markii baarlamaanka dowlad deegaanka uu xasaanaddii ka xayuubiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo dhawr kale oo shaqsiyaad ah oo loo heysto dambiyo kala duwan.

Dad kala duwan oo BBC-da la hadlay muddooyinkii lasoo dhaafay, ayaa sheegay in dhibaatooyin jirdil ah ay kula kulmeen dhulka Soomaalida, gaar ahaan xabsi ku yaala magaalada Jig Jiga.

Waxaa sidoo kale warbixin taas la mid ah soo saaray hay’addaha xuquuqda aadanaha oo iyagu ku baaqay in caddaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay xadgudubyada.

Hub laga heley gurigiisa?

Sida uu soo bandhigay taleefishinka Itoobiya ee ETV, waxaa guriga laga heley hub tiro badan oo ka koobnaa qoryaha AK47, kuwaas oo ka badnaa 5 qori iyo rasaastooda, iyo waliba baastoolado, wuxuuna TVGa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu haystay.

Balse lama soo muujin ciidankii qoryahaas haystay, gurigana waxa kaliya kasoo baxay Cabdi Maxamuud Cumar oo kaliya.

Arrinta hubka ayaa la sheegay in galka dacwadda ay ka mid tahay, lamase oga sida uu Cabdi ku heley hubka haddiiba muddo bil ah uu xabsi guri ku jiray.

Waxaase la fahamsanyahay in Cabdi uu u talinayay ciidamo kumanaan ah oo lagu magacaabo Liyuu Booliis, kuwaas oo weli aan taliyeyaashoodii la arag, lana ogayn xaalkooda meel u ku dambeyn doono.

Isha: BBC

Cabdi Iley oo maanta xabsiga loo taxaabay

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Cabdi Maxamuud Cumar(Iley) oo ahaa madaxweynihiin hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta xabsiga laga dhigay kadib markii laga kaxeeyay gurigiisa uu maalmahan ku xirnaa.

Telefeshinka Itoobiya(ETV)  ayaa soo bandhigay Cabdi Iley oo ay kaxeynayaan ciidamada, waxaa kale oo muuqaalka ku jira qoryo.

Sida wararku sheegayaan Cabdi Iley ayaa lagu eedeeyay kicin iyo isku dir uu ka dhex waday qowmiyadaha Itoobiya.

Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa Cabdi Iley ku eedeeyay in uu lahaa ciidamo gaar ah, isla markaana uu armay falal dil ah, dhac, kufsi iyo barakicin qasab ah.

Wararku waxay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Cumar laga xiray gurigiisa oo ku yaala meel u dhow Huteelka Atlas ee magaalada Addis Ababa.

Cabdi Maxamuud Cumar waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sidoo kale uu huriyay dagaal dhexmaray qowmiyadaha qaar.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee ETV waxay ku warrantay in booliska ay xabsiga u taxaabayaan saraakiil kale oo xiriir la lahaaCabdi Maxamuud Cumar.

Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay Cabdi Maxamuud Cumar ay xasaanadda kala noqdeen.

Sidoo kale dadka xasaanadda lagala noqday waxaa kamid ah:

Cabdijamal Qolombi : Xeer ilaaliyihii dowlad deegaanka

Raxma Maxamed : Wasiirkii haweenka iyo carruurta

Deeq Cabdullaahi : Wasiirkii Arrimaha Biyaha

Ibraahim Maxamed Mubaarak : Duqii Jig Jiga