26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Cabdi Wali Gaas oo garwaaqsaday hal arrin oo Puntland hoos u dhigay

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu waxbadan ka bedeli doono howlaha la xiriira shaqooyinka maamulka.

Hogaamiyaha ayaa sheegay inuu qirsan yahay in maamulka Puntland uu aad ugu fogaaday arrimaha ku aadan qabiilka oo uu sheegay in hoos u dhac buuran uu u keenay Siyaasada maamulka.

Gaas waxa uu sheegay inay qaadi doonaan talaabooyin ay ku yareen doonaan qabiilka, waxa uuna cadeeyay in dadka ku nool deegaanada maamulka ay si fog u aamineen qabyaalada iyo wixii la halmaala.

C/wali Gaas, waxa uu sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka iyo dagaalada ka dhaca deegaanada maamulka ay sabab u tahay qabiilka isla markaana xiligaan wixii ka dambeeya ay rajeynayaan in Puntland ay ka guudbto una gudubto hab deegaanka.

Waxa uu Gaas sheegay inay garwaaqsadeen in Puntland ay hoos uga sii dhacday halkii ay horay u taagneyd, waxa uuna cadeeyay in taa ay sabab u tahay dadka deegaanka oo kaalinta koowaad ka dhigay barnaamijka qabiilka.

”Puntland waxa ay go’aansatay inay ka gudubto waxyaabaha qabaliga ah, waxaan u gudbeynaa barnaamijka hab deegaanka, waayo waxaan eersaneynaa dhibaato uu noo geystay qabiilka”

Dhinaca kale, C/wali Gaas, ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay ka gudbaan waxyaabaha hoos u dhigay Puntland oo ay kamid tahay qabiilka, waxa uuna cadeeyay in wixii hadda ka danbeeya aysan ku shaqeyn doonin qabiilka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Maxay tahay faa’idada uu muftiga ugu weyn Sacuudiga sheegay inay Qatar ugu jirto go’doominta la saaray?

Makkah (Caasimadda Online) – Muftiga ugu sareeyo dalka Sacuudiga Sheekh Cabdulcasiis Bin Cabdullaahi Aala Shiikh ayaa sheegay inay dowladda Sacuudiga ay tahay dowlad ku taagan wadada toosan ee Islaamka, isagoo shacabka Sacuudiga ku sheegay inay yihiin kuwa kheyr laga buuxiyey.

Muftiga oo ka hadlayey go’aankii ugu dambeeyey oo ay qaaday dowladda Sacuudiga iyo dhawr dowladood oo kale kaasoo looga soo horjeedo Qatar ayuu ku sheegay inuu yahay go’aan dan ugu jirto muslimiinta oo dhan sidoo kalana wuxuu tilmaamay inay Qatar nafsad ahaanteeda faa’ido weyn ku qabi doonto.

Qatar ayuu ku sheegay inay tahay dowlad maalgeliso Argagixisada, arrintaas ay dhibaato ku tahay shacabka Qatar, loona baahan yahay in si deg deg wax looga qabto dhibaatada ay kala kulmi karaan taageritaanka argagixisada.

Wuxuu sheegay in go’aanka ay Sacuudiga qaadatay uu yahay mid ku dhisan xikmad iyo aragto dheer isla markaasna ay faa’ido badan ugu jirto Muslimiinta guud ahaan.

Sheekha ayaa carabka ku dhutay isagoo la hadlayey wargeyska Xayaat in u adeegaha Xaramka Boqor Salman Bin Cabdulcaziiz uu yahay siyaasi khibrad leh kuna soo dhex noolaa maamulka aabihiis iyo walaalihii oo boqortooyada soo maamuli jiray, wuxuuna tilmaamay inuu leeyahay aragti fog oo ku saleysan kheyr.

Ugu dambeyntii Sheekha ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay tahay dowlad ku taagan wadada saxda ah isla markaasna adeeg badan u qabato Islaamka, sidoo kalana wuxuu sheegay in Sacuudiga ay tahay meel amaan iyo nabadgalyo ah.

Jawaari oo Farmaajo uga digay hal arrin oo ku saabsan xiisada dalalka Khaliijka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo uga digay in DF ay ku biirto xiisadaha u dhexeeya wadamada Khaliijka.

Guddoomiye Jawaari ayaa qiray in meel xun uu maraayo khilaafka ka dhex taagan wadamada Khaliijka, waxa uuna Madaxweynaha Somalia ugu baaqay inuu ka fiirsado xiisada Khaliijka.

Jawaari waxa uu carab dhabay in Somalia ay ku jirto xaalad aysan u garaabi karin mid kamid ah dowladaha uu khilaafka u dhexeeyo, waxa uuna meesha ka saaray in Somalia xiligaani ay faa’iido ugu jirto kamid noqoshada dowladaha uu muranka Siyaasadeed u dhexeeyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Somalia ay la gudboon tahay inay mowqif adag ka istaagto dowladaha qaniga ah ee isku eryinaaya Siyaasadaha gaarka ah ee aan khuseyn Somalia.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay adag tahay in Somalia ay ku biirto xiisada, waxa uuna carab dhabay in dalalka ay xiisada u dhexeyso ay kamid yihiin kuwa ugu badan oo ay ku tiirsan tahay Somalia, marka la’eego deeqaha.

Sidoo kale, Jawaari waxa uu ka digay in DF ay ku kadsoomto dhambaalada kaga imaanaya dowladaha Sacuudiga iyo Qadar oo la rumeysan yahay in Somalia ay ku cadaadinayaan kamid noqoshada xiisada taagan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in dowlada Qadar iyo Sacuudiga ay wufuud kala duwan usoo dirayaan Somalia si looga dhaadhiciyo inay xiriirka u jarto midkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso Liiska Mashaariicdii Sacuudiga ay ka fullin laheyd Soomaaliya ee Qatar darteed u fashilmay

Riyad (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa dib u dhigtay mashaariic waaweyn oo ay Soomaaliya ka fullin rabtay sababo la xiriiro mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan Khilaafka dowladaha Khaliijka markii ay sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay.

Dowladda Sacuudiga ayaa cadaadis weyn ku saartay Soomaaliya sidii ay xiriirka ugu jari laheyd dalka Qatar, waxayna Dowladda Soomaaliya muujisay inaysan diyaar u aheyn xiriir loo jaro Dalka Qatar oo dano badan ay kala dhaxeyso.

Haddaba markii ay Soomaaliya go’aankaas qaadatay, dowladda Sacuudiga ayaa amar ku bixisay in si deg deg ah loo hakiyo mashaariicdii Soomaaliya laga fulin lahaa, taasoo dhibaato ku noqotay dowladda Farmaajo.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso liiska mashaariicda ay Sacuudiga ka fullin rabtay Soomaaliya ee u baaqday Qatar darteed:

  1. Dhismaha Garoon Diyaaradeed Caalami ah, kaasoo laga dhisi lahaa Duleedka Muqdisho
  2. Dhismaha Wado ilaa 230 KM oo aan la cayimin halka laga dhisi lahaa/
  3. Dhismaha xarun cusub oo Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo la doonayo in laga dhiso banaanka Muqdisho.
  4. Dib u howlgelinta Shirkadii Diyaaradaha Somali Airlines iyo diyaarado la siinayo Soomaaliya si howshaas dib loogu soo celiyo.
  5. Dhisme iyo dayactir ilaa 6 Dekadood oo ku kala yaal qeybaha kala duwan ee Soomaaliya.
  6. Mashaariic horumainta Beeraha iyo Xoolaha si sare loogu qaado wax soo saarka Soomaaliya.
  7. Mashaariic shaqo abuur oo aan tiro ahaan si rasmi ah loo cayimin.

 

Imaaraadka oo lacag xad dhaaf ah ku bixisay sidii loo ridi lahaa Erdogan iyo xaaladda oo meel xun gaartay

Ankara (Caasimada Online) –  Dowlada Imaraadka Carabta ayaa la ogaaday inay dowladda Turkiga u maleegeyso shirqool halis ah.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la ogaaday inay lacag gaareyso 3 Bilyan ku bixisay sidii loo ridi lahaa dowladda Rajeb Dayyib Erdogan sida ay hadda faafiyeen warkaan saxaafadda dalka Turkiga.

Mevlüt Çavuşoğlu oo ah wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay in Dowlad Carbeed ay 3 Bilyan ku bixisay sidii loo ridi lahaa Turkiga, iyadoo qeyb weyn ka qaadatay afgambigii la doonayey in sanadkii 2016 lagu rido madaxweyne Erdogan, Wasiirkana ma uusan magacabin dowladaas.

Waxaa arrintaan kashifay oo daaha ka qaaday Qoraa lagu magacaabo Mehmet Acet oo sheegay in dalka carbeed ee afgambigaas ka dambeeyey uu yahay Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sanidihii dambe bilowday saameyn ku yeelatay wadamo badan oo ka tirsan adduunka, waxayna isbiday awood dheeri ah oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
[email protected]

USA: Nin 2 qof oo Somali ah dhaawacay oo maxkamad ay ciqaab adag ku xukuntay: Video

Dinkytown (Caasimadda Online) – Anthony Sawina oo horay u xabadeeyay Somali gaari saarneyd dalka Mareykanka taasi oo keentay dhaawaca laba ayey maxkamad ku taalo magaalada Minnesota ku xukuntay 39 sano oo xarig ah.

Qaadiga Maxkamadda Federaalka ee degmada Dinkytown ayaa sheegay in ninkaasi uu dhalinyaradda Soomaaliyeed uu xabado ku furay xilli ay saarnaayeen gaari sidaa darteedna lagu xukumay eedeysanaha 39 sano oo xabsi ah.

Inkastoo uu cudur daartay hadana Maxkamadda waxaa ay Anthony Sawina oo 26 jir ah ku heshay in uu raggaas u xabadeeyay, islamarkaana uu ku kacay fal naceyb ku jiro.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa la sheegay in uu ka codsaday qaadiga maxkamada xabsi gaaraya 20 sano balse Qaadiga Maxkamada ayaa ku dhowaaqay xabsi laban lab ka badan midkii laga codsaday.

Kolkii maxkamada ku dhawaaqday xukunka waxaa uu ku qeyliyay “Adinka ayaa ah dambiilayaasha rasmiga ah, dadka wax waa dilaan, waxaana lagu xukumaa xukunno intan ka sanado yar, arrintan waa cadaalad darro..iyo erayo kale.”

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in falkaasi uu ahaa mid ku saleysan Islaam Naceyb. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay  Anthony Sawina in uu isku dayay in uu waxyeelo u geysto dad badan oo muslimiin ah.

Anthony Sawina ayaa qirtay in uu ka dambeeyay falkaasi ,balse uu is difaacayay isagoo sheegay in raga gaariga saarnaa ay wateen hub kana baqay in ay dilaan.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Hailemariam oo si aan laga fileynin u difaacay mowqifka Farmaajo ee xiisadda Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Dessalegn, ayaa difaacay go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay xiisada ka dhex aloosan dowladaha Sacuudiga iyo Qadar.

Hailemariam Dessalegn, ayaa sheegay in Somalia ay ku taageersan yihiin go’aanka ay dhex dhexaadka uga noqdeen xiisada, waxa uuna tilmaamay in Somalia aysan xiligaani ka bixi karin kamid noqoshada khilaafka Khaliijka.

Hailemariam Dessalegn, waxa uu sheegay in Somalia ay ku guda jirto xaalad hormarineed, waxa uuna cadeeyay inay ku talinayaan inay faraha kala baxaan Khilaafka ka dhexeeya wadamada wada dhashay.

”Ma haboona in Somalia ay fursadaheeda ku lumiso la kala safashada dowladaha Khaliijka, waxaan qabaa in Somalia ay ku saxan tahay mowqifka ay ka qaadatay xiisada” ayuu yiri Hailemariam Dessalegn.

Sidoo kale, Hailemariam Dessalegn ayaa sheegay in xitaa dowladiisa ay iska fogeysay dalab uga imaaday dowladaha Qadar iyo Sacuudiga.

Dhinaca kale, Hailemariam Dessalegn waxa uu sheegay in dowladiisa ay diiday kamid noqoshada xiisada carbeed, isagoo sabab ka dhigay inaanu boos uga banaaneyn dhexgalka labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nin Facebook-ga ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed (NNKH) oo dil toogasho lagu xukumay

Maxkamad ku taala dalka Pakistan ayaa dil ku xukuntay nin u dhashay dalkaasi oo lagu eedeyay in bartiisa Facebook-ga uu ku qoray waxyaabo ka dhan ah diinta Islaamka.

Ninkan oo lagu magacaabo Taimoor Raza ayaa aflagaadeeyay xaasaskii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaate iyo saxaabadiisa. Dacwad soo oogaha dalka Pakistan ayaa sheegay in uu rumesanyahay in tani ay tahay markii ugu horeysay xukun dil ah lagu rido kiis ka dhaca baraha bulshada.

Ra’iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ayaa isna ku tilmaamay waxyaaba ka dhanka ah diinta in ay yihiin dembi aan la isugu cudur daareyn.

Hase ahaate, kooxhaa u dooda xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay xukunkaan dilka ah, waxaana arrintani ilaa iyo hadda aanan ka hadlin Shirkada Facebook-ga.

Shirakda Facebook-ga ayaa bishii Maarso ee sannadkan sheegtay in dalka Pakistan ay u direyso khubaro, si loo wajaho walaaca dowladda Pakistan ee la xiriira waxyaabaha ka dhanka ah diinta Islaamka ee lagu daabaco baraha bulshada.

Balse shirakdu waxay intaasi ku dartay in ay ilaalineyso xuquuqda iyo waxyaabaha u gaarka ah macaamiisheeda.

Xigasho BBC

Mareykanka oo farriin ay Sacuudiga iyo xulafadooda ka naxeyn kasoo saaray go’doominta Qatar

Washington (Caasimada Online) – James Mattis oo ah xoghayaha difaaca dowladda Mareykanka ayaa go’doominta la saaray dowladda Qatar ku tilmaamay inay tahay mid halis ah oo loo baahan yahay in si deg deg ah loo xaliyo.

Mattis  ayaa Guddigga ciidamada hubeysan ee Baarlamaanka Mareykanka u gudbiyey inuu amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamdi uu go’doomintaan ka dhaxlay dhibaato badan isla markaasna ay Qatar diyaar u tahay inay wadada saxan kusoo laabato.

Wuxuu ugu baaqay dowladaha Sacuudiga iyo xulafeeda inay joojiyaan go’doomintaas isla markaasna wax kasta lagu dhameeyo wadahadal.

Xoghayaha ayaa arrintaan sheegay mar kuu ka jawaabayey su’aal uu waydiiyey Adam Smith oo ah xubin joogta ah oo kamid ah Dimuqraadiga taasoo aheyd inay Sacuudiga meel fiican kaga jirto ololaha la dagaalanka argagixisada.

Wuxuu Mattis tilmaamay in sidoo kala dowladda Qatar ay Mareykanka xulufo la tahay muddo badan isla markaasna ay halkaas ku leeyihiin saldhigga Militari ee ugu weyn Bariga Dhexe, wuxuuna tilmaamay inay kaalin weyn ka qaadatay la dagaalanka argagixisada.

Wariyaha Al-Jazeera ee Washington Maxamed Axmed ayaa sheegay inuu jahwareer ka jiro go’aanka Mareykanka ee ku aadan khilaafka Khaliijka, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay jirto dhibaato diblomasiyadeed oo xagga Marekanka ah iyadoo laga qiyaas qaadanayo arrinta uu jimcadii caddeeyey madaxweynaha Mareykanka Trump xilli uu sheegay in la joogo waqtigii ay Qatar joojin laheyd maalgelinta waxa uu ugu yeeray argagixisada.

Xoghayaha arrimaha Dibadda Mareykanka Rex W. Tillerson ayaa dhawaan sheegay in go’doominta Qatar ay tahay mid aan la aqbali karin, wuxuuna dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ugu baaqay inay khafiifiyaan go’doomintaas.

Hadalkaan kasoo yeeray xoghayaha difaaca dowladda Mareykanka Mattis ayaa dhabar jab ku noqon doono dowladaha Khaliijka ee xiriirka u jaray Qatar, Maadaama Mareykanka uu hadda doonayo in go’doomintaas lasoo gabagabeeyo.

Mareykanka ayaa la aaminsan yahay inuu yahay fikirka ka dambeeyey kacdoonka ka dhex dhashay dowladaha Khaliijka kadib markii uu kulanka kula qaatay dalka Sacuudiga markaas oo uu ka codsaday in xiriirka loo jaro.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Akhriso: Kheyre oo beesha caalamka ugu faanay hal arrin oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa beesha Caalamka ugu faanay hal arrin oo farxad gelisay sida uu kusoo qoray bartiisa Twitterka.

Xasan Cali Khaiye, oo ka qeyb-galay shirka Urur Gobolleedka IGAD, ayaa bartiisa Twitter ka kusoo qoray in caalamka uu u sheegay in nabad iyo hor-usocod uu ka jiro dalka Soomaaliya.

“Waxan bulshada caalamka u sheegay In Soomaaliya ay kujirto xaalad horusocod iyo abuurista Nabad iyo si loo helo Nolol”.

Mudane Xasan, ayaa markiisii ugu horreysay sanadkan ka qeyb-galay shir weynaha Urur-Gobolleed-ka IGAD ee ka furmay magaalladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha, ayaa magaalladda Addis Ababa kula kulmay Guddoomiyaha Urur gobolleedka IGAD ahna Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid ahaayeen xaaladda dalka Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa kaalin weyn oo muuqato ka qaatay shirka IGAD ee lagu soo gabagabeeyey dalka Itoobiya.

Qatar oo ogaatay awoodo u qarsanaa: Akhriso 7 waxyaabood oo ka dhashay go’doominta la saaray

Doxa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ogaatay awoodo u qaroosanaa tan iyo markii dowladaha Khaliijka ay saareen go’doomin dhinac kasta ah.

Dowladda Qatar ayaa ogaatay in wax soo saarka dalkeeda uu ku filan yahay baahida shacabkeeda kadib markii ay ku dhawaaqday ololo ahaa in la isticmaalo lana iibsado wax soo saarka dalkeeda.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso liiska waxyaabihii ka dhashay go’doominta la saaray dalkaas islaamka oo ay ka dambeyso dowladda Mareykanka:

  • Baaqa Hey’adaha Xuquuqul Insaanka: Tan iyo markii la saaray go’doominta waxaa soo batay cambaareynta ka imaaneyso hey’adaha xuquul insaanka, waxayna shegeeen inay arrintaan dhibaato ku tahay shacabka dowladaha Khaliijka.

  • Kumanaan Qoysas oo khaliijka kasoo jeedoo oo kala go’ay: Waxaa jiro niman kasoo jeedo Qatar oo qabo Haweyn kasoo jeedo Imaaraadka kuwaas oo hadda kala go’ay, sidoo kale waxaa jiro Haweyn Qatar kasoo jeedo oo u dhaxo niman Sacuudiyaan midaasna oo iyadana keentay in kala go’aan, waxaana dowladaha Khaliijka ka dhaxeysay cilaaqaad fiican oo xagga diinta Islaamka ah, waxayna arrintaan noqotay dhibaatada ugu weyn ee laga dhaxlay go’doominta la saaray Qatar, waxaana xusid mudan in dad 10 sano ku noolaa Imaaraadka oo weliba xaasas iyo caruur ku leh loo diiday inay qoyskooda la noolaadaan.

  • Qatar oo Wax soo saarkeeda ku filnaaday: Dowladda Qatar ayaa tan iyo markii la saaray go’doominta ku dhawaaqday ololo ay ugu magac dartay (Isticmaal wax soo saarka dalkaaga) kaasoo 100% ku filnaaday baahida shacabka Qatar, waxayna hadda ogaatay in wax soo saarkeeda uu dabooli karo baahiyadeda.

  • Sacuudiga oo soo saaray Liis: Dowladda Sacuudiga ayaa saartay liiska 59 isugu jiro shaqsiyaad iyo ururo laga leeyahay dalka Qatar oo ay ku tilmaamtay inay garab siiyaan argagixisada, waxayna arrintaan timaaday markii uu khilaafka dilaacay, taasoo loo arkay inay qeyb ka tahay cuna qabateynta Qatar la saaray.

  • Dhaqaalaha Qatar: Ganacsiga ay dowladda Qatar la leedahay adduunka ayaa lagu sheegay inuu awood ahaan gaarayo ilaa 89 Billion, waxayna arrintaan ka saaciday inay alaabo dhoofo isla markaasna ay soo dajisato, waxayna go’doominta la saaray noqotay mid daciif ah marka loo fiiriyo dhaqaalaha dibadda ay ku leedahay.

  • Taageerada Turkiga: Go’doominta la saaray Qatar ayaa keentay inay dowladda Turkiga gacanna ku taageerto Qatar midna ay ku sameyso dadaalo ay ku dooneyso in xal laga gaaro khilaafka Khaliijka, waxaana xusid mudan in Turkiga ay 12 saacadood gudahood  Qatar geysay alaab iyo raashin aad u badan oo ka dhigtay Qatar inaysan dareemin go’doomintaas.

  • Shaki galay midowga Khaliijka: Go’aanka ay qaateen dowladaha Sacuudiga,Imaaraadka iyo Bahreyn oo kamid ah dowladaha Khaliijka ayaa shaki weyn geliyey jiritaanka ururkaas, maadaama sharci aysan aheyn in dowladaha Khaliijka ay isku soo rogaan cunaqabateyn heerkaas gaarsiisan sida uu qabo heshiiskaa ururkaas, waxaana hadda Su’aal la iska waydiinayaan sida uu usii jiri karo.

Beesha Habar Adinle oo taageertay kalsoonidii lagala noqday Xildhibaanada ugu jiray labada aqal

Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaasha dhaqanka, cuqaasha, salaadiinta, aqoonyahanada, dhalinyarda, haweenka, iyo dhamaan qeybaha Kala duwan ee bulshada ayaa si aan ganbasho lahayn u ayiday war-saxaafadeedkii ee kol hore ee soo saareyn odayaasha Beesha Habar Adinle taasoo kalsoonida Kala noqdeyn Xildhibaanada ku matala labada aqal ee Dowladda Soomaaliya.

Tiro dad ah ayaa waxay aqbaleyn in kalsoonidii ey u Hayeen Xildhibaanadaasi kala noqdeyn iyagoo ku sababeeyay cadaalad darro iyo awood sheegasho dowladeed.

Beeshu waxay is dul-taagtay mar kale ineysan xuquuqdooda ku metelin, mas’uulna ugu ahayn heer federal iyo mid gobol ragaasi

 

Warkan kasoo baxay wasiirka ganacsiga Qatar kuma farxi doonaan xulufada Sacuudiga

Doha (Caasimada Online) – Wasiirka ganacsiga iyo dhaqaalaha Qatar ayaa sheegay in xanibaadda dalalka gacanka ay saareen dalkiisa uusan yeelan wax saameyn ah, sababtuna ay tahay Qatar oo markii horeba usii diyaar garowday dhacdo noocan oo kale ah.

Sheikh Ahmed bin Jassim Al Thani ayaa taleefishinka Aljazeera u sheegay in Qatar markii horeba ay isku diyaarisay dhacdo noocan oo kale ah, islamarkaana ay 12 saac gudahood ku xalisay markii ay xanibaadda ku dhaqaaqeen xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

“Waxaan bilownay inaan soo dhoofsano cunto, caano iyo badeecooyin kale, waxayna nooga imanayaan Turkiga” ayuu yiri.

“Wax walaac ah kama qabno inaan helno cuntada aas aasiga ah, waxaanse ku dadaaleynaa inaysan waxba iska beddelin nolosha dadka reer Qatar ee sida aad ah u sareysa” ayuu yiri wasiirka ganacsiga iyo dhaqaalaha Qatar Sheikh Ahmed bin Jassim Al Thani.

“Dhammaan badeecooyinka cir iyo badba way nooga imanayaan, wax walba sidooda ayey u socdaan” ayuu yiri.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain ayaa xiriirka diblomaasiyeed asbuuc ka hor u jaray Qatar, waxayna xanibeen dhammaan isu socodkii gaadiika cirka, dhulka iyo badda ee dalkaas kala dhaxeeyey, si ay u cunaqabateeyaan.

Hadalka kasoo yeeray wasiirka ganacsiga iyo dhaqaalaha Qatar Sheikh Ahmed bin Jassim Al Thani, ayaa astaan u ah sida Qatar isugu filan tahay, wuxuuna muujinayaa in xulufada Sacuudiga aysan weli ku guuleysan inay dalkaas cadaadiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
[email protected]

Xiisada Carabta: Masar oo qaaday tallaabo daan-daansi oo ka dhan ah Turkiga

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa qaaday tallaabo daandaansi ah oo ka dhan ah Turkiga kadib markii ay xanibtay website-yada dalka Turkiga ugu caansan in laga soo booqdo dalkeeda, xilli xiisadda dalalka Carabta ay kasii dareyso.

Website-yada laga mamnuucay ayaa waxaa ku jira website-ka wargeyska caanka ah ee Daily Sabah iyo website-yada kale ee Turk Press, Arab Turkey, Akhbar Turkiya iyo Akhbar al-Alam.

Website-ka Masar ee Mada Masr ayaa sheegay in tirada website-yada ay Masar xanibaadda saartay ay gaareyso illaa 54 oo laga aqristo akhbaaraad dhex dhexaad ah oo ku saabsan xiisadda ka dhex oogan dalalka gacanka carbeed.

Masar ayaa horey dalkeeda uga mamnuucday in laga booqdo website-yo ay ka mid yihiin Aljazeera, Huffington Post Arabic, iyo Al-Borsa, oo ah website qora arrimaha maaliyadda oo si aad ah loo booqdo.

Ilo-wareedyo amni oo Masaari ah ayaa sheegay in website-yadan loo xanibay ay ku xiran yihiin ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo taageero maaliyadeed ka hela dalka Qatar, inkasta oo arrintaas aysan jirin.

Tallaabadan cusub ee Masar ayaa muujineysa in xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ay si aad ah isugu dayayaan inay maamulaan qul-qulka akhbaaraadka dhex dhexaadka ah oo ay dhibsanayaan, si dadka Masaarida loogu shubo warar dacaayad ah oo ka dhan ah dalka Qatar.

Dadka arrimahan fallanqeeya ayaa tallaabada Masar ku macneeyey daandaansi ka dhan ah Turkiga, oo lagu tijaabinayo dulqaadka madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, oo la safan dadka iyo dowladda Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

 

Sawirro: Xaqiiqda ka jirta waddada bakaaraha iyo naadafad beenaadka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmahan waday olole nadaafadeed oo lagu nadiifinayo qaar ka mid ah jidadka Muqdisho, ama haddii aan kale si kale u dhigno “Lagu nadiifinayo jidadja nadiifka ah ee Muqdisho”

Waxaa baraha bulshada wareegayey sawirro muujinaya maamulka gobolka oo uu ugu horreeyo guddoomite Taabit Cabdi oo sita xaaqinno waa weyn oo xaaqaya jidad ka mid ah magaalada, taasi oo dad badan ay soo dhoweeyeen.

Hase yeeshee, goobaha ay nadiifinayaan iyo xaqiiqda ka jirta Muqdisho ayaa kala ah labo aad u kala fog. Sida ka muuqata Sawirrada hoos ku lifaaaqan, magaalada Muqdisho waxaa ku yeella goobo ayba adag tahay in xitaa la yiraahdo waxaa ka muuqda nadaafad darro, waayo ka weyn nadaafad darro, waa qashin qub. Weliba goobahan ayaa kuwo muhiim ah magaalada.

Ganacsatada ku ganacsata hareeraha wadada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Bakaaraha iyo Isgoyska Black Sea, ayaa qaati ka taagan Nadaafad daro, go’doon iyo xaalad caafimaad daro oo ay ku hayaan Biyo wasaq ah iyo qashin fara badan oo go’doomiyay Bartamaha laamiga Isku xira Black Sea iyo Isgoyska Bakaaraha, gaar ahaan halka loo yaqaan Cirtoogte iyo wadada sariiraha.

Ganacsatada waxa ay sheegayaan muddo badan in biyaha wasaqda ah halkaasi ay yaaleen, wadadana ay si toos ah u go’day, uusana jirin isku day ku aadan in la sameeyo wadadaasi haddii ay tahay Dowladda dhexe iyo Maamulka Gobolka banaadir.

Aadan Xasan Maxamed oo ganacsatada ka mid ah ayaa sheegay in maamulka gobolka ay ka doonayaan inay soo eegto wadada isku xirta Black Sea iyo Suuqa Bakaaraha oo ah wado muhiim ah, balse u go’an nadaafad daro iyo biyo dac ah oo halkaasi buuxa.

C/naasir Sheekh oo isagana ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay marka uu roobka da’o inay la kulmaan Khasaare, maadaama biyaha ay galaan guryahooda iyo goobahooda ganacsiga, mar kastana ay u qaylo dhaaminayaan dowladda Soomaaliya si arintan wax ay uga qabato, waxaana uu codsaday, maadaama laamiyada kale ee dalka qaar la dhisay oo ay ku jiraan kuwa aanan muhiim aheyn in wadadan la dhiso.

Marka aad aragtid muuqaalka wadada iskaba daa inaad ku ganacsatid, xitaa waxa aad ka xishoonaysa inaad martid, maadaama ay  isdhex yaalaan Biyo wasaq ah oo midabkooda isbedelay, qashin aad u fara badan, nadaafad daro tankeeda dhaaftay, xaaladahaasi oo isbiirsaday ayaa dhalin kara caafimaad daro soo food saarta dadka ka agdhaw wadada Cirtoogte gasha.

Ciise Axmed Wehliye oo waayo joog u ahaa 23-kii sano ee la soo dhaafay dhibaatada ka taagan wadada Isku xirta Isgoyska Bakaaraha iyo Black Sea, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan weli halkaasi eegin, marka la eego dowladihii tan ka horeeyay ay xoogaa la tacaali jireen wadada, balse masuuliyiintan cusub weli aysanba cagta saarin halkaasi iskaba daa inay wax ka qabtaan.

 

Hoos ka daawo goobaha ay nadiifiyaan maamulka gobolka Banaadir, iyo goobaha u baahan nadaafadda.

Goobaha dhabta ah ee u baahan in la nadiifiyo ee waddada bakaaraha

Yaab: Maxmud Cabas oo Yahuuda weydiistay arrin lagu dhibaateynayo shacabka Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabas ayaa weydiistay Israel inay korontada ka goyso magaalada Gaza, xilli uu dagaal siyaasadeed xooggan ku qaaday ururka Xamas ee u dagaalamaya xoreynta Falastiin iyo sidii looga adkaan lahaa Yahuudda qabsatay dhulka barakeysan.

Wasiir ka tirsan dowladda Israel ayaa sheegay in Israel ay yareyn doonto korontada ay siiso Gaza, kadib markii Cabas uu jaray lacagtii lagu bixin lahaa korontada, taasi oo xaaladda kusii xumeeneysaa dadka degan magaalada oo markii horeba heli jiray saacado kooban oo koronto ah.

Dadka labada milyan ah ee degan magaalada Gaza ayaa iminka hela kaliya afar saac oo koronto ah 24-kii saac. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isku day uu Cabas ku doonayo inuu xukunka uga tuuro kooxda Xamas oo maamusha Gaza, halka dowladdiisa ay ka maamusho Daanta Galbeed.

Kooxda Xamas ayaa ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan doonta haddii Israel ay u hoggaansanto dalabka Cabas oo ay korontada ka yareyso reer Falastiin.

Kulankii golaha wasiirada Yahuuda ayaa lagu go’aamiyey in waqtiga korontada laga dhimo 45 daqiiqo, sida ay baahisay warbaahinta Israel. Dadka degan Gaza ayaa iminka waxay koronto heli doonaan kaliya 3 saac oo ka mid ah 24-ka saac.

Qorshaha Cabas ayaa ah in dadka ay ku kacaan Xamas, si dowladdiisa ay awooda maamulka Gaza ugala wareegto kooxdan oo muddo maamuleysay magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Sawirro: Maxaa ka mid ahaa qodobada laga soo saaray shirka IGAD?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia lagu soo lagu soo afmeeray shir ay la haayeen Madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Shirka oo ay ku kulmeen madax farabadan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada adag ee ka taagan South Sudan.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo 24 ah oo ay isku raacen madaxdii ka qeyb gashay shirkaas, waxaana kamid ahaa:

1-In la qaado talaabo deg deg ah taas oo gurmad loogu sameynayo dadka ay saameeyeen dagaalada ee ku nool dalka Sudanta Koonfureed.

2-Baaq loo diray Kooxaha Mucaaradka taas oo ku aadan in ay qaataan xabad joojin rasmi ah islamarkaana ay u hoggaansamaan warkii ka soo baxay Madaxweynaha dalkaas.

3-In wadahadal dhab ah laga dhex furo dowlada iyo dhinacyada Mucaaradka.

4-In isbedel uu muujiyo Madaxweynaha South Sudan si looga gudbo xiisada taagan, ee aan xalkeeda la heyn.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo ah Madaxa IGAD ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in hoggaamiyeyaasha Suudaanta Koonfureed ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan dadka Shacabka ah.

Sidoo kale, Madaxdu waxa ay sheegen in ay muhim tahay in il gaar ah lagu hayo dhibaatada ka taagan Sudanta Koonfureed taas oo ay dhibaato ka soo gaarto dadka Shacabka ah ee dushooda lagu dagaalamay.

Geesta kale,Dhammaan Madaxdii Shirkii IGAD ka hadashay ayaa tilmaamay inaysan habooneyn in indhaha laga qarsado dhibaatada ay geysanayaan Mucaaradka.

Xog: Farmaajo oo ka mamnuucay safarada labada wasiir ee ugu socodka badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo uu hoos u dhac ku sameeyay Safarada Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad.

Madaxweynaha ayaa go’aankaasi qaatay kadib markii La-taliyayaashiisa ay u gudbiyeen dhaliilaha dhanka Safarada.

Madaxweynaha oo ka duulaya Safarada badan ee dowladiisa ayaa hoos u dhac ku sameeyay Safarada Wasiir Garaad iyo dhowr Wasiir oo kale oo uu kamid yahay Wasiirka Amniga.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada ku amray inay yareeyan Safarada xad dhaafka ah, waxa uuna taa bedelkeeda usoo jeediyay inay ku mashquulan howlahooda gudaha, iyadoo la raacaayo ballanqaadka ay DF u sameysay shacabka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ayaa sii wadankara Safaradiisa balse waxaa la faray inuu xakameeyo tirada badan.

Wasiirka Amniga XF ayaa sidoo kale laga mamnuucay Seddex meelood hal meel Safarada uu ku gaari jiray dalka dibaddiisa, waxaana xusid mudan inuu yahay Wasiirka ugu safarka badan.

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha dalka uu horay u ballanqaaday inuu yaraan doono Safarada ay gali doonto dowladiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kuwait oo ka digtay cawaaqib xumo ka dhalan doonta dhibka lagu hayo Qatar

Kuwait  (Caasimada Online) – Amirka dowladda Kuwait ayaa ku dhawaaqay inay waajib tahay dhex dhexaadinta dowladaha Khaliijka ee xurgufta ka dhex bilaabatay isagoo ka dhawaajiyey inay arrintaan ka dhallan doonto cawaaqib xumo aan la mahdin.

Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah oo wareysi siiyey wakaaladda Wararka ee dalka Kuwait ayaa tilmaamay inay dhibaato weyn ku tahay inuu arko dowladaha xubnaha ka ah Khaliijka oo kala qeybsan.

Wuxuu tilmaamay inuu 37 sano ka hor xaadir ahaa markii lagu dhawaaqayey midowga dowladaha Khaliijka, maantana wuxuu sheegay inaysan macquul u aheyn inuu arko xubnaha dowladahaas oo kala qeybsan, taasoo uu qabo inay ka dhallan karto dhibaato aan la jeclaan doonin.

“ 37 sano ka hor ayaa la dhisay midowga dowladaha Khaliijka, in la arko xubnaha dowladahaas oo is khilaafksan waxaa ka dhallan karto dhibaato weyn” ayuu yiri  Sheikh Sabah .

“ Waa noolaa bilowgii dhisitaanka midowga dowladaha Khaliijka, waana sababta igu kalifeyso inaanan ka aamusin khilaafka, isla markaasna aan dib u heshiisiin ugu baaqo walaalaha is dagaalsan, waa waajib kamana aamusi karo” ayuu yiri amiirka

“ Si kasta oo ay dadaalada u adkaadaan, waxaan bixin doonaa dadaalkeyga ugu weyn sidii loo heshiisiin lahaa walaalaha xurgufta ka dhaxeyso” ayuu sii raaciyey.

Sheikh Sabah oo 87 sano jir ah ayaa asbuucii hore booqday Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar isagoo raadinayey in si diblomaasiyeed loo xaliyo khilaafkaan.

Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo ah wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay inay iyaga weli ku qanacsan yihiin dadaalka ay wado dowladda Kuwait isla markaasna ay ku qanci doonaan natiijo kasta oo kasoo baxdo.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
[email protected]

Sidee ayuu Shariif Xasan u arkaa heshiiska uu la galay shirkada DP World?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay heshiisyo hordhac ah uu la galay Madaxda Shirkadda Dakadaha Dubai ee DP World.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in maamulkiisa uu aad uga fekeraayo sida dhaqaale looga soo saari lahaa Dekadaha maamulka ee aan iminka shaqeyn.

Shariif Xasan waxa uu tilmaamay in madaxda Shirkada DP World, ay kala hadleen sida ugu muhiimsan ee lagu dayactiri lahaa Dekadda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Waxa uu sheegay inay isku raaceen in marka hore la qiimeeyo Dekadda iyo dhaqaalaha ku bixikara, iyadoo intaa kadib lagu sameyn doono dib u dhis.

”Waxaan ku heshiinay in wax laga bedelo qaabka Dekkada, Maamulka Shirkada waxa ay naga aqbaleen inay qiimeeyan Dekadda kadibna ay la wareegan iyadoo la maraayo sharciga”

Shariif Xasan waxa uu sidoo kale bogaadiyay qaabka uu u dhacay heshiiska, waxa uuna ballanqaaday inay ka faa’iideysan doonaan fursadaha horyaal.

Shirkada DP World, ayaa horay ula wareegtay Dakada Magaalada Berbera ee Somaliland, Dakadda Boosaaso ee Puntland, iminkana waxaa miiska saaran tan Baraawe.

Shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa fadhigeeda wuxuu yahay dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]