26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Daawo: Qaybdiid oo weerar culus ku qaaday Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online ) –  Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo maanta ka qayb-galay shirka mucaaradka ee ka furmay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, isaga oo weerar culus ku qaadan Xasan Sheekh.

Cabdi Qaydiid ayaa si weyn u dhaleeceeyay maamulka Xasan Sheekh, wuxuuna ku eedeeyay inuu dalka burburiyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb-qaadano waxa ka socda Soomaaliya oo burburtay iyo rajadii siidii loo soo celin lahaa, sababtoo qadka ayay ka dhacda Soomaaliya” ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Sidoo kale, Senatorka ayaa tilmaamay in madaxweynuhu uu isku soo koobay taladii dalka, isla-markaana uu burburiyay hay’adihii kala duwanaa ee dowladda.

“Dowladdan hadda jirto waad ogtihiin ma taagna oo wixii oo dhan hal sanduuq ayay ku jiraan oo hay’ado ma shaqeeyaan” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu xusay mucaaradka shiraya looga baahan yahay inay keenaan isbeddal dhab ah, si loo helo hoggaan dalkan samata bixin kara dalka.

“Hadii ay baahashu tahay sidii hore oo awelba inta la’isku yimaado baahasha la kala kacsado, oo hayd qofbaa qof beddali jiray, waxna isma beddali jirin” ayuu sii raaciyay.

Shirweynaha maanta u furmay mucaaradka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo amniga guud ee dalka, iyada oo la filayo in go’aanno xasaasi ah ay soo saaraan xubnaha mucaaradka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, waxaana la’isku hayaan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2026.

Soomaaliya oo halis ugu jirta in ay lumiso malaayiin dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa wajahaysa khatar ah inay lumiso malaayiin doollar oo aan weli la isticmaalin, haddii aysan dedejin hirgelinta dib-u-habeynta maamulka dowladeed oo uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB).

Muddo 18 bilood ah kadib markii la bilaabay mashruuca Taageerada Hay’adaha Dowliga ah ee Maareynta Dhaqaalaha (ISEGP) oo lagu maalgeliyay $13 milyan, Soomaaliya waxay illaa hadda isticmaashay kaliya 15.2% lacagtaas. Tani waxay ku khasbaysaa Wasaaradda Maaliyadda Federaalka inay saddex jibbaarto xawaaraha kharash-garaynta bishii, si loo gaaro himilada mashruuca ee ku eg December 2026.

Warbixin uu Bankiga AfDB soo saaray bishii May 2025 ayaa sawir isugu jira horumar iyo caqabado ka bixinaysa mashruuca: dakhliga canshuuraha dalka ayaa sare u kacay ilaa 2.8% GDP-ga sanadka 2023, halka darajada isla xisaabtanka hay’adaha dowladda ee Soomaaliya ee tusmada Ibrahim Index ay gaartay 20.1%, taasoo ka sareysa heerkii bartilmaameedka ahaa ee 2026. Si kastaba ha ahaatee, khubarada falanqeeya dhaqaalaha ayaa ka digaya in kororkaasi uu ka dhashay tallaabooyin ku-meelgaar ah sida sixitaanka cashuuraha iyo dib-u-cabbirka GDP-ga, halkii ay ka iman lahaayeen isbeddello maamul oo joogto ah.

Inta badan wax-soo-saarka mashruuca ayaa weli ku jira marxalado hore. Kaliya hal natiijo oo ka mid ah 16-ka la qorsheeyay ayaa la dhameystiray—taasoo ah Istaraatiijiyadda Dakhliga Dhexe ee Muddada-Dhexe, oo la daahfuray 2024.

Warbixinta AfDB ayaa xaqiijinaysa in istaraatiijiyaddan ay sal u tahay saadaasha dakhliga ee 2025, isla markaana lagu sameeyay wadatashi lala yeeshay dowladda federaalka iyo daneeyayaasha muhiimka ah.

Khilaaf siyaasadeed oo Puntland ah oo caqabad ku noqday hirgelinta

Qayb muhiim ah oo mashruuca ISEGP ka mid ah—casriyeynta xafiisyada canshuuraha gudaha ee dowlad-goboleedyada—ayaa wajahaya caqabado siyaasadeed.

Sida lagu sheegay warbixinta AfDB ee May 2025, naqshadaha hore ee xarumahan waxaa oggolaaday dhammaan dowlad-goboleedyada marka laga reebo Puntland, oo weli ka caga-jiidaysa ansixinta qorshaha guud ee dhexe.

Dib-u-dhaca waxaa loo sababeynayaa “is-faham la’aan siyaasadeed” oo u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda Federaalka ayaa hadda wadahadallo la leh Puntland si ay u eegaan saameynta dhaqaale ee dib-u-dhacaas iyo sidii xal loo heli lahaa. Wadahadalladaas ayaa lagu ballamay in la soo afjaro ugu dambeyn 31-ka December 2025.

Haddii la xallin waayo, khilaafkan wuxuu si weyn u wiiqi karaa yoolalka mashruuca, gaar ahaan kuwa la xiriira sinnaan ku dhisan qeybinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo midnimo lagu dhisayo nidaamka uruurinta dakhliga dalka oo dhan.

Arrintan waxay si gaar ah u culus tahay maadaama dekedda magaalada Boosaaso ee ku hoos jirta Puntland ay si weyn uga qayb qaadato dakhliga kastamyada dowladda federaalka.

Haddii Puntland ka baxdo mashruuca, qiyaasihii muhiimka ahaa ee la xiriiray kordhinta dakhliga gudaha ayaa la burin karaa—kuwaasoo saldhig u ah saadaasha dakhliga 2025 ee lagu hago istaraatiijiyadda cusub ee muddada-dhexe.

Ilaa ansixinta Puntland la helo, looma gudbi karo qorsheyaasha faahfaahsan ee dhismaha iyo liisaska agabyada (BOQs) ee loogu talagalay xafiiska Boosaaso. Shirkadda Ecotech Ltd. oo loo xilsaaray qaybtaas ayaa shaqadeeda bilowday Agoosto 2024, waxayna dhameystirtay wadatashiyo hordhac ah oo ay la sameysay dowlad-goboleedyada kale. Si kastaba, horumarka Puntland wali waa hakad. 

Ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka oo weerar culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn culus oo Talaadadii ka dhacday waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, taas oo ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo Mareykanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo ka dhacay meel qiyaastii 40 km u jirta Kismaayo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, balse lama shaacin khasaaraha rasmiga ah e la gaarsiiyay kooxda.

“Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay meel qiyaastii 40 meel  waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, si loo beegsado maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ujeedka weerarka ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay mid lagu wiiqayo awoodda kooxaha Khawaarijta oo loo arko inay khatarta ku yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo awoodda maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee qorsheynta iyo  fulinta weeraro argagixiso oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa u mahadcelisay taliska AFRICOM, waxayna sheegtay inuu sii socon doono iskaashiga labada dhinac, ayna ka go’an tahay xoojinta dagaalka Al-Shabaab

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa howlgalka AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf culus oo ka dhan ah argagixisada, waxaana iska kaashana ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, iyada oo sidoo kale dhanka hawada ay ka taageerayaan saaxibada caalamiga ah.

Dagaallada xoogooda ayaa haatan waxa ay ka socdaan deegaanno ka kala tirsan maamullada HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee Soomaaliya.

Sawirro: Shirkii mucaaradka oo furmay iyo SHARIIF oo hoggaanka la wareegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa goordhow hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ka furmay shir ay leeyihiin mucaaraadka, kaas oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka.

Shirweynahan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa u dhan inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxweyneyaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore oo dhowaan uun kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in hoggaaminta mucaaradka uu hadda la wareegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo in muddo ah diidanaa qorshaha uu wado madaxweyne Xasan Sheekh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirweynahan maanta u furmay mucaaradka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo amniga guud ee dalka.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali, sidoo kalena ah musharrax madaxweyne oo faah-faahin ka bixiyay shirkooda ayaa sheegay inay uga wada-hadayaan sidii dalkan loo badbaadin lahaa, isla markaana madaxweyne Xasan Sheekh loogu sheegi lahaa inuu kusoo laabto xeyndaabka sharciga.

“Waxa aan ka hadleyno waxa ay tahay maamulka hadda jiro oo uu madaxweynaha ugu wayn yahay oo uu Ra’iisul wasaarihiisu ku xigo qaabka ay wax u wadaan oo ay rabaan waddanka inay doorasho uga dhacdo waa qaab waddanka uusan horay ugu sii socon karin” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali.

Cosoble ayaa ku eedeeyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha in dalka ay ku wadaan waddo khaldan, isla markaana ay tahay in laga hortago goor hore.

“Ujeedkeenna waxa weeye aan wada badbaadino dalkan aan isku imaano, madaxweynaha aan u nasteexeyno oo aan ula talino oo aan u sheegno waddadan inay tahay waddadii shalay ee uu isaga hortaagnaa oo uu diidanaay waayey yuu na qaadsiin ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta doorashada, isaga oo ku eedeeyay in Villa Soomaaliya ay waddo boob, taasina ay diidan yihiin.

“Doorasho qof iyo cod ah ayaa lagu dhowaaqayaa, laakiin xaqiiqda dhabta ah ay tahay doorasho la rabo in lagu shubto ama la boobo” ayuu yiri Cabdulqaadir Cosoble.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, waxaana la’isku hayaan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2026.

AQALKA CAD oo walaac ka muujiyey halka uu XASAN SHEEKH ku wado Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa niyad ka muujiyay siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ku hagayo Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakiil sare.

Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa muujiyay walaac isa soo taraya oo ku saabsan sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mudnaanta u siinayo arrimaha siyaasadda gudaha, taasoo uu sheegay inay carqaladeynayso dadaallada lagu horjoogsanayo kooxda Al-Shabaab, xilli khatarta kooxdaasi ay sii kordheyso.

“Waxaan ka walaacsannahay sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u doorbidayo siyaasadda gudaha halkii uu xoogga saari lahaa la-dagaalanka Al-Shabaab, gaar ahaan iyadoo khatarta kooxdaasi ay kor u sii kacayso,” ayuu yiri sarkaalka, oo la hadlay The Washington Post.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in inkasta oo uu jiro walaacan uu Mareykanku “sii wadi doono wadashaqeynta dhow ee uu la leeyahay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.”

Sida ay tiri warbixinta Washington Post, Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska sanadkii 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xumeeyey xiriirka saaxiibada reer galbeedka, kaddib markii uu xoogga saaray hirgelinta nidaamka doorasho ee hal qof, hal cod ah — qorshe ay dhaliilayaashu ku eedeeyaan in marar badan loo adeegsaday dib u dhigista doorashooyinka.

Xukuumaddiisu waxay sidoo kale khilaaf la gashay maamullo goboleedyo saameyn leh, iyadoo muran xooggan uu ka dhashay wax ka beddelka dastuurka oo lagu eedeeyay in lagu ururinayo awoodda dowladda dhexe.

Tallaabooyinkan siyaasadeed ayaa si weyn u wiiqay howlgalka mideysan ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab — koox si xeel dheer uga faa’iideysata kala-qaybsanaanta beelaha si ay u wiiqdo amniga qaranka. Taariikh ahaan, doorashooyinka Soomaaliya waxay marar badan curyaamiyey dadaallada amniga, inkasta oo saraakiisha Mareykanka ay dhowr jeer u dhexgaleen dhinacyada si ay u dejistaan xiisadaha.

“Madaxweyne kasta marka uu xafiiska la wareego, wax walba si wanaagsan ayay ku bilaabmaan, laakiin siyaasadda beelaha ayaa hadhow dumisa wax walba,” ayuu yiri Larry Andre, safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya.

Waxa uu xusuustay shir jaraa’id oo ay wada qabteen sannadkii 2022 isaga iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo xirtay dhar buluug cirka ah oo is le’eg si ay u muujiyaan midnimo, xilli siyaasadda gudaha ay isu beddeshay dagaallo beeleed dhimasho sababay.

Maanta, iyadoo Soomaaliya ay mar kale wajahayo xaalad siyaasadeed oo kacsan, saraakiisha Mareykanka ayaa ka digaya in xiriirka labada dal uu wajahayo cadaadis isa soo taraya.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku “marar badan ku booriyay” Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dib ugu laabto iskaashiga amni iyo hannaanka dowladnimo ee loo dhan yahay, balse aan la arag wax horumar ah.

“Xoogga uu saaray ururinta awoodda dhexe ayaa caqabad ku ah horumarka dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayuu yiri sarkaalka. “Waxaan rumeysannahay in isbeddelka mudnaanta siyaasadeed uu yahay mid lagama maarmaan ah si loola tacaalo khatarta sii kordheysa.”

Axmed Madoobe iyo Deni oo heshiis ku gaaray Dubai

Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa heshiis gaaray.

Warar hoose oo laga helay ilo-wareedyo ku dhow labada hoggaamiye ayaa tilmaamaya in Deni iyo Madoobe ay heshiis isfaham ah ka gaareen khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii Soomaaliya, kadib kulamo gaar ah oo ay ku yeesheen gudaha Imaaraadka.

Khilaafkaas ayaa saameyn ku yeeshay xiriirkooda siyaasadeed, balse labada madaxweyne ayaa hadda isku raacay in ay xoojiyaan wada-shaqaynta labada maamul iyo in ay mowqif mideysan ka yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Heshiiskan ayaa waxaa dhex-dhexaadiyey Imaaraadka Carabta, oo dhowaan faro-gelin qaawan ka waday gudaha Soomaaliya, taasi oo labada dhinac u sahleysa inay iska kaashadaan danaha Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa caan ku ah in sanadka ugu dambeeya ee muddo xileed kasta ee madaxda dowladda federaalka ay gudaha dalka soo geliyaan dhaqaale badan, faro-gelin siyaasadeed oo toos ah iyo fulinta go’aano cuuryaaminaya dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa suurtagal ah in labadaas dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ay isku waafaqeen qorshaha fulinta Imaaraadka ee loogu yeeray, taas oo khatar hor leh ku noqon karta dowladda federaalka iyo guud ahaan dalka.

Labada mas’uul ayaa la filayaa in ay sidoo kale magaalada Nairobi, oo ay gaareen shalay, ay kula kulmaan qaar kamid ah saaxiibada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo halkaa ka bilaabi doona dhaq-dhaqaaqyo lagu taageerayo isbaheysiga mucaaradka ah ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dadaalladooda ay salka ku hayaan qorshe ka dhan ah Villa Somalia, kaas oo la filayo in shir looga furmo magaalada Muqdisho maanta oo Arbaco ah.

Socdaalka Deni iyo Madoobe ayaa imaanaya xilli mucaaradka Soomaaliya ay isku dayayaan in ay yeeshaan hal mowqif oo mideysan oo ay kaga hor tagaan siyaasadda Villa Somalia, iyadoo garabkooda laga dareemayo dhanka dowlad-goboleedyada qaarkood.

Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey qorshe culus oo ku saabsan Somalia

Ankara (Caasimada Online) – Golaha Amniga Qaranka ee dalka Turkiga ayaa xalay ansixiyey duullaan ka dhan ah kooxaha argagixisada ee ka dagaallama Soomaaliya, si loo dhaqaajiyo ajendayaasha labada dal, kuwaas oo ay kooxahaasi caqabad weyn ku yihiin.

Kulan xasaasi ah oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa lagu ansixiyey in Turkigu qaado duullaan degdeg ah oo ku wajahan argagixisada Soomaaliya, taasoo ka dhigan in ciidamo Turki ah loo soo dirayo gudaha Soomaaliya.

Qorshaha duullaanka la ansixiyey waxaa qeyb ka ah dalalka Suudaan iyo Liibiya, halkaas oo ay ka dagaallamaan kooxo ka soo horjeeda dowladaha rasmiga ah ee dalalkaas, kuwaas oo Turkigu taageero siiyo.

Soomaaliya waxaa bilihii lasoo dhaafay la sheegay in la keenay ciidamo hordhac ah oo Turki ah, kuwaas oo hadda la go’aamiyey in la kordhiyo, si ay ula dagaallamaan Khawaarijta.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya waxaa Turkiga ku kallifaya qorshihiisa shidaal qodista oo uu dhawaan ka bilaabi doono deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle.

Hadda waxaa la qorsheeyey in degdeg looga xoreeyo argagixisada dhulka labadaas dowlad-goboleed, si loo bilaabo qodista shidaalka Soomaaliya ee loo saxiixay Turkiga, kaasoo baaritaankiisa la soo gabagabeeyey.

Gabagabada toddobaadkan ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo in baaritaankii shidaalka ee baloogyadii lagula heshiiyey Turkiga la soo gabagabeeyey, iyadoo la bilaabi doono marxaladda qiimeynta.

Qiimeynta natiijooyinka baaritaanka kadib, ayuu Turkigu bilaabi doonaa qodista. Wararka hordhaca ah ee natiijada ayaa sheegaya in shidaal badan laga helay badda Soomaaliya, gaar ahaan qeybihii la baaray.

Maxkamadda nin loo haysto dilka 5 gabar oo Soomaali ah oo ka billaabatay Mareykanka

Minneapolis (Caasimada Online) – Derrick Thompson, oo 29 jir ah, ayaa toddobaadkan wajahaya maxkamad kaddib markii lagu soo oogay dacwado la xiriira shil baabuur oo dhacay 2023, kaas oo ay ku dhinteen shan gabdhood oo Soomaali Mareykan ah.

Maxkamaddiisa ayaa bilaabatay Talaadadii iyadoo la guda galay xulista xeer-beegtida. Hadallada furitaanka iyo marqaati furka ayaa la filayaa in ay billowdaan maalmo gudahood. Thompson wuxuu wajahaa 15 eedeymood oo dambi, oo ay ka mid yihiin eedeymo dil iyo dil baabuur lagu sababay. Maxkamaddu waxay socon kartaa toddobaadyo.

Sidee ayuu shilku u dhacay?

Sida ku xusan dokumentiyada maxkamadda, Thompson wuxuu waday gaari SUV ah oo la kireystay markii uu 16-kii Juun 2023 uu askari boolis ah ku arkay isagoo ku socda 95 mayl saacaddii, meel xadiga xawaaruhu ka yahay 55 mayl, gudaha waddada weyn ee Interstate 35W.

Abbaare 10kii fiidnimo ayuu ka baxay waddada weyn, isagoo si toos ah u dhaafay nalka casaanka ee isgoyska Lake Street iyo 2nd Avenue ee magaalada Minneapolis, halkaas oo uu si xoog leh ugu dhacay gaari Honda Civic ah, sida lagu sheegay galka maxkamadda. Dadka saarnaa gaarigaas — dhammaantood saaxiibo ahaa — ayaa soo marsaday cilaan iyagoo isu diyaarinayay aroos dhici lahaa maalinta xigtay.

Saraakiisha ayaa sheegay in Thompson uu lug uga baxsaday goobta shilka balse lagu qabtay meel baarkin ah oo ku dhow.

Maxay yihiin eedeymaha loo haysto Thompson?

Thompson waxaa lagu soo oogay 10 dacwadood oo ah dil gaari lagu sababay, iyo sidoo kale in uu ka baxsaday goobta shilka.

Bishii Agoosto 2024, xafiiska Xeer Ilaaliyaha Hennepin County wuxuu u soo bandhigay Thompson heshiis dacwadeed oo lagu tirtiri lahaa shan dacwadood haddii uu qirto dambiyada shanta kale. Isla waqtigaas, waxaa lagu daray shan eedeymood oo cusub oo ah dil darajo saddexaad ah.

Thompson wuu diiday heshiiskaas bishii Nofeembar.

Yaa ku dhintay shilka?

Shilkaas waxaa ku dhintay shan gabdhood oo Soomaali Mareykan ah:

  • Sahra Gesaade, 20 jir
  • Salma Abdikadir, 20 jir
  • Sagal Hersi, 19 jir
  • Siham Odhowa, 19 jir
  • Sabiriin Ali, 17 jir

Gabdhahaasi waxay ahaayeen saaxiibo iyo qaraabo aad isugu dhow. Waxaa lagu tilmaamay “tiirar bulshada u taagan,” “xiddigo ifaya,” iyo hoggaamiyeyaal dhanka waxbarashada iyo diinta. Kumannaan qof ayaa ka qayb galay aaskooda oo ka dhacay xarunta Islaamiga ah ee Dar Al Farooq.

Qoysaskooda waxay si joogto ah uga soo qayb galeen dhageysiyada maxkamadda ee kiisaska Thompson, heer federaal iyo gobolba.

Xulista xeer-beegtida oo bilaabatay

Talaadadii, 50 qof oo u tartamaya xeer-beegtinimo ayaa isugu yimid maxkamadda degmada Hennepin ee bartamaha Minneapolis. Thompson, oo xiran suud madow, ayaa salaamay xubnaha suurtagalka ah ee xeer-beegtida, iyadoo Garsoore Carolina Lamas ay ku soo bandhigtay isaga iyo qareenkiisa.

“Subax wanaagsan,” ayuu yiri Thompson isagoo garab taagan qareenkiisa, Tyler Bliss.

Xubnahaas ayaa buuxiyay su’aalo xog ururin ah kahor intaan la fasixin. Waxaa dib loogu soo wargelin doonaa haddii looga baahdo inay ku soo laabtaan maxkamadda. Xulista xeer-beegtida ayaa la filayaa inay dib u billaabato Arbacada 9:00 subaxnimo.

Difaaca: Thompson ma ahayn darawalka

Qareenka Thompson, Bliss, ayaa sheegay inuu maxkamadda ka hor sheegi doono in Thompson uusan ahayn darawalkii gaariga, balse uu darawalku ahaa walaalkiis, Damarco Thompson.

Bliss wuxuu ku dooday in xeer ilaalintu ay tahay iney si cad u caddayso in Derrick uu waday gaariga si dambiga loo caddeeyo.

Wuxuu saadaaliyay in ay adag tahay in la helo caddayn buuxda oo muujinaysa in Derrick uu ahaa darawalka.

Dacwad oogayaasha ayaa codsaday in Bliss laga hor istaago in uu isticmaalo doodda ah “dambiile kale,” maadaama uusan horey si rasmi ah ugu wargelin in Damarco uu noqon doono qofka kale ee la eedeeyo.

Laakiin Garsoore Lamas ayaa diiday codsigaas, waxayna u oggolaatay Bliss in uu difaaciisa keeno. Dacwad oogayaashu waxay intaas kaddib sheegeen inay keeni doonaan caddaymo cusub oo muujinaya in Derrick uu ahaa darawalka.

Go’aan racfaan ah oo adkayn kara dacwadda

Maxkamadda Racfaanka Minnesota ayaa dhawaan go’aamisay in dacwad oogayaashu aysan maxkamadda keenin caddaymo la xiriira shil dhacay California sanadkii 2018, kaasoo Thompson lagu helay dambiga ah in uu dhaawac culus u geystay qof isagoo ka cararay goobta.

Arrintan ayaa maxkamadda racfaanka loo geeyay kaddib markii Garsoore Lamas ay horey u diiday in caddaynta la isticmaalo.

Dacwad oogayaashu waxay ku doodayeen in shilkaas uu muujinayo qaab-dhaqan is daba joog ah, isla markaana uu cadeeyo in Thompson uu ogaa khatarta wadistiisa, taasoo muhiim u ah caddeynta in uu “maskax xun” u lahaa falka — shuruud la xiriirta dacwadda dilka darajada saddexaad.

Bliss wuxuu ku dooday in labada shil ay kala duwanaayeen: kii California wuxuu dhacay xilli booliska ay ku raad joogeen oo ay hoonka ay shidnaayeen, wuxuuna dhacay maalintii iyadoo waddooyinku ay mashquulsanaayeen. Wuxuu sheegay in caddayntaasi ay abuuri karto eex maxkamadeed, iyadoo la doonayo in Thompson lagu sawiro “nin shar leh.”

Maxkamadda racfaanka, oo soo saartay go’aan 19-bog ah, ayaa sheegtay in inkastoo labada shil ay ahaayeen kuwo halis ah oo keentay dhaawac, “isku ekaanshahoodu aad ayuu u guud yahay” mana muujinayo qaab-dhaqan is-daba-joog ah.

Si kastaba, maxkamaddu waxay qirtay in go’aanka lagu reebay caddayntaasi uu si weyn u yareeyay fursadda dacwad oogayaasha ee ku guuleysiga dacwadda dilka darajada saddexaad.

Maxkamaddu waxay sidoo kale go’aamisay in Garsoore Lamas aysan si khaldan u adeegsan awooddeeda sharciyeed markii ay caddaynta diiday.

Thompson oo horay loogu helay dambiyo federaal ah

Bishii Oktoobar 2024, maxkamad federaal ah ayaa ku heshay Derrick Thompson dambiyo la xiriira hub iyo daroogo. Eedeymahaasi ma aysan saameynin dhimashada shanta gabdhood.

Markii la baaray SUV-ga uu waday, waxaa laga helay in ka badan 2,000 kaniini oo fentanyl ah, 13 kaniini oo MDMA ah, 35 garaam oo kokeyin ah, iyo bastoolad leh xabbado dheeri ah, sida lagu sheegay dokumentiyada maxkamadda.

Thompson waxaa lagu helay dambiyada ah:

  • in uu fentanyl u haystay ujeeddo iibin,
  • in uu ahaa dambiile sitay hub,
  • iyo in uu hub sitay xilli uu ku lug lahaa fal daroogo ah.

Wuxuu hadda sugayaa xukunkiisa federaal.

Dambiyadiisii hore ee gobolka Minnesota waxaa ka mid ahaa: ka carar boolis, falal hub ah, iyo xadgudubyo badan oo la xiriira shuruucda waddo-marista. Laysinka darawalnimadiisa ayaa laga qaaday 2018 kaddib markii lagu helay dambiga ka cararida booliska, balse waxaa loo soo celiyay Maarso 2023 — saddex bilood kahor shilkii dhimashada sababay.

Wiilka xildhibaan hore

Derrick Thompson waa wiil uu dhalay xildhibaankii hore ee xisbiga DFL, John Thompson, oo caan ku noqday taageerada uu u muujiyay saaxiibkiis Philando Castile, kaasoo booliska St. Anthony ay dileen intii lagu guda jiray baaritaan gaari oo dhacay sanadkii 2016.

Waxaa intii lagu guda jiray maxkamaddii federaalka la shaaciyay in walaalkiis, Damarco Thompson, uu sidoo kale la socday gaariga xilligii shilku dhacay. Qareennada difaaca Derrick ayaa sheegay in dadaallo lagu raadinayay Damarco ay guuldareysteen. Ilaa hadda, Damarco laguma soo oogin wax dambi ah kiiskan.

Daawo: Maxaa laga filan karaa shirka mucaaradka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shir gaar ah oo ay leeyihiin xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka, kaas oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirweynahan ayaa la’isla qaatay, kadib markii ay habeen hore mucaaradka isugu tageen guriga Madaxweyne hore Sheekh Shariif, iyaga oo maanta ka hadlayo arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo amniga guud ee dalka.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali, sidoo kalena ah musharrax madaxweyne ayaa faah-faahin ka bixiyay shirkooda, wxuuuna sheegay inay uga wada-hadayaan sidii dalkan loo badbaadin lahaa, isla markaana madaxweyne Xasan Sheekh loogu sheegi lahaa inuu kusoo laabto xeyndaabka sharciga.

“Waxa aan ka hadleyno waxa ay tahay maamulka hadda jiro oo uu madaxweynaha ugu wayn yahay oo uu Ra’iisul wasaarihiisu ku xigo qaabka ay wax u wadaan oo ay rabaan waddanka inay doorasho uga dhacdo waa qaab waddanka uusan horay ugu sii socon karin” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali.

Cosoble ayaa ku eedeeyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha in dalka ay ku wadaan waddo khaldan, isla markaana ay tahay in laga hortago goor hore.

“Ujeedkeenna waxa weeye aan wada badbaadino dalkan aan isku imaano, madaxweynaha aan u nasteexeyno oo aan ula talino oo aan u sheegno waddadan inay tahay waddadii shalay ee uu isaga hortaagnaa oo uu diidanaay waayey yuu na qaadsiin ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta doorashada, isaga oo ku eedeeyay in Villa Soomaaliya ay waddo boob, taasina ay diidan yihiin.

“Doorasho qof iyo cod ah ayaa lagu dhowaaqayaa, laakiin xaqiiqda dhabta ah ay tahay doorasho la rabo in lagu shubto ama la boobo” ayuu yiri Cabdulqaadir Cosoble.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, waxaana la’isku hayaan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2026.

Xog: Shir xasaasi ah oo berri u furmaya mucaaradka iyo kala shaki xalay soo ifbaxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Murashaxiinta Mucaaradka ah ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu shir-weyn uga furmo magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ay isugu yimaadeen, iyagoo saacadihii lasoo dhaafay ku jiray kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah.

Shirweynaha berri mucaaradka Muqdisho uga furmaya waxay uga hadli doonaan xaaladda Soomaaliya ee siyaasadda, doorashada, dastuurka iyo amniga, iyadoo Villa Somalia ay diidan tahay shirkaan.

Xogaha laga helayo shirkii xalay ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ku yeesheen guriga Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa sheegaya in la isla qaatay in dib loo dhigo dhismaha Madal ama Isbaheysi ay ku midoobayaan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, sababta dib loogu dhigay dhismaha madashaas ayaa in uu jiro tuhun laga qabo xubnaha qaar oo weli u janjeera dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh oo haaya xukunka dalka.

Maalmaha soo socda waxaa jiri doona kulamo kale oo lagu balmay, kuwaas oo ku saabsan dhismaha isbaheysiga cusub iyo in mucaaradku iska dhex-doortaan hoggaamiye.

Sido kale, ilo wareedyada noo waramay waxay sheegeen in Mucaaradku ay si hordhac ah iskula qaateen in ay Afhayeen ka dhigtaan Cabdullaahi Sheekh Xasan, halka Maxamed Aadan Koofi ay ka dhigteen isku-duwaha Madasha (Coordinator).

Marka la eego sida ay ku bilaawdeen dhaqdhaqaaqyada mucaaradka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka muuqata in aysan diyaarsaneyn, tuhun dhaxdooda ah oo jira iyo in aysan ilaa hadda ka muuqan saameyntii laga filayay.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda qorsheyneysa inay la kulanto mucaaradka, kana tala-geliso waxyaabaha uu muranku ka taagan yahay, waxaana socota qiimeynta hanaankii loo qaban lahaa gogosha u uku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaas waxaa dheer, in xubnaha mucaaradka qaarkood ay Madaxweyne Xasan Sheekh la yeesheen kulamo qaarkood la qariyey, qaarna la shaaciyey, taasi oo qeyb ka ah kala shakiga mucaardka dhexdiisa ka taagan.

Sacuudiga oo war cusub ka soo saaray dhashada bisha Carafo

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay dhalatay bisha Dul-xajj ama Carafo oo kamid ah bilaha ugu kheyrka badan.

Qoraal ay baahisay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa lagu xaqiijiyey in berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Carafo ama Dul-Xajj.

Xujayda sanadkaan gudaneysa waajibka xajka ayaa maalinta Khamiista ah ee toddobaadka dambe oo ku beegan 4-ta bisha June istaagi doonta Banka Carafo.

Maalinta xigta ee Jimcaha ah oo ku beegan 5-ta bisha June ayaa noqonaysa maalinta 1-aad ee Ciidda Carafo.

Bishaan ayaa ka mid ah bilaha ugu kheyrka badan, waxayna inta badan muslimiintu soomaan maalinta koowaad ilaa maalinta Ciidda ee sagaalka bisha.

Sanadkaan in ka badan 11,000 (Kow iyo toban kun) oo xujey Soomaaliyeed ah ayaa nasiib u yeeshay inay soo xajiyaan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa daabulaysa xujeyda Soomaaliyeed ilaa 30-ka bishaan May oo maalmo kooban ay naga xigaan.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka dhaqaalaha ugu badan looga soo xajiyo, waxaana sanad kasta xaajiga Soomaaliyeed laga qaadaa lacag ka badan $5,000 (Shan kun oo dollar).

Hoos ka eeg bayaanka Sacuudiga

Wacdarihii ay galabta Stadium Muqdisho ka dhigeen halyeeyadii hore ee Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan ciyaareed xiisa badan oo Xidigaha Halyeeyadii hore ee Qaaradda Afrika oo Soomaaliya booqasho ku yimid ay la cayaareen Xidigaha halyeeyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa furay ciyaartaas, waxayna ku soo dhamaatay 8-4 ay ku badiyeen halyeeyada ka socda Qaaradda Afrika ee martida u ah Soomaaliya.

Halyeeyo caan ah ee kubadda cagta ugu magaca weyn Qaaradda Afrika ee kala ah Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Halyeeyadan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa xiriirka wanaagsan oo ay Soomaaliya la leedahay ururrada caalamiga ah ee ciyaaraha.

Safarkaan ayaa u jeedadiisa lagu sheegay qiimeyn caalami ah oo lagu sameynayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, in Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdishou u marti-gali karo ciyaaroy caalami ah iyo u heelanaanta bulshada ee dhanka Sports-ga.

Bulsho weynta magaalada Muqdisho ayaa galabta aad u camirtay Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, halkaas oo lagu qabtay kulankaan xiisaha leh.

Masuuliyiinta dowladda oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu hoggaaminayey ayaa goobjoog ahaa garoonka, intii ay ka socotay ciyaartaan oo Soomaaliya ay ku metelayeen halyeeyo caan ah.

Ciyaaryahanada caalamiga ah ee yimid Muqdisho waxaa wafdigooda qeyb ka ah madax ka socota FIFA iyo CAF, waxayna la kulmayaan madaxda ugu sareysa dalka, inta ay joogaan Muqdisho.

Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee XFS ayaa marti qaaday wafdigaan oo si heer sare ah oo loagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, waana markii ugu horeysay oo wafdi sare oo ka socda xiriirrada kubadda cagta adduunka iyo Afrika ay booqasho ku yimaadeen Soomaaliya.

Khayre oo soo saaray dalab culus oo ku socda madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Onlinle) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo qoraal soo saaray ayaa dalab culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la xiriirta doorashada dalka iyo diiwaan-gelinta ka socota Muqdisho.

Khayre ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka taagan degmada Kaxda, kadib markii xiisad culus ay ka dhalatay diiwaan-gelinta degmadaas oo la hoos geeyay Dharkenley, waxayna keentay in shacabka ay ka caroodaan, ayna dibadbax ka dhigaan qaybo ka mid ah Kaxda.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa cambaareeyay falkan, wuxuuna tilmaamay in caga jugleyn lagu hayo shacabka ku dhaqan degmadaasi.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falalka xadgudubka, cabsigalinta, iyo qafaalka ah ee Dowladdu ka waddo degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, si ay dowladdu shacabka degmada ugu qasabto in ay iska diiwaangeeliyaan doorashooyinka macmalka ah ee uu ku riyoonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay ” Cabsigalinta iyo qafaalka ka socda goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda waa isku-day gurracan oo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta, dhaqanka dowladnimada, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah. Waxaana ayaandarro ah in ciidamadii amniga loo adeegsanayo jajuubka, cabsigalinta, iyo qafaalka shacabka degmada Kaxda”.

Dhanka kale, Khayre ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u diray farriin culus, isaga oo ka dalbaday inuu ka laabto amar uu sheegay inuu bixiyay, laguna caburinayo shacabka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

“Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu degdeg uga laabto amarka uu bixiyay ee lagu caburinayo dadweynaha degmada Kaxda, kana joogsado doorashada aan heshiiska ahayn ee uu ku riyoonayo, taas oo halis ku ah midnimada, wadajirka ummadda, iyo xasilloonida dalka”” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Khayre.

Goo sii horeysay waxaa sidan oo kale arrinta degmada Kaxda iyo xiisadda ka dhalatay diiwaan-gelinta dadweynaha ka hadlay madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo weerar ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah”.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana dowladda federaalka iyo mucaaradka ay isku hayaan hannaanka loo wajahayo doorashada dalka.

Maamulka gobolka Banaadir oo jawaab culus siiyay mucaaradka + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa si kulul ugu jawaabay xubnaha mucaaradka, isaga oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan diiwaan-gelinta dadweynaha ee ka socoto Muqdisho.

Yabooh ayaa si weyn u difaacay qorshaha guddiga doorashada ee la xiriira diiwaan-gelinta ka socoto degmooyinka gobolka, isaga oo meesha ka saaray in lasoo qabso shacabka, kadib markii mucaaradka ay sheegeen in ciidamo loo adeegsanayo bulshada.

“Kuwa dhahaaya dadka waa lasoo qasbay waxaa leenahay dadka waa wacyigalinaa ayagaa imaada dad Banaadir anaga ayey masuuliyad naga saarantahay soo wada baxa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay wacyigelin oo kaliya u sameeyaan shacabka, uuna ujeedka yahay in laga gudbo doorashada dadbadan, si ay dadweynaha usoo doortaan hoggaankooda berri.

“Dalkan waxaa la rabaa in laga bixiyo farfar ku taag, waxaa laga rabaa in laga gudbo 4.5, waxaa la rabaa in laga baxo odayaal iyo maamul goboleedyo in laga gudbo” ayuu raaciyay.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid, Suleymaan Fargax oo ka hadlay arrintan ayaa difaacay qorshaha uu wado maamulka gobolka iyo diiwaangelinta doorashada.

“In shacabka mamulada kale markay galayan dorasho galayan in loo sacab tumo kuwa gobolka banaadirna laga horyimaado ma ahan wax an qaadan karno” ayuu yiri Fargax.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo saacadihii lasoo dhaafay ay xubnaha mucaaradka ay afka furteen, iyaga oo si gaar ah uga hadlay diiwaan-gelin laga bilaabay xarumo ay kamid yihiin jaamacadaha iyo degmada Kaxda, iyaga oo sheegay in dadka lasoo qabsay.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah”.

SHARIIF oo shaaciyay hab-dhaqan ay lasoo baxday DF kadib arrin soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus ku qaaday dowladda federaalka iyo guddiga qaran ee loo xilsaaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Shariif ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay hab-dhaqan cusub oo uu tilmaamay inay lasoo baxday dowladda, ayna isaga horkeeneyso shacabka deggan caasimada.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in meesha laga saaray degmooyin ku yaalla Muqdisho, sida Kaxda isla-markaana lagu tuntay xaquuqdii ay lahaayeen, maadaama ay yihiin canshuur bixiyeyaal.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd.

Sidoo kale wuxuu cambaareeyay in awood loo adeegsado shacabka Kaxda ee kasoo horjeedo diiwaan-gelinta ka socota degmadaas, xilli la hoos geeyay degmada Dharkenley.

“Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka hadlayay xaaladda ka taagan degmada Kaxda.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan mar walba garab taaganahay xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay”.

Ugu dambeyn wuxuu ka digay tallaabooyinka uu qaadayo guddiga doorashada, isaga oo ugu baaqay inay ka waantoobaan cadaadis uu sheegay inay ku hayaan shacabka caasimada.

“Waxaan dhinaca kale uga digayaa guddiga doorashooyinka lagu muransanyahay inay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda oo hadda ay muuqato in lagu qasbayo  hannnaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn” ayuu mar kale yiri Shariifka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo guddiga lagu eedeeyay in iyaga oo wata ciidamo ay shalay tageen xarumo ay ka mid yihiin jaamacado, kadibna ay ka bilaabeen diiwan-gelinta ardayda, si ay qayb uga noqdaan ololaha diiwaangelinta qof iyo cod ee ka socda Muqdisho.

Daawo: Ciyaartoy caalami ah oo kasoo dagay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray qaar kamid ah ciyaartoyda halyeeyada Kubadda Cagta ee Afrika iyo wafdi sare oo ka socda xiriirada kubadda cagta adduunka iyo Afrika, kuwaas oo kala ah FIFA iyo CAF.

Wafdigan culus iyo ciyaartoyda oo kala ah Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka ciyaaraha, hoggaanka sare ee xiriirka kubadda cagta iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Halyeeyadan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa xiriirka wanaagsan oo ay Soomaaliya la leedahay ururada caalamiga ah ee ciyaaraha.

Sidoo kale waxaa la filayaa in galabta ay dhacdo ciyaar aad u xiiso badan oo u dhaxeysa labo koox oo kala meteli doona ciyaartoyda fudaha dalka iyo kuwa ajaaniibta ah.

Kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda dalka waxaa ka soo muuqan doona qaar ka mid ah halyeeyada isboortiga dalka, halka kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda ajnaaniibta ay ka soo muuqan doonaan ciyaartoyda ajnabiga ah ee ka ciyaara dalka iyo kuwa martida ah  ee maanta soo gaaray magaalada Muqdiho.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Dahabo Suusow Maxamuud, ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed — muxaafid iyo mucaaradba — in ay si mideysan u soo xaadiraan garoonka Muqdisho Stadium, si ay u muujiyaan taageeradooda iyo soo dhoweyntooda wafdigan heerka caalami ah.

Sidoo kale, xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in kulankan uu yahay calaamad muujinaysa soo kabashada dalka, gaar ahaan dhinaca amniga. Waxay sidoo kale xuseen in ay tani tahay fursad lagu soo celinayo kalsoonida caalamiga ah ee ku aaddan qabashada tartamada heer caalami ee gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, wasaaradda ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa taageerayaasha daneenaya daawashada ciyaartaas xiisaha lagu ku wargelisay inay garoonka soo xaadiraan xili hore si ay kaga gudbaan habraacyada amniga.

Waxaa kale oo taageerayaasha lagu wargelinayay in ay muujiyaan daganaan iyo ilbaxnimo maadaama beri ay magaalada Muqdisho diri doonto farriin caalami ah oo ku aaddan isboortiga iyo amniga dalka.

Imaashaha wafdigan culus ayaa xambaarsan fariin muujinaysa taageero iyo dhiirrigelin loogu talagalay horumarka ciyaaraha dalka oo haatan maraya meel wanaagsan.

AL-SHABAAB oo mar kale cashar loogu dhigay duleedka…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo cashir loogu dhigay Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo gaystay khasaare xoogleh.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Burjeed oo dhowaan uu lagu laayay xubno badan oo ka tirsan Khawaarijta, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen hubka iyo rasaasta ay si waydaarsanayeen labada dhinac, balse aysan caddeyn karin khasaaraha inta uu la’egtay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in deegaanka Burjeedka laga helay qaar kamid ah maydadka xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaadeen, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka ee gobolka Baay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay hayeen xogta weerarka A-Shabaab, ayna ka hortageen, waxaana xaaladdu ay tahay mid deggan.

Goobihii lagu dagaalamay waxaa sidoo kale ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo haatan howlgallo culus ka wada halkaasi.

Bartamihii bishii April ee sanadkan ayay ahayd markii Al-Shabaab sidaan oo kale loogu laayay deegaanka Burjeedka ee maanta lagu dagaalamay, waxaana kadib maydadoodka la geeyay magaalada Baydhaba, halkaas oo xilligaas isugu tageen boqolaal dadweyne ah.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliso gobollada Baay iyo Bakool, waxaana inta badan ay go’doon gelisay degmooyinka gobolladaas oo ay xittaa ku jirto magaalada Baydhaba oo haatan ah xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka socda guluf ka dhan ah kooxda, waxaana culeyska uu saaran yahay deegaannada HirShabelle oo ay soo galeen Shabaabkii ugu badnaa.

Maxay hay’adda SoDMA ka tiri fadeexaddii Moqokori?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa beenisay in ay iyadu keentay daawooyin dhawaan lagu soo bandhigay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Hay’addu waxay sheegtay in gargaarkaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn dadaallada ay wado, isla markaana uu yahay mid si khaldan loogu eedeeyay.

Daawooyinkan ayaa markii hore la soo bandhigay 25-ka May 2025, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan uu sheegay in agabkaasi aanu dabooli karin baahiyaha daran ee ka jira deegaanka. Sidoo kale, maamulka Hirshabeelle ayaa ka muujiyay dareen niyad jab ah, isagoo tilmaamay in gargaarkaasi aanu ahayn mid laga filan karo hay’ad sida SoDMA oo kale ah.

Agaasimaha waaxda caafimaadka ee SoDMA, Cabdullahi Muuse Axmed (Fanax), ayaa ku dooday in daawooyinkaas aysan aheyn kuwii ay geysay hay’adda, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn waxyaabaha laga arkay baraha bulshada.

Fanax ayaa intaas ku daray in mas’uuliyadda arrintaas ay qaadayaan dadka soo bandhigay oo si khaldan ugu eedeeyay hay’adda waxaas been abuurka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waaxda caafimaadka ee hay’addu waxay xustay in ay diyaarisay shixnad daawooyin ah oo badan si loogu gurmado dadka deegaanka Moqokori, balse dhibaatooyinka la xiriira awoodda xamuulka diyaaradaha ay sababtay in hal tan oo kaliya la geeyo.

Sidoo kale, hay’adda SoDMA waxay soo bandhigtay liiska agabka caafimaad ee ay si gaar ah u geysay degmada Moqokori.

Hay’addu waxay sheegtay in agabkii laga arkay warbaahinta bulshada, oo ay ka mid ahaayeen faleembooyin, kaniiniyo, sharoobo muddo kooban uga harsan tahay in ay dhacdo, iyo kabaha ilaalinta darawallada mootooyinka, aysan wax xiriir ah la lahayn gargaarkooda.

Wararkii ugu dambeeyay ee howl-gallada dib loogu qabanayo Aadan Yabaal

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Waxaa socda dhaq-dhaqaaqyo militari oo ballaaran oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee ku sugan deegaannada hoos yimaada magaalada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal, gobolka Shabeellada Dhexe.

Howl-galladan ayaa ah kuwo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo la doonayo in degmada looga saarayo, iyo weliba deegaannada ay weli gacanta ku hayaan.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa booqday aagga Aadan Yabaal si ay u dhiirrigeliyaan ciidanka ku sugan halkaas. Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa gaaray furimaha hore, halkaas oo ay kala hadleen saraakiisha iyo ciidamada xaaladda dagaalka.

Warbixino muhiim ah oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa la siiyey saraakiisha sare, iyadoo diiradda la saaray sidii dagaalkaas loo dardargelin lahaa loona heli lahaa guulo muuqda.

Taliska sare ayaa dhankiisa dhiirrigelin u muujiyey ciidamada iyo shacabka deegaanka ee si wadajir ah ula dagaallamaya Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdiqaadir Cumar, ayaa sheegay in uu ku bogaadiyey ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka halganka naf-hurnimada leh ee ay ugu jiraan difaaca dalka. Wuxuu xusay in ay la dhacsan yihiin dadaalka ay wadaan si loo xaqiijiyo amniga loona ciribtiro cadowga.

Dadka deegaanka oo garab siinaya ciidamada dowladda ayaa door muuqda ka qaadanaya howl-galka, iyagoo muujinaya diyaar garow iyo wadashaqeyn. Tani waxay xoojineysaa isku duubnida shacabka iyo ciidamada, taasoo muhiim u ah guusha howl-gallada socda.

Magaalada Aadan Yabaal oo ay hadda ku sugan yihiin Al-Shabaab ayaa noqotay bartilmaameedka ugu weyn ee howl-gallada socda. Dowladda Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ayaa ku howlan ka saarista Al-Shabaab magaalada iyo soo celinta amniga guud ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Go’aanka Kenya: Somaliland oo la kulantay cawaaqibka xiriirkii ay la sameysay Taiwan

0

Nairobi (Caasimada Online) – Go’aankii ay Kenya ku hor istaagtay furitaanka Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Nairobi Isniintii ayaa kiciyay dood diblomaasiyadeed oo xiisad leh — balse saameyntiisu waxay aad uga baxsan tahay xadka Nairobi.

Marka hore, arrintu waxay u muuqatay mid farsamo oo kaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in xafladdii furitaanka oo loo qorsheeyay 27-ka May aanay haysan oggolaansho rasmi ah, sidaas darteedna aan la qaban karin.

“Maadaama aan munaasabadda la qorsheeyay ee 27-ka May 2025 oggolaansho rasmi ah laga haysan Wasaaraddan, isku dayga in xafiiskan loo aqoonsado xafiis diblomaasiyadeed ma laha sharciyad dowladeed oo Kenya ay aqbali karto, waana in aan la oggolaanin in ay qabsoonto,” ayaa lagu yiri warqadda Wasaaradda.

Wasaaraddu waxay mar kale ku celisay in Kenya ay si buuxda u aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah dowladda keliya ee sharci ahaan metesha Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa luqad waafaqsan xeerarka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.

Laakiin hadalkaas diblomaasiyadeed hoostiisa waxaa laga dheehan karaa farriin ka sii qoto dheer — mid ay dad badan aaminsan yihiin inaysan quseyn oo kaliya midnimada Soomaaliya, balse si gaar ah ugu wajahan xiriirka muranka dhalinaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan.

Aqoonsi cawaaqib yeeshay

Sanadkii 2020, Somaliland waxay si rasmi ah u shaacisay xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeelatay Taiwan, taasoo si toos ah uga hor imaneysay mabda’a hal-Shiinaha ee Beijing.

Maamulkii Somaliland ee markaas talada hayay wuxuu tallaabadan u arkayay muujin geesinimo leh oo ku saleysan is-maamul doon iyo diidmo lagu muujinayo laba-wajiilenimada caalamiga ah. Taageerayaasha Somaliland waxay ku tilmaameen iskaashi hal-abuur leh oo dhex maraya laba dhinac oo si diblomaasiyadeed uga go’doonsan beesha caalamka.

Laakiin dadka dhaliila arrintan waxay u arkeen tallaabo halis ku ah Somaliland. Iyadoo ka hor timid mowqifka midaysan ee Beijing ee ku saleysan hal-Shiinaha, Somaliland waxay si cad uga hortimid mid ka mid ah quwadaha ugu saameynta badan dunida. Abaalmarinta laga filayay — gargaar horumarineed oo kooban iyo taageero diblomaasiyadeed oo xaddidan — marna ma gaarsiisnayn khatarta laga filan karo in waddamada kale ay ku diidaan la macaamilka Somaliland.

Shan sano kadib, khasaaraha arrintaasi wadatay wuxuu noqday mid muuqda. Nidaamka diblomaasiyadeed ee Shiinaha uma dulqaato wax ka leexda mabda’a hal-Shiinaha, waxaana uu leeyahay awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo uu si xoog leh ugu adeegsan karo culeys saarid.

Inkasta oo Kenya ay sabab uga dhigtay arrimo hab-raac ah, falanqeeyayaal badan ayaa rumeysan in Shiinuhu si hoose u saaray cadaadis culus. Tani waxay qayb ka tahay ololaha ballaaran ee Beijing ku doonayso in lagu ciqaabo cid kasta oo sharciyeysa ama taageerta Taiwan.

Taasi micnaheedu ma aha in Somaliland aysan xaq u lahayn inay la macaamisho cid kasta oo ay dooneyso. Way leedahay. Laakiin, siyaasadda caalamiga ah xaqa keligii kuma filna. Xaaladaha awood qeybsiga, danaha quwadaha iyo xeeladaha diblomaasiyadeed ayaa inta badan ka miisaan culus mabaadi’da.

Somaliland oo wajahaysa tijaabo

Haddaba, halkan ayay Somaliland ku wajahaysaa tijaabadii ugu adkayd ee siyaasaddeeda arrimaha dibadda: Ma suurtagal baa in mabda’a iyo maslaxadda la is waafajiyo?

Xiriirka Taiwan wuxuu siiyay Somaliland astaan mabda’ oo cad, balse faa’iidooyinkiisu waxay ahaayeen kuwo xaddidan. Aqoonsi caalami ah lama helin, maalgashiguna aad buu u yaraa. Hadda oo waddamada gobolka ay noqdeen kuwo taxaddar badan muujinaya, Somaliland waxay wajahaysaa go’doon diblomaasiyadeed, xilli isbahaysiyada caalamiga ah ay noqdeen kuwo ku dhisan dano gaar ah iyo is-dhaafsi maslaxadeed.

Tani waxay dhalinaysaa su’aal adag oo ay tahay in si dhab ah loogu fiirsado: Ma la joogaa waqtigii Somaliland dib u qiimeyn lahayd istaraatiijiyaddeeda arrimaha dibadda?

Jawaabta arrintan sahal ma aha. Ka laabashada xiriirka Taiwan waxay keeni kartaa khatar siyaasadeed oo gudaha ah iyo dhaawac ku yimaada sumcadda Somaliland ee ah in ay tahay maamul madax-bannaan oo geesinimo leh, sida ay sheegato. Si kastaba ha ahaatee, indha la’aanta saameynta juqraafiyeed iyo cawaaqibka caalamiga ah ee ka dhashay go’aankaas waxay noqon kartaa mid si la mid ah u khatar badan.