26.7 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sawirro: Dowladda oo daah-furtay mashruuc ay 805,000 qof ka faa’iideysanayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka (SODMA) looga daahfuray wajiga afaraad ee mashruuc ay ka faa’iideysanayaan ku dhawaan hal milyan oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed.

Mashruucan oo ah sugnaanta cunnada, ayaa waxaa loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu si weyn u saameysay. Wajigan cusub waxaa fulinaya xarunta King Salman ee samafalka iyo gargaar aadanaha (KSRelief).

Sidoo kale waxaa si toos ah u hirgelinaysa hay’adda Tadamun, iyadoo taageero ka helaysa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Qeybtan cusub ee mashruuca waxaa ka mid ah 5,085 tan oo raashin ah oo qiimahoodu dhan yahay $6.4 milyan, kuwaas oo si toos ah uga faa’iideysan doona 805,020 qof oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wajahaya xaaladaha adag ee abaaraha iyo cunto yaraanta dalka ka jirta.

Ambassador Axmed Al-Muwallad, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya ayaa sheegay in Boqortooyadu mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa carabka ku adkeeyay sida Sacuudiga ay uga go’an tahay taageerada walaalaha Soomaaliyeed xilli kasta oo ay u baahdaan.

Agaasimaha Hay’adda Tadamun, Cabdiraxmaan Cabdirisaaq ayaa xusay in mashruucani yahay mid muhiimad gaar ah u leh bulshada tabaaleysan, isla markaana uu gacan ka geysan doono yareynta dhibaatooyinka cunno la’aanta iyo kor u qaadista taageerada dadka nugul.

Amb. Cabdalla Al-Utaybi, Safiirka Jaamacadda Carabta oo munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay muhiimadda iskaashiga dalalka Carabta iyo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in gargaar noocan oo kale ahi uu xoojinayo wadajirka iyo walaaltinimada ka dhexeysa.

Safiirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Amb. Maxamed Bamba ayaa dhankiisa mahad-celiyay, isagoo carrabka ku adkeeyay sida taageeradan cuntadu si toos ah u taabaneyso nolosha dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallim ayaa sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay qorshaha qaranka ee wax ka qabashada masiibooyinka iyo abaaraha.

“Mashruucan waxa uu muujinaya sida SODMA uga go’an tahay la shaqeynta hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada ah si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada iyo horumar waara,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu ka mahad-celiyay taageerada balaaran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Mareykanka oo ballan-qaad muhiim u ah Soomaaliya u sameeyay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa marti-gelisay kulan ballaaran oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliyaha cusub ee AFRICOM, Jeneral Dagvin R. M. Anderson.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Jeneral Anderson ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay qorshaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ku wajahan la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah.

Taliyaha Mareykanka ayaa si cad u muujiyay sida Washington uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya si loo adkeeyo awoodda ciidamada qaranka.

Mareykanka ayaa qorsheynaya in taageeradiisa cusub ay ku jiraan hawl-gallo cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada kooxaha argagixisada, is-weydaarsi sirdoon, tababaro ciidan iyo caawimaad kale oo lagu dhisayo awoodda difaaca ee Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay xaaladda amniga guud ee Geeska Afrika, iyagoo si gaar ah uga dooday khataraha ka imaanaya kooxaha hubeysan ee xuduudaha gudba iyo muhiimadda iskaashi goboleed oo xooggan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyay AFRICOM taageerada joogtada ah, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay sii xoojin doonto iskaashiga caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni gobolka ka hirgasha.

Booqashada Jeneral Anderson ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Afrika ee ay ciidamada Mareykanka ka joogaan, taas oo astaan u ah sida Mareykanku u daneynayo xasillinta gobolka iyo garab istaagga Soomaaliya.

Ganacsade Jabuutaawi oo kiis culus maanta lagu xiray Laascaanood + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, ayaa xaqiijinaya in xabsiga la dhigay ganacsadaha caan ah ee lagu magacaabo Maxamed Jabuutaawi.

Go’aanka lagu xiray ayaa ka yimid Maxkamadda Gobolka Sool oo waaran qabasho ah usoo jartay ganacsadaha, oo dhawaan isku soo sharaxay xilka madaxweynaha, iyadoo markiiba dambe laga reebay liiska musharaxiinta rasmiga ah.

Isimada dhaqanka beesha Jaamac Siyaad oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa saldhiga geeyey Jabuutaawi, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada.

Garaadka ayaa ciidamada booliska ku wareejiyay Jabuutaawi, oo caawa u hooyanaya xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood.

Ganacsade Jabuutaawi ayaa sida la sheegay ku eedeysan in uu ka dambeeyay falal lidi ku ah amniga oo dhawaan Laascanood ka dhacay, kuwaas oo dad ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Hase yeeshee, saraakiisha booliska ee Waqooyi Bari weli kama aysan hadlin arrinta ku saabsan xariga ganacsadaha, kaas oo dhawaan laga hor istaagay inuu ka qeyb galo tartanka doorashadii madaxtinimada maamulka ee 30-kii August ka dhacday Laascaanood.

Intii ay socotay doorashada maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari ayaa waxaa gudaha magaalada Laascaanood ka dhacay rabshado salka ku haya khilaaf siyaasi ah, kadib markii beelaha qaar ay saluug ka muujiyeen hanaanka doorasho ee ku soo baxay Madaxweyne Firdhiye.

Ololaha aqoonsi raadiska Somaliland oo galay weji kale – Maxaa ka socda Mareykanka?

0

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa loogu baaqay inay dib uga saarto Somaliland digniintii guud ee safarka Soomaaliya.

Baaqan ayaa waxaa si wadajir ah u jeediyay guddoomiyayaasha guddiyada Golaha Wakiilada Mareykanka u qaabilsan la-dagaallanka xisbiga shuuciga Shiinaha.

Xildhibaanadan waxay ku andacoodeen in haddii tallaabadaas la qaado, ay si weyn u muujin doonto xasilloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana ay dhiirrigelin doonto maal-gashiga Mareykanka iyo yareynta saameynta Shiinaha ee Geeska Afrika.

Qoraal ay u gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marco Rubio ayay ku sheegeen in digniinta guud ee Soomaaliya ay xannibayso socdaalka iyo ganacsiga Somaliland, inkastoo Somaliland ay leedahay nidaam dimuqraadi ah, amni xasilloon, kana hortagta burcad-badeedda iyo argagixisada, iyadoo ilaalisa biyaha ku xeeran.

John Moolenaar iyo Chris Smith, oo ah labada xildhibaan ee arrintan ka hadlay waxay ku adkaysteen in Somaliland loogu sameeyo digniin safar oo u gaar ah, taasoo dhiirrigelin karta maal-gashiga Mareykanka, gaar ahaan fursadaha ku saabsan macdanta muhiimka ah sida lithium iyo copper.

Waxay tusaale u soo qaateen in wadamo kale oo Afrika ah sida Kenya iyo Itoobiya loo sameeyo talooyin safar oo gaar ah, sidaas darteedna ay muhiim tahay in Somaliland si lamid ah loo tixgeliyo.

Sidoo kale qoraalka ayaa xusay in talaabadan ay Mareykanka ka caawin karto ka hortagga saameynta Shiinaha, oo leh saldhig ciidan oo weyn oo ku yaalla Jabuuti, isla markaana taageero siiya weerarada ay Xuutiyiinta ka fuliyaan Badda Cas.

Labada xildhibaan ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay xiriir dhow la leedahay dalal dimuqraadi ah oo ay ka mid yihiin Taiwan iyo Israel, iyadoo iskaashi kula leh dhinacyada caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga badda.

Ciidamadii Jubaland ee u baxsaday Kenya, oo arrimo yaab leh ku kacay, qabsaday…

0

Mandera (Caasimada Online) – Dadka reer Kenya ee deggan deegaannada xuduudda la leh Soomaaliya ayaa Arbacadii walaac ka muujiyay soo gelitaanka dagaalyahanno ka tirsan maamul goboleedka Jubaland, kuwaasoo u soo gudbay xadka kaddib iska horimaadyo dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda dhexe.

Maamul goboleedka Jubaland ee koonfurta Soomaaliya iyo dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa muddo dheer waxaa u dhexeeyay ismaandhaaf.

Bishii tagtay, ciidamada dowladda federaalka ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada istiraatiijiga ah ee Beled-Xaawo oo ka tirsan Jubaland, tallaabadaas oo ku qasabtay ciidamadii maamulkaas inay ka cararaan oo ay u tallaabaan xadka dhinaca ismaamulka Mandera ee waqooyi-bari Kenya.

“Deegaanka waxaa ka jirta cabsi weyn… dadka badankiisuna way isaga carareen,” sidaa waxa khadka taleefanka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP, Urgus Shukra, oo ah oday deegaanka Mandera ka tirsan.

Waxa uu intaa ku daray in ciidamadaas hubeysan ee Soomaalida ay deegaanka ku sugnaayeen muddo afar toddobaad ah, ayna la wareegeen “goobihii beeraha ee ugu muhiimsanaa.”

“Si joogto ah ayay rasaas u ridaan. Waxay xitaa halkaas ku samaysteen tababarro,” ayuu raaciyay Shukra.

Ali Ibrahim Roba, oo ah senetarka ismaamulka Mandera, ayaa bartiisa X ku qoray: “Ciidamada Jubaland waxay hadda gudaha ugu jiraan magaalada Mandera. Dugsiyadii waa la xiray, dhaqdhaqaaqii ganacsigu wuu istaagay, qoysaskiina way barakaceen cabsi ay ka qabaan rasaasta habowda, gantaallada garbaha laga rido (RPGs) iyo walxaha qarxa ee aan weli shaqa gelin.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa dhankiisa sheegay “in aysan jirin sabab loogu walaaco arrintan,” isagoo ku tilmaamay hadallada kasoo yeeraya siyaasiyiinta deegaanka kuwo la buunbuuniyay oo dano siyaasadeed laga leeyahay.

“Ma xaqiijin karno xilligan cidda ay yihiin dadkaas… inay yihiin ciidan iyo in kale,” ayuu Murkomen u sheegay warbaahinta.

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera, Mohamed Adan Khalif, ayaa isna toddobaadkii hore ka digay joogitaanka ciidamadan Soomaalida, isagoo ku dooday in arrintani ay meel kadhac ku tahay madax-bannaanida qaranka. Talaadadii, dadka deegaanka ayaa arrintan ka dhigay bannaanbax.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee Kenya ayaa dhaliilay aamusnaanta Madaxweyne William Ruto ee arrintan, waxayna dalbadeen in tallaabo degdeg ah lagu qaado si ciidamadaas looga saaro dalka.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo ka joogaan gobolka Jubaland — oo ah deegaan hodan ah oo ku yaal koonfurta Soomaaliya — si ay ugu adeegsato gashaanti ay kaga hortagto kooxda Al-Shabaab. Kooxdan ayaa horey weerarro dhiig badan ku daatay uga fulisay gudaha Kenya.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe — oo ah xulufo siyaasadeed oo dhow oo ay leedahay Nairobi — ayaa wajahaya iska caabbin kaga imaanaysa dowladda Muqdisho, taasoo diidan inay aqoonsato sharciyadda maamulkiisa.

Ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah Mudug, kuwaas oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta ee ku sugan halkaas.

Taliyaha howlgelinta ciidanka Xoogga dalka ee Koonfurta gobolka Mudug Mursal Cumar oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay howlgallada ay qaadeen, wuxuuna tilmaamay inay ku gaareen dhulka hawdka ee ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab.

Mursal ayaa sheegay inay nolosha ku qabteen ajaaniib ka tirsan argagixisada oo firxad ahaa, kuna dhuumaaleysanayay deegaannada ay howlgallada ka sameyeen.

“Howlgallada si habsami leh ayay u socdaan wayna socon doonaan ciidanka Xoogga dalka wuxuu gaaray guulo la taaban karo isaga oo gacanta kusoo dhigay xubno aad iyo aad loola xiriirianayo inay la shaqeynayeen Khawaarijta oo jaaniib ah” ayuu yiri Taliye Mursal Cumar.

Xubnaha la qabtay waxaa ku jira nin kaoo jeeda Itoobiya, wuxuuna taliyuhu sheegay in haatan ay ku hayaan baaris, isla markaana ay dib ka faah-faahin doonaan natiijada.

“Hadda gacanta ayaan ku haynaa, xubnaha la qabtay firxad ayay ahaayeen, waxaana ku jira Itoobiyaan kasoo goostay Al-Shabaab, dib ayaana ka faah-faahin doonaa” ayuu mar kale yiri Taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgallada ay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay in gobolka oo dhan laga xoreeyo Al-Shabaabka ku sugan.

Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa ka socda guluf ka dhan ah argagixisada, waxaana ka dhaca dagaallo iyo duqeymo xooggan oo ay iska kaashadaan dowladda iyo saaxibadeeda.

Si kastaba, Soo qabashaa ajaaniibtan ayaa kusoo aadeysa , ayada oo todobaadyadii u dambeeyay ay Al-Shabaab xoogga saareen deegaanno kamid ah maamullada Galmudug iyo HirShabelle, halkaa s oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus iyo is uruursi ciidan.

Somaaliya iyo Mareykanka oo go’aan cusub gaaray kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Somalia iyo Mareykanka ayaa gaaray go’aan cusub oo la xiriira kordhinta taageerada ay Washington siiso ciidanka Soomaaliya, kadib kulan saacado qaatay oo gelinkii dambe ee Arbacadii dhex-maray Madaxweyne Xasan oo uu wehliyo taliyaha Xoogga iyo taliyaha cusub ee AFRICOM, Gen. Dagvin R.M. Anderson.

Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladda guud ee gobolka iyo arrimaha ammaanka ee Soomaaliya, waxayna go’aamiyeen in lasii xoojiyo wada shaqeyntooda, si loo ciribtiro kooxaha argagixisada ee khatar ku ah guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday doorka AFRICOM ee dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan sidii ay usii wadi lahayd duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish oo aad u kordha bilihii lasoo dhaafay, maadaama lagu beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah.

Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Dagvin R.M. Anderson ayaa intii lagu guda jiray kulan Madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay warbixin la xiriirta qorshahiisa dagaalka Al-Shabaab iyo sida uu kaalin uga qaadan karo dadaallada ay dowladda dib ugu dhiseyso Ciidanka Qalabka Sida, si ay helaan tababar iyo qala dhammeystiran.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay Taliska AFRICOM taageeradooda dib u habeynta amniga Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay sii wadista iskaashiga caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hana qaada gobolka.

Kulankan waxaa ka horreeyay kulamo kale oo hordhac oo Anderson la yeeshay saraakiisha Maraykanka ee jooga Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM iyo diblumaasiyiin kale.

Ujeedka kulamadaas ayaa ahaa isbarasho, kaddib waxa uu kala hadlay sidii loo dardargelin howlgallada lagu beegsanayo Shabaab iyo amniga guud ee dalka.

Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya wada shaqeyn xooggan, waxaana sidoo kale Washington ay taageero milatari siisaa Dowladda Federaalka, waxaana intaas dheer in sidoo kale ay ka qayb qaadato dagaalka tooska ah ee lagula jiro argagixisada.

Soomaaliya oo guul weyn gaartay, ugana sare martay Ruushka iyo dalal dhowr ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa isbeddal wayn oo dhanka amniga ah sameysay, iyada oo lagu muujiyay warbixinta sanadkan 2025 ee ay soo saartay hay’adda qiimeysa amniga caalamka ee Global Peace Index (GPI), taas oo qirtay in Soomaaliya ay xagga amniga kaga horumartay dalal waa wayn, sida Ruuskha iyo Kuuriyada Waqooyi.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in haatan Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay amniga gudaha, marka loo eego qiimeyntii sanadihii hore.

Sidoo kale warbixinta ayaa caddeysay in Soomaaliya ay ka baxday liiska 10-ka dal ee ugu ammaanka liita caalamka, waxayna sanadkan gashay kaainta 14-aad, halka ay horay ugu jirtay kaalinta 6-aad ee waddamada ugu amniga xun aduunka.

Dalalka ay Soomaaliya ka horreyso dhinaca amniga ee warbixinta xustay waxaa kamid ah Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo haatan ka hooseeya, waana hormar wayn oo ku yimid dadaalka la sameeyay.

Isbeddalkan ayaa ka tarjumaya dadaallada joogtada ee ay dowladda federaalka ku xoojisay amniga guud ee dalka iyo la dagaallaanka Al-Shabaab oo xoogga la saaray, waxaana kamid ah meelaha horumarka laga sameeyay caasimada oo ka xasilan sidiii ay ahayd markii hore.

Soomaaliya ayaa sanad kasta liiska dalalka ugu amniga wanaagsan kor uga soo kaceysay tirooyinka hoose, tillaabadaasi oo lagu sababeeyay howlaha ay Dowladda Federaalka ka qabatay amniga gudaha dalka.

Dhinaca kale wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa soo dhaweysay warbixinta sanadlaha ah ee Global Peace Index (GPI), iyada oo sheegtay in ay tahay guul usoo hoyatay dadka Soomaaliyeed, maadaama la qiray horumarka ka jira dalka.

Waxaa kale oo wasaaraddu tilmaamtay in guushan ay ku timid dadaalka ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka iyo saaxibada caalamiga ah ee taageerada siiya Soomaaliya.

“Guushaan ayaa ku suurtagashay iskaashiga iyo geesinimada Ciidamada Qalabka Sida, garab istaaagga shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada joogtada ah ee saaxibada caalamiga ah ee ku garab taagan geeddi socodka nabadda iyo dib-u-dhiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sii adkeysay ballanqaadkeeda ku aadan in ay sii wadi doonto xoojinta amniga iyo xasiloonida dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warbixinta Global Peace Index (GPI) waxaa sidoo kale ay muujisay in dalal kale oo gobolka ku yaalla ay sameeyeen isbedello waa wayn, waxaana kamid ah Itoobiya oo kor u kacday 5 boos (138-aad), halka Koonfurta Sudan iyo Sudan ay iyaguna muujiyeen horumar kooban.

Dowladda Soomaaliya oo la safatay Serbia, diiday madax-banaanida Muslimiinta Kosovo

0

Belgrade (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageertay mowqifka Serbia ee ku aaddan arrinta Kosovo, iyadoo mar kale ku celisay sida ay u dhowrayso midnimada dhuleed ee Belgrade ay sheegato, go’aan Soomaaliya ka soocaya mowqifyada ay qabaan badi waddamada Islaamka iyo Maraykanka.

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay xilli uu booqasho ku joogay magaalada Belgrade Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane XamzaCabdi Barre, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Serbia, Đuro Matsut.

Wada-hadalladooda ayaa diiradda lagu saaray ballaarinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale kulanka lagu saxiixay heshiis is-afgarad oo cusub oo dhanka caafimaadka ah, kaas oo labada dal ay ku wadaagi doonaan khibradaha caafimaad, cilmi-baarista, iyo tababarrada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia, Marko Đurić, oo isaguna si gaar ah ula yeeshay wada-hadal Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa soo dhoweeyay diidmada Muqdisho ee aqoonsiga madax-bannaanidii Kosovo ee sannadkii 2008-dii — mowqifkaas oo Serbia ay u aragto guul diblomaasiyadeed oo miisaan culus.

“Waxaan si weyn uga mahadcelineynaa Soomaaliya taageerada ay u muujisay midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Serbia,” ayuu yiri Đurić. “Serbia sidoo kale waxay si buuxda u ixtiraamaysaa midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.”

In ka badan 50 waddan oo Muslimiin ay u badan yihiin — oo ay ku jiraan Turkiga, Sacuudi Carabiya, Masar, iyo Imaaraadka Carabta — ayaa aqoonsaday Kosovo, waxaana sidoo kale aqoonsaday Mareykanka iyo quwadaha Reer Galbeedka intooda badan. Hase yeeshee, Soomaaliya waxay dooratay waddo u gaar ah, iyadoo la safatay mowqifka Serbia ee qaba in Kosovo ay weli tahay qayb aan ka go’i karin dhulkeeda.

Đurić ayaa carrabka ku adkeeyay qiimaha isbahaysigan: “Serbia waxay ku faanaysaa xiriirkeeda soo jireenka ah ee wanaagsan iyo saaxiibtinimada faca-weyn ee kala dhaxaysa Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Waxaa si dhab ah naga go’an horumarinta iyo sii qotodheeraynta xiriirka aan la leenahay dalkan Afrikaanka ah — gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, dhismaha, waxbarashada, iyo iskaashiga fagaarayaasha caalamiga ah.”

Mowqif ay ka siman yihiin labada dal

Dhinaca Serbia, arrinta Kosovo ma aha mid ku kooban xuduud oo keliya.

“Kosovo iyo Metohija waxay muhiimad aan la soo koobi karin u leeyihiin shacabka Serbia — taariikh ahaan, dowlad-dhisid ahaan, diin ahaan, dhaqaale ahaan, iyo siyaasad ahaanba,” ayuu sharraxay Đurić. “Goosashadeeda hal-dhinaca ah waxay cawaaqib xun oo juqraafi-siyaasadeed ku yeelatay xiriirka caalamiga ah.”

Labada wasiir waxay isku raaceen in sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay ay qasab tahay inay ahaadaan udub-dhexaadka diblomaasiyadda adduunka, waxayna ka digeen in goosashada hal-dhinac ah ay abuurayso “tusaalooyin khatar gelin kara xasiloonida.”

Dhanka Soomaaliya, arrintani waxay leedahay macne gaar ah. Muqdisho waxay si joogto ah u diidan tahay sheegashada madax-bannaanida ee Somaliland, taas oo la iclaamiyay sannadkii 1991-kii balse aan ilaa maanta helin aqoonsi caalami ah.

Sida ay Serbia ugu adkaysanayso in Kosovo ay tahay qayb ka mid ah dalkeeda madax-bannaan, ayaa Soomaaliyana u aragtaa in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah dhulkeeda oo aan la kala qaybin karin. Aragtidaas ay wadaagaan ayaa si weyn isugu soo dhoweysay Muqdisho iyo Belgrade.

Kulankoodii ka dhacay Qasriga Serbia, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo dhiggiisa Matsut waxay eegeen arrimo ka ballaaran siyaasadda, iyagoo ballanqaaday inay xoojin doonaan xiriirka dhinacyada muhiimka ah. Heshiiska is-afgaradka ee caafimaadka ayaa dhiirrigelin doona iskaashiga tababarrada caafimaadka, cilmi-baarista, iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza wuxuu farta ku fiiqay fursadaha ka jira waxbarashada iyo teknolojiyadda, isagoo xoogga saaray awood-siinta dhallinyarada iyo kobcinta is-dhaafsiga dhaqanka. Dhankiisa, Matsut wuxuu ballanqaaday taageerada Serbia ee arrimaha mudnaanta u leh amniga Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada iyo xasiloonida gobolka.

Wada-hadallada ayaa lagu tilmaamay tallaabo hore loogu qaaday dhismaha iskaashi waara — kaas oo horseedi kara iskaashi dhow oo labada dhinac ah sannadaha soo socda.

Đurić wuxuu sidoo kale kulammada uga faa’iidaystay inuu ku celiyo aragtida ballaaran ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Belgrade: “Serbia waxay ku dhaqantaa siyaasad arrimo dibadeed oo madax-bannaan, taas oo ku dhisan mabaadi’da dhex-dhexaadnimada militari, taas oo macnaheedu yahay inaan kobcino xiriirka iyo iskaashiga aan la leenahay dhammaan saaxiibbada muhiimka ah ee juqraafi-siyaasadeedka, militariga, iyo dhaqaalaha ee caalamka,” ayuu yiri.

“In la raaco siyaasad noocan oo kale ah jawiga caalamiga ah ee maanta ma aha wax fudud, balse waa jidka saxda ah waxayna danta ugu jirtaa Jamhuuriyadda Serbia.”

Dhinaca Serbia, taageerada Soomaaliya waxay leedahay miisaan calaamadeed iyo mid istiraatiiji ah. Waxay xoojinaysaa ololaha Belgrade ee lagu hor istaagayo aqoonsi caalami ah oo ay hesho Kosovo, iyadoo isla markaas muujinaysa inaanay dhammaan waddamada Muslimiintu la safnayn Pristina iyo xulafadeeda Reer Galbeedka.

Xiisadda Kosovo iyo Serbia

Kosovo iyo Serbia waxaa dhex-taalla xiisad asalkeeda salka ku haysa dagaalkii Balkans-ka.

Dagaalkii Kosovo wuxuu dhacay intii u dhexeysay 1998 iyo 1999, xilli gobolkaasi uu ku jiray hoos tagga Serbia oo qayb ka ahayd Jamhuuriyaddii Federaalka Yugoslavia. Dadka deegaanka intooda badan waxay ahaayeen Albanian doonayay madax-bannaani, halka dadka Serbka ahi ay taageero ka helayeen Belgrade.

Markii Jabhadda Kosovo Liberation Army (KLA) ay qaaday kacdoon hubaysan, ciidamada Serbia iyo Yugoslavia ayaa si xooggan uga jawaabay, taas oo sababtay tacaddiyo iyo barakac ballaaran. Qiyaastii hal milyan oo qof ayaa ku qasbanaaday in ay ka cararaan guryahooda.

Si loo joojiyo xadgudubyada, NATO ayaa bishii Maarso 1999 qaaday olole duqeymo cirka ah oo socday 78 maalmood, taas oo ku qasabtay hogaamiyihii Serbia, Slobodan Milošević, inuu ciidamadiisa kala baxo Kosovo. Bishii Juun 1999, gobolka waxaa gacanta ku dhigay NATO iyo Qaramada Midoobay. Ugu dambayntii, Kosovo waxay ku dhawaaqday madax-bannaani sanadkii 2008, inkasta oo Serbia iyo qaar ka mid ah quwadaha caalamka sida Ruushka iyo Shiinaha ay wali diidan yihiin aqoonsigeeda.

Dhacdadii kale ee ugu naxdinta badnayd ee Balkan-ka waxay ahayd xasuuqii Srebrenica ee Bosnia 1995. Ciidamada Serbka oo uu hoggaaminayay General Ratko Mladić ayaa qabsaday magaaladaas oo ahayd aag Qaramada Midoobay ku dhawaaqday “ammaan”. Si kastaba ha ahaatee, maalmo gudahood in ka badan sideed kun oo rag iyo wiilal Muslimiin ah ayaa si qorshaysan loo dilay, halka haween iyo carruur la barakiciyay.

Maxkamadaha caalamiga ah ayaa go’aamiyay in xasuuqaasi ahaa dil-wadareedkii ugu weynaa ee Yurub ku dhaca tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaana dambiyadaas lagu xukumay saraakiil sare oo Serb ah, oo ay ku jiraan Mladić iyo Radovan Karadžić.

Labada dhacdo ee Kosovo iyo Srebrenica waxay astaan u yihiin burburkii Yugoslavia iyo colaaddii dhiigga badnayd ee Balkan-ka, midna waxay horseedday dowlad cusub oo madax-bannaan, midna waxay caalamka xusuusisay murugada xasuuqa iyo nadiifinta qowmiyadeed.

La-taliyaha amniga qaranka oo arrimo xasaasi ah kala hadlay El Hadji Ibrahima

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aweys Xaaji Yuusuf Axmed oo La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Amb. El Hadji Ibrahima Diene, isaga oo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku adan amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Kulanka oo ka dhacay xerada Xalane ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray  istiraatiijiyada dagaalka Kooxda Al-Shabaab, maadaama dowladda Soomaaliya ay haatan sii laba jibaartay howlgallada culus ee dalka lagaga xoreynayo kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo ay kamid yihiin, habka kala guurka ammaanka ee Soomaaliya, dadaallada socda ee xasilinta dalka iyo mudnaanta siyaasadeed ee hadda jirta.

Madaxa AUSSOM oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyay sida Midowga Afrika ugu go’an tahay taageerida geeddi-socodka nabadda ee ay hoggaaminayaan Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo rabitaanka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa lat-taliyaha amniga qaranka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliyeed ay xoojineyso wada shaqeynta labada dhinac, si looga miro dhaliyo dadaallada ay iska kaashanayaaan ee xasiloonida dalka, si looga guuleysta argagixisada.

Aweys Xaaji Yuusuf ayaa dhawaan uun loo magacaabay xilkan, kadib markii uu is casilay la-taliyihii hore ee amniga qaranka, waxaana magacaabiistiisa ay ku timid xilli uu dalka wajahayo caqabado dhanka amniga ah, iyadoo Villa Somalia ay dooneyso inay xoojiso dadaallada istiraatiijiyadeed ee la-dagaallanka argagixisada.

Ninakna ayaa sidoo kale ah siyaasi iyo diblomaasi khibrad dheer u leh maamulka iyo amniga qaranka. Intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2016, wuxuu hogaaminayay Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu door muuqda ka qaatay dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta dowladda.

Waxa uu sidoo kale hormuud ka ahaa wada-hadallada heerka sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee dowladda Federaalka iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.

Saddex nin oo halis ah oo la horgeeyay Maxkamadda ciidanka – Maxay sameeyeen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta u fariisatay dhageysiga kiis xasaasi ah oo ka dhan ah shabakad ka kooban saddex nin oo halis ah oo dhac Digital ah u gaystay hooyo Soomaaliyeed oo ku ganacsata Bakaaraha.

Eedeysanayaasha oo kala ah Faysal Shire Dhaqane, Cabdifitaax Cabdulqaadir Cabdulle iyo Xasan Axmed Aadan ayaa loo haystaa in App-ka Waafi ee Shirkadda Hormuud ay ku dhaceen lacag ku dhow 11 kun oo dollar oo ay lahayd Hooyo Raaxo Cabdulle Maxamed oo alaabta maacuunta ku iibisa gudaha suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Raggan oo uu hoggaan u yahay Faysal Shire oo ah askari ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa inta badan beegsada dadka waayeelada ah, oo ay marin habaabiyaan, iyaga oo u sheegaya inay yihiin maamulka Bankiga ayna wax qaldameen, sidaasna ku dhaca lacagaha.

Maamo Raaxo oo goobjoog ahayd Maxkamadda ayaa ka sheekeysay qaabka loo dhacay, waxayna tilmaamtay in ragga dhacay ay isaga dhigeen maamulka Salaam Somali Bank, kadibna ay siiyeen tilmaamo ay raacday, sidaasna ay akoonkeeda ugala baxeen lacagta.

“Waxay yiraahdeen waxaa nahay maamulka Salaam Somali Bank waxaa kaa qaldamay akoonkaaga lacag ka baxday marka lacagtii saas ayay ku baxsadeen. Waxay ku baxsadeen lacagteyda lambaro ayay taabo i dheheen kadibna lambaradaas ayay lacagta kula baxeen, waxaaa hadda iga maqan $10,985 dollar” ayay tiri Maamo Raaxo Cabdulle Maxamed.

Intaas kadib raggan ayaa lacagta dollarka ah qayb kamid ah u beddashay Shillin Soomaali, iyaga oo ka sariftay Sugaale oo ah sarifle fadhiya isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Sarifle Sugaale oo isna kasoo muuqday Maxkamadda ayaa sheegay inuu u yimid Faysal, uuna ka sariftay lacag dhan 5,600 oo dollar, uuna ugu beddalay lacag dhan 162 milyan oo Shillin Somali ah oo uu ugu shubay jawaano kadibna uu ku qaatay mooto balse daqiiqado kadib Sugaale ayaa sheegay in lacagta laga xayiray, illaa haddana ay ka xayiran tahay.

“Lacagta waxaa iga sarifay Faysal, waxaana lagu shubay saddex jawaan, kadibna mooto ayay ku qaateen aniga marka iga tageen lacagta waa layga xayiray illaa haddana waa iga xayiran tahay” ayuu yiri sarifle Sugaale oo ku ganacsada isgoyska Jubba.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay caddeymo ay hayso, waxaana ku jiray muuqaallo ay duutay Camiro CCTV iyo codad laga duubay eedeysanaha koowaad Faysal oo xilligaas la hadlayay hooyada la dhacay, waxaana sidoo kale lasoo bandhigay taleefanno kale oo lacagaha ay ku shubteen shabakadda hortaagan Maxkamadda ciidanka.

Dhankooda qareennada difaacaya ayaa dood ka keenay kiiska, waxayna sheegeen in illaa hadda aan eedeysanayaasha lagu hayn caddeyn ku filan, ayna dalbanayaan in lasii daayo.

Ugu dambeyn fadhigga Maxkamadda waxaa soo xiray guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqay in go’aanka ay dib kasoo sheegi doonto Maxkamadddu.

Sheekada nin doonaya in loo soo masaafuriyo Soomaaliya oo qabsatay warbaahinta UK

Nuneaton (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo hore u codsaday magangalyo ayaa dalbanaya in dowladda UK ay dib ugu celiso Soomaaliya, isagoo ku dooday inaysan ammaan u ahayn inuu sii joogo magaalada Nuneaton ee gobolka Warwickshire.

Yusuf Ali Hamud, oo 50 jir ah, ayaa yimid UK labaatan sano ka hor si uu u helo magangalyo. Hase yeeshee, kadib markii lagu helay dambi weerar culus ah, waxaa laga qaaday xuquuqdiisii shaqo.

Hamud ayaa sheegay inuu shantii bilood ee la soo dhaafay si joogto ah uga dalbanayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Home Office) in dalkiisa dib loogu celiyo, balse weli uusan helin jawaab cad.

“Waddankani ammaan ma aha,” ayuu u sheegay weriyaha Sky News, Shamaan Freeman-Powell. “Laakiin dalkayga [Soomaaliya], maanta waan ku nabadgalayaa. Waxaan rabaa inaan dib ugu noqdo.”

Wuxuu ku eedeeyay Home Office inay iska indha-tireen codsigiisa, isagoo ku daray: “Haddii aanan xaq u lahayn magangalyo ama shaqo, maxaa igu haya halkan?”

Hamud wuxuu sheegay inuusan rabin inuu “halkan ku noolaado oo keliya cunis iyo seexasho, sidii ilmo yar,” balse uu doorbidayo inuu ku noqdo dalkiisa oo muddo dheer uu dagaal sokeeye ka socday tan iyo 1991-kii.

Tirakoobka dambiyada iyo musaafurinta

Xog la daabacay sanadkan ayaa muujisay in dhammaadka 2024 ay jireen 19,244 ajaanib dambiilayaal ah oo sugayay musaafuris. Tani waa koror ka yimid 17,907 markii xisbiga Conservative uu xilka wareejiyay bishii July, iyo 14,640 dhammaadkii 2022.

Markii la weydiiyay kiiska Hamud, Home Office ayaa u sheegay Sky News inaanay ka hadli karin kiis shakhsi ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen inay mar walba ku dadaalaan in laga saaro dalka dadka galay dambiyada culus — iyada oo lagu dhaqmo musaafurin khasab ah ama ku noqosho ikhtiyaari ah.

Dowladdu waxay qorsheynaysaa sharci cusub oo aan weli dhaqan gelin, kaas oo dhigaya in ajaanibta dambiyada culus gala si degdeg ah loo musaafuriyo isla marka xukun lagu rido.

Sanado dhow, tirada magangelyo-doonka Nuneaton waxay ahayd mid aad u yar, balse bishii June ee sanadkan waxay gaartay 247 qof. Tirooyinka ugu dambeeyay ayaa muujinaya in magaalada ay ku nool yihiin 19 qof oo magangalyo-doon ah 10,000 qofba, taasoo dhigaysa in Nuneaton ay gasho kaalinta 87aad ee magaalooyinka UK marka la eego isu-ururinta magangelyo-doonka.

Magaaladan ayaa sidoo kale noqotay goob ay ka jirto xiisad kacsan kadib markii laba nin oo la sheegay inay yihiin magangalyo-doon Afghani ah lagu eedeeyay inay isku dayeen kufsiga gabar 12 jir ah.

Xiisadda iyo cunsuriyadda Nuneaton

Wareysi Sky News ay la yeelatay Zahin, ganacsade 32 jir ah, ayaa lagu carqaladeeyay koox dumar ah oo ku qaylinayay aflagaaddo iyo erayo naceyb ah, carruurna la socdeen, halka mid ka mid ah haweenkaasi gacanta ku sidday koob khamri ah.

“Carruurteenna ayaad rabtaan inaad kufsataan,” ayay mid ka mid ah dumarka ku qaylisay. Mid kale ayaa ku daray: “Tani waa mushkiladda imaatinkiinna, waxaad dhibaateysaan carruurteenna.”

Zahin, oo lix jir ahaa markii uu ka soo guuray Malawi kuna soo barbaaray Nuneaton, ayaa dumarkii weydiiyay: “Maxaad carruurta u baraysaan?”

Wuxuu sheegay in si gaar ah loo beegsaday, isagoo aaminsan in lagu bartilmaameedsaday sababo diimeed, wuxuuna ku daray: “In naloo eedeeyo dambiyo aanan galin waa caddaalad darro.”

“Halkan waan jeclahay, waa magaaladayda,” ayuu yiri.

Austria oo billowday tarxiilka muwaadiniinta Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Austria ayaa shaacisay in dalka dib loogu soo celiyay labo nin oo Soomaali ah, kuwaas oo hore loogu helay dambiyo gudaha Austria.

Talaabadan oo la fuliyay Talaadadii, 2-dii Sebtember 2025, ayaa noqonaysa markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah oo Austria ay muwaadiniin Soomaali ah dib ugu soo celiso dalkooda.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Austria ayaa lagu sheegay in labada nin laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kadib markii ay dhammaysteen xukunno la xiriiray dambiyo ku saabsan maandooriyaha.

Wasaaraddu waxay arrintan ku tilmaantay qayb ka mid ah siyaasadaha adag ee Austria ku wajahayso magangelyo-doonka, iyadoo lagu sifeeyay tallaabo waafaqsan nidaamka sharciga iyo caddaaladda.

Bayaanka rasmiga ah ee dowladda laguma soo bandhigin magacyada iyo sawirrada raggan la soo celiyay, taas oo muujinaysa in xogtooda si buuxda loo ilaaliyay.

Austria ayaa kamid noqotay waddamada Yurub ee ugu horreeya ku dhaqanka dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale horey uga mid ahayd dalalka firfircoon ee ka qayb qaata barnaamijyada noocaas ah.

Soomaalida ayaa hadda noqday bulshada saddexaad ee ugu badan codsiyada magangelyo ka gudbisa Austria, iyadoo 648 codsi la diiwaangeliyay bilihii hore ee sanadkan, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday The European Conservative.

Sidoo kale, tirada oggolaanshaha codsiyada Soomaalida ayaa kor u dhaaftay 44%, halka 463 qof oo Soomaali ah loo aqbalay magangelyo gudaha Austria sannadka 2025.

Si kastaba, dowladda Austria ayaa ku adkaysanaysa inay sii wadi doonto siyaasadda adag ee ka dhanka ah dadka jebiya shuruucda, iyadoo dhowaan sidoo kale dib u celisay muwaadin u dhashay dalka Suuriya.

Soomaaliya oo dhoolatus ciidan la sameynaysa dalka…

0

Belgrade (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggeeda Serbia ayaa qorsheynaya inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus ciidan, oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal.

Sameynta dhoolatuskan ayaa la iskula meel dhigay kulan xasaasi ah oo dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Difaaca Seerbiya, Bratislav Gašić, kaas oo ka dhacay magaalada Belgrade.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga military ee labada dal, iyadoo wada-hadallada labada wasiir lagu lafa-guray fursadaha iskaashiga difaaca.

Labada masuul ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay labada waddan kobcinta iskaashiga militariga. Intii uu socday kulanka ayaa Wasiirka Soomaaliya waxa uu ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay amniga iyo xasiloonida gobolka.

Fiqi ayaa carabka ku dhuftay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka argigixisada iyo horumarinta nabadda xuduudaheeda, iyadoo labada wasiir ay xoojiyeen wadaaga khibradaha wax ka qabashada caqabadaha guud ee la xiriira arrimaha ammaanka.

Wasiir Gašić ayaa dhankiisa caddeeyay sida Serbia ay diyaar ugu tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada lagu xoojinayo awoodda difaaca. Wuxuu tilmaamay in iskaashiga ku saabsan tababarada ciidamada, xog-wadaagga, iyo taageerada saadka ay door muhiim ah ka qaadan doonaan kobcinta xiriirka labada dal.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa dul istaagay fursadaha ku saabsan in la qabto dhoolatusyo ciidan oo wadajir ah iyo in la hirgeliyo cilmi-baaris lagu kobcinayo tignoolajiyada difaaca, taas oo dhinacyadu isla meel dhigeen.

Wasiirrada ayaa gaba-gabada kulankooda ku adkeeyay ka go’naashaha sii wadista wada-hadallada furan iyo raadinta fursado kale oo iskaashiga labada wadsan lagu ballaadhinayo.

Wasiir Bidhaan oo weerar ku qaaday Shariif: Hogaamintu ma ahan ‘Thuma Wallaahi’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan, oo ka qeyb-galay furitaanka diiwaan-gelinta doorashada qof iyo cod ee magaalada Laascaanood ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Wasiir Bidhaan ayaa Shariif ku tilmaamay shaqsi dhaar iyo goodin meel la soo fadhiya, taas oo uu ku sheegay in aysan ka tarjumeyn hoggaamin dhab ah. “Hoggaamintu ma aha in dowlad kasta oo timaadda aad ugu dhaarato ‘Thuma Wallaahay’,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray: “Hoggaamintu waa gudashada waajibaadka qaran ee loo dhaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoreynta iyo difaaca dalka, dhammeystirka federaaleynta, qabyo-tirka dastuurka iyo dib-u-celinta awoodda iyo xuquuqda codbixinta muwaadiniinta.”

Hadalkan ayaa qayb ka ah weerarada joogtada ah ee qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ay ku qaadayaan siyaasiyiinta mucaaradka, ee ay is-hayaan hoggaanka sare ee dalka, kuwaas oo khilaafkoodu uu muddooyinkii dambe sii xoogeystay.

Hoos ka aqriso qoraalka wasiirka:

Waxaan maanta safka la galay Madaxweynaha Dowladda Waqoyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, Gudoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) iyo qaar ka mida Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS kumetala Dowladda Waqooyi Bari, xubnaha Goleyaasha kala duwan ee Waqooyi Bari iyo shacabka Laascaanood si aan u qaato kaarka cod-bixinta ee doorashada Qaranka ee Goleyaasha Deegaanka.

Shacabka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari waloow ay ka soo doogeen xilliyo adag, hadana ma aha kuwa ilaawa qofkii is-barbar taagay, waana dad mar walba lagu yaqaan abaal-celinta.

Hoggaamintu ma aha in aad dowladdii kasta ee timaadda aad ugu dhaarato “Thuma Wallaahay”, ee waa gudashada waajibaadka Qaran ee loo dhaartay oo ay ka mid yihiin; Xoreynta iyo Difaaca dalka, Dhammeystirka Federaaleynta dalka, Qabyo-Tirka Dastuurka iyo dib-ugu celinta awoodda iyo xuquuqdo doorasho muwaadiniinta.

Shacabka midnimada jecel ee Waqooyi Bari maanta waxa ay gudayaan abaalkii ay gashadeen Madaxda Qaranka ee haatan dalka hoggaamisa, Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre.

Waxa ay garowsan yihiin in ay hiil iyo hooba la garab-istaageen sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda ay waqtiga dheer halganka ugu jireen ee ah in ay yeeshaan Maamul ay u madax-bannaan yihiin, jeer kuwa Kalena ay maja-xaabin iyo xagal-daacin ula bareereen.

Tani waxa ay tusaale cad u tahay hoggaaminta toolmoon iyo ka dhabbeynta wacadka aad gasho, ma aha kelmedo qurux badan oo ku uumi-baxa cadaadiska.

Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka oo iclaamiyay shir ka dhan ah Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada kasoo horjeeda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta ayaa qabanaya shirweyne looga arrinsanayo xaaladda dalka.

Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa si adag uga soo horjeeda hanaanka ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh wax ku wado, iyadoo dhinacyadani isku seegeen wax ka beddelka dastuurka.

Shirkan ayaa dhawaan qabsoomi doona, sida uu shaaciyay Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo kamid ah xildhibaannada mucaaradka.

“Dhawaan shirweyn ayaa isugu imaan doona Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta, si ay Qaranka Soomaaliyeed uga badbaadiyaan Xasan Sheekh iyo kooxdiisa xaraashka ku wada,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig.

Inkastoo si rasmi ah loo shaacin goorta iyo goobta uu ka dhacayo shirweynaha, haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirka ka dhanka ah Xasan Sheekh ay martigelin doonto Puntland, uuna ka dhici doono magaalada Garoowe.

Dhawaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u muuqata mid ka war haysa qorshaha mucaaradada uga bilaabanaysa Garoowe ayaa maamulka Waqooyi Bari ka dalbatay inay dowladda uga filnaato mucaaradada deriskeeda laga soo abaabulayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa hoggaanka maamulka u soo jeediyay inay mucaaradka Muqdisho iyo kan deriskooda ka difaacaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dhawaan heshiis siyaasadeed gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo afar kamid ah xubnihii mucaaradka ee isaga baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo isla meel dhigay qodobo taabanaya dastuurka iyo doorashada, taas oo mucaaradka diiday.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed xasaasi ah oo dalka u horseedi karta hubanti la’aan, waxaana xoogeysanaya dhaq-dhaqaaqyada iska soo horjeeda ee dowladda iyo xubnaha mucaaradka.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda caafimaad ee Trump kadib arrin soo shaac baxday

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii ka hadlay wararka isa soo taraya ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, xilli uu wariyeyaasha kula hadlayay qolka Oval Office ee Aqalka Cad, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee uu bulshada horteeda ka soo muuqdo muddo toddobaad ah.

Ka hor intii aanu su’aalo ka jawaabin, Trump ayaa ku dhawaaqay in Taliska Hawada Sare ee Mareykanka (U.S. Space Command) laga wareejin doono Colorado, lana gayn doono Alabama. Wariyaha Fox News, Peter Doocy, ayaa weydiiyay madaxweynaha warar xan ah oo internet-ka ku faafay intii lagu jiray fasaxa, kuwaas oo sheegayay inuu geeriyooday.

Trump ayaa sheegay inuusan maqal wararkaas.

“Waan maqlay, waa wax lala yaabo, laakiin toddobaadkii hore waxaan qabtay shir-jaraa’idyo dhowr ah,” ayuu yiri madaxweynuhu. “Markii aan labo maalmood wax shir ah qaban waayay, waxay isla markiiba dhaheen ‘waxaa hubaal ah in wax ka qaldan yihiin’.”

Trump ayaa sheegay inuu “aad u firfircoonaa dhammaadkii asbuuca,” isagoo xusay inuu booqday garoonkiisa Golf-ka ee Virginia, sidoo kalena uu qoraallo badan soo dhigay bartiisa Truth Social, ka hor inta uusan u soo laaban ka jawaabista xanta ku saabsanayd geeridiisa.

“Middaas ma aanan maqlin,” ayuu yiri madaxweynuhu. “Taasi waa arrin aad u culus.”

Fariin kooban oo uu Axaddii soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ugu muuqday mid beeninaya mala-awaalkii la xiriiray xaaladdiisa caafimaad ee sii xumaanaysa.

“NOLOSHAYDA OO DHAN MA JIRTO MAR AAN KA CAAFIMAAD FIICANAHAY HADDA,” ayaa lagu yiri fariinta uu baahiyay madaxweynaha, kaasoo maalmo aan qaban wax munaasabado rasmi ah oo fagaare ah.

Sabtidii, ayaa sawir laga qaaday Trump oo ay la socoto gabar uu awoowe u yahay, iyagoo ka soo baxayay Aqalka Cad kuna sii jeeday garoonkiisa Golf-ka ee Sterling, Virginia. Dhanka kale, Axaddii ayuu madaxweynuhu soo dhigay sawir isaga iyo tababarihii hore ee horyaalka NFL, Jon Gruden, oo ku wada sugan garoonka Golf-ka, inkastoo aan la ogeyn xilliga rasmiga ah ee sawirka la qaaday.

Bishii Luuliyo, Aqalka Cad ayaa shaaciyay in Madaxweyne Trump laga helay cudurka chronic venous insufficiency (daciifnimada joogtada ah ee xididdada), kaasoo ka dhasha marka ay xididdada lugaha ku adkaato inay dhiigga dib ugu celiyaan wadnaha. Qoraal uu soo saaray dhaqtarka Trump, Sean Barbabella, wuxuu ku sheegay inay tahay xaalad “aan halis ahayn” oo ku badan dadka da’doodu ka weyn tahay 70-ka sano.

Barbabella wuxuu sheegay in madaxweynaha la marsiiyay baaritaan caafimaad oo dhammaystiran.

“Waxa ugu muhiimsan, ma jirin wax caddeyn ah oo muujinaya dhiig-xinjirowga xididdada hoose (deep vein thrombosis) ama cudurrada halbowlayaasha,” ayuu yiri. “Madaxweyne Trump wuxuu weli ku jiraa xaalad caafimaad oo heer sare ah.”

Shaacintan ayaa timid ka dib markii sawirro muujiyeen barar ka muuqda qeybta hoose ee lugaha Trump.

Sidoo kale, sawirro horraantii sanadkan muujiyay nabarro ka muuqday dusha gacanta midig ee Trump ayaa huriyay hadal-hayn ku saabsan caafimaadkiisa. Xilligaas, afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, waxay sheegtay in nabarradaas ay sababeeyay “gacan-qaad joogto ah oo uu madaxweynuhu sameeyo maalin walba.”

Qoraalkiisa, Barbabella wuxuu ku sheegay in nabarradu ay “la jaanqaadayeen cuncun fudud oo unugyada jilicsan ee maqaarka kasoo gaaray gacan-qaadka joogtada ah,” isla markaana ay yihiin saameyn caan ah oo ka dhalata isticmaalka daawada Asbiriinka, oo uu u qaato ka-hortag ahaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Nabarradaas ayaa mar kale kasoo muuqday sawirro la qaaday 25-kii Agoosto, taasoo sii hurisay wararkii xanta ahaa ee dhowaanahan ku baahsanaa baraha internet-ka.

Sawirro Talaadadii lagaga qaaday gacanta midig ee Trump gudaha Xafiiska Oval Office, laguma arag wax nabarro ah oo muuqday.

 

DF Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland oo fasaxay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa shaqaalaha dowladda ku wargeliyay in ay fasax ka yihiin shaqada maalinta berri ah.

Fasaxan ayaa ku beegan xuska dhalashada Nebbi Muxamed (Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee), taas oo ku aaddan 12 Rabiicul Awwal, 1447 Hijriya.

Shaqaalaha dowladda ayaa shaqada dib ugu soo laaban doona maalinta Sabtida ee ku taariikhaysan 06 September, 2025.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Somaliland ayaa waxaa si gaar ah loogu wargeliyay dhammaan loo-shaqeeyayaasha iyo shaqaalaha in ay xuska dhalashada nebiggeena suuban awgeed ay fasax ka ahaan doonaan goobaha shaqada maalinta Khamiista.

“Xuskan waxa uu daaran yahay weyneynta iyo karaamaynta maalinka dhalashadda nebiggeena suuban ee Muxamed (NNKH), kaas oo ku weyn quluubta shucuubta Islaamka meel kasta oo ay joogaan, waajibna ka saaran yahay in hab diini ah loo xuso, laguuna qaabilo, Idamka Alle,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey maalmaha fasaxa ugu dartay Mowliidka, iyadoo shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada maalintaas.

Si kastaba, 12-ka bisha Mowliid, sida caadiga ah dhamaan dadka Soomaaliyeed waxay xusaan dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH, waxaana xuskaan caan ku ah culimada Ahlusunna Waljamaaca iyo dhamaan umadda muslimiinta ah ee jecel Nabigooda.

Mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo maanta is-casilay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maayirka degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland, Maxamed Cabdirisaaq Daacad, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu warqad is-casilaad ah si hoose ugu gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Daacad ayaa maalintii shalay shir deg-deg ah la yeeshay xubnaha golaha degaanka magaalada, halkaas oo uu ku soo bandhigay rabitaankiisa ah inuu xilka ka dago. Si kastaba, kulankaasi waxa uu galay jahawareer iyo buuq markii qaar ka mid ah xildhibaanada taageersan maayirka ay ka hor yimaadeen tallaabadiisa.

Is-hor istaaggaas ayaa sabab u noqday in kulankaas lagu kala tago natiijo la’aan, iyadoo aan go’aan rasmi ah laga gaarin is-casilaadda uu soo jeediyay.

Xog lagu kalsoon yahay ayaa muujinaysa in Daacad uusan ka tanaasulin go’aankiisa, balse uu si qarsoodi ah warqaddiisa iscasilaadda ugu wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. Tallaabadan ayaa meesha ka saartay jahawareerkii ka dhashay kulankii golaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa la xaqiijiyay inay aqbashay codsiga is-casilaadda ee uu gudbiyay maayirku. Aqbaliddaas ayaa soo afjartay xiisaddii siyaasadeed ee ka taagnayd gudaha golaha deegaanka Gaalkacyo.

Go’aanka Daacad ayaa yimid xilli uu wajahayay mooshin ka dhan ah oo ay diyaariyeen xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka. Mooshinkaasi ayaa lagu eedeeyay maayirka, waxaana cadaadis badan kusii kordhay saaxadda siyaasadeed ee magaalada.

Si kastaba, is-casilaadda Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa si rasmi ah u dhaqan gashay, taas oo ka dhigan in Gaalkacyo ay u baahan tahay hoggaan cusub oo buuxiya booskii uu baneeyay maayirkii hore.

NISA oo dishay madax Shabaab ah oo si weyn loo raadinayay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu khaarajiyay afar horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo kamid ah madaxda kooxda ee sida weyn loo raadinayo.

Howl-galka oo si gaar ah loo qorsheeyay ayaa ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay horjoogayaasha Shabaabka iyo maleeshiyaad badan.

Howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa lagu dilay horjooge Cabdullaahi Xasan Cumar, oo Al-Shabaab ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan Amniyaadka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa howl-galka lagu dilay horjooge lagu soo koobay magaciisa Cusaam, oo ka tirsanaa qaybta Maaliyadda; iyo labo horjooge ah, kuwaasi oo kala ahaa Horjooge Qudaame Dheere iyo Cabdul Ladhiif.

Ciidamada ayaa si gaar ah u beegsaday xarun ay horjoogeyaashan ku sugnaayeen, iyada oo si buuxda loo soo afjaray dhammaan horjoogeyaashan iyo ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka Argagixisada.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.