25.1 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Maxaa diiday xukuumadda Kheyre inay sharaxaad ka bixiso wasiirada la ceyriyo?

Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan wuxuu u dambeeyey tiro wasiirro ah oo soo maray xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, kuwaasoo xilliyo kala duwan xilalka laga qaaday, ama iska casilay.

Sida ay sheegeen wasiirada qaar oo xilka laga qaaday, waxaa jiray balanqaad loo sameeyay oo ahaa in ay waqtiga isla dhamaysan doonaan xukuumadda.

Hase yeeshee tiro ka 7 wasiir ayaa laga qaaday xilalkii ama laga eryey wasaaradihii ay hayeen ayadoo aan la sheegin sababta.

Tiradaas waxaan ku jirin wasiirradii iyo wasiir ku xigeennadii baneeyey boosaskooda, si ay ugu tartamaan jagadii guddoomiyaha baarlamaanka, Wasiir Cabaas Siraaji oo Muqdisho lagu dilay iyo wasiirad Maryan Qaasim oo is casishay.

Su’aasha ugu weyn ee ay dadku is weydiinayan waxay tahay miyeynaan xaq u lahayn in aan ogaanno sababta wasiirro intaa le’eg loo eryey ama ay uga tageen shaqadii ay qaranka u hayeen?.

Weli lagama jawaabin su’aashaas, laakin Maxamed Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya wuxuu qabaa in hawshaas ay baarlamaanka u taallo.

“Sida dastuurku dhigayo, waxaa matala wakiillo baarlamaan. Hadduusan baarlamaanku la hadli karin oo uusan su’aashaas weydiin karin ra’iisul wasaaraha, hadde shacabku afarta sano inta ay ka dhamaanayso uun bay sugayaan” ayuu yiri.

Wuxuu dareen ka muujiyey tirada sii kordhaysa ee wasiirrada xafiiska ka tagaya ama laga eryayo muddadii sannad iyo barka ahayd ee ay dawladdu jirtay.

Wuxuu barbar dhigay dawladihii ka horreeyey oo uu sheegay in heerkan aysan gaarsiisnayn, wuxuuna u aanaynayaa isagoo tusaale u soo qaatay wasiirkii waxbarashada ee u dambeeyey wasiirrada la eryey, in uusan jirin dulqaad siyaasadeed oo hadal uu wasiirku sheegay, markii dambena uu raalli galin ka bixiyey uu sababsaday.

“Khaladkan oo kale cidna ma caawinayo, wasiirkii ma caawin, xukuumaddii ma caawin, wasiir cusub oo la keenana wuxuu u baahan yahay inuu hay’adihii kala barto” ayuu yiri Caalin.

Wuxuu tilmaamay Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ay horay u balanqaadeen xasilooni siyaasadeed “Xukuumad ballanqaadyo samaysay oo sheegtay in ay koox ahaan u wada shaqaynayso oo aqoonyahanno leh, haddana dadkii xukuumaddu keentay sida Maryan, wasiir Juxa, Yuusuf Garaad ay qaar yiraahdaan nidaam darro ayaan shaqada uga tegey, qaarna ay yiraahdaan ma aynaan ogayn waa dhaqan ku cusub xukuumadda Khayre, mas’uuliyadana waxaa iska leh wasiirka 1aad. dadku waxay dusha u saaraan Madaxweynaha. Hadday xukuumaddu najaxdo iyo hadday shaqayn waydo labada ra’iisul wasaaraha ayaa iska leh” ayuu sii raaciyey.

MAXAY TAHAY SABABTA AAN LOO SHEEGIN XIL KA QAADIDDA WASIIRRADA?

Maxamed Caalin wuxuu qabaa in arrintaas uu madaxweynuhu ka gaabiyey. “Waxay noola muuqataa in madaxweynuhu uusan door weyn ku lahayn inuu ilaaliyo maadaama uu yahay hay’adda ugu dambaysa ee waddanka xagga sharciga marka laga fiiriyo. Arrinta madaxweynaha ayey u taallaa inuu baaritaan ku sameeyo oo mas’uuliyadiisa ka soo baxo” ayuu yiri.

Ma ahan oo kaliya wasiirada xilka laga qaaday, ee waxaa kale oo jira waxyaabo kale oo tiro badan oo dalka ka dhaca oo aanan la sharixin sababtii ay ku dhaceen.

ISHA BBC Somali

Magaca saxda ah ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya, da’da & diinta: Xog aan la shaacin

Addis Ababa (Caasimada Online) – Weriye ka socda talefishanka BBC qaybtiisa afka ingiriisiga, gaar ahaan wararka Afrika ayaa dhowaan booqday deegaanka uu asal ahaan ka soo jeedo raysalwasaraha dalka Itoobiya, si uu xog dheeraad ah uga soo helo noloshiisii carruurnimo iyo qoyskiisa.

Wariyuhu waxa uu booqday tuulaha Bashaashaa oo ah deegaanka uu qoys ahaan ka soo jeedo raysalwasaare Abiy Axmed. Waxa aanu soo helay xogo qaarkood burinaya kuwa laga ogyahay raysalwasaaraha iyo warar dadku inta badan isla dhexmaraan.

In kasta oo waraaqaha rasmiga ah ee u diiwaangashan raysalwasaare Abiy Axmed Cali ay sheegayaan in uu dhashay sannadkii 1976 kii, oo ay da’diisu noqonayso 42 sano, wariyuhu waxa uu soo helay xog taas aad uga duwan oo la xidhiidha taariikhda dhalashada ee raysalwasaaraha. “Abiy Axmed, sannadkii 1968 kii ayaa uu ku dhashay gobalka dadkiisu muslimiinta u badan yihiin ee Oromiya” ayaa uu weriyuhu ku yidhi, warbixintan oo iyada oo fiidyow qoraallo wehelinayaan ah, 21kii bishan julaay lagu faafiyey barta ay BBC qaybteeda afka ingiriisigu ku leedahay internetka.

Diinta

Ugu horreyna waxa uu wariyuhu ka hadlay diinta uu aaminsan yahay raysalwasaaruhu oo dadku inta badan hadal geliyaan, “Aabihii waa Muslim, hooyadii waa Kiristaan, Abiy Axmedna waa Kiristaan aaminsan mad-habta Protestant ka” ayaa lagu yidhi warbixinta uu sii daayey barnamaijka BBC News Afrika. Laakiin waxaa la sheegay, maadaama oo uu deegaanku muslimiin u badanyahay, aabihiina muslim yahay, in Abiy Axmed uu Qur’aanka wax ka bartay. Waxa aanu aabihii sheegay in uu akhriyi jiray aayado Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah.

Magaciisa runta ah, macnaha magaca iyo habdhaqankiisii carruurnimo

Magaca raysalwasaaruhu waxa uu sax ku yahay Abiyot oo ah erey afka oromada ku jira oo macnihiisu yahay, ‘Kacaan / kacdoon’. Laakiin waxaa magaciisa sida uu hadda u dhigan yahay u beddelay aabihii, “Aniga ayaa ‘Abiy’ ku odhan jiray, aniga oo soo gaabinaya magaciisa” ayaa uu idhi raysalwasaaraha aabihii oo BBC da u warramayey.

Sida caadiga ah, waxa uu Abiy Axmed aabihii iyo hooyadii kala shaqayn jiray kana caawin jiray hawlmaalmeedka shaqo ee guriga iyo nolosha qoyska la xidhiidha. Waxa uu ahaa wiil aad u furfuran oo sida uu aabihii sheegay, ‘Cid kasta la saaxiiba’.

Axmed Cali oo ah raysalwasaaraha aabihii ayaa isaga oo weriyaha la hadlaya waxa uu yidhi, ‘Ha u qaadan in awoodda iyo madaxnimada uu gaadhay ay igu kallifayso in aan ammaantiisan iyo wanaaggiisan sheego. Laakiin runta ayaa aan kuu sheegayaa ee ficilladiisa oo dhami waxa ay ahaayeen kuwa fiican”.

Raysalwasaaraha aabihii Axmed Cali oo ka warramaya dareenkii dadka deegaanku ay ku qaabileen xilka inankiisa loo dhiibay ayaa yidhi, “Markii uu ka soo muuqday talefishannada, dadku jacayl badan ayaa ay u qaadeen. Sida waalidka oo kale ayaa ay u jeclaadeen”

Waxbarashadii

Raysalwasaare Abiy Axmed waxa uu geeddiga waxbarasho ka bilaabay dugsiga hoose ee degmada Bashaashaa, oo weli shaqeeya. Laba nin oo ay walaalo yihiin ayaa uu wariyaha barnamaijka diyaariyey waraystay, “Dhammaantayo waa uu naga duwanaa, waxa uu ahaa nin waxa ku cusub aad ugu fiirsi badan” waxaa sidaa yidhi, mid ka mid ah labadiisa walaal ee warramay. Waxa aanu intaas ku sii daray, in Abiyot aanu isku koobin waxbarashada dugsiga ee sida oo kalana uu diintiisa baran jiray. “Waxa uu ku dadaalay in uu raaco dugsiga iyo waxbarashada diintiisa labadaba” ayaa uu yidhi ninka ay walaalaha yihiin raysalwasaaraha oo jooga degmada Bashaasha, isaga oo la hadlayey BBC News Africa. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in Abiy Axmed yaraantiisii aanu ahayn carruurta jecel in ay waqtigooda ciyaar ku wada qaataan, balse uu ka jeclaa ag-joogga dadka waaweyn, “Inta la ciyaarayo isagu waxa uu ka doorbidi jiray, oo uu la joogi jiray dadka waaweyn” ayaa uu yidhi Abiy walaalkii oo aan warbixinta magaciisa lagu sheegin.

“Isaga oo carruur ah ayaa uu sida dadka waaweyn u dhaqmi jiray” ayaa uu yidhi, isaga oo sida oo kale sheegay in uu ahaa carruurta ay dadku inta badan jecel yihiin. Walaalkiisa kale oo isaga oo hareer fadhiya wariyaha la hadlay ayaa isna sheegay in dabeecadaha ay ku arki jireen Abiy Axmed markii uu yaraa ay ka mid ahayd, awood iyo karti uu u lahaa in uu dib u heshiisiiyo carruurtu marka ay is dilaan. Oo uu xidhiidhkooda saaxiibtinimo soo celiyo. Walaalkiisa hore ee dhinac fadhiyey ayaa inta uu hadalka ka boobo odhanaya, “Marka ay walaalihii is dilaan isaga ayaa ahaa ka isu keena ee dib u soo celiya xidhiidhkooda” Isaga oo intaas ku sii daray in uu ahaan jiray ruux nabadda jecel.

“Waan ku faraxsanahay raysalwasaare Abiy Axmed, waan ku faraxsanahay in la doortay” Waxaa isna sidaas yidhi, Tamir Kasmer oo ah wadaadka ka masuulka ah kaniisadda ee deegaankan. Waxa aanu intaas ku sii daray in uu aad ugu faraxsanyahay tallaabooyinka uu illaa hadda qaaday raysalwasaare Abiy Axmed.

Kaddib, Khudbaddii uu raysalwasaare Abiy Axmed bishii lixaad ee sannadkan ka jeediyey isu soo bixii ballaadhnaa ee ka dhacay magaalada Addis Ababa. Waxaa fagaarihii ka dhacay weerar bambaane oo ay laba qof ku dhinteen dhawr kalana ku dhaawacmeen. Wariyaha ayaa raysalwasaaraha aabihii weydiiyey, sida uu maalintaas dareenkiisu noqday, waxa aanu ku jawaabay. “Markii aan warkaas maqlay, naxdintii aan qaaday awgeed, laba maalmood ayaa aan xanuunsanayey” Aabo Axmed Cali waxa uu sheegay in uu naxdintii jaahwareeray oo uu isku dhexdaatay, “Waan ooyay, aniga oo moodaya in aan sidaas ku waayey [Inankayga]” ayaa uu yidhi.

Waxaa laga yaabaa in markaba ay maskaxda ku soo dhacdo dareenka ah, maadaama oo degmada uu raysalwasaaruhu ka soo jeedaa ay sidaas u yar tahay, dadkuna wada garanayaan, weliba yaraantiisii dad badani jeclaayeen, sidee uu dareenkoodu noqon doonaa haddii uu imika soo booqdo isaga oo raysalwasaare ka ah dalka Itoobiya oo dhan. Su’aal isla dareenkaas la xidhiidha ayaa uu wariyuhu weydiinayaa, raysalwasaaraha aabihii oo ku jawaabay, “In aan dhinaciisa ka dhaqaaqo ma dooni doono. Waa aan dhunkan doonaa”

Wadaad kaniisadda oo isagana isla su’aashan uu wariyuhu weydiiyey, ayaa isaga oo dhoolla caddaynaya ku jawaabay, “Aad baa aan u farxi doonaan. Waa aan u heesi doonaa”

Gabadh lagu magacaabo Samiira oo iyaduna deegaanka ka mid ah, ayaa iyada oo qoslaysa wariyaha ku tidhi, “Wax kasta oo aan awoodo waxa aan isugu geyn lahaa, sidii aan u salaami lahaa”

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected] 

Warbixin: sababaha kala bar wasiirrada R/W Kheyre ay shaqada uga tageen

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre tan iyo markii xukuumadda uu soo magacaabey 21-kii March sanadkii hore, waxaa wasiirradiisa sababo kala duwan uga tagay kalabbar, sidaas ay tahay wasiirrada kuma tagin howl gudasho la’aan, si shaqada loo hagaajiyo ama xataa dadka iyaga ka fiican loo keenno, intooda badan waxaa ay ku baxeen khilaafaad kala dhaxeeya wasriirka 1aad ama bulshada rayidka ah.

Haddaba Akhriso, Sababaha Ay Wasiirrada Kheyre Kala-ubar U Tageen.

Feb 23, 2017: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas.

March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno ahaa.

 April 1, 2017  Waxaa kalsooni heshay xukuumadda Ra’isul wasaare Cali Kheyre, iyada oo si toos ah shaqadeeda u bilowday.

May 3, 2017:  Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u dhiska  Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, geeridiisa kadib waxaa su’aalo laga keenay amniga wasiirka sida uu ahaa!

October 12, 2017: Cabdirashid  Cabdullahi  Maxamed oo ahaa wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya ayaa  istiqaaladiisa u gudbiyay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaa uu ka sheegtay shaqo la’aan iyo in howlihiisa cid kale isla qabato!

November 15, 2017: Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa waxay iska casishay xilkaasi.  Wasiirka waxaa lagu dul sameeyay guddiyo iyo hey’ado qabanayey shaqadeeda, waxaa ka dhamaaday dul-qaadkii!

November 26, 2017: Waxaa xilka laga qaaday wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya Iiman Cabdullahi Cali, lama shaacin wax sabab ah.

January 4, 2018: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa shaqada ka ceyriyay 3 wasiir oo kala ah: wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga calamiga Yusuf Garaad,, Wasiirka warshadaha iyo ganacsig Khadra Axmed Ducaale, iyo wasiirka arrimaha gudaha federalism-ka Cabdi Farah Saciid“Juxa”, Yusuf Garaad marka laga reebo, labada kale waa hareeyay khilaaf, gabadha waxaa ay isku dhaceen rugta ganacsiga halka Juxa ay si shaskhsi ah isku fahmi waayeey Kheyre!

Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka arrimaha gudaha oo qoraal soo saaray waxaa ay sheegeen in aan loo sheegin xilka qaadista taas oo protocol ahaan hadal badan laga keenay, waxaa kale oo ay soo jeediyeen arrimo muhiim u ah jiritaanka dowladnimada.

Yusuf Garaad waxaa uu la dardaarmayey madaxweynaha iyo wasiirka 1aad waxaa uu yiri “waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda”

Cabdi Farax Juxa waxaa uu isna ku dardaraamay “Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, danteenuna waa isku tolan tahay, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay”.

January 21, 2018: Cabdiraxmaan Yarisow oo ahaa wasiirka warfaafinta ayaa loo magacaabey guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho,

April 24, 2018: Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed MursalShiikh C/raxmaan , waxaa uu murashax u ahaa afhayeenka baarlamaanka.

April 24, 2018: Wasiirka Tamarta Saalim Caliyow Ibrow, waxaa uu isku casilay tartanka afhayeenka golaha shacabka.

Waxaa kale oo isla sababtaas xukuumadda Kheyre uga tagay Ibraahim Isaaq Yarow(Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta), Cali Sheekh Maxamed Nuur(wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo federaalka), Cabdi Casis Xasan Maxamed(wasiiru dowlaha warfaafinta).

May 2018: Wasiirka wasaradda howlaha Guud  & Dib u dhiska xukumadda soomaaliya Eng saadiq abdulaahi cabdi ayaa ka mid ah wasiirada la ceyriyay.

July 9, 2018: Qoraal ka soo baxay xafiiska Kheyre ayaa shaqada loo ceyriyay wasiirka diinta iyo awqaafka  Xasan Macalin Xuseen.  Wasiirka waxaa uu sababsaday arrimaha xajka, maareynta, lacagta iyo cidda qaadeysa xujeyda.

July 26, 2018: Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xilkii waxaa looga qaaday wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka C/raxmaan Daahir Cusmaan. Wasiirka waxaa lagu ceriyay kadib markii uu sheegay in wasaaradiisa aaney aqoonsaneen jaamacadaha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

2 shakhsi oo loo badinayo in midkood noqon doono wasiirka waxbarashada DF

0

Muqdisho (Caasmadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan kadib Digreeto kasoo baxday Ra’isulwasaare Kheyre.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada ayaa la rumeysan yahay inuu xilkiisa ku waayey hadalkii uu sheegay ee ahaa inaysan dowladda Soomaaliya aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ku yaalo ee soo shaqaanayey 30-kii sano ee dalka qalalaasaha ku jiray.

Midda sida weyn ay madaxda u dhibsadeyn ayaa aheyd hadalkii Wasiirka ee ahaa inaysan dowladda xataa aqoonsaneyn jaamacadda Umadda oo la ogyahay inuu Madaxweyne Sharafeed ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo weliba ay jaamacadda wado howl weyn oo cilmi baaris gudaha ah oo ay ka qeyb galayaan Qubaro ajaanib ah. Cilmi baaristaas ayaa la filayaa in dhawaan lasoo bandhigo.

Haddaba isla markii xilka laga qaaday Wasiir Cabdiraxmaan waxaa bilowday olole xooggan oo lagu doonayo xilkaas.

Waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa laba shakhsi oo si weyn loogu saadaalinayo inuu midkood noqon doono Wasiirka Waxbarashada.

Ra’isulwasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa raba in uu xilkaas u magacaabo xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre halka Goodax uu aad u daneenayo in loo dhiibo  wasaaradda Amniga Gudaha oo ah xil aan banaaneyn.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isna daneenayo in xilkaas loo magacaabo xildhibaan Nuur Idow Beyle oo ay Villa Soomaaliya ka caawisay sidii uu u noqon lahaa xildhibaan.

loolanka u dhaxeeyo labadaan shakhsi ayaa aad u adag maadaama ay labaduba yihiin kuwa xiriir fiican oo weliba dhow la leh dowladda Soomaaliya.

Waxaa labadooba rajo fiican leh Xildhibaan Nuur Iidow Beyle maadaama Goodax Barre uu ku qanacsan yahay in isku shaadheyn la sameeyo isla markaasna uu noqdo Wasiirka Amniga Gudaha.

Waxaa macquul ah inay dowladda Soomaaliya waqti badan geliso magacaabista xilkaan banaan isla markaas ay si weyn uga fiirsan doonto maadaama ay ku badatay xil ka qaadis iyo magacaabis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: KHEYRE oo warqad u diray Sacuudiga – DFS oo shirkado ajnabi ah ka door bideysa kuwa Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar cusub oo soo baxay ayaa sheegaya in heshiiska ay dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in laga gaaray muranka xajka uu yahay mid aan jirin, islamarkaana xaaladda ay weli cakiran tahay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in weli dowladda Sacuudiga ay ku adkeysaneyso in kaliya shirkadaha Jubba iyo Daallo ay dadka Soomaalida usoo qaadaan xajka.

Waxaa jira shuruudo badan oo laga doonayo shirkadaha diyaaradaha ee xajka u qaada dadka, kuwaas oo aysan weli buuxin shirkadaha kala ah Ocean, Freedom iyo African. Wasaaradda xajka Sacuudiga ayaa ku adkeysaneysa inaysan hayn waqti ay baaritaan ugu sameyso shirkadahan, sidaas darteedna waxay dalbatay in sanadka xiga un ay usoo diyaar garoobaan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeen hore warqad u diray wasaaradda xajka Sacuudiga, isaga oo sheegay inuu si shaqisyan ah damaanad uga noqonayo shirkadahan. Warqaddaas ayaan weli laga soo jawaabin.

Dadka aqoonta u leh arrimahan ayaa la-yaab ku tilmaamay warqadda, ayaga oo sheegay in ra’iisul wasaaraha uusan fahamsaneyn nidaamka duulimaadyada, islamarkaana damaanad shaqsiyad aan lagu ogolaan karin duulimaadyada shirkado aan la baarin.

Waxa ay sidoo kale la-yaab ku tilmaameen sababta Kheyre ugu kala eexanayo shirkado Soomaaliyeed oo uu ka dhaxeeyo loolan ganacsi.

Dowladda ayaa soo jeedisay shirkadaha ay diideen Sacuudiga ay dadka geeyaan Nairobi iyo Jabuuti, kadibna ay halkaas ka qaadaan shirkadaha diyaaradaha Jabuuti iyo Kenyan.

Tani ayaa macnaheedu yahay in dowladda door bideyso in macaashka duulimaadka xajka ay qaataan shirkado diyaaradeed oo shisheeye, halkii ay ka qaadan lahaayeen Jubba iyo Daallo, maadaama shirkadihii dowladdu wadatay la diiday.

Ayada oo la heli karo shirkado Soomaaliyeed oo dadka si toos ah u gayn kara Sacuudiga, maxaa qasabaya in shirkado ajnabi ah la siiyo qandaraaska?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sacad Cali Shire: DF waxa ay nala damacsan tahay hal arrin waana la soconaa

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Somaliland ka leedahay ujeeddo uu ku sheegay sidii ay u go’doomin lahaayeen, oo cuno qabatayn u saari lahaayeen Somaliland.

Wasiir Sacad oo ugu horayn ka hadlaya arrimaha xajka wuxuu yidhi “Sida aan warka ku hayo waxba iskamay bedelin xajkii,Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaana inoo qaabilsan,markaas wax la inaga joojiyey ma jirto”.

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Inaga ayaa Somaliya la midoownay,inaga ayaana dib ugula soo laabanay xoriyadeenii si shuruud la’aan cadaadis iyo dulmi badan oo la inagu hayey dartood,hagardaama ay Somaliya inagu haysaana maaha wax cusub ee waa joogto haddii ay noqoto hagardaamo dhaqaale,hagardaamo siyaasadeed iyo hagardaamo farsamaba,ujeedaduna waa sidii ay inoo godoomin lahaayeen,oo cuno qabatayn inoo saari lahaayeen,shaqo kalena ma leh,laakiin ku guulaysan maayan,sababtoo ah Somaliland xaq bay ku taagan tahay,xaqaana guulaysta”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay in isbedel ku yimid   xidhiidhka Somaliland Iyo Beesha Caalamka ayaa ku jawaabay “In Xidhiidhka aynu la leenahay Caalamku sii hagaago mooye,wax is bedela oo dib u dhaca oo ku yimid ma jirto,waxaana Beesha Caalamka ugu baaqayaa in xaqa aanu u leenahay aqoonsiga inay na siiyaan,Somaliya kama mid nihin,kamana mid noqon doono,laba dal oo jaara ayaanu nahay Caalamkuna uu ka war qabaa,waxaanu qabsanay iyo horumarkaynu gaadhnay Caalamku uu ka dharagsan yahay ee Ictiraafkaas aanu uga fadhino Caalamka waanu ka filaynaa”.

Mar aanu wax ka weydiinay haddii Somaliya ku adkaysato inay kaligeed maamusho Maamulka Hawada mawqifka Somaliland, wuxuu ku jawaabay “Wixii lagu heshiiyey haddii la hirgelin waayo,wixii laga maarmi waayo ayaanu yeeli doonaa,waana laga taashan doonaa,hawadeenana in cid aan inaga ahayni maamusho ogolaan mayno”,

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay eeddo ay u soo jeediyeen Xildhibaano ka tirsan Guurtida iyo Wakiilada ayaa yidhi “Anigu Xildhibaanada kalama yoo-yooltamayo Saxaafadda labadaba  xil baa saaran,oo xil qaran baa saaran,muwafin kasta oo reer Somaliland xil baa saaran,mana wacna in Saxaafadda la iskugu jawaabo,ee si nidaam iyo baratakool leh in la isku baraarujiyo ayaa haboon.”

Is-barbardhig: Zenawi iyo siyaasiyiinta Soomaalida ee PhD-yada haysta (Aqri)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi waxa uu ahaa mid ka mida hoggaamiyeyaashii ugu siyaasadda qotada dheeraa ee soo mara mandiqadda Geeska Africa qarnigan 21-aad.

Zenawi waxa uu talada Itoobiya 1991-kii ku qabsaday jabhado hubeysnaa oo uu hormuud u ahaa isaga oo saldhigiisu ugu weynaa ahaa Soomaaliya.

Xilligaas waxa uu la dagaalmayey oo uu xukunka ka tuuray madaxweynihii kacaankii derkiga ahaa hogaaminayey Mengistu Haile Mariam.

Meles waxa uu ka hirgaliyey Itoobiya nidaamka Federaal-ka ah ee ku dhisan qowmiyadaha, waxa ayna sumad u noqotay Itoobiyadda casriga ah.

Ka hor inta uusan geeriyoon Meles oo lagu eedeyn jiray farogalintii qaawaneyd ee uu ku hayey siyaasadda Soomaaliya waxa uu dalkiisa gaarsiiyey horumar ballaaran laguna tilmaami karo kii ugu baaxadda weynaa ee uu dal ka sameeyo Bariga Africa.

Itoobiya waxaa hadda lagu tilmaamaa China-ha Africa marka la eego sida uu dhaqaaleheedu u kobcayo.

Hadaba, halkee ayey gaarsiisneyd heerkiisii waxbarasho?

Sida laga soo xiganayo Dr Saadiq Enow oo soo noqday wasiirkii caafimaadka ee Puntland,  Meles Zenawi waxa uu ku noolaa Muqdisho kahor inta uusan qabsan Itoobiya oo uu ka waday dhaq dhaqaaqiisii jabhadeynta.

Zanawi oo daganaa Hotel Curubo waxa uu galay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed isaga oo iska diiwaan galiyey kuliyadda caafimaadka (Medicine) balse wuu ku guuldarreystay in uu wado, hadana waxa uu iska diiwaan galiyey kuliyad kale iyadiina wuu ku fashilmay!

Taas oo ay jirto, hadana waxa uu ku guuleystay siyaasaddii dalkiisa!

Dr. Saadiq Eenow waxa uu markaa is barbar dhig ku sameynayey siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaarkood haysta shahaadooyinka ugu sarreeya ee tacliinta sida PhD-da balse ku falshilmay siyaasadda! Ayaga oo aqoon ilaah siiyey, ayey intii ay bulshadooda ku bad-baadin lahaayeen ka doorbideen qabyaalad iyo qoys jaceyl.

Soo lama oran karo Meles oo ku fashilmay waxbarashadiisii waxa uu ku guuleystay siyaasaddii, halka siyaasiyiinteena ay ku guuleystay waxbarashada oo qaarkood  ay haystaan PhD-yo ay ku guuldarreysteen siyaasadda?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga oo la xiray markuu iska dhigay taliye Gordon

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Sarkaal ka tirsan ciidamada Xooga Somalia xabsiga loo taxaabay.

Sarkaalka ka tirsanaa ciidamada ee xiray ayaa waxaa la sheegay inuu iska dhigay taliyaha ciidamada Xooga dalka Cabdiweli Jaamac Gorod.

Sarkaalka falkaan ku dhaqaaqay oo ah Korneel ayaa lagu magacaabaa Yaasiin, isagoo ka howlgali jiray gobolka Gedo oo uu taliye ugu ahaa 53 askari balse markii dambe usoo wareegay magaalada Muqdisho sida uu sheegay sarkaal ka tirsan milatariga Somalia.

Waxaada dambi barista ee CID-da ayaa la sheegay in iminka ay baaris ku heyso xiriiro sarkaalkan uu la sameeyay saraakiil ajaaniib ah isagoo iska dhigayay Gen. Gorod.

Sida laga soo xigtay ilo milatari Korneel Yaasiin ayaa ku noolaa dalka Mareykanka kahor inta aanan loo qoran ciidamada milatariga Somalia.

Falkaan ayaa ah kii ugu horeyay ee noociisa ee uu sarkaal ka tirsan ciidamada Xooga iskaga dhigo inuu yahay taliyaha ciidamada Xooga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne FARMAAJO oo hal arrin muhiim ah ugu baaqay ganacsatada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qorshaha ay dowlada Somalia ku dooneyso inay ku hormariso ganacsiga Somalia.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ka go’an tahay inay hormariso Ganacsiga si buu yiri Somalia ay u hiigsato Horumar muuqda.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan dadaalada dowladda ay ku dooneyso iney ku hormariso ganacsiga Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iideysto maalgashiga shisheeye dowladda Soomaaliyana ay diyaar u tahay in ganacsatada ay fursado siiso.

“Waa in ganacsatada ay ka faa’iideystaan fursadaha aanu siineyno waxaa laga doonayaa inay ka faa’iideystan fursadaha ganacsi ee shisheeye”

Waxa uu xusay in ganacsatda Soomaaliyeed ay muhiim u yihiin hormarinta ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka sidaasi darteedna loogu baahan yahay in fursadaha jira ay ka faa iideystaan.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la sameeyo Kobac dhaqaalle oo ballaaran.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu xusay in Ganacsatadda ay muhiim u yihiin geedi socodka Maalgashiga Soomaaliya,islamarkaana laga doonaayo in ay qaataan door muhiim ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Golaha wasiirada Somalia oo magacaabay SAFIIRO cusub (Aqri magacyada)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha wasiirada ayaa  magacaabay illaa seddex safiir oo dowladda Somalii u matali doono qaar ka mid ah dalalka dunida.

Safiiradaan oo muddo badan la sugayey ayaa la magacaabay maanta inkastoo aysan gaarin intii la filayey maadaama ay banaan yihiin ilaa in ka badan toban safiir boosaskooda.

Safiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ahaa La Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa Safiir loo magacaabay C/risaaq Shoole oo ahaa Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada iyo dadka aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kaloo Safiir loo magacaabay C/llaahi Maxamed Odawaa.

Safiirada ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa ku soo bixi doona wareegto Madaxweyne oo loogu magacaabi doono dalalka ay Safiiro ka noqonayaan.

Illaa 10 safaaradood ayaa laheyn wax safiiro ah muddo sanad ah, iyadoo safiiradii xilalkaas hayay qaarkood xilal Wasiiro loo magacaabay, halka qaar muddo Safiir soo ahaa xilka laga qaaday.

Safiiradaan ayaa intooda badan halmar shaqo joojin lagu sameeyey waxayna qaadatay in booskooda in la buuxiyo waqti badan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib kala soco inshaa Allah

3 waxyaabood oo qasab ka dhigay in xilka laga qaado wasiirkii waxbarashada DF

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ku qasbanaatay iney banaanka dhigto Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo ku fadhiyay xilka Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, kaas oo ka baxay xafiiskiisa muddo ka badan sanad kadib.

Wuxuu ka mid ahaa tiro wasiiro ah oo hawsha loo idmaday si aan saluug mug leh laheyn u waday kana qeyb qaatay howlo badan oo ay qabatay wasaaradiisa, balse todobaadkaan wuxuu abuuray qalbi kicin dhan walba.

Marka laga tago inuu jaamacad ku taala magaalada OSLO kasoo baxay kuna takhasusay xisaabaadka iyo Kimistariga, hadana si dheer loogama faalloon awoodiisa waxbarasho iyo sidoo kale awoodda uu u leeyahay inuu maamulo hay’ad sidaan u baaxad weyn.

Dhamaadkii bishii MAY ayey aheyd markii uu ka badbaaday isku day shaqo joojin ah kadib markii Baarlamaanka laga geeyay qorshe ay wateen Guddiga Adeegga Bulshada kaas oo Baarlamaanka ka codsaday in la weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeymaha loo soo jeediyay.

Dugsiyada Waxbarahada ee ku yaalla Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay, sidoo kalana waxaa lagu eedeeyay inuu musuq-maasuqay deeqo waxbarasho oo hoos yaallay Wasaaraddiisa.

Deeqaha Waxbarasho ee la musuq maasuqay isla markaasna wasiirka lagu eedeeyey ayaa waxaa kamid aheyd deeqdii Waxbarasho ee dalka Masar laga helay taasoo uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday inuu bixin doono lacagta diyaaradda ee ardaydaas kadibna uu Wasiirka iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ay lacago ka qaadeen Ardayda.

Waxaa la xasuustaa in lacagtii laga qaaday Ardayda dib loogu celiyey iyagoo ku sugan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Sida uu amray madaxweyne Farmaajo.

Xilligaas Farmaajo ayaa Ra’isulwasaare Kheyre ka dalbaday inuu xilka ka qaado Wasiirka balse Kheyre oo fiirinayey Saaxiibtinimada qotada dheer ee  kala dhaxeyso Cabdiraxmaan ayaa ku adkeystay in wasiirka la siiyo fursad kale waxaana hadda timaaday fursadaan iyadoo taas ay keentay inuu Farmaajo ku amro Kheyre inuu xilka ka qaado.

 MAXAA KEENAY IN XILKA LAGA QAADO:

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay inuusan aqoonsaneyn hal jaamacad oo ku taalla Muqdisho oo aysan ka marneyn xitaa Jaamacadda Umadda.

“Ma jirto jaamacad aan (jaamacad) ahaan u aqoonsanahay oo aan dhihi karo jaamacaddaan waan aqoonsanahay tayada ay bixiso, sababtoo ah marka hore waan qiyaaseynaa jaamacado badan oo dalka ku yaal iney soo buuxinayaan heerarka caalamiga ah” ayuu yairi isagoo la hadlayay Talafashinka Somali Cable.

Haddaba aan fiirinno Saddex Arriimod oo keentay in si dhaqso ah xilka looga qaado:

  1. KACDOONKA SHACABKA/DHALINYARADA:

Hadalka ah inuusan aqoonsaneyn waxey kicisay dareen badan oo bulshada ah haba ugu badnaaato dhalinyaradii waxbaratay, kuwaas oo waqti iyo qarash badan galiyay jaamacadaha la sheegay inaan la aqoonsaneyn.

Aqoonsanaan la’aanta waxey ka turjumeysaa iney xukuumadda ay waxba kama jiraan ka dhigeyso darajo walba oo ay gaareen ardayda, sidoo kalana waa mid saameyn ku yeelaneysa waalidiin badan oo waqti badan ku bixiyay sidii ay caruurtooda wax u baran lahaayeen.

Xilka qaadista waxey dajineysaa qalbi badan oo aan seexan iyo sidoo kale walaac badan oo ku yimid dadka ay saameyneyso sheekadaan.

  1. SAAMEYNTA XUKUUMADDA:

Tirada ugu badan shaqaalaha Xukuumadda ee ka shaqeeyaha xafiisyada kala duwan waa kuwa kasoo baxay jaamacadaha uu wasiirka ku tilmaamay inuusan aqoonsaneyn, waana wax is diidaya in xukuumadda shaqaaleysiisay (Shaqaale) aan digriigooda waxbarashada la aqoonsaneyn.

  1. INAAN LA QALALAASEYN WAXBARASHADA:

Go’aanka wasiirkii hore wuxuu qalalaase ku ahaa waxbarashada dalka, inkastoo quluub badan la dareensiiyay sida ay waxbarashadooda tahay, sidoo kalana la taabsiiyay sida ay jaamacado badan u yahiin kuwa aan ku socon wadadii saxda aheyd hadana wuxuu noqon karay qalalaase abuur.

Jaamacadaha ku yaalla caasimadda waa kuwa kor u dhaafaya 30, sidaas darteed waxey ugu yaraan kaalin ka qaateen fahamka bulshada iyo dhamaan dhalinyarada.

Qalalaase weyn ayuuna ka dhex dhalin lahaa bulshada dhexdeeda maadaama goobahaas ay yahiin kuwa daboola baahiyo bulsho oo dhinacyo badan.

Go’aanka xilka qaadista wuxuu badbaadiyay qalalaase dhinacyo badan oo ku imaan lahaa waxbarashada iyo bulshada xiriirka la leh dhinac walba oo ay ka yimaadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiirka amniga oo amar cusub duldhigay taliyaha booliska Soomaaliya DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ra’isul wasaaraha Xukuummadda Somalia Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay adkaynta amniga.

Ra’isul wasaaruhu waxa uu si guud uga hadlay amniga iyo hanaanka ugu sahlan ee lagu sugi karo, iyadoo wixii mas’uuliyad ah ay dusha saran doonaan Hay’adaha amniga.

Wasiirka amniga gudaha xukuummadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay qaraar qeexaya in amniga Caasimadda lagu wareejiyo booliiska.

Goluhu waxa ay isla oggolaaden in mas’uuliyada amniga caasimadda lagu wareejiyo Booliiska, in dhammaan ciidanka xasilinta la hoos geeyo booliiska si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo in ciidanka nabad-suggiddu ay mas’uul ka yihiin helidda xogta sir-doon ee gacan ka geysaneysa adkeynta amniga.

Golahu waxa uu faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo ciidanka Guutada 14-ka Octoober si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyada oo goluhu ku war-geliyay  wasaaradda maaliyadda in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.

Sidoo kale, Wasiir Ducaale ayaa sheegay in Taliyaha Booliska dalka lagula xisaabtami doono dhammaan dhacdooyinka amni darro ee kadhaca magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, amarka Wasiir Ducaale ayaa u muuqanaaya mid meesha ka saaraya amarkii Madaxweynaha ee amniga Muqdisho loogu wareejiyay Militeriga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaan hore oo Xamar lagu khaarijiyay iyo mobile xog laga rabo oo la qaatay

Muqdisho (Caasimada Online)-  War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay magaalad Muqdisho ku toogteen nin la sheegay inuu ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee dalka soo maray.

Dilka Xildhibaankan hore oo la sheegay inuu ka dhacay degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir,ayaa waxaa fuliyay Seddex maleeshiyo oo watay buugaag.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in maleeshiyada dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Malaeeshiyada ayaa dilka kadib sidoo kale marxuumka ka qaatay Moobil uu xiligaa ku hayay gacanta, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Geesta kale, magaalada Muqdisho keliya maanta waxaa lagu dilay dad tiro ahaan gaaraya 18 qof waxaana xusid mudan in ragga dilalka geystay ay dhamaantooda baxsadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

2 arrin oo lagu amaanay ciidanka cusub ee amniga MUQDISHO la wareegay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhammaan barihii Koontaroolada Muqdisho oo ay fadhin jireen ciidamada Xasilinta Maanta ku wareejisay Ciidamada 14 October ee la sameeyey Qarixii Zoobe ka dib.

Ciidamadaan ayaa lagu arkayaa iyagoo baaritan ku sameenayo Gawaarida ku dhex socdo gudaha Magaalada Muqdisho iyagoo feejigan isla markaasna si adag ku baarayo Baabuurta.

Durba dadka reer Muqdisho ayaa falanqeyn iyo sifooyin ka bixiyey ciidamada 14 October ee lasoo dhigay jidadka Muqdisho waxaana soo baxay laba tilmaam oo ay uga duwan yihiin ciidamadii Xasilinta Muqdisho ee fadhin jiray meelahaas.

Labadaas tilmaam ayaa kala ah:

1)  Balwad La’aan: Ciidamada 14 October ee lasoo dhigay Baraha baaritaanka ee Muqdisho ayaa arkayey iyagoo aan isticmaaleyn Balwad.

Ciidamadaan ayaa intooda badan ka siman inaysan balwad laheyn, halka kuwa balwadda leh ee ku jirana aan loo ogoleyn inay Balwada Isticmaalaan inta ay ku jiraan shaqada taasoo noqotay wax ku cusub Dadweynaha Muqdisho gaar ahaan kuwooda ku dhex wato Gawaarida raaxada iyo kuwa dadweynaha.

Taas badalkeeda Ciidamadii Xasilinta ee jidadkaas baaritaanada ka sameyn jiray ayaa habeen iyo maalin si joogta ah balwada u isticmaali jiray, waxayna arrintaas keentay in mararka qaar ay jidadka iska xirtaan iyagoo dhibsanayo inay Gawaarida baaraan  iyo inay Lacago ku helaan qaabkaas waxaana uga fududtaay inay jidadka ku Xiraan Biro iyo Caagag ayna dadka u sheegaan inay xiran yihiin oo ay tahay (Kala Wareeg).

Xiritaanka jidadka ayaa mararka qaar gaar u ahaan jirtay Ciidamada halkaas fadhiyo iyagoo aysan ka warqabin taliyaasha ugu sareeyo ciidamadaas.

2) Laaluush La’aan: Ciidamada 14 October ayaa durba lagu arkay inay joojiyeen Laaluushkii ay ciidamada Xasilinta ka qaadan jireyn Xarumaha lagu baaro gaawaarida.

Ciidamadii Xasilinta ee Xarunta Xisbiga lagu xareeyey ayaa looga bartay inay Laaluush ka qaadaan Baabuurta isticmaasho waddooyinka Muqdisho gaar ahaa kuwa Alaabaha wado ee kasoo qaado Suuqa Bakaaraha isla markaasna geeyo qeybaha kala duwan ee Muqdisho.

Dabeecadda Ciidamada Xasilinta ayaa ahaan jirtay markii ay arkaan Baabuur alaab ama raashin wado inay qoryaha ku taagaan isla markaasna ay ku amraan inuu meesha isaga laabto iyadoo ujeedkooda yahay sidii ay ku heli lahaayeen Lacago Laaluush ah.

Darawalka Gaariga ayaa markaas ku qasban inuu ka laabto oo uu baabuurkiisa dhigto meel u dhow si uuu la hadlo ciidamada waxaana loo sheegaa markaas inuu bixiyo lacag haddii uu rabo inuu jidka maro ama uu dib isaga laabto.

Darawada ayaa ku qasbanaan jiray inay lacagtaas bixiyaan maadaama jid kasta ay ciidamadaas joogeen isla markaas uu laaluushka ahaa nashqad ay isla ogyihiin dhammaan ciidamadaas ku sugan jidadka kala duwan.

Midda ugu daran ayaa ah inaan la baareyn gaariga Xamuulka wado haddii uu lacag dhiibo waxaana laga yaabaa in mararka qaar ay fasaxaan Baabuur qarax wado oo Luush badan bixinayo.

Ciidamada Cusub ee hadda lasoo dhigay jidadka ayaa Maanta la arkayey iyagoo si  siman u baarayo Baabuurta Raaxada iyo kuwa Xamuulka sida iyagoo aan wax shuruud ah ku xireyn haddii ay ahaan laheyd lacago laaluush ah iyo Arrinta cusub ee Muqdisho laga bartay ee ah (Kala Wareeg).

Qubarada ku takhasusay dhinaca ciidamada ayaa tilmaamay in ujeedka ugu weyn ee keenta Laaluush iyo shaqo xumada ciidamada ay tahay Cunista Balwadda qeybaheeda kala duwan taasoo ciidamada ka dhigto kuwa aan kasoo bixin masuuliyaddii la saaray iyo sugidda Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hal sabab oo ay ku saxan tahay xil ka qaadista DF ee wasiirkii waxbarashada

Waa tallaabo wannaagsan in xilka laga qaaday wasiirkii waxbarashada!

Waxbarashada ka hana qaaday dalka 1991 kaddib, waa miraha dadaal ay bixiyeen aqoonyahano isu xil qaammay daboolidda adeegga waxbarashada ee dalka ka maqnaa!

Tacliinta dugsiga hoose, dhexe iyo qeyb ka mid ah dugsi sare waxaan ku soo qaatay dalka ayadoo adduunka ma aqoonsanno na leeyahay. Nasiib uma yeelan in aan jaamacadaha gudaha wax ka barto laakiin waxaan hubaa in arday aad u tayo sareeya ay ka soo baxeen. Qaarkood shaqooyin heer sare ah ay hayaan, halka qaarkood ay tacliin sare u aadeen waddamo kale.

Tayada waxbarashada waa hooseyn kartaa macquul maadaama ay wasaaraddii meesha ka maqneyd muddo, qowlaysatana ay ku soo dhex dhuumman karaan hase yeeshee taas aqoonsi darro ma keenni karto, oo wasaaradda ayadaa diiwaan gelisa, qalinjebinta ardayda tagta, tasdiiqisa shahaaddooyinka.

Mar dhow waxaan sugaynaa wasiir dhaha baasaboorka Soomaaliya ma aqoonsanin waayo ku tayo ma aha baasaboorada adduunka. Sidoo kale wasiir dhaha lacag Soomaaliga ma aqoonsanin waayo ku tayo ma aha adduunka.

Intaan dugsi sare ku jiray waxaan Xamar ku arki jiray arday Kenya wax ku soo baratay oo mar walba iska weyneysiiya ardayda gudaha. Hadda waxaan arkaa dad nasiib u helay waxbarasho dibadaha ah, oo weliba lagu aaminay mas’uuliyad wasiirnimo in ay ku jeesjeesaan ardayda gudaha wax ku baratay.

Kheyre/Farmaajo way ku mahadsan yihiin in ay wasiirkaan niyad jabka wada ay la xisaabtameen.

Waxaan wax ku bartay dibadda xitaa dugsi sare qeyb ka mid ah, haddana weli waxaan qirayaa in ay iga dadaal, dulqaad iyo karti badan yihiin ardayda dhowr isbaaro ka tallaabay, xabado ka wareegtay, jidgooyo ag maray, ama nafsadooda halis geliyay ayadoo ay xabbad socoto si ay wax u bartaan. Weliba ayagoo aan heysan tas-hiiaad/agab ku filan!

Guuleysta!

W/Q: Hassan Adam Hosow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

VOA oo warbixin xasaasi ka diyaarsisay qalalaasaha & qilaafka NISA + Dhageyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Sugida ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u ahaa dowlada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre mid ka mida waxayaabihii ugu horeeyey ee ay dooneysey in ay ka mira dhaliso.

Inkastoo marar badan lagu sameeyey isbedel dhinaca hoggaanka ah, haddana ma noqon mid lagu guuleysto.

Magaalada ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo xilli inta badan ay xiran yihiin waddooyinka Muqdisho, waxaana ay taasi keentey in hay’adaha ammaanka wax laga weydiiyo sababta qaraxyadan looga hortagi la’yahay xataa hadii wadooyinkii la xirey.

Su’aashaas ayaase banaanka soo dhigtey khilaaf markii horeba jirey, balse aanan si baahsan loogu wada jeedin. Hadaba muxuu yahay khilaafkaas, muxuuse sababi karaa? Maxaase la gudboon madaxda dowlada si loo wanaajiyo wadashaqeynta heyadaha amaanka?

Falastin Axmed Iiman, oo ka tirsan idaacadda VOA ayaa warbixin baaritaan oo xasaasi ah ka diyaarisay khilaafkan. Hoose ka dhageyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kulankii Feysal Waraabe iyo Farmaajo oo Somaliland ku qasbay ansixin sharci adag

0

Hargeysa (Caasimadda Online) – Kulankii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Feysal Cali Waraabe ayaa keenay inay Somaliland ku fakarto ansixinta sharci mamnuucayo in siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta maamulkaasi inay la kulmaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baasha Maxamed Faarax ayaa saxaafadda u sheegay in sharcigaas loo qeybiyey Xildhibaanada Golaha ayna u codeeyeen ansax ahaanshihiisa isla markaasna wixii hadda ka dambeyso aan lala kulmi karin madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Sharcigaan ayaa qorayo inaan gebi ahaaba laga qeybgeli karin shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo, oo ay soo qaban-qaabiso Beesha Caalamka sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.

Guddoomiye Faarax ayaa yiri “Sharciga ayaa ka dhigaya Dambiile iyo Qaran-dumis, siyaasigii reer Somaliland oo la kulma madaxda dowladda Federaalka, ama ka qeybgala kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya”.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawan dalka Biljamka uu Siyaasiga reer Somaliland Feysal Cali Waraabe uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadlay arriimo ay ka mid tahay qeybsiga deeqaha Beesha Caalamka, Dagaalka Takuraq iyo sidii loo dardar gelin lahaa wada hadalada labada dhinac.

18-kii May 1991-dii Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale balse wali kuma guuleysan inay hesho aqoonsi caalami ah iyadoo ay cadaadis xoog leh kala kulanto dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Ciidan ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku dagaalamaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa ku dagalaamayo halkaas.

Ciidamada dagaalka uu dhaxeeyo ayaa ka wada tirsan ciidamada Militariga Soomaaliya, wuxuuna dagaalka hadda ka socdaa Xaafadda Kaawo Godey ayaa Degmada Dharkeynley.

Sida goobjoogayaal ay u sheegeen Caasimadda Online dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka daran dooriga u dhaco iyadoo ay dagaalka ka qeyb qaadanayaan gaadiid dagaal oo u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dagaalamayo ayaa u abaabulan hab qabiileed, wuxuuna dagaalkaan salka ku hayaa muran dhanka dhulk ah oo u dhaxeeyo Ciidamadaan .

Rasaasta ayaa weli halkaas lagama maqlayaa wuxuuna dagaalkaan galayaa maalintiisi labaad inkastoo Maanta uu ka culus yahay dagaalka sidii shalay oo kale.

Shalay ayaa is rasaaseyn daqiiqado socotay oo labada ciidan dhex martay waxaa ku dhintay qof ganacsade ahaa oo rasaastu haleeshay , waxaana socon weysay waanwaan ay waxgarad ka dhex wadeen labada dhinac, iyadoo uu maanta dagaalkii dib u qarxay.

Dadka degan xaafadda Kaawo Godey ayaa bilaabay inay ka qaxaan xaafadda la isku heysto, waxaana weli socota rasaasta.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo war ka duwan kii wasiirkii waxbarashada u diray jaamacadaha dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin ka duwan middii uu Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan ee xilka laga qaaday Maanta usoo diray Jaamacadaha ku yaalo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha janhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaan la xaqiri karin doorka ay aqoon- yahaniinta Soomaaliyeed ka geesteen mudadii fogeed oo uu dalka bur bursanaa horumarinta waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa aqoonyahanada ku amaanay inay hirgeliyeen Iskuulo iyo jaamacado ay kasoo aflaxeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u badan.

“ Jaamacadaha iyo dugsiyada dalka ku yaala waxey guteen doorkii dowlad looga baahnaa” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan yiri mar uu maanta ka qeyb galayay munaasabad ka dhaceysay Dugsiga Tababarka ee Jeneral Kaahiye.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Wasiirka Waxabarashada ayaa Shalay sheegay inaysan dowladda Soomaaliya aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ku yaalo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaysan xataa Jaamacadda Ummadda aqoonsaneyn taasoo dhawaan dib loo furay oo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya taasoo uu Madaxweyne Farmaajo ka yahay Madaxweyne Sharafeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Wasiirka A/Gudaha oo ka horyimid xil ka qaadistii uu sameeyey Eng. Yariisow

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hor imaaday xil ka qaadistii lagu sameeyey qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo kuwa kale oo la doonayo in xilka laga qaado.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimadda Online, Sabriye ayaa si toos ah ugu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow inaysan sharciga waafaqsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyey guddoomiyaasha degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir iyo kuwa hadda miiska saaran, eaan isaga ka war-hayn.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo cugsanayo sharciga oo qabo in xil ka qaadista iyo magacaabista Gobolka Banaadir lagala tashto Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Yariisow u sheegay in arrintaan tahay mid baal marsan sharciga isla markaasna wuxuu si cad ugu qeexay inay tahay in qofka xilka laga qaadayo lasoo gudbiyo dambiyada iyo qaladaadka uu galay kadibna laga tashto tallabada uu mudan yahay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in waraaqda xil ka qaadista Mas’uulka lasoo raacsiiyo dambiga uu galay iyo sababaha shaqada looga ceyrinayo.

Wasiir Sabriye ayaa Yariisow u sheegay in haddii aan sidaas la sameynin uu madaxda sare u gudbin doono inaan lagu tixgelin shaqada uu dowladda u hayo taasna ay ugu dambeyn keeni doonto inuu iska casilo xilkaas.

Sida sharciga qabo qofka xilka hayo lagama qaadi karo illaa lagu helo dambi cad iyo sabab uu ku waayey xilka , balse xil ka qaadista Jagooyinka Soomaaliya ayaa ku dhisan saaxiibtinimo iyo nin jecleysi waxayna arrintaas mararka qaar keentaa in xilka laga qaado Guddoomiye degmo oo ka shaqo iyo tayo wanaagsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa waqti isku dhow xilkii ka qaaday Guddoomiyii Degmada Hodan iyo Midkii Degmada Xamarweyne iyadoo aan saxaafadda, Shacabka  iyo iyagaba loo sheegin sababta keentay xil ka qaadistooda taas aheyd midda ka xanaajisay Wasiir Sabriye.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa noqday mashruuc gaaban oo lagu qanciyo dadka Dowladda Soomaaliya saaxiibada la ah waxayna taas keentay in Gobolka lagu soo kordhiyo xilal aan horey uga jirin inta la xasuusto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]