25.1 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Kulanka Xasan Sheekh iyo CC Shakuur & cabsi cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa magaalada Ankara ee Dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada oo aheyd mid labada mas’uul ay ku balansanaayen ayaa waxa C/raxmaan C/Shakuur Warsame ku doonaayay inuu ku xoojiyo garabkiisa mucaarad, isagoo magaca uga faa’iideysanaayay Madaxweynihii hore.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame, ayaa booqasho ugu tagay Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku wada tartameen doorashadii Muqdisho ka dhacday 8dii february taasoo uu ku guuleystay Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

C/raxmaan C/Shakuur Warsame, oo bartiisa Facebook kusoo qoray qormo kooban ayaa waxa uu ku sheegay in isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada ahdleen Xaalada Dalku marayo iyo sida ugu Haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo.

Nuqul kamid ah haddalka C/raxmaan C/Shakuur Warsame  ayaa ahaa “Waxaan booqasho ugu tegey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Waxaan ka wada hadalnay xaalada dalku marayo iyo sida ugu haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo. Kulankeena wuxuu ku soo idlaaday isfaham iyo iskaashi.”

C/raxmaan C/Shakuur Warsame, waxyaabaha sida gaarka ah uu kala hadlay Xasan Sheekh waxaa kamid ahaa in badbaado degdeg ah loo sameeyo dalka iyo in laga hortago wixii dhibaato ah ee kadhacaya dowlada hadda jirta, waxaana la garaneynin biyo dhaca labadaani qodob oo muujinaaya wajiyo qarsoon oo labada mas’uul mideynaaya.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo Siyaasad ahaan aan la dhacsaneyn dowlada hadda jirta ayaa waxaa aad looga cabsi qabaa inay ka shaqeynayaan qorshooyin lagu caburinaayo dowlada.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame, waxaa la hadal hayaa in is aragooda uu caqabad hor leh u yahay dowlada Somalia oo cayaareysa Siyaasad ka duwan dowladihii hore.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka wareejiyay deegaan ka dhigtay magaalada Ankara oo ay qoyskiisa ku noolyihiin, isaga oo halkaa kulamo gaar gaar ah kula qaadanaayay dhinacyada mucaaradka.

Dhinaca kale, kulankan labada Mas’uul ayaa ku soo aaday, xilli mowjado siyaasadeed uu dalka ka jiro, iyo olole ay wadaan isbaheysiyo mucaarad ah oo maalmihii la soo dhaafay shirar ku lahaa magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidamada NISA oo weerar ku qaaday guriga wasiir ka tirsanaa xukuumaddii CC

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada nabad-sugidda Soomaaliya ayaa xalay weerar saqdhexe ah ku qaaday guriga wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Maxamed Cumar Geedi, oo ka tirsanaa xukuumaddii Cumar Cabdirashiid.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, ayuu wasiirka ku sheegay in ciidamada ay kasoo boodeen darbiga gurigiisa oo ku yaalla agagaarka xarunta NISA ee godka Jilicow, ayna cabsi xooggan geliyeen isaga iyo qoyskiisa.

Maxamed Cumar Geedi ayaa sheegay in lagu soo bartilmaameedsaday sababo la xiriira inuu kasoo horjeedo, islamarkaana dhalleeceeyo siyaasadda xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadan uu watay nin lagu magacaabo Jaabir oo madax ka ah godka Jilicow.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in hay’adda NISA oo shaqadeedu tahay sugidda amniga Soomaaliya loo adeegsado fulinta hadafyo siyaaseed.

NISA ayaa hadda ka hor dhowr jeer sidan oo kale weeraro ugu qaaday siyaasiyiin mucaarad ku nah xukuumadda Kheyre.

Hoos ka daawo Maxamed Cumar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Arag sawiro: Sida Farmaajo loogu soo qaabilay Asmara

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Asmara ku so dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Assias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale.

Waddooyinka Asmara ayaa lagu xardhay calanka Soomaaliya, booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa darteed. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saddex maalmood oo maanta ka bilaabaneysa joogi doona magaalada Asmara.

Boqollaal dad ah oo luxaya calammada labada dal iyo sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa jooga hareeraha waddooyinka Asmara.

Labada madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xasilloonida gobolka.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Eritrea tan iyo markii uu dalkaasi madax bannaanidiisa ka qaatay Ethiopia sanadkii 1994-kii.

SAWIRRO: XOG yaab leh oo laga ogaaday MADAXDA Daacishta SOMALIA oo la maxkamadeeyey maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Derejada koobaad ee Dalka ayaa Maanta xukuntay horjeegeyaal ka tirsanaa Kooxda Daacish. Mahad Max’ud Cabdi oo Magacyadiisa Af-garashada yihiin (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame  oo isagana loo yaqaanno  (Dr,raage)  ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen hor-joogayaasha kooxda Daacish.

Mahad Max’ud Cabdi  ayaa isaga dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah  kuwaasi oo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin.

Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu Soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxa uuna heysta dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa waddankaas, waxa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria,  isagoo ugu dambeyn ku biiray  kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish   ayuu  go’aansaday in uuu aas-aaso koox kale.

Wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeyo kooxda Daacish, taasi oo uu ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan horjooge Cabduqaadir Muumin, wax yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;-

Hoggaan xumida hoggaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale.

Max’d Daa’uud Daahir Warsame, oo Magiciisa Af-garashada yahay  (Dr,raage)  ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale  ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa cadeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu ka isticmaali jiray Lacagaha.

Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto  qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha  ayaa  maxkamadda ka hor sheegay  in aysan wakiiladooda   diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka  laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan.

Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida  G/sare  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa  soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

Horjoogeyaashan oo aan aheyn dad dhallinyaro lamarin habaabiyey ayaa doonayey in ay maskaxda dhallinyaro Soomaaliyeed   lumiyaan si ay ugu adeeggaan argagixiso aan arxan iyo aragti toona  lahayn.

Tallaabadi wasiir Canshuur sidee bay u saameyn kartaa habdhaqankii DF Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Talaadadii la soo dhaafay ciidama Kenya ee ku sugan xadka labada wadan ee kala qeybiya ee Somaaliya iyo dalkaasi waxa ay weerar ay shacab ah ku laayeen ku qaadeen xarunta shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee ku taal degmada Dhuuntow ee gobolka Gedo.

Weerarkaas oo ay salaaddii subax waqti ku beegan geysteen ciidamada Kenya waxa ay ku dileen marxuum Cabdikariin Xassan Cali oo ahaa sarkaal ka tirsanaa shirkadda Hormuud.

Isla weerarkaas waxa ay ciidamada Kenya ku dileen Baxar Iidoor oo ka mid ahaa dadkii deegaanka, kaas oo ku jiray toddobaadkii kowaad ee arooskiisa.

Ciidanka Kenya intaas kaddib waxa ay walxaha qarxa ku xireen xarunta iyaga oo gubay gabi’ahaanba dhismeheeda.

Ma jirin ciidanka Kenya sabab ay u aaneeyeen weerarkooda waxashnimada ahaa, walow aysan ahayn markii ugu horreeysay ee ay sidaas deeganada xadka ku dhaw ama gudaha dalka ku dhibaateeyaan shacaka Soomaaliyeed.

Hase ahaatee, dowladdihii Soomaaliya ee isaga dambeeyey xukunka wey adkeyd in ay ka falceliyaan tacadiyadda ay Kenya ku hayso shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay dhalleeceyn ugala kulmi jireen shacabka.

Waxaa jirtay in ay Kenya ay bilowday dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xadka labada dal kala qeybiya, taas oo ay gudaha Soomaaliya ugu soo galeen ilaa iyo xad, hadana waqti ayey ku qaadatay in dowladda Soomaaliya ay ka falceliso ama ay dowladda Kenya kala hadasho.

Yeelkeede, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Cabdi Canshuur Xassan ayaa toddobaadkii hore sameeyey arrin taas ka bedelan isaga oo durba falkaas gurracn cambaareeyey.

QORAAL LA SOO DHIGAY BOGGIISA FACEBOOK WAXAA LAGU YIRI

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareeyey Weerarkii Xarunta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa cambaareeyey Weerarkii lagu qaadey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow ee degmada Ceel-waaq.

Wasiirka oo u tacsiyeeyey ehellada dadkii ku dhintey weerarkaasi ayaa sheegay in ay kulan gaar ah arrintan kala qaateen Wasaaraddaha Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha & Dibedda degdegna looga bixin doono jawaabta ku habbon, isaga oo ku tilmaamey weerarkaasmid aan loo dulqaadan karin.

“Waxa aan ka qaadi doonaa weerarkan talaabooyinka ku habboon kadib kolka ay soo dhamaadaan baaritaanada hay’adaha ku shaqadda leh” ayuu yiri wasiir Cashuur.

“Waxaa muhiim ah in la ogaado in uu dhamaadey xiliggii isla xisaabtan la’aanta oo ay tahay in cid weliba ay si dhab ah u qaadato masuuliyadeedda, waxa aanna rajaynaynaa in ay degdeg u soo dhamaadaan baaritaanadan” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Hadaba falcelinta Wasiir Canshuur mala oran karaa waxa ay wax ka bedeshay habdhaqankii siyaasadeed ee dowladda federaalka ah, eek a fal-celinta dhibataada shacabka loo geysto, mase tahay mid ku filan, maxayse dowladda qaadi kartaa oo tallaabo?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xasan Shiikh & CC Shakuur oo HESHIIS gaaray kadibna digniin u diray madaxda DF

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo ay gaareen heshiis iskaashi..

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Xasan Sheekh ku xaqiijiyey kulankan, oo ka dhacay dalka Turkiga, waxaana qoraalkiisa ka muuqday digniin ay madaxda dowladda ugu dirayaan inaysan isku koobin talada dalka.

Hoos ka aqris qoraalka uu Xasan soo dhigay twitter.

Maanta waxaan kulannay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo igu soo booqday magaalada Ankara ee Turkey.

Md Cabdiraxmaan waxaan ka wada hadalnay caqabadaha maanta haysta dalkeenna iyo Fursadaha jira ee looga gudbi karo.

Waxaan isla garannay in Soomaaliyada maanta ay u baahan tahay in la ballaariyo saaxadda siyaasadeed ee lagu qaabeynayo dowlad dhisidda iyadoo si qoto dheer looga fakarayo xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ee aan ka tirsannahay

Sidoo kale Waxaan isla soo qaadnay iyadoo la tixgelinayo xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka geeska iyo kuwii horay uga jiray gudaha dalka, sida ay muhiim u tahay in dowladda iyo hoggaamiyayaasha dalka aaney isku koobin talada ee ay ballaariyaan saaxada wadatashiga ee siyaasiyiinta heer kasta leh iyo dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Kulankeenna waxaan ku soo gabagabeynay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed heer kasta ha joogaane, loo baahan yahay wax kasta in laga hormariyo sidii si wadajir ah loogu istaagi lahaa dalka iyo dowladnimada.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

XOG: Sidee ayay ku timid booqashada FARMAAJO uu ku tagey Eritrea (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, oo ka hadlay sida ay booqashada ku timid ayaa  sheegay in Soomaliya iyo Eretrea ay sameynayaan xiriir diblomaasiyadeed oo cusub, isagoo madaxweyne Madaxamed C/llaahi Farmaajo ii halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in booqashada uu madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eritrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka labada dowladood.

Booqashadan ayaa ku timid xiriiro diblomaasiyeed, soo sidoo kale ay gacan ku leedahay dowladda Ethiopia, sida aan xogta ku helnay, kadib markii Ethiopia iyo Eritrea ay soo afjareen colaaddii muddada fog ka dhaxeysay.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallo weyn oo socda oo la doonayo in meesha looga saaro coloaaddii iyo msinaceybkii ka dhex jiray dalalka Bariga Afrika, loogana dhigo dalal horumarsan oo wax wad qabsada.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Eretrea ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli dhawaan ay heshiis wada gaareen mdudo 20-sano ka dib dowladaha Itoobiya iyo Eretria oo mudo uu dagaal ka dhaxeeyey.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

R/W Kheyre oo soo saaray amar culus oo ka dhan ah ciidamada AMISOM (Aqri)

Muqdisho Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali kheyre ayaa amar ku bixiyay in ciidamada AMISOM laga saaro Istadium Muqdisho.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inay muhiim tahay in ciidamada AMISOM ay faarujiyaan Garoonka waxa uuna sheegay in xili hore ay ku wargaliyeen ka bixitaanka Garoonka.

Kheyre waxa uu Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye amar ku siiyay in Ciidamada AMISOM si deg deg ah looga raro Garoonka si dib u dhis loogu sameeyo.

“AMISOM waan sii wargalinay waa inay ka baxaan garoonka si ay ugu nacfiyaan shacabka waayo waxaa sii kordheysa baahida loo qabo Garoonka maaha dhufeys”

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu cadeeyey in ay muhiim tahay in AMSIOM laga saaro Garoonka si dhalinyarada Soomaaliyeed ugu ciyaaraan Kubbada Cagta maadaama uu socdo is dhexgal.

Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa hadalkaan sheegay xili uu ka hadlaayay munaasabad lagu furayey Barnaamijka Bandhigga Baahida Ciyaaraha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Laba-kaclaynta loolanka Geeska Afrika – Q. 1-aad

Muddo dheer xiriirka u dhaxeeyo Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika wuu dansanaa laakiin hadda wax walba waxay isu baddalayaan si dhaqso ah. Maxaa sababay isbaddalkaan? Yaa dabada ka riixayo, dan baa noogu jirto mise faaiido? Qormooyin dhowr ah ayaan isku dayi doonaa, haduu Eebbe idmo, inaan kusoo bandhigo jawaabaha su’aalahaan.
Furintaanki kanaalka Suways sanadki 1869’ki ayaa baddalay gabi ahaanba Badda-Cas. Habayn qur ah ayay iska baddashay gacan yar oo aan cidna qiimo ugu fadhin isuna baddashay halbowlaha ugu muhiimsan isu socodka ganacsiga dunida. Si loo muujiyo ahmiyadda marinka cusub, farshaxanaystihii Faransiiska ee  Frederic Bartholdi ayaa soo bandhigay taallo weyn oo laga dhiso irridka kanaalka Suweys loona bixiyo ‘taalladii horumarka’.
Hasa ahaatee, mashruucii taallada waxba kama suuragalin. Dowladdi Masar ee waqtigaas jirtay ayaa deyn badan ka qaadatay bangiyadii Ingriiska si ay u dhisto kanaalka. Sharci jiray qarnigii sagaal iyo tobnaad, oo loogu talagalay in marmarisiyo looga dhigto dhul boobki ree Yurub, ayaa dhigayay in haddii deyn qabuhu bixin waayo deynta lagu leeyahay dalkiisa uu xoog kula wareegi karo midka uu daynta ka qabo. 14 sano ka dib Ingiriisku sidaas ayuu yeelay oo wuxuu la wareegay kanaalki oo dhan. Arrintaas wali waa jirtaa laakiin si dadban ayaa loo qaataa. Sida Shiinuhu hadda u qaatay xeebaha Siira-Laanka halkaan ka eeg.
150’ki sano ee xigay dunidu waxay u arkaysay Badda-Cas farac yar oo ka mid ah marinka Suweys. Muddadaas waxaa dhacay dagaalo waaweyn iyo qalaalaase ballaaran laakiin labo jeer kaliya ayuu xirmay marinka Suweys sidii loo furay. Mar waxay  ahayd1956’di oo loo yaqaan qalalaasihii Suweys. Qalalaashaan ayaa yimid ka dib marki uu Jamaal Cabdinaasir qarameeyay kanaalka ka dib markii uu Ingriika iyo Maraykanku uga baxeen ballamo ahaa inay dhaqaale xooggan siin doonaan. Ka dib Ingriiska ayaa isku dayay inuu xoog kula wareego markale inkastoo uu Maraykanku ku diiday. Kanaalka ayaa xirnaa intii u dhaxaysay Oktoobar 1956 iyo Maarso 1957.
Marki xigtay waa dagaalki Carabta lagu ihaanaysatay ee loo yaqaan dagaalki lixda bari ee ay la galeen Yuhuudda. Markaan kanaalku wuxuu xirnaa lix sano oo xiriir ah. Badda-cas waxay sidoo kale u adkasatay dhibaatooyinki ay geesanayeen burcad badeeda soomaalida iyo kooxaha kale ee aagga ka dhawaa.
Burburki Soomaaliya, soo bixiddi burcad badeedda, dhaqadhaaqa kooxaha mayalka adag ee ka howl gala Soomaaliya iyo Yemen iyo Xuutiyiin Yemen ka dagaalama midnaba ma carqaladayn marinka cariiriga ah ee Baab-Al-Mandab ee ku yaal dhinaca koonfureed ee illinka Badda-cas. Bab-Al-Mandab waa meesha ay isugu yimaadaan Badda-cas iyo badweynta Hindiya. Wuxuu dhaxeeyaa Yemen, Jabuuti iyo Eritereeya. Waxaa uu marriin u yahay maraakiibta ku safarto badda Hindiya kuna socoto midda madhitereeniynka iyagoo u marayo Badda-cas. Marinkaan waxaa maro sanadki badeeco qiimaheedu yahay 600 oo bilyan oo doolar oo uu ka mid yahay shidaal. Maalin walba waxaa maro shan milyan oo fuusto oo shidaal ah. kala bar ganacsiga Yurub ay la leedahay Aasiya wuxuu maraa marinka Suweys.
Ahmiyaddaas uu leeyahay ayaa keentay in dunida oo dhan ay dantoodu ku xirnaato gacankaan yar. Waxaa xil gooni ah la iska saaray inuusan carqaladoobin isu socodka ganacsiga dunida ee marayo marinkaan. Waxaa xeebaha Soomaaliya la keenay tobannaan kun oo ciidamo ah oo sugayo amniga ganacisga ku xiran Badda-cas iyo midda Hindiya ee Soomaaliya marayso. Balse wax ka hooseeyo dantaas gaar ah la iskama saarin Geeska Afrika.
Siyaasiyiinta iyo dowladaha kaliya maahan waxa illaaway ahmiyadda Geeska Afrika ee xataa cilmi-baarayaasha ayaa ka maagay inay u fiiro yeeshaan waxa ka socdo mandhiqaddaas. Alex De Waal oo ah khabiir ka faalloodo siyaasadda  Geeska Afrika qorayna buug uu kaga hadlayo siyaasadda Geeska Afrika, dhaqaalahiisa iyo aminigiisa ayaa yiri “Badda-cas waxaa xaqiray cilmi-baarayaasha iyo khuburada ka faallooto siyaasadda. Sida loo xaqiray waxaad ka arki kartaa marki aad baarto waxa laga qoray gobalka. Google Scholar waxaa uu soo sarayaa 37 ciwaan kaliya marki aad galiso Badda-cas oo lagu daray nabad iyo amni halka usoo saarayo 530 ciwaan marki aad galiso Gacanka Carbeed”. Alex ayaa ku daray in buuggi ugu danbeeyay ee qiimo leh ee laga qoray mandhiqaddaan la qoray 1985’ti. Arrintaas ayaa ku tusayso in ahmiyaddii gobalku raacay dhammaadki dagaalki qaboobaa.
Tani waxay ku tusaysaa in gobalka aysan cidna isku shuqlin muddo dheer. Alex waxaa uu u aaneeyay xaqiraadda Badda-cas inay ku taal labo gobal oo kala duwan: Bariga dhexe iyo Afrika kuwaas ay yartahay waxa mideeyo oo isku meel jihayn karo.
Marar dhowr ah ayaa la isku dayay in la sameeyo madal u gaar ah Badda-cas. Sanadihii 70aadki iyo 80aadki Sacuudiga iyo Masar ayaa mid walba mar gooni isku dayay inuu dhiso madal ay ku midaysan yihiin dalalka ku deedsan xeebaha Badda-cas. Laakiin labada isku dayba ma aysan guulaysan. Sababta ugu muhiimsanayd ee guuldarrada keentay ayaa ahayd kala qaybsanaanti uu keenay dagaalki qaboobaa iyo su’aal ahayd inay madasha Israaiil xubin ka noqonayso.
Dhawaan qorshihii markale ayaa lasoo nooleeyay. Ergayga gaarka ah ee Yurub u xilsaaran Geeska Afrika ayaa soo jeediyay in dib loo dhaqaajiyo madasha Badda-cas maadaama uu marinku aad muhiim ugu yahay ganacsiga Yurub la leedahay dunida kale. Waxaa raacay Masar oo marinka Badda-cas u aragto farac ka mid ah kannaalka Suweys.
Hasa ahaatee su’aalihii hore ayaan meesha wali ka bixin sida ka mid noqoshada Yuhuudda, sida laga yeelayo waddamada gobala awoodda ku leh laakiin aan Badda-cas daris la ahayn sida Itoobiya iyo kaalinta ay ku yaalanayaan wadamada aysan marin Badda-cas laakiin dano waaweyn ku leh gobalka sida Imaaraadka.
Si looga jawaabo su’aalahaan, midowga Afrika ayaa billaabay qorshaha ‘Waaga Badda-cas’ taasoo leh hadaf ballaaran laakiin aan lahayn nuxur rasmi ah. Wakiilka u qaabilsan midowga Afrika arrimaha amniga, nabadda iyo wada-tashiga istaariyadaha ayaa ku sheegay hadalkiisi uu ku furay shir ka dhacay Khartuub Octoobar 2017’ki in waddamada ku yaal geeska Afrika oo ay ku jiraan Kiinya iyo Yugaandha dhammaantood la isgu yeeray si loo falanqeeyo sida looga wada faaiidaysan lahaa fursadaha ka buuxa Geeska Afrika. Qalbiga ku haay in Soomaaliya dad u matalo shirkaas joogeen. Wakiilka ayaa sheegay in sida kaliya ee looga faaiidaysan karo fursadaha yaallo mandhiqadda ay yihiin midaynta qorshaha guud, midka ganacsiga, kan siyaasadda iyo kuwa dhaqaalaha.
Sidoo kale wakiilka ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Geeska Afrika lagu soo daray dalalka muhiim u ah gobalka laakiin mudda dheer ka qatanaa ka qaybnoqoshada shirarka looga hadlayo arrimaha gobalka. Dalaalkaas ayuu wakiilku ku sheegay kuwa kuwa bariga dhexe laakiin ma uusan sheegin in Israaiil ku jirto iyo in kale.
Dhibka ugu weyn ee hadda jiro ayaa ah inuusan jirin dano isku mid ah oo mideeyo waddamada horboodayo kacdoonkaan cusub. Inti lagu jiray dagaalki qaboobaa, Soofiyeedka iyo Maraykanku labaduba isku dan ayay ka ahaayeen marinkaan. Laakiin hadda waxaa muuqato in  waddamada danaha leh ay aad u kala damac duwan yihiin.
Sagaashamaadki, danaha siyaasadeed Carabta ka laayeen Geeska Afrika wuxuu ahaa kaliya kuwa la xariiro diin. Ha noqoto la dagaalanka Al-qaaidda ama faafinta afkaar iyaga u gaar ah iyagoo u maray mashaariic kheyri ah. Laakiin hadda waxaa jiro damac dhaqaale oo ay adag tahay in la mideeyo.
Qaybta xiga waxaan ku eegi doonnaa, haduu Eebbe idmo,
quwadaha ku tartamaya Soomaaliya iyo sida ay kusoo galeen.
Ibrahim Shire

Xog: Maxaad kala socotaa waddanka Tarsan safiirka loogu magacaabay (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxaa Maxamed Axmednuur Tarsan loogu magacaabay Safiir oo cusub, kaas oo aan la shaacin wadanka loo nagacaabay.

Hadaba baaritaan aan samaynay waxaan ku ogaanay in Tarsan loo magacaabayo ama loo balan qaaday Safiirka Soomaaliya u fadhinaya dalka Kenya, inkastoo aan shalay go’aankii golaha lagu shaacin wadanka loo magacaabay.

Tarsan ayaa Safiirka Kenya loo magacaabayaa xilli uu ahaa la-taliyaha madaxweynaha bilihii ugu dambeeyey.

Inkasta oo aan la xaqiijin ayaa haddana wararka qaar ay sheegayaan in odoyaasha iyo waxgaradka beesha Mudulood ay magacaabista Tarsan kala hadleen madaxweyne Farmaajo.

Booska Tarsan loo magacaabayo ayaa waxaa horay u hayey wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Beesha Harti Daarood, wuxuuna banaanaa in ka badan 18 bilood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nikki Haley oo Carabta iyo dalalka Islaamka sharafta uga qaaday FALASTIIN

New York (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee QM Nikki Haley ayaa weerar culus ku qaaday madaxda dalalka Carabta iyo islaamka, oo ay ku sheegtay inaysan dhab ka ahayn taageerada ay sheegtaan inay u hayaan dadka Faalstiiniyiinta.

Haley ayaa sheegtay in madaxda dalalkan aysan hadalladooda u eg geesinimada iyo la-jirka Falastiiniyiinta raacin wax taageero lacageed ah oo dadka Falastiin ay u baahan yihiin.

Haley ayaa sheegtay in dalalka carbeed sida Masar, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta ay mar walba ka hadlaan taageeridda Falastiin, sidaas oo ay tahay aysan siin taageero lacageed oo ku filan.

Safiirka Mareykanka ayaa soo saartay liis ay ku qoran yahay inta lacageed oo dalalkaas oo ay wehliyaan dalalka Algeria, Tunisia, Pakistan, Oman, Iran iyo Turkey, ay siiyeen ama siin hay’adda QM ee UNRWA oo ah hay’adda qaabilsan tagaeeridda qaxootiga Falastiin.

“Dhammaan hadallada ay dalalka Carbeed iyo Islaamka uga hadlaan halkan QM, waa eber, ma siiyaan Falastiin quudin, dhar, ama waxbarasho. Waxay sameeyaan kaliya inay dalalka kale ee caalamka dhalleeceeyaan” ayay tiri Haley.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee QM, Lana Nusseibeh ayaa sheegtay in Haley ay ku saxan tahay dhalleeceyntan, ayna qasab tahay in dalalka carbed ay sidan iska beddelaan.

Washington ayaa ah xukuumadda lacagta ugu badan siisa UNRWA. Si kastaba, sanadkan waxay bixineysaa kaliya 60 milyan oo dollar, taasi oo aad uga yar 350 milyan oo dollar oo ay horey u ballan-qaaday.

Tan iyo markii xukunka uu yimid madaxweyne Trump, Mareykanka ayaa caddeystay sida ay uga go’an tahay garab-istaagga Yahuuda gumaadka ku haysa Falastiiniyiinta, inkasta oo xukuumadihii isaga ka horreeyey ee wejiga daboolan jireen.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Shariif oo xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed ka hor sheegay….

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay in mar kale uu u tartami doono jagada madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa musharaxnimadiisa ka iclaamiyay kulan uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Koonfur Galbeed waxa uuna shaaciyay in mar kale uu u tartami doono jegada madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan waxa uu Xildhibaanada weydiistay in lagala shaqeeyo sidii uu markale ku soo laaban lahaa isagoo ballanqaaday inuu la imaan doono isbedel.

Shariif Xasan waxa uu iftiimiyay in doorashada ay qabsoomi doonto waqtigii loogu talagalay, isla-markaana aanay dib uga dhici doonin 17-ka bisha November ee sanadkan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la doortay 17-kii November ee sanadkii 2014.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shaqada maamulka uu ka soo bilaabay meel hoose, maantana uu soo gaarsiiyay meel sare, isla-markaana uu diyaar u yahay in horey uu maamulka u sii dhaqaajiyo.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeen dadka reer Koonfur Galbeed ugu baaqay inay taageeradooda siiyaan, si maamulkiisu uu markale xafiiska ugu soo laabto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

KHEYRE oo WAR ka soo saaray wuxuu ka aaminsan yahay waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay Barnaamijka Bandhigga Baahida ciyaaraha dalka, ayaa khudbad uu u jeediyay kummannaan ruux oo isugu soo baxay garoonka Wiish, degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir, waxa uu uga hadlay horumarinta waxbarashada iyo ciyaaraha dalka.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa sheegay in ay aqoonyahannadii iyo dhammaan masuuliyiintii isku hawlay horumarinta waxbarashada dalka xilliyadii ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta barnaamijyo bulshada lagu horumarinayo, in dawladdu aqoonsantahay ayna ku leeyihiin sharaf iyo abaal, hase yeeshee wali loo baahanyahay in la tayeeyo waxbarashada dalka.

“Cid waliba oo kasoo shaqeysay waxbarashada Soomaaliyeed waqtigii ay ugu dhibka badneyd waxa aan u haynaa sharaf iyo abaal, dalkiinana wax aad ku leedihiin karaamo, kuwa shahaadooyinka kasoo qaatay iyo kuwa hadda dhiganayana waxa aan idiin sheegeynaa in dawladiinu idin aqoonsantahay hase yeeshee xukuummadda, wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadaha waxaa laga doonayaa in ay sii horumariyaan tayada waxbarashada waddanka si aan ula tartanno dunida inteeda kale”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa adkeeyay dawrka ciyaaruhu ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo soo celinta kalsoonida dhallinyarada, isaga oo sheegay in xukuummaddu ay bahda ciyaaraha dalka siineyso xushmadda ay mudanyihiin.

“Waxa aan aaminsanahay in Ciyaaruhu yihiin sida kaliya ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku dareemi karaan in ay qayb ka yihiin Bulshadooda. Waxa aan ka shaqeyneynaa in madaxda dalku idin siiyaan ixtiraamka aad xaqqa u leeyihiin. Marka aad safar dibadda u aadaan, safiirradu waxa ay ku amranyihiin in ay idiin soo dhaweeyaan sida madaxweynaha loosoo dhaweeyo oo garoonka diyaaradaha ay idiin istaagaan”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay muhiimmadda ay leedahay soo celinta iyo dib u dhiska goobaha ciyaaraha gaar ahaan garoomada waaweyn ee kubbadda cagta sida garoonka ciyaaraha Muqdisho oo fariisin u ah ciidanka nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

“Garoonka ugu weyn ee dalkaani lahaa waa Muqdisho, waxa aan wasiirka hortiina ugu sheegayaa in garoonkaas si dhaqsa ah gacantiinna loo soo geliyo. Waxa aan codsannay ciidamada ku jira in laga saaro, la dhiso, wasaaradda gacanteedana lasoo geliyo”, ayuu u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre ku yiri kumanaanka ruux ee ka qayb galay barnaamijka baahida ciyaaraha.

Minnesota: Ilhaan Cumar oo laga gudbiyey dacwad la xiriirta eedeymo culus

Minneapolis (Caasimada Online) – Sharci dejiye ka tirsan golaha wakiilada Minnesota,  Steve Drazkowski ayaa Ilhaan Cumar oo u tartameysa aqalka congress-ka Mareykanka ka gudbiyey dacwad ah inay si qaldan u adeegsatay lacag loogu deeqay ololaheeda doorasho.

Drazkowski, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa su’aal ka keenay lacag dhan 2,250 oo dollar oo Ilhaan ay bishii November ee 2016 siisay xafiiska garyaqaanada Kjellberg Law Office. Xafiiska oo ku taqasusay sharciga qoyska ayaa ka shaqeeyey kiiskii furriinka Ilhaan ee 2017-kii.

Drazkowski ayaa sheegay in lacagtaas ay ahayd lacag Ilhaan loogu deeqay doorashadeeda, balse ay u adeegsatay arrimo qoys oo ayada u gaar ah.

Qareenka Ilhaan oo leh xafiiskan ayaa ku gacan seertay eedeymaha loo jeediyey kalyantigeeda.

“Tani gebi ahaanba waa been. Waxaan Ilhaan siiyey talo la xiriirta maareynta xasaradaha. Lacagta ay isiisayna waxay ahayd mid taas loogu talo-galay ee ma ahayn mid furriin la xiriirta” ayey tiri qareenka Ilhaan, Carla Kjellberg.

Sidoo kale qoraal ay soo saartay ayay Ilhaan ku sheegtay in eedeymahan ay yihiin kuwa been abuur ah.

Drazkowski ayaa sheegay in Ilhaan ay leedahay taairikh xadgudubyo lacagta ololaha doorashada ah, oo tani aysan ugu horreyn.

Bishii tagtay waxaa lagu ganaaxay Ilhaan 1,100 oo dollar markii ay diiwaan gelin weysay danaheeda dhaqaale. Sidoo kale bishii May 2017 waxaa lagu ganaaxay 1,000 dollar kadib markii xilli dambe un ay shaacisay lacag la siiyey ololaheeda doorasho. Bishii November ay 2017 ayaa 150 dollar oo ganaax ah waxay ku muteysatay diiwaan-gelin lacageed oo xilligeeda ka daahday.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Daawo: Faysal Waraabe oo ugu danbeyn si cajiib ah u difaacay kulanka Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo dib ugu laabtay magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay kulankii uu dhawaan magaalada Brussles kulasoo qaatay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid uu dalbaday Farmaajo sidaana ay ula kulmeen, isagoo meesha ka saaray inay kala hadleen arrimo gaara.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu ku adkeystay in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen colaada ka jirta deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, hase yeeshee uu iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay dagaalka.

Faysal cali waraabe ayaa sidoo hadalkiisa waxaa qeyb ka ahaa in Xukuumada Muuse Biixi uu hogaamiyo ay todobadii bilood ee ay xilka haysay waxba laga weydiin waxa ay qabatay xili uu sheegay in marmarsiyo laga dhiganayo “Faysal ayaa Farmaajo la kulmay”.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu si cad u sheegay in laysla xisaabtami doono wakhtiyada soo aadan, waxa uuna arrin aan Xukuumada khuseyn ku sheegay la kulankiisa ku aadan Farmaajo.

HOOS KA DAAWO HADALKA FAYSAL CALI WARAABE

Khilaaf ka taagan wareegto uu soo saaray madaxweyne ku-xigeenka GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaada ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay khilaaf ka dhashay xil ka qaadis uu mas’uul xil hayay ku sameeyay Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug.

Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle Maxamed, hase yeeshee Guddoomiyaha ayaa diiday xil ka qaadista.

Waxa uu Guddoomiyaha sheegaya inaanu sharci aheyn xil ka qaadista lagu sameeyay, sidaa aawgeedna uusan aqoonsaneyn Wareegtada kasoo baxday xafiiska Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay).

Waxaa uu sheegay Gudoomiye Jaamac Xayle Hogaamiye ku xigeenka uu warqad kasoo qoray Magaalada Muqdisho in ay soo gaartay laguna sheegay in xilka looga qaaday, taasina aysan sharci aheyn.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa xusay in heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ay gaareen ay arintaasi kasoo horjeedo ayna tahay Sharci daro.

Dhinaca kale, Hogaamiye ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay), ayaa bilihii lasoo dhaafay dibad joog ka ahaa howlaha maamulka Galmudug, waxaana uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog sirdoon: Mareykanka oo bisha soo socota weerar ku qaadaya dalka Iran

Sydney (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa inay weerar gantaallo ah ku qaado goobaha Nuclear-ka dalka Iran bisha soo socota, sida uu kashifay sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka Australia.

Taleefishinka qaranka Australia ee ABC ayaa sheegay in Trump uu diyaar u yahay inuu bixiyo amar weerar oo ka dhan ah Iran. Taleefishinka ayaa soo xigtay ilo-sirdoon oo magacooda la qariyey.

Si kastaba markii warkan uu soo shaac baxay, ayaa ra’iisul wasaaraha Australia Malcolm Turnball waxa uu iska dayey inuu qaboojiyo, isaga oo sheegay inuu yahay warar la isla dhex-marayo oo aan hubneyn.

“Warka ABC ee laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Australia, aniga la igalama tashan, ama wasiirka arrimaha dibedda, ama wasiirka gaashaandhigga, ama taliyaha ciidmada” ayuu Turnball u sheegay ABC Radio.

Taleefishinka ABC ayaa sheegay in saldhigga ugu sarreeya sirdoonka dalkaas ee Pine Gap uu kaalin ka qaadan karo cayimidda goobaha weerarka lala beegsanayo ee dalka Iran.

Warkan ayaa imanaya ayada oo Trump uu toddobaadkii horey ugu hanjabay Iran inay la kulmi doonto cawaaqib aan dhicin taariikhda dunida haddii sida uu sheegay ay u hanjabto Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Sydney
[email protected]

Sawirro: DFS iyo QADAR oo wadahadlay iyo Qadar oo ka dhabeyneysa hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kulan ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo Danjiraha Qadar ee Somalia Xasan bin Xamsa Asad Haashim.

Kulanka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa waxa uu ka dhacay Xafiiska Wasiirka waxaana diirada lagu saaray xiriirka labada dal, Bilaabida howlaha Qadar ee Somalia iyo in Qadar ay ka dhabeyso ballanqaadyada ay u sameysay Somalia, waxaa kale oo la is dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha gobolka iyo dunida.

Danjire Xasan bin Xamsa Asad Haashim waxa uu kulanka ka sheegay in Qadar ay ka dhabeyneyso hirgalinta dhamaan ballanqaadyada ay u sameysay Somalia, waxa uuna sidoo kale Wasiir Cawad ku wareejiyay warqad uu uga waday dhigiisa Qadar.

Intaa kadib Danjire Xasan Xamsa ayaa gaari qafilan oo aanu xabadda karin ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia si Wasaarada ay ugu adeegsato arrimaha muhiimka ah.

Danjire Xasan Xamsa waxa uu sheegay in gaariga uu yahay hadiyad ka timid Xukuumadda iyo Shacabka Qatar.

Gaariga ayaa waxaa lagu biirin doonaa gaadiidka martida looga soo qaado Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,sida uu kulanka ka sheegay Danjiraha.

Dowlada Qadar ayaan inta badan aan fulin ballanqaadyada dhaqaale oo ay u sameyso Somalia, xili dowlada Somalia lagu eedeeyo in si toosa ay ula safatay Qadar.

Maxaa diiday xukuumadda Kheyre inay sharaxaad ka bixiso wasiirada la ceyriyo?

Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan wuxuu u dambeeyey tiro wasiirro ah oo soo maray xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, kuwaasoo xilliyo kala duwan xilalka laga qaaday, ama iska casilay.

Sida ay sheegeen wasiirada qaar oo xilka laga qaaday, waxaa jiray balanqaad loo sameeyay oo ahaa in ay waqtiga isla dhamaysan doonaan xukuumadda.

Hase yeeshee tiro ka 7 wasiir ayaa laga qaaday xilalkii ama laga eryey wasaaradihii ay hayeen ayadoo aan la sheegin sababta.

Tiradaas waxaan ku jirin wasiirradii iyo wasiir ku xigeennadii baneeyey boosaskooda, si ay ugu tartamaan jagadii guddoomiyaha baarlamaanka, Wasiir Cabaas Siraaji oo Muqdisho lagu dilay iyo wasiirad Maryan Qaasim oo is casishay.

Su’aasha ugu weyn ee ay dadku is weydiinayan waxay tahay miyeynaan xaq u lahayn in aan ogaanno sababta wasiirro intaa le’eg loo eryey ama ay uga tageen shaqadii ay qaranka u hayeen?.

Weli lagama jawaabin su’aashaas, laakin Maxamed Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya wuxuu qabaa in hawshaas ay baarlamaanka u taallo.

“Sida dastuurku dhigayo, waxaa matala wakiillo baarlamaan. Hadduusan baarlamaanku la hadli karin oo uusan su’aashaas weydiin karin ra’iisul wasaaraha, hadde shacabku afarta sano inta ay ka dhamaanayso uun bay sugayaan” ayuu yiri.

Wuxuu dareen ka muujiyey tirada sii kordhaysa ee wasiirrada xafiiska ka tagaya ama laga eryayo muddadii sannad iyo barka ahayd ee ay dawladdu jirtay.

Wuxuu barbar dhigay dawladihii ka horreeyey oo uu sheegay in heerkan aysan gaarsiisnayn, wuxuuna u aanaynayaa isagoo tusaale u soo qaatay wasiirkii waxbarashada ee u dambeeyey wasiirrada la eryey, in uusan jirin dulqaad siyaasadeed oo hadal uu wasiirku sheegay, markii dambena uu raalli galin ka bixiyey uu sababsaday.

“Khaladkan oo kale cidna ma caawinayo, wasiirkii ma caawin, xukuumaddii ma caawin, wasiir cusub oo la keenana wuxuu u baahan yahay inuu hay’adihii kala barto” ayuu yiri Caalin.

Wuxuu tilmaamay Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ay horay u balanqaadeen xasilooni siyaasadeed “Xukuumad ballanqaadyo samaysay oo sheegtay in ay koox ahaan u wada shaqaynayso oo aqoonyahanno leh, haddana dadkii xukuumaddu keentay sida Maryan, wasiir Juxa, Yuusuf Garaad ay qaar yiraahdaan nidaam darro ayaan shaqada uga tegey, qaarna ay yiraahdaan ma aynaan ogayn waa dhaqan ku cusub xukuumadda Khayre, mas’uuliyadana waxaa iska leh wasiirka 1aad. dadku waxay dusha u saaraan Madaxweynaha. Hadday xukuumaddu najaxdo iyo hadday shaqayn waydo labada ra’iisul wasaaraha ayaa iska leh” ayuu sii raaciyey.

MAXAY TAHAY SABABTA AAN LOO SHEEGIN XIL KA QAADIDDA WASIIRRADA?

Maxamed Caalin wuxuu qabaa in arrintaas uu madaxweynuhu ka gaabiyey. “Waxay noola muuqataa in madaxweynuhu uusan door weyn ku lahayn inuu ilaaliyo maadaama uu yahay hay’adda ugu dambaysa ee waddanka xagga sharciga marka laga fiiriyo. Arrinta madaxweynaha ayey u taallaa inuu baaritaan ku sameeyo oo mas’uuliyadiisa ka soo baxo” ayuu yiri.

Ma ahan oo kaliya wasiirada xilka laga qaaday, ee waxaa kale oo jira waxyaabo kale oo tiro badan oo dalka ka dhaca oo aanan la sharixin sababtii ay ku dhaceen.

ISHA BBC Somali

Magaca saxda ah ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya, da’da & diinta: Xog aan la shaacin

Addis Ababa (Caasimada Online) – Weriye ka socda talefishanka BBC qaybtiisa afka ingiriisiga, gaar ahaan wararka Afrika ayaa dhowaan booqday deegaanka uu asal ahaan ka soo jeedo raysalwasaraha dalka Itoobiya, si uu xog dheeraad ah uga soo helo noloshiisii carruurnimo iyo qoyskiisa.

Wariyuhu waxa uu booqday tuulaha Bashaashaa oo ah deegaanka uu qoys ahaan ka soo jeedo raysalwasaare Abiy Axmed. Waxa aanu soo helay xogo qaarkood burinaya kuwa laga ogyahay raysalwasaaraha iyo warar dadku inta badan isla dhexmaraan.

In kasta oo waraaqaha rasmiga ah ee u diiwaangashan raysalwasaare Abiy Axmed Cali ay sheegayaan in uu dhashay sannadkii 1976 kii, oo ay da’diisu noqonayso 42 sano, wariyuhu waxa uu soo helay xog taas aad uga duwan oo la xidhiidha taariikhda dhalashada ee raysalwasaaraha. “Abiy Axmed, sannadkii 1968 kii ayaa uu ku dhashay gobalka dadkiisu muslimiinta u badan yihiin ee Oromiya” ayaa uu weriyuhu ku yidhi, warbixintan oo iyada oo fiidyow qoraallo wehelinayaan ah, 21kii bishan julaay lagu faafiyey barta ay BBC qaybteeda afka ingiriisigu ku leedahay internetka.

Diinta

Ugu horreyna waxa uu wariyuhu ka hadlay diinta uu aaminsan yahay raysalwasaaruhu oo dadku inta badan hadal geliyaan, “Aabihii waa Muslim, hooyadii waa Kiristaan, Abiy Axmedna waa Kiristaan aaminsan mad-habta Protestant ka” ayaa lagu yidhi warbixinta uu sii daayey barnamaijka BBC News Afrika. Laakiin waxaa la sheegay, maadaama oo uu deegaanku muslimiin u badanyahay, aabihiina muslim yahay, in Abiy Axmed uu Qur’aanka wax ka bartay. Waxa aanu aabihii sheegay in uu akhriyi jiray aayado Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah.

Magaciisa runta ah, macnaha magaca iyo habdhaqankiisii carruurnimo

Magaca raysalwasaaruhu waxa uu sax ku yahay Abiyot oo ah erey afka oromada ku jira oo macnihiisu yahay, ‘Kacaan / kacdoon’. Laakiin waxaa magaciisa sida uu hadda u dhigan yahay u beddelay aabihii, “Aniga ayaa ‘Abiy’ ku odhan jiray, aniga oo soo gaabinaya magaciisa” ayaa uu idhi raysalwasaaraha aabihii oo BBC da u warramayey.

Sida caadiga ah, waxa uu Abiy Axmed aabihii iyo hooyadii kala shaqayn jiray kana caawin jiray hawlmaalmeedka shaqo ee guriga iyo nolosha qoyska la xidhiidha. Waxa uu ahaa wiil aad u furfuran oo sida uu aabihii sheegay, ‘Cid kasta la saaxiiba’.

Axmed Cali oo ah raysalwasaaraha aabihii ayaa isaga oo weriyaha la hadlaya waxa uu yidhi, ‘Ha u qaadan in awoodda iyo madaxnimada uu gaadhay ay igu kallifayso in aan ammaantiisan iyo wanaaggiisan sheego. Laakiin runta ayaa aan kuu sheegayaa ee ficilladiisa oo dhami waxa ay ahaayeen kuwa fiican”.

Raysalwasaaraha aabihii Axmed Cali oo ka warramaya dareenkii dadka deegaanku ay ku qaabileen xilka inankiisa loo dhiibay ayaa yidhi, “Markii uu ka soo muuqday talefishannada, dadku jacayl badan ayaa ay u qaadeen. Sida waalidka oo kale ayaa ay u jeclaadeen”

Waxbarashadii

Raysalwasaare Abiy Axmed waxa uu geeddiga waxbarasho ka bilaabay dugsiga hoose ee degmada Bashaashaa, oo weli shaqeeya. Laba nin oo ay walaalo yihiin ayaa uu wariyaha barnamaijka diyaariyey waraystay, “Dhammaantayo waa uu naga duwanaa, waxa uu ahaa nin waxa ku cusub aad ugu fiirsi badan” waxaa sidaa yidhi, mid ka mid ah labadiisa walaal ee warramay. Waxa aanu intaas ku sii daray, in Abiyot aanu isku koobin waxbarashada dugsiga ee sida oo kalana uu diintiisa baran jiray. “Waxa uu ku dadaalay in uu raaco dugsiga iyo waxbarashada diintiisa labadaba” ayaa uu yidhi ninka ay walaalaha yihiin raysalwasaaraha oo jooga degmada Bashaasha, isaga oo la hadlayey BBC News Africa. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in Abiy Axmed yaraantiisii aanu ahayn carruurta jecel in ay waqtigooda ciyaar ku wada qaataan, balse uu ka jeclaa ag-joogga dadka waaweyn, “Inta la ciyaarayo isagu waxa uu ka doorbidi jiray, oo uu la joogi jiray dadka waaweyn” ayaa uu yidhi Abiy walaalkii oo aan warbixinta magaciisa lagu sheegin.

“Isaga oo carruur ah ayaa uu sida dadka waaweyn u dhaqmi jiray” ayaa uu yidhi, isaga oo sida oo kale sheegay in uu ahaa carruurta ay dadku inta badan jecel yihiin. Walaalkiisa kale oo isaga oo hareer fadhiya wariyaha la hadlay ayaa isna sheegay in dabeecadaha ay ku arki jireen Abiy Axmed markii uu yaraa ay ka mid ahayd, awood iyo karti uu u lahaa in uu dib u heshiisiiyo carruurtu marka ay is dilaan. Oo uu xidhiidhkooda saaxiibtinimo soo celiyo. Walaalkiisa hore ee dhinac fadhiyey ayaa inta uu hadalka ka boobo odhanaya, “Marka ay walaalihii is dilaan isaga ayaa ahaa ka isu keena ee dib u soo celiya xidhiidhkooda” Isaga oo intaas ku sii daray in uu ahaan jiray ruux nabadda jecel.

“Waan ku faraxsanahay raysalwasaare Abiy Axmed, waan ku faraxsanahay in la doortay” Waxaa isna sidaas yidhi, Tamir Kasmer oo ah wadaadka ka masuulka ah kaniisadda ee deegaankan. Waxa aanu intaas ku sii daray in uu aad ugu faraxsanyahay tallaabooyinka uu illaa hadda qaaday raysalwasaare Abiy Axmed.

Kaddib, Khudbaddii uu raysalwasaare Abiy Axmed bishii lixaad ee sannadkan ka jeediyey isu soo bixii ballaadhnaa ee ka dhacay magaalada Addis Ababa. Waxaa fagaarihii ka dhacay weerar bambaane oo ay laba qof ku dhinteen dhawr kalana ku dhaawacmeen. Wariyaha ayaa raysalwasaaraha aabihii weydiiyey, sida uu maalintaas dareenkiisu noqday, waxa aanu ku jawaabay. “Markii aan warkaas maqlay, naxdintii aan qaaday awgeed, laba maalmood ayaa aan xanuunsanayey” Aabo Axmed Cali waxa uu sheegay in uu naxdintii jaahwareeray oo uu isku dhexdaatay, “Waan ooyay, aniga oo moodaya in aan sidaas ku waayey [Inankayga]” ayaa uu yidhi.

Waxaa laga yaabaa in markaba ay maskaxda ku soo dhacdo dareenka ah, maadaama oo degmada uu raysalwasaaruhu ka soo jeedaa ay sidaas u yar tahay, dadkuna wada garanayaan, weliba yaraantiisii dad badani jeclaayeen, sidee uu dareenkoodu noqon doonaa haddii uu imika soo booqdo isaga oo raysalwasaare ka ah dalka Itoobiya oo dhan. Su’aal isla dareenkaas la xidhiidha ayaa uu wariyuhu weydiinayaa, raysalwasaaraha aabihii oo ku jawaabay, “In aan dhinaciisa ka dhaqaaqo ma dooni doono. Waa aan dhunkan doonaa”

Wadaad kaniisadda oo isagana isla su’aashan uu wariyuhu weydiiyey, ayaa isaga oo dhoolla caddaynaya ku jawaabay, “Aad baa aan u farxi doonaan. Waa aan u heesi doonaa”

Gabadh lagu magacaabo Samiira oo iyaduna deegaanka ka mid ah, ayaa iyada oo qoslaysa wariyaha ku tidhi, “Wax kasta oo aan awoodo waxa aan isugu geyn lahaa, sidii aan u salaami lahaa”

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]