30.6 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Ciidanka DF oo dagaal culus kula wareegay Beledxaawo iyo kuwa Jubaland oo la…

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galabta la wareegay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo dagaal culus uu ka socday muddo toddobaad ah.

Ciidamadii taabacsanaa Jubbaland dhinaca ay u jabeen ayaa sidoo kale warar kala duwan ay ka soo baxayaan, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan inay ka talaabeen xuduud beenaadka xiga Kenya.

Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Gedo Cabdirashiid Janan ayaa hoggaaminaya ciidanka la wareegay Beledxaawo, kuwaas oo iska soo duubay muuqaal cadeynaya inay la wareegeen xaruntii degmada, saldhigga booliska iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Ciidamada federaalka oo maalmahaan ku sugnaa meelo istiraatijiyad ah oo magaalada agagaarkeeda ah sida xerada militeriga ee UK ayaa galabta dagaal culus ku qaaday magaalada, iyagoo ugu dambeyn la wareegay.

Ciidan federaal ah ayaa dhowaan la dejiyay Beled‑Xaawo, isla markaana Janan ayaa diyaarad Helikobtar ah ku tegay magaaladaas, isagoo la socday saraakiil sare, wixii maalinkaas ka dambeeyana waxaa bilowday dagaal culus.

Jubaland ayaa horay u sheegtay inay ku fara dirireyso gacan ku heynta ammaanka degmadaas, iyadoo markii horeba ciidamada dowladda ka qabsatay xarumihii danta guud ee gacanta ay ku hayeen.

Dagaalkii maanta ciidamada dowladda federaalka ay kula wareegeen Beledxaawo ayaa socday muddo saacado ah, iyadoo ugu dambeyntii ciidmaada Jubbaland ay isaga baxeen magaalada, markii dagaalka looga awood roonaaday.

Beledxaawo ayaa marti gelisay dagaalo teelteel ah oo maalmo badan ka socday, labada dhinac ayaa maalin kasta dalbanayey gurmadyo is dabajoog ah, ugu dambeyntiina Jubaland ayaa laga adkaaday caawa.

Dhanka magaalada Madheera ee Kenya ayaa la sheegay inay caawa u carareen ciidamada Jubaland, waxaana suurtagal ah inay dib ugu soo rogaal celiyaan oo dagaal kale ay soo qaadaan ilaa berri.

Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe oo wajahaya imtixaankii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaalada Xudur, xarunta gobolka Bakool.

Xudur waa magaalo muddo sanado ah go’doon ku jirta, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab ka xireen wadooyinkii geli lahaa. Maalmo ka hor ayaa magaalada sidoo kale waxaa booqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo duulay magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Aadan Madoobe waxaa sidoo kale wehliya wafdi kale oo kasoo raacay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Xudur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Lafta-gareen, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxda booqatay Xudur ayaa inta ay halkaas ku sugan yihiin la filayaa inay la kulmaan maamulka gobolka Bakool, maamulka degmada Xudur, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada si ay uga wada-hadlaan xaaladda amniga, nolosha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Xudur ayaa wajahaysa xaalado adag oo dhanka nolosha iyo amniga ah, waxaana muddo ka badan toban sano ay go’doon ku tahay cunaqabateynta Al-Shabaab. Waa booqashadii labaad ee ay magaaladaas si wadajir ah ku tagaan Lafta-gareen iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Isu-tagii hore ee Xudur

Ku dhowaad laba sano kahor ayay ahayd markii isla magaalada Xudur ay isugu tageen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Safarkaas ayaa xilligaas la sheegay in ujeedkiisu ahaa dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo markaas la filayay in Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajigii ugu cuslaa ee dagaalka kooxda.

Hase yeeshe, nasiib darro ma dhicin sidii ay dowladdh sheegtay, waxaana laba sano la jooga halkii, iyadoo maanta uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dhanka cirka kasoo galayo Xudur, taas oo su’aalo badan dhalisay.

Tani waxay kordhineysa dhaleecaynta loo jeediyo madaxda dalka, oo lagu eedeeyo in aysan si dhab ah uga go’nayn dagaalka argagixisada, balse ay ka fiirsanayaan danahooda siyaasadeed iyo kuwa shaqsiyadeed.

Kadib fashilka, maxaa hadda la gudboon?

Dib isku qabashada ayaa laftigoodu mar kale horseedi karta guul aan la filayn, waxaana la gudboon madaxda haatan ku sugan Xudur inay kolkaan ka dhabeeyaan abaabulka dagaalka Al-Shabaab, balse uu socdaalkooda noqon safar kale oo aan waxba ka bedelin xaaladda.

Madaxweyne Lafta-gareen waxaa laga doonayaa inuu si dhab ah u wajaho xaaladda sanadaha badan taagan, booqdo xarumaha ciidamada, oo uu si dhab ah ugu kuurgalo xaaladda amni iyo tan nololeed, si loo dardargeliyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dejinta qorshe dhameystiran oo dhinac walba taabanaya waa tallaabada keliya ee lagu xoreyn karo magaalada Xudur, deegaanada ku hareeraysan, iyo guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed, oo kamid ah meelaha ay saldhigteen maleeshiyaadka Shabaab.

Si kastaba, Xudur oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee koonfurta Soomaaliya, ayaa muddo ku jirta go’doon adag, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay ka hareereeyeen dhamaan afarta jiho ee magaalada, taas oo sababtay in shacabka magaaladaasi ay ku noolaadaan xaalad go’doon ah muddo ka badan toban sano.

Xildhibaan kashifay ‘xaalad quus ah’ oo Muqdisho ka taagan, fadeexadna ku ah DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan xaalad quus ah, taas oo salka ku haysa barakicinta dadkii soo naf bidday caasimada, kuwaas oo si arxan-darro iyo naxariis la’aan ah looga barakicinayo halkii ay ku noolaayeen, sida uu shaaciyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo sidoo kale ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajirka ayaa sheegay in dhulkii ay deganaayeen barakacayaasha usoo cararay Muqdisho laga iibinayo ganacsato, isla markaana lagu laaluushayo siyaasiyiin, xildhibaanno iyo shaqsiyaad kale.

“Magaalada Muqdisho waa halka ay soo maciinsadaan danyarta iyo dadka kasoo barakaca dagaalka argagexisada, colaadaha beelaha iyo iyo masiibooyinka la xiriira isbedelka cimilada ee abaaraha iyo fatahaadaha, waxaana ku nool ku dhowaad hal milyan oo barakacayaal ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lacagta lagu iibiyo dhulkaan laga kicinayo barakacayaashii usoo nolol doontay caasimadda ay ku dhacayso jeebka madaxda sare ee dowladda.

“Danyarta cooshashkooda baldoosarka la dulmariyey ee iyagoo ilmaynaya Alle u dansheeganaya, ma xusi doonaana oo keli ah kuwa dulmiyey ee waxay xusuusan doonaan kuwa ka aamusay,” ayuu yiri.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Magaalada Muqdisho waa halka ay soo maciinsadaan danyarta iyo dadka kasoo barakaca dagaalka argagexisada, colaadaha beelaha iyo iyo masiibooyinka la xiriira isbedelka cimilada ee abaaraha iyo fatahaadaha, waxaana ku nool ku dhowaad hal milyan oo barakacayaal ah.

Si arxan-darro iyo naxariis la’aan ah ayaa dadkaas looga barakiciyaa halkii ay ku noolaayeen, iyadoo dhulkii ay deganaayeen laga iibanayo ganacsato, lagu laaluushayo siyaasiyiin, lacagtuna ay ku dhacayso jeebka madaxda sare ee dowladda. Baarlamaankii, hay’adihii garsoorka ee gacanta qaban lahaa Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisana waa la dhufaanay.

Warbaahinta, culimada iyo bulshadii rayadka waxaa u fudud in ay Gaza ka hadlaan, taasoo xaq ah, laakiin barakicinta Muqdisho waa ka aamusanyihiin.

Ilaaheey wuxuu quraankiisa inooga digay in aan ka dhowrsano fitnada aan ku ekaan doonin kuwa gaboodfalka gaystay.

Danyarta cooshashkooda baldoosarka la dulmariyey ee iyagoo ilmaynaya Alle u dansheeganaya, ma xusi doonaana oo keli ah kuwa dulmiyey ee waxay xusuusan doonaan kuwa ka aamusay.

Awood sheegashadka iyo barakicinta kuwa nugul, waxaa ka dhalanaya tabasho iyo hurgumooyin ay ka faa’iidaysanayaan argagagexisada.

SOMALILAND oo isku xirtay wada-hadallada DF Somalia iyo dhismaha SSC-Khaatumo

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay dhismaha maamul-goboleedka SSC-Khaatumo ee haatan ka scoda Laascaanood isaga oo dhinaca kalena soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Cirro ayaa marka hore cambaareeyay qorshaha dowladda federaalka ee maamul u dhisidda gobollada Sool iy Sanaaag, waxaana uu tilmaamay in aanay aqbali doonin maamulka haatan laga abaabulayo bariga Sool.

Sidoo kale wuxuu isku xiray wada-hadallada iyo arrinta dhismaha maamulkaasi, isaga oo shaaca ka qaaday in Somaliland aanay wada-hadal la geli doonin dowladda federaalka Soomaaliya, inta ay ku howlan tahay dhismaha maamul ka madax banaan Somaliland.

“Soomaaliya ma wada-hadli karno, wada-hadalna Somaliland lama galeyso, iyadoo qayb Somaliland kamid ah ka baabuleyso maamul kale. Waxaanu nahay qaran nabadda jecel, laakiin Somaliland way awoodaa in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda” ayuu yiri Cirro.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay danayneyso inay dib u bilowdaan wada-hadallada labada dhinac, oo noqday kuwo aan natiijo laga gaarin.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cali Balcad ayaa sheegay in istaraatiijiyadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay tahay inay iska dhex xaliso dhibaatooyinkeeda gudaha, taas oo qayb ka tahay Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Gobolkaasi waa mid ka mid ah gobollada Soomaaliya. Istaraatiijiyaddeenna annagoo ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inaan iska dhex xallino dhibaatooyinkeena gudaha,” ayuu yiri Wasiir Balcad.

Cali Balcad ayaa sidoo kale muujiyay sida ay Dowladda Federaalka diyaar ugu tahay cid kasta oo ka caawinaysa arrintaasi, “Haddii ay jirto cid kale oo doonaysa inay naga caawiso dhankaas (wada-hadallada), waan soo dhoweyneynaa.”

Si kastaba, Somaliland iyo Soomaaliya ayaa si weyn u sii kala fogaaday kadib heshiiskii Somaliland ay la gaartay Itoobiya, kaasi oo Hargeysa ay sheegtay inay aqoonsi uga beddelanayso Addis Ababa marin badeed.

Xogta dagaal xooggan oo dib uga qarxay Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal mar kale saaka dib uga qarxay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidanka dowladda iyo kuwa Jubaland, waxaana dagaalka uu galay maalintii lixaad oo xiriir ah.

Dagaalka ayaa daba socoda iska horimaadyo maalmahaanba labada dhinac ku dhex-marayay magaalada, waxaana haatan la maqlayaa rasaas ay isweydaarsanayaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xooggiisa uu ka socda qaybo kamid ah gudaha magaalada iyo duleedkeeda, gaa ahaan aaga xerada UK oo ay ku sugan yihiin ciidamada uu horkacayo Janan, waxaana lasoo warinayaa in xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haaatan socda, iyada oo ay jiraan madaafiic ku dhaceysa gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xiisadda ka taagan gobolka Gedo ayaa u muuqato mid kasii dareyso, waxaana dagaalka uu kusii fidiyaa qaybo badan oo kamid ah gobolka oo ay isku hayaan dowladda iyo Jubaland.

Dhinaca kale, dadka deegaanka ayaa isaga barakacay guryahooda, waxaana intooda badan ay gaareen dhinaca magaalada Mandera ee dalka Kenya, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaasi.

Dagaalka ka socda Beledxaawo ayaa u muuqdo mid kasii daraya, waxaana dhinacyadu ay shalay bilaabeen inay is duqeeyaan, kadib markii ay isku adeegsadeen madaafiic culus oo dhalisay khasaare dhimasho, dhaawacyo iyo burbur wayn oo gaaray degmada gudaheeda.

Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisaddaan loo dareemaa mar kasta oo la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

DF Soomaaliya iyo Puntland oo mar kale ay ka dhex tafatay kadib markii ay isku qabteen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa mar kale ay ka dhex-tafatay, kadib markii ay soo baxday khariidad cusub oo muran dhalisay, taas oo la sheegay inay soo saartay ‘wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Doodda ayaa ka dhalatay, kadib markii dhowaan wasaaradda ay soo saartay  qorshaha qaran ee caafimaadka oo lagu magacaabo Somali National One Health Strategic Plan (2025–2029), waxaana lagu daabacay khariidad ku jirta bogga 13-aad ee qorshaha, taas  oo ‘lagu muujiyey in gobolka Mudug si buuxda loogu daray maamulka Galmudug’  iyada oo meesha la gaaray qaybtii ka tirsaneyd Puntland, sida ay ku warantay warbaahinta.

Waxaa sidoo kale ka maqan khariidada la baahiyay gobolka Sanaag, oo intiisa badan ka tirsan Puntland, balse lagu daray Somaliland.

Dhinaca kale, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si deg-deg ah uga jawaabtay eedeyntan, waxayna tilmaamtay Khariirada la baahiyay in aysan ka tarjumaynin aragtida siyaasadeed ee wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku daray in wasiir Cali Xaaji Aadan aanu saxiixin siyaasado Qaran oo kama dmnbays ah oo ay ku jirto Khariiradan.

“Wasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxay si rasmi ah u shaacinaysaa in sawirka Khariirada (Map) ee la baahiyay uusan ka tarjumaynin aragtida siyaasadeed ee Wasaaradda, waxaan si cad u muujinaynaa in aysan jirin siyaasado Qaran oo kama danbays ah ee uu Wasiirka Caafimaadka saxiixay oo ay kujirto Khariiradan”. ayaa lagu yiri bayaan deg-deg ah oo ay faafisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sawirka Khariiradan oo ay warbaahinta qaar baahiyeen wuxuu muujinaya aragtiyo aan rasmi ahayn oo siyaasadaha iyo qorsha-yaasha caafimaadka dalka aanay ka mid ahayn”.

Dhinaca kale, wasaaradda caafimaadka ayaa farriin culus u dirtay warbaahinta, waxayna ugu baaqday inay si taxadar ah u hubiyaan warbixinnada ay sii deynayaan, si looga fogaado, faafinta warar been abuur ah.

“Waxaan ku boorinaynaa in dhamaan warbaahintu ay si taxadar leh u baaraan macluumaadka ay soo bandhigayaan, si looga fogaado faafinta warar khaldan oo saamayn ku yeelan kara bulshada, waxayna wasaaradda Caafimaadka masuuliyad ka saaran tahay in ay la wadaagto bulshada xogta saxda ah iyo horumarada la xiriira Caafimaadka dalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa waxaa haatan ka dhexeeya khilaaf culus oo siyaasadeed, kaas oo gebi ahaan sameeyay wada shaqeyntooda oo meesha ka baxday.

Xog: Puntland oo sii daynaysa markabka hubka kadib faro-gelin ka timid Imaaraadka

Boosaaso (Caasimada Online) – Puntland ayaa isu diyaarinaysa inay sii deyso markab siday qalab ciidan oo Turkigu ugu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib dhexdhexaadin diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo Imaaraadka Carabta uu u sameeyay Turkiga, sida ay ilo-wareedyo dowladda ka tirsan u sheegeen Caasimada Online.

Dhacdadan, oo ku billaabatay qabashada markabka MV Sea World 18-kii Luulyo, ayaa imtixaan ku noqotay isbahaysiyada isku cakiran ee Geeska Afrika, waxayna iftiimisay loolanka awoodeed ee isbeddelaya ee u dhexeeya quwadaha gobolka ee Turkiga iyo Imaaraadka.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Puntland oo la hadlay Caasimada Online, qorshaha sii deynta markabka ayaa yimid kaddib cadaadis toos ah oo ka yimid safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho. Safaaradda ayaa la sheegay inay soo faragelisay kaddib markii Ankara ay cabasho kulul u gudbisay, iyadoo u aragtay qabashada gargaarkeeda militari ee ay fulisay Puntland—oo ah dowlad-goboleed Soomaaliyeed—mid meel ka dhac weyn ku ah.

Diblomaasiyiin xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Turkiga, oo ka carooday aamusnaantii hore ee Puntland, uu u weecday xiriirkiisa dhawaan soo hagaagay ee Imaaraadka si uu uga caawiyo xal u helidda is-mari-waaga. Ankara ayaa lagu warramay inay ku gooddisay inay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u soo ceshato shixnadda haddii ay Puntland u hoggaansami weydo.

Shixnaddan ayaa loogu talagalay saldhigga tababarka militari ee TURKSOM ee Muqdisho—kaas oo ah tiir-dhexaadka kaalmooyinka ballaaran ee dhinacyada amniga iyo horumarka ee Turkigu ka fuliyo Soomaaliya. Saldhiggan ayaa door muhiim ah ka ciyaara tababarka iyo qalabaynta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka daba-dheeraaday kula jira ururka Al-Shabaab.

Dhacdadani waxay tusaale muuqda u tahay isbeddelka ku yimid isbahaysiyada gobolka. Turkiga iyo Imaaraadka oo mar isku khilaafsanaa dagaallo wakaaladeed sida kii Liibiya, ayaa tan iyo markaas dib u hagaajiyay xiriirkooda, taasoo ay sii adkeeyeen booqashooyin heer sare ah iyo heshiisyo iskaashi oo balaayiin dollar ah.

In Ankara ay awood u yeelatay inay ku tiirsanaato Abu Dhabi si ay cadaadis u saarto Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni—oo ah xulufo dhow la ah Imaaraadka—waxay muujinaysaa heerka uu gaaray heshiiskooda.

Puntland, dhankeeda, way qiratay xiriirka ka yimid Ankara. War-saxaafadeed la soo saaray 23-kii Luulyo, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in safiirka Turkiga uu xaqiijiyay in shixnaddu ay “leedahay dowladda Turkiga,” taasoo keentay in Puntland ay markabka ku xannibto dekedda Boosaaso si loo baaro.

Isla war-saxaafadeedkaas, dowladda fadhigeedu yahay Garoowe waxay ku dadaashay inay dejiso xiisadda, iyadoo tiri: “Dowladda Puntland waxay uga mahadcelinaysaa shacabka iyo Dowladda Turkiga xiriirka walaaltinimo iyo taageerada ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.”

Xiisad siyaasadeed oo qoto-dheer

Dhacadan dhinaca badda ah waxay ku soo aadaysaa xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo kacsan oo u dhaxaysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Bishii Abriil, Puntland waxay ku dhawaaqday inaysan sii aqoonsanayn dowladda federaalka ah ayna u dhaqmi doonto si madax-bannaan—tallaabadaas oo jawaab u ahayd wax-ka-beddelka dastuuriga ah oo ay sheegtay inuu si qaldan awoodda ugu ururinayo meel dhexe uuna wiiqayo nidaamka federaalka Soomaaliya.

Kala-jabkaas siyaasadeed ayaa loo badinayaa inuu salka ku hayo qabashada markabka, iyadoo ay suurtagal tahay in Puntland ay shixnadda Turkiga u adeegsanayso hub cadaadis ah oo ay kaga faa’iidaysanayso is-mari-waaga ballaaran ee kala dhexeeya Muqdisho.

Xaaladdu waxay sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan doorka Imaaraadka. Marka la eego xiriirka dhow ee ay la leedahay Puntland iyo Dowladda Federaalka, fallanqeeyayaashu waxay isweydiinayaan sababta aysan Abu Dhabi goor hore ugu soo dhexgelin si ay u dhexdhexaadiso khilaafka siyaasadeed ee qotada dheer.

Imaaraadku wuxuu saldhig adag ku leeyahay Puntland, oo ay ku jirto xarun militari oo ku taal dekedda Boosaaso, taasoo istiraatiiji ahaan ku taalla Gacanka Cadmeed—mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan adduunka.

Muhiimadda dekedda ayaa soo jiidatay indhaha caalamka. Sida ay sheegeen diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal gobolka ah, xarumaha Imaaraadka ee aaggaas ayaa laga yaabaa inay u adeegaan dano siyaasad dibadeed oo ballaaran, oo ay ku jiraan eedeymo la xiriira hubka oo la sheegay in loo gudbiyo xulafada gobolka.

Eedeymahaas waxaa ka mid ah warbixino sheegaya in hub la siiyo Ciidamada Gurmadka Degdega ah ee Suudaan (RSF)—eedeymo ay ku celceliyeen Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay ee Suudaan.

In kasta oo xal u helidda xiisadda markabka MV Sea World ay ka hortagtay iska-hor-imaad toos ah oo dhexmara Turkiga iyo Puntland, haddana waxay si cad u soo bandhigaysaa aasaaska jilicsan ee tijaabada federaalka Soomaaliya—iyo saamaynta ballaaran ee ay quwadaha shisheeye sida Turkiga iyo Imaaraadku weli ku leeyihiin qaabeynta mustaqbalkiisa. 

Sawirro: Fiqi iyo Geelle oo ka wadahadlay qodobo xasaasi ah kadib heshiiskii galabta

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa caawa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa dagaalka Khawaarijta ee ka socda Soomaaliya oo Jabuuti ay door muuqda ku leedahay, iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa wadahadalkooda diiradda ku saaray arrimaha difaaca, amniga gobolka iyo sidii Soomaaliya iyo Jabuuti ay iskaashi dhow uga yeelan lahaayeen dagaalka kooxaha argagixisada ah oo khatar muuqata ku haya gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Geelle doorka hoggaamineed iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda Jabuuti ay siiso Soomaaliya, isagoo si gaar ah u bogaadiyay kaalinta muuqata ee ciidamada “Hiil Walaal” ay kaga jiraan howlgalka AUSSOM iyo dadaallada nabadeynta iyo xasillinta dalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ku soo aaday iyadoo galabta dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah oo lagu kordhinayo tirada ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa ku kala metelayay labada dal Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon.

Saxiixa heshiiska ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada dhinac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiisku uu qeexayo kordhinta ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka socda ee gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in heshiiska uu hagayo habraacyada shaqo, waajibaadka labada dhinac, iyo qaabka iskaashiga militari, iyadoo lagu dhisayo mabda’a wadashaqeynta iyo is-ixtiraamka.

Heshiiskan ayey dowladda Soomaaliya sheegtay inuu muujinayo sida Jamhuuriyadda Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ka wadaagaan xasilloonida gobolka.

“Munaasabadda saxiixa ayaa ku qabsoontay jawi walaaltinimo iyo kalsooni leh, taasoo markale muujinaysa xoogga iyo qotada dheer ee xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Si kastaba, Jabuuti ayaa kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya ee ka taageera dhinacyada amniga iyo horumarka. Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM waxay door muhiim ah ka qaataan nabad ilaalinta dalka.

Somaliland oo cayaartay khamaar halis badan oo ay si weyn ugu guban doonto

Muqdisho (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sii laba-laabeysa khamaar khatar sare leh oo ku saabsan mustaqbalkeeda. Iyadoo sii xoojinaysa iskaashigeeda Taiwan, oo socday dhowr sano, ayay dowladdan aan la aqoonsanayn si bareer ah u sii hurisay doorkeeda loollanka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka, iyadoo ka tagtay taxaddarkii ay u mari jirtay raadinta fursad ay ku kasbato aqoonsi caalami ah oo ay baadi-goobaysay muddo ka badan 30 sano.

Xiriirkan, oo horseeday in labada dhinac ay kala furtaan xafiisyo wakiilnimo sannadkii 2020, ayna iska kaashadaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka iyo teknoolojiyadda, ayaa gaaray marxalad cusub kaddib heshiis taariikhi ah oo ku saabsan ciidamada ilaalada xeebaha oo la saxiixay bishii Luulyo 2025.

Tallaabadan, oo ay Taipei ku ammaantay inay tahay mid lagu xaqiijinayo “xeebta Somaliland,” waa ficil iska-caabbin ah oo si xeeladaysan loola dan leeyahay Beijing, sidoo kalena waa khamaar halis badan oo lagu doonayo garab-siin reer Galbeed ah – mid keeni karta madax-bannaani, ama dhanka kale, cawaaqib masiibo ah.

Laakiin Somaliland waxay u muuqataa inay ku dhiirranayso awood aysan haysan. Iyadoo isku dhex tuurtay loollanka quwadaha waaweyn ee caalamka iyadoo aan haysan aqoonsi rasmi ah, adkaysi dhaqaale, ama difaac militari, waxay halis ugu jirtaa inay gasho khalad xisaabeed istiraatiji ah oo sababi kara cawaaqib xun oo baaxad leh.

Isbahaysiga kuwa aan la aqoonsan

Iskaashigan wuxuu ka dhashay go’doon diblomaasiyadeed oo ay wadaagaan. Somaliland iyo Taiwan labaduba waa dowlado dimoqraadi ah oo dhab ahaan u jira (de facto) balse aan haysan aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Somaliland, oo si kaligeed ah madax-bannaanida uga qaadatay Soomaaliya sannadkii 1991 kaddib dagaal sokeeye oo arxan darro lahaa, isbahaysigani wuxuu u muuqdaa waddo ay ku soo jiidanayso indhaha Washington. Hoggaanka Hargeysa wuxuu aaminsan yahay in marka ay garab istaagto Taiwan – oo dan muhiim ah u leh xubno badan oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka iyo hay’adaha amniga qaranka – ay meesha ka saari karto xaalad goboleed oo aan la hubin, una beddeli karto hanti istiraatiji ah.

Xiriirkani wuxuu durba keenay faa’iidooyin la taaban karo, oo ay ka mid yihiin tababar militari oo Taiwan siiso saraakiisha Somaliland, kaalmo horumarineed, iyo rajo maalgashi oo laga sameeyo kaydkeeda shidaalka ee aan weli la taaban.

Hase yeeshee, kharashka siyaasadeed ee isbeddelkan ayaa laga yaabaa inuu ka bato faa’iidooyinka. Hoggaamiyeyaasha Somaliland waxay u muuqdaan kuwo ku khamaaraya in is-garab-taagga astaanta ah ee reer Galbeedka uu isu beddeli doono difaac iyo aqoonsi waara – iyadoo aan jirin dammaanad sugan oo muujinaya in natiijooyinkaas la gaari doono. Aaminaaddan waxay si khatar ah u dhayalsanaysaa dabeecadda danaysiga ku dhisan ee diblomaasiyadda caalamka, gaar ahaan marka la eego Afrika.

Dhanka Taiwan, iskaashigu waa guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah iyo saldhig istiraatiji ah oo ay ka heshay qaarad uu saameyn weyn ku leeyahay Shiinuhu. Iyadoo ay sii yaraanayaan xulafadeeda rasmiga ah sababo la xiriira cadaadiska Beijing, xiriirka Somaliland wuxuu tusaale u yahay diblomaasiyadda Taiwan ee “ku dhisan qiyamka,” taasoo higsanaysa inay dhisto iskaashi adag oo lala yeesho dimoqraadiyado ay aragti ahaan la wadaagto.

Waxaase ka sii muhiimsan, joogitaanka saaxiibtinimo ee Gacanka Cadmeed wuxuu Taiwan siinayaa isla-miisaan ka dhan ah saldhigga militari ee weyn ee Shiinaha ku leeyahay dalka deriska ah ee Jabuuti, iyadoo gacan ka geysaneysa la socodka marinnada muhiimka ah ee Badda Cas, oo ah goobo maraakiibta caalamku adeegsadaan, isla markaana Beijing ay doonayso inay si buuxda u maamusho.

Laakiin halka Taiwan ay ka helayso saldhig istiraatiji ah, Somaliland waxay halis ugu jirtaa in laga dhigo masrax astaan uun ah ciyaar aad uga weyn – mid laga yaabo in la iska tuuro marka uu juqraafi-siyaasadeedku isbeddelo.

Jawaabta carada leh ee Beijing

Sida la filan karayay, falcelinta Beijing ee ku aaddan xiriirka sii xoogaysanaya waxay noqotay mid caro leh. Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ku cambaareysay heshiiska ilaalada xeebaha inay tahay “ku xad-gudub bareer ah” oo ka dhan ah madax-bannaanideeda, waxayna uga digtay Somaliland “cawaaqib ay iyadu isu keentay.”

Tani ma ahayn hadal afka uun ah. Shiinaha wuxuu isla markiiba xoojiyay siyaasaddiisa “Hal-Soomaaliya,” isagoo sii adkeeyay isbahaysigiisa Muqdisho. Tallaabo sii hurin ah oo muhiim ah, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay “Iskaashi Istiraatiji ah,” iyagoo si cad isugu xiraya “hadafka taariikhiga ah ee lagu gaarayo dib-u-midayn qaran oo dhammaystiran” – ee Shiinaha (iyo Taiwan) iyo Soomaaliya (iyo Somaliland).

Markay sidaas samaysay, Beijing waxay si xirfadeysan u beddeshay dalabkii aqoonsiga ee Somaliland mid sababay xoojinta cadowgeeda koowaad ee gobolka.

Halkii ay go’doomin lahayd Muqdisho, khamaarka Somaliland wuxuu si aan ula kac ahayn u xoojiyay – isagoo Shiinaha siiyay sabab xooggan oo uu ku labanlaabo taageerada militari iyo diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Waddo khatar badan oo hortaalla

Khataraha horyaalla Somaliland waa kuwo baaxad weyn leh oo dhinacyo badan leh. Dhanka diblomaasiyadda, markay ka gudubtay “khadka cas” ee Beijing ee Taiwan, waxay dammaanad qaadday diidmada qayaxan (veto) ee Shiinaha ee dalab kasta oo xubinnimada Qaramada Midoobay ah, taasoo si wax ku ool ah uga xirtay albaabka aqoonsi sharci ah oo buuxa (de jure).

Dhaqaale ahaan, Hargeysa waxay lumisay maalgashi suurtagal ahaa oo Shiinuhu sameyn lahaa, waxayna dhaqaalaheeda jilicsan u bandhigtay halis caga-juglayn. Kiiska Lithuania, oo la kulantay cunaqabateyn labaad oo Shiinaha ka timid kaddib markay xoojisay xiriirka Taiwan, ayaa ah digniin adag.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ma haysato difaaca Midowga Yurub ee caawiyay Vilnius inay ka gudubto duufaantaas. Go’aankii diblomaasiyadeed ee Nauru ay dhawaan uga wareegtay Taipei kuna biirtay Beijing – oo la rumeysan yahay inuu salka ku hayo dhiirrigelin dhaqaale – ayaa muujinaya awoodda muruqa dhaqaale ee Shiinaha.

Tan ugu muhiimsan, Somaliland ma haysato qorshe kale oo u degsan. Dhaqaalaheedu waa nugul, dadaalladeeda raadinta aqoonsiga way istaageen, ammaankeeduna wuxuu ku tiirsan yahay quwado aan weli ballan-qaad cad samayn. Haddii uu dhaco dhaqdhaqaaq isku dubbaridan oo dhaqaale ama militari ah oo kaga yimaada Beijing iyo Muqdisho, Somaliland waxaa laga yaabaa inay noqot mid si khatar ah u go’doonsan – iyadoo aan haysan taageero dibadeed oo ku filan.

Hase yeeshee, halista ugu daran waa amni-darrada. Waxaa jira cabsi la aamini karo oo ah in Shiinuhu si weyn u kordhin karo taageerada militari ee Soomaaliya, taasoo ku dhiirrigelin karta Muqdisho inay raadiso xal militari.

Tani ma aha mala-awaal; sannadkii 2023, Beijing waxaa lagu eedeeyay inay hurisay dagaal wakaaladeed oo ka dhacay magaalada Laascaanood, kaasoo lagu fashiliyey dhoollatus militari oo weyn oo Mareykanku qorsheynayay inuu ka sameeyo Dekedda Berbera.

Dhacdadan waxay muujinaysaa hubaal la’aanta ku jirta tiirsanaanta Somaliland ee taageerada Mareykanka. Siyaasadda Washington waa mid si khatar laba-wajiile ah – Golaha Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Difaaca (Pentagon) oo taageersan, una arka Somaliland mid istiraatiji ahaan looga hortago Shiinaha, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo taxaddar badan leh, si rasmi ahna ugu dheggan “Siyaasadda Hal-Soomaaliya.”

Kala qaybsanaantani waxay keentay dhiirigelin aan lahayn dammaanad. Mareykanku wuxuu u muuqdaa inuu Somaliland u adeegsado sidii gabal-ciyaareed qiimo jaban, si uu ugu tijaabiyo saamaynta Shiinaha, balse rabitaankiisa ah inuu dib u gurto marka uu la kulmo iska-hor-imaad dhab ah – sida ka muuqatay dhoollatuskii la baajiyay – wuxuu Hargeysa uga tagayaa meel khatar ah.

Markay ku tiirsanaatay siyaasad Maraykan oo aan caddayn, ayna ka xanaajisay falcelin Shiineys ah oo la saadaalin karay, Somaliland waxaa laga yaabaa inay isku ridday xaaladdii ugu xumayd: inay colaysato quwad weyn iyadoo ku kalsoon garab-siin aan la isku hallayn karin.

Cagajiidka Midowga Afrika

Dhanka kale, Midowga Afrika weli wuu curyaansan yahay. Ururka qaaradda waxaa xakameynaya cabsi laga qabo dhiirrigelinta dhaqdhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah, mabda’aas oo ku hoggaamiyay inuu iska indho-tiro warbixintii xaqiiqo-raadinta ee uu sameeyay sannadkii 2005, taasoo lagu ogaaday in kiiska Somaliland ee soo celinta madax-bannaanideedii hore uu yahay “mid taariikh ahaan gaar ah oo iskeed isu caddaynaysa.” Tallaabo la’aantaasi waxay abuurtay bannaanbax goboleed, taasoo u oggolaatay in loollannada juqraafi-siyaasadeed ay sii daba-dheeraadaan.

Go’doominta sii kordhaysa ee Somaliland ee qaaradda ayaa laga yaabaa inay sii qoto dheeraato haddii dowladaha Afrika badankood ay la saftaan mowqifka Beijing. Markay ka baxday is-afgaradkii Midowga Afrika, Somaliland waxay halis ugu jirtaa inay iska fogayso xulafada iman karta ee ka baqaya caqabadaha gooni-u-goosadka ee ka jira dalalkooda.

Somaliland waxay si guul leh uga faa’iidaysatay xiriirkeeda Taiwan si ay meel uga hesho masraxa caalamka. Waxay ku beddeshay riyadii fogayd ee aqoonsi guud, faa’iidooyin la taaban karo oo ka yimaada iskaashiga dunida dimoqraadiga ah. Hase yeeshee, markay ku ciyaartay dabka tartanka quwadaha waaweyn, waxay colaysatay quwad weyn, xoojisay cadowgeeda gobolka, masiirkeedana gelisay gacanta garab-siin aan la isku hallayn karin.

Markay sidaas samaysay, waxaa laga yaabaa inay ku wayday ammaan istiraatiji ah oo mustaqbalka fog iyadoo raadinaysa guulo astaan ah oo dhow. Haddii aan aqoonsigu soo raacin – oo reer Galbeedkuna aanu difaacin – tallaabadan geesinimada leh waxaa loo xusuusan doonaa, maaha horumar, ee waa khalad taariikhi ah.

Hargeysa waxay samaysay khamaarkeedii khatarta badnaa; adduunkuna hadda wuu daawanayaa haddii ay xakamayn karto dabka ay shidday.

Jayte oo shaaciyay sababta Shabab uga qabsatay Maxaas

0

Maxaas (Caasimada Online) – Eregyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Macawiisleyda, Cali Jayte Cismaan oo goob fagaare ah kula hadlayay ciidamada ayaa shaaciyay sababtii ka dambeysay in Al-Shabaab ay qabsadaan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Cali Jayte ayaa mas’uuliyadd darrada dhacday dusha u saaray ciidamada Xoogga dalka ee joogay magaaladaasi, wuxuuna tilmaamay inay dhabarka xijiyeen Al-Shabaabkii soo galay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in wax dagaal ah aysan gelin ciidamada dowladda, taasina ay keentay in rag ka kooban lixdan nin oo kaliya ay qabsadeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

“Maxaas nimanka yimid, lixdan nin ayay ahaayeen, ciidan fara weyn oo millitari ahna waa joogay, xabad kuma aysan ridin oo waa ay dareereen”,ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan loo baahan yahay in la xoojiyo dagaalka, lana dardageliyo, si dib loogu laabto deegaanadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen Al-Shabaab.

Xaaladda Maxaas ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq dhaqaaqyo culus oo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Hiiraan, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Kooxda ayaa horay ula wareegtay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay Moqokori oo illaa iyo hadda ay haysato kooxda.

Si kastaba, la wareegitaanka degmada Maxaas oo 13 sano ahayd saldhig muhiim ah oo laga hago dagaalka ayaa muujineyso guul-darro kale oo soo gaartay ciidamada isbaheysanaya, maadaama ay ahayd degmo laga hoggaamiyo abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaannada maamullada HirShabelle iyo Galmudug.

Daawo: Shacab careysan oo dibad-bax ka dhigay GEDO kuna dhowaaqay in Itoobiya…

0

Baardheere (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo dhigay dibadbax ballaaran ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaan, soona dhoweynayaan howlgalka dowladda ee ka socda gobolkaasi, gaar ahaan degmada Beledxaawo.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareeyay weerarkii ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen xarunta Hay’adda NISA ee lagu soo xiray taliyihii degmada Doolow.

Shacabka isugu soo baxay gudaha Baardheere ayaa ku qaylinayay erayo adag oo ay kamid yihiin: “Shiiqaalow guul,” “Itoobiya dooni meyno,” iyo erayo kale oo ay ku cabirayeen dareenkooda.

Intaas kadib waxaa warbaahinta la hadlay qaar kamid ah dibadbaxayaasha oo u badnaa haween, kuwaas oo sheegay inay kasoo horjeedaan Jubbaland iyo ciidamada Itoobiya.

“Jubbaland dooni meyno, waxaan kaloo leenahay Itoobiya dooni meyno,” ayay tiri gabar kamid ah dadkii ka qeybgalay dibadbaxa ka dhacay degmada Baardheere.

Sidoo kale, hooyo kamid ah dadka deegaanka oo goobta ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in ay shacabka ahaan garab taagan yihiin ciidamada dowladda ee haatan howlgalka ka wada degmada Beledxaawo, waxayna ugu baaqday ciidamada Jubbaland inay is dhiibaan.

“Wiilasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Gedo waan garab taaganahay. Waxaan leeyahay: nimanka caada qaatayaasha ah ee u shaqeeya Axmed Madoobe oo Beledxaawo ka aas-aasan, walaalayaal dowladdiinna isku soo dhiiba,” ayay tiri hooyo kale.

Dibadbaxan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dagaalka ka socda Beledxaawo uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen madaafiic sababay khasaare culus oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xooggan.

Xaaladdu weli waa kacsan tahay, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka socda iyo madaafiicda ku dhaceyso qaybo kamid ah degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xiisadda ka taagan gobolka ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana dagaalku uu kusii fidayaa qaybo kamid ah gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta kala saxiixday heshiis cusub oo lagu kordhinayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta ku kala saxiixday magaalada Jabuuti heshiis rasmi ah oo lagu kordhinayo tirada ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa metelayay labada dal Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon.

Saxiixa heshiiska ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada dhinac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiisku uu qeexayo kordhinta ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka socda ee gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in heshiiska uu hagayo habraacyada shaqo, waajibaadka labada dhinac, iyo qaabka iskaashiga militari, iyadoo lagu dhisayo mabda’a wadashaqeynta iyo is-ixtiraamka.

Heshiiskan ayey dowladda Soomaaliya sheegtay inuu muujinayo sida Jamhuuriyadda Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ka wadaagaan xasilloonida gobolka.

“Munaasabadda saxiixa ayaa ku qabsoontay jawi walaaltinimo iyo kalsooni leh, taasoo markale muujinaysa xoogga iyo qotada dheer ee xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Si kastaba, Jabuuti ayaa kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya ee ka taageera dhinacyada amniga iyo horumarka. Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM waxay door muhiim ah ka qaataan nabad ilaalinta dalka.

Wakiilka Midowga Afrika oo R/W Xamza u xaqiijiyay arrin muhiim ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibraahima iyo ku xigeenkiisa Mouktar Ousman Karie.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa soo dhowayn kadib, Danjiraha la wadaagay howl-gallada socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in guullo muhiimah laga gaaray dagaalka argagaxisada.

Danjiraha cusub ee dhowaan lasoo magacaabay ayaa dhankiisa ka mahad-celiyey soo dhowaynta iyo qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo uu xaqiijiyay taageerada Midowga Afrika ee qorshaha kala-guurka ee ciidamada qalabka sida.

“Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa uu ka mahad-celiyey doorka ciidamada Midowga Afrika ee qaybta ka ah Hawl-galka AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay uga go’an tahay dadaallada amni iyo dib-u-dhiska dalka, isaga oo xaqiijiyey in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay si buuxda u taageeraan qorshaha Soomaalidu kula wareegayaan amniga dalka.

Danjire Hadji Ibrahima ayaa beddelay Mohamed El-Amine Souef oo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u magacaabay inuu noqdo Madaxa Shaqaalaha cusub ee xafiiskiisa.

Ku-xigeenkiisa, Mouktar Ousman ayaa isna beddelay Sivuyile Thandikhaya Bam, oo Dowladda Soomaaliya ay bishii April amartay in uu dalka ka baxo kadib markii ay ku eedeysay inuu taageero siinayo kooxda Al-Shabaab.

Britain oo shaacisay in ay aqoonsan doonto dowlad Falasiin, una digtay Israa’iil

London (Caasimada Online) – Britain ayaa Talaadadii sheegtay inay aqoonsan doonto dawlad Falastiini ah bisha Sebteembar haddii aanay Israa’iil qaadin tallaabooyin lagu yareynayo dhibaatada ka jirta Gaza, halkaas oo ay gaajadu ku fidayso, islamarkaana weli aanay gaarin xabad-joojinta dagaalka ku dhow labada sano oo ay kula jirto Xamaas.

Digniintan, oo keentay jawaab kulul oo ka timid Israa’iil, ayaa timid kaddib markii hay’ad la socota heerka gaajada ay sheegtay in xaaladdii ugu darnayd ee macluusha ay bilaabatay, loona baahan yahay tallaabo degdeg ah si looga fogaado dhimasho baahsan. Maamulka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in hadda la xaqiijiyey in in ka badan 60,000 oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen weerarka Israa’iil ee ka dhanka ah Marinka Gaza.

Digniinta gaajada iyo tirada cusub ee dhimashada ayaa muujinaya heerar murugo leh oo laga gaaray colaadda hadda jirta, taas oo billaabatay bishii Oktoobar 2023 markii Xamaas ay weerartay Israa’iil, arrintaas oo keentay duullaan dhulka la simay inta badan dhulkaas go’doonsan, una horseeday hurin colaado guud ahaan Bariga Dhexe.

Digniinta ka timid hay’adda Qiimeynta Isku-dhafka ah ee Sugnaanta Cunnada (IPC) ayaa kordhisay suurta-galnimada in dhibaatada gaajada ee Gaza si rasmi ah loogu aqoonsado macluul. Tani waxay la micno noqon kartaa in cadaadis weyn la saaro Israa’iil si ay u oggolaato in gargaar cunto oo ballaaran la geeyo.

Digniinta Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa sare u qaaday cadaadiska caalamiga ah ee saaran Israa’iil, xilli uu sii kordhayo falcelinta caro leh ee ku saabsan sida ay u wado dagaalka. Faransiiska ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dawladnimada Falastiin bisha September, taasoo keentay caro ka timid dawladda Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku yiri: go’aanka Starmer “wuxuu abaal marinayaa argagixisada bahalnimada ah ee Xamaas, wuxuuna ciqaabayaa dhibbanayaasheeda,” isagoo intaa ku daray “Dawlad Jihaadi ah oo MAANTA ka abuuranta xuduudda Israa’iil waxay khatar gelin doontaa Britain BERRI.”

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan kala hadlin qorshayaasha Britain ee ku saabsan dawladnimada Falastiin intii uu socday kulan uu la yeeshay Starmer Isniintii ee Scotland, markaas oo uu weriyeyaasha u sheegay “inuusan dhibsanayn” haddii Britain ay qaaddo tallaabadaas.

Laakiin Talaadadii, isagoo saaran diyaaradda Air Force One, Trump wuxuu sheegay inuusan u arkin in aqoonsiga madax-bannaanida Falastiin uu yahay abaal-marin la siinayo Xamaas.

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa ku tilmaamay go’aanka Starmer mid “geesinimo leh,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda Falastiin ee WAFA.

Starmer ayaa golihiisa wasiirrada u sheegay in Britain ayku  aqoonsan doonto dawladnimada Falastiin fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay bisha September “haddii aanay dawladda Israa’iil qaadin tallaabooyin la taaban karo oo ay ku soo afjarayso xaaladda argagaxa leh ee Gaza, ayna gaarin xabad-joojin, ayna caddeyso inaanay jiri doonin wax gudasho ah oo ka dhacaya Daanta Galbeed, ayna ka go’an tahay geeddi-socod nabadeed oo mustaqbalka fog kaasoo keenaya xalka labada dawladood,” sida ay sheegtay dawladdiisu.

Tallaabadan, haddii la fuliyo, waxay u badan tahay in ay yeelan doonto astaan siyaasadeed, maadaama Israa’iil ay weli haysato dhulalkii ay Falastiiniyiintu muddo dheer higsanayeen inay ka dhistaan dawlad – kuwaas oo ah Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, oo Bariga Qudus loogu talagalay iny noqoto caasimadda.

Arrintan waxay Israa’iil ka dhigeysaa mid aad uga go’doonsan masraxa caalamka, xilli ay sii kordhayaan codadka caalamiga ah ee ku baaqaya in la oggolaado gargaar aan xannibaad lahayn inuu galo Gaza – halkaas oo ay Israa’iil si buuxda u maamusho dhammaan marinada laga galo iyo kuwa laga baxo ee dhulkaas go’doonsan.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Trump – oo ah xulafada ugu dhow uguna saameynta badan Israa’iil – ayaa caddeeyay inuusan wax niyad ah u hayn inuu ku biiro dalalka aqoonsanaya dawladnimada Falastiin waqtigan dhow. Tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay bishii Jannaayo, Trump ma cadda inuu taageersan yahay dawlad Falastiini ah oo mustaqbalka dhalata iyo in kale.

Starmer ayaa Talaadadii wada-hadallo telefoon la yeeshay Netanyahu iyo Cabbaas ka hor inta uusan shaacin go’aankiisa.

Caddeymaha gaajada, nafaqo-darrada iyo cudurrada

Iyadoo ay sii kordhayso carada caalamiga ah ee ku aaddan dhibaatada Gaza, Israa’iil waxay dhammaadkii toddobaadka ku dhawaaqday tallaabooyin lagu fududeynayo gelitaanka gargaarka. Laakiin Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa Talaadadii sheegay inuusan helin oggolaanshihii uu u baahnaa si uu u geeyo gargaar ku filan tan iyo markii Israa’iil billowday hakinta gargaarka bini’aadannimo.

“Caddeymo isa soo taraya ayaa muujinaya in gaajo baahsan, nafaqo-darro iyo cudurro ay sababayaan koror ku yimid dhimashada la xiriirta gaajada,” ayay tiri hay’adda IPC, iyadoo intaa ku dartay in “heerarkii macluusha” la gaaray marka la eego isticmaalka cuntada ee inta badan Gaza.

Waxay sheegtay inay si degdeg ah u samayn doonto falanqayn rasmi ah oo suurta gelin karta in Gaza si rasmi ah loogu aqoonsado “meel macluul ka jirto.”

Hay’adaha caafimaadka Gaza ayaa soo tebinaya dad sii kordhaya oo u dhimanaya sababo la xiriira gaajo. Tirada guud waxay gaartay 147 qof, oo ay ku jiraan 88 carruur ah – kuwaasoo intooda badan ay dhinteen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Sawirrada carruur Falastiiniyiin ah oo laf iyo maqaar ah ayaa naxdin ku riday dunida, iyadoo xulafada ugu adag ee Israa’iil, Trump, uu qiray in dad badan ay gaajaysan yihiin, wuxuuna ballanqaaday inuu dhisi doono “xarumo cunto” oo cusub.

Isra’a’iil ayaa beenisay inay waddo siyaasad dadka lagu gaajaysiinayo. Wasiirka Arrimaha Dibedda, Gideon Saar, ayaa Talaadadii sheegay in xaaladda Gaza ay tahay “mid adag,” balse uu jiro buunbuunin ku saabsan heerka gaajada ee halkaas ka jira.

Colaaddii ugu dhimashada badnayd

Tirakoobka khasaaraha Gaza – oo inta badan ay soo xigtaan Qaramada Midoobay, ayna horey WHO u sheegtay inuu yahay mid lagu kalsoonaan karo – ayaa muujinaya in dagaalkan uu yahay kii ugu dhimashada badnaa ee Israa’iil gasho tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1948.

Isra’a’iil waxay duullaankeeda ku billowday jawaabtii weerarkii Xamaas ee xuduudda uga yimid 7-dii Oktoobar 2023, markaas oo dagaalyahannadu ay dileen illaa 1,200 oo qof, ayna afduubteen 251 kale – taasoo ahayd maalintii ugu dhimashada badnayd ee abid soo marta Israa’iil. Tan iyo markii ay Israa’iil billowday hawlgallada dhulka ee Gaza bishii Oktoobar 2023, waxaa laga dilay 454 askari.

Tirada cusub ee dhimashada Falastiiniyiinta ma kala saarayso dagaalyahannada iyo dadka rayidka ah. Kumanaan meyd ah ayaa la aaminsan yahay inay ku hoos jiraan burburka, taasoo la micno ah in tirada dhabta ah ay u badan tahay inay aad uga badan tahay tan la xaqiijiyay, sida ay sheegeen saraakiil Falastiiniyiin ah iyo shaqaalaha gurmadka.

Duqeymo cirka ah oo Israa’iil ay samaysay habeenkii ayaa lagu dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa xerada Nuseirat ee bartamaha Gaza, sida ay sheegeen hay’adaha caafimaadka Gaza. Dhakhaatiirta Isbitaalka Al-Awda ayaa sheegay in ugu yaraan 14 haween ah iyo 12 carruur ah ay ka mid ahaayeen dadka dhintay.

Isbitaalku wuxuu kaloo sheegay in 13 qof lagu dilay, tobaneeyo kalena lagu dhaawacay rasaas ay fureen ciidamada Israa’iil, xilli ay marayeen Waddada Salahudeen, iyagoo sugayay baabuurta sida gargaarka ee soo galaya Gaza.

Saar wuxuu sheegay in 5,000 oo baabuur oo sida gargaar ay galeen Gaza labadii bilood ee la soo dhaafay, ayna Israa’iil diyaar u tahay inay caawiso kuwa doonaya inay fuliyaan gargaar cirka laga soo daayo – hab ay kooxaha gargaarka u arkaan mid aan wax ku ool ahayn oo iska-yeel-yeel ah.

Isra’a’iil iyo Maraykanku waxay ku eedeeyaan Xamaas inay xaddo gargaarka – eedeymo ay dagaalyahannadu beeniyeen – iyo Qaramada Midoobay oo ay ku eedeeyaan inay ku guuldarreysatay xakameyntiisa. Qaramada Midoobay waxay sheegtay inaysan haynin caddayn muujinaysa in Xamaas ay si ballaaran u leexisay gargaarka. Xamaas waxay ku eedeysaa Israa’iil inay sabab u tahay gaajada, ayna gargaarka u isticmaashay xeelad dagaal.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada degmada Beledxaawo

0

Beledxaawo(Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Beledxaawo ee gobolkaasi, halkaas oo ay maalmahaanba ay ku dagaalamayeen dowladda iyo Jubaland.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubaland ay dhaq-dhaaqyo horleh ka wadaan gudaha Beledxaawo, iyaga oo haatan difaacyo uga jira goobihii ay ku dagaalameen ee magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan cabsi xooggan ay ka taagan tahay halkaasi, isla markaana ay suuragal tahay in mar kale ay dagaalamaan labada dhinac.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa isaga barakacay guryahooda, waxaana intooda badan ay gaareen dhinaca magaalada Mandera ee gudaha dalka Kenya.

Dagaalka ka socda Beledxaawo ayaa u muuqdo mid kasii daraya, waxaana dhinacyadu ay shalay bilaabeen inay is duqeeyaan, kadib markii ay isku adeegsadeen madaafiic culus oo dhalisay khasaare dhimasho, dhaawacyo iyo burbur wayn oo gaaray magaalada gudaheeda.

Waxaa kale oo jirtay in habeen hore dagaal kale uu ka dhacay gudaha degmada Doolow, kaas oo ay ka qayb qaateen ciidamada Itoobiya, kadib markii ay weerareen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada NISA, halkaas oo ay cagta mariyeen, kadibna ay gubeen xerada.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale gebi ahaanba waxay la wareegeen xerada, waxayna gacantana ku dhigeen Taliyihii ciidanka Nabadusgida ee Doolow iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisaddaan loo dareemaa mar kasta oo la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Puntland to release Turkish ship After UAE intervention

Bosaso (Caasimada Online) – Puntland is preparing to release a vessel carrying Turkish military equipment bound for the Somali National Army, following high-level diplomatic intervention by the United Arab Emirates on Turkey’s behalf, government sources have told Caasimada Online.

The incident, which began with the seizure of the MV Sea World on July 18, has tested the delicate web of alliances in the Horn of Africa and highlighted the evolving power dynamics between regional heavyweights Turkey and the UAE.

According to Puntland government sources who spoke to Caasimada Online, the planned release comes after direct pressure from the UAE Embassy in Mogadishu. The embassy reportedly stepped in after Ankara issued a stern protest, viewing the seizure of its military aid by Puntland—a semi-autonomous Somali state—as a serious affront.

Diplomatic insiders say Turkey, frustrated by Puntland’s initial silence, turned to its recently mended ties with the UAE to help break the impasse. Ankara allegedly warned it would take necessary steps to recover the cargo if Puntland failed to comply.

The shipment was intended for the Turk-Som military training base in Mogadishu—an anchor of Turkey’s broad security and development engagement in Somalia. The base plays a central role in training and equipping Somali National Army forces in their prolonged fight against the Al-Shabaab insurgency.

This episode marks a striking example of shifting regional alignments. Once at odds in proxy conflicts like Libya, Turkey and the UAE have since repaired relations, sealed by high-level visits and billions in new cooperation agreements.

That Ankara could lean on Abu Dhabi to pressure Puntland’s President Said Abdullahi Deni—a close UAE ally—shows just how far that reconciliation has come.

Puntland, for its part, acknowledged Ankara’s outreach. In a press statement issued on July 23, authorities said the Turkish ambassador had confirmed the shipment “belonged to the Turkish government,” prompting Puntland to detain the vessel in Bosaso port for inspection.

In the same release, the government in Garowe sought to calm tensions, stating: “The Puntland Government thanks the Turkish people and Government for their fraternal relations and support to the Somali people.”

Deep-rooted political tensions

This maritime incident unfolds amid an already tense political standoff between Puntland and Somalia’s Federal Government in Mogadishu.

In April, Puntland declared it would no longer recognize the federal government and would act independently—a response to constitutional amendments it says unfairly centralize power and erode Somalia’s federal system.

That political rupture likely forms the backdrop of the seizure, with Puntland possibly using the Turkish cargo as leverage in its broader standoff with Mogadishu.

The situation has also sparked questions about the UAE’s role. Given its close ties to both Puntland and the Federal Government, observers wonder why Abu Dhabi didn’t step in sooner to mediate the deeper political rift.

The UAE maintains a firm foothold in Puntland, including a military facility at the port of Bosaso, strategically located along the Gulf of Aden—one of the world’s busiest shipping corridors.

The port’s significance has drawn international scrutiny. According to diplomats and regional analysts, UAE facilities in the area may serve broader foreign policy aims, including alleged arms transfers to regional allies.

Among those allegations is the reported supply of weapons to Sudan’s Rapid Support Forces (RSF)—claims echoed in findings by the UN Panel of Experts on Sudan.

While the resolution of the MV Sea World standoff has averted a direct crisis between Turkey and Puntland, it lays bare the fragile foundations of Somalia’s federal experiment—and the immense sway foreign powers like Turkey and the UAE continue to hold in shaping its future.

UK threatens to recognize Palestinian State in September

London (Caasimada Online) – Britain warned Tuesday it would recognize a Palestinian state this September unless Israel takes immediate steps to halt an “appalling” humanitarian crisis in Gaza, a dramatic ultimatum that signals growing international pressure on Israel over the nearly two-year war.

The announcement from Prime Minister Keir Starmer’s government drew a furious rebuke from Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, who decried the move as a reward for terrorism.

The British warning came the same day an international hunger monitor, the Integrated Food Security Phase Classification (IPC), reported that a worst-case famine scenario was unfolding in the besieged Gaza Strip, where Palestinian authorities said the death toll from Israel’s offensive had now surpassed 60,000.

“The British government will move to recognise a Palestinian state at the UN General Assembly in September,” a Downing Street statement said, “unless the Israeli government takes substantive steps to end the appalling situation in Gaza, reaches a ceasefire, makes clear there will be no annexation in the West Bank, and commits to a long-term peace process that delivers a two-state solution.”

The move aligns Britain with France, which announced a similar intention last week, intensifying the diplomatic isolation of Israel over its conduct of the war.

Netanyahu swiftly condemned the decision. “This rewards Hamas’s monstrous terrorism & punishes its victims,” he posted on the social media platform X. “A jihadist state on Israel’s border TODAY will threaten Britain TOMORROW.”

Palestinian President Mahmoud Abbas, however, welcomed the move as “bold,” according to the official Palestinian news agency WAFA.

‘Famine thresholds’ reached

The diplomatic standoff unfolded against a backdrop of deepening misery in Gaza. The war, sparked by Hamas’s unprecedented attack on Israel on October 7, 2023, has devastated the coastal enclave.

“Mounting evidence shows that widespread starvation, malnutrition, and disease are driving a rise in hunger-related deaths,” the IPC said in its alert Tuesday. The food security monitor stated that “famine thresholds” for acute food insecurity have been crossed throughout most of the territory and that it would expedite a formal analysis that could lead to an official declaration of famine.

Such a declaration, a technical determination that a specific set of criteria for starvation and death has been met, would represent a catastrophic failure by the international community and massively increase pressure on Israel, which controls all access points to Gaza.

Gaza’s health authorities reported the number of hunger-related deaths has reached 147, including 88 children. Shocking images of emaciated children have circulated globally in recent weeks.

Israel’s Foreign Minister Gideon Saar acknowledged Tuesday that the situation was “tough” but insisted claims of starvation were “lies.”

The United States, Israel’s most critical ally, appeared divided. President Donald Trump, who initially said he did “not mind” if Britain recognised a Palestinian state, later revised his position. Speaking aboard Air Force One on Tuesday, he said he did not believe Hamas “should be rewarded” with statehood.

Spiralling death toll

The new Palestinian death toll, now at over 60,000, marks another grim milestone in a conflict that is the deadliest in the decades-long Israeli-Palestinian saga. The figure, from the Hamas-run health ministry, does not differentiate between civilians and combatants but is considered broadly reliable by the United Nations and other international bodies. Officials say thousands more are missing, presumed dead under the rubble.

Israel launched its massive air and ground campaign after Hamas militants stormed across the border on October 7, 2023, killing about 1,200 people and taking 251 hostages, according to Israeli figures. Israel’s military says 454 of its soldiers have been killed since the ground invasion began.

Fighting continued to rage on Tuesday. Israeli airstrikes on the Nuseirat refugee camp in central Gaza killed at least 30 people, including 14 women and 12 children, according to doctors at Al-Awda Hospital. In a separate incident, hospital officials said 13 people were killed by Israeli fire along the Salahudeen Road, a major artery, as they waited for aid trucks.

Despite Israel announcing humanitarian pauses on Sunday, the UN World Food Programme said Tuesday it still lacked the necessary permissions to deliver sufficient aid.

Saar said 5,000 aid trucks had entered Gaza in the last two months and that Israel would assist with airdrops, a method aid agencies have consistently described as inefficient and insufficient to meet the scale of the need.

DF waa in ay deg deg uga jawaabtaa xadgudubka cusub ee ay ku kacday Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada istaraatiijiga ah ee Doolow, oo ku taalla xuduudda Soomaaliya, ayaa mar kale noqotay goob uu ka qarxay xiisadda ugu cakiran uguna adag ee ka taagan Geeska Afrika. Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa Isniintii ay isku dhaceen saraakiil ka tirsan hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

Isku dhacaas, oo la is-weydaarsaday rasaas isla markaana uu ku dhintay ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidanka federaalka, laguna xiray taliyihii sirdoonka deegaanka, ma ahayn mid si kadis ah u dhacay. Wuxuu ahaa awood-muujin hore loo qorsheeyay, oo si qoto dheer ugu xiran loollan siyaasadeed oo ka dhex jira gudaha Soomaaliya, isla markaana si xeeladaysan loogu beegay xilli uu madaxweynaha Soomaaliya ku sugnaa Addis Ababa, halkaas oo ay ka socdeen wadahadallo diblomaasiyadeed.

Dhacdadan ayaa ahayd tii ugu dambeysay ee taxane xadgudubyo ah oo sababay in Muqdisho ay soo saarto cambaareyn kulul, iyadoo ku eedeysay Itoobiya “gardarro cad” iyo ku tumasho bareer ah oo lagula kacayo madax-bannaanideeda. Hase yeeshee, inkasta oo ay jirto caro xooggan, Soomaaliya si joogto ah ayay uga gaabsatay inay si buuxda u jarto xiriirka. Is-diiddadan ayaa dhalinaysa su’aal muhiim ah: maxay tahay sababta qaran madax-bannaanidiisa si bareer ah loogu xadgudbayo uu weli ula macaamilayo gardarroole?

Jawaabtu waxay ku jirtaa xaqiiqo xanuun badan oo ka dhalatay ku-tiirsanaan amni oo curyaamin ah, dildilaac siyaasadeed oo gudaha ah oo Itoobiya si xirfadeysan uga faa’iideysato, iyo istaraatiijiyad is-bedbedel ah—inkasta oo ay xanuun badan tahay—oo loogu talagalay badbaadada qaranka. Soomaaliya si indha la’aan ah uguma daawanayso xadgudubyadan; waxay dhex dabaalanaysaa xaalad qalafsan oo aysan awoodin inay sii huriso.

Laakiin waqtigii dulqaadka istaraatiijiga ah wuxuu u muuqdaa mid gabaabsi ku dhow. Gacan-laabashada joogtada ah waxay halis gelinaysaa in xadgudubyada Itoobiya ay noqdaan wax la caadeysto, taasoo meesha ka saaraysa nuxurka madax-bannaanida Soomaaliya. Haddii dhacdooyinkan aan laga bixin jawaab cad, waxay noqon doonaan tusaale khatar ah—oo muujinaya in xuduudaha Soomaaliya iyo shaqaalaheeda milateri lagu xadgudbi karo iyadoo aan lala xisaabtamin.

Qaran u afduuban amnigiisa

Sababta ugu weyn ee Soomaaliya aysan u awoodin inay gebi ahaanba jarto xiriirka diblomaasiyadeed, sida ay dad badani ku doodaan, waa ku-tiirsanaanta qotoda dheer ee ay ku qabto isla militariga ay ku eedeynayso gardarrada. In ka badan toban sano, Itoobiya waxay laf-dhabar u ahayd dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kooxda ku xiran Al-Qaacida ee weli ka talisa dhul ballaaran oo ka tirsan miyiga Soomaaliya, kuna ah khatar weyn jiritaanka dowladnimada.

Itoobiya waxay joogitaan militari oo awood leh oo isku-dhafan ku leedahay gudaha Soomaaliya, iyadoo u maraysa laba waddo oo is barbar socda. Marka hore, qiyaastii 2,500 oo askari oo ENDF ah ayaa si rasmi ah uga mid ah hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika, oo hadda loo yaqaan AUSSOM, iyagoo kaalin rasmi ah ka qaata howlgallada ay la fulinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Marka labaad—oo ah tan ka muhiimsan—waxaa jira ciidamo dheeraad ah oo tiradooda lagu qiyaaso 5,000 ilaa 7,000 oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ku jooga heshiisyo laba geesood ah oo gaar ah. Ciidamadani, oo aan ka tirsanayn Midowga Afrika, waxay ku shaqeeyaan madax-bannaani dheeraad ah, gaar ahaan gobollada xuduudaha ee Gedo, Bakool, iyo HirShabelle, iyagoo abuuraya aag difaac oo qoto dheer si Itoobiya uga ilaaliso weerarro xuduudeed.

Ciidankan isku-dhafka ah ee ka badan 10,000 oo askari oo khibrad leh waa kuwo aan laga maarmin. Mas’uuliyiin goboleed oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed iyo Jubaland, ayaa si fagaare ah u sheegay in bixitaanka degdegga ah ee ciidamada Itoobiya ay noqon lahayd masiibo, taasoo abuureysa firaaq amni oo kaliya ay ka faa’iideysan karto Al-Shabaab. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo weli ku jira marxalad dhisid, gabi ahaanba diyaar uma aha inuu buuxiyo booskaas bannaan.

Siyaasadda wakiilnimada Itoobiya ee Gedo

Marka laga soo tago doorkeeda milatari ee aan laga maarmi karin, Itoobiya waxay si xeeladaysan u adeegsatay dildilaacyada siyaasadeed ee salka dheer ku leh nidaamka federaalka Soomaaliya. Loollanka awoodda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka (FMS) ayaa Addis Ababa u suurtageliyay inay sii ballaariso saameynteeda siyaasadeed.

Tusaale cad oo arrintaas ah waa gobolka Gedo—xudunta isku dhaca Doolow. Inkasta oo Gedo uu magac ahaan ka tirsan yahay maamulka Jubaland, haddana wuxuu muddo dheer ahaa goob iska horimaadyo siyaasadeed iyo qabiil salka ku haya.

Dowladda Federaalka waxay muddo dheer ku howlanayd wiiqidda awoodda madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, oo ay u aragto caqabad ku ah qorshaheeda awood-urursi. Itoobiya, dhankeeda, waxay xulafo dhow la noqotay Madoobe iyo maamulka Jubaland, iyadoo siinaysa taageero milatari iyo siyaasadeed, si ay ugu hortagaan Al-Shabaab iyo DFS labadaba.

Iska horimaadyadii Doolow waxay ahaayeen natiijo toos ah oo ka dhalatay xaaladdan. Dhacdadii dhoweyd, iyo tii hore ee bishii Diseembar 2024, ciidamada Itoobiya waxay si cad u taageereen xulafadooda Jubaland, iyadoo si toos ah uga hortimid ciidamada federaalka. Tani waxay ahayd farriin awood leh oo loo diray Muqdisho—mid muujinaysa in awooddeeda ku saabsan gobollada qaarkood ay tahay mid aad u xaddidan.

Dadka dhaleeceeya waxay ku doodayaan in ololaha joogtada ah ee dowladda federaalka ee ka dhanka ah Jubaland uu abuuray firaaq siyaasadeed iyo mid amni oo Itoobiya uga faa’iideysatay faragelinteeda. Waxaa sidoo kale laga dayrinayaa in dadaalladan ay weecinayaan kheyraadkii muhiimka ahaa ee lagula dagaalami lahaa Al-Shabaab.

Laakiin marka faragelinta wakiilnimadu dhaafdo xadka, Itoobiya ma noqonayso saaxiib dhex-dhexaad ah ee waxay isu beddeshaa awood goboleed oo dani ka gal tahay dhibaatooyinka gudaha Soomaaliya si ay u ilaaliso saameynteeda istaraatiijiyadeed. Muqdisho ma sii eegi karto xaaladdan iyadoo indhaha ka laabanaysa. Waxaa degdeg loogu baahan yahay olole diblomaasiyadeed oo joogto ah—heer gobol iyo heer caalami—si Itoobiya loogu muujiyo inay tahay awood khatar ah, halkii laga arki lahaa saaxiib nabad-dhalin ah.

Ilaalinta xarigga diblomaasiyadeed

Soomaaliya, iyadoo la tacaalaysa caqabado siyaasadeed iyo amni, waxay qaadatay istaraatiijiyad diblomaasiyadeed oo xeeladaysan, iskuna darsata mudaharaad iyo pragmatism. Xiisadda hadda taagan waxay salka ku haysaa dhacdadii Janaayo 2024, markii Itoobiya ay la saxiixatay is-afgarad muran dhaliyay oo ay la gashay Somaliland, iyadoo u yaboohday aqoonsi suurtagal ah si ay ugu beddesho saldhig badeed muddo 50 sano ah.

Arrintaas ayaa caro weyn ka dhalisay Muqdisho, taasoo keentay in safiirka Itoobiya laga eriyo lagana digay in ciidamada Itoobiya laga saari doono hawlgalka cusub ee Midowga Afrika. Tallaabadan geesinimada leh waxay kor u qaaday arrinta, si ay caalamka ugu muujiso in madax-bannaanida Soomaaliya aan la ciyaari karin.

Bishii Diseembar 2024, Turkiga ayaa dhex-dhexaadiyay heshiis lagu magacaabay “Caddayntii Ankara”, kaasoo Itoobiya ku qiratay madax-bannaanida Soomaaliya, halka Soomaaliya ay aqoonsatay baahida Itoobiya ee marin-badeed iyo kaalinta ay ciidamadeedu kaga jiraan dagaalka Al-Shabaab. Tani waxay u oggolaatay Muqdisho inay si sharaf leh uga laabato hanjabaadda, iyadoo aan luminin wejigeeda diblomaasiyadeed.

Si kastaba ha ahaatee, iska horimaadyadii Doolow ee dambe ayaa muujinaya in heshiisyadaas ay awoodi waayeen inay meesha ka saaraan xaqiiqooyinka dhabta ah ee dhulka ka jira. Itoobiya waxay si joogto ah u muujinaysaa in saamaynteeda milatari iyo siyaasadeed aysan meesha ka bixin—waxaana cad in Heshiiskii Ankara aysan la imaanin wax isbeddel ah oo muuqda.

Qodobada taageeraya jawaab adag

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad kala-guur ah oo taariikhi ah. Aqbalaadda gardarrada Itoobiya waxay khatar ugu jirtaa in xadgudubyadaas laga dhigo wax la aqbalo, taasoo caqabad ku noqon karta suurtagalnimada in mustaqbalka wax laga beddelo. Haddii Muqdisho ay sii waddo inay iska liqdo xadgudubyadaas, iyadoo aan cawaaqib laga keenin, waxay diraysaa farriin khaldan oo ah in madax-bannaanida Soomaaliya la iska dhaafi karo.

Jawaab cad oo istaraatiijiyadeed hadda waa lama huraan—waa arrin ku saabsan badbaadada qaranka iyo sharafta dastuuriga ah. Halista jira ma koobna Doolow ama Jubaland oo keliya; waxay gaarsiisan tahay aasaaska awoodda Soomaaliya ee is-maamulkeeda, ilaalinta xuduudaheeda, iyo sharcinimada hay’adaha dowladeed.

Muqdisho waa inay billowdaa dhisidda kaabayaasha sharci, diblomaasiyadeed, iyo kuwa goboleed ee lagama maarmaanka u ah in Itoobiya lala xisaabtamo. Tani waxay ka mid noqon kartaa:

  • Cadaadis rasmi ah oo lagu saaro Midowga Afrika iyo IGAD si ay u furaan baaritaan ku saabsan xadgudubyada ENDF ee Doolow;
  • Qorshe marxaladaysan oo lagu dhimayo ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsanayn Midowga Afrika;
  • Dib-u-eegis ballaaran oo ku saabsan joogitaanka militariga Itoobiya ee gudaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo muhiim ah in la xalliyo khilaafaadka gudaha. Inta hay’adaha federaalka ay kala qaybsan yihiin, Itoobiya waxay sii wadi doontaa inay ka faa’iideysato dildilaacyadaas. Dhisidda hannaan federaal oo midaysan ayaa si weyn u xaddidi doona faragelinta Itoobiya, isla markaana xoojin doona awoodda gorgortan ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Soomaaliya waa inay si firfircoon u raadisaa iskaashi istaraatiiji ah oo qoto dheer oo ay la yeelato saaxiibbo la isku halleyn karo sida Turkiga, Qatar, iyo dowlado kale oo ixtiraama madax-bannaanideeda, islamarkaana bixin kara taageero amni oo aan lahayn shuruudo dhaawacaya madax-bannaanidaas.

Madax-bannaanida Soomaaliya ma ahan wax ay Itoobiya oggolaaneyso—mana aha inay sidaas noqoto. Inta Muqdisho ay dib u dhigeyso tallaabo-qaadista, waa inta ay sii qotominayso saamaynta Itoobiya—ha ahaato Gedo ama guud ahaan fagaaraha siyaasadeed ee dalka. Waqtiga lala tacaalayo arrintan waa hadda—iyada oo la adeegsanayo degganaansho, xeelad, balse si aan leexleexad lahayn.

Xog: Imaaraadka oo ka hor-tegaya in SSC-Khaatumo ay deked ka dhisato Laasqoray

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland u soo jeedisay in ay gacanta ku dhigaan magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag, si looga hortago qorshaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo ee Laascaanood ka socda.

Imaaraadka ayaa dalbaday in magaaladaas la geeyo ciidanka ay maalgaliyaan ee PMPF-ta Puntland, si looga hortago in degmada Laasqoray laga dhiso Dekad uu yeesho maamulka cusub ee lagu dhisayo Laascaanood.

Imaaraadka ayaa u arka in maamulka dhismihiisu ka socdo Laascaanood mid qaadi doona tallaabo uu ku dhisanayo Dekadda magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Sababta Imaaraadku ay cabsi badan uga qabaan in Laasqoray deked cusub laga dhiso waa inay cuuryaamin karto maashkooda maalgashiga ku sameeyeen dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

Puntland iyo Somaliland ayaa labadaas dekadood ku wareejiyey Imaaraadka oo maal-geliyey, sidoo kale ka fekera habka hormarintooda, taasi oo keentay in hadda ay ku dhaqaaqaan qorshahooda faro-gelinta maamulka cusub ee Laascaanood lagu dhisayo.

Sida ay muujinayaan nuqullo ku jira heshiiska Imaaraadku ay la galeen Puntland iyo Somaliland, waxaa ku jira in aan dekad laga dhisi karin dhul masaafo ahaan u dhawaan kara labadaas dekadood ee Boosaaso iyo Berbera.

Sida ay Caasimada Online la wadaageen ilo wareedyo kala duwan Imaaraadka ayaa Deni ka dalbaday in uu joojiyo dhismaha dekedda Garacad, balse ganacsato saamayn leh oo reer Mudug ah, gacantana ku haayay darteed ayaa fashiliyey isku daygii Imaaraadka, taasi oo suurtagelisay dhismaha dekedda Garacad.

Intaas Imaaraadku kuma harin ee waxa uu go’aansaday la wareegidda Dekadda Garacad, waxaana weli socda qorshaha ay kula wareegayaan, inkastoo uusan dhicin heshiis rasmi ah.

DF oo go’aan shacabka farxad gelinaya ka soo saartay adeegga bankiyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray war-saxaafadeed bulshada loogu fasaxay inay sameysan karaan akoono cusub, sidoo kalena ay cosbooneysiisan karaan kuwii hore, iyadoo aan lagu xireyn wax shuruud ah, iyadoo bisha dambe uu bilaabanayo qorshe cusub.

Warkaan ka soo baxay Bankiga Dhexe ee dowladda ayaa lagu caddeeyey in 1-da bisha soo socota ee September uu dhaqan geli doono go’aan waajib ka dhigaya in qof kasta oo Akoon furanaya uu heysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee hay’adda NIRA ay bixiso.

Hoos ka akhriso bayaanka Bankiga Dhexe oo ciwaan looga dhigay, “Xoojinta Aqoonsashada iyo Hubinta Macaamiisha Bankiyada Dalka.”

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) isaga oo la kaashanaya Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA iyo Ururka Bankiyada Soomaaliyeed, waxa uu dadweynaha ku wargalinayaa in la xoojiyey shuruudaha looga baahanyahay macaamiisha furanaya koonto Banki (Bank Account) ama cusboonaysiinaya aqoonsiga koonto ay hore u lahaayeen.

Shuruudaha cusub waxay dhaqan galayaan 1-da Sebteembar 2025.

lyada oo lafulinayo Xeer-nidaamiyaha BDhS ee laxiriira aqoonsiga macmiilka ee danabaysan, ee loo yaqaan (eKYC), kaas oo u jeedkiisu yahay xoojinta habka aqoonsiga macamiisha bankiyada, waxaa lagu dhaqmayaa qodobadan soo socda laga bilaabo wakhtiga kor ku xusan:

  1. Dhamaan macaamiisha bankiyada ka furanaya koontooyinka cusub waxaa shardi u ah aqoonsiga qaranka (ID) ee ay soo saarto hay’adda NIRA.
  2. Cusboonaysiinta koontoonyinka macaamiisha bankiyada ee aqoonsigoodu dhacay waxaa cusbooneysiinta shardi u ah aqoonsiga qaranka (ID) ee ay soo saarto hay’adda NIRA.

Macaamiisha Bankiyada iyo dhammaan dadweynaha waxay aqoonsiga qaranka (ID) ee ay soo saarto hay’adda NIRA ka heli karaan laamaha Bankiyada ee loo asteeyay iyo dhammaan xarumaha Hay’ada NIRA ee gobolka Banaadir.

Talaabooyinkani waa kuwo lagu xoojinayo hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka, si looga hortago faldanbiyeedyada loo geensan karo adeegyada maaliyadda iyo aqoosiyada been-abuurka ah.

Sidoo kale waxa ay sahlayaan adeegga bankiyada ee la siiyo macaamiisha.

FIIRO GAAR AH: Shuruudaha cusub waxay gobolka Banaadir ka dhaqan geli doonaan 1-da Sebteembar 2025, kadibna waxaa loo gudbi doonaa waddanka oo dhan.