26.7 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Turkey oo iska fogeysay shirqoolkii lagu dili lahaa Ben Gvir – Sidee loo qorsheeyey?

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa si adag u beenisay in ay wax lug ah ku leedahay shirqool la doonayay in lagu khaarijiyo Wasiirka Ammaanka Qaranka Israel ee xagjirka ah, Itamar Ben Gvir, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaasi “olole marin-habaab ah.”

War kasoo baxay Xarunta La-dagaallanka Wararka Beenta ah ee Madaxtooyada Turkey ayaa lagu sheegay in eedeymaha loo gudbiyay warbaahinta Israel sidii in ay yihiin kuwo cusub, inkasta oo dhacdooyinkaasi ay dhaceen siddeed bilood ka hor.

Arbacadii, hay’adda amniga gudaha Israel ee Shin Bet ayaa shaacisay in la xiray afar qof oo lala xiriirinayo shirqoolka. Baarayaashu waxay sheegeen in kooxdaasi qorsheynaysay weerar intii lagu jiro xilliga ciidaha Yuhuudda, xilligaas oo ay aaminsanaayeen in Ben Gvir uu ka qayb geli doono cibaado.

Sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Yedioth Ahronoth, mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa dhowr sano ka hor u guuray Turkey, halkaas oo uu xiriir kula sameeyay xubno ka tirsan Hamas. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in “intii uu socday dagaalka Gaza, uu qorsheeyay in Ben Gvir lagu dilo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo hubaysan.”

Warbixinno kale ayaa sheegay in eedeysanayaashu heleen lacag qiyaastii $2,000 ah oo uga timid xiriiradooda Turkey, taas oo ay ku iibsadeen diyaaradaha iyo qalab kale. Booliska ayaa u sheegay Yedioth Ahronoth in kooxdaasi ay iibsadeen laba drone oo nooca DJI ah, ku xireen walxaha qarxa, isla markaana sameeyeen tijaabo guuleysatay oo lagu tuuray qarax.

Warbixinnada ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha lagu fulinayay isku xirnaan uu la lahaa hoggaanka Hamas ee fadhigoodu yahay Turkey. Hase yeeshee, Ankara ayaa mar walba ku adkaysanaysa in ay martigeliso oo keliya hoggaanka siyaasadeed ee Hamas balse aysan siin taageero ciidan.

Sida uu sheegay Yedioth Ahronoth oo soo xiganaya ilo Israeli ah, Turkey waxay xaddideysaa xubnaha Hamas inay joogaan ugu badnaan saddex bilood socdaal kasta. Ilo ka tirsan Hamas ayaa u sheegay warbaahinta in Ankara dejisay sharciyo gaar ah oo lagu maamulo xubnaha Hamas, kuwaas oo haddii la jebiyo sababi kara musaafurin.

Heshiiskii maxaabiista ee 2011-kii lagu sii daayay askarigii Israel ee Gilad Shalit, ayaa Israel ku musaafurisay tobannaan xubnood oo Hamas ah. Qaar ayaa loo diray Gaza ama Daanta Galbeed ee la haysto, halka kuwa kale dibadda loo raray, oo ay ku jirto Turkey.

Xarunta La-dagaallanka Wararka Beenta ah ee Turkey ayaa ku doodday in xogaha lagu faafiyay warbaahinta Israel ay ahaayeen kuwo lagu beegsanayay Ankara si loo wiiqo siyaasaddeeda ku aaddan Falastiin.

Xiisadda u dhexeysa Israel iyo Turkey ayaa sii kordhaysay bilooyinkii la soo dhaafay. Turkey ayaa joojisay ganacsigii Israel sanadkii hore, iyadoo bishii la soo dhaafay ku baaqday in xubinnimada Israel laga hakiyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay sababo la xiriira “xasuuqa Gaza.”

Sidoo kale, Turkey ayaa dhawaan soo rogtay xayiraado dheeraad ah oo lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta Israel leedahay ama la xiriira, iyadoo laga hor istaagay inay ku soo xirtaan dekedaha Turkishka.

Tallaabooyinkan dhinaca maraakiibta ayaa daba socday ku dhawaaqistii bishii hore ee Ankara ku shaacisay lix cunaqabatayn oo ka dhan ah Israel, taas oo waafaqsan bayaan ay si wadajir ah u soo saareen dalalka ku mideysan The Hague Group intii lagu guda jiray shir degdeg ah oo Falastiin looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Bogota.

Sanadkii hore, Turkey ayaa ku biirtay dacwadda ay South Africa ka gudbisay Israel ee hor taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), taas oo ku eedeysay Israel “xasuuq.”

Tan iyo markaas, Ankara waxay si isa soo taraysa uga faa’iideysanaysay madalaha caalamiga ah si ay u dhisto isbahaysi caalami ah oo ka dhan ah waxa ay ugu yeertay xasuuqa Israel ka waddo Gaza.

Garsoorihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo loo doortay koobka adduunka ee FIFA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa taariikhda ku galay garsoorihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo loo doorto tartanka koobka adduunka ee FIFA.

Cumar ayaa ka mid noqday saddex garsoore dhexe oo laga soo doortay Afrika iyo wakiilka kaliya ee ka socda Afrikada Saxaraha ka hooseeya, si uu u dhex-dhexaadiyo FIFA U-20 World Cup 2025.

Ciyaaraha kubbadda cagta adduunka ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco Chile inta u dhaxeysa 27-ka Sebtember ilaa 19-ka Oktoobar.

Cartan waxa uu ku biirayaa Jalal Jayed ee Morocco iyo Youcef Gamouh ee Algeria oo ah garsoorayaasha ugu waaweyn qaaradda.

Ciyaartoyga daba-galka u ah kubbadda cagta Soomaaliya, Cartan ayaa mar sii horreysay noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka socda ee qabta finalka qaaradda.

Dhawaan wuxuu kormeerayay kooxda Pyramids FC ee Masar oo ka badisay Koonfur Afrika Mamelodi Sundowns ee Qaahira. Sidoo kale waxa uu dhex-dhexaadin ka noqday tartanka qaramada Afrika ee AFCON.

Caawiyayaasha kale ee laga soo xulay Afrika waxaa ka mid ah Gilbert Cheruiyot – Kenya, Abelmiro Montenegro – São Tomé and Príncipe, Khalil Hassani – Tunisia, Eric Ayimavo – Benin, Lahsen Azgaou iyo Mostafa Akarkad – Morocco.

Somaliland oo farriin u dirtay DF kadib guusha Waqooyi Bari

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay hurinayso colaad sokeeye, xilli ay dowladda Muqdisho dagaal adag kula gashay deegaano ay hore uga talin jirtay Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay ku hawlan tahay abuurista colaado cusub oo ka dhaca dhul nabad ah, kadib markii dowladda federaalka ay taageero buuxda siisay maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

“Xukuumadda Soomaaliya hal fariin ayaan u dirayaa; dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabad iyo horumar, balse dowladda Soomaaliya waxay ku foogan tahay in maalin kasta ay guri nabad ah guluf, colaad iyo xasillooni darro ka abuurto,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale baaq u diray madaxda sare ee dowladda Soomaaliya: “Hoggaanka Soomaaliya waxaan leeyahay, iska daaya colaadda aad ku foogan tihiin oo dadkiinna horumar u shaqeeya.”

Somaliland oo si adag uga soo horjeeda maamulka cusub ee Waqooyi Bari, ayaa hore dowladda federaalka ugu eedeysay inay gobolka Sool ka wado falal lid ku ah amniga Somaliland, iyadoo xukuumadda Hargeysa weli u aragto Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool qeyb ka mid ah dhulkeeda aan laga goyn karin.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in markii ugu horreysay Madaxweynaha Soomaaliya uu booqan doono magaalada Laascaanood, si uu uga qeyb galo caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Waqooyi Bari.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn u aqoonsatay inay hoos tagaan maamulka Waqooyi Bari, halka hoggaanka cusubna uu qorsheynayo in magaalada Ceerigaabo lagu daro magaalooyinka maamulkaasi hoos imanaya.

Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka Kismaayo – Yuu u dhaxeeya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ku dhexmaray ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo kooxda Al-Shabaab duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka Danab ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada la weeraray ay horay u heleen xog muujinaysa qorshaha duullaankaas, isla markaana dagaal xooggan ay kala hortageen maleeshiyaadka kooxda.

Dagaalkan waxaa barbar socday duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, maadaama saraakiil Ameerikaan ah ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamadan sida gaarka u tababaran ee kumaandooska Danab.

Inkasta oo aan weli la helin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka, sababo la xiriira xogaha oo xaddidan, haddana waxaa la filayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska howl-gallada Mareykanka ee AFRICOM, Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Jubbaland oo ku saabsan dagaalka maanta dhacay.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku sugan ciidamo kooban oo ka tirsan Danab, halka meel u dhowna saldhig ku leeyihiin ciidanka Daraawiishta Jubbaland. Isla xeradaas waxaa sidoo kale ku sugan saraakiil iyo askar kooban oo Mareykan ah oo la shaqeeya ciidanka Danab.

Xamza oo maanta kasoo laabtay safarkii dibadeed ee ugu dheeraa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dalka ku soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalalka Shiinaha iyo Serbia.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu dalka Shiinaha uga qeyb galay Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo, halkaas oo uu khudbad ka jeediyey, isla markaana kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Shiinaha kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo in Shiinuhu maalgashi ku sameeyo fursadaha dhaqaale ee ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Serbia, halkaas oo si taariikhi ah loogu soo dhaweeyey caasimadda Belgrade.

Wuxuuna qasriga madaxtooyada Serbia kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Mudane Duro Macut, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Intii uu wafdiga Ra’iisul Wasaaruhu ku sugnaa Serbia, Soomaaliya waxay heshiis caafimaad la gashay dalkaas. Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah hagaajinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya oo weli wajahaysa caqabado badan.

Si kastaba, safarka Ra’iisul Wasaaraha oo qaatay 12 maalmood ayaa noqday kii ugu dheeraa ee uu sameeyo tan iyo markii uu xilka qabtay, maadaama safarradii hore ee dibadeed badankood ay ku koobnaayeen wax ka yar toddobaad.

Taliyaha cusub ee Africom oo shaaciyay sababta ay muhiim ugu tahay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Dagvin R.M. Anderson, oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay muhiimadda safarkiisa Soomaaliya.

General Dagvin ayaa sheegay in sababta uu booqashadiisa ugu bilaabay Soomaaliya ay tahay goob istiraatiiji ah, oo ay ka jiraan fursado waaweyn, kuna taalla isgoyska adduunka.

“Waxaan booqashadeyda ku bilaabay Soomaaliya oo muhiimad weyn u leh gobolka Geeska Afrika, Soomaaliya waa meel istiraatiiji ah oo ku taalla isgoyska adduunka, halkaan waxaa ku jira fursado waa weyn,” ayuu yiri Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Waxa uu intaas kusii daray “Inkastoo caqabado argagixiso ay jiraan, waxaan Soomaaliya u imid in aan qiimeeyo xaaladda gobolka, maadaama aan ahay taliyaha cusub, Afrika kuma cusbi anigu, waxaan horay u soo noqday taliyaha cutubka gaarka ah ee howl-gallada Afrika.”

Taliyaha Mareykanka oo shalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad u muujiyay sida Washington uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya si loo adkeeyo awoodda ciidamada qaranka.

Mareykanka ayaa qorsheynaya in taageeradiisa cusub ay ku jiraan hawl-gallo cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada kooxaha argagixisada, is-weydaarsi sirdoon, tababaro ciidan iyo caawimaad kale oo lagu dhisayo awoodda difaaca ee Soomaaliya.

Booqashada Jeneral Anderson ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Afrika ee ay ciidamada Mareykanka ka joogaan, taas oo astaan u ah sida Mareykanku u daneynayo xasillinta gobolka iyo garab istaagga Soomaaliya.

Shalaayga go’aan ay Itoobiya 30 sano ka hor qaadatay oo mar kale dagaal ridi kara

0

Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa si adag uga jawaabtay hadal dhawaan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaas oo ku saabsan rajada Itoobiya ee ku aaddan inay weli heli karto marin Badda Cas.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa ku dhaliilay Dowladda Itoobiya inay ku howlan tahay hanjabaado iyo ficillo abuuri kara xiisado cusub oo gobolka ka dhasha.

Wasiirka oo qoraal ku baahiyay bartiisa rasmiga ah ee X (ex-Twitter), ayaa sheegay in hoggaanka xisbiga talada haya ee Itoobiya ay wadaan faafinta macluumaad aan sax ahayn iyo taariikh marin habaabin.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa maalmo ka hor ku andacooday in dalkiisu qalad galay markii uu oggolaaday in dekadda Casab loo daayo Eritrea, taas oo hadda dalkaasi si buuxda ugu tiirsan yahay.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea oo arrintaasi ka jawaabay ayaa hoosta ka xarriiqay in dekadda Casab ay tahay dhaxal u gaar ah Eritrea oo aan cid kale xuquuq ku lahayn.

Muddo soddon sano ah tan iyo markii Eritrea xorriyaddeeda qaadatay, Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, halka badeecadaha ganacsigana ay ka soo dagaan dekadaha ku yaalla Jabuuti.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii Major General Teshome Gemechu, oo ah Agaasimaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Milatari ee Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya, uu si cad u sheegay in Casab ay weli ku jirto marinka Badda Cas ee Itoobiya.

“Dowlad kala guur ah oo aan sharciyad u haysan inay go’aanno masiiri ah gaarto ayaa bixisay,” ayuu yiri Jeneraalkan oo kamid ah saraakiisha sare ee Itoobiya.

Waxa uu intaas ku daray: “Dalal badan ayaa nagu yiraahda waa jilicsan tihiin, maxaa sabab u ah inaan ilaa hadda loo soo celin (Casab)? Ma ahayn inay idinka maqnaato.”

Jeneraalkan ayaa sheegay in Badda Cas ay hadda noqotay qodob daruuri ah oo u baahan in la soo celiyo, isla markaana lagu bixiyo qiime kasta oo ay ku kacayso.

Arrintan ayaa mar kale abuuri karta dagaal halis ah oo ka dhex qarxa Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo xiisad siyaasadeed oo xooggan ay haatan ka dhex aloosan tahay labada dal, taas oo walaac weyn laga muujinayo.

Wasiir Jaamac oo dal kale u soo jiiday maalgashiga dekedaha Soomaaliya

0

Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Baxreyn ayaa shaacisay in ay Soomaaliya ka taageerayso horumarinta dekeddaha dalka, iyadoo ballanqaaday dhismaha deked cusub iyo garoon diyaaradeed casri ah.

Ballanqaadka Boqortooyada Baxreyn ayaa imanaya kadib kulan muhiim ah oo magaalada Jeddah ku dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta ee Boqortooyada Baxreyn, Dr. Sheikh Abdullah bin Ahmed Al-Khalifa.

Kulankan gaarka ah ayaa qabsoomay intii lagu guda jiray shirweynaha meertada labaad ee sancada gaadiidka badda, kaas oo ka dhacay magaalada Jiddah, Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Kulanka ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Baxreyn.

Wasiiradu waxay diiradda saareen taageerada Baxreyn ay siin karto Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu casriyeynayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, oo ay ka mid yihiin horumarinta deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo casri ah.

Sidoo kale, kulankan ayaa ahaa fursad lagu adkeynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo iskaashiga mustaqbalka ee dhinacyada gaadiidka, dekedaha, iyo isgaarsiinta, si loo gaaro horumar waara oo kaabaya dhaqaalaha iyo koboca dalka.

Dhinaca kale, Wasiir Jaamac oo sii xoojinaya cilaaqaadka dhanka dekedaha ee dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa maanta kulan kale la yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka ee Boqortooyada Sucuudiga, Dr. Rumaih Al-Rumaih.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhinacyada la xiriira isku xirka badda, adeegyada saadka, iyo fursadaha horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaasha iyo mashaariicda waaweyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta dekedaha dalka, dhismaha aag dhaqaale, iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta isku xirka ganacsi ee gobolka.

Labada dal ayaa isla qiray muhiimada iskaashi istaraatijiyadeed oo waara, kaas oo gacan ka geysan kara xoojinta xiriirka dhaqaale iyo horumarka gobolka guud ahaan.

Trump oo magaca ka bedelay Wasaaradda Gaashaandhigga, una bixiyey magac yaab leh

Washington (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Khamiistii sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu qorsheynayo inuu Jimcaha saxiixo awaamir fulineed oo lagu beddelayo magaca Wasaaradda Gaashaandhigga loona bixinayo “Wasaaradda Dagaalka.”

Sida lagu sheegay warqad ka soo baxday Aqalka Cad, amarkan ayaa awood u siin doona Xoghayaha Gaashaandhigga Pete Hegseth, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo saraakiisha ka hooseysa inay adeegsadaan magacyo kale oo labaad sida “Xoghayaha Dagaalka,” “Wasaaradda Dagaalka,” iyo “Xog-haye ku xigeenka Dagaalka” marka ay isticmaalayaan waraaqaha rasmiga ah iyo xiriirrada dadweynaha.

Tallaabadan, oo taabadiisa gaarka ah kaga tagi doonta hay’adda ugu weyn ee dowladda, kuna kici doonta sida la filayo boqollaal milyan oo doollar, ayaa faraysa Hegseth inuu soo jeediyo tallaabooyin sharci-dejin iyo kuwa fulineed oo lagama maarmaan u ah in magac beddelka laga dhigo mid joogto ah.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo, Trump wuxuu bilaabay inuu magacyada ka beddelo goobo iyo hay’ado kala duwan, oo uu ku jiro Gacanka Mexico (Gulf of Mexico), iyo inuu soo celiyo magacyadii asalka ahaa ee saldhigyada militariga ee la beddelay kaddib dibadbaxyadii cadaaladda isirka.

Magac beddelidda wasaaraduhu waa wax iska yar, waxayna u baahan tahay ansixinta Koongareeska, balse xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa aqlabiyad ciriiri ah ku leh aqallada Senate-ka iyo Wakiillada, waxaana hoggaamiyeyaasha xisbiga ee Koongareesku aanay muujin rabitaan weyn oo ay kaga hor imanayaan mid ka mid ah qorshayaasha Trump.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka waxaa loogu yeeri jiray Waaxda Dagaalka (War Department) illaa sannadkii 1949-kii, markaasoo Koongareesku uu isku daray Ciidammada Dhulka, Badda, iyo Cirka kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Sida ay sheegeen taariikhyahannadu, magacan waxaa loo doortay qayb ahaan si loo muujiyo in xilligii Nukliyeerka, Mareykanku uu diiradda saarayay ka hortagga dagaallada.

In magaca mar kale la beddelo waxay noqon doontaa mid qaali ah waxayna u baahan doontaa in la cusbooneysiiyo boorarka iyo warqadaha rasmiga ah ee aysan isticmaalin oo keliya saraakiisha Pentagon-ka ee Washington, D.C., balse ay sidoo kale adeegsadaan xarumaha militariga ee daafaha dunida.

Dadaal uu sameeyay Madaxweynihii hore Joe Biden oo lagu doonayay in magacyada looga beddelo sagaal saldhig oo lagu maamuusayay hoggaamiyeyaashii gooni u goosadka ama Confederacy loo yaqaan, ayaa waxay Ciidanka ku kici lahayd $39 milyan. Dadaalkaas waxaa horraantii sanadkan meesha ka saaray Hegseth.

Kooxda maamulka Trump u qaabilsan yaraynta dowladda, oo loo yaqaan Waaxda Hufnaanta Dowladda (Department of Government Efficiency), ayaa doonaysay inay kharash-dhimis ku sameyso Pentagon-ka si ay lacag u keydiso.

Qorshe muddo soo jiray

Dadka dhaliila qorshahan ayaa sheegay in magac beddelka la qorsheeyay uusan ahayn oo keliya mid qaali ah, balse sidoo kale uu yahay arrin aan loo baahnayn oo ka jeedinaysa Pentagon-ka shaqadiisa.

Hegseth ayaa sheegay in magac beddelku “uusan ku saabsanayn erayo oo keliya—balse uu ku saabsan yahay ruuxda dagaalyahannimo.”

Sannadkan, mid ka mid ah xulafada ugu dhow Trump ee Koongareeska, Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, James Comer oo Jamhuuri ah, ayaa soo bandhigay hindise sharciyeed u fududeynaya madaxweynaha inuu dib u habeyn iyo magac beddel ku sameeyo hay’adaha.

“Waan sameyn doonnaa. Waan hubaa in Koongareesku uu nala raaci doono haddii aan u baahanno… Gaashaandhigga is-difaacid. Waxaan rabnaa inaan is-difaacno, laakiin sidoo kale waxaan rabnaa inaan weerar qaadno haddii ay qasab noqoto,” ayuu yiri Trump bishii hore.

Trump ayaa sidoo kale xusay suurtagalnimada magac beddelka bishii Juun, markaasoo uu soo jeediyay in magaca markii hore loo beddelay si uu u noqdo mid “siyaasad ahaan sax ah.”

Laakiin qaar ka mid ah maamulka Trump, dadaalkan wuxuu soo jiray waqti aad uga fog.

Intii lagu jiray muddadii xileedkii hore ee Trump, Agaasimaha hadda ee FBI-da Kash Patel, oo muddo kooban ka soo shaqeeyay Pentagon-ka, wuxuu lahaa qoraal uu ku soo gabagabeeyo iimaylladiisa oo u dhignaa: “Madaxa Shaqaalaha ee Xoghayaha Gaashaandhigga & Waaxda Dagaalka.”

“Waxaan u arkaa inay tahay maamuus lagu xusayo taariikhda iyo dhaxalka Wasaaradda Gaashaandhigga,” ayuu Patel u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters sannadkii 2021-kii.

 

 

Daawo: Xasan Macallin oo diiday inuu raali-gelin ka bixiyo arrintii carada weyn dhalisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin ayaa sharaxaad cusub ka bixiyay hadal uu dhawaan ka sheegay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho.

Wasiir Xasan Macallin ayaa markaas sheegay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho oo dowladda dhexe ay ka taliso, aysan dowladda ku lahayn waxbarasho, caafimaad iyo cunto midna.

Inkastoo uu sheegay in si khaldan loo fasiray hadalkiisa oo ka careysiiyay shacabka Soomaaliyeed, haddana wax raalli-gelin ah kama bixin. “Hadalka haddii maqaamkii iyo madashii loogu talagalay laga saaro, macno kale ayuu soo saaraya. Goob kastana hadal u gaar ah ayay leedahay,” ayuu yiri.

Xasan Macallin ayaa ku dooday in hadalkiisu ahaa mid dood cilmiyeed ku saleysan oo uu ka jeediyay buug dowlad-dhis ah oo lagu soo bandhigay Muqdisho, isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan hadda u diyaarsaneyn sidii dowladaha casriga ah ee Yurub oo bixiya adeeg dadweyne.

“Dowladaha modern-ka ah ee casriga maxay kusoo kordhiyeen dowladnimada? Waxay ku dareen qarnigii 19-aad in xuquuqda siyaasiga ah ee muwaadinka ay bixiso. Waana meesha ay dooddaydu kasoo galeyso oo aan lahaa: dowladdan xuquuqda siyaasiga ah doorasho ayaa u dareeri doontaan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray: “Soomaaliya in ka badan 50 sano xuquuq siyaasadeed ma lahayn, sida kacaanku u yimidba. Kacaanku wuxuu yiri xuquuqda bulshada idin siinayaan waxbarasho iyo caafimaad, waana idinka qaaday xuquuqdii siyaasadeed.”

Si kastaba, nuxurka hadalka wasiirka ayaa ah inuu isagu saxnaa balse ay bulshadu qalad u fahantay, taas oo weli dood ka taagan tahay, isla markaana dad badan ay dalbadeen inuu si buuxda raalli-gelin uga bixiyo arrintaas.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xog: Wada-hadalladii DF iyo Somaliland oo dib loo billaabayo

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa billowday dadaallo ay dib ugu soo nooleynayso wadahadalladii hakadka galay ee u dhexeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, sida ay ilo diblomaasiyadeed u sheegeen Caasimada Online.

Tallaabadan ayaa ah isku day cusub oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka taagan Geeska Afrika, kaddib markii heshiis dekedeed oo muran badan dhaliyay oo ay Somaliland la gashay Itoobiya uu carqaladeeyay dadaalladii hore ee socday.

Dadaalkan waxaa hoggaaminaya madaxweynaha muddada dheer ee Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuu ku soo beegmayaa xilli uu isbeddel hoggaamineed ka dhacay Somaliland, waxaana looga gol leeyahay in dib loogu dhiso kalsoonidii si weyn u dhaawacantay kaddib heshiiskii baddeed ee ay Muqdisho ku tilmaantay “gardarro qaawan”.

Xiriirka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland ayaa soo hagaagay tan iyo markii Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo loo yaqaano “Cirro”, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Somaliland bishii Nofeembar 2024. Maamulkiisa ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay inuu dib u furo wadahadalka Muqdisho, isagoo ka tallaabsanaya habkii iska hor-imaadka ahaa ee madaxweynihii ka horreeyay.

Geelle ayaa soo dhoweeyay furfurnaantaas, balse wuxuu ku riixayaa in la maro geeddi-socod habaysan oo leh “tilmaamo cad oo ku saabsan dib u bilaabidda wadahadallada iyo xuduudo adag oo aanu maamulka gooni-u-goosadka ahi ka tallaabsan karin,” sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo gobolka ku sugan.

Saameynta heshiiskii Itoobiya

Dadaalka Jabuuti wuxuu daba socdaa fashilkii ku yimid isku day hore oo wadahadal ah. Bishii Diseembar 2023, Jabuuti waxay martigelisay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyihii xilligaas ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuwaasoo ku heshiiyay inay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa iskaashi dhow.

Laakiin wax kayar laba maalmood kaddib, Biixi wuxuu Heshiis Is-afgarad (Memorandum of Understanding) la saxiixday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Heshiiskaas wuxuu Itoobiya oo aan bad lahayn siinayay kiro 50 sano ah o ah dhul dhan 20 kiilomitir (12 mayl) oo ka mid ah xeebta Somaliland, si ay uga dhisto saldhig ciidan badeed iyo deked ganacsi. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay Somaliland u ballanqaadday saami ay ka siinayso shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, iyo tan ugu muhiimsan, suurtagalnimada in ay aqoonsi diblomaasiyadeed siiso Somaliland.

Somaliland, oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 1991-kii balse aan helin aqoonsi caalami ah, heshiiskan wuxuu u ahaa mid lagu soo dhoweeyay guul taariikhi ah. Si kastaba ha ahaatee, Muqdisho waxay u aragtay inuu yahay xadgudub culus oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiska Is-afgaradka ah wuxuu sidoo kale walaac ku abuuray dowladda Jabuuti. Dekeddeeda waxaa mara in ka badan 95 boqolkiiba ganacsiga Itoobiya, waxaana soo bixitaanka deked kale oo ay Itoobiya maamusho oo deris la noqonaysa loo arkay khatar toos ah oo ku wajahan dhaqaalaheeda iyo amnigeeda. Taas oo jawaab u ah, Jabuuti waxay dib u cusboonaysiisay Heshiiskii Iskaashiga Difaaca (Defence Cooperation Treaty) ee ay la leedahay Faransiiska si ay u xoojiso difaaceeda.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cirro, ayaa la sheegay inuu u furan yahay wadahadallada, inkastoo “uu ka taxadarayo inuusan ku dheeraan khaladaadkii siyaasadeed ee madaxweynihii isaga ka horreeyay, kuwaas oo carqaladeeyay geeddi-socodkii hore ee wadahadalka,” sida uu Caasimada Online u sheegay diblomaasi xog-ogaal u ah arrimahan.

Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo usoo wareegtay gudaha Soomaaliya – Maxaa dhacay?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa si adag uga jawaabtay hadalladii uu dhawaan jeediyay safiirka Itoobiya, kuwaas oo uu ku dhaliilay qorshaha ciidamada Masar loogu keenayo Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Masar ayaa lagu sheegay in Addis Ababa ay abuurayso shaki ku saabsan ujeedada ka dambeysa joogitaanka ciidamada Masar, kuwaas oo markii u horreysay ku biiraya howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Masar waxay ku eedeysay Itoobiya in ay isku dayayso in bulshada caalamka iyo dalalka kale ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay si khaldan u fahmaan ka qayb-galka ciidamada Masar ee howl-galka AUSSOM.

Ilo diblumaasiyadeed oo ka tirsan dowladda Qaahira ayaa tilmaamay in Itoobiya ay si ula kac ah u doonayso in la abuuro diidmo ka dhan ah ciidamada Masar ee Soomaaliya la geeyay.

Masar dhankeeda waxay caddeysay in hawlaheedu yihiin kuwo furan oo ku saleysan iskaashi, isla markaana aysan jirin wax qorshe sir ah oo ka dhan ah Itoobiya.

Ciidamadeeda waxaa lagu qeexay in ay ku shaqeynayaan nabad ilaalin iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, balse Itoobiya ayaa ka qabta walaac xooggan, maadaama ay Masar kala dhaxeyso xiisadda Wabiga Nile-ka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ka qayb-galka Masar, iyadoo ku tilmaantay tallaabadan mid xoojinaysa amniga iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka iyo nabadgelyada Midowga Afrika ayaa horey u ansixiyay qorshaha lagu darayo ciidamada Masar, halka tababarkii ugu horreeyay ee loo diyaariyay ciidamadaas uu si guul leh u soo dhamaaday.

Bishii August 2024, Muqdisho iyo Qaahira ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi milatari oo shan sano soconaya, iyadoo Masar intaas kadib u dirtay Soomaaliya aga milatari.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in go’aanka ciidamada Masar loogu soo daray howl-galka uu yahay mid madax-bannaan oo ay labada dal gaareen, isla markaana uusan wax saameyn ah ku lahayn khilaafka siyaasiga ah ee Itoobiya.

Wasiir hore oo loo xukumay lunsasho hanti dadweyne

0

Lusaka (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Zambia, Joseph Malanji ayaa lagu riday xukun afar sano oo xabsi ah, kadib markii maxkamad ku heshay dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Malanji ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay falkaas intii uu xilka hayay u dhexeeyay 2018 illaa 2021, xilligaas oo uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Zambia.

Eedeymaha loo jeediyay ayaa soo shaac baxay sanadkii 2021-kii, xilligaas oo la xiray kadib markii la ogaaday inuu ku lug lahaa hantida luntay.

Waxaa ka mid ahaa hanti ay dowladda sheegtay inuu si sharci darro ah u qaatay laba diyaaradood oo helicopter ah oo markii dambe laga soo helay gudaha Koonfur Afrika.

Maxkamadda ku taalla caasimadda Lusaka ayaa go’aanka ku dhawaaqday, iyadoo sheegtay in dambiyadaasi ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dowladda.

Garsoorayaasha ayaa ku nuuxnuuxsaday in mas’uul kasta oo xil qaran haya lala xisaabtami doono haddii lagu helo ku takri-fal awoodeed ama musuq.

Xukunka Malanji ayaa loo arkay digniin loo diray wasiirrada iyo saraakiisha kale ee dowladda Zambia, si looga hortago ku takrifalka hantida shacabka.

Howl-gallo ka dhan Shabaab oo ka dhacay Sh/Hoose

0

Marka (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee guutada 14-ka October ayaa saacadihii ugu dambeeyay fuliyay howlgallo qorshaysan oo ka dhacay deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-gallada ayaa lagu bartilmaameedsaday tuulooyinka Malable, Siigaale iyo Buulo Arundi, kuwaas oo dhammaantood hoos yimaada deegaanka Janaale. Tuulooyinkan waxaa ku sugnaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 14-ka October, Gashaanle Dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa hoggaaminayay howl-galka, wuxuuna warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in ciidanku ka takhaluseen maleeshiyaad Al-Shabaab u diyaariyay inay dadka beeraleyda ah ku cadaadiyaan baad.

Howl-gallada la midka ah kuwan ayaa sii socon doona ilaa Al-Shabaab laga cirib tiro guud ahaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay Taliye Munye.

Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ugu xooggan ee Al-Shabaab ay ku leeyihiin saldhigyo iyo fariisimo, waxaana ciidamada xoogga dalka muddo dheer ka wadeen dagaal iyo howlgallo joogto ah oo ka dhan ah kooxdaasi.

Howl-galkan ayaa qayb ka ah dadaallada ciidamada xoogga dalka ay ku xoojinayaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada ku teedsan Sh/Hoose.

Waxa uuna imanaya xilli ay hoos u dhaceen howl-galladii tooska ahaa ee ka dhanka ahaa kooxda, kaas oo iska garabsanayeen ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ee Macawisleyda.

Djibouti pushes to revive Somalia–Somaliland talks

0

DJIBOUTI CITY – Djibouti is moving to revive stalled talks between Somalia’s federal government and the breakaway region of Somaliland, diplomatic sources told Caasimada Online, in a fresh attempt to ease tensions in the Horn of Africa after a contentious port deal with Ethiopia derailed earlier efforts.

The initiative is being led by Djibouti’s long-time president, Ismail Omar Guelleh. It comes on the heels of Somaliland’s recent leadership change and seeks to rebuild trust badly shaken by a maritime agreement that Mogadishu denounced as an “act of aggression.”

Relations between Djibouti and Somaliland have warmed since Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as “Irro,” won Somaliland’s presidential election in November 2024. His administration has signaled readiness to reopen dialogue with Mogadishu, breaking from the combative approach of his predecessor.

Guelleh has welcomed the opening but is pushing for a structured process with “clear guidelines for resuming talks and firm red lines that the secessionist administration should not cross,” according to regional sources.

Shadow of the Ethiopia deal

Djibouti’s push follows the collapse of a previous attempt at dialogue. In December 2023, Djibouti hosted Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Somaliland’s then-leader Muse Bihi Abdi, who agreed to work toward closer cooperation.

But less than two days later, Bihi signed a Memorandum of Understanding with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. The deal gave landlocked Ethiopia a 50-year lease on 20 kilometers (12 miles) of Somaliland’s coastline for a naval base and commercial port. In exchange, Ethiopia offered shares in Ethiopian Airlines and, crucially, the prospect of diplomatic recognition of Somaliland.

For Somaliland, which declared independence in 1991 but lacks international recognition, the agreement was hailed as a historic breakthrough. Mogadishu, however, saw it as a grave violation of Somalia’s sovereignty and territorial integrity.

The MoU also alarmed Djibouti. Its port handles more than 95 percent of Ethiopia’s trade, and the emergence of a rival, Ethiopian-controlled port next door was viewed as a direct economic and security threat. In response, Djibouti renewed its Defence Cooperation Treaty with France to shore up its defenses.

Djibouti’s deep Influence

Djibouti’s mediation efforts carry weight thanks to its political clout within Somalia’s clan-based system. President Guelleh, from the Issa sub-clan of the Dir, is seen as a key power broker over the “Dir block” in Somalia’s federal parliament.

This bloc, born out of the Djibouti-hosted Somali Reconciliation Conference in 2000, often gives northern sub-clans — including those dominant in Somaliland and Djibouti — leverage over their southern rivals. Its support was pivotal in the 2022 election that returned President Mohamud to power.

Somaliland’s new president, Irro, is said to be open to the talks, though “he is cautious not to dwell on his predecessor’s political missteps that derailed the previous dialogue,” one diplomat familiar with the process told Caasimada Online.

Yet any breakthrough faces headwinds from Somalia’s own federal dynamics. States such as Puntland and Jubaland remain deeply skeptical.

Puntland, which has long sparred with Mogadishu, severed ties with the federal government in 2023 over constitutional disputes and Somaliland’s absence from national decision-making. “For Puntland, the maritime MoU proves its argument that Somaliland cannot enjoy federal representation while rejecting Somalia’s sovereignty,” said a researcher in Garowe, the regional capital.

These internal rifts underscore the difficulty of building consensus on Somaliland’s future. Djibouti, meanwhile, continues to reinforce its role on the ground.

Its peacekeepers, deployed in Somalia under the African Union Transition Mission (ATMIS) as “Hiil Walaal,” recently expanded cooperation with Mogadishu under a new security agreement, tightening its grip as both mediator and security partner in a volatile period.

Laba bil kadib Cali Xoosh oo libin siyaasadeed kula soo laabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho.

Wasiir Xoosh ayaa labo bil howl qaran oo maamul dhismo ah ugu shaqeynayay magaalada Laascaanood. Xoosh ayaa libin siyaasadeed taariikhi ah kala soo laabtay safarkiisa.

Wasiir Cali Xoosh ayaa inta uu joogay Laascaanood ku guuleystay dhismaha dowlad-goboleedka waqooyi Bari Soomaaliya oo dhameystirka hannaankaasi loo xilsaaray, hormuudna ka ahayd Wasaaradda Arrimaha Gudaha, tallaabadan oo qeyb ka ah federaaleynta dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo wafdiga la socday oo goleyaasha dowladda federalka ahaa ayaa waxaa soo dhoweyn iyo maamuus loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Soo dhaweyntan ayaa waxaa qeyb ka ahaa hoggaanka Wasaaradda; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Saadaad Maxamednuur Caliyow, Wasiir Ku-xigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha Guud, Caydaruus Macallin iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ah.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ka soo farcamay maamulka KMG ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii August 2023, iyada oo muddadii laba sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah, taas oo ugu dambeyntii dhashay doorashadii Sabtidii ka dhacday Laascaanood.

Maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaaminya 5-ta ee soo socota Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.

Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashada Waqooyi Bari.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u aragta maamulkan mid wax badan ka tari qorshaheeda doorasho iyo iska caabbinta maamulka Puntland oo si weyn isku hayaan Muqdisho.

Daawo: Wasiir shaaciyay sababta Xasan Sheekh u aqbalay inuu la heshiiyo qeyb kamid ah mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka dowladda ayaa faah-faahiyay heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo ay qalinka ku duugeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah mucaaradka oo ka baxay Madasha Samatabixinta, ayaa Madaxweynaha uga tanaasulay qeybo ka mid ah wax ka beddelka dastuurka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa shaaciyay in Madaxweynaha uu mucaaradka uga tanaasulay in doorashada hoggaanka dalka ay noqoto baarlamaani, si dalka uga hirgasho doorasho qof iyo cod, isla markaana ay xubnaha baarlamaanka soo doortaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa lasoo jeediyay halkeedii ha lagu soo cesho, oo baarlamaanka Madaxweynaha ha doorto. Tanaasulkaas xukuumadda waa aqbashay waxayna ku aqbashay in baarlaamanka yahay mid la soo doortay oo ku yimaada qof iyo cod,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Tan ayaa meesha ka saaraysa in baarlamaanka ay soo xulaan ergada beelaha, sidii hore u dhici jirtay, isla markaana ay saameyn ku yeelan jireen hoggaannada maamullada.

“Meeshaas waxaa ka dhacay tanaasul, waxaana la isla gaaray in uusan noqon baarlamaankii doorashada dadban ku imaan jiray, oo qof iska soo qoran jiray, ayna noqoto mid ay dadweynaha soo doortaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo muddooyinkii dambe ka shaqeynayay hanaan doorasho ee qof iyo cod ayaa raba inuu soo saarto mudaneyaal u damaanad qaadi kara soo laabashadiisa, sida ay qabaan xubnaha mucaaradka ee diidan heshiiskan, maadaama hanaankan doorasho uusan aheyn mid loo dhan yahay, isla markaana ay guddigeeda magacaabatay xukuumadda.

Si kastaba, heshiiska cusub ayaa sidoo kale dhigaya in hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeennada dowlad-goboleedyada ay soo doortaan golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada.

Heshiiska ayaa waxaa kale oo qeyb ka ah in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha, iyadoo codka kalsoonida u qaadi doono Baarlamaanka, uuna awood u yeelanayo inuu kala laabtana.

Hoos ka daawo muuqaalka

Deegaan dhaca Mudug oo bacaad uu liqay iyo xaalad adag oo laga soo sheegayo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Degaanka Kulub ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa waxaa si buuxda u liqay bacaad, kaas oo sababay in dhammaan qoysaskii halkaas ku noolaa ay ka barakacaan.

Dadka deegaankaasi ayaa waxay nolol maalmeedkooda ku tiirsanaayeen kalluumeysiga iyo xoolo-dhaqashada, balse xaaladda cusub ayaa gebi ahaanba curyaamisay noloshoodii.

Kulub oo markii hore ahayd magaalo camiran oo ay ku noolaayeen boqolaal qoys, ayaa haatan lumisay dadkeedii, kadib markii ay si tartiib ah ay ugaa guureen dadkii deganaa.

Bacaadka oo si xawli ah u qabsaday dhulka ayaa hoos u dhigay fursadihii nololeed, waxaana meesha ka baxay dhammaan dhaq-dhaqaaqii bulshada. Deegaankan ayaa muddo dheer ahaa meel muhiim u ah dadka ku tiirsan kalluumaysiga xeebaha iyo xanaanada xoolaha.

Hase yeeshee, isku dhaca deegaanka dabiiciga ah iyo bacaadka ku soo fiday ayaa ka dhigay meel aan sii joogitaan lahayn, iyadoo dhibaato hor leh ay soo wajahday bulshadii halkaasi deganayd.

Qoysaskii ugu dambeeyay ee halkaas ku haray ayaa dhawaan go’aansaday inay isaga guuraan Kulub. Waxa ay isku aruursadeen deegaan aan ka fogeyn halkii ay ka soo barakaceen, balse nolosha cusub ayaa ka adag tii ay ku noolaan jireen.

Dadkaasi barakacay ayaa la sheegaya inay la ildaran yihiin duruufo nololeed oo aad u adag. Waxay la kulmaan hoy la’aan, cunto yari iyo adeegyada aas-aasiga ah oo gebi ahaanba ka maqan. Carruurta iyo haweenka ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameysay.

Xaaladdaasi waxay sidoo kale ku reebtay saameyn dhaqaale oo muuqata qoysaskii ku noolaa deegaanka. Dhaqaalaha ka imaan jiray kalluumaysiga iyo xoolaha nool ayaa istaagay, taas oo sii adkaysay nolol-maalmeedka dadka barakacay.

Kulub ayaa haatan u muuqata mid sii baaba’aysa, kadib markii magaalada uu daboolay bacaad, ayna ka barakaceen dadkeedii.

Madaxweyne Xasan oo ku wajahan Itoobiya + Ujeedka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadkan tegi doona magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu uga qayb-geli doono shirka cimilada ee Afrika, isla markaana uu kulan kula yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu sidoo kale kulamo doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb ah shirka cimilada Afrika ee halkaas ka qabsoomaya.

Socdaalkan ayaa imanaya xilli hoggaanka Itoobiya uu ku cadaadinayo madaxda dowladda Soomaaliya in ay kala qeyb-galaan furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Nile, kaasi oo si adag uga soo horjeedo dowladda Masar.

Soomaaliya ayaa haatan xiriir wanaagsan la leh Masar, oo iyadu qeyb ka noqotay howlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

Dowladda Soomaaliya oo ay tahay inay isku dheelitirto xiriirka labada dal ee uu ka dhexeeyo khilaaf siyaasadeed, ayaa si dhow indhaha loogu hayaa sida ay u wajihi doonto arrintan.

Si kastaba, Masar ayaa muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Qaahira ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa dhawaan shaaciyay in wada-hadalladii u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsanaa biyo-xireenka Itoobiya ay istaageen, taas oo muujinaysa in aan wax natiijo ah laga gaarin dadaalladii diblomaasiyadeed.

Wasiirka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, isagoo xusay in Masar ay mar walba ka shaqaynaysay sidii wada-hadalladu u mira dhalin lahaayeen, balse ay ku dhammaadeen is-faham la’aan.

Sawirro: Dowladda oo daah-furtay mashruuc ay 805,000 qof ka faa’iideysanayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka (SODMA) looga daahfuray wajiga afaraad ee mashruuc ay ka faa’iideysanayaan ku dhawaan hal milyan oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed.

Mashruucan oo ah sugnaanta cunnada, ayaa waxaa loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu si weyn u saameysay. Wajigan cusub waxaa fulinaya xarunta King Salman ee samafalka iyo gargaar aadanaha (KSRelief).

Sidoo kale waxaa si toos ah u hirgelinaysa hay’adda Tadamun, iyadoo taageero ka helaysa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Qeybtan cusub ee mashruuca waxaa ka mid ah 5,085 tan oo raashin ah oo qiimahoodu dhan yahay $6.4 milyan, kuwaas oo si toos ah uga faa’iideysan doona 805,020 qof oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wajahaya xaaladaha adag ee abaaraha iyo cunto yaraanta dalka ka jirta.

Ambassador Axmed Al-Muwallad, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya ayaa sheegay in Boqortooyadu mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa carabka ku adkeeyay sida Sacuudiga ay uga go’an tahay taageerada walaalaha Soomaaliyeed xilli kasta oo ay u baahdaan.

Agaasimaha Hay’adda Tadamun, Cabdiraxmaan Cabdirisaaq ayaa xusay in mashruucani yahay mid muhiimad gaar ah u leh bulshada tabaaleysan, isla markaana uu gacan ka geysan doono yareynta dhibaatooyinka cunno la’aanta iyo kor u qaadista taageerada dadka nugul.

Amb. Cabdalla Al-Utaybi, Safiirka Jaamacadda Carabta oo munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay muhiimadda iskaashiga dalalka Carabta iyo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in gargaar noocan oo kale ahi uu xoojinayo wadajirka iyo walaaltinimada ka dhexeysa.

Safiirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Amb. Maxamed Bamba ayaa dhankiisa mahad-celiyay, isagoo carrabka ku adkeeyay sida taageeradan cuntadu si toos ah u taabaneyso nolosha dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallim ayaa sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay qorshaha qaranka ee wax ka qabashada masiibooyinka iyo abaaraha.

“Mashruucan waxa uu muujinaya sida SODMA uga go’an tahay la shaqeynta hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada ah si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada iyo horumar waara,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu ka mahad-celiyay taageerada balaaran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.